Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa soo saaray war-saxaafadeed digniin ah oo uu ku cadeynayo awoodiisa iyo kaalinta uga aadan hanaanka loo qabanayo doorashoyinka dalka. Guddiga ayaa qoraalkaan ku balan qaaday inuu adkeyn doono kaalintiisa ku aadan xaqiijinta inay dalka ka dhacdo doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan. “inuu kormeero maalgalinta iyo kharashaadka siyaasadeed, lana joojiyo ku tagri falka hantida qaranka xilliga doorashooyinka.” “Guddigu wuxuu si adag uga digayaa laaluusha bixinta iyo qaashada, iibsiga codadka xilliga doorashada lagu jiro, ka hor iyo kadib doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka. War-saxaafadeedka guddiga ayaa intaas ku sii daray, “Iyadoo laga ambaqaadayo waajibaadka dastuuriga ah, Guddiga Madaxa Bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa wuxuu si dhow ula socon doonaa ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah.” Sidoo kale Guddiga ayaa hoosta ka xariiqay inuu eegi doono dhammaan tabashooyinka ay soo bandhigayaan dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, “Waxaa naga go’an in Guddigu baaro, isla markaana qaado tallaabooyinka ku habboon ee ka dhanka ah kuwa lagu helo ku takri-falka awoodaha lagu aaminay,” ayaa qoraalka lagu yiri. Guddigan u xilsaaran la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa ka digaya ku xadgudubka iyo ku takrifalka hantida qaranka, taas oo carqaladeyn ku ah ‘xaqa muwaadiniintu u leeyihiin helista adeegyada dowladda ee loo siman yahay.’ Sidoo kale qoraalkan ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in fursadaha ol’olaha doorashada la doonayo inay noqdaan kuwo ay u siman yihiin dhammaan musharaxiinta oo ay ku jiraan musharrixiinta haweenka iyo kuwa ka soo jeeda qowmiyadaha la hayb sooco. Si loo xaqiijiyo tallaabadaas waxuu guddigu qoraalkaan ku cadeeyey in kormeerayaal ka socda Guddiga loo xilsaari doono, isla markaana ay isha ku heyn doonaan goobaha codbixinta ee dalka oo dhan. “Guddigu wuxuu ahmiyad gaara siin doonaa Habka Baarista Dembiyada Doorashada oo ay ku jiraan xad-gudubyada maamul iyo kuwa dembiyeed labadaba. Sidoo kale, Guddigu wuxuu billaabi doonaa wacyigelinta bulshada, waxaana ugu baaqeynaa daneeyeyaasha maxalliga ah, kuwa qaran iyo kuwa caalamiga ahba inay nagu gacan siiyaan gudashada waajibaadka Guddiga,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga la-dagaalanka musuq maasuqa. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Guddigu wuxuu xusuusinayaa dhammaan hawl-wadeennada doorashooyinka- oo ay ku jiraan kuwa heer federal iyo heer maamul gobolleed- in laga doonayo madax-bannaani, dhex-dhexaadnimo iyo isla xisaabtan. Guddiyada doorashada waxaan xusuusineysaa inay si adag u hoggaansamaan sharciyada qaranka iyo qaab-dhismeedka sharciga ee doorashooyinka.” Ugu dambeyntii qoraalka guddiga waxaa lagu yiri, “IACC waxay ku martiqaadeysaa xubnaha bulshada caalamka inay door muhiim ah oo gaarsiisan inay heer kormeer madax-bannaan oo leh dhex-dhexaadnimo iyo carqalad la’aan ah ka ciyaaraan doorashooyinka Soomaaliya si waafaqsan heerarka caalamiga ah.” The post Guddiga la-dagaalanka musuq maasuqa oo soo saaray digniin la xiriirta doorashada appeared first on Caasimada Online.
