Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,164
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in in ka badan 100 askari oo horey uga tirsanaaa ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ay dalbadeen in la difaaco iyagoo magangalyo waydiiststay dowladda Sudan. Waxay qeyb ka ahaayeen howlihii ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee Darfur ee dhawaan la soo xiray. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo asal ahaan ka soo jeeda gobolka Tigrey ay diideen in ay Itoobiya dib ugu laabtaan iyaga oo ka cabsi qaba in la dhibaateeyo. Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo eedeeymaha la xiriira in tacadiyo la geystay 6 bilood ee uu socday dagaalkii gobolka Tigrey. PUNTLAND POST The post Ciidamo Itoobiyaan ah oo magangalyo weydiistay dowladda Suudaan appeared first on Puntland Post.
  2. Ku dhawaad 100 Askari oo Itoobiyaana oo Magangalyo waydiistay Dalka Sudan Ciidamadan ayaa diiday in dalkooda ay dib ugu laabtaan iyga ka cabsi qaba in la dhibaateeyo Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in in ka badan 100 askari oo horey uga tirsanaaa ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ay dalbadeen in la difaaco iyagoo magangalyo waydiiststay dowladda Sudan. Waxay qeyb ka ahaayeen howlihii ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee Darfur ee dhawaan la soo xiray. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo asal ahaan ka soo jeeda gobolka Tigrey ay diideen in ay Itoobiya dib ugu laabtaan iyaga oo ka cabsi qaba in la dhibaateeyo. Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo eedeeymaha la xiriira in tacadiyo la geystay 6 bilood ee uu socday dagaalkii gobolka Tigrey. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in askar dhan 120 markii ay howlahoodii dhamaadeen badalkii ay ku laaban lahaayeen dalkooda ay magangalyo waydiisteen dalka Sudan. Arrintan ayaa lala xiriirinaya xiisadaha qowmiyadaha ku saleysan ee dhidibada sii aasanaya ee dalka Itoobiya, taasi oo ka dhalatay dagaalkii gobolka ku yaalla waqooyiga dalkaasi ee Tigrey. Bishii February ciidamo kale oo asal ahaan ka soo jeeday gobolka Tigrey oo nabad ilaalin u joogay dalka Koonfurta Sudan ayaa sidoo kale diiday in ay dalkooda dib ugu laabtaan iyaga oo ka cabsi qaba in la dhibaateeyo. Waxaa jiray warbixino badan oo sheegayay in ku tumasho xuquqda aadanaha ah ay dhacday 6-dii bilood ee uu dagalka gobolka Tigrey socday. Abune Mathias i madaxa kaniisadda Orthodox ee dalka Itoobiya Sabtidii madaxa kaniisadda Orthodox ee dalka Itoobiya oo isaga qudhiisa asal ahaan ka soo jeeda qowmiyadda Tigrey ayaa sheegay in tacadiyada ay u dhigmaan xasuuq. Dowladda Itoobiya ayaa beenisay in ay xasuuq geysatay waxayna sheegtay in ay bartilmaameedsanayaan hogaamiyayaasha TPLF, balse aysan bartilmaameedsan dadka rayidka ah. Gobolka Tigrey ayaa dagaalka ka dib waxaa ka qaxay kumannaan qof oo intooda badan u qaxay dalka Itoobiya dariska la ah ee Sudan. Inkastoo bilooyiin ka hor ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday in dagaalka gobolka Tigrey la soo afjaray ayaa hadanaha waxaa gobolka Tigrey qaab jabhadeyn ah uga dagaalama xoogagga TPLF. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Jeesow oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka ee taageersan madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa marka hore wax laga weydiiyey waxa bedalay go’aankiisii uu ku taageeray muddo kordhinta loo sameeyey Farmaajo, isaga oo markaas ku goodiyey in uusan marnaba ka laaban karin, isla-markaana ay ku sameyn doonaan xil ka qaadis. Xildhibaanka ayaa markale fasiraad ka bixiyey hadalkaasi, maadaama laga noqday muddo kordhintii horey loo sameeyey, isaga oo hoosta ka xariiqay in madaxweynuhu aanu wax gor-gorton ah gelin hadalkiisii horena uu la xiriiray in uusan cidna kala fariisan karin go’aankii baarlamaanka. “Meel xaflad ah ayaan hadalkaasi ka jeediyey waa jirtaa, laakiin madaxweynuhu kama gor-gortamin, sidaan anigu iri waxay aheyd haddii uu ka gorgortamo waa duuban tahay waa la’eegi karaa,” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka. Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Haddaba waan ahay Nabad iyo Nolol, mana Loos gareynin, kuwa kalena maba isla socono.” Si kastaba Jeesow ayaa ka mid ah xubnaha xildhibaanada ah ee ku xiran Villa Soomaaliya, isla-markaana si weyn ugu ololeeyey go’aankii muddo koodhinta ee baarlamaanka , taas oo qalalaase siyaasadeed iyo mid dagaal kadib dib looga noqday The post Maxaa beddalay go’aankii Jeesow ee muddo kordhinta? appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Jeesow oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka ee taageersan madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa marka hore wax laga weydiiyey waxa bedalay go’aankiisii uu ku taageeray muddo kordhinta loo sameeyey Farmaajo, isaga oo markaas ku goodiyey in uusan marnaba ka laaban karin, isla-markaana ay ku sameyn doonaan xil ka qaadis. Xildhibaanka ayaa markale fasiraad ka bixiyey hadalkaasi, maadaama laga noqday muddo kordhintii horey loo sameeyey, isaga oo hoosta ka xariiqay in madaxweynuhu aanu wax gor-gorton ah gelin hadalkiisii horena uu la xiriiray in uusan cidna kala fariisan karin go’aankii baarlamaanka. “Meel xaflad ah ayaan hadalkaasi ka jeediyey waa jirtaa, laakiin madaxweynuhu kama gor-gortamin, sidaan anigu iri waxay aheyd haddii uu ka gorgortamo waa duuban tahay waa la’eegi karaa,” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka. Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Haddaba waan ahay Nabad iyo Nolol, mana Loos gareynin, kuwa kalena maba isla socono.” Si kastaba Jeesow ayaa ka mid ah xubnaha xildhibaanada ah ee ku xiran Villa Soomaaliya, isla-markaana si weyn ugu ololeeyey go’aankii muddo koodhinta ee baarlamaanka , taas oo qalalaase siyaasadeed iyo mid dagaal kadib dib looga noqday The post Maxaa beddalay go’aankii Jeesow ee muddo kordhinta? appeared first on Caasimada Online.
  5. Xajka sannadlaha ah ee oo loo aado magaalada barakeysan ee Maka ayaa lagu wadaa in sanadkan la sii ambaqaado balse waxaana la filayaa in shuruudo gaar ah lagu xidho xajka si looga hortago faafitaanka cudurka Karoona. Wasaaradda Xajka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in faahfaahinta iyo xaaladaha la shaacin dhawaan. Sanadkii la soo dhaafay Sacuudi Carabiya waxay u ogolaatay kaliya toban kun oo xujey ah gudaha ah marka loo eego celcelis ahaan seddex milyan oo ajaanib ah inay gutaan waajibaadka xajka, taasoo keentay jahwareer baahsan oo soo food saaray xujeyda. Source
  6. Kulanka Wakiillada Joogtada ah ee Golaha Ururka Jaamacada Carabta ayaa lagu wadaa in uu maanta ka dhaco Xarunta ururka Jaamacada Carabta Magaalada Qaahira ee dalka Masar. Shirkaan oo la filayo in looga hadlo arrimaha dalka Falastiin iyo tacdiyada ka dhanka ah Falastiniiyiinta ee ay waddo Israa’iil ayaa waxaa shir gudoomin doona Dowladda Qadar. Shirkan deg deg ah ee looga hadlayo Tacadiyada iyo weerarada Askarta Yahuuda u geystaan dad ku cibaadeysanayo Masjidka Al-aqsa ayaa codsigiisu ka yimid Dowladda Falastiin waxaana ku dhawaaqay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee ururka Jaamacadda Carabta. PUNTLAND POST The post Ururka Jaamacadda Carabta oo kulan ka yeelanaya xaaladda Quddus iyo masjid Al-aqsa appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Khartoum)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in askar nabad ilaaliyeyaal hore oo Itoobiyaan ah oo tiradoodu ka badan tahay boqol ay weydiisteen magangalyo caalami ah dowlada Sudan. Askartan oo ka soo jeeda qowmiyada Tigray ayaa waxay qayb ka ahaayeen hawlgalkii UN-ka ee dhowaan la xidhay ee Darfur. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in askartan ay diideen inay dib ugu laabtaan Itoobiya iyagoo ka baqaya in la silciyo. Waxa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo eedeymaha la xidhiidha xasuuqa loo gaystay intii lagu jiray dagaalkii lix biloodlaha ahaa ee ka dhacay Tigray. Bishii Febraayo ee sannadkan aya sidoo kale Koofurta Suudaan koox kale oo nabad ilaaliyeyaal Itoobiyaan ah oo asal ahaan ka soo jeeda Tigray ay diideen inay dalkooda ku laabtaan iyagoo sheegay inay ka cabsi qabaan in la dhibaateeyo. Waxaa jiray warbixino badan oo ku saabsan tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha intii lagu gudajiray dagaalka lix biloodlaha ah Sabtidii madaxa kaniisada Orthodox ee Itoobiya – laftiisuna waa qoomiyadda Tigreega – wuxuu sheegay in dilkii ka dhacay gobolka Tigray lagu tilmaami karo xasuuq. Source
  8. Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay warar sheegaya in dalka la keenayo Qaadka dalka Kenya ee Miirooga loo yaqaano . Qoraal ka soo baxay Hay’aadda duulista Rayidka ayaa lagu sheegay in dalka aan la soo geli karin Qaadka dalka kenya welina ay saaran tahay xayiraaddii ay dowladda ku soo rogtay . “Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (SCAA) waxay si sharaf leh ugu war-gelineysaa dhammaan howlwadeenada in Qaadka Mirra oo la keeno Soomaaliya ay weli mamnuuc tahay, islamarkaana Siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan soo dhoofinta Qaadka Miraa ee garoomada diyaaradaha dalka aysan waxba iska beddelin,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Hey’adda Duulista Raydika Soomaaliya. Warka ka soo baxay Hay’aadda duulista Rayidka ayaa sidoo kale lagu sheegay in haddii la soo geliyo dalka Jaadka Miirooga Amar la’aan ay Soomaaliya u aqoonsan doonto ku xad-gudub lagu xad gudbayo Hawadeeda . “Soo dhoofinta Mirra, iyadoon wax ogolaansho ah laga haysan Hey’adda Duulista Raydika, waxaa loo tixgelin doonaa tallaabo sharci darro ah iyo ku xad-gudub Hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka. Warka ka soo baxay Dowladda ayaa ku soo adaya xilli dhawaan ay xukuumadda soo celisay Xiriirkeedii diblomaansiyadeed ee kala dhaxeeyay . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Hay’adda Duulista Rayidka Source: goobjoog.com
  9. Cabdiraxman Cabdillaahi Fantastic oo ah wariye ka hawl gala magaalada Hargaysa, ayaa koox loo malaynayo in ay yihiin sirdoon jidh dil u gaysteen kadib markii uu damcay in uu u gurmado gabadh ka barooranaysay guri ay jaar yihiin, xaafada Masalaha ee Hargaysa. Wariyaha oo sawiro uu iska qaaday isaga oo dhawac ah ay baraha bulshada ku faafeen, ayaa HOL uga waramay sida ay dhawacyadu kusoo gaadheen. “Habeenkii Sabtidu soo galaysay salaadi cishaayi kadib ayaan guriga imid. kadibna waxan maqlay gabadh ka barooranaysa guri aanu jaarnahay, kadibna waan daalanayoo waan iska jiibsaday” ayuu Fantastic HOL u sheegay. “Kadibna 12:00 habeenimo ayay baroortii dib u bilaabantay, xafadii ayaa isoo kicisay oo igu tidhi waar bal orod soo eeg gabadhan ooyaysa, marka waxanu maqlaynay rag gabadha u hanjabaya oo guriga gabadhu ka ooyayso ka hadlaya”. “Kadib waxan soo qaatay bastoolad yar oo bilaa rasaas ah, waxanan wargaliyay nin aanu saxibnahay oo sarkaal ah, oo aan u sheegay dhacdada, markaan dibada usoo baxay ayaan la kulmay asgari millateri ah oo meesha maraya, kadibna waxan waydiistay inuu ila soo fiiriyo guriga ay gabadhu ka ooyayso” ayuu hadalkiisa ku daray. Wariye Fantastic ayaa sheegay in markii ay isaga iyo askarigii garaaceen albaabkii guriga ay gabadhu ka barooranaysay ay ka fureen niman hubaysan oo aan xidhnayn wax labis ciidan ah, kadibna ay jidh dileen isaga iyo askarigiiba. “Markaanu albaabkii garaacnay ayay nagu yidhaahdeen “waa ayo” kadibna asgarigii baa ku yidhi “waa asgariye fura” kadibna intay dib u bexeen ayay qoryo soo qaateen, kadibna intay albaabkii fureen ayay na waydiiyeen waxa aanu doonayno”. “Asgarigii baa ku yidhi “waa maxay