-
Content Count
211,154 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan sagaal carruur ah – ayaa lagu dilay duqeymo xagga cirka ah oo ciidamada Yahuudda ay ku qaadeen Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa halka in ka badan 520 qof dhaawacyo loo geystay , sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin . Qaar ka mid ah Falastiiniyiinta oo warbaahinta la hadlaya ayaa xaqiijiyay in carruurta dhaawaca uu soo gaaray ay ku jiraan kuwa da’dooda ay ka yartahay 10 sano. Benjamin Netanyahu, ra’iisul wasaaraha Israa’iil, ayaa wuxuu ku eedeeyay kooxda Xamaas inay ka gudbeen “khad cas” oo ay la socdeen gantaalkii ay ku weerareen magaalada Qudus wuxuuna ballan qaaday jawaab adag. Yahuudda ayaana Maalmihi la soo dhaafay si gabood fallo ka baxsan bini aadanimada ka geeystay gudaha masjidka seddaxaad ee ugu barakada Badan Islaamka Al-Aqsa. Boqolaal Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale lagu dhaawacay intii ay socdeen gabood falada xukuumadda Tel Aviv, kuwaas oo ka socda hareeraha xarunta Masaajidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus. Muuqaalo fiidiyow ah oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay booliska Israel oo rasaas nool nool iyo hub kale ku tuurayada Muslimiinta Falastiiniyiinta. Isreal ayaa muddo nus qarni ah weeraro iyo gabood Fallo caalamku ka aamusan yahay ku wadda Muslimiinta Falastiin. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa diiday codsi ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ku dooneysay in la bedelo oo dib loo dhigo ergeyga sarre ee uu ururka usoo diray inuu dhex-dhexaadiyo dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online. Dowladda Soomaaliya ayaa warqad ay u dirtay ururka ku dalbatay in la beddelo Madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama oo dhawaan usoo magacaabay guddoomiyaha guddiha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayada oo ku eedeysay inuusan dhex-dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya. Dowladda ayaa sababta ku sheegtay in John Mahama uu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya, oo xiisad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka, islamarkaana danahaas ganacsi dartood ay ergeyga saameyn ku yeelan karto dowladda Kenya oo xiisad ay kala dhaxeyso madaxweyne Farmaajo, inkastoo dhowaan xiriirka diblomaasiyadeed ee laba dal lasoo celiyey. Dowladda ayaa sidoo kale codsatay in bedelidda ergeyga ka sokow, sidoo kale dib loo dhigo in ergey ka socda ururka uu yimaado Muqdisho, ayada oo ku dooday in fursad la siiyo wada-hadallada ra’iisul wasaare Rooble la gelayo madaxda dowladda goboleedyada, ayna suurta-gal tahay in lagu heshiiyo oo aan ergey loo baahan. Hase yeeshee ururka ayaa ku gacan seeray codsiga dowladda federaalka ah, kuna adkeystay in John Mahama uu dhowaan iman doono Muqdisho. Ilo diblomaasiyadeed oo ururka ku dhow ayaa laga soo xigtay in Ururka Midowga Afrika uu u sheegay madaxda dowladda in soo dirista iyo magacaabista ergeygan aan markii horeba lagala tashan dowladda, ee ay isku soo raaceen dalalka Midowga Afrika, sidaas darteedna aysan dowladda saameyn ku yeelan karin howshiisa. Waxay intaas ku dareen in arrintan loo arkay isku day ay madaxtooyada Soomaaliya ku fashilineyso dadaallada dhex-dhexaadinata Midowga Afrika. Midowga Afrika ayaa wajahaya cadaadisyo dhowr ah oo ku aadan is-diidooyinka siyaasadeed ee Soomaaliya oo uu dhawaan ku dhawaaqay dhex-dhexaadintooda, xili ay degtay xiisadii ka dhalatay dagaalkii Muqdisho. Midowga Afrika ayaa maalmo ka hor qaaday tallaabo deg-deg ah oo ay mid kamid ah diblomaasiyiinta ugu saraysa kooxda dhex-dhexaadinta Soomaaliya uga saarayaan xubnaha ay magacaabeyn kadib markii ay sidaas codsadeen Midowga Musharixiinta. Caasimada Online, ayaa ogaatay in Midowga Afrika uu tallaabadaas qaaday kadib cadaadis uga yimid xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo dacwad ay gudbiyeen xubnaha Midowga Musharixiinta oo si toos ah usoo dhaweeyey ergeyga loo soo magacaabay dhex-dhexaadinta balse walaac ka muujiyey in Babatunde Taiwo uu kamid ah noqdo la taliyeyaasha madaxa dhex-dhexaadinta. Babatunde Taiwo ayaa ah madaxa qeybta Arrimaha Siyaasada ee AMISOM, waxayna midowga musharixiinta ku eedeeyen inuu la shaqeeyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. The post Xog: Muxuu Midowga Afrika ka yiri codsigii DF ee ka dhanka ahaa ergeyga cusub? appeared first on Caasimada Online.
