Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimada Online) – Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliya ee la filayo inuu shirka uga furmo Muqdisho inay ka faa’iideystaan fursaddan oo ay dhameystiraan heshiis doorasho. Qoraal kooban oo xafiiska kasoo baxay ayaa sidoo kale farriin loogu diray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo wada-hadalladaas hoggaaminaya, ayada oo loo sheegay inuu haysto taageerada buuxda ee dowladda Mareykanka. “Hoggaamiyayaasha Soomaaliya waa inay ka faa’iideystaan fursaddan si ay iminka u dhameystiraan heshiis doorasho oo u wanaagsan shacabkooda iyo dalkooda. Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu haystaa taageeradeena buuxda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka Mareykanka ayaa daba socday qoraalkii maalimn kahor ay soo saareen xubnaha beesha caalamka ee madaxda Soomaaliya looga digay inay lumiyaan fursdadan. “Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DFS-DGXDF) ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka beeesha caalamka. Magaalada ayaa waxaa weli ka maqan Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo la filayo inuu soo gaaro maanta oo Sabti ah, waxaana wararku ay sheegayaan in shirka Afrisyooni uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Axadda ah ee 23-ka May 2021-ka. Shirkan ayaa waxa uu shirarkii hore uga duwan yahay iyadoo uu shirka hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, meeshana ay ka baxday hoggaamintii Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la saaray mas’uuliyadda eeda fashilka shirka. Waxaa aad u sareysa rajada laga qabo in shirkan uu guuleysto ayada oo loo heelan yahay in heshiis la gaaro, iyadoo aysan jirin xafiiltankii hore iyo kadeedkii siyaasadeed ee uu abuuray Farmaajo. The post Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka oo farriin u dirtay ra’iisul wasaare ROOBLE appeared first on Caasimada Online.
  2. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa kulan la yeeshay Musharraxiinta Golaha Deegaanka Degmada Laascaanood. Qaran News
  3. Sababta aaney weligeed Doorasho uga dhicin dalka Eritrea! Shacabka Eritrea waxay xorriyaddooda dalka Itoobiya ka qaateen sanadkii 1991-kii. Dalka Eritrea oo 30 sana xor ah weli doorasha kama dhicin, dastuurka dalkaasi u yaallana si buuxda uma dhaqan gelin iyada oo ay muuqan wax saansaan oo muujinaysa iney dalkaasi sanadaha soo socda ay doorasho ka dhacdo. Haddaba maxay yihiin sababaha uu madaxweyne Isaayaas Afawarqii uu u oggolaan waayey iney dalkiisa doorasho ka dhacdo? Halganka xornimo doonka Eritrea Aqoonyaannada u dhuun daloola siyaasadda dalka Eritrea waxay sheegaan Ururka EPLF iyo EFL ee u soo halgamay xorriyadda iyo madax bannaanida dalkaasi hadafkooda inuu ahaa “Heeryada guumeysiga iney iska dul qaadaan ayna sameeyaan Eritrea ku dhisan Dastuur iyo Dimuqraadiyad.” Sharci yaqaan Dawiit Fisahaye wuxuu sheegay shirki labaad ee 1995-kii Saahil lagu qabtay iyo shirki seddexaad ee 2002-dii la qabtay laguna ansixiyey axdi qarameedka dalkaasi ujeedkiisu inuu ahaa “In la dhiso dowlad Dastuur iyo Dimuqraadiyad ku dhisan”. 1998-kii mar uu madaxweyne Isaayaas Afawarqii uu ahaa guddoomiyaha xisbigiisa wuxuu ku baaqay iney shacabka dalkaasi inta tabartooda ah ay uga qayb qaataan dib u dhiska dalka iyo nidaamka dowliga ee dalka laga dhisayo si loo helo nidaam dadka oo dhan matala loona taabba geliyo nidaam suuragelinaya xisbiyada badan maadaamaa nidaam uu hal xisbi oo keli ah hoggaaminayo uu dalku u horseedi karin xasilooni iyo dammaanad buxda. Haddaba xaaladuhu sideey iisu beddeleen? Shacabka Eritrea afti madaxbannaani oo 1993-kii loo qaaday Eritrea iney Itoobiya madaxbannaani ka qaadato waxaa xornimo u codeeyey 99.8%. 