Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ayaa xoojinaya iskaashigooda sii kordhaya iyagoo kala saxiixday shan heshiis oo muhiim ah (MOUs). Heshiisyadan, oo lagu saxiixay Muqdisho, ayaa ka koobnaa arrimaha dibadda, caafimaadka, dalxiiska, difaaca, iyo waxbarashada, kuwaas oo muujinaya sida labada dal ugu heellan yihiin horumarinta iskaashiga gobolka iyo horumarinta waara. Munaasabadda waxaa guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, taas oo xoojisay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee dhinaca diblomaasiyadda iyo sida Tanzania u heellan tahay horumar wadajir ah. Heshiisyada Muhiimka ah ee la Saxiixay Iskaashiga Guud ee Arrimaha Dibadda Heshiiska ay wada galeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Sharafta leh ee Tanzania, Mudane Maxamuud Thabit Kombo, wuxuu dhisayaa qaab iskaashi oo sare u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed. Heshiiskan waxaa ka mid ah iskaashiga dhinaca xasilloonida gobolka, is-weydaarsiga aqoonta, iyo isku-dubbaridka dadaallada caalamiga ah si kor loogu qaado nabadda iyo horumarka. Iskaashiga Dhanka Caafimaadka Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar, iyo Wasiirka Caafimaadka ee Tanzania, Mudane Godwin Oloyce Mollel, waxay saxiixeen heshiis diiradda saaraya horumarinta nidaamka caafimaadka ee labada dal. Heshiisku wuxuu xooga saarayaa xallinta cudurrada faafa, taageeridda caafimaadka guud, iyo xoojinta adeegyada caafimaadka ee dadka aan helin adeegyada ku filan. Horumarinta Dalxiiska Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Da’ud Aways Jaamac, iyo Wasiirka Dalxiiska iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Tanzania, Dr. Pindi Hazara Chana, waxay kala saxiixdeen heshiis lagu horumarinayo dalxiiska. Heshiiskan wuxuu dhiirrigelin doonaa is-dhaafsiga dhaqanka, ololayaasha suuqgeynta dalxiiska, iyo maalgashiga lagu soo bandhigayo hidaha gaarka ah ee labada dal. Iskaashiga Difaaca iyo Amniga Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Maxamed Nuur, iyo dhiggiisa Tanzania waxay si rasmi ah u saxiixeen heshiis ku saabsan xoojinta iskaashiga difaaca. Heshiiskan wuxuu xoogga saarayaa dhisidda awoodaha, barnaamijyada tababarka wadajirka ah, iyo dadaallada iskaashiga lagu horumarinayo amniga iyo xasilloonida gobolka. Iskaashiga Waxbarashada Soomaaliya iyo Tanzania waxay sidoo kale kala saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashiga waxbarashada, kaas oo diiradda saaraya is-dhaafsiga aqoonta tacliinta, deeqaha waxbarasho, iyo barnaamijyada iskaashiga lagu xoojinayo nidaamyada waxbarashada ee labada dal. Heshiiskan wuxuu ujeedkiisu yahay in dhallinyarada lagu dhiirrigeliyo wadaagista aqoonta iyo horumarinta awoodaha, taas oo taageereysa horumar waara ee labada waddan. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan ka fakireysa inay ka laabato go’aan ay horay uga gaartay Itoobiya, gaar ahaan sii joogitaanka ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya, kadib heshiiskii dhowaan ka dhacay Ankara. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay sii joogi doonaan gudaha dalka, sidoo kalena ay kamid noqon doonaan howlgalka cusub ee bilaabanaya 2025, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Dhowaan Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib u qiimeyn doonto go’aankeedii hore ee ay ka qaadatay ciidamada Itoobiya, maadaama buu yiri heshiis laga gaaray xiisadda. Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna maalmo kahor ku ammaanay ciidamada Itoobiya in ay naf-hurnimo u sameeyeen xasilloonida Soomaaliya. Qorshaha kale ee ku hoos duugan ka laabashada go’aanka dowladda ayaa ah mid soo dadajinayo in Itoobiya ay burbureyso heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliland, sida ay rumeysan quburada sida dhow ula socda xiisadda labada dal oo heerar kala duwan soo martay. Dhinaca kale isbeddalka ku yimid go’aanka dowladda ayaa dad badan u arkaan lama filaan, maadaama tan iyo horraatii sanadkan ay madaxda qaranka ku celcelinayeen inay ciidanka Itoobiya ka bixi doonaan guud ahaan Soomaaliya, isla markaana aanay ka mid noqon doonin howlgalka cusub, sabab markaas ku aadaneyd heshiiska sharci darrada ee badda. Si kastaba, lama oga sida ay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya u saameyn doonto iskaashiga milateri ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo xoogeystay wixii ka dambeeyay, markii ay kala tageen Muqdisho iyo Addis Ababa.
