Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,174
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa soo saaaray maydka Alle Haw Naxariistee wiil ku dhintay dhaam ku yaalla duleedka Koonfureed ee magaalada Hargeysa. Alle Haw Naxariistee wiil 23 Jir ah oo lagu magacaabo marxuum Cali Carab Aadan ayaa ku dhintay Balli ku yaalla magaalada Hargeysa duleedka koonfureed ee Masalaha caasimada Hargeysa gaar ahaan balliga lagu magacaabo Balliga Xariir. Ehelada marxuumkaas ayaa ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa 9:09 am ku soo wargeliyay balse waxay ciidanka u soo sheegeen wakhti dambe waxaanay soo dalbadeen in Maydka laga soo saaro Balliga, kadibna Ciidanku wuxuu degdeg ugu baxay goobtaas,baadigoobna u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku dhagtay ku raadjoogeen Inay helaan isla markaana ku dhib muteen soo saaristiisa. Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Hargeysa ku guuleysteen Balligana ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista. Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastabana shacbiweynaha Somaliland ku adkaynayaa In ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta. Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo. Source
  2. (SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dowladda Kenya kaddib wada hadal midha dhal ah oo ay yeesheen madaxda labada dal. Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda xilgaadhsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in dowladda Federaalka ay dib u soo celisay xidhiidhkii kala dhexeeyay dowladda Kenya, isla markaana heshiis la gaadhay. Waxaa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta in xidhiidhka labada lasoo celiyay, iyadoo la ilaalinayo danaha deris wanaaga iyo xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee labada dal hore uga dhexeeyay. “Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xidhiidhka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha” ayuu yidhi Al-cadaala. Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in Madaxweynayaasha labada dal ay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintaan. Kenya ayaa markii horeba sheegeysay in xidhiidhka uu dhankeeeda caadi ka ahaa, dhowr jeer oo Dowlado iyo diblomaasiyiin ay arrintan kala hadleen u sheegtay in Soomaaliya soo celiso xidhiidhka. Arrintaan ayaa ka dambeysay, kaddib saacado un kaddib markii Ergeyga Qatar ee Wasaaradda Arrimah Dibadda Qatar uu booqasho ku tagay Nairobi, lana kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isagoo gaadhsiiyay farriin uu ka siday Amiirka Qatar. Source
  3. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Kenya, ka dib wadahadal mira dhal ah oo ay yeesheen madaxda labada dal. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in iyada oo la ilaalinayo deris wanaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal la gaaray go’aankan. Dhanka kale warmurtiyeed wadajir ah oo ka soo baxay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu yiri “Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha” “Madaxweynayaasha labada dal waxay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintan” ayaa lagu sii yiri warmurtiyeedka wadajirka ah. Dowladda Soomaaliya ayaa 15-kii December 2020 ku dhawaaqday in ay xiriirka diblamaasiyadeed u jartay Kenya, ka dib xiisad labada dal u dhaxeysay oo muddo soo jiitamaysay. Khilaafka waxaa xuddun u ahaa muranka dhanka badda ee u dhaxeeya labada dal oo kiiska dacwadda ay gacanta ku hayso Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya appeared first on Puntland Post.
