-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Soomaaliya ay si adag uga hor timid warbixin ay soo saareen guddiga madaxa banaan ee qiimeynta midawga Afrika. Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimuu ayaa sheegay in dowladda ay si adag uga soo horheeddo warbixinta ay soo saareen guddiga. “Iyadoo laga jawaabayo warbixintii ka soo baxday Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika ayay dowladda Soomaaliya kulan ka yeelatay warbixintaas,waxa ayna si hor dhac u diidday natiijada warbxinta. ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimuu. Warka ka soo baxay xukuumadda ayaa sidoo kale waxa intaas la sii raaciyay in ay dowladda warbixin rasmi ah ka soo saareyso warka ka soo yeeray guddiga oo lagu sheegay in soomaaliya afartii sano ee la soo dhaafay ay wax horumar ah sameynin oo ay lugaha kula jirtay qalalaaso. “DFS waxay soo saari doontaa qoraal rasmi ah oo arrintaas la xiriira”, ayuu intaas hadalkiisa sii raaciyay Afhayeen Mocalimuu. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah weriye sama-fale ah oo ka howlgala gobollada waqooyi ee Somaliland ayey saacadihii lasoo dhaafay hadal-heyntiisu aad ugu faaftay baraha bulshada, kadib markii uu xalay u istaagi diiday astaanta calanka Somaliland. Cabdimaalik Coldoon oo la hadlay TV-ga Horn Cable ayaa ka jawaabay sababta uu ugu istaagi waayey heesta calanka Somaliland, markii laga yeeriyey munaasabad lagu soo bandhigayey Buug uu qoray Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi. Sawirka Cabdimaalik oo fadhiya iyo dadkii kale ee ka soo qeyb galay munaasabadaas oo u istaagay astaanta calanka ayaa aad loogu faafiyey baraha bulshada, waxayna dadka badankood tallaabadaas ku macneeyeen in Cabdimaalik uusan aqoonsaneyn calanka Somaliland. “Wax kasta oo aan qabaneyno waa in aan u eegno waxa ay ka qabto diinteena Islaamka, laakiin aanaa ka eegin dadku saas ayey sameeyeene aan ku daysano, anigu waxa aan ku dhaqmay waxa aan ka fahmay diinteena Islaamka, waxaana diinteena ka fahmay in Khushuuca uu Ilaahey iska leeyahay,” ayuu yiri Cabdimaalik Coldoon. Sidoo kale Coldoon ayaa sheegay in calan ama cid kale aysan u qalmin in loo Khushuuco, “Waxaan ugu istaagi diiday cabsi aan nafteyda uga baqayey in aan ku dhaco wixii ilaahey iga reebay, taxadar ayey iga aheyd, waana in bulshadu ay ku baraarugto arrintaan,” ayuu yiri. Mar wax laga weydiiyey guuxa bulshada ee ah in Cabdimaalik uusan aqoonsaneyn jiritaanka calanka Somaliland ayuu ku jawaabay, “Maya calamadu waa isugu keymid, ma jiro calan aan u istaagi lahaa, Ilaahey dartiis ayaan wax u naceynaa, ilaahey dartiis ayaan wax u jeclaaneynaa,” ayuu yiri Cabdimaalik Coldoon. Hoos ka daawo The post Daawo: Dood ka dhalatay Coldoon oo u istaagi waayey calanka Somaliland iyo jawaabtii uu ka bixiyey appeared first on Caasimada Online.
