Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The ancient trade routes of East Africa’s Swahili Coast – a 3,000 kilometre littoral stretching from Somalia in the north to Northern Mozambique in the south – is riddled with illegal trading. These networks are connected to political instability in the wider region as well as the emergence of extremist movements which threaten to undermine and corrode the region’s fragile institutions. Source: Hiiraan Online
  2. Kenya is on course with the construction of the 700km-long barrier along its border with Somalia. Source: Hiiraan Online
  3. LEWISTON, Maine — Following a surprise announcement from President Joe Biden Monday, refugee resettlement workers in Maine are developing plans to help as many people as possible before the close of this fiscal year in September. Source: Hiiraan Online
  4. (ERGO) – Asha Mohamed Abdirahman had to flee for her life when violent clan conflict broke out in Dhabar Dalool, a remote village in the arid plains of northern Somalia’s Sool region. Source: Hiiraan Online
  5. Vaccines bring people closer to healthier world, also permissible to be taken during Ramadan, says Health Ministry Source: Hiiraan Online
  6. Dawlada Ethiopia oo dhagax dhigtay Saldhig ay yeelanayaan Ciidamadeeda Badda ee Dalkeeda Dowladda Itoobiya oo mudooyinkii dambe ku howlanayd dhismaha ciidan Baddeed ay yeelanayso ayaa maanta dhagax-dhigtay Saldhig ciidan oo ay yeelanayaan Ciidamada Badda Itoobiya. Saldhiggan ciidan ayay dowladda Etrhiopia ka dhagax-dhigtay magaalada Bishoftu ee gobolka Oromada ,Taliyaha Ciidanka Badda Ethiopia Gen.Jula ayaa sheegay in Saldhiggan uu ahmiyad weyn u leeyahay kobcinta awoodda ciidan badeed ee Ethiopia. Ethiopia ayaa soo bandhigtay Astaan iyo lebbis cusub oo ciidankaasi loogu talo galay kuwaasoo ay kaga qeybgalayaan howlgalada ciidan ee badaha Afrika. Dalka Ethiopia ayaa kamid ah wadamada aan lahayn badaha ee ku yaala Qaaradda Afrika. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogesatay xiisad iyo is faham waa muddo dheer u dhaxeeya ciidan ka titsan booliska Soomaaliya oo ilaalo ka haya xarunta dowladda Hoose ee Xamar iyo ciidanka ilaalada u ah guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho. Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska guddoomiyaha iyo ciidanka booliska ee ku sugan xarunta gobalka ayaa Caasimada Online u sheegay in todobaad ka hor ay dhacday halis weyn kadib markii ay is qabteen labada ciidan, taas oo sababi gaartay in xarunta lagu dagaalamo. Ciidanka la socda duqa magaalada oo ah kuwa aad u hubeysan ayaa u badan kuwa xigtidiisa ah oo ah maleeshiyadii uu haysan jiray markii uu ahaa hoggaamiye kooxeedka, waxaana la sheegay in ay dhowr jeer u hanjabeen ciidanka booliska ee halkaasi ku sugan. Labadaan ciidan ayaa isku qabtay marar badan hab maamulka amniga xarunta oo aan saldhigan tan iyo markii la dilay duqii hore ee saraakiil kale. Cumar Filish ayaa kadib dilkii Allaha u naxariistee Injineer Yariisow ka aamin baxay ciidamada dowladda, wuxuuna wataa ciidan awood badan oo kasoo jeeda beesha Daa’uud ee uu ka dhashay halka ciidankii booliska ay iyagana weli joogaan xarunta. Ciidamada Filish oo inta badan shaki qaba ayaa la sheegay inay marar badan ku amar taagleeyeen ama si aan wanaagsaneyn ula dhaqmeyn ciidamada booliska, taasi oo ah sababta mar kasta dhalisa xiisadda. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in ilaa hadda aysan jirin cid arrintaan wax ka qabatay islamarkaana ay keeni karto in goobtaasi lagu dagaalamo. The post Xog: Xiisad horseedi karta iska hor-imaad oo ka taagan xarunta gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
  8. Ra’iisal-Wasaaraha Somalia oo Xiisada ka aloosan Muqdisho u magacaabay Guddi ay ku jiraan Siyaasiin Mucaarad ku ah Farmaajo Halkan ka Akhri:- Qaran News