  3. Dhusamareb (HOL) – The Somali National Army (SNA), in coordination with Galmudug regional forces and local residents, intercepted two vehicles suspected of transporting fuel and other supplies to the al-Shabab militant group, officials confirmed Thursday. Source: Hiiraan Online
  4. Hargeisa (HOL) – The bodies of Huda Ahmed Farah and Hamse Ahmed Yusuf were discovered Thursday morning inside a luxury car in Hargeisa’s Shabab neighbourhood. Source: Hiiraan Online
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Siihayaha Safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan Mudane Cammaar Axmed Baabakir oo uga warbixiyey xaaladda dalkaas, howlgallada ciidan iyo saameynta xiriirka Labada dal. Danjire Baabakir ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen muwaadiniinta reer Suudaan ee kusoo qaxay dagaallada ka socda dalkaas, isagoo tilmaamay in Soomaalidu, shacab iyo dowladba ay walaalnimo iyo farxad ku qaabileen walaalahooda reer Suudaan ee soo gaaray dalka. Sidoo kale, sii hayaha Danjiraha ayaa u soo gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh salaan iyo farriin uu uga siday walaalkiis, Hoggaaniyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdifataax Al-Burhaan. Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada shacab, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan dhiggooda Suudaan, kuwaas oo si mug leh uga qayb qaatay taageeridda Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan fursadaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed iyo tababarida hay’adaha amniga. Ugu dambeyntii, Madaxweynanaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso nabadda iyo xasilloonida dalka walaalaha ah ee Suudaan, maadaama degganaanshihiisa uu muhiim u yahay gobolka oo idil. Source: goobjoog.com
  6. Hargeysa (Caaasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Hargeysa ee caasimadd Somaliland, kadib markii maydadka laba qof laga dhex helay gaari madow oo waddada yaallay. Gaariga ayaa yaallay waddo dhacda xaafadda shacabka ee magaalada Hargaysa, waxaana laga helay maydadka labada qof oo ku jiray baabuurka oo la sheegay inay iyagu wateen. Wararka ayaa intaasi kusii daraya labada qof uu mid-kood ahaa askari ku labisan direeska ciidanka ilaalada madaxtooyada Somaliland, halka qofka kalena ay ahayd dumar. Sidoo kale goobjoogayaal indha saaray maydadka labada qof ayaa sheegay in wax dhaawac ah uusan kor kooda ka muuqan, mana cadda sababta ka dambeysa dhimashadooda. Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo isku geedaamay baabuurka, waxayna wadaan baaris ku aadan falkaas oo ay si weyn uga argagaxeen dadka deegaanka. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Somaliland, waxaana laga war sugayaa natiijada baaristooda oo illaa iyo hadda socota. Falkan oo cabsi wayn ku abuuray shacabka Hargeysa ayaa saaka si weyn loo hadal hayaa, waxaana sawirka gaariga oo maydadka ay ku dhex jiraan lagu baahiyay baraha bulshada.
  7. With US Republicans backing recognition of Somaliland, a top Chinese diplomat has visited Mogadishu to offer Beijing’s support Source: Hiiraan Online
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Burcad-badeeda afduubatay markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa dalbanaya lacag dhan 10-milyan oo doollarka Mareykanka ah, sida uu sheegay sarkaal Soomaali ah u sheegay wakaaladda wararka ee AP. Markabkan oo ay la socdeen 18-shaqaale ah ayaa bishii hore lagu afduubtay xeebaha waqooyi bari ee Soomaaliya. Afduubayaasha ayaa sidoo kale baraha bulshada ku wadaagay sawiro muujinaya maxaabiistooda oo ay ku hareeraysan yihiin rag hubaysan oo saaran sagxada markabka. Markabkan ayaa la afduubtay dabayaaqadii bishii November ee sanadkan, waxaana la geeyey degmada Xaafuun ee maamul goboleedka Puntland, halkaasi oo ay ku jiraan maxaabiistii la qabtay. Ilaalada markabka ayaa markii dambe ku biiray ciidamada hubaysan ee ka soo jeeda gobolka xeebta. Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in markabkan ay Puntland siisay ruqsad kalluumeysi sanadkii 2020-ka, balse ay ka dhacay ruqsaddaasi. Sargaalkan wax faahfaahin ah kama bixin dalabka madax furashada ay dalbvanayaan burcad badeeda. Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda, Eunavfor Atalanta, ayaa todobaadkii hore dhacdada ku tilmaamay “fal burcadnnimo oo ka dhacay badda”. Afduubka ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda Soomaaliya xilligan ka jira. Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxaa badaheeda aafeeyay falla burcad badeednimo oo maraaiib lafu afduubta. Faalkan ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay sannadkii 2011-kii, markaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar ay ak dhace xeebaha Soomaaliya. Yaa afduubtay markabka, xageese lagu hayaa? “Labo ilaa seddex qof oo markabka ilaalinayey ayaa qafaashay, waxayna u yeerteen rag hubaysan oo dhanka berriga uga yimid. Xogta aan ilaa hadda hayno waa in tobaneeyo nin oo hubaysan ay markabka gacanta ku hayaan,” ayuu u sheegay qof ka mid ah ilaha dhanka amniga ee Puntland oo magaciisa aan qarinay. Wuxuu intaa ku daray in markabka lagu hayo inta u dhaxaysa xeebaha Eyl iyo Bayla, gaar ahaan meel ku beegan deegaan lagu magacaabo Marrayo. Wuxu kaloo mas’uulkaas sheegay in inta la ogyahay ilaa hadda ay shaqaalaha markabkaas yihiin 18 qof, kuwaasoo u dhashay Shiinaha, ama badankood ah muwaadiniin Shiinees ah. Wararka qaar waxay sheegayaan in burcad badeedda ay diideen boqolaal kun oo doollar oo madax furasho ahaan ay u bixin lahayd shirkad Soomaali ah oo mas’uul ka ah markabka sida ay sheegtay hay’ad ka shaqaysa la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta. Hay’adda oo soo xiganaysa dadka deegaanka ayaa tiri “Kalluumaysato deegaanka ah ayaa sheegay in doontu ay u soo dhawaatay Eyl, Soomaaliya, Jimcihii, laakinse burcad badeedda ayaa dib ugu celiyey badweynta ayagoo ka cabsi qabay ilaalada xeebaha Puntland”. Afduubka ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda Soomaaliya xilligan ka jira. Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxaa badaheeda aafeeyay falla burcad badeednimo oo maraaiib lafu afduubta. Faalkan ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay sannadkii 2011-kii, markaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar ay ak dhace xeebaha Soomaaliya. Isha: BBC
  9. Tanzania has been ranked among the Top 10 African countries with the most professional police forces, according to a recent Afrobarometer report. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) – Somali federal government is set to reverse its earlier decision to exclude Ethiopian troops from the upcoming African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), according to diplomatic sources. Source: Hiiraan Online
  11. Wararka ka imanaya maamulka Puntland ayaa sheegaya in ay socdaan wadahadallo u dhexeeya wakiil ka socda markab kalluumeysi oo Shiinees ah iyo odayaasha deegaanka ee wakiilka ka ah koox burcad badeed ah oo afduubtay markabkaas. Wakaaladda AP ayaa xaqiijisay in kooxda burcad-badeedda ah ay dalbatay $10 milyan si loo sii daayo 18 shaqaale oo ku jira markabka aan magaciisa la shaacin. Saraakiil ka tirsan booliska Puntland ayaa sheegay 10 maalmood ka hor in ay rumaysan yihiin in markabku la afduubtay dhammaadkii bishii Nofeembar. Waxa kale oo ay sheegeen in burcad badeeddu markabka ay geeyeen meelo kala duwan si ay uga dhuuntaan ciidanka ilaalada xeebaha. Markabka oo la sheegay in uu diiwaangashan yahay Taiwan, ayaa haystay shati kalluumeysi oo ay bixisay dowlad goboleedka Puntland, balse shatigaas ayaa la sheegay inuu dhacay. Wararka kale ayaa sheegaya in ilaalada gudaha markabka joogay ay ku lug yeesheen afduubka. Howlgalka Atalanta ee Midowga Yurub ayaa warbixin uu ka soo saaray dhacdadan sheegay inay baarayaan kiiska oo markii hore loo aqoonsaday afduub, balse markii dambe loo beddelay tuugo hubeysan maadaama markabku ku sugnaa biyaha Soomaaliya. Atalanta ayaa sheegtay in ay diiwaan gelisay 20 weerar sanadkan 2024 oo ay ku jiraan kuwa fashilmay. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay sheegeen in ay jiraan dhacdooyin kale oo aan la soo sheegin oo ay ku lug leeyihiin doonyaha yaryar. Source: goobjoog.com
  12. Mogadishu (HOL) – Somalia hosted a high-level delegation from Tanzania at an official dinner in Mogadishu on Wednesday night to strengthen diplomatic ties and explore opportunities for collaboration in development, security, and regional integration. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay aqoonyahannada, cilmi-baarayaasha iyo mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah Daraasaadka Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho. Shirkan oo markii ugu dambeysay la qabtay 35 sano ka hor ayaa sanadkan lagu soo bandhigay daraasaad muhiim ah oo ku saabsan dib-u-dhiska dowladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ka qeyb-galayaasha doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan horumarinta cilmi-baarista iyo xal-u-helidda caqabadaha jira, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo talooyinkii iyo daraasaadkii kasoo baxay shirkan, si loo xaqiijiyo horumar waara oo lagu gaari karo isku filnaansho bulsho iyo mid dhaqaale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka qeyb-galayaasha ku dhiirrigeliyey doorkooda iyo dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan ayaa horey u dul istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo sookabashada Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo darso caqabadaha ku gudban horumarka dowladnimo, dhaqaale iyo aqoon ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay dowladda ka go’an tahay, garab istaagga Aqoonyahannada iyo cilmi baarayaasha Soomaaliyeed, si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed. “Halganka dowlad-dhiska ee aan kusoo jirnay tan iyo burburkii, mar waliba waxaan dareemeynay maqnaanshaha kaalinta mufakiriinta Soomaaliyeed ee si dhab ah u darsilahaa mushkiladaha na haysta, nasiib wanaag Shirkan, waxa uu kusoo aaday waqtigii ugu mudnaa oo ay tahay in aan uga faa’iideysanno si dhaqsi leh”. Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galay, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha Geeska Afrika.
