Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. WAR SAXAAFADEED Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Yeeshay fadhigoodii 2aad iyo Nuxurka Ka Soo Baxay Hargeysa-19-12-2024-(Qaran news)-Fadhigii 002-aad ee Golaha Wasiirrada oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa galabta 2:00-dii duhurnimo ka furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka. Waxa xusid mudan in Shirka Golaha Wasiirradda loo bedelay gelinka dambe (2:00 pm ilaa 5:00pm), taasi oo ay macnaheedu tahay in Wasiiradu ay gelinka hore ummadda u shaqeeyaan, gelinka dambena ay ka soo qayb galaan Shirka. Aayado Qur’aan ah ka dib, Madaxweynuhu wuxuu dib-u-milicsi ku sameeyey arrimihii lagu balamay fadhigii 1aad iyo waxa kafulay. Intaa kadib, Madaxweynuhu wuxuu Wasiirrada ka dalbaday in ay mid mid uga war bixiyaan qaabka ay ula wareegeen Wasaaradaha. Dhammaan Wasiiradu waxay sheegeen in muddadii loo qabtay ay kula wareegeen Wasaaradaha, marka laga reebo Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Jamhuuriyadda Somaliland, (oo hore loo odhan jiray Hay’adda, Qoxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha). Ugu horayn, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, oo golaha la wadaagay xaaladda dhaqaale ee dalka iyo dardargelinta dakhli ururinta Qaranka, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa isna Golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee shaqaaqooyinkii magaalada Ceerigaabo dhexdeeda ka dhacay. Wasiirku waxa uu sheegay in guud ahanba uu dalku yahay amaan, laakiinse loo baahan yahay taxadir iyo feejignaan. Sidoo kale waxa isna Amniga Gudaha ka war bixiyey Wasiirka Amniga Gudaha oo sheegay in guud ahaanba dalku uu nabad yahay, laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay in Difaaca Dalka Jamhuuriyadda Somaliland yahay waajib Qaran. Dhinaca kale, Garyaqaanka Guud ee Qaranka ayaa Golaha Wasiirrada u faah-faahiyey Xeer Lr.71/2015 oo khuseeya Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeer Nidaamka kala xadaynta Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa-banaan, taasoo ay Goluhu ka yeesheen dood dheer. Intaa ka dib, waxa Golaha si kooban ula hadlay Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlay Hawlaha Hortabinta leh 100 maalmood ee u horeeya Muddo Xileedka Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi. Ugu Danbayntii Madaxweynuhu waxa uu Golaha la wadaagay in isaga iyo ku xigeenkiisaba loo dhaariyey in ay difaacaan dalka, dadka iyo diintaba. Madaxweynuhu wuxuu Golaha u sheegay in Xukuumadiisu ay mudnaanta 1aad siinayso wada hadal, nabad iyo walaalnimo ay ku wada noolaadaan dhammaan bulshada Somaliland; balse in ay Xukuumaddiisa ka go’an tahay Difaaca Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, goor kasta iyo goob kasta. ALLAA MAHAD LEH Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr) Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Qaran News
  2. Warbixin cusub oo ay soo saareen dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn ee MSF ayaa lagu sheegay in ay jiraan calaamado cad oo muujinaya in ciidanka Israa’iil ay ku dhaqaaqeen isir sifeyn lagu hayo dadka reer Falastiin ee ku sugan dhulalka la heysto ee Gaza. Warbixintaan oo cinwaan looga dhigay Dabinka dhimashada Gaza ama shirqoolka dhimashada ee Gaza waxaa soo gudbiyay dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn ee qeybta Fransiiska MSF. Hey’adda ayaa sheegtay in dadka Falastiiniyiinta lagu hayo duqeymo aan dgammaad laheyn,isla markaana la burburiyay cisbitaaladii halkaasi iyo kaabayaashii biyaha ee deegaanada Gaza. Kadib duqeyntii ugu dambeysay ee Israa’iil ku qaadday Yemen, afhayeenka Xuutiyiinta ayaa sheegay in dagaalyahannada kooxdu ay diyaar u yihiin dagaal dheer oo ay la galaan Israa’iil si ay u taageeraan Falastiiniyiinta Gaza. Dhanka kale Israa’iil ayaa weerar ku qaadday laba iskuul oo ku yaalla magaalada Gaza ,halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 falastiiniyiin ah oo ay horay u barakiciyeen dagaalka ka socda