Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,102
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa soo bandhigtay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuna eedeysan dil ka dhacay magaalada Muqdisho. NISA ayaa shaaca ka qaaday in lasoo xiray Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali , kuwaas oo loo haysto inay saddex nin oo ganacsato ahaa dhowaan ay ku dileen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir. Hay’adda ayaa sheegtay in raggaan lagu soo qabtay howlgal ka dhacay Muqdisho oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka, waxayna intaasi ku dartay in cadaaladda la horgeyn doono. Sidoo kale NISA ayaa xustay in lagu raad-joogo nin kale oo baxsad ah, qaybna ka ahaa dilka loo gaystay ganacsatada. Warsaxaafadeedka ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in NISA ay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo ciribtiro. Horay ayaa sidaan oo kale ayaa gacanta loogu soo dhigay eedeysanayaal loo haysto inay dileen ganacsato xirtay Kaamirooyinka CCTV oo ay ku amartay dowladda Soomaaliya. Ganacsatada ayaa dhibanayaal u noqday amarkaas, waxayna beegsi kala kulmeen kooxda Al-Shabaab oo dil ku bilowday, sidoo kalena qarxisay goobo ganacsi oo ku yaal caasimada. The post NISA oo gacanta ku dhigtay raggii ka dambeeyay dilka ganacsatada + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  2. Doorashada madaxtooyada Somaliland ee maanta, 13-ka Nofeembar 2024, ayaa weli si nabad ah uga socota guud ahaan gobollada Somaliland, iyadoo aan la soo sheegin wax dhibaato ah oo ka dhacay goobaha codbixinta. Inkastoo qorraxdu aad u kulushahay, haddana shacabka ayaa weli ku jira safaf dhaadheer si ay codkooda u dhiibtaan, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay ka qaybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Madaxweynaha xilka haya, Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, ayaa raadinaya muddo xileedkiisii labaad. Musharraxiinta kale ee tartamaya waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo hogaamiya xisbiga Waddani, iyo Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga UCID. Labada musharrax ee mucaaradka ah ayaa ballanqaaday isbeddelo siyaasadeed iyo horumarinta adeegyada bulshada haddii la doorto. In ka badan hal milyan oo qof ayaa la filayaa inay codkooda ka dhiibtaan in ka badan 2,000 oo goobood oo codbixin ah, iyadoo ay goob-joog ka yihiin 28 goobjooge caalami ah. Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi ayaa oo goor dhow hadlay markii uu codkiisa dhiibtay ayaa sheegay inuu aqbali doono natiijada doorashada, isla markaana uu si nabad ah xilka u wareejin doono haddii laga guuleysto. Ilaa iyo hadda, ma jiraan warar sheegaya rabshado ama khalalaase ka dhacay goobaha codbixinta, waxaana doorashadu u socotaa si habsami leh. Doorashadan ayaa sidoo kale muhiim u ah dadaallada Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah, gaar ahaan iyadoo ay jiraan heshiisyo dhowaan la galay, sida midka lala saxiixday. Waxaa la filayaa in natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada lagu dhawaaqo maalmaha soo socda, iyadoo shacabka iyo beesha caalamkaba ay si dhow ula socdaan habsami u socodka iyo hufnaanta geeddi-socodka doorashada. Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa taagan dood xoogan oo ka dhalatay tallaabada lagu beegsaday Facebook-yada dad mucaarad ah oo kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya, ayna ku jiraan Wariyeyaal caan ah, kuwaas oo hal mar hawada laga wada saaray. Dadka laga xiray boggaga ayaa isugu jiro siyaasiyiin iyo wariyeyaal caan ah oo aad u dhaliili jiray dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheeh Maxamuud. Arrintan ayaa dhalisay walaac xoogan iyo in eedeymo loo jeediyay dowladda dhexe oo la xiriira ciwaannada shaqsiyaadkaas ee hawada laga saaray. Wasaaradda warfaafinta Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in arrintan ay ka dambeyso Villa Soomaaliya, isa markaana si gaar ah loogu beegsanayo dadka kasoo horjeedo dowladda, si loogu caburiyo fikirkooda gaarka ah. “Waxaa mas’uuliyad darro iyo xad-gudub ah in la isku dayo in la afqabto aragtiyaha toosinta iyo tilmaamaha ah ee ka imaanaya bulshadda Soomaaliyeed loona adeegsanaayo qolooyin burcad Internet-ka oo si gaar ah u beegsanaya mas’uuliyiinta iyo shacabka ka soo hor jeeda aragtida Siyaasadeed ee kali-talisninadda ah ee uu dalka u