Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,252
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne kuxigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa magaalada kismaayo kulan kula qaatay guddiga dib u hishiisinta gobalka gedo oo shalay soo gabagabeyay wadahadallo ay la lahaayeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobalka. Guddigan oo uu hor boodayay wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobaleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa madaxweyne kuxigeenka warbixin ka siiyay xogtii ay ka soo aruuriyeen gobalka iyo sidii loo xaliyay khilaafki taagna. “Guddigan oo isugu jira Wasiiro ka kala tirsan Dowladd Goboleedyada Dalka sida Puntland Galmudug Hirshabeele iyo Koonfur galbeed ayaa Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland waxa ay oga warbixiyeen xaalada Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Garbahaarey ee Dowladd Goboleedka Jubbaland oo ay ku sugnaayeen afartii casho ee ugu dambeeysay halkaas oo ka wadeen xal u raadinta iyo dib u hishiisiin laga hirgaliyey Gobolkaa”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooya Jubbaland. Sikastaba maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo Farmaajo oo deegaan ahaan ka soo jedo gobalka Gedo ayaa mudda dheer isku haytay cidda maamuleyso gobalka gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddiga Wasiirada Arrimaha Gudaha Maamul Goboleedyada dalka ayaa muddo ay ku sugnaayeen magaalada Garbahaarey kadib saaka kasoo dhoofay halkaas, iyagoo gaaray Magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland. Guddiga oo uu horey u magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kana koobnaa wasiirada arrimaha gudaha dowlad Goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Kismaayo u tagay sidii ay madaxweynaha Jubaland ugu gudbin lahaayeen magacyada illaa 4 qof uu sharaxan guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka Magaalada Garbahaarey oo la filayo in lagu qabto qaar ka tirsan kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka. Magacyada afartaan qof ayaa waxaa guddiga usoo gudbiyey waxgaradka iyo odayaasha Garbahaarey ee taageersan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib kulamo dhex maray odayaasha iyo guddiga uu magacaabay Rooble. Sida ku qoran heshiiskii labaad oo ay 27 May ku saxiixdeyn Muqdisho madaxda Maamul Goboleeyada dalka iyo Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa magacabaya Guddoomiyaha magaalada Garbahaarey iyo ku-xigeenkiisa. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo hadda ka maqan Magaalada Kismaayo ayaa la filayaa inuu afartaan qof ka doorto laba qof oo noqonayo guddoomiyaha iyo ku xigeenka Magaalada Garbaahaarey. Magaalada Garbahaarey ayaa la filayaa in lagu qabto doorashada illaa 16 kursi, waxaana heshiiska la gaaray ku qoran in magaaladaas la geeyo ciidamo boolis ah oo ka socdo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM Xubnaha ay xilka maamulka magaalada Garbahaarey usoo sharxeen odayaasha iyo maamulka dowladda Federaalka hoostaga ee Gobolka Gedo ayaa kala ah: Xilka guddoomiyaha Garbahaarey: 1- Cali Xashi Diiriye 2- Nuur Muxumed Jaamac Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka: 1- Aadan Cismaan Nuur 2- Xuseen Baniin The post Aqriso: Axmed Madoobe oo loo gudbiyey liiska magacyada musharaxiinta xilalka Garbahaarey appeared first on Caasimada Online.
  3. Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulammo goonni goonni ah la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga & Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen. War ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Mr. Rooble uu kulammo goonni goonni ah la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga & Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen. Qoraalka waxa lagu sheegay in mas’uuliyiintu ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Rooble. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad oo si rasmi ah dib loogu doortay markisii afraad bishii May ayaa loo dhaariyay madaxweynaha dalkaas Sabtidii shalay aheyd, inkasta oo ay jireen dalal badan oo reer Galbeed ah oo wax isdabamarin ku eedeeyay. Bashar al-Asad oo muddo todoba sanadood ah sii ahaan doona Madaxweynaha Suuriya ayaa rogga cas ee qasriga madaxtooyada waxaa ku soo dhaweeyay koox militari ah, isagoo la hadlay dadweyne aad u badan oo iskugu jiray saraakiil iyo marti share kale. Laba sarkaal oo ciidan ah ayaa waday nuqullo ka mid ah Quraanka iyo dastuurka Suuriya oo uu Assad ku dhaartay. Wuxuu ku sheegay khudbadiisa in sababaha ugu weyn ee dhibaatada dhaqaale ee Suuriya ay hada tahay xayiraadda ay saareen bangiyada Lubnaan hantida dalkiisa. PUNTLAND POST The post Bashar al-Assad oo markii afraad loo dhaariyay madaxweynaha Suuriya appeared first on Puntland Post.