Gaza. Dagaalka Israa’iil ee Gaza waxa uu dilay ugu yaraan 45,129 ,halka uu dhaawac ka soo gaaray 107,338 ,laga soo bilaabo 7 Oktoobar ee 2023. PUNTLAND POST The post Hay’adda MSF oo warbixin ka soo saartay xasuuqa Israa’iil ka wado marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibidda ee dalka Tanzania Mohamud Thabit Kombo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa Wasiirka ka guddoomay dhambaal iyo salaan uu ka siday, Madaxweynaha dalka Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, isaga oo wafdiga la wadaagay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dowladood, gaar ahaan heshiisyadii dhowrka ahaa ee ay labada dal maanta ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho. Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdiga dowladda Tanzania, waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjiraha Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo masuuliyiin sare oo ka socday labada dhinac. Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo ku saabsan dhinacyada Difaaca, Cilaaqaadka, Dalxiiska iyo Caafimaadka, waxaana MOU-gaan kala saxiixday wasaaradaha dowladda federaalka ee dhinacyadaas u xil-saaran iyo masuuliyiin sare oo ka socota dalka Tanzania, kuwaas oo ku sugan magaalada Muqdisho. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa heshiiskaan u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji. Wafdiga Tanzania ee saxiixa heshiiskaan Muqdisho u yimid waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dubedda Dalka Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo, waxaana qeyb ka ah Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska Pindi Hazara, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Dr. Godwin Mollel iyo Taliye ku xigeenka Ciidamada Dowladda Tanzania, Saalim Haji Osman. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa goobjoog ahaa munaasabadda ay Soomaaliya iyo Tanzania ku kala saxiixdeen heshiisyadaan muhiimka u ah shucuubta iyo dowladaha labada dal.
  4. Garbahaarey (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, halkaas oo dhaqdhaqaaq ka dhan ah Axmed Madoobe uu ka socdo. Dowladda Federaalka ayaa gobolka Gedo ka damacsan inay ka abaabusho guluf ka dhan ah Axmed Madoobe, Caasimada Online waxay ogaatay in dadka loo sheegayo in lala dagaalamayo Al-Shabaab, balse waxaa abaabulka kadib ciidanka loo jiheyn doonaa dhanka Axmed Madoobe. Wafdiga ayaa ka kooban wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo heer sare ah, waxaana dirtay dowladda federaalka, si ay halkaas uga bilaabaan abaabul dagaal oo ka dhan ah Axmed Madoobe. “Ujeedka booqashada wafdigan ayaa la xiriirta dardargelinta howlaha amniga ee gobolka Gedo, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka, iyo qiimeynta xaaladda guud ee nabadgelyada ee magaalada Garbahaarey,” ayaa lagu yiri qoraal ay wasaaradda amniga ka soo saartay safarkaan. Waxaa lagu wadaa in wafdigu ay kulamo xasaasi ah la yeeshaan maamulka gobolka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si looga wada shaqeeyo qorsheyaasha amniga iyo horumarinta gobolka. Kulamadan ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay wasaaradda amniga Soomaaliya, balse waxaan ogaanay in qorshuhu intaas ka balaaran yahay. Shacabka iyo maamulka gobolka Gedo ayaa muujiyey taageero badan oo ay u hayaan dhaqdhaqaaqa dowladda federaalka Soomaaliya ay ka wado Jubbaland, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin in qorshe kasta oo dowladdu ay wadato ay garab istaagaan. Gobolka Gedo waa laga nacay Axmed Madoobe, waxaana hadda fursad ka heshay dowladda federaalka oo sida la sheegay maalmaha soo socda ciidamo badan geyneysa degmooyinka gobolkaas, si qorshaha dowladda ee Jubbaalnd loo meel mariyo. Dowladda Soomaaliya ayaa marka hore qorsheyneysa in guluf dagaal lagu bilaabo Axmed Madoobe, maadaama ay dowladdu ku guul dareysatay kii Raaskambooni, hadii uu is difaaco Axmed Madoobe waxaa la sheegay inay suurtagal tahay in maamul kale oo Jubbaland ah lagu dhiso gobolka Gedo.
