Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Suudaan, ayaa ku dhawaaqday inay dib u eegayso heshiis ay la gashay Ruushka, kaasi oo dhigayey in Ruushku uu saldhig Ciidan ka samaysto Suudaan. Taliyaha guud ee Ciidammada Suudaan Muhammad Othman al-Hussein, ayaa laga soo xigtay in Suudaan ay dib u eegayso heshiiska ay sannadkii hore la gashay Ruushka si uu Saldhig Ciidan uga samaysto halkaasi, waxaanu Taliyuhu sheegay in heshiiska qodobbo ka mid ahi ay khatar ku yihiin Suudaan, sidaasi darteed ay dib u eegis ku samaynayaan, suurto-galna ay tahay inay ka noqdaan “Qaar ka mid ah qodobbada heshiiska ayaa waxyeelo u keenaya Suudaan.” Ayuu yidhi, Taliyaha guud ee Ciidammada Suudaan oo u warramay Blue Nile TV channel, waxaanu intaa ku daray oo uu Shacabka Suudaan xasuusiyey inaan weli heshiiska laga ansixinin Goleyaasha Sharci-dejinta Suudaan, sidaasi darteed aan lagu dhaqmi karin ama aan la bilaabi Karin hirgelinta saldhiggaasi Ciidan. Sarkaal kale oo ka mid ah Milletariga Suudaan oo arrintan ka hadlay, ayaa sheegay inaan Go’aanka cusub ee Suudaanka gaadhay uu xidhiidh la leeyahay culays Suudaan kaga yimid Dawladda Maraykanka. Laakiin, Warbaahinta reer Galbeedka qaarkood, ayaa suáal-geliyey in Somaliland noqon karto Goobta cusub ee uu Ruushku ka samaysan karo Saldhig Ciidan, maaddaama oo Suudaan shaki ka muujisay in Saldhig uu Ruushku dalkeeda ka samaystaa uu khatar ku yahay. Warbaahinta Modern diplomacy, ayaa War-bixin dheer oo uu arrintan ka qoray wuxuu isku waydiiyey in Somaliland noqon karto dalka kale ee Ruushku ka fushan karo Qorshihii Saldhigga Ciidan ee Suudaan uga hirgeli waayay “Somaliland Beddel Ma u Noqon Kartaa Qorsheyaasha Saldhigga Ciidamada Badda Ee Ruushka ee dhibaatada ku haya Suudaan..” ? ayuu qoray Modern diplomacy, waxaanu intaa ku daray in Ruushku uu Somaliland ku yeelan karo Saldhig la mid ah Saldhig Ciidan oo Imaaraadku ka dhisay Berbera, kaasi oo markii dambe loo rogay xarun rayid, sida ay Warbaahintani sheegayso “Haddii la laalay Qorsheyaashii Ruushka ee Suudaan, ha ahaato Cadaadis uu Maraykanku saaray Suudaan iyo inay mudnaanta Suudaan ku timidba, markaa Ruushku waa inuu tixgeliyaa sidii uu sida dhakhsaha badan u heli Dal Gobolka ku yaalla oo u beddela Suudaan, sidaa darteed waa in la baadhaa khasaaraha iyo Faa’idada ku jirta dhismaha xarun la mid ah Ta ka jirta Somaliland..” Warbaahinta Modern diplomacy, wuxuu intaa ku daray in Sannadkii 2018-kii ay faafeen Warar aan la hubin, kuwaasi oo sheegayey inuu Ruushku Saldhig ka samaysanayo Magaalo Xuduud la leh Jabuuti. Modern diplomacy, wuxuu intaa ku daray in Siyaasaddii Milletari ee Imaaraadku ka damacsanaa Somaliland ay isku rogtay Jihada dhaqaalaha, ka dibna uu furay Albaabadii loo baahnaa, taasina ku timid siyaasadda Hoggaanka Somaliland. Source
  2. A Minneapolis woman is making huge strides to diversify the world of fashion. Source: Hiiraan Online
  3. (SLT-Hargeysa)-Dekedda Berbera waxa laga furay Qayb cusub oo ay ka soo degayaan Koontiinnarada waaweyn ee Maraakiibtu ka soo xambaaraan Dalalka kala duwan ee Caalamka. Qaybta cusub ee Dekedda Berbera ee Somaliland lagu kordhiyey isla-markaana dhawaan ka furay, ayaa la rejaynayaa inay noqoto Albaabka ugu weyn ee Waraabiya Dalka aan badda lahayn ee Itoobiya. Sidoo kale, waxa rejo laga qabaa inay ka qayb-qaadato xidhiidhka Ganacsi ee ka dhexeeya Dalalka Khaliijka Carabta iyo Dalalka Bariga Afrika, sida ay baahisay Warbaahinta the citizen ee dalka Kenya. Dawladda Somaliland oo iskaashi la leh Shirkadda DP WORLD oo ka shaqaysay Horumarinta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera, ayaa furay qaybta cusub ee lagu kordhiyey Dedkedda, iyadoo ay goob jog Xafladda furitaanka ka ahaayeen Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda Federaalka Itoobiya Axmed Shide iyo Wasiirka Gaadiidka Dagmawit Moges iyo sidoo kale Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar). the citizen ayaa War-bixin dheer oo uu ka qoray Qaybta cusub ee lagu kordhiyey Dekedda Berbera, ayaa yidhi “Itoobiya waxay rejaynaysaa in Ternimalka cusub ee Dekedda Berbera uu yareeyo ku tiirsanaanteeda Jabuuti.” Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay furitaanka Dekedda Berbera markii la ballaadhiyey, ayaa sheegay in ballaadhinta Dekedda Berbera ay fursad dhaqaale oo muhiim ah u tahay Gobolka bariga Afrika “Terminalkan cusub ee Dekedda Berbera oo uu weheliyo Aaga dhaqaalaha waxay hadda u taagan yihiin inaan sii horumarino dhaqaalaheena, kaasi oo loo marayo korodhka Ganacsiga, soo jiidashada Maalgashiga shisheeye iyo Abuurista shaqooyin..” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Dekeddan cusub waxay u adeegi doontaa dalalka aan badda lahayn, sida Itoobiya..” Itoobiya, ayaa 95% ku xidhan Jabuuti waxay la soo degayso iyo wixii ay dhoofinaysaba sida uu sheegay the citizen, laakiin sida laga soo xigtay Madaxda Somaliland iyo Shirkadda DP WORLD, qaybta cusub ee lagu kordhiyey Dekedda Berbera ayaa kordhinaysa awoodda Dekedda ee dhinaca Koontiinarrada sannadkii ka soo degi kara, waxayna sheegeen inay hadda awood u leedahay in sannadkii ay ka soo degaan ilaa 500.000 kun oo Koontiinarrada waaweyn ah, halkii ay markii hore ay sannadkii ka soo degi jireen 150,000. Iyadoo ay sidaas tahay, haddana Shirkadda DP WORLD waxay bilaabaysaa wejiga labaad ee ballaadhinta Dekedda, maaddaama oo uu dhamaaday wejigii koowaad ee ballaadhinta Dekeddu, taasi oo ka dhigan in marka wejiga labaad dhamaado ay Dekeddu awood u yeelan doonto inay sannadkii qaabisho 2 Million oo Koontiinar. Sidoo kale, iyadoo la ballaadhiyey Dekedda Berbera, haddana waxa Dawladda Somaliland waddaa dhismaha Waddada isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya iyo dhismaha Goob Cashuuraha ka caaggan. Sida laga soo xigtay saraakiisha Itoobiya, mashruuca waddada oo lagu wado in la dhamaado dabayaaqada sanadkan, ma noqon doonto kaliya waddo loo maro Itoobiya, balse waxa lagu qaban doonaa Adeegyo hufan, maaddaama oo ay Itoobiya ogolaanayso in alaabooyinka ka soo dekedda Somaliland ay galaan dalkeeda. Bishii hore ee May, Shirkadda DP World, waxay Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya la gashay heshiis ah inay Waddada isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya ay dhankooda ka soo dhisaan. Wasiirka gaadiidka ee Itoobiya Dagmawit Moges, ayaa xilligaa sheegtay in horumarinta Waddada Berbera Coridor ay dabooli doonto baahida sii kordheysa ee dalkeeda ee ganacsiga caalamiga ah. Source
