Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. An Historic Achievement for Somaliland. The Somaliland House of Representatives and Local Councils’ combined election process was concluded today impeccably with the election of the Speaker. The credit, as was repeatedly acknowledged, goes to the Somaliland people; the credit also goes to President Musa Behi who presided over this process which makes Somalilanders proud in the eyes of the wider world. On other hand, the ground victory goes to the opposition alliance’s leadership to win the highest seats of the elected houses and secured undisputed democratic credentials for Somaliland. Over all, the Somaliland Government and people challenge the African States, the European Union and the Arab League partners, as well as other States which are closely involved in Somaliland development, who all ignore or deny the Sovereignty rights of the Somaliland, to serious look deep into their positions and reconsider their stand towards Somaliland recognition. Somaliland democratic achievements should be an inspiration to all transitional democracies and especially to its neighbours and to others in the African region. Mohamed Osman Fadal Qaran News
  2. Dawlada Itoobiya oo shaacisay sababtay shaqada uga joojisay Hay’ado ka hawla Gobolka Tigray Dowladda Itoobiya ayaa hakisay shaqadii ay gobolka Tigray ka qaban jireen labo hay’adood oo ka shaqeeya arrimaha gargaarka. Ha’yadda MSF waxaa laga joojiyay howlihii gargaarka ay ka fulin jiray Tigray iyo saddex gobol oo kale halka NRC ay sheegtay in tallaabadan ay saameysay howlihii samafalka ay ka qaban jirtay guud ahaan Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in kooxaha gargaarka ay faraha la galeen waxaan shaqadooda ahayn ayna shaqaaleysiiyeen shaqaale ajaanib ah oo aan heysan waraaqaha oggolaanshaha ay ka howlgalaan. dalkaasi Itoobiya waxay sidoo kale hay’adahan ku eedeysay inay baahinayaan warar marin habaabin ah. Hay’adda NRC ayaa caawinaad u fidisaa ku dhowaad 600,000 oo qof oo ku sugan Itoobiya. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal ayaa goordhoweyd qoraal uu soo saaray ku wargeliyay guddiga doorashooyinka Somaliland (SEIT) qabashada doorashada guddoonka, kadib khilaaf xoogan oo muddo taagna. Guddiga ayaa sheegay in doorashada guddoonka guddiga Somaliland la qaban doono maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 7-da bisha Agoosto ee 2021-ka, waxayna ka dhici doonta Xerada Afisyooni. “Iyadoo la tixraacayo go’aankii raysal wasaaraha Soomaaliya uu shalay (3 Agoosto 2021) ka gaaray xalinta arrimaha guddiga hirgelinta doorashad ee Somaliland, iyo go’aanadii xalay kasoo baxay shirka fogaan aragga Gollaha Wada-tashiga Qaran ee khuseeyay arrintaas, wuxuu Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ku wargalinayaa 11 xubnood ee Guddiga doorashooyinka in doorashada guddoonka la qaban doono Maalinka Sabtida,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga. Sidoo kale waxa uu guddiga ka digay dib u dhac ku yimaada waqtiga uu u mudeeyay inay qabsoomto doorashada guddoonka, taasi oo looga gol leeyahay si loo xaqiijiyo in doorashooyinka labada aqal ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyay. “Si looga fogaado dib u dhac ku yimaadda jadwalka doorashada, waxaa mar labaad dhamaan xubnaha guddiga la farayaa in doorashada guddoonka guddiga Somaliland lagu dhameystiro waqtiga kor ku xusan.” Sida ay ogaatay Caasimada Online, Waqtiga uu Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal u mudeeyay qabashada doorashada guddoonka Somaliland ayaa waxaa soo go’aamiyey Ra’iisul wasaare Rooble, oo asagu si toos ah ula wareegay arrinta guddigaas. Sidoo kale waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta uu shalay kulan uu la yeeshay guddiga doorashooyinka Somaliland, uu kaga laabtay guddoonkii ay soo doorteen labada garab ee guddiga doorashada Somaliland. The post DEG DEG: Xilliga iyo goobta ay ka dhaceyso doorashada guddoonka guddiga Somaliland oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  4. Waxaa goordhaw la shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada guddoonka guddiga doorashada Somaliland. Guddigan oo muddooyinkii u dambeyay u kala qeybsana laba garab oo ay kala hogaaminayaan ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi guddomiyaha Aqalka Sare. War ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in sabtida soo socota oo ay taarikhdu tahay 7 bisha. Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dalladaha waxbarashada ee gobolka Banaadir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka horyimid natiijadii imtixaanka shahaadiga fasalka 12-aad ee ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda 22-kii bishii hore ayaa waxa lagu sheegay in imtixaankaas ay ka hareen 4,646 arday oo ay 1,881 yihiin gabdho, halka 2,765 ay yihiin Wiilal, waxayna badankooda ka dhaceen gobolka Banaadir, kuwaasi oo kamid ahaa 34,908 arday oo u fariisatay imtixaankaas. Mas’uuliyiinta Dalladaha ayaa sheegay inaysan marnaba u ku qanacsaneyn natiijooyinka ay wasaaradda soo bandhigtay ee gobolka Banaadir, maadama ay ku doodayaan in waxbarashada gobolka aysan la heer aheyn gobolada kale. “Jiritaan la’aan korjoogto ka madax-banaan howl-wadeenada gacanta ku haysa Imtixaanka waxay sababtay mugdi badan iyo kalsooni la’aan aan xad laheyn. Natiijada imtixaanka oo aan ku qotamin hal beeg cadaalad ah iyo dugsiyo si cadaalad darro ah looga fool-xumeeyay sumcadii dugsiyada gobolka Banaadir,” ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir. Sidoo kale waxa uu sheegay in xiligii imtixaanka laga qaadayay ardeyda gobolka Banaadir ay qaab anshax xuma ah ula dhaqmeen ciidamadii iyo howl-wadeenadii ku sugnaa xarumaha lagu qaadayey imtixaanka, islamarkaana ay bilaa sabab uga reeben imtixaanka ardey xaq u laheyn, sida uu sheegay. “Midowga dugsiyada gobolka Banaadir waxa uu dhaliilaya natiijada imtixaanka la shaaciyey ee ku aadan hal-beegyada dhicista ardeyda, doorashada 30-ka dugsi ee lagu sheegay inay ugu wanaagsan yihiin natiijada imtixaanka, calaamadeynta 100-ka dugsi ee ugu liidata imtixaanka.” “Waxaa ku baaqeyna in dib u eegis lagu sameeyo howl-wadeenada imtixaanka, wuxuuna Midowga dugsiyada soo jeedinaya dhismaha guddi heer qaran oo qaabilsan imtixaanka qaran, kuwaas oo ka kooban qeybaha kala duwan ee aqoon yahanka Soomaaliyeed oo ka madax banaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.” The post Dalladaha Muqdisho oo shaaciyey musuq-maasuq lagu sameeyay’ imtixaankii shahaadiga ahaa (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  6. Wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuummada federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle,ayaa ka qayb galay shirka Wasiiradda maaliyadda Afrika,Bangiga Aduunka iyo haya’adda IMF. Wasiirka ayaa sheegay in Shirka diirada laguy saaray Arrimaha soo kabashada dhaqaalaha iyo la jaan qaadidda horumarka Digital ka ah ee Adduunka. Wasiir Bayle ayaa xusay in Ka qeyb galka Shirkan uu muhiim u ahaa Horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya,isagoo ugu dambayn u mahadceliyey Dowladda Burundi oo shirkaan maanta marti galisay. PUNTLAND POST The post Wasiir Beyle oo qayb galay shirka Wasiiradda maaliyadda Afrika iyo Bangiga Aduunka appeared first on Puntland Post.
  7. When Farhiya Del arrived in the United States nearly 30 years ago, she felt the pressure to fit in. Beyond learning about a new country, she also struggled to adapt to a new culture and especially a new language. Source: Hiiraan Online
  8. Guddiga doorashooyinka ee heer Federaal, ayaa shaaciyay wakhtiga la qabanayo doorashada guddoonka guddiga doorashada ee gobollada waqooyi ee Somaliland. Guddiga ayaa sheegay in Sabtida oo ku beegan 7 Agoosto 2021 si rasmiya loo qaban doono doorashada guddoonka guddiga heer Somaliland (Gobollada waqooyi), islamarkaana ay ka dhici doonto xerada Afisyooni. Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal ayaa tilmaamay in jadwalkan la soo saaray, iyadoo la tixraacayo go’aankii Ra’iisul wasaare Rooble iyo kii xalay ka soo baxay Golaha Wada-tashiga Qaranka. PUNTLAND POST The post Goorma la qaban doona doorashada gudoonka gudiga gobollada waqooyi? appeared first on Puntland Post.
