-
Content Count
211,104 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeymo uu ujeediyay maamulka Puntland, kuwaasi oo la xiriiray in dowladda federaalka ay xirtay bogagii Facebook ee madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa. Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa dowladda ka difaacay eedeyntaasi, taas oo uu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn. Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay warqadii eedeynta aheyd ee ka timid maamulka Puntland in aysan ahayn mid mas’uuliyad xambaarsan, sida uu hadalka u dhigay. “Annaga oo sharci mari karna, ma jirto wax nagu qasbaayo tuugeysi, waxaan kuu cadeenayaa in xitaa wasiiro ka tirsan dowladda dhexe la xiray akoonadii ay ku lahaayeen Facebook,” ayuu yiri Al-Cadaala. Wasiir Al-Caadala ayaa ku cel-celiyay in dowladda aysan wax lug ah ku lahayn arrintaasi, isagoo caddeeyay in baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doono sababaha ka dambeeya. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada ka taagneyd dood xoogan oo ka dhalatay tallaabada lagu beegsaday Facebook-yada dad mucaarad ah oo kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya, ayna ku jiraan wariyeyaal caan ah, kuwaas oo hal mar hawada laga wada saaray. Dadka laga xiray boggaga ayaa isugu jiro siyaasiyiin iyo wariyeyaal caan ah oo aad u dhaliili jiray dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheeh Maxamuud. Arrintan ayaa dhalisay walaac xoogan iyo in eedeymo loo jeediyay dowladda dhexe oo la xiriira ciwaannada shaqsiyaadkaas ee hawada laga saaray. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale horey iskaga fogeysay arrintaas, waxaana la is-weydiinayaa cidda ka dambeysa weerarka lagu qaaday Facebook-yada hawada ka baxay. The post Maxaa ka jira in DF ay xirtay bogagii Facebook ee Saciid Deni iyo Lugatoor? appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowlada Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay doorashada Somaliland, ayadoo farriin u dirtay shacabka maamulkaasi. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxaa ugu horeyn lagu amaanay sidii ay u dhaceen doorashooyinkii madaxtooyada iyo ururada siyaasada ee Somaliland, taas oo laba maalin kahor u dareereen shacabka weynaha Somaliland. Doorashooyinkan ayey Itoobiya ku tilmaamtay kuwo “xor iyo xalaal ah” waxayna komishanka doorashooyinka Somaliland ku bogaadisay sida uu u maamulay doorashooyinka maamulka. “Wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya waxay shacabka Somaliland ugu hambalyaynaysaa qabashada doorashadii nabada iyo dimuquraadiga aheyd. Itoobiya waxay Komishanka qaranka Somaliland ugu hambalyaynaysqa doorashada xorta iyo xalaasha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Itoobiya. Sidoo kale waxaa qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya lagu sheegay “in qabashada doorashooyinkan ay ka turjumayaan qaangaarnimada dowladnimada Somaliland.” “Nidaamkani waxa uu ka turjumayaa qaangaarnimada dowladnimada Somaliland iyo nidaamkeeda dimuquraadiyadeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Itoobiya. Doorashooyinka Arbacadii ka qabsoomay Somaliland ayaa ku dhacay hanaan nabad-gelyo, ayadoo goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashada korjoogteynayay ay dhankooda sheegeen inay u dhaceen hanaan cadaalad ah oo hufan. Natiijada doorashadan oo lagu baaqay inay dhinacyadu aqbalaan ayaa waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo 21-ka bishaan, oo ah toddobaad un kadib maalintii loo dareeray doorashada. The post ITOOBIYA oo farriin u dirtay Somaliland kadib doorashadii ka dhacday appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ka kooban 31 qodob oo lagu faah-faahiyey waxyaabihii dhacay toddobaadkaan. Qoraalkaan oo soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ayaa wuxuu soo baxaa toddobaadkiiba hal mar, waxaana kolkaan si gaar ah diiradda loogu saaray waxqabadka dowladda iyo guulaha laga gaaray howl-galladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka. Hoos ka aqriso qoraalka; 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu magaalada Riyad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga soo qeyb galey Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo waddamada Carabta iyo Islaamka uga arinsanayeen xasaradda bani’aadamnimo ee haysta shacabka reer Falastiin iyo Lubnaan. 2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Carabta iyo waddamada Islaamka ee ka dhacaya Sacuudiga, loogana arinsanayay arrimaha Lubnaan iyo Falastiin. 3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Kenya. 4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdimaalik Cabdullaahi Cabdi u magacaabey inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amniga Qaranka. 5- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage. 6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur ayaa socdaal shaqo ku tagey dalka Britain. 7- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo yeelaneysa magaca cusub oo ah Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka. 8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada, ee COP29, kaas oo ka socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan. 9- Ra’iisul wasaare ku xigeenka Labaad ee XFS Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025 ilaa 2029. 10- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay habraaca uu ku shaqeyn doono Guddiga KMG ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka. 11- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa labada Gole ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedyada Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda, Doorashooyinka iyo Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha. 12- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay qabashada doorasho toos ah oo qof iyo cod ah una dhacdo qaab hufan si waafaqsan heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka. 13- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddiga doorashada dadban ee uu magacaabay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Jubbaland in uu yahay sharci darro, kana soo horjeeda xeerarka dalka iyo heshiisyadii Golaha wadatashiga Qaranka. 14- Kulan wadatashi ah oo dadweynaha looga talo galinayay dib u eegista Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Laas Caanood ee xarunta maamulka Ku Meel Gaarka ah ee SSC-Khaatuma. . 15- Wasiirka Caafimaadka Mudane Dr Cali Xaaji ayaa xariga ka jaray qayb cusub oo ah casri ah (CT Scan) oo lagu kordhiyey Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho. 16- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa khudbad ka jeedisay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dib u qaabeynta nidaamka maaliyadda adduunka iyo doorka Sanduuqa Maalgalinta Cimiladda (Green Climate Fund) 17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo looga hadlaayey istaraatiijiyadda wasaaradda ee Qorshaha Isbeddelka Qaran ee sanadka 2025-2029. 18- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa u xaqiijiyey in Itoobiya si rasmi ah looga reebay dalalka ka qayb qaadanaya hawlgalka taageerada xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,. 19- Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa ka qeyb galay munaasabadda daahfurka hawlgalka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS). 20- Kulanka la xiriira la-tashiga dadweynaha ee dib u eegista Dastuurka ayaa lagu qabtay deegaanka Ari Caddeeye ee maamulka SSC-Khaatumo. 21- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bogaadisay doorashooyinka maamulka gobollada woqooyi ee Somaliland. 22- Wasaaradda Waxbarashada ayaa daahfurtay deeq waxbarasho oo la siinayo 3,000 oo gabdhood. 23- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda xuska 11-sano guuradii ka soo wareegtay markii dib loo hawlgeliyay isbitaalka Recep Dayib Erdogan Ex Digfeer. 24- Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan laba-geesood ah kula yeeshay Riyadh Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan, Mudaner Cali Yuusuf Al Shariif, si ay u adkeeyaan xiriirka iyo iskaashiga walaaltinimo ee labada dal. 25- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa dilay 23 xubnood oo ka tirsaan Khawaarijta Al Shabab, hawlgal ka dhacay deegaanka Dharaarweyn ee hoos taga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud. 26- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan la yeeshay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, isagoo kala hadley kaalinta haweenka ee nabadda iyo amniga. 27- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed ayaa dilay 6 xubnood ka tirsan argagixisada Al Shabab, hawlgal ka dhacay tuulada Weel-manaas ee degmada Qansaxdheere. 28- Ugu yaraan 19 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgal ay Ciidanka Nabadsugidda (NISA) ka fuliyeen meel deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. 29- Dowlada Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 24 dhalinyaro oo laga soo badbaadiyey kooxaha dhibaateeya dadka muhaajiriinta ah ee ka hawlgala xeebaha DalkaTunisia. 30- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dilay 8 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo isku dayday in ay weerar ka geysato Masagawaay ee Galmudug. 31- Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe ku eedeysan in uu ka qeyb qaatay dil dhowaan labo muwaadin loogu geystay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir. The post Maxaa looga hadlay bayaanka 31 QODOB ee maanta soo saartay DF appeared first on Caasimada Online.
