Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Abdinasir Buuni ayaa yidhi;- “Xisbiga Wadani wuxu soo sharaxay nin aan cod ku haysan Gobolka Maroodi jeex oo ah Afhayeenka xisbiga Waddani (Barkhad Batuun) reerkiisu ma degaan Somaliland, waxay dagan yihiin Puntland, Suldan Naasir waaka halkaas soo joogee waa loo diiday in lasoo sharaxo cid kale, anagu waanu tix galinay labada xisbi mucaarad inaanan cid kale ka garab sharaxin si aanay cod u waayin . Marka xisbiyada mucaaradku wixii ay gudahooda ka sameeyeen yaanay xukuumada iyo xisbiga Kulmiye kula war wareegin mucaaridku waxay khalad sameeyaan “. Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo maanta gaaray magaalada Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirka lagu wado inuu ka furmo Muqdisho ee arrimaha doorashada. Axmed Madoobe ayaa mas’uuliyiintii soo dhaweysay iyo bulshada Soomaaliyeed ugu bushaarayey in waxsan ay kasoo bixi doonaan shirka uu hore u iclaamiyey ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, kadib markii ay maamulada dalka qaarkood ka aamin baxeen madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday. “Waxaa ugu mahad-celinayna anaga oo imaaneynay gurigeena inay nasoo dhaweeyaan, waxaan rabaa in aan idhaahdo abshir, soo dhoweyntiina insha-allaha lagu khasaari maayo, halka shey ee muhiimka ah waxa uu yahay in aan ka baxno xaalada aan ku jirno,” ayuu yiri. “Waa garaneyna waxaa soo marnay, waana garaneyna waxa naga horeeya iyo waxa dhacay waxa uu keeni karo, waa in aan taas niyada wada gashano. Qof walba qofka kale wanaag ha u maleeyo oo kheyrka ha la kala maleysto.” Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn isku hayeen Farmaajo oo guddoominayay shirarkii hore ee doorashada, ayaa markaan u muuqda mid la dhacsan doorka Rooble ee xalinta khilaafka doorashooyinka, oo asagu la wareegay arrimaha doorashooda iyo amnigeeda. Shirka ka furmaya magaalada Muqdisho maalinta Sabtida ayaa lagu wadaa in xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka doorashada ee muddooyinkii dambe taagna, kaasi oo kal hore gaaray heer gacan ka hadal ah. Waxaa si weyn u socota qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha wada-tashiga qaran, waxaana magaalada Muqdisho ku sugan inta badan madaxda dowlad goboleedyada, halka kuwa dhimana lagu wado inay soo gaaran galinka dambe ee maanta. The post Rajada Axmed Madoobe ee shirka Muqdisho, kadib safarkiisa maanta + Video appeared first on Caasimada Online.
