Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Xafsa Maxamed Luqmaan oo ah gabar Soomaaliyeed oo 23 jir ah, oo dhowaan lagu waayey xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxaa soo badbaadiyey booliska magaalada Kayole, oo lagu haystay. Xafsa oo ku nooleyd Xaafada California Estate ee magaalada Nairobi, waxaana sida la xaqiijiyey la afduubtay Maalintii Talaadada aheyd oo ay taariikhda ku beegneyd 15-ka June 2021. Waxaa laga soo badbaadiyay guri cidlo ah oo ku yaal Matopeni oo ka tirsan xaafadda isku raranta ah ee Kayole ee magaalada Nairobi, halkaas oo lagu khasbay inay gasho Haan loogu talagalay in biyaha lagu keediyo. Xafsa ayaa laga waayey dukaan ay laheyd oo lagu iibiyo kabaha oo ku yaal xaafadda Islii shan maalmood ka hor, iyada oo afduubayaashu ay ka dalbadeen reerka madax furasho lacageed oo gaareysa 5 million oo lacagta Kenya ah. Xubnaha qoyska oo la hadlay wargeyska The Standard ayaa sheegay in aysan bixin madax furashada ay ka dalbadeen afduubayaasha. Baarayaasha waday howlgalka samata-bixinta ayaa sheegay in baaritaano ay ku hayeen kuwa la tuhunsan yahay, waxayna soo xireen nin 24 jir ah oo kiiskan loo haysto. Ku xigeenka madaxa warfaafinta ee Kayole Rioba Gisiri ayaa sheegay in haweeneyda la helay maanta abaaro 10-kii subaxnimo, wuxuuna sheegay inay ku jirtay xaalad dagan inkastoo qaar ka mid ah faraha ay nabarro ka soo gaareen. “Waxaan cunno ka helnay gurigii looga tagay oo ay ku hayeen kuwa afduubayaasha ah, laakiin marnaba ma cunin wixii ay afduubayaasha u keeneyn,” ayuu yiri taliyaha Booliska. Gisiri wuxuu sheegay in afduubayaashu ay uga tageen guriga buug yar oo ay adeegsanayeen xilli ay weydiisanayeen madax furasho, wuxuuna buugaas ku tilmaamay inuu yahay buug xusuus qor ah oo soo jiitay dareenka deriska. Wuxuu intaas ku daray in markii ay deriska isku dayeen inay eegaan waxa ku qoran buugga inay mar qura maqleyn dhawaqa Xafsa oo dalbaneyso in caawimaad deg deg ah loo sameeyo taasoo keentay in deriska ay la xiriiraan booliska. Booliska oo sameenayey howlgal wadajir ah ayaa booqday guriga farriinta laga soo gaarsiiyey, balse waxay tageyn dembiilayaashii oo ka maqan meesha iyo gabadha la afduubtay oo weli ku xiran guriga, inkasta oo mid ka mid ah ragga afduubka lagu tuhmayo dib laga soo qabtay. Ugu dambeyntii Booliska oo Xafsa kasoo badbaadiyey guriga lagu afduubtay ayaa geeyey saldhigga Booliska ee Kayole halkaas oo ay ku duubtay hadaladeeda. Kahor intaan la waayin, duubista kaamirooyinka ilaalada ee dukaankeeda ayaa muujisay inay dukaanka soo gashay 4:44 pm ee Talaadadii iyada oo ay la socotay haweeney kale oo magaceeda lagu sheegay Hafsa Abdulwahaab. Booliska ayaa wada baaritaan ku aadan qaabka loo afduubtay Gabadhaan, waxayna sheegeyn inay dhawaan saxaafadda la wadaagi doonaan macluumaad dheeri ah oo ku saabsan afduubka Xafsa. The post Sawirro: Xafsa Maxamed oo laga bad-baadiyey kooxdii afduubatay ayada oo meel yaab leh la dhex-geliyey appeared first on Caasimada Online.