  2. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa sheegaya in weerar sababay dhimashada 9 qof uu ka dhacay degmada Metta Wolkitte oo 100-KM u jirta caasimada dalkaas. Weerarka oo ka dhacay dhismaha buundada degmada Metta Wolkitte ayaa imid kadib markii kooxda fulisay ay ku amreen shaqaalaha inay joojiyaan dhismaha buundada, taasi oo ay iska dhago tireen, sida ay sheegen qaar kamid ah ehelka dhibanayaasha “Dagaal-yahanada ayaa u sheegay shaqaalaha dhismaha buundada iney joojiyaan, laakiin way sii wadeen shaqada, maadaama uu ka baqayey inuu waayo shaqadiisa,” ayuu yiri mid kamid ah ehelka dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay weerarkaas. Dadka la dilay oo u badnaa shaqaalihii ku howlanaa dhismaha buundada ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Nin la sheegay in uu cabitaanka bunka ah uu ku iibinayey wadada hareeraheedda. Faah-faahin intaas ka badan weli lagama hayo weerarkaan, hase yeeshe waxa uu qeyb ka noqonayaa qalaalasaha amni darro ee ka jira Ethiopia, tan iyo markii uu bilowday dagaalka qowmiyaduhu. Dhacdadaan ayaa Saraakiisha qaar ay sheegen inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin doorashada dalkaas oo maanta loo dareeray, maadama ay isasoo tarayaa walaac dhanka amaanka ah. The post Weerar lagu dilay dad horleh oo ka dhacay dalka Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay Magaca qofkii ka dambeeyay dilkii 17/5/2021 deegaan hoostega Magaalada Gaallkacyo loogu geystay Allah unaxariisto Sheekh Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere) oo ahaa Maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawawi ee Gobolka Mudug. Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddi Saraakiil baarayaal ah oo ka socda Xeer ilaalinta maxkamadda & CID-da loo diray degaanka uu dilka ka dhacay . Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in guddigaas ay waqti badan geliyeen sidii ay u ogaan lahaayeen qaabka uu dhacay dilka marxuumkaas iyo cidda ka dambeyso, waxayna caddeymaha dilka ka qoreen dad markhaatiyaal ah. Warka kasoo baxay xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in baaritaan dheer kadib ay xeer ilaalinta ogaatay in dilkaas uu ka dambeeyey Dable Cabdixakiin Cabdisalaan Aadan oo ka tirsan Ciidanka Saldhiga Booliska Gaalkacayo. Xeerilaaliye Ku xigeenka aya intaa hadalkisa ku daray in dilka gacan ay ku siiyeen Askariga eedeysanayal kale ah ina Saciid Cabdi Xidig & ina baalbaal, oo dilka kadib u baxsady dhanka degmada Galodogob ee Gobolka Mudug. Ugu dambeyntii Maxkamadda ciidanka Qalabka Sida ayaa sheegtay in guddiga barista dacwada ay soo saareen qodobada hoos ku xusan. 1) In Hay’adaha amniga Maamulada Puntland & Galmudug inay soo qabtaan eedeysanayaasha sare ku xisan, iyaga oo fulinaya Amarka Maxkamadda Ciidamada. 2) Hadii eedeysanayaasha aysan Maxkamadda hor-imaan ama aan la soo qaban muddo laba Bilood gudahood ah in Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada uu u gudbin doonaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Galdacwadeedka eedeysanayasha, lana bilaabi doono dhageysiga kiiskooda lana xukumi doono, iyaga oo maqan. 3) In sidoo kale Guddiga ay u soo baxday in Saraakiisha Booliska ee qeybta Gobolka Mudug & Xafiiska la dagaalanka Argagaxisada ay sameeyeen waajib gudasho la’aan la xiriira dhacdadaan lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. Eedeysanaha ayaa waxaa laga soo wareejiyey saldhigga Booliska Galdogob, wuxuuna ka tirsanaa Ciidamada Booliska Federaalka ah, waxayna xogta sheegeysaa inuu kamid ahaa askar ka tirsanaa Saldhigga Booliska Gaalkacyo oo loo xil saaray baaritaan lagu hayey Sheekha oo ay dacwad kusoo oogtay CID, isagoo si gaar ah u ahaa askarigii xabsiga kasoo saari jiray marka la wareysanayo Sheekha. Maalmo ka hor dilka Sheekha, ayuu Cabdisalaan ka goostay Saldhigga Booliska ee Gaalkacyo kadib markii ay meel xun gaartay xiisad ka dhalatay dil loo geystay nin ay qaraabo yihiin, wuxuuna 10-kii Bishii May soo wacay Sheekha dilka loo geystay oo kasoo jeedo Beesha dishay ninka ay qaraabada yihiin Cabdisalaan, isagoo u sheegay inuu ka socdo saldhigga loona soo dhiibay taleefoono horey looga qaaday Sheekha. Markii uu Sheekha usoo baxay banaanka gurigiisa ayaa waxaa gaari ku gaxeystay Cabdisalaan iyo 2 askari kale oo watay baabuur gaar ah, waxaana saacado kadib ku dileyn meel u dhow Galdogob oo markii hore laga soo badalay Cabdisalaan. The post Maxkamadda ciidamada oo shaacisay cidda loo haysto dilkii Sheekh Cali Dheere appeared first on Caasimada Online.
