-
Content Count
211,154 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu safar dibadeed u baxo isaga oo ku wajahan caasimadda waddanka Uganda ee Kampala Afhayeenadda Madaxtooyada Uganda, Lindah Nabsayi oo la hadashay Warbaahinta chimpreports.com ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu kamid ah yahay madaxda ka qeybgaleysa caleema saarka madaxweynaha Uganda oo markii 6-aad ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimada ee bilowgii sanadkan ka dhacday Uganda. Caleema saarka Madaxweynaha dalkaas Yoweri Kaguta Museveni ayaa 22-ka bishan ka dhici doonta Caasimadda dalkaasi ee Kampala. Nabusayi ayaa sheegtay in Farmaajo uu ku jiro liiska madaxwayneyaasha la filayo in ay gaaraan magaala madaxda Uganda ee Kampala Talaadada todobaadkan oo taariikhdu tahay 12-ka bisha May. Lindah Nabsayi waxay kaloo tilmaamtay inay Madaxweynayaasha dalalka Mozambique, Burundi, Gabon, South Sudan xaqiijiyeen Ka-qeybgalkooda Munaasbadda Caleema-saarka ee Madaxweynaha Uganda. Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha doorashooyinka guud ee dalkaas, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine. Museveni oo talada dalka Uganda qaab Jabhadayn ku qabsaday sanadkii 1986-dii waxa uu xilkaasi hayaa 35-sano, isagoo codbixinta Doorashadii u dambaysay ee ka dhacday dalkaasi bishii Janaayo 14-dii ee sanadkan uu ka helay 58.64%. Dhanka kale, ma jiro wax xaqiijin ah oo illaa haatan laga hayo Villa Soomaaliya. Isku dayo ay caasimadda Online ku dooneysay in ay ku heleesho xiriirka xafiiska Farmaajo ayaanan guuleysan. The post Madaxweyne Farmaajo oo safar dibadeed u baxaya appeared first on Caasimada Online.
-
Maxaa riday dawladii Siyaad Barre ? Xeerka ha’yadda sirdoonka qaranka Xeer Lr 59/2012 awood uma siinaayo xubnaha ha’yadda ka midka ah xabsiyo iyo xarumo ciqaabeed oo gaara, goobaha aan ahayn goobaha uu xalaaleeyay Xeer Lr 65/2014 waa sharci darro iyo gef qaran. Dhammaan dadka qafaalan ee guryaha lagu haystaa way afduuban yihiin waana gabood fal weyn oo aan la aqbali karin. Baqo gelinta,argagax gelinta iyo sida loo bahdilaayo muwaadiniintu waxay abuuraysaa kalsoon darro iyo in laga aamin baxo laamaha amniga, waa in si degdega xukuumaddu uga jawaabtaa gabbood fallada soo noqnoqday ee ah dadka guryaha ay ku xidhaan xubnaha la sheegay in ay ka mid yihiin sirdoonka. Xaafad kastaa ha hubiso guriga jaarka la ah in ay ku jiraan sirdoonka la sheegayaa, xabsiyada iyo saldhigyada sharciga ah meesha aan ahayni waa budhacdnimo hor leh, guryaha saldhigayada laga dhigayaana kama dhacaan aqallada magafayaasha Libiya, haddi la sii eegtana waxa bilaabmi doonta madax furasho! Madaxweynuhu waa in aanu dhagaysan fadeexada soo noqnoqtay, dalka isagaa dastuuriyan hoggaamiya qoyskiisu waxay la siman yihiin qoysaska cabanaya ee lagu tacadiyaayo, muddo xileedku waa maalmo tirsan laakin sharafta iyo kalsoonida lagu wada noolyahay waa mid hadhaysa, cibro waa in ay u noqotaa hoggaamiyayashi awooda badnaa halka ubadkoodu mareen markay shacbkooda ciqaabeen ! Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Shirguddoomiyey Kulan ballaadhan Lagaga Hadlayey Arrimaha Doorashooyinka. Hargeysa-10-05-2021-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir-guddoomiyey kulan ballaadhan oo lagu lafo-guray arrimaha qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka, kaas oo maanta ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada. Shirkan uu guddoominayey madaxweynuhu, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka, hoggaanka saddexda xisbi qaran, xubnaha guddida doorashooyinka, guddoomiyaha maxkamadda sare, Xeer ilaaliyaha guud iyo ku-xigeenkiisa iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxana ay dhinacyadu si qoto u lafo-gureen sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho lagu wada raalli yahay, islamarkaana uu dhinac waliba diyaar u noqdo inuu u hagarbaxa qabsoomidda doorashada. Ugu horrayn waxa halkaas warbiximo muhiim ah oo dhinaca doorashada ah, lagaga dhegaystay xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka, waxana ay tilmaameen inay dhinacooda doorashadu diyaar ka tahay, dhammaanba dhinacyada kale ee ay doorashadu Khusaysana ay uga baahan yihiin taageero niyadsami leh. Guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe) iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo halkaas ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay inay si hagar la’aan ah diyaar ugu yihiin inay dalka ka qabsoonto doorasho hufan oo waqtigeeda ku qabsoonta, kalsooni buuxdana u hayaan guddida doorashooyinka ee doorashada hagi doonta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn madaxda Axsaabta mucaaridka uga mahadnaqay dedaalka iyo daacadnimada ay ka muujiyeen u diyaargarowga iyo qabsoomidda doorashada, isaga oo xubnaha Komishankana ku bogaadiyey inay muddo kooban ku dhaqangeliyeen inay dalka ka diyaariyaan doorasho dhinacyada oo dhammi ku kalsoon yihiin, qabsoomiddeedana la wada sugayo. Madaxweynuhu