-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Isbarbardhigga awoodda militari ee Israa’iil iyo Xamaas Dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Qasa ayaa sii socda wali inkastoo ay sii xoogeysaneyso rajada laga qabo xabad joojin. Labada dhinac ayaa muddo 11 maalmood ah isweydaarsanaya duqeymo iyo gantaallo khasaare ka geystay dhan walba, inkastoo ay badan yihiin dadka rayidka ah ee ku dhintay weerarrada lala beegsaday Qasa. Marka isbarbar dhig guud la sameeyo Israa’iil iyo Xamaas waxay heystaan hub iyo awood militari oo aan isu qalmin. Senator-ka Mareykanka ee lagu magacaabo, Bernie Sanders, ayaa isu diyaarinaya in uu Aqalka Sare hor keeno Hindise Sharciyeed Israa’iil ka hor istaagaya Hub ay Mareykanka uga soo iibsan rabtay lacag dhan $735m (£520m), kaas oo xukuumadda Tel Aviv ay dooneysay inay kuwii xoojiso cududdeeda. Awoodda militari ee Israa’iil Qiimeyntii dalalka ugu awoodda badan caalamka uu sanadkan 2021-ka sameeyay wargeyska ka faallooda awoodda ciidamada caalamka ee Global Fire Power, waxay Israa’iil ka gashay kaalinta 20-aad,. Diiwaankan wuxuu ka kooban yahay 140 waddan. Tirada guud ee Shacabka Israa’iil wuxuu Wargeysku ku qiyaasay 3,643,700 oo qof, kuwaasoo 3,024,271 ka mid ah ay diyaar u noqon karaan haddii looga baahdo adeegga militariga. Waxaa kale oo xusid mudan in sharciga Israa’iil uu dadka Yuhuudda ah khasab uga dhigayo in ay soo maraan ciidannimada. Tirada ciidamada Israa’iil Militariga Israa’iil guud ahaan wuxuu ka kooban yahay 643,000 oo askari. 170,000 oo ka mid ah waa ciidan shaqeeya hadda. 465,000 waa ciidan keyd ah oo xareysan. 8,000 waa booliska sida militariga u tababaran. Awoodda cirka Tirada guud ee diyaaradaha militariga Israa’iil waa 595 diyaaradood. 241 waa diyaaradaha dagaalka. 23 waa diyaarado ay shaqadooda ku kooban tahay inay weerarro fuliyaan. 15 diyaaradood waxay qaadaan saanadda. 154 diyaaradood waxaa lagu fuliyaa tababarrada. 23 waxay fuliyaan howlgallada khaaska ah. 128 ka mid ah waa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno “helicopter”. 48 ka mid ah waxay u qoondeysan yihiin fulinta weerarrada. 11 waa diyaaradaha waaweyn ee kuwa kale jiida. Awoodda dhulka Militariga Israaliil waxay haystaan: 1,650 taangi. 7,500 oo gawaarida gaashaaman ah. 650 madaafiicda iskood isu rida ah. 300 oo madaafiicda goobta ah Iyo 100 fadhi oo qalabka gantaallada lagu tuuro ah. Dhinaca badda, Israa’iil waxay heysataa 65 markab oo isugu jira kuwa waaweyn ee diyaaradaha qaada, kuwa biyaha hoostooda quusa iyo kuwa kormeerka xeebaha sameeya. Miisaaniyadda ku baxda gaashaandhigga Israa’iil waa lacag gaareysa $16,600,000,000 oo doolar. Awoodda iyo hubka Xamaas Ma jiro liis Falastiin ay ku jirto oo qiyaasaya awoodda militari ee falastiiniyiinta laakiin cududda la dagaallameysa Israa’iil waa ururka Xamaas oo fariisinkiisa ugu weyn uu yahay Marinka Qasa. Xamaas iyo Islamic Jihad – inkastoo ay yihiin kuwo ka awood yar Israa’iil – haddana waxay heystaan hub ku filan inay ku weeraraan Israa’iil. Durbaba waxay isku dayeen isticmaalka xeelado kala duwan. Qalabka difaaca Israa’iil wuxuu dhulka soo dhigay drone – ay suuragal tahay inay hubeysneyd – taasoo isku dayeysay in ay Qasa uga tallowdo dhinaca Israa’iil. Laakiin hubka kaas aad uga awoodda badan ugana saameynta badan ee ay Falastiiniyiintu heystaan waa madaafiicda goobaha dagaalka loo adeegsado oo noocyo kala duwan leh. Waxaa kuwaas laga tuuri karaa dhulka iyadoo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha ciidamada ee isla dhulka. Qaar ka mid ah gantaalladaas iyo kuwo