-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gabdho Soomaaliyeed oo ka muraara dillaacsan Quruxlow xabsiga lagu xukumay Gabdhaha Soomaaliyeed qaarkood, iyo kuwa kale ee caalamka ayaa baraha bulshada aad uga hadal haya nin dhallinyaro ah oo maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ay ku xukuntay xabsi muddo dheer kaddib markii uu shil gaari dad ku dilay. Cameron Herrin, oo sanadkii 2018 isaga oo 18 jir ah waday gaariga nooca Ford Mustang ayaa hooyo iyo gabadheeda ku jiirsiiyay gaarigaasi xaafadda Bayshore Boulevard dalka Mareykanka, waxaana Khamiistii lagu xukumay 24 sano oo xabsi ah. Herrin iyo nin kale oo lagu magacaabo, John Barrineau, ayaa lagu eedeeyay inay tartamayeen markii uu dhacayay shilkaas. Barrineau ayaa sidoo kale wuxuu wajahayaa lix sano oo xabsi ah. “Dembigan wuxuu galaaftay nolosha labo qof oo qurux badan afar qoysna qalbi jab ayuu ku riday,” Xeer Ilaaliyaha Gobolka Andrew Warren. “Xukunna ma dhayi karo amaba dib uma soo celin karo dadkii dhintay, balse waxaan rajeyneynaa in natiijadan ay xoogaa niyadda u djein doonto qoysaska Jessica iyo Lillia.” Garsooraha ayaa xukunka ugu riday Herrin inuu yahay qof qaan gaar ah, ee ma aha inuu yahay dmebiile da’ yar ah. Bidix: Cameron Herrin; midig: John Barrineau Khamiistii, Herrin, qoyskiisa iyo saaxiibadiis ayaa subixii oo dhan waqtigooda ku bixiyay inay ku tilmaamaan qof naxariis badan oo la cafin karo isla markaana aan u qasdin inuu qof dhaawaco. Waxay musiibadii dhacday ku tilmaameen inay ahayd shil xanuun badan. “Qalbi jab ayay u ahayd isaga iyo qoyskeenna,” ayay tiri Kim Salter, oo eeddo u ah Herrin. “Saameyntu mar walba way ku soo laalaabaneysaa maskaxdiisa. Weligeed kama guuri doonto madaxiisa,” ayay tiri Cheryl Herrin, oo ah hooyada Cameron. Maxay gabdhaha Soomaaliyeed ka yiraahdeen xukunka Cameron Herrin? Gabdho badan oo ka fal celiyay xkunka lagu riday Cameron Herry ayaa sheegay inuu yahay quruxlow aan u qalmin in xabsiga la dhigo, iyadoo qaarkood ay si kaftan leh u sheegeen inay booskiisa ku beddeli lahaayeen 10 wiil oo Soomaali ah. Gabdhaha qaar ayaa ku kaftamay in tani ay jawaab u tahay sida ay dhawaan wiilasha Soomaaliyeed uga daba dhaceen fannaanada reer Sudan Nada Al Qala. Waxaa jira gabdho kale oo feker kaas ka duwan qaba, sida Khayriya Bintu Siciid, waxay tiri: “Wiil Soomaliyeed ayaan tageera war gabdhaw iska daaya wiilkaas xitaa hadaad jeclayn heli maysaan raggeennii Soomaalida ahaa geesiyaasheenii ba buuxa.” Hibak Axmed ayaa iyaduna tiri, “Mid aan ogahay oo Soomaali ah kama qurux badna marka laga reebo timaha xataa qoorta dheer iyo hab labiskiisa.” Qareennadiisa ayaa ku dooday in maskaxda 18 jirka aysan wlei si fiican u korin, sidaas darteedna laga fiirsado xukunka. Qoyska Herrin ayaa sheegay inay iibiyeen gurigooda si ay u helaan lacag ay siiyaan qoyska Reisinger-Raubenolt. Baarayaasha ayaa sheegaya in Herrin uu gaariga ku waday xawaare dhan 100 mayl saacaddii markii uu jiirayay Jessica iyo gabadheeda. Qaran News
-
Gantaal uu haysto Dalka Shiinuhu oo cabsi geliyey Maraykanka? Mareykanka ayaa sheegay in kordhinta keydka hubka Nukliyeerka ee Shiinaha ay tahay arrin walaac leh ayna tahay in Maraykanku kala hadlo Shiinaha sida wax u socdaan. Isagoo la hadlayey suxufiyiinta, afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in “loo baahan yahay in Shiinaha uu la hadlo Mareykanka si xal rasmi ah looga gaadho isku dheelitirka hubka.” Wargeyska Washington Post ee ka soo baxa Mareykanka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in Shiinaha uu dhisayo in ka badan boqol kayd oo lagu magacaabo silos kuwaas oo ah nooc hub oo casri ah oo gantaalahooda lagu keydiyo dhulka lama degaanka ah ee gobolka galbeedka. Ned Price wuxuu sheegay inay ku adkaatay Shiinaha inuu qariyo hubkiisa sida laga soo xigtay Global Times, silos waxaa badanaa laga isticmaalaa Shiinaha si loogu xareeyo gantaalaha qaaradaha isaga kala goosha. Gantaaladan ayaa daboolaya masaafo dheer iyagoo soo saara tamar badan. Waana hub culus oo nukliyeer ah. Gantaalaha lagu xareeyo silos si fudud ayaa loo hagaajin karaa loona dayactiri karaa isla markaana si fudud ayaa loo isticmaali karaa markii loo baahdo in la rido. Warbixinta Washington Post ayaa sheeganeysa in Shiinuhu uu dhisayo 119, silos oo goobaha kaydka hubka oo ku yaalla lamadegaanka ku dhow magaalada Yumen ee gobolka Ganzhou Waxaa lagu sheegay warbixinta in Shiinuhu uu dhisayo in ka badan boqol silos oo gantaalo ah haddii intaas la dhameystirona waxay noqon doontaa isbadal taariikhi ah oo ku dhacay siyaasada Nukliyeerka Shiinaha. Goobaha kaydka gantaalaha ayaa ah sirta ugu sarreysa wadan kasta. Waxaa jir goobo been abuur ah oo loo sameeyay si loo marin habaabiyo waddamada cadowga. Goobaha ay ku yaallaan gantaallada ee shiinaha ee China-to-air ayaa ah sir qaran oo wadamada dibada ay adag tahay in ay waxbadan ka ogaadaan. Sida ay sheegayaan wararka Mareykanka ka imanayaa dalkaas ayaa heysta ugu yaraan 450 silos oo gantaalo ah. Kuwaas oo ah gantaalaha nukliyeerka ee muhiimka ah waxa sida oo kale ay leeyihiin (awoodda looga hortagi karo weerar nukliyeer Qaran News
