-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
A 23 year old woman who was kidnapped by unknown people and a ransom demand of Sh5 million made for her release was Sunday rescued alive. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howl-gal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay. Howl-galka ayaa daba socday weeraro ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kuwaas oo ay jawaab ka bixiyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isku fidiyey duleedka magaaladaasi. Afhayeenka ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegay in jab xoogan howl-galladaasi lagu gaarsiiyey koooxda Al-Shabaab, isla-markaana looga dilay illaa 24 xubnood, sidoo kalena looga dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay hub iyo saanad milatari ay kasoo furteen kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay goob fagaare ah ku soo bandhigeen. Ugu dambeyn afhayeenka ayaa shaaciyey inay sii socon doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Deegaanada uu howl-galku ka dhacay oo dhammaan hoostaga Diinsoor ayaa waxaa weli laga dareemayaa abaabul xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo. Si kastaba, maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab. The post Sawirro: 24 ka tirsanaa Al-Shabaab oo howl-gal qorsheysan lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan oo u dhexeeyey ciidanka milatariga Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda ay howlgal ku qaadeen deegaanka Orshe oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaasi ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay dagaal kadib la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Orshe oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in haatan ciidamadu ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan gudaha deegaanka, isla-markaana ay ka sameysteen fariisimo. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana jira cabsi laga muujinayo inay dagaal rogaal celis ah soo qaadaan xoogaga Al-Shabaab. Weli ma jiro wax hadal ah oo dhinaca Al-Shabaab kaso baxay oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya. Si kastaba muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ku hayaan deegaanada Galmudug oo ay ugu horreyso caasimada maamulkaasi ee Dhuusamareeb. The post Ciidamada DF oo dagaal kula wareegay deegaan hoostaga Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ayaa guullo ka soo hoyey doorashada hoggaanka golaha deegaanka ee magaalooyinka Burco iyo Laacsaanood oo ka kala tirsan gobollada Togdheer iyo Sool oo dhaca waqooyiga dalkeena Soomaaliya. Burco waxaa guddoomiyaha golaha deegaanka loo doortay, Cabdirisaaq Hero, halka ku xigeenkiisana loo doortay Mukhtaar Baaryare, sida uu shaaciyey maamulka doorashada. Labada mas’uul ayaa ka wada tirsan xisbiga mucaaradka ee UCID, kaas oo si weyn usoo dhoweeyey goosha ay kasoo hoyeen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Sidoo kale duqa magaalada Laacsaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa loo doortay Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Wadani, halka sidoo kale ku xigeenkiisana uu noqday Axmed Maxamud Cumar (Kawte) oo isna ka tirsan xisbiga UCID. Arrintan ayaa ku timid, kadib heshiis dhex-maray labada xisbi ee mucaaradka ee Wadani iyo UCID, kuwaas oo dhowaan isbaheysi siyaasadeed uga dhowaaqay magaalada Hargeysa. Si