waxa uu Akhriyey qaar kamid ah qoddobada bud-dhigga u ah shirka ballaadhan ee ay qabsadeen, kuwaas oo ay ugu muc weyn yihiin tirada maalmaha ololaha ay xisbiyadu isla qaateen in la yareeyo maaddaama oo waqtigu kooban yahay, waxana uu yidhi,“Waxaynnu ku heshiinnay in Ololuhu noqdo Lix maalmood oo uu xisbi waliba laba maalmood ololaha gelayo, weliba waxannu go’aaminnay oo xisbiyadu Komishanka ka codsanayaan xisbi waliba maalin buu goobta fagaaraha Beerta xorriyadda tegayaa, gobolladana goobta qaranka ka dhexaysa ee goobta weyn ah tegayaa, Bannaanbax guudna maalin buu leeyahay, maalinta labaadna wuxuu ku ololaynayaa degmooyinka oo ma imanayo goobta fagaaraha weyn, innagoo nabadgelyada eegayna, innagoo kharashaadka eegayna culayska eegayna, Komishankana siinayna inay hawlahooda u gacan furnaadaan oo aanay ku Arbushmin hawlo kale.” Madaxweynuhu isagoo sharraxaya waxyaabaha kale ee shirka la iskula qaatay waxa uu intaas ku daray, “Waxa kale oo aannu isku raacnay in wixii qaddar Rabbaaniya ah ee aynaan immika ogayn ee ka dhaca hawlaha Komishanka, dadka xisbiyada u jooga goobtaas ama muraaqib ha noqdo ama ha ahaado qolada xisbiyada uga wakiilka ah la shaqaynta Komishanka, ayaa ka wada-tashanaya, go’aanka kama dambaysta ahna waxa leh Komishanka qaranka.Dacwadaha waxaynu isla qaadannay oo aynnu door bidnay in haddii ay timaaddo in goob dacwadi ka abuuranto, marka hore waxa ku filan goobta cidda ka joogta Komishanka iyo xisbiyada, haddii ay kari waayaanna waxay u imanaysaa Komishanka, haddii ay xallin kari waayaanna oo ay dacwad tagtona dacwaddaas waxa ka wakiil ah xisbiyada.” Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu caddeeyey inay xukuumad ahaan diyaariyeen Kharashkii iyo ilaalinta dhammaanba goobaha ay doorashadu ka qabsoomi doonto, isaga oo bulshada reer Somaliland-na usoo jeediyey inay doorashada u diyaar garoobaan, kana dheeraadaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara doorashada. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
-
Haweenayda Talyaaniga ah ee Diinta Islaamka Qaadatay Caa’isha oo Guursatay Nin Diinta islaamka u qaatay iyada darteed Caa’isha Silvia Romano ayaa la sheegay in ay guursatay ayna ka guurtay gurigii ay ka daganayd magaalada Milan, ka dib markii baraha bulshada loo mariyay aflagaado iyo hadallo badan oo ka dhan ah gabadhaas qaadatay diinta Islaamka, sida uu qoray wargeyska La Stampa ee Taliyaaniga. Gabadhan ayaa ninka ay guursatay oo lagu magacaabo Paolo P. waxa uu horaan haystay diinta Masiixiga balse dhowaan ayuu ka qaatay diinta Islaamka, waxayna isku guursadeen si waafaqsan diinta Islaamka. Inkastoo arrinta guurka ay hadda soo baxday, haddana waxay is arooseen bishii October ee sannadkii hore. Lamaanahan ayaa la sheegay inay lahaayeen xiriir qaatay waqti kooban, ka hor inta aysan isguursanin, balse waxay is garanayeen tan iyo yaraantoodii. Wuxuuna diinta Islaamka qaatay ka hor inta aysan is guursanin. Paolo, ayaa qaatay diinta islaamka si uu u raaco caqiiqada xaaskiisa, sida uu qoray wargeyska Italy24. Balse ma aysan sheegin magaca islaamka ah ee uu qaatay. Arooska kaddib waxay go’aansadeen inay u guuran magaalo yar oo u dhaxaysa Milan iyo Bologna. Bulshada ku nool magaaladaas ayaa lagu qiyaasay shan kun oo qof, sida uu La Stampa daabacay. Caa’isha Romano waxay noqotay macallimad barta luqadda Englishka. Waxay dhigtaa iskuul ay wax ku bartaan dadka waaweyn, waxayna sheegtay inay ku faraxsantahay. Sida ay horay u qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Taliyaaniga, Caa’isha Romano ma dooneyso in ay gudbiso dacwad ku saabsan aflagaada iyo hanjabaadda iyo hadallada naceybka ah ee loogu soo gudiyay baraha bulshada Caa’isha, Markii ay Milan ku noqotay, waxay dib u bilowday nolosheeda caadiga ah, waxayna ku xirnayd masaajid u dhow halkii ay ka degganayd magaalada. Hanjabaadaha loo mariyay Facebook Gabadhan oo ka shaqeyn jirtay arrimaha gargaarka, waxaa laga afduubtay Kenya, bishii November 2018-kii, waxaana la siidaayay bishii May 2020. Waxaa lagu haystay Soomaaliya, waxayna diinta islaamka qaadatay muddadii afduubka loo haystay. Markii ay ku noqotay Taliyaaniga, sannadkii hore, waxaa baraha bulshada loogu diray boqollaal fariin oo kala duwan. “Waa naceyb lagu baahiyay baraha bulshada”. Waa sida ku qoran natiijada ka soo baxday baaritaankii uu sameeyay xafiiska dacwad oogaha magaalada Milan. Xafiiskaas wuxuu Facebook weydiistay in uu sheego aqoonsiga dadka isku hoos qarinayay boqollaal cinwaan oo been abuur ahaa, waxaana la amray in la xiro dhamaan cinwaanadaas. Baaritaanka oo uu billabay xafiiska maamulaha la dagaallanka argagixisada, Alberto Nobili, waxaa lagu doonayay in lagu ogaado hanjabaadda ka dhanka ah Caaisha Silvia Romano. Sababaha loo aflagaadeynayay waxaa ka mid ahayd in diinta Islaamka ay qaadatay, taas oo “dad badan oo Taliyaani ah ay diidanaayeen”. Ilaa 40 farriin oo hanjabaado ah, oo loo arkay kuwo aad khatar u ah ayaa loo diray gabdhan, oo markii ay muslimtay, lana baxday