-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo hay’adda socdaalka adduunka ee IOM, ayaa soo dhaweysay 147 tahriibayaal Soomaali ah oo dib loogu soo celiyay dalka. Muwaadiniintan ayaa laga soo celiyay dalka Liibiya, iyadoo la raacayo hindise loogu magac daray dib u celinta bini’aadantinimada ee Voluntary Humanitarian Return (VHR). Diyaaradda ayaa markii hore ku degtay magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ka soo degeen 31 tahriibayaal ah, ka hor inta aysan u sii gudbin Muqdisho oo ay keentay 116 tahriibayaal ah. Dadka soo laabtay ayaa waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyay wasiirka caafimaadka Soomaaliya, agaasimaha waaxda Yurub iyo Ameerika Danjire Yoonis Xaashi oo wakiil ka ah wasiirka arrimaha dibadda oo ay wehliyaan safiirka Soomaaliya ee Liibiya Cabdi Aadan. Sidoo kale waxaa munaasabadda soo dhaweynta muwaadiniintan qeyb ka ahaa ergeyga faarka ah ee socdaalka iyo qaxootiga ee Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Maryam Yaasiin, safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson iyo ku-xigeenka madaxa IOM ee Soomaaliya Prestage Murima. Danjire Yunis Xaashi oo ku hadlayay magaca wasiirka arrimaha dibadda ayaa yiri: “Dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka heleysa Midowga Yurub iyo IOM waxay xaqiijineysaa in muwaadiniinteenu ay si sharaf leh dalkooda ugu soo laabtaan iyo taageerada loo baahan yahay si dib loogu dhiso noloshooda”. Duulimaadkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee VHR ee muddo laba bilood gudahood ah, taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee muhaajiriinta Soomaalida ah ee lasoo celiyay 844 ee mashruuca MPRR-SSA, oo ay maalgelisay Midowga Yurub, ayna maamusho IOM. Soo-galootiga soo laabanaya waxay helayaan taageero deg-deg ah, oo ay ku jiraan deeqo lacageed, gargaar caafimaad iyo gaadiid, oo ay weheliso barnaamijyo shaqa abuur ah, si ay noloshooda u maareeyaan. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharafta iyo wanaagga dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dibadda.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in loo baahan yahay maamul loo dhan yahay oo ka hirgala dalka Suuriya kadib markii xilka laga tuuray madaxweyne Bashaar Al-Asad. Erdogan ayaa ugu baaqay Midowga Yurub in ay taageeraan dib u soo celinta dadka Suuriyaanka ah ee ka qaxay dagaalada sokeeye ee dalkaas ka socda 13-kii sano ee la soo dhaafay. Hadalkan ayuu ka sheegey shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen oo ku sugan magaalada Ankara. Dowladaha reer galbeedka ayaa si tartiib tartiib ah u furaya wadiiqada maamulka cusub ee Dimishiq ee ay hogaaminayaan kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), inkastoo ay sii wadaan inay u aqoonsadaan koox argagixiso ah. Erdogan ayaa sheegay in gobolka aysan ka jirin meel ay ku sugan yihiin waxa uu ugu yeeray ururada argagaxisada, isagoo si gaar ah ula jeeday kooxda Daacish iyo kooxaha Kurdiyiinta. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa horay u muujiyay muhiimadda ay leedahay geedi-socod isbedel oo loo dhan yahay oo ka dhaca dalka Suuriya. “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta ku dhawaaqo in 1 bilyan oo Euro oo dheeri ah sanadkan 2024 lagu biirin doono kaalmada qaxootiha Suuriyaanka ah iyo sidii looga gargaari lahaa arrimaha caafimaadka, waxbarashada qaxootiga jooga Turkiga ee reer Syria,” ayry tiri Von der Leyen. Erdogan ayaa sidoo kale ugu baaqay Midowga Yurub in ay taageeraan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen dadka Suuriyaanka ah ee ka soo qaxay dagaalka, kuwaas oo malaayiin ka mid ah ay tageen Turkiga. Von der Leyen ayaa sheegay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada Suuriya isagoo diiradda saaraya dib u dhiska iyo in wadahadalka cunaqabateynta looga qaadayo Dimishiq uu billaaban karo marka “horumar dhab ah laga gaaro kala-guur nabadeed,” lagu arko dhulka. Waxa ay intaas uu ku darey in 1 bilyan oo Euro oo dheeraad ah la siin doono si loogu taageero soo noqoshada iskood ah ee Suuriyaanka, iyo in Turkiga laga caawiyo maamulka xuduudaha iyo socdaalka.
