-
Content Count
211,124 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Raysal wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegey in Shirka Wadatashiga hadii loo ogolaado inay kasoo qaybgalaan Madaxweynayaashii hore Uu isna kasoo qaybgalayo. Raysal wasaare Geedi oo kamid ah Siyaasiyiinta farakutirska ah ee hada taageersan Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan ku dhawaaqay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Axmed ay kasoo qaybgalayaan Shirka Wadatashiga Doorashada isla markaasna ay khudbad ka jeedin doonaan. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa geed dheer u fuulay in labadaan Madaxweyne hore, maadaama ay Musharixiin yihiin ay muhiim tahay in la dhagaysto oo ay Shirka yimaadaan bilowgiisa iyo dhamaadkiisa. Xukuumada Madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasadeedka ay kula dagaalamayso Mucaaradka waxaa kamid ahaa in Siyaasiyiin ay kamid yihiin Cali Maxamed Geedi, Salaad Cali Jeele iyo Siyaasiyiin kale ay u ‘adeegsadaan la dagaalanka Siyaasiyiinta la Beesha ah., hadalka hada kasoo yeeray Raysal wasaare Geedi ayaa loo fasirtay qayb kamid ah Siyaasada Xukuumada Farmaajo. Puntlandi.com Muqdisho The post Cali Maxamed Geedi “ Hadii Shirka ay ka qaybgalaan Xasan iyo Shariif Ana kursigaygaan soo qaadan appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo maanta ahaa shir guddoonka kulankii ka furmay teendhada Afisyooni ayaa soo saaray qoraal uu rajo wanaagsan uga muujiyey natiijada shirarka lagu xalinayo khilaafka doorashooyinka ee dowladda federaalka u uku metelayo. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u mahad celiyey dhammaan madaxda dowlad goboleedyada oo maanta ka soo qeyb galay furitaankii shirkaas oo sii socon doona maalmaha na soo aadan. “Waxaa maanta si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka,” ayuu Ra’iisul Wasaare ku yiri qoraal uu soo saaray. Shirkan Golaha Wadatashiga Qaran ee xalka loogu raadinayo arrimaha doorashooyinka oo maanta la daah-furay wajigiisa koowaad ayaa la isugu soo laaban doonaa maalinta Axadda ah ee burrito, iyadoo madaxdu ay sii amba qaadi doonaan wadaxaajoodka arrimaha la isku hayo. Inta badan xubnaha mucaaradka ah ayaa si siman u soo dhaweeyey shirkan maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyagoo muujiyey inay qabaan rajo wanaagsan oo hor seedi karta doorasho xasiloon oo dalka ka dhacda. The post Rooble oo war kasoo saaray maalinkii koowaad ee shirka doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU, Somalia - At least six al-Shabaab terrorists were killed and their bases destroyed in a military operation in Somalia's central region of Hiran on Saturday, an official said. Source: Hiiraan Online
-
At least six al-Shabaab terrorists were killed and their bases destroyed in a military operation in Somalia's central region of Hiran on Saturday, an official said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland kala hadlay arrimo ku saabsan ciidanka la socda. Rooble ayaa labadaan maamul ka dalbaday in aysan saxaafada usoo bandhigin ciidanka la socda, islamarkaana uu damanaad qaadayo in ciidanka AMISOM ay sugi doonaan ammaanka goobta shirka. Inkastoo labadaan hogaamiye ay la socdeen ciidamo hubeysan, islamarkaana loo ogolaa ayaa haddana lagu heshiiyay in la yareeyo saameyntooda dhinaca warbaahinta amaba aan lasoo bandhigin markii ay ka soo dagaan garoonka Muqdisho. Sababta uu Rooble arrintaan u dalbaday ayaa lagu sheegay in uu kaga gol lahaa yareenta amaba joojinta sawirkii xumaa ee dhacay shirkii kan ka horreeyay kadib markii labada Madaxweyne la yimaadeen ciidamo aad u hubeysan, islamarkaana garoonka ka dhigtay meel la ciir ciiraya ciidamo hubeysan. Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku dayaya in uu xakameeyo dhamaan waxyaabaha keeni kara in ay bixiyaan sawir colaad amaba shirka u ekeysiin kara mid aan waxba ka badalneen kuwii hore waxaana muuqata in uu ku guuleystay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale doonaya inuu dhiso kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, si ay u aaminaan in shirkan uu ka duwan yahay shirarkii hore, kana fishaan inuu guul ku dhammaan doono. Shirkan ayaa waxa uu shirarkii hore uga duwan yahay iyadoo uu shirka hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, meeshana ay ka baxday hoggaamintii Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la saaray mas’uuliyadda eeda fashilka shirka. Waxaa aad u sareysa rajada laga qabo in shirkan uu guuleysto ayada oo loo heelan yahay in heshiis la gaaro, iyadoo aysan jirin xafiiltankii hore iyo kadeedkii siyaasadeed ee uu abuuray Farmaajo. The post Xog: ROOBLE oo hal qodob kula heshiiyay Axmed Madobe iyo Saciid Deni ka hor shirka appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Muddo toban maalmood ah ayaa ka hadhsan doorashooyinka muddada dheer la sugayay ee golleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxaana marba marka ka sii dambaysa sii xoogaysanaya tartan loogu jiro hanashada kuraasta xildhibaanimo ee labadaasi golle. Iyada oo aan wali si rasmi ah u bilaamin ololaha doorashooyinka ayaa haddana waxa ay murrashaxiintu diyaariysadeen qorsheyaashii ay ku hanan lahaayeen kuraasta ay u ordayaan. Xildhibaannada u tartamaya dawladaha hoose ee dalka qaarkood ayaa difaacanaya kursigii ay hore ugu fadhiyeen halka kuwo kalena ay tartan adag u gelayaan in markii ugu horraysay noqdaan xildhibaanno. Maayirrada magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa la filayaan inay mar kale ku guulaystaan xilka ay hore u hayeen, waxaana ka mid ah maayiradda gucle orodka ugu jira in mar kale loo doorto xilka guddoomiyeyaasha degmooyinka Maayirka caasimada Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, Maayirka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, Maayarka degmada Ceerigabo Ismaciil Xaaji Nuur oo muddo ka badan 19 sanno soo ahaa Maayarka Ceerigaabo, Maayirka degmada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi. Dadka ka faallooda siyaasada Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Maayirrada Hargeysa iyo Berbera ay ugu cadcad yihiin maayirrada doonaya in mar kale la doorto xilalkan ay hore u hayeen, iyaga oo sabab uga dhigaya marka loo eego arrimo ay ka mid yihiin barnaamijyada waxqabad ee ay soo bandhigeen, xisbi xaakimka oo ay ka sharraxan yihiin iyo qaabka ay u diyaarsadeen ololahooda iyo abaabulka ka muuqda. Waa markii saddexaad ee Somaliland laga qabanayo doorashooyinka golleyaasha deegaan, Markii ugu horreysay waxay ahayd 15 December ee sannadkii 2002. Sidoo kale 2012-kii ayaa ugu dambeysay oo la doortay goleyaashan. Si kastaba ha ahaatee doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka ayaa la filayaa inay ku soo dhammaan doonaan jewi nabadgalyo. Source
-
Muwaadin Soomaali ah oo xalay lagu khaarajiyey Magaalada Durbanville+Magaciisa Muwaadin Soomaali ah ayaa lagu dilay xalay degaanka Durbanville oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Allaha u naxariistee, Marxuumka ayaa Waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Caajis, goob-joogayaal ayaana sheegay in rag hubeysan ay rasaas Ku fureen. . Lama oga sababta ka dambeysay dilka muwaadinkan iyadoo dableydii falka geysatay ay baxsadeen sida wararku sheegayaan. Ciidama Boolis ah oo gaadhay goobta lagu toogtay muwaadinka Soomaaliga ah ayaa baadhaya kooxdii dilka geysatay oo aan gacanta lagu dhigin. Magaalada Cape Town waxaa ku soo kordhaya ugaadhsiga Soomaalida sida dilalka dhaca iyo afduubka, waxaana sanadihii la soo dhaafay halkaas lagu dilay Soomaali fara badan oo dalkaas ka shaqeysta. Qaran News
-