horseedaayo Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud taasoo muujineysa dul qaad la’aanta Xasan Sheekh Maxamuud ee aragti iyo maqal kasta oo ka duwan aragtidiisa” ayaa lagu yiri qoraalka. Intaas kadib waxaa hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo beeniyay in dowladda ay beegsatay Facebook-yada dadka mucaaradka ku a madaxda sare ee dalka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka ay ka shaqeyso horumarinta xorriyatul qowlka, isla markaana ay qawaaniin ku dhisan tahay. “Waxaas waxba kama jiraan, waa war iska raqiis ah dowladda Soomaaliyeed waxa ay ka shaqeysaa waa inay xorriyatul qowlku hormariso, waana dowlad qawaaniin ku dhisan” ayuu yiri wasii ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya. Haddii ay dowladda federaalka Soomaaliya iska fogeysay arrintan ayaa haddane waxaa la’is weydiinayaa cidda ka dambeysa weerarka lagu qaaday Facebook-yada hawada ka baxay. The post Maxaa ka jira in DF ay xirtay Facebook-yada suxufiyiin iyo siyaasiyiin caan ah? appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Car xooggan iyo falcelin ayaa ka dhalatay dhibaato xalay Muqdisho loogu gaystay dhalinyaro kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ku maalinta aas-aaska calankooda u dabaal-dagayay, kadib markii ay weerareen ciidamo hubeysan. Falkan oo ka dhacay agagaarka isgoyska KMG ayaa sababay waxyeelo soo gaartay qaar kamid ah dhalinyarada isku soo banaan-baxay, oo ay ka cariyeen ciidanka ammaanka. Arrintan ayaa dhalisay walaac xoogan, waxaana xildhibaan Maxamed Abuukar oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed uu yiri “”Reer Koonfur Galbeed haday cyaar u imaadeena waa la dhibaateeyey haday calankooda u dabaal degaana waa ka dhibaateeyey lama ogalaanayo qofkii dhacdadan ka dambeeyeyna waan la xisaabtamaynaa”. Sidoo kale waxaa kiiskan ka hadlay Xisbiga Himilo Qara ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Axmed oo si weyn u cambaareeyay xadgudub uu sheegay in loo gaystay dhalinyaradaasi. “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si adag u cambaaraynaayaa dhibaatada caawa loo geystey dhallinyarada reer KGS ee iyagoo si nabad ah ugu dabaal degaayey ciidanka loo adeegsadey halkaasna ay dhaawacyo iyo dhibaato kasoo gaartay” ayaa lau yiri qoraalka. Sidoo kale Xisbiga ayaa tilmaamay in si gaar ah loo beegsaday dhalinyarada Koonfur Galbeed, taasina ay tahaya wax laga xumaado, maadaama munaasabada noocaan kale ah ay dadka kasoo jeeda maamullada kale ay ku qabsadaan gudaha caasimada. Himilo Qaran ayaa sidoo kale ku baaqay in lasoo qabto askarii ka dambeysay dacaddigaaas, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. “Waa wax laga xumaado in si gooni ah loo beegsado dhalinyaro aan wax dambi sameynin.Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa laamaha ammaanka inay tallaabo deg-deg ah ka qaadaan ciidanka ku xad-gudbay muwaadiniin si nabad u damaashaadayay” ayaa lasii raaciyay. Koonfur Galbeed ayaa marar badan ka cabatay dhibaato loogu gaystay gudaha caasimada, waxaana la xasuustaa weerarkii lagu beegsaday ciyaartoydooda, xilli uu u socday tartanka ciyaaraha mamul goboleedyada, kaas oo sababay inay gabi ahaan ka baxaan tartankaasi. The post Caro ka dhalatay dhalinyaro kasoo jeedo KGS oo lagu dhibaateeyay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  5. With over 1 million voters, the election takes place amid ongoing regional tensions between Somalia and Ethiopia over a Somaliland Red Sea access deal. Source: Hiiraan Online
  6. Labo nin oo Soomaali ah oo dacwad oogayaasha mareykanki ay ku eedeeyeen burcadbadeed ayaa lagu xukumay 30 sano oo xarig ah, ka dib markii lagu oogay dacwad ah in sanadkii 2012-kii ay afduubteen wariye Mareykan ah oo muddo laba sano ah afduub loo haystay. Cabdi Yuusuf Xasan iyo Maxamed Tahliil Maxamed – oo xilal ka soo qabtay dowladda Soomaaliya ayaa loo haystaa afduubkii wariye Michael Scott Moore, sida uu sheegay Damian Williams, oo ah qareenka Mareykanka ee degmada Koonfurta New York. Moore ayaa ku sugnaa Soomaaliya, isagoo baarayay, warbixinnino ka diyaarinayay falalka burcadbadeedka, balse waxaa afduubtay rag hubaysan oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday sanadkii 2012-kii, sida ay sheegeen saraakiishu, waxaana la haystay muddo 977 maalmood ah, waxaa’se markii dembe lagu sii daayay lacag 1.6 milyan oo dollar ah. Labada eedeysane midkood oo lagu magacaabo maxamed Tahliil Maxamed ayaa la sheegay inuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya, dhanka kalen uu ahaa madaxa amniga iyo hubka ee burcad badeeda, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka. Wariye Moore ayaa la sii daayay bishii Sebtembar 2014, Waxa uuna sheegay in qoyskiisa ay u ururiyeen $1.6 milyan si loo sii daayo,ayadoo mudadii uu xirnaa la sheegay in jirdil iyo dhibaatooyin kale loo gaystay. Source: goobjoog.com
