Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The UN secretary-general's special representative for children and armed conflict, Virginia Gamba, and the special representative on sexual violence in conflict, Pramila Patten, said Thursday that they were appalled by the alarming increase in the scale and severity of sexual violence in Somalia. Source: Hiiraan Online
  2. Beledweyne (HOL) - A businessman was shot and killed in Beledweyne, the capital of the Hiiraan region, on Thursday evening. Source: Hiiraan Online
  3. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa weli la xarbinaya go’aan ka gaarista liiska musharaxiinta Aqalka Sare oo laga sugayo inuu soo saaro. Qoor Qoor ayaa weli go’aan ka gaari la’ qaar ka mid ah kuraasta beelaha iyo cidda uu u sharxayo, taasi oo dib u dhigeysa inuu liiska shaaciyo, waxaana cadaadiska ugu xooggan uu ka saaran yahay laba ka mid ah kuraasta. Labadaas kursi ayaa waxaa ku fadhiya laba Senator oo aad ugu dhow Qoor Qoor oo kala ah; Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, oo kasoo jeeda beesha Murusade iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kasoo jeeda beesha Sacad Habar-Gidir. Labadan Senator ayaa aad ugu dhow oo saaxiib la ah Qoor Qoor, hase yeeshee waxaa sanadkan kuraastooda u sharaxan oo doonaya siyaasiyiin kale oo magac iyo miisaan ku leh beelahooda. Kursiga Dhagdheer ayaa waxaa u sharaxan Sheekh Yuusuf Cali Caynte, halka kursiga Qeybdiid uu doonayo Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Go’aanka ugu fudud ee Qoor Qoor uu qaadan karo ayaa ah inuu dhammaan kuraasta ka dhigo kuwa furan oo ay isku sharci karaan ciddii doonta, hase yeeshee Dhagdheer iyo Qeybdiid, oo saaxiibo la ah, ayaan dooneyn inay wajahaan tartan adag oo ay kursiga ku weyn karaan. Laba kursi oo kale oo ay ku fadhiyaan siyaasiyiin miisaan culus, oo laga cabsi qabay inay Qoor Qoor ku adkaato go’aan ka gaaristooda ayaa culeyskoodu ka degay. Mid ka mid ah kursigaas ayaa waxaa ku fadhiya Senatorr Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey oo kasoo jeeda beesha Duduble, hase yeeshee go’aansaday inuu sanadkan isku sharxo golaha shacabka. Kursiga labaad ayaa waxaa ku fadhiya Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo kasoo jeeda beesha Mareexaan, hase yeeshee waxaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo beesha go’aansadeen in loo wareejiyo jufo hoosaad beesha ka mid ah oo tirsaneysa cadaalad darro. Qoor Qoor ayaa mar ay ahaataba ku qasban inuu hoggaamiyenimo muujiyo oo uu go’aan qaato, sababtoo ah kuma sii dheganaan karo liiska. The post Wararkii ugu dambeeyey cadaadiska saaran QOOR QOOR iyo liiska laga sugayo appeared first on Caasimada Online.
  4. Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedeysay ciidamada ammaanka ee Nigeria inay adeegsadeen awood xad-dhaaf ah ayna dileen ugu yaraan 115 qof kaddib howlgal ka dhan ah kooxaha u ololeeya gooni u goosadka gobolka koonfur-bari ee dalkaas. Rabshadahan ayaa sannadkan ka dhacay gobollada koonfur-bari ee Nigeria, kuwaas oo sidoo kale galaaftay nolosha ugu yaraan 127 qof oo ahaa xubno ka tirsan laamaha ammaanka, sida ay booliisku sheegeen, waxaana sida ay warbaahintu sheegtay in la weeraray ilaa 20 saldhig boolis iyo xafiisyada guddiga doorashada. Garabka xag-jirka ah ee kooxda la mamnuucay ee Indigenous People of Biafra (IPOB) oo ah dhaq-dhaaqaaq raadinaya madax-bannaanida qoomiyadda Igbo ayaa lagu eedeeyay rabshadahan, laakiin IPOB waa beenisay eedeymahaas. Amnesty ayaa sheegtay in jawaabta ay bixiyeen ciidamada ammaanka, oo ay ku jiraan militariga, booliska iyo hay’adda sirdoonka ee DSS ay dileen tobanaan qof oo ay ku jireen dad rayid ah. PUNTLAND POST The post Ciidamada Nigeria oo dilay in ka badan 110 ruux appeared first on Puntland Post.
