-
Content Count
211,154 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ciidamadii la magac baxay Badbaado Qaran ee diidanaa muddo korarsiga iyo saraakiishii hogaamineysay ayaa wajahaya cabsi amni oo xoog leh, sida ay noo xaqiijiyeen tobaneeyo ka mid ah ciidankaas. Ciidankaan Badbaado Qaran oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in uu billowday beegsiga ragii mucaaradka u dagaalamay iyo kala shaki weyn, taasoo keeni karta uu jabo heshiiskii Rooble iyo Mucaaradka. Cabsidaan oo maalmahaan taagneed ayaa waxay ka sii dartay maalmo kadib markii askari ka tirsanaa ciidanka Mucaaradka, islamarkaana qeyb ka ahaa hay’adda NISA la dilay kadibna lagu riday god qashin. Marxuumka ayaa sidoo kale lala dilay qof dumar ah oo la joogtay, waxaana xog la helay ay tilmaameysaa in ay ka dambeeyeen ciidan ka tirsan dowladda. Warkaan waxaan ka soo xiganay dhinaca mucaaradka. Saraakiisha iyo ciidamada taageeray mucaaradka ayaa qaba cabsi ah in si gaar ah loo beegsan karo islamarkaana ay soo gaartay warar cabsi gelin ah oo kaga imanaya dhinaca dowladda. Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa Axaddii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka dalbaday in uu baaro dadkii ka dambeeyay dilka Askariga maadaama uu qaatay masuuliyadda amniga dalka. Muuse Suudi waxa uu sheegay in Rooble uu mas’uul ka yahay dhib kasta oo gaara ciidanka mucaaradka, maadaama isaga uu heshiis la galay. Dowladda federaalka ayaan weli ka hadal askariga sida arxan darrada ah loogu dilay Muqdisho, waxaana inta badan eedda ay farta ku fiiqeysaa in dilkaas ay ka dambeeyeen ciidankeeda. The post Xog: Shaki iyo cabsi ka dhalatay askarigii Badbaado Qaran ee Muqdisho lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
-
Shirkadda diyaaradaha Imaaraadka ee Etihad Airways ayaa Isniinta maanta ah shaacisay in ay si kumeel gaadh ah u joojineyso duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Israel halkaasi oo garoonka ugu weyn ee u dhow Tel Aviv lala beegsaday gantaalo laga soo ganay dhanka magaalada Gaza. Isu-tagga Imaaraatka Carabta ayaa sanadkii hore caadiyeeyay xidhiidhka dublumaasiyadeed ee Israel, waxaana heshiiskaas oo uu Mareykanku gadhwadeen ka ahaa uu Imaaraatka ka dhigay dalkii saddexaad ee Carbeed ee tallaabadaasi qaada ka dib Masar iyo Urdun. Baxrayn, Marooko iyo Sudan ayaa iyana xidhiidh la sameystay Israel. “Etihad Airways waxa ay si KMG ah u hakineysaa adeegga duulimaadyada ee Tel Aviv taasi oo looga jawaabayo colaadda socota,” ayay shirkadda fadhigeedu yahay magaala Abu Dhabi ku tidhi bayaan ay soo saartay. Khamiistii ayay hay’adda maamusha garoomada Israel waxa ay sheegtay in dhamaan duulimaadyada u socda garoonka Ben Gurion ee u dhow Tel Aviv ay u weecisay garoonka Ramon ee u dhow magaalada koonfureed ee Eilat ka dib gantaalo laga soo tuuray magaalada Gaza. Etihad Airways ayaa bishii April bilowday in ay asbuucii laba jeer ku tagto garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion. Source
-
Opinion I have known Dr Rashid Abdi for a long time. It is when he joined the International Crisis Group as an analyst that his attitude to Somalia and Somalis had changed. He peddled disinformation that reduced Somali politics to clan names. As if that was not enough, his incendiary tweets have become an extension of his divisive narrative. Rashid’s latest tweets promote ethnic violence in Somalia. “Farmaajo wanted to be first Darood president to finish a term, hand over power without getting killed, overthrown or forced to resign. It looks like he will repeat history. If Badbaado Qaran forces reconstitute and take over city this time they will not stop. They will run Farmaajo out of town. “Rashid tweeted. Imagine a Somali analyst with a PhD in comparative religion and philosophy expressing a similar view in relation to Kenya during 2008 electoral violence, glorifying violence against citizens on account of their