Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,124
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo gebagabawday xaflad lagu soo xidhayo shirka heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo muddooyinkii ugu danbeeyey ka socdey magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa in mudda ah la is hor fadhiyey, si xal looga gaaro qodobbadii la isku khilaafsanaa. Kulamadii ka horreeyay ee Madaxweyne Farmaajo uu shir guddoominayay ayaa fashil ku dhammaaday ka dib markii la isku mari waayey qaar ka mid ah qodobbadii la isku hayey. Heshiiska shirkan ayaa ka dhigan in hadda wixii ka danbeeya dalku u jihaysanayo dhankaa iyo doorasho. Intii aan la gaadhin heshiiskan, waxaa dhacdey is mari waa adag, oo u dhaxeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya waxay shirkan ku qeexeen dhammaadka murankii daba dheeraday ee doorashad, halka kuwana ay ku tilmaameen in uusan wax cusub soo kordhinin. Prof Afyare oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya waxa uu qabaa in heshiiskan uusan jirin wax sidaa u weyn oo ku cusub oo lama filaan ah oo ka soo baxay, iyo in qodobbadan ay yihiin wixii hore. “Waxa cusub waa keliyana hoggaanka shirkan oo Raysalwasaaraha ah”, ayuu yiri. “Waa wax fiican in la heshiiyey oo doorasho la aadayo. Runtii se wax weyn oo hada la sheego oo lagu heshiiyey ma jiraan. Qodobbadaan hadda lagu heshiiyey waa kuwii lagu hesiiyey septemper 2020 ee la fulin waayey.” “Nuxurka wax weyni iskama beddelin balse shakhsiyadkii ayaa wax iska beddeleen, markii madaxweynuhu meesha ka baxay ee Ra’iisul Wasaarihii yimid in qoladii kalena bilaabeen in ay hadda la macaamilaan ayaa muuqata,” ayuu yiri. Mursal Maxamuud Saney oo ka tirsan machadka cilmi baarista ee heritage, oo BBC Somali la hadlay waxa uu sheegay in wanaag ku dhammaanshaha shirkan uu guul u yahay siyaasiinta is khilaafsanaa, ee kulmadan u dhexeeyeen. “Siyaasiintii is khilaafsanaa waxay soo mareen wakhti dheer oo adag, wuxuuna uga dhigan yahay in ay guulaysteen, iyada oo hadda waddanka uusan gelin carqalado hor leh, marka in lagu hesiiyey shirkan oo uu midho dhalaa wax weyn ayay u tahay xaqiiqatan!” Dhanka kale shirkan ayaa falanqeeye Mursal Saney ku qeexay in siyaasiinta keliya aanu dan u ahayn ee sida oo kale jiilka danbe ee Sooomaaliyeed uu cashar ugu filan yahay. “Jiilka danbena cashir ayay u tahay in qaladaadkii sannadihii u danbeeyey aan la gelin. Haddii la doono walaalnimo in la gaadhi karo iyo haddii se dhiillo la aado meel daran laga dooni karo”. Arrinta kuraasta xildhibaannada waqooyi ayaa ka mid ahayd qodobada ugu adkaa ee la isku mari waayay intii shirarkii uu socday, waxayna u muuqataa in ugu dambeyn heshiis laga gaaray arrintaas. Isha: BBC SOMALI The post “Wax weyn oo heshiiskan ku cusub oo ma jiraan” appeared first on Caasimada Online.