  9. Soomaaliya: Cudurka Covid-19 oo dad hor leh soo ritay Waxaa si kordhaya tirada dadka uu soo ridanayo cudurka Karoona ee gudaha Soomaaliya, sida ay baahisay wasaaradda caafimaadka. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa cudurka Covid-19 laga helay 97 qof guud ahaan Soomaaliya kadib markii la baaray 1483 qof halka tirada dhimashada cudurka ay tahay 9, sida ku cad xogta wasaaradda caafimaadka. Soomaaliya waxaa horraan saameeyay mowjadda labaad ee cudurka xilli sanadkii hore ay korodhay tirada dadka u dhimanayay cudurka. Qaran News
  10. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ku dhawaaqo liiska musharixiinta Aqalka Sare ee Soomaaliya. Liiska musharixiinta maanta la shaacinayo ayaa waxaa sida wararka ay sheegayaan ka soo dhax muuqan doono siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore oo saameyn weyn ku leh siyaasadda oo ay ugu horreeyaan Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey iyo Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer oo labadaba sabab u ahaa in Qoor Qoor uu noqdo madaxweynaha Maamulka Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la filayaa inuu liiska musharixiinta ka reebo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah musharax u taagan xilka uu ku fadhiyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ay saaxiibo dhow yihiin madaxweynaha Galmudug. Cabdi Qeybdiid ayaa la filayaa in liiska lagu soo daro, waxaana wararka ay sheegayaan in Qoor Qoorr uusan dooneyn in Cabdi Qeybdiid lala tartamo. Xaaf ayaa horey uga digay dagaal iyo colaad, haddii Qoor Qoor uusan u caddaalad falin dhammaan dadka xilka raadinaya, waxaana go’aanka Qoor Qoor uu horseedi karaa xiisad. Galmudug ayaa haddii ay shaaciso noqon doonta maamulki seddaxaad oo si rasmi ah u bilaaba doorashada Aqalka Sare kadib maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. The post Qoor Qoor oo shaacinaya liiska musharaxiinta Aqalka Sare iyo Qeybdiid iyo Xaaf oo… appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ku dhawaaqo liiska musharixiinta Aqalka sare. Qoorqoor ayaa shaacin doono Liiska oo muddooyinkii u dambeyay laga sugayay, madaxweynaha ayaana lagu wadaa in faafinta rasmiga ah uu ku sheego. Liiska musharixiinta maanta la shaacinayo ayaa waxaa sida wararka ay sheegayaan ka soo dhax muuqan doono siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore oo saameyn weyn ku leh siyaasadda. Galmudug ayaa haddii ay shaaciso noqon doonta maamulki seddaxaad oo si rasmi ah u bilaaba doorashada Aqalka sare kadib maamulada Jubbaland iyo Koonfur galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Axmed oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka hadlay warar dhowaan lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka, kuwaas oo sheegayey inuu ka haray tartanka xilka madaxweynaha, isla-markaana uu u tanaasulay musharrax kale. Shariif ayaa wararkaasi waxba ka jiraan ku tilmaamay, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu aaminsan-yahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah. Musharrax madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale xusay inuu dadaal soo geliyey dalka, uuna ka qeyb-galayo doorashada soo socota ee madaxweynaha. “Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo aan waqti soo galinnay welina aan u taagannahay,” ayuu qoraalkiisa ku yihi madaxweyne Sheekh Shariof Sheekh Axmed. Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray inuu jiro heshiis ay waxgaradka beelaha Mudullood ku gaareen inay isku tanaasulaan musharraxiinta qaar ee u tartamaya xilka madaxweynaha. “Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba kajirin wararka ku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar,” ayuu markale yiri Sheekh Shariiif. Dhawaqa kasoo yeeray Sheekh Shariif ayaa meesha ka saaraya hadal-heynta qabsatay baraha bulshada ee ku aadaneyd in musharraxiinta Mudullood ay isku tanaasuleen. Si kastaba hadalkan wuxuu ku soo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana haatan lagu guda jiro xilligii doorashada, iyada oo la bilaabay soo xulista xildhibaanada baarlamaanka. The post Maxaa ka jira in Shariif uu ka tanaasulay musharaxnimada? appeared first on Caasimada Online.