  4. (SLT- Shandong)-Nin u dhashay waddanka Shiinaha ayaa dib u helay wiil uu dhalay oo uu la’aa muddo ka badan 24 sanno kadib markii laga afduubtay albaabka guriga ay degenaayeen. Aabaha dhalay wiilkan ayaa u safray in kabadan nus malyuun kiilomitir isagoo raadinaya wiilkiisa. Wiilka Guo Gangtang wuxuu jiray kaliya laba sano iyo shan bilood markii laga afduubtay guriga qoyska hortiisa ee ku yaalla bariga gobolka Shandong, halkaas oo uu ku ciyaarayay isaga kaligii ah. Kooxo afduubayaal ah ayaa wiilka kaxaystay kadibna ka iibiyay qoys ku nool badhtamaha Shiinaha, sida ay sheegtay wasaarada amniga dadwaynaha. Afduubka iyo ka ganacsiga carruurta ayaa ku faafay Shiinaha sannadihii sideetameeyadii, markii la dhaqan galiyay sharcigii hal carruurta ah ee qallafsanaa. Sannado badan oo baadigoob ah kadib, booliska ayaa Guo u sheegay Axaddii in baadhitaanka DNA-ga lagu xaqiijiyay in macallin 26 jir ah oo ku nool badhtamaha gobolka Henan uu yahay wiilkiisa oo muddo dheer raadinayay. “Hadda oo wiilka la helay, wax walba oo keliya ayaa lagu farxi karaa hadda ka dib,” ayuu yidhi Guo oo ilmeynaya markii uu la kulmay wiilkiisa. Sannadihii la soo dhaafay, Guo wuxuu ka caawiyay toddobo qoys oo kale inay helaan carruurtooda ka lumay waxayna sare u qaadeen wacyiga ku saabsan ka ganacsiga carruurta. Guo ayaa u sheegay wariyeyaasha inuu mar sii horreysay booqday magaaladii uu wiilkiisa ku koray si uu aabe kale uga caawiyo inuu helo wiilkiisa la afduubtay. Laba tuhmane oo lala xdhiidhinayo kiiska ayaa la qabtay, hase yeeshee Booliska ma bixin faahfaahin ku saabsan qoyska iibsaday wiilka Guo. Tan iyo markii ay bilaabeen in la baadho xogta DNA-da ee xubnaha qoyska kala lumay sannadkii 2016, booliisku waxay sheegeen in ay ka caawiyeen in ka badan 2,600 oo qof inay dib ula midoobaan qoysaskooda. Source
  5. Gudoomiyaha Midowga Afrika Muuse Faki Maxamed ayaa canbaareeyay rabshadaha iyo boobka ka socda dalka Koonfur Afrika kadib markii xabsiga loo taxaabay madaxweynihii hore ee dalkaas, Jacob Zuma. Bayaan kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika si adag u camnbaareynaayo rabshadaha ka socda koonfur afrika ee sababay dhimashada dad rayid ah iyo boobka hantida guud iyo tan gaarka loo leeyahay. Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Koonfur Afrika inay si deg deg a usoo celiso kala danbeynti iyo xasilooniida dalka iyadoo la ixtiraamayo ku dhaqanka sharciga. Guddoomiye Muuse ayaa u tacsiyeyay dhammaan qoysaskii laga geeriyooday, wuxuuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacamay rabshadaha. Madaxweynihii hore ee dalkaas, Jacob Zuma ayaa Khamiistii la soo dhaafay is dhiibay si uu 15 bilood ugu soo qaato xabsiga kadib markii lagu helay danbiyo kala duwan. Taageerayaasha Jacob Zuma ayaa billaabay mudaaharaadyo looga soo hor jeedo xabsigiisa, waxaana gobolo ka mid ah dalkaas ka dhacay rabshado iyo boob sababay inay dhintaan 72 qof. PUNTLAND POST The post Midowga Afrika oo cambaareyay rabshadaha ka socda Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  6. Ciidamada difaaca Tigrayga ayaa kolanyo ciidamo ah u daabulay xadka gobalka Tigrayga uu la wadaago dhiggiisa Amhara. TDF ayaa sheegtay in ay talaabadaan kaga jawaabeyso ciidamada Amxaarada ee ku sugan gobalkooda qeyba ka mid ah . Xaaladda gobalka dhaca waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sii xumaatay xilli siyaasiyiinta Amxaarada ay ugu baaqeen TPLF in ay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada hormuudka u ah hurinta colaad dhex marta labada qomiyadood ee wada daga dalka. Deeqbixiyayaasha ayaa xukuumadda Abiy ka joojiyay deeqihi ay siin jireen kadib markii ay soo shaac baxday in weli gabood fallo ay ka mid yihiin kufsi iyo dil loo geysanayo shacabka ku dhaqan Tigray. Ciidamada Tigrayga ayaa ka gudbay magaalada koonfurta gobalka ku taallo ee Mai Tsebri oo u dhaw gobalka Amxaarada. Afhayeenka xisbiga talada haya ee Tigray Getachew Reda ayaa sheegay in ciidamada Tigreegu ay sidoo kale habeenimadii Isniinta la wareegeen gacan ku haynta magaalada Alamata oo ah magaalada ugu weyn ee koonfurta Tigreega. Magaalooyinkan ay Jabhadda la wareegtay waxaa horay u sheegan jiray Amxaarada, kuwaas oo muddo ka talinayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Askarigani wuxuu mudanyahay billad sharaf. Waa muwaaddin daacadnimo iyo dadaal dheeraad ah muujiyey, duruuf kasta oo haysatana danta guud iyo adeegga dadweynaha ku dadaalay. Hambalyo ayaan leeyahay geesigaas. Damiir ahaan iyo dawladnimo ahaan ba wax la qaadan karo maaha in askarigan muwaaddinka ah aanu haysan dallaayad roobka ka dugsado;taliyihiisina uu wato gaadhi V8 ah oo 50 kun oo Doollar ah! Baarlamaan ahaan, Waxa aannu xoogga saari doona sidii ciidankeenna noloshooda loo ilaalin lahaa, miisaaniyaddana xuquuq badan looga siin laha direyskooda, gawaadhidooda, nolosha qoysaskooda, Mushaharkooda, iyo quruxintoodaba. Ciddii kaga tagri fasha maaliyaddoodana maxkamad ayaannu la tiigsan doonnaa. Ballankeenu waa Baarlamaan ka shaqeeya Sinnaanta muwaadiniinta iyo sarreynta sharciga. Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Source
  8. Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug ayaa xalay howlgalo saacado socday ka sameeyeen dhanka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Inta uu socday howlgalka Ciidamada ayaa waxaa baaritaano lagu sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalayay waddooyinka Magaalada, waxaana Ciidanka ay su’aalo la xiriira amniga weydiinayeen dadka saaran gaadiidka. Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobolka Mudug u qaabilsan Galmudug Gaashaanle Maxamed Mire iyo Taliyaha Saldhiga Gaalkacyo Kaptan Cali Xirsi Sahal ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaan la sameeyay uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga, isla markaana looga hortegayay falalka amni darro iyo maandooriyaha Khamriga. Taliyeyaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa bulshada Magaalada Gaalkacyo ugu baaqay inay Ciidamada kala shaqeeyaan ka hortega arrimaha amniga lid ku ah iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha Khamriga ama isticmaala. PUNTLAND POST The post Hawlgal amni oo laga sameeyay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  9. Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujisay banaanbaxyada iyo rabashadaha ka socda Magaalooyin ka tirsan Koonfur Afrika, kuwaas oo saameeyay Soomaalida Ganacsi ahaan u joogta dalkaas. War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay dowladda Soomaliya aad uga xun tahay Afarta qof ee Soomaalida ah ee rabshadahaas lagu dilay, sidoo kale dhaca loo geystay “ Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa walaaceeda qoto dheer oo ku saabsan rabshadihii iyo bililiqadii ay ku dhinteen afar qof oo Soomaali ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen iyo dukaankooda oo ay dhac ka geysteen tuugo hubaysan meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka KwaZulu-Natal ee Koonfur Afrika 72dii saacadood ee la soo dhaafay” ayaa lagu yiqi qoraalka dowladda Soomaliya. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay ugu baaqday in ay muujiso dadaal xoogan si loo ilaaliyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda falalka arxan darrada ah, si loo hubiyo badbaadada noloshooda, dukaamadooda iyo ilaalinta xuquuqdooda. Dalka koonfur Afrika waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socda banaanbaxyo iyo rabshado ay sameeynayaan taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, waxaana rabshadahaas lagu dilay Afar qof oo Fanacsato Soomaali ah, halka kuwo kale hantidooda la boobay. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Soomaalida lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  10. Gudoomiye ku xigeenka guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal Mowliid Mataan Salaad iyo xubno kale oo ka tirsan GHDHF ayaa kulan fogaan arag ah la yeeshay musharrax madaxwayne Jibriil Ibrahim Cabdulle. Intii kulanku socday waxa laga wada hadlay in si buuxda looga wada shaqeeyo qabsoomida doorasho daah furan. Xubnaha GHDHF ayaa xusay in ay ka go’antahay guddiyada doorashooyinka inay cadaalad usameeyan Dhamaan musharixiinta tartamaya. Dhankiisa Musharax MD Jibriil Ibraahim Cabdule ayaa hoosta ka xariiqay in kalsooni buuxda uu kula shaqayn doono guddiyada doorashooyinka dalka. Waxa kale oo uu ku booriyay xubnaha Guddiyada doorashooyinka muhiimada ay leedahay in dhamaan musharraxiintu ay helaan sinaan iyo caddaalad. PUNTLAND POST The post Gudiga Doorashooyinka heer Federaal oo wada-hadal la yeeshay Musharax Jibriil Ibrahim Cabdulle appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye iyo wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Xamza Saciid Xamza ayaa is dhaafsaday hadallo kulul oo ku aadan shaqada wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha. Labadaan wasiir ayaa shaqada labadaas wasaaradood loo kala wareejiyey markii uu xafiiska yimid ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna wasiir Khadiija ka soo jawaabtay dhaliil uu wasiir Xamza u jeediyey wasaaraddii ay ku wareejisay. Wasiir Xamza Saciid ayaa warbaahinta u sheegay in markii loo magacaabay wasaaradda dhalinyarada uu waayey xafiis uu ku shaqeeyo, sidoo kalena uu u tegay shaqaalihii oo fasax isaga maqan ku dhawaad laba sano ah, mushaarna iska qaadanaya, taas oo shaqa badan kadib uu sheegay in hadda uu wax badan ka bedelay. Wasiir Khadiija Diiriye oo hadalkaas ka carootay ayaa ka soo jawaabay, waxayna wasiir Xamza ku eedeysay in markii la bedelay uu horay u sii kaxeystay, oo ‘soo celi laga kari waayey gaari ay leedahay wasaaradda gargaarka’. “28-OCT/2020 ayuu igu wareejiyay xilka Wasaaradda Gargaarka iyo MM XJFS ilaa haddana wuxuu heystaa gaarigii hantida wasaaradda lagu iibiyay weliba iyadoo uu amar ku bixiyey Hanti-dhowraha guud ee Qaranka inuu soo celiyo ilaa iyo haddana lagama haayo. Hanti Qarana waligeey la iguma eedeyn,” ayey wasiir Khadiija ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga. Wasiir Xamza ayaa yiri, “Habeenkii aan la wareegay xafiiska wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, waxaan waayay xafiis aan subixii u shaqa galo, waxaan ugu tagay iyadoo shaqaalaha wasaaradda sanad iyo bar ilaa laba sano fasax isaga jiraan mushaarkana ay iska qaadanayaan, runtii waxay taasi igu noqotay mushkilad weyn oo meesha ka jirtay.” Wasiir Khadiija oo ka jawaabaysay eedeynta Xamza ee xafiiska iyo fasaxa shaqaalaha la xariirta ayaa tiri, “War-Dowladeed warqaduu ku-yaalaa. Wasiir Xamze waxaad ka mid ahyed golihii wasiiradda ee aqbalay fasaxa shaqaallaha wasaaradda ee weydii gudigaaga anshaxa iyo kan gob-shaqo ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XJFS.” The post Khadiija Diiriye iyo Xamza oo hadallo kulul is-dhaafsaday appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiin reer Hiiraan ah oo uu qeyb ka yahay taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa habeen hore Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha HirShabellle Cali Guudlaawe. Xildhibaanadaan iyo siyaasiinta oo dhamaantood u dhashay beesha Xawaadle ayaa Guudlaawe ka dalbaday in uu is hortaago in guddoomiyaha guddiga maamulaya doorashada baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya dhinaca HirShabelle aan laga dhigin Axmed Xasan Diini, kaasoo isla maanta la doortay. Diini oo maanta loo doortay guddoomiyaha guddigaas ayay Xildhibaanadaan ku eedeeyeen in uu ugu hanjabay in dhamaan Xildhibaanada Xawaadle kaliya uu ka soo laaban doono Nuur Iidow Beyle, halka inta kalane uu ku dadaali doono inaysan soo bixin, isagoo sababta ugu sheegay in uu amarkaas ka soo baxay Villa Somalia. Cali Guudlaawe ayaa mas’uuliyiintii uu la kulmay u sheegay in Diini ay wadato Villa Somalia islamarkaana uusan waxba ka qaban karin. Sidoo kale siyaasiintaan ayaa sheegay in Cali Guudlaawe oo isu dhiibay madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana loo gaaro go’aanada siyaasadeed ee degaankiisa ama mida guud ee dalka. HirShabelle gaar ahaan magaalada Beladweyne ayaa kamid ah magaalooyinka ay ka dhici doonto doorashada ugu adag ee baarlamaanka Soomaaliya. Maamulka HirShabelle ayaa aad loo saadaalinaya inay kasoo bixi doonaan xildhibaano aad u taabacsan Villa Somalia, sababtuna ay tahay in maamulkaas uu si buuxda gacanta ugu jiro madaxtooyada, ayada oo Guudlaawe uu The post Guudlaawe oo xildhibaanada Hiiraan u sheegay inuusan wax ka qaban karin qorshaha Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  13. Nuxurka Mqaal uu