  5. Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo kala duwan oo aan ka helnay dhinaca mucaaradka ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta ay cabsi weyn ka qabaan in markale la doorto Madaxweyne Farmaajo, marka la eego qaabka ay wax u socdaan. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in Midowga Murashaxiinta ay qabaan dareen weyn oo ah in xildhibaanada cusub ee lasoo dooranayo ay badankood noqon doonaa kuwa taageersan Farmaajo, taasi oo sidii ay ku dhici laheyd ay Villa Somalia aad uga shaqeyneyso. Sida aan xogta ku helnay, Farmaajo ayaa diyaarsaday shaqsiyaad badan oo daacad u ah oo kamid noqonaya baarlamaanka cusub, si ay ugu doortaan Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya. Cabsida ay qabaan mucaaradka ayaa sii korartay kadib shanti xubnood ee Aqalka Sare ee Isniintii lagu doortay magaalada Baydhaba, kuwaasi oo xaqiijiyey sida madaxweyne Lafta-gareen ay go’an tahay inuu soo saaro xildhibaano taageersan Farmaajo. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo dooranayaa xildhibaanada ugu badan ee baarlamanka Soomaaliya, kuwaasi oo marka la isku geeyo golaha shacabka iyo Aqalka Sare gaaraya 77. Farmaajo ayaa la filayaa inuu yeesho inta ugu badan xildhibaanada Koonfur Galbeed, oo ay usii dheer yihiin kuwa Dir, beelaha Banaadiriga iyo kuwa beeshiisa. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu faro-geliyo kuwa Galmudug iyo HirShabelle. Qaar kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha kuwooda ugu saameynta badan ayaa la sheegay in ay isku afgarteen in musharax kasta uu ilaaliyo kursiga beeshiisa, si aysan ugu gacan gelin Farmaajo. Sidoo kale murashaxiinta ayaa sidoo kale ku heshiiyay in ugu yaraan ay Xildhibaano fiican ku yeeshaan Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya, si loo dhimo rajada Farmaajo. Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in waxyaabaha ay ku heshiiyeen ay qayb ka tahay in marka hore ay xoogga saaraan sidii ay baarlamaanka xubno iyo guddoonkaba u yeelan lahaayeen, si haddii uu markale guuleysto Farmaajo ay mooshin uga keenaan ama ay saaraan cadaadis baarlamaan. Rajada mucaaradka ayaa ah inay xoogga saaraan in Farmaajo uusan wax saameyn ah ku yeelan xildhibaanada ka imanaya Galmudug iyo HirShabelle, maadaama aysan wax welwel ah ka qabin dhanka Jubaland iyo Puntland. Si kastaba, Haddii Qoor Qoor iyo Guudlaawe ay la mid noqdaan Lafta-gareen ama ku dhowaadaan, waxay kasii dhignaan doontaa niyadjab weyn oo dhanka mucaaradka ah. Xeendaabka siyaasadda dalka ayaa waxaa ka jira dareen xoog leh oo ay qabaan dadka dorsa arrimaha siyaasadda, kaasoo ah in Farmaajo uu wado soo saarashada Xildhibaano markale doorta. Dedaalkaan waxaa hore u soo sameeyay Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Xasan Sheekh Maxamuud inkastoo sidii la filayay aysan wax u dhicin 2017-kii, oo Xasan Sheeekh laga adkaaday. The post Xog: Mucaaradka cabsi ka qaba in rajada doorashada Farmaajo ay aad u sarreyso appeared first on Caasimada Online.
  6. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Iyadoo Magaalada Dhuusamareeb lagu qabanayo Doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya qaybtood ayaa waxaa magaaladaasi gaaraya siyaasiyiinta deegaanka ka soo jeedda, ee daneynaysa ka mid noqoshada Baarlamaanka 11aad ee dalka. Magaalada ayaa marti-gelinaysa maleeshiyaad aad u hubeysan, oo ay kala wataan siyaasiyiinta, taasoo keentay in walaac dhanka amniga ahi laga muujiyo. Sidoo kale magaalada ayaa waxaa ka soconayo kulamo la xiriira Doorashada Labada Gole ee Baarlamaanka. Kulamadan ayaa waxaa qayb ka ah kulamo uu Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ka wado magaaladaasi. Siyaasiyiinta ku sugan magaaladaaasi, ee ay siyaasadda ku kala aragtida duwan yihiin Madaxweynaha ayaa isha ku haya liiska musharaxiinta Aqalka Sare, ee dhawaan la fillayo inuu Madaxweynuhu soo gudbiyo. Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya soo bandhigidda Xubnaha Galmudug ku metelaya Aqalka Sare inay tahay imtixaan siyaasadeed horyaala Madaxweyne Qoor Qoor. Madaxweyne Qoor Qoor ayaan ku deg-deggi doonin gudbinta liiska musharaxiinta ee ku tartamaysa sideedda kursi ee Galmudug ku leedahay Aqalka Sare, isla-markaana uu arrintaasi wadatashi badan ka samayn doono. Guddiga Amniga Doorashada Labada Aqal ee Galmudug ayaa soo saaray awaamiir lagu adkeynayo amniga labada goobood ee lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanada ee Dhuusamareeb iyo Koonfurta Gaalkacyo. Taliyaha Booliska Galmudug, G/sare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa sheegay in guddigu uu mamnuucay dhammaan hubka iyo gaadiidka dagaal ee lagu dhex haysto magaalooyinka deegaanka doorashada ee Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo. “Ma jiri karto wax hub ah oo magaalooyinka aan kor ku soo sheegnay lagu dhex wadan karo, oo aan ka ahayn hub fasax looga haysto laamaha amniga,” ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray “Ma jiri karo askari ama ciidan oo magaalooyinka dhex lugeyn kara, oo aan ka ahayn ciidanka loo xilsaaray suggida amniga guud, gaar ahaan magaalooyinka.” Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaa la mamnuucay gebi ahaanba in garoomada diyaaradaha Galmudug si guud, gaar ahaan magaalooyinka ay doorashadu ka dhaceyso, sida Caasimadda Galmudug iyo Gaalkacyo laga soo dejiyo ama la soo geliyo hub iyo gaadiid dagaal, oo aan fasax loo haysan.” Khaliif Cabdulle ayaa xusay in laamaha ammaanka ay tallaabo ka qaadi doonaan, cid kasta oo ku xadgudubta buu yiri awaamiirta aan bixinay. “Hay’adaha amnigu waxay tallaabo ku haboon ka qaadi doonaan cid kasta oo ku xadgudubta awaamiirta aan bixinay,” ayuu yiri Khaliif Cabdulle. Si kastaba ha-ahaatee Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal ayaa siyaasiyiinta ugu laab qaboojiyay inaanay jirin cid awood u leh inay duudsiiso xaqa ay u leeyihiin in la doorto amaba ay wax doortaan. The post Cabsi ka jirta Dhuusomareeb oo ay gaareen ciidan xoogan oo ay wataan siyaasiyiin appeared first on Caasimada Online.