  4. THE DRAMATIC EVALUATIONS OF THE WINNER OF THE NOBEL PRIZE LUC MONTAGNIER For a year and a half, the humanity has been plunged into the deep darkness of the coronavirus. A virus now coming to light that was produced in the Wuhan’s laboratory had resulted in millions of deaths and ruined the lives of billions of people around the world. But a fabricated virus, that is, a biological weapon, is a horrible crime against humanity, and obviously those who have committed this criminal work must be punished in an exemplary way. Of all the prominent virologists on the planet, who have expressed the opinion that the virus was not created by human hands in the laboratory or have kept quiet, he was one of the few, the Nobel Prize Winner for medicine who isolated the virus of AIDS, the French professor Luc Montagnier, who had the courage and without fear to tell the truth, and without any interest. On the contrary, he also risked his own life, having enormous and powerful planetary forces against him. The other French professor, Jean Bernard Fourtillan, who also told the truth, was locked up in a psychiatric hospital. So what did Montagnier say over a year ago? “A manipulation is done around this virus … the bat coronavirus, someone has added sequences, especially from HIV, from the AIDS virus … It is not natural. It is the work of professionals, molecular biologists … A very precise meticulous work” . And what did his virologist colleagues say then? French professor Jean Francois Delfraissy, head of the scientific council that advises the French government on the “pandemic”, said: “The hypothesis that the virus was produced in a Wuhan laboratory is a conspiracy theory that has nothing to do with it dealing with real science. Everyone in the scientific community agrees that it is a coronavirus”. French professor Olivier Schwartz, head of the virus and immunity department at the Pasteur Institute in France, said: “Studies on the genes of the virus clearly show that it was not a human-made virus in the laboratory.” Professor Luc Montagnier is spreading fantastic theories”. So, you understand who was right, who was telling the truth that will come to light in all its dimensions anyway because “Nothing hidden under the sun” according to the ancient Greek proverb. And today, what does the Nobel Prize Winner for medicine Luc Montagnier say about experimental “vaccines” that are not even licensed and have already caused thousands of deaths and millions of injuries around the world? In a recent interview he stated the following: “Vaccines cause mutations. Elsewhere he says: There is no chance of long-term survival for someone who has received one of the” vaccines “for COVID-19. There is no hope and no cure possible. We must be ready to cremate the corpses”. These claims are undoubtedly shocking and certainly terrifying, given that according to official data, around 1 billion people in the world have already been vaccinated. In fact, if he is verified, there will be a murder of incredible magnitude that will make the two world wars look like a miniature. Other leading professors, world famous teachers and thousands of doctors from all over the world in the same direction with the French Nobelist. In particular, the German-Thai professor of the German University of Mainz, Sucharit Bhakdi, addressing the world population, pleads him with the following words: “Do not believe … do not believe this lie. Do not believe in the name of God. “For God’s sake, find out before you allow yourself and your loved ones to be vaccinated. Because if you have been vaccinated once, those lymphocytes, if it happens again, will become even more active. So this explains why the second vaccine is always worse than the first because it’s the amplifier, right? And to God… Don’t do it a third or fourth time, because if you do it you will contribute to the decimation of the world population “. In addition, Irish University Dublin professor Dolores Cahill and former vice chair of the Scientific Committee of the Innovative Medicines Initiative (IMI) said months ago: “A large percentage of those who received the m-RNA vaccine will die this February until a year later … animal studies have shown us that up to 50% will die. Especially up to 80% of people in the 45 to 80 age group will have serious health complications or die”. Former Pfizer Vice President Dr. Mike Yeadon also stated the following: “It is too late to save anyone who has been vaccinated with any of the Covid-19 vaccines. Billions are sentenced to certain, immutable and distressing death. Anyone who has received the vaccine injection will surely die prematurely and 3 years is a generous estimate of how long they can expect to survive”. So, reading all of these statements, it’s not possible to go get vaccinated if you obviously have basic brain function. The question, however, is: Does they have it? Unfortunately there are people who do not have it, because even if they learn these statements, they go to get vaccinated. And why is this happening? Why is it so scary to be brainwashed and systemic media propaganda in most countries that it has made them lose their minds under the coronavirus death terrorism regime and briefly reject any other scientific view and assessment. Here too I must emphasize that the difference of opinion and only in the scientific medical community is a sufficient reason not to take any of the COVID-19 “vaccines”, whose mortality, moreover, is very low, at 0.15%, and does not justify in no way universal mass vaccination. Of course, there are people who know nothing of all this – which is not justified today since one is obliged to do something concerning its biological existence- and therefore they are happy to be vaccinated. In conclusion, I would like to