  3. MOGADISHU - At least six al-Shabab militants were killed on Thursday in an operation in the southern region of Lower Shabelle, a military officer confirmed. Source: Hiiraan Online
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay in xifaaltanka siyaasadeed ee dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta uu gaaray meeshii u sareysay, xili ay ku loolamayaan gudaha dalka Soomaaliya. Warbaahinta T54 ee Turkiga ayaa sheegay in dagaalka siyaasadeed ee labada dowladood ee Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ka dhexeeyaa uusan ku koobnayn oo keliya taageerada Millatari ee siiyaan dhinacyada iskaga soo horjeeda Liibiya, balse uu dagaalkoodu xiriirsan yahay illaa Soomaaliya. Imaaraadka ayaa ka dagaalamaya in Turkigu awooddiisa ku fidiyo gobolka Geeska Afrika, sidaasi darteed markii Turkiga uu saldhiga Ciidan ka hirgeliyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu Imaaraadkuna uu Saldhig Ciidan ka samaystay Magaalada Berbera, sida ay sheegtay warbaahinta T54. Imaaraadka oo xiriir fiican la leh Somaliland oo ayadu ku dooda inay ka go’day dalka intiisa kale, ayaa waxa uu uga faa’iideysanayaan xifaaltanka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Turkiga oo asagu dhinaca saaray dowladda federaalka Soomaaliya. “Turkiga intuu isku muujinayey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Imaaraadku wuxuu Saldhig Ciidan ka dhistay Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed, isagoo taageeraya Somaliland oo Madax-banaanideeda ku dhawaaqday 1991,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Juquraafi ahaan, Imaaraadku wuxuu sii waday inuu Millatari ahaan iskugu fidiyo dhul fog, si uu u sii joogteeyo dib u dhaca Turkiga.” Dagaalka siyaasadeed iyo ka ciidan ee Imaaraadka iyo Turkiga ayaa si weyn u soo if-baxay markii ay labada dowladood kala taageereen dagaalka Liibiya, oo Turkiga uu taageero u fidiyey dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee dalkaas, halka Imaaraadka uu dhinaca saaray Generaal Khaliifa Xaftar. The post Loolanka u dhaxeeya Turkey iyo Imaaraadka Carabta oo lugaha la galay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  5. Mogadishu (HOL) The United Nations urges all Somali leaders to participate in good faith in implementing the September 17 agreement. Source: Hiiraan Online
  6. MOGADISHU (HOL) - Efforts to mitigate the impact of floods in Somalia got a boost Wednesday thanks to a partnership between FAO and the French Government which will leverage technology to respond to perennial floods. Source: Hiiraan Online
  7. Shirkii wadatashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo lagu waday inuu maanta oo Khamiis ah ka furmo Muqdsho ayaa dib u dhacay, iyadoo qaar kamid ah madaxda dowladd goboleedyadu aysan weli soo gaarin Muqdisho. Warar ay heshay Puntland Post ayaa sheegaya in shirku uu dib u dhacay ilaa maalinta Sabtida ee todobaadka dambe, kadib markii qaar kamid ah madaxda ka qeyb-galaysa aysan weli iman Muqdisho. Madaxweynayaasha Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa shalay iyo maanta soo gaaray Muqdisho, halka madaxweynayaasha Puntland iyo Hirshabeelle ay weli ka maqan yihiin Muqdisho. Shirka Muqdisho oo ka dhici doona Teendhada Afisyoone waxaa saldhig u ah heshiiskii 17 September 2020 ee arrimaha doorashada, waxaana horey ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble, kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey u sheegay in ay ka go’an tahay wax kasta oo horseedi kara in uu guuleysto shirka doorashada. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo xubno matalaya Midowga Musharaxiinta ayaa lagu wadaa in ay qeyb ka noqdaan shirka Muqdisho ka furmaya horraanta todobaadka dambe. Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dib u dhac ku yimid shirkii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  8. Shirkii arrimaha doorashada ee lagu waday in uu maanta oo khamiis ah ka furmo Muqdisho, ayaa u dhacay sabtida kadib markii aanay wada imaanin madaxda maamul gobaleedyada . Illa iyo hadda madaxda soo gaartay caasimadda waxaa ka mid ah madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur galbeed iyo Jubbaland, halka saacadaha soo socda la filayo madaxweynaha Puntland Saciid Deni in uu soo gaaro magaalada Muqdisho. Dhanka kale waxaan la ogeyn imaanshiyaha madaxweynaha maamul gobaleedka Hirshabeelle, oo khalalaaso ay ka dhaceen deeganadiisa , taas oo dad badan ay ku nafwaayeen. GoobJoog News Source: goobjoog.com
