Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Jubaland Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa caawa magacaabay golihiisa wasiirada cusub oo ka kooban 23 wasiir, 22 wasiir ku xigeen iyo 5 wasiiru-dowle. Wasiirada cusub ee Jubaland waxaa ku jira Cabdinaasir Seeraar oo kamid ahaa golahii mucaaradka isbedel-doonka Jubaland ee markii dambe la heshiiyay madaxweyne Axmed Madoobe. Sidoo kale golaha wasiirada cusub waxaa ku jira xubno ka tirsanaa xukuumaddii hore oo kamid yahay Gen. Maxmed Warsame Darwiish. Golaha wasiirada cusub ee Jubaland waxaa haween ah 4 xubnood. Magacaabida golaha wasiirada jubaland ayaa Axmed Madoobe ku qaadatay muddo ku dhaw 2 sano. Hoos ka akhriso liiska golaha wasiirada Jubaland PUNTLAND POST The post Golaha wasiirada Jubaland oo la magacaabay iyo Seeraar oo ka soo muuqday appeared first on Puntland Post.
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo caawa la hadlay BBC ayaa sheegay in hadii Farmaajo uu faraha kala baxo amniga iyo arrimaha doorashada, islamarkaana uu ka dhabeeyo tallaabadii uu ugu wareejiyey Ra’iisul wasaaraha, uu ku kalsoon yahay in khilaafka doorashooyinka looga heshiin doono shirka ka dhacaya Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa sheegay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in Ra’iisul wasaare Rooble uu qaato mas’uuliyadiisa, isagoo u balan qaaday inuu si buuxda ula shaqeyn doono. “Hadii sidii loogu tala-galay ay wax u qabsoomaan oo ay noqoto in madaxweyne Farmaajo uu wareejiyo mas’uuliyadda doorashada oo u madax-baneeyo Ra’iisul wasaaraha, oo mas’uuliyadda amiga dalka loo daayo Ra’iisul wasaaraha, isaguna uu qaato mas’uuliyadda howshaas, waxaan rajo ka qabaa in arrinta doorashadu ay ku dhamaa doonto si xasiloon oo 100% ah,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland. Axmed Madoobe oo sii hadlayey ayaa sheegay in hadii saldhig doorashada looga dhigo heshiiskii 17-kii September, ay aad u fududahay in laga heshiiyo arrimaha harsan ee la xariira farsamooyinka qabsoomidda doorashada. Mar wax laga weydiiyey kalsoonida uu ku qabo in Farmaajo faraha kala baxay arrimaha doorashada ayuu ku jawaabay, “Inta Ra’iisul wasaaruhu sheegay ama madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu horay ugu cadeeyey in mas’uuliyadda uu wareejiyey, mida ugu horeysana ay tahay amniga doorashada, hadey sidaas u dhacdo, kalsooni ayaan ku qabaa in wax laga wada shaqeyn karo, xasilooni ayaan muujineynaa, waana ku kalsoonahay balanqaadkii Ra’iisul wasaaraha, waan garab istaageynaa, waana la shaqeyneynaa, sababtoo ah danta wadanka ayaa naga wada dhaxeysa.” Mar wax laga weydiiyey mowqifkiisa arrinta gobolka Gedo ayuu sheegay in kasii mid ahaanshaha Jubbaland ee gobolkaas aysan wax gorgortan ah ka geli doonin, “Gobolka Gedo arrintiisa wax aan ka ganbaneyno maaha, Jubbaland ayuu ka tirsan yahay, dastuurka dowladda dhexe iyo kan Jubaland ayaa isku si u qeexaya, waa in maamulka gobolkaas lagu soo wareejiyo Jubaland,” ayuu yiri. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa wareysigaan uga jawaabay eedeyntii Madaxweyne Farmaajo ee aheyd in shirkii Afisyooni ay ‘fashiliyeen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, iyagoo ka soo shidaal qaadanaya shisheeye’ ayaa eedeyntaas ku gediyey isla Farmaajo, isagoo sheegay in shirkaas uu fashiliyey isagoo ka shidaal qaadanaya Isaias Afwerki-ga Eritrea iyo Abiy Axmed-ka Itoobiya. “Ninka shisheeye wax u meerinayo ee maanta Afwerki dimuquraadiyadda ka qaadanaya, ee ka tegay Jabuuti iyo Kenya, ka doortay Itoobiya ayaa anaga na eedeynaya, dalka meel ugama aana bixin, shisheeye talefoon kulama hadlin, marka burburka maanta Soomaaliya ku dhacay ma Axmed Madoobaa keenay? Shirkii anagoo joogna oo ku balanay inaan isku soo noqono, ayaan maqalnay shirkii waa fashilmay iyo Dubbe oo qeylinaya, waana sheegnay markii,” ayuu yiri Axmed Madoobe. The post Axmed Madoobe oo ka hadlay shirka Muqdisho, sheegay arrinta kaliya ee uu ku guuleysan karo appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee la filayey inuu berri subax ka furmo magaalada Muqdisho uu dib u dhac kooban ku yimid. Dib u dhaca shirka ayaa lagu sheegay mid farsamo, waxaana la filayaa in uu qabsoomo maalinta Sabtida oo ku beegan 22-ka bishan May, sida aan xogta ku helnay. Wali inta madaxda maamul gobaleedyada dalka ayaa Muqdisho ka maqan iyadoo la filayo in ay badankood soo gaaraan maalinta berri ah, waxaana suurta-gal ah in maalinka xiga oo Jimcaha ay darteed aanu shirka qabsoomin, taasi oo u dhigeysa ugu yaraan Sabtida. Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa ah madaxweynaha kaliya ee ku sugan caasimadda isaga oo caawa maqribkii kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasi oo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Dadka Soomaaliyeed ayaa rajo weyn ka qaba in shiraan uu noqdo mid ay ka soo baxaan is afgarad dhinaca doorashada iyadoo rajo weyn laga qabo in Rooble uu noqoto kaalintiisa hogaamineed iskana diido faro-gelinta Rooble. Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey mira-dhalka shirka loo balansan yahay inuu Muqdisho ka furmo, kaas oo xal loogu raadinayo khilaafka doorashada. The post Xog: Shirka madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ee Muqdisho oo dib u dhacay appeared first on Caasimada Online.
