Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa sheegaya inay dad dembiileyaal ahi ku jiraan Guddiyada Doorashooyinka Qaranka, gaar ahaan Xubnaha Jubbaland ku metelaya Guddiyada Doorashooyinka. Afhayeenka oo ka soo muuqday Warbaahinta ayaa sheegay inay dadka uga digayaan waxa lagu sheegay buu yiri Guddi Doorasho oo laga soo diray Magaalada Kismaayo. “Digniin, waxaan ummadda Soomaaliyeed dal iyo dibadba uga digeynaa waxa lagu sheegay Guddi Doorasho oo laga soo diray Magaalada Kismaayo, looguna magac-daray Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland. Waxayna aad dadka Jubbooyinka degan isu weydiinayaan abeeso dhul isu ekeysiin bay dadka u leysaayee, Dowladdii Soomaaliyeed ma indho la’dahay mise Soomaalinimadaa ka badatay?,” ayuu yiri Afhayeenku. Afhayeenka ayaa xubnahan ku sheegay inay yihiin Guddigii Madaxabannaanaa Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee Jubbaland ee laba sano horteed soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, isla-markaana qabtay doorashadii dib loogu soo doortay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), 22-kii bishii August ee sanadkii 2019, kuwaa oo uu ku eedeeyay inay dhibaatooyin ka gaysteen deegaanada Jubbaland. “Waxaan doonayaa Guddiga Doorashooyinka Heer State waxa lagu sheegay ee Magaalada Kismaayo laga soo diray waxa ay yihiin inaan caddeeyo. Taariikhdu markii ay ahayd 23-kii bishii March ee sanadkii 2019 Guddiga Madaxabannaan Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee Jubbaland magacawday waxa uu ka koobnaa sideed xubnood, oo ahaa ciidamo jinsiga Soomaali ka ah, laakiin mariin ahoo qalbiga ka jirin oo dhalinyaro da’ yar ahoo aqoonyar, oo dowlad ajnabi ah inta ay tababaratay hub u soo dhiibtay, ayna dooneysay danaha ayada ay leedahay oo dal qabsi duleysi ah iyo xasuuq inay ku fushato asalkoodu saas ayay ahaayeen. Waxaana Gudoomiye u ahaa Xamse Cabdi Barre, Kuxigeena waxaa u ahaa Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Ilkadheere.) Guddigaas waxay asteeyeen xuduud dhulka Soomaaliya la dhigayo oo dowlad ajnabiya lagu siinayay ciiddii Soomaaliyeed, min Raaskambooni illaa Biibii 1. Xuduudaas oo xuduuddii Ingiriiska uu sameeyay meesha ugu dhow 700 oo tallaabo ay soke ka tahay, meelaha qaarkood-na 17km gudaha dhulkeena la soo geliyay. Anigoo ammaanayo asal iyo asaliyad ahaanbo shacabkii Soomaaliyeed oo sida Falastiin oo kale dhulkoodii ku dagaalamayay, waxaa meeshaa ka dhashay dil loo gaystay tobanaan qof oo shacab Soomaaliyeed ah, ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo Soomaali ah, ayna ku baaba’een hanti Soomaaliyeed oo qaali ahoo aad u fara-badan, oo ay ka mid tahay kaabadii dhaqaalaha ee Shirkaddii Isgaarsiinta Hormuud oo dadkaa maqal, manfac, EVC iyo keydba u ahayd, waayo lacagtii dadkaa way baaba’day, lacag qalaadna inay isticmaalaana aad bay uga qabweyn yihiin,” ayuu yiri Aadan Rufle. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Tusaale, taariikdu markii ay ahayd 23-kii bishii September 2020 deegaanka Yado oo 30km dhinaca waqooyi kaga beegan Degmada Ceelwaaq, uuna maro xad beenaadka, lagana soke mariyay xadka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha ay asteeyeen, dadkii dhagaxa ku dadaalamayay waxaa laga afduubay afar qof, 3 maalmood ka dib tuulada Daarusalaam oo iyaduna xad beenaadka mari jiray waxaa laga afduubay afar qof, oo nin ka mid ah waa la dilay, saddexdii kalena min saddex kun oo lacagta Mareykanka ah ayaa looga soo furtay Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo adeegayaashooda, dadkii