  9. Beesha Caalamka ayaa sheegtay in shirka Muqdisho ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya. War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay ayaa loogu baaqay dhamaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada inay sameeyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan heshiiskii 17kii Sebtember. Beesha Caalamka waxay soo dhaweeyay ballanqaadka dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ee ka-qaybgalka shirka si shuruud la’aan ah. Ra’iisul Wasaare Rooble ayay Beesha Caalamku ku bogaadisay qabashada shirka Muqdisho, waxayna u rajeysay in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo ka hadashay shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo shirka wada-tashiga ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho. Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday inay taageero buuxdo siineyso ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isugu leh qaban-qaabada shirkaasi iyo madaxda kale ee Soomaaliyeed ee ka qeyb-galeyso, si ay wada-hadalladu u noqdaan kuwa miro-dhal ah. “Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda kale ee Soomaaliyeed waxay heystaan taageerada Qaramada Midoobay ee ku aadan guuleysiga shirka wada-tashiga qaran ee doorashooyinka ee ay Soomaalidu hoggaamineyso,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay QM. Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa looga dalbaday madaxda Soomaaliyeed inay si daacadnimo ah uga qeyb-galaan shirka, si heshiis dhab ah looga gaaro doorashooyinka. “Waxaan ku dhiiro-gelinay dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay si daacadnimo leh uga qeyb-galaan shirka Muqdisho ka dhacaya, si dhakhso looga heshiiyo hirgelinta doorashada,” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay. Ugu dambeyn xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay tanaasul muujiyaan, si looga gudbo xaaladda adag ee haatan lagu jiro, si ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya horey ugu sii socoto. “Tanaasul iyo is-afgarad ayaa loo baahanyahay, si Soomaaliya ay horey ugu sii socoto, uguna faa’iideystaan dhammaan dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warbixinta QM. Bayaankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo la filayo inuu magaalada Muqdisho ka furmo shirka doorashooyinka ee dowladda iyo dowlad goboleedyada, kaas oo lagu waday inuu maanta si rasmi ah u bilowdo, balse uu ku yimid dib u dhac ay sababeen arimo farsamo. The post QM oo soo bandhigtay laba arrin oo uu ku guuleysan karo shirka ka furmaya Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah shacabka caasimadda. Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho kaga Qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka. Source: goobjoog.com
  12. Shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda Somaliland Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu mamnuuc ka yihiin siyaasadda, xukuumadiisuna ay arrintaas fulinayso. “Shaqaalaha dawladdu hadduu ciidan yahay iyo hadduu shaqaale dawladeed yahay siyaasadda wuu ka reebban yahay, waana u dhex oo shaqadii qarankuu wadaa, sharcigaana sidaas ina faraya, waana aynnu ku dhaqmaynaa,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi. Muuse Biixi Cabdi ayaa hadalkan ka jeediyay shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda Somaliland oo looga hadlayay diyaargarowga iyo hirgelinta doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan 31-ka bishan May 2021. Dhanka kale Muuse Biixi ayaa sheegay in ay hawlgeliyeen 11,000 askari oo ammaankooda sugaya 2,800 goobood oo ay ka dhacayaan doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka Somaliland. Hoos ka daawo Muuse Biixi oo arrimahaas iyo kuwo kale ka hadlaya. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi: Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada waa ka mamnuuc siyaasadda appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray liis ay ku shaacineyso 41 jaamacadood oo ay aqoonsatay wasaaraddu. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in jaamacadahaas oo kamid ah kuwa dalka ka jira ay kasoo gudbeen wajiga 1-aad ee qiimeeyntii uu guddiga ku sameeyey jaamacadaha dalka ee ka diiwaan-gashnaa Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo tacliinta sare. “Jaamacadaha aan ku jirin liiskaan waxeey heli doonaan fursad labaad oo ay ku soo buuxiyaan dhaliilahooda. Guddiga ayaana sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiri doono jaamacad walba oo martay qiimeeyntaas,” ayaa lagu yiri qoraalka. Jaamacadaha ay wasaaradu soo bandhigtay ayaa waxaa ka dhex muuqday jaamacadaha Simad, Muqdisho, Benaadir, Hormuud iyo Jamhuuriya. Sidoo kale Jaamacada ay soo bandhigtay waxaa ku jira Camuud iyo Eelo oo ku yaala Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal. Liiska cusub ee ay ku shaacineyso wasaaraddu jaamacadaha ay aqoonsatay ayaa imanaya xili ay xalay digniin u dirtay labaatameeyo jamaacadood oo ku yaala dalka. Ogeysiis xalay kasoo baxay Gudigga Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa loogu yeeray in ka badan 20 ka mid ah Jaamacadaha dalka, kuwaas oo lagu war-geliyey inay sida uga dhaqsiyaha badan ula soo xariiraan gudigga, si loo dhameystiro habraaca diwaangelinta aqoonsiga Jaamacadooda. Qoraalka guddiga waxaa lagu sheegay in tani ay tahay fursadii ugu dambeysay oo ay jaamacadaha loo yeeray heystaan, maadaama afar jeer oo hore loo yeeray oo aysan imaan, sida ku cad qoraalka guddiga. “Waxaan u sheegeynaa Jaamacadaha magacyadooda liiska ku qoran yahiin in ay tahay fursadii ugu danbeysay ee ay hesytaan kuna imaadaan sida ugu deg dega badan xarunta dhexe ee gudigga Qaranka Tacliinta sare uu ku leeyahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS km5 Zoobe,” ayaa lagu yiri qoraalkaas. Liiska uu xalay soo saaray guddigu waxaa ku xusan magacyada 21 jaamacadood oo ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo lagu war-geliyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono hadii aysan la soo xariirin guddiga inta u dhaxeysa 19-ka bishan May ilaa 5-ta bisha dambe ee June. Hoos ka akhriso Liiska Jaamacadaha 41-ka ah ee ay wasaaradu aqoonsatay iyo kuwa kale ee 21-ka ah ee loo digay. The post DF oo shaacisay magacyada 41 Jaamacad oo ay aqoonsan tahay appeared first on Caasimada Online.
  14. Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi u magacaabay qaban-qaabada aaska Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire. Guddigan oo ka kooban 9-xubnood ayaa kala ah. 1. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud (Guddoomiye ) 2. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin ) 3. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaama Faarax Xasan (Xubin) 4. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdi Ibraahin Warsame Qawdhan (Xubin) 5. Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Agaasimaha Cabdiweli Cali Cabdulle Timacadde ( Xubin ) 6. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere (xubin) 7. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin) 8. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (Xubin) 9. Guddoomiyaha Degmada Garoowe Axmed Siciid (Axmed Barre ) (Xubin). Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Puntland oo guddi u magacowday aaska Madaxweyne Ku-xigeenkii hore appeared first on Puntland Post.
  15. Dhamaan shaqaalaha iyo maamulka guud ee shabakada caalamiga ah ee Qarannews, waxa ay hambalyo meher u dirayaan Samad Maxamed Cartan iyo Safa Farxaan Adan Haybe oo maanta meher qaali ahi uu uga dhacay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Waxa aanu duco iyo hambalyo aan la soo koobi karin aanu hawada u marinaynaa lamaanaha iyo labada qoys ee ay ka soo kala jeedaanba Qaran News