kastaba mas’uuliyiinta ku soo baxay doorashadan ee hoggaamin doono Burco iyo Laascaanood ayaa ah kuwo dhalinyaro ah oo laga sugayo inay hormariyaan deegaanadaasi. Somaliland ayaa waxaa 31-kii bishii hore ee May ka dhacday doorasho ballaaran oo isugu jirtay tan baarlamaanka iyo mida golaha deegaanka oo ay ku tartameen xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo kuwa mucaaradka ee Somaliland ee Wadani iyo sidoo kale UCID. The post Xisbiyada Wadani iyo Ucid oo ku guuleystay maamullada BURCO iyo Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo xalay ku hoyday degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa kulamo kala duwan ka bilaabay degmadaasi. Lafta Gareen ayaa qaabilay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Waajid, isaga oo ka xog wareystay xaaladda nololeed ee degmadaasi oo go’doon ugu jirta Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa kulankan intii uu socday bulshada deegaanka kusoo bandhigeen baahiyahooda gaarka ah, si uu wax uga qabto maamulka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu socdo abaabul xoogan iyo qorshe ah sidii go’doonka looga qaadi lahaa degmooyinka Bakool. Waxa kale oo uu ugu baaqay bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hotego weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso halkaasi. Lafta Gareen ayaa Waajid u tegay caleema saarka golaha deegaanka ee degmadaasi, isaga oo sidoo kale booqan doono xarumaha muhiimka ah ee magaalada. Si kastaba dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ayaa weeraro culus ka fuliya deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. The post Lafta Gareen oo abaabul iyo qorshe cusub ka bilaabay Waajid + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Three decades of violence have left 2.9 million of Somalia's citizens internally displaced, but the country is also home to 25,000 refugees, including 6,800 Yemenis and over 700 Syrians. Source: Hiiraan Online
-
Mas’uuliyiinta Iran waxay xaqiijiyeen in madaxii garsoorka iran Ebrahim Raisi, uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee jimcihii ka dhacday dalkaasi. Madaxweynaha xilka ka degaya Xasan Ruuxaani ayaa la kulmay madaxweynaha la doortay, isagoo ugu hambalyeeyay guushii uu ka soo hooyay doorashooyinka, wuxuuna kala hadlay “ka qeybgalka xoogan ee doorashooyinka iyo saameynta ay ku leeyihiin xoojinta awooda dalka. Dhiniciisa, Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Mohammad Javad Zarif, oo ka qayb galayay shirkii Madasha Diblomaasiyada ee Antalya ee Turkiga, wuxuu sheegay in qof walba laga doonayo, wixii hada laga bilaabo inuu la shaqeeyo madaxweynaha la doortay, isaga oo ku tilmaamay “nin caqli badan oo dalka si fiican u hogaamin doona . ” Afhayeenka baarlamaanka Iran Mohammad Baqer Qalibaf ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay MR Raisi guushii doorashada. Saddexda musharax ee la tartamayay MD Raisi ayaa goor sii horeysay oo maanta ah qirtay in laga adkaaday waxayna ugu hambalyeeyeen guushiisa. Natiijooyinka hordhaca ah ee ay daabacday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Iiraan ayaa muujinaya in Raisi uu ku guuleystay codadka in ka badan 17.8 milyan oo ka mid ah 28 milyan ee codbixiyeyaasha ka qeyb galay doorashooyinka. Mr Raisi waxa uu farqi aad u weyn oo dhanka codadka ah uu kaga horeeyay marla loo eego musharixiintii kula tartamay