-
Kismayo (HOL) — The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) handed over the Burgavo Forward Operating Base (FOB) to Somali National Armed Forces (SNAF) on Thursday, marking the conclusion of phase three in ATMIS’s drawdown efforts. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga kumeel-gaarka ah ee labada Gole ugu xil-saaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururada/axsaabta iyo sharciga dhisida guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha ayaa xalay magaaladda Muqdisho ku qabtay kulan. Kulankaan oo ahaa la-tashiga qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ururada siyaasadda ee hindisaha ee xeerka ururada iyo xisbiyadda siyaasadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoonka iyo xubnaha guddiga iyo sidoo kale wakiilo ka socday xisbiyadda siyaasadeed ee dalka, qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka oo ay ku jiraan dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Sudoo kale waxaa kulankaan qeyb ka ahaa cilmi baarayaal daraasado ka sameeyay nidaamka axsaabta iyo sida ay dalka uga suurtageli karto, xilli uu socda qorshaha dalka looga hirgelinayo doorasho qof iyo cod. Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn furay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo sheegay in muhiimadda kulanka uu yahay in hindisahan la tashi lagala sameeyo dhamaan dhinacyada ay khuseyso. Intaasi kadib ka qeyb-galayaasha kulanka oo goobta ka hadlay ayaa fikirkooda ka dhiibtay hindisahan iyo muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof cod ah taasoo shacabka Soomaaliyeed u suurtagelin karta in ay hogaankooda doortaan. Kulankaan oo saacado qaatay ayaa ugu dambeyntiina waxaa soo xiray guddoomiyaha guddiga KMG ee labada gole ugu xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururada/axsaabta iyo sharciga dhisida guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed. Guddoomiyaha ayaa halkaasi ka sheegay in doodaha iyo fikradaha ka qeyb-galayaasha aysoo jeediyeen inta kulanka uu socday ay wax badan ku kordhin doonto shaqada uu guddiga hayo ayna tixgelin doonaan. The post Guddiga KMG ee diyaarinta xeerarka doorashada oo qaaday tallaabo cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay in ay soo xaadirsaan Fadhi wadajir ah, oo ay Sabtida berri ah yeelanayaan Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka. Qoraal kooban oo lala wadaagay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa laga codsaday in ay soo xaadiraan Kulanka oo ku saabsan ansixinta Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka. Ajandaha Fadhiga ayaa lagu sheegay Akhrinta Saddexaad iyo u Codaynta Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, sida ku cad Wargelinta lala wadaagay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka. Wargelinta waxa lagu xusay in sidoo kale Ajandaha Fadhiga berri uu ku jiro Akhriska labaad ee Hindisaha Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Halkaan ka akhriso Wargelinta PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Soomaaliya oo Sabtida u codaynaya Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in ay bilaabeen wajigii labaad ee isu gaynta codadkii laga dhiibtay doorashooyinkii dhacay 13-kii bishaan Nufeember. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Muuse xasan Yuusuf ayaa sheegay in ay jiraan degmooyin aaney weli tirinta codadka ka bilaaban sababo la xiriira sanaadiiqda laga soo celinayay goobaha codka laga dhiibtay oo meelaha qaar dib u dhacay. Wuxuu intaa raaciyay in degmooyinkaas maanta laga bilaabayo tirinta codadka sida qorshuhu yahay. Waxaa uu sheegay in maanta lasoo gabagabayn doono tirinta codadka ka dibna lagu dhawaaqi doono natiijada saxda ah. Muuse xasan Yuusuf ayaa mar kale ka digay dadka baraha bulshada ku baahinaya natiijooyin aan rasmi ahayn oo ku saabsan doorashada, isla markaana uu sheegay in ay wax u dhimi karaan habsami u socodka tirinta codadka. Dadka tirooyinkaasi ku saabsan natiijada aan guddiga ka soo bixin baahinaya ayuu ugu baaqay in arrintaa ay joojiyaan si aaney Khalkhal u abuurin, lagana war sugo guddiga iyo xilliga ay shaaciyaan natiijooyinka rasmiga ah ee doorashadii madaxtooyada iyo tan ururada. Source: goobjoog.com
-