qoray M/weyne Muuse Biixi oo lagu daabacay Wargeyska Newsweek ee ka soo baxa dalka Maraykanka Madaxweynaha Somaliland ayaa maqaal Uu ku qoray wargeyska weyn ee Newsweek ee Maraykanka Waxa uu kaga hadlay ahmiyadda ay leedahay in Madaxweynaha Maraykanka Mr Joe Biden siyaasaddiisa arrimaha dibadda ee ku aaddan Geeska Afrika door muhiim ah ka siiyo iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka. Madaxweyne Biixi waxa uu qormadiisa ku lafo-guray caqabadaha ka jira gobolka Geeska oo dawladda Maraykanku danaynayso una soo diratay wakiillo laakiin, ay mudan tahay in arrintaas door laga siiyo Somaliland oo wax badan kala qaban karta Maraykanka danihiisa gobolka iyo guud ahaan ahmiyadda uu leeyahay iskaashi dhexmara Maraykanka iyo Somaliland. “Inbadani ma taqaan Beesha Caalamkuna ma aqoonsana, haddana Somaliland waxay ku guulaysatay meelo aanay qaar (dalal) badan ku guulaysan—iyada oo ay yar tahay taageerada ay ka hesho dalalka Qaadhaanka bixiya ama Shirkaddaha/hay’addaha caalamiga ah. Waxaanu qabsanay doorashooyin badan oo dimuquraaddi ah oo qof iyo cod ah, waxaanu dhulkayaga ka baajinay Argagixisada, waxaanu baddayada ka ilaalinay Budhcad badeeda, iyada oo aanu iska dhawrnay faro gelinta shisheeyaha oo kuwa kale (dalalka deriska) ee gobolku isu dhiibeen. Waxa aanu dhidibada u taagnay deggenaansho dhaqaale oo u kobcaya sida kaabeyaasha iyo warshadahayagu u korayaan una qaan-gaadhayaan,” Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in 30-kii sano ee u dambeeyay Dunidu ka marag ahayd horumarka Somaliland halka dalal waaweyn iyo ku yaryar oo Afrika ah la daala dhacayaan muran dhuleed, dagaallo qoomiyadeed, kuwo diimeed. Waxa uu tilmaamay isbedellada Somaliland samaysay kadib xorriyad kala soo noqoshada midawgii fashilmay ee Somalia, haddana ay ku naaloonayso horusocod dhaqaale iyo dimuqraaddiyad “Waxaa sharaf ii ah in aan ahay Madaxweynaha 5-aad ee Somaliland ee si dimuqraaddi ah loo soo doortay. Guusha Somaliland waxa qayb ka ah is aamminsanaanta muwaadiniinta dhexdooda, taas oo marka ay wakhtigeeda timaaddo aan Madaxweynaha 6-aad xilka ku wareejin doono,’ Madaxweyne Biixi waxyaabaha uu sida weyn u hogo-tusaaleeyay waxa ka mid ah danaha Somaliland iyo Maraykanku iska kaashan karaan ee gobolka Geeska Afrika oo dawladda Maraykanku dano badan ka leedahay sidoo kalena ay jiraan faro gelin badan oo dalal Shiinuhu ka mid yahay oo si weyn u danaynaya gobolkan istaraatijiga ah, islamarkaana ay habboon tahay in Maraykanku kaashado Somaliland oo wax badan kala qaban karta danihiisa Geeska. “Somaliland waxay sii wadaysa ilaalinta amniga dadkeeda iyo sugidda nabad galyada biyaheeda xeebta dhereran 850KM. Ciidamadayada Badda iyo Xuduudaha iyada oo ay tababaraan Ingiriiska iyo Midawga Yurub waxay diblamaasiyiintayadu soo dhawaynayaan in la helo iskaashi cusub oo dhanka Maraykanka ah. Taasi waxay wax ka taraysa jabinta kooxaha xagjirka ah, dhammaynta colaadda Yemen, dejinta xiisadda Itoobiya iyo ilaalinta Marin badeedka muhiimka ah ee ciidamada Badda iyo dhoofiyeyaasha Maraykanku ku tiirsan yihiin,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi East Africa’s Ray of Hope in a Challenging Year for Democracy Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa Hey’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA ku eedeeyey inay handadaad u heyso guddiyada doorashada ee Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintan ku sheegay qoraal uu kasoo saaray kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar la la’yahay 17 maalmood oo hooyadeed ay sheegtay inay ku tuhmeyso NISA. “NISA waxaa horay ugu luglahayd dhalinyaradii Eritrea loo qaaday, kiiskan iyo kuwo kale oo la mid ahna waa lagu haystaa. Waxay hanjabaad joogta ah ku hayaan xubnaha guddiyada doorashada,” ayuu xusay. Hoggaamiyaha Wadajir ayaa ku baaqay in si deg deg ah xilka looga qaado hoggaanka Hey’adda NISA si xal loogu helo dhibaatooyinka ay hey’adaan ku heyso dalka sida uu hadalka u dhigay. “Sida keli ah ee NISA lagu xakamayn karo waa in hoggaankeeda la bedelaa, loona dhiibaa shakhsi shaqada hay’ada ku ekaada. Waa tijaabo hortaala madaxbanaanida Rooble,” ayuu yiri. Sido kale Hoggaamiye Cabdiraxmaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay inuu xil iska saaro sidii loo meel loo saari lahaa cabashada ka timid waalidiinta Ikraan. “Waxaan codkayga ku biirinayaa Hooyo Qaali Guhaad. Waxaan ugu baaqayaa Raysalwasaare Rooble in uu xil iska saaro cabashada waalidka ay gabadhu ka maqan tahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa Ra’isulwasaare Rooble ka codsaday inuu kiiskaan u saaro guddi madax banaan si ay baaritaan ugu sameeyaan kiiska Ikraan oo muddo ugu dambeysay qoyskeeda taasoo markii ugu dambeysay gurigeeda looga qaaday gaari loo maleenayo in laga leeyahay Hey’adda NISA taariikhda markay aheyd 26 June. “Baaritaanka kiiskan waa in guddi madaxbanaan loo saaro. Sida ay waalidiinta sheegeen iyo xog aan ilo kale ka helayno, Ikraan waxaa ugu war danbaysay gacanta Hay’adda Nabad-Sugida,” ayuu sii raciyey. Ikraan oo 24 jir aheyd oo si dhow ula soo shaqeysay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir AUN, Injineer Yarisow, ayaa la la’yahay tan iyo 26-kii Juun sanadkan aan ku jirno ee 2021-ka, sida ay sheegeen xubno kamid ah qoyskeeda oo la hadlay Warbaahinta. Hooyo Qaali, oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in gabadhan ay xilli habeen ah raacday gaari u diiwaan gashan dowladda oo la yaqaan, gaar ahaan hay’adda NISA. Baabuurka gabadha qaaday ayey sheegtay inuu xilli habeen ah, abaare 8-dii, 26-kii June uu ugu yimid gurigeeda, kadibna Ikraan ay qaadatay Labtop ay ku shaqeyneysay. The post CC Shakuur oo ka hadlay kiiska Ikraan, shaaciyeyna xubno kale ‘oo la beegsaday’ appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa xalay markale howl-gal gaar ah ka sameeyey agagaarka xarunta madaxtooyada qaranka , kaas oo ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga, sida ay sheegeen laamaha ammaanka. Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka fuliyeen degmada Boondheere, gaar ahaan xaafado u dhow xarunta Villa Soomaaliya. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in howl-galka si gaar ah looga sameeyey inta u dhaxeysa isgoyska Maana-Booliyo, illaa Taalada Daljirka Daahsoon, waxaana ciidamada inta uu socday baaritaanka ay xireen dhaq-dhaqaaqa waddooyinka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo tuhmanayaal ah, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano, halka kuwa kale ciidamadu ay sii daayeen marka ay qabteen, kasii kadib. Saraakiisha ammaanka weli war rasmi ah kama soo saarin howl-galkaasi oo ahaa mid ballaaran, isla-markaana lagu xaqiijinayey ammaanka magaalada Muqdisho. Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in howl-galkan uu daba socdo mid habeen ka hor laga sameeyey degmada Warta Nabadda, kadib markii tiro hoobiyeyaal ah lagu weeraray xaafado hoosta kaga yalla dhismaha Villa Soomaaliya. Ammaanka Muqdisho ayaa maalmihii dambe ahaa mid aan xasilooneen waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal amni darro, sida dilal qorsheysan & weeraro qaraxyo ah. Si kastaba dhacdooyinkan iyo howl-gallada ay wadaan ciidamada ammaanka ayaa kusoo aadayo, xilli haatan la guda-galayo doorashooyinka dalka oo heshiis laga gaaray. The post Howl-gal culus oo laga fuliyey xaafado ku dhow Villa Soomaaliya + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  16. Ehelada gabadh kufsi iyo dil loogu haystay Magaalada Hargeysa oo Afka furtay Ehelada gabadh kufsi iyo dil loogu haystay Xaafada Maxamed Mooge ee magaalada hargaysa ayaa ka hadlay dil iyo kufsi loo gaystay marxuumad lagu magacaabi jiray Hinda Cumar taasi oo falkan ay ugaysteen sida ay eheladu sheegeen wade bas iyo kirish boygii la socday Sidoo kale ehelada marxuumadan ayaa ka waramay dhacdadan iyo cadaymihii ay dhakhaatiirtu usheegeen in ay ugeeriyootay.Dhanka kale ehelada marxuumadan kufsiga iyo dilka loo gaystay ayaa laamaha amaanka iyo xukuumada ugu baaqay in wax laga qabto falkan foosha xun. Halkan ka daawo warkan oo faahfaahsan:- Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku muujineyso sida ay uga walaacsan tahay rabshadihii iyo bililiqadii ka dhacday dalka Koonfur Afrika oo saacadihii la soo dhaafay lagu dilay 4-qof oo Soomaali ah, kuwa kalena lagu dhaawacay. Sidoo kale dukaamo badan oo ay la haayeen muwaadiniin Soomaaliyeed ayey bililiqeysteen tuugo hubeysan, meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka KvvaZulu-Natal ee dalka Koonfur Afrika, 72-kii saac ee la soo dhaafay. War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa dowladda Koonfur Afrika inay dadaalkeeda oo dhan ku bixiso, sidii loo ilaalin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed falalka arxan darrada ah, si loo hubiyo badbaadada noloshooda, dukaamadooda iyo ilaalinta xuquuqdooda.” Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Soomaaliya waxay ku faantaa cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay la leedahay dadka Koonfur Afrika intii ay ku jirtay halgankii ay kula jirtay midab kala sooca iyo heerka ay gaarsiisneyd taageerada badan ee siyaasadeed, dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed ee ay siisay in muddo ah.” Tan iyo markii xabsiga loo taxaabay madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma todobaadkii hore, kaas oo loo heysto musuq maasuq, waxaa dalkaas hareeyey dibad-baxyo waaweyn iyo boob ay geysanayaan dadka u dhashay dalkaas, dukaamada iyo bangiyada waaweyn ee dalkaas ayaa loo geystay boob xoog leh. Ugu yaraan afar qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ahaa ayaa la xaqiijiyey inay ka mid noqdeen dadkii maalmihii la soo dhaafay ay galaafteen rabshadaha ka socda dalkaas, sidoo kale waxaa jira Soomaali kale oo dhaawacyo kala duwan loo geystay, waxaana boob xoog leh lagula kacay dukaamo badan oo ganacsato Soomaaliyeed ay ku lahaayeen gobollo kala duwan oo dalkaas ka tirsan. The post DF oo si kulul uga hadashay afar qof oo Soomaali ah oo lagu dilay dal kale (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  18. Xildhibaan Soomaali ah oo Ilaaladiisa sidii Qadaafi ka dhigatay Dumar Dad badan waxay aad u xasuustaan in hoggaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Qadaafi ay ilaaladiisa gaarka ah ahaayeen gabdho, laakiin hadda waxaa arrintaas mar kale samaysay gabar Soomaali ah oo ku jirta baarlamaanka dalka Kenya. Canab Suboow Guure, oo ah xildhibaan laga soo doortay Garissa ayaa qabsatay hadal haynta baraha bulshada maxalliga ah iyo warbaahinta Kenya ka dib markii ay soo bandhigtay ilaaladeeda wada dumarka ah. Arrinta kale ee dadka soo jiidatay waxay ahayd in gabadhaha ilaalada u ah Canab ay si buuxda ugu asturan yihiin xijaabka Islaamka, ayna hubaysan yihiin. Labo gabdhood oo la sheegay in ay yihiin ilaaladeeda khaaska ah ayaa sidoo kale sita gasnadaha rasaasta iyo qoryo. Canab Suboow Guure ayaa mar baahisay sawir ay ka muuqdeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Calanka Soomaaliya, taas oo sababtay in si wayn loogu eedeeyo in dal kale ay taageero u tahay. Balse way beenisay dhammaan eedaha loo jeediyay, Waxayna sheegtay in sawirka uu ahaa xilligii la furayay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi. Canab oo ah siyaasi aad ugu doodda xuquuqda dadka ay matasho ayaa Waraysi ay siisay warbaahinta Nation ku tiri: “Waxaan door biday inaan dumar ka dhigto ciidanka sugaya amnigayga. Waxaan aaminsanahay in gabdhaha ay qaban karaan shaqo ka fiican midda ragga.” Sawirrada hadal haynta dhaliyay ayaa laga soo qaaday xilli ay booqasho ku tagtay goob amnigeeda uu halis yahay. Iyadoo arrintaas sharraxaysa waxay sheegtay: “Meesha aan u safray waxay 10km u jirtay xadka Soomaaliya, waxaana u baahday hal gaari oo ciidanka amniga ah inuu i wehliyo. Goobta aan tagay waxaa dhawaan weerar ku soo qaaday koox ka tirsan al-Shabaab, sidaas awgeed ma aanan rabin in aan naftayda halis galiyo.” CANAB GURE Ilaalada xildhibaan Canab Guure ayaa ku labisan dharka asturan ee dumarka Muslimiinta Balse waxay sheegtay in aysan ahayn markii ugu horraysay ee ay haween u noqdeen ilaalaa amnigeeda sugaya. “Maya, iguma wehliyaan oo kaliya safarrada aan xuduudda agteeda ku aado, mar walba way ila joogaan gabdhaha ilaalada ii ah,” ayay tiri. CANAB GURE Intii ay booqashada ku joogtay halkaas waxay kulamo la yeelatay bulshada halkaas ku dhaqan, kuwaas oo ay kala hadlaysay xaalado ay ka mid yihiin amniga iyo nolosha, maadaama ay tahay goob ka tirsan ismaamulka Garisa. Maxay tahay Faa’iiada gaarka ah ee ugu jirta gabdhaha ilaalada ah? Xildhibaan Canab Suboow Guure waxay sharraxaad ka bixisay sababta ay u jeclaatay ilaaada dumarka kaliya ah, iyadoo sheegtay inay ku qabto faa’iido dheeraad ah. “Waxaa jira qalab dumarka u gaar ah shakhsi ahaan oo aan mararka qaar hilmaamo in aan qaato, sidaas awgeed waxaan ka heli karaa gabdhaha ilaaladayda ah oo boorsooyinkooda ku wata. Sidoo kale waxaa jira hadallo aanan ku dhex dhihi karin ilaalada ragga ah”. CANAB GURE Mar la waydiiyay sida ay ku samaysatay ciidanka haweenka ah waxay sheegtay in aysan dooneynin inay bixiso faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan gabdhaha, maadaama ay tahay xog u gaar ah iyaga. Waa markii ugu horraysay oo xildhibaan Canab lagu arko ilaalada dumar ah oo si buuxda u xijaaban oo Soomaalina ah. Hadal haynta ka dhalatay arrintan ayaa gaartay heer dadka qaar ay ku taliyaan in dhammaan dumarka siyaasyiinta ah ay sameystaan ilaalo gabdho ah. Qaran News