  9. Suudaan oo sheegatay Gobolka Benishangul-Gumuz ee Itoobiya ka dhisanayso biyo-xidheenka Weyn+Jawaab adag oo itoobiya shaacisay Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Diina Muftii Itoobiya ayaa gaashaanka ku dhufatay sheegashada Suudaan ay ku sheegatay deeganka Benishaangul-Gumuz oo laga dhisayo biya xireenka weyn ee Itoobiya. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Diina Muftii oo shir jaraa’id qabtay wuxuu sheegay dowladda Suudaan iney sheegato Gobolka Benishangul Gumuz uu yahay “Wax laga xishooda sharcigana baal marsan.” Diinaa wuxuu sheegay mowqifka Suudaan inuu yahay “Mid ka horimanayo qaranimada dalka Itoobiya” Maalma ka hor bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan, waxaa lagu sheegay Itoobiya haddii ay ku sii socoto heshiisyada iney ka baxdo ay Suudaan soo jeedin karto lahaanshaha gobolka Benishaangul-Gumuz. Suudaan iyo Itoobiya bilooyinkii ugu dambeeyey waxay xiisad xooggan oo dagaallo sababay ay ku dhexmarayeen deegaanka Al-faashiqa oo ah dhul beereed ku yaalla xadka labada dal. Labada dal inkasta oo ay marar badan sheegeen iney dooneyn iney dagaal wada galaan haddana ciidamada labada dal dhulka ay isku hayaan dagaallo ayaa labada ciidan ee labada waddan dhexmaray. Dagaalka xadka ee u dhaxeeya labada dal ka sokoow, waddamada Suudaan, Masar iyo Itoobiya waxaa u dhaxeeya khilaaf xooggan oo ka dhashay marki ay seddexdaasi dal heshiis ka gaari waayeen wadahadalladi ay ka yeesheen xal u helidda habka biya xireenka loo buuxinayo. Diina Mufti waxaa kale uu warsaxafadeedkiisa uu ku sheegay Suudaan oo haatan ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD inay ku dhaqaaqday falal sharci darra ah waxaanna jecelnahay inaan u sheegno iney arrintaa tahay “wax laga xumaado oo laga naxo.” Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed (M) iyo dhiggiisa Sudan Abdalla Hamdok – labada dal waxaa ka dhaxaysa taariikh cadowtooyo “Suudaan iyada oo dhul ay Itoobiya leedahay xoog ku qabsatay haddana iney bayaanno aan munaasab ahayn ay soo saarto, Itoobiya si dhow ayey ugu kuur galeysay. Ciidamada Suudaan oo dhac iyo bililiqo ka wada dhulka Itoobiya ee ay qabsadeen iney u dulqaadato ay Suudaan u aragtay daciifnimo ama cabsi.” Hase yeeshee, Dinaa Muftii wuxuu sheegay khilaafka Itoobiya iyo Suudaan u dhaxeeya ee salka ku hayo arrimaha xadka uu wax xiriir ah la laheen biya xireenka weyn ee ay Itoobiya dhiseyso. “Wadahadallada seddex geesoodka ee la xidhiidha biya xireenka Itoobiya weli mowqifkeedi ayey taagan tahay.” Dowladda Itoobiya waxay mar sii horreysay sheegtay dagaalka gobolka Tigraay ee dalka Itoobiya marki uu Itoobiya ka billaawday oo ay ciidamada Itoobiya oo deegaannada xadka Suudaan iyo Itoobiya ku sugnaa ay ka baxeen ay ciidamada Suudaan deegaanka Al-faashiqa gabi ahaanba la wareegeen. Heshiisyadii xilligii gumeysiga Xadduudaha Geeska Afrika ayaa ah kuwo aad loogu muransan yahay. Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sanadkii 1977 isku dagaalay gobolka Ogaden. Sanadkii 1998 waxay Eritrea kula dagaashay dhul yar oo lagu magacaabo Badme. Ilaa 80,000 oo askar ah ayaa ku dhimatay dagaalkaas oo horseeday cadowtooyo kharaar oo ay labada dal isku qaadaan, gaar ahaan iyadoo ay Itoobiya diidday inay ciidankeeda ka saarto magaalada Badme xitaa markii ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ay inta badan dhulkaas u xukmisay Eritrea. Waxaa dib u qabsaday ciidamada Eritrea markii uu socday dagaalkii Tigray bishii November 2020. Kaddib dagaalkii 1998, Itoobiya iyo Sudan ayaa dib u bilaabay wada hadal dheer oo lagu xallinayo meesha saxda ah ee xadka dhererkiisu yahay 744km (462 meyl) ee u dhaxeeya. Meeshii ugu adkeyd ee la xallin waayay waxay noqotay Fashaga. Marka la eego heshiisyadii xilligii gumeysiga ee sanadihii 1902 iyo 1907, xadka caalamiga ah wuxuu gaarayaa ilaa bariga. Tani micnaheedu waa in dhulka ay leedahay Sudan – balse Itoobiyaanka ayaa degay deegaanka iyagoo halkaasi beero ku yeeshay isla markaana canshuurta siinayay dowladda Itoobiya. ‘Heshiiska oo lagu cambaareeyay inuu ahaa gorgortan qarsoodi ah’ Wada xaajoodyada labada dowladood ayaa ku soo dhammaaday heshiis sanadkii 2008. Itoobiya ayaa garowsatay xadka sharciga ah balse Sudan ayaa u oggolaatay Itoobiyaanka inay halkaasi isaga sii noolaadaan iyagoo aan wax dhibaato ah loo geysan. Wuxuu ahaa kiis cajiib ah oo muran xudduudka ah lagu xalliyay qaab aysan dhib ka soo gaareyn dadka ku nool xadka; muddo tobnaan sano ah ayay is dhex degganaayeen dadka labada dal ilaa hadda, oo ay Itoobiya sheegatay gacan ku heynta deegaankaas. Wafdigii Itoobiya ee heshiiskii 2008 waxaa hoggaaminayay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda TPLF, Abay Tsehaye. Kaddib markii TPLF laga qaaday xukunka Itoobiya sanadkii 2018, hogagamiyeyaasha qowmiyadda Amxaarada ayaa cambaareeyay heshiiskaas waxayna ku sheegeen inuu ahaa gorgortan qarsoodi ah oo aan la tashi laga sameyn. Labada dhinacba fakrado kala duwan ayay ka aaminsan yihiin waxa sababay dagaalkii Fashaga. Waxa xigay ee dhacay muran kama taagna: ciidamada Sudan ayaa dib u riixay Itoobiyaanka iyagoo ku qasbay