-
Madaxweynaha dowad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta shir-guddoomiyay shir ku saanbsan arrimaha Amniga Jubaland. Shirka waxa ka qayb-galay wasiirada iyo mas’uuliyiinta Amniga Jubaland oo ay weheliyaan saraakiil caddaan ah iyo hoggaanka AMISOM. War ka soo baxay xarunta madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in shirka looga hadlay sugidda Amniga doorashooyinka iyo wada-shaqaynta dhinacyada kala duwan. Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in shirka looga arrinsaday xaaladihii u dambeeyay ee Amniga Jubaland. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo shir-gudoomiyay shir ku saabsan Amniga Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qaar kamid ah Golaha Wasiirada HirShabeelle ay iskaga soo baxeen magaaladaas, kadib markii uu dagaal xoogan ku dhex-maray ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad uu wato Jeneraal Xuud. Wasiirada oo markii hore magaalada Beledweyne uga qeyb-galay shirkii golaha wasiirada ee maamulkaas, ayaa waxaa tallaabadaas si weyn uga carooday Jeneraal Xuud oo asagu kasoo horjeeda maamulka HirShabeelle, taasi oo uu ka dhashay iska hor-imaad u dhaxeeya ciidamada labada dhinac. Wasiirada isaga baxay magaalada kadib markii uu bilowday dagaalka ayaa waxaa kamid ah; Wasiirka Arrimaha gudaha, Maxamed Cali Caadle iyo Wasiirka Beeraha & Waraabka ee maamulkaas, Maxamed Cumar Ceeymooy. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa saacadaha soo socda la filayaa in wasiiro kale ay isaga bixi doonaan magaalada Beledweyne oo saacadihii u dambeeyay ay xiisado dagaal ka taagnayeen. Tallaabada ay uga baxayaan wasiirada HirShabeelle ayaa imaneysay xili ay ciidamada Jeneraal Xuud ku sugan yihiin deegaanka Ceel-gaal ee duleedka Beledweyne, sidoo kalena Ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin deegaanka Bannaaneey oo dhaca duleedka waqooyi ee Beledweyne, midaasi oo dagaal hor leh dhalin karta, inkasta oo ay socdaan dadaalo lagu baajinayo inay dagaalamaan. Si kastaba, waxaa hadda si caadi ah usoo noqday isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ayada oo maanta dib loo furay goobaha Ganacsiga iyo waxbarashada. The post Wasiirada HirShabelle oo ka soo cararay Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyey xiisadda appeared first on Caasimada Online.
-
Doorashada guddonka Guddiga maamulaya doorashada koonfur Galbeed soomaaliya ayaa saaka oo isniin ah ka qabsoontay SKI HOTEL oo deegaan ku meel gaadha u ah Guddiga. Musharixiinta xilka Gudoomiyaha waxa isku Soo sharaxay 1. Yusuf Abdiqadir Mohamed 2. Maxamed Abdilahi Sh Hasan Natiijada Doorashada: xubnaha soo xaadiray waxay ahaayeen 11 xubnood – Yuusuf Abdiqadir Maxamed waxa uu helay 10 xubnood, halka Maxamed Sh Abdilahi Xasan uu helay 1 cod. Mudane Yuusuf Abdiqadir Maxamed ayaa noqday gudoomiyaha cusub ee Guddiga maamulka Doorashada koonfur Galbeed soomaaliya Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta ka furmay shirweyne wada-tashi ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale dowlad goboleedyada ka jira gudaha dalka. Shirkan oo u dhexeeyo wasiirada caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha caafimaadka, gaar ahaa wixii ka qabsoomay shirkii kan ka horreeyey ee ka dhacay magaalada Baydhabo. Inta uu socday shirka waxaa ka qeyb-galaya wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, Fowsiyo Abiikar Nuur iyo wasiirada caafimaadka dowlad goboleedyada dalka, sida Puntland, Galmudug, HiirShabelle, Juballand iyo sidoo kale Koonfur Galbeed. Fowsiyo oo furitaanka ka hadashay ayaa sharraxaad ka bixisay muhiimadda shirkan wada-tashiga caafimaadka ee ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. “Shirkaan muhiimadiisa wasiirada ayaa ka hadlay waxaan galaynaa saddex maalmood oo shaqo adag ina hortaalo loogana hadlayo maxaa inoo qabsoomay maxaa inaga qabyo ah iyo sidii aan uga wada shaqayn lahayn wixii aan wada leenahay wixii aan kala leenahay aad nala wadaagtaan, waxaan ognahay awooda dawladaha xubnaha ka ah aysan isku mid ahayn xaga caafimaadka, waxaan rajaynayaa saddex bari inaan juhdi badan ku bixino sidii aan natiijo wax ku ool ah uga soo saari lahayn.” ayey tiri Fowsiyo. Sidoo kale waxa ay ka warbxisay dadaallada ay wado xukuumadeeda ee ku aadan la tacaalida cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo guulaha laga gaaray. “Waxaa dhammaantiin wada og-tihiin halka uu marayo caafimaadka dalkeena iyo guulaha la gaaray caqabado jira oo ay ugu weyntahay saamaynta uu dalka ku yeeshay xanuunka Covid19 oo wax badan oo qorshaysnaa caafimaadka in aan la wada gaarin. Waxaan ka rajaynayaa in natiijo wanagsan ka soo baxo sidoo kalena la iskula qaato sidii loo sii hormarin laha caafimaadka dalkeena oo inagu masuuliyaddooda aan hayno.” Shirkii hore ee wada-tashiga caafimaadka ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyada oo sanad kastaa diirada lagu saaro arimaha caafimaadka. The post Shir u dhexeeya DF & dowlad goboleedyada oo furmay appeared first on Caasimada Online.