-
More than a dozen Palestinians have been killed in Israeli air raids on the besieged Gaza Strip, according to the Palestinian health ministry, after Hamas launched rockets from the coastal territory towards Israel. Source: Hiiraan Online
-
What do you think of when you hear the word “desertification”? Sand dunes slowly encroaching on bountiful farmland? The Sahara and Gobi taking over Africa and Asia? Rivers and streams drying up? That’s certainly part of it. But the key impact of desertification is the degradation of land Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay xanibtay lacag gaareysa 35 milyan oo dollar oo loogu talo-galay in wax looga qabto fatahaadda Webiga Shabelle ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. “Waa nasiib darro in 35 milyan oo dollar oo ay fatahaadaha ugu deeqeyn Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bankiga Adduunka, looguna talo-galay dooxada Shabelle ay xanibeen wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, iyo Beeraha ee dowladda federaalka. Ceeb idin ku dhacday,” ayuu Waare ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. Waa markii labaad oo dowladda federaalka ay xanibto lacag loogu talo-galay fatahaadaha, ayada oo laba sano kahor lacag sidan oo kale ay u xanibtay oo ka timid Jabuuti ay fadeexad kala kulantay, ayadoo markii dambe fasaxday. Ma cadda sababta, hase yeeshee wasiirada dowladda qaarkood ayaa la sheegay inay qabyaalad darteed u xanibaan mashruucyada laga fuliyo deegaanada koonfurta Soomaaliya oo aysan kasoo jeedin, si gaar ahna wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, kan maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, iyo kan Beeraha Siciid Xuseen Ciid. Magaalada Jowhar ayaa maalmihii tegay waxaa ka dhacay fatahaad xooggan oo ay ku barakaceen kumanaan qof, ayada oo ay biyo qarqiyeen magaalada. Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay FAO ayaa digniin ay soo saartay uga digtay in xaaladda ay kasii dari karto, ayada oo daadad xoog leh ay ka dhalan karaan roobab dhowrkii maalmood ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, kuwaas oo si aad ah usoo buux dhaafiyay wabiyada Shabeelle iyo Jubba. FAO ayaa sidoo kale sheegtay in roobab u culus ay ka da’een dhulka Buuraleeyda Itoobiya kuwaas oo si toos ah daadadka ugu soo shuba gudaha Soomaaliya, gaar ahaana waxay si aad ah u saameyn doonaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda waxba ka qaban dhibaatada webiga Shabeelle ee Jowhar, ama xitaa aan ka hadal. The post Waare oo shaaciyey in DF ay xanibtay $35 milyan + beegsi lagu hayo degaano gaar ah appeared first on Caasimada Online.
