-
Content Count
211,154 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sida ay ogaatay Goobjoog News waxaa dib u dhacay furitaanka Shirka Doorashada ee Afisyooni iyada oo lagu wado in la bilaabo Axadda 23-ka bishan. Haddaba, Halkan ka Akhriso, 5 qodob oo ku cusub:, 1. Caawa, ra’isul wasaare Maxamed Rooble waxaa uu mar kale Decale Hotel casho iyo shir kala war qaadasho ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada. Madaxweynaha Deni ayaa ku cusub halka madaxda kale u tahay habeenkii 2-aad. 2. Madaxweynaha Hirshabeelle Guudlaawe waxaa uu iman doonaa berri oo sabti ah. 3. Shirka Afrisyooni waxaa uu si rasmi ah u furmi doonaa Axadda 23-ka May 2021-ka. 4. Waxaa kale oo heshiis laga gaaray ajendaha shirka oo ay ku jiraan arrinta Gedo, Somalinad iyo guddiyada. 5. 100% waxay u badan tahay in aanu iman Farmaajo kadib markii loo arkay caqabad ka dhan ah horumarka wada hadallada. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah shacabka caasimadda. Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho kaga Qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka. Source: goobjoog.com
-
Gudoomiyihii Deegaanka Garasbaaleey, C/raxmaan Axmad Cali Garyare iyo 2 ka mida Illaaladiisa ayaa lagu dilay Qarax Miino, xilli ay Masjid Deegaankaasi ku yaala ka soo baxeen Salaadii Jimce. Kooxaha Argagixisadda ayaa inta badan ku beegsada Masaajidada dadka cibaadaysanaya, taasoo ah ficil ka fog Diinteenka Suuban. Sarkaal u hadlay Booliska ayaa u sheegay Radio Muqdisho inay wadaan baaritaano dheeiya, si loo helo raadad suurtagalin kara in la soo qabto dhagarqabayaasha Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU -- At least three people were killed on Friday in a roadside blast in the Garasbaley neighborhood on the outskirts of Somalia's capital Mogadishu, police officials and witnesses said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ehelada gabadh yar oo dhawaan la sheegay inay geeriyootay xili ay iskaga duubeysay muuqaal aalada loo yaqaan TikTok ayaa beeniyey inay gabadhoodu ay isku fakisay bistoolada ay ku jirtay xabad, ayada oo arrintaasi si weyn ugu baahday baraha bulshada. Ehelada marxuumada Rumaan Cabdulqaadir Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkaas uu ahaa dil, waxayna beeniyeen wararka ku baahay baraha bulshada ee lagu sheegay inay gabadha yar isku-fakisay bastooladu ayada oo ku gudo jirta duubista muuqaalkaas. “Gabadha waa la dilay, si foolxun ayaa loo dilay, gacan ka xaq-daran ayaa dishay” ayey tiri Haweeney kamid ah ehelka marxuumad Rumaan. “Qof miyaa gadaal iska dili karo?. Meesha ay tinta ka duuban tahay ayey kasoo gashay, waxayna ka baxday goofanaha, markaa miyaa la is dhihi karaa cunugteyda ayadaa is-dishay, waa la dilay cunugteyda,” ayey tiri ayeeyada gabadha geeriyootay. Ehelada ayaa sidoo kale sheegay in dilkaas uu geystay Nin aysan magacaabin, ayaga oo ka dhawaajiyey in eheladiisa iyo ehelka gabadha ay heshiis ka gaareen dilkaas, kadib markii ay labada dhinac kulan wada qaateen, sida ay sheegen. Si kastaba, Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay dhacdadaas, waxayna sheegeen iney baaris ku hayaan kiiska gabadhaas daganeyd degmada Yaaqshiid, taas oo u geeriyootay xabad ku dhacday. Shalay oo ay taariikhdu aheyd 19/05/2021 Abaaro 16:58 Galabnimo, waxaa Xarunta Hoggaanka