gabadha meesha ka qaylinaysa” kadibna waxay ugu jawaabeen “meeshu waa xero ciidan oo waad soo weerarteen” intaa kadibna garaacis bay nagu bilaabeen iniga iyo askarigiiba”. Ayuu Fantastic HOL usheegay. “Intay na garaaceen ayay inantii oo ooyaysa qol iskugu kaaya geeyeen, marka inantu dirac kaliya ayay xidhnayd, way timo qaawanayd, bilaa kabana way ahayd”. “Kadibna mid iyaga kamida ayaa yidhi “waar maxabiista meel layskuguma geeyo” kadibna waa nalaga saaray inantii” ayuu hadalkiisa kusii daray. Wariye Fantastic ayaa sheegay in sarkaal kii uu markii hore ku wargaliyay dhacdada uu lasoo hadlay kadibna uu telefon ka ugu dhiibay mid kamida nimankii haystay, intaa kadibna ay goobta yimadeen Axmed Muuse Biixi iyo rag kale oo sarakiil ah. Fantastic ayaa intaa ku daray in Axmed Muuse Biixi uu raali galin kabixiyay jidhdilkii loo gaystay, sidaana lagu soo dayay, waxanu sheegay in aan wax faahfaahin ah laga siin waxa meesha ka socday. Inkasta oo uu wariyuhu sheegay in raga jidh dilka u gaystay oo uu ku qiyaasay 6-7 nin aanu garanayn waxa ay yihiin, aya waxa ay ubadantahay in ay ahayen koox sirdoon ah oo danbi baadhis ku jirtay. Source: Hiiraan Source
  10. Madaxweynayaashi hore ee dalka Sheikh shariif Sheikh Axmed iyo Xasana sheikh Maxamuud ayaa kulan xalay ku yeeshay magaalada Muqdisho . Labada Madaxweeyne ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeyay ee dalka , kadib ka bixitaankii ciidamada badbaado Qaran ee Muqdisho . Waxaa sidoo kale looga hadlay intii u socday kulanka sidii loo sii amba qaadi lahaa heshiiskii dhawaan ay wada galeen Mucaaradka iyo xukuumadda iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen wada hadalada arrimaha doorashooyiinka ee lagu balan san yahay 20 bishaan Kulanka ayaa sidoo kale Madaxweeynayaasha waxaa ku wehlinayay Senataro ka tirsan golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS . Sawirada Kulanka Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtiigiisa uu dhammaaday, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si adag uga hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay saldhigga degmada Waabari ee ku yaalla waddada Maka Al-Mukarrama. Ugu horreyn madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi, gaar ahaan saraakiishii Booliiska ahaa ee lagu dilay qaraxaasi. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska Degmada Waaberi Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane, Saraakiisha iyo Askarta kale ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u shahiiday iyagoo ka shaqeynaya Amniga dalkooda iyo dadkooda. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Amniga waxaan ugu baaqayaa in si wadajir ah ay isaga kaashadaan ka hortagga dhagarta arxan-darrada ah ee argagixisada.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha. Dhankiisa ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag u cambaareyey falkan, wuxuuna tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay weerarkaasi oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa Booliska, isaga oo ku dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad. “Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixisadu ku qaadeen saldhigga degmada Waaberi.Waxaan qoysaskoodii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa saraakiishii iyo shacabkii ku naf waayay falkaas argagixiso. Inta dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Falkani waxa uu tusaale cad u yahay sida aysan argagixisadu xurmo ugu hayn dhiigga Shacabka xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada noo diiddan in dadkeennu ay nabad ku naalloodaan. Si kastaba magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacay weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan oo ay soo abaabushay kooxda Al-Shabaab. The post Farmaajo iyo Rooble oo war kasoo saaray qaraxii saldhigga Waabari appeared first on Caasimada Online.