-
Sacuudiga oo Gacanta ku dhigay Soomaali &Ajnabi kale oo Daroogo & Qaad gelinayey gudaha dalkaas Afhayeenka Ciidanka Ilaalada Xuduudaha Sacuudiga, Col. Masfar Bin Qanam Al-Qurayni ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 25 eedeysane oo qaab dhuumaaleysi ah ku gelinayey dalkaas daroogo iyo Qaad Col. Masfar Bin Qanam ayaa intaasi ku daray in eedeysanayaaaha lagu soo qabtay Hawlgalo ka dhacay gobolada Najraan iyo Jizaan ee K/Galbeed ee Sacuudiga oo u dhow Xadka Yemen. Eedeysanayaaaha waxaa la sheegay in Wadar ahaan lagu qabtay 802 Kiilo oo Xashiish ah iyo 25.4 Tan oo Qaad (Jaad) ah. Afhayeenka waxa uu xusay in 25-ka Eedeysane ee la qabtay kala yihiin: 3 Muwaadiinin Sacuudiyan ah, 2 Soomaali ah, 14 Yeminiyiin ah iyo 4 Ethiopian ah. Eedysanayaasha oo la soo qabtay bishan May 7-dii waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadaha ku shaqada leh, waxayna muteysan karaan xukuno culus oo iskugu jira dil ama xabsi dheer. Qaran News
-
Garbhaarey (Caasimada Online) – Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay deegaano dhaca duleedka degmada Garbahaaray ee gobolka Gedo kale wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab ka dib howlgalo ciidanka ammaanka ay ka sameeyeen gobolka Gedo. Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in ay dagaal la’aan kula wareegeen deegaanada Doofaareey, Kooradheer, Booco, Qalwo, Bakaaro iyo Fargeeleey oo dhammaantood hoostaga degmada Garbahaaray ee gobolka Gedo. Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo laba Xidigle Maxamed Jaamac Gaaciye ayaa sheegay in degaannada ay howlgalka ka fuliyeen ay isaga tageen Al-Shabaab kadib markii ay ka war heleen in ay kusoo wajahan yihiin. Waxaa uu sheegay in u jeedka howlgalkoodu ahaa “ka hortaga weerarada ay bisha Ramadaan geystaan Al-Shabaab iyo in ay dadka Shacabka ah ka qaadaan Xoolo Nool, iyaga oo ku sheegaya in ay tahay Zakawaad” sida uu u sheegay warbaahinta dowladda. Ciidamadda ay dowladda Faderaalka Soomaaliya gaysay gobolka Gedo, ayaa howlgallo sidaan oo kale ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, inkastoo Al Shabaab ay dib ula wareegeen markii ay dib uga bexeen ciidanka amaanka Soomaaliya. Xigasho: Mustaqbal Radio The post CIIDAMADA DF ay gaysay Gedo oo qabsaday deegaano appeared first on Caasimada Online.
-
Iyadoo shalay guddiga KMG doorashooyinka Puntland soo bandhigay tijaabo ku saabsan hannaanka diiwaan-gelinta codbixiyaasha, ayaa waxa tallabadaas bogaadisay dowladda Sweden. Dowladda Sweden waxay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ku hambalyeysay shaqada ay hayaan ee ku jihaysan hirgelinta doorasho ku dhisan hannaanka xisbiyada badan, si shacabka loo gaarsiiyo in ay codkooda wax ku doortaan. Guddiga ayaa sheegay in ay diiwaan-gelinta codbixiyaasha dhowaan ka bilaabi doonaan saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, kuwaas oo bartamaha sannadkan laga qaban doono doorashooyin tijaabo ah. Sidoo kale, horraanta sannadka soo socda ayaa la filaya in dhammaan degmooyinka Puntland laga qabto doorashooyinka dowladaha hoose oo ku salaysan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod. PUNTLAND POST The post Dowladda Sweden oo bogaadisay guddiga doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Somalia restored diplomatic relations with Kenya on Thursday after five months following mediation by Qatar led by Emir Sheikh Tamim Al Thani. Somalia’s Ministry of Information said they were resuming the relations “in keeping with the interests of good neighbourliness”. “The two governments agree to keep friendly relations between the two countries on the basis of principles of mutual respect for sovereignty and territorial integrity, non-interference in each other’s internal affairs, equality, mutual benefit and peaceful co-existence,” the statement said. Acknowledging the development, Kenya’s Foreign Affairs ministry said it looks forward to further normalisation of relations by the Somali authorities. “The Ministry of Foreign Affairs acknowledges the continued