magaca Caa’isha, labiskeedana ka dhigtay mid asturan. Dadka lasoo xiriiraya ayaa u sheegaya inay dili doonaan, sababtuna ay tahay go’aankeeda Islaaminada. Waaxda dambi baarista ee booliska Talyaaniga ayaa wadda howlgal ay diiradda ku saareyso aqoonsiga dadka farriimahaas soo diray. Kooxda baaritaanka wadda oo ay hoggaaminayaan Alberto Nobili iyo Carabinieri del Ros ayaa sheegtay inay marka hore kala xaqiijinayaan saxnimada farriimaha, si loo ogaado dadka ay ka soo baxeen, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dowladda Talyaaniga ee ANSA. ‘Sababaha aan ku jeclaaday Islaamka’ Caa’isha Romano waxay sheegtay in kahor inta aanan la afduubin ay ka duwaneyd sida hadda ay tahay, wax xirir ahna uusan xilligaas kala dhaxeynin Alle subxana watacaala iyo iyada. Markii ay yareyd waxay sheegtay inay “fikir khaldan ka heysatay diinta Islaamka oo marka ay aragto dad xiran dharka lagu yaqaano dadka Muslimiinta ah ay u arki jirtay in ay yihiin dad la caburinayo.” Waxay intaa ku dartay inkastoo “khaladaad badan” ay in ay ka aaminsaneyd diinta Islaamka in haddana laga caawiyay inay wax badan ka fahamto Muslimninada waxa ay tahay, oo waxay xustay “inay ahayd qof jaahil ah oo iska indha tiri jiray diinta Islaamka.” Intii ay joogtay deegaanka Chakama ee dalka Kenya, waxaa ay tiri: “dad badan oo Muslimiin ah ayaan halkaas ku arki jiray, balse taasi ma aysan igu dhiiragelinin in aan qaato diinta islaamka”. “Waxaan arki jiray dad xiran khamiis, maalminta Jimcaha iyo dadka oo salaadda u aadaya misaajidka, balse xilligaas ma aanan daneyn jirin diinta Islaamka”, ayay tiri mar ay la hadleysay wargeyska Laluce ee ka soo baxa dalka Taliyaaniga. Waxay gabadhan sheegtay in arkii la afduubay oo la sii watay ay isweydiisay su’aalo dhowr ah ay ka mid yihiin: “Waxaan u imid Kenya in aan dadka caawiya oo wax wanaagsan ayaa sameynayay ee maxay waxani iigu dhacayaan? Maxay tahay sababta aanan loo afduubanin gabdhaha kale?” Waxay tilmaamtay in markii la afduubay la geeyay xabsi ku yaala gudaha Soomaaliya. “Waxaa is dhahay – dabcan waxaa laga yaabaa in sababta aan dhibkan u marayo ay tahay ka fogaanshaha aan ka fogaaday Allaah, tasina ay tahay sababta la ii ciqaabayo” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa warqad u dirtay Midowga Afrika, taasi oo ay ku dalbaneysay in la bedelo Ergey sarre oo Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ee dhowaan lasoo magacaabay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda ay dalbatay in la beddelo Madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama oo dhawaan usoo magacaabay Midowga Afrika, ayada oo ku eedeysay inuusan dhex-dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya. Arrinta u weyn ee dowladda waqtigeeda dhamaaday u dalbaneyso bedelka Ergeygan cusub ayaa ah inuu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya, oo xiisad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka. Dowladda ayaa ka cabsi qabta in danahaas ganacsi dartood ay ergeyga saameyn ku yeelan karto dowladda Kenya oo xiisad ay kala dhaxeyso madaxweyne Farmaajo, inkastoo dhowaan xiriirka diblomaasiyadeed ee laba dal lasoo celiyey. Midowga Afrika ayaa wajahaya cadaadisyo dhowr ah oo ku aadan is-diidooyinka siyaasadeed ee Soomaaliya oo uu dhawaan ku dhawaaqay dhex-dhexaadintooda, xili ay degtay xiisadii ka dhalatay dagaalkii Muqdisho. Midowga Afrika ayaa maalmo ka hor qaaday tallaabo deg-deg ah oo ay mid kamid ah diblomaasiyiinta ugu saraysa kooxda dhex-dhexaadinta Soomaaliya uga saarayaan xubnaha ay magacaabeyn kadib markii ay sidaas codsadeen Midowga Musharixiinta. Caasimada Online, ayaa ogaatay in Midowga Afrika uu tallaabadaas qaaday kadib cadaadis uga yimid xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo dacwad ay gudbiyeen xubnaha Midowga Musharixiinta oo si toos ah usoo dhaweeyey ergeyga loo soo magacaabay dhex-dhexaadinta balse walaac ka muujiyey in Babatunde Taiwo uu kamid ah noqdo la taliyeyaasha madaxa dhex-dhexaadinta. Babatunde Taiwo ayaa ah madaxa qeybta Arrimaha Siyaasada ee AMISOM, waxayna midowga musharixiinta ku eedeeyen inuu la shaqeeyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Midowga Afrika ayaa markale wajahaya cadaadis uga imaanaya dowladda waqtigeeda dhamaaday, lamana oga in Guddoonka uu hogaansami doono fulinta dalabkaas iyo cidda lagu beddeli doono Mahama. The post Xog: DF oo dalbatay in la beddelo ergeyga sare ee Midowga Afrika uu soo diray + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Dad Tukanayay Salaadda Taraawiixda oo la afduubtay Koox hubeysan ayaa 40 qof oo tukanayay salaadda taraawiixda ka afduubtay masaajiid ku yaalla magaalada Jibiya ee gobolka dhaca waqooy galbeed ee Katsina ee dalka Nigeria, sida ay sheegeen booliska. Kooxdii hubeysneyd ayaa habeenkii Axadda weerar ku qaaday masaajidka, waxay rasaas ku fureen dadkii salaadda taraawiixda tukanayay, waxay kaxeysteen tiro kamid ah musalliinta. Afahayeen u hadlay booliska gobolka Gambo ayaa BBC u sheegay in maleeshiyo maxalli ah, booliska iyo militeriga ay durbadiiba baacsadeen kooxdii hubeysneyd isla markaana ay soo badbaadiyeen 30 kamid ah dadkii la afduubtay. Wuxuu intaas ku daray in 10 qof weli la la’yahay. Arrintani ayaa ku soo beegantay iyada oo lagu jiro tobanka dambe ee bisha barakaysan ee Ramadaan. Nigeria waxaa kusoo batay weerarada afduubka ah ay geysteen kooxo dambiilayaal ah oo dadka madax furasho weyddista, meelaha ugu darana waxaa kamid ah gobolka Katsina. Qaran News
