-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirkii Arimaha Foorashada ee Maanta ayaa dib loo balamay beri oo isniin ah iyadoo la sheegay in ajandayaashii maanta looga dooday si wanaagsan. Qodobada maanta laga wadahadlay waxaa kamid ahaa Hirshabeele oo muran ka taagan yahay Gobolka Hiiraan, waxaa kaloo laga wada hadlay Arimaha Ergada Soomaaliland io iyana wali muran ka taagan yahay. Qodobka Deegaanada Doorashadu ka dhacayso ayaa wali la isku hayaa in Hal Magaalo laga dhigo iyo Laba Magaalo loo daayo. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu ku adkaysanayaa in Deegaan Doorashadu ay noqoto hal Magaalo. Puntlandi.com Muqdisho The post Shirkii maanta oo kusoo idlaadey sidii loo qorsheeyey appeared first on . Source
-
Soomaaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay sheegato Jaamacadaha Soomaaliland, Liis ay soo saartay Wasaarada Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa waxaa ku jira Jaamacada ku yaal Soomaaliland. Wasaarada ayaa Liiskaan ku tilmaantay Liiska Jaamacadaha ay Dowlada Federaalku aqoonsantahay. Wasaarada Tacliinta Sare ee Soomaaliland waxay Liiskaan ku tilmaameen Sheegasho Jaamacado ku yaala Wadamo kale oo ay Muqdisho Sheeganayso. Soomaaliland oo iyagu isu haysta inay yihiin Wadan Madaxbanaan ayaa badanaa ka carooda Kolka ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ula maacaamilaan Soomaaliland si lamia Maamulada kale ee Dalka . Puntlandi.com Muqdisho The post Soomaaliland oo ka carootay Liiska Jaamacadaha Soomaaliya appeared first on . Source
-
Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo rogtay amar hor leh oo ku saabsan Xajka sanadkan 2021-ka. Waxay sheegtay in 60,000 oo qof oo keliya loo oggolaan doono inay ka qeyb galaan Xajka sanadkan. Dadka doonaya inay xajiyaan ayaa qasab looga dhigay inay qaataan tallaalka looga hortagayo xanuunka Coronavirus iyadoo dhanka kalena la xaddiday da’da. Si aan wax badan uga ogaanno shuruudaha Xajka sanadkan ee ay soo rogtay boqortooyada Sacuudiga Source
-
Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay go’aan kasoo baxay DF
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay tallaabo ay dhawaan qaaday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, oo ay ku shaacisay liis 41 jaamacadood oo ay aqoonsatay, kuwaasi oo ay ku jireen jaamacado ku yaala gudaha Somaliland. Guddiga Tacsliinta Sare ee Soomaliland oo kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadlay arrintaas oo ay sheegen inaysan jirin wax ka khuseeya wasaaradda waxbarashada Soomaaliya jaamacadaha Somaliland. Saleebaan Dirir Cabdi, Guddoomiyaha Guddiga Tacsliinta Sare ee Soomaliland ayaa sheegay in Shan Jaamacadood oo ku yaal degaannada Somaliland ay dowladda Soomaaliya ku dartay Jaamacadaha ay aqoonsan tahay. Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan Soomaaliya qiimeyn ku sameyn karin jaamacado ku yaala Somaliland, islamarkaana ay xukuumada Somaliland la xisaabtameyso jaamacadahee oo cid kale u daba fadhiisaneyn. Waxa uu tallaabadaas ku macneeyay in hadalka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya uu lamid yahay midkii hadalkii ahaa in Hawada ay xukunto dowladda Soomaaliya. Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa dhawaan soo saaray liis ay ku shaacineyso 41 jaamacadood oo ay aqoonsan tahay wasaaraddu. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in jaamacadahaas oo kamid ah kuwa dalka ka jira ay kasoo gudbeen wajiga 1-aad ee qiimeeyntii uu guddiga ku sameeyey jaamacadaha dalka ee ka diiwaan-gashnaa Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo tacliinta sare. “Jaamacadaha aan ku jirin liiskaan waxeey heli doonaan fursad labaad oo ay ku soo buuxiyaan dhaliilahooda. Guddiga ayaana sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiri doono jaamacad walba oo martay qiimeeyntaas,” ayaa lagu yiri qoraalka. Jaamacadaha ay wasaaradu soo bandhigtay ayaa waxaa ka dhex muuqday jaamacadaha Camuud iyo Eelo oo ku yaala Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal. The post Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay go’aan kasoo baxay DF appeared first on Caasimada Online. -