-
How can one explain the motivations of Abiy Ahmed, the Ethiopian Prime Minister, who in 2020 launched a war against Tigray one year after he won the Nobel Peace Prize? Abiy Ahmed reversed this decision a few weeks ago when he claimed that Ethiopian National Defence Forces had withdrawn from Tigray only to mobilise ethnic regional forces for a second round of a civil war against Tigrayans. This time his justification for the war is that TPLF “is recruiting children for the war.” What is well-documented is the demonsisation campaign against Tigray on top of ethnic profiling expressly targetted against Tigrayans. In 2019 Abiy Ahmed won the Nobel Peace Prize over a peace agreement with Eritrea. Ethiopia invited Eritrean forces to attack Tigray, a decision that forced TPLF to retreat into the mountainous areas. The catalogue of warmongering decisions and human rights violations under Abiy Ahmed’s watch is too much to list. What is happening in Ethiopia now is reminiscent of what was happening in Rwanda in 1994. Sovereignty should never be a bulwark when the state resorts to persecution of its citizens on the basis of their identity or political conviction. An Unknown Quantity Abiy Ahmed is no longer the reformist leader whose plan to reconfigure the Ethiopian federal system have won plaudits from Professor Mohamud Mamdani and Ellen Johnson Sirleaf, the former Liberian President. All of a sudden he has become an unknown quantity even to countries that subtly promoted his agenda. In 2019 America viewed Abiy Ahmed as the leader who could terminate the developmental state that transformed Ethiopia into an economic powerhouse in Africa. Professor Francis Fukuyama gave a lecture at a university in Addis Ababa two years ago, to coincide with the thirtieth anniversary of his book The End of History. Under Abiy Ahmed and his Prosperity Party, Ethiopia is closer to Russia, sparking the fear that Ethiopia might become a Russian sphere of influence in northeast Africa. There is a conundrum with which peace scholars are grappling: why did Abiy Ahmed make a pact with Eritrea to authorise invasion of his country by Eritrean forces although he won the Nobel Peace Prize over the peace agreement with Asmara? It is a question peace studies scholars might research. By Adan Essa Hussein The post Abiy Ahmed Desecrated the Nobel Peace Prize appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hor timid warbixin uu soo saaray Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika taasoo looga hadlay xaladda siyaasadeed ee afartii sano ee dalku uu hoos joogay taliska Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Kulan ay yeeshen Golaha Wasiirada Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ayaa laga soo saaray in Dowladda Soomaaliya ay si hordhac ah u diiday natiijada warbixinta loo gudbiyey Midowga Afrika. “Iyadoo laga jawaabayo warbixintii ka soo baxday Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika ayay dowladda Soomaaliya kulan ka yeelatay warbixintaas, waxa ayna si hor dhac u diidday natiijada warbxinta. DFS waxay soo saari doontaa qoraal rasmi ah oo arrintaas la xiriira,” ayuu yiri afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Sida xogta sheegeyso warbixinta ay soo saari rabto Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu sheego in warbixinta kasoo baxday Midowga Afrika ay tahay mid ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya isla markaasna aan lagala tashan Dowladda Soomaaliya. Warbixinta ay Dowladda Soomaaliya ka carootay ayaa waxaa lasoo saaray Bishii May ee sanadkaan, waxaana loo gudbiyey Midowga Afrika iyadoo looga hadlay amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay dhanka siyaasadda gashay qalalaase iyo heshiis la’aan afartii sano ee uu madaxweynaha dalka ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamay in qalalaasaha siyaasadeed iyo heshiis la’aanta doorashada uu Soomaaliya u horseeday amniga darro iyo dagaal. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan diyaar u aheyn inay amniga dalka kala wareegaan ciidamada Midowga Afrika ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo wax ka badan 10 sano, iyadoo arrintaan sabab looga dhigay inaan la fulin heshiisyadii aniga iyo dhismaha ciidamada Qaranka. The post DF oo ka carootay warbixin Midowga Afrika uu kasoo saaray afartii sano ee Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID ayaa xubinimadii iyo xilkiiba ka qaaday Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), oo ahaa xogeeye ku xigeenkii xisbiga UCID kadib markii isaga iyo xildhibaanu uu hogaaminaya isbahaysi la samaysten xisbiga KULMIYE. Qodax ayaa xisbiga laga saaray kadib markii isaga iyo xildhibaano uu hogaaminayaa ka baxeen isbahaysigi mucaaradka iyagoo Kulmiye kula heshiiyay isbahaysi siyaasadeed. Afhayeen u hadlay xisbiga UCID, ayaa si rasmi ah u caddeeyay in Qodax laga caydhiyay xisbiga UCID. “Xisbigu wuxuu xilkii ka qaaday xogeeye ku xigeenkii xisbiga Qodax, isagoo u cuskaday qodobka 7aad farqadisa 1aad, 2aad, 3aad, 4aad iyo 8aad” ayuu yidhi. Afhayeenka ayaa sheegay in Qodax iyo xildhibaanada uu hogaaminaya ay ku xad gudbeen wixii bulshadu ugu codaysay oo ah is badal. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa ahaa xogeeye ku xigeenkii xisbiga UCID isla markaana waa xildhibaan kasoo baxay xisbiga UCID. Source
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdiraxmaan oo hoggaamiya garab ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyay in uusan dhexdhexaad ka ahayn doorashada gobollada Waqooyi. Qoraal ka soo baxay siyaasiyiinta Waqooyi garabka Cabdi Xaashi ayaa lagu sheeagay in Ra’iisul Wasaare Rooble jabiyay ballanqaad uu sameeyay 19 Juun 2021, oo ay ka mid ahaayeen in guddiga doorashada gobollada Waqooyi laga saaro shaqaalaha iyo ciidamada iyo in xubnaha laga soo magacaabo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay noqdaan dhexdhexaad. Waxay qoraalka ku sheegeen in ballanqaadka Rooble ahaa in aysan doorashada guddoonka guddiga doorashada ka qeybgelin 3-da xubnood ee laga soo magacaabo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si la mid ah dowlad goboleedyada. Waxay sheegeen in Ra’iisul Wasaare Rooble ka jawaabi waayay teleefoono iyo qoraalo xal raadina oo uu diray Cabdi Xaashi, taasina ay sababtay in ay soo saaraan qoraalka. Siyaasiyiinta Waqooyi garabka Cabdi Xaashi ayaa ku baaqay in la qabto kulan go’aan mideysan looga garayo mideynta guddiga doorashada Somaliland iyo rabraacyada doorashada iyo hagideeda. PUNTLAND POST The post Khilaafka Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo weli ku gadaaman doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Garab ka mid ah xisbiga Ucid ayaa maanta heshiis ku saabsan shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland la gaaray xisbiga talada haya ee Kulmiye. Xisbiga Kulmiye iyo garabka Ucid ayaa ku heshiiyay in xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon) oo Kulmiye ka tirsan loo dhiso guddoomiyaha Golaha wakiillada, halka Siciid Faarax Mire (Giirre) iyo Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo Ucid ka tirsan loo dbiso guddoomiye-ku-xigeenka koowaad iyo labaad. Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in xafladii heshiis lagu shaacinayay ay ka soo qeybgaleen 11 xildhibaan oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Ucid uga soo baxay doorashadii Golaha Wakiillada oo ay wehelinayaan siyaasiyiin saameyn ku leh xisbigaas. Garabka kale ee xisbiga Ucid ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiiska ay gaareen garabka iyaga ka mid ah iyo xisbiga Kulmiye, waxaana arrintaas ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ay sheegeen in uu qabyaaladeynayo dimuqraadiyadda. Hoggaamiyaasha xisbiyada muraadka Somalilad Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhawaan gaaray heshiis ku saabsan shir-guddoonka Golaha Wakiillada, waxayna shaaciyeen magacyada musharaxiinta ay u dhisayaan. Labada xisbi ee muraadka ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiillada u sharaxay Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka tirsan Waddani, kana soo baxay gobolka Sool. Sidoo kale guddoomiye xigeennada koowaad iyo labaad ayay u sharaxeen Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo laga soo doortay gobolka Sanaag iyo Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo laga soo doortay gobolka Awdal, kuwaas oo labaduba ka tirsan xisbiga Ucid. Tallaabadaas ayaana ah tan sababtay in uu kala jabo xisbiga mucaaradka Ucid oo garab ka mid ah heshiis la gaaro xisbiga Kulmiye. PUNTLAND POST The post Loolanka shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland oo kala jebiyay xisbiga Ucid appeared first on Puntland Post.