dadkii meesha degganaa inay isaga baxaan. Madaxda milatariga Sudan ayaa wacad ku maray inay gacanta ku heyn doonaan dhulkaas Shir goboleed ay Djibouti ku yeesheen 20-kii December, ayuu Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok arrinta ku soo qaaday dhiggiisa Itoobiya Abiy Ahmed. Waxay isku raaceen inay wada xaajood galaan, balse midkoodba wuxuu watay shuruud. Itoobiya waxay Sudan ka dooneysaa inuu magdhow siiyo qowmiyadaha uu dagaalku saameeyay; Sudan waxay dooneysaa in heshiiska lo laabto. Iyadoo ay wufuuddu wada hadlayaan, waxaa dhacay dagaal kale, oo ay Sudan ku eedeysay ciidamada Itoobiya. Marka la eego murannada xadka, dhinac walba wuxuu falanqeyn u gaar ah ku sameeyay taariikhda, sharciga iyo heshiisyadii qarni jirsaday ee gumeysiga. Balse waxaa sidoo kale calaamad u ah labo arrin oo waaweyn – mid walba waxaa daaha ka rogay isbeddelka siyaasadeed ee Mr Abiy. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Madaxtooyada kulan afur ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed. Farmajaao ayaa culimada kala hadlay “dhibaatooyinka kala duwan ee dib u dhigay dalkeenna” kuwaas oo uu sheegay in looga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada diinta iyo Madaxda dowladda. Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada, Farmaajo yaa culimada ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta iyo toosinta bulshada, dib u heshiisiinta iyo deminta colaadaha, isaga oo ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah. Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Farmaajo talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta caddaaladda. Sida lagu sheegay qoraalkan Madaxweyne Farmaajo ayaa culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan horumarinta iyo kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaa xasilinta iyo nabadeynta dalka. Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ayaa habeenadaan bilaabay kolamo uu madaxtooyada kula qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo habeen ka hor Villa Somalia ku casuumay madaxda warbaahinta madaxa-banaan. The post Sawirro: Farmaajo oo codsi u gudbiyey cuilmada oo uu kula kulmay Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  11. Sawir silloon oo laga qaaday Madaxweyne hore & kan haatan ee Maraykanka & labadooda Xaas Madaxweyne hore iyo mid haatan talada haya: Biden iyo afadiisa oo gurigooda Georgia ku booqday Carter iyo afadiisa. Sawirkan silloonka ah ee laga qaaday madaxweynaha haatan ee Maraykanka oo booqasho ugu tagay madaxweynihii 39-aad ee Maraykanka ayaa buuq ka abuuray baraha bulshada. Sawirku wuxuu muujinayaa Joe Bidhen iyo afadiisa Jill oo shiiqiyey madaxweynihii hore Jimmy Carter iyo marwadii koobaad ee hore Rosalynn Carter, waxaana todobaadkii hore lagaga qaaday gurigooda oo ku yaal magaalada Plains ee gobolka Georgia. In kasta oo Biden in yar ka dheer yahay Cartar, hadana waxa sawirka ka muuqda inuu yahay muuqaal wax laga bedelay waxaana arintaas u sabab ah xagasha ballaadhan ee laga qaaday sawirka, ayuu yidhi tifaftiraha sawirada BBC ee Phil Coomes. Waa farsamo indho-sarcaad ah oo ay sawirqaadayaashu adeegsadaan si ay sawir u qaadaan, laakiin sida haatan ka muuqata sawirkan farsamadaasi mararka qaarkood waxay samayn kartaa in sawirka la dhalan gediyi karo. Muuqaalka farsamadaa loo adeegsaday waxa uga sii daray in Carter dib u fadhiyo, halka Biden uu jilbo joogo Rosalynn ageeda. Natiijadii ayaa dhalisay qosol iyo maadaysi ka socda baraha bulshada dhexdooda. Jimmy Carter haatan waa 96 jir waana madaxweynaha ugu cimri dheer taariikhda madaxdii Maraykanka, afadiisa Rosalynn iyadna waa 93 jir. Sidoo kale Cartar waa madaxweyne ka soo baxay xisbiga Dimuqraadiga sida Biden oo kale. Jimmy iyo Rosalynn Carter oo ay daba fadhido Jill Biden waxa sawirkan la qaaday 2018 iyaga oo jooga aaskii madaxweyne George HW Bush Qaran News
  12. Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib qarax ka dhacay xadka ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Kenya. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen dadkaasi oo ahaa qandaraasleyaal dhisayey darbiga ay Kenya ka sameyneyso xuduuda ay wadaagaan dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya. Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya oo ka hadlay qaraxaasi ayaa ku eedeeyey inay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab oo weeraro culus ka fulisa gudaha dalkaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortegi doonaan weerarada khasaaraha geysta ee ka dhaca deegaanada u dhow xadka Soomaaliya Weerarkan qaraxa ah ayaa si gaar ah uga dhacay gobolka Xeebta ee Laamu, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska oo baaritaano ka sameeyey halkaasi. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha dalka Kenya, iyaga oo beegsada ciidamada dalkaas iyo gawaarida dadweynaha. The post Qarax ka dhacay xuduudda dalalka Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Caasimada Online.