ethnic identity. Rashid could use his expertise in a way that does not promote civil war in Mogadishu. What interest does Rashid have in seeing Mogadishu returning to its days as warlord dominions bankrolled by foreign embassies in Nairobi? A virulent form of fascism is rearing its head in Africa. Rashid’s name still appears above reports he had written for the International Crisis Group as “Former Project Director, Horn of Africa”. In 2020 he co-authored an op-Ed with SOAS Professor Laura Hammond. There is credibility gap between articles Rashid writes on Africa and his tweets. There is no doubt about Rashid’s scholastic achievements. Does his use of the Twitter platform to promote inter-clan violence foreshadow normalzation of academic promotion of ethnic wars in Africa? In How to be a fascist Michela Murgia wrote that a fascist would call on freedom of speech whenever he is criticized for ‘hateful language’. In Africa racism and fascism are two pathologies we associate with former European colonial masters. That’s why we tolerate hatred from the pens, mouths and fingers of some academics. May I hope that Dr Rashid Abdi would come to his senses and rectify his attitude so that his analyst credentials can be taken seriously. Hassan A. Durkun The post African Academics Mustn’t Promote Ethnic Violence appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa magacaabay guddi xaqiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduubka iyo dilka loogu geystay Allaha u naxariistee Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo ka mid ahaa culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka oo ka howlgali jiray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Qoor Qoor oo ka kooban todoba qof ayaa kala ah: 1 – Muumin Xuseen Cabdullahi (Guddoomiye) 2 – Cabdixakiin Maxamed Xirse (Guddoomiye ku-xigeen) 3 – Saciid Maxamuud Jimcaale (Xogheyn) 4 – G/Dhexe Maxamuud Axmed Maxamed (Cawil) (Xubin) 5 – X/LE Ciise Axmed Cali (Xubin) 6 – Cabdi Jaamac Cabdulle (Xubin) 7 – Cabdirisaq Khaliif Aadan (Xubin) 11-kii bishan ayaa meydka Sheekh Cali Dheere oo laga afduubtay koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa laga helay deegaan u dhow magaalada Galdogob ee gobolka Mudug, wixii intaas ka dambeeyana waxaa gobolka Mudug ka socda baaritaanka dadkii ka dambeeyey dilka marxuumkan oo ka shaqeyn jiray arrimaha samafalka. Sidoo kale maalmihii la soo dhaafay waxaa Gaalkacyo ka dhacay banaanbaxyo lagu dalbanayey in cadaaladda la hor keeno ragii afduubtay ee dilay Sheekh Cali Dheere oo ahaa maamulihii guud ee Jaamacadda Iamaamu Nabawi ee gobolka Mudug, sidoo kalena aad u caawin jiray dadka danyarta ah. Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in muddo dheer Sheekha la dilay ay daba joogeen laanta dembi barista booliska gobolka Mudug ee CID-da iyo guddiga amniga gobolka Mudug oo Sheekha xiray dhowr jeer, kadib markii ay uga shakiyeen inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab. Markii u dambeysay waxaa la sheegay in la xiray bishii hore ee Abriil, iyadoo su’aalo lagu waydiiyey xerada ciidamada kumaandooska Danab ee koonfurta magalaada Gaalkacyo, balse maalmo uu xirnaa kadib waa la siidaayey, waxaana intii u dhaxeysay 10-kii ilaa 11-kii bishan laga afduubtay gurigiisa, iyadoo maalin kadib meydkiisa la soo dhigay deegaan u dhaw magaalada Galdogob. Waxaa dilka Sheekha lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey askari ka tirsan booliska dowladda federaalka oo lagu magacabo Cabdixakiin Cabdisalaan Aadan. Cabdixakiin ayaa dhawaan waxaa laga soo wareejiyey saldhigga Booliska Galdogob, wuxuuna ka tirsanaa Ciidamada Booliska Federaalka ah, waxayna xogta sheegeysaa inuu kamid ahaa askar ka tirsanaa Saldhigga Booliska Gaalkacyo oo loo xil saaray baaritaan lagu hayey Sheekha la dilay, isagoo si gaar ah u ahaa askarigii xabsiga kasoo saari jiray marka la wareysanayo Sheekha. Maalmo ka