support that has been extended from the international community, and in particular the government of Qatar, in efforts to normalise the diplomatic relations between Somalia and Kenya,” the release said on Thursday. Somalia is amidst a political standoff over elections, which were said to have led to the severing of relations on December 15, 2020. Mogadishu cited interference in its domestic politics, claims Nairobi denied. There have also been issues over the maritime dispute that is at the ICJ. A week after the severing of ties, presidents Uhuru Kenyatta and Mohamed Farmaajo met in Djibouti for the 38th Igad Extra-ordinary Summit where the matter was discussed. A team was formed to look into the allegations. In a report in January, the team reported there was no evidence to confirm Kenya’s interference. “The commission considers that these grievances, some of which are longstanding, do not appear to it to be sufficient to justify a diplomatic separation between Kenya and Somalia,” the Djibouti-led team said in the report. Late April, Somalia further accused Kenya and Djibouti of interference through their AU Peace and Security Council membership. This was after AU chairman and DRC President Felix Tshisekedi, on Farmaajo’s request, asked the Peace and Security Council to look into the matter. “It has come to our attention that two AUSPC members, namely, the Republic of Kenya and the Republic of Djibouti, are engaged in sinister campaigns aimed t derailing the political process in Somalia by trying to influence the outcome of AUPSC meeting to detriment of the future of the Somali people,” Somalia said in a statement. AU Commission chairman Moussa Faki in December last year had also called for dialogue between Kenya and Somalia to ease tensions between them. QATAR INFLUENCE Signs of white smoke started being seen in March, when President Tshisekedi travelled to Doha on March 28. Qatar’s newspaper The Peninsula reported that other than Qatar-DR Congo bilateral talks, “views were exchanged on a number of regional and international issues of common concern”. On April 19, Farmaajo flew to Kinshasa where he met President Tshisekedi and left. Uhuru arrived the following day. The visits triggered talk of negotiations, but Kenya’s Foreign Affairs PS Macharia Kamau said the trips were not related. However, Horn of Africa analyst Abdi Rashid, noting Tshisekedi had just returned from Doha, said the deal would be for Qatar and DR Congo to mediate Kenya-Somalia tensions, and in return Nairobi extends support to Farmaajo. On Monday, May 3, al Thani through special envoy Mutlaq bin Majed al Qahtani delivered a message to Farmaajo. Al Qahtani is the Special Envoy of Qatar Foreign Minister for Counterterrorism and Mediation of Conflict Resolution. A statement by Qatar’s Foreign ministry said the message pertained their bilateral relations and ways of promoting them, “in addition to the recent political developments in Somalia, and the importance of achieving the national reconciliation in order to realise stability of the country”. On Thursday, President Kenyatta also received a message from al Thani through al Qahtani. Around the same time, resumption of relations was announced in Mogadishu. Source: The Star The post How Kenya-Somalia relations were restored appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland, ayaa si rasmiya u shaacisay jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2021. Wasaaradda ayaa sheegtay, in maalin Sabti ah oo ku beegan 22-ka bishan May uu bilaaban doono imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare, islamarkaana uu soo geba-gaboobi doono 27-ka bishan oo ku beegan Khamiis. Sidoo kale, Wasaaradda ayaa soo bandhigtay laba warqadood oo muujinaya shaxda jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee labada heer. Hoos ka daalaco shaxda jadwalka labada heer PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay jadwalka Imtixaanka shahaadiga ah ee iskuulada appeared first on Puntland Post.