  7. Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal oo ka hadlay kaalintiisa ku aadan xalinta cabashooyinka kuraasta Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa sheegay inay san jirin wax cabasha ah oo loo soo gudbiyay tan iyo markii ay doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ka bilawdeen qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada Dalka. Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in la qabtay doorashada sagaal kursi oo 4 kursi ka mid ah laga soo doortay Jubbaland iyo 5 kursi oo laga soo doortay Koofur Galbeed, taasi oo wadarta guud ee xubnaha Aqalka Sare ee soo baxay ka dhigaysa Sagaal kursi . Mudane Maxamad Ibraahim Barre ayaa tilmaamay in kuraasta doorashadooda la qabtay ay si nabad ah ku dhaceen, isla markaana aysan jirin wax cabasho ah oo ka yimid. Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay inay korjoogteeyaan goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, ayna wixii khilaafaad ah oo ay arkaan ay u mari doonan xalintooda habraacyada u degsan guddiga. PUNTLAND POST The post Gudiga Xalinta Khilaafaadka oo sheegay in aysan weli hayn wax cabasho ah appeared first on Puntland Post.
  8. Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay nin Ganacsade ah. Marxuum Cumar Yuusuf Cali Ducaale oo ka mid ahaa ganacsatada Gobolkaasi Hiiraan, waxaana la sheegay Marxuumka in lagu dilay xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne. Dilka Marxuumka ayaa waxaa fuliyay koox Bistoolado ku hubeysan oo sida dadka degaanku ay sheegeen goobta isaga baxsaday dilka kadib. Maamulka Degmada iyo hay’adaha ammaanka Gobolka Hiiraan wali wax war ah kaam soos aarin dilkaasi xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne, gaar ahaan xaafada Howlwadaag. PUNTLAND POST The post Ganacsade lagu dilay magaalada Beledweyne appeared first on Puntland Post.
  9. Fallaaagada Tigray ee Itoobiya oo Amxaarada ka qabsaday Magaalo Taariikhi ah Kaniisadaha laga sameeyay buuraha la qoray ee Lalibela ayaa Unesco waxa ay u diiwaangalisay inay yihiin kuwo caalami ah Fallaagada ka dagaalanta gobolka Tigray ee waqooyiga waddanka Itoobiya ayaa waxa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Lalibela, halkaas oo ah magaalo ay Unecso u aqoonsan tahay inay ku yaallaan goobo taariikhi ah oo caalami ah, kuna taal gobolka midkaas dariska la ah ee Amxaarada. Lalibela, ayaa waxaa ku yaal kaniisado qarnigii 13-aad laga dhisay buuro la qoray, halkaas oo ah meel barakaysan oo ay leeyihiin malaayiin kirishtaan ah. Dadka magaaladaas ku nool ayaa ka qaxayay ruqaansiga fallaagada, waxaa sidaasi BBCda u sheegay saraakiil maxalli ah. Kumannaan qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay Nofeembartii la soo dhaafay. Dagaalka ayaa haatan ku fidaya gobollada Amxaarada iyo Canfarta oo xad la leh gobolka Tigray. Malaayiin qof ayaa sidoo kale guryahoodii ka barakacay. Ciidammada fallaagada Tigray iyo milateriga Itoobiya iyo xulafadiisa ayaa waxaa lagu eedeeyay inay galeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaalba. Maayir ku xigeenka magaalada Lalibela, Mandefro Tadesse, ayaa BBCda u sheegay in magaalada ay gacan ku haynteeda la wareegeen fallaagada Tigray. Waxa uu sheegay in aanay wax rasaas ah halkaas ka dhicin, hasayeeshee dadka magaaladu ay halkaas isaga baxsanayeen, uuna ka walaacsan yahay badqabka kaniisadaha taariikhiga ah. Waxaa halkaas ku yaal 11 kaniisadood oo laga sameeyay buuro la qoray kuwaas oo la dhisay intii u dhaxaysay qarnigii 12-aad iyo midkii 13-aad. Waxaa loo dhisay inay badel u noqdaan xajka loo aado Dhulka Barakaysan, dhulkaas oo waagaas ahaa mid aanan la gaari karayn. “Halkani waa dhaxal caalami ah, waxaana qasab ah inaan ka shaqayno inaan xaqiijinno in hantidaasi aan dhawro,” ayuu yiri Mr Mandefro. Dagaalka sii fidaya ayaa waxa uu yimid kaddib markii bishii Juun ay dhul ballaaran qabsadeen fallaagada Jabhadda Xoraynta Dadka Tigray (TPLF), oo ay ku jirto inay la wareegeen gacan ku haynta magaalo madaxda gobolka Mekelle kaddib markii ciidammada dowladda Itoobiya ay halkaas isaga baxeen ayna dowladdu ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac. TPLF ayaa maamuli jirtay gobolka Tigray illaa ay Nofeembartii la soo dhaafay awooddii ay ka tuureen ciidammada federaalka. Waxa ay dowladda Itoobiya ku astaysay inay yihiin urur argagixiso. Sikastaba xaalku ha ahaadee, fallaagada ayaa sheegtay in ay yihiin dowladda sharciga ah ee gobolka Tigray. Bilowgii todobaadkanna janaraal ka tirsan fallaagada ayaa waxa uu BBCda u sheegay in ujeedka ururka ay tahay in ciidammada dowladda federaalka lagu qasbo inay xayiraadda ka qaadaan gobolka oo ay ogolaato in xal siyaasadeed lagu dhammeeyo dhibaatada. Dowladda ayaa gaashaanka u daruurtay inay jirto wax xayiraad ah, dhanka kalana waxa ay meesha ka saartay wax wadahadal ah. Sikastaba xaalku ha ahaadee gulufka TPLF ay ku waddo Amxaarada iyo Canfarta ayaa waxaa dhaleeceeyay caalamka, iyadoo Qaramada Midoobay iyo Mareykankaba ay todobaadkan ku baaqeen in dhammaan dhinacyada ay joojiyaan dagaalka. Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in in ka badan 300,000 oo qof ay ku barakaceen gobollada Amxaarada iyo Canfarta. Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda sheegtay in 175 gaari oo ah nooca xamuulka qaada oo wada gargaar bini’aadamnimo ay gaareen gobolka Tigray. Hasayeeshee Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ayaa ka digay in in ka badan 100 gaari oo nooca xamuulka qaada ah loo baahan yahay maalintiiba in la gaarsiiyo malaayiinta qof ee u baahan. Howlwadeennada gargaarka ayaa waxa ay la daalaa dhacayeen inay galaangal u yeeshaan gobolka Tigray sababo la xiriira ammaan xumo iyo caqabado maamul. Qaran News
  10. Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca Israel ayaa ku dhowaaqay in Tel Aviv “ay diyaar u tahay inay weerarto Iran,” isaga oo intaas ku daray in Iran “ay caqabad ku tahay caalamka,” waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Anadolu. Hadalka kasoo yeeray Benny Gantz ayuu ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Israel kasoo baxa ee Yedioth Ahronoth, Khamiistii. “Iran waxay isku dayeysaa inay Israel ku noqoto caqabad dhinacyo badan ayada oo awooddeeda ku dhiseysa Lebanon iyo Gaza, maleeshiyo ku daabuleysa Syria iyo Iraq, islamarkaana taageeroyaal ku aas-aaseysa Yemen,” ayuu yiri Gantz. Arbacadii, Benny Gantz ayaa shir ay soo abaabushay wasaaradda arrimaha dibedda Israel, oo ay ka qeyb galeen safiirada dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, ku sheegay in Iran ay u baahan tahay oo kaliya “qiyaastii 10 toddobaad” si ay u hesho walxo ay ka sameyn karto hub Nukliyeer ah. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey Saeed Ara Jani, oo ah madaxa qeybta drone-ka ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, inuu mas’uul ka yahay weerarada ka dhaca gacanka Persia. Israel ayaa toddobaadkii tegay Iran ku eedeysay inay mas’uul ka tahay weerar lagu qaaday Markab dalkaas ka diiwaan gashay oo marayey gacanka Cuman, weerarkaas oo lagu dilay qof British ah iyo mid Romanian ah, waxayna wacad ku martay jawaab “xanuun badan”. Iran waa ay beenisay weerarkaas, waxayna ka digtay inay jawaab adag ka bixin doonto haddii la carqalad geliyo amnigeeda. The post ISRAEL oo ku dhowaaqday weerar ka dhan ah IRAN appeared first on Caasimada Online.
  11. Safiirkii kuuriya u fadhiyey Somalia Xilligii Xukumadii Siyaad Barre oo ka sheekeeyay wixii ku qabsaday Muqdisho 1991-kii Maalmahan waxaa si weyn loo hadal hayay filim laga sameeyay xaaladdii diblomaasiyiinta labada Kuuriya ku qabsatay Muqdisho markii uu qarxay dagaalkii Sokeeye 1091-kii. Safiirkii Kuuriya u fadhiyay Soomaaliya ayaa ka sheekeynaya qisadii dhabta ahayd. Arrinta waxay soo shaac baxday markii Filimka dagaalka ah ee ‘Mogadishu’ uu noqday midkii loogu daawashada badnaa ee Kuuriyada Koonfureed. Filimka oo ay ka muuqdaan labo jilaa oo caan ka ah dalkaas, Kim Yun-seok iyo Zo In-sung, wuxuu ku saabsan yahay “sheeko dhab ah oo qabsatay diblumaasiyiin u dhashay dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ee ku sugnaa Muqdisho markii uu dagaalkii sokeeye bilowday, 1991”. Markii laga soo tago jilitaanka iyo qisada filimka, waxaa hadda hadlaya ninkii ay si dhab ah ugu dhacday arrintaas. Kang Shin-sung, oo ah danjirihii hore ee Kuuriyada Koonfureed u fadhiyay Soomaaliya ayaa ka warramay xasuusta maalintii uu calanka Kuuriya ku hor babiyay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho horeeda, 1991-kii, isagoo waliba markaas la socday diblomaasiyiin reer Kuuriyada Waqooyi ah. “Dhammaanteen halkaas ayaan joognay, Diblomaasiyiinta Kuuriyada Koonfureed iyo kuwa Kuuriyada Waqooyi labadaba, waxaana babinaynay calanka Kuuriyada Koonfureed,” ayuu yidhi Kang. “Annagoo dhan waxay noo ahayd xaalad u dhaxeysay nolol iyo geeri, xaaladdaas oo kalena, dadku way illoobayaan kala duwanaanshaha fikradeed ee u dhaxeeya.” Sawir ka mid ah filimka “ka baxsashadii Muqdisho” Kang wuxuu horaantii isbuucan la hadlay wargeyska JoongAng Ilbo, wuxuuna ka sheekeeyay qaabkii uu uga soo baxsaday dagaalkii cuslaa ee Muqdisho ka dhacay bishii January ee sanadkii 1991-kii. Wuxuu sawir dhab ah ka bixiyay qisada jilliinka ah ee lagu matalay filimkii soo baxay dhawaad ee sida weyn looga xiiseeyay waddanka Kuuriyada Koonfureed, maadaama uu ka mid ahaa dadkii ay xaaladdaas qabsatay. Filimkaas waxaa lagu soo bandhigay qaabkii ay diblomaasiyiinta labada Kuuriya uga badbaadeen rasaastii dhaceysay, iyagoo si wadajir ah u gabbanayay, iskana indho tirayay cadaawadda siyaasadeed ee u dhaxeysay labadooda waddan. Laakiin dhammaan sheekooyinka lagu jilay filimka ma aha kuwo si sax ah u qeexaya waxyaabihii ay Kang iyo diblomaasiyiinta kale la kulmeen. Mr Kang wuxuu wargeyska