hor dilka Sheekha, ayuu Cabdisalaan ka goostay Saldhigga Booliska ee Gaalkacyo kadib markii ay meel xun gaartay xiisad ka dhalatay dil loo geystay nin ay qaraabo yihiin, wuxuuna 10-kii Bishii May soo wacay Sheekha dilka loo geystay oo kasoo jeedo Beesha dishay ninka ay qaraabada yihiin Cabdisalaan, isagoo u sheegay inuu ka socdo saldhigga loona soo dhiibay taleefoono horey looga qaaday Sheekha. Markii uu Sheekha usoo baxay banaanka gurigiisa ayaa waxaa gaari ku gaxeystay Cabdisalaan iyo 2 askari kale oo watay baabuur gaar ah, waxaana saacado kadib ku dileyn meel u dhow Galdogob oo markii hore laga soo badalay Cabdisalaan. Booliska Soomaaliya ayaa billaabay baadi goobka eedeysane Cabdisalaan oo la sheegay inuu baxsad ka yahay gacanta Booliska kaasoo loo heysto dilka Sheekh Cali Dheere. Eedeysanahaan ayaa la rumeysan yahay inuu u gudbay deegaanada Soomaali Galbeed, waxayna Booliska codsadeen in lagu soo war geliyo haddii la arko eedeysanahaan. The post QOOR QOOR oo qaaday tallaabo daba joogta dilkii Sheekh Cali Dheere appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga arrimaha fatahaada ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa soo saaray jawaab faahfaahsan oo daba joogta eedeymihii uu u jeediyey wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka, kadib markii ay dhawaan wasaaraddu ka dalbatay inay tusaalooyin ka bixiyaan eedeyn la xariirtay mashaariic looga hor-tegi lahaa fatahaadda uu geysto wabiga Shabeelle. “Gudiga arrimaha fatahaada ee dowlad goboleedka Hirshabelle markii uu arkay war-Saxaafadeedkii tirsigiisu ahaa MOF/MD/35/2021 ee kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya una muuqday mid isdifaacid ah. Waxaa muhiim noqotay in guddiga xog sax ah oo dhameestiray lawadaago bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay guddigan HirShabeelle u qaabilsan ka hor tagga fatahaadaha. Guddigan ayaa qoraalkiisa ku xusay lix qodob oo faahfaahin looga bixiyey marxaladihii uu soo maray mashruucaan muranka ka dhex abuuray HirShabeelle iyo wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka, waxaana lagu yiri lixda qodob ee guddiga: 1 – Bangiga adduunka waxa uu ansixiyay mashruuca kasoo kabashada masiibooyinka (Somalia Crises Recovery Project) taariikhdu markii ay aheyd 15-kii May 2020. 2 – Heshiis is-afgarad ah (MoU) ayaa waxaa kala saxiixday Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo Dowladda Hirshabeelle taariikhdu markii ahayd 19-kii Augusto 2020 oo kasoo wareegtay 9 bilood, Waxaa hubaal ah haddii masuuliyad la iska saari lahaa in lagu fulin-karay mashruucan mudo kooban dhibaatadaana kuma dhacdeen umadda Hirshabeelle. 3 – Janaayo 2021 ayaa dowladda Hirshabeelle waxa ay digniin ku aadan fatahaado laga baqayay iyo muhiimada fududeynta mashruuca ka hortaga fatahaadaha u gudbisay Xafiiska Raisul Wasaaraha, iyadoo Raisul Wasaarahu u yeeray Wasiirka Maaliyadda si loo fududeeyo howlaha looga hortagayo fatahaadaha wabiga Shabeelle, nasiib darro howlahan waxa cusleeyay Wasaaradda Maaliyadda iyo howl-wadeenada loo xilsaaray mashruucan (SCRP-PIU). 4 – Waxaa la ansixiyay qandaraaskii ugu horeeyay ee ka hortaga fatahaada wabiga Shabeelle isbuucii kowaad ee May 2021. Xiligaas oo aan suuro gal ahayn in wax laga qabto wabiga oo waxaa biloowday roobabkii iyo fatahaadaha. 5 – Waxaa dhacay waxyaabihii ay ka digeeysay Dowladda HirShabelle, iyadoo weli aysan bilaaban wax howl ah oo looga hortagaayo fatahaadaha la xiriirana mashruuca kasoo kabashada masiibooyinka (SCRP). 6 – Dowladda HirShabelle wax ay aaminsantahay waxa sababay dhibaatada in ay tahay dib u dhaca iyo howl-wadeenada mashruuca oo aan fakir ka haysan deegaanka. Ugu danbeentii war-saxaafadeedka guddigan HirShabeelle u qaabilsan ka hor tagga fatahaadaha ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Dowladda Hirshabelle waxa ay marwalba u taagantahay wadashaqeeyn iyo u adeegidda ummadda.” The post Khilaafka DF iyo HirShabelle oo sii xoogeystay – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