  2. “Based on this election, I am wondering why Somaliland is yet to be recognized internationally with that level of democracy and organization,” said Kenya’s John Githongo, former anti-corruption czar in the retired President Mwai Kibaki government After a successful parliamentary and civic elections in Somaliland, international observers have now called for the World to recognize the democratic ideals of the country. The observers under the Brenthurst Foundation based in South Africa further said Africa should support Somaliland after holding free, fair and credible parliamentary and municipality elections last month. Somaliland broke away from the larger Somalia in 1991 after the fall of former president Siad Barre government after a civil war and since then the territory has been governed by democratically elected governments and the country has been seeking international recognition as the government of the Republic of Somaliland. According to Dr Greg Mills, director of The Brenthurst Foundation, the conduct of the election illustrated overall the existence of an effective state governed by its own unique form of social contract. “This was the eighth democratic election in Somaliland, strengthening is its democratic tradition in a region not known for its democratic character. This should be recognised by the world and especially supported by Africa,” stated the observers. “Voting was generally peaceful, characterised by high levels of trust and enthusiasm from the electorate, which assisted in overcoming any frailties in the election management. − The conduct of the election illustrates overall the existence of an effective state governed by its own unique form of social contract,” the observers added. In their report after the election, The Brenthurst Foundation saluted the National Electoral Commission (NEC) for successfully conducting the polls that were complex and logistically demanding election. with scope for improvements according to its own regulations and laws. The report noted that in Somaliland the software worked exceptionally well despite the rudimentary conditions and widespread poverty, centring on the trust and implicit confidence in the NEC. Former anti-corruption czar in the retired President Mwai Kibaki government John Githongo said Somaliland has proven beyond doubt it is a beacon of democracy in the trouble ridden Horn of Africa. The polls for Githongo, was unique in itself given that it was free, fair and credible. “I have observed elections in many countries in Africa, but there was something unique about the process in Somaliland, there was no any violence or claims of rigging,” said Githongo. The electoral commission chairman Githongo said was available to give updates of the polls. He asked other African countries to emulate. “Based on this election, I am wondering why Somaliland is yet to be recognized internationally with that level of democracy and organization,” said Githongo. The country, he said, had built its democracy and it is working, unlike other African nations which have to be pushed to toe the line. By Jacob Ng’etich The Standardmedia Qaran News
  3. Ambassador Sureer Abshir Muuse oo ka timid dalka dibaddiisa ayaa maanta lagu soo dhoweeyay caasimadda Garoowe. Amb. Sureer waxa duleedka bari ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyay dadweyne kala duwan oo ku lebbisan calanka dowladda Puntland iyo kan Soomaaliya. Sureer Abshir Muuse ayaa mar kale u sharraxan xubinnimada Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ay hore ugu tartantay sannadkii 2016. PUNTLAND POST The post Ambassador Sureer Abshir Muuse oo lagu soo dhoweeyay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiskii ugu horeeyey ee noociisa ah ayey maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, kaasi oo qaadka Ethiopia lagu bedelanayo Kalluunka Soomaaliya. Munaasibada lagu kala saxiixanayey heshiiskaas oo saaka ka dhacday garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee xukuumadda federalka, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, iyo Wasiirka gadiidka dhulka iyo cirka, Duraan Axmed Faarax iyo Danjiraha Ethiopia u jooga Soomaaliya, Mas’uuliyiin, Ganacsato iyo Mart kale. Heshiiska rasmiga ah ee ganacsiga labada Waddan ee Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa horseeday in Kalluunka Soomaaliya uu suuq caalami ah ka helo dalalka deriska iyo kuwa kale. Sidoo kale waxaa isla maanta dalka Ethiopia loo daabulay shixnadii ugu horeeysay ee Kalluunka Soomaaliya, kaasi oo ahaa 20,000 oo Tan, waxaana lagu raray labo kamid ah diyaaradaha Shirkada Ethiopian Airlines oo isla maanta Qaad kasoo dejisay garoonka Muqdisho. Heshiiskan cusub ayaa kusoo aadaya toddobaad un kadib markii ay Wasiiro ka tirsan DF iyo Koox Gaacsato Ethiopian iyo Turkish ah ay booqasho Hawleed ku tageen Degmada Qadiimiga ee Warsheekh ee gobalka Shabeellaha Dhexe, iyagoo kormeer iyo indha-indheyn ku sameeyay fursadaha maalgashiga iyo ganacsiga ee Kalluunka dalkeena. Si kastaba, Heshiiska maanta lagu saxiixay magaalada Muqdisho ayaa kor u qaadi doona dhoofinta wax soo saarka dalkeena, ayada oo uu hoos u dhigi doono dhaqaalihii xad dhaafka ahaa ee Qaadka kaga bixi jirey dalkeena, islamarkaana waji cusub u furay Ilo Dhaqaale iyo is-dhaafsi Ganacsi ee Badeecadaha Ethiopia. The post Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis cusub kala saxiixday appeared first on Caasimada Online.
