-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
War rasmiya oo ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubaland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe,) uu maanta ku wajahanyahay magaalada Muqdisho. Qoraal kooban oo la soo geliyay barta Facebook ee madaxtooyada Jubalad, ayaa lagu xaqiijiyay in Axmed Madoobe uu maanta ku sii jeedo Muqdisho, halkaas oo uu kaga qayb-galayo shirka arrimaha doorashooyinka dalka. “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kusii jeeda Magaalada Muqdisho, isagoo ka qeybgalaya shirka lagaga hadlayo arimaha Doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka. PUNTLAND POST The post Madaxtooyada Jubaland oo war ka soo saartay safarka Axmed Madoobe ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Af-hayeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimow, oo wareysi siiyy BBC-da, ayaa ka faahfaahin ka bixiyay shirka arrimaha doorashooyinka oo lagu wado in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho. Af-hayeenka ayaa xaqiijiyay in shirku uu wakhtigiisa ku furmi doono, islamarkaana qaar kamid ah mas’uuliyiinta ka qayb-galaysa ay durba gaareen magaalada Muqdisho, halka kuwa harsana ay maanta gaari doonaan. “Insha allah haddii uu eebe idmo maanta wuu furmayaa shirka 20 May lagu ballamay, maqribadii waxaa yimid madaxwaynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay,” ayuu yiri Macallimow. Sidoo kale, wuxu sheegay in maanta gelinka hore ay Muqdisho soo gaarayaan madaxweynayaasha Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, halka madaxweynaha Hirshabeelle uu hal maalin diba uga dhacay shirka. “Sidoo kale galinka hore ee saaka waxaa la filayaa inay magaalada yimaadaan madaxwaynayaasha Jubaland, Koonfur Galbeed soomaaliya iyo madaxwayne Saciid Cabdulahi Dani,”ayuu intaa ku daray. PUNTLAND POST The post Macallimow: Shirka Muqdisho maanta ayuu furmayaa wax dib u dhac ah ma jiro appeared first on Puntland Post.
-
At 5:23pm on May 13 , CCTV footage at Miale entertainment lounge in Nairobi show businessman Bashir Mohamed Mahmoud entering the establishment in his black Range Rover. Bfore he alights, he is seen dishing out money.... Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamul goboleedyada ayaa la filayaa inay badankood maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, oo lagu wado inuu ka furmo shirka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo uu qeyb ka yahay gobolka Banaadir. Shirka ayaa dib u dhac uu ku yimid, mana muuqato inuu maanta furmi doono, ayada oo madaxweyne goboleedka kaliya ee magaalada ku sugan uu yahay kan Galmudug Axmed Qoor Qoor, oo xalay caasimadda soo gaaray. Wararka qaar oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in shirka ay u badan tahay inuu furmo maalinta Sabtida ah, maadaama berri ay Jimce tahay. Qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha wada-tashiga qaran ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in shirkaan xal loogu helo is-mari-waaga doorashada oo muddo badan soo jiitamayey, inkasta oo ay ku gadaaman yihiin caqabado hor leh. Shirkaan ayaa waxaa ku baaqay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kaddib markii madaxweynaha uu waqtigiisa uu dhamaaday uu kowdii bishan May ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga. Go’aanka Farmaajo ayaa yimid kadib markii Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya uu ka noqday qaraarkii uu mudada ugu kordhiyay hay’adaha dowladda 12-kii April, taas oo ay ka soo horjeesteen maamul goboleeyada Puntland, Jubaland, Midowga Musharraxiinta, Xisbiyada Mucaaradka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo beesha Caalamka. Muddo kororsigii fashilmay ayaa dalka ka riday qalaalase