  5. Baidoa (HOL) – Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre arrived in Baidoa on Thursday to join Southwest State in celebrating its 6th anniversary. Source: Hiiraan Online
  6. Dimishiq (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha Ciraaq ayaa beenisay in Mahir al-Assad oo ay walaalo yihiin madaxweynihii xilka laga tuuray ee Suuriya Bashaar Al-Asad uu ku sugan yahay gudaha dhulka Ciraaq. War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenkooda oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee Ciraaq, wasaaraddu waxay ugu baaqday warbaahinta inay “si sax ah u muujiyaan oo ay ka digtoonaadaan gudbinta wararka aan laga helin ilaha rasmiga ah,” iyadoo ku nuux-nuuxsatay in waxa lagu faafiyay baraha bulshada ee ku saabsan joogitaanka Mahir al-Assad ee Ciraaq uu ahaa war aan “sax ahayn”. Tan iyo markii uu burburay nidaamka Bashaar Al-Asad todobaadkii hore, isla markaana ay madaxweynaha xilka ka tagay iyo qoyskiisa ay tageen magaalada Moscow, ayaa waxaa aad loo hadal hayay halka uu ku dambeyn doono walaalkii Maher oo lagu tilmaamo inuu yahay mas’uulka qoyska reer Asad. Haddaba maxaan ka ognahay Mahir al-Assad? Mahir Hafez al-Assad waxa uu ku dhashay Dimishiq 8-dii December 1967-dii, waxa uu ku soo barbaaray qoyska Asad ee xukumayay Suuriya tobanaan sano. Beddelkii adeerkiis Rifaat al-Assad Tan iyo caruurnimadiisii, Mahir waxa lagu yaqaanay shakhsiyad xoog badan oo dabeecad adag, laakiin muuqaalkiisa guud ma noqon mid la dareemo ilaa dabayaaqadii 1990-meeyadii. Sida ay wararku sheegayaan, wuxuu ku noolaa meel u dhow madaxtooyada Dimishiq, waa “Fardoole aad u jecel fardaha” wuxuuna beer fardaha ku leeyahay deegaanka Yafour oo u dhow Dimishiq. Sannadkii 1999-kii, Maher al-Assad waxa uu sameeyay ciwaanno ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu toogtay seedigiis, Assef Shawkat, ka dib khilaaf soo kala dhex galay, isaga oo dhaawacay Shawkat, waxaana loo gudbiyay cusbitaal milateri oo ku yaalla Faransiiska si loogu daweeyo. Iyadoo ay taasi jirto, Mahir waxa uu sii xoojiyay mowqifkiisa gudaha taliska Suuriya. Bishii Juun 2000, Mahir waxaa loo doortay Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaaga Carabta ee xisbul Bacath, tallaabadaas oo muujinaysa doorkiisa sii kordhayay ee taliska. Kadib geeridii walaalkii Basil Al-Asad ee shilka baabuur bishii Janaayo 1994-tii, waxaa jiray rajo ah in Mahir laga yaabo in uu xukunka kala wareego aabihiis Hafez al-Assad, laakiin dabeecadda “qallafsan” ee Maher ayaa taas ka hor istaagtay, waxaana taas beddelkeeda loo doortay Bashaar. Wargayska The Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in dad badan oo Suuriyaan ahi ay Mahir u arkaan in uu yahay Rifaat cusub oo uu la dhashay Madaxweynihii hore ee Hafez al-Assad. Wargeysku waxa uu sheegay in xiriirka Mahir al-Assad iyo Bashaar Al-Assad uu “ku salaysan yahay habka wax ku oolka ah” ee ay dejiyeen Hafed iyo Rifaat al-Assad. “Kawaanlihii Daraa” Iyada oo mudaaharaadyada Suuriya ee looga soo horjeedo nidaamka reer Assad ay qarxeen 2011, Mahir al-Assad ayaa door muhiim ah ka qaatay xakamaynta mudaaharaadyada. Isaga oo ahaa taliyaha qaybta 4-aad ee gaashaaman iyo ciidanka ilaalada Jamhuuriga, waxa uu gacan weyn ku lahaa maaraynta hawlgallada ciidamada. Sababtaas awgeed, warbaahintu waxay ku tilmaantay inuu yahay “Kawaanlihii Daraa” ka dib markii uu ku lug lahaa xakamaynta mudaaharaadyadii magaalada ka dhacay bishii Abriil 2011. Ilaalada Jamhuuriga, oo uu hoggaamiyo Mahir al-Assad, ayaa ahaa qaybta kaliya ee ciidamada Suuriya loo ogolaaday in la geeyo Dimishiq. Bishii Abriil isla sannadkaas, madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa soo saaray amar madaxweyne oo lagu xayirayo hantida Mahir al-Assad ee Maraykanka “doorka uu ku leeyahay caburinta mudaaharaadayaasha.” Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku daray liiska saraakiisha Suuriya ee cunaqabataynta saaran, iyaga oo ku sifeeyay inuu yahay “horjoogaha ugu weyn ee rabshadaha ka dhanka ah dibad-baxayaasha.” Sannadkii 2012, hay’adda ka faalloota xasaradaha caalamka ayaa daabacday warbixin ay qaar ka mid ah taageerayaasha nidaamka Suuriya ku tilmaameen Mahir al-Assad inuu yahay “qofka xooggan ee nidaamka”. Mishiinka tahriibinta iyo ka ganacsiga daroogada Isla sanadkaas waxaa soo baxay warar sheegaya in Mahir Al-Asad uu ku dhintay ama lagu dhaawacay qarax lagu dilay Assef Shawkat iyo madax kale, balse wararkaas waa la beeniyay. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Channel 2 ee Israa’iil inuu bixiyay amar ah in lagu qaado weerarrada kiimikada ee deegaanka Ghouta ee baadiyaha Dimishiq, kaas oo la sheegay in lagu dilay ilaa 1,200 oo qof bishii Agoosto 2013. Markii uu sii waday taliskii Ilaalada Jamhuuriga, Mahir al-Assad waxa uu noqday qofka ugu saamaynta badan millatariga Suuriya, isaga oo leh qayb gaashaaman, Ilaalada Jamhuuriga ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa ugu daacadsan taliska. Bishii Maarso 2023, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn dheeri ah ku soo rogay Mahir al-Assad iyo saaxiibadiis, oo ay weheliyaan kuwa ka ganacsada daroogada, eedeymaha ay ku lug leeyihiin warshadaha daroogada Suuriya iyo tahriibinta daroogada Captagon. Qasnadda Maraykanka ayaa ku eedaysay Mahir al-Assad iyo Qaybta Afraad inay maal-geliyaan “qorshooyin dakhli-abuur oo sharci-darro ah, oo u dhexeeya sigaarka iyo talefannada gacanta si loo fududeeyo soo-saarka iyo tahriibinta Captagon.” Bishii Abriil 2023, Midowga Yurub wuxuu cunaqabatayn ku soo rogay shakhsiyaadka iyo shirkadaha lala xiriirinayo Mahir al-Assad iyo qaybtiisa afaraad ee gaashaaman “kufsiga, dembiyada dagaalka, jirdilka, iyo fududaynta ka ganacsiga daroogada ee Suuriya.” Nidaamka Assad waxaa loo aqoonsaday inuu yahay “shaqsigii ugu muhiimsanaa ee fududeeyey tahriibinta Captagon ee dekedaha Yurub.” Isha: BBC
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay hindisaha Muqdishada cusub. Hindisahan ayaaa isugu jira dhismaha garoon diyaaradeed casri ah, dekad caalami ah iyo qagga dhaqaalaha Muqdisho oo laga hirgalin doono dhul masaafo ahaan ka fog caasimadda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in qorshahani uu yahay bilow cusub oo muujinaya aragtida fog ee dadka Soomaaliyeed, islamarkaana xoogga saarayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha caasimadda, kuwaasi oo saldhig u ah geeddi socodka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan himilooyinkooda qaran. “Qorshahani waa iskutashi qaran oo waqti kooban nooga daba geynaya ummadihii na dhaafay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda daah-furka hindisahan. Waxa uu intaas kusii daray madaxweynaha “Dowladda Soomaaliyeed, waxaa ka go’an in ay qaaddo tallaabo walba oo fududeyneysa guuleysiga mashruucan oo ay ka dhalandoonaan fursado iyo shaqooyin badan oo aan hadda jirin.” Madaxweynaha ayaa sheegay in hindisahani qaran uu caalamka u muujinayo, sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay la jaanqaadaan dhiggooda caalamka ee horumarka ku tallaabsanaya, dowladdooduna ay xoogga saareyso hirgelinta caddaaladda sinnaanta bulshada, sarreynta sharciga, hufnaanta iyo maamul-wanaagga. Munaasabadda daah-furka hindisaha qaran ee Muqdishada cusub ayaa waxaa saaka ka qayb-galay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, wasiiro, xildhibaano, qaar ka mid ah danjireyaasha dalalka caalamka u jooga dalkeenna iyo ganacsato Soomaaliyeed.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa kulan xasaasi ah xarunta NISA kula yeeshay agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Tanzania ee TISS Suleiman Abubakar Mombo, oo booqasho labo maalin ah shalay kusoo gaaray magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa waxay labada masuul si weyn uga wada-hadleen dadaallada wadajirka ah ee looga hortagi karo khataraha ururrada argagixisada iyo xoojinta is-dhaafsiga xoggaha muhiimka ah ee amniga. Madaxda hay’adaha sirdoonka ee Soomaaliya iyo Tanzania oo adkeeyay muhiimadda iskaashigan ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu dar-dargelinayo doorka labada hay’ad ee dagaalka ka dhanka ah halista argagixisada. Sidoo kale, labada Sirdoon iska kaashanaya amniga, sirdoonka iyo is-dhaafsiga xogaha, ka hortagga khataraha argagixiso, iyadoo labada agaasime ay maanta qalinka ku duugeen is-afgarad dhabaha u xaaraya iskaashigan muhiimka ah. Iskaashigan ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasilloonida iyo ammaanka gobolka, iyada oo labada dhinac ay wadaagaan ujeeddada guud ee ka hortagga argagixisada bariga Afrika. Tan ayaa qeyb ka ah dadaallada uu hoggaanka NISA dib ugu soo celinayo xiriirada hay’adda la laheyd hay’addaha sirdoonka dalalka saaxiibada dhow la ah Soomaaliya, iyadoo qaar kamid ah madaxda dalalkaas ay booqasho ku yimaadeen caasimadda Soomaaliya.
