-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta ammaanka, taas oo ku socoto wadamo dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya. Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa ka digay halista kooxaha islaamiyiinta ah oo haatan ku sii fidiya qaar ka mid ah wadamada qaaradda Afrika. Taliyaha howl-galka Africom, General Stephen Townsend ayaa xusay in ururada Al-Qaacida iyo Daacish ay ku sii xoogeysanayaan wadamada Somalia, Mali, Niger, Chad iyo Sudan. General Stephen Townsend ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxda Al-Shabaab oo xiriir la-leh Al-Qaacida ay gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaala Soomaaliya, isla-markaana ay weeraro culus ka fuliyaan gudaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dhammaan, marka la’isku geeyo ururadaasi islaamiyiinta ah ay khatar weyn ku yihiin ammaanka qaaradda Afrika. Mareykanka ayaa waxaa Afrika ka jooga illaa 7,000 oo askari, inkastoo Donald trump uu Soomaaliya ka saaray 700 oo askari, kuwaas oo qeyb ka ahaa dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamadaasi la geeyay saldhigyo kale oo Mareykanka uu ku leeyahay afrika. Si kastaba, howl galka Mareykanka ee Africom ayaa waxaa qaar ka mid ah dalalka Afrika uu ka caawiyaa tababarada iyo la dagaalanka ururada ay ugu yeeraan Argagixisada. The post Mareykanka oo soo saaray digniin la xiriirta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa saaka dadweynaha reer Itoobiya u dareereen goobaha cod-bixinta doorashooyinka, si ay codad-kooda u dhiibtaan. Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ay ka dhaceysaa magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi oo ay ugu horreyso caasimada Addis Ababa. Dadweynaha ayaa dooran doono illaa 547 xildhibaan oo heer federaal ah, sida uu shaaciyey guddiga maamulaya doorashadaasi. Wararka ayaa sheegaya in goobaha qaar ee cod-bixinta la furey xilli aan aheyn waqtigii la cayimay, waxaana jira dib u dhac illaa 30 daqiiqo ah, tusaale ahaan magaalada Addis Ababa 15 deegaan doorasho, 11 ka mid ah goobihii codka laga dhiiban lahaa iyo 2 goob cod-bixin oo ku yaalla Bahir Dar, ay dib uga dhaceen xiligii la furi lahaa. Sidoo kale waxaa goobaha cod-bixinta ku sugan madaxda doorashada iyo sidoo kale murashaxiinta wakiilladooda, si ay dusha ugala socdaan qabka ay u dhaceyso. Doorashada ayaa ah mid isha lagu wado hayo guud ahaan Itoobiya, marka laga reebo dowladda deegaanka Soomaalida, gobolka Tigray oo aysan ka dhaceyn doorashadu. Si kastaba qorshaha doorashadan ayaa ahaa in ay dhacdo sanadkii hore, balse waxaa loo baajiyey, sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn ballaaran ku yeeshay Itoobiya. The post Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Inkasta oo ciidanka Mareykanka ay ka wada bixi doonaan September hadana kooxda Dhaalibaan ayaa bilowday iney qabsadaan magaalooyin iyada oo ay xarakada u muuqato awooddii badali laheyd Washington. Qiyaas ahaan 2,500 American ah iyo 7,000 NATO ayaa bilaabay iney ka baxaan dalkaas wixii ka dambeeyey May. Kooxdan mayalka adag ayaan u muuqan in laga adkaaday ama urur gabalkiisu dhacay iyada oo u hadlo iney yihiin dowlad safka kusoo jirta ama la sugayo. Todobaadkan, Col. Sohrab Azimi, 31, iyo ciidan la socday oo gaaraya 22 ayaa la laayey arbacadii, waxaa dhammaan dilay Dhaalibaan iyaga oo sugayey ciidan gurmad ah. Warar qaar ayaa sheegaya in Dhaalibaan ay bilaabeen qaadista lacago qaaraan ah kahor inta aaney bixin ciidanka Mareykanka. In ka badan 7 degmo ayaa ku jira gacanta kooxdan halka maalin walba ay qabsadaan deegaano cusub, waxaana hubaal in xaaladda ay kasii dari doonta kolka Mareykanka iyo NATO baxaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa faah