  5. Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee (TPEC) ayaa maanta shaaciyay wakhtiga ay soo bandhigayaan Liiska hordhaca ah ee codbixiyaasha degmooyinka Qardh, Eyl iyo Ufayn. Saddexdaas degmo, waxa si hordhac ah looga qaban doonaa doorashooyinka golayaasha degaanka Puntland oo ku salaysan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod. Guddiga ayaa go’aamiyay in liiska codbixiyaasha degmooyinkaas la soo bandhigo 27-ka bisha June 2021, islamarkaana lagu soo bandhigo hoolka hotel Martisoor ee caasimadda Garoowe. PUNTLAND POST The post Puntland: Goorma la soo bandhigaya liiska codbixiyaash doorashooyinka hordhaca ah? appeared first on Puntland Post.
  6. Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ku sugan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa howlgal ku dilay ilaa 15 ka tirsan Alshabaab sida ay sheegeen saraakiisha Ciidankaas. Howlgalka ayaa yimid kadib markii Alshabaab ay 3 jeer isku dayeen in ay xalay gudaha u galaan saldhigyada ciidanka ay ku leeyihiin degmadaasi Diinsoor ee gobolka Bay. Saraakiisha ayaa Warbaahinta u sheegay in Al-shabaabkii weerarka soo qaaday halkaasi looga dilay 15 xubnood halka qaar kalena laga dhaawacay. PUNTLAND POST The post Milatariga Soomaaliya oo hawlgal ku dilay dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  7. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomalaiya Mohamed Abdirizak, ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu. War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay fursadaha iskaashiga laba geesoodka ah oo ka dhexeeya labada dal, iyo sidoo kale wadatashiyo ku saabsan arrimaha danta guud. Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa guray qaababka loo taageeri karo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga si loo waafajiyo himilooyinka labada dal. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal appeared first on Puntland Post.
  8. Mid ka mida Gabdhihii Nairobi lagu “afduubtay” oo la helay Waxaa lagu soo warramayaa in ugu dambeyn la helay mid ka mid ah gabdhihii la sheegay in lagu “afduubtay” magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya. Xafsa Maxamad Luqmaan oo ganacsato ahayd isla markaana toddobaadkan dhexdiisa la waayay, isla markaana baraha bulshada la iskula wadaagayay sawirradeeda oo dhaawacyo wejiga ah ay ka muuqdaan ayaa la helay. Waaxda dembi baarista Kenya ayaa sheegay in Xafsa oo 23 jir ah laga helay xaafadda Kayole. Sawirka Xafsa ayaa waxaa ka muuqda dhaawac kaga yaal wejiga.Weli wax war ah lagama hayo Xafsa Cabdi oo iyadana la sheegay in lagu “afduubtay” Nairobi. Qaran News
  9. A 23 year old woman who was kidnapped by unknown people and a ransom demand of Sh5 million made for her release was Sunday rescued alive. Source: Hiiraan Online
  10. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howl-gal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay. Howl-galka ayaa daba socday weeraro ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kuwaas oo ay jawaab ka bixiyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isku fidiyey duleedka magaaladaasi. Afhayeenka ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegay in jab xoogan howl-galladaasi lagu gaarsiiyey koooxda Al-Shabaab, isla-markaana looga dilay illaa 24 xubnood, sidoo kalena looga dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay hub iyo saanad milatari ay kasoo furteen kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay goob fagaare ah ku soo bandhigeen. Ugu dambeyn afhayeenka ayaa shaaciyey inay sii socon doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Deegaanada uu howl-galku ka dhacay oo dhammaan hoostaga Diinsoor ayaa waxaa weli laga dareemayaa abaabul xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo. Si kastaba, maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab. The post Sawirro: 24 ka tirsanaa Al-Shabaab oo howl-gal qorsheysan lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