  16. Madaxweyne-xigeenkii hore ee Puntland oo geeriyooday Kornayl Abdisemed Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland General Cabdisamad Cali Shire ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku xanuunsanaa maalmihii la soo dhaafay. Alle ha u naxariistee General Cabdisamad ayaa ka mid ahaa ciidamada xoogga dalka, isagoo xilal dhowr ahna ka soo qabtay dowladdii Kacaanka. Wuxuu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland intii u dhexeysay 2009-2014, isagoo ka mid ahaa aas-aaseyaasheedii. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ka mid ahaa madaxdii ka tacsiyeeysay geeridiisa. Farmaajo ayaa in Marxuum Cabdisamed Cali Shire uu kaalin mug leh ka soo qaatay geeddi socodkii dowladnimada Soomaaliya iyo kan dhismaha Dowlad Goboleedka Puntland. Cabdisamad Cali Shire ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Xilligii Dowladdii dhexe, isaga oo noqday Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii saddexaad ee soo mara Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Qaran News
  17. Kenya:Ganacsade Soomaaliya oo da’ yar oo la la’yahay Raq & Ruux? Ganacsade Bashiir Maxamuud Bashiir Maxamuud oo ah ganacsade ayaa muddo todobaad ah la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay, balse waxaa labo maalmood kahor duleedka magaalada laga delay gaari la rumaysan yahay in uu yahay kiisa oo la gubay. Bashiir oo ah Soomaali Mareykan 35 sano jir ah, ayaan ilaa iyo hadda lagu heynin nolol iyo geeri. Ninkan oo ay qareennadiisa ku sheegeen inuu yahay qof furfuran ayaa waxaa la sheegay in kiiskiisa uu xujo ku noqday xitaa booliska baaraya. Taliyaha booliiska xaafadda Kabete ee magaalada Nairobi, Francis Wahome, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ay su’aalo weydiiyeen dhowr qof oo markii ugu dambeysay xiriir la sameeyay ganacsadahan injineerka ah. Cabdullaahi Xasan oo ah qareenka Bashiir ayaa BBC-da u sheegay in markii ugu dambeysay ee ganacsadaha la arko ay ahayd 13-kii bishan May, markaas oo kaamiradaha wax duuba laga arkay isaga oo xilli maqribadii ah ka sii baxaya maqaayad lagu magacaabo Miale. “Mar ayuu isku dayay inuu xaaskiisa waco, wuu ka go’ay telefoonka, way walwashay, marka waa la raadiyay labo maalin dhan ayaa la raadinayay, kaddib waxaa la helay sawirro laga soo qaaday gaari nooca Range Rover ah oo lagu gubay meel Kibiku la dhaho, markaas ayuu walwal na galay,” ayuu yiri qareen Cabdullaahi. Wuxuu sheegay inay arrintaas ku war geliyeen dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka ee Nairobi. Qolofka gaariga la rumaysan yahay inuu leeyahay Bashiir ayaa isla markiiba laga qaatay goobtii lagu gubay, sida uu sheegay qareenka. Booliiska ayaa sidoo kale baaraya sida loo gubay gaariga Bashiir, saddex maalmood kaddib markii la waayay, isla markaana sida loo qaatay qolofka gaariga wax ka yar saacad markii uu sarkaal booliis ah oo ka socday saldhigga Kibiku uu booqday goobtaas. Qareenka ayaa BBC-da u sheegay in la qariyay wax walba oo lagu ogaan karay sida ay wax u dhaceen, balse ay ka war sugayaan lana shaqeynayaan dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka. “Warqad ayaan u qornay, jawaab ayaan ka sugeynaa,” ayuu yiri Cabdullaahi. Wuxuu Bashiir ku tilmaamay in uu ahaa nin aad u fiican una dedaal badan, isla markaana uu ku guda jiray howlaha dhismaha, isagoo mashaariic waaweyn ka heystay dowladda Kenya. Bashiir ayaa labadii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa Kenya, isagoo hadba safar aadayay kaddibna imaanayay dalka, sida uu sheega Qaran News