  2. Sweden's government on Thursday announced a plan to ease restrictions designed to curb the spread of COVID-19, starting on June 1 but without a firm date for a complete reopening. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo khudbad ka jeediyay gaba gabada shirka madasha wadatashiga qaran ayaa rajo Wanaagsan ka muujiyay in ay dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay isla markana dhamaan dhinacyadu ay ka wada shaqeeyaan. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay “in la fahmo marxaladahii kala duwanaa ee dalkeenu uu soo maray iyo halka aan maanta joogno taas oo tilmaam u ah rajada mustaqbalka dalkeena.” Waxa uu sidoo kale uu uga mahad celiyay Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah dadaalka uu ku bixiyay sidii loo dajin lahaa xaalada dalka isagoo amaanay dulqaadka iyo dal jacaylka ay muujiyeen dadka ku nool Caasimada maalmahii adkaa ee lasoo maray, Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa farriin u diray ciidamada iyo hay’adaha ammaanka, isaga oo ka codsaday inay siyaasadda ku milmin. Waxa uu sheegau in lagu kala aragti duwanaan karo Siyaasada balse hay’adaha amaanka iyo ciidamada looga baahan yahay taxadar dheeraad ah. Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay beesha Caalamka inay gacan ka haystaan sidii wakhtiga ugu dhow loogu qaban lahaa doorashada isla markana tageeradoodu ay lagama maarmaan tahay si looga dhabeeyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee mustaqbalka taas oo go’aamo iyo wadiiqooyin loo marayo la isku raacay intii uu socday shirka madasha wadatashiga qaran. Ugu danbayn waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay door muuqda ka qaatan howlaha socda isla markana ay ka shaqeeyaan sidii doorashadu ay ugu dhici lahayd wakhtiga ugu haboon si dalka looga saaro xaalada adag ee uu ku jiro. The post Axmed Madoobe oo farriin u diray ciidamada DF kadib heshiiskii Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  4. War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran waxaa ku jiray hannaanka loo xallinayo khilaafka gobolka Gedo ee u dhexeeyay dowladda federaalka iyo Jubaland, oo kamid ahaa qodobadii ugu adkaa ee khilaafka doorashada. Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa go’aamiyay in Ra’iisul Wasaare Rooble garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta gobolka Gedo, si ay habsami uga dhacdo doorashada xildhibaannada. Golaha ayaa go’aamiyay abuurida guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubaland, guddigaas oo lagu soo magacaabayo 3 maalmood gudahood. Madaxweynaha jubaland ayaa magacaabaya xubno maamul cusub oo ay yeelato degmada Garbahaarey, kuwaas oo ay u soo gudbinayaan guddiga dib u heshiisiinta Gedo. Guddiga dib u heshiisiinta Gedo ayaa la faray in ay ku soo dhameystiraan qorshada xasilinta gobolka iyo jawiga qabsoomida doorashada Garbahaarey muddo 30 cesho oo ka bilaabanaysa maalinta la magacaabo. Boolis AMISOM ah ayaa la go’aamiyay in la geeyo Garbahaarey, kuwaas oo suga amniga magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashada. Golaha ayaa go’aamiyay in guddiga dib u heshiisiinta Gedo ay nabadeynta iyo dhameystirka dhismaha maamulka cusub ee Gedo ku hirgeliyaan muddo 60 maalmood ah doorashada ka dib. Heshiiska laga gaaray khilaafka Gedo ayaa inta badan waafaqsan soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo. PUNTLAND POST The post Sidee looga heshiiyay khilaafka Gedo? appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiillada Beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si weyn usoo dhaweeyay heshiiskii laga gaaray khilaafka doorashooyinka dalka, hase yeeshee waxay madaxda Soomaalida u direen baaq cusub. Qoraal ay si wada-jira u soo saareen Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu bogaadiyey kaalinta uu ra’iisal wasaaraha iyo xubnaha dowladda federaalka ka qaateen in heshiis laga gaaro khilaafkii doorashada, oo muddo badan soo jiitamayey. Waxay ugu baaqeen dhammaan saamilleyda siyaasada inay si deg-deg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhan yahay. Sidoo kale waxa qoraalka sida wada-jirka ah usoo saareen wakiilada beesha caalamka inay diyaar u yihiin inay madaxda Soomaaliya ku taageeraan hirgelinta heshiiskan taariikhiga ah. Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan shirweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya – Dowlada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DFS-DXDF) ee guusha ku soo idlaaday magaalada Muqdisho. Waxaan Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble bogaadinaynaa sida uu u hogaamiyay geeddi-socodkan, iyo sidoo kale Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyo siyaasiyiinta kale ee sida habsanida leh ee wax ku oolka ah uga qaybqaatay wadahadallada. Waxaan Mahad u soo jeedinaynaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ oo ku baaqay 1dii bishan Maajo in lagu laabto hanaanka doorashada 17 Sebtembar ee heshiiska ku saleysan. Waxaan hadda ugu baaqaynaa dhammaan saamilleyda inay si degdeg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhanyahay oo daahfuran oo dib u dhac la’aan ah. Waxaan madaxda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay wadahadal caadi ah oo dhexmara saxiixayaasha Heshiiskii 17kii Sebtembar ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee mustaqbalka yimaada. Saaxiibada Beesha Caalamku waxay diyaar u yihiin inay madaxda Soomaaliya ku taageeraan hirgelinta heshiiskan taariikhiga ah. Qoraalka ayaa waxa si wada-jir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. The post Kadib heshiiskii Afisyoone, beesha caalamka oo baaq cusub u dirtay madaxda Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
  6. Ra’iiaul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan madaxda dowlad -goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa la kulmay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden Per Olsson Fridh oo booqasho ku yimid Muqdisho. Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaare Rooble ee maanta laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay dowladdaa Sweden taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Wakiilo ka socday Beesha Caalamka oo maanta ka qeyb-galay xafladii lagu shaacinayay heshiiska doorashada ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeeen madaxda Soomaaliya. Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay madaxda Soomaaliya ku taageeraan hirgelinta heshiiska doorashada. PUNTLAND POST The post Rooble iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo la kulmay wasiir ka tirsan Sweden appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowlad goboleedyada oo khudbado ka jeediyay munaasabadda xiritaanka shirweynaha doorashada ayaa ka hadlay heshiiska ay maanta ku saxiixeen magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ballan-qaaday in heshiiska doorashada ay u fulin doonaan sida uu yahay, “Waxaan idinka balan qaadeynaa in heshiiskii maanta halkan lagu saxiixay in sida uu yahay aan u fulin doonno hadii ALLE idmo.” Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dalka uu khatar u galay inuu dib ugu noqdo dagaal sokeeye, “Dalka wuxuu khatar u galay in dib loogu noqdo dagaalkii sokeeye, haddii aanan la heli laheyn is qancin iyo isu tanaasul.” Sidoo kale Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa xaflada ka sheegay in markasta loo turo, si meesha uga baxdo qatar kasta oo soo wajahi karta dalka. “Wadankan waa mid nugul, dib u dhiskiisana u baahan wado aad u dheer, haddii aanan u turin, waxaa dhici karta waxaanaan fileyn inay soo baxaan,” ayuu yiri. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa isaguna goobta ka sheegay in waqti badan ku bixiyeen sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho wada-ogol ah. “Inta badan in dadka wada qancaan waa culus tahay, laakiin waxaan isku daynay in aan caddaaladda ku dhawaanno, waxaan ka doorbidnay kala aragti duwanaanteena, inaan ka gaarno go’aan mid ah oo lagu gaarayo doorasho xor iyo xalaal ah.” Ugu dambeynyiina Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe ayaa xusay in dadaal badan uu ku bixiyey sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka doorashooyinka, ayada oo ay jiraan daruufo adag oo ka taagan maamulkiisa. “HirShabelle iyadoo ka soo baxday doorasho goboleed, fatahaado iyo duruufo kalana ay ku xeeran yihiin sida dib u xoreynta, ayaan haddana waqtigeena ugu badan galinay in heshiis la isla oggol yahay oo doorashada ah la gaaro,” ayuu yiri. Si kastaba, heshiiska doorashada ee maanta ay magaalada Muqdisho ku saxiixeen ra’iisal wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa meesha ka saaraya is-mari-waagii siyaasadeed ee ka taagna doorashada. The post Maxay madaxda dowlad goboleedyada ka yiraahdeen heshiiska doorashada? appeared first on Caasimada Online.