-
Degmada Buurtinle oo ka tirsan Gobolka Nugaal, islamarkaana qiyaastii 119km dhanka Koonfureed kaga beegan caasimadda Garoowe, ayaa lagu soo bandhigay 43 sagaaro iyo hal garanuug ah oo dhammaantood biraysan. Mas’uuliyiinta degmada ayaa sheegay in goob ku taalla gudaha magaalada laga soo helay ugaartan wada-biraysan, kadib hawlgal Booliisku ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee Buurtinle. Maamulka degmada Burtinle ayaa tilmaamay in ay qaadayaan tallaabooyin lagu dhimayo ugaarsiga lagu hayo duurjoogta degaankaas. Ilaa iyo hadda lama sheegin cid loo qabtay arrintan oo hadal-hayn ka dhalisay baraha bulshada. PUNTLAND POST The post Booliiska degmada Buurtinle oo gacanta ku dhigay sagaarooyin badan oo biraysan appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta Garowe ka furmay shirka wadatashiga wasaaraddaha caafimaadka Dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka iyo wasaaradda caafimaadka Xukuumada federaalka Soomaliya. Shirkaan oo ay martigalisay wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa socon doona saddexda maalmood ee soo socda waxana dib loogu eegi doonaa waxa ka qabsoomay shirkii ka soo dhacay Muqdisho sanadkii dhamaaday. Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay wasiiradda caafimaadka Puntland,Galmudug, Hiirshabelle,Juballand, Konfurgalbeed iyo wasiirka wasaaradda caafimaadka dawlada Federaalka Soomaliya. Shirka ayaa furitaankiisa waxaa hadalo ka jeediyay wasiiradda caafimaadka dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka soomaliya, dhamaantoodna waxay muujiyeen ahmiyada uu dalka uleeyahay shirkaan waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen in natiijo wax ku ool ah ka soo baxo maalmaha uu socdo. PUNTLAND POST The post Shir Garoowe uga furmay Bahda Caafimaadka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka kacay xaafadda Laynka Booliska ee magaalada Hargeysa, waxaana ku geeriyooday caruur walaalo ahaa. Taliska ciidamada dab damiska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in labo caruur ah ay ku geeriyoodeen dabkaas oo ka kacay gurigooda, halka kuwa kalena ay dhaawacyo soo gaareen. Sidoo kale wuxuu taliska intaasi ku daray inay dhaqsi gudaha u geli waayeen xaafadda uu dabku ka kacay, sababo la xiriira ciriiri ka jiro waddooyinka laga galo xaafaddaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in caruurta ku geeriyotay dabkaasiuu dhalay askari ka tirsan ciidamada ammaanka Somaliland, waxaana la sheegay in xilliga uu dabku bilaabanayay uu howlo shaqo ugaga maqnaa guriga ay dagan yihiin caruurta iyo qoyskiisa. Waxaa sidoo kale goobta gurmad ahaan u tegay mas’uuliyiin uu horkacayey duqa cusub ee magaalada Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo u tacsiyeeyey dhibanayaash. Haregysa ayaa waxaa ku soo laa-laabta falalka gubashada ah, waxaana xaafado ka tirsan magaaladaasi siyaabo kala duwan uga kaco dab geysta khasaare kala duwan. The post Caruur walaalo ah oo ku geeriyootay dab ka kacay Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Muddo Bil Ah ayaa ka soo wareegtay Durba maalintii Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland ku dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka isku sidkanaa ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex oo ahaa Gobolkii wakhtigaasi ugu dambeeyey ee ay Komishanku ku dhawaaqaan iyada oo Degmooyinka kale ee dalku ka horreeyeen. 5-tii Bishii June ee aan ka soo gudubnay goor saq-dhexe ah ayay Komishanku ku dhawaaqeen Natiijada Gobolka Maroodi-jeex taasi oo wakhtiga ka dhigaysa in ka badan muddo bil ah in illaa maanta ay xildhibaannada Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilladu ku soo baxeen Natiijada Hordhaca ah oo aan wali natiijo kama dambays ah laga hayn Maxkamadda Sare. Maxkamadda Sare ee Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku guda jirtay dhagaysiga dacwado dhawr kiis ah oo la xidhiidha doorashooyinka ayaan wali ku soo gabogabayn xukunkii ay dacwadahaasi ka soo saari lahayd si ay ugu dhawaaqdo ugu dambayn natiijada kama dambaysta ah kadibna loo dhaariyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada. 6 maalmood ka hora yay maxkamaddu sheegtay in ay soo gabo gabaysay dhegaysiga dacwadaha la hor keenay. Xaaladda habsanka ah ee Maxkamadda Sare ee Somaliland aanay wali ku dhawaaqin natiijada iyo dadaallada hoose ee xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ugu jiraan kaambaynka ay ku soo jiidanayaan xildhibaannada u soo baxay xisbiyada Mucaaridka ah si ay ugu guulaysato doorashada shir guddoonka ayay xisbiyada