Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii wasiirrada ahaa ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu u magacaabay baaritaanka dhacdadii Golweyn ee lagu laayey dadka rayid ah, ayaa maanta shirkii ugu horreeyay la yeeshay taliska ciidanka AMISOM, waxayna xubnaha guddigaas oo warbaahinta la hadlay shaaciyeen heshiis ka kooban 3-qodob oo AMISOM ay la galeen. Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qodobadii ay kala hadleen AMISOM warbaahinta la wadaagay ayaa sheegay in seddax qodob ay u kala qaadeen arrinta, kuwaas oo kala ah. 1 – In ciidankii dhibka geystay sharciga la hor-geeyo, kuwaas oo qaar la xiray, qaarna baaritaan lagu wado, sida uu sheegay wasiirku. 2 – In ehellada dadkii la dilay laga daaweeyo dhibkii dhacay oo AMISOM ay bixiso magta dadkii ay dishay. 3 – In AMISOM aysan dhibaatooyin dambe u geysan shacabka Soomaaliyeed. “Arrinta ugu muhiimsan waxay tahay ciidamada AMISOM dalkaan ayey nala joogaan, waxaan maanta kala hadalnay taliska AMISOM in dhibaatooyin kale aysan dhicin mustaqbalka oo AMSIOM loo diyaariyo hanaan lagu koontoroolaayo dhaqdhaqaaqa ciidankooda,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in ka guddi ahaan ay sii daba-geli doonaan maxkamadeynta ciidankii dadka rayadka ah ku dilay Golweyn, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan in si dhab ah loo qanciyo dadkii dhibku gaaray. Hoos ka daawo The post Xukuumadda iyo Amisom oo heshiis 3 qodob ah ka gaaray xasuuqii Golweyn + Video appeared first on Caasimada Online.
  2. Golaha Wadatashiga Qaran ee ka kooban dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeeyay shir labo maalmood uga socday xarunta Afisyoone ee Muqdisho, waxayna ka soo saareen war-murtiyeed. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay Todoba (7) habraac doorasho, kuwaas oo kala ah: Maamulka maaliyadda doorashada Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay in la dhiso guddiga maamulka maaliyadda doorashada oo ka kooban guddiyada doorashada heer federaal, heer dowlad goboleed iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Xulida ergooyinka doorashada Golaha Wadatashiga Qaran waxay ku heshiiyeen in ergada doorashada ee ka kooban 101 ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaangashan dowlad goboleedyada iyo bulshada rayidka ah. Amniga doorashada Golaha Wadatashiga Qaran waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddiga amniga doorashada oo ka kooban 10 xunnood oo kala ah: 1. Ra’iisul Wasaaraha 2. Taliyaha Booliska Soomaaliya 3. Taliyaha Booliska Puntland 4. Taliyaha Booliska Jubaland 5. Taliyaha Booliska Galmudug 6. Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed 7. Taliyaha Booliska Hirshabeelle 8. Taliyaha Booliska UNSOM 9. Taliyaha Booliska AMISOM 10. Xoghayaha amniga guddiga doorashada heer federaal. Xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%. Golaha Wadatashiga Qaran waxay saxiixeen in ay qaadayaan mas’uuliyada xaqiijinta qoondada haweenka. Waxaa la go’aamiyay in la asteeyo kuraas Aqalka Hoose oo haweenka kaliya ku tartamayaan. Doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland Golaha Wadatashiga Qaran waxay ku heshiiyeen in liiska musharaxiinta Aqalka Hoose ee gobolada Waqooyi (Somaliland) ay soo gudbiyaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, uuna hubiyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaran waxay ku heshiiyeen in xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland ay doortaan 46 xubnood oo 23 ka imanayaan odayaasha dhaqanka gobolada Waqooyi, halka 23 kale ka imanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana la waafajiyay habraacii doorashadii 2016. Daahfurnaanta doorashada Golaha Wadatashiga Qaran waxay isku raaceen in dhamaan inta shaqada ku leh doorashada ay saxiixaan hab-dhaqanka anshaxa doorashada. Waxay kaloo ku heshiyeen in guddiga doorashada heer dowlad goboleed ay shaaciyaan musharaxiinta kuraasta doorashada iyo xiliga doorashada, iyagoo 48 ka hor ogaysiinaya guddiga doorashada heer federaal iyo guddiga khilaafaadka. Codbixintu in ay noqoto qarsoodi, telefoonkana la mamnuuco iyo in gudbinta natiijada doorashada la ilaaliyo badqabkeeda ayaa sidoo kale kamid ah habraacyada daahfurnaanta doorashada ee la shaaciyay. La-taliyayaasha farsamo La-taliyayaasha farsamo waxaa la sheegay in ay xoghayn u yihiin Golaha Wadatashiga Qaran, ayna ka caawin doonaan arrimaha kala ah: 1. Diyaarinta farsamo ee kulamada madaxda Golaha Wadatashiga Qaran 2. Talasiinta arrimaha hirgelinta heshiisyada doorashada. 