wish the following: all these great scientists to be wrong about the so much dramatic and nightmarish effects of vaccination, that is, to overdo it, or to have an antidote in the future that detoxifies vaccinated people. Either way, people should stop going to vaccination centers and vaccinations should stop NOW. Curriculum vitae Isidoros Karderinis was born in Athens in 1967. He is a novelist, poet and columnist. He studied economics and completed postgraduate studies in tourism economics. His articles have been published in newspapers, magazines and websites around the world. His poems have been translated into English, French and Spanish and published in poetic anthologies, literary magazines and literary newspaper columns. He has published eight books of poetry and three novels in Greece. His books have been translated and published in the United States, Great Britain, Italy and Spain. Social media Facebook: Karderinis Isidoros Twitter: isidoros karderinis Linkedin: ISIDOROS KARDERINIS SOURCES https://www.lemonde.fr/les-decodeurs/article/2020/04/17/le-coronavirus-fabrique-a-partir-du-virus-du-sida-la-these-tres-contestee-du-pr-luc-montagnier_6036972_4355770.html https://www.thestar.com.my/news/regional/2020/04/21/experts-accusation-that-covid-19-virus-originates-in-lab-is-false-and-wrong https://www.marseillenews.net/toutes-les-personnes-vaccinees-contre-le-covid-mourront-previent-le-virologue-francais-%E2%8B%86.html https://www.facebook.com/100013353545767/videos/1178172692637838 https://www.brighteon.com/10be15cc-987e-44b9-83b5-1db88e60ae36 https://www.lifesitenews.com/news/exclusive-former-pfizer-vp-your-government-is-lying-to-you-in-a-way-that-could-lead-to-your-death?fbclid=IwAR1rlw01K76wxNFHjZj2ycE0G_366uFowXDvKEM0ic8BYFH2_a88qxNot5A As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of Qarannews.com Qaran News
  5. (SLT-Abu Dhabi)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Yair Lapid ayaa booqan doona dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta, waana booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah islamarkaana heer wasiir ah tan iyo markii labada dal ay ku heshiiyeen in ay hagaajiyaan xidhiidhkooda diblumaasiyaseed, sida ay wakaaladda wararka AFP ka soo xigtaya xafiiska wasiirka. Israa’iil, UAE, iyo Bahrain ayaa bishii September wanaajiyay xidhiidhkooda, iyadoo dowladda Israa’iil ay sidoo kale kula heshiisay laba dal kale oo carbeed oo kala ah Morocco iyo Sudan in ay iyana xidhiidh dublumaasiyadeed yeeshaan. “Wasiirka arrimaha Dibadda, Yair Lapid ayaa sameynaya booqashadii ugu horreysay islamarkaana taariikhi ah oo uu si rasmi ah wasiir arrimo dibadeed Israa’iili ah ku tago Imaaraat-ka,” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay xafiiska wasiirka. Bayaanka ayaa lagu sheegay in booqashadan labada cisho ah oo uu wasiirku ku tagayo Imaaraat-ka 29-ka iyo 30-ka bishan ah, uu martigelin doono wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraat-ka, Sheikh Abdullah bin Zayed al-Nahyan. Wasiiro ka tirsan Israa’iil ayaa hore u booqday Imaaraat-ka, laakiin Lapid ayaa ah kan ugu darajada sarreeya ee booqan doona dalkan, islamarkaana ay booqashadiisu tahay mid rasmi ah. Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray in xubnaha guddiyada doorashooyinku soo xaroodaan ugu dambeyn Khamiista. Kooxda farsamada ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 24 Juun si rasmi ah loo bilaabi doono tababar ku saabsan sidii ay u shaqeyn lahaayeen. Tababarka guddiyada ayaa wuxuu socon doonaa muddo todobaad ah, kadibna waxay iska dooran doonaan guddoon sida uu sheegay Guddoomiyaha Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdulqaadir Cilmi Cali. Guddoomiyaha ayaa sheegay in marka ay guddiyada doortaan guddoon ay u safri doonaan deegaanada Maamul Goboleedyada dalka si ay doorashada u dhacdo waqtiga loo qorsheeyey. Abuukaate Cumar Dhagey oo ka mid ah Xubnaha kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankiisa sheegay in guddiyadaan ay yihiin kuwo madax banaan oo sharci ahaan soo saari lahaa xildhibannaada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya lana baari doono sida ay u shaqeyn lahaayeen. Dhanka kale, Guddigii Ra’iisal Wasaare Rooble u magacaabay dib u eegista iyo kala shaandheynta Xubnaha Guddiyada Doorashada ee cabashada laga keenay ayaa maanta la kala diray markii shaqadoodii dhammaatay. Guddigan oo uu madax u ahaa Wasiirka Waxbarashada ayaa xilkii ku wareejiyay guddiga cusub ee Farsamada oo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magaaabay maamulka Doorashooyinka, iyagoo la shaqeyn doona Guddiyada Doorashada heer federal iyo heer dowlad Goboleed. Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga sugayaa qabashada doorasho loo dhan yahay oo dalka ka dhacda, waxaana maalmaha soo socda Magaalada muqdisho & Gobolada dalka ka bilaaban doona ololo doorasho oo ay sameeynayaan Musharixiinta Xildhibaannada labada Aqal iyo kuwa Madaxweynaha. The post Guddiyada Doorashada oo amar la siiyey iyo guddigii uu magacaabay Rooble oo la kala diray (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  7. (SLT-Stockholm)-Dowladdii Sweden ayaa maanta la riday kadib markii Stefan Lofven uu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, taasi oo macnaheedu yahay inuu is-casilo ama ku baaqo doorasho deg deg ah. Mooshinka codka kalsoonida ayaa lagu ansixiyey ayada oo ay taageereen aqlabiyadda xildhibaano gaadhaya 181 oo ka mid ah 349-ka kursi ee baarlamanka. Mooshinka ayaa waxaa Khamiistii diiwaan geliyey xisbiga midigta-fog ee Sweden Democrats (SD), kadib markii Lefty Party, oo taageerayey dowladda uu ku dhowaaqay inuu qorsheynayo inuu taageero mooshinka, si uu ashtako uga muujiyo mashruuca ay dowladda ku khafiifineyso xakameynta kirada guryaha, taasi oo ay ugu yeedheen tallaabo lagu weeraray hanaanka