-
Guutada Saraayaa Al-Qudus oo kamida xoogagga wax iska caabinta falastiiniyiinta marinka Qasa ayaa sheegtay inay dagaalamayaashoodu qabsadeen diyaarad ay leedahay Israa’iil oo howlo basaasnimo ku jirtay. Saraaya Al-quddus waxay sheegtay inay diyaaraddaas ku qabteen magaalada Rafax ee koonfurta Qasa, balse wax faahfaahin ah oo intaas dhaafsiisan kama bixin sidii ay arrintaasi ugu suurta-gashay iyo haddii ay jiraan dad diyaaraddaas saarnaa. Tillaabadan ayaa imaanaysa xilli dagaalka marinka Qasa uu socdo sanadkii labaad, islamarkaana Israa’iil ay si maalinle ah u gumaadayso dadka rayidka ah ee ku nool marinka go’doonsan ee dhawr mar lagu tilmamay Jahanamada adduunka markii la lala fajacay xasuuqa sida joogtada ah uga socda iyo xayiraadda saaran. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb-galay xil wareejinta agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali (Dhuxuloow). Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hoggaanka cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda looga fadhiyo sidii baasaboorka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida. “Agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, waxaa horyaalla shaqooyin badan oo ay kamid tahay hufnaanta hay’adda, maadaama ay tahay mid kamid ah hay’adaha ugu sarreeya ee bixiya adeegga bulshada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Waxa uu intaas kusii daray ra’iisul wadaafaha oo ka hadlayey munaasabaf uu xilka kula wareegayay agaasime Mustaf Dhuxuloow, “Hay’adda waa halka ay cid walba ka eegayso adeegga ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed, waana mid looga fadhiyo inay sameysi horumar ballaaran.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda shaqadii muhiimka ahayd ee uu dalka u soo qabtay muddadii uu xilka hayey. Sidoo kale wuxuu agaasimaha cusub ee xilka la wareegay kula dardaarmay in uu dadaalkiisa galiyo horumarinta iyo tayeynta adeegga ay hay’addu bixiso, gaar ahaan sidii baasaboorka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida. Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo ah hay’ad muhiim ah ayaa kal hore noqotay xudunta musuq-maasuqa, iyadoo xukuumadda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ay tan iyo markaas dadaal badan ku bixineyso sidii hay’addan u noqon laheyd mid muraayad u noqota dalka.
-
AQMzqSbLhU8ENfpeH7NN_P00QObLNkF7PXdVRc8ev0tmzvA78iGji4Ru-dy5hA-_Lcc3yLeZJSK015Z0t9Ut3dOD (1) Qaran News
-
Nurse Nimo Bashir Daud stabbed to death in Stockholm suburb
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
STOCKHOLM, Sweden (HOL) — Twenty-eight-year-old assistant nurse Nimo Bashir Daud had nearly finished her day when she boarded a bus home late Sunday, just as she had done countless times before. On this night, only a short walk through a wooded path separated her from her apartment in a quiet suburb north of Stockholm. Source: Hiiraan Online -
Shir ku saabsan amniga gobolka Mudug oo ay ka qayb galeen xubnaha guddiga amniga gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay in Shirka looga hadlay xaalada guud ee ammaanka Gobolka sida argagixisada, faragalinta Dowlada Federaalka ah ay ku haysa Shacabka gobolka Mudug, tuugada, dhaca gaadiidka, isu socodka dadka iyo gaadiidka u kala goosha xaduudaha iyo dalka intiisa kale, tahriibta iyo dib u heshiisiinta. “Waxaa aad loogu dheeraaday dib u heshiisiinta beelaha Gobolka ayadoo laga warbixiyay meesha ay marayaan wadahalada socda iyo kala waxaa kaloo ayadana aad loogu dheeraaday hoos u dhaca tuugada iyo sidii loo baa bi’in lahaa inta ka hartay sidoo kale waxaa la isla qaatay qorshe lagu xakamaynayo gaadiidka ka baxa soona gala guud ahaan gobolka sidii loo koontarooli lahaa waxa ay wadaan dad iyo duunyaba” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug. “Shirka ayaa la isla qaatay in laga digtoonaado farafaraynta ay Dowlada Federaalka ah ku hayso gobolka Mudug ayadoo hub iyo agab ciidan kusoo guraysa gobolka si ay u huriso colaad beeleedyo