Guud ahaan waxaa si rasmi ah u soo dhammaaday tirinta codadka doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada tan ururrada Somaliland. Dhammaan goobaha laga codeeyay oo tiradoodu dhan tahay 2337 goobood, islamarkaana ku yaalla inta badan gobollada iyo degmooyinka Somaliland ayaa la dhammaystiray tirinta codadka. Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo mar kale xalay shir jaraa’id qabtay ayaa sharraxaad ka bixiyay hannaanka loo marayo shaacinta natiijada doorashooyinka. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale caddeeyay in guddiga doorashada oo keliya laga sugo shaacinta natiijada rasmiga ah, waxaana uu ka digay in la faafiyo natiijooyin sharci-darro ah oo aysan soo saarin guddigoodu. “Waxaan mas’uuliyiinta xisbiyada iyo warbaahinta uga digaynaa in aan la faafin natiijooyin sharci-darro ah oo aan ka soo bixin guddiga doorashada” ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Muuse Xasan Yuusuf. Guddiga doorashada ayaa waxaa la sheegay in uu aad u xaddiday in xubnaha wakiillada ka ah xisbiyada ee la socda cododka la tiriyay in ay bixiyaan warar ku saabsan xogta natiijada doorashada. Natiijada hordhaca ah ee doorashada ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu guddigu ku dhawaaqo dhawaan kadib markii hubin lagu sameeyo, iyadoo natiijada rasmi ah ah la shaacin doono 21 bishan. PUNTLAND POST The post Tirinta codadka doorashada Somaliland oo guud ahaan si rasmi ah u soo dhammaatay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah u soo dhammaaday goordhoweyd tirinta codadka doorashada madaxtinimada iyo tan xisbiyada ee Somaliland. Wararka hordhaca ah ee aan helayno ayaa sheegaya in loo badinayo inuu guuleystay musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), halka tartankii xisbinimadana la sadaalinayo inuu xisbigiisa Waddani kaalinta koowaad ku soo baxo. Goobaha guud ahaan laga codeeyay doorashadan ayaa dhanaa 2,337 goobood, iyadoo qiyaasta codadka la kala helay ay muujinayaan in Cirro uu tartanka madaxtinimada ugu guuleysan karo 68-70%, halka uu Muuse Biixi ka heli karo 30-32%. Tartanka xisbiyada ayaa waxaa loo badinayaa in uu Wadddani ku soo baxo kaalinta koowaad ee xisbul xaakimka, ururka Kaah oo xisbi noqdayna uu labaad geli doono, halka xisbigii talada hayay ee Kulmiye uu kaalinta saddexaad u soo degi doono isaga oo booska kala baxaya xisbiga UCID. Faysal Cali Waraabe ayaa la sheegaya in uu wax ka yar 1% codadka tartanka madaxtnimada kala huleeli doono saaxada siyaasadda oo ay isaga iyo xisbigiisii UCID sagootin doonaan kadib sannado badan oo ay raadinayeen guul. Dhinaca kale, waxaa hubin yar ku harsan tahay codad gaaraya 90 kun oo goballada Bariga yaalla, waxa ayna wax ka beddeli karaan natiijada tartanka xisbiyada, gaar ahaan wixii ka soo hara xisbiga Kulmiye ayaa rajo fiican ka qabi kara codadkaas. Goballada Bari oo ay ku xoogganaayeen isbahaysiga xisbiga Waddani iyo ururka Kaah ayaa ka qeyb-galka codbixinta ugu horreeya, dadkii ugu badnaa ayaana ka codeeyay. Goballada galbeedka oo uu xisbiga Kulmiye ku tashanayayna ayaa waxaa la sheegayaa in tiradii la filayay inay codbixinta u soo baxaan ay hoos u dhacday in ku dhaw 50%. Arrintaas ayaa qeyb ka noqotay arrimaha go’aamiyay natiijooyinka ay kala heleen xisbiyada iyo musharraxiintu. Goballada ay codbixiyayaasha badani joogeen ee Bariga waxaa yaraa tirada Muuse iyo xisbigiisa Kulmiye ka heleen. Laakiin goballada galbeedka oo codbixiyayaashoodu ay yaraayeen waxaa intii soo baxday kala qeybsaday Kulmiye oo goballadaas ku tashanayay iyo xisbiiyadii kale oo uu Waddani ku jiro Xogtan ayaa waxaa laga helay barnaamijyo telefoonnada ku shaqeeya oo ay xisbiyadu si hordhac ah ugu wadaagayeen codadka goobaha doorashooyinka. Waxaase xusid mudan in guddiga doorashadu ay xalay warbaahinta u sheegeen in natiijada rasmiga ah ay noqonayso tan ay iyagu soo saaraan. Isku soo wada duubo, waxaa la filayaa in guddiga doorashada ay natiijada hordhaca ah ku dhawaaqan kadib marka codadka la isugu soo aruuriyp caasimadda Hargeysa, si tirada guud loogu gudbiyo maxkamadda sare, taas oo qeyb ka ah hannaanka iyo habraacyada doorashada Somaliland. The post Wararkii ugu dambeeyay ee tirinta codadka doorashada S/Land – Yaa hoggaaminaya? appeared first on Caasimada Online.
