-
Content Count
211,102 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa si cad u diiday dalab uga yimid Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, sida ay ilo wareedyo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, waxaa waan-waanta Axmed Madoobe Muqdisho keenay Taliyaha Sirdoonka Kenya. Axmed Madoobe ayaa codsaday in la joojiyo dhaqdhaqaaqa shuruucda doorashooyinka ee baarlamaanka Soomaaliya uu wado, isagoo balan qaaday in doorashada Jubbaland uu haki doono, isla markaana uu ogolaanayo in wadahadal uu la galo madaxda dowladda federaalka. Axmed Madoobe ayaa farriintaan u soo dhiibay wafdi ka socda dowladda Kenya oo Taliyaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin uu hoggaaminayo, wafdiga oo yimid Muqdisho ayaa xalay la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa, balse wax natiijo ah kama soo bixin kulamadii dhacay. Kulanka xalay ka dhacay Muqdisho waxaa ka horeeyey kulamo wafdigaan ka socda dowladda Kenya ay la soo qaateen madaxweyne Axmed Madoobe, si loo qaboojiyo xiisadda Jubbaland iyo DF oo salka ku heysa doorashada Jubbaland. Sida aan xogta ku helnay wafdiga Kenya ka socda ayaa Axmed Madoobe ka codsaday in wax tallaabo ah uusan qaadin ilaa inta xal looga helayo xiisadaan ama ay ka baxayaan dhexdhexaadinta, arrintaasna waa aqbalay Madaxweynaha Jubbaland. Sidoo kale wafdigaan ayaa dowladda federaalka ka codsaday inay joojiso wax kasta oo ku saabsan doorashada Jubbaland, inta ay socoto shaqada duexdhexaadinta ah oo ay bilaabeen. Taliyaha Nabad Sugidda Kenya oo wafdigaan hoggaaminaya ayaa Xasan iyo Xamse u sheegay in guddigii uu magacaabay Axmed Madoobe aysan wax talaabo ah qaadi karin, sida laga soo balan qaaday, ilaa inta arrintaan ay dhinac u dhaceyso. Intii ay socdeen kulamada madaxda dowladda federaalka iyo wafdiga ka socda Kenya, waxay Xasan iyo Xamse ku adkeysteen in dalkaan ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah, iyagoo hoosta ka xariiqay in aysan wax kale aqbali doonin. Caasimada Online oo baaritaan ku sameysay damaca ku jira labada dhinac ayaa ogaatay labo arrin. 1-In dowladda federaalka ay ka go’antahay in dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo doorasho dadban aan dib loogu laaban, hadii taas Axmed Madoobe ogolaadana ay suurtagal tahay inay kala shaqeyso in Axmed Madoobe talada ku soo laabo, balse shuruudaas in la fuliyo ay muhiim u tahay dowladda. 2-Axmed Madoobe ayaa doonaya in damaanad qaad rasmi ah oo adag la siiyo in hadii uu ogolaado qorshaha dowladda federaalka ay kala shaqeyneyso inuu ku soo laabto kursiga. Dhinacyo kala duwan oo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in kulamadaan ay suurtagal tahay in natiijo laga gaaro oo dhinacyadu ay wax isku raacaan, maadaama Kenya oo saaxiib dhow la ah Jubbaland ay ku jirto xal u raadinta xiisadaan. The post Xog: Kenya oo ku soo baxday xiisadda Jubaland iyo DF + Shuruudaha labada dhinac appeared first on Caasimada Online.
