-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Regional competition on ports is shaping up as Somaliland and Tanzania angle themselves to give Kenya a run for its money in shipping and logistics. Source: Hiiraan Online
-
1.mr Khaliif Oo 3 Sano Ugu Danbeeyey Wuxuu Aad Ugu Mashquulsanaa inuu Hanto Kursigaasi Isagoo Olole Xoogan U Galay Wado Kasto Oo Loo Mari Kursigaasi Halka Xildhibaan Faratoon 3 Bilood Ugu Danbeeyey La Maqlay Dhawaaqiisa Gudoomiyenimo. 2.Gudoomiye Xisbiga Waddani Oo Waayo Aragnimo Weyn U Leh Nidaamka Golaha wakiilada Iyo Shirgudoonka Ayaa Ka Caawinaya Kursigaasi Sidii U Fuuli Lahaa Waana Shax Culus Dr Ciro Sxbkiisa U Dajiyey 3.Aqbaliyad Golaha Wakiilada Oo Isbahaysigu Mucaaridka U Badan Yihiin 52 Ay Haystaan Ayaa Soo Dadajijanaya In Cabdirisaaq Khaliif Kursigaasi Hanto Iyadoo Hadalado Kulul Wasiirada Xukumada Madaxweyne Muuse Jeediyeen Ay Wadada U Xaadhayso In Culays Weyni Haysto Xildhibaan Yaasiin Faratoon 4.Shacabka Soomaliland Badankoodu Waxay Danaynayaan Gole Wakiilo Oo La Xisaabtama Xukumada Wakhtigan Talada Haysa Waxay Ka Daalaan Gole Gacansaar La Leh Kolba Xukumada Jirta Waxaa Qoray Xamse Cali Bulbul Source
-
Wararka ugu dambeeya ee laga helayo Teendhada uu ka socdo Shirka looga arinsanayo dardar galinta Arimaha Doorashada ayaa sheegaya in Wafuuda qaarkood ay doonayaan in wax laga badalo Qodobadii horay loogu heshiiyay maadaam Wakhtiga iyo Dhaqaalahuba aysan saamaxayn in Doorashadu ku qabsoonto walhtiga harsan. Horshabeele waxay doonayaan in Deegaan Doorashada lagusoo koobo oo qura Hal Magaalo halka Heshiisyadii hore ay ahayd laba Magaalo. Jubbaland ayaa iyana soo jeedisay in Ergooyinka laga dhigo tiro lamida tii Doorashadii hore oo ah 51 Ergo. Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa diidan in la farfareeyo Heshiiskii horey loo wada gaaray, waxayna spp jeedoyeen i. Shirkaan looga hadlo oo qura waxyaabaha dhiman oo Jadwalka Doorashadu kamid tahay. Madaxweynaha Hirshabele ayaa shalay Shirka hordhegay Codsi ah in Magaalada Jowhar oo qura lagu qabto Doorashada isagoo daliil ka dhigtay Amaanka Magaalada Jowhar, Cali Guudlaawe wuxuu sheegey in Xukuumadiisu aysan awoodin damaana qaadida Amaanka Ergooyinka Doorashada ka dhico doonta Gobolka Hiiraan. Maanta ayaa dib la isugusoo laabanayaa waxayna u muuqataa in Aan dib loogu lanabanayn Heshiiskii hore balse loo gudbi doono dardar galinta waxyaabaha dhiman. Puntlandi.com Muqdisho The post Muran ka taagan Shirka Wadatashiga Doorashada appeared first on . Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Taiwan, Tsai Ing-wen, ayaa sheegtay in ay sii xoojinayso xidhiidhka Wanaagsan ee ay la leedahay Jamhuuriyadda nabdoon ee Somaliland waxaanay dhambaal diiran u dirtay dhigeeda Mudane, Muuse Biixi Cabdi “Taiwan waxay garab taagan tahay Somaliland waxanay dooneysaa inay sii xoojiso xidhiidhkeena saaxiibtinimo si ay uga faa’iideystaan dadkeennu,” ayuu tidhi Madaxweyne Ing-wen. “Fadlan aqbal, Mudane, kalsoonida iyo tixgalintayda ugu sareysa iyo sidoo kale sida ugu fiican ee aan u rajaynayo fayoobidaada shakhsi ahaaneed iyo barwaaqada sii socota ee ummadaada sharafta leh,” ayaa lagu yidhi fariinta Madaxweynaha. Madaxweyne Tsai Ing-wen waxay si qumman u muujisay ‘hambalyo qalbi furan oo ku aaddan sannad guurada 61aad ee madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland’. Sidoo kale, Joseph Wu, Wasiirka Arimaha Dibada ee Taiwan wuxuu isna dhanbaalkan oo kale u soo mariyay wasaaradda arimaha dibada Somaliland Taiwan iyo Somaliland, waa laba waddan oo dimuqraadi ah ka hanaqaaday Aasiya iyo Geeska Afrika, siday u kala horreeyaan, waxay sii xoojiyeen xidhiidhkoodii sannadkii hore, iyagoo xafiisyo wakiillo ka samaystay Taipei iyo Hargeysa. Tan iyo waagaas, xidhiidhkaasi wuxuu soo jiitay dareenka wanaagsan