-
Jamhuuriyiinta ayaa ku guuleystay aqlabiyadda Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaga oo dhameystiray isku mar ay kula wareegeen awoodda Aqalka Cad iyo Congress-ka Mareykanka, una gacan gelinaya madaxweynaha cusub Donald Trump awood sharci-dejin. Ka dib in ka badan toddobaad tirin codadka ah, CNN iyo NBC ayaa saadaaliyay in xisbiga Trump uu gaaray 218-ka kursi ee loo baahan yahay si ay u sii haystaan aqlabiyadda aqalka hoose ee ka kooban 435-ka kursi, iyagoo horey ugala wareegay Senate-ka xisbiga Dimoqraadiga. Trump ayaa ku guuleystey gobol kasta oo ka mid ahaa 7-dii gobol ee aadka loogu loolamaya ama loo yaqaan Swing States doorashadii madaxtinimo ee November 5, waxaana uu sidoo kale uu u muuqdaa in uu ku guuleystey codakda guud ee qaranka, iyada oo tirooyinka horudhaca ah ay muujinayaan in uu kaga horeeyo musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Kamala Harris 3.2 milyan oo cod. Haysashada labada aqal ee Congress-ka waxay u xaareysa dariiqa uu ku xaqiijin karo magacaabistiisa jagooyinka maamulkiisa ee muhiimka ah, waxayna sidoo kale u oggolaan doontaa inuu ku riixo ajandihiisa xagjirka ah ee masaafurinta ballaaran, canshuur dhimista iyo baabi’inta sharciyada qaar. Dhinaca kale, xubnaha Jamhuuriga ee Senate-ka ayaa u doortay John Thune, inuu noqdo hogaamiyaha cusub ee aqlabiyadda – iyagoo codbixin sir ah ku diiday Rick Scott oo taageero ka haystay Trump. PUNTLAND POST The post Xisbiga Jamhuuriga ah oo la wareegay Awoodda Aqalka Congress-ka Mareykanka appeared first on Puntland Post.
-
Sanca (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa shaaciyay in ay fuliyeen weeraro dhowr ah kooban oo ay la beegsadeen Xuutiyiinta Yemen. Sida lagu xusay war qoraal ah oo ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka, weerarradan ayaa dhacay 9 ilaa 10 bishan. Waxaa weerarrada ayaa lala bartilmaamedsaday sida uu Mareykanka sheegay xarumo ay hubka ku keydsadaan Xujutiyiinta oo ku yaalla goobaha ay maamulaan ee dalka Yemen. Bayaanka ka soo baxay taliska dhexe ayaa lagu xusay in Xarumahan uu yaallay hub casri ah oo kala duwan oo ay adeegsadaan Xuutiyiinta ay Iran taageerto si ay u beegsadaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa caalamiga ah iyo maraakiibta rayidka ah ee mara biyaha caalamiga ah ee badda cas iyo gacanka cadmeed. Hawlgalka ayaa waxaa ka qeyb qaatay ciidamada cirka iyo kuwa badda ee Maraykanka waxaana diyaaradaha la adeegsaday ka mid ah nooca casriga ah ee F-35C. Mareykanka ayaa sheegay in weeraradan ay jawaab u ahaayeen weerarrada sharci darrada ah ee ay Xuutiyiinta ku qaadaan maraakiibta ganacsiga iyo xulufada Mareykanka ee ku socdaalaya badda cas, gacanka cadmeed iyo baabul Mandab. Waxaa kale oo weeraradan looga gol lahaa sida saraakiishu sheegeen in hoos loogu dhigo awoodda Xuutiyiinta ee halista ku ah xulufada Mareykanka ee gobolka. Mareykanka ayaa sheegay in maraakiibta wax burburiya ee Ciidamada Badda Mareykanka ee USS Stockdale (DDG 106), USS Spruance (DDG 111), oo ay weheliyaan Ciidamada Cirka ee Mareykanka iyo Diyaaradaha Ciidamada Badda ay ka guuleysteen hubka ay adeegsadaan Xuutiyiinta ka howlagala marinka Bab al-Mandeb. Ciidamadani Mareykanka ayaa sida bayaanka lagu sheegay waxay ay ka hortageen siddeed weerar oo hal dhinac ah oo ay Xuutiyiinta soo qaadeen. Bayaanka taliska dhexe ee Mareykanka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in wax khasaare ah uusan soo gaarin ciidamada Mareykanka iyo qalabkooda. Mareykanka ayaa sheegaya in ciidamadiisu ay weli ka feejigan yihiin Xuutiyiinta, isla markaana dadaalo ay ugu jiraan ilaalinta isu socodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, “ayna sii wadi doonaan qaadista tillaabooyinka ku habboon ee wax looga qabanayo wax kasta oo khatar ku ah xasilloonida gobolka”. Weerarada Xuutiyiinta ay