  8. MOGADISHU (HOL) - Somalia will head to elections in 60 days, a new deal signed by the country’s leadership Wednesday has revealed bringing to an end several months of negotiations and bitter exchanges between the Federal Government, sections of the Federal Member States and the opposition. Source: Hiiraan Online
  9. (SLT-Hargeysa)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu saxeexay heshiiska doorashada Soomaaliya, kadib shirweyne maalmo qaatay oo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada isku horfadhiyeen. Xog ay baahiyeen warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho oo ay Somalilandtoday soo xigatay ayaa sheegaysa in heshiiska doorashada ay soo dadajisay xal laga gaadhay qoddobadii la isku hayay, oo ay uga adkeyd arrinta dadka sheegta inay matalaan Somaliland. Kuraasta lagu sheego Somaliland ee guddiga doorashooyinka oo ay isku hayeen Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa dadaal badan kadib lagu dhammeeyay is-afgarad. Raysal wasaare Rooble iyo madaxda dowlad gobolleedyada ayaa ku qanciyey in Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ay si siman u qeybsadaan xubnaha guddiga doorashooyinka, taasi oo ka dhigan inay u kala qaadanayaan 6/6. Cabdi Xaashi ayaa tirada xubnaha loo kordhiyay, islamarkaana loo kala badhay xubnaha guddiga, hase yeeshe waxaa soo baxaya in ra’iisal wasaaraha uu gacanta ku haynayo xulashada 3 xubnood oo ka imaanaya xukuumadda, ayada oo loo kala qeybiyay 12-ka xubnood oo keliya. Inkasta oo la qanciyey Cabdi Xaashi, haddana waxaa soo baxaya walaac aan badneyn oo ku aadan hadii guddigu cod qaado cidda qaadanaysa gudoomiyaha guddiga Somaliland, maadama la rumeysan yahay in Mahdi uu maamulayo 3-da xubnood ee ka imaanaya xukuumadda oo guddiga Somaliland ka dhigaya 15 xubnood. Kooxda uu hogaaminayo Cabdi Xaashi ayaa haddii ayna codadka ka helin dhanka kale lagaga cod badin karaa doorashada gudoomiyaha guddiga. Sidoo kale waxaa ayaduna su’aal ka taagan tahay goobta ay ka dhaceyso doorashada kuraasta Somaliland, waxayna garabka Cabdi Xaashi ku doodayaan in meel ka baxsan teendhada haddii ay ka dhacdo doorashada kuraastaas uu imaan karo musuq-maasuq sidii 2016-kii, inkasta oo doodaas ay tahay mid jaban. Si kastaba, xal ka gaadhista kuraasta Somaliland ayaa soo dadajisay in maanta heshiis laga gaadho doorashada, ayada oo muddo badan soo jiitamtay in dhinacyadu gaadhaan heshiis, si dalka Soomaaliya uga dhacdo doorasho wada-ogol ah. Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd war-murtiyeed laga soo saaray shirkii Madasha wadatashiga doorashooyinka ee maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho uga socday Ra’iisal wasaare Rooble, Madaxda dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. War-murtiyeedka ayaa lagu faah-faahiyey dhamaan qoddobadii heshiiska laga gaaray, kadib dood dheer oo ay madaxdu ka yeeshen maalmihii lasoo dhaafay. Heshiiska oo ay qalinka ku duugeen Rooble iyo saxiixayaasha kale ayaa waxa xal kama dambeys ah looga gaaray khilaafkii mudada badan soo jiitamayey ee ka taagna qabsoomida doorashooyinka. Qodobada heshiiska doorashada ee xalka laga gaaray, islamarkaana lagy soo bandhigay ayaa waxaa ugu waaweyn: 1: In Dib u eegis lagu sameeyay soo jeedintii guddiyada farsamo ee kal hore ku shiray magaalada Baydhabo. 2: In xafiiska Ra’iisal wasaaraha loo gudbiyo gudiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashada kajirto muddo saddex malmood gudahood ah. 3: In guddiga Doorashooyinka ay dhexdooda iska soo doortaan guddoonkooda. 4: In Gudoomiyaha Garbahaareey iyo maamulkiisba uu soo magacaabo Madaxweynaha Jubbaland, ayada oo amniga sugayaan ciidamada booliska AMISOM. 5: In guddiga doorahada Somaliland uu 6-xubnood uu soo magacaabo Gudoomiyaha aqalka sare, halka inta kale la siiyey Mahdi Guuleed. 6: In ciidamada aysan ku milmin siyaasadda, sida kal hore dhacday. 7: In 60 maalmood gudahood ay ku dhacdo doorashada Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in shirweynaha uu arinta Somaliland u xilsaaray ra’iisal wasaaraha, isaga oo ka duulaya la tashiyo uu la sameynayo gudoomiyaha Aqalka Sare iyo ra’iisal wasaare ku-xigeenka, Mahdi Guuleed. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran. The post Aqriso: Qodobada heshiiska doorashada oo dhameystiran appeared first on Caasimada Online.