bulsho ee Sweden. Xisbiga muxaafadka ee Moderate Party iyo xisbiga Christian Democrats ayaa sidoo kale deg deg ugu dhowaaqay inay taageerayaan tallaabadan, taasi oo xaqiijisay aqlabiyad. Lofven waa raysal wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, waxayna ka dhigan tahay inay burburtay dowladdii ay ku mideysnaayeen xisbiyada Social Democrat iyo Green Party. Xasaraddan ayaa waxaa dhaliyey mashruuc weli maraya xaalad horudhac ah, oo dib u habeyn loogu sameynayo maamulka dowladda ee kirada guryaha, kaasi oo albaabada u furaya in dadka leh daaraha cusub ee la dhisayo ay ayaga goyn karaan qiimaha kirada. Qorshahan ayaa waxaa loo arkay mid halis ku ah hanaanka bulsho ee Sweden iyo dadka kireysanaya guryaha. Lofven ayaa waxa uu hadda haystaa hal toddobaad, si uu go’aan uga gaaro inuu ku baaqo doorasho deg deg ah, ama uu is-casilo, taasi oo macnaheedu yahay in afhayeenka baarlamanka uu billaabi karo wada-xaajoodyo u dhaxeeya xisbiyada si ay usoo doortaan musharax buuxin kara xafiiska. Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay ujeedka ugu muhiimsanaa ee kulankii dhawaan Muqdisho ku dhex maray Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Cusmaan. Wasiirka oo ka qeybgalayey barnaamijka One-on-One ee telefishinka Turkiga ee TRT World isagoo ku sugan magaalada Antalya ayaa xaqiijiyey in kulankii u dambeeyay ee Rooble la yeeshay danjiraha Imaaraadka Carabta uu qeyb ka ahaa dedaalada maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo ku saxayo gefafka diblomaasiyadeed ee uu sameeyey intii uu xilka hayey. Wasiir Cabdirisaaq ayaa sheegay in dowladiisa ay aad u xiiseeneyso inay dib u saxdo waxyabihii horey uga soo qaldoomay ee ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo dalalka kale. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa 7-dii June xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Imaaraadka Carabta, waxaana war kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagu sheegay in kulanaas looga wada hadlay TRT World. Xiriirka diblomaasiyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Imaaraadka Carabta ayaa xumaa saddexdii sanno ee la soo dhaafay, iyadoo xiriirka diblomaasiyaddeed Soomaaliya u jartay Imaaraadka kaddib khilaafka Dowladaha Khaliijka. Soomaaliya ayaa sheegtay in ay mowqifka dhexdhexaadnimo ka qaadatay. Bartamihii Bishii Abriil ee sanadkii 2018, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tan iyo 2014, Iimaaraadka Carabta wuxuu tababaray oo mushaar siinayey askar Soomaali ah oo Muqdisho joogta, wuxuuna Puntland ka dhisay ciidan burcad badeedda la dagaallama. Boqollaal hub ah ayaa laga bililiqaystay xarunta tababarka ee Muqdisho markii la xirayey. Tani waxay timid kaddib markii ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhowaad $10 milyan oo Iimaaraadku diyaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah. The post DF oo shaacisay qorshaha ka dambeeya kulankii Rooble iyo Safiirka Imaaraadka appeared first on Caasimada Online.
  9. Refugees and asylum seekers in South Africa continue to live in fear of being attacked by xenophobic elements in the country where migrants are often targeted because of their nationality. Source: Hiiraan Online
  10. Dowladda Jarmalka oo dalkeeda ka mamnuucday Calanka Ururka +Sababta Dowladda Jarmalka ayaa gaartay go`aan ay dalkeeda uga mamnuucday calanka ururka falastiiniyiinta ee Xamaas kadib dhacdooyin dhowr ah oo dhacay bisii eynu soo dhaafnay ee May. Dibedbaxyo looga soo horjeedo Israel ayaa gil-gilay bishii hore magaalooyin dhowr ah oo ku yaal dalka Jarmalka kuwaas oo ay ka mid yihiin Berlin, Hamburg iyo kuwo kale kadib markii uu dagaal duqeymo ah dhex maray Israel iyo Falastiin. Go`aanka dowladda ayaa sidoo kale yimid kadib markii weeraro iyo aflagaaddooyin loo geystay Yuhuuda, sida goobaha cibaadada yuhuuda oo la weeraray. ” – Ma rabno in calamada argagixisada ay ka dul babadaan dhulka Jarmalka”, sidaa waxaa yiri Thorstein Frei oo ka tirsan xisbiga gaalada ee CDU. mar uu wareysi siinayay jaraa`idka Die Welt. Sidoo kale waxaa la mamnuucay calanka ururka shiicada ah ee ka dhisan dalka Lubnaan ee Hizbollah, waxaana ururkaasi lagu daray liiska argagixisada dalkaasi. Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa iyagu horay ugu daray liisaskooda ururada argagixisada Hizbollah iyo Xamas. Ururka Xamaad ayaa la aas-aasay sannadkii 1987, waxaana ay 2007-dii la wareegeen gacan-ku-haynta marinka Gaza ee Falastiin. Waxaa ay dhowr dagaal la galeen Israel oo uu ugu dambeeyay kii dhacay bishii May ee sannadkan oo ay Israel ku weerareen in ka badan 4000 oo gantaal. Qaran News
  11. MOGADISHU (HOL) - A federal and state-level electoral security team drawing membership mainly from the Somali Police Force and AMISOM will be in charge of the upcoming presidential and parliamentary elections. Source: Hiiraan Online
  12. Dowladda Puntland ayaa shaacisay, in bisha Agoosto ee sannadkan si rasmiya mushahar kordhin loogu samaynayo shaqaalaha kala duwan ee dowladda. Agaasime ku xigeenka Warfaafinta Madaxtooyada Puntland, Cabdirashiid Cismaan Shaaluco ayaa sheegay in guddi loo xil-saaray dib u-eegista iyo tirakoobka shaqaalaha dowladda ay soo dhammaystireen wajigii koowaad ee qiimaynta hawshaas. “Guddigii madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabudllaahi Deni u magacaabay dib-u-eegista iyo tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ayaa soo dhameeyey wajigii koowaad ee qiimaynta” Shaaluco ayaa sidoo kale sheegay, in bisha Agoosto ee sannadkan si rasmiya loo kordhin doono mushaharka Shaqaalaha dowladda Puntland. “Waxaa shaqaalaha si rasmi ah loogu kordhinaya mushaarka bisha August ee sanadkan.” Ayuu sii raaciyay Hadalkiisa. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay wakhtiga la kordhinayo mushaharka Shaqaalaha dowladda appeared first on Puntland Post.