doorashada, kuwaas oo kala ah, Ku-xigeenka Afhayeenka Golaha Shuurada Amir Hossein Qazizadeh Hashemi (qiyaastii hal milyan oo cod), Xoghayaha Golaha Dhex-dhexaadninta Mohsen Rezaei (3.3 milyan oo cod), iyo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Abdel Nasser Hemmati (2.4 milyan oo cod). Hadaba waa kuma Madaxweeynaha Cusub ee Iran ? Magaciisa oo dhameystiran waa Sayyid Ebrahim Raisol-Sadati waxa uu December 14, 1960-kii ku dhashay magaalada Mashhad ee dalka Iran . Raisi ayaa horay u xilal kala duwan uga soo qabtay hay’ado ay ka mid yihiin Garsoorka Iran , xilka ku-xigeenka madaxa cadaalada Iran ayuu soo hayay intii u dhaxeysay sanadihii (2004–2014), waxa uu sidoo kale intii u dhaxeysay (2014–2016) uu ahaa xeer ilaaliyaha guud ee Iran, Guddoomiya maxkamada sare Iran ayuu sidoo kale noqday 2019-kii . Wuxuu sidoo kale xubin ka yahay Golaha Khubarada ee ka soo jeeda Gobolka Koonfurta Khorasan, oo markii ugu horreysay la doortay doorashadii 2006. Raisi ayaa sidoo kale waxa uu madaxweynaha hadda uu doorashada kaga adkaaday la tartamay sanadkii 2017 markaas oo uu helay 38.3% codadkii la dhiibtay . Sayyid Ebrahim Raisol-Sadati waa 60 sano jir aad caan uga ah guda dalka Iran . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dhacay isu soo dhowaanshiyo aad u weyn oo ah labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya kadib markii Muqdisho ay xiriirka jartay 7 bil kahor. Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa sabtidii dib ugu soo laabtay Muqdisho, tallaabadan oo loo arkay inuu si caadi ah kusoo noqday xiriirkii labada dhinac. Arrintan ayaa imaaneysa heshiis dhacay June 16, oo la isku afgartay in lasoo celiyo xiriirka diblomaasi isla markaana laga shaqeeyo hawlaha dhimman. Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo haatan ka qeybgalaya madasha diblomaasiyadda looga hadlayo ee Antaliya, Turkiga ayaa halkaas kula kulmay dhiggiisa Kenya Raychelle Omamo, labada dhinac ayaa la wada hadlay sidii loo wadi lahaa doodaha la xiriira dhameystirka inta dhimman. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Laascaanood)-Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee degmada Laascaanood oo saaka yeeshay kalfadhigoodii u horeeyay ayaa maayarka Laascaanood u doortay Cabdiraxiin Cali Ismaaciil (Qase) oo Xisbiga WADDANI ka soo baxay, halka ay maayar ku xigeenka u doorteen Axmed Maxamed Cumar (Kowte) oo ka soo baxay Xisbiga UCID. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka qeyb-galayey dood lagu qabtay barta Twitter Space ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan tartan adag ee loogu jiro xilka madaxweynaha. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay in dhammaan musharraxiinta looga baahan yahay inay shacabka u soo bandhigaan hantidooda, ka hor doorashooyinka Soomaaliya ee dhowaan ka dhacaya gudaha dalka. Siyaasigan ayaa hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la ogaado hantida qofka, ka hor qabashada xafiiska, si loola xisaabtamo, haddii uu yimaado ku takri-fal awoodeed. “Musharraxiinta u tartameysa kursiga ugu sarreeya Soomaaliya waa in shacabka ay u bandhigaan hantidooda, ka hor doorashada iyo qabashada xafiiska, si loola xisaabtamo haddii ay ku takri falaan hantida shacabka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay xaqiiqada, isla-markaana la sameeyo guddi la’isla ogol yahay oo baaritaan dhab ah sameeya. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in haatan Soomaaliya ay sameeyneyso kobac siyaasadeed, loona baahan yahay in la horumariyo dadka iyo dalkaba. Warsame waa musharraxii ugui horreeyey ee dhaqaale weydiista shacabka Soomaaliyeed, si uu garab uga helo, maadaama uu qeyb ka yahay musharraxiinta uu hamiga ku jiro. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad kala guur ah, waxaana ay u diyaar garoobeysaa doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha. The post Musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha oo laga dalbaday inay soo bandhigaan hantidooda appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Togdheer)-Wararka aanu ka heleyno degmada Warcimraan ee Gobolka Togdheer ayaa waxaa ay sheegayaan in Barkad laga cabo biyaha oo ku taalla halkaas ay ku geeriyootay gabadh yar oo kamid aheyd dadka deegaanka. Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in gabadha oo lagu magacaabi jiray Samiira Axmed Xasan ay ku dhacday Barkada, xilli ay biyo ka dooneysay, kadibna ay Barkada ku dhex geeriyootay, laguna guuleysan waayay in lasoo badbaadiyo. Sidoo kale gabadh la socotay Samiira Axmed ayaa iyana ku dhacday Barkada laga cab biyaha ee ku taalla degmada Warcimraan ee Gobolka Togdheer ee Somaliland, waxaana gurmad la sameeyay lagu guuleystay in lasoo badbaadiyo gabadhaas. Alle ha u naxariistee Samiira Axmed Xasan ayaa kamid aheyd Ardaydii shalay u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Somaliland. Dhacadaan ayaa waxaa si weyn uga naxay qoyska gabadha geeriyootay, waxaana sidaan oo kale deegaano ka tirsan Somaliland ay Carruur horey ugu geeriyoodeen Barkad laga cabo biyaha oo ay ku dhaceen. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Laascaanood iyo Burco ayaa la filayaa in uu saaka uu ka qabsoomo kalfadhiga koowaad ee golleyaasha deegaanka degmooyinkaasi oo ay ku dooranayaan maayirka iyo kuxigeenka. Shalay sabti ahayd ayaa loo balansanaa doorashada maayirrada Laascaanood Iyo Burco ayaa labada dib loogu dhigay maanta axad ah. Xildhibaan khaalid Xasan oo ahaa xildhibanka qudha ee maanta la tartami lahaa Cabdirisaq Hero oo u sharraxan jagada maayirnimo ee Burco ayaa xalay is casilay, sheegayna in uu Burco wada jirkeeda ka qayb qaadanayo. Sida la filayo maanta ma jiri doonto cid kula tartami doonta jagada maayirnimo iyo kuxigeenkiisa, Cabdirisaq Hero iyo Mukhtar baaryare. Wariyeyaasha ku sugan magaalooyinka Burco iyo Laascaanood oo ay Somalilandtoday xidhiidh la samaysay ayaa waxa ay ku warramayaan in jawigu uu degan yahay. Somalilandtoday.com kala soco wararka oo isha ku hay mar kasta Source
-
Maayirka cusub ee Laascaanood Xubnaha Golaha Degaanka degmada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, oo ka kooban 13 xubnood, ayaa Saaka Maamul cusub u doortay degmadaas. Golaha Degaanka Laascaanood, waxay Maayirka cusub u doorteen Cabdiraxiim Cali Ismaaciil oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani. Sidoo kale, waxay Maayir ku xigeenka degmada Laascaanood u doorteen Axmed Maxamed Cumar (Kawte), oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID. Labada Xisbi mucaarad ee Somaliland UCID iyo Waddani ayaa dhowaan samaystay is-baheysi siyaasadeed oo ka dhan ah Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, kadib doorashadii Golayaasha Degaanka iyo Wakiilada. PUNTLAND POST The post Xisbiga Waddani oo ku