Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,124
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) –Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir waxaa maanta lagu qabtay kulan loogu mahad celinaayey saraakiishii, askartii iyo mas’uuliyiintii sida xoogga ah uga hor-tagtay mudo kororsigii fashilmay ee uu dhawaan sameystay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Kulankaas oo ay kasoo muuqdeen xildhibaano, odayaal dhaqan iyo saraakiil isku heyb ah oo ka soo wada jeeda beesha Murusade ayaa geesiyaal Qaran loogu aqoonsaday ciidamadii Badbaado Qaran ee gudaha u soo galay caasimadda Muqdisho, markii uu Farmaajo saxiixday laba sano mudo kororsi ah. Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar, Senator Cabdi Dhuxulow Dhegdheer, Xildhibaan Mustaf Cali Dhuxulow, Xildhibaan Cabdullahi Gaafow Maxamuud, Saraakiishii beesha Murusade ee ka qeyb qaatay ka hor-taggii mudo kororsiga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Deyniile ayaa kasoo muuqday kulanka. Nabadoon Xaad oo ugu horeyn kulankaas ka hadlay ayaa yiri, “Dadka aan metelno, ee aan magacooda halkaan ku fadhino, waxaan rabnay inay halganka qeyb ka qaataan, waana ka soo baxeen kaalintaas, waa inay dadkeenu noqdaan kuwo u qalma inay hoggaanka u qabtaan dalka.” Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa yiri, “Dalal ay ugu horeeyaan kuwa Afrika, waxaa lagu yaqaan in ciidamadu afgembi ka sameeyaan, laakiin ciidankeenu waxay baal-dahab ah ka galeen ilaalinta dimuquraadiyadda, waxay ku guuleysteen inay dalka kala dambeyntiisii soo celiyaan iyo inay afgembi siyaasadeed ka hor tagaan, waxay ka shaqeeyeen xasiloonida dalka, waa arrin lagu faani karo oo taariikhda u geli doonta ciidankeenna.” Senator Dhegdheer ayaa yiri, “Markii madaxdii aan dooranay ee madaxweynuhu ugu horeeyo ay sharcigii iska laabeen, oo doorashadii dalka ay laaleen, oo mudo kororsi ay aadeen, ciidamadii, siyaasiyiintii iyo shacabkii ka dhiidhiyey, anigoo munaasababaad uga faa’iideysanaya waxaan leeyahay waa mahadsantihiin.” Ugu dambeyntii guddoomiye Jacfar iyo mid ka mid ah saraakiishii ka qeyb gashay kulankaas ayaa sheegay inay guteen mas’uuliyadii loo igmaday ee ka saareyd dadka iyo dalka, isla markaana ay sii wadi doonaan ka hortagga wax kasta oo liddi ku ah sharciga iyo kala dambeynta dalka. Hoos ka daawo Warbixinta The post Daawo: Beel Muqdisho kulan weyn ugu qabatay ciidankii diiday muddo kororsiga appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobollada waqooyi ee Somaliland. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo la kulmay siyaasiyiinta waqooyi ee uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxay kala hadleen xallinta tabashooyinka ka jira kuraasta Somaliland. Sidoo kale, waxay ka wada-hadleen sidii siyaasiyiinta Waqooyi ugu heshiin lahaayeen guddiga doorashooyinka ee dhinaca Somaliland, iyadoo Is fahamkii Baydhabo ka dhacay 16 Febraayo la isla gartay in xubnaha guddiga doorashada Somaliland ay kala qeybsadaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed. Dhinaca kale, waxaa xalay Muqdisho ku kulmay madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta, waxaana ay ka wada-hadleen xallinta muranka arrimaha doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee kulamo xalay ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho ee ka cabanaya in loo diiday qaadashada Baasaboorka Soomaaliga ah, kadib markii lagu amray in ay iska soo jaraan timaha horey iyo gadaal kala dheer ama foodda ay u jaran tahay. Caasimada Online ayaa la kulantay dhowr qof oo kamid ah dhalinyarada Muqdisho ee loo diiday Baasaboor ilaa ay iska jaraan foodda, waxayna si isku mid ah noogu sheegeen in shaqaalaha howsha wada gaar ahaan qolada qaada sawirrada islamarkaana xogta diiwaan gelisa ay ka diideen. Caadiyan qofka qaadanaya Baasaboorka Soomaaliga ah waxaa qasab ah in uu soo muuqdo wijiga ilaa dhagaha hase yeeshee in la jaro timaha ayaa ah dhaqan ku cusub Muqdisho. Dhinaca kale, taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Korneel Koofi ayaa ka hadlay arrintaan. Korneel Koofi ayaa isagoo u jawaabaya qof soo dhigay Facebook waxa uu ku yiri “waa arrin cusub oo la yaableh anigoo ka tirsan xafiiska ma ogi ee faah-faahin naga sii sheekadaan” Dad badan ayaa hadalka taliyaha u qaatay mid jees jees ah, waxaana ka dhashay falcelin badan iyadoo inta badan dhalinyaradii ka hadashay arrinkaas ay isku mid ah uga cabanayeen arrintaan. Xariiro aan la sameynay Korneel Koofi iyo saraakiisha kale ee Hay’adda Socdaalka ayaan wali helin si aan uga helno faah faahin intaan ka dheeri ah. The post Xog: Dhallinyarada foodda leh oo loo diiday qaadashada baasaboorka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  4. Facebook has refused to remove a widely viewed attack ad that links Rep. Ilhan Omar to Hamas, even after her aides told the tech giant the message is inaccurate, hateful and threatened to subject her to death threats. Source: Hiiraan Online