  13. Marxuum, Sheekh Cali Dheere Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta shaacisay magaca nin lagu eedeynayo dilkii Sheekh Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere) oo ahaa maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawaawi ee gobolka Mudug, kaas oo 17/5/2021 lagu dilay deegaan hoostaga Gaallkacyo. Xeerilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya Muumin Xuseen Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in baaritan kadib dilka Marxuumka uu ku cadaaday Dable Cabdixakiin Cabdisalan Aadan oo ka tirsan Ciidanka Saldhiga Booliska Gaalkacayo ee Galmudug. Sidoo kale Xeerilaaliye ku xigeenka ayaa intaas ku daray in dilka gacan ay ku siiyeen Askariga eedeysanayaal kale oo kala ah ina Saciid Cabdi Xidig & ina Baalbaal, oo dilka kadib u baxsady dhanka degmada Galodogob ee gobolka Mudug. Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya waxay sheegtay in guddigii baarista kiiskan loo saaray ay u soo baxday in saraakiisha Booliska ee qeybta gobolka Mudug & Xafiiska la dagaalanka Argagaxisada ay sameeyeen waajib gudasho la’aan la xiriira dhacdadaan lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. PUNTLAND POST The post Yaa lagu eedeeyay dilkii Sheekh Cali Dheere ee Gaalkacyo? appeared first on Puntland Post.
  14. Shacabka waddanka Ethiopia ayaa maanta oo Isniin ah u dareeray doorashada baarlamaaniga ah ee dalkaasi, waxaana doorashadan oo qorshuhu ahaa in ay dhacdo sanadkii hore ku yimid dib u dhac sababo ay dowladdu ku sheegtay cudurka safmarka ah ee COVID-19 Doorashadan ayaa ka dhacaysa inta badan dowlad-deegaannada dalkaasi marka laga reebo dowladda deegaanka Soomaalida, gobolka Tigray ee uu dagaalku ka socdo iyo qeybo kale oo dalkaasi ka mid ah. Doorashada ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda uu hogaamiyo ra’iisulwasaare Abiy Axmed ay wajahayso cadaadis caalami ah oo ku aadan sida ay u maareysay dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray iyo musiibada bini`aadanimo ee dagaalku keenay. Qaran News
  15. Dowladdii Sweden ayaa maanta la riday kadib markii Stefan Lofven uu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, taasi oo macnaheedu yahay inuu is-casilo ama ku baaqo doorasho deg deg ah. Mooshinka codka kalsoonida ayaa lagu ansixiyey ayada oo ay taageereen aqlabiyadda xildhibaano gaaraya 181 oo ka mid ah 349-ka kursi ee baarlamanka. Mooshinka ayaa waxaa Khamiistii diiwaan geliyey xisbiga midigta-fog ee Sweden Democrats (SD), kadib markii Lefty Party, oo taageerayey dowladda uu ku dhowaaqay inuu qorsheynayo inuu taageero mooshinka, si uu ashtako uga muujiyo mashruuca ay dowladda ku qafiifineyso xakameynta kirada guryaha, taasi oo ay ugu yeereen tallaabo lagu weeraray hanaanka bulsho ee Sweden. Xisbiga muxaafadka ee Moderate Party iyo xisbiga Christian Democrats ayaa sidoo kale deg deg ugu dhowaaqay inay taageerayaan tallaabadan, taasi oo xaqiijisay aqlabiyad. Lofven waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, waxayna ka dhigan tahay inay burburtay dowladdii ay ku mideysnaayeen xisbiyada Social Democrat iyo Green Party. Xasaraddan ayaa waxaa dhaliyey mashruuc weli maraya xaalad horudhac ah, oo dib u habeyn loogu sameynayo maamulka dowladda ee kirada guryaha, kaasi oo albaabada u furaya in dadka leh daaraha cusub ee la dhisayo ay ayaga goyn karaan qiimaha kirada. Qorshahan ayaa waxaa loo arkay mid halis ku ah hanaanka bulsho ee Sweden iyo dadka kireysanaya guryaha. Lofven ayaa waxa uu hadda haystaa hal toddobaad, si uu go’aan uga gaaro inuu ku baaqo doorasho deg deg ah, ama uu is-casilo, taasi oo macnaheedu yahay in afhayeenka baarlamanka uu billaabi karo wada-xaajoodyo u dhaxeeya xisbiyada si ay usoo doortaan musharax buuxin kara xafiiska. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Dowladdii Sweden oo la riday appeared first on Puntland Post.