-
Marxuum, Sheekh Cali Dheere Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ku sugan Gaalkacyo ayaa guddi u magacaabay dilkii Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo todobaadkii hore lagu dilay meel ka baxsan magaalada Gaalkacyo. Digreeto kasoo baxday xafiiska nadaxweynaha Galmudug ayaa lagu magacaabay guddi xaqiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduubka iyo dilka loogu geystay Sheekh Cali Dheere oo ka tirsanaa culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka oo ka howlgali jiray gobolka Mudug. Guddiga madaxweyne Qoorqoor u magacaabay dilka Sheekh Cali Dheere oo ka kooban 7 xubnood ayaa kala ah: 1. Avv Muumin Xuseen Cabdulaahi (Guddoomiye) 2. Avv Cabdixakiin Maxamed Xirse (Guddoomiye kuxigeen) 3. Saciid Maxamuud Jimcaale (Xogheyn) 4. G/Dhexe Maxamuud Axmed Maxamed (Cawil) (Xubin) 5. X/LE Ciise Axmed Cali (Xubin) 6. Cabdi Jaamac Cabdulle (Xubin) 7. C/risaq Khaliif Aaden (Xubin). Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maalmo ka hor warbaahinta dowladda ka baafiyay nin lagu magacaabo Cabdikariin Cabdisalaan Aadan, kaas oo warar aan la xaqiijin sheegayaan in lagu eedeynayo dilka Sheekh Cali Dheere. Cabdikariin Cabdisalaan Aadan ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Qoorqoor oo guddi u magacaabay dilkii Sheekh Cali Dheere appeared first on Puntland Post.
-
Source
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka laabatay dhammaan heshiisyadii ay horey ula gashay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku saabsanaa in ay shaqaale Soomaaliyeed shaqo ka siin karaan dibadda. Wareegto uu soo saaray isla markaana saxiixay Wasiiru Dowladda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Axmed Qaasim ayaa lagu sheegay in wasaaraddu baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay horey ula gashay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku saabsanaa in ay shaqaale Soomaaliyeed shaqo ka siin karaan dibadda una dhoofin karaan. Wasaaradda ayaa hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka codsatay in aysan u ogolaan dhoof cid kasta oo ay uga shakiyaan in shaqo siin dibadeed loo dhoofinayo. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya waxay sheegtay in ay dib u bixin doonto ruqsadaha cusub ee ku saabsan arrimahan. PUNTLAND POST The post DFS oo ka laabatay heshiisyo ay kula jirtay shirkado gaar loo leeyahay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa taliyeyaal cusub u magacaabay Saldhiga Booliska magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo Saldhiga Booliska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Taliska. Wareegtada Taliska ayaa waxa xilka taliyaha booliska magaalada Dhuusamareeb loogu magacaabay Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame, halka Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayadana loo magacaabay Dhame Nuur Cilmi Maxamed. Waxa uu taliska faray in loo dalbo taliyeyaasha cusub xuquuqdooda, sida lagu sheegay wareegtada uu ku saxiixan yahay Xijaar. Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sidoo kale waxa uu taliye ku-xigeenka qeybta guud ee Booliska gobolka Mudug u Magacaabay Gaashaanle Maxamed Mire Maxamuud, kaas oo hore u ahaa Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb. Xijaar ayaa faray Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Mudug in sida ugu dhaqsaha badan uu u howl-geliyo saraakiisha cusub ee xilalka kor ku xusan loo magacaabay. Sidoo kale waxa uu Jeneraal Xijaar faray Taliyaha qeybta guud in taliyeyaasha cusub loo soo dalbo xuquuqda ay leeyihiin, isagoona si gaar ah hogaanka maaliyada iyo hogaanka Saadka ugu amray in ka gutaan waajibaadkooda ku aadan. Hoos ka eeg wareegtada Xijaar The post Taliska ciidamada oo amray in xuquuqdooda loo dalbo saraakiil sare + Magacyadooda appeared first on Caasimada Online.