  5. Ethiopia’s June 5 elections were expected to be momentous. Momentous because they were due at a time when the country is experiencing three conflicts that threaten internal and regional peace and stability. Source: Hiiraan Online
  6. Kismayo, Somalia – The African Union Mission in Somalia, AMISOM, has conducted training for its formed police personnel to help them understand established guidelines that protect civilians as they perform their duties. Source: Hiiraan Online
  7. Bashiir Maxamuud Gaboobe, oo ahaa ganacsade Soomaali-Mareykan ah, kaas oo todobaadyadii u dambeeyay lagu waayay gudaha Kenya, ayaa maydkiisa laga helay degaan ka tirsan magaalada Nairobi. Ciidamada Booliiska Kenya oo mudda baadi-goobayay ninkan, ayaa ugu dambayntii ka helay meel qiyaas ahaan 18km u jirta xarunta magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in Gaari uu watay oo ahaa nooca Range Rove laga helay, isaga oo la gubay nawaaxiga degaanka Kibiku, taas oo dhalisay tuhunka ah in la dilay balse ugu dambeyn meydkiisa la helay. Taliyaha booliiska xaafadda Kabete ee magaalada Nairobi, Francis Wahome, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ay su’aalo weydiiyeen dhowr qof oo markii ugu dambeysay xiriir la sameeyay ganacsadahan injineerka ah. PUNTLAND POST The post Nairobi: Ganacsade Soomaaliyeed oo la waayay kadibna maydkiisa la helay appeared first on Puntland Post.
  8. Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa ugu baaqay dadka deggan magaalada bari ee Goma in ay isaga guuraan ka dib markii folkaane weyni ka qarxay. Dad badan oo furaashyo iyo maacuun kale sita ayaa la arkayey iyaga oo qaxaya oo xadka uga talaabaya dhanka bari ee Rwanda, si ay kaga baxsadaan dhibaatada masiibadan. Nyiragongo ayaa markii ugu dambeysay oo uu qarxo sanadkii 2002 waxaa ku geeriyooday 250 qof halka 120,000 oo kale ay hoy la’aan noqdeen. Buurta fulkaanuhu ka qarxay waxay magaalada u jirtaa 10km, markii ugu dambaysay ee halkaa fulkaane ka qarxaana waxay ahayd sannadkii 2002 oo waagaa ay ku dhinteen 250 qof 120,000 oo qofna ku guryo beeleen. Madaxtooyada ayaa sheegtay in Madaxweyne Felix Tshisekedi uu soo gaabin doono safar uu ku tagi lahaa Yurub si deg deg ahn ugu soo laabanayo Koongo maalinta Axada. PUNTLAND POST The post Folkaane weyn oo ka qarxay dalka Koongo appeared first on Puntland Post.
  9. The African Union expressed its disappointment by Somalia’s decision to reject the appointment of former Ghanaian president John Mahama as the continental body’s High Representative to the Horn of Africa nation. Earlier this month, Somalia rejected Mahama’s appointment arguing that the former head of state has “extensive links” with Kenya, whom Somalia is embroiled in a political dispute with. According to Somalia’s Foreign and International Cooperation Minister Mohamed Abdirazak, Mahama had close links to an unnamed individual in Kenya’s leadership and as such would not be relied on to be impartial. Somalia went on to write to AU Commission Chairperson Moussa Faki Mahamat informing him that the country will no longer support Mahama in his new role. “…and in this regard, expresses its regret at the decision taken by the Government of Somalia, rejecting the appointment of H.E. Mr John Dramani Mahama, as AU High Representative for Somalia, and urges the Chairperson of the AU Commission to continue discussions with the FGS to resolve this impasse and to report back to Council on the way forward for political engagement with Somalia,” the AU’s Peace and Security Council (PSC) said in a statement. Mahama was expected to “work with the Somali stakeholders to reach a mutually acceptable compromise towards an all-encompassing resolution for the holding of Somali elections in the shortest possible time”, according to a statement from the AU. However, in the face of such opposition, Mahama withdrew his acceptance of the continental body’s appointment saying such a position required one to have “unalloyed support and co-operation of all political stakeholders.” Mahama went on to warn that a lack of support by the Federal Government could jeopardize the whole peace process and undermine hopes to restore order and stability in Somalia. The post AU regrets Somalia’s rejection of former Ghanaian President as special envoy appeared first on Caasimada Online.