3. Fududeynta dhaqangalka qorshada amniga doorashada 4. Fududeynta iyo talo-siinta howlaha dib-u-heshiisiinta Gedo 5. Diyaarinta hannaan lagu ilaaliyo qoondada haweenka. 6. Tala-siinta Golaha Wadatashiga Qaran ee caqabadaha farsamo iyo dhaqaale ee la soo gudboonaada guddiga doorashada. 7. Isku dubaridka dadaalada Beesha Caalamka ee ku aadan u qareemida dhaqaalaha doorashada. 8. Xiriirka dhammaan guddiyada doorashada iyo Golaha Wadatashiga Qaran. Muuqaalka hoose ka daawo habraacyada oo faahfaahsan. PUNTLAND POST The post Maxay yihiin 7 habraac doorasho ee ku heshiiyeen Golaha Wadatashiga Qaran? appeared first on Puntland Post.
  3. Ciyaartoyda Haylaan oo kor u qaadaya tababarahooda Xulka gobolka Haylaan ayaa tagay kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, markii uu riigoorayaal 5-4 uga adkaaday xulka Mudug, ciyaar waqtigii loogu talagalay ku dhamaatay barbardhac 1-1. Waa markii ugu horreysay oo xulka gobolka Haylaan uu tago kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland oo la qabtay siddeed jeer tan iyo 1998. Guusha uu gaaray xulka kubbadda cagta Haylaan waxaa looga dabaal-degay deegaanada hoostago gobolka Haylaan, gaar ahaan waxaa si weyn loo dabaal-degay magaalada xarunta ah ee Dhahar. Dabaal-dega Dhahar Xulka Haylaan ayaa kulanka kama-dambaysta (final-ka) wajihidoona xulka Nugaal oo markii saddexaad oo xiriir ah yimid kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland. Kulanka kama-dambaysta ayaa dhici doona maalinta Talaadada ee taariikhdu ku beegan tahay 24 Agoosto 2021, sida ay shaacisay wasaaradda ciyaaraha Puntland. PUNTLAND POST The post Goormuu dhici doonaa kulanka kama-dambaysta Tartanka Ciyaaraha Puntland? appeared first on Puntland Post.
  4. He swept to power preaching unity and hope, struck a landmark peace deal with the longtime foe Eritrea, released thousands of political prisoners, lifted restrictions on the press and promised to overturn decades of repressive authoritarian rule. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shir labadii maalmood ee u dambeeyay uga socda magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka dalka. War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saaray 7-habraac oo looga heshiiyey doorashooyinka, kuwaas oo kala ah. 1– Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada 2– Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada 3– Habraaca Xulista Ergada Doorashada 4– Habraaca Amniga Doorashada 5– Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka 6– Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland 7– Hawlaha la-taliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran. Golaha ayaa isla qaatay in Ergooyinka doorashada ee dooranaya Golaha Shacabka ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaan gashan xukuumadda iyo Bulshada rayidka, taasi oo ay hubinayaan guddiga doorashada heer Dowlad ee heer federaal. Sidoo kale Ergada Somaliland ayaa waxaa soo xulaya duubabka nabadoonada iyo bulshada rayidka ee la isla ogol yahay, kuwaasi oo ay hubin doonaan guddiga maamulka doorashada Somaliland iyo xafiiska Rooble. Golaha ayaa si waafaqsan heshiiskii 27-kii May waxay go’aamiyeen in la abuuro guddiga amniga doorashada oo ka kooban 10 xubnood oo ka kala ibaanaya Talisyada maamulka, Taliska booliska Soomaaliyeed iyo Ra’iisul wasaaraha. Hoos ka daawo Hoos ka akhriso The post Habraac doorasho oo laga soo saaray shirkii Rooble iyo madax goboleedyada dalka appeared first on Caasimada Online.