Baarista Dembiyada la keenay meydka Marxuumad Rumaan Cabdulqaadir Maxamuud, Inna faadumo Cabdulqadir Axmed 14jir ahyd ku Dhalatay Xamar Degeneyd Degmada Yaaqshiid taasoo ay ku dhacday rasaas Bastooladeed degmada Yaaqshiid gaar ahaan Xaafada Suuq-Bacaad,” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Booliska maalinkii Khamiista. “Ehelada Marxumada ayaa u sheegay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, in aysan jirin wax rasaas ah oo ay isku fakisay. Balse, lagu fakiyay. Sidaas daraadeed, Hoggaanka Baarista Dembiyada ayaa baaraya arrinta iyo sida ay u dhacday, natiijadana Ummadda iyo ehelkeeda ayaan la wadaagidoono.” Dhacdada gabadhaan yar ayaa si weyn u qabsatay saacadihii u dambeeyay baraha bulshada ayada oo siyaabo kala duwan uga hadleen dadweynaha, maadama ay tahay arrin ugu ku ah geyiga Soomaalida. The post Rumaan Cabdulqaadir: Xabadda ma ayadaa isku dhufatay mise waa la dilay? Ddaawo) appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (Xinhua) -- Violent attacks on humanitarian workers operating in Somalia decreased in the first three months compared to a similar period last year, the United Nations humanitarian agency said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
QARANJOOG ILAA QURBEJOOG: Cabdillaahi Saleebaan Bidde| Qaybta 1aad| KULANKA GORFAYNTA Waa wareysi taxane ah, oo soo bandhigaya geeddigii nololeed ee Cabdillaahi Saleebaan Bidde, noloshiisii hore, tii dhexe iyo tii danbe oo nolosha qurbuhu ugu ballaadhan tahay. Waa maansoyahan, siyaasi, odey dhaqameed, aqoonyahan iyo taariikh ururiye. Waxa uu soo maray nolol koobsanaysa: xil dawladeed oo uu soo qabtay, xadhig iyo xaalad jabhadayn ah. Wareysigan oo qayb ka ah barnaamijka KULANKA GORFAYNTA, oo uu saare ka yahay Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare”, qaybtiisa koowaad waxaad ku daawan doontaan noloshii hore ee Cabdilaahi Saleebaan, halkii uu ku dhashay ee uu ku barbaaray iyo taxanihii waxbarashadiisa. QARANJOOG ILAA QURBEJOOG: Cabdillaahi Saleebaan Bidde| Qaybta 1aad| KULANKA GORFAYNTA – YouTube Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo QM ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay ka xun yihiin diidmada dowladda federaalka ee ka dhanka ah ergeygii uu Midowga Afrika John usoo magacaabay xal u helista is-mari waaga doorashada Soomaaliya, John Mahama. Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ayaa warqad uu u qoray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika xalay uga laabtay aqabalaaddiisii aheyd inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee xal u helidda is-mari waaga doorashada Soomaaliya, isaga oo sababta ku sheegay diidmada dowladda federaalka. “Waxaan si qoto dheer uga xunnahay go’aanka ay hoggaanka dowladda federaalka ku diideen wakiilka sare ee Midowga Afrika ee Soomaaliya; waxaana hoosta ka xariiqeynaa kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaato sare u qaadidda nabadda iyo ammaanka Soomaaliya, oo ay ku jirto tabarucaadda weyn ee Amisom,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo QM. Dowladda federaalka ayaa sababta ay ku diiday magacaabistiisa Mahama ku sheegtay inuu xiriir dhow la leeyahay dowladda Kenya, oo ay kala dhaxeyso xiisad siyaasadeed. Mahama ayaa warqadda uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ku sheegay