  13. Somali women cultivate their farm while carrying children. Since the fall of Siad Barre’s regime in 1991, which led to a prolonged period of civil unrest, Somalia has been in a near-constant state of food insecurity. It also suffered two famines – in 1992 and 2011. Every year, between April and May (when food is planted and not harvested), aid agencies make dire predictions about the impending doom of the upcoming growing season and to appeal for funds to support increased food aid. This year, Save the Children announced that millions of Somalis won’t have enough food to eat as crop and vegetable production is expected to drop by 75%-80%. And the UN’s 2021 Somalia Humanitarian Response Plan seeks $1.09 billion to provide “life-saving assistance” across Somalia. As agricultural experts working in Somalia for the last 35 years we have done extensive research into food production. We have been involved in developing agricultural policies aimed at finding solutions to the country’s stagnant cereal production with an eye on reducing food insecurity in the country. As part of our work we investigated historic trends over the last 60 years in domestic cereal production, cereal imports, and food aid in Somalia. We found that there’s been a precipitous decrease in the production of key cereals – maize and sorghum – over time, falling from a high of 91 kg per capita in 1972 to just 30 kg per capita in 2012. This is due to a combination of stagnant crop production and a rapidly increasing population. Conflict, corruption and bad governance have made matters worse. Once almost cereal independent, the production decline has created a dependence on food aid and imports – over 50% of cereal consumed is imported. This is hugely problematic: A majority of Somalis live below the poverty level and cannot afford to pay for food; relying on imports leaves them vulnerable to markets. Improving domestic cereal production in Somalia should be part of any future food security strategy for the country. The implementation of simple agricultural best management practices – such as fertilizer application and timely planting and weeding – can increase cereal production in the country. In practical terms this means many farmers could increase production, if there were increased incentives to do so. Currently, food aid and imports can stifle domestic production because farmers have little incentive to put in the extra effort to produce more than that which they consume. Cereal crops Sorghum and maize are the predominant cereal crops grown in Somalia and historically, these two crops have provided a sizeble portion of total caloric intake of the Somali diet. Livestock is also a key local consumption commodity for household food security. Sorghum production is mainly done by smallholder farmers and is carried out in dryland areas. Sorghum is more drought tolerant than maize and is grown predominantly in the Bay Region, south-central Somalia between the Juba and Shebelle rivers, Somalia’s largest rivers. Maize is typically grown on irrigated land, often by small- and medium-sized farmers. These landholders often employ family labour to manage their land. The major maize growing areas are along the Shebelle and Juba rivers. Somali cereal production levels have not increased in the last 60 years. In fact, from 1972 to 2012 cereal production per capita decreased by 66%. Average yields are low because farmers typically don’t have access to the necessary agricultural inputs, for example, quality seeds and fertilizer. They also lack access to farm machinery, such as planters, fertilizer applicators, sprayers and harvesting equipment. In addition, there are no research and extension services in the country to help farmers make an informed decision. Food shortages can also be due to the weather, such as flooding or drought. Higher frequencies and severity of drought events observed in recent years could make