  11. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan oo u dhexeeyey ciidanka milatariga Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda ay howlgal ku qaadeen deegaanka Orshe oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaasi ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay dagaal kadib la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Orshe oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in haatan ciidamadu ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan gudaha deegaanka, isla-markaana ay ka sameysteen fariisimo. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana jira cabsi laga muujinayo inay dagaal rogaal celis ah soo qaadaan xoogaga Al-Shabaab. Weli ma jiro wax hadal ah oo dhinaca Al-Shabaab kaso baxay oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya. Si kastaba muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ku hayaan deegaanada Galmudug oo ay ugu horreyso caasimada maamulkaasi ee Dhuusamareeb. The post Ciidamada DF oo dagaal kula wareegay deegaan hoostaga Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ayaa guullo ka soo hoyey doorashada hoggaanka golaha deegaanka ee magaalooyinka Burco iyo Laacsaanood oo ka kala tirsan gobollada Togdheer iyo Sool oo dhaca waqooyiga dalkeena Soomaaliya. Burco waxaa guddoomiyaha golaha deegaanka loo doortay, Cabdirisaaq Hero, halka ku xigeenkiisana loo doortay Mukhtaar Baaryare, sida uu shaaciyey maamulka doorashada. Labada mas’uul ayaa ka wada tirsan xisbiga mucaaradka ee UCID, kaas oo si weyn usoo dhoweeyey goosha ay kasoo hoyeen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Sidoo kale duqa magaalada Laacsaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa loo doortay Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Wadani, halka sidoo kale ku xigeenkiisana uu noqday Axmed Maxamud Cumar (Kawte) oo isna ka tirsan xisbiga UCID. Arrintan ayaa ku timid, kadib heshiis dhex-maray labada xisbi ee mucaaradka ee Wadani iyo UCID, kuwaas oo dhowaan isbaheysi siyaasadeed uga dhowaaqay magaalada Hargeysa. Si kastaba mas’uuliyiinta ku soo baxay doorashadan ee hoggaamin doono Burco iyo Laascaanood ayaa ah kuwo dhalinyaro ah oo laga sugayo inay hormariyaan deegaanadaasi. Somaliland ayaa waxaa 31-kii bishii hore ee May ka dhacday doorasho ballaaran oo isugu jirtay tan baarlamaanka iyo mida golaha deegaanka oo ay ku tartameen xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo kuwa mucaaradka ee Somaliland ee Wadani iyo sidoo kale UCID. The post Xisbiyada Wadani iyo Ucid oo ku guuleystay maamullada BURCO iyo Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  13. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo xalay ku hoyday degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa kulamo kala duwan ka bilaabay degmadaasi. Lafta Gareen ayaa qaabilay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Waajid, isaga oo ka xog wareystay xaaladda nololeed ee degmadaasi oo go’doon ugu jirta Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa kulankan intii uu socday bulshada deegaanka kusoo bandhigeen baahiyahooda gaarka ah, si uu wax uga qabto maamulka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu socdo abaabul xoogan iyo qorshe ah sidii go’doonka looga qaadi lahaa degmooyinka Bakool. Waxa kale oo uu ugu baaqay bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hotego weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso halkaasi. Lafta Gareen ayaa Waajid u tegay caleema saarka golaha deegaanka ee degmadaasi, isaga oo sidoo kale booqan doono xarumaha muhiimka ah ee magaalada. Si kastaba dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ayaa weeraro culus ka fuliya deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. The post Lafta Gareen oo abaabul iyo qorshe cusub ka bilaabay Waajid + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  14. Three decades of violence have left 2.9 million of Somalia's citizens internally displaced, but the country is also home to 25,000 refugees, including 6,800 Yemenis and over 700 Syrians. Source: Hiiraan Online