  12. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaaro geeystay oo xalay lala bar tilmaameedsaday saldhigga degmada Waaberi ee gobalka Banaadir . Taliska ciidadama Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in inta la xaqiijiyay ay goobta ku geeriyoodeen illaa 6 qof halka tira intaa la eg uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa . Afhayeenka Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Saciid Tuundisho oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee Saldhigga degmada Waaberi ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan Taliyihii saldhigga Waaberi Axmed Cabdullahi Baashane ,Gaashaanle Dhexe Cabdi Baasid ayaa ahaa ku xigeenka Taliayaha Qeybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir, Qof shacabka ah oo goobta ka ag dhawaa iyo Laba sarkaal oo kale . Sawirada Goobta Uu Qaraxa ka dhacay Source: goobjoog.com
  13. Somalia restored diplomatic relations with Kenya on Thursday after five months following mediation by Qatar led by Emir Sheikh Tamim Al Thani. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho. Labada dhinac oo uu kulankoodu qaatay saacado badan ayaa waxa ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka weli ka taagan doorashooyinka. Kulankan ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday sidii loo dhameystiri lahaa heshiiska ay dhowaan gaareen mucaaradka iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Sidoo kale waxaa kulankan looga hadlay u diyaar garowga shirka arrimaha doorashooyinka ee dhacaya 20-ka bishan May, kaas oo looga arrinsanayo doorashooyinka dalka ee 2021. Labada musharrax ayaa sidoo kale ku ballamay in kulamada ay sii socon doonaan, kuwaas oo looga hadlayo, sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay. Soomaaliya ayaa ku jirto marxalad kala guur ah, waxaana aad la’isugu hayaa hannaanka doorashooyinka dalka oo ay isku khilaafeen dowladda dhexe iyo xubnaha mucaaradka. The post Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif? appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ay qatar amni wajahayaan qaar kamid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee ka soo muuqday furimaha dagaalka, intii ay socotay qalalaasaha Muqdisho. Odayaashan ayaa ahaa kuwii xoolaha geela iyo raashiinka u geeyey ciidamadii kasoo horjeeday muddo kororsiga ee Muqdisho soo galay. Ilo wareedyo lagu kalsonn yahay oo ka tirsan dhaqanka ayaa sheegay in qaar kamid ah odayaasha la soo wacay islamarkaana lagu eedeeyay “qaran dumin,” halka qaar kale oo laga soo wacay Numbero kale lagu eedeeyay in ay taageereen ciidamo “maleeshiyaad ah” oo aysan u qalmin dhaqan. Odayaasha ayaa sheegay in aysan isu sheegin qolada soo wacday. Qaarkood ayaa sheegay in dil loogu hanjabay halka qaar kalane ay sheegeen in loogu baaqay in ay ka haraan mucaaradka. Qaar kamid ah odayaasha ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in waxa soo wacaya ay yihiin ciidanka dharcadka ah ee dowladda. “Shaki kama qabno in dowladdu tahay iyada ayaana ka masuul ah haddii midkeen dhib gaaro,” ayuu yiri qof kamid ah odayaashaan oo la hadlay Caasimada Online islamarkaana aan magaciisa qarinay sababo amni aawgood. Ma jirto ilaa hadda Il madax banaan oo xaqiijin karta halka ay ka tirsan yihiin kooxda u hanjabeysa odayaasha dhaqanka. Numberada laga soo wacay odayaasha ayaa dhamaantoodba ah kuwa aan la arag ama Unknown number. The post Xog: Odayaashii Geela u geeyay ciidamada Badbaado qaran oo loo hanjabay appeared first on Caasimada Online.