kale ee la afduubay illaa iyo hadda ma hayno, oo sidii loo afduubtay bay ku maqan yihiin. Waxaa jira dad kale oo aan hadda i hor oolin magacyadooda, laakiin dabcan ay feel/file ku jiraan oo maqan, ayna sababteeda leeyihiin in la waayo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee la magacaabay 23-kii March 2019.” Aadan Rufle ayaa yiri “Doorashadii Jubbaland ee 2019 la qabtay waxay sameeyeen isimo dhaqan oo gacan ku rimis ah, oo lagu bedelay Odayaashii Dhaqanka ee soo jireenka ahaa, dadkana waxaa loo sheegay inay Xildhibaanada Jubbaland soo xuli doonaan Odayaashii Dhaqanka ee la yaqaanay, waxaan ku eedeyneynaa inay laayeen Odayaashii Dhaqanka ee ka horyimid bedelkii lagu sameeyay. Isimada Dhaqanka ee la laayay waxaa ka mid ahaa Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan (Gaari), Suldaan Cabdirashiid Dhurre Cumar, Suldaan Axmed Diiriye Qalyar iyo odayaal kaloo badan. Waxaa sidoo kale jiray odayaal ka horyimid arrintaasi oo loo musaafuriyay Magaalada Muqdisho, kuwaa oo illaa iyo hadda ku sugan.” Rufle ayaa ku waramaya inaanan Dowladda Federaalka laga sugeynin inay dadkaasi Guddi Doorasho uga dhigto sida uu yiri dadka, oo ay ahayd inay Guddiga Doorashada noqdaan kuwa aan shisheeyaha u adeegin. “Waxaan leenahay Dowladda Soomaaliyeed dadkaasi waxaas oo dhiba gaystay in Guddi Doorasho dadka looga dhigo maaha waxaan ka lug bixi karno. Dowladdii Soomaaliyeed ee la rabay inay dalka iyo dadka difaacdo, oo dadkii dhulka difaacayayna ay dalacsiin siiso meeshii laga suggayay, inay dembiile-yaashii ay xasaanad siiso, tiraahdana dad bay soo dooranayaan maaha wixii laga suggayay.” Ayuu yiri Rufle oo intaa ku daray “Doorashaddii dhaweyd ee lagu soo doortay Axmed Madoobe, si adag bay uga hortimid Dowladda Federaalka, iyadoo og inaysan guddigaasi qaban doorasho daahfuran. Guddiga noocaas ah sidee baa maanta loogu aaminay doorashadii guud?” Ugu dambayn waxa uu yiri “Waxaan dooneynaa dad nadiif ah oo Soomaali ah, oo dowlad ajnabiya jaajuus u ahayn oo dhulka difaaca in la keeno, oo aan dadka Guddi Doorasho looga dhigin dembiile-yaashii intaas oo dembi ah gaystay.” The post Xubno ka tirsan guddiyada doorashada oo lagu eedeeyey inay dambiileyaal yihiin appeared first on Caasimada Online.
  2. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sameeyay guddiga Amniga doorashada, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona sugida amniga doorashooyinka dalka. Guddiga ayaa waxaa uu ka kooban yahay Taliyeyaasha Booliska Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska AMISOM, waxayna dhammaantood ku shaqeyn doonaan awaamiirta Ra’iisul Wasaaraha. Xubnaha Guddiga Amni ayaa waxaa ay qorsheynayaan oo ay hagayaan hannaanka amniga doorashada, iyaga oo sidoo kale dejinayaa qorshaha amniga Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddiga Amniga doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  3. Ugu yaraan 3 qof ayaa la sheegay in si xun loogu dhaawacay Is-rasaasayn saqdii dhexe ee xalay ka dhacday caasimadda dalkaasi ee Boon. Wargeyska Maalinlaha ee The Bild waxa uu qoray inay Toogashadaasi ka dhacday Degmadda lagu magacaabo Degmadda Arooska oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Boon. Dhibanayaasha la dhaawacay waxaa loola cararay Isbitaalka oo lagu daaweynayo. Ninkii weerarkaasi geystay ayaa la sheegay inuu baxsaday, waxayna Ciiddanka bilaabeen Baaritaan, iyagoo go’doomiyey goobta ay Toogashadu ka dhacday. PUNTLAND POST The post Toogasho Xalay Ka Dhacday Caasimadda Jarmalka appeared first on Puntland Post.