Mucaaridka ahi walaac ka qabaan iyaga oo ku doodaya in mar kasta oo maxkamaddu la daahdo ku dhawaaqista natiijada kama dambaysta ah ay taa baddalkeeda faa’iido weyni ugu jirto xukuumadda iyo xisbul xaakimka oo muddooyinkii ugu dambeeyey dadaalkooda oo dhan isugu gaynayay sidii ay u xodxodan lahaayeen xildhibaannada xisbiyada Mucaaridka ah. Ilo-wareedyo u dhuun daloola xaaladda kaambaynka ah ee xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen tiro ku filan oo ay doorashada shir guddoonka ugu guulaystaan ayaa waxa ay sheegayaan in maalmihii ugu dambeeyey xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu guluf culus ku qaadeen xildhibaanno tiro ah oo ka tirsan xisbiyada Mucaaridka ah ee is-bahaysiga ku galay in ay shirguddoonka ku qaataan taasi oo xogaha qaar sheegayaan in dadaallada KULMIYE midho dhal ugu dhaw yahay inkasta oo aan la xaqiijin tirada illaa imika ay soo urursadeen ee ay ku han weyn yihiin in ay codka dhinacooda siin doonaan marka la gaadho doorashada shirguddoonka wakiillada. Xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ayaa waxa ay ku dadaalayaan sidii ay Guddoomiyaha Golaha wakiillada ugu fadhiisin lahaayeen Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo isagu KULMIYE uga soo baxay Gobolka Sool, halka ay xisbiyada Mucaaridka ah ee is-bahaysiga ahi ku rabaan in ay kuraasta shir-guddoonka ku fadhiisiyaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed (WADDANI), Cumar Jaamac Faarax (UCID) iyo Cali Xamud Jibriil (UCID). Source
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigii shalay waxay kaga doodeen xaaladaha ay ku sugan yihiin Qaar ka mid ah Hay’addaha dalka iyo arimo door ah oo maalmihii u dambeeyay dalka ka dhacay sida gabadhii yarayd ee gurigooda laga xaday, dadka jaaniibta ah ee macdanta sharcidarada ku gurta oo ku soo badanaya Dalka iyo xadhkaha shirkaddaha laydh ee sida foosha xun u daadsan Suuqyada Hargeysa ee Halista badan. Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa ka dayriyay xalaadaha ay ku sugan yihiin wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Jidadka iyo Hay’adda Duulista oo uu sheegay in xiitaa Hawaddii ay maamulaysay ay la wareegtay Soomaaliya, Waxa uu soo jeediyay in Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka loo yeedho oo wax laga waydiiya lacag 45-dollar ah oo uu sheegay inay isaga uun ku kooban tahay oo uu iska maamusho, taasi oo laga qaado qof kasta oo dibada u dhoofaya. Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Warqaddan yar ee lagu dhoofo ee COVID-19-ka ee dadka dhoofaya la siiyo marka la baadho, waxa laga qaadaa lacag baddan oo lagu sheegay illaa 45-doolar, taasi oo laga qaado qof kasta oo dhoofaya , wali la inagama qancin, sababta lacagta intaasi leeg loo qaado, Agaasime Xergeeye ayay arintaasi ku kooban tahay oo bal inaan wax ka ogaano ayaa inoo muhiim ah, oo isagu ka jawaabo”. Waxa kale oo uu yidhi “Hadaan u soo galo wasaaradda Wadooyinka, wasaaradda Wadooyinku waa wasaaradda ugu liidata wasaaradaha, anigu baryahan ma arag wax wanaagsan oo ay qabato, wadadaasi la wado ee Berbera laga soo bilaabayna waxaa inoo samaysay Shirkadda Dp-World”. Ugu dambayn waxa uu yidhi “Wasaaradda Gaadiidka waxaa ku dhex jirta Duulista, oo Hawaddiina waxaaba la wareegtay Muqdisho, Dawladda Soomaaliya”. Xildhibaan Indho Indho ayaa isna waxa uu fariin u diray Wasaaradda Macdanta iyo tamarta, isagoo u soo jeediyay inay wax ka qabtaan dadka ajaaniibta ah ee ku soo badanaya dalka eeMacdanta sharcidarada dooxyada dalka kaga gurta “Wasaaradda Macdanta waxaan leeyahay waxa indho-yar magaalada yaacaysa waad aragteen, mid aan bir sidanin majiro, Dooxyadii ayay marayaan, biro ayay sitaan, meel walba way marayaan, cid liisan siinaysaa majirto, wadanka khayraadkiisa ayay macdantu ka mid tahay, hadaynaan macdanteena ilaashanayn, mid waliba inta uu inoo soo galo ayuu guran, qaarbaa suuqa badhtankiisa fadhiga, halkan sariflayaasha agtooda, markaa waxay u baahan tahay dadkaasi ajinabiga ah ee macdanta guranaya ee la dhoofaya illayn halkan ku iibin maayaan eh, taana in xukun adag laga soo saaro”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xildhibaan Indho Indho. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa ka hadlay dhallinyaro dhawaan Magaalada Boorama lagu xidhay, kadib markii ay calanka Somaaliya ku lebisteen.kuwaas oo uu sheegay inay ahayeen arday ka kale yimi Magaalooyinka Hargeysa, Berbera,Laascanood Ceerigaabo iyo Somaliya. Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay yidhi“Arrin ayaa soo noq-noqda dad dhallinyaro ah ayaa calamo la soo baxa ayaa la leeyahay ,shacabka Hargeysa marka la yidhaah calamo ayaa Boorama lala soo baxay in dareen iyo si khaasa loo dareemayo ayaad mooddaa oo looga damqanaayo,.” Dhanka kalena Xildhibaan Xareed ayaa sheegay in siyaasiyiinta reer Hargeysa ee xilalka ka haya Xamar aan cid soo haddal qaadin,balse si gaar ah loo soo haddal qaado Wasiir Bayle oo Boorama ka soo jeeda “Nin jooga Somaliland oo xamar deganayni ma jiro,Raysal Wasaare ku-xigeen ayaa jira oo waa reer Hargeysa,Guddoomiyaha aqalka Sare xukumaa waa reer Hargeysa waxa markaa dadka qaar uun damqashadu ay uga imanaysaa maan garan.” Waxa uu intaas ku daray “Waxa kuwa halkaa jooga ee ka derajada sareeya loo arki waayey ee looga damqan waayey ee Bayle ayaa daarro halkan ka jeexday loo odhanayo ma garan,waxa kaga duwan yahay kuwaas,waxaan leeyahay dib ha la iskugu noqdo.” Geesta kalena Xildhibaan Xareed ayaa sheegay inu guryaha Wasiir Bayle ka dhisday Hargeysa ay lamid yihiin kuwa qurbajootu ay ka dhisteen Hargeysa “Wasiirka Maaliyadda Somaaliya waana reer Boorama aqalo ayuu halkan ku leeyahay Hargeysa,waxa uu lamid yahay kuwa ingiriiska ka yimaada ee aqalada ku leh Hargeysa,nin wasiir ah oo ku eedaynaya oo leh Bayle waxa uu ku leeyahayaqalo Hrageysa waan maqlayey, wuxuu kuwaa ingiriiska iyo debadaha ka soo shaqaysanaya kaga duwan yahay garan maayo,maali dhaweyd waxa la sheegay wiil uu dhallay oo la xidhay.” Xildhibaan Xareed ayaa sheegay in dhallinyaradii calanka Somaliya ku labisatay ee Boorama lagu xidhay inay ahayeen arday “Kuwa Boorama la leeyahay calamo ayey la soo baxeen waxa ku jira reer Hargeysa, reer Ceerigaabo,reer Berbera, reer Laascanood iyo qaar Somaaliya ah, waxaa kuwa dhigtay Jaamacaddaha ku yaal Boorama .”ayuu sheegay Ugu Dambeyn Xildhibaan Xareed ayaa sheegay in Somaliland loo siman yahay,waxaanu sheegay in calanka iyo heestiisaba ay samaayeen reer Boorama,isagoo soo jeediyey in la iska daayo hoosta la isku eegayo “Waxaan leeyahay Somaliland waa loo siman yahay,dadka la sheegayo ee la leeyahay calamo ayey la soo baxaan calanka Qaranka Somaliland kuwii sameeyey waa reer Boorama,heesta calanka waxa sameeyey reer Boorama,aasaaskii Dawlad-nimo halkuu ka saldhigay reer Boorama ayaa sameeyey.” Source
-
Golaha degaanka degmada Bander-beyla ee gobolka Karkaar oo xalay liiskooda la shaaciyay ayaa saaka doortay guddoomiye cusub. Golaha oo ka kooban 23 xubnood ayaa hab gacan-taag ah ku doortay guddoomiyaha cusub ee golaha degaanka ahna duqa degmada Bander-beyla. Guddoomiyaha cusub waxa loo doortay Cabdirashiid Yuusuf Cali (Cabdirashiid Daacad) sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Guddoomiye cusub oo loo doortay degmada Bander-beyla ee gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.
-
Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in afar cisho, kadib la helay Meydka Allaha u naxariistee Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadankaasi. Marxuumka oo horey loogu la’aa nolol iyo geeri ayaa waxaa haatan Meydkiisa soo helay ciidamada Booliska ee ka howl-gala Gobolka North West, kadib warbixin ay heleen. Wararka ayaa sheegaya in meydka ganacsadahaasi uu markii hore soo arkay nin Hindi ah, kaas oo ku wargeliyey laamaha ammaanka ee dalka Koonfur Afrika oo ugu dambeyn goobta tegay, kana soo qaaday meydka muwaadinka Soomaaliyeed ee la weysanaa. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dilka marxuumka oo si arxan darro ah u dhacay loo adeegsaday rasaas, mana cadda sababta rasmiga ee loo dilay iyo cida ka dambeysa. Qaar ka mid ah ehellada marxuumka ayaa sidoo kale ka sheekeeyey qaabka loo soo helay meydka, iyaga oo shaaciyey in gacan ka xaq-daran ay dishay wiilkooda. “Meydka walaalkeen waxaa soo sheegay Nin Hindi ah oo gaariga Baakiga ah ee uu watay meel kusoo arkay, markii la dabagalayna Booliska ayaa Meydka heley isagoo Xabado ku yaalaan….ALLAHA u Naxariisto dabcan gacan ka xaqdaran ayaa nafta u qoonsatay oo ay muuqato in dhac loo gaysanayey” ayuu yiri Cabdalla oo adeer u ahaa Marxuumka. AUN Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa waxa uu ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku shaqeysta gaadiidka lagu wareejiyo alaabaha Delivery ah, waxaana si weyn looga yaqaanay halka uu deganaa oo ah Brits oo ka tirsan gobalka North. West Si kastaba ha’ahaatee Koonfur Afrika ayaa ka mid ah wadamada lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxaana inta badan loogu geystaa dil, dhaawac iyo boob hantiyeed. The post Ganacsadihii lagu la’aa dalka Koonfur Afrika oo meydkiisa la helay appeared first on Caasimada Online.