kale (oo lagu riday qalabka lidka taangiyada oo la adeegsaday maalmihii lasoo dhaafay), ayaa la aaminsan yahay in Falastiiniyiinta loo gudbiyay iyadoo loo sii marinayo dhuumo dhulka hoostiisa ah oo ku hoos yaalla gacanka Siinaay ee dalka Masar. Hase yeeshee Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa gudaha Qasa ku sameysta hubka iyagoo ku farsameeya warshado la qariyay oo ku yaalla meelo ka mid ah Marinka Qasa laftiisa. Khubaro reer Israa’iil ah iyo kuwo caalami aha waxay rumeysan yihiin in seynisyahanno u dhashay Iiraan ay gacan weyn ka geystaan dhismaha warshadahaas lagu sameeyo hubka. Suuragal ma aha in la qiyaaso tirada qantaallada u keydsan ururka Xamaas. Waxaase hubaal ah in ay heystaan hub faro badan oo tiiradoodu ay meelo kala duwan gaareyso. Sida cad, militariga Israa’iil waxay heystaan qiyaastooda u gaarka ah oo aysan dooneynin inay warbaahinta la wadaagaan. Afhayeennadoodu waxay sheegaan oo kaliya in Xamaas ay dagaalka noocan ah iyo tuurista gantaallada sii wadi karaan “Waqti dheer”. Gantaallada ay Falastiiniyiintu tuuraan ilaa hadda kama muuqato inay yihiin kuwo cusub marka la eego sida ay u naqshadeysan yihiin. Balse qiimeynta guud ee lagu sameeyo waxay qeexeysaa inay kordhiyeen awooddooda iyo qaraxyada ay sababi karaan. Walow magacyada iyo naqshdaha gantaallada qaar ay jahwareer keeni karaan, Xamaas waxay soo hindistay gantaallo badan oo kuwa riddada gaaban ah sida midka loo yaqaanno Qassam (oo gaari kara ilaa 10km oo u dhiganta 6 meyl) iyo mid la yiraahdo Quds 101 (oo tiiradiisu ay gaareyso ilaa 16km); kuwaasoo lagu sii xoojiyo qalabka Grad (oo gaarsiinaya ilaa 55km); iyo Seji 55 (oo gaarsiinaya ilaa 55km). Xamaas iyo ururrada Falastiiniyiinta ee ku sugan Qasa waxay heystaan Gantaallo masaafo kala duwan gaara Qalabkan waxaa la aaminsan yahay in ay iyagu soo hindiseen islamarkaana u adeegsadaan inay ku fogeeyaan gantaallada riddada gaaban leh oo lagu sii kordhinayo dab dheeri ah. Laakiin Xamaas waxay sidoo kale adeegsataa gantaallo nooca riddada dheer ah, sida M-75 (oo gaari kara ilaa 75km); Fajr (oo gaaraya ilaa 100km); R-160 (oo gaaraya ilaa 120km); iyo xoogaa M-320s ah oo gaaraya masaafe dhan 200km. Sidaas darteed way caddahay in Xamaas ay heysato hub lagu garaaci karo magaalooyinka Qudus iyo Tel Aviv labadaba, iyo in ay halis galin karaan guud ahaan marinta xeebta oo ay daggan yihiin tirada ugu badan ee shacabka reer Israa’iil ayna ku yaallaan kaabeyaasha ugu muhiimsan. Qaran News
-
Beirut (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Lubnaan Charbel Wehbe ayaa is-casilay Arbacadii, kadib markii uu sheegay hadal ka carreysiiyey Saudi Arabia, xilli Beirut oo ay dhaqaale xumo hayso, ay iska ilaalineyo khilaaf diblomaasi oo ay la yeelato dalkan ku yaalla Khaliijka ee hodanka ah. Wehbe ayaa Isniintii dood ka baxday taleefishinka ka sheegay, in soo bixitaanka Daacish ee gobolka ay ka shaqeeyeen dalalka Khaliijka, taasi oo dhalisay in safiirrada Lubnaan ee dhowr dal loo yeero. Hoggaamiyayaasha Lubnaan ayaa kadib isku dayey inay qaboojiyaan xiisadda, waxaana Wehbe oo 67 jir ah uu bayaan kooban oo uu soo saaray kadib kulan uu la qaatay madaaxweyne Michel Aoun ku sheegay inuu codsaday “in xilka laga qaado”. Saacado kadib, Aoun ayaa wasiirka difaacay Zeina Akar u magacaabay inay beddesho Wehbe, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada. Xiriirka dalalka Khaliijka iyo Lubnaan ayaa u qaboobay sababo la xiriirka saameynta siyaasadeed ee kordheysa ee kooxda Shiicada ah ee Xizbullah ay ku leedahay dalkaas, hase yeeshee Beirut ayaa taageero