  6. Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirka Wadatadhiga arrimaha doorashooyinka oo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Dowlad gobaleedyada dalka uga socday Teendho ku taalla Afisyooni. Shirka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku aaddan waxyaabihi ay isla meel dhigeen madaxda labada dhinac. War-murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa waxaa qeyb ka ah Habraacyada doorashada Aqalka sare ee Gobalada Waqooyi oo muddooyinkii la soo dhaafay muran uu ka taagnaa. Hoos Ka akhriso War-murtiyeedka Shirka. Source: goobjoog.com
  7. The post War-murtiyeed ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan oo ku sugan Muqdisho iyo Beladweyne ayaa Caasimada Online xaqiijiyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheysay in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle awood ciidan lagu geeyo magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Xog aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe diyaarad Helicopter ah lagu geyn doono Beledweyne, taasoo ka dajin doonto xerada ciidamada Cirka ee Lama-galaay. Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in arrintaan ay ku howlanyihiin Xildhibaan Nuur Iidow Beyle, Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya Jeneral Mukhtaar iyo madaxweyne ku-xigeenka Maamulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo hada dhamaantood ku sugan magaalada Beladweyne. Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii ay guul dareysteen dadaalo ka socday Beladweyne, kuwaasoo ay maalmahaan wadeen Xildhibaano iyo siyaasiin reer Hiiraan ah. Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shalay ka digay in Beladweyne ay ka dhacaan dagaalo iyo in doorashada laga weeciyo magaaladaas. Goodax Barre ayaa dhaliilay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo Baledweyne gaaray iyo madaxda ugu sareysa HirShabeelle oo uu ku eedeyay iney burburinayaan masiirka umadda reer Hiiraan oo ay ka shaqeyn hayaan in colaad ka dhacdo gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay. “Wadatashiyadii socday, waxaa hakad galiyay wafdi uu hogaaminayo Yusuf Dabageed oo gadaal ka yimid, isla markaana qaarkood hadallo daandaansi ah baraha bulshada u mariyay dadka deegaanka una arka xalka keliya in ay dagaalamaan,” ayuu yiri Goodax. “Wafdiga Dabageed wuxuu iigu muuqday dad colaad xambaarsan Isla markaana ku shaqaynaya fikirkii Dabageed ee ahaa “Haddii Cali Guudlaawe uusan imaan Baladweyne doorasho kama dhacayso” Waa ayaan darro iyo nasiib xumo weyn in dadka nuucaas ah ee Muqdisho taleefanka looga hagayo, in ay ummad dhan masiirkooda u burburiyaan danahooda shaqsiga ah.” Goodax ayaa sidoo kalen nasiib-darro ku tilmaamay in shacabka Beledweyne loogu caga-jugleeyo in doorashada laga wareejinayo Baladweyne, haddii aanu iman Guudlaawe, sida uu hadalka u dhigya. The post Xog: Qorshaha Guudlaawe lagu gaynayo Beladweyne oo isku beddelay awood ciidan appeared first on Caasimada Online.
  9. Guddi heer wasiiro ah oo Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay baaritaanka dhacdadii Golweyn ee lagu dilay dadka rayidka ah, ayaa maanta shir la yeeshay taliska AMISOM oo ay kala hadleen sidii ay caddaalad u heli lahaayeen dhibbanayaashii dhacdadaas. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in shirka qeyb ay ka ahaayeen taliyaha ciidamada Uganda, saraakiisha AMISOM, Midowga Afrika iyo safiirka Uganda ee Soomaaliya. Wuxuu sheegay in ay ka wada hadleen sidii dhibaatadii Golweyn ka dhacday loo xalin lahaa, islamarkaana cadaalad u heli lahaayeen dhibbaneyaashii dhacdadaas. Sidoo kale, Wasiirka Cadaaladda ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah askartii ka dambeysay falkaas la soo xiray, halka qaar kalena baaritaan uu ku socdo. PUNTLAND POST The post Askar AMISOM ka tirsan oo loo xiray dhacdadii Golweyn appeared first on Puntland Post.