  7. Senior commanders of the Uganda Peoples' Defence Forces (UPDF) have gathered at the International Peace Support Operations Training Centre (IPSO-TC) in Singo to discuss key insights and strategic improvements for the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa loo dhigay gaari Cabdi Bile oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya, xilli uu marayay agagaarka Xero Bangalo oo ku taalla laamiga dheer ee degmada Dayniile. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay illaa 3 askari, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo kamid ah ciidamada la socday baabuurka la qarxiyay. Sidoo kale waxaa saacado kadib goobta gaaray ciidamo kale oo gurmad ah oo maydadka iyo dhaawacyada kasoo qaaday halkaasi, waxayna sameeyeen howlgallo kooban, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Mas’uuliyadda qaraxan waxaa durbo sheegatay kooxda Al-Shabaab oo inta badan weerarada noocaan oo kale ah ka fuliso gudaha caasimada. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi waxyeelada kasoo gaartay ciidamada dowladda. Dayniile ayaa waxaa horay sidaan oo kale weeraro qaraxyo ah uga fulisay kooxda Al-Shabaab, kawaas oo badi lala eegtay ciidamo ku sugnaa gudaha degmadaasi. Maalmihii lasoo dhaafay ammaanka Muqdisho ayaa ahaa mid deggan, waxaana howlgallo guuleystay oo amni xaqiijin ah ka waday qaybaha kala duwan ee ciidamada dowladda. The post Xog cusub oo laga helay qarax ka dhacay Dayniile appeared first on Caasimada Online.
  9. Mogadishu (HOL) — A landmine explosion killed at least three Somali government soldiers in Mogadishu’s Deyniile district on Tuesday night, according to military sources. Source: Hiiraan Online
  10. Ugu yaraan 15 maxbuus ayaa ku dhintay 14 kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad ka dhacay xabsiga ku yaalla dalka Ecuador , sida ay sheegtay waaxda xabsiga ee dawladdu. ” xaafad ku taal xerada ciidanka Asluubta, waxaa laga soo sheegay shilal halis ah oo dhex maray maxaabiista, taasoo keentay dhimashada horudhac ah oo ah 15 dhimasho ah iyo 14 dhaawac ah,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidanka Asluubta. Muuqaallo laga soo duubay goobta oo ay baahisay wakaalada AFP ayaa muujinaya tiro Maxaabiis ah oo meydadkoodu dhulka daadsanyihiin. Dalkan ku yaalla koonfurta amerika ayaa waxaa ku badan rabshada ay ku lugleeyihiin kooxaha maan-dooriyaha ka ganacsada, waxaana xabsiyada dalkaas ka dhaca iska hor imaadyo u dhexeeya maxaabiista, waxaanana taniyo sanadkii 2021-kii xabsiyada dalkaas ku dhintay in ka badan 460 maxbuus sida laga soo xigtay ciidanka Asluubta. Source: goobjoog.com
  11. Xukuumadda Puntland ayaa ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka danbaysay weerarro lagu qaaday bogaga baraha bulshada madaxda Puntland, kuwaasi oo hawada laga saaray. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland ayay ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka danbaysay weerar dhinaca baraha bulshada ah oo lagu qaaday siyaasiyiinta ka aragti duwan Villa Somalia, si loo aamusiyo ra’yigooda. Puntland waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya adeegsanayso burcad dhinaca Internet-ka oo beegsanaya mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta ka horjeeda siyaasadda uu dalka ku hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ku eedaysay in uu keligii-taliye yahay. Waxay sidoo kale ku eedaysay madaxweyne Xasan Sheekh dulqaad la’aan iyo in uusan u adkaysan karin siyaasiyiinta ka ra’yi duwan, waxaana ay si adag u cambaareysay isku day kasta oo lagu camburinayo siyaasiyiinta iyo warbaahinta ka aragti duwan Villa Somalia. Hadalkan ayaa imaanaya xilli hawada laga saaray bogagii Facebook ee madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland, islamarkaana ay weli hawada ka maqan yihiin. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Bogagii Facebook ee Deni iyo Lugatoor oo hawada laga saaray iyo Puntland oo ku eedaysay Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  12. Ugu yaraan 35 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 43 kalana ay dhaawacmeen, kaddib markii nin 62 jir ah uu baabuur uu watay jiirsiiyay dad badan oo hor dhoobnaa goob lagu dheelo ciyaaraha kala duwan oo ku taalla magaalada Zhuhai ee koofurta Shiinaha. Booliska ayaa sheegay in ninkani oo ay magaciisa kusoo koobeen Van uu si xowli ah ku soo galay goob ay dad badan ku jimicsanayeen. Boolisku waxay sheegeen in ninkani la qabtay ka hor inta uusan goobta ka baxsan. Waxay kaloo sheegeen in eedeysanaha uu hadda koomo ku jiro laguna daweynayo isbitaalka, kaddib marki ay dhaawacyo kasoo gaareen qoorta iyo qeybo kale oo ka mid ah jirkiisa. Baaritaan horudhac ah ayaa muujiyay in ninka weerarka geystay uu ka xumaa qeybta kasoo gaartay hanti uu lahaa oo loo kala qeybiyay isaga iyo xaas uu furay. Source: goobjoog.com
  13. Shacabka Somaliland ayaa saaka u dareeray doorashadii madaxtooyada iyo ururada oo ay ku dooranayaan madaxweynaha shanta sanno ee soo socota iyo saddexda xisbi ee Somaliland yeelanayso. Doorashada Madaxtooyada waxaa ku tartamaya saddex musharrax oo kala ah; madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi, musharrax xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo musharrax xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe. Madaxweyne Biixi oo kulmiye iyo Musharraxa xisbiga Waddani ee Cabdiraxmaan Cirro ayaa loolanka ugu adag dhexmarayaa; iyada oo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo markii afraad tartamaya ay markaan dadku su’aal gelinayaan soo-bixista xisbigiisa UCID, maadaama uu wajahayo tartanka todoba urur oo xisbiyo doonaya. Madaxweynaha mar kale sharraxan ee Muuse Biixi oo la weydiiyay su’aal ku saabsan in uu natiijada aqbalayo haddii doorashada lagaga guulaysto ayaa yiri”Go’aanka uu soo saaro Komishanku waan ku gawracannahay.” PUNTLAND POST The post Shacabka Somaliland oo saaka u dareeray doorashada madaxtooyada iyo tan ururrada appeared first on Puntland Post.
  14. Hargeisa (HOL) — Over one million voters in the self-declared Somaliland region headed to the polls early Wednesday for for presidential and parliamentary elections, drawing attention from local and international stakeholders. Source: Hiiraan Online
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in saaka dadweynaha ku dhaqan deegaannada maamulkaasi ay u dareereen goobaha cod-bixinta doorashada ee maamulkaasi, taas oo ah mid xasaasi ah oo loolan adag loogu jiro. Sawirro laga soo qaaday Hargeysa iyo deegaannada kale ee Somaliland ayaa la arkayaa shacab fara badan oo safaf dhaadheer ugu jiro inay codkooda dhiibtaan, si ay usoo doortaan madaxweynaha ee cusub ee Somaliland. Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya saddexda Xisbi ee kal ah Kulmiye, Wadani iyo UCID, waxaana u kala sharraxan Muuse Biixi, Cabdiraxaam Cirro iyo Faysal Cali Waraabe. Madaxweynaha hadda talada haya Muuse Biixi Cabdi oo goordhoweyd dhiibtay codkiisa ayaa ballan qaaday inuu aqbali natiijada doorashada, haddii xittaa looga guuleysto. Dhankiisa musharraxa Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo aad ula loolamayo Muuse Biixi ayaa ku baaqay in la aqbalo natiijada doorashada, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu isaga ku guuleysan doono xilka madaxweynaha ee maamulka Somalilad. Faysal Cali Waraabe oo isna hoggaamiyo xisbiga UCID ayaa shalay khudbaddii ugu dambeysay jeediyay, wuxuuna isna muujiyay ifafaalo ah inuu noqonayo madaxweynaha cusub, laakiin wax kasta waxay ku xiran yihiin natiijada iyo cidda ay doortaan shacabka. Dhinaca kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana gebi ahaan bandow lagu soo rogay magaalooyinka waa weyn oo lagu soo daadiyay ciidan sugaya amniga doorashada. Somaliland waa maamulka kaliya ee qabta doorasho qof iyo cod ah, isla markaana shacabka ay soo doortaan hoggaankooda, taas oo aad loogu boggaadiyo Somaliland. The post SHACABKA Somaliland oo u dareeray goobaha cod-bixinta + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  16. Kenya is confident the negotiations on the Strategic Trade and Investment Partnership (STIP) will continue to fruition despite change of leadership at the White House following the just concluded US elections. Source: Hiiraan Online