  15. Mas’uuliyiinta Iran waxay xaqiijiyeen in madaxii garsoorka iran Ebrahim Raisi, uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee jimcihii ka dhacday dalkaasi. Madaxweynaha xilka ka degaya Xasan Ruuxaani ayaa la kulmay madaxweynaha la doortay, isagoo ugu hambalyeeyay guushii uu ka soo hooyay doorashooyinka, wuxuuna kala hadlay “ka qeybgalka xoogan ee doorashooyinka iyo saameynta ay ku leeyihiin xoojinta awooda dalka. Dhiniciisa, Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Mohammad Javad Zarif, oo ka qayb galayay shirkii Madasha Diblomaasiyada ee Antalya ee Turkiga, wuxuu sheegay in qof walba laga doonayo, wixii hada laga bilaabo inuu la shaqeeyo madaxweynaha la doortay, isaga oo ku tilmaamay “nin caqli badan oo dalka si fiican u hogaamin doona . ” Afhayeenka baarlamaanka Iran Mohammad Baqer Qalibaf ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay MR Raisi guushii doorashada. Saddexda musharax ee la tartamayay MD Raisi ayaa goor sii horeysay oo maanta ah qirtay in laga adkaaday waxayna ugu hambalyeeyeen guushiisa. Natiijooyinka hordhaca ah ee ay daabacday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Iiraan ayaa muujinaya in Raisi uu ku guuleystay codadka in ka badan 17.8 milyan oo ka mid ah 28 milyan ee codbixiyeyaasha ka qeyb galay doorashooyinka. Mr Raisi waxa uu farqi aad u weyn oo dhanka codadka ah uu kaga horeeyay marla loo eego musharixiintii kula tartamay doorashada, kuwaas oo kala ah, Ku-xigeenka Afhayeenka Golaha Shuurada Amir Hossein Qazizadeh Hashemi (qiyaastii hal milyan oo cod), Xoghayaha Golaha Dhex-dhexaadninta Mohsen Rezaei (3.3 milyan oo cod), iyo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Abdel Nasser Hemmati (2.4 milyan oo cod). Hadaba waa kuma Madaxweeynaha Cusub ee Iran ? Magaciisa oo dhameystiran waa Sayyid Ebrahim Raisol-Sadati waxa uu December 14, 1960-kii ku dhashay magaalada Mashhad ee dalka Iran . Raisi ayaa horay u xilal kala duwan uga soo qabtay hay’ado ay ka mid yihiin Garsoorka Iran , xilka ku-xigeenka madaxa cadaalada Iran ayuu soo hayay intii u dhaxeysay sanadihii (2004–2014), waxa uu sidoo kale intii u dhaxeysay (2014–2016) uu ahaa xeer ilaaliyaha guud ee Iran, Guddoomiya maxkamada sare Iran ayuu sidoo kale noqday 2019-kii . Wuxuu sidoo kale xubin ka yahay Golaha Khubarada ee ka soo jeeda Gobolka Koonfurta Khorasan, oo markii ugu horreysay la doortay doorashadii 2006. Raisi ayaa sidoo kale waxa uu madaxweynaha hadda uu doorashada kaga adkaaday la tartamay sanadkii 2017 markaas oo uu helay 38.3% codadkii la dhiibtay . Sayyid Ebrahim Raisol-Sadati waa 60 sano jir aad caan uga ah guda dalka Iran . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Hargeysa)-)-Wasiirka Wasaraadda Arrimaha Gudaha JSL Mudane,Maxamed kaahin Axmed,ayaa kullan la qaatay Maayirka cusub iyo Maayirkii hore ee Caasimadda Hargeysa, kullan kan waxa ku wehelinayay Xoghayaha Dawlada hoose Hargaisa iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Source
  17. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dhacay isu soo dhowaanshiyo aad u weyn oo ah labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya kadib markii Muqdisho ay xiriirka jartay 7 bil kahor. Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa sabtidii dib ugu soo laabtay Muqdisho, tallaabadan oo loo arkay inuu si caadi ah kusoo noqday xiriirkii labada dhinac. Arrintan ayaa imaaneysa heshiis dhacay June 16, oo la isku afgartay in lasoo celiyo xiriirka diblomaasi isla markaana laga shaqeeyo hawlaha dhimman. Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo haatan ka qeybgalaya madasha diblomaasiyadda looga hadlayo ee Antaliya, Turkiga ayaa halkaas kula kulmay dhiggiisa Kenya Raychelle Omamo, labada dhinac ayaa la wada hadlay sidii loo wadi lahaa doodaha la xiriira dhameystirka inta dhimman. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Burco)-Golaha Deegaanka cusub ee Burco ayaa maanta si rasmiya Maayir ugu doortay Cabdirisaaq Herro halka ku-xigeenna ay u doorteen Mukhtaar Baaryare. Labada xubnoodba xisbiga UCID ayay ka soo baxeen. Source