  9. Chinese aid to SSCK will arrive in Boosaaso Port soon. Boosaaso (PP News Desk) — The Somali Disaster Management Agency (SODMA) has dispatched an essential Chinese aid shipment to SSC-Khatumo interim administration, with generous contributions provided by the People’s Republic of China. The aid will arrive at Boosaaso Port before being transported to Laascaanood. “SODMA [is] delivering essential goods donated by China to SSCKhaatumo region in north Somalia, which will support the development & humanitarian efforts of the region” tweeted the Chinese Embassy in Mogadishu. This initiative underscores the commitment of Puntland State of Somalia to supporting SSC-Khatumo to access aid from donors. The arrangement highlights Puntland’s dedication to honouring its obligations to the interim administration of Sool, Sanaag, Cayn and Khatumo. A mechanism agreed upon between the SSCK administration and Puntland State facilitates the smooth delivery of aid to districts under the jurisdiction of SSCK. Aid shipments can now transit through Bosaso Port or Garacad Port, ensuring efficient distribution across the region. This cooperative approach reflects the shared determination of Puntland and SSCK authorities to address delivery of humanitarian aid in an efficient and transparent manner. © Puntland Post, 2024 The post SODMA Sends Chinese Aid to SSC-Khatumo via Boosaaso Port appeared first on Puntland Post.
  10. Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen iyo boqolaal bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo. Ujeedka socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, u kuur galidda horumarrada ka jira Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu ka qeyb-gali doona xafladda sanad guurada 6-aad ee ka soo wareegtay muddada uu maamulka Koonfur Galbeed hoggaaminayay Cabdicasiis Lafta-gareen. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxaa Baydhabo uga sii horreeyay guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe oo isagu shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed. Aadan Madoobe ayaa markaas ka jawaabay dalab uga yimid madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku casuumay inuu soo gaaro Baydhabo, wuxuuna ka qeyb-galay munaasabadda sanad-guuradiisa. Lafta-gareen ayaa dabaal-degaya sanadkiisii lixaad, iyada oo weli ay dood ka taagan tahay sida loo wajahayo doorashada maamulkaasi, maadaama uu ka dhamaaday mudo xileedka. Xafladda ayaa sidoo kale sanadkan kusoo aaday, xilli xasaasi oo culeysyo badan uu wajahayo madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo ay ku kacsan yihiin mucaaradka. Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa haatan kamid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee heshiiska doorashada la galay Villa Soomaaliya, si dalka looga qabto qof iyo cod, taas oo hanaankeeda la isku diidan yahay xilligaan.