  14. NAIROBI, KENYA — Kenya's president said Tuesday that a mass livestock vaccination campaign will continue despite fears of some herders and farmers that the inoculations will somehow hurt their animals. Source: Hiiraan Online
  15. Prince Amir Bin Abdullahaziz Al Saud, in a post he posted on X, suggested that Somaliland be recognized. His text was as mentioned below. Recognizing Somaliland as an independent state could offer several strategic benefits for the United States: Geopolitical Advantages Countering Chinese Influence Recognition would allow the U.S. to build a partnership with Somaliland, providing a hedge against China’s growing influence in the region, particularly in Djibouti. Somaliland has demonstrated willingness to defy Beijing, as evidenced by its diplomatic ties with Taiwan. Strategic Location Somaliland’s position along the Red Sea and Gulf of Aden offers significant strategic value for U.S. interests. The Berbera Port and airfield could provide new military basing opportunities for the U.S., enhancing its ability to project power and conduct operations in the region. Regional Security Counterterrorism Partner Somaliland has maintained relative stability and avoided the terrorism and piracy issues plaguing Somalia, making it a potential valuable ally in regional security efforts. Recognition could strengthen Somaliland’s capacity to combat extremism and piracy in the Red Sea region. Maritime Security Somaliland’s strategic location could help ensure freedom of navigation in crucial maritime routes, including the Bab el-Mandeb Strait. Diplomatic Gains Support for Democracy Recognizing Somaliland would affirm U.S. support for democracy by rewarding the territory’s 30-year-old homegrown democratic efforts. It could serve as a model for other countries in the region, demonstrating the benefits of democratic governance. Taiwan Relations An independent Somaliland could provide Taiwan with another diplomatic ally, indirectly supporting U.S. interests in the Taiwan-China dynamic. Economic Opportunities Trade and Investment Recognition would enable Somaliland to access international financial institutions and attract foreign investment, potentially opening new economic opportunities for U.S. businesses. Somaliland’s modernized Berbera Port could become a significant regional trade hub. Strategic Flexibility Diversification from Djibouti Recognition would allow the U.S. to diversify its regional presence away from Djibouti, where Chinese influence has been growing. This could provide the U.S. with more options and leverage in the strategically important Horn of Africa region. Conclusion Recognizing Somaliland could enhance U.S. strategic positioning in the Horn of Africa, provide a new partner in counterterrorism and regional security efforts, support democratic values, and open new economic opportunities. However, this decision would need to be carefully weighed against potential diplomatic and regional stability risks. Qaran News
  16. Arsenal, Newcastle and Liverpool advanced in the English League Cup on Wednesday to ensure a heavyweight lineup for the semifinals. Source: Hiiraan Online
  17. Mas’uuliyiinta Gobolka Karkaar, oo ay weheliyaan odayaal nabadoono ah ayaa 250 oo ari ah ku wareejiyay ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan degmada Carmo ee Gobolka Bari. Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo ay weheliyaan Duqa Degmada Bandar-Bayla, iyo Nabadoono ayaa xoolahan ku wareejiyay ciidamada difaaca Puntland. Xoolaha waxaa mas’uuliyiintaasi kala wareegay Wasiirka Amniga Puntland Xaaji Baakiin, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Puntland Yuusuf Maxamed Wacays, iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, Cabdirisaaq Cabaade. Madaxda ayaa uga mahadceliyay degmooyinka Qardho, Shaxda, iyo Bandar-Bayla oo ku taageeray ciidamada difaaca Puntland xoolahan. Sidoo kale, waxay ka codsadeen degmooyinka kale in ay garab istaagaan ciidankooda. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta Gobolka Karkaar oo xoolo ku wareejiyay Ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Carmo appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Jimcaha berri ah u safri doona dalka Jabuuti, halkaasi oo uu Kulan Casho ah kula yeelan doono ciidamada Faransiiska ee ku sugan saldhigga Jabuuti, ka hor inta aanu u gudbin Itoobiya, waxaa sidaas sheegtay madaxtooyada Faransiiska. Madaxweyne Macron ayaa sidoo kale halkaasi kula kulmi doonaa dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu kala hadli doono xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo ay ka jiraan colaado iyo weeraro kala duwan oo ay geysanayaan Islaamiyiinta xagjirka ah iyo weliba dalka Suudaan, oo ay halakeeyeen in ka badan sanad iyo bar dagaal sokeeye ah. Saldhigga Faransiiska ee Jabuuti, oo ay ku sugan yihiin 1,500 oo askari, ayaa ah ciidamada ugu badan ee Faransiiska dibadda ka jooga, waana kan keliya ee aanay saamayn ku yeelan dhimista baaxadda taariikhiga ah leh ee loo qorsheeyay ciidamada Faransiiska ee qaaradda Afrika, ka dib dib-u-dhacyo isdaba joog ah oo Faransiiska ku qabsaday gobolka Saaxil sannadihii u dambeeyay. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa Sabtida u duuli doona magaalada Addis Ababa, halkaasi oo uu kula kulmi doono Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Waxay daah-furi doonaan Qasriga Qaranka oo ah dhisme taariikhi ah oo ahaa gurigii ugu dambeeyay ee ku noolaa Boqor Xayle Salaase-ha 1-aad, kaasi oo la afgambiyay 1974-kii. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Faransiiska iyo Jabuuti oo ka wada-hadlayaa Xaaladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maata ciidamada Xooggga dalka ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay kooxda. Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay aagga degmada Mahadaay, waxaana ciidamada ay ku beegsadeen goob ay isku aruursanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay in ay gaareen deegaano ay kamid yihiin Diinlaawe iyo Hurwaa oo galbeed ka xiga degmada Mahadaay, halkaas oo ay si dhuumaaleysi ah ku joogeen xubnaha Khawaarijta. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in wax iska hor imaad ah aysan la kulmin inta ay wadeen howlgallada ay ku gaareen deegaannadaas oo weeraro ay kasoo abaabuli jireen Al-Shabaab. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Mahadaay oo howlgallo ay kasii wadaan ciidamada dowladda. Shabeelaha Dhexe oo hoostaga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxaa weli guluf ka dhan ah Al-Shabaab ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.
  20. Sirdoonka Ruushka ayaa gacanta ku dhigay nin lagu magacaabo , Kurbonov Akhmajon oo ah 29 jir u dhashay dalka Uzbekistan, kaasoo ay ku sheegeen inuu ka qeybqaatay howlgalka lagu dilay sarkaalkii u sarreeyay militariga Ruushka qeybta kiimikada iyo ka hortagga shucaaca nukliyeerka ee Jen. Igor Kirillov oo dilkiisa loo adeegsaday walxaha qarxa oo lagu qarxiyay albaabka dhisme ku yaalla Moscow. Hay’adda FSB, oo ah hay’adda lagu beddelay KGB markii uu burburay suufiyeetkii , ayaa warbixinta ka soo baxday waxaa lagu sheegay ninka la qabtay inuu howlgalka ku qaatay Boqol kun oo dollar ($100,000) iyo baasaboor dal Yurub ah oo aan la magacaabin , balse waxaa la qabtay inta uusan baxsan, wallow aan la soo bandhigin sharraxaad intaa ka badan. Dilka sarkaalkan sare ee Ruushka oo dhacay Talaadadii , ayaa si dhaqso ah waxaa u sheegtay sirdoonka Ukraine oo ka hor inta aan dilkan la geysan 24 saac ka hor ku eedeyay inuu bixiyay amarka howlgallo loo adeegsaday hubka kiimikada oo ka dhacay gudaha dhulka Ukraine, iyagoo markaa ku sheegaya dambiila wajahaya cawaaqibka weerarrada uu ka geystay Ukraine. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Ruushka oo qabtay nin ku eedaysan dilkii Jeneraal Igor Kirillov appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa casho sharaf ku maamuusay aqoonyahannada, cilmi-baarayaasha iyo mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah Daraasaadka Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho. Shirkan oo markii ugu dambeysay la qabtay 35 sano ka hor ayaa sanadkan lagu soo bandhigay daraasaad muhiim ah oo ku saabsan dib-u-dhiska dowladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ka qeyb-galayaasha doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan horumarinta cilmi-baarista iyo xal-u-helidda caqabadaha jira, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo talooyinkii iyo daraasaadkii kasoo baxay shirkan, si loo xaqiijiyo horumar waara oo lagu gaari karo isku filnaansho bulsho iyo mid dhaqaale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka qeyb-galayaasha ku dhiirrigeliyey doorkooda iyo dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Dhibaatooyin ay sababtay cunaqabateynta ay dowladdu saartay Jubbaland ayaa ka taagan magaalada Kismaayo, waxaana suurtagal ah in caqabadahaas ayaa sababaan inuu is casilo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, sida ay saadaalinayaan xubno ka faallooda