  4. Oman have become the second team to emerge triumphant from the FIFA Arab Cup 2021™ qualifiers, edging past Somalia in an entertaining encounter at the Jassim Bin Hamad Stadium. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa madaxtooyada ku qaabilay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Soomaaliya iyo maamulaha shirkadii maanta dalka Itoobiya u dhoofisay Kalluunka, kadib markii uu dhacay heshiis ay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya isku dhaafsanayaan Kalluunka iyo Qaadka. Farmaajo waxa uu soo dhaweeyey heshiiskaas, isagoo xukuumadda ku amaanay waxa uu ugu yeeray, “awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo heer gobol ah oo loo iib geeyo waxsoosaarka dalkeenna ay kor uqaadeyso dhaqaalaha dalka, fursadaha shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo heer nololeedka shacabkeenna.” Hoos ka akhriso war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo heer gobol ah oo loo iib geeyo waxsoosaarka dalkeenna ay kor uqaadeyso dhaqaalaha dalka, fursadaha shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo heer nololeedka shacabkeenna. Madaxweynaha oo warbixin ka dhageystay Wasiirrada Wasaaradaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame, Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in ganacsiga kala dhexeeya dalkeenna dalalka dariska uu ku saleysan yahay isu dheellitirnaan iyo waxwada qabsi , iyada oo ganacsatada Soomaaliyeed ay helayaan dheef-dhaqaale oo u dhiganta tan dhiggooda badeecadaha keensada dalka. Maamulaha Shirkadda dhoofisay Kalluunka maanta loo iib geeyey Itoobiya ee qeybta ka ah is-dhaafsiga dhaqaale ee Labada dal Mudane Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) oo kulanka ka qeyb galay ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalka mudnaanta ay siinayaan xal u helista caqabadaha ku xeeran ganacsatada Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso suuq-geynta heer gobol iyo jaangooynta fursadaha. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax ayaa sheegay in fursadaha iskaashiga ganacsi ee dalalka dariska ah ay barbar socdaan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isu dheellitirka ganacsiga aan la wadaagno dalalka dariska ah iyo xoojinta wax-soosaarka, taas oo suurta gelinaysa in dalagyada iyo wax-soosaarka dalka ay ka muuqdaan suuqyada dalalka Gobolka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey suuqa ganacsi ee u soo kordhay kalluumaysatada Soomaaliyeed, waxa uuna xaqiijiyey in la joogo waqtigii aynu kula tartami lahayn dalalka gobolka waxsoosaarka gudaha dalkeenna. DHAMMAAD The post Maxay tahay tallaabada ay qaaday xukuumadda Rooble ee Farmaajo uu ku amaanay caawa? appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) –Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax caawa ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex – degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaas oo la soo werinayo inuu geystay khasaare kala duwan. Inta la xaqiijiyey hal qof aya ku dhaawacmay qaraxaas, halka warar soo baxaya ay sheegayaan inay jirto dhimasho, inkastoo aan weli laga helin faahfaahin rasmi ah. Qaraxa oo haleelay gaari Surf ah ayaa warar kala duwan waxay ka soo baxayaan nooca uu ahaa, waxaana weli la kala xaqiijin inuu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda iyo in gaari lagu xiray. Qofka dhaawacmay ayaa ahaa ninkii waday gaariga qaraxu haleelay, waxaana la sheegay in asgoo dhaawac culus ah isbitaal loola cararay. Dhinaca kale, waxaa jira qaraxyo dhowr ah oo la sheegay in ciidamada ammaanka ay caawa qabteen lana qarxiyey, iyaga oo aan geysan wax khasaare ah, inkastoo faahfahin rasmi ah oo ku aadan aysan ka soo bixin hey’adaha ammaanka. Jugta qaraxyadaan ayaa caawa aad looga maqlay qeybo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho, welina dowladdu wax faah-faahin ah kama aysan bixin khasaaraha ay geysteen. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online The post Faah-faahino kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  7. Dowladda Soomaaliya ayaa dhiggeeda Itoobaya maanta la saxiixatay heshiis ah Is-dhaafsiga Qaadka Itoobiya iyo Kalluunka Dalka . Munaasibadda Heshiiskaan oo ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Itoobiya ee Muqdisho iyo kuwa ka socda dowladda Soomaaliya. Heshiiska rasmiga ah ee ganacsiga labada Waddan ee Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa horseeday in Kalluunka Soomaaliya uu suuq caalami ah ka helo dalalka deriska iyo kuwa kale. Maanta ayaa sidoo kale Waxaa Itoobiya loo daabulay 20,000 oo shixnad kalluun ah kuwaas oo ay qaadday diyaaradaha dalka keena Jaadka Itoobiya. Itoobiya ayaana hadda kadib soomaaliya u soo dhoofin doonto Jaadka dalkeda ka baxo . Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha guddiga amniga doorashooyinka dalka, kuwaas oo dhamaantood saraakiil ah. Xubnaha uu ka kooban yahay guddigaan ayaa isugu jira taliyeyaasha Booliska Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska AMISOM. Saraakiishaan dhammaantood waxay ku shaqeyn doonaan awaamiirta Ra’iisul Wasaare Rooble oo hoggaaminaya doorashooyinka dalka, isla markaana si buuxda loogu xil-saaray inuu dalka ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo si nabdoon ku dhacda. Waxaa xusid mudan in Madasha Wadatashiga Qarano oo ay ku bahoobeen ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ay wada saran tahay mas’uuliyadda qabsoomidda doorsho lagu wada qarancsan yahay, maadaama ay si wadajir ah u saxiixeen heshiiskii 27-kii May. Doorashadaan ayaa laga cabsi qabaa in magaalooyinka qaar ay isku qabtaan dhinacyada tartamaya, maadaama uu ka muuqdo loolan adag, waxaana magaalooyinkaas ka mid ah Dhuusamareeb, Beledweyne iyo Garbahaarey. Hoos ka akhriso shaxda guddiga amiga doorashada The post Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka oo lagu dhowaaqay (Aqriso xubnaha ku jira) appeared first on Caasimada Online.