  11. “Waxaan Ka Xumahay Madaxwaynaha Kelmadaas Ma odhan, Wuu igu Riyooday Baan Leeyahay Kelmadaas Anigu Ma odhan” Faysal Cali Waraabe oo Beeniyey inuu Madaxwaynaha Badaw Ku Sheegay. Hargeysa (Somalilandtoday)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu beeniyey inuu bilawgii ololaha madaxwaynaha ku sifeeyey qof badaw ah oo dalka xukuma. Madaxwayne Biixi ayaa ayaa dhawaan sheegay mar uu khayriyada kala hadlay taageeraayashiisa, inuu Faysal ku sheegay badaw, isla markaana waxaaba uu madaxwyanuhu sheegay inuu badawnimada ka raacay abtiyadii (oo dabcan Faysal ka mid yahay” isla markaana uu ku faanayo dhaqankaas badawnimada ah ee uu abtiyadii ka raacay. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo iska barraxaya eeda uu madaxwaynuhu ujeediyey ayaa sheegay in laga yaabo inuu madaxwaynuhu uu ku riyooday, waxaana uu sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay in warbaahintu aanay arrinkaas iskaba hubin, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi: “Madaxwaynuhu wuxuu sheegay inaan badaw ku sheegay, waxaan ka xumahay madaxwaynaha kelmadaas ma odhan, wuu igu riyooday baan leeyahay kelmadaas anigu ma odhan. Laakiin waxaan la yaabay warbaahinta oo sheegaysa cabashada uu madaxwaynuhu iga cawday, oo uu leeyahay badaw buu igu sheegay oo aan soo dhigin muuqaalkii aan ku sheegay inuu badaw yahay. Marka uu qof kelmad ka cawdo, tii uu ka cawday baa la soo dulsaaraa, (markaa) malaha warbaahintuna way igu riyootay baan filayaa laakiin maan odhan kelmadaas”. Shacbiga Somaliland ayaa aad ula yaabay in Madaxwayne Biixi dhaliilo iskaga riixo deegaannada ay abtiyaashii ka soo jeedaan, taasoo uu dhawr jeer hore u s ameeyey. Balse waxaa arrin cusub noqotay in markan u dambaysay aanu guddoomiye Faysal wax badawnimo ah ku sifayn M. Biixi. Madaxwayne Biixi waxa uu hore u sheegay in deegaannadii doorashada laga badiyey ay u qaateen inay gumoobeen oo aan gabdhahooda la guursan doonin, isagoo marka uu hadalkaas lahaa uu ku sugnaa deegaannada uu ku abtirsado. Waxaana xusid mudan in reerka laga badiyey ee uu madaxwaynuhu sheegay ay yihiin qolada abtiyaashii ah, reerka kalena sheegay inuu isagu oday u yahay. Sidoo kale waxa jirtay mar ay raaska madaxwaynaha dhalay, kulan kula yeesheen Madaxtooyada markaasna waxa uu khudbadiisa ku daray in haddii ay taladiisu xumaato ay iyagu eedda iyo masuuliyadda badankeeda qaadan doonaan, maadama sida uu sheegay markiiba la is waydiin doono cidda abtiga u ah, maalintaasna waxa hadalkiisii ka mid ahaa”Abtiyaal haddii ay taladaydu xumaato idinka uunbaa u qoollan, oo markiiba ninku wa ayo la is waydiin maayee, waxa la is waydiin doonaa, ninka yaa dhalay oo u abti ah”. Haddaba ma kala cadda in hadalkan ka soo yeedhay madaxwaynaha ay ujeedadiisu ahayd inuu madaxwaynuhu doonayay inuu ololaha ka tuurto kelmad maalmo la sii hadal hayo sii uu warbaahinta bulshada u qabsado, inuu iska jeclaystay inuu maagid ujeediyo abtiyaashii iyo in madaxwaynaha warkan loo geeyay isla markaana aanu iska hubsan. Source
  12. Somalilantoday oo Soo Gudbinaysa Saadaasha Macquulka ah ee Kuraasta Saddexda Xisbi Qaran Ka Heli Karaan Golaha Wakiillada + Doorka Gobollada Sool iyo Togdheer Hargeysa (Somalilandtoday)- Doorashadooyinka isku sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa la filayaa inay todobaadka dambe ka qabsoonto guud ahaan dalka, waxaana maanta oo Arbaca ah bilaabmi doona wajigii labaad ahna kii u dambeeyey ee ololaha saddexda xisbi qaran iyo xildhibaannada ka sharraxan. Sida la filayo doorashadan ayaa noqon doonta mid ka adag kuwii hore, maadaama saddexda xisbi ba soo sharraxeen xubno tayo ahaan isku dhaw. Iyadoo dagaalka ugu weyni uu ka dhici doono golaha wakiillada oo ay xisbiyada mucaaridka ahi doonayaan inay qaataan aqlabiyadda golaha wakiillada, halka xukuumadduna ay arrintaas aad uga dagaalamayso. Haddaba shacbiga Somaliland ayaa saadaal kala