  10. Ciidanka Asluubta S/land oo Derejooyin lagu taxay Taliyaha guud ee ciidanka Asluubta jsl, Sareeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (libaax) ayaa ka qayb galay Xafladda Darajada Loogu Xidhayay Ciidanka Asluubta Jsl, oo lagu Qabtay Taliska guud ee ciidanka asluubta jsl. Xubnayaashan Dalacay oo ka koobnaa Darajada G/dhexe ilaa Dable oo Tiradoodu dhantahay 744 xubnood. Madashan oo si Heerka sare ah loo soo agaasimay ayaa Waxa ugu horrayn halkaasi ka warbixiyay Taliye Xigeenka Ciidanka Asluubta Jsl, Aadan Axmed mooge (Kannadi) isaga oo faahfaahin ka bixiyay Gudidda uu Taliyaha Guud ee ciidanka Asluubtu xulay, isaga oo Taliye xigeenku xusay in Hab Cadaalad leh oo aan Eexasho lahayn ay ukala saareen ciidanka iyaga oo la dhaariyay. Taliyaha ciidanka ilaalada Xeebaha jsl Sareeyo Guuto Maxamed Faarah xuseen (xiirane) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Bogaadiyay ciidanka asluubta isaga oo u hambalyeeyay Dhaaman Xubnaha dalacay, Talilaya ayaa sidoo kale Faray Ciidanka Inay isku duub-naadaan meel kasta oo ay joogaan. Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta jsl Sareeyo Guuto Axmed cawaale Yuusuf (Libaax) ayaa Hambalyo Udiray dhamaan Xubnahaas Dalacay isaga oo kula dardaarmay inay noqdaan kuwo Dadkooda Daacad ugu Adeega, Taliyaha ayaa sidoo kale Faray Saraakiisha Inay hoos u eegaan Ciidankooda Oo ay ka war Qabaan Xaaladooda Guud. Isaga oo taliyuhu xusay in cadaaladu dumadeena tahay sidoo kalena sheegay inaanu cid u eexan. Ugu dambayn taliyaha guud ee ciidanka asluubta jsl ayaa Darajada u xidhay qaar kamida xubnahaas dalacayay. Qaran News
  11. Waxyaabaha laga filan karo Doorashada Itoobiya Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay diyaargarowga doorashada ee guddiga looga baahnaa qaarkood inuu dhammeystiray balse deegaannada qaarkood ay kaalintooda ka gaabiyeen. Sida uu dhigayey jadwalka doorashada ee guddiga u yaallay bartamaha bishan waxay ahayd in la billaabo furitaanka xafiisyada guddiga doorashooyinka ee deegaannada iyo iney billawdaan tababarrada doorashada la xiriira. Hase yeeshee, wuxuu guddigu sheegay howlihi loo igmaday inuu qabtay balse taageeradi loo baahnaa uu ka helin ismaamullada ka jira dalka Itoobiya. Wuxuuna guddigu war qoraal ah uu soo saaray uu ku sheegay inaan shan deegaan weli laga furin xafiisyadii howlaha doorashooyinka ka shaqeyn lahaa. Deegaannadaasi oo kala ah Soomaalida, Amxaarada, Cafarta, Sidaama iyo Shucuubta Koonfureed, wuxuu guddigu ku amray 20 maalmood gudahood iney deegaannadaasi howlaha looga fadhiyo ay ku soo dhammeystiraan. Guddoomiyaha guddiga doorashada Itoobiya Birtukaan Mideqsa Wuxuuna guddigu sheegay Deegaannada Oromada, Benishaangul, Hararida iyo ismaamullada magaalooyinka Addis Ababa iyo Diridhaba iney xafiisyadii doorashooyinka ay fureen guddigana ay ku soo wargeliyeen. Guddiga waxaa kale uu sheegay ilaa iyo hadda inuu xushay in ka badan 24 uruurrada bulshada oo bixinaya tababarrada la xidhidha doorashooyinka waraaqihi aqoondsiga uu siiyey. Guddoomiyaha guddiga doorashada Itoobiya Birtukaan Mideqsa waxay sheegtay doorashada sanadkan lagu wado iney ka dhacdo dalka Itoobiya in lagu casuumay oo ay goob joogayaal ka noqon doonaan xubno caalamka ka kala socdo. Guddiga wuxuu intaasi ku daray bartamaha sanadkan 2021-ka la filayo iney Itoobiya ka dhacdo in la filayo dad ka badan 50 malyan iney codkooda ka dhiibtaan. Cod bixinta doorashadana waxay ka dhici doontaa 50,900 oo goob doorashada halka ay fuliyeyaasha howlaha doorashada oo ay tiradooda kor u dhaafeysp 152,700 ay ka qayb qaadanayaan. Deegaanka Tigraay Dowlad Deegaanka Tigraay oo ay dagaalladu ka socdaanna wuxuu guddigu sheegay iney sanadkan doorasha ka dhaceyn oo ay doorashada deegaankaasi dib u dhaceyso, xilliga ay dhaceysana iyada oo xaaladda amni ee deegaankaasi la qiyaameynayo dib laga soo sheegi doono. Siyaasiyiinta Xiran Xisbiyada mucaaradka ee ka jira dalkaasi Itoobiya oo uu ka mid yahay xisbiga ESDP wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay doorashada sanadkan iney noqon doonto mid ka hufan kuwi dalka Itoobiya horay uga soo dhici jiray. Guddoomiyaha ESDP Dr Beyene Petros wuxuu sheegay iney weli taagan yihiin su’aalo jawaab u baahan oo ay ka mid yihiin siyaasiyiinya caanka ah ee xabsiyada dowladda ku jira xaaladdooda. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Dr Gediyon oo cabshada xisbiyada mucaaradka ka jawaabayna wuxuu sheegay siyaasiyiinta xiran iney yihiin kuwo dalka dambiyo ka galay sharcigana uu haysto balse dalka sida uu isbeddelka uga dhacay ay xisbiyada mucaaradka ahaa ee dowladda dagaalka kula jiray sida ONLF, OLF iyo Ginbot 7 ay nabad qaateen si xor ahna loollanka siyaasadda ee dalka ay uga qayb qaadanayaan. Siyaasiyiinta caanka ah ee u xiran dowladda Itoobiya waxaa ka mid ah Jawar Maxamed iyo Baqale Garbaa oo dhammaantood kasoo jeeda qowmiyadda Oromada Qaran News
  12. Shirkada Face-book oo diiday in la Masaxo Xayeysiis Lafjab ku ah Xildhibaan Ilhaan Cumar Xafiiska Ilhaan Cumar ayaa sheegay in shirkadda Facebook ay diiday inay meesha ka saarto xayeysiin xildhibaanadda ka tirsan aqalka Koongareeska la xiriirineyso inay taageerto ururka Xamaas ee ka dagaallama Falastiin, sida uu qoray wargeyska Washington Post. Waxay ku wargeliyeen Facebook in qoraalkaas uu yahay mid khalad ah oo naceyb abuuri karo isla markaana halis ku ah nolosheeda. Xafiiskeeda ayaa la xiriiray shirkadda Facebook kadib markii ay arkeen xayeysiin ay soo dhigeen halkaas guddi fadhigiisu yahay Mareykanka oo u doodo xuquuqda dadka Israa’iil. Qoraalka ayaa sidatan u dhignaa “Israa’iil marka ay weerarto Xamaas, xildhibaan Ilhaan waxay ku tilmaanta falal argagixiso” Facebook waxay dhankiisa xaqiijiyay in xayeysiinta aysan kasoo horjeedin xeerarka u yaalla, sida laga soo xigtay wargeyska. Waxaadhaqan gashay xabbad-joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo dagaal-yahannada Falastiiniyiinta ee Xamaas, kaddib 11 maalmood oo uu dagaal dhex marayay, kaas oo ay ku dhinteen ilaa 250 qof. Here are some of the main news lines so far: Howlgal nadiifin ah ayaa ka socda waddooyinka uu burburka dhismaha qariyay ee Gaza. Rabshadahan oo ka bilowday masaajidka Barakeysan ee Al-Aqsa, waxay sii ballaarteen markii Xamaas ay gantaallo ku weerartay magaalooyiinka Israa’iil oo dhankeeda bilowday in ay duqeyso Marinka Qaza. Kala aragti duwanaanta Dimuqraaddiyiinta ee gudaha Aqalka Congress-ka Si loo fahmo qaabka ay siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraaddiga ugu kala qaybsan yihiin arrinta Israa’iil iyo Falastiin, meesha ugu sahlan waa in la eego gudaha Aqalka Wakiillada ee Mareykanka. Horay waxaa Mareykanka loogu yaqaannay in siyaasaddiisa arrimaha dibadda ay u janjeerto taageerada Israa’iil marka ay soo ifbaxaan dhacdooyinka qalalaasaha ah ee Bariga Dhexe. Sababta qeyb ahaan waa in la eegayo dadka Yuhuudda ah ee codadkooda ku taageera xisbiyada marka ay doorashada soo galayaan. Hase yeeshee, Golaha Wakiillada ee go’aannada dowladda gaara waxaa muddooyinkii dambe ku soo kordhayay siyaasiyiin ka duwan kuwii hore, kana fikrad duwan, taasina waxay saameyn weyn ku yeelaneysaa siyaasadda Washington ee ku aaddan Israa’iil. Sanadkan 2021-ka, tiro taariikhi ah oo ka mid ah xildhibaannada ku biiray Aqalka Wakiillada iyo waliba kan Senate-ka ayaa ka kooban dad isugu jira Madow, Hispanic, Reer Aasiya/Pasific Islander ama Mareykanka dhaladka ah ee loogu yimid dalka. Tiradaas waa 23% ka mid ah kuraasta labada Aqal, sida lagu ogaaday daraasad ay sameysay Hay’adda Pew Foundation. Labaatan sano ka hor, tiradaas waxay ahayd 11%. Sannadkii 1945-kiina