hor leh una dhantaasha midnimada shacabka reer Puntland ayadoo adeegsanayo xeelado iyo lacago la isaga horkeenayo shacabka reer Puntland.” “Guddiga amniga gobolka ayaa shacab ka reer Puntland gaar ahaan kuwa gobolka mudug uga digaya hagardaamooyinka ay dawlada fardaraalku ku wiiqayso midnimadooda cid walba oo ku gacansiisa Dowlada Federaalka ah iska horkeenka shacabka gobolka Mudug waxaa laga qaadayaa talaabo sharci ah oo shacab iyo dawladba aan ku midaysanahay.” “Sidoo kale Dowlada Ferderaalka ayaa doonaysa inay dhabarjabin ku samayso dadaalada looga hortagayo argagixisada gobolka Bari ayna doonayso inay furima hor leh ka furto gudaha Putlanad gaarahaan gobolka Mudug” ayuu sii raaciyay guddoomiyaha Gobolka Mudug. Guddoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in Shirka uu kusoo dhamaaday si wanaagsan laguna heshiiyay in hay’addaha amaanku iska kaashadaan sidii ay uga wadajiri lahaayeen shaqada amniga dadka iyo dalkana loogu adeegi lahaa si daacad ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo Villa Somalia ku eedaysay in ay furin dagaal ka furayso degaanno ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Jimcaha u safri doona dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula casheyn doono ciidamada Faransiiska ee ku sugan saldhigga muhiimka ah, kahor inta aanu u gudbin Itoobiya, waxaa sidaas sheegtay madaxtooyada Faransiiska ee Elysée. Ayada oo ah dhaqan soo jireen ah oo la sameeyo kahor sanadka cusub, Macron ayaa sannadkan doortay Jabuuti, si uu u muujiyo mahadnaqa qaranku u hayo askarta loo diray dibadda, ayay tiri madaxtooyada. Waxa uu halkaas kula kulmi doonaa dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu kala hadli doono xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo ay ka jiraan colaado iyo weeraro kala duwan oo ay geysanayaan Islaamiyiinta xagjirka ah ee Al-Shabaab, iyo weliba dalka Suudaan, oo ay halakeeyeen in ka badan sanad iyo bar dagaal sokeeye ah. Sidoo kale waxay ka wada-hadli doonaan iskaashiga difaaca labada dal ee dib loo cusbooneysiiyay bishii Luulyo. Saldhigga Faransiiska ee Jabuuti, oo ay ku sugan yihiin 1,500 oo askari, ayaa ah ciidamada ugu badan ee Faransiiska dibadda ka jooga, waana kan keliya ee aanay saamayn ku yeelan dhimista baaxadda taariikhiga ah leh ee loo qorsheeyay ciidamada Faransiiska ee qaaradda Afrika, kadib dib-u-dhacyo isdaba joog ah oo Faransiiska ku qabsaday gobolka Saaxil sannadihii u dambeeyay. Heshiiska dib loo cusboonaysiiyay waxa uu ka tarjumayaa “wanaagsanaanta xiriirka ka dhexeeya labadeena dal iyo sidoo kale isku xirka danaha istaraatiijiga ah”, Elysée ayaa sidaas tiri xilligii la saxiixay heshiiska. Heshiiska dib loo cusboonaysiiyay waxa uu ka tarjumayaa “wanaagsanaanta xidhiidhka ka dhexeeya labadeena dal iyo sidoo kale isku xidhka danaha istaraatiijiga ah”, Elysée ayaa markaas carabka ku adkeysay. Jabuuti waa jasiirad xasilloon oo qiimo leh oo ku taal gobol dhib badan. Waxay ka soo horjeedaa Yemen, kuna teedsan tahay Badda Cas iyo marinka Bab-el-Mandeb halkaasi oo ay qayb weyn oo ka mid ah maraakiibta ganacsiga adduunka ee isaga gudba Aasiya iyo Galbeedka. Marka laga soo tago kirada saldhigga, Faransiisku waxa uu xaqiijiyaa ilaalinta hawada Jabuuti. Madaxweynaha ayaa Sabtida u duuli doona magaalada Addis Ababa, halkaasi oo uu kula kulmi doono Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Waxay daah-furi doonaan Qasriga Qaranka oo ah dhisme taariikhi ah oo ahaa gurigii ugu dambeeyay ee ku noolaa Boqor Xayle Salaase-ha 1-aad, kaasi oo la afgambiyay 1974-kii. Wakaaladda Horumarinta ee Faransiiska ayaa dayactirkeeda iyo u beddelka matxaf ku tabarucday 25 milyan oo Euro. Marka laga soo tago xiriirka laba geesoodka ah, labada hoggaamiye waxay sidoo kale ka wadahadli doonaan xaaladda kacsan ee gobolka iyo tan gudaha, laba sano kadib heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii Tigray, kaasi oo ay ku dhinteen dhowr boqol oo kun oo qof oo ku noolaa waqooyiga dalkaas.