  9. Somali National Army has killed 15 Al-Shabab militants, SNA commanders have said. Source: Hiiraan Online
  10. Human rights organizations in Libya have denounced the alleged sexual assaults and attempted rapes of young asylum-seekers from Somalia Source: Hiiraan Online
  11. The Peninsula) Mogadishu: Qatar National Library (QNL) donated more than 4,000 books in various fields of knowledge, culture and scientific research to the Somali National Library (SNL), and this comes within the framework of cooperation between the two countries in the educational and cultural fields. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magacowday Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, sida dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Horumarka. Madaxweyne Deni iyo Safiir Cabdifataax ayaa markii kulanku u soo dhammaaday shir jaraa’id oo ay qabteen ku faahfaahiyay waxyaabihii ay ka wadahadleen. Daawo muuqaalka shirka jaraa’id. Waa markii ugu horreysay oo meel Muqdisho ka baxsan uu booqdo Safiirka cusub ee Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan. PUNTLAND POST The post Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Deni iyo Safiirka cusub ee Itoobiya? appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu si yaab leh uga hadlay heshiiskii ay maanta kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, kaasi oo qaadka Ethiopia lagu bedelanayo Kalluunka Soomaaliya. Heshiiska oo saaka lagu saxiixay gudaha garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cade, ayaa waxa uu Fiqi ku tilmaamay mid aan baahi badan loo qabin, marka loo eego faa’iidada labada badeeco ee la isku badalay. “Ethiopia wax soo saarkeedii badnaa ee baahida loo qabay ma waxay dawladeenu nooga doortay Qaadka inaan ka soo qaadanno, ugu bedelno kalluun!?,” ayuu yiri Fiqi oo su’aal ka keenay tallaabada ay qaaday dowladd. Sidoo kale waxa uu shaki galiyay daah-furnaanta ka ganacsiga qaadka oo uu sheegay inay u xiran yihiin dad gaar ah oo qaraabo dhow la ah madaxda sarre, taasi oo meesha ka saareysay ganacsiga xorta ah. “Sheekadu waxay maraysaa “ninkaad jeclaanayso qaadkiisaa la jeclaadaa, ka ganacsigiisana qaraabadaa lala jeclaadaa!,” ayuu ugu dambeyntiina qoraalkiisa ku yiri Fiqi. Si kastaba, Heshiiska ay maanta kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa waxa uu noqonayaa heshiiskii ugu horeeyey ee noociisa ah, oo horseedaya in Kalluunka Soomaaliya uu suuq caalami ah ka helo dalalka deriska iyo kuwa kale. The post Fiqi oo ka hadlay heshiiska ay Soomaaliya kalluunka ugu beddelayneyso qaadka appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ka hadlay xaaladda askarta ay Dowladda Soomaaliya tababar ahaan ugu dirtay dalka Eritrea iyo sababta ka dambeysa inay dalka ka maqnaadaan waqti ka badan intii loogu talagalay inay tababarka ku qaataan. Baqdaadi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuldareysatay inay xaliso waxyaabo badan oo ka qaldoomay oo sababay in askartaan Soomaaliyeed ay muddo badan ku xayirmaan dalka Eritrea. Baqdaadi oo la hadlay Goobjoog TV ayaa sheegay in arrimaha ka qaldoomay Dowladda Soomaaliya ay kamid noqon karaan wararka la hadal hayo ee ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay bixin weysay lacago ay ballan qaaday taasoo keentay in askarta laga qaaday dalka loo heysto rahan ahaan. “Askari dable ah in sanad iyo ka badan la hayo caqliga caadiga ah ma keenayo, waxaan aaminsanahay inuu jiro arrin ay xalin la’ dahay dowladda hadda jirta, waqtigii loogu talogalay way dhaaftay, qorsheyaashii laga lahaana waa suurageli waayeen,” ayuu yiri Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada. Cabdulqaadir ayaa tilmaamay in rajo fiican laga qabo dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo guddiga uu magacaabay, wuxuuna rajo weyn ka muujiyey in xog rasmi ah oo ay ku qancaan waalidiinta la keeni doono. Ugu dambeyntii, wasiiru dowlihii hore ee madaxtooyada ayaa madaxda ugu sarreeyo dalka ka codsaday inaysan ka been sheegin xaaladda ay ku sugan yihiin askarta maqan, maadaama waalidiintii dhalay ay ku sugan yihiin xaalad hubanti la’aan ah. Walaaca laga qabo askarta dalka Eritrea loogu qaaday tababarka ciidan ayaa cirka isku sii shareeray markii guddiga u qaabilsan qaramada Midoobay dhanka Xuquuqul insaanka ay sheegeyn in ciidamada Soomaalida ah ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigreyga. Waalidiinta ilmaha maqan ayaa dhowr jeer dibad baxyo waaweyn ka dhigay jidadka Magaalada Muqdisho, waxayna madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsadeen inuu ilmahooda usoo celiyo, inkastoo madaxweyne Farmaajo uusan codsiga iyo illinta waalidiinta marnaba u damqan. The post Wasiiru dowlihii hore ee madaxtooyada oo shaaciyey sabab loo haysto askarta la geeyey Eritrea appeared first on Caasimada Online.