19-kii May 1993-kii waxaa la soo saaray bayaanka uu tirsigiisa ahaa 37/1993 oo dhigayey dastuurka dalka iyo shuruucda saxaafadda dalka in la diyaariyo isla-markaana la dhiso dowlad ku meel gaar ah oo muddo 4 sana ah dalka Eritrea ka arrimiso. Hase yeeshee sharcigaasi inuu meel maro waxaa caqabad ku noqday dagaalka xadka ee ka dhex qarxay Itoobiya iyo Eritrea. 1997-kiina baarlamaanka dalka Eritrea wuxuu ansixiyey guddiga soo diyaarinayo dastuurka dalkaasi uu yeelanayo. 1996-kii marki la diyaariyey sharciga saxaafadda oo qabya ah waxaa dalka Eritrea si aad ugu soo batay wargeysyada gaarka loo leeyahay. “Madaxweynihi horay ugu baaqay shacabka dalkaasi iney ka qayb qaataan arrimaha dalkooda wuxuu haddana amar uu ku bixiyey ciddi dooneyso siyaasadda dalka Eritrea iney ka qayb qaadato ay u soo mari karto oo keli ah xisbi siyaasadeed.” “Dabeecadaha Isaayaas qofka garanayo kuma uusan fikireen in la dhiso nidaam dowli ah oo loo dhan yahay balse fikirkaasi waxaa qabay shaqsiyaad ka agdhawaa oo keli ah” ayuu yiri Elyaas. 2001-dina waxaa la dhisay laba guddi oo soo hindiso sharciga dorashada iyo sharciga lagu maamulayo xisbiyada siyaasadeed. Balse waxaa markiba howlaha guddiga joojiyey oo soo farageliyey madaxweyne Isaayaas, marki uu kala duwanaashaha siyaasadeed ee dalkaasi uu soo ifbaxayna waxaa xabsiga loo taxaabay siyaasiyiin iyo suxuufiyiin tira badan. Wixi intaa ka dambeeyana doorasho cid fikir ahaan soo hadal qaadday ma jirto sidaa ayeyna doorasha ilaa iyo hadda uga dhiicin dalka Eritrea ee 30-ka qaranka madaxa bannaan ah. Madaxweynaha fikirkiisi muxuu u beddelay? “Madaxweyne Isaayaas wuxuu aaminsan yahay doorasha iney dalka Eritrea waxba ku soo kordhineyn” ayuu yiri Elyaas “1988-kii muddo afar saac ah waxaan Isaayaas kulan kula yeeshay Sahil oo la rumeysan yahay iney xuddunta u tahay halganka dhaliyey madaxbannaani inuu dalkaasi ka qaato Itoobiya. Balse muddada aan wada hadleynay waan ka dhaadhicin waayey in dalka dorasha ay ka dhacdo aniga oo tusaalooyin badan soo hordhigay” ayuu yiri. Madaxweyne Isaayaas oo u warramay wargeys ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa la weydiiyey “Qorshaha ma kuugu jiraa inaan xilka ka degto mise si la mid ah madax badan oo Afrikaan ah inta aad ka dhimaneyso kursiga waad sii hayneysaa?”, wuxuu ugu jawaabay “Anigu shacabka Eritrea haddii uu iga dalbado inaan kursiga ka dego oo aan si degdeg ah kursiga u banneeyo diyaar ayaan u ahay, doorashada waxaa iska leh shacabka” ayuu ku yiri. Sida oo kale madaxweynaha oo xuska sanad guurada 17-aad ee loo dabbaal dagayey madax bannanida dalkaasi talefishiinka Al-jaziira ayaa weydiiyey su’aal ah goormeey dalka Eritrea doorasha ka dhaceysaa? Madaxweyne Isaayaas su’aasha Al-jaziira wuxuu ugu jawaabay “Doorashada Mareykanka uu qabto natiijada ka soo baxda inta aan ka arkeyno doorasha run ah 30 ama 40 sano ayaan sugeynaa…” jawaabta uu ka bixiyey su’aasha doorashada laga weydiiyey oo muujineysay aragtida uu Isaayaas doorashada ka qabo. “Arrimahaasi oo dhan oo isbiirsaday waxay sawir buuxda ka bixinayaan madaxweyne Isaayaas inta uu talada dalkaasi hayo inaan lagu fakari karin iney Eritrea doorasha ka dhacdo, umana maleynayo inta uu Isaayaas dalka xukumo inaan arko doorasha dalkaasi ka dhacdo” ayuu yiri. Qaran News