  11. For months a spat between Somalia and Ethiopia had been creeping towards a crisis. In June Somalia threatened to expel all of Ethiopia’s troops from its territory, where they have long spearheaded the regional fight against al-Shabab, a jihadist group. Source: Hiiraan Online
  12. Qoraalka ka soo baxay Taliska guud ee Booliska Somaliland. “ Taliska guud ee Ciidanka Booliska JSL , waxa uu gacanta ku hayaa baadhista kiiska laba marxuum oo saaka laga helay maydkooda gaadhi dhexdii degmada Gacmo-dheere ee Hargeysa. Boolisku waxa uu bulshada u xaqiijiyay in baadhista kiiskaasi ay socoto , waxaana marka ay baadhitaanku dhammaado bulshada la wadaagi doonaa natiijada kiiskan. Sidoo kale, Taliska Boolisku waxa uu digniin u dirayaa dadka baraha bulshada ku faafinaya wararka beenta ah ee ku saabsan kiiskan, waxaanan faraynaa in ay ka digtoonaadaan faafinta xogaha aan xaqiiqda ahayn.” Qaran News
  13. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Wafdiga ayaa ka kooban wasiiro, xildhibaano, iyo saraakiil ciidan oo heer sare ah. Ujeedka booqashada wafdigan ayaa la xiriira dardargelinta howlaha amniga ee gobolka Gedo, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka, iyo qiimeynta xaaladda guud ee nabadgelyada ee magaalada Garbahaarey. Waxaa lagu wadaa in wafdigu ay kulamo muhiim ah la yeeshaan maamulka gobolka, waxgaradka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si looga wada shaqeeyo qorsheyaasha amniga iyo horumarinta gobolka. Kulamadan ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab Waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey wafdiga magaalada Garbahaarey, iyadoo shacabka iyo maamulka Degmadda muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladda Federalka Soomaaliya Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay siihayaha safiirka safaarada dalka Suudaan Mudane Cammaar Axmed Baabakir oo u gudbiyay warbixin ku aadan xaaladda dalkaasi oo ay ka jiraan isku dhacyo sababay dagaallo, halkaas oo ay ku nool yihiin Soomaali badan. Danjire Cammaar Axmed Baabakir ayaa ugu horreyn ka warbixiyey xaaladda dalkaas, howlgallada ciidan iyo saameynta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan. Safiirka ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen muwaadiniinta reer Suudaan ee kusoo qaxay dagaallada ka socda dalkaas, isagoo tilmaamay in Soomaalidu, shacab iyo dowladba ay walaalnimo iyo farxad ku qaabileen walaalahooda reer Suudaan ee soo gaaray dalka. Sidoo kale wuxuu danjiruhu madaxweynaha la wadaagay salaan iyo farriin uu uga siday walaalkiis, Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdifataax Al-Burhaan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa tilmaamay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada shacab, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan dhiggooda Suudaan, kuwaas oo si mug leh uga qayb qaatay taageeridda Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan fursadaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed iyo tababarida hay’adaha amniga. Ugu dambeyntii, madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso nabadda iyo xasilloonida dalka walaalaha ah ee Suudaan, maadaama degganaanshihiisa uu muhiim u yahay gobolka oo idil. Suudaan ayaa haatan ku jirta xaalad adag oo ka dhalatay isku haysiga xukunka dalkaasi, kadib markii ay isku dhaceen labada Jeneraal ee ugu sarreeya ciidamada dalkaasi.
  15. Wasiirka Cusub Ee Madaxtooyada Oo Xilkii La Wareegay Hargeysa-19-12-2024-(Qarannews)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa xilkii si rasmi ah ugu kala wareejiyey wasiirka cusub ee Madaxtooyada, Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyo agaasimihii guud ee hore ee Madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile. Munaasibadda xil-wareejinta oo ka qabsoontay xarunta qasriga madaxtooyada, islamarkaana ay madaxweyne-ku-xigeenka kala qaybgaleen madaxda xilka la kala wareegaysay, saraakiisha waaxaha kala duwan iyo shaqaalaha madaxtooyada, ayaa lagu soo dhaweeyey wasiirka cusub ee xilka la wareegay, laguna sagootiyey agaasimihii hore ee madaxtooyada. Ugu horray, agaasimihii hore ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday waxyaabihii uu madaxtooyada kusoo kordhiyey muddadii uu xilka hayey, isaga oo shaqaalahana uga mahadceliyey sidii hufnayd ee ay ula soo shaqeeyeen. Wasiirka cusub ee wasaaradda Madaxtooyada, mudane Khadar Xuseen Cabdi oo kelmedo kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa agaasimaha hore uga mahadnaqay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayey, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu dardargelin doono hawlaha shaqo ee madaxtooyada, shaqaalahana tayeyn doono, islamarkaana ku shaqayn doono siyaasadda madaxweynaha Qaranka ee hawshan u igmaday. Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo xilka u kala wareejiyey labada masuul, ayaa sagootiyey agaasimaha xilka wareejiyey, soona dhaweeyey wasiirka cusub ee madaxtooyada oo ku tilmaamay shaqsi firfircoon oo wax badan ka beddeli kara horumarka madaxtooyada. Wa-bilaahi Tawfiiq Qaran News