  16. Police arrested Tigrayan street trader Nigusu Mahari last year as he strolled along the traffic-clogged streets of Ethiopia’s capital Addis Ababa. He says he was speaking on the phone in the language of his homeland, a distant region in the north. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Sanetor Muuse Suudi Yalaxow oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inta Madaxweyne Farmaajo madaxtooyada joogo in aysan ka bixi doonin difaaca, isagoo ku tilmaamay nin qorshihiisu yahay in la isku baaba’o. “Farmaajo waxa uu ku tala-galay in magaaladaan lagu dad beelo, lagu gurya beelo, la is biliqeysto, gabdhahana lagu kufsado, balse taasi ma dhicin, waxa uu dhihi jiray intey joogaan dadka iga soo hor jeeda, isagoo isku haleynaya wiilasheena, waxaana siray dad aan tiro iyo tayo laheyn oo la-taliyeyaal u ah, kuwaas oo ku yiraahda ‘wax kaa soo hor jeeda ma jiraan, magaaladu waa nabad, balse kuwaas hadda hanaga kaa celiyeen,” ayuu yiri Sanetor Muuse Suudi. Sidoo kale Senatorka ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aan awood loo sheegan karin oo looga adagyahay sharciga oo kaliya, “Dadkaan wax lagaa soo qaaday ma cuni jirin, adigoo af iyo calool ah ayaad u timid, waxoodii ayaadna ku heysataa, marka sharciyaa looga adagyahay dadkaan, ee xoog cid ku aadda malahan,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in iyadoo Farmaajo iyo ragiisa aan xukunka laga wareejin aysan nasa doonin, isla markaana xoolaha ay beeluhu ugu deeqayaan ciidanka Badbaado Qaran ay sidooda u sii soca doonaan. Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada ay heystaan aysan waxaba ku qaada doonin inay Farmaajo ka saaraan madaxtooyada, isagoo sheegay inuu qalqalay markii ay soo kor degeen. “Dadkii Farmaajo beenta u sheegi jiray, wasiir ha ahaado, ama xildhibaan ha ahaado, ama guddoomiye baarlamaan ha ahaadee, ma cafi doono, iyagoon cafis naga dalban, sida aan asaga isaga dhicinay ayaan ula diriri doonaa, in dadkeenu is dilo, oo magaaladeenu gubato ayey ka shaqeeyeen, iyagoo hunguri doon ah oo reerahoodii meelo kale uga soo tagtay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sanetor Muuse Suudi. Sanetorka ayaa aad u eedeeyey guddoomiyaha waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka Maxamed Mursal, isagoo sheegay in beeshiisa aysan waxaba u heysan, balse Farmaajo uusan ka dembi yareyn, maadaama uu isku deyey in laba sano oo kale uu ugu daro xukunka. “Waxaan ku leeyahay Farmaajow, haku daahin meesha, anigu waxaan ku sugaa adigoo Villada ka baxay ee guri ijaar ah galay, ama ka qaxay magaaladaan, taas kaligey sugi mayo ee dadkeygaa ila qaba, sababtoo ah dhibaataa u geysatay,” ayuu hadakiisa ku sii daray Xaaji Muuse Suudi. Ugu dambeyntiin waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble ay warkiisa yeeleen, balse markiisa laga doono inuu dadkiisa maqlo, “Rooble nin tol leh waa yahay, waana la tusay, laakiin tol aan nin laheyn yuusan naga dhigin,” ayuu yiri. Hoos ka Daawo The post Daawo: Xaaji Muuse Suudi oo sheegay inay ka hotageen ‘arrin uu rabay’ FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
  18. Five police officers are among at least six people killed Sunday evening in a suicide bombing in Mogadishu, witnesses and officials said. Source: Hiiraan Online
  19. MOGADISHU, May 9 (Xinhua) -- At least 25 people have been killed in the past seven days due to heavy rains pounding several parts of Somalia, the United Nations humanitarian agency said in a statement on Sunday. Source: Hiiraan Online