  5. Warbixin ay soo saareen midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay Soomaaliya quus joogto, lagana cabsi qabo in dib ugu noqoto dal baaba’ ah, waxay carabka ku dhufteen iney ka jirto dhibaato badan oo dhan walba oo xagga amniga, siysaasadda, iyo adeegyada ah, isla markaana la joogo waqtigii isbadal la sameyn lahaa. Warbixintan ay sabtidii soo saareen waxaa ku jirta in AMISOM ay joogtay 14 sano balse ay heysto dhibaato maalgelin la’aan sidaasi darteedna aaney wax badan u qaban karin, waxaa ay ka sheegteen in EU ay maalgelin u weysay(PCC), loona soo jeesto oo daacad laga noqdo hawlgalka si uu u mira-dhalo. Arrimaha warbixinta ay iftiimisay waxaa ka mid ah in magaalooyinka uun laga helo adeeg bulsho halka miyiga aaney jirin wax adeeg ah, oo nolosha ay liidato, haba ugu darnaadeen kaabayaal dhaqaale, booliiska iyo maxkamado oo aan jirin. Dhibaatada warbixinta ku jirta waxaa ka mid ah wada shaqeyn la’aanta dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, fulin la’aanta heshiisyada ay galaan iyo isla socod la’aanta midowga Afrika iyo beesha caalamka. Waxaana la soo jeediyey 4 Qaab oo midkood arrimahan lagu maareyn karo: Isku dhafka AU-UN: Hawlgalka inuu noqdo mid hoos taga AU-UN oo isku dhaf ah, waa qaabka koowaad ee lasoo jeediyey iyada oo lagu shaqeyn doono Chapter VII iyada oo la qiimeyn doono awoodda AMISOM, lana kordhin doono. Dib-u-habeyn lagu sameynayo AMISOM: AMISOM hawlgalkeeda hadda waa mid nabadeed iyo amni, waxaa uu qaabkan soo jeedinayaan in siyaasad lagu daro, oo ay xasiloonida la shaqeyn karaan, isla markaana dib loo qiimeeyo hawlgalka isla markaana ay AMISOM gacan ka geysato jawi siyaasadeed, lana adeegsado baa’binta Al-shabaab qaabab ka duwan midda military ee hadda jira sida dhismaha nabadda. IN La Hawlgeliyo Ciidamo dariska ah ee EASF: Arrintaas ay ka shaqeyaan midowga Afrika, ciidamadan dariska oo hadda ku jira AMISOM, marka ay hawsha guud la wareegaan, waa iney ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa nabadda, amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, waxaa kale oo lasoo jeediyey iney maalgeliso Qaramada Midoobey. Bixitaanka AMISOM & Soomaaliya oo masuuliyadda Lagu Wareejinayo: Qaabkan waxaa uu soo jeedinayaa in AMISOM ay lix bil gudaheed ku baxdo, isla markaana ay shaqada amniga la wareegaan xoogga dalka, taasi ayaa ka dhalatay ayaa la leeyahay kalsooni darrada ay qeybaha Soomaalida ku qabaan AMISOM iyo niyadjabka ay ka muujiyeeen hawlgalkeeda. Dhanka kale, xukuumadda Soomaaliya oo qoraal soo saartay waxaa ay ka hortimid warbixintan, iyada oo qiil uga dhigtay in aan lagala tashan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. The Somali government has raised a new rift with troop contributing countries to a peacekeeping mission on its territory after it rejected proposals to modify the forces for an expanded role. Source: Hiiraan Online
  7. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shaaciyey inay dowladiisa ka shaqaynayso sidii xidida loogu siibi lahaa TPLF oo uu ku tilmaamay inay yihiin Cancer ay tahay in laga ciribtiro Geeska Africa. Abiy Ahmed ayaa iclaamiyey dagaal cusub oo lagu soo ciribtirayo kooxda TPLF oo muddooyinkii ugu dambeeyey qabsaday magaalooyinka Gobolka Tigray oo ay horey u qabsadeyn ciidamada Federaalka Itoobiya. “TPLF Xididada ayaan u siibaynaa si ay u hirgashana dhammaanteen waa inaan u midoownaa sidii aan usoo af-jari lahayn,” ayuu yiri Abiy Ahmed. Abiy ayaa sheegay in ay dhageysteen hadallada uga imaanaya kuwa uu ku sifeeyey in aysan aqoonin TPLF, balse ay hadda garowsadeen cidda ay tahay TPLF oo ay dareemayaan in wixii ay ka shaqeynayeen aysan dhankoodaba ka hirgali karin, sida ku xusan qoraalka xafiiska Abiy Ahmed. Abiy ayaa tilmaamay in jiidaha hore ee dagaalka loo daadgureeyay kumaan