-
Nearly 200 Palestinians, including 58 children, killed in the Gaza Strip as Israeli bombardment enters second week. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU - Somali government said Monday it will organize a day-long forum on May 26 to showcase its investment opportunities in the information and communications technology (ICT) sector. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The new federal Minister of Labor and Social Affairs was sworn into office on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Gaza (Caasimadda Online) – Ururka Xamas ayaa gantaallo ku garaacay laba magaalo oo ka mid ah dhulka ay Yahuudda xoogga ku haystaan, halka ciidamada Yahuuda ay Maanta mar kale duqeyn xoog leh oo dhanka cirka iyo dhulka ah la beegsadeen qeybo kala duwan oo ka tirsan Magaalada Gaza. Duqeymaha Israa’iil ayaa lagu bartilmaameedsaday guryo ay dagan yihiin dad rayid ah, Xarumaha Amniga, iyo Xarumaha Dowladda ee Marinka Gaza, sidoo kalana duqeymaha ayaa si ula kac ah waxaa loogu burburiyey tiro kamid ah waddooyinka waaweynka iyo Isgoysyada taasoo sababtay burburka qeybo badan oo kamid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee Magaalada Gaza. Xamas ayaa dhankeeda Gantaalo culus la beegsatay magaalooyinka israel ee kala ah Ashkelon iyo Beersheba, waxayna saraakiisha Caafimaadka Israel xaqiijiyeen dhaawaca 13 qof oo Israa’iilyiin ah inkastoo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijiyey khasaaraha ka dhashay. Intii ciidamada Israa’iil ay wadeen waxa ay ugu yeereen wajiga cusub ee dagaalka ay ku hayaan Gaza, warbaahinta Israel ayaa ku warantay in Ra’isul wasaare Benjamin Netanyahu uu ka qeybgalayo xaflad la sheegay in loogu dabaaldagayo natiijada guusha ah ee laga gaaray duqeyntii cirka aheyd ee diyaaradaha dagaalka Israel ku bilaabeen todobaad ka hor marinka Gaza, balse waxaa hadda lagu soo waramayaa in Netanyahu uu xafladdaasi ka baaqday. Sababta la xariirto Netanyahu ka baaqashadiisa dabaaldagii ku aadanaa in suuq geyn loo sameeyo ka guuleesashada iska caabintii Gaza kaga imaaneysay si uu ahdaaftii guusha dagaalka u gaaro waxaa lagu sheegay inay tahay ilo ku dhow oo la helay oo sheegayaan in natiijada loo arkay mid iska dhex dhexaad ah oo aan micno badan sameyn laheyn haddii uu ka qayb gali lahaa dabaaldagaas. Sidoo kalena waxaa la ogaaday in guusha Isra’iil sheegatay aysan wax weyn ahayn. Sidoo kale, Ciidanka Israel ayaa sheegay in kadib saqdii dhexe ee Xalay ay fuliyeen wajigii seddexaad ee dagaalkooda sideeda maalin ee sida joogta ah uga socday marinka Gaza, waxayna howlgalkaan ugu magac dareen “Howlgallada Darbiyada.” Ciidamada sida xoog ah ku heysto dhulalka reer Falastiin ayaa sidoo kale bayaan ay soo saareyn ku sheegay in weerarada laga beegsaday goobaha ay ku sugan tahay Xamaas, waxayna sheegeyn in Maanta muddo 20 daqiiqo ah duqeyn laga beegsaday 35 bartilmaameed . Israel ayaa sheegtay in 54 dagaalyahan oo ka tirsan iska caabinta Falastiin ay kusoo rideen qiyaastii 110 Galtaal meel 15km u jirto Marinka Gaza. Wasaaradda Caafimaada Gaza ayaa tirada dhimashada tan iyo markii ay duqeymaha billowdeen ku sheegtay 201 qof, oo ay ku jiraan 58 caruur ah iyo 34 haween ah. Mas’uuliyiinta Israel ayaa iyagana sheegay in 10 qof oo ay ku jiraan laba caruur ah lagu dilay gantaallada Xamas. The post XAMAS oo duqeysay laba magaalo oo ka mid ah Israel iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa wajaheysa cadaadis xooggan oo uga imaanayaa go’aankii ay hore ugu joojisay duulimaadyadii Soomaaliya, xili dhawaan dib loo soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal. Sida uu qoray wargeyska Daily Nation, Ganacsatada beeraleyda Jaadka ee Kenya ayaa dowladda Kenya ku cadaadineysa in si buuxda dib loogu soo celiyo xiriirkii siyaasadeed ee labada dal, si dib ugu bilaabaan dhoofinta Jaadka. Kimahi Munjuri, Guddoomiyaha ururka ganacsatada Jaadka ee Nyambene oo la hadlay wargeyska ayaa