Hoos ka daawo The post Daawo Madaxweyne Saciid Deni oo Shacabka la hadlay appeared first on . Source
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's leaders met for the second day in an attempt to find a solution to the nation's debilitating electoral crisis. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal kasoo saaray Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo maanta galay maalintii labaad. Shirka oo uu maanta shir-guddoominayay ra’iisal wasaare Rooble ayaa waxaa laga sameeyay horumar wanaagsan, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha dalka, Maxamed Xuseen Rooble. “Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxa qoraalka xafiiska ra’iisal wasaaraha lagu sheegay in shirka maanta uu kusoo dhamaaday rajo iyo iyo yididiilo wanaagsan, waxayna falan-qeynta qoddobada dhiman sii socon doonaan ilaa maalinta berri ah. Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Shirka doorashada ayaa ka gedisan kuwii hore, waxaana ka maqan madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday oo qaar kamid ah madax goboleedyadu ay ku eedeyen fashilka shirarkii hore, waxana sareysa rejada laga qabo in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada ee mudada badan soo jiitamay. The post Xafiiska Rooble oo ka warbixiyey natiijada shirkii maanta ee doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha ee ka socda saddex degmo oo ka tirsan Puntland. Madaxweyne Deni, ayaa guddiga KMG doorashooyinka Puntland ku bogaadiyay barnaamijka diiwan-gelinta codbixiyaasha saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, halkaas oo dhowaan laga qaban doono doorashooyin tijaabo ah oo ku salaysan qof iyo cod. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’antahay, hirgelinta hannaanka xisbiyada badan si shacabka Puntland loo gaarsiiyo in ay codkooda wax ku doortaan, waxaana uu ku baaqay in dhammaan laga wada-shaqeeyo taabba-gelinta barnaamijkaas. Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa hambalyo u jeediyay dhammaan ardayda Reer Puntland ee Sabtidii shalay u fariistay imtixaanka Shahaadiga ah, isagoo mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada ku bogaadiyay habsami u-socodka Imtixaanaadka. Halkaan ka daawo hadalka madaxweynaha oo dhan PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo bogaadiyay barnaamijka xisbiyada badan ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Ma taqaanaa dalka weli dadka madow loogu yeedho addoon? Reem Khougli iyo Issam Abdulraheem Waraaqehena taxana ah ee ay qoreen weriyaasha Afrikaanka ah, waxaan toddobaadkan ku soo qaadaneynaa qormada Zeinab Mohammed Salih oo ku saabsan midab takoorka ay la kulmaan dadka madow ee Sudan. Digniin: Qormadan waxaa ku jira erayo la dhibsan karo Iyadoo ay dunida ka socdaan dibadbaxyo kala duwan oo looga soo horjeedo midab-takoorka kaddib dilkii George Floyd hase yeeshee Suudan waxay u muuqataa iney ku taallo duni kale. Hashatagii baraha bulshada qabsaday ee #BlackLivesMatter, Suudaan aad loogama hadal hayn; badalkii taasna waxay ku mashquulsanaayeen arrin barahooda bulshada qabsatay oo ku saabsanyd midab takoor lagula kacay cayaarhan caan ah kubadda cagta dheela oo lagu magacaabo Issam Abdulraheem, oo ah madow. Issam ayaa waxa uu guursaday Reem Khougli, oo ah