guulaystay Maayirka degmada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaanada asalkooda uu yahay Soomaalida ee ku jira baarlamaanka Kenya ayaa bilaabay dadaallo xoogan oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa afduubka ka dhanka ah Soomaalida ee ka billowday magaalada Nairobi ee dalkaasi. Yuusuf Xasan Cabdi oo laga soo doorto deegaanka Kamukunji oo ah halka ugu daran oo uu ka jiro afduubka ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka dowladda Kenya uu kala hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey afduubka iyo sidii looga hortegi lahaa. Sidoo kale wuxuuu tilmaamay in saraakiisha laamaha amniga uu waajib ka saaran yahay amniga iyo inay tallaabo adag ka qaadaan burcadda afduubka ka wada Nairobi. “Laamaha amniga iyo Nabadsugidda Dalka waxa aan kala hadlay badbaadinta iyo xoojinta nabadgalyada Soomaalida ee afduubka loo geysanayo, waa waajib saaran in ay dabagalaan oo ay qaadaan tallaabo degdeg ah kuna soo afjaraan raad-raaca burcaddaas” ayuu yiri. Xildhibaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Soomaalida inay muujiyaan feejignaan dheeri ah iyo taxadar, inta ay ka dageyso xaaladda, isla-markaana laga sugayo amnigooda. Dhanka kale Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa cabsi iyo walaac xoogan ka muujiya afduubka Nairobi ee loo geysanayo gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada haatan aan laga war heynin illaa afar gabdhood oo laga afduubtay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, kuwaasoo qaarkood si xun loo jir-dilay, kadibna laga dalbaday lacag madax furasho ah oo ay doonayaan kooxaha af-duubayaasha. The post Yuusuf Xasan oo KENYA kala hadlay afduubka Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Ceelasha Biyaha)-Gabadh yar oo 14 jir ah ayaa kufsi wadareed iyo jidh-dil loogu geystay deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka magaalada Muqdisho, sida ay ehelkeedu warbaahinta u sheegeen. Falkaan waxa uu dhacay 17-kii bishaan, waxayna ragii kufsaday gabadhaan dulleedka deegaanka Ceelasha Biyaha ku heysteen mudo laba cisho ah, ehelkeedu waxa ay warbaahinta u sheegeen in ku dhawaad 20 rag ah ay kufsi wadareed u geysteen gabadhooda. Jabriil Sheekh Maxamed oo Adeer u ah gabadha la kufsaday waxa uu warbaahinta u sheegay in illaa 8-qof loo soo qabtay falkaan, kuwas oo hadda ku xidhan xarunta dembi badhista booliska ee CID-da. Sidoo kale Adeer Jabriil waxa uu sheegay in lagu daba jiro ku dhawaad 10 nin oo kale, kuwaas oo laga garanayo deegaanka, isla markaana sida uu sheegay ka baxsaday, si aan loo qaban. Gabadha Hooyadeed ayaa sheegtay in markii la afduubanayey gabadheeda ay u dirsatay adeeg, isla markaana ay raadinayeen laba cisho oo duurka lagu heystay, waxayna meel duur ah ka heleen iyadoo dhib xoog leh loo geystay. Hooyadaan waxay dalbaneysaa in raggii dhibkaan u geystay gabadheeda cadaaladda la mariyo. Yaasiin Maxamed oo isna Adeer u ah gabadhan ayaa sheegay in falkani uu muujinayo sida arxan darradu ay ugu sii baaheyso Soomaaliya, isagoo sheegay in 20 rag ah ay isugu tageen gabadhaan, dowladda Soomaaliya ayuu ka dalbaday in lagu gacansiiyo sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa raggii kufsi wadareedkaas u geystay gabadhooda. Hoos ka Daawo warbixin ay ka sameysay KNN Source
-