sheegay in dowladooda ay ku deg-degtay inay xayiraad kusoo rogto duulimaadyadii u kala gooshi jirey Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo ay culeys ku saareyso dowladda federaalka ee Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid “ra’yi qaldan ah”, islamarkaana aan laga fiirsan oo sii kala fogeynaya labada dowladooda, oo dhawaan ay dowladda Qatar dib usoo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed. Ganacsatada Jaadka ee Kenya ayaa maalin kasta usoo diri jiray Soomaaliya Jaad faro-badan iyagoo ka sameyn jirey dhakhli aad u badan, si ay noloshooda ugu maareeyaan, waxayna xiliga wajahayaan dhaqaalo xumo baahsan. Tan iyo markii dib loo soo celiyay xiriirka labada dal ayaa waxay dowladda federaalka Soomaaliya ay shaacisay inaysan weli fasaxin dhoofinta Jaadka, taasi oo markale mad-madow gelinaysa xiriirka ay Qatar ku bixisay dadaalka badan. Kenya oo ka carootay go’aanka dowladda federaalka ayaa gebi ahaanba xayiraad kusoo rogtay duulimaadyadii iskaga kala gooshi jirey labada dal, waxayna dowladda federaalka ka fikireysa tallaabo adag oo ay kaga jawaabto go’aankaas. The post Kenya oo cadaadis xooggan wajaheysa, kadib xayiraadii duulimaadyada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa soo saaray digniin ka dhan ah dalal uu sheegay inay faro-gelin ku hayaan arrimaha dalkiisa, sida ay baahisay wakaalada wararka dowladda ee ENA. Abiy ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin in dibu dhacyada doorashada guud ku yimid loo isticmaalo ajandayaal kale, oo uu sheegay inay dabada ka riixayaan dalal awood badan oo uusan carabaabin. Waxa uu carabka ku adkeeyay in go’aanka doorashada Itoobiya ay gaarayaan un dadka Itoobiyaanka ah, islamarkaana iyagu ay ka arrinsanayaan masiirkooda, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu ka digay ajnabiga faraha kula jira arrimaha gudaha dalkiisa, isagoona ku eedeeyey dalal awood badan oo aannu carab dhabin ay dalkiisa ka wadaan olole lid ku ah danahoodda oo xoogan. Abiy marnaba ma shaacin dalalka faro-gelinta ku haya ee uu digniinta u diray, kuwaasi oo u badan hey’addo iyo dalal dhaqaalahooddu xoogan yahay, oo xukuumaddiisa cadaadis ku saaraya qabashada doorashada oo markale dib u dhac ku yimid. “Itoobiya u wiiqmi-meyso turun turooyinka laga soo maleegayo dalalka dibadda,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Abiy Ahmed. Hadalka Abiy ayaa imanay xili uu Sabtidii toddobaadkan Madaxa guddiga doorashada Ethiopia uu shaaciyey in aysan macquul ahayn in la qabto doorashada baarlamaanka ee qorshuhu ahaa in ay dhacdo 5-ta June, iyadoo aan la sheegin waqtiga cusub ee doorashada la qaban doono. Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa kolkii uu talada qabtay saddex sano ka hor waxa uu ballan qaaday in uu dalka ka saarayo hannaankii xukun ku dheganaanta ahaa, islamarkaana uu qaban doono doorashadii ugu dimoqraadiyadda badnayd ee abid soo marta dalkaasi, midaasi oo xiligan muuqan. Doorashooyinka ayaa markii hore qorsheysnaa bishii August ee sanadkii hore, waxaana dib loogu dhigay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee coronavirus, iyadoo dhibaatooyin ay soo kordheen tan iyo waqtigaas oo ay ka mid tahay dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray. “Codbixintu ma dhaceyso 5-ta June. Ma sheegi karno taariikhda maaddaama guddiga ay tahay in ay darsaan talooyinka ay ka helaan xisbiyada,” ayay tiri haweeneyda hoggaamisa guddiga doorashada Birtukan Mideksa oo ka gaabsatay shaacinta xiliga cusub ee ay qabsoomayaan doorashooyinkaas. Tan iyo markii ay soo baxday dib u dhaca doorashada Itoobiya waxaa isasoo taraya guuxa dalalka beesha caalamka oo u arka Abiy Ahmed mid ka leexday dhabihii dimoqraadiyadeed ee uu hore u ballan-qaaday, waana mida keentay in maanta uu gaashanka u daruuro ra’iisal wasaaruhu. The post Abiy Ahmed oo digniin u diray dalal uu ku eedeeyay fara-gelin appeared first on Caasimada Online.