  4. Somalia said on Thursday it was restoring diplomatic ties with neighbouring Kenya after it cut relations in December accusing Nairobi of meddling in politics. read more Source: Hiiraan Online
  5. Somalia said on Thursday it was restoring diplomatic ties with neighbouring Kenya after it cut relations in December accusing Nairobi of meddling in politics. Source: Hiiraan Online
  6. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u soo celisay xiriirka diblomaansiyadeed ee kala dhaxeyaya dowladda Kenya . Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalada oo shir jaraa’id warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib u soo celisay xiriirkeedii kala dhaxeeyay Kenya . Al-cadaala ayaa sidoo kale sheegay in soo celinta xiriirka labada dal ay gacan ka geystay dowladda Qatar oo si aad ah Xukunka Farmaajo u taageerto “Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa iyada oo la ilaalinayo golaha deris wanaagga ku dhawaaqeysa in dib u soo celisay xiriirkii diblomaansiyadeed ee ay lala heyd Jamhuuriyadda Kenya” . Al-cadaala ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray “Madaxweeynayaasha labada Dal waxa ay Amiirka dalka Qatar uga abaal hayaan ugana mahad celinayaan dadaalka uu ka geystay arintaan . ” Soo celinta xiriirta Soomaaliya iyo Kenaya ayaa lala xiriirinayaa booqashada ergayga Qatar Mudhlaq uu ku tagay labada dal isaga oo arkay Farmaajo iyo Uhuru Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dib usoo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee Kenya, oo ay hore u jartay kadib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan oo ku qotomay faro-gelin ay dowladda federaalka ku eedeysay Kenya. Sii-hayaha Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u aqriyay war-murtiyeed uu sheegay inay si wada-jir ah usoo saareen dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo lagu gaaray ilaalinta daris wanaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal. Al-Caddaala ayaa sheegay in war-murtiyeedka wada-jirka ah ee dib usoo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya lasoo saaray, kadib markii ay labada dhinac ku heshiiyeen ilaalinta danaha labada dal iyo ka fogaanshaha waxkasta oo keenaya faro-gelin gudaha ah. “Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyada oo la ilaalinayo danaha deris wadaaga ah waxay ku dhawaaqeysa in dib loo soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee la laheyd jamhuuriyada Kenya, dowladda jamhuuriyada Kenya waxay soo dhaweynaysa tallaabadaan lagu ilaalinayo danaha deris wadaaga ah ee labada dal,” ayuu yiri. “Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyada oo lagu saleynayo mabaa’dida is-ixtiraamka ee madax-baananida iyo midnimada dhuleed, faro-gelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinaanta, wax-wada-qabsiga iyo nabad ku wada noolanshaha.” Soo celinta xiriirkan ayaa waxaa ka shaqeeyay dowladda Qatar oo dhowaan ergey gaar ah, Dr. Mutlaq Al-Qahtani usoo dirtay magaalada Muqdisho, oo uu wada-hadal kula yeeshay madaxda dowladda federaalka, isaga oo maanta-na Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Sidoo kale, labo maalin ka hor unbay aheyd markii uu Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani uu khadka taleefonka wada-hadal kula yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Qatar ayaad u dooneysa heshiis dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya, oo laga gaaro muranka badda Soomaaliya, sababtoo ah, dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ayaa waxaa qandaraas shidaal baaris ah ku haysta shirkadda ENI ee Talyaaniga oo Qatar ay saami ku leedahay. The post Soomaaliya iyo Kenya oo dib usoo celiyey xiriirkooda kadib cadaadis ay Qatar saartay DF appeared first on Caasimada Online.