  4. Somalia faces a political crisis because its leaders have been unable to hold elections after president Mohamed Abdullahi Mohamed’s term of office expired in February. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey mira-dhalka shirka loo balansan yahay inuu Muqdisho ka furmo, kaas oo xal loogu raadinayo khilaafka doorashada. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa soo saaray qoraal ka kooban shan qodob oo isugu jira raro-gelin, codsi, mahadcelin iyo balan qaad, waxuuna qodobada uu soo saaray ku yiri: 1 – Waxaan u diyaar garownay shirka golaha wadatashiga Qaran ee dhameystirka arrimaha doorashooyinka. 2 – Waxaan filayaa in si habsami leh uu noogu furmo, guulna noogu dhamaado, si dalku u aado doorasho daah furan oo heshiis lagu yahay. 3 – Waxaa iga go’an fududeynta wax kasta oo horseedi kara in shirkani uu guuleysto. 4 – Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa taageeradooda dadaallada aan wadno, waxaana ka codsanayaa garab istaag. 5 – Waxaan Eebbe ka baryayaa inuu howshan noo fududeeyo. Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble oo dowladda federaalka masuul uga ah wadahadallada xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka dalka ayaa ku soo aadaya, iyadoo berri ay ku beegantahay 20-ka May oo ah markii uu iclaamiyey in sharku furmo, balse inta badan madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku kala maqan gobolladooda, waxaana suurta-gal ah in shirka uu dib u dhaco. Waxaa muuqata in dib u dhac uu ku imaan doona goorta uu furmayo shirkaas, in kastoo ay wararku sheegayaan in badanaa madaxda dowlad goboleedyada ay gelinka hore ee Khamiista ku soo wajahan yihiin Muqdisho. Rooble ayaa maanta magacaabay guddi uu hoggaaminayo wasiirka Amniga Xasan Xundubey oo loo xil-saaray soo dhaweynta madaxda dowlad goboleedyada. Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka. Waxaana wafdigaas garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda federaalka, gaar ahaan guddiga loo xil-saaray soo dhaweynta madax goboleedyada Muqdisho soo gaaraya. The post Rooble oo shan qodob kasoo saaray shirka doorashada ee ka furmaya Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  6. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen shirka dhameystirka arrimaha doorashooyinka ee lagu wado in uu berri ka furmo Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku xusay in ay ka go’an tahay wax kasta oo horseedi kara in uu guuleysto shirka doorashada. Wuxuu tilmaamay inuu rajeynayo in shirku si habsami leh u furmo berri, guulna ku dhammaado, si dalku u aado doorasho daahfuran oo heshiis lagu yahay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa siyaasiyiin iyo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday garab istaag, isagoo u mahadceliyay intii taageertay dadaalada uu wado. Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho, halka madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada ay ilaa berri soo gaari doona magaalada Muqsisho. Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo is afgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaannada iyo Senatarrada ka hor doorashada Madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Rooble oo ka hadlay shirka doorashada iyo Qoorqoor oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, inkasta oo ay u badan tahay inuu kadib dhaco berri, hase yeeshee waxaa su’aalo ay ku gadaaman yihiin kaalinta madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee shirkaas. Farmaajo ayaa guddoomiyey dhammaan shirarkii hore ee dhex-maray isaga iyo madax goboleedyada, oo uu ugu dambeeyey kii Afisyoone ka dhacay, hase yeeshee maadaama uu iminka maamulka doorashada ku wareejiyey Rooble waxaan caddeyn inuu weli kaalintaas haysan doono iyo in kale. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in ra’iisul wasaare Rooble laga yaabo inuu u ogolaado in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu furo shirka, balse isaga uu hoggaaminta yeelan doono, halka warar kalena ay sheegayaan in Farmaajo shirka hoggaamin doono, islamarkaana uu Rooble noqon doono dhex-dhexaadiyaha Farmaajo iyo madax goboleedyada. Shirka ayaa lagu wadaa inuu ka furmo xerada Xalane, waxaana xiligan magaalada Muqdisho ka socda kulamo ay isku hor-fadhiyaan Guddiyada ka socda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka, kaasi oo loogu sii gogol xaarayo shirka weyn ee madaxdu iskugu imaaneyso. Waxaa suurta-gal ah in qaar ka mid ah madax goboleedyada ay ku gacan seeraan haddii uu ra’iisal wasaare Rooble hoggaaminta shirka siiyo Farmaajo. Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa hore Farmaajo ugu eedeyay fashilka shirkii looga arrinsanayay doorashada, waxayna si weyn u diidan yihiin in Farmaajo mar kale ku lug yeesho ama door laga siiyo hoggaaminta shirka cusub. Haddii Rooble uu qaado tallaabo uu maamulka shirka ku siiyo Farmaajo waxay muujin kartaa in aanu u madax bannaaneyn howsha la sheegay in loo igmaday, taasi oo markale fashil hor leh u horseedi karta shirka maamulada dalka iyo dowladda federaalka. Qodobkan ayaa sidoo kale kamida arrimaha ugu muhiimsan ee ay tahay in go’aan looga gaaro ajendayaasha shirka. Astaamihii ugu dambeeyeey waxay muujinayaan in Rooble aanu sidaas sameyn doonin. Rooble ayaa iska riixay isku day ay madaxtooyada ku dooneysay inay kusoo faro-geliso howshiisa la xiriirta hoggaaminta arrimaha doorashooyinka dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Caasimada Online u sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu diiday soo-jeedin ka timid madaxtooyada oo aheyd in Cabdi Cali Raage, oo ah la-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka, loo soo wareejiyo xafiiskiisa, si uu ugala shaqeeyo shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Rooble ayaa tallaabada madaxtooyada u arkay isku day saameyn loogu dhex-yeelanayo, taasi oo dhaawici kartay kalsoonida ay ku qabaan mucaraadka iyo maamul goboleedyada kale oo weli u arka inuu yahay dhex-dhexaad. The post Rooble mise Farmaajo: Yaa guddoomin doona shirka ka furmaya Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  8. Waxaa goordhaw magaalada muqdisho soo gaaray madaxweeynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor . Qoor Qoor ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka oo la filaya in uu berri oo khamiis ah ka furmi doono Afisyooni. Warar ay heshay GoobJoog News ayaa sheegaya in gelinka hore ee berri oo khamiis ah la filayo in madaxweeynayaasha Jubbaland iyo Koonfur galbeed ay soo gaaran magaalada Muqdisho . Dhinaca kale Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa isna la filayaa in berri gelinka dambe uu soo gaaro magaalada Muqdisho . Dhanka kale waxaan la ogeyn goorta uu imaan doono madaxweeynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, kaas oo ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka. Shirkan xukuumadda ay garwadeenka ka tahay ayaa yimid kadib markii la fashiliyay qorsha Farmaajo uu mudda kordhin ku sameystay. GoobJoog News Source: goobjoog.com
  9. Midowga Musharixiinta oo u hambalyeeyay shacabka Somaliland xuska 18ka May Inta badan Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay u halbalyeeyeen shacabka iyo hoggaanka Somaliland oo xusaya 18-ka Bisha May oo ku beegan markii ay Reer Somaliland ku dhawaaqeen soo celinta xoriyadii luntay 1960kii Hoos Ka Akhriso Qoraalada ay si kala gooni gooni ah u soo saareen Midowga Musharixiinta. Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxaan hambalyo u dirayaa walaalaha Somaliland oo xusaya 18 May meel kasta oo Caalamka ay ka joogaan, anigoo ugu tahniyadeynaya nabadda, xasilloonida Siyaasadeed iyo hirgalinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee ay ku guulaysteen. Waxaan aaminsanahay in qadiyadda Somaliland iyo xalkeeda ay tahay arrin masiiri ah, muhiimna u ah dib u yagleelidda dowladnimo lagu wada kalsoonyahay oo Soomaaliyeed, taasoo nooga baahan in xil gaar ah la iska saaro, iyadoo lama huraan ay tahay in lala fariisto, la dhegeysto si looga qanciyo 30 sano ka hor dhibaatadii gaartay oo garowshiyo nooga baahan. Waxay tusaale wanaagsan u noqdeen mudadaas 30ka sanaa Soomaalida inteeda kale, iyagoo ku guulaystay sugidda Amniga, Horumarka Bulshada iyo in dadku ay doorasho galaan iyagoo xulanaya cidda hogaaminaysa. Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur. Waxaan shacabka iyo hoggaanka Somaliland ugu hambalyeynayaa nabada, xasiloonida iyo hannaanka dimoqoraadiga ah ee ay gaareen. Koonfur hadaan nahay waxaan jecelnahay midnimo, walaalaheena waxay qabaan in ay midowgii ku qasaareen. Doodu waxay tahay tagtadii ma ka xisaabtanaa si loo helo midnimadu qiimo ku kacda, taxidayada mustaqbalka uga tilaabsano, mise waynu u dabranaanaa oo fursadahaan ka luminaa faca danbe. Dood hufan oo Isqancin, garawshiyo leh ayaa lagama maarmaan ah, sababtoo ah marinka midnimadu waa Haragaysa, kan madaxbanaanidana waa Muqdisho. Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Maanta 30 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha Reer Somaliland ku dhawaaqeen gooni isutaag dhankooda ah. sidaa daraadeed marka hore waxaa Bogaadin mudan guulaha ay Somaliland ka gaartay mudadaas dhinacyada Nabadda, Horumarka, Hannaanka Doorashooyinka ku dhisan Qof iyo Codka, dimuqoraadiyadda iyo isu Tanaasulka. Waxaa xaqiiq ah in Xalka Qadiyadda Somaliland ay u baahan tahay ahmiyad, Mudnaan iyo Aragti Fog oo ay ku dheehan tahay Tanaasul, Garowshiyo iyo Wadahadalo miro dhal ah oo kayimaada dhanka Dawladda Dhexe ee Soomaaliya, kana Fog Caadifad iyo Laablakac, waana in lasameeyo wadahadalo ku saleysan waaqaca iyo halka ay Boogtu taalo. Waxaa wax laga xumaado ah in Maamulka Farmaajo aanu Arintaas siinin mudnaantii iyo maqaamkii ay lahayd, taas badalkeeda uu kula kacay cunaqabatayn dhinaca Mucaawinooyinka, Arrimaha Bulshada, mashaariicda horumarineed iyo waxyaabaha Aas-aasiga ah ee Dadka Reer Somaliland baahida u qabaan. Midnimo ku timaada wax wadalahaansho, Walaalnimo, Garawshiyo iyo isu tanaasul ee aan ku imaan khiyaano iyo Jujuub ayaa ina wada Deeqda. Qaran News