waxayba ahayd 1%. Kala duwanaanta asalka ay ka soo jeedaan xildhibaannada ayaa wax weyn ka baddaleysa fikradaha dowladda iyo isticmaalka awoodda maamulka. Si gaar ah waxaa isha loogu hayaa kooxda haweenka da’da yar ee Aqalka Congress-ka, kuwaas oo saameyn xoog leh ku leh siyaasadda Mareykanka, waxaana ka mid ah Gabadha asalkeedu Falastiin yahay balse dhalsahada Mareykanka heysata ee lagu magacaabo Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar oo kasoo jeedda Soomaaliya. Rashida Tlaib (bidix) iyo Ilhaan Cumar Labadan gabdhood ayaa horayba loogu yaqaannay dhaleeceynta Israa’iil iyo u ololeynta xuquuqda Falastiiniyiinta. Sanadkii 2019-kii, Israa’iil ayaa mar labadoodaba ka mamnuucday inay booqdaan dhulka ay ka arrimiso xukuumadda Tel Aviv. Haweeneyda ugu caansan haweenka saddexda ka kooban waa Alexandria Ocasio-Cortez oo laga soo doortay New York balse asal ahaan kasoo jeedda waddanka Puerto Rico. Alexandria waxay kursiga ka qaadatay Joe Crowley oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu sarreeyay xisbiga Dimuqraaddiga, horayna xilkaas u heystay. Mr Crowley wuxuu caan ku ahaa inuu mar walba taageeri jiray Israa’iil. Dhammaan xubnahan xisbiga Dimuqradadiga kasoo jeeda waxaa hor kacaya siyaasigii doorashadii ugu dambeysay u taagnaa musharraxnimada xilka madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraaddiga dhexdiisa, Bernie Sanders, oo ka mid ah rug caddaayada siyaasadda Mareykanka ee khibradda badan leh. Xilliyadii hore ee xirfaddiisa, Sanders – oo ku soo dhex koray Yuhuudda waqti badanna kuwoo qaatay Israa’iil 1960-meeyadii – wuxuu qabay fikir siyaasadeed uu si guud ugu taageeri jiray Israa’iil. Laakiin markii uu xilka madaxweynaha u tartamay sanadkii 2016-kii, wuxuu muujiyay taageero dheeraad ah oo uu u hayo Falastiiniyiinta – fikirkaas ayaana ka dhex saaray siyaasiyiinta kale ee Dimuqraaddiga. Tan iyo xilligaas, Sanders wuxuu xoojiyay dhaleeceynta uu u jeediyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaasoo uu ugu yeeray “mid cunsuri ah”. Bernie Sanders oo xubin ka ah Aqalka sare ee Senate-ka ayaa isu diyaarinaya in uu Aqalka hor keeno Hindise Sharciyeed Israa’iil ka hor istaagaya Hub ay Mareykanka uga soo iibsan rabtay lacag dhan $735m (£520m), kaas oo xukuumadda Tel Aviv ay dooneysay inay kuwii xoojiso cududdeeda. Qaran News
  13. Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba si weyn uga socda abaabulka kulamo iyo banaan-baxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in abaabulka socda uu yahay mid lagu diidan yahay in ay doorasho ka dhacdo Koonfu Galbeed, ilaa laga soo daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo muddo laba sano iyo bar ah u xiran dowladda federaalka. Siyaasiin, saraakiil ciidan iyo odayaal dhaqan oo ku beel ah Abuu Mansuur ayaa arrimahan ka billaabay Muqdisho iyo Baydhaba, iyadoo durba Baydhaba ay wajaheyso culeysyo iska soo horjeeda oo hab beeleed u abaabulan. “Waxaa naga go’an in aanan Baydhaba doorasho lagu qaban ilaa uu xorriyadiisa dib u helo Abuu Mansuur,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal oo la hadlay Caasimada Online. Yuusuf waxa uu ka tirsan hoggaanka Xisbiga uu Abuu Mansuur aas aasay ka hor inta aan la xiran. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur waxaa daba-yaaqada sanadkii 2018-kii laga xiray Baydhabo isagoo ah Murashax Madaxweyne waxaana xarigiisa ka dhashay banaanbaxyo sababay dhimashada ilaa 15 qof iyo dhaawacyo badan, oo ay gaysteen ciidamada dowladda. Abu Mansuur ayaa la xiray kadib markii uu Villa Somalia ka diiday inuu ka haro doorashada, ayada oo laga cabsi qabay inuu kaga adkaayo Cabdicasiis Lafta-gareen oo ay Villa Somalia wadatay. The post Xog: Doorasho ka dhacda Baydhaba oo la doonayo in lagu xiro sii deynta Roobow appeared first on Caasimada Online.