maaliyadeed oo cusub ka raadineysa xulufadeedii hore. Lubnaan oo sanaddii tagtay ku guul-darreysatay inay iska bixiso deymaheeda, ayaa wajaheysa saboolnimo aan horey loo arag, mana damaanad qaadi karto adeeg koronto oo dhaafsiisan bisha June. Doodda muranka dhalisa oo taleefishinka Al-Xurra ku dhex-martay isaga iyo nin Sacuudiyaan ah, ayuu Wehbe isaga baxay, isaga oo sheegay in aanu“aflagaadeyn karin Badawi.” Wehbe ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Lubnaan si rasmi ah u hayey kaliya toddoba maalmood. Kahor wuxuu 282 xilkan hayey isaga oo qeyb ka ah dowlad xil-gaarsiin ah taasi oo inteeda badan is-casishay kadib qaraxii bishii August 2020 ka dhacay dekedda Beirut. AFP + VOA The post Lubnaan: Wasiir is-casilay kadib markuu kashifay arrin ka carreysiisay dalalka Khaliijka appeared first on Caasimada Online.
-
Former President John Dramani Mahama has in a letter to the Chairperson of the African Union Commission withdrawn his acceptance of the continental body’s appointment as its High Representative for Somalia. While thanking the AU for the confidence reposed in him, Mr. Mahama noted that, “the high political importance of the proposed assignment requires that the High Representative enjoy the unalloyed support and co-operation of all political stakeholders.” President Mahama whose appointment as the AU envoy has been roundly welcomed by the Council of Presidential Candidates of Somalia, and the Coalition of Somalia’s Federal Member States, further cautioned in his letter to the AU Chairperson, Moussa Faki Mahamat, that the lack of support by the Federal Government could jeopardize the whole process and undermine the hopes that the entire world has in bringing peace to the esteemed land of Somalia. The former Ghanaian President who continues to receive requests from various international bodies and groups and is widely respected for his commitment to democratic consolidation, peace building and development used the opportunity to reaffirm his commitment to the African Union’s vision of an integrated, prosperous and peaceful Africa, that includes Somalia. Source: John Mahama The post John Mahama withdraws acceptance as African Union Envoy to Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa caawa kulan ku yeeshay hotel Dècalè ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ibraahim Macallimow oo faahfaahin ka bixiyay kulanka ayaa sheegay in uu ahaa is-xogwareysi iyo casho Ra’iisul Wasaare Rooble u sameeyay madaxda ku sugan Muqdisho ee ka qey-bgalaysa shirka wadatashiga doorashada Soomaaliya. Macallimow waxa uu sheegay in madaxweynayaasha Puntland iyo Hirshabeelle la filayo in ay Muqdisho soo gaaraan maalinta Jamcaha, marka la isu yimaado ka dibna uu furmi doono shirka oo Khamiistii baaqday arrimo uusan caddeyn. Wuxuu tilmaamay inta uusan shirku furmin ka hor in Ra’iisul Wasaare Rooble kulamo gooni gooni ah la qaadan doono madaxda ka qeyb-galaysa shirka. Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa rajo weyn ka muujiyay shirka Muqdisho iyo natiijada ka soo bixi doonta. PUNTLAND POST The post Rooble iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Mahama ayaa iska diiday xilkii dhawaan midawga Afrika ugu soo magacabay Soomaaliya. Mahama ayaa uga mahad celiyay Guddoomiyaha midawga Afrika Musa Faki Mohamed xilka uu u igmaday balse waxa yu sheegay in ay jirto cabasho ka timid dhinacyada kalan duwan ee isku heysto siyaasadda Soomaaliya. John Mahama ayaa sidoo kale shegay in ay muhiim tahay si loo shaqeeyo in la helo taagera dhinacyada oo