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeedinayey munaasibad lagu xusayey 18-kii May, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay dhiig badan u daadiso ictiraaf raadinta, sidii kal hore ay ugu daadisay madax-banaanida ay ku doodo. Muuse Biixi ayaa carabka ku adkeeyay in yoolka koowaad ee Somamliland uu yahay inay hesho ictiraaf, xili ay u dabaal-dageyso sanad guuradii 30-aad ee kasoo wareegtay xiligii ay ku dhawaaqday madax-banaanida ay ku doodo, ee aan aqoonsiga caalamiga ah helin. “Yoolkeena koowaad waa ictiraaf in aanu helno oo uu noqdo Somaliland qaran jira oo qeyrkii wax la qeybsada oo goleyaasha caalamiga ah aanay cidina matali karin, waqti kasta ha nagu kacdo, qiima ay doonto ha noogu kacdo, dhiiggii loo soo daadiyay (Somaliland) mid ka badan ayaanu u daadinaynaa ictiraafka, haddii loo baahdo,” ayuu yiri. “Somaliland waxaa ka go’an dowladaa-na waajib ku ah in ay doorashooyiinka noqdaan kuwa waqtigooda lagu qabto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray asaga oo ka hadlaya muhiimada ay qabsoomida doorashooyinka u leeyihiin dowladnimada Somaliland. “Inaga oo aan raalli kala ah aan qabano doorashooyiinka oo wax badan aan isla gorfeyno inta aanan doorashooyinka galin, doorashooyiinku waa in midnimo iyo kalgacal, horumar iyo waxqabad inoo horseedaan, ma aha inay caay iyo qabaa’il iyo fadeexad iyo xumaan inoo horseedaan.” Somaliland ayaa ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, inkasta oo aysan helin ictiraaf caalami ah, haddana waxay u dhaqanta sidii dal ka madax-banaan Jamhuuriyada, taasi oo dhowr jeer xiisad ka dhex-abuurtay Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. The post MUUSE BIIXI oo jeediyey hanjabaad lama filaan ah oo la xiriirta aqoonsi raadinta appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn iyo is xog-wareysi ah la yeeshay madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo galabta Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka. Faah-faahin dheeri ah lagama bixin waxa ay ka wada-hadleen, hase yeeshee wuxuu kulanka qeyb ka yahay kulamo uu Rooble la qaadanayey madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan caasimadda. Rooble ayaa sidoo kale xalay la kulmay madaxweynayaasha Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo horey ugu sugnaa magaalada, oo la filayo inuu ka furmo shirka arrimaha doorashada ee ra’iisul wasaare Rooble uu hoggaaminayo. Magaalada ayaa waxaa weli ka maqan Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo la filayo inuu soo gaaro berri oo Sabti ah, waxaana wararku ay sheegayaan in shirka Afrisyooni uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Axadda ah ee 23-ka May 2021-ka. Shirkan ayaa waxa uu shirarkii hore uga duwan yahay iyadoo uu shirka hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, meeshana ay ka baxday hoggaamintii Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la saaray mas’uuliyadda eeda fashilka shirka. Waxaa aad u sareysa rajada laga qabo in shirkan uu guuleysto ayada oo loo heelan yahay in heshiis la gaaro, iyadoo aysan jirin xafiiltankii hore iyo kadeedkii siyaasadeed ee uu abuuray Farmaajo. Shirkan ayaa ah fursadii ugu danbeysay ee looga gudbayo is-mari waagga doorashada dalka oo sanad ka badan oo jiitameysay, dalkana gelisay qalalaase dastuuri iyo mid amni. The post Rooble oo la kulmay Deni iyo wararkii ugu dambeeyey ee shirka appeared first on Caasimada Online.