  16. Gode, Somali Region, Ethiopia – In a significant step toward addressing internal displacement, the Somali regional authorities have successfully relocated 524 households, comprising of 2,570 individuals, from the overcrowded Qoloji IDP sites to a new settlement in Bayahow, Somali Region. This milestone, achieved through a collaboration between the Somali Regional Disaster Risk Management Bureau (DRMB), the International Organization for Migration (IOM), and other partners, is part of the country’s Durable Solutions Initiative (DSI). Source: Hiiraan Online
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Madashada Hindisaha Horumarinta Muqdishada cusub iyo dhismaha Airporka cusub ee Magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegayDaahfurka Hindisaha Hirgalinta mashruuca weyn ee Muqdishada Cusub, Garoonka iyo Dekadda Casriga ah ee Caasimadda in uu sare u qaadi doono dhaqaallaha wadanka. sidoo kale waxaa uu yareyn doonnaa Ciriiriga ka jira magaalada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb noqdaan dhismaha Mashruucaan. Madaxweynaha ayaa yiri “Hooyada Soomaaliyeed waa in share ku yeelataa Muqdishada cusub,waxaana qeyb uga noqon kartaan 35 Dollar” Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in Hindisaha lagu horumarinaayo Muqdishada cusub isla markaana lagu dhisaayo Garoonka cusub ee Diyaaradaha iyo aaga dhaqaalaha dalka uu muhiimad weyn u leeyahay dalka oo idil. Mudane Amiir ayaa xusay in Hindisahaan uu yahay Rajada iyo Hiigsiga Ummada Soomaaliyeed, taasi oo abuureysa Maalgeshi Caalami ah, Xiriir ay Soomaaliya la yeelato caalamka iyo kor u qaadida dhaqaalaha dalka. Source: goobjoog.com
  18. In a library in Somaliland, Hafsa Omer presses play on a small cassette player. The sound of a Somali lute interwoven with a woman's soft singing fills the room. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa maanta shan heshiis oo muhiim U ah labada dal ku kala saxiiday magaalada Muqdisho, kadib markii markii dowladda fedetaalka ay caasimada mu marti qaaday wafdi ka socda dalkaasi. Labada dowladood ayaa ku heshiiyay iskaashi ballaaran oo ku aaddan arrimo muhiim ah, iyaga oo ka kala saxiixday shan heshiis is afgarad (MOUs) oo muhiim ah. Munaasabadda saxiixa heshiisyadan oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa noqotay mid ku muujinaysa sare u kaca xiriirka labada dal iyo wadajirka horumarka ay ka wada shaqeynayaan. Haddaba maxay yihiin 5 heshiis ee la saxiixay? 1. Iskaashiga Guud ee Arrimaha Dibadda Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tansaaniya, Mudane Mahmoud Thabit Kombo, ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya qaab-dhismeed lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed. Heshiiskan wuxuu xoogga saarayaa iskaashiga xasilloonida gobolka, is-dhaafsiga aqoonta, iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda iyo horumarka caalamiga ah. 2. Iskaashiga Arrimaha Caafimaadka Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam Abubakar, iyo Wasiirka Ku-xigeenka Caafimaadka ee Tansaaniya, Dr. Godwin Oloyce Mollel, ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo nidaamyada caafimaadka ee labada dal. Heshiiskan wuxuu diiradda saarayaa la dagaallanka cudurrada faafa, is-dhaafsiga aqoonta caafimaadka guud, iyo xoojinta adeegyada caafimaad ee loo fidiyo bulshooyinka nugul. 3. Horumarinta Dalxiiska Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, iyo Wasiirka Dalxiiska iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Tansaaniya, Dr. Pindi Hazara Chana, ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo dalxiiska. Heshiisku wuxuu xooga saaraya is-dhaafsiga dhaqanka, ololayaasha suuq-geynta dalxiiska wadajirka ah, iyo dhiirrigelinta fursadaha maalgashiga si loogu soo bandhigo hiddaha iyo dhaqanka gaarka ah ee labada dal. 4. Iskaashiga Difaaca iyo Amniga Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo dhiggiisa Tansaaniya ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga difaaca. Heshiiskan wuxuu xoogga saaraya horumarinta awoodaha difaaca, tababarrada wadajirka ah, iyo iskaashiga amniga si loo gaaro xasillooni iyo ammaan goboleed. 5. Iskaashiga Waxbarashada Heshiis kale oo muhiim ah ayaa diiradda saaray iskaashiga dhanka waxbarashada, kaas oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Tansaaniya. Heshiiskan wuxuu xooga saaraya is-dhaafsiga aqoonta, bixinta deeqaha waxbarashada, iyo abuurista barnaamijyo wadajir ah oo lagu xoojinayo nidaamyada waxbarasho ee labada dal. Waxa kale oo uu dhiirrigelinayaa awood-siinta dhalinyarada iyada oo loo marayo horumarinta xirfadaha iyo is-dhaafsiga aqoonta si loo gaaro horumar waara.