  16. Xukumadii ka talinaysay Dal ka mida Dalalka ugu qanisan Yurub oo la riday+Sababta Stefan Lofven Dowladdii Sweden ayaa maanta la riday kadib markii Stefan Lofven uu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, taasi oo macnaheedu yahay inuu is-casilo ama ku baaqo doorasho deg deg ah. Mooshinka codka kalsoonida ayaa lagu ansixiyey ayada oo ay taageereen aqlabiyadda xildhibaano gaaraya 181 oo ka mid ah 349-ka kursi ee baarlamanka. Mooshinka ayaa waxaa Khamiistii diiwaan geliyey xisbiga midigta-fog ee Sweden Democrats (SD), kadib markii Lefty Party, oo taageerayey dowladda uu ku dhowaaqay inuu qorsheynayo inuu taageero mooshinka, si uu ashtako uga muujiyo mashruuca ay dowladda ku qafiifineyso xakameynta kirada guryaha, taasi oo ay ugu yeereen tallaabo lagu weeraray hanaanka bulsho ee Sweden. Xisbiga muxaafadka ee Moderate Party iyo xisbiga Christian Democrats ayaa sidoo kale deg deg ugu dhowaaqay inay taageerayaan tallaabadan, taasi oo xaqiijisay aqlabiyad. Lofven waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, waxayna ka dhigan tahay inay burburtay dowladdii ay ku mideysnaayeen xisbiyada Social Democrat iyo Green Party. Xasaraddan ayaa waxaa dhaliyey mashruuc weli maraya xaalad horudhac ah, oo dib u habeyn loogu sameynayo maamulka dowladda ee kirada guryaha, kaasi oo albaabada u furaya in dadka leh daaraha cusub ee la dhisayo ay ayaga goyn karaan qiimaha kirada. Qorshahan ayaa waxaa loo arkay mid halis ku ah hanaanka bulsho ee Sweden iyo dadka kireysanaya guryaha. Lofven ayaa waxa uu hadda haystaa hal toddobaad, si uu go’aan uga gaaro inuu ku baaqo doorasho deg deg ah, ama uu is-casilo, taasi oo macnaheedu yahay in afhayeenka baarlamanka uu billaabi karo wada-xaajoodyo u dhaxeeya xisbiyada si ay usoo doortaan musharax buuxin kara xafiiska. Qaran News
  17. Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay Safiirka cusub dowladda Itoobiya u soo magacowday Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan oo shalay soo gaaray Magaalada Garoowe. War ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada-hadleen adkaynta Iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Dalka Itoobiya. Sidoo kale warka ayaa intaas ku daray in madaxweyne ku xigeenka iyo safiirku ka wada-hadleen sidii iskaga kaashan lahaa dhinacyada Amniga, horumarinta Ganacsiga iyo iskusocodka. Waxa xusid mudan in safiirku uu sidoo kale shalay la kulmay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kaas oo ay ka wada-hadleen guud ahaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaanna Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulmay Safiirka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  18. Dadweynaha Itoobiya ayaa safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta doorashooyinka si ay uga dhiibtaan codkooda doorashadii lixaad ee baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka. Ilaa 9,175 musharrax ayaa waxaa soo sharaxay 47 xisbi siyaasadeed, halka 125 ay ku biirayaan tartanka si madax-bannaan doorashooyinka ka socda in ka badan 49,407 goobood oo ku kala yaal waddanka Itoobiya. Guddiga doorashooyinka Itoobiya ayaa hore labo jeer dib u dhigay doorashooyinka sababo la xiriira aafada xanuunka Corona, amniga iyo dhibaatooyinka dhanka logistikada ah. PUNTLAND POST The post Dadweynaha Itoobiya oo doorasho u dareeray appeared first on Puntland Post.