JoogAng u sharraxay taariikhdaas, waxaana wargeyskan uu dib u soo saaray maqaal uu dhacdadaas ka diyaariyay 24-kii bishii January ee sanadkii 1991-kii. Waxay ahayd 9-kii bishii January ee sanadkii 1991-kii, markii uu Kang oo 54 jir ahaa xilligaas u dhaqaaqay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, waxaana la socday toddo qof oo ka mid ah shaqaalihii safaaradda Kuuriyada Koonfureed ee Soomaaliya. Dagaalkii sokeeye ee socday wuxuu markaas burburiyay inta badan magaalada Muqdisho. Maleyshiyaad hubeysan oo dowladda kasoo hor jeeday ayaa weeraray guryo, safaarado iyo dhismeyaal ay lahayd dowladda. Dhawaaqa rasaasta ayaa laga maqlayay waddo kasta. Garoonka diyaaradaha ayuu ahaa meesha uu Kang kula kulmay safiirkii Kuuriyada Waqooyi u fadhiyay Soomaaliya, Kim Yong-su oo isagana markaas ahaa 55 jir. Isagana waxaa la socday 13 qof oo isgu jiray shaqaalaha safaaraddiisa iyo eheladooda. Kang waxa uu sheegay in Kim iyo kooxdiisa ay kusoo biireen dadkii isaga la socday ayna doonayeen inay si wadajir ah u raacaan diyaaradda ka baxeysay garoonka, balse uu dhacay xoogaa jah wareer ah, labada dhinacna ay ugu dambeyntii ku xayirmeen meesha iyagoo aan garaneynin goorta uu bixi doono duullimaadka xiga. “Aad bay khatar u ahayd in garoonka aan kusii sugno diyaarad kale, sababtoo ah goobtaas waxay ka mid ahayd meelaha ugu muhiimsan ee ay ku dagaallamayeen dhinacyada isku hayay Soomaaliya,2 ayuu yidhi Kang. “Kooxdeyda waxay go’aansadeen inay dib ugu laabtaan dhismihii ay dagganaayeen shaqaalaha safaaradda, ayna halkaas ku sugaan, maadaama aan wali heysannay lix askari oo boolis ah oo amnigeenna sugayay. Markii aan weydiiyay Kim waxa uu sameyn doono, wuxuu ii sheegay in Safaaradda Kuuriyada Waqooyi la weeraray ilaa siddeed jeer, si ay ku badbaadi karaanna aysan ogeyn haddii mar kale lagu soo weeraro.” Sawir uu Kang qaaday intii uu joogay Muqdisho Kang wuxuu soo jeediyay in Kim iyo diblomaasiyiinta kale ee reer Kuuriyada Waqooyi ay la joogaan gurigiisa. Waxaa taas ku xigtay inay hal jiko ku wada karsanayeen cashada, halkaas oo ah gurigii uu dagganaa Kang. “Dadkii reer Kuuriyada Waqooyi waxay noo keeneen khudaar ay ku beereen dhismaha safaaraddooda gudihiisa iyo bariiskii ay heysteen,” ayuu yidhi Kang. “Cuntadii ayaan isla karsannay waana qaybsannay.” Markii Kang la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd inuu hal mar xitaa ka labolabeeyay in diblomaasiyiinta reer Kuuriyada Waqooyi uu hal meel la seexdo, wuxuu yidhi: “Laguma jirin xaalad laga fikiro wax noocaas ah. Waxa kaliya ee diiradda la saarayay wuxuu ahaa in si wada jir ah looga soo badbaado meeshaas.” Kaarkii aqoonsiga diblomaasinnimo ee Kang ay u sameysay dowladda Soomaaliya 1988-kii Filimka waxaa lagu sheegay in shaqaalaha Kuuriyada Waqooyi tageen dhismaha ay dagganaayeen shaqaalaha safaaradda Kuuriyada Konfureed si ay caawinaad u weydiistaan, taasoo ay diideen diblomaasiyiinta Kuuriyada Koonfureed. Balse xogtaas ma aha mid run ah, sida uu sheegay Kang, waa mid ay iska sameysteen jilayaasha filimka. Kaddib maxaa dhacay? Aan dib ugu laabanno sheekada dhabta ah ee Kang uu waday. Markii ay hal meel ku wada hoydeen, Kang iyo Kim waxay si wadajir ah ula xiriireen safaaradaha kale ee ku yaallay Muqdisho, kuwaasoo ay u maleynayeen inay caawinaad ka heli karaan. Kim wuxuu la xiriiray safaaradda Masar, oo awood u lahayd inay iyadoo mataleysa la hadasho Safaaradda Kuuriyada Waqooyi iyo Qunsuliyadda Kuuriyada Koonfureed ee ku yaallay magaalada Qaahira. Kang wuxuu isaguna la hadlay safaaradda Talyaaniga, oo u sheegtay inay u kireyn doonto duullimaad ka qaada Muqdisho – laakiin waxay rabtay in la qaado diblomaasiyiinta Kuuriyada Koonfureed oo kaliya. Talyaaniga xilligaas xiriir diblomaasiyadeed ma uusan la lahayn Kuuriyada Waqooyi. “Waxay noo sheegeen inay heli karaan diyaarad dagaal oo qaadi karta toddobo ilaa siddeed qof halkii marba – wayna ku filneyd dadka reer Kuuriyada Koonfureed ee joogay Muqdisho,” ayuu yidhi ang. “Waxaan u dacwooday safiirka Talyaaniga, waxaana u sheegay in aanan ka tagi karin dadka reer Kuuriyada Waqooyi ah. Waa in dhammaanteen nala qaado ama la iska dhaafo.” Ugu dambeyntii, dowladda Talyaaniga ayaa diyaarad kale u kireysay labada kooxood ee labada Kuuriyada, si ay uga dhoofaan Muqdisho. Filimka laga jilay qisadan, waxaa ku jira in atooraha lagu magacaabo Kim Yoon-seok, oo matalayay Kang, uu weydiiyay Heo Joon-ho, oo matalayay Kim, in uu jeclaan lahaa inuu u baxsado dhinaca Kuuriyada Koonfureed. Balse Kang wuxuu sheegay in arrintaas ay tahay mid been abuurasho ah. Qaran News