-
Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, ayaa kormeer ku sameeyay dhismaha dekedda Garacad oo si isku-tashi ah ku socda, islamarkaana meel geba-gabo ah maraya. Waxa dekedda booqday Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda, Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiinno), oo ay weheliyaan wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo wasiirka duulista hawada, Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebilay. Wasiirada ayaa kormeer ku sameeyay dhammaan qaybaha kala duwan ee dekedda, waxaana ay warbixin ka dhegaysteen guddiga dhismaha dekedda Wadaagsin iyo shirkadda gacanta ku haysa hawsha dhismaha dekedda. Dhismaha dekeddan ayaa qayb ka ah mashaariic isku-tashi ah oo ka socda gudaha Puntland, kuwaas oo ay ku jirto wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo. PUNTLAND POST The post Wasiiro ka tirsan Puntland oo booqday dhismaha dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 20 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay, in ka badan 800 oo kalena waa ku dhaawacmeen weeraradii u dambeeyay ee ciidamada Israa’iil ka fuliyeen gudaha dhulka Falastiin, gaar ahaanna masjidka Al-Aqsaa. Mas’uuliyiinta Caafimaadka marinka GASA, ayaa laga soo xigtay in dhimashadu marayso 20 ruux, halka dhaawacuna gaaray 822 qof, kuwaas oo u badan haween iyo carruur da’ yar. Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda Falastiin, ayaa ku guul-darraystay in ay qaraar midaysan ka soo saaraan, kadib markii dowladda Maraykanku ay codka qayaxan ku diiday in Israa’iil la cambaareeyo. PUNTLAND POST The post Khasaare xooggan oo ka dhashay weeraro Israa’iil ku qaaday Falastiiniyiinta appeared first on Puntland Post.
-
Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Daahir Cabdiraxmaan Maxamed oo ah sarkaalkii ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliya ee isgoyska Banaadir ee Muqdisho ku rasaaseeyey gabdho dhigayey banaanbax ka dhan ah Farmaajo 25-kii bishii December ee sanadkii hore ayaa hadda qirtay dembigii uu geystay, isagoo dalbanaya cafis. Gabdhihii uu maalinkaas rasaaseeyey sarkaalkan waxaa ka mid aheyd Deeqo Soomaali oo maalmahaas sheekada ku saabsan ay aad u qabsaday baraha bulshada, kadib markii aad loo faafiyey sawirro laga qaaday, isagoo madaxa uga haya bistoolad. Sidoo kale rasaas ayuu hor ugu riday gabdhahaan, balse ma aysan joojin banaanbaxoodii ka dhanka ahaa Madaxweyne Farmaajo. Maanta ayaa kulan ka dhacay xarunta Xisbiga Wadajir ee Muqdisho waxaa ka dhacay kulan soo hoyasho ahaa oo Daahir Cabdiraxmaan uu cafis uga dalbanayey gabdhihii uu isgoyska Banaadir ku xabadeeyey sabayaaqadii sanadkii hore. “Maanta waxaan joogaa guriga xisbiga Wadajir oo ay joogaan gabdhihii walaalahey ahaa ee ay wax na kala gaareen, iyagoo ku banaanbaxaaya isgoyska Banaadir, kadib markii aan xabado kor ugu riday gabdhahaas, arrintaas si qalad ah ayey aniga iiga dhacday, marka maanta waxaan ka codsaday cafis, waana iga aqbaleen,” ayuu yiri Daahir Cabdiraxmaan. Sidoo kale Deeqo Muxudiin oo loo garan ogyahay (Deeqo Soomaali) oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in Daahir uu uga soo hoyday qaladkii uu ka galay, isla markaana uu ka dalbaday cafis, iyaguna ay cafiyeen. “Waxaa maanta garabkeyga taagan walaalkey Daahir oo 25-kii December aad ogeydeen inuu nagu xabadeeyey isgoyska Banaadir, anagoo banaanbaxeyna, Daahir Ilaahey waxuu maanta tusay inuu qirto qaladkii uu naga galay, waxuuna noogu yimid inuu naga dalbado cafis, anagana si niyadsami leh ayaan u cafinay,” ayey tiri Deeqo Soomaali. Hoos ka Daawo The post Video: Sarkaalkii rasaaseeyey taageerayaasha xisbiga Wadajir oo qaaday tallaabo lama filaan ah appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Qaza)-Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Falastiiniyiinta ee magaalada Qaza ayaa sheegtay in sagaal Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ka wado dhulka Falastiin. Saddex ka mid ah dadka la dilay waxay ahaayeen carruur sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugan magaalada Qaza. Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay bilaabeen duqeymo cirka ah oo ay ku qaadayaan Qaza, ayna ku dileen taliye sare oo ka tirsan Xamaas, iyagoo ka jawaabaya gantaallo ay soo tuureen Xamaas kadib weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus. Afhayeenka ciidamada Israa’iil Jonathan Conricus ayaa u sheegay wariyeyaasha “Waxaan bilownay, waana ku celinayaa in aan weerar ku qaadno bartilmaameedyada militariga ee Qaza.” Wuxuu sheegay in ciidamada Israel ay bartilmaameedsadeen “hawl wadeen militari oo ka tirsan Xamaas,” halka ila wareedyada Xamaas ee Gaza ay u xaqiijiyeen wakaalada wararka ee AFP in mid kamid ah taliyayaashooda la dilay. Source
-
Gaza (Caasimada Online) – Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeuymo ay ciidamada Yahuudda ka fuliyeen Marinka Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, kadib markii Xamas ay gantaallo laga soo tuuray magaalada ku weerareen Israel. Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in dadka lagu dilay duqeymaha oo lagu garaacay Waqooyiga Gaza ay ku jiraan sagaal caruur ah. Duqeymaha ayaa yimid kadib markii Xamas ay dhowr gantaal ku tuureen Israel kadib markii uu dhammaaday waqti ay u qabteen inay ciidamadooda ka baxaan dhismaha Masjidka Al-Aqsa. Ciidamada Israel ayaa sheegtay in weerarka ku dileen saddex ka mid ah dagaal-yahanada Xamas. Goor sii horreysay oo maanta ah, xaaladda kacsan ee Al-Aqsa ayaa kasii dartay kadib markii ciidamada Yahuudda ay xoog ku galeen Masjidka, waxaana rabshado ka dhashay ku dhaawacay 300 qof kadib markii ay adeegsadeen xabaddo caag ah, bambooyinka aan qarxin iyo sunta dadka ka ilmeysiisa. Dhinaca kale, dab xooggan ayaa caawa ka kacay dhimsha Masjidka Al-Aqsa, kaasi oo laga arki karay qeybo ka mid ah magaalada Qudus. Sababta dhalisay dabka ayaa weli caddeyn, hase yeeshee wuxuu yimid markii ciidamada Yahuudda ay xoog ku galeen Masjidka. #عاجل حريق في ساحات المسجد الأقصى واشتعال الأشجار pic.twitter.com/5QXAZ7h4kJ — AlQastal القسطل (@AlQastalps) May 10, 2021 The post Wararkii ugu dambeeyey Xamas oo weerartay Israel iyo Yahuudda oo xasuuqay caruur badan appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa kamid ahaa Bahjo Maxamed oo aheyd Hooyo dhawaan caruurteeda kala soo guurtay dalka Mareykanka, si Soomaaliya ay ugu qaataan waxbarashada diiniga ah. Cabdiqafaar Axmed Aadan waa seyga Allaha u naxariistee Bahjo Maxamed waxa uu sheegay inta uusan reerkiisa ka soo rarin Mareykanka inay is barbar dhigeen nolosha iyo waxbarashada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ku yalla caalamka, balse Marxuum Bahjo ay dooratay nolosha Muqdisho. “In muddo ah waxaan raadineynay meel aan ciyaalka diintooda iyo dhaqankooda aan ku barbaarino… gabadha Allaha u naxariistee istikhaara ayay dukatay waxay dhahday aniga istikhaaradeyda waxay qabatay Xamar, sanadkii 2018-kii ayaan anigu Xamar tagey, waan soo sahmiyay, aniga aad baan uga helay magaalada Xamar, gaar ahaan deegaanka Daarusalaam, waxaana Bahjo la qaatay go’aankii ay ku dooratay Xamar, sidii ayaana ugu guurnay Muqdisho, waxaana degnay xaafadda Daarusalaam,” ayuu yiri Cabdiqafaar oo la hadlay BBC. Waxa uu sheegay in isagu hadda uu joogo dalka Mareykanka, isla markaana xalay markii la afuray ay wadahadleen iyadoo joogta xaafadii uu reerku deganaa ee Daarusalaam. “Markaan cabaar wadahadalnay waxay igu tiri waa