Xildhibaan u sharaxnaa Maayarnimada Burco oo ka tanaasulay Hankiisii+Sababtu u tanaasulay Xildhibaan Khaalid ayaa Goordanbe soo dhigay Bartiisa Face-book-ga Qoraalkan:- Anigoo ah xildhibaan Khaalid Xasan X.diiriye oo usharaxnaa Maayirka degmada Burco, Markaan eegay Danta Guud ee Burco, midaynta iyo wada Jirka Bulshada Burco ee nasoo dooratay ee naga Sugaysa waxqabadka, waxaan go,aansaday inaan ka tanaasulo hankaygii Maayirnimo. Una tanaasulo walaaladay Cabdirisaaq Hero iyo Mukhtaar Cabdi Maxamuud. Waxaa inoo balana waxqabad iyo horumarka Burco oo Gacmaha isu wada qabsano.… Wabilaahi tawfiiq Xildhibaan khalid hassan. Qaran News
-
Oday Cawil Cali Ducaale Wuu Moogan Yahay Inay Somaliland Ka Dabargoday Caadadiisi Xasadka Iyo Xiqdiga Ahayd. Cawil Cali Ducaale oo maanta war-baahinta la hadlay ayaan dib u xasuustay soyaalkiisi tarikheed ee fajida iyo xasadka ku dhisna. Markii ugu horraysay ee aan anigu la kawsaday Cawil Ducaale waxay ahayd horaanti sannadkii 2003-, markaas oo Dalka ay ka taagnayd ololihi doorashadii Madaxweyne ee ay ku tartamayeen Ex Madaxweyne Siilaanyo iyo Ex Madaxweyne Daahir Rayaale. Maalin kasta wakhtigaas wuxuu qaban jiray shirjaraa’id, waxaanu xooga saari jiray xagga qabyaalada iyo cunfiga. “Siilaanyo waa Ninkii Cabdiraxmaan Tuur riday, Dalka haduu qabsado dagaalba ka dhacaaya, iyo kalmado aanu Ruux cimrigaas jira ummadda inuu dhexdhigo ay mustaxiil tahay ayuu ku ololayn jiray”. May ka ahayn qabiili qabyaalad ahaan sida u samaynaaya amma Danta rerkiisa u arka inay ugu badinayso, muu ahayn mid hiil uu Cabdiradmaan Tuur Alle hawnaxariiste ugu hiilinayo sidaa u samaynaaya. Markaan raad raac ku sameeyay tariikhda Cawil Ducaale waxay ka ahayd oo kaliya dabeecadiisa xumaatay oo noqotay xanuun nafsi ah isagoo xumaanta xasadka iyo khiyaanada ku dareemaya caafimaad nafsaani ah oo shaydaan u qurxiyay. Wasiirka Maaliyada ayuu noqday doorashadii kadib cid uu ku matalaayay oo degaankiisa ah ma jirin, isaga iyo kuugiisa cuntada u kariya iyo Eyga guriga u jooga ayuu weheshan jiray wakhtiga aanu shaqada joogin, wuxuuse markaasna sii waday naxligii ummadda, xasadkii iyo fajidii lagu kala irdhaynaayay shacabka Somaliland. ” Beesha East Burco Clan kursiba ka cararay oo ay naarta u galayaan raadintiisa, Beesha Gabiley Clan belaayo uunba ka maqan oo Dalka wixii soo gala dhaqaale iyaga qaata, Axmed Siilaanyo wuxuu ka danbeeyay Dilkii shirqool ee lagu khaarajiyay Muj Aadan Shiine iyo Muj Cabdiqaadir Koosaar”. Weedhahaas ayaa kamid aha kuwii laga guntay ee taariikhda u galay. Waxa la yaab leh, Cawil Ducaalihii sida aha markii Axmed Siilaanyo ka guulaystay Daahir Rayaale qofkii ugu horreeyay ee hoos fadhiista Siilaanyo wuxuu aha Cawil Cali Ducaale . Cajiib: Muxuu sidaa u samaynaayay ayaad is waydiin karta haddiiba uu ku farxay guusha Ninkii ay maryaha dhiiga leh kala furteen oo waliba uu gacan yarihiisa noqday markii Xisbigiisi UDUB laga guulaystay intaanu Siilaanyo xilkaba la wareegin, jawaabtu waxay tahay waxaas uu shubaayay kaliya waxay ka ahayd “Khiyaano” Daahir Rayaale wuu khiyaamaynaayay, degaanka uu ka soo jeedo Cawil Ducaale wuu khiyaamaynaayay, ummadda Somaliland wuu khiyaamaynayay, ilaa Naftiisa ayuu khiyaamaynaayay. Maanta Oday Cawil Cali Ducaale isagoo maaski wajiga xidhan ayuu markale hoos fadhiya Madaxweyne Muuse Biixi, mashruuca uu wadaana waa isla kii shalay ee khiyaanada iyo xasadka shaydaan faray ah, isagoo kula colaytamaaya cida xagga kale ka soo jeeda ee aan tallada xukunka