siyaasadda gobolka. Afar caqabadood oo culus ayey sababtay cunaqabateynta ay dowladda Soomaaliya saartay maamulka Jubbaland, kuwaas oo laga dareemay magaalada Kismaayo, wixii ka dambeeyey markii uu qarxay khilaafka maamulkaas kala dhexeeya dowladda federaalka. Dhibaatooyinka ka taagan Jubbaland oo salka ku haaya dhaqaale la’aan ka dhalatay cunaqabateynta dowladda federaalka ayaa saameeyey maamulka Jubbaland, shacabka ku nool magaalada Kismaayo iyo guud ahaan reer Jubbaland, hoggaamiyaha maamulkaas ayaa maalin kasta raadiya dhaqaale uu shaqada ku kala furdaamiyo. Afar dhinac oo dowladda federaalka ay cunaqabateyn ka saartay maamulka Jubbaland ayey dhibaatooyinkaan ka imaanayaan, waxaana la xaqiijiyey in si rasmi ah ay arrintaan u saameysay hoggaamiyaha maamulkaas, ilaha dhaqaale ee Axmed Madoobe laga daariyey ayaa kala ah: 1-Dhaqaalihii ka imaa jiray dowladda Federaalka, waa caqabadda 1-aad ee uu wajahay Axmed Madoobe, waxaa laga jartay lacag malaayiin doollar ah oo dowladda federaalka ay ku kabto sanad kasta miisaaniyadda dowlad goboleedyada. 2-Dhibaatada labaad waa qaadkii laga keeni jiray Kenya ee ka degi jiray Kismaayo, dowladda federaalka ayaa joojisay diyaaradihii qaadka ee tegi jiray maalin kasta Jubbaland, tallaabadaan ayaa si weyn u saameysay shacabka Kismaayo iyo magaalooyinka kale, sidoo kale Jubbaland ayaa kumanaan dollar oo dul-saar ah ka heli jirtay qaadka. 3-Shaqadii Dekedda Kismaayo ayaa xirmi rabta, waxaa saameeyey sicir bararka baahsan ee ku dhuftay Kismaayo iyo guud ahaan Jubbaland ee ka dhashay cunaqabateynta dowladda federaalka, halkaas Axmed Madoobe wuxuu ku waayey dhaqaale badan oo uga soo xaroo jiray. 4-Waxaa go’ay dhaqaalihii Jubbaland kasoo geli jiray duullimaadyada tooska ah ee ka deji jiray magaalada Kismaayo, arrintaan ayaa uga sii dartay sicir-bararka daran ee ka jira Jubbaland, waxaana go’ay dhaqaale badan oo Axmed Madoobe ka soo geli jiray duulimaadka tooska ah. Afartaan dhinac ee dhaqaaluhu kasoo geli jiray Jubbaland ayey dowladda federaalku la beegsatay cunaqabateyn adag, waxaana la sheegay in Axmed Madoobe uu maalin kasta raadiyo dhaqaale deyn ah oo shaqada socota uu ku kala wado, siyaasiyiinta qaar waxay saadaalinayaan in cunaqabateyntaan ay sababto in Axmed Madoobe is casilo.
  23. Calls to the United Nations Security Council to reinstate an arms embargo on Somalia are increasing. Mogadishu (PP Commentary) — For six days now, the discourse across television, radio, and social media has centred on the arms embargo, with calls to the United Nations Security Council to reinstate it in Somalia. The flow of illegal weapons has been rising, sparking widespread concern. Reports have surfaced of trucks carrying legal weapons ending up in civilian hands in Abudwaq, Galmudug. Yet, despite this alarming development, no one has been held accountable for the influx of illegal arms into the country. Even more troubling is the role of the Somali government, which is accused of enabling weapons to fall into the hands of clan militias. These militias, embroiled in frequent clashes, leave a trail of death and injury, often involving innocent civilians. Trust in the government’s ability to manage this crisis is virtually non-existent. The situation has deteriorated further with reports of arms making their way to Jubaland and even into Kenya following the surrender of Somali forces. Security experts have long argued that the Somali government lacks the capacity to control the weapons in its possession. This only strengthens the call for the United Nations to reimpose the embargo. The open arms markets in Mogadishu, the rising demand for weapons among civilians and clan militias and the persistent threat posed by Al-Shabaab serve as stark evidence of the gravity of the problem. Moreover, the Federal Government of Somalia stands accused of using the country’s armed forces for political purposes, such as deploying drones against Jubaland’s local forces—a practice widely deemed unacceptable. Concerns are growing that lifting the embargo would empower the Somali government to deploy heavy weaponry against regional administrations that resist its authority. The international community must take these warnings seriously, for the consequences of inaction could be dire. The calls for decisive intervention are not just urgent—they are a matter of ensuring stability and preventing further conflict in Somalia. © Puntland Post, 2024 The post Calls Mount for UN to Reinstate Arms Embargo on Somalia appeared first on Puntland Post.