  17. Kenya Airways, the East African nation’s airline, recently launched an initiative focused on turning plastic waste into diesel as a means of generating cheaper fuel while addressing pollution. VOA’s Victoria Amunga has more from Nairobi. Source: Hiiraan Online
  18. Minister of Foreign Affairs and Immigration Badr Abdel Aty, and his Somalian counterpart Ahmed Moalem Feki discussed Monday the progress rate of the implementation of the outcomes of the bilateral summit as well as the trilateral one with Eriteria, which were both held on October 10 in Asmara. Source: Hiiraan Online
  19. Abdi Yusuf Hassan and Mohamed Tahlil Mohamed were "key players" in pirates' abduction of Michael Scott Moore, who was held hostage for more than two years, officials said. Source: Hiiraan Online
  20. An agreement between Germany and Somalia announced last week is receiving mixed responses. Similar deals to send migrants back have proved difficult and ineffective, says a researcher. Source: Hiiraan Online
  21. Dadweynaha soomaaliland ayaa safaf dheer dheer ugu jira codbixinta doorashada maanta ka dhacaysa deegaanada maamulkaas, taas oo ay ku dooranayaan hoggaamiyaha 5-ta sanoo soo socata caynaanka u hayn doona. Dad aad u tira badan ayaa tuban goobaha codbixinta loo asteeyay ee ku yaalla magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliland, waxayna bulshadu kala dooranayaan seddax siyaasi oo 7 sano ka hor ay midkood u codeeyeen. Hoggaamiyaha hadda talada haya ayaa mar kale u xusul-duubaya sidii dib loogu dooran lahaa, asagoo sheegay inuu Soomaaliland ka dhigi doono mid aan horay loo arag, loona maqal oo aad u hormarsan. Sidoo kale Cabdiraxmaan cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo ka kala socda Xisbiyada waddani iyo ucud ayaa ballan-qaaday inay waxqabad wax ku ool ah samayn doonaan haddii hoggaaminta lagu aamino. Doorashadan oo ay dowladda Soomaaliya bogaadisay ayaa tii 2017-kii kaga duwan in deegaanada Khaatumo aanay haatan xisaabta ku jirin, lagana codayn doonin. Source: goobjoog.com
  22. Jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa muddo dheer ahaa mid jaahwareersan oo cakiran. Saddex xilli ayaa la dhihi karaa waxay ahaayeen kuwii ugu muhimsanaa ee dalka soo mara kadib qaran jabkii dhacay 1991. 1- Soomaaliya oo ka maqneyd fagaarayaasha dowladnimada ee caalamka muddo 10 sanno ah, ayaa la isugu keenay shirkii Carta ee laga ilaaliyey kooxaha hubeysan iyo kuwa awoodda leh, waxaana Carta lagu soo dhisey Dowladdii u horreysey taas oo gudaha dalka ka shaqeyn weydey. 2- Xilliga labaad ee muhimka ah ayaa ahaa dhismihii Dowaldda Federaalka ee hadda taas oo awoodda wax laga siiyey hoggaamiye kooxeedyadii hubeysanaa, kuwaas oo aqoonyarida ka haysa dowladnimada iyo xaaranta ay ku naaxeen u geeysey in ay ka horyimaadaan dowladdii ay ka tirsanaayeen oo ay wasiirada ka ahaayeen, waxaa hoggaamiyaashaas afka ciida u daray Maxaakiimtii Islaamiga ahayd sannadkii 2006, waxaana ay ku kalifeen in ay Baydhabo iska dhiibaan oo ay u tagaan Dowladdii ay mucaaradka ku ahaayeen iyaga oo wasiiro ah. Dowalddii u Madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yusuf (aun) waxay awood u isticmaashey maxaakiimtii waxayna dowaldnimada geysey ilaa Villa Somalia, kadib markii uu arkey Madaxeyne Yusuf inuusan sii wadi karin shaqada iyo caqabadaha jira waxa uu si iskiis ah u banneeyey xafiiska waxaana uu is-casiley dhamaadkii 2008. 3- Xilliga saddexaad ayaa ahaa 2011 iyo heshiiskii “Kampala Accord” ee horseedey in muddo sannad ah lagu dhamaystiro dastuurkii qabyada ahaa, dalkana kumeel-gaar looga saaro, in doorashooyinka dalka gudihiisa lagu qabto waxaa si weyn uga faa’ideystey kooxihii qunyar socodka islaamiyiinta ahaa oo horey ugu mashquulsanaa waxbarashada. Xasan Sheekh Maxamuud oo aan laga aqoon fagaarayaasha siyaasadda ayaa sameystey Xisbi uu ugu magacdaray Nabadda iyo Horumarka (PDP), waxaana dhaq-dhaqaqiisi ololaha doorashada si weyn uga dhex muuqan jirey Xamza Cabdi Barre oo waagaas loogu yeeri jirey Xamza Cabdi Aar. Doorashadii Xassan Sheekh Maxamuud ee hore 2012, Xamza Cabdi Barre wax fursad xil uu ku qaban karo kama helin, si lamid ah kaadiriintii Xisbiga iyo bahda waxbarashada ay ka soo wadajeedeen ee Xisbiga PDP ka tirsaneyd, waxayna taasi ku noqotey Xamza filan waa in Xasan Sheekh albaabada ka xirto, taasi waxay keentey in uu u wareego dhanka Jubaland oo uu ka soo jeeday, mar danbe waxa uu xil la-taliye ka helay Wasaaradda caddaaladda iyo dastuurka ka hor inta aan Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ugu yeerin in uu noqdo Guddoomyaha Guddiga Doorashooyinka ee Jubaland oo xilligaas si weyn la isugu khilaafsanaa. Xamza waxa uu hoggaamiyey guddigii keenay in dib loo doorto Axmed Madoobe 2019 oo Dowladdii Farmaajo aad uga soo horjeedey waxaana uu la yimid hab cusub oo odoyaasha dhaqanka xujo ku noqotey, “Saddex Xildhibaan ii keen, midkii aan rabno annaga ayaa la baxayna”. Bilowgii waayaha siyaasaddeed ee Xamza Cabdi Xamza Cabdi Barre sida aan sheegney ma ahayn qof laga yaqaan saaxadda siyaasadda Soomaaliya marka laga reebo in uu kamid ahaa ololihii doorashada ee xisbigii PDP kadib markii dib loo raacey taariikhdiisa. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ogsoon dedaalkii Xamza Cabdi ee dib-u-doorashadiisi 2019 ayaa siiyey Xildhibaanka jifidiisa hoose Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda 2022-2026, ka mid noqoshadiisa Golaha Shacabka ma muuqan jihada siyaasadeed ee Xamza inkasta oo la ogaa in uu ka soo baxay madarisada Damul-jadiid. Mudane Xamza Cabdi Barre, ololihii dib-u-doorashada Xasan Sheekh Maxamuud 2022 ma ahayn xubin fir-fircoon oo ka dhex-muuqata, kama mid noqon kaadiriinta Xisbigii UPD ee beddalay PDP, sidoo kale kama mid ahayn xildhibaanada bareerahooda bannaanka keenay ee garbaha ka taagnaa Xasan Sheekh Maxamuud. Kadib guushii Xassan Sheekh ee May 2022 oo meesha laga saarey Madaxweyne ka soo jeeda beesha Daarood, waxaa la isku raacsanaa in Dowladda lagu qaybsadey 4.5, Ra’iisul Wasaaraha waxaa la hubey in uu ka imaanayo Beesha Daarood, waxaana looga fadhiyey qofka xilkaas qaadanaya in uu saamigiisa ka qayb-qaadashada geedi socodka dowladnimadaa la yimaado oo ay dowladda wax ka dhisaan oo garbaha ka istaagaan, si kale haddaan u dhigno in uu helo taageerada beesha Darood. 15 June 2022 waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu garabkiisa taagan yahay Xamza Cabdi Barre u magacaabey ra’iisul wasaare, waxay ahayd markii u horeysey ee Ra’isul Wasaare ka soo jeeda beesha Absame ee ka tirsan beelaha Daaroodka la magacaabo tan iyo markii Dowladda Soomaaliya dib loogu dhisay magaalada Carta sanadkii 2000, waxaana uu noqdey Raysalwasaarihii 11aad ee Dowladda Federaalka. Xamza Cabdi Barre ma ahayn nin meel dheer laga keenay, waxa uu ka mid ahaa dadka aadka ugu dhaw Madaxwaynaha xilka u magacaabey, marka laga yimaado khibrad yaridiisa dowladnimo iyo fikirka uu ka haystey ee ahayd in uu siyaasadda ugu jiro “Cibaadeysi” uu Jannada ku gelaayo, sida isagu sheegay waxa loo keensadey xafiiska waxay ahayd “sabab” taas oo ahayd in hoos loo dhigo awoodda dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha oo uu noqdo maqaar-saar. Xamza waxa uu noqdey Raysal Wasaarihii saxiixey in xilka uu hayo meesha ka baxo, awooda dalka oo dhan uu yeesho Madaxweynuhu. Dowladnimadu waa aragtiyo is-diidan in la is-fahamsiiyo oo lagu wada shaqeyn karo. Aragti kala duwan miiska la soo saari karo, haddii gurigaaga inta qof ee kugula nooleyd oo sheekada wadaagteen aad dowladnimada ku soo koobto waxaa lumaya tiir weyn oo Dowladnimada ah, Madaxweynaha la doortey Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu doorbidey in aragti kale oo ka duwan tiisa aysan miiska siyaasadda imaan, waxaana uu noqdey qof meel kasta oo shaqada dowladda ah ka muuqda lana wareegay shaqooyin badan oo golaha xukuumaddu iska lahayd. Shaqooyinka ugu muhimsan ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah hagidda iyo isku-dubaridka shaqooyinka dowladnimada, isku haynta dalka midnimadiisa, kobcinta dhaqaalaha iyo jiheynta arrimaha siyaasadda, mudadii uu xilka hayey Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre dowladiisu waxay ku faantaa in ay gaartey guulo la taaban karo, sidoo kale waxaa taas barbar socdey in ay ku fashilantey wax badan oo muhimad u lahaa dowladnimada koreysa ee dalka. Dowladda uu Raysalwasaaraha ka yahay Mudane Xamza Barre ayaa noqotey midii ugu musuqa badneyd ee abid dalka soo marta, taas oo aan dhaca hantida dowladda laga xishoon marka la eego ku tumshada sharciga, iibsiga dhulka dowladda Soomaaliyeed leedahay, bixinta qandaraasyada, iyo sida loo boobayo hantida dowladda. Muddadii uu xafiiska joogey waxaa maamulkiisu uu ku calaamadeysan yahay in dastuurkii lagu heshiiyey oo la isla oggolaa la beddeley, iyada oo nidaamkii awood qaybsiga meesha laga saarey oo laga dhigay Madaxtooyo sida in dalku yeesho Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare awood lahayn oo Madaxweynuhu cayrin karo markuu doono, waxaa laga guuray nidaamkii Baaralmaaniga ahaa ee heshiiska lagu ahaa, iyada oo aan la isla oggoleyn. Marka laga yimaado guulaha siyaasadeed sida deyn cafinta, qaadista cunno-qabateynta hubka iyo xubin ka noqoshada Bulshada Bariga Afrika, Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxa uu miiska siyaasadda ku soo celin waayey Puntland oo uu siyaasadda ku metelo marka la tixraaco nidaamka hab-qeybsiga beelaha, Puntland waxay ka hor timid sida Madaxweyne Xassan Sheekh dalka ku hoggaaminaayo, Xamza waxa uu hormuud ka noqday in Puntland laga joojiyo mashaariicdii hormarineed ee beesha caalamku Soomaaliya ugu deeqday oo la siyaasadeeyay, Mudane Xamza Cabdi marna xiriir wanaagsan lama yeelan Dowlad goboleedyada dalka ka jira. Booqashadii uu ku tegay Baydhabo waxay ahayd mid gadaal ka timid, bishii September 2024 kadib markii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Laftagareen diidey in uu ka soo qayb-galo shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, Ra’iisul wasaare Xamza waxa uu kala soo noqdey Baydhabo gacmo madhan, taas oo muujisey inta ay gaarsiisan tahay awoodiisa siyaasadeed ee dalka. Ugu danbeyn Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi wuxuu lumiyey taageeradii dowladd goboleedka Jubaland ee uu ka soo jeedo oo ahayd halkii uu dowladda ka soo galay isaga oo xildhibaan ah, waxaa ka hor yimid Xildhibaanadii ugu badnaa ee ka soo jeeda beeshiisa. Dadka fallanqeeya arrimahan ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Xamza uu waayey kalsoonida beesha uu ka soo jeedo oo uu habqaybsiga siyaasada ku metalaayey kuna qancin kari waayey taageerada dowladda. Mudane Xamza wax taageero ah waa u soo jiidi waayey Xukuumadda uu hoggaamiyo, waxaana ay ku soo ururtay Muqdisho oo keliya. Kala qaybsanaanta dalku waxay gaartey heerkii ugu xumaa marka loo bar-bar-dhigo dowladdii tan ka horreysey oo arrimaha la isku hayo iyo kuwa la isla-oggol yahay ay badnaayeen inta la isla-oggol yahay, maadaama asaaskii heshiiska nidaamka federaalka hadda la isku khilaafsan yahay oo dastuurkii laga beddalay qodobo asaas u ahaa nidaamka federaalka iyo wax qaybisaga, taas oo sharciga baal marsan. Xamza ma is-casili doonaa? Mar haddii siyaasadda Soomaaliya ay noqotay mid mugdi sii galaysa, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxa uu wajahayaa su’aalo badan oo jira: “Ma samatabixin karaa mustaqbalkiisa siyaasadeed?, mise maalmihiisi xafiiska ayaa la tirinayaa? Xaqiiqdu waxay tahay in rayslawasaare Xamza caawa dareemaayo in uu fadhiyo goob cidlo ah hareerihiisa ay ku soo hareen Xildhibaano aad u yar. In uu ku guul daraystay inuu mideeyo dalka, taageero la’aanta ka haysata gurigii uu ka soo jeeday ee muhiimka u ahaa. Dad badan ayaa u arka in waqtigiisi uu ahaa fursad dalka laga dhumiyay – taasoo ah mid uu ra’iisul wasaaruhu ku guul-darreystay inuu ka soo baxo caqabadaha hortaagan Soomaaliya oo ku jirta marxalad xasaasi ah. Hadda waxa si weyn loo hadal hayaa in Ra’iisul wasaare Xamza la kulmaayo cadaadis isa soo taraya oo lagu doonaayo in uu xilka ka dago ka hor inta aan xilka laga qaadin. Dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee gudaha iyo loolanka ka dhex jira dowladda federaalka ayaa si cad u muujinaya in hoggaankiisa ay hareeysay awoodda xad-dhaafka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh oo isku koobay waxkasta. Inuu Xamza iskiis isu casilo waxaa la aaminsan yahay in uu diidan yahay Madaxwayne Xasan Sheekh oo u arka in dhiiqada isaga looga baxaayo, mana oggolaan karo karo qofkii aad magacawday sidaas hakuu galo. Si kastaba ha ahaatee, hal arrin ayaa iska cad: haddii uusan helin dariiq uu ku maareeyo siyaasadda murugsan ee dowladnimada Soomaaliya, waxaa laga yaabaa in uu xilka hayo maalmo kooban. Ugu dambeyntii, mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu ku xirnaan karaa jiil cusub oo hoggaamiyeyaal ah oo ka gudbi kara kala qeybsanaanta qabiilka, mideyn kara nidaamka siyaasadeed ee dalka ee burburay, soona celin kara xasilloonida. Xamza Cabdi Barre in uu mustaqbalkan door ka ciyaari karo, iyo in uu taariikhda ku dhex milmi doono oo uu yahay hoggaamiye kale oo ku guul-darraystay wixii laga filayey, waa mid taariikhdu xusi doonto. Mohamed Osman AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Ma la gaaray xilligii uu R/W XAMZA is-casili lahaa? appeared first on Caasimada Online.