Dalka haynin. Kama aha inuu Cabdiraxmaan Cirro Madaxweyne u diidan yahay, amma Faysal Cali Caraabe u diidan yahay, amma Muuse Biixi ugu hiilinaayo. Waxay ka tahay kaliya caado xanuun nafsiya noqotay oo xasad, xiqdi ummadda lagu kala dilaayo iyo xumaan ah. Waa caado 70-sanno in kabadan uu ku soo dhaqmaayay ilaa Dawladdi kacaanka ahayd ee Maxamed Siyaad Barre oo balwad ku noqotay. Waxaase Alle mahadii ah inay maanta Somaliland ka dhammaatay cahdigii xasadka iyo fajida ay uga faa’iidaysan jireen Dadka Shayaadiinul Jiniga ahi. Tusan Muniir A Cigaal. Qaran News
-
10-ka tababare ee Kubadda Cagta ee ugu taajirsan Adduunka & Mid waliba intuu haysto Tababareyaasha kooxaha kubadda cagta Tababarayaasha ciyaaraha kubadda cagta ayaa ah kuwa go’aanka weyn ku leh mustaqbalka kooxaha, ciyaaryahanada ayaa ah kuwa caan ah marka loo barbardhigo tababarayaasha. Tababarayaasha ayaa mas’uul ka ah hoggaaminta ciyaartooyda iyo tababarkooda si ay usoo bandhigaan ciyaar wanaagsan. Waa kuwa mas’uul ka ah inay qiimeyn ku sameeyaan kooxaha uu loolanka kala dhexeeyo si ay u helaan istaraatijiyad u horseeddo guusha. Si guul loo gaaro, kooxaha waaweyn ee dunida waxay dadaal ugu jiraan sidii ay ku heli lahayeen tababarayaal awood u leh maamulka ciyaarta. Si kastaba, labaatankii sano ee lasoo dhaafay qaar kamid ah tababarayaasha waxay bilaabaan inay qaataan lacag ka badan midda ay qaataan ciyaartooyda. Haddaba, waxaan halkan idiin kuugu soo gudbineynaa 10-ka tababare ee ugu taajirsan dunida. 10. Rafael Benítez – musharkiisa waa 15,423,642 Malyan oo doolar sanadkiiba Raphael Benitez Rafael Benítez oo horraan tababare usoo noqday kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa kaalinta 10-aad ka galay liiska tababarayaasha ugu taajirsan dunida. Haatan wuxuu leyliyaa kooxda Dalian Proffessionals ee ka dhisan Shiinaha. Mushaarkiisa wuxuu gaaraya 15,423,642 Malyan oo doolar. Benitez waxaa sanadkii 2016-kii loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Everton. wuxuu kooxda ka tagey 2019-kii, wuxuu ku biiray kooxda Shiinaha ka dhisan. Rafael Benitez ayaa soo caanbaxay sanadkii 2005 markii kooxdii uu tababaraha u ahaa ee Liverpool ay qaaday koobka horyaalka Yurub. 9. Massimiliano Allegri -Wuxuu qaataa 16,013,767.50 malyan oo doolar sanadkiiba Allegri Allegri wuxuu kamid yahay tababarayaasha ugu taajirsan dunida. Massimiliano “Max” Allegri wuxuu usoo dheelay Talyaaniga, markii ugu dambeysay kooxda Juventus. Allegri wuxuu guulo u horseeday kooxdiisa, wuxuu mushaarkiisa gaaraya 16,013,767.50 malyan oo doolar. Massimiliano Allegri wuxuu kamid yahay 10-ka tababare ee ugu wanaagsan dunida. 8. Fabio Cannavaro, mushaarkiisa wuxuu gaaraya, 16.79 malyan oo doolar sanadkiiba Canavaro Fabio Cannavaro wuxuu kamid yahay tababareyaasha ugu taajirsan dunida. Cannavaro wuxuu u dheeli jiray xulka Talyaaniga, haatana waa tababaraha kooxda Guangzhou Evergrande. Wuxuu difaac usoo ahaa kooxo badan oo ka dhisan Talyaaniga, waa daafaca kaliya ah ee heysta abaalmarinta Balon d’Or. 7. Ernesto Valverde – mushaarkiisa wuxuu dhan yahay 22,537.9 Malya oo doolar sanadkiiba Ernesto Ernesto Valverde waa weeraryahan u dheeli jiray xulka Talyaaniga, haatan waa tababare. Markii uu ka dheeli jiray horyaalka La Liga ee Spain, wuxuu dhaliyay 68 gool markii uu kasoo muuqday 264 ciyaarood. Markii uu howlgab noqday wuxuu noqday tababare, wuxuu macalin usoo noqday kooxaha Olympiacos 2008-09 iyo Barcelona. Valverde ayaa sanadkan laga ceyriyays shaqada tababaranimada ee kooxda Barcelona kadib markii kooxda Bayern Munich ay 8-2 ku dhufatay Barcelona. 