  24. Stocholm (Caasimada Online) – Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nimco Bashiir Daa’uud oo 28 jir ah ayaa lagu dilay dalka Sweden, xilli ay ku sii jeedday gurigeeda, waxaana la sheegay in uu dilku ka dhacay meel kayn ah oo ku taalla xaafadda Märsta ee magaalada Stocholm. Saaxiibteed ay aad isugu dhawaayeen oo lagu magacaabo Saynab Xasan, ayaa sheegtay in ay maqashay qayladeedii ugu dambeysay, xilli ay qadka taleefanka kula hadleysay. “Waxay bilowday inay magacayga ku dhawaaqdo, kadibna ay qayliso”, ayey tiri Seynab oo ka warbixisay dilka saaxiibteed Nimco. Seynab ayaa intaas ku sii dartay, “Ma jirin wax cusub ama ku soo kordhay oo ay ii sheegeysay, sideennii caadiga ahayd ayaan axwaasha iskaga wareysaneynay, waxaan sidoo kale ka wada hadalnay xilligii aan is arki lahayn si aan uga sheekeysanno qorsheyaasheenna.” Seynab sidoo kale sheegtay in saaxiibadeed Nimco ay ka codsatay in aysan qaadin waddadaas, maadama ay tahay dhul kayn ah oo hadanna buur ah, waxay Nimco iigu jawaabtay “Wadadaan ayaa ii fudud oo xaafadda u dhow”. Waxay intaas ku sii dartay “intii aan la hadlaayey waxa aan maqlay buuq iyo qaylo aad u sareysay waxaan iri halow halow, kadibna shanqar oo dhan ayaan waayay oo Nimco wey aamustay.” Hibo Daa’uud oo ah walaasha ka yar Nimco, ayaa tiri “Ma ahayn walaashay oo keliya, waxay ahayd saaxiibtayda aan qoyska isugu dhownahay.” Booliska ayaa sheegay inay qabteen qof looga shakisan yahay dilka Nimco, Ninka loo xiray dilka Nimco ayaa la sheegay in uu yahay nin 38 jir ah.
  25. Somali Secondary School students going to the rural areas for the literacy campaign during 1970s. I participated in the Somali Studies International Association (SSIA) conference held in Mogadishu from December 15 to 18, 2024. The conference was hosted by Somali National University and the Federal Ministry of Education and Higher Education. During the event, I received a copy of the new book titled “Macallinkeen Allow Kaal,” authored by Dr. Abdinur Sheikh Mohamed, who is the former Minister of Education in Somalia. This timely and well-written book has revitalized my understanding of the history of education in Somalia, a journey I experienced as part of the living generation during the country’s educational revolution and literacy campaign. It has inspired me to reflect once more on my own educational journey, tracing the path that has shaped my life from Quranic school to the present day. A rare sight caught my attention when a plane took off from the airstrip in the Jiriban district, Mudug region of central Somalia. At the moment, I did not fully grasp the significance of that local flight. Later, I learned that my sick father, who had served as the first judge of the primary court in the district, was on board. He had been flown to Mogadishu for further treatment and was admitted to Digfer Hospital, which at that time was the state-of-the-art medical facility in the new republic. Unfortunately, he did not survive for long and passed away sometime in 1968. The hospital was constructed in the 1960th by Italian engineers. The name originates from the Italian construction company DigFer (Degola and Ferretti), which was later altered to Digfer or Digfeer. It played a significant historical role in Somalia’s capital. His death was announced on Radio Mogadishu. My mother and older brother rushed to the village to confirm the news, as we were living outside the village at that time. Being too young to grasp the situation, I remained unaware of the gravity of what had happened. Before his death, my father made a will stating that my two younger brothers and I, the sons of Asha Haji Mohamoud, would be taken care of by our older brother, Isak Haji Warsame. At that time, Isak was studying in Egypt, where he was training to become a senior judge, following in our father’s footsteps. He was in his final year at the prestigious University of Cairo and had planned to surprise our father by graduating at the top of his class. However, his sudden death dashed that hope. Upon his return to the country, he was appointed as the head of the Appeal Court in the North Western region, settling in Hargeisa. Once he got settled into his new role, he took three of us to Hargeisa, where I was enrolled in the Quranic school at Beerta-xorriyadda. This marked the beginning of my education, which was expected to last two years. During this time, we would learn not only the Quran but also Arabic and basic arithmetic. At that time, Somali was an unwritten language, and Arabic served as the medium of instruction for the first four years of primary school. My teacher, Sh. Hussein, was very fond of me because my brother was generous with him, paying more than the basic school fee. As a result, Sh. Hussein took special care to help me learn the Quran quickly and to achieve basic proficiency in Arabic. I quickly mastered reading and writing every Arabic phrase although I didn’t fully understand their meaning. My older brother, Isak, has taken on full responsibility for our family, and without his commitment to this role, I wouldn’t be where I am today. I am forever grateful for his generosity and dedication in filling the void left by our father, often at his own expense and comfort. During my childhood, I didn’t feel the absence of my father and it was only later, during my adolescence, that I began to notice my friends with their fathers