-
The jury in the coroner's inquest into the death of Abdirahman Abdi has declared the Somali-Canadian man's 2016 death after his violent arrest by Ottawa police a homicide. In the context of a coroner's inquest, homicide does not carry any legal blame. (Jamie Hopkins/CBC) Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — A new report from the SIDRA Institute examines the recent Ankara Declaration between Ethiopia and Somalia, providing a legal analysis of the agreement's impact on maritime access and Somalia's sovereignty. Signed on December 12, 2024, the deal grants Ethiopia conditional access to Somali ports, while ensuring that Somali authorities maintain control over its maritime resources. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay yeelaneyso xarun laga tuuro Dayax-Gacmeedka, taas oo uu hadda socdo dhismaheeda, waxaana ku howlan dowladda Turkiga oo kamid ah saaxibada ay leedahay dowladda federaalka. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Talaadadii khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa xaqiijiyay in haatan gudaha dalka uu ka socdo mashruuc way oo lagu dhisayo saldhig laga gano Dayax-Gacmeedka, kaas oo ay ku bixi doonto bayaayiin dollar. “Dalkeenna waxaa laga dhisayaa oo hadda ka socda saldhig Dayax-Gacmeedka laga tuuro, waana masharuux ay ku bixeyso dhowr bilyan oo dollar” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhismaha saldhiggan ay faa’iidi wayn ugu jirto Soomaaliya, isla markaana laga heli doono aqoon iyo shaqo abuur, uuna sidoo kale kor u qaado magaca Sooomaaliya. “Mashruucaan waxaa laga faa’iidi doonaan aqoon iyo shaqo, dhalinyaro badan ayaa wax ku baran doonta heshiiska waxaa kamid ah aqoonta Soomaalida in kor loo qaado” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu. Waxaa kale oo uu madaxweynaha sii raaciyay “Aniga Soomaaliya ayaa Dayax-Gacmeed laga ganay oo hawada sare gaaray ayaa dhowr bilyan iiga qiimo badan”. Soomaaliya ayaa indhawaanahan ku tallaabsaneyso horumaro waa wayn, haddii la hirgelinaya xaruntan waa tallaabo kale oo Soomaaliya wacdaro uga dhigi doonto fagaareyaasha caalamka.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia, in partnership with the European Union (EU) and the International Organization for Migration (IOM), has ramped up its mission to rescue and repatriate citizens trapped in Libya's nightmarish trafficking network. The latest operation brought 147 Somali migrants home, including 31 who landed in Hargeisa and 116 who continued to Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka jawaabay dalab culus oo uga yimid madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku casuumay inuu soo gaaro Baydhaba, wuxuuna maanta ka degay garoonka magaaladaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay. Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, wasiiro, xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhaba. Sidoo kale waxaa wafdigiisa qayb ka ah wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Ujeedka Sheekh Aadan iyo wafdigiisa ayaa ah ka qayb-galka xuska sanad guurada 6-aad ee madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo 19-ka bishaan December ka dhaceysa dhismaha xarunta madaxtooyada maamulkaasi. Laftagareen ayaa dabaal-degaya sanadkiisii lixaad, iyada oo weli ay dood ka taagan tahay sida loo wajahayo doorashada maamulkaasi, maadaama uu ka dhamaaday mudo xileedka. Xafladda ayaa sidoo kale sanadkan kusoo aaday, xilli xasaasi oo culeesaad badan uu wajahayo madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo ay ku kacsan yihiin mucaaradka. Si kastaba, Laftagareen ayaa kamid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee heshiiska doorashada la galay Villa Soomaaliya, si dalka looga qabto qof iyo cod.