  10. Maamul Hirshabelle oo la tacaalaya daadad, dhibaato ka dhalatay isu socod la’aanta iyo arrimo kale ayaa waxaa maalmihii tagay hareeyey dagaallo ku baahay maamulka oo keenay dhimasho, dhaawac iyo in la gubo tuulooyin. Hiiraan: Labadii Todobaad ee lasoo dhaafay waxaa uu dagaal beeleed ay ku dhinteen in ka badan 15 qof ka dhaceen galbeedka caasimadda Hiiraan ee Baladweyn. Dagaalkan oo markii hore ka bilowday dhismo buundo oo lagu waday in IOM ka hirgeliso deegaanka Deefow ayaa waxaa isku khilaafay labo beel. Beesha Makanne oo ogolaatay iyo beesha Jijeelle oo diidan dhismaha buundada ayaa waxaa ay ka dhex dilaacay dagaallo ku fiday deegaanno ay ka mid yihiin Baladul Amiin, Bacaad Buuke iyo meelo kale. Ilaa hadda marka laga soo tago dhimashada 15-ka qof, waxaa jira dhaawacyo ay beelaha ku dhabiibayaan isbitaallo u gaar ah, waxaa sidoo kale la xaqiijiyey tuulooyin la gubay sababo la xiriira dagaalka. Weriyaha Goobjoog News ee gobolka Hiiraan waxaa uu sheegayaa in markii hore labada beel la kala dhex dhigay ciidamo ka socda dowladda, laakin markii dambe ay isaga tageen goobaha, taasi oo keentay in maanta dagaalka uu aad u xoogeysto. Shabeellada Dhexe: Dhanka caasimadda maamulkaasi ee Jowar waxaa maanta ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay gudaha magaalada soo weerareen ciidamo la baxay Macawisley, ishor imaad dhacay waxaa la xaqiijiyey geerida ilaa 6 qof oo ay ku jiraan labo ka tirsan madaxtooyada Hirshabelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa si lama filaan ah uga jawaabtay eedeyn ay Midowga Musharaxiinta u jeediyeen xukuumaddooda, taasi oo ay kaga cabanayeen howl-galada guracan ee loo adeegsado ciidamada ay u tobabaraan dowladda federaalka ee Haramcad iyo Gorgor. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga oo ka jawaabeysa arrintaas ayaa iska fogeysay inay mas’uul ka tahay falalka lagu eedeeyay ciidamada ay u tobabartay dowladda, ayada oo sheegtay inay jiraan dad magac-dil ku sameynaya dedaalada uu Turkiga ku taageerayo Soomaaliya. “Waxaa ka war haynaa dad wada olole lagu wiiqayo sumcadda Turkiga ee gudaha Soomaaliya, waxaana la og yahay in dadkaas ay doonayaan in dalal kale ay ku lug yeeshaan doodaha siyaasadda ee gudaha, balse isku-daygooda ayaa ah mid guul-daraysanaya,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay wasaaraddu kaga jawaabtay eedeyntaas. “Dowladda Turkiga waxay dowr hormuud ah ka qaatada dedaallada caalamiga ah ee lagu dhisayo ciidamo nidaamsan oo anshax leh, islamarkaana mideysan oo ay leedahay Jamhuuriyada Soomaaliya.” Turkiga ayaa ku doodaya in ciidamada ay tobabaraan si toos ah u hoostagaan Ciidanka Xoogga Qaranka ee Soomaaliya ayna mas’uul ka tahay dowladda Federaalka, taasi oo ay gaashaanka ugu daruureyso cabashadii mucaaridka ee ku aadaneyd ciidamada ay tobabaraan ee sida qaldan loogu adeegsado arrimo siyaasadeed. Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Gorgor oo tobabaray Turkiga ayaa lagu eedeeyay in ay awood xad-dhaaf ah u adeegsadeen mucaaradka oo uu khilaaf ku aaddan arrimaha doorashada kala dhexeeyay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, halkii loogu adeegsan lahaa la dagaalanka argagixisada. Mucaaradka ayaa ku eedeeyay ciidamadaas inay ku lug lahaayeen iska horimaadyo ka dhacay Muqdisho 19-kii February iyo 25-kii April ee sanadkan 2021-ka, kuwaas oo khal-khal geliyay ammaanka caasimadda. Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa hore u sheegay in in gaadiidka gaashaaman ee Turkiga uu ku taageeray ciidamada Soomaaliya loo adeegsaday caburinta shacabka. Ciidamada sida gaarka ah u tobabaran ee Haramcad iyo Gorgor ayaa kal hore loogu eedeyay inay ku milmeen siyaasada, islamarkaana ay madaxda waqtigeeda uu dhamaaday u adeegsadaan dano siyaasadeed, taasi oo xiisado hor leh ka kicisay caasimada dalka. The post Turkey oo jawaab ka bixisay eedaha mucaaradka ee la xiriira Haramcad iyo Gorgor appeared first on Caasimada Online.
  12. Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) said Monday it would be “appalling” for the Biden administration to proceed with a planned precision-guided munitions sale to Israel amid its ongoing conflict with Gaza. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulamo Sagootin Ah La Yeeshay Qaar Kamid Ah Wufuuddii Dalka U Timi Ka Qaybgalka Munaasibadda 18-Ka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay wufuud ka kala socotay dalka Jabuuti iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo waddanka u yimi ka qaybgalka munaasibadda 18-ka May oo xalay lagu qabtay qasriga madaxtooyada Somaliland. Madaxweynaha, ayaa xubnaha weftiga ah ee ka kasoo kicitimay magaalooyinka Jabuuti iyo Jigjiga uga mahadnaqay kasoo qaybgalkooda munaasibadda qaran ee 18-ka May iyo taageerada ay muujiyeen shacabka reer Somaliland ee dabbaaldegga ku hawllan. Wufuudda ka socotay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhankooda madaxweynaha, xukuumadda iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland uga mahadnaqay sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen iyo walaaltinimada ay muujiyeen. Qaran News
  14. Wararka inaga soo gaaraya magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in halkaas uu dagaal ku dhex maray ciidama ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka Hirshabeelle iyo ciidamada macwisleyda . Dagaalka ayaa sida la sheegay yimid kadib markii ciidamada macwisleyda ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ku taalla magaalada . Illaa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka , balse warar ay GoobJoog News ka heleyso deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan madaxtooyada dowlad gobaleedka Hirshabeelle . Cali Axmed Goodaad (Cali Madoobe) oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee madaxtooyada dowlad goboleedka HirShabelle HirShabelle ayaa la sheegay in uu ku dhintay dagaalka, halka Ciise Nuur oo ka mid ah shaqaalaha barotakoolka madaxtooyada HirShabelle uu dhaawac ka soo gaaray dagaalka . Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa soo saaray warbixin uu cinwaan uga dhigay “Sida uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u hanan karo fursadda jirta,” oo uu Rooble ku siiyey lix talo, kahor shirka berri la filayo inuu Muqdisho ka furmo ee arrimaha doorashada. Hoos ka aqriso warbixinta Heritage 1-dii Maajo 2021, ayaa Golaha Shacabka ee baarlamaanka dawladda federaalka Soomaaliya, uu ka laabtay muddo kordhintii uu sameeyey 12 Abriil 2021, taas oo ay ku korodhsadeen muddo-xileedkooda iyo kan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mudo laba sannadood ah. Tallaabadan ayaa xasillooni ku soo dabbaashay xaaladda dalka oo qarka u saarnayd in uu ka qarxo dagaal sokeeye, ka dib dhawr maalmood oo ay Muqdisho ku dhex hirdamayeen ciidammo ka wada tirsan ciidamadii aminga dalka oo la kala safan xukuumadda Farmaajo iyo hogaamiyeyaasha mucaaradka. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, tobannaan kun oo shacab ah ayaa guryahoodii Muqdisho uga qaxay dagaalkii hubaysanaa ee ka dhacay Muqdisho, waxaana cirka isku shareeray xiisadaha siyaasadda ee caasimadda Muqdisho, taas oo dib ugu laabatay xaaladdii ugu xumayd, ka dib markii ay golaha shacabku qaateen go’aanka la isku diidan yahay ee muddo kordhinta ah. Iska hor-imaadyadii hubaysanaa ee ka dhacay caasimadda iyo cadaadiskii joogtada ahaa ee ay beesha caalamku dul saartay, ayaa Farmaajo iyo golaha shacabkaba ku qasbay in ay ka laabtaan go’aankii ay qaateen, kuna dhawaaqaan in ay DFS u laabatay heshiiskii wadaxaajoodka doorashooyinka ee 17 Sebtember. Waxa aad muhiim u ah, in uu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay in raysalwasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble ku meteli doono hoggaaminta wadaxaajoodka arrimaha doorshooyinka. Farmaajo waxa uu raysalwasaaraha u xilsaaray in uu maamulo amniga iyo habsami-socodka doorashooyinka—arrintan ayaa ah halka ay sartu ka qudhuntay ee uu daaran yahay khilaafka u dhaxeeya dawladda faderaalka iyo kooxaha mucaaradka, oo hadda ku midoobay Golaha Badbaadada Qaranka. Mucaaradka iyo beesha caalamkuba waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen tallaabadan, waxaa aayna masuuliyaddeeda dusha ka saareen raysalwasaaraha. Raysalwasaaraha oo markii hore loo arkayey in aanu saamayn naf leh ku lahayn siyaasda dalka marka lala barbardhigo madaxweyne Farmaajo ayaa si lama filaan ah isugu arkay in uu tiir dhexaad u yahay xasilinta xiisaddahii taagnaa isla markaana helay raasumaal siyaasadeed oo mug leh. Isla markii uu masuuliyaddan cusub qaaday, waxa uu raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble aasaasay guddi isku dhafan oo amniga ka shaqeysa, si ay talooyin wax ku ool ah uga gaystaan siddii ciidamada amniga ee dagaalku dhexmaray looga saari lahaaa caasimadda. Maalmo yar gudahood, ayaa uu raysalwasaaruhu dib-u-celin degdega ah ku sameeyay ciidamada, iyaga oo ku laabtay furamihii ay al-Shabaab kula dagaallamayeen iyo saldigyadoodii kale ee ay hore uga hawlgali jireen. Dhanka kale, si loogu gogolxaadho arrimaha doorashooyinka, raysalwasaaruhu waxa uu ku baaqay kulan u dhaxeeya DFS iyo hoggaamiyeyaasha dawladaha xubnaha ka ah federaalka, kulankaas oo loo asteeyay in uu qabsoomo 20-ka Maajo 2021. Gaadhitaanka guulahan degdegga ah, raysalwasaruhu kuma keenin oo kaliya awooddiisa siyaasadeed, balse waxa ay ku yimaaddeen in uu si weyn kor ugu qaaday kalsoonida ay ku qabaan saammilayda siyaasaddu, iyaga oo ku taageeray in uu awooddiisa u isticmaalo xasilinta xiisadda siyaasadeed. Inkasta oo uu raysalwasaaruhu awood u leeyahay in uu dhinacyada oo dhan ka caawiyo in ay helaan gogol loo dhan yahay, haddana in uu farsadda kaga faa’iidaysto muddadan gaabani, waxa ay u baahan tahay in la isla helo karti siyaasadeed, istaraatiijiyad hiraal fog iyo fahan qotodheer oo loo yeesho qodobbada la isku maandhaafsan yahay, kuwaas oo sababay in lagu fashilmo wadahadalladii hore ee dhexmaray DFS iyo mucaaradka. Faalladan waxa looga gol leeyahay in lagu iftiimiyo siyaalaha uu raysalwasaaruhu u hanan karo fursaddaha jira muddadan gaaban si uu dalka guul ugu horseedo, ka dib xiisadahii baaxada weynaa ee ku salaysan siyaasadda iyo nabadgelyada ee la soo maray. Ugu horrayn, waa in uu raysalwasaaruhu dhexda u xidhaa in aanu sinaba dib u dhac ugu iman shirka uu ku baaqay 20-ka Maajo. Xataa dib-u-dhac yari, waxa uu wiiqayaa arrintan hadda taagan, isaga oo sababi kara cawaaqib xumo aan halisteeda laga soo waaqsan. Waxa intaa dheer, in R/W Rooble uu sameeyo dedaalkasta oo ay dhammaan saammilaydu kaga soo qaybgalayaan shirka soo socda. Marka laga yimaaddo dawladda federaalka iyo dawlad-goboleedyada, Golaha Midawga Musharaxiinta iyo labada guddoomiye ee aqalka sare iyo golaha shacabka waa in ay shirka ka soo qaybgalaan, iyada oo lagu tixgalinayo kaalintii muga lahayd ee ay ka qaateen xiisadihii dhawaan dhacay—waana in si degdeg ah xal loo gaadhaa. Haddii lagu fashilmo in loo wada dhammaado kulanka 20-ka Maajo, waxa ay curyaaminaysaa rejada laga qabo maxsuulka shirka. Arrimaha ugu muhiimsan Waxa la isku wada raacsan yahay in heshiiskii hadalhaynta badan dhaliyay ee 17 September, iyo talo soo jeedintii farsamo ee Baydhabo lagu qabtay 16 Febaraayo, ay gundhig u noqon doonaan wadahadalka la filayo in uu qabsoomo 20-ka Maajo. Hayeeshee, saammilayda siyaasadda ee Soomaaliya ayaan isku raacsanayn nuxurka heshiisyadaas, maxaa yeelay qolo kastaaba si gaara ayay u turjumatay heshiisyadaas. Marka loo eego sida ay qabto Dawladda Federaalka Soomaaliya, heshiisyadaasi waa qaar kama danbays ah oo dhaqangalay, waxa kaliya ee la rabaana waa in ay dhinacyadu isku waafaqaan. Dhanka