hand-in-hand at public gatherings and in marketplaces. Without our father’s wishes and Isak’s unwavering support, we wouldn’t have survived for long. After completing the standard two years at the Quranic school, I was enrolled at Sh. Bashir Primary School sometime in 1972. My brother and my teacher, Sh. Hussein were both present on the enrollment day. We gathered in a circle in the main open area of the school, and one by one, we were called to the examination room accompanied by two policemen. Upon entering the room, I noticed three examiners present. I was asked to read a surah from the Quran and write down several Arabic words. After completing these tasks, I was pleased to learn that I had passed the entry exam. It was truly my day. I was soon furnished with a new dress and some books. The curriculum was based on the Arabic language and we started with a book called “ Nahnu-naqra’u”. I was very good at reading Arabic and even understood basic sentences. In those days, Hargeisa, the country’s second-largest city, was a vibrant metropolitan hub with bustling commercial areas, public facilities, playgrounds, basic social services, and the best weather year-round. One aspect that stood out was that my brother Isak was not fond of chewing Qat (Khat). After finishing his daily work at the court, he would head home instead of participating in the local social scene. He was also well-known for his integrity, which was a refreshing quality among local civil servants at that time. This strong moral character can be attributed to his upbringing in the household of a grand sheikh, jurist, and public servant—truly a case of “like father, like son.” My brother Isak, a fluent Arabic speaker, used to take me to the cultural centre of the United Arab Republic of Egypt in Hargeisa. They showcased black-and-white Arabic-speaking Egyptian movies every Wednesday or Thursday. Although I couldn’t fully understand the dialogue, I enjoyed following the stories. He also used to bring home several Arabic newspapers that he used to receive regularly which in turn I would read after him even though I rarely understood or grasped the content. Soon after, we received the news that the Somali language would be introduced into the education system as our medium of instruction. The proposed Latin alphabet was new and strange to us. A Land Rover station wagon equipped with powerful speakers, owned by the Ministry of Information, would drive around the city broadcasting the newly developed alphabet. We would run after the vehicle, repeating the same letters: B, T, J, X, and so on, joining in a kind of fanfare that featured a well-known song: “Waa Illaah mahadiyee, Ii keen abwaanka, Aan ka barano, Af-Soomaaliyeed, B, T, J, X, KH …..” “Praise be to God, Bring us the poet, So we can learn, The Somali language, B, T, J, X, KH …..” The youth in the city started to chase after the car which was continuously broadcasting the same letters of the alphabet, day and night. As a result, we quickly memorized the letters, even before they were officially taught in school. The excitement of learning to write the Somali language using the Latin alphabet became the norm. Consequently, new textbooks for primary schools were developed and distributed during the 1972-1973 academic year. In March 1974, a literacy campaign was launched to promote reading and writing in rural areas. This time, we approached the challenge of rural illiteracy with great intensity, making it essential to eliminate it in these communities. Young students, like myself, were given a year off from school to allow older students to fully engage in the campaign. Before the campaign began, only 5% of the population could read and write. However, after the mass literacy campaign—both urban and rural—over 60% of people became literate in their native language. Although we enjoyed our time away from school, we did not understand the significant impact of this mass campaign. The education was made free and accessible. At that time, Somalia was seen as a promising land and that was not far from reality. That history of education in Somalia has had a lasting impact on me. Ever since I attended my first class in Sh. Bashir Primary School, I have struggled to overcome the consequences of the systemic destruction of the country’s educational system, which was carried out by those who were supposed to protect it. Somalia has not only lost its educational institutions, ranging from primary schools to tertiary education but also the rich history of education that spanned over 100 years, including the periods before independence. It is crucial for the younger generation to be properly informed about this trajectory so that they can understand its costs and consequences, and avoid repeating the painful chapters of our history. The book “Macallinkeen Allow Kaal” by Dr. Abdinur Sh. Mohamed provides a timely historical perspective on that period. It serves as a reminder of the successful initiatives such as the mass education campaign, the focus on literacy, and the provision of free education for all. It also highlights the challenges and mistakes following the civil war and the re-establishment of the third republic, offering insights to prevent repeating those mistakes. The post LESSONS FROM CHILDHOOD IN THE HISTORY OF EDUCATION IN SOMALIA: A PERSONAL PERSPECTIVE appeared first on Puntland Post.