baxaa, waxaan u maleynaayey in meel dheer aysan adeynin, saacado kadib taleefoono aana garaneyn ayaa Xamar iga soo wacay, ma aana ka qaban, markii dambe waxaa isoo wacay wiil deris la ahaa reerkeyga markaan ka qabtayna waxa uu ii sheegay in Bahjo ay ku dhimatay qaraxii ka dhacay Muqdisho.” “Macquul waa ila noqo weysay, waxaana ku iri ma Daarusalaam ayuu qarax ka dhacay saacado ka hor ayaanba la hadlee, waxuu ii sheegay inay baxeen oo Muqdisho aadeen iyada iyo gabdho kale oo deriska ahaa,” ayuu Cabdiqafaar hadalkiisa ku sii daray. Cabdiqafaar waxa uu sheegay intaas kadib inuu la xariiray mid ka mid ah gabdhihii loo sheegay inay is raaceen Bahjo, isla markaana ay u sheegtay inay soo dhaweyn u sameynayeen gabdho kale oo qurbaha ka yimid, balse iyadu ay aaday dhanka isgoyska Dabka, sidaasna uu Qaraxu ku haleelay intii ay u sii socotay Dabka. “Gabadhii waxay igu tiri markii aan imaanay halkii aan xafladda soo dhawqeynta ah ku laheyn ee KM4 ayey Bahjo nagu tiri dad ayaan alaab u geynaa waana soo noqonaa ee isuga, marka waa ay lugeysay ilaa Dabka, markii ay agmareysay saldhigga waxaa la ii sheegay in askartii hor fadhisay saldhigga ay aqoodeen oo ku yiraahdeen ‘Bahjo waad lugeyneysaa ee maxaa dhacay’ iyaduna ay ku tiri waaba daalay, sidaasna ay u siiyeen kursi, daqiiqado kadibna intii ay hor fadhiyeen saldhigga ayuu qaraxu dhacay,” ayuu yiri Cabdiqafaar Axmed oo ahaa seyga gabadhaan dhimatay. The post “Aniga istikhaaradeyda waxay qabatay Xamar” – Qisada gabar ka timid Mareykanka oo ku geeriyootay qaraxii xalay appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (PP News Desk) — Abdi Farah Saeed ‘Juha’, the former Federal Interior Mininster, has urged Puntland political associations to stop dragging their feet on the democratisation process currently underway in Puntland. “Since 1998 People of Puntland have been looking forward to the elections. Political associations must jump on the democratisation bandwagon . Puntland is obliged to transition to a democratic system of governance. It is moving forward with the democratisation process” said Saeed, who was at a ceremony to publicise a voter registration system that was handed over to Puntland Transitional Electoral Commission. Juha urged Puntland political associations to stop dragging their feet on pilot local elections. Several Puntland political associations have expressed reservations about pilot local elections to be conducted at three designated districts (Eyl, Qardho and Ufeyn) shorly after the voter registration process comes to an end. “Elections will not take place at major cities such as Galka’yo, Goldogob, Burtinle, Garowe and Bosaso. Some political associations have campaigned in those cities. Mustaqbal will boycott pilot local elections instead of blessing an electoral process that runs counter to the universal suffrage article in the constitution of Puntland” said a member of Mustaqbal Central Committee, who spoke to Puntland Post on the condition of anonymity. Ten political associations will contest pilot local elections to be overseen by TPEC. There is a growing fear that Puntland’s second attempt at democratisation might falter. In 2013 political stakeholders resolved to nip local government elections in the bud for fear that Horseed, a political association of the former Puntland President Abdirahman Farole, could have rigged election results. “Farole’s process was far more transparent and inclusive than what TPEC has concocted in contempt of the citizens’ rights to vote” added the Mustaqbal Central Committee member. © Puntland Post, 2021 The post Juha Urges Political Associations to ‘Jump on Puntland Democratisation Bandwagon’ appeared first on Puntland Post.