  12. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo shalay ka hadlayey kulan ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in marnaba loo dulqaadan doonin Askarta amar diidada ku sameysa Saraakiisha ka sareysa. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Ciidamada Qalabka-sida ay noqdaan kuwa anshaxa Ciidamannimo ilaaliyo, islamarkaana isku ixtiraama sida ay u kala darajo sareeyan. Lafta-gareen ayaa shaaciyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono Askarta ku dhaqaaqda arrintaas, maadama ay dhowr jeer dhacday in ciidamada qaar ka hor-yimaadan amarada Saraakiisha ka sareysa. “Mararka qaar waxaa dhacdo in askarta ay amar diido ku sameeyaan Saraakiisha ka sareeysa, taasi oo aan loo baahneyn. Waa in aan marnaba laga mashquulin dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen. Sidoo kale waxa uu ciidamada qalabka sida uga digay inay ka mashquulan waajibaadkodo ku aadan la dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay xoojiyaan dagaalka qaraar ee ay kula jiraan Al-Shabaab iyo xoogaga kale. Hadalka madaxweyne Lafta-gareen ayaa imaanaya xili uu deegaano dhowr ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ay ciidamadu ka wadaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo qeyb ka ah howl-galo ay ciidamadu ku sifeynayaan deegaanada maamulada dalka. The post Cabdicasiis Lafta-gareen oo hanjabaad culus u diray qaar ka mid ah ciidamada… appeared first on Caasimada Online.
  13. The vote to approve the annual US Foreign Operations, and Related Programs Funding Bill, which amongst other things green-lights Washington’s yearly $3.3 billion unconditional aid to Israel, threw a major surprise this year. Democrat representatives Ilhan Omar, Ayanna Presley, Lee Bowman and Pramila Jayapal split with fellow Democrats, Rashida Tlaib, Alexandria Ocasio-Cortez and Cori Bush in securing a narrow victory for the ruling party. All are members of a progressive group of lawmakers known as “The Squad”, famed for their highly critical stance on Israel. They have previously called to end the many decades of America’s unconditional aid to the occupation state. With the bill passing narrowly – 217 for and 212 against – the “Squads” failure to vote as one is seen as a missed opportunity to strike what would have been seen as a major blow to Washington’s unconditional support for Israel, especially as they have been part of a long campaign to align US foreign policy to progressive values and international law. In April the likes of Omar and Tlaib were amongst several Democrat members of Congress to introduce a bill which conditions US aid to Israel on human rights. The bill specifically demanded that Israel should not be allowed to use American taxpayers’ money to kill, torture, imprison, displace or otherwise harm Palestinian children and families. Omar also joined fellow members of the progressive camp in seeking to block a $735 million emergency arms sale to Israel approved by the administration of US President Joe Biden days before Israel’s 11-day bombardment of Gaza which killed more than 250 people including women and children. The sale should not be completed “while crimes against humanity are being committed with our backing,” Omar said at the time. “It would be appalling for the Biden Administration to go through with $735 million in precision-guided weaponry to [Israeli PM] Netanyahu without any strings attached in the wake of escalating violence and attacks on civilians,” Omar insisted explaining that US support for Israel would be seen as Washington giving a “green light” to Israel to continue its aggression. The annual vote on US Foreign Operations, and Related Programs Funding Bill, is usually a partisan affair with representatives voting with their party. Along with the three Democrats that voted against the bill, two Republican lawmakers also voted to abstain. Approval of Israel’s $3.3 billion aid is a small part of the bill. The legislation funds US diplomatic, development and foreign policy agencies and programs, including the Department of State, the United States Agency for International Development, and the US Mission to the United Nations. It ensures US support for displaced and vulnerable communities, programmes to rebuild public health infrastructure and initiatives to confront climate change as well as advances women’s rights. Funds have also been allocated to the UN Human Rights Council with the stipulation the world body is taking significant steps to remove Israel from its “permanent agenda”, referring to the Council’s agenda item 7 which discusses “Human rights situation in Palestine and other occupied Arab territories”. This bill has also taken aim at the global Boycott, Divestment and Sanctions (BDS) campaign against Israel. Describing BDS as an “international effort to stigmatize and isolate Israel”, the bill has demanded an annual report to Congress on the BDS campaign, which would include a list of companies, international organisations and countries that partake in it. The post Ilhan Omar votes for bill to continue unconditional US aid to Israel appeared first on Caasimada Online.