dhameys tiran, isagoo xusay in diidmada dowladda Soomaaliya ay shaki kelineyso waxa dunida ka filayo Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u diiday Ergayga midawga Afrika u soo magacaabay Soomaaliya John Mahama, iyadoo dowladda ay ku eedeysay in uu xiriiro ganacsi la leeyahay dalka Kenya oo Soomaaliya ay xurguf kala dhaxeyso . Midawga Musharixiinta iyo Saamileyda kale ee Soomaaliya ayaa horay u soo dhaweyay magaacabista ergayga cusub ee midawga Afrika u soo wakiishay Soomaaliya si uu u kala dhax galo dhinacyada isku heysta siyaasadda Soomaaliya . GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan casho iyo iswareysi ah u sameeyay madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubaland Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Xubnahan oo Muqdisho ku sugan ayaa soo gaaray saacadihii lasoo dhaafay, waxaana weli imaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada HirShabeelle iyo Puntland. Kulanka cashada ahaa ee Ra’iisul Wasaaruhu u sameeyay madaxdan, ayaa imaanaya iyadoo la filayo in uu Muqdisho si rasmi ah uga furmo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka. Kulankan ayaa caawa ka dhacay Hotelka Decale oo u dhaw garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, maadaama uu Xalane degay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay berri Muqdisho soo gaaraan madaxweynayaasha Puntland iyo HirShabeelle oo haatan ku maqan deegaanadooda. Maalinka Sabtida ee 22-ka bishan ayaa lagu wadaa in shirku uu ka furmo teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Xalane, maadaama ay berri tahay Jimco, isla markaana aysan weli Muqdisho soo gaarin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo HirShabeelle. Khamiistii maanta ee 20-kii May ayey balantu aheyd in shirkaasi uu ka furmo magaalada Muqdisho, balse xukuumadda ayaa sheegtay in dib u dhacaan uu ku yimid arrimo farsamo. Daawo Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu oo faahfaahiyey kulankii caawa The post Daawo: Xukuumadda oo war kasoo saartay kulan uu Rooble la yeeshay madax goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (PP News Desk) — Horseed, a Puntland-based political association led by former Puntland President Abdirahman Farole, had accused Mideeye, a rival political association, of spreading unsubstantiated allegations against Puntland Government. Axmed Siciid Aw Nuur, a member of Mideeye, yesterday criticised Kaah, the political association led by Puntland President Said Abdullahi Deni, for using public resources for campaigning. Puntland State government has allocated US$ 90,000 for nine political associations to cover campaign expenses ahead of local pilot elections to be conducted at Qardho, Eyl and Ufayn. “Horseed has governed Puntland and introduced the democratisation process. It will oversee the government’s handling of the democratisation process” reads Horseed’s statement. Horseed’s remit does not place it above other political associations to oversee the democratisation process nor has it ever become a political party ever to govern Puntland. Neither the Transitional Puntland Electoral Commission nor Puntland State government has commented on Horseed’s claim. Horseed said it was committed to the Puntland’s transition to a multiparty system twenty two years after Somalia’s first autonomous administration was formed in Garowe after a grand consultative conference. © Puntland Post, 2021 The post Horseed and Mideeye Lock Horns Over Financing Puntland Democratisation Process appeared first on Puntland Post.