-
Mekelle (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Jabhadda Tigrayga ee TPLF ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah isaga oo sii daayey sii daayay ku dhowaad 1,000 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee lagu qabtay dagaaladii u dambeeyay. Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo labada dhinacba ay u diyaar garoobeen iska horimaad ka dhaca dhulka lagu muransan yahay ee galbeedka gobolka, kaasi oo ay isku hayaan Amxaarada. Debretsion Gebremichael, oo ah hogaamiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Dadweynaha ee Tigrayga (TPLF), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters isagoo kula hadlay taleefoonka dhanka satellite-ka goor dambe oo Jimcihii shalay aheyd inay sii daayeen 1,000 askari oo darajooyin hoose ah, oo ka mid ah 6,000 oo dagaalka ku qabteen. “In ka badan 5,000 oo askari ayaa weli ku jira gacanteena, waxaana sii hayn doonaa saraakiisha sare kuwaas oo wajihi doono maxkamad,” ayuu yiri Debretsion Gebremichael. Hoggaamiye Debretsion ayaa sheegay in ciidamada lasii daayey la geeyey dhanka xuduuda koonfureed oo ay Tigray la wadaagto gobolka Amxaarada maalintii Jimcaha, laakiin ma uusan sheegin cidda lagu wareejiyey iyo cidda ay kala hadleen sii deyntooda, inkastoo ay Reuters sheegtay in aysan si madax banaan u xaqiijin karin sheegashadiisa. Afhayeen u hadlay militariga Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in uusan hadda ka hadlin karin arrintaan, balse afhayeenka maamulka gobolka Amxaarada ayaa sheegay in uusan wax war ah ka hayn sii deynta askartan. Sidoo kale, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay inay isku dayday in ay arrintaan wax ka waydiiso saraakiisha xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo gudiga dowlada u xilsaaran arrimaha Tigray balse wax jawaab ah way ka waysay. Dagaalka Gobolka Tigray ayaa qarxay Bishii November ee sanadkii hore markii ay dawladdu ku eedeysay kooxda TPLF inay weerareen saldhigyada milateriga ee gobolka oo dhan, taas oo ay been abuur ku tilmaameen madaxda xisbiga Tigray. Dowladda ayaa ku dhawaaqday guul seddex isbuuc kadib markii ay la wareegtay caasimada gobolka ee Mekelle. Kooxda TPLF ayaa dib ula wareegtay magaalada Mekelle iyo inta badan Tigray dhamaadkii bishii June, kadib markii ay dawladu kala baxday askarteeda ayna ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah. Si kastaba, kooxda TPLF ayaa wacad ku martay in ay dagaalka sii wadi doonto illaa ay dib ugala wareegeyso gacan ku heynta dhulka lagu muransan yahay ee koonfurta iyo galbeedka Tigrayga, kaasi oo looga qabsaday dagalkii ay kula jireen xulafada dowladda ee kasoo galay dhanka amxaarada. Abiy ayaa todobaadkaan sheegay in militariga ay iska celin doonaan qatar kasta oo kaga timaado kooxda TPLF, halka Gobolka Amxaarada iyo saddex gobol oo kale ay sheegeyn inay abaabulayaan xoogag si ay uga taageeraan ciidanka qaranka dagaalka lagula jiro kooxda TPLF. Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka, ku dhawaad 2 milyan ayaa barakacay halka in ka badan 5 milyanna ay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah. Jimcihii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa soo saartay bayaan ay ku eedeyneyso kooxaha gargaarka inay hubeeyaan mucaaradka. “Qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ayaa si firfircoon ugu howlanaa kaalin burburin ah. Waxaan sidoo kale xaqiijinay in ay gargaarka u adeegsanayeen gabbaad isla markaana ay hubeynayaan kooxaha mucaaradka si ay colaadaha u dheereeyaan,” ayaa lagu yiri bayaanka. The post Hoggaamiyaha Tigrayga oo qaaday tallaabo lama filaan ah xilli dagaal culus la filayo appeared first on Caasimada Online.