kale, golaha midowga murashaxiinta, guddoomiyaha aqalka sare iyo dawlad-goboleedyada ay isku xulufada yihiin ee (Puntland, Jubbaland) waxa ay qabaan in ay heshiisyadaasi qabyo yihiin, oo ay wali socdaan, sidaa darteedna aanay u ahayn kuwo dhaqangal ah. Qoladan danbe waxa ay ku doodayaan in heshiiska 17 September uu yahay ka asaaska ah ee laga duulayo, loona baahanyahay wadahadal qotodheer. Waxa loo baahan yahay in uu Raysalwasaare Rooble isku xiro ama isu soo dhaweeyo kala duwanaashahaas aragtiyeed ee u dhaxeeya labada dhinac. Si kastaba ha ahaatee, waa in Raysalwasaaraha loo arko ama uu muujiyaa madaxbannaani siyaasadeed, isla markaana waa in uu la yimaaddo taxadar dheeraad ah, si uu dhexdhexaad ugu noqdo ama ugu sinnaado madaxwayne Farmaajo iyo mucaaradka. In uu majaraha u qabto wadahadalka doorashada, waxa ay ku xirantahay awoodda uu ku maareeyo in laga gudbo wadiiqadaas ciriiryoon. Waxa dhab ah,in raysalwasaaruhu awood weyn ku helay go’aankii u ku diiday muddo kororsigii labada sano ahaa. Marka taas laga yimaaddo, wali waxba iskamay beddelin nuxurka ama waxyaabaha gundhigga u ah siyaasadda la isku hayo, sidaa darteed Raysalwasaaraha oo kaliya ayaa ku habboon in uu arrimahaas u xalliyo hab kalsooni abuuri kara. Qiimayntanyadan, lix arrimood ayaa fure u ah in la helo wadahadal qotodheer oo daacad ah: Tan kowaad, Raysalwasaaruhu waa in uu xasilooni ka dhex abuuraa hoggaanka sare ee laamaha amniga, gaar ahaan Ciidanka Qaranka Soomaaliya. Qulqulatooyinkii hubaysnaa ee 25-29 Abriil Muqdisho ka dhacay, waxa ay inta badan u dhaxeeyeen cutubyo ka wada tirsan ciidanka qaranka Soomaaliyeed, oo la kala saftay dhinacyada siyaasadda. Taliyeyaal sarsare ayaa mucaaradka garab la noqday, iyaga oo sheegay in ay “difacayaan dastuurka iyo nidaamka dimuqraadiyadda.” kadib markii uu raysalwasaaruhu dib-u-calin ku sameeyay ciidamada amniga,waxa uu wadashaqayn wayn la sameeyay dhinacyada kala duwan, si uu u soo celiyo kalsoonidii hoggaanka sare ee ciidanka. Hawlaha horyaal Raysalwasaaraha waxaa ka mid ah sidii uu go’aan adag uga qaadan lahaa la dhaqanka taliyeyasha siyaasadeeyay laamaha amniga, ha noqoto in uu beddelo ama meelo kale u wareejiyee. Hayeeshee, marka la eego xaaladda kacsan ee dalku ku jiro, in tallaabooyinkaas lagu dhiirradaa ma aha arrin fudud. Iyada oo aan xal loo helin arrimaha cakiran ee ka dhex jira laamaha amnigana, mudane Rooble way ku adkaan doontaa in uu horseed u noqdo wadaxaajood siyaasadeed oo miro dhal leh. Labaad, waa in uu raysalwasaaruhu iska ilaaliyaa in uu dib ugu laabto khaladaadkii hore oga dhacay, marka ay timaaddo magacaabida guddiga doorashooyinka federaalku. Guddigii maammulka doorashooyinka ee khilaafka badan dhaliyay, oo la aamminsanyahay in ay ku yimaaddeen rabitaanka madaxwayne Farmaajo ee uu hore u magacaabay Oktoobar 2020. Qaar ka mid ah guddigaas ayaa ah saraakiil sarsare oo ka tirsan xafiiska madaxwaynaha, iyo ka raysal-wasaaraha, ka mid noqoshadooda guddida doorashooyinkuna waxa ay meesha ka saartay kalsoonidii lagu qabi lahaa guddigaas. Raysalwasaaruhu waxa uu haystaa fursad oo uu ku soo dhisi karo guddi cusub oo doorasho, si loo suurtagaliyo in ay xubnahaasi noqdaan kuwo hela kalsoonida dhammaan saammilayda siyaasadda. Nasiib wannaag, Soomaaliya waxaa laga helayaa dad badan oo doorkaas qaadan kara, raysalwasaaruhuna waxa uu si shakhsiyan ah u yaqaannaa dad badan oo kaalintaas buuxin kara. In uu raysalwasaaruhu tallaabadan ku dhiirradaa waxa ay noqonaysaa farriin wayn oo muujinaysa in uu mudane Rooble daacad ka yahay qabsoomidda doorashooyin loo dhanyahay, oo lagu higsanayo doorasho xor iyo xalaal ah. Sidaa oo kale, arrintaasi waxa ay dawladaha Federaalka xubnaha ka ah ku riixi doontaa in ay dhankooda ka magacaabaan guddi ixtiraam ku leh bulshada dhexdeeda, waa haddii uu raysalwasaaruhu jeexo tusaale wanaagsan. Seddexaad, raysalwasaare Rooble waa in uu dhakhso u xalliyo caqabadaha iyo isdiidooyinka hortaagan guddida doorashada Soomaalilaan. Nasiib wanaag, arrinta Soomaalilaan, way sahlantahay in la xalliyo marka loo eego kuwa kale, maxaa yeelay, doorkaas waxaa leh R/W kuxigeenkiisa, Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi. Dhexdhexaadinta labada dhinac,waxa uu R/W Rooble ku cadaadin karaa in ay ku heshiiyaan nidaamka qaacidada, si ay wada jir ugu soo wada magacaabaan guddi masuul ka noqotaa maamulidda doorashada Soomaalilaan. Shaki kuma jiro in hoggaamiyeyaasha arrintani khusaysaa ay leeyihiin karti iyo go’aan ay ku gaaraan heshiis caddaalad ah. Balse marka ay timaaddo goobta codayntu ka dhacayso, waxa ugu habboon, macquulna ah, in la tixgalinayo u nuglaanta cadaadis ay wajihi karaan, haddaba si taas looga hortago waa in xulidda baarlamaanka Soomaalilaan lagu qabto gudaha gagida diyaaradaha ee Muqdisho, amnigoodana loo xil saaro AMISOM. Afraad, maaddaama ay ilaa iyo hadda arrinta Gedo tahay tan ugu adag dhamaan arrimaha miiska saran, raysalwasaaruhu waxa uu door dhexdhexaadineed ka ciyaari karaa xiisadda Gedo. Si ka duwan madaxweynaha, oo dano gaar ah ka leh xaaladda Gedo, loona arko in uu door hoggaamineed ka ciyaaray qotodheerida dhibaatadan, raysalwasaaraha waxa loo arki karaa in uu yahay shaqsi dhexdhexaad ah. Sida ku xusan heshiiska 17 Sebtember, dowlad- goboleedyadu waa in ay qabsan karaan doorashooyin u gaar ah. Si kastaba ha noqotee, dhinacyada Jubbaland waxa ay ku qasban yihiin in ay si daacad ah ugu gorgortamaan, oo ay go’aansadaan hannaanka