  10. Panjshir (Caasimada Online) – Ciidamadii hore ee dowladda Afghanistan ee billaabay muqaawamada ka dhanka ah kooxda Taalibaan ayaa isku diyaarinaya “dagaal daba dheeraada,” balse waxay sidoo kale diyaar u yihiin wada-xaajood, sida uu sheegay afhayeen u hadlay. Tan iyo markii Taalibaan ay xukunka la wareegeen, kumanaan qof ayaa gaaray Dooxada Panjshir, si ay u helaan aag ay ku bad-baadaan uguna biiraan dagaalka, sida uu sheegay Ali Maisam Nazary . Waxaa halkaas ku sugan Ahmed Massoud, oo ah wiilka taliyihii caanka ahaa ee Mujaahidiinta Afghanistan Ahmed Shah Massoud, oo ay dileen Al-Qacida, laba maalmood ka hor weerarkii September 11, 2001. Sida uu sheegay Nazary, Ahmed Massoud ayaa halkaas ku diyaariyey dagaal-yahano dhan 9,000 oo askari, inkasta oo aan si madax-banaan loo xaqiijin karin tiradaas. Kooxdan oo la baxday Jabhadda Iska-Caabinta Qaranka (NRF), ayaa sheegtay in ahmiyaddeeda koowaad ay tahay in laga fogaado dagaal dhiig badan uu ku daato, ayna doonayaan nidaam cusub oo dowladeed. Hase yeeshee Nazary ayaa sheegay in kooxda ay isku diyaarisay dagaal, islamarkaana haddii Taalibaan aysan wada-xaajood gelin, ay wajihi doonaan muqaawamo ka dhacda dalka oo dhan. “Shuruudaha nabad aan la galno Taalibaan, waa in dowladda laga dhigaa mid aan hal meel laga xukumin, iyo nidaam xaqiijiya cadaaladda bulshada, sinnaanta, xuquuqda iyo xoriyadda dadka oo dhan,” ayuu yiri Nazary oo ah madaxa xiriirka arrimaha dibedda ee kooxda NRF. Waxa uu yiri in haddii aysan Taalibaan middaas aqbalin uu jiri doono “dagaal daba-dheeraada.” Inkasta oo Taalibaan ay gacanta ku hayaan inta badan dalka, Nazary waxa uu sheegay in maleeshiyo ku sugan meelaha qaar ay billaabeen iska caabin, islamarkaana ay xulufo la sameysteen kooxda NRF ee uu hoggaamiyo Massoud. “Taalibaan ma joogi karaan meel kasta, kheyraadkooda waa xadidan yahay. Ma haystaan taageerada aqlabiyadda,” ayuu yiri. Ahmed Massoud ayaa dhowaan sheegay in ciidamadiisa ay diyaar u yihiin inay qaadaan iska caabin wax ku ool ah, wuxuuna Mareykanka ugu baaqay inay hub iyo rasaas siiyaan maleeshiyadiisa. Faallo uu Arbacadii ku qoray wargeyska Washington Post ayuu Ahmed Massoud ku yiri “Mareykanka wuxuu weli hub weyn u noqon karaa dimoqraadiyadda,” isaga oo taageeraya maleeshiyadiisa. “Waxaan maanta kasoo qorayaa Dooxada Panjshir, waxaan diyaar u ahay inaan qaado raadkii aabahey, aniga oo haysta muajaahidiin diyaar u ah inay mar kale ka hortagaan Taalibaan,” ayuu yiri. Isaga oo rajeynaya inuu raaco “raadkii aabnihiis” ayaa Massoud waxa uu sheegay inay kusoo biireen xubno ka mid ah ciidamadii gaarka ahaa ee Afghanistan “oo ka niyad jabay is-dhiibitaanka taliyayaashooda.” The post Kooxda Ahmed Massoud ee DAGAALKA ku iclaamiyey ururka Taalibaan oo hadda sheegay inay doonayaan… appeared first on Caasimada Online.