gabadh Carab ah waxaana baraha bulshada lagu baahiyay qoraalkan. “Xaqiiqatan waa xaaraam in boqorad uu guursado addoon,” nin ka mid ah dadka isticmaala Facebook ayaa sidaasi qoray kaddib markii uu arkay sawirka lammaanaha. Tebintii tooska ahayd ee Facebook ee toddobo baxoodi Tobanaan falcelino oo la mid ah kuwaasi ayaa qabsaday barta Faceebook ee ay bulshada ku wada xiriirto, layaab malahan sababtoo dadka reer Suudaan waxay isu arkaan iney Carab yihiin badalkii Afrikaanimada. Erayga “addoon” waxaa lagu qeexaa dadka madow. Suudaan waxaa u badan dadka midabka furan oo ku hadla luuqadda Carabiga ah, halka daka madow ee Afrikaanka ah ee deggan koonfurta iyo galbeeddka dalka ay la kulmaan mida-takoor iyo faquuq. Waxaa caan ka ah dalkaasi in wargeysayada lagu daabaco erayo takoor xambaarsan oo uu ka mid yahay erayga “addoon” Qarnigii 19-naad Suudan waxay ka mid ahayd goobihii ugu ugu darnaa ee ka jiray ganacsiga addoomada Dadka madow ee yar Dhacdo kale oo dhacday dhowaan ayaa iyadana ku saleysnayd midabtakoor oo madaxa Ururka Udooda Xuquuqda dumarka ayaa ka falcelisay sawir muujinaya nin madow ah iyo xaskiisa oo reer Yurub ah. Waxay tiri labadaan qof waxay kala yihiin sida farqiga u dhaxeeya bini’aadan iyo daanyeer. Suudaan midabtakoorka waxa uu ka yahay caan, xilliyadii gumeysiga iyo tan iyo markii ay xurnimadii kaaqatayba. Xitaa dowladda gudeheeda waxaa ka jira midabtakoor ba’an oo jagooyinka sar-sare waxaa ka buuxa Carabta waqooyiga dalka degta iyo qomiyadda Nubian-ka. Dhammaan saraakisha sarsare ee milatariga waxaa haysta qowmiyadahaasi, sidoo kale waxay awood ku leeyihiin waaxda ganacsiga. Ganacsiyadii addoonsiga ee Suudaan Midabtakoorka Suudaan waxaa uu la bilwoday aasaaskii khartuum ee 1821-kii, xiligaas oo ay magaalada ahayd suuqa kala iibsiga addoomada. Al-Zubair Pasha Rahma was a powerful slave trader Ilaa haatan ganacsadayaashii addoomada weli waa laga ixtiraamaa Suudaan oo waxa jirta waddo ku taalla bartamaha magaalada oo lagu magacdary al-Zubair Pasha Rahma oo qarnigii 19-naad caan ku ahaa ganacsiga addoomada. Ganacsiga addomaha waxaa meesha laga saaray 1924-kii balse go’aankaasi waxaa ka soo horjeestay hogaamiyashi Carabta ee xilligaasi waxaa ka mid ahaa Abdelrahman al-Mahdi iyo Ali al-Mirghani, oo ay dad badani aaminsan yihiin iney addoomo badan uga shaqeynayeen dhulkii ay ku lahaayeen agagaarka webiga Niil. The superiority complex of many Arabs lies at the heart of some of the worst conflicts in Sudan” Zeinab Mohammed Salih Sudanese journalist Laba cilmi baarayaal oo reer Suudan oo lagu kala magacaabo Sulimen Baldo iyo Ushari Mahoumd ayaa 1987-dii shaaca ka qaaday cadeymo muujinaya in qaar ka mid ah kooxaha waqooyiga Suudaan oo adoonsanaya dadka madow ee koonfurta. Waxay shegeen in kooxahaasi ay hubeynayeen milatariga Sadiq al-Mahdi. Sadiq al-Mahdi Addoonsigii qarnigii 21-aad ee Suudan Tan iyo xornimadii Suudaan, waxaa dalkaasi hareeyay dagaallo ay horseedeen aragtiyadii xubna ka tirsan Carabta Suudaan oo isku arkayay iney ka wanaagsan yihiin dadka madow. Weerarrada gumeysiga koonfurta ee la soo werinayay ayaa socday tan iyo dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee 2005-tii. Haweenkii iyo caruurtii ee ay afduubteen kooxihii Carabta si ay ugu shaqeeyaan ayaanan weli xornimadoodii helin oo aan dib u arakin qoysaskoodii. Dhanka kale tan iyo markii uu bilowday dagaalkii Darfur horraantii 2000 maleeshiyadii Carabta Janjaweed ee taabacsanayd dowladda ayaa lagu soo eedeyay iney dil iyo kufsi u geysteen dadka madow. Mass atrocities have been carried out in Darfur Isbadalkii 2019-kii ayaa waxaa lagu soo dhisay dowlad ku meel gaar ah kaddib markii ay meesha ka baxday dowladdii Cumar Xasan Al-bashiir hase yeeshee ilaa haatan ma cadda hab wax looga qabanayo midab-takoorka ka jira dalka Suudaan. Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inaysan wax isbeddel ah ku iman ballan-qaadkiisa ku aadan amniga Israel, hase yeeshee waxa uu ku adkeystay in xal laba-dal ah, oo uu ku jiro dal ay Falastiin leedahay uu yahay “jawaabta kaliya” ee dagaalkan. Biden ayaa ka hadlay Aqalka Cad kadib markii heshiis xabad-joojin ah ay gaareen Xamas iyo Israel, kaasi oo ka dambeeyey 11 maalmood oo ah dagaal ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof, oo badankood ahaa shacab Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa Gaza. Biden ayaa hoos u dhigay fikradaha la xiriira in dagaalkii Gaza uu khilaaf ka dhex-abuuray Xisbiga Dimoqraadiga, kadib markii tobaneeyo ka mid ah ay Biden ku khilaafeen wax ay ugu yeereen “diblomasiyad jilicsan” oo ka dhan ah Israel oo ay xulufo yihiin, kadib markii uu si shaacsan u dalbaday xabad-joojin. “Xisbigeyga weli wuxuu taageeraa Israel,” ayuu yiri Biden. “Aan kala caddeeyo arrintaas, illaa gobolka uu si cad u garowsado xaqa ay Israel u leedahay inay u jirto dal madxa-banaan oo Yahuud ah, nabad ma jiri doonto,” ayuu ku daray. Xabad-joojinta Gaza ayaa waxaa ka shaqeeyey Masar kadib markii Mareykanka ay ku cadaadiyeen Israel inay qaboojiso ololaheeda Gaza. Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan booqdo gobolka “si uu uga xaajoodo dadaalla da dib usoo kabashada iyo wada-shaqeyn ku aadan mustaqbal u wada wanaagsan Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.” AP + VOA The post Ma is-bedeshay siyaasaddii Joe Biden ee ku wajahneyd Israel kadib dagaalkii Gaza? appeared first on Caasimada Online.
-
Shirka xallinta muranka arrimaha doorashooyinka ,oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, ayaa maalintii labaad ku soo idlaaday xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa ku saabsan dhammaystirka heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September, si loo xalliyo tabashooyin ka soo noqday hirgelinta heshiiskaas, islamarkaana doorashooyinka loo qabto. Waxa shir-guddoomiyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qayb-galay madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir. Dhinacyada shirsan ayaa goor dhowayd shaaciyay in shirku si wanaagsan ku soo idlaaday, balse faahfaahin kama bixin ajandaha maanta looga hadlay shirka. Wararka qaar ayaa sheegaya, in arrinta la xiriirta kuraasta Somaliland ay ahayd ajandaha ugu muhiimsan ee maanta looga dooday shirka, haddana aan weli is-faham laga gaarin. PUNTLAND POST The post Shirkii Muqdisho oo maalintii labaad soo idlaaday appeared first on Puntland Post.
-
Abdisamad Ali Shire passed away in Mogadishu. Garowe (PP News Desk) — The former Puntland Vice Abdisamad Ali Shire was laid to rest in Garowe. Abdisamad passed away in Mogadishu, where he was undergoing treatment. Abdisamad was elected a Vice President in 2009 to serve under President Abdirahman Mohamud Farole. Before 1991 Abdisamad was a career soldier, who had been promoted to the rank of brigadier general in the Somali National Army. President Mohamed Abdullahi Mohamed has sent a message of condolence to the family of the late Abdisamad Ali Shire. Puntland President Said Abdullahi Deni paid a tribute to the late Puntland Vice President whom he described as hardworking, loyal and peacemaker. Abdisamad was living in Hargeisa before he had fallen ill. The President of the Federal Republic of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed sent a message of condolence to the family of the late Abdisamad Ali Shire. © Puntland Post, 2021 The post Former Puntland Vice President Laid to Rest appeared first on Puntland Post.