ay u arkaan in ay doorasho uga dhici karto Gedo, iyada oo la waafajinayo tabashooyinka sharciga ah ee bulshada gobolka. Shanaad, waa in tixgalin gaar ah la siiya waqtiga doorashada lagu qabanayo. Muddadii sharciga ahayd ee masuuliyiinta la doortay waxa ay ku ekayd seddex bilood ka hor, wadahadalada oo sii daba dheereedaana waxa ay horseedi karaan muddo kordhin tuugaaleysi ah, oo aan la shaacinin. Inta lagu guda jiro wadaxaajoodka dhacaya 20-ka bishan Maajo, waa in uu raysalwasaaruhu dejiyaa waqti bartilmaameed ah oo cayiman si ay labada doorasho ee baarlamaanka iyo madaxweynaha ugu qabsoomaan 90 ilaa 120 maalmood gudahood. Markasta oo ay saammilaydu sida uga dhakhsaha badan uga heshiiso doorashooyinka, waxa ay u fiican tahay xasiloonida dalka ee muddada-dheer. Ugu dambeyn, kaalinta beesha caalamku weli aad ayey muhiim u tahay. Cadaadiska joogtada ah ee ay ku hayaan madaxda Soomaaliya ayaa caawiyay in dib loo furo wada hadallada ka taagan jahwareerka siyaasadeed. Marka la eego, dhexdhexaadinta Midowga Afrika, oo ku timid codsiga madaxweyne Farmaajo, waa in loo oggolaadaa in ay sii socoto. Go’aankii ay DFS ku diiday ergayga midowga Afrika yaa tilmaan qaldan bixiyey. Marka laga yimaaddo cidda noqonaysa ergayga Midowga Afrika, waxaan shaki ku jirin in saamileeyda siyaasada Soomaaliya ay u baahan doonaan dhexdhexaadin inta wadahadalku socdo. Ku dhowaad 15 sano, Midowga Afrika waxa uu wax badan u huray xasilloonida iyo nabadgalyada Soomaaliya, iyada oo loo marayo Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee loo yaqaanno AMISOM. Ergayga Midawga Afrika ayaa matali kara bulshada caalamka oo dhan, isaga oo wakiil ka noqon kara habsami-socodka wadaxaajoodka doorashooyinka, waa haddii ay codsadaan dhinacyada ku loolamaya siyaasadda Soomaaliya. Wadaxaajoodyadii hore ee doorashooyinkuna waxa ay bulshada caalamka uga baahdeen dhexdhexaadin. The post Heritage oo R/W Rooble kula talisay lix qodob kahor shirka berri ka furmaya Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  16. Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay warar ay baahiyeen wargeysyada dalka Kenya kuwaas oo lagu shegay in ay Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in si isku mid ah u qeyb sadaan dakhliga ka soo xarooda dhul badeedka welli muranka uu ka taagan yahay . Warbixin uu daabacay waregyska The Star oo ka soo baxa dalka Kenya ayaa lagu sheegay in Labada dowlad ay heshiis ku gaareen in 50% ay ka kala qaataan daqliga ka soo baxa dhul badeedka Soomaaliya ee ay muranka gelisay Kenya . Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in wararla ay qorayaan Wargeysyada Kenya ay yihiin kuwa dowladaasi shacabkeeda ku maawelineyso . “Markii Dowladd Kenya ay u shaqeyn wayday damacii waalnaa ee ahaa annagaa iska leh badda, hadda waxay shacabkeeda u diyaarinaysaa inay ka tirtirto cajaladdaas, kuna maaweeliso dheefta ayaan wax ku leenahay haddii dacwadda nalooga adkaado,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka . Source: goobjoog.com
  17. The latest xenophobic attacks in South Africa have already left 13 Somali nationals dead in Khayelitsha this past Saturday. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) - At least four soldiers, including a commander, have been killed in a roadside bomb attack in Jowhar on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  19. Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in qaraxa nooca Miinada ah uu ka dhacay deegaanka Buur-kaama bareeye ee magaaladaas, kaasi oo lala eegtay Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe. Sida ay Caasimada Online u sheegen goobjoogayaal qaraxaas ayaa waxa uu haleelay ciidamo la socday kolonyo gurmad ah oo uu hogaaminayay guddoomiyaha, xiligaas oo Ciidamo kale oo duleedka magalada kula dagaalamayay Maleeshiyaadka macawiisleyda. Qaraxa Miino ayaa waxa ku geeriyooday askar ka tirsan ilaalada guddoomiyaha oo ilaa inta la xaqiijiyey dhan saddex askari, halka kuwa kalena ay ku dhawaacmeen. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka la qarxiyay ay ahaayeen kuwo lugeynaya cabsi ay ka qabeen Qaraxyo dhulka la geliyay, kuwaasoo midkood haleelay ciidankii lugeynayay. Qaraxaan ayaa waxa uu kusoo aadaya xili uu socday dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda ee Haramcad, Boolis iyo ciidanka Danab oo dhinac ah iyo maleeshiyaad macawiisleey ah oo ka careeysan taliyahooda oo la xiray. Dagaalka oo xoogiisa ka dhacay xaafadda Hanti-Wadaag ee magaaladaasi, ayaa yimid kadib markii ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Macawisley ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin halkaasi, iyada oo la’isku adeegsaday huka noocyadiisa kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas lagu dilay Cali Axmed Goodaad (Cali Madoobe) oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee madaxtooyada dowlad goboleedka HirShabelle HirShabelle, iyadoo sidoo kale uu dhaawacmay Ciise Nuur oo ka mid ah shaqaalaha barotakoolka madaxtooyada HirShabelle. Sidoo kale khasaaraha ayaa lagu soo warramayaa inuu intaasi ka badan yahay, balse ma jiro wax faah faahin ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Jowhar. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana is horfdhiya dhinacyada ku dagaalamay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. The post Qarax ka dhacay Jowhar oo lala beegsaday Kolonyo gurmad ah (Faah-faahin) appeared first on Caasimada Online.