in muhiimadda siyaasadeed ee sare ee shaqada loo igmaday ay u baahan tahay in ergeyga uu helo taageerada buuxda iyo wada-shaqeynta dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya. Mahama waxa uu intaas ku daray in taageero la’aanta dowladda federaalka Soomaaliya ay halis gelin karto hanaanka oo idil, islamarkaana waxyeeleyn karto rajada dunida ay dhan ay ka qabto inuu nabad kusoo dabaalo Soomaaliya. The post Beesha Caalamka oo war kasoo saartay go’aanka ay DF ku diiday John Mahama appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd ka duulay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe, iyagoo ku sii jeeda magaalada Muqdisho. Madaxweyne Deni ayaa ka qeyb-galaya shirka wadatashiga arramaha doorashooyinka Soomaaliya oo sida la filayo maalin berri ah ka furmaya Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho. Shirka Muqdisho waxaa saldhig u ah heshiiskii 17 September 2020 ee arrimaha doorashada, waxaana horey ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble, kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey u sheegay in ay ka go’an tahay wax kasta oo horseedi kara in uu guuleysto shirka doorashada. Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Garowe: Madaxweyne Deni oo u ambabaxay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Amiir ka tirsan Qoyska Boqortooyada UK oo BBC-da Eed Culus Tunka u saaray Amiirad Diana (Bidix) iyo weriye Martin Bashir (Midig) Amiir William-ka qoyska Boqortooyada UK ayaa BBC-da ku eedeeyay inay ku guul darreysatay wareysigii ay la yeelatay hooyadii kaas oo uga sii daray xaaladdeeda isla markaana sii xumeeyay xiriirka labadiisa waalid. Kaddib baaritaan la sameeyay oo lagu ogaaday in BBC-du aysan hannaan sax ah u marin hellitaanka wareysigaas, ayaa Amiir William waxa uu sheegay in “waxa ugu badan ee murjiyay” ay tahya in Diana aysan weligeed ogaan in la khiyaanay. Wuxuu sheegay in hooyadii uusan keliya u gefin “weriye aa daacad ahayn” balse ay sidoo kale ku khaldameen madaxda BBC. Dhanka kale walaalkii, Amiir Harry ayaa “dhaqamada qaar ee xun ee warbaahinta” ku eedeeyay dhimashada hooyadiis. Wuxuu walaac ka muujiyay in dhaqamadaas ay “weli ka jiraan dunida”. “Hooyadeen waxay nolosheeda ku weyday arrintan, waxna isma baddelin. Annagoo ilaalineyna waxa laga dhaxlay, waxaan ilaalineynaa qof walba, waxaana ku taagneynaa sharaftii ay ku nooleyd,” ayuu yiri. BBC-da ayaa raalligelin siisay Amiir William iyo Amiir Harry, aabbahood Charles iyo Diana walaalkeed Earl Spencer. “Arintan ma khuseyso oo keliya Martin Bashir, balse waxay ku saabsan tahay dhammaan BBC-da, oo uu u maleynayo inay gebi ahaanba ku guul darreysatay inay baarto arrinta ayna daah saartay arrimo aysan jecleysan,” ayuu yiri Jonny Dymond oo ah weriyaha BBC ee arrimaha qoyska Boqortooyada. Baaritaanka oo uu sameeyay garsooraha howlgabka noqday Lord Dyson, ayaa lagu ogaaday in weriyihii wareysiga qaaday ee Martin Bashir uu u dhaqmay qaab “khiyaano” ah uuna been abuur ku sameeyay waraaqihii uu ku helay oggolaanshaha wareysiga. Baaritaanka gudaha ee ay BBC-du sanadkii 1996 ku sameysay cabashooyinkii ku saabsanaa wixii dhacay ayaa ahaa “mid aan waxtar lahayn”, sida lagu sheegay baaritaanka. Amiir William ayaa yiri wareysiga “wuxuu qeyb weyn ka qaatay in xiriirka waaliddiinteyda uu sii xumaado,” isagoo