-
Makkah (Caasimadda Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadashay xajka sanadkaan iyo qaabka uu noqon doono, iyadoo soo rogtay amaro hor leh oo ku saabsan xajka sanadkaan 2021. Dowladda Sacuudiga ayaa ugu horeyn sheegtay in sanadkaan xajka loo ogolaan doono illaa 60,000 oo qof oo 10 kun oo kamid ah ay ka xajin doonaan gudaha Sacuudiga, halka 50-ka kun ee kale ay ka imaan doonaan wadamada Adduunka. Dowladda Sacuudiga weli ma aysan caddeyn sida dowladaha Caalamka loogu qeybinayo tirada 50-ka kun ee la ogolaaday inay banaanka kasoo xajiyaan, balse waxay dowladda Sacuudiga sheegtay in arrintan ay wada-hadal ka yeelanayaan Wasaaradaha Xajka iyo Caafimaadka ee Sacuudiga iyo wadamada loo ogolaan doono in laga soo xajiyo. Dadka doonaya inay xajiyaan sanadkaan ayaa qasab looga dhigay inay qaataan tallaalka looga hortagayo xanuunka Coronavirus iyadoo si gaar ah loo ansixiyey illaa 4 nooc oo talaalka COVID19 ah oo ay aqoonsan tahay Sacuudiga iyo Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO. Qofka doonayo inuu sanadkaan soo guto waajibaadka xajka ayaa sidoo kala waxaa laga rabaa inuu qaato labada qeybood ee talaalka, sidoo kalana uu la yimaado baaritaan muujinayo inuusan qabin cudurkaan, mana la aqbali doono haddii uu baaritaankiisa kasoo wareego wax ka badan 70 saac ka hor inta uusan sacuudiga Imaan, waxaana xusid mudan in karantiil 3 maalin ah la gelin doono marka uu qofka yimaado Sacuudiga. Sidoo kale Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in dadka loo ogol yahay xajka sanadkaan ay da’dooda u dhaxeyn doonto 15-60 sano jir, waxaana taas sabab looga dhigay in dadka ka weyn 60 jir ay u nugul yihiin qaadista iyo halista cudurka Corona Virus. Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa sheegtay inay diyaarisay qaabab loo xajinayo si looga fogaado halista cudurka Covid19, waxaana dadka la dajin doonaa Hoteelo si gaar ah looga diyaariyey iyo gawaari gaar ah oo u daabuli doono Carafo, Musdalifa iyo Mina. Sanadkii 2020, boqortooyada ayaa si weyn hoos ugu dhigtay tirada xujaajta loo oggol yahay inay xajka tagaan, waxaana sanadkii hore la ogolaaday illaa 1,000 muwaaddin oo Sacuudi ah iyo dadka deggan boqortooyada. The post Sacuudi oo go’aan rasmi ah kasoo saartay Xajka sanadkan appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa la kulmay madaxa Amisom ahna wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha midowga Afrika Ambassador, Francisco Madeira oo ay wehliyaan saraakiisha sarsare ee howlgalka AMISOM. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Booliska ayaa lagu sheegay in Gen. Xijaar masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sida amniga loo sugi lahaa. Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli uu Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale uu sheegay in dowladda Federaalka diyaarisay qorshaha lagu sugayo amniga doorashada dalka. Wasiir Xundubey ayaa tilmaamay in ay haatan sugayaan oo kaliya in Shirka Madaxda DF iyo maamul goboleedyada dalka uga socda Muqdisho heshiis lagu gaaro la iskuna raaco fulinta qorshaha amniga. PUNTLAND POST The post Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo la kulmay madaxa AMISOM appeared first on Puntland Post.