-
Hamze Barre with the Kenyan delegation in Mogadishu earlier this week. Mogadishu (PP Commentary) — When the President of Jubaland State, Ahmed Mohamed Islam, left Mogadishu after disagreements over the electoral model for 2026, President Hassan Sheikh Mohamud flew to Nairobi for a summit with William Ruto, the President of Kenya. The one-sided agenda centred on a request to Kenya to apply pressure on the Jubaland President to return to Mogadishu and delay Jubaland’s presidential elections. Kenya responded to the request from Villa Somalia by sending a three-member delegation composed of distant relatives of the Jubaland President to Kismaayo. The Jubaland President cited an electoral precedent, noting that Jubaland held its elections in 2012 and 2019. Villa Somalia opposed both elections but failed to undermine the Jubaland electoral process. Earlier this year, the Jubaland President agreed to the suggested electoral model and amendments to the provisional federal constitution. There was a common understanding among members of the National Consultative Council that one person, one vote elections would take place in Somalia without the participation of Puntland State of Somalia and the Somaliland administration. The rift between the Jubaland President and Villa Somalia has rendered Prime Minister Hamze Barre a lame duck. His former supporters in Mogadishu are now calling for his resignation, accusing him of alienating both Jubaland and Puntland. Hamze had planned to visit Kismaayo in defiance of the Jubaland administration. Villa Somalia is eager to see Hamze assume a role similar to that of Barre Hirale, a former warlord who ignited conflict in Kismaayo in 2013 with support from the Federal Government of Somalia. Kenya selected envoys from its Northeastern region to persuade the Jubaland President to endorse the political programme of the current Somalia President, who has usurped the powers of the Prime Minister he had selected for long-standing loyalty dating back to 2004. Ironically, Hamze was defending Jubaland’s electoral independence in 2019 when he was Chairman of the Jubaland Electoral Commission. When President Hassan Sheikh Mohamud was elected in 2022, the Jubaland President submitted Hamze’s name as Jubaland’s candidate for the premiership. The mediation offered by Kenya to defuse the tension between Jubaland and Villa Somalia reflects the Machiavellian nature of the Damuljadiid Islamist clique, who use religion as a means to attain political goals that undermine the sovereignty of Somalia. The only acceptable path to political stability in Somalia is for Prime Minister Hamze Barre to resign. © Puntland Post, 2024 The post Kenya seeks to show its influence on the politics of Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi ayaa caawa xilka kala wareegay taliyihii hore Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle. Taliyihii xilka laga qaaday ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxuyidiin oo hadal ka jeediyey xafladda xil wareejinta ayaa is bedelkaan uga mahadceliyey madaxweyne Xasan Sheekh. “Waxaan aad ugu mahad naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo soo magacaabay Taliyaha Xoogga iyo Taliyaha dhulka oo aan aamin sanahay inay yihiin rag dhalinyaro ah oo aad u fir fircoon” ayuu yiri Jeneraal Ibaarim Sheekh. Taliyaha ayaa sheegay in saraakiishaan ay u muuqdaan kuwo dhiig cusub ku shubi kara halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta, maadaama ay yihiin dhalinyaro firfircoon oo horay u soo hoggaamisay ciidanka. “Ciidanka xoogga dalka waa in goor kasta la garab istaago, shaqada maanta dalkaan ay ka hayaan waxaa muuqata inay ku guuleysteen,” ayuu yiri Taliye Ibraahim. Wuxuu sheegay in Ciidanka Xoogga ay dagaal saf balaran ah uga jiraan Gaalkacyo ilaa Raaskambooni – Jubbaland, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey in waqti dhow dalka looga xoreyn karo Al-Shabaab. Munaasabadda xil wareejinta ayaa caawa ka dhacday Talis cusub oo ciidanka dhulka ee xoogga dalka uu yeeshay oo ku yaalla Kuliyadda Jaalle Siyaad. Jeneraal Dayax oo caawa xilka wareejiyey ayaa toddobaadkii hore xarigga ka jaray xaruntaan oo la dhisay intii uu xilka hayey, balse nasiib uma yeelan inuu ku shaqeeyo. Hoos ka daawo The post Daawo: Taliyihii xilka laga qaaday ee xoogga dalka oo hal arrin ku amaanay Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