faahin ka bixiyey dib u dhaca ku yimid safarka wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ee ku aadanaa booqashadiisa Soomaaliya. Wasiirka oo ka qeyb-galayay Barnaamijka One on One ee Teleefishinka TRT ayaa shaaca ka qaaday inay nasiib xumo ku timid baaqashada socdaalka wasiir Mevlüt Çavuşoğlu. Ma shaacin wasiirku xilliga rasmiga ah ee uu Soomaaliya imaanayo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, maadaama uu haatan dib u dhac ku yimid safarkiisa. Ujeedka boorashada wasiirkaasi ka socda Turkiga ayaa la xariirta arrimaha doorashada, xiriirka labada dalka, tababarka Ciidanka Xoogga iyo Kaalmada Bani aadamnimada. “Nasiib xumo waxaa baaqday socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ee Soomaaliya, waxa aad ogtihiin wadashaqeynta naga dhaxeysa, waxa aan kawada hadli doonaa Amniga, Taageerada ciidanka, Bani aadamnimada, Dhaqaalaha, Maalgelinta & arrimo kale” Turkiga ayaa galaangal xoogan ku leh siyaasadda Soomaaliya oo haatan galeysa doorasho isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha. Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir xoogan oo leh iskaashi dhinacyo kala duwan leh, waxaana sidoo kale Turkiga uu Soomaaliya ka caawiyaa dhinacyo dhowr ah. The post Maxay DF ka tiri dib u dhaca socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ee Somalia? appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Tan iyo markii lasoo gunaanaday Natiijada Doorashaddii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda ee Dalka ka qabsoontay 31-May-2021, ee lagaga awood roonaaday Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa waxa isasoo taraya warbixino iyo xam-xam hoose oo laga dhex maqlayo dhinaca Xukuumada iyo qasriga Madaxatooyada taasi oo la isku riix riixayo guuldara kasoo waajahday Doorashadani. Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in Meelaha ugu badan ee Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddu u sibir saarayaan Guuldarani ay tahay qaabkii loo soo xulay Xubnihii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda ee Tartanka uga qayb galay Xisbiga KULMIYE kuwaasi oo intoodii badnayn guudaraysteen. Wararkan ayaa intaasi ku daraya in meesha labaad ee Guuldarada horseeday iyana ay ugu horayso oo ay kaw ka tahay masuuliyiin Xukuumadda kaga jira deegaamo door ah oo Kulmiye ku guuldaraystay kuwaasi oo aan gacanta ku hayn kalsoonida Deegamadooda iyo dadka ay ku matalaan Xukuumadda. Hadaba Wargeyska Foore ayaa helay masuuliyiinta loogu hadal haynta badan yahay ee Guuldarada ugu wayn uu Xisbiga Kulmiye kala kulmay Deegamaddooda kuwaasi oo tan iyo markii lagu dhawaaqay doorashada ee ay ogaadeen faro badhnaanta deegamadooda laga joogo iyo guuldarada Xubnihii ay KULMIYE keeneen aan badhida dhulka dhigin. Masuuliyiintan ayaa ka wal wal qaba in Xil ka xayuubin lagu sameeyo islamarkaana Xukuumadda laga dareeriyo maadaama oo ay Xukuumadda ay ka tirsan yihiin ee Kulmiye waji gabax kala kulantay Deegamada ay kasoo jeedaan. Masuuliyiintan ayaa waxa ka mid ah, Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Qaranka Cabdikarin Axmed maxamed Xinif, Wasiirka wasaaradda Maalgashiga, Maxamed Axmed Cawad, Wasiirka Arimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Xasan Maxamed Gaafaadhi, Wasiirka Gaadiidka iyo Hore marinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seed, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Wasiirka wasaaraddda Xannaanadda Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Shugri Xaaji Ismaacil baandare, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye (Toorno). Dhamaan masuuliyiintan aan kor ku xusnay oo iskugu jira Wasiiro iyo Masuuliyiin kale waxa ay ka mid yihiin Kooxo inta badan hor cararayay