  6. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdigii uu hogaaminayay ayaa Muqdisho soo gaaray si uu uga qayb galo Shirka lagu wado inuu halkaas ka furmo maalinka Axada. Sida aan xogta ku heyno Kulanka beri waxaa looga arinsanayaa kasoo qaybgalayaasha Shirka, Madaxweyne Deni wuxuu wali ku adkaysanayaa in Furitaanka Shirka iyo Xiritaankiisaba ay kasoo qayb galaan Labadii Madaxweyne ee hore Oo matalaya Mucaaradka, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed ayaa iyana lagusoo waramayaa inay ogol yihiin in Dhirka ay furitaankiisa kasoo qayb galaan Xubno matalaya Mucaaradka. Beri oo sabti ah Raysal wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ayaa ka wada tashana qaabka uu Shirku u furmayo. Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Shirka qayb kama aha, waxaana lagusoo waramayaa inuusan xitaa wax talo ah uusan ku lahayn. Kala soco Puntlandi.com dhamaan wararka Shirka. Warbaahinta Puntlandi.com Way ka cududaaranayaan maalmihii lasoo dhaafay oo aan Hawada ka maqnayn, Akhristayaashana waan ka raali galinaynaa. Puntlandi.com The post Sawiro Mdx.Deni oo Muqdisho yimid iyo Shirka Wadatashiga Doorashada oo Muqdisho ka furmaya, appeared first on . Source
  7. Mogadishu (HOL) - The latest round of consultative electoral talks is set to begin on Saturday. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gabal-gaabkii soo gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee Muqdisho. Wafdiga Madaxweyne Deni la socday ayaa isugu jiray wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil madaxtooyo, waxaana kamid ahaa wasiirada arrimaha gudaha iyo warfaafinta. Madaxweyne Deni ayaa ka qeyb-galaya shirka wadatashiga arramaha doorashooyinka Soomaaliya oo sida la filayo maalin berri ah ka furmaya Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho. Shirka Muqdisho waxaa saldhig u ah heshiiskii 17 September 2020 ee arrimaha doorashada, waxaana horey ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble, kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka. Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa kulan la yeeshay Musharraxiinta Golaha Deegaanka Degmada Laascaanood. Madaxda Xisbiga iyo Musharraxiinta ayaa iska xog waraystay hawlaha doorashooyinka foodda inagu soo haya iyo dardar gelinta ololaha doorashada oo dhawaan bilaamaya. Source
  10. Musharrax Xasan Cumar Xasan (Ogaal)oo kamid ah Musharraxiinta Xisbiga WADDANI ee Golaha Wakiillada ee Gobolka Saaxil iyo wefti uu hoggaaminayey ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaano ka tirsan Gobolkaas, Musharrax Xasan Ogaal iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Degaanadda Ina Caddamay,Biyo Fadhiisinka, Deri Maraa, Isku Dar, Ugaas Madow iyo Degmadda Go’da weyn iyo degaano kale ,waxaanay u ballan qaadeen dadka degaamaddaas in ay taageersan yihiin musharraxnimadiisa, isla markaana ay diyaar u yihiin inay codkooda siiyaan 31,May 2021-ka oo ah maalinta ay doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha degaanka ay dalka ka dhacayaan, taas oo ay ka hadhsan yihiin hadda maal-mo koobani. Dhanka kalene Musharrax Xasan Cumar Xasan (Ogaal )ayaa dhankiisa ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyey degaanaddaa,waxaanu ku booriyey in loo baahan yahay inay u diyaar garoobaan doorashooyinkaa ay maal-muhu ka hadheen wakhtigoodii,isagoo ku dar-daaray codbixiyayaashu inay ilaashadaan kaadhadhkooda cod-bixinta,waxaanu dhankiisa bulshada deegaanada uu soo maray u ballan qaaday in uu baahidooda ka turjumi doono oo uu noqon doonna mid si dhab ah u metela. Gunaanadkii Musharrax Xasan Ogaal ayaa intii uu socdaalkiisa ku gudda jiray waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Odayaasha, wax-garadka, Dhallinyarta iyo haweenka,bulshada deegaanadaas uu soo maray,kuwaas oo ku soo dhammaaday jawigii loogu tallogalay iyo in ay codka siyaan 31 May astaanta WANKA WADDANI,taas oo ah astaanka gaarka ah ee Musharrax Golaha Wakiillada ee Gobolka Saaxil ee Xasan Cumar Xasan “Ogaal “ Qaran News
  11. Madaxweynihii hore dalka Ghana John Dramani Mahama ayaa warqad uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika wuxuu ku sheegay inuu iska casilay magacaabista Wakiilkii Sare ee dhex dhexaadinta arrimaha doorashada Soomaaliya. Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki ayaa aqbalay warqadda uu u qoray John Mahama ee uu ku sheegay inuu isaga tagay xilkii loo magacabay. Mahama oo magacaabistiisa ay si wada jir ah u soo dhoweeyeen Golaha Musharaxiinta iyo Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, wuxuuu u sheegay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, in taageero la’aanta Dowladda Soomaaliya ay khatar gelin karto rajada nabada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan warqad ay u dirtay midowga Afrika waxay ku diiday ergayga loosoo magacaabay dhexdhexaadinta doorashada, iyadoo ku eedeeysay inuu xidhiidh ganacsi kala dhexeeyo Kenya. Dowladdu waxay sheegtay in marba haddii lagu heshiiyay in dib loogu laabto heshiiskii 17 september ayna jirin sabab loogu baahan yahay ergayga. Source