-
Saraakiishii lagu dilay qaraxii Muqdisho oo maanta la aasay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariiste Taliyihii saldhiga Booliska degmada Waaberi, Axmed Cabdullaahi Baashane iyo Taliye-xigeenkii Qeybta Waliyoow Cadde, Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamed Cageey oo xalay ku geeriyooday qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhacay saldhiga Waaberi. Taliyeyaasha ayaa waxaa saaka Aas Qaran loogu sameeyay qabuuraha Isbitaalka Xooga ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay aaskooda mas’uuliyiin sarre oo uu kamid yahay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo ehellada iyo asxaabta marxuumiinta. Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ka qeyb-gashay aaskaas oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay sida ay uga naxeen dilka labada Sarkaal oo ahaa shaqsiyaad sumcad iyo shaqo wanaag ku suntanaa. Sidoo kale waxay ilaahay uga baryeen inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo Saraakiisha iyo dadkii kale ee ku dhintay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay afaafka hore ee saldhigga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir oo ku yaalla meel aan ka dheereyn isgoyska Dabka. Dadka ku geeriyooday qaraxaas ee la xaqiijiyey oo tiradooda lagu sheegay ayaa waxa kamid ahaa Taliyahii saldhigga booliska degmada Waaberi Axmed Cabdullahi Baashane oo ku magac-dheeraa Taliye Calooley iyo Taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow-Cadde ee booliska gobolka Banaadir G/Dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cageey. Sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhaawacmay 6 ruux oo kale, sida ay laamaha amaanka u xaqiijiyeen warbaahinta. Saldhiga ayaa aad ugu dhaw isgoyska mashquulka badan ee Dabka, sidoo kale waxa uu aad ugu dhaw-yahay laamiga, waxaana dhici karta in khasaaruhu inta boolisku xaqiijiyey uu ka bato, maadaama ay wadada hor marta saldhigga ee Maka Al-mukarama ay aad u saxmad badan tahay.. The post Saraakiishii lagu dilay qaraxii Muqdisho oo maanta la aasay appeared first on Caasimada Online. -
Saraakiishii lagu dilay qaraxii Muqdisho oo maanta la aasay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariiste Taliyihii saldhiga Booliska degmada Waaberi, Axmed Cabdullaahi Baashane iyo Taliye-xigeenkii Qeybta Waliyoow Cadde, Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamed Cageey oo xalay ku geeriyooday qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhacay saldhiga Waaberi. Taliyeyaasha ayaa waxaa saaka Aas Qaran loogu sameeyay qabuuraha Isbitaalka Xooga ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay aaskooda mas’uuliyiin sarre oo uu kamid yahay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo ehellada iyo asxaabta marxuumiinta. Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ka qeyb-gashay aaskaas oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay sida ay uga naxeen dilka labada Sarkaal oo ahaa shaqsiyaad sumcad iyo shaqo wanaag ku suntanaa. Sidoo kale waxay ilaahay uga baryeen inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo Saraakiisha iyo dadkii kale ee ku dhintay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay afaafka hore ee saldhigga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir oo ku yaalla meel aan ka dheereyn isgoyska Dabka. Dadka ku geeriyooday qaraxaas ee la xaqiijiyey oo tiradooda lagu sheegay ayaa waxa kamid ahaa Taliyahii saldhigga booliska degmada Waaberi Axmed Cabdullahi Baashane oo ku magac-dheeraa Taliye Calooley iyo Taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow-Cadde ee booliska gobolka Banaadir G/Dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cageey. Sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhaawacmay 6 ruux oo kale, sida ay laamaha amaanka u xaqiijiyeen warbaahinta. Saldhiga ayaa aad ugu dhaw isgoyska mashquulka badan ee Dabka, sidoo kale waxa uu aad ugu dhaw-yahay laamiga, waxaana dhici karta in khasaaruhu inta boolisku xaqiijiyey uu ka bato, maadaama ay wadada hor marta saldhigga ee Maka Al-mukarama ay aad u saxmad badan tahay.. The post Saraakiishii lagu dilay qaraxii Muqdisho oo maanta la aasay appeared first on Caasimada Online. -