ololihii Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada, waxaanay saamayn ku lahaayeen oo ay ka ololayeen deegamadooda, sida Burco-Togdheer, Ceerigaabo, Berbera, Hargeysa iyo Gobolka Awdal kuwaasi oo dhamaantood Xisbiga KULMIYE lagaga adkaaday Doorashasda waxa kale oo xusid mudan in Xubnihii ay masuuliyiintani keeneen ay ku guuldaraysteen Doorashada kadib markii ay waayeen codka deegamadooda, waxaanay u muuqdaan kuwa waajihi kara talaabo kasta oo suurtagal oo kaga timaada Dhinaca madaxtooyadda taasi oo xilka lagaga xayuubinayo. Dhinaca kale waxa isasoo taraya wararka sheegaya in Madaxweyne Biixi dib u eegis ku samaynayo Xukuumaddiisa kadib Guuldaradii uu kala kulmay Doorashadii Deegaanka iyo Wakiilada ee dalka ka qabsoontay dhamaadkii bishii hore. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in Xukuumaddu ay faragelin ku haysay ilaa intii ay doorashooyinkii Golayaasha Degaanka iyo Wakiillad ay ka qabsoomayeen ,taas oo keentay inay Musharraxiin Xisbiga UCID ka sharraxnaa ay ka hadhaan tartanka,isla markaana xabsiga la dhigay qaar baddan. Xoghayaha war-faafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan “Xisbiga KULMIYE iyo Xukumaddiisu faragelin qaawan ayey ku sameeyeen xisbiga UCID,waad oggaydeen inta Musharrax ee Xisbiga UCID laga xidhay doorashadii oo iminkana aan dambi loo haysan ee suuqa jooga,iyadoo sababta uun ay ahayd in Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE ka sharraxan laga reebo si uu u soo baxo,sidaa dartee Xisbiga KULMIYE faragelin ay ummadda reer Somaliland oo dhami ay markhaati ka tahay ayey ku sameeyeen Xisbiga UCID .” Yusuf Kayse Cabdilaahi. Dhanka kalena Xoghaye Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa sheegay inay sax tahay in Culimada dalku ay ka hadleen xaalada,isla markaana ay bulshada ka wacdiyaan xumaanta oo ay wanaaga faraan,waxaanu sheegay sidan:-“Waxa aan leeyahay culimadu xaq ayey ku adimayaan,waxay sheegayaan laaluushku in uu xaaraan yahay,wax kasta oo taagan wey ka hadlayaan ama masaajid haka sheegaan ama bannaan haka sheegaan.” Geesta kalena Yuusuf Kayse Cabdilaahi,ayaa Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda uga digay wax ka sheega culimadda dalka, waxaanu sheegay inay ku saxan yihiin in ay cod dheer ku sheegaan in laaluushku uu xaraan yahay “Culimadda waxa aan leeyahay ha laga xishoodo oo weliba haka xishoodaan,Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu.”ayuu yidhi xoghaye Yuusuf Kayse Cabdillaahi oo arrintaasi ka hadlayay. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa shalay waxa uu dhaliilo u soo jeediyey Sheekh Xildhibaana oo salaaddii Jimce ee Toddobaadkan xukuumadda ku eedeeyey inay Musuqaamus ku rabto codka xildhibaannada. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xubnaha golaha deegaanka cusub magaalada Buuhoodle ayaa maanta doortay maayir iyo maayir ku-xigeen. Khadiija Ahmed oo kasoo baxday Xisbiga Kulmiye ayaa loo doortay Maayarka Magaalada Buuhoodle ee Somaliland. Doorashada Khadiija, ee Maayirnimada ayaa ka dhacday degmada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle. Inkasta oo magaalada ay Maayirka ka noqonayso ee Buuhoodle aanay ka dhicin Doorashada Somaliland ee Wakiillada iyo Deegaanka ayaa haddana deegaamo kale oo gobolka ka tirsan sida Widh-Widh ay ka dhacday Doorashada Somaliland. Source
-
Xil-Wareejinta Maayarrada Dalka Iyo Halista Deyn-Wareejinta