-
Mogadishu (HOL) — Security authorities in Minneapolis, Minnesota, have alerted the management of the Abubakar As-Sadique Islamic Center about credible threats targeting the mosque, reportedly originating from extremist groups. The threats, shared on social media, have led to heightened security measures and temporary suspensions of some educational activities at the mosque. Source: Hiiraan Online
-
Somalia took the ambitious step of banning single-use plastic bags this year, but in a country with many economic challenges, it has proved hard to implement. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Somali pirates have issued a $10 million ransom demand for a Chinese-owned fishing vessel and its 18 crew members, amplifying concerns about a resurgence of piracy in the waters off Puntland’s northeastern coast. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Aqoonyahan Faysal Rooble oo falanqeeya arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas ayaa si faah-faahsan uga hadlay heshiiska Ankara ku dhex-maray dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo uu fududeeyay madaxweynaha dalka Turkiga. Faysal Rooble ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya guul wayn oo diblumaasiyadeed ay ka gaartay heshiiska iyo halgankii ay u gashay difaaca qarannimada, midnimada iyo madax bannaanida dalka. Ugu horreyn aqooyahanka ayaa shaaca ka qaaday in shirka ka dhacay magaalada Ankara uu daba socday shirar kan ka horeeyay oo ka dhacay magaalada Nairobi, kuwaaas oo gogol xaar u ahaa shir labaad oo Ankara ka qabsoomay, kaas oo is-hor-fariisan mas’uuliyiinta labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin shirka saddexaad oo dhacay 12 December 2024, kaas oo go’aan kama dambeys oo heshiis lagu gaaray laga soo saaray. ”Sida la socoto shirkan Ankara wuxuu daba socday shirar ka horeeyay oo kii ugu horeeyay Nairobi ka bilowday oo inaba ambaqaadin, kii labaad Ankara ayuu ahaa runtii inkastoo is-hor-fariisan mas’uuliyiinta labada dal, laakiin loo kala warqaadayay, islamarkaana qodobada muhiimka ah shirkaas lagaga hadlay la iskuna afgaran waayay dhinaca loo socdo, shir kalaa ka dambeeyay isagana waa cakirnaa go’aan lagama gaarin, is-afgarashana lama helin, balse waxaad mooddaa midba midka ka dambeeyay inuu u sii gogol xaarayay kan hadda Ankara ka dhacay 12 December 2024, kaas hadda waxa ka soo baxay Bayaan heshiisna ma ahan,MOU,heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ma ahan waa Bayaan caddeynaya labada dhinac in ay is-afartaan oo dhibtii ka dhaxeysay ka heshiiyaan oo meel lagu ogaado heerkaas ayaa la taagan yahay,”. ayuu yiri Aqoonyahan Faysal Rooble. Sidoo kale wuxuu si qoto dheer kaga hadlay nuxurka heshiiska labada ay ku gaareen Ankara, kaas oo uu garwadeyn ka ahaa Madaxweyne Recep Tayip Erdogan. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Abiy oo markii hore diidanaa inuu ka laabto heshiiska uu ugu dambeyn ku qasbanaaday inuu dhowro madax banaanida Soomaaliya. ” Qacda ugu horeysa waxaa weeye in Itoobiya shirarkii ugu horeeyay ee la isugu yimid dib uga laabatay luqmatul xajarka dib u liqday dhaqaaqday arrimihii ay ku dhegneyd oo aanay xaq u lahayn,markaa shanta qodob ee muhiimka ah ee meesha ku tuugan, midi waa kan sheegay oo hadda ima hor yaalo, laakiin arrimaha ugu waa saddex koow Itoobiya shirarkii la isugu yimid laga soo bilaabo maalintii Kenya ilaa kuwii aan joogay ilaa kan maanta waxaa intaa diidaneyd erayga oranaya muqaddasnimada midnimada Soomaaliya, doorkan sida aan warka ku hayo is-jiid-jiid badan iyo is-riix-riix badan oo Aby ka dhaqaaqi waayay ugu dambeyn wuu saxiixay, waxay u diidayeen midnimada Soomaaliya in ay muqaddas tahayna wax kalaa miiska u saaran,” ayuu mar kale yiri Faysal Rooble. Kulanka Ankara ee dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay in dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal. Si kastaba, war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka ayaa waxaa lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo meesha ka saareyso walaacii laga qabay inuu dhaqan-gelo heshiiskii lala galay Somaliland.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo Hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa dalka dib ugu soo celisay 147 muwaadin oo si tahriib ah ku tagay dalka Libya, waxaana laga soo badbaadiyey xabsiyo ay muddo dheer ku jireen iyo kooxo magafeyaal ah oo madax-furasho u heystay. Dowladda Soomaaliya ayaa dhalinyaradaan ka kala dejisay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaana ku soo dhaweysay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dowladda ayaa sidaan oo kale todobaadyo ka hor dalka dib ugu soo celisay in ka badan 161 muwaadin oo ku xayirnaa dalka Libya, kuwaas oo Muqdisho iyo Hargeysa ka kala degay. Source: goobjoog.com
-
NAIROBI, KENYA — A Kenyan aid group is helping refugees improve their lives by providing affordable loans that will help finance their businesses. At least 13,000 refugees in exile have received loans. Source: Hiiraan Online