  15. M/weyne Muse Biixi Madaxtooyada Kulan kula yeeshay Haweenkii ku hadhay Tartankii Doorashooyinka Goleyaasha Wakiilada & Deegaanka S/land. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay murrashaxiintii haweenka ahaa ee ka qaybgalay doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay 31-May-2021, islamarkaana aan ku guulaysan kuraasidii ay u tartameen. Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo halkaas ka hadashay, ayaa madaxweynaha ugaga mahadcelisay, kulanka uu la qaatay haweenka aan ku guulaysan damacoodii ahaa inay goleyaasha wakiillada iyo deegaanka kamid noqdaan, waxana ay caddaysay in kulankani ka yimi dhinaca madaxweynaha qaranka. Gudoomiyaha dallada haweenka ee NEGAAD, marwo Ismahaan Cabdisalaan Xasan halkaas ka hadashay, ayaa sharraxday dedaalkii ay xubnaha haweenka ee sharraxani u galeen sidii ay u guulaysan lahaayeen iyo sidii ay xukuumadda iyo ururrada kale ee haweenka taageeraba uga go’nayd inay hablahaasi guul soo hooyaan, waxana ay si guud haween ugu soo jeedisay inaanay niyad jabin, siina wadaan dedaalkooda. Xubno kamid ah haweenkii murrashaxiinta ahaa ee aan guulaysan oo ay kamid yihiin, marwo Dalays Shire Faarax, Marwo Sacda Aw Muuse Axmed, Marwo Sucaad Carmiye Odowaa, Marwo Xaliimo Xuseen Yuusuf, Marwo Nimco Maxamed Cawaale, Marwo Amran Cali Bile iyo Muna Xuseen Khaliif oo ku hadashay magaca ururka HIIL HAWEEN oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday caqabadihii kala duwanaa ee ka qabsaday inay guul gaadhaan, waxana ay tilmaameen inay soo mareen jid dheer oo ay ka barteen casharro nololeed iyo kuwo siyaasadeed oo ay noloshooda dambe iyo mustaqbalkoodaba uga faa’iidaysan doonaan. Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah aqoonyahanka waaweyn ee reer Somaliland, kana tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna dhankiisa wax laga xumaado ku tilmaamay in xubno haween ah oo aqoon ahaan diyaarsani ay kusoo bixi waayaan kuraasidii ay tartankooda galeen, waxana uu xusay in haatan la gaadhay waqtigii laga gudbi lahaa dhammaanba caqabadaha ku gedaaman haweenka oo ka ballaadhan wax ay xukuumaddu kaligeed xallin karto. Xildhibaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo kamid ah xildhibaannada golaha wakiillada ee xisbiga KULMIYE, ayaa haweenka aan ku guulaysan inay hammigooda dhinaca tartanka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka kula dardaarmay inay firfircooni iyo niyad-wanaag ka qaadaan dhibka soo gaadhay oo aanay niyad-jabin, casharrona ka bartaan dariiqa adag ee ay soo mareen muddadii ay ololaha doorashada ku jireen. Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa ku dheeraaday kaalinta muhiimka ah ee ay haweenku ugu jiraan qaranka iyo sida ay xisbi ahaan ugu dedaaleen inay helaan saaxad hufan oo ay ku tartamaan, islamarkaana y dhammaan gobollada dalka ka siiyeen saami weyn oo ay kaga qaybgelayaan tartankii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay. Wasiirrada wasaaradaha, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Shaqo-gelinta, qoyska iyo arrimaha Bulshada, Mudane Mustafe Cali Bile oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey kulanka uu haweenka aan ku guulaysan kuraasidii ay isu soo sharraxeen ee gobollada iyo degmooyinka dalka, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay xukuumadda ka go’an tahay inay mar walba haweenka qaranka garab istaagto. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii uu si hufan u dhegaystay soo jeedimihii haweenka iyo codsiyadii ay soo jeediyeen, halkaas ka jeediyey khudbad uu kula dardaarmayo haweenka, isaga tilmaamay inay haweenku guul weyn gaadhaan, caqabadaha maanta hor taagan intooda badanina aanay iyaga gaar u ahayn oo lala wadaago, waxana uu yidhi, “Habluhu guul inay joogaan baan anigu u arkaa, waayo haddii raggu idin cadaadinayey, haddii qabyaaladi idin cadaadinaysay iyo haddii dhaqan idin cadaadinayeyba, maanta waxad ku faraxdaan kuwii intaaba is bidayey ee moodayey inay dhaqan kusoo baxayaan iyo idinku inaad meel wada joogtaan, markaad codka eegtaanna intii aad ka cabanayseen, in badan oo tirsanaysay maanta waa idin la mid oo may soo bixin.” Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu caddeeyey inuu madaxweyne ahaan kaalin weyn ka qaadanayo sidii haweenka looga qaybgelin lahaa talada qaranka, loona suulin lahaa caqabadaha haweenka hor yaalla,“Xukuumad ahaan waannu idinla shaqaynaynaa, carqaladdaa ay dumarku ka maqan yihiin taladii dalkana waa waajib qaran oo qof walba saaran, in arrintaas xal loo helo oo la riixo, xukuumad ahaan iyo qof ahaanba kaalintaydaan ka qaadanayaa, waanan ka dedaalayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynuhu waxa soo dhaweeyey codsiyo kala duwan oo ay haweenka aan doorashadii ku guulaysani madaxweyne ahaan ugu soo gudbiyeen, waxana uu u sheegay inuu la dareen yahay, codsiga ay usoo jeediyeen ee ay ku midaysan yihiinna uu si gaar ah usoo dhaweynayo, tixgelinna siinayo. Qaran News