ee caalamiga ah waxayna labada dal ka soo gudbeen marxalad kale si ay u dhisaan iskaashi soo ifbaxaya kaas oo si muuqata u wanaajiyay adeeg bixinta qaybo badan oo ka tirsan Somaliland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Sare ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maanta soo gabo gabaysay dacwadihii la xidhiidhay natiijadii hor dhaca ahayd ee doorashadii golaha Wakiillada JSL Waxayna dhagaystay Maanta 8-dii dacwadood ee u danbeeyay. Fadhigan Waxaa Shirgudoominayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali Waxaana ka soo qayb galay 9 garsoore oo kala ah oo kala ah ku-xigeenka guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Axmed Diiriye Qaalib, Yaxye Cali Idiris, Maxamed Faarax Siciid, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan iyo Cabdilaahi Cabdi Aadam oo ay wehelinayso kaaliyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Sahra Ismaaciil Cabdilaahi oo ay caawinayeen kaaliyayaasha kala ah Khadar Muuse Cabdi, Cabdisalaan Muuse Ducaale iyo Cumar Cabdiwahaab Siciid, ayaa maanta fadhi buuxa (Full bench) ku soo gabagabaysay dhagaysiga 8 dacwadood oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiillada JSL. Warkan ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay in Sida qorshaha ay Maxkamadda Maanta u qorshaysnayd dhagaysiga 9 dacwadood hase ahaatee waxa gunnaanadkii dhagaysiga dacwadaha soo xaadiri waayay hal murashax iyo qareenadiisii, taasi oo ka dhigaysa tirada la dhagaystay maanta 8 dacwadood, oo marka loo geeyo 14-kii dacwadood ee ay hore maxkamaddu u dhagaysatay noqonaya 22 dacwadood. Fadhiga ay Maxkamaddu ku dhagaysatay dhammaan dacwadaha ayaa u furnaa dadweynaha danaynaya in ay dhagaystaan, sidoo kale dhagaysigii maanta waxa ka soo qayb galay kor-joogayaashii doorashada ee caalamiga iyo maxaliga ahaa. Iyadoo maxkamaddu u eegaysa dacwadaha ay dhagaysatay xeerka doorashooyinka iyo xeerarka kale ee la hal-maala, Warku waxa uu gabo gabadii sheegay in Maxkamadu dhawaan go’aan kama danbays ah ka soo saari doonto dacwadaha ay dhagaystay, si loogu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee golaha Wakiillada JSL. Source
-
On 16 June, Dr Mamunur Malik, WHO Representative to Somalia, and H.E. Staffan Tillander, Swedish Ambassador to Somalia, signed an agreement, totalling 4 300 000 SEK (US$ 517 868), aimed at strengthening the National Institute of Health and health information systems in Somalia, through the financing of 2 senior WHO national staff positions. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Mikelle)-Dabaal-dagyo waa weyn ayaa xalay illaa saaka ka socday magaalada Mekele ee caasimadda maamulka Tigray ee dalka Ethiopia, kadib markii ay halkaas dib u qabsadeen ciidammada qowmiyadda Tigray, lagana saaray maamulkii uu halkaas ka dhisay Abiy Ahmed iyo ciidamadiisa. “Ciidamada difaaca Tigray ee TDF ayaa si buuxda ula wareegay magaalada. Indhaheyga ayaan ku arkay, way soo galeen,” waxaa sidaas yidhi xubin ka mid ah maamulkii uu halkaas ka dhisay Abiy ee laga eryey. Weriye ka tirsan wakaaladda wararka AFP ayaa xaqiijiyey in ciidamada TDF ay ku yimaadeen baabuurta xamuulka iyo kuwa yar yar oo tiro badan. Soo gelitaankooda magaalada ayaa dhaliyey dabaal-degyo xooggan, waxayna askarta kor u ridayeen rasaas halka ay shacabkuna isugu soo baxeen waddooyinka ayaga oo wata calanka Tigray. “Magaalada waa ay dabaal-degeysa, qof walba waa uu qoob ka cayaarayaa,” ayuu yidhi xubin ka mid ah maamulka ku-meel-gaadhka ah. “Dadka oo dhan ayaa faraxsan, music ayaa waddooyinka lagu garaacayaa. Sidoo kale waxay dadka oo dhan ridayaan buleer, mana qaaan sida ay ku heleen,” waxaa isna sidaas u sheegay AFP, qof ka mid ah dadka deegaanka. Maamulka ku-meel gaadhka ah ee uu Abiy halkaas ka dhisay ayaa magaalada ka cararay Isniintii markii ay kusoo dhowaadeen ciidamada mucaaradka. Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii federaalka iyo booliska ee Addis Ababa raacsanaa ay ka baxeen magaalada. Dalalka Mareykanka, Ireland iyo UK ayaa Isniintii ku baaqay kulan deg deg ah oo golaha ammaanka QM uu ka yeelanayo xaaladda gobolka Tigray, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen AFP. Source