  14. Criticism is a feeling of deprivation, a recourse against a sense of something missing. Quite rightlly, last Tuesday, 3rd August, 2021, was the day Somaliland seemed to have regained something that has evidently been missing for almost a decade. The purpose of the first session of the newly elected parliament, the first essential act, was two-fpld: (‘1) To elect the speaker of the parliament and (2) To let MPs take oath of alligiance. In the name Allah, all PMs lifted their hands up and sworn their oath of loyalty to the religion of Islam, their country and their people. As we have seen, 81 MPs were present at the session, while one MP was absent from the meeting. The chairman of the Guurti, the then parliament speaker, the chairman of the supreme court, distinguished guests, observers from international communities, citizens from civil society, and the chairmen of the opposition parties were also present at the session. The issue to watch the election of the speaker began with the question of whether the opposition parties could become sufficiently organized to offer a united front that would beat the ruling party’s consistent trial to bring to its side many members from opposition parties through payola. It was also worth keeping an eye on who will become the chairing person of the session since the oldest MP, Mr Yasin Xir Faratoon, was a candidate. At the beginning of the session, Mr Yasin Xir Faratoon tried to preside over the session and seated himself at the chairing desk, but opposition members objected, arguing that a candidate cannot preside over the meeting, despite the fact that Somaliland constitution does not clearly prohibit the oldest MP cannot chair the session when he is a candidate for the Speaker. However, Mr Faraton insisted to continue presiding over the session for the first few minutes, but the meeting lost calmness when members from the opposition parties stood and began shouting, protesting Faraton’s trial to chair the session. To prevent further chaos from the session, a discussion as to who would preside over the session immediately took between the chairman of the Guurti, the chairman of the supreme court and the former parliament speaker. Fortunately the chairman of the Guurti suggested that the chairman of the supreme court should chair the session. The chairman of the supreme court accepted to preside over the seesion. The chairing of the session by the chairman of the supreme court was risky in the event that a dispute over the number MPs who voted for both candidates arose and a gridlock has resulted from the dispute over the count. What was needed and still needs clarification is: Was it legal or illega that the session be chaired by the chairman of the supreme court, where disputes that cannot be resolved by any other legal institution are supposed to be reffered to? If a conflict could have happened in the session, to which court the case was be taken to get solved? The session proceeded smoothly and the MPs liberally cast their votes without any distraction or disruption. The count happened fairly. No difference or dispute over the counting of votes has arisen and honorable Abdirisaq Khaliif, was chosen as the new parliament speaker from the opposition party (Waddani Party). At the session the members of the new parliament found themselves ideologically divided into reformers and reactionaries: MPs who want change and MPs who hate the change for which Somaliland population voted on during recent parliament and local council election. In fact most members of the parliament did not fail to toe their party line and actually voted for their nominated candidate except few members who the effect of matter tamed their minds. What was morally striking was rhe fact that cause-oriented MPs voted for a young MP who is a reformer, fighting for a power-balanced system, while cash-and-clan-oriented MPs voted for an old MP who is struggling for the continuation of a corruption-based system. As they say, “a reform is a correction of abuses; a reactive is a recourse against regenerative politics.” Abdirisaq Khalif promised, in his candidacy speach, that he will leave no stone unturned in his bid to develop a political consensus in favour of reform: a) Lead the parliament, to the best of his ability, with a vision that is characterized by the willingness to work hard; a desire for excellence, and a belief in all his right and responsiblity to fulfill national obligations in all honesty and fairness. b) Promote notions that will foster economic growth, revive and re-regulate check-and-balance procedure, defend Somaliland’s existence as an independent government against those who threaten to deny its sovereign state, reform the culture that lost its shine and sheen, reassert and revitalise the constitutional principles that are easily abused for personal gains by tbose in power. c) Work with Colonel Muse Biixi through the joint responsibility of both the government and the parliament by the virtue to fulfill the social responsibility that always involves in expanding the richness of public life, rather than simply the richness of tbose who are in power. d) Root out all rifts and frictions that have been caused by the contest between the ruling party and the opposition parties for the election of the parliament speaker and redress this matter to create an environment in which together we as the legislature’s chairing members sow fraternity and frienndly collaboration within the institution. e) Seek and suggest to Somaliland government policies and plans that will improve peoples’ living standards, enhance their knowledge and equip them with the skills that can free societies from poverty, in all its dehumanising forms. When deciding what skills to highlight in his capacity as a leader, Mr Abdirisaq Khalif proved himself by any practical sense. He proved to be an orator, be sensitive to what others feel, impartial and objective; approachable, tactful; able to delegate duties, good at team building, capable to plan for skills enhancement and ensure decisions are taken and recorded. For the past decades, there were no impartial institutions to join, no selfless leaders to follow, no government official to trust, and no role model to set the example, but today the hope to join MPs guided by conscience and compassion, legislatures to appeal to and trust has revived again. Probably selecting Mr Abdirusaq Khalif as a parliament speaker began with a promising and blessing air, blowing from the four winds and a hope that ensures change-making movements that hopefully carry motions and messages for the people who are fighting for their tomorrow. A change is not just a picture of what could be done; it is a call to become something more and create something new. That is what the new chairing committee of Somaliland parliament is all about. Jama Ismail jamafalaag@gmail.com Qaran News
  15. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble chaired a meeting on Thursday with his cabinet. He briefed them on his recent conversations with the leaders of Somalia's regional states concerning the timetable for the election of Somalia's Upper House. Source: Hiiraan Online
  16. Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in uu ka tagay Lionel Messi, kadib markii ay fashilmeen wadahadalo maalmihii la soo dhaafay u socday kooxda iyo ciyaaryahanka. Heshiiska uu Messi kula joogay Barcelona ayaa dhacay 30 June 2021, wuxuuna diiday in uu saxiixo heshiis cusub. Messi oo Barcelona u ciyaarayay tan 2003 ayaa u saftay 778 kulan, wuxuuna u dhaliyay 672 gool, halka uu caawiye ka ahaa 305 gool. Wuxuu la qaaday Barcelona 10 koob oo horyaalka La Liga ah, 7 Cupa Del Rey, 8 Supercope De Espana, 4 Champions Leugue, 3 UEFA Super Cup iyo 3 Clup World Cup. Messi oo 34 jir ah ayaa xiddiga ugu wanaagsan adduunka ku guuleystay 6 jeer, sanadkana wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda u tartamaya. Lionel Messi ayaa hadda la filayaa in uu midkood aado kooxaha PSG iyo Man City. PUNTLAND POST The post Messi oo ka tagay Barcelona appeared first on Puntland Post.