  8. Dalalka la isku dhaho G7 oo shir yeeshay ayaan ka hadlay xaaladaha dalal badan oo ay Soomaaliya ku jirto. Dalalkan Canada, France, Germany, Italy, Japan, the UK iyo Mareykanka ayaa walaac ka muujiyey xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dagaalladii ka dhashay muddo kordhinta ay sameysteen baarlamaanka iyo Farmaajo iyaga oo sheegay iney saameyn ku yeelatay xaaladda banii’aadnimo, keentana wiiqidda kalsoonida lagu qabay hoggaanka Soomaalida, khatarna gelisay xasiloonida iyo Mustaqbalka Soomaaliya. Dalalkan ayaa soo dhoweeyey go’aanka baarlamaanka ee 1-da May ee lagu soo nooleeyey heshiiska doorashada September 17 iyaga oo ku celiyey iney kasoo horjeedaan muddo kordhinta iyo doorashooyin hal dhinac ah ama isbarbar socda. Qoraalka G7 waxaa lagu booriyey dadaalada Midowga Afrika ee uu ergay gaar ah ugu magacaabayo iyaga oo intaas raaciyey iney taageerayaan. Waxaa ay G7 ugu baaqdeen hoggaanka Soomaalida iney qaataan mas’uuliyadooda, si degdeg ahna ugu laabtaan miiska wada hadalka isla markaana ay galaan wada hadal wax dhisaya, oo keeni kara xal siyasaadeed iyo in la gaaro heshiis wada ogol ah khilaafaadka jira. Ugu dambeyntii, G7 waxaa ay ku goodiyeen in guuldarro ku tilaamada arrimaha ay soo xuseen ay keeneyso in beesha caalamka ay badasho sida ay ula dhaqanto Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xubin ka tirsan xisbiga DAN-QARAN oo uu hogaamiyo Musharax Daahir Geelle lagu dhex dilay gurigiisa oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Qoraal kasoo baxay xisbiga Musharax Daahir Geelle ayaa waxaa lagu sheegay in dabley hubeysan ay dishay Aweys Cumar Salaad oo sidoo kale ka tirsanaa Saraakiisha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, islamarkaana kamid ahaa xubnaha xisbiga ee Muqdisho. Musharax Daahir Geelle ayaa dhamaan qoyska iyo xubnaha xisbiga uga tacsiyadeeyay geerida marxuum Aweys Cumar Salaad allaha u naxariiste. “Guddoomoyaha Xisbiga Dan-Qaran danjire Dahir Mohamud Gelle iyo xubnaha xisbiga waxay murugada la qabsanayaan una tacsiyeynayaan qoyska iyo xubnaha Xisbiga geerida ku timid Allaha u naxariistee marxuum Aweys Sheekh Cumar Salaad oo ka tirsanaa xubnaha xisbiga Dan-Qaran ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyada dilkaan, waxaana weerarada iyo dilalka noocan ah inta badan fuliya dagaal-yahanada Shabaab oo beegsi xoog leh ku haya Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha dowladda. The post Sarkaal ka tirsanaa mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka oo Muqdisho lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
  10. Wadamada G7 oo ka Hadlay Qalalaasaha Siyaasadeed ee Somalia Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee G7 Wasiiradda Horumarinta iyo Arrimaha Dibadda ee dalalka G7 ayaa sheegay inay si aad ah ugu walaacsanyihiin jahaweeerka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, isku dhacyadii rabshadaha watay ee u dhexeeyay dowladda iyo xooggaga mucaaradka iyo musiibooyinkii bini’aadanimo ee ka dhashay rabshadahaas. Dowladaha G7 ayaa sheegay inay sidoo kale ka xumaadeen go’aankii lagu kordhiyay muddada Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo ay ku sheegeen inay u arkayeen inaysan xal u aheyn geeddi socodka doorashooyinka, isla markaana ay wiiqeysay kalsoonida, nabadda, mustaqbalka dadka iyo horumarka hay’adaha dowliga ah. “Waxaan soo dhaweyneynaa ansixintii Baarlamaanka ee 1-dii March ee aheyd db u billaabista wadahadallada u dhexeeya dowladda Federalka iyo madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in la dhameystiro hannaanka doorashada ee ku saleysan heshiiskii 17-kii September” ayaa lagu yiri bayaan Arbacadii ka soo baxay shirkii waddamada G7 ee ka dhacay London. “Waxaan hoosta ka xarriiqeynaa in aynaan taageeri doonin geeddi-socod babar-socod ah, mid aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo horseedaya kordhinta muddo xileedkii hore. Waxaan ku boorinaynaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan, waana muhiim in dhammaan dhinacyadu ay ilaaliyaan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan. Bayaankan ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay si degdeg ah ugu laabtaan wadahadallada doorashada, isla markaana ay galaan dood wax ku ool ah, ayna raadiyaan xal wax tar leh oo horseedi kara heshiis guud oo laga gaaro arrimaha harsan. “Haddii ayna taasi dhicin, waxay horseedi doontaa in bulshada caalamku wax ka bedesho qaabka ay u wajaheyso Soomaaliya” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warmurtiyeedka ka soo baxay shirkii Wasiiradda Arrimaha Dibada ee dalalka ku bahoobay G7, kaas oo dhinaca kale soo dhaweysay Egayga Gaarka ah ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa, iyagoo sheegay inay taagerayaan dadaallada xal u helista arrimaha Soomaaliya. Ururka G7 ee awoodda warshadaha iyo dhaqaalaha ayaa ka kooban dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, Ingiriiska iyo Mareykanka. Qaran News