-
Bacaadweyn (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo Kuwa maamulka Galmudug ayaa maanta dib u qabsaday degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug oo Al-shabaab dhawaan qabsadeen, markii ay muddo kooban ku sugnaayeen ciidamada Galmudug. Ciidamada huwanta oo ka kala tirsan qeybta 21-aad ee milateriga, kuwa Danab iyo ciidamada Galmudug oo ay hawada sare ka taageerayeen diyaarado ayaa gudaha u galay Bacaadweyn kadib markii ay isaga baxeyn ciidamadii Al-Shabaab ka tirsanaa markii ay ka war heleyn duulaanka kusoo socda. Ciidamada Al-Shabaab ayaa Xalay saq dhexe isaga baxay degmada Bacaadweyn, waxaana saaka gaaray Ciidamada Dowladda, iyadoo muuqaalo muujinayo guusha ay gaareen ciidamadaas lagu soo daabacay warbaahinta Dowladda iyo kuwa Galmudug. Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimada Online, Ciidamada huwanta ah ayaa horey usii dhaafay degmada Bacaadweyn, waxayna Al-Shabaab kasii qabsadeyn dhowr tuulo oo qiyaastii 6km u jira Degmadaas. Shalay ayey ahayd markii gaari uu waday ruux is-miidaamiye ah uu beegsaday ciidamada Galmudug ee ku dhowaa Bacaadweyne, iyadoo qaraxaasi ay warar iska horjeeda ka bixiyeen Galmudug iyo Alshabaab. Waxaa jirto cabsi ku aadan in kooxda Al-Shabaab ay soo qaado dagaal rogaal celis ah inkastoo wararkii ugu dambeeyey ee halkaas naga soo gaarayo ay sheegayaan in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay sameysteen difaacyo adag. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ciidamo xoog leh soo dhoobtay qeyb kamid ah Gobolka Mudug, waxayna xogta hoose sheegeysaa in dagaalka ciidamada Dowladda uu sii socon doono inta Al-Shabaab laga saarayo Xarardheere oo ah saldhig weyn oo ay kooxdaan ku tababarto maleeshiyaadka. The post Sawirro: Ciidamada huwanta oo dib u qabsaday Bacaadweyn iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Wararka PP) — Dowladda Jarmalka ayaa ku baaqday xabbadjoojin degdeg iyo in ciidammada shisheeye ay ka baxaan Itoobiya. War saxafaadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ayay dowladda Jarmalku ku digtay in xoog loo adeegsado beddelista xuduudaha goboleed ee Itoobiya, sida ay doonayaan xagjirka Amxaarada oo loo yaqaanno Fano. Baaqa ka soo baxay Jarmalka wuxuu cadaadis sii saarayaa Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo dhowr maalmood ka hor ciidammo goboleedyada Itoobiya u diray gobolka Amxaarada kaddib markii ciidammada Tigreegu qabsadeen Raya oo Amxaaradu qabsatay. Baaqa Jarmalku soo saaray Dhanka kale, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe’s Omar (Cagjar) ayaa diidin kala kulmay saraakiisha sarsare ee booliska Liyuu oo uu ka dalbaday in ay difaacaan Amxaarada. “Mustafe waa nin aad ugu daacad ah Amxaarada, aamminsan sarrayntooda. Waa sababta uu u doonayo inay Soomaalidu dhiig u daadiso Amxaaradu” ayuu yiri oday ku sugan Jigjiga. © Puntland Post, 2021 The post Jarmalka oo ka hor yimid in la beddelo xuduudaha goboleed ee Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay soo saareen xildhibaanada waqooyi ee garabka guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi ayey kaga warbixiyeen caddaalad darrada iyo eexda uu sameeyey ra’iisul wasaare Rooble uu kula saftay garabka Mahdi Guuleed. Waxay sidoo kale ka hadleen halka uu marayo khilaafka iyo xal u helidda caqabadahii hortaagnaa doorashada kuraasta labada aqal ee xildhibaanada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi. “Maanta oo laga joogo bil iyo labaatan maalmood shirkii madasha ee qabsoomay 27.5.2021 waxannu go’aansannay in aan warbixin kooban ka siinno xubnaha Madasha, daneeyayaasha doorashada sida Musharaxiinta xilka madaxweynaha iyo bulshada Soomaaliyeedba halka uu marayo khilaafkil iyo xal u helidda caqabadaha hortaagan madaxbanaanida doorashada kuraasta labada Agal ee Xildhibaanadda ka soo jeeda Gobollada Waqooyi (Somaliland) oo ka mid ahayd saddexdii arrimood ee khilaafku ka jiray muddada dheer,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka. Guddiga ayaa sidoo kale ra’iisal wasaare Rooble ku eedeeyey inu ku guuldarestay inuu ficil ahaan uga dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyay iyo gudashada masuuliyaddii lagu aaminay ee habsami u socodka howlaha doorashooyinka Qaranka iyo tan xildhibaanada labada Gole ee Somaliland inay u dhacdo si xor iyo xalaal ah. “Sida an dhigayo Qodobka 2-aad, farqadiisa (a) ee heshiiskii 27 May 2021 waxaa masuuliyadda xalinta khilaafka taagan iyo isku dubaridka habsami u socodka doorashada xildhibaanada labada aqal ee Somaliland loo xilsaartay Ra’isulwasaaraha, isagoo mar walba la tashanaya Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’isul wasaare ku xigeenka.” “Waxaanu filaynay in Ra’iisul wasaaruhu arrintaas si degdeg ah u guda-geli doono oo isugu yeedhi doono Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka si looga wada arrinsado xallinta khilaafka iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashooyinka xildhibaanada Somaliland. laakiin nasiib darro taasi ma dhicin Ilaa maanta oo ay kasoo wareegtay bil iyo 20 cisho,” ayaa sidoo kale lagu yiri war saxaafadeedka. “Doorashada xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Waqooyi waxay ku jirtaa marxalad gaara, Cabdi Xaashi oo ugu sareeya siyaasiyiinta taladii waa loo diiday.. dowladdu waxaa moodaa inay dooneyso inay boobto Doorashada.. Ra’iisal wasaaruhuna telefoonkii waa ka qaban waayey Guddoomiyaha Aqalka Sare; qoraalladii loo dirayna ka jawaabi waayey… heshiisyadii uu galayna waa wada jebiyey..” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlay falalka uu ku dhaqaaqay Ra’iisal wasaare Rooble. War saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay illaa dhowr talaabo oo uu Guddoomiye Cabdi Xaashi uu qaaday si looga dhabeeyo heshiiskii 27 May lagu kala saxiixday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka oo dhameystiran The post R/W Rooble oo Cabdi Xaashi ‘kala saftay’ Mahdi Guuleed – Muxuu sameeyeey? appeared first on Caasimada Online.