  17. (ERGO) – When COVID19 restrictions forced Khalid Abdihaybe to close his metal welding garage in May 2020, he was forced to work ona building site as a labourer to provide for his family.But he soon lost that job as well as the economy locked down. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay xaaladda dalka, taariikhdii lasoo maray iyo khilaafka ka taagan doorashda xildhibaannada Gobollada Waqooyi, iyo wixii dhex maray isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble. Cabdi Xaashi oo ka hadlayey kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa caddeeyay intii ay jirtay dowladda uu hoggaamiyo inuu Farmaajo ka hor taagnaa sharci darrada Dastuuriga ah, ayna isku dhaceen in badan, ayna dhacday in Golaha shacab laga ansixiyo laba sano oo ku darsi ah, ahna sharci darro. Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha xilligiisu dhammaaday inuu u diiday madaxda kasoo jeeda Somaliland inay ka qeyb galaan shirarkii masiiriga ahaa ee Golaha Wadatashiga, taasina aany ogeyn abab ku kaliftay. Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble markii ay la shireen isaga iyo Mahdi Guuleed, uu ka dalbaday inay ku wareejiyaan arrinta Doorashada Somaliland, isaguna aanu u arkin inay arrinta Somaliland tahay badeecad la isku wareejinayo ee ay ahayd dad iyo dal, isla markaana uu dalbaday inuu talo la noqdo. “Ra’iisal wasaaraha wuxuu u yeeray xubnaha guddiga doorashada ee 4-ta xubnood ahaa ee aan anigu magacaabay, wuxuuna ku yiri waa is dooraneysaan Guddigiina, haddii aan imaan weydaana waan idinka saarayaa Guddiga..” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo Rooble ku eedeeyay inuu ka been sheegay wixii dhex maray. Wuxuu si cad u sheegay Cabdi Xaashi inuusan cidna ka aqbaleynin inay mas’uul uga noqoto siyaasadda, wax aan heshiis lagu ahayna aanay socon doonin, wuxuuna Ra’iisal wasaare Rooble ku tilmaamay qof aan dhexdhexaad ahayn. Guddiga doorashada gobollada waqooyi ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble. Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya. Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan. Isha: Goobjooge The post Cabdi Xaashi oo shaaciyey wixii dhex-maray isaga iyo Rooble kuna dhowaaqay in… appeared first on Caasimada Online.
  19. Baydhabo (Caasimaad Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdcasiis Lafta-gareen ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay handadaad la xiriirta in qaar kamid ah Musharaxiinta ay kasoo muuqdan kuraasta maamulada laga soo dooranayo. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa wax la’la yaabo ku tilmaamay in waaqican la joogo uu nin banaanka joogo ku hanjabo hub iyo tikniko, taasi oo uu ku dhaartay in uu gacan bir ah wax uga qaban doono. “War yaa Ilaahay yaqaan, aniga labo ayaa fahmi waayay Ninka loo soo dhaaranaya; dadka ergada ah ee wax dooraneysa miyaa loo dhaaranaya mise maamulka loo dhaaranaya oo hal iyo labo BKM lagu dhameyn karaa Maya!, ilaa hadda waxaa fahmi la’yahay cida fariinta loo soo dirayo ee loo soo dhaaranayo,” ayuu yiri. “Ma jirto cid aan uga tanaasulayo ama gor-gortan uga galayo amniga deegaankan. Amniga Koonfur Galbeed iyo amniga doorashadaba gacan bir ah ayaa ku qabaneyna, cid kasta oo isku deyda inay dadka qal-qal geliso ama been u sheegtaba Wallaahi waa ka qabaneyna.” Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in marnaba aysan dhaceyn in loogu hanjabo qal-qal gelinta amniga, si loo qaato kuraasta maamulkiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye. Ma jirto cid uu si shaacsan ugu jawaabay Lafta-gareen ilaa hadda inta la ogyahay, hase yeeshe warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in musharaxiin damaca uga jiro kuraasta maamulkaas ay u hanjabeen. Ma aha markii u horeysay ee musharaxiinta hunguriyeynaysa kuraasta labada Gole ee BFS ay luuqad adag ugu hanjabaan madaxda maamulada, sida dhacday kal hore musharaxiin si shaacsan u sheegtay inay cawaaqib xumo ka dhalan doonto haddii laga hor istaago kuraastaas. The post Madaxweyne Lafta-gareen oo u hanjabay qaar ka mid ah musharaxiinta (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  20. BARCELONA (AP) — Barcelona said Thursday that Lionel Messi will not stay with the club after Spanish league financial regulations made it impossible for a deal to be reached between the club and the player. Source: Hiiraan Online
  21. We speak with Minnesota Congressmember Ilhan Omar about her memoir “This Is What America Looks Like,” the Biden administration’s recent airstrikes in her birth country of Somalia and why the U.S. must remain a country of refuge for people fleeing war and poverty like she did. Omar adds that the Biden administration must stop enforcing Trump-era immigration rules that allow for expedited deportations of asylum seekers. “These policy choices have consequences. We have a moral imperative in this country to get our immigration policy right and make it a more humane system,” she says. Source: Hiiraan Online
  22. Entrepreneurial Somalis intent on rebuilding their country are investing in renewable energy to fuel Somalia’s power grid through sustainable development, but the ongoing conflict and limited finances create significant challenges for this project. Source: Hiiraan Online
  23. Ifrah Ahmed’s fight against FGM has taken on a new urgency during the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online