things worse. Limited rainfall can negatively impact sorghum production. In recent years drought frequency is once every three years. Flooding can negatively impact irrigated maize production. Though localized, the country is experiencing flooding every two to three years. Because the Shebelle and Juba rivers originate in high rainfall areas of Ethiopia, rains there can cause subsequent flooding in Somalia while drought conditions exist during the same growing season. Conflict and poor governance Another major reason for food insecurity in the country remains conflict, corruption and bad governance. Civil unrest, since the early 1990s, is directly related to a deterioration of irrigation infrastructure. It has reduced the access that farmers may have to markets and the country lacks an agricultural regulatory framework, affecting food production and marketing. The unrest has also resulted in the displacement of many farmers – there are about to 2.6 million internally displaced people in Somalia. This reduces the harvest of both crops. In addition, illegal taxation on agricultural produce while it’s being transported to market is commonplace, both by government officials and rebel groups. This acts as a disincentive to farmers to produce crops. Food insecurity The fact that Somalia has not improved crop production has led to food insecurity. There are a few things that can be done to change this. First, Somalia should improve the way in which production data are reported. Somalia has two growing seasons each year: the Gu from April through May and the shorter Deyr from October into November. However, data is reported annually. This gives an incomplete view of how drastically different the seasons can be and causes confusion on production area data. It’s also imperative that production and reliability increase. This can be done by adopting relatively simple agricultural management techniques that have been well-researched and recognized as important yield factors in sub-Saharan Africa. For example, the country could: Introduce proper land and irrigation management techniques. Improve transportation infrastructure and market development. Work on canal restoration and land leveling for improved irrigation efficiency. Introduce organic and mineral fertilizers, train farmers on their importance and develop policies on fertilizer importation. Instigate land ownership laws, giving farmers an incentive to improving agricultural infrastructure. Encourage timely weeding and a denser planting population for increased yields. Better monitor food aid distribution and encourage more aid to be domestically produced. This would enhance agricultural capabilities within Somalia. Enhance security in agricultural areas. This would free up donor funds that currently go to providing security of humanitarian efforts. Encourage cropping and intercropping with legumes such as cowpea and mungbean. While this will not enhance yield of the cereal crop, it spreads risk and adds to diversity in the diet. In terms of political instability, unfortunately current tensions prevent policymakers from focusing on issues of food security. This is a big hurdle that needs to be overcome. But there are steps policymakers can still take to move Somalia from emergency or humanitarian aid toward development aid. This would provide much-needed jobs, particularly for the youth (almost 70% of the population) – and strengthen the agricultural sector to help enable Somalia to be more food secure. In 1991, Hossein Farzin published an article titled “Food Aid: Positive or Negative Economic Effects in Somalis?” It would seem now – 30 years later – we should have a better answer to that question. Paul Porter is professor emeritus, cropping systems agronomist at the University of Minnesota; Hussein Haji is executive director of the Somali Agriculture Technical Group and a lecturer at City University of Mogadishu. Source: The Conversation The post Somalia is facing another food crisis: here’s why — and what can be done to stop the cycle appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta Madaxtooyada kulan afuro ah kula qaatay qaar ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta iyo toosinta bulshada, dib u heshiisiinta iyo deminta colaadaha, isaga oo ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dhankooda, culimada ay la wadaageen Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta Caddaaladda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan horumarinta iyo kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaa xasilinta dalka iyo nabadeynta dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo codsi u jeediyay Culimaa’udiinka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  15. MANCHESTER, England - Riyad Mahrez scored twice to complete Manchester City’s journey to a first Champions League final with a 2-0 victory eliminating Paris Saint-Germain 4-1 on aggregate on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa mar labaad diiday in uu la kulmo wafdiga dhax dhaxaadinta ee ka socda dalka Qatar, kuwaas oo maalmahan Muqdisho u jooga xal u helidda arrimaha doorashada Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Sheekh Shariif, oo laba habeen ka hor ka cudur daartay kulankii Midowga Musharaxiinta iyo wafdiga Qatar, ay mar kale diiday codsi labaad oo ka yimid wafdiga Qatar oo ahaa inay si gaar ah ula kulmaam. Wararka aan helnay ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in Soomaaliya ay dambiyo ka galeen dalalka, Itoobiya, Eritrea iyo Qatar, halka Turkiga uu sheegay in taageeradii ay siisay Soomaaliya si qaldan loo adeegsaday. Wafdiga Qatar ayaa la sheegay in si weyn ay u daneynayeen kulanka Murashax Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ay u arkaan hoggaamiyaha ugu awoodda badan mucaaradka, sababtoo ah waa guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta, sidoo kalena ciidanka ku sugan Muqdisho ee Badbaado Qaran ayaa badankood ku beel ah. Xubno ku dhow Shariifka oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay inn madaxweynihii hore uu qabo su’aalo ay ka mid yihiin: Xagee jirtay Qatar afartii sano ee tagtay, markii loo qeylinayey kaalmo dibadeed iyo in wax laga qabto xadgudubyada Villa Somalia ay ku kaceysay? Qatar xitaa kama hadal markii Muqdisho ay ololeysay toddobaadkii tegay ee ciidamada dowladda ay weerareen aqallada Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur taasi oo dagaal gelisay caasimada. Kama hadal markii Farmaajo iyo Mursal ay sameysteen laba sano oo muddo kororsi sharci-darro ah, markaasi oo beesha caalamka oo idil ay soo saareen qoraallo ay ku diideen. The post Xog: Sheekh Shariif oo mar labaad diiday codsi ka yimid wafdiga Qatar ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Badbaado Qaran, kuwaas oo diidanaa muddo korarsigii laga laabtay ee Golaha Shacabka u sameeyeen hay’adaha dowladda. Saraakiishaan ayaa iska dhax doortay ama magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo isugu jira qeybaha ciidamada, kuwaas oo iska dhax doortay guddoomiye, ku-xigeen iyo afhayeen. Guddoomiyaha guddiga ayaa loo doortay Janaraal Cali Cosoble Caraay (Gacma-dule), halka ku xigeenna loo doortay Janaraal Indha Cade, ayada oo afhayeenka oo loo doortay Gaashaanle Diini Rooble Axmed. Guddigaan ayaa la baxay magaca Ciidanka Badbaado Qaran waxaana ku jira rag khuburro ah. Xubnaha ku jira waxaa ka mid ah Jeneral Cabdimaalik Ismaaciil, taliyihii hore ee ciidamada Danab, Korneyl Saney Cabdulle, Korneyl Cusmaan Xaadoole iyo Jeneral Saadaq John. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in guddigaan ay la kulmi doonaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble islamarkaana ay kala hadli doonaan go’aanna ay xalay ku gaareen Muqdisho. Go’aannada ay gaareen ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin qorshayaasha looga baxayo Muqdisho islamarkaana loogu laaban lahaa goobaha ay ka yimaadeen ama furumaha ay ka soo baxeen. RW Rooble ayaa wada dedaalo uu xal ugu raadinayo xaalada Muqdisho oo wali ah jawi ciidan. Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, saraakiisha ayaa sidoo kale isku raacay inaysan ka bixin goobaha ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho illaa ra’iisul wasaare Rooble uu ka qaado tallaabo muujineysa in lagu kalsoonaan karo, waxayna ka dalbadeen inuu beddelo taliyayaasha ciidamada dowladda ee ku lugta lahaa dagaalkii lagu soo qaaday musharaxiinta madaxweyne 25-kii April. Waxay sheegeen in kahor inta aanay ciidanka ka saarin caasimadda ay muhiim tahay in la hubiyo in ra’iisul wasaare Rooble uu daacad ka yahay dadaallada uu wado iyo inuu yahay nin fulinaya aragti uu Farmaajo usoo dhiibay oo gadaal laga maamulayo, taasi oo looga aargudanayo ciidankii ka hor-yimid muddo kororsiga. The post Magacyada saraakiisha loo doortay inay hoggaamiyaan ciidamada Badbaado Qaran appeared first on Caasimada Online.