Booliska Sacuudiga oo xabsiga u taxaabay nin weeraray Imaamka Masjidul- Xaramka+Sawirro Booliska u xilsaaran amniga Masjidka barakeysan ee Xaramka ayaa gacanta ku dhigay Nin weerar ku qaaday mid ka mid ah Iimaamyada Masjidkaas oo shalay akhrinayey Khudbada Jimcaha. Eedeysanaha ayaa la qabtay, ka hor inta uusan gaarin Minbarka uu Iimaamku ka jeedinayey Khudbadda Jimcaha sida ay faafisay Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA. Iimaamka la damacsanaa in la weeraro ayaa lagu magacaabaa Sheekh Bandar Baleelah, waxaana la sheegay inuusan hakinin khudbadiisa intii lagu howlanaa qabashada ninka weeraray. Lama oga illaa hadda sababta ninkan ku kaliftay inuu weeraro Imaamka masjidka Xaramka, Booliska sacuudigana illaa hadda wax faahfaahin ah kama bixinin dhacdadan. Nin ku hubaysnaa Maqar oo la tuhunsan yahay inuu weerar geysan lahaa ayaa bishii la soo dhaafay lagu qabtay isla xaramka gudihiisa. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Taliyaha guud ee ciidanka Asluubta jsl, Sareeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (libaax) ayaa ka qayb galay Xafladda Darajada Loogu Xidhayay Ciidanka Asluubta Jsl, oo lagu Qabtay Taliska guud ee ciidanka asluubta jsl. Xubnayaashan Dalacay oo ka koobnaa Darajada G/dhexe ilaa Dable oo Tiradoodu dhantahay 744 xubnood. Madashan oo si Heerka sare ah loo soo agaasimay ayaa Waxa ugu horrayn halkaasi ka warbixiyay Taliye Xigeenka Ciidanka Asluubta Jsl, Aadan Axmed mooge (Kannadi) isaga oo faahfaahin ka bixiyay Gudidda uu Taliyaha Guud ee ciidanka Asluubtu xulay, isaga oo Taliye xigeenku xusay in Hab Cadaalad leh oo aan Eexasho lahayn ay ukala saareen ciidanka iyaga oo la dhaariyay. Taliyaha ciidanka ilaalada Xeebaha jsl Sareeyo Guuto Maxamed Faarah xuseen (xiirane) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Bogaadiyay ciidanka asluubta isaga oo u hambalyeeyay Dhaaman Xubnaha dalacay, Talilaya ayaa sidoo kale Faray Ciidanka Inay isku duub-naadaan meel kasta oo ay joogaan. Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta jsl Sareeyo Guuto Axmed cawaale Yuusuf (Libaax) ayaa Hambalyo Udiray dhamaan Xubnahaas Dalacay isaga oo kula dardaarmay inay noqdaan kuwo Dadkooda Daacad ugu Adeega, Taliyaha ayaa sidoo kale Faray Saraakiisha Inay hoos u eegaan Ciidankooda Oo ay ka war Qabaan Xaaladooda Guud. Isaga oo Taliyuhu Xusay in Cadaaladu Sumadeena tahay sidoo kalena sheegay inaanu Cid u Eexan. Ugu Dambayn Taliyaha Guud Ee Ciidanka Asluubta jsl ayaa Darajada Uxidhay Qaar kamida Xubnahaas Dalacayay. Allah Mahad-leh. Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Asluubta Jsl. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Afhayeenka xisbiga WADDANI ahna musharax u tagan doorashada golaha wakiillada Barkhad Jamac Batuun, ayaa sheegay in doorashadiisu ay sababi doonto cadaalad iyo sinaan ay hesho dhamaan umada Somaliland. “In aan xubin ka noqdo Baarlamaanka Somaliland, oo xil ummadeed qaado 31 MAY 2021ka, haddii Alle Idmo, waxa ay meesha ka saari doontaa magacyo badan oo muddo dheer maskaxdeenna haystay, micno badanna laheyn, marka aynu maqalnana muraaradillaac dhexdeenna ah abuurayey sida: Midgaan, la hayb-sooco, laga tiro badanyahay, la yaso, dulman IWM. Waxa ay abuuri doonta Somaliland walaalo lagu yahay sarreynta sharciga, sinnaanta muwaaddiniinta, calanka iyo ciidda oo cid kastaba ilaashato, caddaalad abuuranta, ictiraaf yimaadda, cudduddeena oo midoowda, Sawirka siyaasaddeed ee Somalilandna sumcad weyn ayey u keeni doona. Waan hubaa Ilaahay idamkii in Hargeysi u hiilin doonto cagafta cunsuriyadda baabi’inaysa ee jeexaysa jidka caddaaladda, Insha Allah. Aniguna aan noqon-doono ninka ugu codka badan Gobolka Maroodi-jeex Idimka Alle, u dhaqaajin mayne fulaha dhoosha ka adkeysta!” ayuu yidhi Barkhad Jaamac Batuun. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay xaqiijisay inay masaafuriyeen Weriye Ajnabi ah oo u shaqeeya Wargeyska The New York Times, kadib markii ay kala laabteen liisankii uu ku hawlgeli jirey. Go’aanka lagu caydhiyey Saxafiga Simon Marks oo u dhashay dalka Iredland ayaa lagu sheegay inay timid, kadib markii uu Warar aan isku dheelitirnayn ka tebiyey Colaadda ka socota Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga dalkaasi, waa sida hadalka loo dhigay. Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn ee Reporters Without Borders (RSF) waxay cambaareeyeen Saxafiga laga soo masaafuriyey Ethiopia, iyadoo ay caydhintaasi tahay tii ugu horreysay ee lagula kaco Suxufiyiinta Ajaaniibta, tan iyo markii uu RW Abiy Ahmed la wareegay Tallada dalkaasi. Maamulka Wargeyska The NYT ayaa waxaa sheegeen inay Saraakiisha Ethiopia ay Simon Marks ugu yeedheen Kulan maalintii Khamiista ee la soo dhaafay, isla markaana ay 8 saacadood ku hayeen Garoonka, ka hor intaysan isaga saaarin Duullimaad saqdii dhexe ee xalay. Dhinaca kale, Saxafiga Simon Marks waxa uu Bartiisa Twitterka ku qoray in ayna Saraakiisha Socdaalka oo keliya ka hor-joogsanin inuu guriga ka soo qaato Hantidiisa iyo inuu soo macasalameeyo saaxiibtiisa iyo wiilkiiisa 2-jirka ah Madaxa Hay’adda Warbaahinta Ethiopia, Maxamed Idris oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP waxa uu tilmamay inuusan Saxafiga Simon Marks Joogitaan Ganacsi ku lahayn gudaha Ethiopia iyo isagoo aan lahayn liisan Warbaahineed ( A Media Licence). Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa si adag ugu digay shaqaalaha dawladda, islamarkaana u sheegay in ay faraha ka laabtaan ololaha beri ka bilaamaya Somaliland ee doorashada Wakiillada iyo Deegaannada. Waxa uu masuuliyiinta xukumadda ku booriyay in ay si dhaw ula socdaan shaqaalaha dawladda ee ku milma arrimaha siyaasadda iyo ololaha. “Waxaan uga digayna shaqaalaha dawlada darajo kasto ay leeyihiin inay ku milmaan , kana dhex ololeeyaan , calamaanta xisbiyada qaataan xisbi kasta ha ahaadee , doorashada ololeedu bilaabmayo 23 bisha oo ah maalinta beri ah , Wasiirada , gudoomiye yaasha gobolada , isuduwayaasha hay’adda shaqaalaha dawlada waxaan usheegayaa inay il gaara ku hayaan inta ololuhu socdo in shaqaale dawladeed ka qeyb galaan ololahaasi”. ayuu yidhi Farxaan Aadan Haybe Source
-
Wanlaweyn (Caasimadda Online) – Dagaal culus ayaa wuxuu Maanta Magaalada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose ku dhex maray Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed. Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana la xaqiijiyey inay dagaalkaas ku geeriyoodeyn 3 ka tirsan ciidamadii dagaalamay iyo qof shacab ah, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay. Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu u dhexeeyey guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn Maxamed Siidow iyo ku xigeenkiisa arrimaha bulshada Axmed Cabdullaahi Cabdi. Guddoomiye Maxamed Siidow oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in guddomiye ku xigeenkiisa uu isbaaro dhigtay bartamaha Magaalada isla markaasna uu lacago baad ah oo gaarayo 110 Dollar ka qaato gawaarida xamuulka ah. Guddoomiyaha ayaa sheegay in isbaarada uu dhigtay guddoomiye ku xigeenkiisa ay keentay inay ka xanaaqaan qaar ka tirsan ciidamada Daraawiishta ee ka amar qaato degmada kuwaas oo iyagana isbaaro kale dhigtay kadibna ay weerar kuso qaadeyn ciidamo uu hoggaaminayo ku xigeenkiisa oo uu sheegay inuu diidan yahay in cid aan isaga aheyn ay isbaaro dhigato Magaalada. Mar wax laga waydiyey khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ayuu sheegay in ciidamadiisa uu ka dhintay hal askari sidoo kalana uu dhintay wiil dhallinyaro ah oo ay ku dhacday rasaastii la is dhaafsanayey, wuxuu kaloo sheegay inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada ku xigeenkiisa balse uusan sheegi karin tiro sax ah. Illo madax banaan oo ay la hadashay Caasimadda Online ayaa sheegaya in guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ay isku heystaan sidii loo maamuli lahaa lacagaha baadda ah ee laga qaado isbaaro ay ciidamada ka tirsan kuwa Dowladda dhigteyn magaalada. Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadlin dagaalkii ka dhacay Wanlaweyn, waxayna wararka qaar sheegayaan in magaalada loo soo diray ciidamo kala dhex galo kuwa dagaalamay, waxaana la filayaa in maamulka Koonfur Galbeed uu soo farageliyo khilaafka u dhaxeeyo maamuka Degmadaas. The post Sabab yaab leh oo ka dambeysa dagaalka Wanlaweyn iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Shirkii Maanta uga furmay Muqdisho Raysal wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa la isla gartay Ajandayaasha Shirka iyadoo si hordhac ahna looga wadahadlay Qodobada Muhiimka ah. Ajandaha Shirka oo beri laguda gali doono waxaa kamid ah. Amniga Doorasahda Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada cida maamulaysa Gobolka Gedo, Qodobkaan si hordhac ah ayaa loosoo hadal qaadey maanta waxayna u muuqataa in Jubbaland ku guulaysan doonto rabitaankoodii ahaa in dib loogusoo celiyo Kismaayo, dhamaan ka qayb galayaashu waxay dabacsanaan u muujiyeen Madaxweyne Axmed Madoobe. Gudiga Doorashada oo horay Buuq uga taagnaa, buuqaasoo ahaa in Mucaaradku ay ku eedeeyeen Madaxweyne Farmaajo inuu Gudiga Doorashada ka dhigay Shaqaalihiisa Gaarka ah iyo Saraakiil Ciidan, Raysal wasaaruhu wuxuu muujiyay maanta inuu u muuqdo Nin Gudi cusub magacaabayo. Waxyaabaha debecsanaanta laga muujiyay maanta maadaama La doonayo Doorasho degdega waxaa kamida Odoyaadha Soo xulaya Xildhibaanada. Deegaanada Doorashada oo Heshiiskii 17 Sebtembar ahaa laba Magaalo, waxaa laga yabaa oo maanta lasoo jeediyay hal Deegaan doorasho, Qodobadaan kore oo dhan waa uun Ajandaha Shirka ee ma jiraan Qodobo si rasmi ah la isula meel dhigay. Puntlandi.com Muqdisho The post Faahfaahin Ajandaha Shirka Doorasahada oo la isla meel dhigay appeared first on . Source
-
Waxaa goordhaweyd soo gabagaboobay maalinkii koowaad ee shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee ka furmay xarunta Afisyoone, magaalada Muqdisho. Shirka ayaa maanta ku soo idlaalay jawi is faham, iyadoo la isugu soo laaban doono berri oo Axad ah, sida uu sheegay afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ibraahim Macalimow. Shirka waxa guddoomiyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qayb-galay dhammaan madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Shirka waxa ka maqnaa madaxweynaha dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu horey u sheegay in uu hoggaaminta arrimaha doorashooyinka ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble. PUNTLAND POST The post Shirka Muqdisho: Maalinkii kowaad oo la soo gabagaboobay appeared first on Puntland Post.
-
Hoggaamiyaha militariga afganbiyay dowladda Myanmar General Min Aung Hlaing ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in dhowaan ay maxkamad soo taagi doonaan hogaamiyihi hore ee dalkaas Aung San Suu Kyi. Wareysigii ugu horreeyay ee uu bixiyo Hlaing tan iyo markii uu inqilaabay xakuumaddii Aung San Suu Kyi 1-dii bishii February ayuu ku sheegay in Suu Kyi iyada oo caafimaad qabta ay ku sugantahay gurigeeda, maalmo kooban gudahoodna ay ku wajahi doonto maxkamad. Wareysiga Hlaing ayaa Sabtida laga sii daayay Telefishanka Phoenix oo ah TV laga leeyahay Shiinaha. Afganbigi ka dhacay Myanmar ayaa sababay dhimashada boqolaal qof oo rayid ah oo ka qeybgalay mudaaharaadyo looga soo horjeeday awoodda millatariga. PUNTLAND POST The post Milatariga Myanmar oo sheegay in ay maxkamad soo taagi doonaan Aung San Suu Kyi appeared first on Puntland Post.