intaas ku daray “wuxuu kaddib dhaawacay dad aan xisaab lahayn”. “Balse waxa murugada ugu badan igu beeray, waa haddii ay BBC-du si fiican u baari lahayd cabashooyinkii sanadkii 1995, hooyadey way ogaan lahayd in la khiyaamay,” ayuu yiri. Lord Dyson ayaa ogaaday in Bashir uu Earl Spencer ku khiyaanay inuu baro walaashii Diana isagoo tusiyay waraaqaha bankiga oo been abuur ah kuwaas oo sheegaya in shakhsiyaad lacag lagu siiyay inay ilaalo ka hayaan amiiradda. Amiir William ayaa sheegay in aragti ahaan uu qabo in habka khiyaanada leh ee wareysiga lagu helay “uu saameyn ku yeeshay waxa ay hooyadey tiri” iyadoo u jawaabeysa Bashir. Wuxuu sheegay in barnaamijka Panorama “uusan habbooneyn” isla markaana aysan ahayn in mar dambe la sii daayo. Amiir William (dhexda) iyo Harry (midig) carruur ayay ahaayeen markii la baahiyay wareysigii BBC-da Bashir ayaa sheegay in “arin nacasnimo ah” ay ahayd waxa uu sameeyay isla markaana uu ka shallaynayo, balse wuxuu sheegay inaysan wax saameyn ah ku lahayn go’aanka ay Diana ku aqbashay in la wareysto. BBC-da ayaa sanadkii la soo dhaafay dalbatay baaritaanka madaxa bannaan, kaddib markii Earl Spencer uu soo jeediyay eedeymo ku saabsan qaabka loo helay wareysiga. Wareysigii Bashir uu la yeeshay Amiirad Diana ee lagu soo qaatay barnamaijkii gaarka ahaa ee Panorama ayaa wax weyn u ahaa BBC. Wareysiga waxay amiirada ku tiri: “Saddex qof ayaynu ku nahay guurka,” – iyadoo ula jeedda xiriirkii seygeeda kala dhaxeeyay Camilla Parker Bowles. Waa markii ugu horreysay ee qof boqortooyada ka tirsan uu si furfuran uga hadlo noolosha Qoyska Boqortooyada – dadka daawaday wareysiga ayaa ka hadlay guurkeeda aan farxadda ku dheehneyn ee Amiir Charles, arrimahooda, iyo xaaladdeedii caafimaad ee maskaxda. Bashir, oo 58 sano jir ah, waa mid ka mid ah weriyeyaasha ugu caansan UK, wuxuuna sidoo kale aad ugu soo caan baxay wareysigii uu sanadkii 2003 la yeeshay heesaagii Michael Jackson. Toddobaadkii la soo dhaafay ayuu BBC-da isaga tegay, isagoo u aaneeyay sababo dhanka caafimaadka ah. Wuxuu ahaa wakiil-wareedka arrimaha diinta ee BBC-da iyo tifaftire tan iyo sanakdii 2016. Qaran News
-
Magaalada Garowe waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo shalay ku geeriyooday Muqdisho. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu soo noqday Garowe, ku xigeenkiisa Axmed Kaarasha, goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, culimo iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada Garowe ayaa ka qeybgalay salaadii janaasada marxuumka oo lagula tukaday garoonka diyaaradaha Garowe. Madaxweynaha Puntland ayaa mar kale uga tacsiyeeyay bulshada Puntland iyo guud ahaan shacab weynaha Soomaaliya geerida Gen. Cabdisamad Cali Shire, si gaar ah wuxuu madaxweynuhu ugu tacsiyeeyay ehelka iyo qoyska marxuumka. Marxuumka Cabdisamad Cali Shire ayaa xilal kala duwan Puntland ka soo qabtay, isagoo soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland (8 January 2009- 8 January 2014), xiligana wuxuu kamid ahaa guddiga dib u habeynta ciidamada Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenkii hore Puntland oo aas qaran loogu sameeyay Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii deegaanka Garasbaaley, Cabdiraxmaan Garyare ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay qarax lala beegsaday gaarigiisa, xili uu ku sugna deegaankaas oo ah duleedka Muqdisho. Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday laba kamid ah ilaaladiisa oo xiliga uu qaraxu haleelay gaarigiisa la socday guddoomiye Garyare Allaha unaxariiste. Gudoomiye Cabdiraxmaan Garyare AUN ayaa kasoo baxay Salaadda Jimcaha oo bulshada deegaanka uu kula tukaday Masjid ku yaala deegaanka Garas-baaley. Garyare ayaa kaalin mug leh kasoo qaatay dhismaha deegaanka Garasbaaleey oo kamid ahaa aasaasayaasha deegaanka, wuxuuna gudoomiye ka ahaa Garasbaaley sanado badan. Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaas, hase yeeshe inta badan waxa qaraxyada noocaan ah fuliya kooxda Al-Shabaab oo ayadu dagaal adag kula jirta mas’uuliyiinta dowladda. Afar bil ka hor unbey aheyd markii sidan oo kale ay ku dhinteen qaraxa lagula eegtay Garasbaaley Gudoomiye ku-xigeenkiisa iyo gudoomiyihii dhalinyarada ee deegaankaas. The post Gudoomiyihii deegaanka Garasbaaley iyo dhowr qof oo kale oo qarax lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
-
Marxuum, Garyare Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaley ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare iyo labo kamid ahaa ilaaladiisa ayaa qarax ku dhintay. Guddoomiye Garyare iyo ilaaladiisa ayaa lala eegtay qarax Miino xilli ay ka soo baxeen masjid ay ku tukadeen salaada Jimcaha ee maanta. Deegaankan Garasbaaley ayaa in dhawaale kamid ahayd meelaha ugu badan gobolka Banaadir ee qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ka dhacaan. Weli ma jirto cid ka hadashay qaraxa lagu dilay Guddoomiye Garyare iyo ilaaladiisa. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay Muqdisho iyo mas’uul ku dhintay appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimadda Online) – Booliiska Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa howlgal saacado badan qaatay ka sameeyay Xaafadda Hanti-wadaag Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe dhanka kalena ah Caasimadda Dowlad-Goboleedkaas. Sida la xaqiijiyey howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ku socday waxay ciidamada Booliska si gaar ah kaga sameeyeen deegaanada ku xeeran goobihii Maalmo ka hor dagaalka uu ka dhacay, Waxaana lagu soo qabtay rag la tuhmayo in ay ka tirsan yihiin maleeshiyadii macawisleyda oo magaalada ku dhuumaaleysanayay. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka howlgalkooda ay ku baareen qaar kamid ah Guryaha qaar, halka ay goob isugu geeyeen Dad ay ku tuhmayaan in ay ka qaybgaleen dagaal Arbacadii dhexmaray Hay’adaha amniga & Koox macawuusley ah. Saraakiisha holwlgalka hoggaamineysa ayaa ciidamada ammaanka fartay in ay gacan adag kusoo dhigaan shaqsiyaadka hubka sharci darrada ah ku dhex heysta Magaalada Jowhar si markale uusan u dhicin iska hor imaad sababa khasaare kala duwan. Magaalada Jowhar ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dagaal khasaare geystay oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Hirshabeelle iyo Maleeshiyaad degaanka ah oo kasoo horjeedda maamulka qof ay xireen, waxaana dagaalka ku dhintay qaars ka tirsan ilaalada madaxweyne Cali Guudlaawe iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada. The post Howlgal lagu soo qabtay qaar ka tirsan macawiisleyda oo laga sameeyey Jowhar appeared first on Caasimada Online.