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka dhacdo lacag malaayiin dollar ah, oo ah dhaqaalaha ka soo baxa diyaaradaha isticmaala Hawada Soomaaliya, oo qeyb ka aheyd Somaliland. Maareeyaha Hay’adda duulista iyo maamulka madaarrada Somaliland, Cumar Sayid oo khudbad ka hor jeediyay Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa waxa uu ku dooday in dowladda federaalka aysan gacanta ku hayn maamulka diyaaradaha Somaliland, hase yeeshe ay maamulato dhaqaalaha kasoo baxa, ee ay xaqa u leedahay Somaliland, sida uu yiri. “Hawada waxa laga maamulaa Taawar, iyaguna (Soomaaliya) Taawar bay haystaan, annaguna (Somaliland) Taawar baanu haysanaa, laakiin waxa keliya ee inaga maqani waa Dakhligii innaga dhexeeyay (Soomaaliya) ee ay ahayd inaynu qaybsano intaynu kala baxayno ayay keligood dhinac ula jeedsadeen,” ayuu yiri. “Hawo ay maamulkeeda awood ku leeyihiin iyo diyaarad ay innaga joojin karaan iyo mid ay inoo fasixi karaan midna ma jirto, taana waynagii markii ugu dambaysay ay Jabuuti kaga wada-hadalnay, Beesha Caalamkuna garta innaga ayay ina siisay, wixii ay heshiis ka baxeena miiska ayaynu keenay, iyagaa (Soomaaliya) weli isku maqan oo isku buuqsan.” Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fashilmatay dhowrista xeerka duulimaadyada Adduunka oo dhigay in aan marnaba la carqaladeyn duulimaadyada Rayidka ee dunida iskaga kala-goosha. Mareeyaha ayaa ugu dambeyntiina ku hanjabay in xukuumada Somaliland, gaar ahaan Hay’adda duulista ay qaadi doonto qorsheyaal ay ku maareynayso maamulka hawadeeda, oo uu ka gaabsaday shaacinteeda, kuwaasi oo dhaqan-geli doona haddii ay dowladda federaalka waxba ka hirgeli waayan, sida uu sheegay. The post Maxay tahay lacagta ay Somaliland sheegeyso inay ka dhacdo DF Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  12. Ilmo ku dhex dhashey diyaarad Mareykanka dad ku daad gureynayey Ciidanka Mareykanka Haweeney reer Afghanistan ah, ayaa ku dhashey ilmo yar, iyadoo saaran diyaarad Mareykanku ay ku daad gureynayaan dad fara badan. Farriin lasoo dhigey maanta oo axad ah barta twitter-ka, ayuu taliska guur guura ee hawada Mareykanka, ku sheegay in haweeneydan iyo qoyskeedu ka safrayeen Bariga Dhexe, iyagoo kusii jeeday saldhiga cirka ee Ramstein ee Jarmalka, markii ay foolanaysay. Kadib markii haweeneydan ay lasoo daristay xanuun, taliyaha diyaaradda ayaa go’aan sadey in hoos loo dhigo joogga ay ku duuleysay diyaaradda, si loo kordhiyo cadaadiska hawada ee diyaaradda, taasoo gacan ka geysatey xasilinta iyo badbaadinta nolosha hooyadan. Markii ay caga dhigatey diyaaradda, dhakhaatiirta ciidanka Mareykanka, ayaa soo dagay, iyagoo ku wareejiyey ilmihii yaraa hooyadii dhashey. Medical support personnel from the 86th Medical Group help an Afghan mother and family off a U.S. Air Force C-17, call sign Reach 828, moments after she delivered a child aboard the aircraft upon landing at Ramstein Air Base, Germany, Aug. 21. (cont..) pic.twitter.com/wqR9dFlW1o — Air Mobility Command (@AirMobilityCmd) August 21, 2021 Hooyadii iyo ilmihii yaraaba way caafimaad qabaan, iyadoo loo qaadey isbitaal ka ag dhawaa saldhigga ciidanka cirka. Qaran News