Ku simaha madaxweynaha Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay wakiilka hay’adda IOM u qaabilsan Soomaaliya, Richard Danziger. War ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka, ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen, dardar gelinta mashaariicda hormarineed ee hay’adda socdaalka Adduunka IOM ka wado gudaha Puntland. Karaash iyo Richard Danziger, ayaa sidoo kale ka wada-hadlay ka hortagga arrimaha tahriibta iyo caawinaadda Qaxootiga ka soo tallaaba xuduudaha. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in uu hay’adda IOM uga mahadcelinayo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato kobcinta iyo tayaynta Hay’adaha dowliga ah. PUNTLAND POST The post Ku simaha madaxweynaha Puntland oo qaabilay wakiilka IOM u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Riyadh: HE Secretary-General of the Cooperation Council for the Arab States of the Gulf (GCC) Dr. Nayef Falah Mubarak Al Hajraf praised the State of Qatar’s efforts and mediation between the Republic of Somalia and the Republic of Kenya by bridging views and enhancing relations between the two countries, thus strengthening international security, stability and peace. In a statement today, the GCC Secretary-General welcomed the announcement of Somalia and Kenya on the resumption of full diplomatic relations between them, highlighting the importance of this step that will bring good and prosperity to the peoples of the two countries and achieve security and stability in them. Source: The Peninsula The post GCC Secretary-General praises Qatar’s efforts in restoring diplomatic relations between Somalia and Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Aadanaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta kulan la yeelatay safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Qin Jian. Kulanka labada mas’uul ayaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan isku xirka haweenka Soomaaliya iyo Shiinaha. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda Isaaq Xaashi Jimcaale iyo qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada wasaaradda haweenka. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka ka dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha iyo iskaashi labada dowladood. PUNTLAND POST The post Wasiirka Haweenka Soomaaliya oo la kulantay safiirka Shiinaha appeared first on Puntland Post.
-
At least 25 people have been killed in the past seven days due to heavy rains pounding several parts of Somalia, the United Nations humanitarian agency said in a statement on Sunday. The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said among the dead include 14 children and seven internally displaced people. OCHA said riverine flooding has affected an estimated 25,000 people in 15 villages in Jowhar in Middle Shabelle region, displacing people in eight villages and inundating farms. The heavy rains have hit various parts of Somalia over the past week, triggering flash floods which have killed and displaced people, but a forecast suggests the rains will begin to subside from mid-May. The Somalia Water and Land Information Management (SWALIM) managed by the Food and Agriculture Organization of the United Nations on Saturday warned of an imminent danger of potentially unprecedented flooding expected along the Shabelle River in the coming days and the concern for safety and wellbeing of the people in Beledweyne and along the river. OCHA said Juba River reportedly has broken its bank in Doolow, reaching 4.70 meters, which is 0.20 meters above the moderate flooding level, and flooding three villages. It said the heavy rains on April 30 flooded the dry river valley in Hargeisa in Somaliland, affecting around 40 houses and washing away seven vehicles. The floods also temporarily affected some of the internally displaced people who are living in sub-standard shelters. In addition, the UN agency said, flash floods washed away over 1,250 heads of livestock and damaged shelters in low-lying areas of Ceel Daahir under Bossaso district and Berri Cad under Garowe between April 27 and May 5. According to OCHA, despite the heavy rains that have hit parts of Somalia, the rains have come too late for the planting season, hence further exacerbating already significant food security concerns in the country. Enditem Source: Xinhua The post UN says heavy rains kill at least 25 over past week in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in in ka badan 100 askari oo horey uga tirsanaaa ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ay dalbadeen in la difaaco iyagoo magangalyo waydiiststay dowladda Sudan. Waxay qeyb ka ahaayeen howlihii ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee Darfur ee dhawaan la soo xiray. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo asal ahaan ka soo jeeda gobolka Tigrey ay diideen in ay Itoobiya dib ugu laabtaan iyaga oo ka cabsi qaba in la dhibaateeyo. Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo eedeeymaha la xiriira in tacadiyo la geystay 6 bilood ee uu socday dagaalkii gobolka Tigrey. PUNTLAND POST The post Ciidamo Itoobiyaan ah oo magangalyo weydiistay dowladda Suudaan appeared first on Puntland Post.