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxa lagu wadaa inay dhawaan bilaabmato xil-wareejintii Maayarrada caasimad-goboleeyada Soomaalilaan. Sidaasi darteed xil-wareejintaasi waxa ku lammaan halis ay tahay inay ka digtoonaadaan Maayarrada cusubi. Sida caadada ah inta badan masuuliyiin badan ayaa xil-wareejinta deymo culus wareejiya. = Deyn-wareejinta- waa arrinta ugu khatarta badan ee ah fajida (Faji waa afka dhallinyaradan dambe oo ah shirqool dhagaraysan oo qof lagula kaco si loo fashiliyo) ee loogu talogalay in loo dhigo maayarrada cusub si aanay shaag u rogin shanta sanno ee muddo xiloodkooda. Deyntaasi waxa ay adhaxda jebinaysaa in maayarka cusubi uu shantiisa sanno qabto hawllo culus oo uu bulshada ku soo jiito ama ballanqaadiisii ahaa. Haddii uu deyntaasi lagu wareejiyey uu si xigmeydsan ula tacaali waayo, shantiisa sanno waxa ay kaga dhici doontaa inuu deyntaasi lagu dabray uu bixiyo. Deyntu waa laba nooc: 1. Mid ay ku leeyihiin shaqaalaha dawladdu oo mushahar u badan, taasina waa arrin mudan in lala wareego oo dadkaa xaqooda la siiyo. 2. Mid ay soo qortaan shirkado iyo shakhsiyaad sheeganaya inay dawladda hoos deyn ku leeyihiin, sidaasina uu Maayaarkii hore u soo wareejiyey. Haddaba ta halist ahi waa tan, oo u baahan ka fiirsi wixii aan caddeyn loo haynin. Waxa aan xusuustaa mid ka mid ah wasiirradii maaliyadda Soomaalilaan ee ugu nadiifsanaa dhinaca musuq la’aanta ayuu wasiirkii ka horreeyey ku wareejiyey deyn ay leeyihiin shirkado iyo shakhsiyaad, kuwaasi oo hawllo ka duwan u qabtay dawladda dhexe. Wasiirkii ayaa xaddigii deynta muddo shan cisho ah darsayey, markii uu uu kala garan waayey siday run iyo been u tahay ayuu go’aankan qaataty. Wuxuu ballamiyey dhammaan madaxdii masuulka ka ahayd shirkdaha deynta ku leh dawladda iyo shakhsiyaadkii kale ee gaarka u soo qortay deynta. Ka dib wuxuu la galay hoolkii wasaaradda, waxaanu soo qaatay kitaab Qur’aan ah oo mid kastana wuxuu ku yidhi dhaaro inaad dawladda lacagtan aad soo qortay ku leedahay. Markii kitaabkii la keenay hoolkii ayey tiro badani albaabka boobeen, ileyn been ku dhaaran maayaane. Waxa soo hadhay tiro yar oo daacad ah oo ay run ka ahayd deyntu kuwaasi ayaa dhaartii xagaf ku siiyey. 70% dadkii iyo shakhsiyaadkii deynta soo qortay meesha ayey ka baxeen. Dhacdadaasi waxa laga baran karaa in deynta ay shirkadaha iyo shakhsiyaadku soo qorteen ay intaada badani been tahay, oo ay dhici karto in maayarradii hore ay lacagta wax ku leeyihiin. Cali Cabdi Coomay, Suxufi, qoraa ah. Calicoomay@gmail.com Source -
Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Gorgor oo lagu dilay Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxay toogasho xalay magaalada Muqdisho loogu geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay tababartay dowladda Turkiga. Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Cali Yarami ayaa waxaa lagu dilay gudaha degmada Wadajir, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysan bistoolado ay marxuumka toogasho ku dileen, iyaga oo kadib goobta isaga baxsaday. Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in xilliga la dilayey uu kusii jeeday hoygiisa oo ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo meydka ka qaaday halkaasi. Maxamed Cali Yarami ayaa ahaa sarkaal dhalinyaro ah oo firircoon, kana tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan falkaasi dilka ah. Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo uu kii ugu dambeeyey xalay ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex ee degmada Hodan, kaas oo geystay khasaare kala duwan. The post Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Gorgor oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Caasimada Online. -
Somaliland: Government Loses 5 A-Class Cities to Opposition
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