  20. As part of the PBS American Portrait Series, WNED PBS is taking some of the stories from the Making Buffalo Home project and both preparing them for a national audience while featuring them on WBFO. You can hear the segments every Monday morning for the next several weeks. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Korneyl Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Sheeh-macabe) waxa uu ka mid yahay saraakiishii hoggaamineysay ciidankii Badbaado Qaran ee dhanka Shabeellada Dhexe ka soo galay Muqdisho,isla markaana ka hor tegay mudo kororsigii Farmaajo ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta uu ugu baxday magaca Shaah-macabe. Waxa uu sheegay in yaraantiisii qoyskiisu uu ahaa reer Miyi oo ay deganaa jireen Tuulo lagu magacaabo Biyocade, halkaas oo u uku soo qaatay waxbarashadiisii hoose. “Reer Miyigu wax aan Shaah aheyn ma daneeyaan, cidii aad u tagto wax aan Shaah aheyn kuma siineyso, anigu waxaan la socday ama shukaansa jiray gabar deriskeena ah, habeenkii ayaan u tegay, saan u sheekeysaneynay ayuu waagii beryey, waan ka tegay waxaan tegay xaafadeenii, waxaa la iisoo shubay Shaah, markii aan fiiriyey koobkii Shaah uku jiray oo qaacaa waxaa iiga dhex-muuqatay gabadhii aan ka soo tegay, waxaan ku iri ‘naa heblo’ inta la igu qoslay ayaa la i dhahay war heblo meeshaan ma joogtee Shaaha cab, ana ma cabine waan ka istaagay, xilligaas ayaana ka go’ay Shaah oo dhan,” ayuu yiri Mukhtaar Shaah-macabe Waxa uu sheegay in xiligaas qiyaastii uu jiray 15-sano, isla markaana uu hadda mudo 18-sano ah Shaah moog yahay, “Markaas ka hor Shaaha aad ayaan u cabi jiray, waxaana la ii yaqiinay sagaal cooble,” ayuu yiri. Sidoo kale Sarkaalkan waxa uu sheegay in gabadhii uu darted Shaaha uga go’ay aysan is calfan, oo haatan ay weli ku noo shahay Miyiga, isaguna uu xilligaas wax barasho u soo aaday Muqdisho. Korneyl Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Sheeh-macabe) hadda waa Abaanduulaha guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka. Magaciisa Shaah macabe ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad u qabsaday baraha Bulshada, iyadoo dadku ay siyaabo kala duwan uga fal-celinayeen magacaan. Hoos ka Daawo The post Korneyl Shaah-macabe oo ka sheekeeyey qisada uu ugu baxay magacan (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  22. Maxaas (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee qeybta 27-aad oo ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay weerar ay shalay galab ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay duleedka degmada Maxaas. Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay inay ka war-heleen weerarro qorsheysan oo ay damacsanaayeen Al-Shabaab, islamarkaana ay sidaas ku weerareen, waxaana Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda halkaas ku dhex maray dagaal xoog leh. Dagaalka ayaa ka dhacay tuulo lagu magacaabo Quulaale oo dhacda inta u dhaxeysa deegaanka Cali-Ganeey iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaas lagu dilay todoba dagaalame oo ka tirsanaa kooxda, sida ay sheegeen saraakiishu. Sidoo kale saraakiishan waxay sheegeen inay Al-Shabaab ka gubeen gaadiid iyo saldhigyo ay ku lahaayeen tuuladaas, balse waxay ka gaabsadeen shaacinta khasaaha dhankooda ka soo gaaray howlgalkaas. Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku xooggan gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka ayaa inta badan saldhigyadooda ku weerara ciidamada dowladda, waxayna mararka qaar gaarsiiyaan khasaare culus, balse haatan waxaa la sheegay in lagu weeraray goob ay ku qorsheynayeen weerar ka dhan ah ciidamada dowladda. The post ‘Weerar Al-Shabaab ay soo qorsheeyeen oo laga hortagay lagana dilay xubno badan’ appeared first on Caasimada Online.
  23. Xildhibaanno ka tirsan golaha degaanka Buurtinle, oo uu weheliyo guddoomiye ku xigeenka degmadaas, ayaa dacwad ka gudbiyay guddoomiyaha degmada Buurtinle. Xildhibaannada ayaa warqad ay u gudbiyeen wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ku sheegay, in guddoomiyaha degmada aysan ka helin wax wada-shaqayn ah, islamarkaana talooyin badan oo ay u jeediyeen, uu dheg jalaq u siin waayay. Xubnahan ayaa sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha ka dalbaday, in ay u furto kal-fadhiga golaha degaanka, oo sida ay sheegeen mudda saddex bilood ah dhaafay mudadii lagu qaban jiray fadhigaas. Golaha degaanka degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, ayaa waayadan dambe waxa ka aloosnaa muran iyo jaahwareer ku saabsan shaqada maamulka degmada. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan golaha degaanka Buurtinle oo dacwad u gudbiyay wasiir Dhabancad appeared first on Puntland Post.