askari oo ka tirsan ciidanka Qaranka Itoobiya ENDF, isagoo sheegay in ay tasi ka dhigan tahay diyaar garowgii kooxahan lagula dagaalami lahaa, isagoo sheegay in ay kasoo horjeedaan amni & Horumar dhaqaale oo ay gaarto Itoobiya. “Wiilashayada (askarta) ka kala yimid afarta jiho ee dalka waxay u jihayseteen sidii ay meesha uga saari lahaayeen argagixisada TPLF,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri “Kooxdaan argagixisada ah waxa ay halis ku yihiin midnimada dalka iyo isbadalka yar ee la dareemay si ay u burburyaan waxay isticmaaleen wado kasta oo ay adeegsan karaan gacmahana ka laaban mayno hada kadib.” “Ciidanka Difaaca qaranka iyo ciidama maamullada dalku waxay qaadayaan talaabooyinkooda dastuuriga waxayna qabanyaan Goobihii ay xaqa u lahaayeen loona asteeyay taasoo ay imaan karto carqalado lagu hanjabinayo waanse tusaynaa Saaxiibadeen iyo Cadawgewnaba mudo dhaw Natiijada hawl galka sareenta sharciga.” Hadalka Abiy Ahmed, ayaa imaanaya iyada oo kooxda TPLF, ay sheegay in ay maxaabiis ahaan u hayso kumaan ka tirsan ciidanka Milatariga Itoobiya ayna sii daysay kun ka mid ah balse la maxkamadayn doono saraakiisha hogaaminaysa. Abiy ayaa todobaadkaan sheegay in militariga ay iska celin doonaan qatar kasta oo kaga timaado kooxda TPLF, halka Gobolka Amxaarada iyo saddex gobol oo kale ay sheegeyn inay abaabulayaan xoogag si ay uga taageeraan ciidanka qaranka dagaalka lagula jiro kooxda TPLF. Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka, ku dhawaad 2 milyan ayaa barakacay halka in ka badan 5 milyanna ay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah. Jimcihii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa soo saartay bayaan ay ku eedeyneyso kooxaha gargaarka inay hubeeyaan mucaaradka. “Qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ayaa si firfircoon ugu howlanaa kaalin burburin ah. Waxaan sidoo kale xaqiijinay in ay gargaarka u adeegsanayeen gabbaad isla markaana ay hubeynayaan kooxaha mucaaradka si ay colaadaha u dheereeyaan,” ayaa lagu yiri bayaanka. The post Abiy Ahmed oo go’aan adag kasoo saaray dagaalka TPLF appeared first on Caasimada Online.
  8. Sinaba uma loodin karto xukuumadda Kulmiye Isbaheysiga mucaaridka Ucid & Waddani…….Xog-hayaha Arimaha Gudaha Ucid Kulmiye laga barto laga badi Doorashada isku sidkan ee golaha wakiilada iyo degaank ee ka qabsontey Somaliland 31 May, 2021. Waxey u dhacdey si nabad gelyo iyo farshaxan leh sida caadada u aheyd doorashooyinka Somaliland iyado la adeegsaday qaabka casriga ah ee Bio-metric. Shacabku waxey hiirti hore ba u dareereen goobaha loo cayimey iney ka codeeyaan oo safaf dhaadheer u galeen, iyago in badan ka soo horeyeey guddida doorashooyinka, kuwaaso bilaabey codeeynta 730 subaxnimo halkey aheyd iney bilaabaan 6 subaxnimo. Laakiin nasiib wanaag gelinki dambey safafki dhaadheera mey badneyn. Markey dhamaatey tirinti codadka ee goobaha, waxey muraaqibinti soo tebiyeen in labada xisbi mucaarid marka la isku geeyo ay codad aqlabiyad ah ka heleen labada gole. Waliba, gaar ahaan golaha wakiilada xisbiga Waddani ba ka codad batey xisbul xaakimka Kulmiye. Waddani 31 xubnood, Kulmiye 30 xubnood. Ucid 21 xubnood. Waana marki u horeysey ee xisbi mucaarid ah ka wakiilo bato xisbul xaakim. Doorashadi golayaasha deegaanka, degmo walba waxa ku guuleystey innu ka noqdo mayor iyo mayor ku xigeen isbaheysiga mucaaridka ee xisbiga Waddani iyo xisbiga Ucid marka laga reebo Gabiley, Berbera iyo dhawr degmo yar yar mooye’. Haddaba doorashadi golaha wakiilada ee ka dhacdey Somaliland 2005. Kulmiye wuxu heley 28 wakiil, Ucid 21 wakiil iyo Udub 33 wakiil. waxa isbaheystey labada xisbi mucaarid, Kulmiye iyo Ucid. . Sidaana ku hantey shir guddoonki golaha wakiilada. Maah maah Ingiirisi ah ba tidha ‘’ History repeats itself ‘’ oo