For the first time in the history of the Republic of Somaliland, opposition emerges victorious in the battle for major, A-class cities. Burao, the regional capital of Togdheer and the largest livestock market in Somaliland, was the last to fall into opposition hands. Out of the 7 A-class cities of Hargeisa, Gabiley, Berbera, Erigavo, Burao, Borama, and Las Anod, the government and its ruling party, Kulmiye, only managed to secure leadership of Gabiley and Berbera on the east and west of the capital city, Hargeisa. Moreover, the two opposition parties, Waddani – the Somaliland National Party – and UCID – the Justice and Welfare Party – did not only defeat KUlmiye – the Somaliland Peace and Unity Party – in the contest for each council’s top post but they, between them, also denied Kulmiye of the deputy-mayorships. Kulmiye has to reconcile itself with second-best, B-class and C-class towns. The layout of respective seats for each of the 3 parties in. parliaments and local councils (Courtesy of somalilandelection.com) Between them, the two opposition parties managed to win 127 seats out of a total of 220 council seats of 20 poll districts. Kulmiye got 93. 552 candidates contested in the race for council seats where 246 fiercely tussled for the 82-seat parliament.. With the councils’ elections out of the way, the government and opposition are gearing for a major showdown at the parliament house. Waddani is fielding its former first deputy-chairman, Abdirizak Khalif, a formidable content der and an articulate, popular politician. Kulmiye is fighting to put Professor Yassin Mohamoud Hiir ‘Faratoon’ – the former minister for Foreign Affairs and International Cooperation on the chair of House Speaker. Professor Faratoon has garnered the greatest number of votes in the Sool region where Khalif also belongs. The former minister has, also, to his credit, a most fruitful term at the helm of the ministry of foreign affairs during which foreign diplomacy has achieved the greatest feats in recent years, including new friendships, agreements and pacts with Taiwan, Kenya, Guinea Conakry, Malawi, Zambia and many more. Out of the 82 members of the lower house of the bicameral parliament, 52 won on opposition tickets. No wonder, blows – but no falls yet – could be heard openly but not seen in the no-holds-barred wrestling match between the government and the opposition for the 3 top posts of the parliament going on beyond the curtains drawn on the ring. Thus far, following the difficult but adroitly handled double election of 31 May 2021, the government has only the credit it gained for non-interference of the elections and the impeccable way it handled them for consolation, according to observers. Qaran News -
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah xildhibaannada cusub ee golaha wakillada Somaliland ayaa ka hadlay doorashada shirguddoonka cusub golaha wakiillada waxaanu yidhi sidan tan: “Codka aan u hayno Gudoomiye khaliif Ma jiro cadad lacageed oo goyn karaa. Khaliif waa 50 jir iska xajin kara Doodaha iyo Dareenada kala duwan ee ay kala xambaarsan yihiin 82 xildhibaan ee kasoo kala baxay gobalada kala duwan iyo xisbiyada kala duwan waxanan filayaa inuu yahay qofka kaliya ee iswaafajin kara kala duwanaanta Afkaarta ragaa mudanayaasha ah. Isbaahaysiga labada xisbi intayada waddani isagaan gaysanay ucidna waxay leedahay labada ku xigeen. Isbaahaysigana waxa budhig u ah Gudoomiye faysal Cali waraabe 52 xildhibaan ayaan nahay isku darka mudanayaasha labada xisbi hadii kulmiye xaataa 10 helo 42 waa ku filan yihiin in shirgudoonka goluhu noqdo mucaaradka Ujeedadayadu maaha ku xumayn ka dhan ah xukuumada iyo kulmiye ee waa in la gaadho isbadalkii shacabku kalsoonida ku siiyay murashixiintii macaaradka Dalka iyo dadkuna waa inay helaan siyaasad is dheeli tiraysa si isla xisaabtan buuxa loo gaadho loogana guuro awood dhinac kaliya ah oo waxay doonto samaysa taasoo dalka waxbadan yeeshay #Khaliif2021. Source