ABUJA, Nigeria (AP) — African leaders may have been quick to congratulate Donald Trump on his election, professing a desire for mutually beneficial partnerships, but there are meager expectations that his presidency will change things for this continent of over 1.4 billion people. Source: Hiiraan Online
-
Hargeisa (HOL) — Voters across Somaliland took to the polls early Tuesday morning in an election that could reshape the political structure of the self-declared republic. Seeking re-election, incumbent President Muse Bihi Abdi of the ruling Kulmiye Party faces opposition from Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro of Waddani and Faisal Ali Warabe from UCID. Source: Hiiraan Online
-
Amid escalating regional tensions, voters in the self-declared state of Somaliland will vote on Wednesday in its fourth general election since its 1991 break from Somalia. While Somaliland now has its own government, parliament, currency, passports and other features of an independent country, however, its sovereignty remains unrecognised internationally as Somalia continues to view it as part of its territory. Source: Hiiraan Online
-
A voter holds a ballot paper before casting his vote at a polling station during the Somaliland presidential election in Hargeisa [Luis Tato/AFP] Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Malaysia ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ruzaimi Bin Mohamad, intii lagu jiray bandhigga Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP). Kulankan ayaa ku saabsanaa xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Malaysia, iyadoo diiradda lagu saaray danaha guud sida ganacsiga, waxbarashada, iyo horumarinta labada dal. Labada masuul ayaa isla gartay in la sii xoojiyo xariirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee kor u qaadaya koboca iyo faa’iidooyinka labada dal. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) –Dadweynaha Somaliland ayaa saakay u dareeray doorasho is huwan oo si weyn isha loogu hayo, taasi oo soo idlaaneysa caawa fiidka hore, xilka Madaxweynaha waxaa u tartamaya Muuse oo ka socda Xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo ka socda Xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo ka socda xisbiga Ucid. Sidoo kale waxaa jira ilaa toddobo urur siyaasadeed oo kale oo u tartamaya sidii ay uga mid noqon lahaayeen saddexda xisbi ee la doonayo in ay ka soo baxaan doorashadaan Xisbiyada, si ay sal ugu noqdaan jaangoynta arrimaha Somaliland. Dadka ayaa xilli hore sii tagay goobaha codka laga dhiibanayo, waxaana qaar ka mid ah ay warbaahinta u sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin codeyntaan, isla markaana muddo ay sugayeen in madaxdooda ay soo doortaan. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay in natiijada degmo iyo goob kasta oo codka laga dhiibtay ay ku soo baxi doonto laba maalmood gudahood. Markii natiijada degmooyinka ay soo baxdo waxaa loo gudbayaa heer gobol, kadiba ilaa xarunta dhexe ee guddiga. “Guud ahaan isu gaynta natiijooyinkaas kala duwan ee heer goobeed, heer degmo iyo heer gobol, waxay qaadan doonaan toddobo cisho,”ayuu yiri guddoomiye Muuse oo la hadlay Idaacadda BBC. Toddobadaas cisho halka ay wax marayaan waxaa lagala soconayaa warbaahinta, sida uu guddigu ka balan qaaday shacabka Somaliland. Murashaxiinta Madaxweynaha ee tartamaya oo hadlay ayaa cadeeyey in ay aqbali doonaan markii ay soo baxdo natiijada doorashada. Dadweynaha codkooda dhiibanaya waxay rajeynayaan horumar, waxayna ku taamayaan inay soo doortaan madax ku hoggaamisa fursado waxbarasho, caafimaad, biyaha nadiif ah iyo baahiyo kale oo ka jira Somaliland. The post Goorta lasoo saarayo natiijada doorashada Somaliland oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa shir guddoomisay kulanka wadajirka ee labada Aqal. Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa akhrinta labaad ee hindisaha xeerka dhisida guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha guddiga kumeel-gaarka ah ee labada Aqalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa mudanayaasha labada Aqal u aqriyay warbixinta akhrinta labaad ee hindisaha xeerka dhisida guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo Soohdimaha. Mudanayaasha labada Aqal ayaa dood ka yeeshay warbixinta guddiga, iyagoo aragtidooda ka dhiibtay qodobada dhismaha guddiga, xubnaha ay ka kooban yihiin, sida lagu soo xulayo iyo sidoo kale ilaalinta qoondada haweenka Soomaaliyeed. Mudanayaasha labada Aqal ayaa isla gartay muhiimada uu guddigaan u leeyahay qaranka iyo hirgelinta doorashada qof iyo codka ee la filayo in guud ahaan dalka ay ka qabsoonto, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankii maanta. Kulanka wadajirka ee labada Aqal waxaa goobjoog ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Xoosh iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan easaaradda. Ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Sacdiyo Yaasiin oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in guddiga wadajirka ee labada Aqal laga doonayo iney soo diyaariyaan warbixinta akhrinta saddexaad, islamarkaana talooyinka mudanayaasha baarlamaanka ku soo daraan dibna golaha ugu soo celiyaan. Dhinaca kale, waxaa kulankii maanta lagu dhaariyay Senator Cabdiweli Ibraahim Garyare oo dhowaan loo doortay kamid noqoshada Golaha Aqalka Sare, wasiiru-dowlaha cusub ee wasaaradda qorsheynta Axmed Nuur Sheekh iyo weliba wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare Cabdirashiid Maxamed Ducaale. The post BFS oo maanta ka dooday warbixin xasaasiya oo doorasho qof iyo cod ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka ayaa kordhay, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Ciidamada Itoobiyaanka ee haatan ku sugan Soomaaliya ayaa gaaray ku dhawaad 10 kun oo askari, iyadoo saddex meelood meel kaliya ay qeyb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS. Tan ayaa ka dhigan in Itoobiya ay sidaas ku noqotay dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, sida ay muujineyso isku geynta ciidanka uga diiwaan gashan ATMIS iyo kuwa iskeed ay usoo galisay gudaha dalka. Dalka 2-aad oo ah Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga wax ka yar 7 kun oo askari oo ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS. Addis Ababa ayaa ayadu si iskeed ah ciidamo dheeraad ah usoo gelisay Soomaaliya, si ay u xakameyso weerar ay Al-Shabaab ku qaado Itoobiya, sida laga soo xigtay Machadka caalamiga ah ee Jarmalka (SWP) oo fadhigiisu yahay Berlín. Ciidamada Itoobiya ee kasoo gudbaya xadka ayaa kordhay tan iyo markii ay Soomaaliya dhinaca saartay Masar, oo ayadu haatan ciidamadeedu kamid noqonayaan howl-galka cusub ee beddelaya ATMIS. Dowladda Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay ciidamada Itoobiya ee ku howl-gala si ka baxsan sharciga Midowga Afrika, ayadoo dhawaan shaacisay in Itoobiya aysan kamid noqon doonin howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, illaa ay ka laabato heshiiskii badda ee ay la gaartay Somaliland. Si kastaba, tan ayaa kordhineysa walaaca laga qabo kororka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, ayadoo uu horey madaxweyne Xasan Sheekh walaac uga muujiyay saameynta ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gudaha dalka, dhaq-dhaqaaqooda hubeynta qabiilada. The post Walaaca kororka ciidamada ITOOBIYA ee ku sugan Soomaaliya oo sii