  13. Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Shirguddoonka Golaha Wakiillada+Muqaal Halkan ka Daawo Muqaalka Warkan:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay shirguddoonka golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha wakiilladu, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed. Kulankan oo ah kii u horreeyey ee ay rasmi u yeeshaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirguddoonka cusub ee golaha wakiilladu ayaa lagu lafo-guray hannaanka wada shaqayneed ee ka dhexeeya golaha sharci dejinta iyo xukuumadda. Waxaana kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirrada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, mudane Siciid Sulub Maxamed iyo xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi. Dhinaca shirguddoonkana waxa gudoomiyaha ku wehelinaayey gudoomiye ku xigeenka koowaad, Mudane Siciid Mire Faarax iyo guddoomiye ku xigeenka labaad mudane Cali Xaamud Jibriil. Qaran News
  14. Dagaalo aad u culus ayaa Ku dhaxmaraya Ciidamada Dawlada iyo Xoogagga Tigray ee TPLF agagarka magaalada Mersa ilaa Wichale ee gobolka Amharada. Ciidamada Faderaalka iyo kuwa Degaanka oo is kaashanaya Ayaa la sheegay inay duulaanka Bilaabeen, Dagaalka oo aad ubalaartay ayaa sababay khasaare aad ubadan oo soo kala gaaray labada dhinaca ee Dagaalku dhaxmarayo. Labada dhinacba Guul ayay ka shegteen Dagaalka. Afhayenka Ciidanka Tigray iyo Saraashika Milatariga Ethiopia ayuu mid walba sheegay inay Guul wayn gaareen. Qaramada midoobey jimcihii war ay soo saartay waxa ay labadana dhinac ugu baaqday in ay colaada hakiyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay shirguddoonka golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha wakiilladu, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed. Kulankan oo ah kii u horreeyey ee ay rasmi u yeeshaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirguddoonka cusub ee golaha wakiilladu ayaa lagu lafo-guray hannaanka wada shaqayneed ee ka dhexeeya golaha sharci dejinta iyo xukuumadda. Waxaana kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirrada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, mudane Siciid Sulub Maxamed iyo xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi. Dhinaca shirguddoonkana waxa gudoomiyaha ku wehelinaayey gudoomiye ku xigeenka koowaad, Mudane Siciid Mire Faarax iyo guddoomiye ku xigeenka labaad mudane Cali Xaamud Jibriil. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qeybta guud ee Nabad-Sugida gobolka Banaadir ayaa maanta ku guuleystay inay ka saaran dad deganaa dhul ku dhex yaala xarunta Akaadeemiyadda Jilicow, kaasi oo ay xiisadiisu taagneyd muddo badan. Waxaa muddo Laba sano ah digniino la siinayay dad shacab ah iyo saraakiil Ciidanka Dowladda ka tirsan, si ay uga guuraan dhulkaasi, waxayna Maxkamadda Gobolka Banaadir si rasmi ah u amartay bishii Febraayo 2020-ka ka saaristooda, kadib markii uu Taliska qeybta guud ee Nabadsugidda gobolka uu codsi waaran ah u diray Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida. Sida ay ogaatay Caasimada Online, sababta u weyn ee taliska gobolka u rabay in laga saaro dadkaas dhulka ku dhex yaala xarunta Akaadeemiyadda Jilicow, ay aheyd sababo amni oo food saaray. Waxaa dhowr jeer agagaaraha dhulkaas ka dhacay falal amni darro, midaasi oo sare u qaaday walaaca Nisa ee ku aadan qataraha ka imaan kara arga-gixisada. Si kastaba, Taliska qeybta guud ee Nabadsugidda gobolka Banaadir daba jooga amarka dhul ka saarista ee Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa maanta dadkaas gebi ahaanba ka saaray dhulkaas. The post Kadib laba sano oo digniin ah, taliska NISA oo maanta ku guuleystay inay saaraan… appeared first on Caasimada Online.