  16. Mid ka mida Raggii ka dambeeyay Afduubka Haweenkii Somalida oo la qabtay+Sidii looga soo badbaadiyey Haweenaydu afduubka u haystay Booliiska Kenya ayaa soo xiray mid ka mid ah raggii ka dambeeyay “afduubka” gabdhaha Soomaalida dhowaan loogu geystay magaalada Nairobi ee caaismadda Kenya. Xafsa Maxamed Luqmaan oo booliisku ay shaaciyeen in maanta laga soo helay xaafadda Kayole ayaa la sheegay in la afduubtay toddobaadkan dhexdiisa. Eedeysanaha oo 24 jir ah ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa burcaddii afduubatay Xafsa, ayaa la soo qabtay booliiska ayaana su’aalo weydiinaya. Booliiska ayaa ku raad jooga raggii kale ee burcadda ka tirsanaa. Xafsa oo markii ugu dambeysay ku sugneyd dukaankeeda oo dhar lagu iibiyo ayay afduubteen koox burcad ah, kuwaas oo dalbaday Sh5 milyan. Muuqaal naxdin leh oo laga soo duubay Xafsa ayaa lagu arki karay iyada oo wejigeedu bararan yahay isla markaana qoyskeeda ka bayeysa inay lacagta bixiyaan si ay nafteeda u badbaaddo.Xafsa ayaa haatan lagu daweynayaa isbitaalka. Qaabkee lagu soo badbaadiyay gabadhii lagu afduubtay Nairobi? Xafso Maxamed Luqmaan Booliska Kenya ayaa sheegay in saaka ay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan gabadh maalmihii lasoo dhaafay maqneyd oo lagu afduubtay Nairobi. Laanta dambi baarista ee Kenya ayaa shaacisay in Xafso Maxamed Luqmaan laga soo badbaadiyay kooxihii afduubka geystay xilli ay ku hayeen guri cidla oo mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi. Waxay booliska intaas ku dareen in gabadha lagu khasbay inay ku dhex jirto mid kamid ah haamaha lagu keydsado biyaha. Qoraal ay laanta dambi baarista Kenya soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in nabarro dhanka wajiga iyo gacmaha uu ka muuqdo sidaas darteedna haatan loola cararay cisbitaal si xaaladdeeda loo daryeelo. “Haweeneyda waxaa wajigeeda iyo gacmaheeda ka muuqday nabarro, durbadiiba waxaa loola cararay cisbitaalka si loo daweeyo” Waxay booliska qabteen in nin 24 jir ah oo la sheegay in uu ka qeyb ka ahaa dadkii afduubtay Xafso Maxamed Luqmaan. “Nin 24 jir ah oo ka qeyb ahaa dadkii afduubtay Xafsa ayaa la xiray, haatana waxaa su’aalo weydinayaa baarayaasha si uu sharraxaad ugu bixiyo falalka afduubka ah si uu uga caawiyo in lasoo qabto dambiilayaasha kale” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliska. Booliska waxay digniin u direen qof kasta oo damacsan in uu ku kaco falal lamid ah dambigan isla markaana ay dadaal kasta ku bixinayaan sidii loo soo qaban lahaa dadka arrin noocaas ah ku lug leh. Waxaa lagu soo warramayaa in kooxihii gabadha afduubtay ay isaga carareen goobta ka hor inta aysan soo gaarin booliska, sida uu ku warramaya wargeyska The Standard. Wargeyska oo soo xiganayo booliska ayaa sheegay in xafso aysan waxbo cunin maadaama ay diiday cuntadii ay u keenayeen kooxihii qafaashay. Xafso Maxamed Luqmaan Waxay shacabka uga mahadceliyeen la wadaagidda xogta u suurtagelisay badbaadinta Xafso Maxamed Luqmaan. Xafso Maxamed Luqmaan oo 23 jir aheyd ayaa la waayay 15-kii bishan Juun xilli ay ku sugneyd xarunteeda ganacsi oo ku taalla xaafadda Islii. waxaana la rumeysan yahay in lala qafaashay gabadh kale oo la yiraahdo Xafso. Muuqaal argagax leh oo lagu bahiyay baraha bulshada oo ay ka soo muuqatay gabadhan lasoo daayay, waxay sheegtay in kooxda haysata ay doonayaan illaa $50-kun oo dollar oo madax-furasho ah. Muuqaalka waxaa ka muuqatay gabadha oo indhaha ay u xiran yihiin, wejigeedana uu ka muuqday jir-dilay, waxay ku tiri: “Waa la i afduubtay, lacagna way rabaan. Fadlan soo dira”. Kenya waxaa aad looga hadal hayay agfduub loo geystay gabdho Soomaali ah oo lagu afduubtay Kenya, waxaa la helay qaar kamid ah gabdhahan iyadoo mid kamid ah meydkeeda laga helay magaalada Mombasa. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war kasoo saaray dastuurkii u horeeyay ee Soomaaliya ay yeelato, kaasi oo ku asteysnaa muddo 60 sanno ka hor maanta oo kale. Sheekh Shariif ayaa maanta oo ku suntan maalintii ugu horeysay ee umadda Soomaaliyeed ay afti u qaadeen, kuna ansixiyeen dastuurkii ugu horeeyay ee Jamhuuriyada ayaa ku tilmaamay inay tahay maalin ku weyn dalkeena. “Maanta oo kale 60 sano ka hor waa maalin ku weyn Dalkeenna, waa maalintii ugu horeeysey ee umadda Soomaaliyeed ay afti u qaadeen, kuna ansixiyeen dastuurkii ugu horeeyey ee Jamhuuriyadda Soomaaliya – 20-June-1961,” ayuu yiri. “Waxa uu ahaa mid kamid ah dastuurrada heshiis bulsho ee caalamka ugu fiican, qaaradda Africa oo aan ka tirsannahayna ka ahaa tusaalaha ugu fiican, balse gabi ahaanba la baa’biyey markii Milatarigu ay afgambi talada Dalka ku qabsadeen 21 October 1969.” Waxa uu hoosta ka xariiqay in Dastuurkii qabyada ahaa ee uu diyaariyey muddo xileedkiisa, in ilaa maanta oo kasoo wareegtay 8-sanno aan wax is bedel ah laga sameyn dhameystirkiisa. “60 sano kadib maalintaas qiimaha weyn noogu fadhida, maanta waxaan haysannaa Dastuur qabya ah oo intii aan xafiiska joognay aan diyaarinay, hayeeshee 8 sano kadib oo laba Dowladood ay is bedeleen weli aan la dhamaystirin.” Ugu dambeyntiina waxa uu ballan-qaaday hadduu markale kusoo laabto xafiiska u sareeya dalka in uu dhameystiri doono dastuurka qabyada ah, ayada oo lagu ansixinayo afti dadweyne, sida uu sheegay. “Waxaan umadda Soomaaliyeed u xaqiijinaynaa haddii aan xafiiska kusoo noqonno Bi’idnillah, inay naga go’an tahay sidii aan u dhamaystiri lahayn dastuurkaas qabyada ah, Soomaaliyana ugu sameyn lahayn Dastuur rasmi ah, afti dadweyne lagu ansixiyo marka tirakoob shacab aan sameyno.” The post Sheekh Shariif: Maanta waa maalin ku weyn dalkeena, waxaana ballan-qaadayaa… appeared first on Caasimada Online.
  18. PRESS RELEASE Ethiopia: Declaration by the High Representative on behalf of the European Union The EU also recalls the importance to engage in and foster a comprehensive, inclusive and transparent national dialogue with the participation of women and youth and all relevant stakeholders BRUSSELS, Belgium, June 19, 2021/ — On June 21, a majority of Ethiopian voters will be invited to participate in elections. Some constituencies will vote at a later stage, in part due to security and logistical challenges. The European Union (EU) takes note of this important step and recalls the fundamental democratic right of all Ethiopian citizens to be able to vote, everywhere in the country. Aware of the importance of these elections for the political transition in Ethiopia, the EU has supported the electoral process and the work of the National Electoral Board of Ethiopia (NEBE). The EU commends the efforts deployed by NEBE personnel around the country, and welcomes the public commitment of the Ethiopian government to hold democratic and peaceful elections. Yet, the EU regrets the impossibility of sending an election observation mission. Ethiopia remains in a complex domestic situation. Concerned with ongoing violence across the country, human rights violations and political tensions, harassment of media workers and detained opposition members, the EU calls upon the government and local and regional authorities to ensure a transparent and safe process, to guarantee the free and equal participation of all political parties and candidates who are running, to facilitate the participation of all citizens, to ensure freedom of the press and of expression as well as the safety of journalists, other media workers and election observers and to provide full logistical and administrative support to NEBE. The EU also calls on all actors to refrain from spreading hate speech and from calling for acts of violence. The elections could be an important step in Ethiopia’s democratic process. The EU also recalls the importance to engage in and foster a comprehensive, inclusive and transparent national dialogue with the participation of women and youth and all relevant stakeholders, including civil society organisations, political parties and regional authorities, in order to strengthen democracy and to support conflicts resolution as well as reconciliation. The EU will stand by Ethiopia in the implementation of democratic reforms as well as reconciliation efforts that would emerge from an inclusive and transparent dialogue. Distributed by APO Group on behalf of Council of the European Union. SOURCE Council of the European Union Qaran News