kordhaya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha XFS Cabdullaahi Fartaag ayaa kulan lagu xoojinayo amniga la yeeshay ku-simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amnig iyo sidii loo horumarin lahaa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Intii kulanku socday labada masuul ayaq waxay isla soo qaadeen istiraatiijiyadda lagu xoojinayo iskaashiga amni ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray sidii loo taageeri lahaa hey’adaha amniga dalka iyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argigixisada ah ee khatarta ku haya xasilloonida dalka. James Swan ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku horumarinayso amniga, isagoo ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya si loo gaaro yoolalka amniga iyo horumarka waara. Wasiir Fartaag ayaa dhankiisa xusay muhiimmadda iskaashiga caalamiga ah, xoojinta amniga gudaha iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdoon oo ay bulshada Soomaaliyeed ku horumari karto. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisa hore lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ay ka talinaysay kooxda. The post Wasiirka amniga iyo James Swan oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda dowlada Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay laba eedeysane oo loo haysto in ay fuliyeen dil ka dhacay magaalada Muqdisho. Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali ayay hay’adda NISA warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ay ku eedeysan yihiin in ay fuliyeen dilka saddex muwaadin oo ganacsato ahaa, kuwaasi oo lagu dilay degmada Daaru Salaam ee Gobolka Banaadir. Warbixinta hay’adda NISA ayaa intaasi dartay in ciidankeedu ay ku raad joogaan eedeysane saddexaad oo baxsad ah, si caddaaladda loo hor keeno, waxaana ay hay’adda xustay in ay ka go’an tahay cirib-tirka kooxaha argagixisada ah. Halkaan ka akhriso warbixinta NISA PUNTLAND POST The post Sirdoonka Soomaaliya oo qabtay laba eedaysane oo loo haysto dil ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Tirinta codadka doorashada Somaliland ayaa bilaabatay bacdal makhrib, balse natiijada rasmiga ah waxa ay qaadanaysaa in lagu dhawaaqo mudda todobaad ah, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Maamulkaasi. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland, Muuse Xasan Xaaji ayaa sheegay in natiijada degmo iyo goob kasta oo codka laga dhiibtay ay ku soo baxayso laba maalin gudahood. “Marka natiijada degmo ay soo baxdo waxaa loo gudbinayaa heer gobol kadiba ilaa xarunta dhexe ee guddiga. Guud ahaan isu gaynta natiijooyinkaas kala duwan ee heer goobeed, heer degmo iyo heer gobol, waxay qaadan doonaan toddobo cisho,”ayuu yiri guddoomiye Muuse. Madaxweynaha xilka haya ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxaa doorashada Madaxtooyada kula tartamaya musharraxa Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Musharraxa Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe. Doorashada Ururrada waxaa iyana ku tartamaya saddexdooda xisbi iyo todoba urur oo kale kuwaasi oo guud ahaan ku tartamaya in ay u soo baxaan saddexda xisbi ee Somaliland yeelanayso tobanka sanno ee soo socota. PUNTLAND POST The post Hargeysa: Tirinka codadka doorashada Somaliland oo bilaabatay appeared first on Puntland Post.
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQNb7gcMd1FZ_MQvwZqtRLAmj7yD04IT84RZ46XM5jxnbWRNxEAwkGfuNm8-L6riswbWN9byyAvedu4nfLdwBAwJ.mp4 Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Masar ayaa dib u eegis ku sameeyay go’aanadii kasoo baxay shirkii saddex geesoodka ahaa ee magaalada Asmara ku dhex-maray madaxweynayaasha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea, bishii lasoo dhaafay ee October. Wasiirradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ku kulmay Riyadh ayaa ka wada-hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, iyadoo Masar ay ku dhowaaqday markale in lama taabtaan tahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty ayaa ku celiyay mowqifka Masar ee ku aaddan ixtiraamidda iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo loo hoggaansamayo xeerarka caalamiga ah. Sidoo kale wuxu caddeeyay sida ay Masar diyaar ugu tahay ka qayb qaadashada howl-galka cusub ee Soomaaliya, kaas oo billaaban doona sanadka cusub ee 2025. “Masar iyadoo gudaneyso mas’uuliyadda ka saaran nabadda iyo amniga gobolka si wafaaqsan mabaadi’da iyo axdiga QM iyo Midowga Afrika waxay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada howlgalka cusub,” ayuu yiri wasiirka oo tilmaamay sida ay Masar uga go’an tahay ku garabsiinta xasilloonida. Badr Abdelatty ayaa waxa kale oo uu sheegay in dalkiisu ka caawin doono Soomaaliya taageerida dhanka dib u dhiska hay’adaha amniga iyo militariga, si ay ugu guuleysato dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah. Kulamada mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Masar ayaa xoogeysatay tan iyo markii ay Itoobiya heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland horaantii sanadkan, waxayna xukuumadda Qaahira si cad u sheegtay inay taageeri doonto ilaalinta midnimada Soomaaliya, iyadoo si adag uga hortimid is-afgaradkaasi. Labada dal ayaa tan iyo markaas waxay gaareen heshiisyo dhanka difaaca ah, iyadoo Masar-na ay gudaha Soomaaliya keentay hub iyo saanad ciidan, kaas oo ciidamada xoogga dalka ka caawinaya dagaalka ay ku jiraan. The post Somalia iyo Masar oo dib u eegis ku sameeyay go’aanadii Asmara iyo Masar oo ku dhowaaqday… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa maanta kulan ballaaran isugu yeeray saraakiisha ciidanka booliska, isaga oo ka dhageystay warbixinno la xiriira amniga dalka. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa inta badan saraakiisha booliska, kuwaas oo warbixin la xiriirta amniga u gudbiyay taliye Asad Diyaano. Warbixinta ayaa si gaar ah uga hadleysa amniga caasimada, howlgallada ka socda iyo howlaha ay booliska u hayaan bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa kulanka inta uu socday lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiiin, adkaynta amniga, dabar goynta Khawaarijta, hirgalinta saraynta sharciga. Waxaa kale oo la isla qaaday in la dar dargaliyo arimaha amniga, iyadoo xooga la saarayo ku dhaqanka saraynta sharciga wacyigalinta shacabka si wadajir loogu istaago ilaalinta xasalinoonida dalka. Taliyaha booliska oo madasha ka hadlay ayaa faray saraakiisha amniga in ay laba jibaaraan shaqada ay u hayaan bulshada, waxaana uu tilmaamay in la joogteyn doono kulamada noocan oo kale ah ee looga hadlayo Amniga. Maalmihii u dambeeyay booliska Soomaaliya ayaa waxa uu waday howlgallo amni xaqiijin ah, sidoo kalena looga hortegayay beegsiga ay Al-Shabaab u bilaabeen ganacsatada Muqdisho ee hoggaansamay amarka dowladda, isla markaana xirtay kaamirooyinka. Maanta ayaa ugu dambeysay ciidamada ammaanka ayaa gacanta kusoo dhigay labada eedeysane oo loo haysto inay ganacsato ku dileen gudaha degmada Daarusalaam. The post Sawirro: Taliye Asad oo kulan isugu yeeray saraakiisha Booliska, kadibna faray… appeared first on Caasimada Online.
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQNVMlRSyJnnrbYr3v8Lt99-M7zQs9ezDnqIA1oYeuvxYemztj5r5Z3mf60d29A5VKJGoIrBfDRJRz1LSftYAWRO.mp4 Madaxweynaha la saadaalinaayo ee Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo dhex lugaynaaya badhtamaha caasimadda Somaliland ee Hargaysa. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Deegaannada Somaliland waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashada guud ee hoggaanka maamulkaasi, taas oo ah qof iyo cod, waxaana codadkooda si xor ah u dhiibanayo shacabka ku dhaqan deegaanada Somaliland. Sawirro laga soo qaaday Hargeysa iyo deegaannada kale ee Somaliland ayaa la arkayaa shacab fara badan oo safaf dhaadheer ugu jiro inay codkooda dhiibtaan, si ay usoo doortaan madaxweynaha ee cusub ee Somaliland. Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya saddexda Xisbi ee kal ah Kulmiye, Wadani iyo UCID, waxaana u kala sharraxan Muuse Biixi, Cabdiraxaam Cirro iyo Faysal Cali Waraabe. Haddaba waa sidee rajada Muuse Biixi , tan Cirro iyo Faysal ee doorashada SOMALILAND? Madaxweynaha hadda talada haya, ahna musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo saaka xilli hore dhiibtay codkiisa ayaa ka hadlay dareenkiisa iyo rajada uu ka qabo doorashada Somaliland, wuxuuna muujiyay kalsooni wayn, isaga oo sidoo kale shaaca ka qaaday inuu aqbali doono natiijada xittaa haddii looga guuleysto tartanka doorashada. “Natiijada uu soo saaro komishinka dabadeed yaa la hadlin?, aniga kama hadlayo oo waan ku gowracanahay, waxa maanta ii muuqda kama welwelayo oo inta aan noolaa waala soo tartami jiray” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo kalsooni weyn muujiyay. Musharraxa Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo loo arko ninka sidan wayn ula loolamayo Muuse Biixi ayaa isaguna soo hadlay, wuxuuna muujiyay rajo uu ka qabo doorashada maanta ka bilaabatay Somaliland, isaga oo is xijiyay guusha doorashada. “Dareenkayga wu fiican yahay, waan faraxsanahay in aan codeeyey maanta 7 sanno ka dib, doorashada waxa aan ka rajeynaa guul Somaliland ah iyo guul Xisbiga Waddani.” ayuu yiri. Dhankiisa, Faysal Cali Waraabe oo isna hoggaamiyo xisbiga UCID ayaa shalay khudbaddii ugu dambeysay jeediyay, wuxuuna isna muujiyay ifafaalo ah inuu noqonayo madaxweynaha cusub, laakiin wax kasta waxay ku xiran yihiin natiijada iyo cidda ay doortaan shacabka. Somaliland waa maamulka kaliya ee qabta doorasho qof iyo cod ah, isla markaana shacabka ay soo doortaan hoggaankooda, taas oo aad loogu boggaadiyo Somaliland. The post Rajada Muuse Biixi, tan Cirro iyo Faysal ee doorashada SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
-
Guud ahaan magaalada Hargeysa ayaa ay doorashadu si nabdoon uga socotaa iyada oo goobo badan oo cidhiidhi ahaa saaka ay hada faaruq ku dhowyihiin oo aad looga codeeyay walina ay socoto codayntu Waxa jira goobo badan oo ay saak cabasho ka soo yeedhay hase ahaatee waa la xaliyay goob kastab inta badan dadweynah reer Hargeysa ayaa si nabdoon u codaynaaya oo leh masuuliyad iyo ixtiraam la tixgalinaayo dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka. Inkasta oo uu madaxweyne Muuse Biixi yahay musharax ka soo jeeda magaaladda Hargeysa ama gobolka Maroodijeex ma noqon doono mid hanta aqlabiyada magaaladda Hargeysa iyo ta gobolka Maroodijeex sababo la xidhiidha wax qabad la’aantiisa iyo hab dhaqankiisa siyaasadeed ee guracan, inkasta oo la saadaalinaayo in Mr Biixi uu tiro yar kaga sarayn doono musharax Cabdiraxmaan Cirro, hadana waxa la saadaalinayaa in uu Cirro uu guulo waawey uu kala soo hotan doono dhamaan gobolada dalka oo dhan oo hada wararka hordhacah ahi ay sheegayaan in uu ku horeeyo. Musharaxa mucaaridka ee xisbiga Waddani ayaa lagu wadaa in uu ku guulaysto doorashada maanta dhacday ee la filaayo in ay soo xidhanto abaaro 6 galabmimo ee maanta. La soco Qaran News
-
Hay’ada Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigtay laba nin oo lagu eedeeyay dil seddax ganacsato ah, oo lagu diley degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir. War saxaafadeed ay Hay’addu soo saartay ayaa lagu yiri: “Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay labo eedeysane oo loo heysto in ay fuliyeen dil ka dhacay magaalada Muqdisho. Eedeysaneyaasha oo lagu kala magacaabo Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali ayaa ku eedeysan in ay fuliyeen dilka seddex muwaadin oo Ganacsato ahaa kuwaas oo lagu dilay Degmada Daaru Salaam ee Gobolka Banaadir. Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa ku raad jooga eedeysane seddexaad oo baxsad ah si isagana caddaaladda loo hor keenno. NISA, waxaa ka go’an ciribtirka cadowga Khawaarijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka ah”. Source: goobjoog.com