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee ganacsade Bashiir Maxamed Gaboobe oo todoodyo ka hor la waayey ayaa haatan meydkiisa laga helay duleedka magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa. Marxuumka oo maalmo badan la baadi goobayey ayaa waxaa meydkiisa laga helay meel duur ah oo qiyaastii 180 KM u jirta magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi. Ehellada marxuumka waxay shaaciyeen in dilka Bashiir loo adeegsaday rasaas, ayna sidoo kale ku yaalleen nabaro kale oo jir dil ah. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in meydka haatan la geeyey qolka maydka ee magaalada Mwea oo ka tirsan gobolka Kirinyaga oo ah halka laga helay meydka. Marxuumka ayaa 13-kii bishan aynu ku jiro ee Ma la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay, waxaana kadib waayitaankiisii duleedka Nairobi laga helay gaari la rumaysanyahay inuu yahay kiisa oo la gubay. Sidoo kale Marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa madax ka haa shirkad gacansi oo ka shaqaysa dhismaha, mashaariic waaweynna ka wadday dalkan Kenya. Dhacdadan ayaa wal-wal xoogan iyo cabsi ku reebtay ganacsatada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ajaaniibta ee ku sugan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. The post Ganacsadihii lagu waayey Nairobi oo meydkiisa la helay appeared first on Caasimada Online.
  15. Gaza (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymo ay ciidamada Israel la beegsadeen xarunta Hay’adda Bisha Cas ee Qatar ay ku leedahay Marinka Gaza ee dhulka Falastiin. Weerarkan oo dhacay Isniintii 17-kii May, intii ay socdeen weeraraddii Israel ee Gaza, ayaa lagu dilay laba qof oo Falastiiniyiin ah, ayada oo 10 kale lagu dhaawacay. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliyaa ayaa lagu yiri “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerarka duqeynta cirka ah ciidamada gumeysiga Israel ay ku bartilmaameedsadeen xarunta hey’adda Bisha Cas ee Qatar ee Marinka Gaza galabnimadii Isniinta, 17-ka May, kaasoo sababay geeri iyo dhaawac tiro dad ah oo aan waxba galabsan iyo burbur lixaad leh oo haleelay dhismaha Isbitaalka Hamad bin Khalifa oo adeegyo caafimaad u fidinayay dadka naafada iyo kuwa baahida gaarka ah qaba.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Falkani waa talaabo aan marmarsiinyo lahayn iyo xadgudub cad oo ka dhan sharciga caalamiga, anshaxa iyo qiyamka aadanaha ayaa lagu yiri.” Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar ayaa sidoo kale horey u cambaareysay weerarkan ayada oo sheegtay in beegsiga hay’adaha gargaarka bani’aadannimo iyo warbaahinta ay yihiin xadgudub cad oo lagu sameeyey xeerarka caalamiga ah iyo dhaqanka iyo qiyamka bani’aadannimada. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u cadeysay mowqifkeeda ku aadan damaca Israel ay ku boobeyso dhulka Falastiiniyiinta, waxayna cod dheer ku sheegtay in reer Falastiin ay mudan yihiin garab istaag dhab ah oo ay ka helaan walaalahooda Carbeed. Todobaadyadii la so dhaafay waxaa cirka isku shareeray isku dhacyada ciidamada Yahuudda iyo shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Qaza iyo Qudus, waxaana dhintay boqolaal qof oo isugu jiray Falastiiniyiin iyo Yahuud, inkastoo khasaaraha ugu badan uu gaaray shacabka Falastiin, sidoo kale ciidamada Israel waxay dhulka dhigeen dhismayaal waaweyn oo ku yaallay Qaza iyo Qudus. Kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta oo ay ugu horeyso Xamas ayaa dhankooda gantaalo ku tuuray magaalooyinka muhiimka ah ee Israa’iil, waxayna u geysteen khasaare xoog leh, kadib markii gantaallada qaar ay ka gudbeen difaacyadii ciidamada Israa’iil. The post DF oo si kulul uga hadashay weerar lagu qaaday xarun ay leedahay hay’ad Qatari ah appeared first on Caasimada Online.