-
Accra (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ayaa warqad uu u qoray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika uga laabtay aqabalaaddiisii aheyd inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee xal u helidda is-mari waaga doorashada Soomaaliya. Mahama ayaa warqaddiisa ku sheegay in muhiimadda siyaasadeed ee sare ee shaqada loo igmaday ay u baahan tahay in ergeyga uu helo taageerada buuxda iyo wada-shaqeynta dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya. Go’aanka uu qaatay Mahama ayaa yimid kadib markii dowladda federaalka ay kasoo horjeesatay magacaabistiisa ayada oo sheegtay inuu xiriir dhow la leeyahay dowladda Kenya, oo ay kala dhaxeyso xiisad siyaasadeed. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale warqad ay u qortay Midowga Afrika ku sheegtay in kulanka uu ra’iisul wasaare Rooble isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ee ka dhacaya Muqdisho uu ka dhiggan yahay inaan loo baahneyn ergeyga Midowga Afrika. Mahama ayaa warqadda uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat waxa uu ku sheegay in taageero la’aanta dowladda federaalka Soomaaliya ay halis gelin karto hanaanka oo idil, islamarkaana waxyeeleyn karto rajada dunida ay dhan ay ka qabto inuu nabad kusoo dabaalo Soomaaliya. Mahama ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu taageero aragtida Midowga Afrika ee ku aadan Afrika oo is-dhexgasha, barwaaqo iyo nabad ah, oo Soomaaliya-na ay ku jirto. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in inkasta oo Midowga Afrika uu u diyaarsanaa inuusan ka laaban magacaabista Mahama, haddana Mahama uu garowsaday inuusan Soomaaliya ka shaqeyn karin, ayada oo aysan aqbalsaneyn dowladda federaalka. Ma cadda, tallaabada xigta ee uu Midowga Afrika qaadi doono, waxaana suurta-gal ah inuu sugo shirka ka furmaya Muqdisho, oo haddii heshiis lagu gaaro aanu soo magacaabin ergey kale. The post Mahama oo ka laabtay inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saareen uga digay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada inay lumiyaan fursadda muhiimka ah ee shirka Muqdisho ka furmaya. Qoraalka beesha caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DFS-DGXDF) ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.” “Waxaan ku bogaadinaynaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabashada shirkan waxaana rajeynaynaa in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada.” Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay soo dhoweyneyso ballanqaadka dhammaan madaxda maamul goboleedyada ee ka-qaybgalka shir-madaxeedka si shuruud la’aan ah. “Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan madaxda DFS iyo Dowlad goboleedyada inay sameyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis dhakhso leh loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan Heshiiskii 17-kii Sebtember,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka. Shirka lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho, oo uu ku baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dib u dhacay, ayada oo weli madaxweynayaasha HirShabelle iyo Puntland ay ka maqan yihiin magaalada caasimadda ah. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inay u badan tahay in shirka uu furmo maalinta Sabtida oo ay taariikhud tahay 22-ka bisha May, lana filayo in madaxda maqan ay berri soo gaaraan caasimadda. Qoraalka beesha caalamka ayaa waxaa wadajir usoo saary: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. The post Beesha caalamka oo soo saartay digniin ku socota madaxda Soomaalida kahor shirka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Kaysar Maxamed Wasiir ku xigeenkii hore ee Qorsheynta Somaliland ayaa qoray:- “Aniga oo Xisbiga KULMIYE ka tirsan, haddii aan Dalka joogi lahaa maalinta Doorashada waxaan Codkayga siin lahaa Murashax Barkhad Batuun” Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Asalaamu Calaykum. Ma aha oo keliya inuu yahay Muwaadin Somalilander ah oo Hargeysa ku dhashay, ku dhaqmay oo ku dhismay, balse Barkhad waxa uu Tusaale iyo Higsi ifiya u yahay Boqolaal kun oo Dhalinyaro ah oo bahda laga saaray oo loo sheegay inaanay han yeelan karin, madaxa kor u qaadi karin oo aanay higsan karin yoolal sare, Barkhad waxa uu rejo geliyay bulsho Takoor xaqdarro ah lagu hayay kumanaan sanadood, taasoo sababtay in ay dhiirran waayaan dhalinyarada muwaadiniinta ah ee ka soo jeeda Beelaha la hayb sooco. Saddexda Xisbi Qaran iyaga oo fahamsan in Quruxda iyo Qabka Somaliland uu ku jiro in la helo Gole Baarlamaan oo Beelaha Somaliland oo dhami ay ka dhex muuqdaan, ayay go’aansadeen in Muwaadin Barkhad Batuun aan laga garab sharrixin cid kale oo deegaankiisa ka soo jeeda, si uu u helo Codka Beeshiisa oo middaysan iyo codadka kale ee uu heli karaba. Foolxumo aad u weyn ayay Ummada reer Somaliland ku ahayd in Beelaha la hayb soocaa aanay Xubin keliya ku lahayn Golaha Wakiilada Somaliland. Waxa kale oo Foolxumo weyn inagu ahayd in Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa oo ka koobnaa 25 Xubnood aanu ku jirin xubin keliya oo Beeshaas ka soo jeedaa, inaga oo weliba ogosoon in Caasimada Hargeysa ay tahay meesha ugu balaadhan ee ay beeshaasi degto, sidoo kale ma jiro Badhasaab keliya oo ay Beeshaasi ku leedahay Dalka. Si aynu usoo noolayno Sharaftii Ummada Somaliland, isla markaasna u dhisano Baarlamaan Qurux badan oo Ummada reer Somaliland oo dhan wada metela, waxaan ugu baaqayaa Muwaadiniinta Gobolka Maroodi-jeex inay Codkooda iyo Cududooda ku soo saaraan Muwaadin Barkhad Jaamac Batuun oo horseed u noqon doona kumanaan dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah iyo weliba dhalinyarada ka soo jeeda Beelaha la hayb sooco oo Barkhad u noqon doono Tusaale ay ku daydaan, isla markaasna ay fahmi doonaan in Dalku uu Dalkoodii yahay, xaqna u leeyihiin gaadhista Yool kasta oo ay doonaan inay gaadhaan. Ugu danbayn haddii Nasiibku ii saamixi lahaa inaan Dalka joogo maalinta Doorashada, waxaan codkayga siin lahaa Barkhad Jaamac aniga oon u eegin Xisbiga uu ku jiro iyo Qabiilka uu ka soo jeedo midna, balse u eegaya inaynu helno Somaliland Qurux badan oo dadkeedu siman yahay. Source
-
ODOROSKA NATIIJADA DOORASHADA WAKIILADA Waxa Qoray: Cali Gurey Doorashadii hore ee 2005tii 82ka kursi ee wakiilada waxay sadexda xisbi u kala heleen sidan: UDUB 33 kursi KULMIYE 28 kursi UCID. 21 kursi Isugeyn. 82 kursi Doorashadan lafteeda ayaa laga yaabaa in wax badani aanay iska bedeli doonin marka aynu eegno odoroskan oo ah qiyaas shakhsi. Doorashadan qiyaastii sadexda xisbi waxa ay u kala heli karaan 82ka kursi sidan: Kulmiye. 34 kursi Waddani 29 kursi Ucid. 19 kursi FAAHFAAHINTA LIXDA GOBOL-DOORASHO AWDAL 13 KURSI Kulmiye 6 Waddani. 4 Ucid. 3 MAROODIJEEX 20 KURSI Kulmiye 9 Waddani. 7 Ucid. 4 SAAXIL 10 KURSI Kulmiye 4 Waddani. 3 Ucid. 3 TOGDHEER-15 KURSI Kulmiye. 5 Waddani. 7 Ucid. 3 SOOL. 12 KURSI Kulmiye 5 Waddani. 4 Ucid. 3 SANAAG. 12 KURSI Kulmiye 5 Waddani. 4 Ucid. 3 والله يعلم و نحن لا نعلم Source