-
Gaza (Caasimada Online) – Dabaaldegyo ballaaran oo lama filaan ah ayaa ku faafay Marinka Qaza, Daanta Galbeed iyo gudaha Falastiin iyadoo la dhaqan gelinayo xabad joojinta u dhaxeysa Israa’iil iyo kooxaha wax iska caabinta Falastiin, waxayna dadka dabaaldegaya muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin guusha ay iska caabbintu ka gaareen Ciidamada Israa’iil oo adeegsanayo hubkii ugu casrisanaa Adduunyada. Weriyaha Al-Jazeera ee Gaza, Wael Al-Dahdouh, ayaa sheegay in jidadka Marinka Gaza ay buux dhaafiyeen dadweyne aad u fara badan oo u soo baxay dabaaldegga dhammaadka dagaalka Israa’iil ee Marinka, waxaana guud ahaan dhulka Falastiin laga maqlayaa dhawaqa rasaasta oo ah mid loogu mashxaradayo xabad joojinta ay ku qasbanaatay Israa’iil. Dhammaan jidadka ayey dadweynaha isku soo baxay ka taageyn Calanka Falastiin, midka Dhaqdhaqaaqa Wax-iska-caabbinta Islaamiga (Xamaas) iyo kooxaha kale ee iska caabinta, waxaana dhammaan masaajida laga bilaabay Takbiirta iyadoo la adeegsanayo cod baahiyaal laga maqlayo meelo fog fog. Sidoo kale waxaa cod baahiyaal laga daaray heyso lagu baraarujinayo kooxaha iska caabinta sidoo kalana lagu ammaanayo dulqaadka ay muujiyeen dadweynaha reer Falastiin ee Masjidka Aqsa, Xaafadaha Qudus iyo xaafadda Sheikh Jarrah ee ku dhegan Buurta Macbadka. Dabaaldegyo la mid ah ayaa ka dhacay magaalooyinka Daanta Galbeed, dad isugu soo baxay Magaalada Ramallah ayaa salaan sharaf ka qaatay kooxaha iska caabinta iyagoo ugu hambalyeeyey waxqabadka Militari ee muuqda oo ay ka gaareyn dagaalkii ay la galeyn Yahuuda xoogga ku heysato dhulkooda. Dhanka kale Dabaaldegyo ayaa ka bilowday magaalooyinka Hebron, Nablus, Salfit, Tulkarm, Jerusalem, Hebron iyo kuwa kale isla markii ay xabbad joojintu dhaqan gashay, sidoo kale dabaaldegyo iyo isu soo baxyo ayaa ka dhacay gobollada gudaha ee Falastiin sida Umm al-Fahm, iyo xerada Ain al-Hilweh ee qaxootiga Falastiin ee Lubnaan. Xabad joojinta ka dhaqan gashay Marinka Qaza saacadihii hore ee Maanta oo Jimco ah ayaa timid kadib markii Masar ay dhex dhexaadisay heshiis u dhexeeya Israel iyo Xamaas oo lagu joojinayo xabadda 11 maalmood. Golaha wasiirrada Israa’iil waxay xaqiijiyeen iney heshiis xabbad joojin ay la gaareen Falstiiniyiinta si dagaalka tobanka maalmood socday loo joojiyo. “Golaha amniga siyaasaddu waxay si aqlabiyad leh u aqbaleen soo jeedintii dhammaan saraakiisha amniga, amniga gudaha (Shin bet), amniga dibadda (Mossad), iyo madaxa golaha amniga qaranka, ee ahayd in la aqbalo hindisaha Masar ee xabbad joojinta shuruud la’aanta ee labada dhinac ah oo goor dambe hirgeli doonto” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay golaha wasiirrada Israa’iil. Kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa markaa kadib bayaan ay soo saareen ku xaqiijiyey aqbalaada xabadjoojinta. Sarkaal ka tirsan ururka Xamaas oo wakaaladda wararka ee AP u warramay wuxuu sheegay in xabbad joojinta ay Israa’iil ku dhawaaqday ay ka dhigan tahay ‘guul’ shacabka Falastiin u soo hoyatay iyo guul darro soo gaartay Ra’isulwasaaraha Israa’iil Banjamin Natanyahu. Cali Barakeh wuxuu sheegay iney maleeshiyaadka Xamaas ay feejignaan ku jiri doonaan ilaa ay dhexdhexaadiyeyaashu ay dhammeystiraan faahfaahinta heshiiska xabbad joojinta iyo meel markiisa intaba. Ugu yaraan 232 Falastiiniyiin ah oo ay 65 yihiin carruur in lagu dilay tani iyo marka uu dagaalka billaawday. Halka Israa’iilna dagaalkaasi ay uga dhinteen 11 qof oo 2 ka mid ah ay carruur yihiin. The post Maxaa ka dhacay Marinka Gaza kadib heshiiskii xabad-joojinta ee Xamas iyo Israel? appeared first on Caasimada Online.