-
Ku dhawaad 100 Askari oo Itoobiyaana oo Magangalyo waydiistay Dalka Sudan Ciidamadan ayaa diiday in dalkooda ay dib ugu laabtaan iyga ka cabsi qaba in la dhibaateeyo Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in in ka badan 100 askari oo horey uga tirsanaaa ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ay dalbadeen in la difaaco iyagoo magangalyo waydiiststay dowladda Sudan. Waxay qeyb ka ahaayeen howlihii ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee Darfur ee dhawaan la soo xiray. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo asal ahaan ka soo jeeda gobolka Tigrey ay diideen in ay Itoobiya dib ugu laabtaan iyaga oo ka cabsi qaba in la dhibaateeyo. Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo eedeeymaha la xiriira in tacadiyo la geystay 6 bilood ee uu socday dagaalkii gobolka Tigrey. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in askar dhan 120 markii ay howlahoodii dhamaadeen badalkii ay ku laaban lahaayeen dalkooda ay magangalyo waydiisteen dalka Sudan. Arrintan ayaa lala xiriirinaya xiisadaha qowmiyadaha ku saleysan ee dhidibada sii aasanaya ee dalka Itoobiya, taasi oo ka dhalatay dagaalkii gobolka ku yaalla waqooyiga dalkaasi ee Tigrey. Bishii February ciidamo kale oo asal ahaan ka soo jeeday gobolka Tigrey oo nabad ilaalin u joogay dalka Koonfurta Sudan ayaa sidoo kale diiday in ay dalkooda dib ugu laabtaan iyaga oo ka cabsi qaba in la dhibaateeyo. Waxaa jiray warbixino badan oo sheegayay in ku tumasho xuquqda aadanaha ah ay dhacday 6-dii bilood ee uu dagalka gobolka Tigrey socday. Abune Mathias i madaxa kaniisadda Orthodox ee dalka Itoobiya Sabtidii madaxa kaniisadda Orthodox ee dalka Itoobiya oo isaga qudhiisa asal ahaan ka soo jeeda qowmiyadda Tigrey ayaa sheegay in tacadiyada ay u dhigmaan xasuuq. Dowladda Itoobiya ayaa beenisay in ay xasuuq geysatay waxayna sheegtay in ay bartilmaameedsanayaan hogaamiyayaasha TPLF, balse aysan bartilmaameedsan dadka rayidka ah. Gobolka Tigrey ayaa dagaalka ka dib waxaa ka qaxay kumannaan qof oo intooda badan u qaxay dalka Itoobiya dariska la ah ee Sudan. Inkastoo bilooyiin ka hor ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday in dagaalka gobolka Tigrey la soo afjaray ayaa hadanaha waxaa gobolka Tigrey qaab jabhadeyn ah uga dagaalama xoogagga TPLF. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Jeesow oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka ee taageersan madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa marka hore wax laga weydiiyey waxa bedalay go’aankiisii uu ku taageeray muddo kordhinta loo sameeyey Farmaajo, isaga oo markaas ku goodiyey in uusan marnaba ka laaban karin, isla-markaana ay ku sameyn doonaan xil ka qaadis. Xildhibaanka ayaa markale fasiraad ka bixiyey hadalkaasi, maadaama laga noqday muddo kordhintii horey loo sameeyey, isaga oo hoosta ka xariiqay in madaxweynuhu aanu wax gor-gorton ah gelin hadalkiisii horena uu la xiriiray in uusan cidna kala fariisan karin go’aankii baarlamaanka. “Meel xaflad ah ayaan hadalkaasi ka jeediyey waa jirtaa, laakiin madaxweynuhu kama gor-gortamin, sidaan anigu iri waxay aheyd haddii uu ka gorgortamo waa duuban tahay waa la’eegi karaa,” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka. Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Haddaba waan ahay Nabad iyo Nolol, mana Loos gareynin, kuwa kalena maba isla socono.” Si kastaba Jeesow ayaa ka mid ah xubnaha xildhibaanada ah ee ku xiran Villa Soomaaliya, isla-markaana si weyn ugu ololeeyey go’aankii muddo koodhinta ee baarlamaanka , taas oo qalalaase siyaasadeed iyo mid dagaal kadib dib looga noqday The post Maxaa beddalay go’aankii Jeesow ee muddo kordhinta? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Jeesow oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka ee taageersan madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa marka hore wax laga weydiiyey waxa bedalay go’aankiisii uu ku taageeray muddo kordhinta loo sameeyey Farmaajo, isaga oo markaas ku goodiyey in uusan marnaba ka laaban karin, isla-markaana ay ku sameyn doonaan xil ka qaadis. Xildhibaanka ayaa markale fasiraad ka bixiyey hadalkaasi, maadaama laga noqday muddo kordhintii horey loo sameeyey, isaga oo hoosta ka xariiqay in madaxweynuhu aanu wax gor-gorton ah gelin hadalkiisii horena uu la xiriiray in uusan cidna kala fariisan karin go’aankii baarlamaanka. “Meel xaflad ah ayaan hadalkaasi ka jeediyey waa jirtaa, laakiin madaxweynuhu kama gor-gortamin, sidaan anigu iri waxay aheyd haddii uu ka gorgortamo waa duuban tahay waa la’eegi karaa,” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka. Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Haddaba waan ahay Nabad iyo Nolol, mana Loos gareynin, kuwa kalena maba isla socono.” Si kastaba Jeesow ayaa ka mid ah xubnaha xildhibaanada ah ee ku xiran Villa Soomaaliya, isla-markaana si weyn ugu ololeeyey go’aankii muddo koodhinta ee baarlamaanka , taas oo qalalaase siyaasadeed iyo mid dagaal kadib dib looga noqday The post Maxaa beddalay go’aankii Jeesow ee muddo kordhinta? appeared first on Caasimada Online.