siyasaadeed, ayada oo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay gashay maalmo dagaal oo dhinacyada ku kala aragtida duwan doorashada ay isku faro-saareen. Shirka la filayo inuu furmo ayaa waxaa uu dib usoo nooleynaya rajada laga qabo in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada, maadama shirkii Afisyoon ee bishii April horraanteedii natiijo la’aan kusoo dhammaaday. Shirkii Afisyooni ayaa fashilkiisa waxaa shaacisay dowlada oo dusha u saartay Jubbaland iyo Puntland, hase yeeshe madaxda labadaas maamul ayaa iska fogeeyay eedeynta xiligaas ay dowladda u jeedisay, wuxuuna dalka xiligaas wixii ka dambeeyay galay xaaladan hubanti la’aan ah dib looga soo kabtay. Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ku howlan sidii dhinacyada ku kala tagay shirkii hore ka hor midka Khamiista uu ka dhex dhaliyo kalsooni, si loo helo is aaminaad iyo wada-shaqeyn horseed u noqon karta xal laga gaaro is-mari-waaga mudada soo jiitamay. The post Wararkii ugu dambeeyey ee shirka ka furmaya Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Itoobiya oo weeraray Cusbitaal iyagoo raadinaya Jabhada TPLF Askarta Itoobiya ayaa weerar ku qaaday cisbitaal ku yaalla waqooyiga magaalada taariikhiga ah ee Aksum ee gobalka Tigray, iyagoo baadi goobaya xubno katirsan kooxda TPLF . Ciidamada ayaa qoryo ku qabtay dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha caafimaadka waxayna su’aalo weydiiyeen bukaannada dhaawaca ah,waxaa sidaasi wakaaladda AFP u sheegay shaqaalaha caafimaadka oo magacyadooda qariyay. Sidoo kale askarta ayaa dadka dhawaacayada qaba ka qaadayay faashadaha ku xiranaa iyo faloobooyinka iyagoo dhaqaatiirta iyo kalkaaliyaasha ku cabsi galinayay qoryaha. Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, oo taageerta cisbitaalka ayaa xaqiijisay dhacdadaan, war ay soo saartayna waxay ku sheegtay in askartu ay cabsi galiyeen shaqaalaha isla markaana ay u hanjabeen .”Waxaan aad uga walaacsan nahay xadgudubyada joogtada ah ee kooxaha hubeysan ay ku hayaan howlaha caafimaad,” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay MSF. Raiisul wasaare Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyay in weerar lagu qaado gobolka Tigree sanadkii hore kadib markii dagaalyahannada kooxda TPLF ay weerareen fariisimo militari oo ay ku sugnaayeen ciidamada federaalka Itoobiya. Isku dhacyadaas oo muddo socda waxaa ku dhintay kumanaan qof tiro intaaka badana way ku barakaceen. Xadgudubyada horey loogu eedayay ciidamada Itoobiya Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada federaalka ee Itoobiya ay sida muuqata duqeyn aan kala sooc lahayn u geysteen magaalooyin ka tirsan gobolka Tigray. Human Rights Watch ayaa sheegtay in madaafiicdii ay ciidamada Itoobiya adeegsadeen horraantii dagaalka ay ku dhaceen guryo, cisbitaallo, iskuullo iyo suuqyada magaalooyinka Maqale, Humera iyo Shire, ayna ku dhinteen ugu yaraan 83 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur. “Weerarrada noocan ah waxa ay burburiyeen noolasha shacabka Tigray, waxaana ku barakacay kumanaan qof, taasoo muujinaysa muhiimadda ay leedahay in la soo afjar weerarrada sharci darrada ah, oo lagula xisaabtamo dadkii mas’uulka ka ahaa,” ayay tiri Laetitia Bader oo ah agaasimaha Human Rights Watch u qaabilsan Geeska Afrika. Tobanaan kun oo qof ayaa la sheegay inay ka barakaceen gobolka Tigray tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya milateriga Itoobiya iyo xooggaga TPLF horraantii November 2020. Xukuumadda ra’iisal wasaare Abiy ayaa ku doodday in ciidamadeeda aanay wax dhibaato ah u geysan dadka rayidka ah ee gobolkaas. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire. Qaar ka mid ah ehellada marxuumka ayaa xaqiijiyey geerida ku timid Gen. Cabdisamad oo maalmahan ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya inuu marxuumka ku dhintay isbitaalka Recep Tayyip Erdogan, Ex Digfeer oo lagu daaweynayey muddooyinkii lasoo dhaafay, kadib xanuun lasoo darsay. Ehellada ayaa sidoo kale sheegay in marxuumka dhowaan laga keenay magaalada Hargeysa, balse uu ugu dambeyn xanuunkii hayey saaka ugu geeriyooday Muqdisho. Gen. Cabdisamad Cali Shire oo ka mid ah aas aasayaashii Puntland ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay maamulkaasi, wuxuuna madaxweyne ku xigeen usoo noqday Faroole. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo masuuliyado kala duwan kasoo qabtay dowladdii dhexe ee Kacaanka. Geerida marxuumka waxaa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin kala duwan oo ay ugu horreeyaan madaxda Puntland oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Fardowso. AUN marxuumka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo la aaso, waxaana haatan socota qaban qaabada aaska loo sameynayo oo ay ka qeyb-geli doonaan mas’uuliyin kala duwan. The post Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ogeysiis kasoo baxay Gudigga Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa loogu yeeray in ka badan 20 ka mid ah Jaamacadaha dalka, kuwaas oo lagu war-geliyey inay sida uga dhaqsiyaha badan ula soo xariiraan gudigga, si loo dhameystiro habraaca diwaangelinta aqoonsiga Jaamacadooda. Qoraalka guddiga waxaa lagu sheegay in tani ay tahay fursadii ugu dambeysay oo ay jaamacadaha loo yeeray heystaan, maadaama afar jeer oo hore loo yeeray oo aysan imaan, sida ku cad qoraalka guddiga. “Waxaa lagu wargelinayaa Jaamacadaha magacyadooda hoos ku xusan yahiin in ay sida uga dhaqsiyaha badan kula soo xariiraan gudigga Qaranka Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta XFS si loo dhameystiro habraaca diwaangelinta aqoonsiga Jaamacadooda maadama ay gudigga Qaranka Tacliinta sare la xariireen mudu 4 jeer ah kana soo jawaabi waayeen xariiradii lala sameeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Warkan ka soo baxay Gudigga Qaranka ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan u sheegeynaa Jaamacadaha magacyadooda liiska ku qoran yahiin in ay tahay fursadii ugu danbeysay ee ay hesytaan kuna imaadaan sida ugu deg dega badan xarunta dhexe ee gudigga Qaranka Tacliinta sare uu ku leeyahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS km5 Zoobe.” Liiskan uu soo saaray guddigu waxaa ku xusan magacyada 21 jaamacadood oo ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo lagu war-geliyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono hadii aysan la soo xariirin guddiga inta u dhaxeysa 19-ka bishan May ilaa 5-ta bisha dambe ee June. Hoos ka akhriso Liiska Jaamacadaha loo yeeray The post DF oo waqti kooban u qabatay 21 Jaamacadood oo dalka ka howlgala + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Hay’dda Maareynta Masiibooyinka Puntland ayaa shaacisay khasaarihii ugu badnaa oo dhimasho iyo mid hantiyeed isugu jira oo ka dhashay roobabkii dhawaan ka da’ay deeganada maamulkaas. Cabdullaahi Cayrow, Maarreeyaha guud ee haya’dda Maareynta Masiibooyinka Puntland ayaa sheegay in roobabkaas ay sababeen dhimashada 8 qof, kuwaasi oo iskugu jiray caruur iyo dad waaweyn. Waxa uu sheegay in dadkaas ay geeryoodeen kadib markii qaar daad la tageen, qaybna biriq ama danab halleelay, halka kuwa kale-na ay liqeen oo ay ku dhaceen Goobo ay biyo fadhisteen. Roobabka dhawaan ka da’ay deegaanada Puntland ayaa sidoo kale waxa ku le’day 1,500 oo Ari ah, sida uu sheegay Mareeyaha hay’adda maareynta masiibooyinka Puntland oo la hadlay warbaahinta. Maareeyaha ayaa sidoo kale xusay inay jiraan khasaare hantiyeed oo ka dhashay