-
Mogadishu: Somali National Army (SNA) said that 41 al-Shabab militants were killed and several others injured in a suicide attack in the country’s Galmudug state. Source: Hiiraan Online
-
Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo hadal ka jeediyay munaasabaddii lagu doortay maamulka degmada Jarriiban ee Gobolka Mudug, ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay Canshuurta bixiyaan, si loogu fuliyo hirgelinta adeegyada dowliga ah. Guddoomiye Sanyare ayaa ku boorriyay shacabka degmada Jarriiban in ay maamulka cusub kala shaqeeyaan horumarinta degmada taas oo sida uu sheegay ku imaan karta in la bixiyo Canshuurta si loo socod-siiyo shaqada maamulka ee dhinacyada xaqiijinta Amniga iyo horumarinta. Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay in aysan waxba ka sugin hay’adaha Samafal oo keliya, balse ay iyagu isku-tashi sameeyaan, waxaana uu tilmaamay in deeqda laga keeno dibadda ay tahay Canshuur ay bixiyeen dadka ku nool dunida horumartay. “Dadka madow-madow waa dad kharriban waxa kama soo baxaan, maskaxdoodu Product ma leh, wixii la siiyay cunaan, dadka cad-cad ee horumaray ee gaajada ka cararay ee iyagu liibaanay, waxay ku liibaaneen dadkooda canshuurta baxshay” ayuu yiri Guddoomiye Sanyare. Sidoo kale, wuxu ku baaqay in lala xisaabtamo hay’adaha Samafalka oo la weydiiyo waxay dadka u qabanayaan iyo halka ay ka yimaadeen, islamarkaana aan la ogolaan hay’ad aan sharciyad ka haysan dowladda. Hoos ka daawo muuqaalka Guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Guddoomiye Sanyare: Dadka mad-madow waa dad inkaaran oo kharriban waxa liibaanay dadka cad-cad appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa magaalada Muqdisho ka socda maalinti labaad shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka oo ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka . Shirkan ayaa looga arinsanayaa sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii 27-kii May Muqdisho ay ku gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka . Shirka ayaa shalay ku soo dhamaaday isfaham sida ay madaxda sheegen, maanta ayaana lagu wadaa in shirka warbixin looga dhageysto guddiga doorashada . Madaxda dowlad gobaleedyada iyo Rooble ayaa la filaya in warbixinta guddiga kadib ay war-murtiyeed ka soo saaray shirka . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Six hundred and fifty-one students graduated from Umma University in Kajiado Kenya. Graduating students earned academic degrees in Sharia Law, economics, and computer science. Graduating students were awarded Masters, Bachelors, Diploma, and Certificate Degrees by the University Chancellor Dr.Abbas Gullet and Vice-Chancellor Dr. Idle Farah. Source: Hiiraan Online
-
Ururka Al-shabaab ayaa mar kale sheegtay, in ay toogasho ku fuliyeen 10 ruux oo ku eedaysnaa arrima ku saabsan basaasnimo. Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa ku warrantay in fagaare ku yaalla degaanka Buura-fuulaay ee Gobolka Baay lagu toogtay shan kamid ah dadkaas oo ku eedaysnaa basaasnimo sirdoon caalami ah. Waxa kale oo sheegtay in degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe lagu toogtay shan nin oo lagu eedeeyay, in ay la shaqaynayeen sirdoonka Maraykanka. Sidoo kale, Al-shabaab ayaa maalin ka hor degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ku toogtay lix ruux oo ay ku tilmaameen basaasiin la shaqaynayay sirdoonka Maraykanka. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo mar kale toogasho ku fuliyay 10 ruux oo ku eedaysnaa Basaasnimo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow shirka ka socda Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay inuu socdo isku day lagu yareynayo tirada ergooyinka soo dooranaya xildhibaanada goolaha shacabka. Sida aan xogta ku helnay, qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa doonaya in ergooyinka lagu soo koobo 51, halka ay hadda ka yihiin 101, sida ku qoran heshiiskii laga gaaray doorashada ee la saxiixay 27-kii May. “Madax goboleedyada qaar ayaa ku doodaya in maaliyad ahaan, iyo farsamo ahaan intaba ay ku adag tahay in halkii xildhibaanba ay soo doortaan 101 ergo, taasi oo ka dhigan kumanaan ergo,” ayuu yiri ilo-wareedka la hadlay Caasimada Online. Qodobkan ayaa u muuqda mid ay inta badan ka mideysan yihiin madaxda maamul goboleedyada, marka loo eego qodobadii kale ee shirka la horkeenay oo mid ka mid ah durbaba la diiday, kaasi oo la xiriiray deegaan doorashada. Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa diiday isku day ay Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ku doonayeen in wax looga beddelo deegaan doorashooyinka lagu heshiiyey in doorashada ay ka dhacdo, oo ah laba magaalo halkii maamul goboleedba, iyo magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Waqooyi iyo Banaadiriga. Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, ayaa taa beddelkeed rabay in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya Jowhar iyo Kismaayo, ayada oo ay ku adag tahay inay ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaareey, sida ku cad heshiiska doorashada. Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda. Si kastaba, arrintan ayaa sida ay Caasimada Online xog ku heshay, waxaa ka horyimid Rooble, oo sheegay in isbeddel cusub oo lagu sameeyo heshiiska doorashada uu horseedi karo qalalaase siyaasadeed oo cusub. Ra’iisul Wasaaraha ayaa labadan madaxweyne ku goboleed ku qanciyey inuu kala shaqeyn doono xal doorasho loogu qaban karo Beledweyne iyo Garbahaarey. The post Xog: Qodob xasaasi ah oo la doonayo in isbeddel loogu sameeyo shirka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Mekele (Caasimada Online) – Dabaal-dagyo waa weyn ayaa xalay illaa saaka ka socday magaalada Mekele ee caasimadda maamulka Tigray ee dalka Ethiopia, kadib markii ay halkaas dib u qabsadeen ciidamada qowmiyadda Tigray, lagana saaray maamulkii uu halkaas ka dhisay Abiy Ahmed iyo ciidamadiisa. “Ciidamada difaaca Tigray ee TDF ayaa si buuxda ula wareegay magaalada. Indhaheyga ayaan ku arkay, way soo galeen,” waxaa sidaas yiri xubin ka mid ah maamulkii uu halkaas ka dhisay Abiy ee laga eryey. Weriye ka tirsan wakaaladda wararka AFP ayaa xaqiijiyey in ciidamada TDF ay ku yimaadeen baabuurta xamuulka iyo kuwa yar yar oo tiro badan. Soo gelitaankooda magaalada ayaa dhaliyey dabaal-degyo xooggan, waxayna askarta kor u ridayeen rasaas halka ay shacabkuna isugu soo baxeen waddooyinka ayaga oo wata calanka Tigray. “Magaalada waa ay dabaal-degeysa, qof walba waa uu qoob ka cayaarayaa,” ayuu yiri xubin ka mid ah maamulka ku-meel-gaarka ah. “Dadka oo dhan ayaa faraxsan, music ayaa waddooyinka lagu garaacayaa. Sidoo kale waxay dadka oo dhan ridayaan buleer, mana qaaan sida ay ku heleen,” waxaa isna sidaas u sheegay AFP, qof ka mid ah dadka deegaanka. Maamulka ku-meel gaarka ah ee uu Abiy halkaas ka dhisay ayaa magaalada ka cararay Isniintii markii ay kusoo dhowaadeen ciidamada mucaaradka. Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii federaalka iyo booliska ee Addis Ababa raacsanaa ay ka baxeen magaalada. Dalalka Mareykanka, Ireland iyo UK ayaa Isniintii ku baaqay kulan deg deg ah oo golaha ammaanka QM uu ka yeelanayo xaaladda gobolka Tigray, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen AFP. The post Maxaa ka dhacay gobolka Tigray kadib markii ay dib u qabsadeen ciidamada TDF? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo haatan kuwa sugan Muqdisho ayaa xalay yeeshay kulan gaar ah oo ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee sanadkan 2021. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa labada hoggaamiye waxa ay diirada ku saareen xaaladihii ugu dambeeyey ee soo kordhay iyo fulinta heshiiska 27-kii May laga gaaray qabsoomida arrimaha doorashooyinka, kaas oo muhiim u ah doorashada soo socota. Sidoo kale madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku saabsan labada maamul iyo wada-shaqeyntooda. Waxa uu kulankan sidoo kale kusoo aadayaa, iyada oo haatan caasimada uu ka socda shirka golaha wada-tashiga qaranka ee looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana goob jooga ah hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, marka laga reebo madaxweynaha maamulka HirShabelle oo shirka uga qeyb-galayo Aaladda Zoom-ka. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qodobada qaar ee ku jira heshiiska doorashooyinka wax laga bedalayo, sida in la yareeyo tirada ergada soo dooraneyso xildhibaanada iyo in la koobo magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka, haddii ay isku fahmaan golaha. Soomaaliya ayaa weli ku jirto xaalad kala guur ah, waxaana haatan isku diyaarineysaa doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha. The post Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor iyo Lafta Gareen? appeared first on Caasimada Online.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si loo yareeyo saxmadda ka dhalatay marinka mashquulka badan ee ku yaala gacanka magaalada Istanbul wuxuu dhawaan xarigga ka jaray mashruuca kanaal looga dhisayo magaaladaas. Erdogan ayaa mashruucaan oo uu ku baxayo 15 bilyan oo dollar, laguna magacaabo Canal istanbul, ku sheegay inuu yahay mashruuc han weyn laga leeyahay islamarkaana ah mid ka shaqeenayo danaha shacabka Reer Turki. “Waxaan u aragnaa mashruuca kanaalka Istanbul in uu yahay midkii mustaqbalka badbaadin lahaa magaalada, waxaan fureynaa bog cusub oo ku saabsan taariikhda horumarka Turkiga,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayay xafladda xarig jarka mashruucaas. Marka la dhameystiro mashruuca kanaalka waxaa maalin kasta isaga kala gooshi doonaa ilaa 160 maraakiib ah. Waxaa la qorsheynayaa in masaafo ahaan uu ku fadhin doono ilaa 45 kilo mitar, wuxuuna mari doona waqooyiga illaa koonfurta Istanbul, oo galbeedka ayuu ka xigi doonaa marinka Bosphorus. Mashruucaan ayaa wuxuu qaadan doonaa ku dhawaad lix sano sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Dowladda Turkiga, balse wuxuu mashruucaan la kulmay dhaleeceyn tiro badan oo ka imaaneyso qeybaha kala duwan ee Bulshada dowladdaas iyo hey’adaha kala duwan. Dadka dhaleeceynta usoo jeediyey mashruucaan ayaa sabab uga dhigay inuu dhibaato ku yeelan doono deegaanka, sidoo kalaa waxay ku tilmaameyn inuu yahay mashruuc waali ah oo waxyeelleyn u geysanayo bilicda deegaanka iyo Biyaha. Sidoo kale dhaleeceynta loo soo jeediyey mashruucaan waxaa kamid ah inuu ku kacayo lacag aad u badan taasna ay keeni karto in deymo badan uu soo amaahdo Turkiga. Dooda looga soo horjeedo mashruucaan ayaa waxaa sidoo kale kamid ah inuu yalis weyn ku yahay noolaha badda, halka uu halis gelin karo biyaha macaan oo ay hadda helaan dadweynaha reer Turki. Qaar kamid ah ururada beeraleyda Turkiga ayaa sheegay in mashruucan uu ka qeyb qaadan doono burburinta tuulooyin dhowr ah. The post Muxuu yahay mashruuca culus ee uu wado Erdogan ee walaaca laga muujiyey? appeared first on Caasimada Online.