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay sarakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Soomaaliya, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland. Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo, waxaana Madaxweyne Axmed Madoobe ku wehliyay laba sarkaal oo kala ah S/Guuto Maxamed Cabdi Sheekh oo ah Taliyaha guud ee ciidamada Jubbaland iyo ku xigeenkiisa G/Sare Maxamed Guuleed Xasan. “Kulankaan waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgallada ka dhanka ah Argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland. Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM qeybtiisa Soomaaliya ayaa inta badan duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka geysta deegaanada Jubbaland oo kooxdu ay ku xoogantahay. Dhawaan dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya kala baxday inta badan ciidamadii ka joogay, balse waxay horay u shaacisay in aysan joogsa doonin duqeymaha iyo weerarrada ay ku beegsaneyso ururka Al-Shabaab, iyagoo gacan siinaya ciidamada xoogga Soomaaliya. The post Sawirro: Madaxweyne Axmed Madoobe oo Kismaayo kula kulmay saraakiil Mareykan ah appeared first on Caasimada Online.
  19. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada Mareykanka ee ka howlgala degaannada Jubaland. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Axmed Madoobe iyo saraakiisha Mareykanka ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardargalin lahaa howlgalada ka dhanka ah argagixisada. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada waxaa Madaxweynaha Jubaland ku wehelinayay Sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh Taliyaha guud ee Ciidamada Jubaland iyo Gaashaanle Sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye ku xigeenka Ciidamada Jubaland. PUTLAND POST The post Kismaayo: Axmed Madoobe oo la kulmay saraakiil Mareykan ah appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajahaya cadaadisyo hor leh, oo ku aadan inuu baneeyo xarunta looga taliyo dalka ee Villa Somalia, xili ay dhamaatay muddo xileedkiisa sharciga ah. Xiisada doorashada ee ka dhanka ah Farmaajo ayaa kasii dartay kadib markii uu Golaha Shacabka meel-mariyay muddo kordhin sharci darro ah, kaasi oo markii dambe uu laalay horaantii toddobaadkan. Farmaajo ayaa sidoo kale loo jeedinayay inuu ka guuro Villa Somalia, kaddib qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee ka dhashay muddo kordhinta, inkasta oo ay xiisaddu hadda qabowday waxaa haddana wali Muqdisho aan laga saarin ciidamadii difaacyada ka sameystay xaafadaha qaarkood. Haddaba, xiligaan ma tahay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu baneeyo Villa Somalia, sida ay dalbanayaan musharaxiinta mucaaridka. Prof. Xuseen Warsame oo bare ka ah Jaamacadda Calgery ee dalka Canada, ayaa wareysi uu siiyay idaacada VOA-da waxa uu ku sheegay inaysan muuqan xiligan arrin kalifeysa in uu madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu ka guuro Madaxtooyada. Professor-ka ayaa is-barbar-dhig ku sameeyay waqtiyadii ay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif xilka hayaan, kuwaasi oo ayaga oo muddo xileedkooda uu dhamaaday kusii jirey Madaxtooyada, markaasna aan xaq loogu laheyn Farmaajo inuu asagana xiligaan baneeyo. “Xaq uma laha (in la dhaho ka guur Villa Somalia), waxaa lagu sababeynayaa in madaxweynaha uu waqtigiisu ka dhamaaday, laakiin maaha markii u horeysay taariikhdeena ee madaxweyne waqtigiisu ka dhamaaday uu sii joogo Villa Somalia,” ayuu yiri. “Markaa sanad iyo bar ayey u kordheen Sheekh Shariif, laftigiisa Xasan Sheekh waqti baa u kordhey inkasta oo uusan badneyn, waxayna sii joogeen Madaxtooyada, markaas meesha wey ka baxeysa arrintii ka bax aheyd, waayo wuxuu lamid yahay madaxweynayaashii hore” Professor-ka ayaa ugu dambeyntiina soo dhaweeyay in Rooble uu la wareego arrimaha doorashooyinka iyo amnigeeda, taasi oo uu dhawaan ku wareejiyay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, kadib markii ay socon weysay muddo kordhintii loo sameeyay. Hoos ka dhageyso codka Xuseen Warsame. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/05/96ac945a-670b-49b1-b9db-eb71028368f8_48k.mp3 The post Xuseen Warsame: Xaq ma aha in la yiraahdo Farmaajo madaxtooyada ha ka guuro appeared first on Caasimada Online.