-
Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Abdinasir Buuni ayaa yidhi;- “Xisbiga Wadani wuxu soo sharaxay nin aan cod ku haysan Gobolka Maroodi jeex oo ah Afhayeenka xisbiga Waddani (Barkhad Batuun) reerkiisu ma degaan Somaliland, waxay dagan yihiin Puntland, Suldan Naasir waaka halkaas soo joogee waa loo diiday in lasoo sharaxo cid kale, anagu waanu tix galinay labada xisbi mucaarad inaanan cid kale ka garab sharaxin si aanay cod u waayin . Marka xisbiyada mucaaradku wixii ay gudahooda ka sameeyeen yaanay xukuumada iyo xisbiga Kulmiye kula war wareegin mucaaridku waxay khalad sameeyaan “. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo maanta gaaray magaalada Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirka lagu wado inuu ka furmo Muqdisho ee arrimaha doorashada. Axmed Madoobe ayaa mas’uuliyiintii soo dhaweysay iyo bulshada Soomaaliyeed ugu bushaarayey in waxsan ay kasoo bixi doonaan shirka uu hore u iclaamiyey ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, kadib markii ay maamulada dalka qaarkood ka aamin baxeen madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday. “Waxaa ugu mahad-celinayna anaga oo imaaneynay gurigeena inay nasoo dhaweeyaan, waxaan rabaa in aan idhaahdo abshir, soo dhoweyntiina insha-allaha lagu khasaari maayo, halka shey ee muhiimka ah waxa uu yahay in aan ka baxno xaalada aan ku jirno,” ayuu yiri. “Waa garaneyna waxaa soo marnay, waana garaneyna waxa naga horeeya iyo waxa dhacay waxa uu keeni karo, waa in aan taas niyada wada gashano. Qof walba qofka kale wanaag ha u maleeyo oo kheyrka ha la kala maleysto.” Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn isku hayeen Farmaajo oo guddoominayay shirarkii hore ee doorashada, ayaa markaan u muuqda mid la dhacsan doorka Rooble ee xalinta khilaafka doorashooyinka, oo asagu la wareegay arrimaha doorashooda iyo amnigeeda. Shirka ka furmaya magaalada Muqdisho maalinta Sabtida ayaa lagu wadaa in xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka doorashada ee muddooyinkii dambe taagna, kaasi oo kal hore gaaray heer gacan ka hadal ah. Waxaa si weyn u socota qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha wada-tashiga qaran, waxaana magaalada Muqdisho ku sugan inta badan madaxda dowlad goboleedyada, halka kuwa dhimana lagu wado inay soo gaaran galinka dambe ee maanta. The post Rajada Axmed Madoobe ee shirka Muqdisho, kadib safarkiisa maanta + Video appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU - At least six al-Shabab militants were killed on Thursday in an operation in the southern region of Lower Shabelle, a military officer confirmed. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay in xifaaltanka siyaasadeed ee dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta uu gaaray meeshii u sareysay, xili ay ku loolamayaan gudaha dalka Soomaaliya. Warbaahinta T54 ee Turkiga ayaa sheegay in dagaalka siyaasadeed ee labada dowladood ee Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ka dhexeeyaa uusan ku koobnayn oo keliya taageerada Millatari ee siiyaan dhinacyada iskaga soo horjeeda Liibiya, balse uu dagaalkoodu xiriirsan yahay illaa Soomaaliya. Imaaraadka ayaa ka dagaalamaya in Turkigu awooddiisa ku fidiyo gobolka Geeska