  19. Somalia intii ka dambaysay burburkii dawladii dhexe ee Somalia 1991 kii waxa markii ugu horeysay dawlad loogu soo dhisay dalka Djibouti gaar ahaan magaalada Carta, waxaana lagu soo doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan sanadkii 2000. Magaalada Muqdisho xiligaasi waxa haystay hogaamiye kooxeedyo hubeysan oo mid waliba jufadiisa hor fadhiyo isuna qabo in uu madaxwayne yahay, waxa kale oo soo labaynayey kooxaha xoogaga maxaakiimta oo hubaysnaa ahaana awood qarsoon oo soo kobcaysa. Magaalada Muqdisho markii uu ka degay Madaxwayne Cabdi Qaasim Salaad Xasan ( 2000 ilaa 2004 ) waxa ku soo dhaweeyey xoogagaa hubaysan ee markii dambe isku badelay maxaakiimtii islaamiga ahaa, Al-shabab iyo Xisbul Islam, waxa sidoo kale dawladaasi oo dhaafi wayday Hutel Ramadan Muqdisho taageeray laba sadex hogaamiye kooxeed walow aanay awood lahayn . Xukuumada madaxwayne Cabdi Qaasim waxa ay yeelatay laba Raisal wasaare oo kala ahaa 1-Cali khaliif Galaydh, 2- Xasan Abshir Farax labadaba Alle ha u naxariisto e, waxaana ka hor yimid markiiba dalka Ethiopia iyaga oo ka cabsi qabay urur diimeedyada faraha badan ee awood doon ka ah in uu ka soo jeedo, gaar ahaan ikhwaanu muslimiin oo saldhigeedu yahay Egypt, waxaana ay xukuumadaasi qaadi kari wayday hal talaabo oo yagleel dawladnimo oo rasmi ah. Waxa ku xigtay xukuumadii uu gadhwadeenka ka ahaa madaxwayne Cabdilaahi Yuusuf Axmed (2004 ilaa 2008 ) Alle ha u naxariisto e oo iyada lagu xamanayey in Ethiopia wadato, waxaana lagu soo dhisay magaalada Embaghati ee dalka Kenya sanadkii 2004 . Xukuumadaasi waxa ay degtay Baydhabo oo ay ciidamo ku urursatay ay ka mid yihiin ciidankii maamul goboleedka Puntland oo uu Cabdilaahi Yusuf madaxwayne hore uga ahaan jirey iyo ciidamo Ethiopian ah oo badan, waxa Raisal wasaare ka ahaa Cali Maxamed Geedi, halka uu wasiirka arimaha guduhuna ahaa Xuseen Maxamed Faarax Caydiid. Dawladii Cabdilaahi Yuusuf hogaaminayey xoog iyo dagaal ayey ku tagtay Villa Somalia, waxaana dhacay dagaalo lagu hoobtay, dawlada Cabdilaahi Yuusuf waxa mus dambeed u ahaa dawlada Ethiopia sidaasi darteed ayey uga hor yimaadeen xoogaga islaamiyiinta ah, waxa kale oo ka hor yimid dadka deegaanka Muqdisho qaybo ka mid ah. Waxa dhacay dagaalo culus oo lagaga soo horjeeday in ciidamada Ethiopia Somalia soo galaan maadaama ay yihiin dal ay Somalia cadaawad soo jireen ahi ka dhaxaysay, dagaalkani oo markii dambe ujeedooyin kale yeeshay oo ay ururo argagixiso oo dano kale lihi dhex galeen, waxaa sameysmay mucaarid xoogan oo dal iyo dibad ba isaga yimid oo Asmara isku urursaday oo wadaado iyo siyaasiyiin ba isugu jira. Waxa is khilaafay Cabdilaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi oo Raisal wasaare ahaa waxaana noqday oo uu Raisal wasaare ka dhigtay madaxwayne Cabdilaahi yuusuf, Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Cade ) oo ay markii dambe is qabteen iyo Cabdilaahi Yuusuf oo loo arkay nin wada aargoosi siyaasadeed oo Ethiopia iska hor yimaadeen, markiiba caalamku cadaadis ku saareen in uu talada wareejiyo. Waxaa xigtay in la dhisay dawlad ay ku mideysan yihiin maxaakiimtii islaamiga ahaa oo uu la heshiiyeen maraykanka iyo dawladihii danaynayey arimaha Somalia xiligaasi waxaana lala hadashiiyey intii ka soo hadhay dawladii Cabdilaahi Yusuf oo uu Nuur Cade hogaaminayo waxa la dhisay dawlad ku meelgaadh ah oo wadata baarlamaan ka kooban laba baarlamaan oo la isku daray oo uu hogaaminayo Sheekh Shariif waxaana lagu dhisay dalka Djibouti caasimadiisa Djibouti 2009. Xukuumada uu madaxwayne Shariif hogaaminayey (2009 ilaa 2012 ) waxa ay fursad u heshay in ay haykalkii dawladnimo dhisto, diyaariso nidaam dalka Somalia kumeelgaadhka lagaga saarayo, waxaa hawlahaa gadhwadeen ka ahaa Raisal wasaare Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ku helay sumcad badan iyo Xukuumadiisii la odhan jirey ( TAYO ) . Murug iyo isqabsi dhacay ka dib waxa heshiis Kampala lagu gaadhay in Farmaajo iyo xukuumadiisa la rido oo xiligaasi faro baas ku haysay kooxaha argagixisada iyada oo dan loo arkay markaasi cid wadatayba, waxaana heshiiskaa Kampala Accord aqbalay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo sidaa kaga tagey xilkii, xukuumadiisiina dhacday. Waxa kale oo Maamulka Sheekh Shariif iyo sadexdii Raisal wasaare ee kala dambeeyey diyaariyeen hab federal ah in dawladnimada Somalia loo badelo oo maamul goboleedyo la dhiso waxaana la iskula qaatay shirarkii Garoowe 1 iyo Garoowe 2 oo mudo kooban ka horeeyey shirkii London ee dib u dhiska Somalia 2012 oo 52 dawladood oo aduunka ahi ka soo qayb galeen. Shirkii London 2012 waxa uu ahaa shirkii ugu horeeyey ee Somaliland iyo Somalia kawada qayb galaan waxaana ku jirey oo ahaa shirarkaasi communique keegii 26 qodob ahaa qodobkiisa 6aad in beesha caalamku adkaynayso in xukuumada ku meelgaadhka ah ee Somalia iyo kuwa ka dambeeyaa wada hadal la furaan Somaliland . Waxa ku xigtay xukuumadii uu hogaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud (2012 ilaa 2017 ) oo raacaysay qariirdadii Garowe 2 ( Garoowe Two Roadmap ) oo ahaa hirgalinta nidaamka maamul goboleedyada ( federal system) iyo qodobadii ka soo baxay shirkii London 2012 ee dib u dhiska Somalia oo ugu weynaa qodobka wadahadalada Somaliland iyo Somalia, Ethiopia waxa loo arkayey cida dabada ka riixaysa nidaankan ee qorshaheega lagu socdo. Xiligaasi xukuumada madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxa abuurnayd qadiyad Ethiopia diid ah oo loo arkayey in talada Somalia ay Addis-Ababa faraha kula jirto waxaana si gaar ah saameyn u lahaa General Gabre oo qaabilsanaa arimaha Somalia oo Muqdisho fadhiyey, sidoo kale ciidamada Ethiopia iyo Amisom na taladooda wax weyn ku lahaa. Madaxweynihii xigey waxa uu noqday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ( 2017 ilaa hadda 2021 ) fadhiya oo ku ololeeyey in aanay aheyn wax la aqbali karo in Ethiopia Somalia dhexdeeda ka taliso waxaana uu ku helay taageero iyo cudud weyn oo dadku siiyeen xiligaasi maadaama aad loo dareemayey culeyska Ethiopia. Ayaan darada dhacday Madaxwayne Farmaajo oo jooga ayaa muwaadiniin soomaaliyeed inta uu qab-qabtay Ethiopia u dhiibay oo uu ka mid ahaa Qalbi dhagax, ka dib markii xukuumadii Tplf meesha ka baxdayna waxa uu noqday garabka koowaad ee Abiy Ahmed iyo dawlada Ethiopia oo ay wada galeen heshiisyo sadex geesood ah dalalka Somalia, Ethiopia iyo Erateria. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Saameynta Ethiopia ay ku leedahay siyaasadda dalka Soomaaliya 2000 ilaa 2021 appeared first on Caasimada Online.
  20. Markab u rarnaa Ganacsato Reer Somailand-na oo ka goostay Dekeda Berbera isagoon rogin Shixnadii saareyd+Sababta Markab u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah isla-markaana muddooyinkii u dambeeyay ku xidhnaa Dekedda Magaalada Berbera, ayaa halkaa dib uga goostay isagoon Alaabtii laga rogin. Warar uu helay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegaya in Markabku ka goostay Dekedda Berbera, ka dib markii ay is khilaafeen Ninkii Wakiilka u ahaa, kaasi oo deggan dalka Imaaraadka Carabta. Illaa hadda lama oga meel uu jaan iyo Cidhib dhigay Markabkan oo Ganacsatada Somaliland u siday Alaab lagu Qiyaasay illaa 5 Milyan oo Dollarka Maraykanka. Warar kala duwan oo Geeska Afrika soo gaadhay, ayaa sheegay in Ganacsatadu ku mashquulsan yihiin inay meel ku ogaadaan Markabkii alaabta u siday, balse illlaa hadda lama oga halka uu ku sugan yahay Markabkaasi. Xilliga Markabku Alaabta la goostay, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Maalmo ka hadheen Ciidda Carafo. Qaran News
  21. DJIBOUTI—On Jan. 19, a U.S. aircraft opened fire on a vehicle driving near Jamaame, Somalia, killing a commander of the Islamist militant group al-Shabaab, the local al Qaeda affiliate. That mission and another the same day brought to 203 the number of airstrikes former President Donald Trump carried out in Somalia during his term in office, according to military records. On Jan. 20, Joe Biden was sworn in as president. Since then, there hasn’t been a single U.S. airstrike on al-Shabaab. The U.S. war against al-Shabaab, conducted largely behind a veil of secrecy since 2007, remains in limbo as Mr. Biden weighs his national-security priorities and wrestles with the last-minute decisions of his predecessor. “We’re committed to Somalia,” said a senior U.S. official. “What exactly that will look like is still under discussion.” In the final weeks of his presidency, Mr. Trump ordered a hurried withdrawal of roughly 650 U.S. special-operations and other troops from Somalia, where they had been training an elite local commando unit to fight al-Shabaab. The military moved most American troops to neighboring Djibouti and Kenya, sites within commuting distance of Somali government training camps. Mr. Trump’s decision has constrained Mr. Biden’s options in the strategic Horn of Africa, the geographic intersection of valuable Red Sea shipping routes, U.S.-China competition for business and influence, and the sprawling, post-Sept. 11 American War against Islamist militants. Mr. Biden’s administration is conducting a global review of American troop deployments overseas. Among the decisions the president faces: Whether to put troops back into Somalia, a country that seems distant to many Americans and where the 1993 Black Hawk Down episode left 18 U.S. soldiers dead on the streets of Mogadishu. Mr. Biden also confronts the question of whether to resume airstrikes against al-Shabaab, the militant group that emerged from the chaos that followed that previous U.S. misadventure in Somalia. A Somali army spokesman declined to comment on the country’s security situation. A government spokesman didn’t respond to a request for comment. In 2017, Mr. Trump declared parts of Somalia “areas of active hostility” and authorized offensive operations against al-Shabaab. U.S. Africa Command, based in Stuttgart, Germany, could approve airstrikes, with a good deal of authority given to the counterterrorism task force and special-operations commanders inside Somalia. The airstrikes fell into two categories: Planned strikes on key al-Shabaab leaders, and urgent close-air support for American or allied troops in firefights against militants. “In Somalia a little air power goes a long way,” said a former senior U.S. commander. “Al-Shabaab will always quit the battlefield if they feel there’s an air power capability.” With U.S. troops no longer stationed alongside their Somali allies, there have been no close-air support missions since Mr. Biden’s inauguration. Planned airstrikes against top leaders, directed by the counterterrorism task force, now require signoff from Washington, according to defense officials. Five months into his term, Mr. Biden has yet to order a single one. An Africa Command spokeswoman declined to explain the reasons behind the lull in airstrikes. A Pentagon spokesman declined to say whether field commanders had sought approval for strikes or whether the president has to sign off personally on such requests. “It is common for the U.S. government to pull kinetic strike authorities back to the highest level of decision makers following a change in administration,” said Maj. Gen. William Zana, commander of the U.S.