-
Culimada ku xeelka dheer Cilmi-nafsiga bulshada aadamiga ah, waxay xaqiijiyeen oo farta ku wada fiiqeen ;” Ahmiyadda Hoggaaminta iyo kaalinta ay ku leedahay dhismaha iyo horumarka bulshooyinka kala geddisan”. Waxay Culimmadu caddeeyeen ; Inuu Madaxweynuhu ama Hoggaamiyuhu saldhig u yahay ; isku-duubnida iyo wadajirka qaybaha bulshada uu hoggaaminayo, degganaanshaheeda, gaadhida ujeeddooyinkeeda, ku-dhaqanka Aydhiyaloojiyadeeda iyo gudashada hawlaheedaba. Hawlaha hor-yaal ee laga rabo inuu guto Hoggaamiyuhu, waxay ku xidhan tahay ; hadba nooca bulshada ee uu hoggaankeeda hayo iyo waddada siyaasadeed ee ay ku taagan tahay. Hoggaamiyayaasha kala geddisan ee bulshooyinka dimuqraadiga ah, tan Diqimuraadiyadda….iyo Kali-talis iyo kuwa ku sugan qaababka jaha-wareerka, qaska iyo kala-dambayn la’aanta, way kala duduwan yihiin, maxaa yeelay ; isku nidaam, hab iyo xeer midna ma aha saddexdoodu. Marka la isku soo cel-celiyo, hawlaha uu hoggaamiyuhu qabto, waxaa lagu tilmaamaa inay isugu jiraan ; dejin siyaasad,, qorshayn, maamul, khabiirnimo,iyo abaal-marin, garsoorid, hawlwadeennimo gudaha ah, arrimaha dibadaha, tusaalayn, aabbanimo iwm. Culimmadu waxay tilmaameen, inay cilmi-ahaan adag tahay; inuusan hoggaamiye qaban karin, Qofka leh Sifooyinka soo socda:- (a) Qofka shakiga badan ee aan isku kalsoonayn. (b) Qofka aan bulshaawiga ahayn, goonni-u-socdka ah, dad la dhaqankana lahayn. (c) Qofka garashadiisu kooban tahay. Dadka astaamaha noocaas ah leh, hadday qabtaan xil hoggaamin bulsho, way ku guul-darraysanayaan oo kama midho-dhalin karaan. Waxaa kaloo hoggaaminta bulshada hadduu qabto, isaguna ku fashilmaya; Qofka leh astaamaha wanaagsan ee hoggaaminta bulshada, sida; Geesinnimada, Deeqsinimada, Go’aan-qaadashada, Degganaanshaha, Garsooridda iwm. hase yeeshee, ay ka maqan tahay Hawl-karnimada, Waayo-aragna aan ahayn, waana sida loo yidhaahdo;” Waayo-aragnimo la’aaney ba’..”. Waxaa la arkay ; rag shahaaddooyin sar-sare wata, aqoon iyo akhlaaq aanay ku yarayn, magac iyo muuqaal weyn leh, hase yeeshee, aan labo xadhig isku xidhi kareyn, xafiisyadoodu ay hadhaysay fadhiidnimo hawleed, tallaabo kastoo ay qaadaanna laga sheeganayo wax qabad la\aan oo aanay hawlahooda gudan. Marka aynu hoos u eegno sifooyinka iyo astaamaha wanaagsan ee lagu garto Madaxweynaha ama Hoggaamiyaha Wanaagsan, ma fududa xadidaddoodu, maxaa yeelay, waxay badanaa ku xidhan tahay; Mawqifyada hadba soo wajaha hoggaamiyaha, waaqaca aan laga gudbi karin ee hor-yaal iyo deegaan-bulshadeedka ku xeeran, waana sida ay Murtidu sheegtay ” Haddii uu nin geesi ahi, raggu (geed-adayg yahay), haddaan garabka lala qaban guri oodi maayo..”(H.Gufaaco). Hoggaamiye kasta oo yimaada, astaamihii wanaagsanaa ee hoggaamintana leh, hanuusan taageero ka helin dadka iyo dawladda uu hoggaanka u hayo, waaqaca yaallana aannu u hiillin, hal tallaabo hore uma qaadi karayo, xilkiisana si fiican uma gudan karo, xataa haddii uu dibadaha maciinsado, sida ay taariikhdu sheegayso. Si kastoo ay arrimuhu yihiinba, waa inuu hoggaamiyaha muslimka ahi lahaado astaamaha iyo sifooyinka hoos ku qoran ee ay culimmadu sheegeen:- (1) Waa inuu Allihiisa weyn ka baqayo, niyad u hayo, daacad iyo diyaar u yahay xilka hoggaaminta bulshada, waddanina yahay. (2) Waa inuu jir iyo maskax-ahaanba bad qabo, si uu karti ugu yeesho xil-gudashadiisa. (3) Waa inuu Shakhsiyad, muuqaal iyo akhlaaq wanaagsan leeyahay. (4) Waa inuu dadka qancin karo, ra’yigiisana si fiican u cabbiri karo, si dhiirranna hadalka u karo, go’aan qaadashana leeyahay. (5) Waa inuu doonayo inuu dalka iyo dadkaba wax u qabto, dul-qaad iyo geesinimana muujiyo. (6) Waa inuu ka dhisan yahay dhinacyada; aqoonta guud, in ku filanna ka yaqaan cilmiga bulshada, diinta, siyaasadda, ugu yaraanna hal luqad oo caalami ah si fiican wax ugu cabbiri karo, si uu adduunka kale ula macaamilo. (7) Waa inuu leeyahay hal-abuur ,kana dabbaalan karo caqabadaha, maareyntiisuna mid macquul ah tahaY (8) Waa inuu leeyahay aragti dheer, wax sii saadaalin karo, dibin-daabyadana dareemi karo. (9) Waa in uu dadka kale iskaashi la samaynayo, qaddarinayo ra’yigooda, isla-weynina ayan ku jirin. (10) Waa inuu si caqli iyo miyir ah wax ku xallin karo, caadifadahana iska xakamyn karo. (11) Waa inuu joogto u horumarin karo xidhiidhka uu dadka kale, gudaha iyo dibadaha la leeyahay. (12) Waa inuu bisayl iyo waayo-aragnimo xambaarsan yahay. Haddii astaamahan badankood laga helo Madaxweynaha ama hoggaamiyaha, waayuhuna saacido, dadweynaha iyo xubnaha dawladduna garab-galaan, waxay u badan tahay, inay arrintu noqon karto;” Rag baa ka taliyay, Rabbina waa aqbalay..” PROF..MOHAMED AHMED FARAH MATTAN (JAAFAA)..ANKARA ,.TURKEY. Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay kaga hadashay xiisada haatan ka taagan gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Qoraalkan oo uu soo saaray wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa marka hore baaq nabadeed loogu diray dhinacya isku haya Beledweyne. Wasiirka Afrax ayaa sidoo kale ku booriyay labada dhinac in ay ka fogaadaan wax kasta oo sababi kara inay kasii darto xiisada haatan laga dareemayo halkaasi. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday waxgaradka, duubabka dhaqanka & qaybaha kala duwan bulshada waxa uu ka dalbaday in ay u istaagaan, sidii wax looga qaban lahaa xiisadaasi. “Wasaaradu waxay ugu baaqeysaa Duubabka, Nabadoonada, Culimaa’udiinka, Ganacsataga, Haweenka iyo Dhalinyarada in ay isu taagaan iyagoo iska kaashanaaya soo celinta iyo adkeynta xasiloonida maadaama dalku doorasho aaday Beledweynana ay ka mid tahay goobaha deegaan doorashada loo asteeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka. Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in reer Beledweyne looga baahan yahay inay tabashadooda ku soo bandhigaan si nabad doon, si looga fogaado dagaallo hor leh. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay iska hor imaad kooban oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad taabacsan Janaraal Xuud uu ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha dalkeena Soomaaliya. Xuud oo ka gadooday doorashadii HirShabelle ayaa si weyn uga soo horjeeda in mas’uuliyiinta maamulkaasi ay ku howl-galaan gudaha magaaladaasi. Si kastaba xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana socda dadaallo lagu qaboojinayo xiisada Beledweyne oo ka dhalatay shir ay golaha wasiirada HirShabelle ku yeesheen magaaladaas. The post DF Soomaaliya oo war kasoo saartay xiisada Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT- North West)-Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrika gaar ahaan kuwa Gobolka North West ayaa xalay helay Meydka nin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo maalmihii lasoo dhaafay lagu la’aa Nolal iyo geeri. Cabdullaahi Bootaan ayaa waxaa uu kamid ahaa Ganacsatada Soomaali ah ee wada gaadiidka lagu wareejiyo aabbaha Delivery ah, waxaana la waayay saddex maalin kahor oo ay baadi goobayeen Booliska iyo Muwaadiniin kale oo Soomaali ah. Meydka Marxuum Bootaan ayaa waxaa markii hore soo arkay nin Hindi ah oo gaari watay, isagoona intaas kadib ku wargeliyay Booliska Gobolka North West ee Koonfur Afrika, waxaana goobta lagu arkay laga soo qaaday Meydka Bootaan oo jirkiisa ka muuqdeen rasaas lagu dhuftay oo loo adeegsaday dilkiisa. “Meydka Walaalkeen waxaa soo sheegay Nin Hindi ah oo gaariga Baakiga ah ee uu watay meel kusoo arkay, markii la dabagalayna Booliska ayaa Meydka heley isagoo Xabado ku yaalaan…. ALLAHA u Naxariisto dabcan gacan ka xaqdaran ayaa nafta u qoonsatay oo ay muuqato in dhac loo gaysanayey” ayuu yidhi Cabdalla oo adeer u ahaa Marxuumka. Allaha u naxariistee Cabdullaahi ayaa 3-maalmood ee ugu dambeeyay Nolal iyo geeri lagu la’aa, waxaana markii cidi ugu war dambaysay ay aheyd Khamiistii lasoo dhaafay, isagoo xiligaas gaadhi uu Alaabo Delivery ah ku wareejin jiray wata ka baxay Magaalada uu dagan yahay ee Brits, isla markaana kusii jeeday Thabazimbi oo (146,4 km) u jirta Brits. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Laba carruura ayaa ku nafwayay kadib markii uu dab ka kacay guri ku yaalla xaafada laynka booliiska, ee magaalada Hargaysa. Guriga dabku qabsaday oo meel cidhiidhi ah ku yaalay darteed ciidanka dab-demiska, ayaa ku guuldaraystay in ay bad baadiyaan carruurta “Meeshu waa isku raran, meel aanu soo marno ayaanu waynay” taliyaha ciidanka dab-demiska Axmed Maxamed Sawaaxili ayaa sidaa yidhi. Taliye Sawaaxili ayaa sheegay in 2 caruur ahi dabka ku nafwaayeen isla markana la baadhayo sababta dabka dhalisay. “Khasaaruhu waa laba caruura oo dhintay, sababta dabka keentayna booliiska ayaa baadhaya” ayuu yidhi Sawaaxili. Carruurta geeriyootay ayaa waxa dhalay askari booliis ah oo xiliga masiibadu dhacaysay hawlgal ku maqnaa. Mayorka caasimada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in ka dowlad hoose ahaan ay garab istaagayaan qoyska dhibatadu ku dhacday. “Waanu usoo jeedayna doorkayagana waanu qaadanayna dowlad hoose ahaan” ayuu yidhi mayor Mooge. “Askariga shaqada qaranka ku maqana qaran kiisu wuu garab istaagaya, waanu la murugoonaynaa” ayuu hadalkiisa ku daray mayor Mooge. Labada carruura ayaa mayd kooda loo qaaday isbitaalka wayn ee Hargaysa oo lagu hayn doono inta laga aasayo. Source