  11. Wiil Soomaali ah oo lagu dilay gobolka Minnesota Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi oo ahaa wiil tagsiile ah ayaa Arbacadii shalay aheyd lagu toogtay magaalada Moorhead ee gobolka Minnesota, sida ay xaqiijiyeen booliska magaaladaas. Dilka C/llaahi ayaa loo soo qabtay Willie Sparkman oo ah 18-jir, wuxuuna ku eedeysanyahay dillka darajada labaad oo ah mid aan ula kac aheyn, maadaama Sparman qurshihiisa kowaadd uu ahaa inuu dhac iyo baarasho u geysto marxuumka oo ahaa 24-jir sida ay sheegeen Booliska magaalada Moorhad. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay eedeysane Sparman ku raad-joogeen kakor inta aanu dilin C/llaahi, maadaama uu dhac ka geysta laba goobood oo kala duwan labadii habeen ee la soo dhaafay. C/llaahi Maxamed ayaa noqonaya Soomaaligii labaad oo muddo toban cishe gudahood ah lagu dilay gobolka Minnesota, waxaana todobaadkii hore ay tuugo hubeysan ku dhex toogteenn xawaaladda Taaj ee xaafadda Cedar ee magaalada Minneapolis wiil la dhihi jiray Liibaan Cusman Baqarre Qaran News
  12. Villagers affected by floods in Middle Shabelle. Jowhar ( PP News Desk) — Reports from Jowhar, the administrative capital of Hirshabelle, indicate that Shabelle River flooding has effected two villages — Baarey and Moyko. People displaced by floods have arrived in Jowhar. In less than a year river floods cut Jowhar off from Bal’ad district twice as the main road linking the two districts turned into a mini-lake. Surrounded by water: Villagers stranded on a mound. Floods also damaged an agricultural land in Middle Shabelle. Districts through which Shebelle River meanders have no flood defences, a situation that compounds the impact of seasonal floods on the local economy. Last year boats have ferried people between Bal’ad and Jowhar after floods made the main road impassabe. Hirshabelle authorities are planning to visit Moyko and Baarey. © Puntland Post, 2021 The post Shabelle River Flooding Affect Jowhar Villages appeared first on Puntland Post.
  13. Kornayl Dolaal oo Xabsiga laga sii daayey Kornayl Jaamac Maxamuud Aadan Doolal ayaa maanta xabsiga Hargeysa laga sii daayey kadib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi cafis u fidiyey. Kornayl Doolal ayaa ay dhawaan maxkamada Ciidamada S/land ku xukuntay 2 sanno oo xadhig ah ka dib markii lagu eedeeyay Khiyaamo qaran. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yusuf Al-Caddaala ayaa faah-faahin dheeriya ka bixiyay heshiiska shalay lagu gaaray magaalada Muqdisho ee lagu soo afmeeray qalalaasihii ka dhashay mudo kororsigii Farmaajo. Al-Caddaala ayaa sheegay in marka ay ciidamada Badaabdo Qaran ka baxaan magaalada Muqdisho ay ciidamada dowladda si toos ah ula wareegi doonaan amniga caasimada, islamarkaana la guddo galo arrimaha doorashooyinka. Hase yeeshee, ra’iisul wasaare Rooble ayaa shalay sheegay in xukuumadda ay waddo qorshe ay kusoo dhiseyo ciidamo khaas ah oo fuliya amniga dooarshada, kuwaasi oo loo wada dhan yahay dhex-dhexaadna ah, oo u mideysan yihiin dhinacyada. Ra’iisul wasaaraha ayaa uu intaas ku daray inay ciidankaasi ku shaqayn doonaan xayndaabka sharci uuna dhisiddooda kala tashan doono dhammaan saamileyda siyaasadda dalka. Dhinaca kale, Al-Caddaala ayaa sheegay in heshiiska ciidanka Badbaado Qaran looga saaray Muqdisho ay kasoo shaqeeyen guddigii uu dhawaan magaacabay ra’iisal wasaare Rooble, oo isugu jiray xubno taabacsan mucaaridka iyo dowladda oo loo xil-saartay “Guddiga ayaa soo diyaariyey warbixintooda kadibna waxaa kulmay ra’iisal wasaare Rooble, Midowga Musharaxiinta iyo madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle ayaa wada kulmay si loo shaaciyo natiijada waxyaabihii ay soo saareen guddiga,” ayuu yiri. Waxa uu hoosta ka xariiqay in heshiiskaas ujeedkiisa u weyn uu ahaa “sidii dib loogu soo celiyo degenaanta xaalada amni ee caasimada,” maadama ay muddooyinkii dambe ciidamo kasoo horjeeda muddo kororsigii fashilmay ay dhufeyso hor leh ka qoteen degmooyin kamid ah magaalada Muqdisho. “Waxa uu nuxurka ahaa in ciidamadii magaalada soo galay dib loogu celiyo xeryahooda, sidii ay ciidamada booliska gacantooda keliya ugu jiri laheyd amniga magaalada Muqdisho.” Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in qoddobada ugu cawaaqibta culus ee heshiiska uu kamid yahay in in dhinacyada iska soo horjeeda aysan Ciidamada Qalabka u adeegsan arrimo siyaasadeed, ayna fara-gelin ku sameyn. Hoos ka dhageyo wareysiga Al-Cadaala ee VOA https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/05/dc0b5ef7-cd01-43ce-b56b-0dec4269ede8_48k.mp3 The post Qorshaha DF Soomaaliya ee marka ciidamada Badbaado Qaran laga saaro Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  15. (SLT-Hargeysa)-Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Marwo Kate Foster ayaa kulamo ay la qaadatay Madaxweyne Biixi, madaxda Mucaaradka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka kadib si kooban uga hadashay musharraxiinta ay xidhay xukumadda Somaliland. Waxa ay sheegtay in ay soo dhawaynayso dawladda oo muujisay in ay ka go’an tahay xal degdeg ah oo laga gaadho arrinta Musharraxiinta, islamarkaana dhakhso loo abuuro jawi macquul ah oo ay ku qabsoonto doorashada 31-ka bishan ka qabsoomaysa Somaliland ee Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka. Madaxda xisbiyada mucaaradka ayaa maalmihii u dambeeyay walaac ka muujiyay xadhigga Musharraxiinta oo ay sheegeen in ay mugdi galinayso hufnaanta natiijada doorashada. Source
  16. (SLT-Qaza)-Afhayeenka Madaxtooyada Falastiin Nabil Abu Rudeineh ayaa cambaareeyay dilka wiil dhalinyaro ah oo ciidamada Israa’iil ay ku dileen waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto. Afhayenka ayaa sheegay in Dowlada Israa’iil ay sii wadaan barakicin iyo xasuuq ay ku hayaan dadka Falastiiniyiinta, wuxuuna ka codsaday beesha caalamka iyo hay’adaheeda inay ilaalin caalami ah siiyaan dadka reer Falastiin. Saciid Yusef Odeh oo 16-sano jir ah ayaa lagu dilay deeegaanka Odla ee Nablus ka dib markii uu iska horimaad la galay ciidanka Israa’iil. Dilka wiilkaasi ayaa dhacay xilli ciidamada Israa’iil la tilmaamay in ay raadinayeen nin Falastiin ah oo maalinimadii Axadda dhaawacay 3-ka tirsan ciidamada dalkaasi. Source
  17. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa xarunta madatooyada Puntland kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland . Kulanka Deni iyo Guy Griffin Madaxda xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland ayaa looga hadlay xaaladda dalka si gaar ah arrimaha doorashooyinka dalka . Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka Guy Griffin iyo Deni sidoo kale qeyb ka ahaa Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland. Source: goobjoog.com
  18. Washington (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sheegay in dowladdiisa ay ugu yeertay magaalada Washington, si uu warbixin uga siiyo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka. Yamamoto ayaa hadalkan ka sheegay kulankii shalay ee beesha caalamka iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna sheegay inuu si qoto dheer uga warrami doono xaaladda cakiran iyo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashada. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladdiisa uu u bandhigi doono magacyada siyaasiyiinta Soomaalida ah ee diidan doorashada ama ka caga-jiidaya. Danjiraha Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida in aysan ku mashquulin siyaasadda, isla-markaana ay eegayaan bad-baadada dalka iyo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee weli ka socda gudaha dalka Soomaaliya. “Mareykanka wuxuu wali wadaa howlgalada milatari ee wadajirka ah ee ku taageerayo ciidanka Xoogga dalka SNA. Talaadadii askari ayaa nooga dhintay gudaha Soomaaliya. Soomaalidu waa in ay wajahdaa AlShabaab oo aysan ku mashquulin meelo kale” ayuu yiri. Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad kala guur ah oo daba-dheeraaday, waxaana haatan dib u billowday wada-hadallo loogu gogol xaarayo, sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhan yahay.` The post Mareykanka oo shaacinaya magacyada siyaasiyiinta diidan doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