roobabkaas. Deegaanada maamulka Puntland ayaa dhawaan waxaa ka da’ay roobab xoogan oo hakad geliyay isku socodka magaalooyinka, kadib markii ay daadad xoogan ay kala jareen wadooyinka qaar, halka kuwo kalena ay biyo fariisin noqdeen. The post Sideed qof oo saddex arrin oo kala duwan ugu geeriyooday deegaannada Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online)-Guddigii loo xil-saaray baariitaanka kiiska caruurtii walaalaha aheyd ee lagu dilay magaalada Baydhaba ayaa maanta soo gabagabeeyey baaritaankii ay wadeen muddooyinkaan, iyagoo natiijada baaritaankooda ku wareejiyey Xeer ilaalinta Guud ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kol-sii horeysay magacaabay guddigan, si baaritaan dhab ah loogu sameeyo kiiska dilkii laba caruur ah oo walaalo ahaa, kuwaas oo meydadkooda oo gowracan laga helay duleedka Baydhgaba 7-dii bishii Abriil. Malaaq Xasan Cali oo kamid ah guddiga ayaa sheegay in dilkii carruurtaas baritankii ay ku sameeyeen natiijadii uga soo baxday ay maanta ku wareejiyeen xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaa uu hadalkiisa uu intaas ku sii daray in dadka loo heysto kiiskan dhawaan Maxkamad la horkeeni doono, si cadaaladda loo waafajiyo oo mar kale dhibaatooyin noocaan ah aysan ugu geysan bulshada reer K/Galbeed. Xeer ilaaliyaha Guud ee maamulka Koonfur Galbeed Awmaye Sheekh Maalin Cabdi ayaa sheegay in kiiskaan baaris kale lagu sameyn doono, si loo kala cadeeyo dadka sida rasmiga ah uga dameeyay falkii lagu dilay carruurta. Xildhibaan hore Sheekh Aweys Cabdullaahi oo ahaa Aabaha carruurta la dilay oo kala ahaa wiil iyo garab aad u da’yar ayaa horay u sheegay in baaritaanka kiiskan lagu sameeyey wax is daba marin, waxayna eedeyntiisii sababtay in guddiga maanta warbixinta gudbiyey uu magacaabo Madaxweyne Laftagareen. The post Gudiga baaritaanka carruurtii magaalada Baydhabo lagu dilay oo natiijadii gudbiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Jubaland Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa caawa magacaabay golihiisa wasiirada cusub oo ka kooban 23 wasiir, 22 wasiir ku xigeen iyo 5 wasiiru-dowle. Wasiirada cusub ee Jubaland waxaa ku jira Cabdinaasir Seeraar oo kamid ahaa golahii mucaaradka isbedel-doonka Jubaland ee markii dambe la heshiiyay madaxweyne Axmed Madoobe. Sidoo kale golaha wasiirada cusub waxaa ku jira xubno ka tirsanaa xukuumaddii hore oo kamid yahay Gen. Maxmed Warsame Darwiish. Golaha wasiirada cusub ee Jubaland waxaa haween ah 4 xubnood. Magacaabida golaha wasiirada jubaland ayaa Axmed Madoobe ku qaadatay muddo ku dhaw 2 sano. Hoos ka akhriso liiska golaha wasiirada Jubaland PUNTLAND POST The post Golaha wasiirada Jubaland oo la magacaabay iyo Seeraar oo ka soo muuqday appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo caawa la hadlay BBC ayaa sheegay in hadii Farmaajo uu faraha kala baxo amniga iyo arrimaha doorashada, islamarkaana uu ka dhabeeyo tallaabadii uu ugu wareejiyey Ra’iisul wasaaraha, uu ku kalsoon yahay in khilaafka doorashooyinka looga heshiin doono shirka ka dhacaya Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa sheegay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in Ra’iisul wasaare Rooble uu qaato mas’uuliyadiisa, isagoo u balan qaaday inuu si buuxda ula shaqeyn doono. “Hadii sidii loogu tala-galay ay wax u qabsoomaan oo ay noqoto in madaxweyne Farmaajo uu wareejiyo mas’uuliyadda doorashada oo u madax-baneeyo Ra’iisul wasaaraha, oo mas’uuliyadda amiga dalka loo daayo Ra’iisul wasaaraha, isaguna uu qaato mas’uuliyadda howshaas, waxaan rajo ka qabaa in arrinta doorashadu ay ku dhamaa doonto si xasiloon oo 100% ah,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland. Axmed Madoobe oo sii hadlayey ayaa sheegay in hadii saldhig