-
Hadda doorashadii dawladaha hoose waa dhamaad waana lagu kala badiyay mar hadii mucaaridku ay ku guulaysteen 5 ka mid ah degmooyinkii ugu mudnaa ee Grade A kuwaas oo kala ah; Hargeysa, Burco, Boorame, Ceerigaabo iyo Laascaanood, halka xisbul xaakimka Kulmiye uu ku guulaystay labada degmo ee Berbera iyo Gebilay oo labadoodii Gudoomiye ay xejisteen labadoodii kursi. Halkaa iyada waa lagu kala calaf qaaday laba qaydhinka ku qaybsatayna isma cawrido. Waxa hadhay shirgudoonkii Wakiilada oo laga yaabo in ay ka duwanaan karto sidii ay isu doorteen Golayaasha Degmooyinku oo la odhan karo waxa shaqeeyay xisbinimo. Dhinaca kale gole degmo oo waliba wuxu saamayn ku yeelan karaa uun degaanka degmadiisa balse doorashada wakiiladu waa heer qaran oo dabcan waaba sharci dejintii. Gudoomiyaha la iskuma wada haysto ee waxa u tartamaya laba shakhsi oo isku raas ah oo mid yahay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Yasiin Faratoon oo xildhibaan Kulmiye ah iyo xildhibaan C/razaaq Khaliif oo WADDANI ah. Hadii tartanku labadooda oo keliya ka dhexayn lahaa laga yaabaa in sidii golayaasha degaamada uu xaalku noqon lahaa oo xisbinimada iyo isbahaysiga mucaaridku dawr muhiim ah ku yeelan lahaa kala doorashada labada xildhibaan ee u tartamaya jagada guddoomiyaha fursadda badanna waxa markaa yeelan lahaa musharaxa mucaaridka oo laguma wada hadleen. Waxase xaalka sii cakiraya tartanka loogu jiro Gudoomiye xigeenka 1aad iyo 2aad oo iyaga saamaynta xisbinimada ay ka badan tahay ta reernimadu waxana u tartamaya xildhibaano dhawr ah oo hadana kala reero ah. Xildhibaan Cumar Jaamac oo gobolka Sanaag ka soo jeeda xisbi ahaanna ka soo baxay Ucid weliba laga yaabo in uu yahay dhinaca mucaaridka ka ugu lamaan C/razaq Khallf ayaa ka mid ah kuwa loogu hadalhaynta badnaa tan iyo intii ay soo baxday natiijada doorashadu. Xildhibaan Cumar waxa caawinaya reerkiisa oo 19 xildhibaan ay ka soo baxeen marka la isku daro sadexda xisbi lagana yaabo in aanay ku kala baydhin ugu dambaysta hadii uu noqdo ka keliya ee ka tartamaya reerkiisa. Musharixiinta shaaciyay in ay u tartamayaan labada ku xideen tiraba waa dhawr kala xisbiyo iyo kala reero ah. Si kastaba xaalku ha ahaado eh dhinaca Kulmiye xisbi ahaan ayaan ilaa hadda la ogayn marka laga tago Gudoomiyaha oo Yaasiin Fartoon ah ka u tartamaya ama Xildhibaanada uu xisbigu u wado labada ku xigeen. Kulmiye tirada xildhibaanada uu ku leeyahay Golaha Wakiiladu waxay dhan yihiin 30 xubnood halka mucaaridkuna ay isku leeyihiin 52 xildhibaan oo 31 ay WADDANI yihiin 21ka kalena ay Ucid yihiin. Hadaba xildhibaanada ka soo kala baxay Kulmiye iyo WADDANI waxa laga yaabaa in wax badan aanay kala xodxodan karin ee kuwa uu Kulmiyaha quud daraynayo ee uu doonayo in uu soo leexsado ugu yaraan 12 xildhibaan oo ka mid ah WADDANI iyo ucidna ku dagaalamayaan sidii aan looga faromaroojiyeeni waxa ugu badan xildhibaanada ucid. Arinkana ilaa hadda lama saadaalin karo gees la isula dhici doono. W/Q Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) Source
-
Magaalada Boosaaso, waxa xalay soo gaaray Qaxooti Yemeniyiin ah, oo ay weheliyaan dad Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo laabtay, kuwaas oo ka soo cararay colaadda ka aloosan waddanka Yemen. War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in dekedda Boosaaso ay xalay soo gaareen, dadkan oo ka kooban Qaxooti Yemeniyiin ah iyo dad Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo noqday. Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ,ayaa dekedda ku soo dhoweeyay dadkan oo gaaraya 80 Qoys, kuwaas oo u badan Carruur iyo Haween, waxaana loo gudbiyay Xarunta qaabiladda Qaxootiga ee Boosaaso. Muddooyinkii u dambeeyay waxa magaalada Boosaaso ku soo qul-qulayay Qaxooti Yemeniyiin ah iyo dad Soomaaliyeed oo ka soo cararay colaadda ka jirta dalkaasi Yemen. PUNTLAND POST The post Qaxooti gaaraya 80 Qoys oo soo gaaray magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa saaka oo Isniin ah dadka ku nool dalka Itoobiya u dareeren goobaha codbixinta si ay u soocodeeyan doorashooyinka heer federaal iyo heer deegaan ee dalka Itoobiya . 45 xisbi ayaa ku loo lamaya kuraasta golaha wakiilada heer federaal iyo mid deegaan ee dalka Itoobiya, waxaana xisbiyaadaas ku jira xisbiga talada dalka Itoobiya hayo. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay 37.4 Million oo qof ayaa isdiiwaan gelisay kuwaas oo saaka safaf dhaadheer u galaya goobaha codixinta si ay codadkooda u dhiibtaan . Musharixiinta sanadkaan u tartamaya kuraasta golaha wakiilada heer federaal iyo heer deegaan ayaa gaaraya illa iyo 9,327 musharax. 1,976 ka mid ah musharixiinta ayaana dumar ah halka 7,351 ee kale ay yihiin rag . Doorashada Itoobiya ayaana ah middii lixaad ee dalka Itoobiya ka dhacda, xilli ay mudda dhowr jeer oo horay ay doorashada dib uga dhacday waqtigeeda. Goobjoog Source: goobjoog.com
-
Dowladda hoose ee degmada Garoowe, ayaa xalay bilowday hawlgal ariga looga saarayo xaafadaha caasimadda. Shaqaalaha iyo ciidanka dowladda hoose, ayaaa xalay gudaha magaalada ka uruuriyay ari badan oo habeenkii darbiyad ku hoyan jiray, kadib amarkii ka soo baxay duqa degmada Garoowe. Dowladda hoose ayaa sheegtay in arigaas uu caqabad ku yahay bilicda iyo nadaafadda caasimadda, islamarkaana xaalufinayo dhirta lagu beero xaafadaha. Garoowe waxa socda barnaamij la magac-baxay cagaarinta caasimadda, kaas oo la doonayo in dhir badan lagu beero, si loo hagaajiyo bilicda magaalada. PUNTLAND POST The post Dowladda hoose ee Garoowe oo bilowday hawlgal ariga looga saarayo magaalada appeared first on Puntland Post.
-
Libyan Guards Accused of Sexually Assaulting Minor Migrants
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A Somali migrant teenager told the AFP that she was sexually assaulted by Libyan guards at the government-run centre in the Libyan capital Tripoli. Source: Hiiraan Online -
Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa soo bandhigay Qorshaha Doorashada oo ka kooban bogog badan xili ay Mucaaradku saluugsan yihiin qaar kamida Gudiyada la magacaabay iyo qaabka loosoo xulay. Ciidamada Amisom ayaa qayb ka qaadanaya Sugida Amniga Koonfurta Soomaaliya halka Xubno ka socda Bersha Caalamku ayniyana qayb ka noqonayaan Talabixinta Arimaha Doorashada. Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa lasiiyay Masuuliyada ugu saraysa ee Doorashada, halka Maamul Goboleedyada Booliskoodu ay iyana qaybbka noqon doonaan sugida Amniga Doorashada. 9 Xubnood oo Gudi ah ayaa iyana lasiiyay Awooda ugu saraysa ee Arimaha Doorashada, Sida aan xogta ku helayno muran ayaa wali ka taagan qaar kamida Gudiyada ay Xukuumada Dhexe soo magacawday. Macada kaalinta ay Xafiiska Madaxweynuhu ku yeelan doonaan Arimaha Doorashada walow oo aysanba ka muuqan Qariirada Doorashada . Qariirada Doorashada waxaa lagu muujiyay Goobaha ay Argagixisadu ka taliso Koonfurta Dalka, mana cada sababta loo magacaabay Al-shabaab iyo Daacish. Hoos ka eeg qariirada The post Raysal wasaare Rooble oo soo bandhigay Qorshaha Doorashada, Xili muran hoose uu jiro appeared first on . Source
-
Qatar National Library (QNL) donated more than 4,000 books in various fields of knowledge, culture and scientific research to the Somali National Library (SNL). Source: Hiiraan Online
-