duwan ka bixiyey sida ay noqonayso natiijada doorashada iyo tirooyinka ay kala helayaan xisbiyada qaranku. Aqoonyahan Yaasiin Calase oo ka mid ah barayaasha jaamacadaha dalka muddo dheerna ka soo shaqaynayay arrimaha doorashooyinka ayaa ka mid ah dadka saadaasha ka bixiyey sida ay xisbiyadu u kala heli doonaan kuraasta golaha wakiillada, waxaana uu xisbiyada mucaaradka ah u saadaaliyey aqlabiyad ay ku maamuli karaan golaha wakiillada. Saadaashan ayaa sheegaysa in xisbiga UCID uu heli doono 18 kursi oo wakiillada ah, xisbiga WADDANI-na uu heli doono 33 kursi wakiileed halka xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE-na uu u saadaaliyey 31 kursi oo golaha wakiillada ah. Geesta kale gobollada Sool iyo Togdheer ayaa doorkan ah meelaha la filayo inay xisbiyadu ku kala baxaan, waxaana ay xoguhu sheegayaan in gobolka Togdheer uu aqlabiyad buuxda heli doono Xisbiga WADDANI, halka xisbiga KULMIYE-na uu codad fiican ka heli doono, Balse Xisbiga UCID ayaa la filayaa inuu ka xubno yaraado labada xisbi ee hore. Gobolka Sool oo doorkan si balaadhan uga qaybgalaya doorashada ayaa ay xogaha hordhaca ahi sheegayaan in WADDANI aqlabiyad buuxda ka heli doono, halka labada xisbi ee kalena isku dhowaan doonaan. Ugu dambayn in kasta oo tani tahay saadaal hordhac ah oo cuskanaysa isxulafaysiga beelaha, tirooyinkii hore iyo saamaynta xisbiyada haddana maha aha arrin kama dambays ah, waxaase ay xoguhu isku raacsan yihiin in xisbiyada mucaaradku u dhaarsan yihiin aqlabiyad tayo leh. Source
  13. Waxaa goor dhaw magaalada muqdisho lagu soo gaba gabeyay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka oo muqdisho muddo todobaad ah uga socday madaxda dowlad gobaleedyada dalka . Madaxda ayaa soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arrimhii khilaafka ka taagnaa oo la sheegay inta badan in la xaliyay . qodobada heshiiska laga gaaray ayaa waxaa ka mid ah : 1: In arrinta gobalka gedo mas’uuliyadeeda lagu warejiyay in uu kor kala socdo ra’isul wasare rooble mudda 30 maalmood ahna lagu soo gaba gabeeyo arrinta gobalka Gedo . 2: In amniga doorashada ay iska kaa shadaan ciidamada booliiska iyo kuwa AMISOM . 3: In arrinta gobalada waqooyin mas’uuliyadeeda lagu warejiyay in uu kor kala socdo ra’isul wasare rooble isagoo kala kaashanaya guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka . 4: In doorashada dalka lagu qabto muddo 60 maalin gudahood ah . Hoos Ka Akhriso War-murtiyeedka Source: goobjoog.com
  14. War-murtiyeed ka soo baxay Shirka Golaha Wada-tashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ayaa lagu soo bandhigay heshiis ka kooban afar bog oo lagu xalliyay murankii Arrimaha Doorashooyinka dalka. Qodobada laga heshiiyay waxay kala yihiin Arrinta Somaliland, Khilaafkii Gobolka Gedo iyo sidoo kale Guddiyada Arrimaha Doorashooyinka oo xubno ka tirsan la isku khilaafsanaa, waxaana Qodobadaas dhammaantood laga gaaray heshiis. Sida War-murtiyeedka ku qoran, Arrinta Somaliland waxa lagu xalliyay in labada Garab ee Siyaasiyiinta Reer Waqooyi oo ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ay qayb-sadaan magacaabidda Guddiga Doorashooyinka heer Somaliland. Guddiyada Arrimaha Doorashooyinka ayaa sidoo kale lagu heshiyay in isbeddel lagu sameeyo, islamarkaana laga saaro dhammaan xubnaha khilaafku ka taagnaa, iyadoo hawshaas lagu qaban doono mudda saddex cisho ah. Arrinta Gobolka Gedo, waxa iyana loo magacaabay Guddi dib u heshiisiin oo ka kooban Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka oo aysan ku jirin Jubaland. Sidoo kale, waxa la go’aamiyay in hawlaha Doorashooyinka lagu dhammaystiro mudda 60 Cisho gudahood ah, islamarkaana la magacaabo guddi ka kooban 9 xubnood oo ka shaqeeya Amniga Doorashooyinka. Hoos ka akhriso Heshiiska PUNTLAND POST The post Nuxurka Heshiiska Arrimaha Doorashooyinka ee Muqdisho lagu saxiixay appeared first on Puntland Post.