  21. Hargeisa (HOL) - The British government is investing $ 17 million in a 22.5 km road project that will divert trucks from Hargeisa. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa hooygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ahna guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxayna ka wadahadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda ka dhalatay mudo kororsiga ee ka taagan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qoraal uu kulankaas ka baahiyey maamulka gobolka ayaa lagu yiri, “Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magalaada muqdisho Mundane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa lakulmay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Mudane Shariif Sheikh Axmed iyagoo kawada hadlay arrimaha doorashooyinka amniga Caasimada iyo qaboojinta Xasaradaha ka soo Cusbooday Arrimaha doorashooyinka Dalka.” Tan iyo markii degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ay isku fara saareen ciidamo kala taabacsan mucaaradka oo ka soo korjeeda mudo kororsigii Farmaajo iyo golaha shacabka iyo kuwa difaacaya madaxda waqtigu ka dhamaaday, waxaa bilaawday kulamo xal loogu raadinayo raadadka ay reebeen rabshadihii dhacay. Inta badan dadaallada xal raadinta ah mudooyinkii dambe waxaa waday xukuumadda, hase yeeshee hadda waxay u muuqataa inuu ku soo biiray maamulka gobolka Banaadir, oo horay mas’uuliyiinta ugu sareysa ay mucaaradka weerarro afka ah ugu qaadeen. Guddoomiye Cumar Filish iyo ku xigeenkiisa dhanka amniga Cali Yare ayaa dhowr mar hadallo xanaf leh ku tuuray mucaaradka, iyagoo ku raali gelinaya Farmaajo, balse hadda waxay u muuqataa inay fahmeen xaqiiqada, isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan xal u raadinta xiisadda todobaadyadaan ka taageyd magaaladaan ay masuulka ka yihiin ee Muqdisho. Degmooyinka Howlwadaag, Hodan, Cabdicasiis iyo Yaaqshiid ayey ciidamada ka soo hor jeestay mudo kororsiga ee Badbaado Qaran difaacyo ka sameysteen, iyagoo ku goodiyey in aysan ku laaban doonin xeryahoodii ilaa Farmaajo uu ka wareejinayo mas’uuliyadda ciidamada Qaranka. The post Maxay kulankii caawa uga wada-hadleen Sheekh Shariif iyo Cumar Filish? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  23. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif. Xilkan waxaa horay u diiday Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble bishii hore xilalka u kala beddelay wasiirkii gaadiidka iyo duulista hawada iyo wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada. Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa xukuumaddii Badbaado Qaran ee hoggaamniyay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ka soo noqday Ra’isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha. Sidoo kale Cabdiwahaab ayaa muddo kamid ahaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo Wasiir u magacaabay Cabdiwahaab Ugaas Xuseen appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, xilkaasi oo uu hore iskaga diiday Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar. Wasiirka cusub, ayaa waxa uu hore usoo noqday Wasiirkii wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha, sidoo kalena waxa uu noqday Ra’iisul-wasaare kuxigeen xilligii xukuumaddii Badbaado Qaran. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa haawaneysa tan iyo markii uu Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada loo soo badalay uu ku gacan seyray booskaas, kadib markii ay arrin hor leh isku khilaafeen Oomaar iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday. Caasimada Online oo dabagal ku sameysay sababta ka dambeysay xil wareejintii lagu sameeyey Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ogaatay inay arrintaas timid kadib markii uu Farmaajo ku amray Oomaar inuu qoro warqad siyaasiyiinta mucaaradka looga mamnuucayo inay ka dhoofaan kana soo dagaan Garoonka Aadan Cadde International, warqadaasna uu u diro Maareeyaha Garoonka. Sida ay xiligaas xogta ku heshay Caasimada Online, Wasiir Oomaar ayaa dalabka Farmaajo iska diiday isagoo taas sabab u dhigay in dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana ay beesha Caalamka isha ku heyso xaaladaha dalka, sidoo kalana uusan u bareeri karin in caburin noocaan ah dalka la geliyo. Khikaafkaas oo xiligaas taagna ayaa Wasiir Oomaar wuxuu u dhoofay dalka Sacuudi Carabiya arrimo dhanka qoyskiisa ah, waxaana maalmo kadib soo baxday in xilkii laga wareejiyey, loona beddelay xil kale, kaasi oo uu iska diiday. The post DEG DEG: R/W Rooble oo magacaabay wasiir cusub appeared first on Caasimada Online.