-
Xajka sannadlaha ah ee oo loo aado magaalada barakeysan ee Maka ayaa lagu wadaa in sanadkan la sii ambaqaado balse waxaana la filayaa in shuruudo gaar ah lagu xidho xajka si looga hortago faafitaanka cudurka Karoona. Wasaaradda Xajka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in faahfaahinta iyo xaaladaha la shaacin dhawaan. Sanadkii la soo dhaafay Sacuudi Carabiya waxay u ogolaatay kaliya toban kun oo xujey ah gudaha ah marka loo eego celcelis ahaan seddex milyan oo ajaanib ah inay gutaan waajibaadka xajka, taasoo keentay jahwareer baahsan oo soo food saaray xujeyda. Source
-
Kulanka Wakiillada Joogtada ah ee Golaha Ururka Jaamacada Carabta ayaa lagu wadaa in uu maanta ka dhaco Xarunta ururka Jaamacada Carabta Magaalada Qaahira ee dalka Masar. Shirkaan oo la filayo in looga hadlo arrimaha dalka Falastiin iyo tacdiyada ka dhanka ah Falastiniiyiinta ee ay waddo Israa’iil ayaa waxaa shir gudoomin doona Dowladda Qadar. Shirkan deg deg ah ee looga hadlayo Tacadiyada iyo weerarada Askarta Yahuuda u geystaan dad ku cibaadeysanayo Masjidka Al-aqsa ayaa codsigiisu ka yimid Dowladda Falastiin waxaana ku dhawaaqay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee ururka Jaamacadda Carabta. PUNTLAND POST The post Ururka Jaamacadda Carabta oo kulan ka yeelanaya xaaladda Quddus iyo masjid Al-aqsa appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Khartoum)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in askar nabad ilaaliyeyaal hore oo Itoobiyaan ah oo tiradoodu ka badan tahay boqol ay weydiisteen magangalyo caalami ah dowlada Sudan. Askartan oo ka soo jeeda qowmiyada Tigray ayaa waxay qayb ka ahaayeen hawlgalkii UN-ka ee dhowaan la xidhay ee Darfur. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in askartan ay diideen inay dib ugu laabtaan Itoobiya iyagoo ka baqaya in la silciyo. Waxa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo eedeymaha la xidhiidha xasuuqa loo gaystay intii lagu jiray dagaalkii lix biloodlaha ahaa ee ka dhacay Tigray. Bishii Febraayo ee sannadkan aya sidoo kale Koofurta Suudaan koox kale oo nabad ilaaliyeyaal Itoobiyaan ah oo asal ahaan ka soo jeeda Tigray ay diideen inay dalkooda ku laabtaan iyagoo sheegay inay ka cabsi qabaan in la dhibaateeyo. Waxaa jiray warbixino badan oo ku saabsan tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha intii lagu gudajiray dagaalka lix biloodlaha ah Sabtidii madaxa kaniisada Orthodox ee Itoobiya – laftiisuna waa qoomiyadda Tigreega – wuxuu sheegay in dilkii ka dhacay gobolka Tigray lagu tilmaami karo xasuuq. Source
-
Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay warar sheegaya in dalka la keenayo Qaadka dalka Kenya ee Miirooga loo yaqaano . Qoraal ka soo baxay Hay’aadda duulista Rayidka ayaa lagu sheegay in dalka aan la soo geli karin Qaadka dalka kenya welina ay saaran tahay xayiraaddii ay dowladda ku soo rogtay . “Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (SCAA) waxay si sharaf leh ugu war-gelineysaa dhammaan howlwadeenada in Qaadka Mirra oo la keeno Soomaaliya ay weli mamnuuc tahay, islamarkaana Siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan soo dhoofinta Qaadka Miraa ee garoomada diyaaradaha dalka aysan waxba iska beddelin,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Hey’adda Duulista Raydika Soomaaliya. Warka ka soo baxay Hay’aadda duulista Rayidka ayaa sidoo kale lagu sheegay in haddii la soo geliyo dalka Jaadka Miirooga Amar la’aan ay Soomaaliya u aqoonsan doonto ku xad-gudub lagu xad gudbayo Hawadeeda . “Soo dhoofinta Mirra, iyadoon wax ogolaansho ah laga haysan Hey’adda Duulista Raydika, waxaa loo tixgelin doonaa tallaabo sharci darro ah iyo ku xad-gudub Hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka. Warka ka soo baxay Dowladda ayaa ku soo adaya xilli dhawaan ay xukuumadda soo celisay Xiriirkeedii diblomaansiyadeed ee kala dhaxeeyay . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Hay’adda Duulista Rayidka Source: goobjoog.com