-
Saddex wiil oo dhallinyaro ah ayaa todobaadkan gudihiisa liqeen ceelasha togga Ligle ee koonfurta magaalada Garowe. Mursal Cabdirisaaq Cali Shirwac ayaa maanta ku geeriyooday ceel ku yaalla togga Ligle, halka sabtidii la soo dhaafay ay ku dhinteen labo wiil oo lagu kala magacaabo Cabduqaadir Jaamac Ciise iyo Cabdiqaadir Khaliif Abshir, sida ay xaqiijiyeen Booliska gobolka Nugaal. Saddex wiil ee todobaadkan gudihiisa ku geeriyooday ceelasha togga Ligle ayaa da’doodu u dhaxaysay 14 ilaa 17 sano jir. Xiliga roobabku da’aan ayaa dhallinyaro badan u babaal tagaan togga Ligle ee koonfurta Garowe oo leh ceelal dad lig ah, xiliga biyuhu maraan. PUNTLAND POST The post Garowe: Saddex wiil oo todobaadkan ku dhintay ceelasha Ligle appeared first on Puntland Post.
-
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken aya sheegay in labada dhinac ee Israa’iil iyo Falastiin looga baahan yahay in ay qaboojiyaan xiisadda iyo rabashadaha. “Dhammaan dhincyada waxaa looga baahan yahay inay qaboojiyaan xiisadda – rabashadaha waa inay u dhammaadaan si deg deg ah” ayuu ku yiri Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Baaqa Blinken ayaa yimid kadib markii uu wasiirka arrimaha dibedda Masar taleefon kala hadlay xiisadda Israel, Gaza iyo Daanta Galbeed. Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ololaha Gaza uu awood buuxda ku socdo, ayna qasab tahay in lagu guuleysto ka hor-tagga dagaal mustaqbalka lala galo Xamas. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo baaq ka soo saaray xiisadda Israa’iil iyo Falastiin appeared first on Puntland Post.
-
Abiy oo sheegay in dalkiisa ay fara galin ku hayaan quwado shisheeye Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay inaanu oggolaan doonin in dibu dhacyada doorashada guud ku yimid loo isticmaalo ajandayaal kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee ENA. Wuxuu intaa ku darey ra’iisal wasaaraha in go’aanka doorashada Itoobiya ay gaarayaan un dadka Itoobiyaanka ah, isagoo u digay ajnabiga faraha kula jira arrimaha gudaha dalkiisa. Abiy ayaa eedeeyey dalal awood badan oo aannu carab dhabin, kuwaasoo ku haya dalkiisa olole lid ku ah danahoodda oo xoogan. Dalalka fara gelinta ku haya, ayuu ku tilmaamey Abiy iney yihiin hey’addo iyo dalal dhaqaalahooddu xoogan yahay, kuwaasoo doonaya iney u yeeriyaan Itoobiya habka ay u noolaanayaan. Ra’iisal wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in Itoobiya aaney u wiiqmi doonin turun turooyinkaas, laga soo maleegayo dalalka dibadda, sida uu hadalka u dhigay. Qaran News
-
Qaabkuu u shaqeeyo hannaanka difaaca gantaallada ee Israel “Iron Dome” Hannaanka Iron Dome oo ka hortagaya gantaallada looga soo rigay Gaza. Dagaalkii ugu ba’naa ee muddo sanado ah dhexmara Isaar’iil iyo Gaza ayaa waxa uu muuqaal kale u yeelay samada gobolkaas. Muddo san maalmood gudahood ah, ururka Xamaas iyo xooggaga kale ee Falastiiniyiinta ayaa in ka badan 2,000 oo gantaal u ganay dhanka Israa’iil. Ku dhawaad 90% gantaalladaas ayaa waxaa ka hortagay hannaanka difaaca hawada ee loo yaqaan Iron Dome, sida uu sheegay milateriga Israa’iil. Iron Dome ayaa loo nashqadeeyay si uu uga hortago gantaallada ridada dhow ee khatarta ku ah Israa’iil. Waxaa qorshaha hannaankan uu bilowday kadib dagaalkii ay Israa’iil la gashay Xisbullah sanadkii 2006, xilligaas oo gantaallada uga soo dhacay Lubnaan ay khasaare badan oo isugu jirta naf iyo mal ka geysteen gudaha dalkaas. Israa’iil ayaa dagaalka kadib shaacisay inay sameysan doonto hannaan cusub oo ka hortagga gantaallada lagu soo gano. Hannaanka Iron Dome oo ay wadajir u dhiseen