Ethiopians began voting Monday in a closely-watched election taking place as famine grips the war-torn Tigray region and doubts linger about the credibility of the twice-delayed vote. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaciyey qorshaha qaran ee amniga doorashooyinka dalka oo ka kooban 17 bog, ayada oo dalka uu aadayo doorasho dadban. Waxaa sidoo kale la dhisay Guddi Amni oo ka kooban 9 xubnood, mas’uulna ka ah amniga doorashada, uuna hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubnaha ay ka mid yihiin Taliyayaasha Booliska Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, iyo Taliyaha Booliska AMISOM. Guddiga Amni ayaa waxa uu qorsheynayaa isla markaana hagayaa hannaanka amniga doorashada; Waxa uu dejinayaa qorshaha amniga; sidoo kale waxa uu hubinayaa isla markaana oo si dhawna ula soconayaa amniga xarumaha hawlgallada doorashooyinka isaga oo kaashanaya Guddi-Hawleedyada Amniga Doorashada Ee Heer Dawlad Goboleed, Guddiga Hirgelinta Doorashada Ee Heer Federaal iyo Guddiga Hirgelinta Doorashada Ee Heer Dawlad Goboleed. Amniga doorashada ayaa waxaa kaalin weyn ku leh ciidamada booliska Amisom oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga magaalooyinka iyo xaruumaha ay ka dhaceyso doorashadu. AMISON Police mas’uuliyadooda waxa ay tahay in ay sugaan amniga gudaha xarumaha. AMISON Military mas’uuliyadooda wax ay tahay goobaha laga soo galayo magaalada iyo meelaha kale ee la isku raaco. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uul ka ah Hagida, isku-duwida iyo hoggaaminta Guddiga Amniga Doorashada. Hadda hoos ka aqriso qorshaha oo dhameystiran The post Aqriso: Qorshaha amniga doorashooyinka qaran oo xalay shaaca laga qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Boqor Burhaan Boqor Muuse oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu si kulul uga hadlay xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha oo ay meel-mariyeen golaha wasiiradda Puntland. Boqor Burhaan ayaa ugu horeyntii sheegay in xeerka lagu mamnuucayo gudniinka gabdhaha uu yahay mid ka hor-imaanaya dhaqanka iyo shareecada Islaamka. Waxa uu ku tilmaamay tallaabada golaha wasiiradda “mid aan laga aamusi karin oo dhaawac u geysanaysa diinta islaamka,” islamarkaana aysan cidna uga haybeysan doonin wax walba oo khilaafaya diinta Islaamka, sida uu sheegay. ”Anagu mujtamaca iyo umadda wixii wanaageeda ah oo diinteeda ay ku badbaadi kadho, cidna uga haybaysan mayno diyaar baanu u nahay af iyo addinba inaanu kaga hornimaadno, mana aqbalayno,” ayuu yiri Boqor Burhaan oo si adag u diiday xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha. Sidoo kale waxa uu baarlamaanka maamulka Puntland oo la filayo in xeerkaas la horgeeyo ugu baaqay inaysan waqti ku lumin sharcigaas, oo uu sheegay inuu lid ku yahay qanuunkii ilaahey. ”Waxaa laga hortagay oo waqti badan la geliyey gudniinkii fircowniga ahaa waxay ahayd arrin culimo iyo maamul iyo dowlado kuliba la iska kaashaday, in hadana loosoo gudbo sunigii iyo arrinkii ilaahey weyne ahaa iyo rasuulkiisa, waa wax aan soconayn,” ayuu yiri. “Waxaa idinka maamul ahaan wax idiinka soconaynna inaad wakhti badan ku lumisaan maaha marnaba.” Boqor Burhaan ayaa ugu dambeyntiina xukuumadda Puntland inay ka laabato sharcigan muranka dhaliyay, islamarkaana ka hor-imaanaya shareecada, isagoona bogaadiyey tallaabadii ay dhawaan culimada Puntland ku cambaareeyen xeerkaan. Waxaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeystay xiisada ka dhalatay xeerka mamnuucaya gudniinka Gabdhaha oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Puntland, kaasi oo ay ku joojinayso in gabdhaha deegaanadeeda ku nool la gudo, midaasi oo qaar kamid ah waxgaradka iyo culimada Puntland si adag uga hor-imaadeen. The post Daawo: Boqor Burhaan oo si adag uga horyimid xeer ay meel-marisay PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