  19. (SLT-Hargeysa)-Kornayl Doolal ayaa maanta xabsiga laga sii daayey kadib markii madaxweyne Muuse Biixi cafis u fidiyey. Muj Doolal ayaa ay dhawaan maxkamadi ku xukuntay 2 sanno oo xadhig ah. Warkan faah-faahsan la soco goor dhaw Source
  20. Wasiiradda Horumarinta iyo Arrimaha Dibadda ee dalalka G7 ayaa sheegay inay si aad ah ugu walaacsanyihiin jahaweeerka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, isku dhacyadii rabshadaha watay ee u dhexeeyay dowladda iyo xooggaga mucaaradka iyo musiibooyinkii bini’aadanimo ee ka dhashay rabshadahaas. Dowladaha G7 ayaa sheegay inay sidoo kale ka xumaadeen go’aankii lagu kordhiyay muddada Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo ay ku sheegeen inay u arkayeen in ayna xal u aheyn geeddi socodka doorashooyinka, isla markaana ay wiiqeysay kalsoonida, nabadda, mustaqbalka dadka iyo horumarka hay’adaha dowliga ah. “Waxaan soo dhaweyneynaa ansixintii Baarlamaanka ee 1-dii March ee aheyd dib u billaabista wadahadallada u dhexeeya dowladda Federalka iyo madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in la dhameystiro hannaanka doorashada ee ku saleysan heshiiskii 17-kii September” ayaa lagu yidhi bayaan Arbacadii ka soo baxay shirkii waddamada G7 ee ka dhacay London. “Waxaan hoosta ka xarriiqeynaa in aynaan taageeri doonin geeddi-socod babar-socod ah, mid aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo horseedaya kordhinta muddo xileedkii hore. Waxaan ku boorinaynaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan, waana muhiim in dhammaan dhinacyadu ay ilaaliyaan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkan. Bayaankan ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay si degdeg ah ugu laabtaan wadahadallada doorashada, isla markaana ay galaan dood wax ku ool ah, ayna raadiyaan xal wax tar leh oo horseedi kara heshiis guud oo laga gaadho arrimaha hadhsan. “Haddii ayna taasi dhicin, waxay horseedi doontaa in bulshada caalamku wax ka bedesho qaabka ay u wajaheyso Soomaaliya” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warmurtiyeedka ka soo baxay shirkii Wasiiradda Arrimaha Dibada ee dalalka ku bahoobay G7, kaas oo Chinach kale soo dhaweysay Egayga Gaarka ah ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa, iyagoo sheegay inay taagerayaan dadaallada xal u helista arrimaha Soomaaliya. Ururka G7 ee awoodda warshadaha iyo dhaqaalaha ayaa ka kooban dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, Ingiriiska iyo Mareykanka. Source
  21. Maalintii shalay oo Arbaca aheyd waxaa Magaalada Moorhead ee Gobolka Minnesota lagu dilay nin Soomaal ah oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi oo ahaa tagsiile. Ciidanka Booliska Moorhead ayaa xaqiijiyay dilka loo geystay Marxuum Cabdullaahi Maxamed, waxaana dilkaas loo qabtay Willie Sparkman oo ah 18-jir, wuxuuna ku eedeysanyahay dillka darajada labaad oo ah mid aan ula kac aheyn. Sparman ayaa qurshihiisa kowaadd waxaa uu ahaa inuu dhac iyo baadhasho u geysto marxuumka oo ahaa 24-jir sida ay sheegeen Booliska Magaalada Moorhead ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay eedeysane Sparman ku raad-joogeen kakor inta aanu dilin C/llaahi, maadaama uu dhac ka geysta laba goobood oo kala duwan labadii habeen ee la soo dhaafay. C/llaahi Maxamed ayaa noqonaya Soomaaligii labaad oo muddo toban cisho gudahood ah lagu dilay gobolka Minnesota, waxaana toddobaadkii hore ay tuugo hubeysan ku dhex toogteenn xawaaladda Taaj ee xaafadda Cedar ee magaalada Minneapolis wiil la odhan jiray Liibaan Cusman Baqarre. Source
  22. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Safarka madaxweyne Deni, waxa Puntland Post u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan madaxtooyada, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin ujeedka safarkaas. Dhinaca kale, madaxweyne Siciid Deni ayaa saaka xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Puntland, Guy Griffin. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in kulanka labada mas’uul looga hadlay arrrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.