toddobaadkan ku qaadeen maraakiibta Mareykanka Howlgalka Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli maalmo ka hor ay xuutiyiinta Weerar dhowr gantaal ah ay ku qaadeen labo markab oo laga leeyahay dalka Mareykanka . Weeraradan Xuutiyiinta ayaa la fashiliyay, sida ay sheegtay waaxda gaashaandhiga ee Pentagon-ka. Ugu yaraan 8 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, shan gantaal oo nooca ballistic-ga ah ee lidka maraakiibta iyo saddex gantaal oo kuwa maraakiibta ayaa Isniintii lala beegsaday USS Stockdale iyo USS Spruance. Maraakiibta ayaa soo riday madaafiicdan, “wax khasaare ahi nama soo gaarin, mana jirto cid wax ku noqotay,” ayuu yiri xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka Sarreeyey gaas Pat Ryder Talaadadii. TV-ga Al-Masirah oo ah Telefishinka ugu weyn ee ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in duqeymo xiriir ah oo dhanka cirka ah lala beegsaday labo markab oo kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin Mareykanka iyo markab saddexaad oo marayay badda Carabta. Horaantii sanadkan, Maraykanka, UK iyo 12 wadan oo kale ayaa bilaabay hawlgalkaloogu magacdaray Guardian si loo ilaaliyo marinnada maraakiibta badda cas ee ay Xuutiyiinta beegsadaan. Bishii Oktoobar, militariga Mareykanka ayaa sheegay inay duqeymo ka fuliyeen 15 bartilmaameed oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen, iyadoo dhowr qarax laga soo sheegay caasimadda Sanca. BBC The post Maxaa yaallay saldhigyada xuutiyiinta ee Mareykanka uu duqeeyey? appeared first on Caasimada Online.
-
AQPkF4th58NRrZFamsspsvcppObMyMq_S0mSdASoKwuZ0xXWrkL8Pcra_bTMkrqoLJxHHb447Q5VKBLm9EdORYBi Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay $5 milyan kasoo saartay Sanduuqa Dhexe ee Gargaarka Degdegga ah (Central Emergency Response Fund). Lacagtan ayaa lagu taageeraya Soomaaliya, gaar ahaan tallaabooyinka hore ee looga hortagayo abaaraha ku soo wajahan Soomaaliya, sida ay xaqiijisay sii-hayaha gargaarka deg-degga ah ee QM Joyce Msuya. Soomaaliya ayaa looga cabsi qabaa inay so wajahdo khatar sare oo ah abaaro ay sababtay La Niña, iyadoo ay jirto hoos u dhac 70% ah oo ku yimid roobabki la filaayay inay ka da’aan dalka. Tan ayaa si gaar ah halis ugu ah bulshada miyiga ee ku nool bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo Puntland. Saameynta abaaraha ayaa la filayaa inay khatar gelin karto helidda cuntada ee dadka ku nool gobolladaas, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Deeqdan cusub ee 5-ta milyan waxaa ka faa’iideysan doona sida qorshuhu yahay in ka badan 130,000 qof, iyadoo xooga la saarayo arrimaha badbaadada, cuntada, iyo adeegyada biyaha, faya-dhowrka iyo nadaafadda. Lacagtan ayaa sidoo kale kab u ah shan milyan oo horay loogu qoondeeyay ka hortagga abaaraha ee sanduuqa gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Si kastaba, deeqdan ayaa waxay kusoo aadeysa xilli shirweynaha cimilada COP29 uu ka socdo magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, iyadoo Soomalaiya ay ku jirto dalalka ka qeyb-galaya, taas oo ay ka rajeynayso inay hesho maal-gelin dheeraad ah oo taageerada dadaallada wax ka qabashada saameynta cimilada ee sii kordheysa. The post QM oo ku dhowaaqday taageero maaliyadeed oo Soomaaliya ay siineyso appeared first on Caasimada Online.
-
A stunning bicycle kick from Antonio Sanabria and a second-half header from Omar Alderete gave Paraguay a well earned 2-1 home win over Argentina in the South American World Cup qualifiers on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Qaran News
-
Ethiopia summoned Sudan’s ambassador on Wednesday to protest comments by Sudan’s acting foreign minister suggesting possible war with Ethiopia if disagreements over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) are not resolved. Source: Hiiraan Online