6. Zinedine Zidane -wuxuu qaataa 27,287,982 malyan oo doolar sanadkiiba Zidane Zidane wuxuu kamid yahay tobanka tababare ee ugu taajirsan dunida, wuxuu ahaan jiray ciyaartooy dunida caan ka ah oo u dheeli jiray xulka qaranka Faransiiska. Wuxuu ahaa tababaraha kooxda Realmarid ee ka dhisan Spain tan iyo markii uu iska casilay dhawaan, wuxuu qaadanayay mushaar dhan 27,287,982 malyan oo doolar. Ciyaartooyda khadka dhexe ka dheeli jiray wuxuu kamid yahay ciyaartooyda fara ku tiriska ah ee ku guuleystay koobka horyaalka Yurub isaga oo tababare ah ama ciyaartooy ah. 5. José Mourinho – wuxuu mushaar ahaan u qaataa 27.29 malyan oo doolar sanadkiiba Jose Mourinho wuxuu kamid yahay tababareyaasha ugu wanaagsan uguna taajirsan dunida. José Mário dos Santos Mourinho Félix wuxuu u dhashay dalka Bortuqiiska waana tababarihii hore ee kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Tottenham Hotspurs. Waxaa shaqada tababarimo ee kooxda Manchester United laga ceeyriyay sanadkii 2018-kii. Wuxuu dhowr jeer ku gacan seyray codsiyo uga yimid dhowr kooxood ah in uu tababaro ka noqdo kooxaas. Jose Mourinho wuxuu ku guuleystay koobab badan intii uu macalinka ahaa, wuxuu qaataa mushaar ahaan u qaataa 27.29 malyan oo doolar. 4. Jürgen Klopp – Wuxuu qaataa 28,474,416 malyan oo doolar sanadkiiba Jurgen Klopp Jürgen Norbert Klopp wuxuu u dhashay Jarmalka, waana tababaraha kooxda Liverpool. Waxaana lagu tiriyaa tababaraha ugu wanaagsan. Wuxuu kooxda Liverpool u horseeday inay ku guuleystaan koobka horyaalka Ingiriiska iyo horyaalka Yurub. 3. Pep Guardiola -Mushaarkiisa waa 32,027,535 malyan oo doolar sanadkiiba Pep Guardiola Pep Guardiola waa tababaraha ugu taajirsan Ingiriiska, wuxuu u dhashay Spain, waana tababaraha kooxda Manchester City. Waxaana lagu tiriyaa tababaraha soo hoyiyay guusha ugu badan caalamka. Markii uu ciyaartooyda ahaa, wuxuu wakhti badan kusoo qaatay kooxda Barcelona, wuxuu guulo badan u horseeday kooxo badan uu macalin usoo noqday. Markii uu meel sare gaarsiiyay kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich, Pep Guardiola wuxuu sanadkii 2016-kii ku biiray Man United. Waxaa uu suurogashay in uu soo dhiso xulka ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska inta la ogyahay taariikhda. Wuxuu sanadkiiba mushaar ahaan u qaataa 32,027, 535 malyan oo doolar. 2. Antonio Conte – Wuxuu qaataa 35,593,020 malyan oo doolar sanadkiiba Antonio Conte Wuxuu tababare u dhashay Talyaaniga ahna ciyaartooy hore. Waa tababaraha kooxda InterMilan. Conte wuxuu xirfaddiisa kubadda cagta kasoo bilaabay Lecce, markii dambe wuxuu noqday ciyaartooyda ugu saameynta badan kooxda Juventus. Wuxuu kooxda InterMilan u horseeday inay gaarto ciyaaraha kama dambeysta ee koobka horyaalka Yurub. 1. Diego Simeone – wuxuu mushaar ahaan u qaataa 48,50,577 malyan oo doolar sanadkiiba Diego Simione Diego Simeone waa tababaraha ugu taajirsan dunida. Wuxuu sanadkiiba qaataa mushaar dhan 48,50,577 malyan oo doolar, wuxuu kamid yahay tababareyaasha ugu mushaarka fiican sanadkan 2021-ka. Tababarahan u dhashay Argetine wuxuu kooxdiisa Atletico Madrid gaarsiiyay inay qaadaan koobabka horyaallada La Liga, Copa del Rey iyo horyaalka Yurub. Qaran News