  19. (SLT-Laascaanood)-Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee degmada Laascaanood oo saaka yeeshay kalfadhigoodii u horeeyay ayaa maayarka Laascaanood u doortay Cabdiraxiin Cali Ismaaciil (Qase) oo Xisbiga WADDANI ka soo baxay, halka ay maayar ku xigeenka u doorteen Axmed Maxamed Cumar (Kowte) oo ka soo baxay Xisbiga UCID. Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka qeyb-galayey dood lagu qabtay barta Twitter Space ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan tartan adag ee loogu jiro xilka madaxweynaha. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay in dhammaan musharraxiinta looga baahan yahay inay shacabka u soo bandhigaan hantidooda, ka hor doorashooyinka Soomaaliya ee dhowaan ka dhacaya gudaha dalka. Siyaasigan ayaa hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la ogaado hantida qofka, ka hor qabashada xafiiska, si loola xisaabtamo, haddii uu yimaado ku takri-fal awoodeed. “Musharraxiinta u tartameysa kursiga ugu sarreeya Soomaaliya waa in shacabka ay u bandhigaan hantidooda, ka hor doorashada iyo qabashada xafiiska, si loola xisaabtamo haddii ay ku takri falaan hantida shacabka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay xaqiiqada, isla-markaana la sameeyo guddi la’isla ogol yahay oo baaritaan dhab ah sameeya. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in haatan Soomaaliya ay sameeyneyso kobac siyaasadeed, loona baahan yahay in la horumariyo dadka iyo dalkaba. Warsame waa musharraxii ugui horreeyey ee dhaqaale weydiista shacabka Soomaaliyeed, si uu garab uga helo, maadaama uu qeyb ka yahay musharraxiinta uu hamiga ku jiro. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad kala guur ah, waxaana ay u diyaar garoobeysaa doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha. The post Musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha oo laga dalbaday inay soo bandhigaan hantidooda appeared first on Caasimada Online.
  21. (SLT-Togdheer)-Wararka aanu ka heleyno degmada Warcimraan ee Gobolka Togdheer ayaa waxaa ay sheegayaan in Barkad laga cabo biyaha oo ku taalla halkaas ay ku geeriyootay gabadh yar oo kamid aheyd dadka deegaanka. Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in gabadha oo lagu magacaabi jiray Samiira Axmed Xasan ay ku dhacday Barkada, xilli ay biyo ka dooneysay, kadibna ay Barkada ku dhex geeriyootay, laguna guuleysan waayay in lasoo badbaadiyo. Sidoo kale gabadh la socotay Samiira Axmed ayaa iyana ku dhacday Barkada laga cab biyaha ee ku taalla degmada Warcimraan ee Gobolka Togdheer ee Somaliland, waxaana gurmad la sameeyay lagu guuleystay in lasoo badbaadiyo gabadhaas. Alle ha u naxariistee Samiira Axmed Xasan ayaa kamid aheyd Ardaydii shalay u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Somaliland. Dhacadaan ayaa waxaa si weyn uga naxay qoyska gabadha geeriyootay, waxaana sidaan oo kale deegaano ka tirsan Somaliland ay Carruur horey ugu geeriyoodeen Barkad laga cabo biyaha oo ay ku dhaceen. Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Laascaanood iyo Burco ayaa la filayaa in uu saaka uu ka qabsoomo kalfadhiga koowaad ee golleyaasha deegaanka degmooyinkaasi oo ay ku dooranayaan maayirka iyo kuxigeenka. Shalay sabti ahayd ayaa loo balansanaa doorashada maayirrada Laascaanood Iyo Burco ayaa labada dib loogu dhigay maanta axad ah. Xildhibaan khaalid Xasan oo ahaa xildhibanka qudha ee maanta la tartami lahaa Cabdirisaq Hero oo u sharraxan jagada maayirnimo ee Burco ayaa xalay is casilay, sheegayna in uu Burco wada jirkeeda ka qayb qaadanayo. Sida la filayo maanta ma jiri doonto cid kula tartami doonta jagada maayirnimo iyo kuxigeenkiisa, Cabdirisaq Hero iyo Mukhtar baaryare. Wariyeyaasha ku sugan magaalooyinka Burco iyo Laascaanood oo ay Somalilandtoday xidhiidh la samaysay ayaa waxa ay ku warramayaan in jawigu uu degan yahay. Somalilandtoday.com kala soco wararka oo isha ku hay mar kasta Source