-
waxaa xalay illaa Saaka magaalada Muqdisho ka socda kulan duceedyo horu-dhac u ah shirka wadatashiga Arrimaha doorashooyinka dalla. Ra’iisul wasaaraha dalla Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulama la qaatay Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Galmudug, Koonfur galbeed iyo Jubbaland . Shirka Doorashada ayaana hadda ku bilowday niyad Wanaagsan iyo is aaminaad kadib kulan casho ah uu Rooble, ra’isul wasaaraha u sameeyey madaxda maamul goboleedyada. Shirkii April, Madoobe iyo Deni iyada oo bil jooga ayeysan marnaba arkin Farmaajo halka Madoobe uu xalay la casheeyey Rooble taas oo isu soo dhowaanshiyo bilow ah. Shirka weyn ee doorashada ayaa lagu wadaa in uu sabtida ka furmo Afisyooni xilli furitaankiisa ay ka qeyb gali doonan Saamileyda siyaasadda. Source: goobjoog.com
-
There are places where there will not be voting during Election Day, the Board announced Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa sheegtay in wada-hadalladii ay la gashay dowladda federaalka lagu qiyaameeyey ayada oo laga dhigay kuwa lagu midoobayo, si looga hor-istaago aqoonsi ay heli laheyd, sida ay hadalka u dhigtay Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in wada-hadalladaas ay waxyeello xooggan gaarsiiyey qadiyadda Somaliland, loona baahan yahay in la joojiyo oo aan dib loogu laaban. Guddoomiyaha, oo uu soo xigtay wargeyska Geeska Affrika, ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay degtay xeelad ay adduunka ugu macnaysay wada-hadallada in ay yihiin wada-hadalo dib loogu midaynayo Koonfur iyo waqooyi. “Arrinta way beddeleen shakhsiyaadka kolba Muqdisho fadhiista ee dowladda isku sheega, adduunkii waxay ka dhaadhiciyeen in ay yihiin wada-hadalada lagu midoobayo,” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Inaguna awood aynu ku fidino nuxurka saxda ah maynaan yeelan.” Faysal ayaa sheegay in wadahadaladu ay sababeen in waddamadii doonayay in ay Somaliland aqoonsadaan ay hakiyaan aqoonsigii “Waxay keentay in waddamadii u soo hanqal-taagayay ictiraaf keena la hakiyay, taasi waxay keentay in dowlad aan jirin la ictiraafo,” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waa in ayu wada-hadallada joojinaa, dalkeenii waynu haysanaa, waa in aynu qadiyadadeena Adduunka ka iibinaa.” Faysal ayaa sheegay in Somaliland ay 2012 markale qaaday talaabadii ay Soomaaliyadii Talyaaniga ugu biirtay 1960 oo kale “Qaladkii aynu galnay 1960-kii ayaynu markale galnay 2012 markii aynu la hadalnay dal aan jirin,” ayuu yidhi. The post Somaliland oo shaacisay in ‘xeelad’ ay sameysay DF lagu joojiyey tallaabo ay waddamo dhowr ah damacsanaayeen appeared first on Caasimada Online.
-
When Rowda Olad, 36, a Somali-American, returned to Mogadishu in 2011 after her family fled nearly two decades prior, she was struck by the total absence of therapeutic services for this rattled country. At the time, Olad was a student at The Ohio State University (she chuckles, making a point to say the requisite “The”) and had been deciding whether to major in psychology or psychiatry. Source: Hiiraan Online