  19. STATEMENT ON THE RENEWAL OF HUMANITARIAN LIFELINE TO MILLIONS OF PEOPLE IN NORTH-WEST SYRIA Millions of people are pressed up against the border in an active war zone in north-west Syria and remain in need of humanitarian aid to survive. The UN needs cross-border and cross-line access to reach those most in need. We call for the renewal of Security Council authorization for cross-border operations from Turkey to north-west Syria. A failure to do so would immediately stop UN delivery of food, COVID-19 vaccines, critical medical supplies, shelter, protection, clean water and sanitation, and other life-saving assistance to 3.4 million people, including 1 million children. The UN continues engagement with all concerned parties to also allow cross-line convoys into the north-west. They are critical for the expansion of the overall response, but even if deployed regularly they could not replicate the size and scope of the cross-border operation. There is simply no alternative. A large-scale UN cross-border response for an additional 12 months remains essential to avert a humanitarian catastrophe in north-west Syria. Signatories Mr. Mark Lowcock, Emergency Relief Coordinator and Under-Secretary-General for Humanitarian Affairs (OCHA) Mr. António Vitorino, Director General, International Organization for Migration (IOM) Dr. Natalia Kanem, Executive Director, United Nations Population Fund (UNFPA) Mr. David Beasley, Executive Director, World Food Programme (WFP) Mr. Filippo Grandi, High Commissioner for Refugees (UNHCR) Ms. Henrietta H. Fore, Executive Director, United Nations Children’s Fund (UNICEF) Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, Director-General, World Health Organization (WHO) Qaran News
  20. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhagax-dhigay dib udhis iyo dayactir lagu samaynayo si casri ahna loo dhisayo Cisbitaalka Guud ee Magalaada Garowe. Waxaa xaflada lagu dhaggax dhigayay ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Nugaal Cawali Ahmed Jabuuti,Duqa magaalada Garowe Ahmed Siciid Muuse iyo Madaxa Hay’adda UNICEF Puntland Rahama. Waxaa ugu horayn ka hadlay duqa caasimada Ahmed Siciid Muuse oo soo dhaweeyay muujiiyay muhiimada mashruuca maanta la dhaggax dhigay in loo dhisayo cisbitaalka si casri looga dhigayo cisbitaalka qabta adeegyada looga baahanyahay. Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Ahmed Jabuuti ayaa isna hadal kooban oo ka jeediyay kaga hadlay muhiimada uu uleeyahay cisbitaalkaan Gobolka iyo sida uu uga rajaynayo in laga helo adeegyada looga baahanyahay cisbitaal dawli ah. Wasaaradda ayuu ku amaanay sida ay meel kasta oo uu booqday oo Gobolka ka mid ah u gaartay shaqo la taaban karana uga qabatay. Dr Rahama Madaxa hay’adda UNICEF Puntland oo isna madasha ka hadlay ayaa yiri:- Mudane Madaxweyne mudane wasiir waxaan ku faraxsanahay inaan maanta dhagax dhigayno mashruuc balaaran oo wax looga qabayo cisbitaalka garowe laguna doonayo in uu la jan qaado kuwa aduunka. “Waxaan uga mahadcelinayaa dawlada Garmalka oo dhaqaalaha bixisay iyo masuuliyiinta wasaaradda oo muujiyay ka go’naanshaha hirgalinta mashruucaan, waxaan rajaynayaa marka uu dhamaado inuu wax weyn ka badali doono caafimaadka bulshada gaar ahaan Hooyada iyo ilamaha.” ayuu sii raaciyay Dr Rahama Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Jamac Faarax Xasan oo isna ka hadlay xaflada ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay in maanta la dhaggax dhigayo cisbitaalka magaalada Garowe oo ka mid ah cisbitaalada ugu waaweyn ee ku yaala Puntland, waxa uu uga mahadceliyay wadanka Garmalka hay’adda UNICEF iyo shirkada dhisaysa siday kaalintooda u qaateen. Wasiirka ayaa balan qaday in marka dhismaha uu dhamaado la qalabayn doono shaqadii uu qaban jiray ka badana uu qaban doono. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo ugu danbeyn ka hadlay xaflada ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Bulshadu hesho Isbitaal weyn oo casri ah oo adeegyada Caafimaad bixiya, wuxuuna u mahadceliyay dowladda Germany oo Puntland ka caawinaysa dhismaha Isbitaalkan iyo Hay’addaha Wasaaradda Caafimaadka la shaqeeya sida UNICEF oo fulinaysa dhismaha. Dhismaha Isbitaalka guud ee Garoowe wuxuu ka mid yahay baahiya Bulsho oo dowladdu ka jawaabtay, si dadweynaha reer Puntland u helaan xarun Caafimaad oo dhameystiran oo baahidooda ka haqabtirta. Halkaan ka daawo Muuqaalka iyo Sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dhagax-dhigay dhismaha Isbitaalka guud ee Garoowe oo hab casri ah loo dhisayo appeared first on Puntland Post.