  20. (ERGO) – For eight months after returning home to Somalia from a disastrous migration journey to Libya, Aweys Sadiq Mayow, jobless, faced the shame of begging in the streets to support his family. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — The Ankara Declaration, signed on December 11, has thrown Ethiopia a lifeline in its quest for Red Sea access. For Ethiopia, landlocked since 1993, this Turkish-brokered deal with Somalia is an opportunity to rewrite its economic destiny. Yet, the agreement is already being tested by unresolved regional rivalries and fragile alliances. Source: Hiiraan Online
  22. Suldaan Cabdisalaan has opposed the SSCK administration’s claim to represent the East Sanaag Clan clan in Ceerigaabo. Badhan (PP News Desk) — Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud of the East Sanaag Clan has reportedly stated “that his clan resides in several districts of Sanaag, and therefore, it is inappropriate to fuel political conflict in Ceerigaabo. “The East Sanaag Clan clan and the Sool, Sanaag, Cayn, and Khaatumo administrations do not share a common view on any conflict occurring in Ceerigaabo. Violations, including killings and looting, have taken place in Ceerigaabo. The responsibility to protect the lives of the people living in Ceerigaabo lies with local administration [Somaliland]” said one of Suldaan Cabdisalaan’s advisors. Suldaan Cabdisalaan has opposed the SSCK administration’s claim to represent the East Sanaag Clan clan in Ceerigaabo. The Somaliland administration has yet to comment on the spate of violence that occurred in Ceerigaabo. Videos posted on social media show SSB militia from Burco claiming to have taken over homes in Ceerigaabo belonging to Suldaan Cabdisalaan’s clan. The Harti clan members have entirely been displaced from Ceerigaabo following clashes between SSCK militia and Somaliland administration forces on the outskirts of the Ceerigaabo. © Puntland Post, 2024 The post Suldaan Cabdisalaan disagrees with the SSCK administration over the situation in Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
  23. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda, kuwa booliska oo kaashanayo ciidanka dadka deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Mudug. Howlgalkan oo ka dhacay aagga degmada Wasil ayaa waxaa laga gaaray guullo waa wayn, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya. Saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku soo dhigeen laba gaari oo shidaal iyo agab kale u siday kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay heleen xogtooda, isla markaana ay ku qabeen meel dhexe, kahor inta aanay gaarin deegaanada ay ka arrimayaan Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen inay la qabtay darawalladii gawaaridaas oo ay tilmaameen in haatan ku socdaan baaritaanno dheeraad ah, maadaama la tuhmayo in sahaydaan ay u wadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Mudug. Ciidamada iskaashanaya ayaa weli howlgallo culus ka sii wada aagga degmada Wasil, kuwaas oo lagu beegsanayo xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaannada ay kaga sugan Galgaduud iyo Mudug.
  24. Maamulka SSCK kalama tashanin Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud xaaladda Ceerigaabo. Badhan (Wararka PP) — Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud ayaa sheegay in beeshiisu ay degto dhowr degmo ka mid ah Sanaag sidaas darteedna aysan habboobeyn in colaad siyaasadeed laga abaabulo Ceerigaabo. “Beesha East Sanaag Clan iyo maamulka SSC-Khaatumo iskuma oga in colaad ay ka dhacdo Ceerigaabo. Xadgudub ayaa ka dhacay Ceerigaabo iskugu jira dil iyo boob. Maamulka degmada gacanta ku haya ayuu saaran yahay waajibka in la dhowro nafta iyo dadka ku nool Ceerigaabo” ayuu yidhi mid ka mid ah la-taliyayaasha Suldaan Cabdisalaan. Suldaan Cabdisalaan wuxuu si cad uga hor yimid in maamulka SSCK sheegto inuu metelo beesha East Sanaag Clan. Maamulka Somaliland ilaa hadda kama hadlin barikinta ka dhacday Ceerigaabo. Waxaa baraha bulshada la soo dhigay muuqaallo muujinaya miliishiyada SSB ee Burco oo sheeganaya inay la wareegeen guryo ku yaalla Ceerigaabo oo ay leeyihiin beesha Suldaan Cabdisalaan. Gebi ahaanba degmada Ceerigaabo waxaa ka qaxay dadka beesha Harti ku abtirsada kaddib markii miliishiyo ka tirsan SSCK iyo miliishiyada maamulka Somaliland uu dagaal ku dhexmaray duleedka Ceerigaabo. © Puntland Post, 2024 The post Suldaan Cabdisalaan oo maamulka SSCK kaga aragti duwanaaday xaaladda Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.