  17. The Somali national army late Friday said troops killed 60 al-Shabaab terrorists, including two senior commanders, in an operation in the southwestern province of lower Shabelle. Source: Hiiraan Online
  18. Nin caayey Xaaskii Nebi Muxumad NNKH oo Sucuudiga lagu xidhay Booliiska Sucuudiga, ayaa xidhay nin la sheegay inuu ku caayey nabi Muxummed “NNKH” xaaskiisa Caa’isho baraha bulshada. Ninka la xidhey ayaa dadiisa waxaa lagu qiyaasey soddomeeyo, isagoo galiyey aflagaadada meel ka dhaca bar la isku weeydaarsado afkaaraha. Afhayeenka booliiska ee magaalada Riyadh, Maj Khaled al-Kraidis, ayaa warkan ku sheegay barta waaxda ammaanka ee Sucuudiga 20-kii bishan August. Sida uu sheegay afhayeenku, waxaa lagu sameeyey ninkan la xidhay baadhitaan, iyadoo loo gudbiyey xeer ilaalinta guud. Qaran News
  19. Taalibaan oo gabdhaha Suxufiyiinta ah ka eriday Warbaahinta Dawlada Ugu yaraan laba gabdhood oo suxufiyiin ah oo u shaqeeya idaacadda dowladda Afgaanistaan ayaa xaqiijiyay in Taalibaan aysan u oggolaan inay shaqeeyaan, kaddib markii ururkaas ay soo galeen magaalada Kabul, ayna la wareegeen hay’adaha dowladda oo ay ku jiraan warbaahinta Qaranka. Gabdhaha suxufiyiinta ah ayaa loo sheegay inaysan geli karin dhismaha Warbaahinta Qaranka ee Afgaanistaan ee (RTA) markii ay yimaadeen goobta shaqada. Muuqaal lagu baahiyay Internetka ayaa la arkay Shabnam Khan Dawran oo ah gabar war-akhriye ka aheyd Telefishinka Qaranka oo sheegeysa in rag ay shaqo-wadaag yihiin loo oggolaaday inay galaan dhismaha, laakiin iyada loo diiday. “La iima oggolaan gudaha Warhaabinta Qaranka inkasta oo aan heysto aqoonsiga shaqada. Ragga shaqaalaha ah ee heysta aqoonsiga shaqada waxay awoodeen inay galaan xaafiiska, waxaana la ii sheegay inaana sii wadi karin waajibaadkeyga, maadaama uu is-bedelay nidaamkii dowladda” ayay tiri Dawran oo warbaahinta ka shaqeyneysay muddo lix sano ah. Khadiija Amiin oo iyana ah suxufiyad kale oo ka tirsan Telefishinka Qaranka ayaa warbaahinta gaarka loo leeyahay ee TOLONews u sheegtay in loo diiday inay gasho xaafiiskeeda Talaadadii, isla markaana saaxiibbo kale oo ay isla shaqeynayeen sidaas oo kale shaqada loo diiday. Waxay sheegtay Khadiija, in arrinkan ay kala hadleen agaasimaha cusub ee Taalibaan u magacawday Warbaahinta Qaranka, kaasoo u sheegay in Taalibaan ay dhawaan go’aan ka gaari doonto inay shaqeyn karaan iyo in kale. Warbaainta Qaranka ee RTA waxaa hoosyimaada tobanaan idaacado iyo telefishinno ah, waxayna ka hawlgashaa magaalada Kabul iyo 32 gobol. Laakiin markii ay Taalibaan la wareegeen, waxay magacii warbaahinta qaranka u beddeleen Shariat Ghag (Codka Shareecada) – kaas oo ahaa magaca idaacadda keliya ee ku hoos imaan jirtay xukunkooda 1990-meeyadii. Wariye madaxbanaan oo ku sugan Helmand ayaa VOA u sheegay in Taalibaan ay Warbaahinta Qaranka u bixisay magaca cusub ee Codka Shaareecada Jimhcii, ay inta badan “tabiso wararka iyo dhaqdhaqaaqyada Taliban”. Qaran News