  15. ADDIS ABABA (HOL) - Former Sierra Leone president Ernest Morocco alluded to Somaliland as an independent state following his travel to the breakaway region adding to similar remarks by some African countries upping the quest for legitimacy. Source: Hiiraan Online
  16. ADDIS ABABA (HOL) - Former Sierra Leone president Ernest Bai Koroma alluded to Somaliland as an independent state following his travel to the breakaway region adding to similar remarks by some African countries upping the quest for legitimacy. Source: Hiiraan Online
  17. Maxkamad Magdhow u xukuntay Haweenay Soomaaliyada oo Ninkeedii Dayacaad ugu dhintay Dalka Sweden IKRAAN CALI Maxkamad ku taalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa waaxda caafimaadka gobolka ee xarunteedu tahay magaaladaasi ku amartay inay magdhow siiyaan Kaltuun Cabdi oo ah hooyo Soomaaliyeed oo sida la sheegay “seygeeda lagula kacay takoor, isla markaana uu u geeriyooday dayacaad caafimaad.” Arrintan oo dhacday sannadkii 2017-kii, waxaa la sheegay in seyga Kaltuun oo u dhashay dalka Suudaan, ay jug madaxa ka gaartay ka dibna loogu wacay ambalaastii geysay cisbitaalka. Shaqaalihii caafimaadka ee goobta soo gaaray ayaa la sheegay in ay u qaateen in ninkaasi uu is yeelyeelayo oo uusan wax dhib ah qabin, maaddaama marka ay eegeen uusan ka muuqan dhaawac, mana uusan ka soconin dhiig. Warbixintii uu ka qoray oo ahayd in ninkaasi oo aanan magaciisa helin uu suuxay, isaga oo adeegsaday erayga “suuxdin dhaqan” ayaa la sheegay in ay sababtay in aan uusan helin daryeel gaar ah. Ikraan Cali oo ah weriye ku nool dalka Sweden lana socotay kiiskan oo arrintan uga warrantay BBC ayaa sheegtay in xaaladda ninka oo ka sii dartay aawadeed, ay dhaqaatiirta ku sameeyeen qalliin, taas oo sababtay in muddo labo sano ah uu noqdo dhul yaal aan dhaqaaqi karin. Ninkan ayaa geeriyooday sanndkii 2019-kii. Ikraan ayaa sheegtay in Kaltuun ay u dacwootay hay’adaha ka hortagga cunsuriyadda, ka dibna hay’addaas waxay dacwad ku furtay waaxda caafimaadka gobolka. Hay’adda ayaa dacwadeeda ku saleysay in ninka oo madow iyo Muslim ahaa lagula kacay takoor. Bishii March ee sannadkan ayay maxkamadaynta ay bilaabatay, wuxuuna go’aanka magdhowga soo baxay shalay. Kaltuun ayaa la siiyay 110,000 lacagta Sweden ah, una dhiganta $13,000 oo doollarka Mareykanka ah. “Go’aanka maxkamadda waxay ku saleysay in ninkaas lagula kacay dayacaad iyo takoor,” ayay tiri Ikraan. Qaran News
  18. Waxaa si rasmiya loo saxiixay Heshiiskii Doorashada oo uusan qayb ka ahayn Madaxwwynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi. Raysal wasaare Rooble , Madaxweyne Deni , Axmed Madoobe, Qoorqoor, Guudlaawe iyo Gudoomiye Cumar Finisha ayaa saxiixay Heshiiska . Goordhow naga filo Heshiiska Puntlandi.com The post Breaking — Heshiiskii oo la saxiixay Farmaajo miiska ka maqan appeared first on . Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiska doorashada, kadib shirweyne maalmo qaatay oo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada isku horfadhiyeen. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in heshiiska doorashada ay soo dadajisay xal laga gaaray qoddobadii la isku hayay, oo ay uga adkeyd arrinta Somaliland. Kuraasta Somaliland ee guddiga doorashooyinka oo ay isku hayeen Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa dadaal badan kadib lagu dhameeyay is-afgarad, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka agdhow shirka. Ra’iisal wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku qanciyey in Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ay si siman u qeybsadaan xubnaha guddiga doorashooyinka, taasi oo ka dhigan inay u kala qaadanayaan 6/6. Cabdi Xaashi ayaa tirada xubnaha loo kordhiyay, islamarkaana loo kala badhay xubnaha guddiga, hase yeeshe waxaa soo baxaya in ra’iisal wasaaraha uu gacanta