doorashada looga dhigo heshiiskii 17-kii September, ay aad u fududahay in laga heshiiyo arrimaha harsan ee la xariira farsamooyinka qabsoomidda doorashada. Mar wax laga weydiiyey kalsoonida uu ku qabo in Farmaajo faraha kala baxay arrimaha doorashada ayuu ku jawaabay, “Inta Ra’iisul wasaaruhu sheegay ama madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu horay ugu cadeeyey in mas’uuliyadda uu wareejiyey, mida ugu horeysana ay tahay amniga doorashada, hadey sidaas u dhacdo, kalsooni ayaan ku qabaa in wax laga wada shaqeyn karo, xasilooni ayaan muujineynaa, waana ku kalsoonahay balanqaadkii Ra’iisul wasaaraha, waan garab istaageynaa, waana la shaqeyneynaa, sababtoo ah danta wadanka ayaa naga wada dhaxeysa.” Mar wax laga weydiiyey mowqifkiisa arrinta gobolka Gedo ayuu sheegay in kasii mid ahaanshaha Jubbaland ee gobolkaas aysan wax gorgortan ah ka geli doonin, “Gobolka Gedo arrintiisa wax aan ka ganbaneyno maaha, Jubbaland ayuu ka tirsan yahay, dastuurka dowladda dhexe iyo kan Jubaland ayaa isku si u qeexaya, waa in maamulka gobolkaas lagu soo wareejiyo Jubaland,” ayuu yiri. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa wareysigaan uga jawaabay eedeyntii Madaxweyne Farmaajo ee aheyd in shirkii Afisyooni ay ‘fashiliyeen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, iyagoo ka soo shidaal qaadanaya shisheeye’ ayaa eedeyntaas ku gediyey isla Farmaajo, isagoo sheegay in shirkaas uu fashiliyey isagoo ka shidaal qaadanaya Isaias Afwerki-ga Eritrea iyo Abiy Axmed-ka Itoobiya. “Ninka shisheeye wax u meerinayo ee maanta Afwerki dimuquraadiyadda ka qaadanaya, ee ka tegay Jabuuti iyo Kenya, ka doortay Itoobiya ayaa anaga na eedeynaya, dalka meel ugama aana bixin, shisheeye talefoon kulama hadlin, marka burburka maanta Soomaaliya ku dhacay ma Axmed Madoobaa keenay? Shirkii anagoo joogna oo ku balanay inaan isku soo noqono, ayaan maqalnay shirkii waa fashilmay iyo Dubbe oo qeylinaya, waana sheegnay markii,” ayuu yiri Axmed Madoobe. The post Axmed Madoobe oo ka hadlay shirka Muqdisho, sheegay arrinta kaliya ee uu ku guuleysan karo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee la filayey inuu berri subax ka furmo magaalada Muqdisho uu dib u dhac kooban ku yimid. Dib u dhaca shirka ayaa lagu sheegay mid farsamo, waxaana la filayaa in uu qabsoomo maalinta Sabtida oo ku beegan 22-ka bishan May, sida aan xogta ku helnay. Wali inta madaxda maamul gobaleedyada dalka ayaa Muqdisho ka maqan iyadoo la filayo in ay badankood soo gaaraan maalinta berri ah, waxaana suurta-gal ah in maalinka xiga oo Jimcaha ay darteed aanu shirka qabsoomin, taasi oo u dhigeysa ugu yaraan Sabtida. Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa ah madaxweynaha kaliya ee ku sugan caasimadda isaga oo caawa maqribkii kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasi oo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Dadka Soomaaliyeed ayaa rajo weyn ka qaba in shiraan uu noqdo mid ay ka soo baxaan is afgarad dhinaca doorashada iyadoo rajo weyn laga qabo in Rooble uu noqoto kaalintiisa hogaamineed iskana diido faro-gelinta Rooble. Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey mira-dhalka shirka loo balansan yahay inuu Muqdisho ka furmo, kaas oo xal loogu raadinayo khilaafka doorashada. The post Xog: Shirka madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ee Muqdisho oo dib u dhacay appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia faces a political crisis because its leaders have been unable to hold elections after president Mohamed Abdullahi Mohamed’s term of office expired in February. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey mira-dhalka shirka loo balansan yahay inuu Muqdisho ka furmo, kaas oo xal loogu raadinayo khilaafka doorashada. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa soo saaray qoraal ka kooban shan qodob oo isugu jira raro-gelin, codsi, mahadcelin iyo balan qaad, waxuuna qodobada uu soo saaray ku yiri: 1 – Waxaan u diyaar garownay shirka golaha wadatashiga Qaran ee dhameystirka arrimaha doorashooyinka. 2 – Waxaan filayaa in si habsami leh uu noogu furmo, guulna noogu dhamaado, si dalku u aado doorasho daah furan oo heshiis lagu yahay. 3 – Waxaa iga go’an fududeynta wax kasta oo horseedi kara in shirkani uu guuleysto. 4 – Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa taageeradooda dadaallada aan wadno, waxaana ka codsanayaa garab istaag. 5 – Waxaan Eebbe ka baryayaa inuu howshan noo fududeeyo. Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble oo dowladda federaalka masuul uga ah wadahadallada xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka dalka ayaa ku soo aadaya, iyadoo berri ay ku beegantahay 20-ka May oo ah markii uu iclaamiyey in sharku furmo, balse inta badan madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku kala maqan gobolladooda, waxaana suurta-gal ah in shirka uu dib u dhaco. Waxaa muuqata in dib u dhac uu ku imaan doona goorta uu furmayo shirkaas, in kastoo ay wararku sheegayaan in badanaa madaxda dowlad goboleedyada ay gelinka hore ee Khamiista ku soo wajahan yihiin Muqdisho. Rooble ayaa maanta magacaabay guddi uu hoggaaminayo wasiirka Amniga Xasan Xundubey oo loo xil-saaray soo dhaweynta madaxda dowlad goboleedyada. Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka. Waxaana wafdigaas garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda federaalka, gaar ahaan guddiga loo xil-saaray soo dhaweynta madax goboleedyada Muqdisho soo gaaraya. The post Rooble oo shan qodob kasoo saaray shirka doorashada ee ka furmaya Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen shirka dhameystirka arrimaha doorashooyinka ee lagu wado in uu berri ka furmo Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku xusay in ay ka go’an tahay wax kasta oo horseedi kara in uu guuleysto shirka doorashada. Wuxuu tilmaamay inuu rajeynayo in shirku si habsami leh u furmo berri, guulna ku dhammaado, si dalku u aado doorasho daahfuran oo heshiis lagu yahay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa siyaasiyiin iyo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday garab istaag, isagoo u mahadceliyay intii taageertay dadaalada uu wado. Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho, halka madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada ay ilaa berri soo gaari doona magaalada Muqsisho. Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo is afgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaannada iyo Senatarrada ka hor doorashada Madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Rooble oo ka hadlay shirka doorashada iyo Qoorqoor oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, inkasta oo ay u badan tahay inuu kadib dhaco berri, hase yeeshee waxaa su’aalo ay ku gadaaman yihiin kaalinta madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee shirkaas. Farmaajo ayaa guddoomiyey dhammaan shirarkii hore ee dhex-maray isaga iyo madax goboleedyada, oo uu ugu dambeeyey kii Afisyoone ka dhacay, hase yeeshee maadaama uu iminka maamulka doorashada ku wareejiyey Rooble waxaan caddeyn inuu weli kaalintaas haysan doono iyo in kale. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in ra’iisul wasaare Rooble laga yaabo inuu u ogolaado in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu furo shirka, balse isaga uu hoggaaminta yeelan doono, halka warar kalena ay sheegayaan in Farmaajo shirka hoggaamin doono, islamarkaana uu Rooble noqon doono dhex-dhexaadiyaha Farmaajo iyo madax goboleedyada. Shirka ayaa lagu wadaa inuu ka furmo xerada Xalane, waxaana xiligan magaalada Muqdisho ka socda kulamo ay isku hor-fadhiyaan Guddiyada ka socda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka, kaasi oo loogu sii gogol xaarayo shirka weyn ee madaxdu iskugu imaaneyso. Waxaa suurta-gal ah in qaar ka mid ah madax goboleedyada ay ku gacan seeraan haddii uu ra’iisal wasaare Rooble hoggaaminta shirka siiyo Farmaajo. Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa hore Farmaajo ugu eedeyay fashilka shirkii looga arrinsanayay doorashada, waxayna si weyn u diidan yihiin in Farmaajo mar kale ku lug yeesho ama door laga siiyo hoggaaminta shirka cusub. Haddii Rooble uu qaado tallaabo uu maamulka shirka ku siiyo Farmaajo waxay muujin kartaa in aanu u madax bannaaneyn howsha la sheegay in loo igmaday, taasi oo markale fashil hor leh u horseedi karta shirka maamulada dalka iyo dowladda federaalka. Qodobkan ayaa sidoo kale kamida arrimaha ugu muhiimsan ee ay tahay in go’aan looga gaaro ajendayaasha shirka. Astaamihii ugu dambeeyeey waxay muujinayaan in Rooble aanu sidaas sameyn doonin. Rooble ayaa iska riixay isku day ay madaxtooyada ku dooneysay inay kusoo faro-geliso howshiisa la xiriirta hoggaaminta arrimaha doorashooyinka dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Caasimada Online u sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu diiday soo-jeedin ka timid madaxtooyada oo aheyd in Cabdi Cali Raage, oo ah la-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka, loo soo wareejiyo xafiiskiisa, si uu ugala shaqeeyo shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Rooble ayaa tallaabada madaxtooyada u arkay isku day saameyn loogu dhex-yeelanayo, taasi oo dhaawici kartay kalsoonida ay ku qabaan mucaraadka iyo maamul goboleedyada kale oo weli u arka inuu yahay dhex-dhexaad. The post Rooble mise Farmaajo: Yaa guddoomin doona shirka ka furmaya Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa goordhaw magaalada muqdisho soo gaaray madaxweeynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor . Qoor Qoor ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka oo la filaya in uu berri oo khamiis ah ka furmi doono Afisyooni. Warar ay heshay GoobJoog News ayaa sheegaya in gelinka hore ee berri oo khamiis ah la filayo in madaxweeynayaasha Jubbaland iyo Koonfur galbeed ay soo gaaran magaalada Muqdisho . Dhinaca kale Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa isna la filayaa in berri gelinka dambe uu soo gaaro magaalada Muqdisho . Dhanka kale waxaan la ogeyn goorta uu imaan doono madaxweeynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, kaas oo ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka. Shirkan xukuumadda ay garwadeenka ka tahay ayaa yimid kadib markii la fashiliyay qorsha Farmaajo uu mudda kordhin ku sameystay. GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Midowga Musharixiinta oo u hambalyeeyay shacabka Somaliland xuska 18ka May Inta badan Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay u halbalyeeyeen shacabka iyo hoggaanka Somaliland oo xusaya 18-ka Bisha May oo ku beegan markii ay Reer Somaliland ku dhawaaqeen soo celinta xoriyadii luntay 1960kii Hoos Ka Akhriso Qoraalada ay si kala gooni gooni ah u soo saareen Midowga Musharixiinta. Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxaan hambalyo u dirayaa walaalaha Somaliland oo xusaya 18 May meel kasta oo Caalamka ay ka joogaan, anigoo ugu tahniyadeynaya nabadda, xasilloonida Siyaasadeed iyo hirgalinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee ay ku guulaysteen. Waxaan aaminsanahay in qadiyadda Somaliland iyo xalkeeda ay tahay arrin masiiri ah, muhiimna u ah dib u yagleelidda dowladnimo lagu wada kalsoonyahay oo Soomaaliyeed, taasoo nooga baahan in xil gaar ah la iska saaro, iyadoo lama huraan ay tahay in lala fariisto, la dhegeysto si looga qanciyo 30 sano ka hor dhibaatadii gaartay oo garowshiyo nooga baahan. Waxay tusaale wanaagsan u noqdeen mudadaas 30ka sanaa Soomaalida inteeda kale, iyagoo ku guulaystay sugidda Amniga, Horumarka Bulshada iyo in dadku ay doorasho galaan iyagoo xulanaya cidda hogaaminaysa. Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur. Waxaan shacabka iyo hoggaanka Somaliland ugu hambalyeynayaa nabada, xasiloonida iyo hannaanka dimoqoraadiga ah ee ay gaareen. Koonfur hadaan nahay waxaan jecelnahay midnimo, walaalaheena waxay qabaan in ay midowgii ku qasaareen. Doodu waxay tahay tagtadii ma ka xisaabtanaa si loo helo midnimadu qiimo ku kacda, taxidayada mustaqbalka uga tilaabsano, mise waynu u dabranaanaa oo fursadahaan ka luminaa faca danbe. Dood hufan oo Isqancin, garawshiyo leh ayaa lagama maarmaan ah, sababtoo ah marinka midnimadu waa Haragaysa, kan madaxbanaanidana waa Muqdisho. Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Maanta 30 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha Reer Somaliland ku dhawaaqeen gooni isutaag dhankooda ah. sidaa daraadeed marka hore waxaa Bogaadin mudan guulaha ay Somaliland ka gaartay mudadaas dhinacyada Nabadda, Horumarka, Hannaanka Doorashooyinka ku dhisan Qof iyo Codka, dimuqoraadiyadda iyo isu Tanaasulka. Waxaa xaqiiq ah in Xalka Qadiyadda Somaliland ay u baahan tahay ahmiyad, Mudnaan iyo Aragti Fog oo ay ku dheehan tahay Tanaasul, Garowshiyo iyo Wadahadalo miro dhal ah oo kayimaada dhanka Dawladda Dhexe ee Soomaaliya, kana Fog Caadifad iyo Laablakac, waana in lasameeyo wadahadalo ku saleysan waaqaca iyo halka ay Boogtu taalo. Waxaa wax laga xumaado ah in Maamulka Farmaajo aanu Arintaas siinin mudnaantii iyo maqaamkii ay lahayd, taas badalkeeda uu kula kacay cunaqabatayn dhinaca Mucaawinooyinka, Arrimaha Bulshada, mashaariicda horumarineed iyo waxyaabaha Aas-aasiga ah ee Dadka Reer Somaliland baahida u qabaan. Midnimo ku timaada wax wadalahaansho, Walaalnimo, Garawshiyo iyo isu tanaasul ee aan ku imaan khiyaano iyo Jujuub ayaa ina wada Deeqda. Qaran News
-
Maamul Hirshabelle oo la tacaalaya daadad, dhibaato ka dhalatay isu socod la’aanta iyo arrimo kale ayaa waxaa maalmihii tagay hareeyey dagaallo ku baahay maamulka oo keenay dhimasho, dhaawac iyo in la gubo tuulooyin. Hiiraan: Labadii Todobaad ee lasoo dhaafay waxaa uu dagaal beeleed ay ku dhinteen in ka badan 15 qof ka dhaceen galbeedka caasimadda Hiiraan ee Baladweyn. Dagaalkan oo markii hore ka bilowday dhismo buundo oo lagu waday in IOM ka hirgeliso deegaanka Deefow ayaa waxaa isku khilaafay labo beel. Beesha Makanne oo ogolaatay iyo beesha Jijeelle oo diidan dhismaha buundada ayaa waxaa ay ka dhex dilaacay dagaallo ku fiday deegaanno ay ka mid yihiin Baladul Amiin, Bacaad Buuke iyo meelo kale. Ilaa hadda marka laga soo tago dhimashada 15-ka qof, waxaa jira dhaawacyo ay beelaha ku dhabiibayaan isbitaallo u gaar ah, waxaa sidoo kale la xaqiijiyey tuulooyin la gubay sababo la xiriira dagaalka. Weriyaha Goobjoog News ee gobolka Hiiraan waxaa uu sheegayaa in markii hore labada beel la kala dhex dhigay ciidamo ka socda dowladda, laakin markii dambe ay isaga tageen goobaha, taasi oo keentay in maanta dagaalka uu aad u xoogeysto. Shabeellada Dhexe: Dhanka caasimadda maamulkaasi ee Jowar waxaa maanta ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay gudaha magaalada soo weerareen ciidamo la baxay Macawisley, ishor imaad dhacay waxaa la xaqiijiyey geerida ilaa 6 qof oo ay ku jiraan labo ka tirsan madaxtooyada Hirshabelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com