  20. 7 Qof oo lagu dilay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Kaabul Britain ayaa sheegtay in toddoba qof oo shacab Afghan ah lagu dilay qalalaase Sabtidii ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaaha Kabul, halkaas oo dad badan ay ku xoomeen ayaga oo isku dayaya inay gaaraan garoonka si looga qaado. Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa la xarbinayey inay la taacaalaan kumanaanka qof ee isugu jira ajaaniibta iyo shacabka Afghanistan ee ka cararaya dalkaas, kadib markii ay xukunka la wareegeen Taalibaan. “Waxaan maskaxda ku haynaa dhammaan qoyska toddobada ee ku dhintay Kabul,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Britain, isag aoo aan faah-faahin ka bixin sida ay wax u dhaceen. Taleefishinka Sky News ee Britain ayaa baahiyey muuqaallada saddex ka mid ah meydadka oo yaalla dibedda garoonka. “Xaaladda waa mid aad caqabad u leh, waxaanse isku dayeynaa wax kasta oo aan awoodno si aan u xakameyno, ugana dhigno mid amni ah oo sugan, sida ugu macquulsan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Britain. Dhinaca kale, kooxda Taalibaan ayaa ku eedeysay Mareykanka inay mas’uul ka yihiin qaska ka jira garoonka diyaaradaha Kabul. “Mareykanka, oo awoodda aan ognahay leh, waxay ku guul-darreysteen inay kala dmabeyn ka hirgeliyaan garoonka. Nabad iyo xasilooni ayaa ka jirta dhammaan dalka intiisa kale, hase yeeshee jahwareer ayaa ka taagan garoonka,” Waxaa sidaas yiri Amir Khan Mutaqi, oo ah sarkaal ka tirsan Taalibaan. Taalibaan ayaa hadda kala dambeyn kusoo rogtay banaanka garoonka, ayaga oo rasaas kor u ridaya, kuna qasbayaa shacabka inay safaf galaan. Qaar ka mid ah dad goobjoogeyaal ah ayaa laga soo xigtay in amarka Taalibaan uu shaqeeyey, dadkuna ay si nabdoon ugu jiraan safaf dhaadheer oo gala garoonka. Qaran News
  21. Kabul (Caasimada Online) – Britain ayaa sheegtay in toddoba qof oo shacab Afghan ah lagu dilay qalalaase Sabtidii ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaaha Kabul, halkaas oo dad badan ay ku xoomeen ayaga oo isku dayaya inay gaaraan garoonka si looga qaado. Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa la xarbinayey inay la taacaalaan kumanaanka qof ee isugu jira ajaaniibta iyo shacabka Afghanistan ee ka cararaya dalkaas, kadib markii ay xukunka la wareegeen Taalibaan. “Waxaan maskaxda ku haynaa dhammaan qoyska toddobada ee ku dhintay Kabul,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Britain, isag aoo aan faah-faahin ka bixin sida ay wax u dhaceen. Taleefishinka Sky News ee Britain ayaa baahiyey muuqaallada saddex ka mid ah meydadka oo yaalla dibedda garoonka. “Xaaladda waa mid aad caqabad u leh, waxaanse isku dayeynaa wax kasta oo aan awoodno si aan u xakameyno, ugana dhigno mid amni ah oo sugan, sida ugu macquulsan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Britain. Dhinaca kale, kooxda Taalibaan ayaa ku eedeysay Mareykanka inay mas’uul ka yihiin qaska ka jira garoonka diyaaradaha Kabul. “Mareykanka, oo awoodda aan ognahay leh, waxay ku guul-darreysteen inay kala dmabeyn ka hirgeliyaan garoonka. Nabad iyo xasilooni ayaa ka jirta dhammaan dalka intiisa kale, hase yeeshee jahwareer ayaa ka taagan garoonka,” Waxaa sidaas yiri Amir Khan Mutaqi, oo ah sarkaal ka tirsan Taalibaan. Taalibaan ayaa hadda kala dambeyn kusoo rogtay banaanka garoonka, ayaga oo rasaas kor u ridaya, kuna qasbayaa shacabka inay safaf galaan. Qaar ka mid ah dad goobjoogeyaal ah ayaa laga soo xigtay in amarka Taalibaan uu shaqeeyey, dadkuna ay si nabdoon ugu jiraan safaf dhaadheer oo gala garoonka. AFP, REUTERS, VOA The post Toddoba qof oo lagu dilay garoonka Kabul, Taalibaan oo sheegtay cidda mas’uulka ka ah, qaaday tallaabo appeared first on Caasimada Online.