ku haynayo xulashada 3 xubnood oo ka imaanaya xukuumadda, ayada oo loo kala qeybiyay 12-ka xubnood oo keliya. Inkasta oo la qanciyey Cabdi Xaashi, haddana waxaa soo baxaya walaac aan badneyn oo ku aadan hadii guddigu cod qaado cidda qaadanaysa gudoomiyaha guddiga gobolada Waqooyi, maadama la rumeysan yahay in Mahdi uu maamulayo 3-da xubnood ee ka imaanaya xukuumadda oo guddiga gobolada Waqooyi ka dhigaya 15 xubnood. Kooxda uu hogaaminayo Cabdi Xaashi ayaa haddii aysan codadka ka helin dhanka kale looga cod badin karaa doorashada gudoomiyaha guddiga. Sidoo kale waxaa ayaduna su’aal ka taagan tahay goobta ay ka dhaceyso doorashada kuraasta Waqooyi, waxayna garabka Cabdi Xaashi ku doodayaan in meel ka baxsan teendhada hadii ay ka dhacdo doorashada kuraastaas uu imaan karo musuq-maasuq sidii 2016-kii, inkasta oo doodaas ay tahay mid jaban. Si kastaba, xal ka gaarista kuraasta Waqooyi ayaa soo dadajisay in maanta heshiis laga gaaro doorashada, ayada oo muddo badan soo jiitamtay in dhinacyadu gaaraan heshiis, si dalka uga dhacdo doorasho wada-ogol ah. The post Xog: Xalka laga gaaray arrinta Somaliland iyo xubnaha lagu qanciyey Cabdi Xaashi appeared first on Caasimada Online.
  20. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa saxiixay heshiis laga gaaray khilaafkii doorashada dalka. Qoraal goordhaweyd ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Waasre Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada dalka & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa saxiixay heshiis ku aaddan doorashooyinka dalka, iyadoo maanta la soo xirayo Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho.” Heshiiska doorashada ayaa saacadaha soo socda lagu shaacin doonaa xaflad weyn oo ka socota Teendhada Afisyoone, waxaana ka soo qeybgalaya Madaxweyne Farmaajo iyo wakiilo ka socda Beesha. Saxiixa heshiiska ayaa saacado badan dib u dhacay sababo la xiriira cabasho ka timid guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ku aadaneyd habka loo qeybiyey guddiyada doorashada ee xildhibaanada gobollada waqooyi, arrintaas oo markii dambe heshiis laga gaaray. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu qanciyay 6 xubnood oo laga siiyay guddiyada doorashada gobollada Waqooyi, wuxuuna hadda ku sugan yahay Teendhada Afisyoone oo laga dhawaaqi doono heshiiska doorashada. PUNTLAND POST The post Heshiis laga gaaray khilaafkii doorashada oo la saxiixay appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd saxiixay heshiiskii doorashada ee mudada badan uu ka taagna khilaafku. Rooble iyo saxiixayaasha kale ayaa qalinka ku duugay heshiiska doorashada, ayada oo maanta lasoo xirayo shirkii golaha wada-tashiga qaran ee doorashooyinka oo maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho. Sida uu baahiyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa si wada-jir ah u saxiixay heshiiska doorashada, kaasi oo xal looga gaarayo is-mari-waagi mudada badan ka taagna qabsoomida doorashada. Madaxada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maalmihii lasoo dhaafay isku fahmay qoddobo adag oo ku gudboona doorashada, taasi oo fudeydisay in heshiis ay wada gaaraan maanta dhamaan dhinacyadu. Waxaa magaalada Muqdisho ka socota munaasibada lagu soo xirayo shirka doorashada oo lagu casuumay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo asagu aan kaalin ku laheyn shirka looga arrinsanayay doorashada. Sidoo kale munaasabadda waxaa qeyb ka ah guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka, xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, danjireyaasha dalalka caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka. Goordhow naga fillo faah-faahin dhameystiran oo ku aadan heshiiska la saxiixay. The post DEG DEG: Rooble iyo madax goboleedyada oo saxiixay heshiiska doorashada appeared first on Caasimada Online.