-
Cadale (Caasimada Online) – Haamo sumeysan ayaa kusoo caariyey xeebaha deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe taasoo cabsi weyn ku abuurtay dadka Shacabka ah ee halkaas dagan. Sida dadka halkaas dagan ay u xaqiijyeen Caasimadda Online, goobaha lagu arkay Haamahaan ayaa waxaa kamid ah ah hareeraha Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe. Haamaha la arkay ayaa gaarayo illaa 3 Haan oo waaweyn kuwaas oo afka xiran, waxayna dadka deegaanka sheegeyn in ay sun ka buuxdo. Dadka dagan meelaha lagu arkay Haamahaan ayaa waxaa lasoo daristay cabsi weyn, maadaama laga cabsi qabo inay dilaacaan iyadoo xusid mudan tahay in dadkaas aysan laheyn aqoon ay uga gaashaantaan walxaha kiimimada ah. Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa wasaqda iyo kiimikada kusoo daadiyo dowlado badan tan iyo markii ay burburtay dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre. Dowladihii kumeel gaarka ahaa ee soomaray Soomaaliya tan iyo burburkii ayaa lagu eedeeyey inay heshiis u saxiixeen dowlado shisheeye si ay xeebaha Soomaaliya ugu soo daadiyaan haraaga kiimikada loo isticmaalo warshadaha iyo hubka casriga. The post Sawirro: Haamo Kiimiko laga soo buuxiyay oo ku caariyay xeebta degmada Cadale appeared first on Caasimada Online.
-
Jabhada TPLF qabsatey Mekelle+Maamulkii Ku-meelgaadhka ahaa Abiy u magacaabay Gobolka Tigray oo ka baxsaday Maamulkii ku meel gaarka ah ee dowladda federaalka geysay gobolka Tigray ayaa la sheegay inay isaga carareen magaalada Mekelle oo xoogagga falaagada ee TPLF ay gacanta ku dhigeen, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP “Qof kasta oo ka tirsanaa mamaulka dowladda wuu baxsaday. Kuwii u dambeeyay galabta ayay baxsadeen. Gobolka hadda waa maamul la’aan”, ayuu yidhi masuul ka tirsanaa dowladda ku meel gaarka ah oo ka gaabsaday magaciisa. Qaar ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee ku sugan magaalada Mekelle ayaa sidoo kale xaqiijiyay in masuuliyiintii dowladda matalayay isaga ka baxeen magaalada. Qaran News
-
Qofkii ugu horeeyay ee Somaliya oo ka mid noqday Baarlamaanka Finland+Taariikhdiisa SULDAAN SACIID AXMED Suldaan Saciid Axmed ayaa loo doortay inuu ka mid noqdo baarlamaanka dalka Finland. Wuxuu noqonayaa Soomaaligii ugu horreeyay ee xilkaasi loo dhiibo. Wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in noqanaya xildhibaan. “Shaqo badan ayaa inoo taalla sidii aan uga shaqeyn lahayn Finland ka fiican sida ay hadda tahay,” ayuu yiri Axmed. Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xilkaasi qabta tusaale lagu daydana u noqdo dhallinyarada. Waa kuma Suldaan Saciid Axmed? SULDAAN SACIID AXMED Suldaan Saciid Axmed waa qof sidoo kale u dooda xuquuqda dhalinyarada. Wuxuu muddo afar sano ah ahaa xildhibaan golaha deegaanka magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Helsinki. Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa mar kale loo doortay isla xilkaas. Noloshiisa inteeda badan iyo waxbarashadiisii wuxuu ku noolaa dalka Finland, wuxuuna dalkaasi galay isaga oo 15 sano jir ah, isaga oo asalkiisii hore ka yimid Soomaaliya. Muddadii afarta sano ahayd ee uu xilka xildhibaannimada hayay ayuu sheegay inuu beddelay waxyaabo badan oo caqabado ku ahaa dadka soo galootiga ah. “Waddankan waxaa ka jirtay cunsuriyad badan, midab takoor aad u fara badan, dhibaatooyin badan oo dadka wdadanka u soo qaxa heystay. Dadka waxay u guuri jireen sida dallaka Ingiriiska iyo Sweden. Marka inta aan guuri lahayn inaan isbeddel sameyno ayay ila noqotay,” ayuu yiri. “Dalkan qofka aqoon walba oo uu leeyahay marka uu shaqo dalbado, haddii magaciisa uu muujinayo inuu Muslim yahay shaqada looguma yeero, sababo la xiriira takoor, waxaan sameeyay inaan beddelo hannaanka shaqo gelinta ee magaalada Helsinki. Hadda qofka dalbanaya shaqada kuma qoro magaciisa, da’diisa iyo isirkiisa, taas oo ka dhigan inay meesha ka baxayso cunsuriyadda,” ayuu yiri. Xildhibaan Suldaan Saciid Axmed 28 Da’diisa 2012 Sanadkii uu siyaasadda ku biiray 2016 wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee xil ka qabta xisbiga Left Alliance 15 da’da uu jiray markii uu galay Finland isagoo ka yimid Soomaliya Xigasho: Suldaan Saciid Axmed Suldaan oo 28 jir ah ayaa sheegay inuu siyaasadda galay sanakdii 2012-kii, isla markaana uu dadaal dheer ku bixiyay guulaha uu haatan gaaray. “Sababihii igu kallifay inaan siyaasadda galo waxaa ka mid ahaa marka laga reebo aniga oo siyaasadda xiiseynayay, haddana inaan isbeddel sameeyo ayaa iga go’neyd.” Ayuu yiri Suldaan. Sanadkii 2016-kii wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee xil ka qabta xisbiga uu ka tirsan yahay ee Left Alliance, isagoo markaas noqday guddoomiye ku xigeenka xisbigaas. Waxyaabaha hadda u qorsheysan ayuu sheegay inay ka mid yihiin inuu diiradda saaro dadka soo galootiga ah ee aan sharciga lahayn, dadka dalkaas u dhashay ee dhibaatooyinka ay ka heystaan guryaha iyo inuu cod u noqdo dhammaan dadka dhibban. Qaran News
-
Madaxweynaha Taiwan oo Wacad ku Martay in ay Xoojinayso Xidhiidhka Somaliland Madaxweynaha Jamhuuriyadda Taiwan, Tsai Ing-wen, ayaa sheegtay in ay sii xoojinayso xidhiidhka Wanaagsan ee ay la leedahay Jamhuuriyadda nabdoon ee Somaliland waxaanay dhambaal diiran u dirtay dhigeeda Mudane, Muuse Biixi Cabdi “Taiwan waxay garab taagan tahay Somaliland waxanay dooneysaa inay sii xoojiso xidhiidhkeena saaxiibtinimo si ay uga faa’iideystaan dadkeennu,” ayuu tidhi Madaxweyne Ing-wen. “Fadlan aqbal, Mudane, kalsoonida iyo tixgalintayda ugu sareysa iyo sidoo kale sida ugu fiican ee aan u rajaynayo fayoobidaada shakhsi ahaaneed iyo barwaaqada sii socota ee ummadaada sharafta leh,” ayaa lagu yidhi fariinta Madaxweynaha. Madaxweyne Tsai Ing-wen waxay si qumman u muujisay ‘hambalyo qalbi furan oo ku aaddan sannad guurada 61aad ee madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland’. Sidoo kale, Joseph Wu, Wasiirka Arimaha Dibada ee Taiwan wuxuu isna dhanbaalkan oo kale u soo mariyay wasaaradda arimaha dibada Somaliland Taiwan iyo Somaliland, waa laba waddan oo dimuqraadi ah ka hanaqaaday Aasiya iyo Geeska Afrika, siday u kala horreeyaan, waxay sii xoojiyeen xidhiidhkoodii sannadkii hore, iyagoo xafiisyo wakiillo ka samaystay Taipei iyo Hargeysa. Tan iyo waagaas, xidhiidhkaasi wuxuu soo jiitay dareenka wanaagsan ee caalamiga ah waxayna labada dal ka soo gudbeen marxalad kale si ay u dhisaan iskaashi soo ifbaxaya kaas oo si muuqata u wanaajiyay adeeg bixinta qaybo badan oo ka tirsan Somaliland. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay isa-soo tarayay cabasho xoogan oo ka dhalatay doorashadii Somaliland ka dhacday 31-kii May, taasi oo qaar kamid ah musharaxiintii ka qeyb-galay ay sheegen in la musuq-maasuqay. Musharaxiin kamid ah kuwa cabashada ka qaba doorashadaas oo ka sharaxnaa xisbiyada Waddani iyo Ucid ayaa waxay dacwad u gudbiyeen maxkamadda sarre ee Somaliland, maadama ay ku doodayaan in la dhacay codadkoodii oo la musuqay. Musharaxiinta maxkamadda u gudbiyey dacwada ayaa warbaahinta u sheegay “in codadkii ay heleen lagu soo saaray musharaxiin kale oo cid gaar ah ay wadatay”, iyagoona xusay in arrintaas ay cadeymo u hayaan. “Musharixiinta halkan fadhiyaa waxay ka kooban yihiin labada Xisbi mucaarad ee Waddani iyo Ucid, dhammaan waxay yihiin musharixiintii labada Xisbi Mucaarad oo codkoodi si xaq daro ah u boobeen, iyaga iyo Komishankuba, waxaan caqliga iyo maankuba yeelayn in dadweynaha ku nool Hawd iyo Hargeysa tiro ahaana ah dad soo saari kara Musharixiintooda,” ayuu yiir Dr. Ciise Kayd oo kamid ah Musharaxiinta dacwada gudbiyey. “Waxaa nasiib-daro ah in dadka leh misaankaas in labada Xisbi Mucaarad iyo Komishanku codadkii musharixiinta ay ku soo saareen dad iyagu jeebada ku siteen, oo doorashada ka hor sii calamaydaysteen, inay codadkayagii ku soo saareen.” “Waxaan hayaa anigu in ka badan 800 goobood oo cod iga yimid, waxaan hayaa in ka badan boqol goobood, oo cod iga iman lahaa oo siro la ii soo qoray, waxaan hayaa waraaqihii caddaynta ahaa ee goobahaas eberka la iiga soo qoray, inaan tiro ku lahaa, waxaan lahaa markhaatiyaal aan Xisbiga Waddani ahayn oo ii caddayn doona maalinta ay Maxkamaddu furanto.” Si kastaba, doorashadii 31-kii May ka dhacday Somaliland ayaa aheyd mid isku sidkan oo lagu dooranayay mudaneyaasha golaha deegaanka iyo wakiilada, waxaana codeeyay dad ka badan 1-Milyan oo qof. The post Maxay tahay dacwadda ka dhanka ah doorashadii Somaliland ee la gudbiyey? appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur, Wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha, Agaasimaha Waaxda Dowladaha hoose, Xildhibaan ka tirsan Puntland iyo Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha Gobolka Mudug ayaa ka qayb galay Doorashada Gudoomiyaha iyo Ku xigeenkiisa Degmada Jariiban. Doorashadan ayaa waxaa ku soo baxay Gudoomiyaha Degmada Jariiban Cali Saciid Cabdi, Gudooomiye ku xigeena Degmada Jariiban ayaa waxaa isna loo doortay Mursal Cabdale Khalaf. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ugu Hambalyeeyey Maamulka cusub ee loo doortay Degmada jariiban isagoona kula dar-daarmay in ay kula xisabtamayaan waxii loo idmaday Bulshada dhexdeedana looga dhex doortay, Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Golaha Deegaanka Degmada kula dar daarmay inay la shaqeeyaan maamulka Cusub. PUNTLAND POST The post Maamul cusub oo loo doortay degmada Jariiban appeared first on Puntland Post.