-
President Issaias Afwerki is fanning war and undermining democracy across the region It is an unlikely pairing. Abiy Ahmed, Ethiopia’s prime minister, is young, charismatic and says he is committed to democracy in Africa’s second-most-populous country. Until war erupted in November in Tigray, a northern region, he was a darling of the world. In 2019 he won the Nobel peace prize for ending a war with Eritrea. Yet he is now knee-deep in blood alongside Eritrea’s president, Issaias Afwerki, an ageing dictator who locks up dissidents in shipping crates in the desert. When the two leaders met to sign a peace deal in 2018, many hoped their reconciliation would reshape the region. Abiy was liberalising Ethiopia, releasing political prisoners and freeing the press. Some thought Issaias might learn from his new friend. Outsiders rushed to encourage the thaw. The un lifted an arms embargo (imposed because of Eritrea’s support for jihadists in Somalia). Western donors poured in cash. Eritrea’s decades of isolation seemed about to end. “Love is greater than modern weapons like tanks,” declared Abiy on his first visit to Asmara, Eritrea’s capital.The bromance has indeed changed the region, but not in the way many had hoped. It seems that Issaias influenced Abiy, rather than vice versa. Encouraged by Issaias, and emboldened by promises of Eritrean military support, Abiy sent troops into Tigray for what he hoped would be a quick “law enforcement” operation against its rebellious ruling party which had attacked federal bases. The fighting has since turned into a bloody stalemate. Ethiopian and Eritrean troops control the cities and, intermittently, the main roads. Tigrayan rebels control much of the rest. Stuck in the middle are millions of starving civilians. Eritrean troops, sometimes accompanied by those of the Ethiopian government and its militias, are pulling unarmed Tigrayan men from their homes, churches or buses and shooting them. Soldiers are methodically raping Tigrayan women. To cut supplies to the rebels, they are blocking food convoys and preventing farmers from planting crops. Around 4.5m of Tigray’s 6m people need food aid, says the un.The only winner is Issaias. His troops, who died in their tens of thousands in their unsuccessful border war with Ethiopia, are now deep inside their neighbour’s territory. They have massed troops along parts of Ethiopia’s border with Sudan, threatening to inflame a separate dispute between those two countries. More worrying is that Issaias seems to be trying to export his model of despotic rule.He is said to have egged on a power grab by Mohamed Abdullahi Mohamed, Somalia’s president, who has stayed in office despite his term having ended in February. To back his man in Mogadishu, Issaias has trained a Praetorian guard loyal to Mr Mohamed. “Issaias is the Svengali of this affair,” says a foreign diplomat. “He’s been unyielding in pushing a centralised state and bugger having elections.” Western governments are belatedly waking up to the horrors in Tigray. In April the European Union cancelled €100m ($122m) of aid that would have gone to Eritrea. In March it imposed financial sanctions on Eritrea’s intelligence agency. Diplomats say that wider American and eu sanctions may be imposed soon. Few hold out much hope that sanctions will sway Issaias, whose state is already largely cut off from the world. But sanctions, or even a credible threat of them, would provide greater leverage over Abiy, who needs access to export markets and international finance if Ethiopia is to grow quickly enough to quell protests by its young and restless population. Abiy can probably be convinced to ditch Issaias if the costs of their alliance become too high. Donors should therefore press Abiy harder. Without his new ally, Issaias would have less clout in the region. There is not much, alas, that outsiders can do to make him less cruel to his own oppressed people, though neighbours and rich countries can and should grant them asylum if they flee his gulag state. Even if Issaias cannot be persuaded to change his ways, he can be prevented from remaking the Horn of Africa in his own tyrannical image. Source: The Economist The post Eritrea, Africa’s gulag state, is on the march appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu Maanta Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu si rasmi ah u furay shirka madaxda Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa soo if baxday arrin uu horey usii sheegay Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya. Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa qormo uu qoray 17 April 2021 ku sheegay in khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya lagu xallin doono miis uusan fadhin madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasoo u muuqata inay dhab noqon rabto maadaama Maanta Farmaajo laga waayey shirka u furmay Dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada oo go’aan looga gaarayo arrimaha doorashooyinka. “Farmaajo waxaa soo martay Maalin gurbaan taageero loo tumayay, maalin laga dalbado inuu gogol fidiyo si kala guurka looga arrinsado, balse wuu xagal daaciyay,” ayuu ku yiri farriin u muuqatay inuu si toos ah waqtigaas ugu dirayey madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday. Daahir Maxamed Geelle ayaa intaas ku daray “ Waxaa xigay maalin gogasha isaga laga codsan jiray ay beesha caalamka isaga ugu yeerto, waana isaga dhaqaaqay.” Ugu dambeyntii Musharax Geelle ayaa sii saadaaliyey in go’aanka doorashada Soomaaliya xalkeeda la gaari doono iyadoo uusan Farmaajo fadhin miiska wadahadalka. “Waxaa muuqata arrinta Soomaaliya ee miis ku dhammaatada aheyd in ay ku dhammaan doonto miis uu Farmaajo ka maqan yahay.” Shirka maanta u furmay madaxda Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dowladda Dhexe ayaa waxaa durba muuqata in heshiis hordhac ah laga gaaray qaar ka tirsan qodobadii la isku hayey oo ay kamid yihiin: Khilaafka Gobolka Gedo, Amniga Doorashada, kuraasta reer Woqooyiga iyo Guddiga doorashooyinka. Farriinta uu Daahir Maxamed Geelle qoray 17 April 2021 ayaa qorneyd sidan The post Arrin uu saadaaliyey Daahir Geelle inay qabsan doonto Farmaajo oo dhab noqon rabta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho ( Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa si rasmi ah uga furmay shirka arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo ay ka qeyb-galayaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Sidoo kale shirka ayaa billowday isaga oo uu ka maqan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo horey qeyb uga ahaa wada-hadalladii fashilmay ee magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho. Caasimadda Online ayaa ogaatay qodobo gaarayo illaa afar qodob oo si hordhac ah heshiis looga gaaray, si uu shirka usii socdo isla markaasna ay wadahadalada uga bilowdaan meeshii ay markii hore ku istaageyn. Qodobada sida hordhaca ah looga heshiiyey waxaa kamid ah: 1) Guddiyada Doorashada : Ra’iisul wasaare Rooble ayaa balan qaaday in uu kala diro guddiyada doorashada ee lagu muran san yahay , isla markaan uu magacaabo guddi cusub oo lagu kalsoon yahay . 2) Gedo: waxaa muuqato in uu jiro tanaasul, ama maamulka Jubbaland lagu wareejiyo ama ay ku baxdo haddii deegaan doorashada laga dhigo hal magaalo maamul gobaleed kasta 3) Arrinta Somaliland: in guddoomiye Cabdi xaashi iyo mas’uuliyiinta gobalada waqooyi ay go’aan ka soo gaaraan arrinta Somaliland loona madax banaaneeyo . 4) Amniga doorashada: Arrinta kale ee si horu dhac ah xal loogu gaaray waxaa ka mid ah in Amniga doorashada ay la wareegaan Booliiska labada heer ee Federaalka iyo AMISOM The post Qodobo si hordhac ah looga heshiiyey shirka u furmay Rooble iyo Maamul Goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa goor dhow si rasmi ah uga furmay shirka arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo ay ka qeyb-galayaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Arrimaha shirkan diirada lagu saarayo waxaa ka mid ah dhammeystirka heshiiskii 17 September iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ee 2021-ka. Sidoo kale shirka ayaa billowday isaga oo uu ka maqan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo horey qeyb uga ahaa wada-hadalladii fashilmay ee magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho. Waa mid isha lagu wada-hayo waxa kasoo baxi doono shirkani oo xal loogu raadinayo doorashooyinka dalka oo ay isku khilaafeen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Ka hor furitaanka shirka waxay hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay yeesheen kulamo horudhac ah oo ay uga wada-hadlayeen xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Si kastaba wuxuu shirkan ku soo aadayaa, xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay is mar-waaga ka taagan doorashooyinka 2021-ka. The post Shirka doorashooyinka oo furmay iyo MW Farmaajo oo ka maqan + Sawirro appeared first on Caasimada Online.