-
Cabdiraxman Cabdillaahi Fantastic oo ah wariye ka hawl gala magaalada Hargaysa, ayaa koox loo malaynayo in ay yihiin sirdoon jidh dil u gaysteen kadib markii uu damcay in uu u gurmado gabadh ka barooranaysay guri ay jaar yihiin, xaafada Masalaha ee Hargaysa. Wariyaha oo sawiro uu iska qaaday isaga oo dhawac ah ay baraha bulshada ku faafeen, ayaa HOL uga waramay sida ay dhawacyadu kusoo gaadheen. “Habeenkii Sabtidu soo galaysay salaadi cishaayi kadib ayaan guriga imid. kadibna waxan maqlay gabadh ka barooranaysa guri aanu jaarnahay, kadibna waan daalanayoo waan iska jiibsaday” ayuu Fantastic HOL u sheegay. “Kadibna 12:00 habeenimo ayay baroortii dib u bilaabantay, xafadii ayaa isoo kicisay oo igu tidhi waar bal orod soo eeg gabadhan ooyaysa, marka waxanu maqlaynay rag gabadha u hanjabaya oo guriga gabadhu ka ooyayso ka hadlaya”. “Kadib waxan soo qaatay bastoolad yar oo bilaa rasaas ah, waxanan wargaliyay nin aanu saxibnahay oo sarkaal ah, oo aan u sheegay dhacdada, markaan dibada usoo baxay ayaan la kulmay asgari millateri ah oo meesha maraya, kadibna waxan waydiistay inuu ila soo fiiriyo guriga ay gabadhu ka ooyayso” ayuu hadalkiisa ku daray. Wariye Fantastic ayaa sheegay in markii ay isaga iyo askarigii garaaceen albaabkii guriga ay gabadhu ka barooranaysay ay ka fureen niman hubaysan oo aan xidhnayn wax labis ciidan ah, kadibna ay jidh dileen isaga iyo askarigiiba. “Markaanu albaabkii garaacnay ayay nagu yidhaahdeen “waa ayo” kadibna asgarigii baa ku yidhi “waa asgariye fura” kadibna intay dib u bexeen ayay qoryo soo qaateen, kadibna intay albaabkii fureen ayay na waydiiyeen waxa aanu doonayno”. “Asgarigii baa ku yidhi “waa maxay gabadha meesha ka qaylinaysa” kadibna waxay ugu jawaabeen “meeshu waa xero ciidan oo waad soo weerarteen” intaa kadibna garaacis bay nagu bilaabeen iniga iyo askarigiiba”. Ayuu Fantastic HOL usheegay. “Intay na garaaceen ayay inantii oo ooyaysa qol iskugu kaaya geeyeen, marka inantu dirac kaliya ayay xidhnayd, way timo qaawanayd, bilaa kabana way ahayd”. “Kadibna mid iyaga kamida ayaa yidhi “waar maxabiista meel layskuguma geeyo” kadibna waa nalaga saaray inantii” ayuu hadalkiisa kusii daray. Wariye Fantastic ayaa sheegay in sarkaal kii uu markii hore ku wargaliyay dhacdada uu lasoo hadlay kadibna uu telefon ka ugu dhiibay mid kamida nimankii haystay, intaa kadibna ay goobta yimadeen Axmed Muuse Biixi iyo rag kale oo sarakiil ah. Fantastic ayaa intaa ku daray in Axmed Muuse Biixi uu raali galin kabixiyay jidhdilkii loo gaystay, sidaana lagu soo dayay, waxanu sheegay in aan wax faahfaahin ah laga siin waxa meesha ka socday. Inkasta oo uu wariyuhu sheegay in raga jidh dilka u gaystay oo uu ku qiyaasay 6-7 nin aanu garanayn waxa ay yihiin, aya waxa ay ubadantahay in ay ahayen koox sirdoon ah oo danbi baadhis ku jirtay. Source: Hiiraan Source
-
Madaxweynayaashi hore ee dalka Sheikh shariif Sheikh Axmed iyo Xasana sheikh Maxamuud ayaa kulan xalay ku yeeshay magaalada Muqdisho . Labada Madaxweeyne ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeyay ee dalka , kadib ka bixitaankii ciidamada badbaado Qaran ee Muqdisho . Waxaa sidoo kale looga hadlay intii u socday kulanka sidii loo sii amba qaadi lahaa heshiiskii dhawaan ay wada galeen Mucaaradka iyo xukuumadda iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen wada hadalada arrimaha doorashooyiinka ee lagu balan san yahay 20 bishaan Kulanka ayaa sidoo kale Madaxweeynayaasha waxaa ku wehlinayay Senataro ka tirsan golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS . Sawirada Kulanka Source: goobjoog.com