  16. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarkii duqeynta cirka ee Israa’iil ay ku bartilmaameedsatay 17-ka bishan May xarunta hay’adda Bisha Cas ee Qatar ee marinka Gaza. Qoraal maanta ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerarka duqeynta cirka ah ee ciidamada Israaiil ay ku bartilmaameedsadeen xarunta hay’adda Bisha Cas ee Qatar ee marinka Gaza galabnimadii Isniinta, 17-ka May, kaasoo sababay geeri iyo dhaawac tiro dad ah oo aan waxba galabsan”. Dowladda Soomaaliya waxay weerarkaas ku tilmaantay tallaabo aan marmarsiinyo lahayn iyo xadgudub cad oo ka dhan sharciga caalamiga, anshaxa iyo qiyamka aadanaha. “Falkani waa talaabo aan marmarsiinyo lahayn iyo xadgudub cad oo ka dhan sharciga caalamiga, anshaxa iyo qiyamka aadanaha” ayaa lagu sii yiri qoraal dowladda Soomaaliya. Shalay ayuu dhaqan-galay heshiis xabbad joojin ah oo ay wada gaareen Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ee ku sugan marinta Qaza, kadib dagaal socday 11 maalmood. Israa’iil ayaa 1,500 duqeymoood la beegsatay marinka Qaza, halka Xamaas ay 4,000 oo gantaal ku tuureen dhinaca Israa’iil. PUNTLAND POST The post DFS oo cambaaraysay mid kamid ah weeraradii Israa’iil ee Gaza appeared first on Puntland Post.
  17. Degmada Deyniile waxaa maanta lagu qabtay Xaflad loogu mahadcelinayo Laguna dhiiri galinayo Saraakiishii hogaaminaysay Howlgalkii ay Ciidamada qaarkood ugasoo horjeesteen in muda kordhintii labada Gole ee Federaalka oo Madaxweyne Farmaajo uu hogaaminayay. Saraakiisha Xaflada loo qabtay oo uu hormuud u ahaa Gudoomiyaha Dayniile Maxamed Abuukar Cali oo loo yaqaan Jacfar ayaa loogu mahadceliyey qaabkii ay uga hortageen Mudo kordhinta. Xaflada oo maanta dhacdey waxaa kasoo qaybgalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Wakhtigiisu dhamaadey iyo Odoyaal uu hogaaminayo Odey Xaad oo ah Gudoomiyaha Odoyaasha Mogadishu Clan. Dhanka kalama Saraakiisha Xaflada loo qabtay ayaa baaq u diray Shirka ka maanta oo sabti ah ka bilowday Muqdisho waxayna sheegeen inay indhaha ku hayaan Shirka ayna u rajaynayaan in ay kasoo baxaan Qodobo wadada u xaara Doorasho deg deg ah. bishaan bilowgeedii waxaa Muqdisho soo galay Ciidamo ka caraysnaa Mudadii ay Baarlamaanku u kordhiyeen Madaxweynaha iyo Xildhibaanada, Ciidankaasoo la wareegay inta badan Muqdisho kaabigana u fariistay Madaxtooyada, iyagoo ku hanjabay inay galayaan Villa Soomaaliya, Ciidanka ayaa dib ugu laabtay Fariisamadoodii kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu ka laabtay Mudo kordhintii iyo ka qaybgalka Shirarka Doorashada. Sawirada hoos ka daawo Puntlandi.com Muqdisho The post Saraakiishii ka hortagay 2-dii sano ee mudo kordhinta oo Xaflad loo qabtay iyo iyagoo baaq u diray Shirka maanta furmay appeared first on . Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan musharaxiinta sanadkan u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa saacadihii u dambeeyey soo saaray qoraallo ay ku soo dhaweeyeen hanaanka uu ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka. Waxa ay muujiyeen rajada ay ka qabaan doorasho heshiis lagu wadayahay oo ka qabsoonta dalka, iyagoo bogaadiyey dareenka iyo dabacsanaanta ay la yimaadeen madaxda ka qeyb gashay shirka maanta ka furmay Muqdisho. Ugu horeyn Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraalkan soo saaray markii uu soo idlaaday shirkii maanta ayaa yiri, “Waxaan bogaadinayaa shirka wadatashi qaran ee maanta horudhiciisa furmay. Waxaan rajaynayaa in xal laga gaaro arrimaha la isku hayo ee la xariira fulinta heshiiska doorasho ee 17 Sept. Dalku wuxuu ku jiraa xaalad kala dhantaalan oo degdeg loogu baahan yahay doorasho, si loo helo hoggaan iyo dawlad sharciyad leh.” Dhankiisa Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta dib ugu soo noqday dalka ayaa yiri, “Waxaan bogaadinayaa guulna u rajeynayaa shirka wadatashiga Qaran, waxaana dhamaanteen xil weyn naga saaran yahay inaan u howl galno taabagalinta iyo najaxinta shirka, si dalka oga qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah.” Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa isna yiri, “Waxaa ii muuqata Yididiilo iyo dareen cusub oo ay la yimaadeen madaxda ka qeyb galaysa shirka taas oo astaan fiican u ah inay jirto kalsooni iyo is-aaminaad sahli doonta in heshiis laga gaaro geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka.” Duqii hore ee Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo haatan isna ah Musharax Madaxweyne ayaa yiri, “Shirka maanta ka furmay Muqdisho waxaan u rajeynayaa guul. Yididiilo ayaa muuqata, Shacabka Soomaaliyeedna waxay ku rajo weyn yihiin inuu noqdo mid miradhala, si gacanna loogu gurmado dadkeena wajahaya xaaladdo kala duwan, gacanna doorasho loogu qabto. Caano daatay dabadood la qabay baa inoo wada dan ah.” Waxaa muuqata in mucaaradku ku qancay hanaanka loo wajahayo xalinta khilaafka doorashooyinka oo haatan ay bilaabeen ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, inkastoo mudooyinkii dambe ay dalbanayeen in laga qeyb geliyo shirkaan, hadana iyagoo aan door ku laheyn ayey bogaadinayaan. The post Dareen noocee ah ayey mucaaradku ka qabaan habka uu ku furmay shirka doorashada? appeared first on Caasimada Online.
  19. Mogadishu (HOL) - The body of Bashir Gabobe, a Somali-American engineer and entrepreneur, was found nearly 200km from Nairobi in a morgue on May 22, almost eleven days after being reported missing by his family and friends. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa caawa kulan gaar ah Muqdisho kula leh siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyiga ee Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho. Siyaasiyiintaas waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana kulanka looga hadlayaa xalinta tabashooyinka ka jira kuraasta Somaliland iyo sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka ka taagan. Laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa isku haya guddiga doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland. Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in is fahamkii magaalada Baydhaba lagu gaaray 16-kii bishii Febraayo ee sanadkaan la isku raacay in xubnaha guddiga doorashada ee kuraasta Somaliland ay kala qeybsadaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed. Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa la sheegay inay caawa isku howleen in siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka uu hoggaaminayo Mahdi Guuleed ay ku qanciyaan is afgaradkii guddiyadii ka kala socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku gaareen magaalada Baydhaba. The post Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan leh siyaasiyiinta gobollada waqooyi + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  21. Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee gobolka Bay waxaa caawa ka dhacay qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo noociisa lagu sheegay Bam-gacmeed. Inta la xaqiijiyey laba qof ayaa ku geeriyootay, halka ugu yaraan shan kale oo isugu jira carruur iyo haween ay ku dhaawacmeen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay. Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay isgoyska Boqoleyda oo ku yaalla xaafadda Bardale ee magaalada Baydhabo. Waxaana qaraxa kadib goobta ka bilaabatay rasaas mudo socotay oo ay ridayeen askar goobta ku sugneyd. Bartilmaameedka qaraxaas ayaa la aaminsan yahay inuu ahaa askar ku sugneyd goob qaadka lagu iibiyo oo ku taalla isgoyska Boqoleyda. Ilaa shan 5-qof oo u badan caruur iyo haween ayaa dhaawacyadooda la gaarsiiyey cisbitaalka guud ee magaalada Baydhabo, halka laba qofna ay goobta ku geeriyootay. Waxaa goobta ka baxsaday kooxdii Bam-gacmeedka ku weerartay askarta, sidoo kale weli ma kala cada in khasaare ka dhashay iyo in kale rasaastii ay fureen askarta ku sugneyd goobta lagu tuuray bambaanooyinka. The post Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay qarax caawa ka dhacay Baydhabo appeared first on Caasimada Online.