  12. Sida ay ogaatay Goobjoog News waxaa dib u dhacay furitaanka Shirka Doorashada ee Afisyooni iyada oo lagu wado in la bilaabo Axadda 23-ka bishan. Haddaba, Halkan ka Akhriso, 5 qodob oo ku cusub:, 1. Caawa, ra’isul wasaare Maxamed Rooble waxaa uu mar kale Decale Hotel casho iyo shir kala war qaadasho ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada. Madaxweynaha Deni ayaa ku cusub halka madaxda kale u tahay habeenkii 2-aad. 2. Madaxweynaha Hirshabeelle Guudlaawe waxaa uu iman doonaa berri oo sabti ah. 3. Shirka Afrisyooni waxaa uu si rasmi ah u furmi doonaa Axadda 23-ka May 2021-ka. 4. Waxaa kale oo heshiis laga gaaray ajendaha shirka oo ay ku jiraan arrinta Gedo, Somalinad iyo guddiyada. 5. 100% waxay u badan tahay in aanu iman Farmaajo kadib markii loo arkay caqabad ka dhan ah horumarka wada hadallada. Source: goobjoog.com
  13. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah shacabka caasimadda. Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho kaga Qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka. Source: goobjoog.com
  14. SEATAC— Inside the newly opened SeaTac International Mall, sheer curtains and colorful clothes hang on walls that line the corridors. Source: Hiiraan Online
  15. Gudoomiyihii Deegaanka Garasbaaleey, C/raxmaan Axmad Cali Garyare iyo 2 ka mida Illaaladiisa ayaa lagu dilay Qarax Miino, xilli ay Masjid Deegaankaasi ku yaala ka soo baxeen Salaadii Jimce. Kooxaha Argagixisadda ayaa inta badan ku beegsada Masaajidada dadka cibaadaysanaya, taasoo ah ficil ka fog Diinteenka Suuban. Sarkaal u hadlay Booliska ayaa u sheegay Radio Muqdisho inay wadaan baaritaano dheeiya, si loo helo raadad suurtagalin kara in la soo qabto dhagarqabayaasha Source: goobjoog.com
  16. MOGADISHU -- At least three people were killed on Friday in a roadside blast in the Garasbaley neighborhood on the outskirts of Somalia's capital Mogadishu, police officials and witnesses said. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ehelada gabadh yar oo dhawaan la sheegay inay geeriyootay xili ay iskaga duubeysay muuqaal aalada loo yaqaan TikTok ayaa beeniyey inay gabadhoodu ay isku fakisay bistoolada ay ku jirtay xabad, ayada oo arrintaasi si weyn ugu baahday baraha bulshada. Ehelada marxuumada Rumaan Cabdulqaadir Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkaas uu ahaa dil, waxayna beeniyeen wararka ku baahay baraha bulshada ee lagu sheegay inay gabadha yar isku-fakisay bastooladu ayada oo ku gudo jirta duubista muuqaalkaas. “Gabadha waa la dilay, si foolxun ayaa loo dilay, gacan ka xaq-daran ayaa dishay” ayey tiri Haweeney kamid ah ehelka marxuumad Rumaan. “Qof miyaa gadaal iska dili karo?. Meesha ay tinta ka duuban tahay ayey kasoo gashay, waxayna ka baxday goofanaha, markaa miyaa la is dhihi karaa cunugteyda ayadaa is-dishay, waa la dilay cunugteyda,” ayey tiri ayeeyada gabadha geeriyootay. Ehelada ayaa sidoo kale sheegay in dilkaas uu geystay Nin aysan magacaabin, ayaga oo ka dhawaajiyey in eheladiisa iyo ehelka gabadha ay heshiis ka gaareen dilkaas, kadib markii ay labada dhinac kulan wada qaateen, sida ay sheegen. Si kastaba, Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay dhacdadaas, waxayna sheegeen iney baaris ku hayaan kiiska gabadhaas daganeyd degmada Yaaqshiid, taas oo u geeriyootay xabad ku dhacday. Shalay oo ay taariikhdu aheyd 19/05/2021 Abaaro 16:58 Galabnimo, waxaa Xarunta Hoggaanka Baarista Dembiyada la keenay meydka Marxuumad Rumaan Cabdulqaadir Maxamuud, Inna faadumo Cabdulqadir Axmed 14jir ahyd ku Dhalatay Xamar Degeneyd Degmada Yaaqshiid taasoo ay ku dhacday rasaas Bastooladeed degmada Yaaqshiid gaar ahaan Xaafada Suuq-Bacaad,” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Booliska maalinkii Khamiista. “Ehelada Marxumada ayaa u sheegay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, in aysan jirin wax rasaas ah oo ay isku fakisay. Balse, lagu fakiyay. Sidaas daraadeed, Hoggaanka Baarista Dembiyada ayaa baaraya arrinta iyo sida ay u dhacday, natiijadana Ummadda iyo ehelkeeda ayaan la wadaagidoono.” Dhacdada gabadhaan yar ayaa si weyn u qabsatay saacadihii u dambeeyay baraha bulshada ayada oo siyaabo kala duwan uga hadleen dadweynaha, maadama ay tahay arrin ugu ku ah geyiga Soomaalida. The post Rumaan Cabdulqaadir: Xabadda ma ayadaa isku dhufatay mise waa la dilay? Ddaawo) appeared first on Caasimada Online.