-
Xisbiga Kulmiye oo shaacay 3-da Musharax ee uu u xushay Shirgudoonka Golaha Wakiilada Xisbiga KULMIYE iyo garabka xisbiga UCID ayaa ku heshiiyey inay shirguddoonka u sharraxaan Guddoomiyaha Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Md. Suciid Mire Faarax (Giirre) iyo Gufdoomiye-ku-xigeenka 2aad Md. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax). Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa maanta magacaabay xubnaha guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare ee Jubaland, ee la filayo inay daba-yaaqada bishan ka billaabato Kismaayo. Magacaabistaan uu Guddoonka Baarlamaanku magacaabay ayaa dabasocota codsigii shalay ay u gudbiyeen guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubaland kaas oo ahaa in golaha wakiilada Jubaland magacabaan guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan doona doorashada Aqalka sare. Xubnaha Guddiga la magacaabay oo ka koban 9 Xubnood ayaa waxaa ay guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubaland kala shaqeyn doonaan qabashada doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo Xildhibaannada Aqalka ay dooranayaan Baarlamaanka Jubaland. Shalay ayaa waxaa Xubnaha guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubaland ay ku dhawaaqeen in doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ay waqtigeeda ku qabanayaan xilli ay jiraan culeyso badan oo siyaasadeed. Musharaxiinta dooneysa in ay kamid noqdaan baarlamaanka 11-aad ee soo aadan oo lacagta diiwaangelintoodu tahay 20-kun oo doolar ayay ugu baaqeen in ay si deg-deg u soo gudbiyaan codiyadooda ama araajidooda. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka The post Jubaland oo maanta tallaabo horleh u qaaday qabashada doorashada Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Jubbaland ayaa goordhaw magacabaay xubnaha guddiga doorashooyinka Jubbaland ee qabanaya doorashada Aqalka Sare. Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa magacabay guddigaan oo ka kooban 9 xubnood oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbaland. Hoos Ka Akhriso Magacyada Xubnaha Guddiga Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa weli socda dagaaladii u dhaxeeyey ciidanka Faderaalka iyo xoogaga “Jabhadda Xoreynta Tigreyga” xilli, Itoobiyana ay daaha ka qaaday abaabulka ciidamadeeda gaarka ah iyada u diyaar garoobeysa in ay TPLF kaga hortagto xuduudaha gobolada Amxaarada iyo Tigray. Addis Ababa waxay markii ugu horeesay shaaca ka qaaday abaabulka ciidamada gaarka ah ee gobolada si loogu diyaar garoobo guluf ka dhan ah “Jabhadda Xoreynta Tigrey” ee gacanta ku dhigtay inta badan waqooyiga Itoobiya. Wakaalada wararka ee Itoobiya ayaa sheegtay in keenista ciidamada gaarka ah ee gobolada ay tahay talaabo looga hortagayo wax ay ku tilmaantay “talaabooyin daandaansi ah” oo ay TPLF ka waddo xuduudaha gobolada Amxaarada iyo Tigrey. Dadyowga Tigreyga waxa ay naftooda kala cararayaan wax ay ku sheegeen mowjado sare oo rabshado qowmiyadeed iyo isir sifeyn ah oo ka socda cirifka fog ee galbeedka gobolka Tigray ee Itoobiya. Gobolkan barwaaqada ah waxa wali gacanta ku haya askar iyo Maleeshiyaad daacada u ah dowlada federaalka. Ra’isul wasaare Abiy Axmed horay wacad ugu maray inuu ka hortagi doono TPLF ” wuxuuna ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka, “Waxaan iska difaaci doonnaa oo aan iska caabin doonnaa weeraradan ka imanaya cadawgeenna gudaha iyo dibaddaba, iyadoo laga shaqeynayo dardargelinta howlaha bani’aadamnimada.” Mareykanku wuxuu walaac ka muujiyay wararka sheegaya fiditaanka dagaalka ee gobolka Tigreyga. Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas Ayaa ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka, “Dagaalada sii soconaya waxay kaliya horseedi doonaan dhibaato iyo dhimasho aan loo baahneyn,” iyadoo ugu baaqday dhamaan dhinacyada inay si deg deg ah u ogolaadaan xabad joojinta iyadoo loo marayo wadahadal siyaasadeed. Jimcihii, Amnesty International waxay ku eedeysay mas’uuliyiinta Itoobiya inay tobonnaan dad Tigrey ah ku xirxirtay magaalada Addis Ababa iyo meelo kale tan iyo markii Jabhadda Xoreynta Tigrey ay bishii hore dib ula wareegtay gacan ku heynta magaalo madaxda gobolka tigre ee Mekele. Hay’addu waxay sheegtay in dadka la xiray ay ka mid yihiin kuwa u dhaqdhaqaaqa xuquuda aadanaha iyo saxafiyiin, qaarkoodna lagula kacay jirdil, waxay u badan tahay in tirada guud ay noqon doonto boqollaal, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin intooda badan. Abiy ayaa ciidamo u diray Tigray bishii November ee la soo dhaafay si ay hubka uga dhigaan hogaamiyaasha Jabhadda xoreynta dadka Tigreega, oo xukunta gobolka. Ku guuleystaha Abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa dabayaaqadii bishii Nofeembar waxa guul ka sheegtay colaadda ka dib markii ciidamada federaalku ay la wareegeen caasimada gobolka ee Mekele, laakiin dagaalka aya daba dheeraaday oo hogaamiyayaashii Jabhada Xoreynta Dadka Tigray ee baxsad ka ahaa aya dib ugusoo laabtay Mekele. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay horaantii bishii July in in ka badan 400,000 oo qof ay “macaluul ku heshay” gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia, oo dagaallo ay ka socdeen. Mas’uuliyiinta Itoobiya waxay ku hanjabeen inay hor istaagi doonaan gelitaanka gargaarka ee tigre kadib markii lagala wareegay caasimada gobolka. W/Q: Yaxye Soocadde. Source: goobjoog.com
-
Inkabadan 85 qof ayaa dhimatay kadib markii fatahaado ay ku dhufteen gobalada NRW iyo RLP ee dalka Jarmalka. Fatahada ayaa sidoo kale bur bur xooggaan u geeystay dhamaan deeganada gobaladaas hoostaga gobaladaas, saacadaha soo socda ayaa laga cabsi qabaa in khasaaraha intaa uu sare u dhaafo. Sawirada iyo muuqalada gobalada go’doonka ku jiro laga soo qaaday ayaa miijinaya gurya iyo gawaari ay qaadeen biyaha. Korontada ayaa gebi ahaan ka maqan gobalada fatahaadda ay ku dhufatay, inkabadan 1,000 qof ayaa illa iyo iminka la la’yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay ugu yarana illaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka, xilli ay ku sugnaayeen bar-control oo ku taalla degmada Dayniile ee magaalada caasimad ah ee Muqdisho. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay inay horey usii qaateen illaa saddex qoray oo AK47 ah, kuwaas oo ay lahaayeen askarta la dilay, sida ay hadalka u dhigtay. “Mujaahidiinta ayaa weerar cagmarin ah ku qaaday bar koontarool oo kutaal degmada Dayniile, dhimashadu waa sedax askari iyadoona lagasoo qaniimeystay sedax qori” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi ee ay guulaha ka sheegatay Al-Shabaab. Kooxdan ayaa inta badan weeraro gaadmo ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Si kastaba dhacdooyinkan amni darro ayaa kusoo aadaya, xilli haatan la qorsheynayo inay Muqdisho ka billowdaan doorashooyinka lagu soo xulayo xildhibaanada Soomaaliya. The post Shabaab oo maanta werar khasaare geystay ka fulisay magaalada MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Baarlamanka Jubaland ayaa magacaabay maanta oo Sabti ah magacaabay Guddiga Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Jubaland. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamanka Jubaland ayaa lagu magacaabay Guddiga Xubnaha Aqalka Sare. Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa sida qorshaysan Sabtida todobaadka dambe qabanaya Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doorto Jubaland. Xubnaha Aqalka sare waxa dooranaya Xildhibaannada Baarlamanka Jubaland. PUNTLAND POST The post Jubaland oo magacowday Guddiga Doorashada Xubnaha Aqalka sare appeared first on Puntland Post.