-
(SLT- Mekelle)- Hoggaanka fallaagada ee gobolka Tigreega ee Itoobiya ayaa dalbaday in si buuxda looga saaro ciidamada Eritrea iyo dagaalyahanada gobolka dariska la ah Itoobiya ee Amxaarada ka hor inta ayna wadahadal la galin dowlada federaalka oo ku saabsan xabad joojinta. Kooxda TPLF ayaa ku soo laabatay caasimada gobolka, Mekelle, maalintii Isniinta iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada kadib markii ay dowlada Itoobiya ku dhawaaqday xabad joojin dhankeeda ah. Hase yeeshee afhayeenka TPLF Getachew Reda oo uu ku tilmaamay xabad joojintaas mid kaftan ah. Bayaanka ay soo saartay TPLF ayaa lagu sheegay inay mabda ’ahaan aqbali doonto xabad joojinta hadii ay jiraan dammaanad qaad xooggan oo ah in aan duullaan dambe lagu soo qaadi doonin. “Xoogaga kusoo duulay ee Amxaarada iyo Eriteriya waa inay ka baxaan Tigreega kuna laabtaan dhulalkoodii kahor dagaalka,” ayaa lagu yidhi bayaanka. Maamulka fallaagada ayaa sidoo kale codsanaya inay qaadaan mas’uuliyada wixii ka dhacay gobolka Tigrey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo sidoo kale in ay abuurto Qaramada Midoobay hay’ad madax banaan oo baarta dambiyada la galay intii uu socday dagaaladii gobolka Tigray. Shuruudaha ay TPLF ku xidheen xabad joojinta ayaa waxaa ka mid ah in gargaar deg-deg ah la soo gaadhsiiyo dadka gobolka isla markaan si ammaan ah ay dadkii ka barakacay guryahooda dib ugu soo laabtaan. Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Itoobiya ee la xidhiidha shuruuradaha ay soo bandhigeen jabhada ka dagaalanta gobolka Tigray. Source
-
Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay iska hor imaad ciidamada Myanmar iyo dad shacab ah ku dhex maray magaala ku taalla koonfurta dalkaas. Iska hor imaadka ayaa ka dhacay magaalada Depayin ee gobolka Sagaing, oo qiyaastii 300km (200 mayl) waqooyiga uga beegan caasimada, Naypyidaw. Ciidamada Militeriga dalka Mynamar ayaa diiday in ay ka hadlaan dadka ku dhintay iska hor imaadka xilli ciidamada ay sheegen in ay sii wadayaan iska caabinta dadka careysan. Dalka Myanmar ayaa tan iyo wixii ka dambeyay afgambigii xukunka lagaga tuuray haweeyneydii hogaamineysay dalkaas ee Aung San Suu Kyi bishii February waxaa ka taagna banaanbaxyo rabshada wato oo shacabka ay ku diidan yihiin ciidamada Militeriga . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa sii kordhaya cabsida iyo xiisadda colaadeed ee ka jirta gobalka dhaca waqooyiga Tigrayga ee dalka Itoobiya . Jabhadda iyo ciidamadeeda ayaa shuruuda ku xirtay in ay aqbasho xabad joojin Abiy uu ka codsaday kadib markii ay la wareegen in magaalada Mak’elle. Shuruudaha ay jabadda ku xirtay ayaa waxaa ka mid ah In Maleeshiyaadka Amxaarada iyo ciidamada Eriteriya laga saaro gobolka Tigray laguna celiyo goobihii ay joogeen markii hore. Ciidamada ayaa sidoo kale aqbalidda xabad joojinta waxa ay ku xireen si ay u aqbalaan In Qaramada Midoobay ay sameyso hay’ad madax banaan oo baadha dambiyada ka dhacay gobolka tigrey, lana diyaariyo habab ku haboon oo dambiilayaasha lagu horkeeno maxkamadda dambiyada caalamiga. Hogaanka jabhadda TPLF ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in si Bilaa shuruud waa inaa gargaar bani’aadamnimo la gaadhsiiyo shacabka Tigray. TDF ciidamada difaaca Tigrayga ayaa sidoo kale waxa ay ugu baaqeen xukuumadda si ay u aqbalaan xabad joojin gobalka ka dhaqan gasha in loo baahan yahay Shacabka Tigray inay si buuxda uhelaan dhamaan adeegyada aas-aasiga ah sida korontada, isgaadhsiinta, Bangiyada, Duulimaadyada, waxbarashada, daryeelka caafimaadka, Gaadiidka, iyo ganacsiga. TPLF ayaa sidoo kale sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in in ay si toos in loogu ogolaado gobolka Tigray howlgalada duulimaadyada caalamiga ah. Jabhadda ayaa sidoo kale sheegtay in iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin la ogolaado Dawladdii Tigreega ahayd ee si dimuqraadi ah loo soo doortay ee xisbiga TPLF gadhwadeenka ka ahaa, iyadoo leh dhamaan awoodaheeda dastuuriga ah iyo masuuliyadeeda, inay dib u bilowdo shaqadeedii caadiga ahayd. Tigrayga ayaa waxa ay ku amreen dowladda in laga Noqdaa dhamaan Go’aamadii laga qaatay Gobalka Tigray Lana sii daayo Dhammaan siyaasinta u xidhan TPLF iyo Saraakisha Milatariga Itoobiga ee loo xidhay inay xidhiidh la leeyahiin Xukuumadda Tigray. Ugu dambeyn Jabhadda TPLF ayaa ku baaqday in la sameeyo hay’ad caalami ah oo madax-bannaan oo ka shaqaysa hirgelinta shuruudahan horudhaca ah ee xabad-joojinta iyadon waliba wax gorgortan ah laga galin karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com