  23. Goobtani waa kaalinta ina Afdiinle ee bariga Hargeysa oo ay dadkii u taaganyihiin in ay codeeyaan. Waana ay bilaabmatay si fiicana way u socota Qaran News
  24. Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah mucaaradka Jubaland ayaa ku hanjabay in ay qaban doonaan doorasho hal dhinac ah, kaddib markii ay ka hor yimaadeen guddiga doorashada Jubbaland. Mucaaradka ayaa ku gacan sayray magacaabista madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu Sabtidii ku magacaabay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka (IBEC) oo ka kooban 7 xubnood. Waxay su’aal galiyeen kalsoonida uu guddigan ku maamuli karo doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka ee lagu wado inay dhacdo dabayaaqada 2024-ka. Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu kala tashaday madaxweyne ku xigeenada Jubaland magacaabista guddigan oo ka kooban 7 xubnood. Cabdullaahi Cali oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Jubbaland, horeyna qaxooti uga soo noqday dalka Kenya ayaa sheegay in madaxweynaha uusan awood u laheyn inuu soo magacaabo mas’uuliyiinta guddiga doorashada.. “Habka lagu soo xulayo guddigan doorashada gabi ahaanba waa hal dhinac, iyadoo aan la tixgalin baahida loo qabo wada tashi ballaaran iyo daah-furnaan, mucaaradku waa inay xaq u leeyihiin inay soo magacaabaan in ka badan 50 boqolkiiba xubnaha guddiga doorashada si loo helo matalaad isku dheeli tiran,” ayuu yiri Cabdullaahi Cali. Waxa uu sheegay in habka uu u dhaqmayo Madoobe ay meesha ka saartay kalsoonidii lagu qabay hannaankan. Si kastaba ha ahaatee, baarlamaanka Jubaland ayaa meel mariyay guddigan la magacaabay, kuwaas oo shalay iska dhex doortay guddoo hoggaamiya. Isha: HOL The post Mucaaradka Jubaland oo ku dhowaaqay tallaabo xasaasi ah oo ay qaadayaan (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  25. Zhuhai (Caasimada Online) – Ugu yaraan 35 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 43 kalana ay dhaawacmeen, kaddib marki nin 62 jir ah uu baabuur uu watay jiirsiiyay dad badan oo hor dhoobnaa goob lagu dheelo ciyaaraha kala duwan oo ku taalla magaalada Zhuhai ee koofurta Shiinaha. Booliska ayaa sheegay in ninkani oo ay magaciisa kusoo koobeen Van uu si xowli ah ku soo galay goob ay dad badan ku jimicsanayeen. Boolisku waxay sheegeen in ninkani la qabtay ka hor inta uusan goobta ka baxsan. Waxay kaloo sheegeen in eedeysanaha uu hadda koomo ku jiro laguna daweynayo isbitaalka, kaddib marki ay dhaawacyo kasoo gaareen qoorta iyo qeybo kale oo ka mid ah jirkiisa. Baaritaan horudhac ah ayaa muujiyay in ninka weerarka geystay uu ka xumaa qeybta kasoo gaartay hanti uu lahaa oo loo kala qeybiyay isaga iyo xaas uu furay. Dhacdadan ayaa dhacday habeenki Isniinta, balse warbaahinta caalamiga ah ayaa heshay gelinki danbe ee Talaadadi shalay. Inta badan wararka iyo dhacdooyinka waaweyn ee ka dhaca Shiinaha ayaa waxaa jasuureeya oo faafreebta dowladda. Isha: VOA The post Nin ka careysan furriinka xaaskiisa oo dilay 35 QOF appeared first on Caasimada Online.