  19. Warbixin Xasaasiya:Dood ka dhalatay inay waajib ay tahay in la xidho Xarumaha Ganacsiga Dalka Sacuudiga marka la gaadho waqtiga salaadda Doodda ku saabsan in ay waajib ay tahay in la xidho xarumaha ganacsiga Sacuudiga marka la gaadho salaadda Dadweynaha Sucuudiga ayaa si weyn uga hadlay arrinta ku saabsan in khasab ay tahay in xarumaha ganacsiga dalkaas la xiro, marka la gaaro xilligga salaadda, waxaana si wayn uga doodaya dadka isticmaala baraha bulshada. Golaha shuurada ee Sacuudiga ayaa ka dooday in waajib ay tahay in ganacsatada ay albaabada isugu dhuftaan xarumahooda ganacsiga, marka la gaaro xilligga salaadda. Qaar ka mid ah wargeysada ka soo baxa Sucuudiga ayaa ku warramay in golaha shuurada dalkaas ay u codeyn doonaan in la ansixiyo codsi ku saabsan sida ay waajib u tahay in la xiro xarumaha ganacsiga. Waxaa codsi loo diray Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta oo la weydiistay in ay mas’uuliyiinta dalkaas kala shaqeeyso sidii meesha looga saari lahaa amarka ah in waajib ay tahay in la xiro xarumaha ganacsiga, xilliyada saaladda. Dadka ka soo horjeedo tallaabadan ayaa ku doodayaa in ‘aanay jirin aayad Qur’aan ah ama Xadiis waajib ka dhigaya in albaabada la isugu dhufto mehradaha ganacsiga marka la gaaro xilliyada saaladaha’. Muranka iyo doodda ka dhalatay arrintan Baraha bulshada ee Sacuudiga ayaa si weyn looga hadal hayaa arrintan oo dadka ay ku kala aragti duwan yihiin. Dadka qaar waxay golaha shuurada usoo jeediyeen in ay ansixiyaan baaqa ah in la joojiyo amarka lagu xirayo ganacsiyada, xilliyada Salaadda. Waxay qaarkood ku doodayaan in arrintan aanan khasab laga dhigin si ganacstada ay u dareemaan xoriyadda ah in xilligga ay doonaan ay xiri karaan ama ay dib u furi karaan mehradahooda ganacsi. Halka dadka qaar ee adeegsada baraha bulshada ay soo jeedinayaan in aanan waxbo laga iibsan xarumaha ganacsiga ee furan xilliyadda salaadda. اي محل مايسكر وقت الصلاه اعلن مقاطعتي له https://t.co/SwtJSUkmeg — S a l e h (@iSaCr_7) June 20, 2021 Dhawaan ayay aheyd markii mas’uuliyiinta dalka Sacuudi Carabiya ay ku adkeysteen tallaabo ay ku xaddideen sameecadaha masaajidda, taas oo ahayd in aan laga maqlin meel ka baxsan gudaha masaajidda. Wasaaradda arrimaha Diinta ee dalkaasi ayaa ku dhawaaqday in dhammaan sameecadaha masaajidda codkooda la gaabiyo oo aysan ka badan saddex meelood hal meel heerka ugu sarreeya codkooda. Dowladda Sacuudiga waxay sheegtay in tallaabooyinkan ay jawaab u yihiin cabashooyinka ka imanaya dadweynaha. Qaran News
  20. Stockholm (Caasimada Online) – Dowladdii Sweden ayaa maanta la riday kadib markii Stefan Lofven uu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, taasi oo macnaheedu yahay inuu is-casilo ama ku baaqo doorasho deg deg ah. Mooshinka codka kalsoonida ayaa lagu ansixiyey ayada oo ay taageereen aqlabiyadda xildhibaano gaaraya 181 oo ka mid ah 349-ka kursi ee baarlamanka. Mooshinka ayaa waxaa Khamiistii diiwaan geliyey xisbiga midigta-fog ee Sweden Democrats (SD), kadib markii Lefty Party, oo taageerayey dowladda uu ku dhowaaqay inuu qorsheynayo inuu taageero mooshinka, si uu ashtako uga muujiyo mashruuca ay dowladda ku qafiifineyso xakameynta kirada guryaha, taasi oo ay ugu yeereen tallaabo lagu weeraray hanaanka bulsho ee Sweden. Xisbiga muxaafadka ee Moderate Party iyo xisbiga Christian Democrats ayaa sidoo kale deg deg ugu dhowaaqay inay taageerayaan tallaabadan, taasi oo xaqiijisay aqlabiyad. Lofven waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, waxayna ka dhigan tahay inay burburtay dowladdii ay ku mideysnaayeen xisbiyada Social Democrat iyo Green Party. Xasaraddan ayaa waxaa dhaliyey mashruuc weli maraya xaalad horudhac ah, oo dib u habeyn loogu sameynayo maamulka dowladda ee kirada guryaha, kaasi oo albaabada u furaya in dadka leh daaraha cusub ee la dhisayo ay ayaga goyn karaan qiimaha kirada. Qorshahan ayaa waxaa loo arkay mid halis ku ah hanaanka bulsho ee Sweden iyo dadka kireysanaya guryaha. Lofven ayaa waxa uu hadda haystaa hal toddobaad, si uu go’aan uga gaaro inuu ku baaqo doorasho deg deg ah, ama uu is-casilo, taasi oo macnaheedu yahay in afhayeenka baarlamanka uu billaabi karo wada-xaajoodyo u dhaxeeya xisbiyada si ay usoo doortaan musharax buuxin kara xafiiska. AFP + VOA The post Dowladdii dalka Sweden oo maanta la riday – Maxaa xiga? appeared first on Caasimada Online.