shirkadaha Rafael Advanced Defense Systems iyo Israel Aerospace Industries ayaa la hawlgeliyay sanadkii 2011. Qalabkan oo la rumaysan yahay inuu kamid yahay kuwa ugu horumarsan caalamka ayaa isticmaala raadaar si uu u aqoonsado isla markaana u burburiyo gantaallada ku socda Israa’iil ka hor inta aanay khasaare geysan. Hannaankan oo ku shaqeeya jawi kasta ayaa si gaar ah loogu qaabeeyay in uu ka hortago hubka ridada gaaban, gaar ahaan gantaallada laga soo gano Gaza. Kharash badan ayaa ku baxay sameynta Iron Dome, balse shirkadaha dhisay ayaa sheegay in faa’iidadiisa ugu weyn ay tahay in uu kala sooci karo gantaallada ku dhici kara deegaannada ay dadka ku badan yihiin iyo kuwa kale. Hannaanka ayaa beegsada oo keliya gantaallada loo arko inay khatartayihiin. Gantaallada Xamaas Toban sano kadib markii la hawlgeliyay Iron Dome, Israa’iil ayaa hadda haysata toban xabo oo hannaankaas difaaca gantaallada ah, kuwaas oo la dhigay qeybo kala duwan oo dalkaas ah. Mid kasta oo kamid ah waxaa ku xiran saddex ama afar gane oo midkiiba uu ridi karo 20 gantaal oo ka hortag sameeya. “Tirada Israa’iiliyiinta dhintay ama dhaawacmay ayaa aad u badan lahayd haddii uusan jirin Iron Dome, kaasoo badbaayiyay nafteena,” ayuu yiri Gaashaanle dhexe onathan Conricus oo ah afhayeenka milateriga Israa’iil. Hase yeeshee khubarada qaar ayaa sheegay in tirada badan ee gantaalka ay Gaza ka soo ridayaan xooggaga Falastiiniyiinta uu yahay isku-day ay ku daalinayaan hannaanka Iron Dome, taasoo dhalisay walaac ah caqabadaha uu wajihi karo qalabka. Colaadda Gaza Tan iyo 2014, waxaa marar badan sare u kacday xiisadda labada dhinac, balse waxaa guulaystay dhowr xabbad joojin oo ay dhexdhexaadintooda lahaayeen Masar, Qatar iyo Qaramada Midoobay. Inkastoo ay weli go’doonsan tahay Gaza, ururka Xamaas ayaa sii xajistay maamulka marinkaas, waxaana uu tayeeyay hubkiisa gantaallada ah. Xaaladda bani’aadannimo ee shacabka labada milyan ah ee ku nool Gaza ayaa ka sii daraysa. Waxa ay dadkaas wajahaan gabaabsi dhanka biyaha, dawada iyo korontada ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadad Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweyne Sheekh Shariif. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxaana looga wada-hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Madaxda shirka ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxay kulankooda diirada ku saareen wada-hadalada la filayo inay dhawaan ka furmaan magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka ag-dhow. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay sidii Ra’iisal wasaare Rooble loogu gacan siin lahaa dar-dar gelinta howlaha doorashooyinka ee loo xil-saaray, xili qaar kamid ah musharaxiinta mucaaridka ay walaac ka muujinayaan. Qaar ka mid ah Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa hore walaac uga muujiyey dhex-dhexaadnimada ra’iisal wasaare Rooble, inkasta oo qoraalkaas aysan isku wada raacin dhammaan musharaxiinta “Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu kala jabay oo kusoo baxay magaca Golaha Musharaxiinta. “Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalkaas. Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa kal hore kalsooni u muujiyey ra’iisal wasaare Rooble, ayada oo xubnaha ugu sareeya ee Golaha ay ku adkeysanayaan in weli fursad la siiyo Rooble, xili ay maalmo kooban ka harsan-yihiin furitaanka shirkii uu isugu yeeray maamulada dalka iyo gobolka Benaadir. The post Madaxweynayaashii hore iyo xildhibaano shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho + Video appeared first on Caasimada Online.