  20. Somalia has denied reports that the resumption of diplomatic relations with Kenya stems from an oil-sharing agreement on the offshore. Source: Hiiraan Online
  21. Garowe (PP News Desk) — Puntland Ministry for Environment, Agriculture and Climate Charge yesterday designated Cado-dheere and Laba-dulley as no-free range zones for fifteen days. The decision will bar nomads from letting their herd graze at the two areas. Puntland Government cited overgrazing as the main reason for the decision seen by environmentalists as a heightened awareness about impact of growing livestock population in a decreasing vegetation consumed by goats, sheep and camels. Caddo-dheero Valley (File photo) The new natural resource management policy will pave the way for preparedness for the dry season when low rainfall forces nomads to migrate in search of pastures for their livestock. Other plans the Environment Ministry explores include training nomads in how to prepare animal feeds before a drought drastically reduces the availability of pastures. “At last our nomads are realising that the natural habitat offers limited grazing opportunities that can only me maintained through range management techniques. They now know that owning more livestock means less pasture” said Hassan Mohamud, a former employee of the National Range Agency. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Temporarily Limits Free Range Zones for Livestock appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay war uu baahiyey wargeyska The Star, ee Kenya uu ku sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku gaareen heshiis ah inay si siman u qeyb-sadaan dakhliga dhul badeedka lagu muransan-yahay. Wargeyska The Star ayaa qoray inuu arkay warqadaha heshiiska oo dhigaya saami wadaag ah 50:50, kaasi oo la filayo in dhowaan lagu saxiixo Doha, kaasi oo meesha ka saaraya kiiskii yaalay maxkamadda ICJ, sida uu sheegay. Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska uu sheegay wargeyska, kaasi oo labada dal si siman ugu qeyb-sanayaan 50:50 kheyraadka badda lagu muransan-yahay. Mahdi ayaa hoosta ka xariiqay in marnaba kiiska badda aan looga xaajoon karin meel ka baxsan maxkamadda ICJ, islamarkaana ay dowladda Soomaaliya sugeyso go’aanka maxkamadda. Sidoo kale, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed ayaa asaguna wararka heshiiskaas ku tilmaamay mid ay dowladda Kenya ka leedahay ujeedo siyaasadeed, ayna ku rabto in bulshadeeda ku indho-sarcaado, maadama looga adkaaday kiiska badda. Waxa uu ku tilmaamay heshiiska uu The Star baahiyey “maaweelo cusub oo dowladda Kenya ku jahwareerinayso bulshada”, sida uu hadalka u dhigay. “Markii Dowladd Kenya ay u shaqeyn wayday damacii waalnaa ee ahaa annagaa iska leh badda, hadda waxay shacabkeeda u diyaarinaysaa inay ka tirtirto cajaladdaas, kuna maaweeliso dheefta ayaan wax ku leenahay haddii dacwadda nalooga adkaado,” ayuu yiri. Warbaahinta Kenya, gaar ahaan wargeyska The Star ayaa hore u baahiyey in Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ka gaareen muranka Badda, kaasi oo ay dowladda Qatar gadaal ka riixeyso, oo ayadu kal hore dib usoo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal. Qatar ayaa saami ku leh shirkadda shidaalka ee Talyaaniga ee ENI, oo shidaal sahmin ka sameyneysa xirmooyin ku yaalla dhulka muranka ay gelisay Kenya, heshiiskaas oo ay la gashay dowladda Kenya. Shirkadda Qatar Petroleum ayaa sidoo kale heshiis la gashay shirkadda shidaalka ee Faransiiska ee TOTAL, taasi oo ayada oo ay wehliso ENI ay leeyihiin 25% xirmooyinka shidaalka ee L11A, L11B iyo L12, kuwaas oo aan ka tirsaneyn dhul-badeedka ay muranka gelisay Kenya. Xirmooyinka shidaal ee ENI ay ka iibisay Qatar ayaa la rumeysan yahay in cabirkooda uu dhan yahay 15,000 oo isku wareeg feet ah. Qatar ayaa qorsheysay inay shidaal sahmin ka sameyso dhulkaas sanadkii tegay, hase yeeshee waxay ka laabatay qorshahaas ayada oo aan si rasmi ah u shaacin sababta. Dowladda Qatar ayaa la fahamsan yahay inay dooneyso in kiiska badda ay labada dal ka gaaran heshiis, taasi oo meesha ka saareysa dacwadda taalla maxkamadda, si ay dhakhso ugu bilowdo sahminta shidaalka iyo ka shaqeysiinta saamiyada shidaal ee ay ku leedahay aaga lagu muransan yahay, hase yeeshe waxaa ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn halka ay ku biyo shuban doonaan dadaaladaas. The post DF oo jawaab kulul ka bixisay warka ay faafisay Kenya ee la xiriira ‘heshiiska’ badda appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle. Dagaalkan oo uu xoogiisu ka dhacay xaafadda Hanti-Wadaag ee magaaladaasi, ayaa yimid kadib markii ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Macawisley ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin halkaasi, iyada oo la’isku adeegsaday huka noocyadiisa kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan lagu dilay Cali Axmed Goodaad (Cali Madoobe) oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee madaxtooyada dowlad goboleedka HirShabelle HirShabelle, iyadoo sidoo kale uu dhaawacmay Ciise Nuur oo ka mid ah shaqaalaha barotakoolka madaxtooyada HirShabelle. Sidoo kale khasaaraha ayaa lagu soo warramayaa inuu intaasi ka badan yahay, balse ma jiro wax faah faahin ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Jowhar. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana is horfdhiya dhinacyada ku dagaalamay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalkan ayaa daba socda xarig loo geystay taliyihii maleeshiyaadka Macwiisley oo lagu magacaabo Yuusuf Macalin oo loo yaqaano (Dufaarow) iyo afar ka mid ah askartiisa, kuwaas oo xabsiga la dhigay kadib markii la’isku qabtay lacago ay ka qaadayeen gaadiidka. Si kastaba Jowhar ayaa waxa ay horey ula daala-dhaceysay xaalad ka dhalatay fataahad wabiga Shabelle uu ka geystay magaaladaasi iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada. The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Jowhar iyo sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada HirShabeelle oo lagu dilay appeared first on Caasimada Online.