-led task force in the Horn of Africa. “Militarily, we benefit from having those authorities passed back down to a level which is sufficiently agile and operationally effective.” U.S. commanders see rising militant violence in Somalia in the context of surging security threats from Islamist militants across a swath of Africa, especially in the Sahel, a band of semiarid land that runs East-West through Mali, Burkina Faso and Niger. Groups aligned with al Qaeda and Islamic State carried out 1,170 attacks in the Sahel last year, up from 92 in 2016, according to data from the Armed Conflict Location & Event Data Project assembled by the Pentagon-funded Africa Center for Strategic Studies. Militants killed more than 4,200 people in the Sahel last year and conducted 278 attacks in the first three months of this year, the center reported. In 2017, four U.S. servicemen and five Nigerien troops were killed in an ambush in Niger carried out by militants from the Islamic State of the Greater Sahara. The U.S. maintains a reconnaissance drone base and other forces in Niger. American troops in June completed ground, air and sea exercises with counterparts from Morocco, Senegal and Tunisia, including a simulated attack across the desert with armor, infantry and a B-52 bomber. U.S. troops are only authorized to use lethal force in self-defense in the Sahel; France takes the lead in providing offensive combat assistance to beleaguered governments there. For years, the U.S. made Somalia its primary focus in Africa. Al-Shabaab’s “leaders have called for attacks on Americans, not only in the region, but in the world and in the U.S. homeland,” Gen. Stephen Townsend, head of U.S. Africa Command, said after the military exercises in Morocco. “I believe we should take these threats seriously.” Last year, al-Shabaab fighters attacked U.S. forces posted to a Kenyan military base in Manda Bay, near the Somali border. An American soldier, Spc. Henry J. Mayfield, Jr., and two U.S. civilian contractors were killed. American troops at Manda Bay were training Kenyan soldiers for anti-al Shabaab operations in Somalia under the auspices of the African Union. Early this month, al-Shabaab claimed responsibility for a suicide bombing that targeted police and intelligence officials who frequent tea shops at an intersection in Mogadishu, according to retired Somali Col. Ahmed Abdullahi, former commander of the country’s special-forces brigade, and a militant pronouncement monitored by SITE Intelligence Group. The group last month seized control of the town of Wisil, a strategic crossroads in central Somalia. “The lack of strikes now has really emboldened al- Shabaab a lot,” said Col. Abdullahi, who is now a security consultant for diplomats working in Somalia. He said he hoped Mr. Biden would put a smaller American force back into Somalia to train local commandos. He argued that the U.S. should resume airstrikes, but more selectively target high-level al-Shabaab commanders so as not to create resentment among ordinary Somalis. Human Rights Watch and Amnesty International have alleged that U.S. airstrikes have repeatedly killed or injured civilians, and that the U.S. military has done an inadequate job of investigating those cases. U.S. Africa Command says it is diligent in investigating allegations of civilian deaths, including a report that the Jan. 19 airstrike killed a noncombatant. Military investigators concluded that the only casualty was the al-Shabaab commander the airstrike was intended to kill. In a written statement that accompanied that investigation, Gen. Townsend said, “We will continue to refine our processes to ensure our partners and the public recognize our commitment to minimizing civilian casualties whenever possible.” The military is still investigating allegations that a Jan. 1 airstrike injured three civilians. Efforts by the U.S., the African Union and their allies to help stabilize Somalia have been frustrated by clan rivalries and political skirmishing between the powerful states and the central government. In some areas of rural Somalia, al-Shabaab is the de facto government. U.S. officials calculate that al-Shabaab collects about $130 million in “taxes” from these areas each year, an amount equivalent to about 20% of the budget of the Somali federal government. “Somalia is just a mess, and it will continue to be a mess,” said Air Brig. Gen. Stéphane Dupont, commander of French forces in the region. Most of the U.S. troops previously stationed in Somalia are now among the 4,000 or so U.S. personnel at Camp Lemonnier in neighboring Djibouti, which shares linguistic and cultural ties with Somalia. While awaiting orders from Mr. Biden, U.S. special-operations troops commute from Djibouti into Somalia to train and supervise the local commandos. The base is the largest U.S. position in Africa and houses an East Africa Response Force on call for embassy evacuations and other emergencies. Specialists at a military crime lab at the camp try to identify al-Shabaab bomb makers by examining explosives residue, fingerprints, DNA and other evidence from attacks. U.S. trainers conduct infantry drills with Djibouti’s 400-man Rapid Intervention Battalion, and American personnel fly drones, both armed and unarmed, over Somalia from a base near Djibouti’s capital. Djibouti has largely avoided al-Shabaab violence, despite its alliance with the U.S. An exception was in 2014 when an al-Shabaab operative in a black robe blew herself up in the middle of the dining room at La Chaumière restaurant, a spot popular with foreigners. Another attacker threw a hand grenade toward a pair of German diners, according to the restaurant’s owner. Two people died, plus the attackers themselves. Djibouti was a French colony until 1977, and France still keeps an army battalion and Mirage jets in the country to assist in its defense. The U.S. camp in Djibouti sits about 5 miles from China’s first overseas base, a port facility that Western officials says is being expanded to handle an aircraft carrier. China’s presence, and the large infrastructure projects Beijing is sponsoring in Djibouti, add a backdrop of great-power competition to the counterterrorism campaign that absorbs the Horn of Africa. “If someone comes and brings investment, we’ll roll out the red carpet,” said Youssef Moussa Dawaleh, president of the Djibouti Chamber of Commerce. Gen. Zana said it was too early to know whether the U.S. withdrawal to Djibouti has worsened Somalia’s security. But, he added, “I don’t know that anyone would assert that the situation has improved as a result of this decision.” —Nancy A. Youssef contributed to this article. Source: Wall Street Journal The post U.S. slows anti-terrorist campaign in Somalia as it considers new policy appeared first on Caasimada Online.