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Bashiir Maxamuud oo ah ganacsade ayaa muddo todobaad ah la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay, balse waxaa labo maalmood kahor duleedka magaalada laga delay gaari la rumaysan yahay in uu yahay kiisa oo la gubay. Bashiir oo ah Soomaali Mareykan 35 sano jir ah, ayaan ilaa iyo hadda lagu heynin nolol iyo geeri. Ninkan oo ay qareennadiisa ku sheegeen inuu yahay qof furfuran ayaa waxaa la sheegay in kiiskiisa uu xujo ku noqday xitaa booliska baaraya. Taliyaha booliiska xaafadda Kabete ee magaalada Nairobi, Francis Wahome, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ay su’aalo weydiiyeen dhowr qof oo markii ugu dambeysay xiriir la sameeyay ganacsadahan injineerka ah. Cabdullaahi Xasan oo ah qareenka Bashiir ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee ganacsadaha la arko ay ahayd 13-kii bishan May, markaas oo kaamiradaha wax duuba laga arkay isaga oo xilli maqribadii ah ka sii baxaya maqaayad lagu magacaabo Miale. “Mar ayuu isku dayay inuu xaaskiisa waco, wuu ka go’ay telefoonka, way walwashay, marka waa la raadiyay labo maalin dhan ayaa la raadinayay, kaddib waxaa la helay sawirro laga soo qaaday gaari nooca Range Rover ah oo lagu gubay meel Kibiku la dhaho, markaas ayuu walwal na galay,” ayuu yiri qareen Cabdullaahi. Wuxuu sheegay inay arrintaas ku war geliyeen dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka ee Nairobi. Qolofka gaariga la rumaysan yahay inuu leeyahay Bashiir ayaa isla markiiba laga qaatay goobtii lagu gubay, sida uu sheegay qareenka. Booliiska ayaa sidoo kale baaraya sida loo gubay gaariga Bashiir, saddex maalmood kaddib markii la waayay, isla markaana sida loo qaatay qolofka gaariga wax ka yar saacad markii uu sarkaal booliis ah oo ka socday saldhigga Kibiku uu booqday goobtaas. Qareenka ayaa sheegay in la qariyay wax walba oo lagu ogaan karay sida ay wax u dhaceen, balse ay ka war sugayaan lana shaqeynayaan dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka. “Warqad ayaan u qornay, jawaab ayaan ka sugeynaa,” ayuu yiri Cabdullaahi. Wuxuu Bashiir ku tilmaamay in uu ahaa nin aad u fiican una dedaal badan, isla markaana uu ku guda jiray howlaha dhismaha, isagoo mashaariic waaweyn ka heystay dowladda Kenya. Bashiir ayaa labadii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa Kenya, isagoo hadba safar aadayay kaddibna imaanayay dalka, sida uu sheegay qareenkiisa. ISHA: BBC The post Ganacsade Soomaali ah oo lagu la’yahay magaalada Nairobi appeared first on Caasimada Online.
  19. Madaxweyne ku xigeenkii hore Puntland Cabdi Samad Cali Shire ayaa waxaa uu xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Cali Shire oo waxaa uu horay usoo noqday madaxweyne ku xigeenka Puntland wixii ka horeeyey 2014-kii xilligii madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole. Waxaa tacsi u diray marxuumka, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah, madax hore iyo qaar maamul gobleedyada ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdicasis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Lafta-gareen ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay mas’uuliyoon ka tirsan dowladda dhexe. Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho kaga Qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka. Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay geerida ku timid Allaha u naxariistee madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, Genaraal Cabdisamad Cali Shire. Farmaajo ayaa sheegay in marxuumka uu kaalin mug-leh ka soo qaatay geeddi socodkii dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale dhismaha dowlad goboleedka Puntland. “Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Cabdisamad Cali shire waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Sidoo kale wuxuu u duceeyey marxuumka, isaga Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. “Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo,” ayuu sii raaciyey madaxweynuhu. AUN Genaral Cabdisamad Cali Shire oo ka mid ah aas aasayaashii Puntland ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay maamulkaasi, wuxuuna madaxweyne ku xigeen usoo noqday Faroole. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo masuuliyado kala duwan kasoo qabtay dowladdii dhexe ee Kacaanka. Marxuumka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo la aaso, waxaana haatan socota qaban qaabada aaska loo sameynayo oo ay ka qeyb-geli doonaan mas’uuliyin kala duwan The post Farmaajo oo war kasoo saaray geerida ku timid General Cabdisamad Cali appeared first on Caasimada Online.