  18. MOGADISHU (Xinhua) -- Violent attacks on humanitarian workers operating in Somalia decreased in the first three months compared to a similar period last year, the United Nations humanitarian agency said on Friday. Source: Hiiraan Online
  19. QARANJOOG ILAA QURBEJOOG: Cabdillaahi Saleebaan Bidde| Qaybta 1aad| KULANKA GORFAYNTA Waa wareysi taxane ah, oo soo bandhigaya geeddigii nololeed ee Cabdillaahi Saleebaan Bidde, noloshiisii hore, tii dhexe iyo tii danbe oo nolosha qurbuhu ugu ballaadhan tahay. Waa maansoyahan, siyaasi, odey dhaqameed, aqoonyahan iyo taariikh ururiye. Waxa uu soo maray nolol koobsanaysa: xil dawladeed oo uu soo qabtay, xadhig iyo xaalad jabhadayn ah. Wareysigan oo qayb ka ah barnaamijka KULANKA GORFAYNTA, oo uu saare ka yahay Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare”, qaybtiisa koowaad waxaad ku daawan doontaan noloshii hore ee Cabdilaahi Saleebaan, halkii uu ku dhashay ee uu ku barbaaray iyo taxanihii waxbarashadiisa. QARANJOOG ILAA QURBEJOOG: Cabdillaahi Saleebaan Bidde| Qaybta 1aad| KULANKA GORFAYNTA – YouTube Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo QM ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay ka xun yihiin diidmada dowladda federaalka ee ka dhanka ah ergeygii uu Midowga Afrika John usoo magacaabay xal u helista is-mari waaga doorashada Soomaaliya, John Mahama. Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ayaa warqad uu u qoray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika xalay uga laabtay aqabalaaddiisii aheyd inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee xal u helidda is-mari waaga doorashada Soomaaliya, isaga oo sababta ku sheegay diidmada dowladda federaalka. “Waxaan si qoto dheer uga xunnahay go’aanka ay hoggaanka dowladda federaalka ku diideen wakiilka sare ee Midowga Afrika ee Soomaaliya; waxaana hoosta ka xariiqeynaa kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaato sare u qaadidda nabadda iyo ammaanka Soomaaliya, oo ay ku jirto tabarucaadda weyn ee Amisom,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo QM. Dowladda federaalka ayaa sababta ay ku diiday magacaabistiisa Mahama ku sheegtay inuu xiriir dhow la leeyahay dowladda Kenya, oo ay kala dhaxeyso xiisad siyaasadeed. Mahama ayaa warqadda uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ku sheegay in muhiimadda siyaasadeed ee sare ee shaqada loo igmaday ay u baahan tahay in ergeyga uu helo taageerada buuxda iyo wada-shaqeynta dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya. Mahama waxa uu intaas ku daray in taageero la’aanta dowladda federaalka Soomaaliya ay halis gelin karto hanaanka oo idil, islamarkaana waxyeeleyn karto rajada dunida ay dhan ay ka qabto inuu nabad kusoo dabaalo Soomaaliya. The post Beesha Caalamka oo war kasoo saartay go’aanka ay DF ku diiday John Mahama appeared first on Caasimada Online.