  13. Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaar ka Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa beeniyay warar saacadihi la soo dhaafay baraha bulshada la hadal hayay oo sheegaya in uu isaga tanaasulay tartanka doorashada Madaxweynanimo ee dalka. Sheikh Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay aysan waxba ka jirin in uu ka harayo tartanka adag ee loogu jiro hogaaminta Dalka. “Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo aan waqti soo galinnay welina aan u taagannahay”, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa . Sheikh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin wararka sheegayo kulan ay yeesheen beesha Muddolood in leysla qaatay in la isku tanaasulo. “Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba kajirin wararka ku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar”, ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan dhanka fogaan aragga ah la qaatay madaxda dowlad gobaleedyada dalka. Kulanka Rooble iyo dowlad gobaleedyada ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeyay ee doorashada dalka iyo khilaafka weli ka dhax taagan arrinta Somaliland. “Kulan fogaan arag ah oo ay caawa yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga wadahadlay dardargalinta howlaha doorashooyinka Dalka”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble. “Dhanka kale qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale lagu shegay in ay dowlad gobaleedyada ay soo dhaweeyen dadaalada Roonble ee ku aaddan doorashooyinka Gobalada Waqooyi. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Woqooyi ee Soomaaliland iyadoo goluhu si buuxda u taageeray dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Soomaaliland oo Maanta uu Ra’iisul Wasaaruhu ku wargaliyay Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hoggaankooda.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Character, faith and humanity are different qualities and often rare to co-exist in one individual. Your faith cannot determine your humanity so if you have them both, thank your Lord. Source: Hiiraan Online
  16. Kenya's Deputy President William Ruto was on Monday stopped from flying to neighboring Uganda in what his supporters say is a state-backed campaign to humiliate him. Source: Hiiraan Online
  17. Kayama Kazungu, 25, from Kijiwetanga in Malindi, crossed into Somalia in 2015 and married a man she later realised was an al Shabaab fighter. Source: Hiiraan Online
  18. At least three people died after a rare outbreak of intercommunal violence in Djibouti during which the police intervened, the public prosecutor said Monday. Source: Hiiraan Online
  19. A crucial trade route which links landlocked Ethiopia to the sea port of Djibouti has resumed operations after days of a blockade by protesters from the Somali region. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo wareysi siiyey VOA ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada labada Aqal. Cirro ayaa shaaca ka qaaday in si wanaagsan ay ku bilaabatay doorashada Golaha Aqalka Sare, wuxuuna tilmaamay in illaa iyo hadda aysan soo gaarin wax cabasho ah. Guddoomiyaha ayaa xusay in ka guddi ahaan ay dadaali doonaan, balse wuxuu walaac ka muujiyey doorashada Golaha Shacabka oo uu tilmaamay inay caqabado ka imaan karaan. Maxamed Xasan Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ergo badan iyo odayaal ay wax soo xulayaan, isla-markaana laga yaabo in murano ay ka yimaadaan halkaasi. “Caqabaduhu waxa ay noqon karaan waqtiga Aqalka Hoose la galo wuu ka yara howl badan yahay Aqalka Sare oo marka aad u fiiriso dad badan oo ergooyin ah ayaa soo dooran doono Caaqilo badan ayaa wax soo xuli doono iyo ururo bulsho, marka waxyaabahaas oo dhan waa meelaha muranada iyo wax ka yimaadiin oo caqabadaha ugu badan ee aan dareemi doono waa halkaasi,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xasan Maxamed (Cirro). Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashadu ay noqon doonto mid ku qabsoonta daah-furnaan. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay bilaabeen doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. The post Muxuu yahay walaaca soo wajahay guddiga hirgelinta doorashooyinka DALKA? appeared first on Caasimada Online.
  21. (SLT-Addis Ababa)-Laba ka mid ah hay’adaha gargaarka caalamiga ah ayaa salaasadii shalay sheegay in dowladda Itoobiya ay joojisay qeyb ka mid ah gabi’aanba howlihi bani’aadannimo ee ay ka wadeen gobollo ku yaalla Itoobiya oo ay ka mid yihiin gobollada Tigreega iyo Soomaalida. Hay’adaha kala ah Dhaqaatiirta Aan Xuduudda Laheyn iyo Golaha Qaxootiga Norway ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ku qasabtay in ay hakiyaan howlgallada ay ka wadaan Itoobiya 30-ki bishi July. Afhayeen u hadlay hay’adda Golaha Qaxootiga Norwary ee NRC ayaa sheegay in sababta shaqada looga joojiyay ay tahay, dowladda oo ku eedeysay in shaqaalaha ajnabiga ah ee hay’addan ayna heysan ruqsadda shaqada. Hay’adda Dhaqaatiirta Aana Xuduudda Laheyn ee MSF ayaa iyaduna sheegtay in saddex bilood kahor laga joojiyay howlihi bani’aadannimo ee ay ka wadeen gobollada Tigray, Amhara, Gambella iyo kan Soomaalida, iyadoo aanan loo sheegin wax sabab ah. Afhayeen u hadlay hay’addan ayaa sheegay in ay si deg deg ah dowladda uga doonayaan sababta looga joojiyay howlahii ay Itoobiya ka wadeen. Redwan Hussein oo ah afhayeenka dowladda Federaalka Ethiopia ayaa bishi hore ku eedeeyay qaar ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee gargaarka, in ay door burburin ah ka ciyaarayaan colaadda ka taagan gobolka Tigray. Wuxuu sidoo kale sheegay in hey’adahani ay ‘hubeynayaan’ xoogagga Tigray ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya. Dhinaca kale, madaxa arrimaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa uga digay dowladda Itoobiya eedaha ay u soo jeedisay qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ee ka howlgala gobolka Tigray, eedahaas oo uu ku sheegay in ay yihiin kuwo khatar ah oo ay waajib tahay in ay in la joojiyo. Martin Griffiths ayaa sheegay in dagaallo ka dhacay gobolka Amharada iyo Cafarta ay sababeen in ay ku barakacaan in ka badan 200,000 oo qof, kuwaas oo hadda u baahan gargaar bani’aadannimo. Source