Afrika, sidaasi darteed markii Turkiga uu saldhiga Ciidan ka hirgeliyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu Imaaraadkuna uu Saldhig Ciidan ka samaystay Magaalada Berbera, sida ay sheegtay warbaahinta T54. Imaaraadka oo xiriir fiican la leh Somaliland oo ayadu ku dooda inay ka go’day dalka intiisa kale, ayaa waxa uu uga faa’iideysanayaan xifaaltanka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Turkiga oo asagu dhinaca saaray dowladda federaalka Soomaaliya. “Turkiga intuu isku muujinayey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Imaaraadku wuxuu Saldhig Ciidan ka dhistay Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed, isagoo taageeraya Somaliland oo Madax-banaanideeda ku dhawaaqday 1991,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Juquraafi ahaan, Imaaraadku wuxuu sii waday inuu Millatari ahaan iskugu fidiyo dhul fog, si uu u sii joogteeyo dib u dhaca Turkiga.” Dagaalka siyaasadeed iyo ka ciidan ee Imaaraadka iyo Turkiga ayaa si weyn u soo if-baxay markii ay labada dowladood kala taageereen dagaalka Liibiya, oo Turkiga uu taageero u fidiyey dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee dalkaas, halka Imaaraadka uu dhinaca saaray Generaal Khaliifa Xaftar. The post Loolanka u dhaxeeya Turkey iyo Imaaraadka Carabta oo lugaha la galay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) The United Nations urges all Somali leaders to participate in good faith in implementing the September 17 agreement. Source: Hiiraan Online
-
Shirkii wadatashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo lagu waday inuu maanta oo Khamiis ah ka furmo Muqdsho ayaa dib u dhacay, iyadoo qaar kamid ah madaxda dowladd goboleedyadu aysan weli soo gaarin Muqdisho. Warar ay heshay Puntland Post ayaa sheegaya in shirku uu dib u dhacay ilaa maalinta Sabtida ee todobaadka dambe, kadib markii qaar kamid ah madaxda ka qeyb-galaysa aysan weli iman Muqdisho. Madaxweynayaasha Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa shalay iyo maanta soo gaaray Muqdisho, halka madaxweynayaasha Puntland iyo Hirshabeelle ay weli ka maqan yihiin Muqdisho. Shirka Muqdisho oo ka dhici doona Teendhada Afisyoone waxaa saldhig u ah heshiiskii 17 September 2020 ee arrimaha doorashada, waxaana horey ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble, kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey u sheegay in ay ka go’an tahay wax kasta oo horseedi kara in uu guuleysto shirka doorashada. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo xubno matalaya Midowga Musharaxiinta ayaa lagu wadaa in ay qeyb ka noqdaan shirka Muqdisho ka furmaya horraanta todobaadka dambe. Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dib u dhac ku yimid shirkii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Shirkii arrimaha doorashada ee lagu waday in uu maanta oo khamiis ah ka furmo Muqdisho, ayaa u dhacay sabtida kadib markii aanay wada imaanin madaxda maamul gobaleedyada . Illa iyo hadda madaxda soo gaartay caasimadda waxaa ka mid ah madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur galbeed iyo Jubbaland, halka saacadaha soo socda la filayo madaxweynaha Puntland Saciid Deni in uu soo gaaro magaalada Muqdisho. Dhanka kale waxaan la ogeyn imaanshiyaha madaxweynaha maamul gobaleedka Hirshabeelle, oo khalalaaso ay ka dhaceen deeganadiisa , taas oo dad badan ay ku nafwaayeen. GoobJoog News Source: goobjoog.com