macnaheedu yahey dhacdooyinka taariikhigu wey soo noq noqdaan ‘’. Maah maah carbeedna waxey tidha ‘’ ما أشبه الليلة بالبارحة ‘’. Mar haddi lagaga adkaadey xukuumadda Kulmiye golayasha deegaanka, loolanka weyni wuxu usoo wareegey shir guddoonka golaha wakiilada oo ah qeybta ugu muhimsan dhadhaarki sharci dejinta ( golaha wakiilada + golaha guurtida= Golaha Barliamanka ) ee loogu talagaley xakameeynta, la xisaabtanka iyo isu dhelitirka awoodda dawladdnimo Tirada wakiilada isbaheysigu wa 52 wakiil ( 31 waddani + 21 Ucid ). Sinaba uma loodin karto xukuumadda Muse Isbaheysiga mucaaridka. Sababahan awgood : 1- Farqiga u dhexeeya xildhibaanada isbaheysiga iyo Kulmiye oo aad u badan 52- 30 = 22 xildhibaan 2- Xildhibaano kulmiye ah oo debedda ku maqan on soo noqoneyn doorashada shir-guddoonka ka hor sida Cabdikariin Adan Cali Dubad 3- Xildhibaano kulmiye ah sida Axmed Guruuje oo difaacanaya xuquuqdooda xisbinimo saluugsan na musharaxnimada xildhibaanada Ucid ee tahriibta ah ( Wa sida uu hadalka u dhigey e’ ) 4- Xildhibaano kulmiye ah oo toos u shaaciyey iney Isbaheysiga u codeeynayaan sida Mustafa Axmed 5- Reer Awdal oo kulmiye ka reebey in uu sharaxo shir-guddoonka golaha wakiilada, xildhibaanadooda kulmiye na wacad ku mareen iney aqlabiyadoodu’u codeeynayaan mucaaridka. 6- Haddaba markaad isu geyso arrimaha kor ku xusan iyo sagaalka xildhibaan ee kulmiye ka kaxeystey Ucid marnaba ma dhaafi karaan 35 xildhibaan. Haddey wax isla hayaan bal wa kaase (هذا الفرس وهذا الميذان ) madaxweynuhu ha isugu yeedho xildhibaanada. Alla mahad leh, xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid, Eng. Bashe Cabdi Gaboobe. Qaran News
  9. Turkey on Sunday slammed a ruling by a top European Union court allowing the banning of headscarves under certain conditions as a "clear violation of religious freedoms", adding the move would exacerbate prejudices against Muslim women in Europe. Source: Hiiraan Online
  10. Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dhammaan ciidamada dalkiisa la howlgelin doonno si ay ula dagaalamaan xoogagga TPLF. Abiy ayaa qoraal uu soo dhigay barahiisa bulshada waxa uu sheegay in ay iska caabinayaan jabhadda, xilli uu ugu yeeray in ay yihiin Kansarka Itoobiya. “Cadawga aan wajahayno waa cadowga kansarka Itoobiya.” ayuu yiri mr Abiy. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku siidaray isagoo yiri ““Waxaan leenahay Qorsho Waana naqaana sida, goorta, sababta iyo Goobta aan u socono, Natiijada Qorshahaas waxaa la arki doona waqtiga ugu dhow. Abiy ayaa sidoo kale sheegay in ay ciidamadiisu u diyaar yihiin dhawaanna ay soo bandhigi doonaan qorshahooda. “Cadowgeena iyo Saaxibadeen waxaan u sheegeynaa, Ciidankeenna waxa ay diyaar u yihiin In ay fuliyaan howlgal aad gacmaha afka la saaran doontan”. Dagaalka xukuumadda iyo TPLF ayaa sii xogeystay todobaadyadii la soo dhaafay kadib markii ay TPLF shaacisay in ay dagaal ku qaadi doonto gobalka Amxaarada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Cadaado (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay gudaha u galeen deegaanka Camaara ee gobolkaasi, kadib markii ay weerareen deegaankaasi. Camaara oo ay in muddo ah gacanta ku hayeen xoogaga Al-Shabaab ayaa waxaa saaka la wareegay ciidamada huwanta, waxaana horkacayey saraakiil sar sare oo uu ka mid ah yahay General Saadaq Joon oo ku sugan deegaano ka tirsan maamulka Galmudug. Ciidamada huwanta ayaa lagu soo waramayaa inay dagaal kooban la galeen Al-Shabaab, waxaana, kadib u suuragashay inay qabsadaan deegaankan oo ah mid istaraatiiji ah. Sidoo kale ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamadu ay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi, isla-markaana ay wadaan dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Al-Shabaab. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inay soo rogaal celiyaan xoogaga Al-Shabaab, kadibna uu dagaal ka dhaco halkaasi. Howl-gallada milatari ee ka socda deegaanada Galmudug oo uu haatan ku biiray General Saadaq Joon ayaa ah kuwa la doonayo in looga adkaado dagaalamayaasha Al-Shabaab. Camaara oo marar kala duwan ay isku bedaleen ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa u dhow deegaanka Bacaadweyne oo ay shalay la wareegeen ciidamada huwanta. Mudug oo ay howl-gallada xoogooda ka socdaan ayaa waxaa sidoo kale ka jira is uruursi ay wadaan xoogaga Al-Shabaab oo weli gacanta ku haya qeybo ka mid ah gobolkaasi. The post Ciidamo uu horkacayey Saadaq Joon oo la wareegay Camaara appeared first on Caasimada Online.
  12. Waxaa uu hadda dagaal ka socdaa deegaanka Qod-qod oo ah goob u dhaxeysa Camaara iyo Xinlabi ee gobolka Mudug. Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamo uu wato Gen. Saadaq Cumar Xasan(John) iyo kuwa Al-shabaab ayaa la sheegayaa in ay soo qaadeen Al-shabaab, iyada oo la isku adeegsanayo hub culus. Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada John ay kusii jeedaa deegaanka Camaara oo hadda gacanta ugu jira dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, Camaara iyo deegaanka Qod-qod waxaa ay isu jiraan wax ka yar 20KM. Iyada oo 7 maalin ka tirsan tahay doorashada guud ee Soomaaliya ayaa Galmudug waxaa ay waddaa dagaal ka dhan ah Al-shabaab, lamana oga meesha ay gaari doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna haatan xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka fal-celiyey warbixintii guddiga Midowga Afrika, kadib wareysi uu siiyey Radio Mustaqbal. Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in warbixinta ka soo baxday Ururka Midowga Afrika ay tahay mid niyadjab weyn ku ah mustaqbalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay tani muujineyso wax-qabad la’aanta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee afarta sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna sheegay in madaxda muddo xileedkooda uu dhammaaday ay ka gaabiyeen filashadoodii hore. Wasiirkii hore ee amniga gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in sidoo kale aan waxba laga qaban diyaarinta ciidamada Xoogga, si ay ula wareegaan amniga dalka. “Warbixinta guddiga Midowga Afrika waxa ay niyadjab u tahay mustaqbalka Soomaaliya, afartii sano ee dowladda waxba lagama qaban diyaarinta Ciidanka la wareegaya mas’uuliyadda dalka,” ayuu yiri Mudane Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Dhinaca kale wuxuu sheegay in ay fashilaad weyn tahay in dowladda ay ku guul dareysato la wareegida ammaanka dalka oo dhan iyo qabashada doorashooyinka. Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay jirto kalsooni la’aan lagu qabo ciidamada Soomaaliya, loona baahan yahay in lagu biiriyo AMISOM, sababo la xiriira kala shakiga u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada. “Waa Fashilaad weyn in Dowladda Soomaaliya ku guuldareysato la wareegidda amniga, xitaa Doorashada laguma haleyn karo Ciidamada Soomaalida waxaa loo baahan yahay in lagu biiriyo Booliiska AMISOM,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Cabdirisaaq. Warbixinta ka soo baxday guddiga Midowga Afrika ayaa waxaa si aad ah uga carooday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo si weyn loogu dhaliilay hoggaanka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ee 4-tii sano ee lasoo dhaafay. The post Muxuu xildhibaan Cabdirisaaq ka yiri warbixintii M/Afrika? appeared first on Caasimada Online.
  14. In spite of an agreement stating elections for Somaliland are to be held in Mogadishu, some analysts say the decision is far from fully agreed Source: Hiiraan Online
  15. Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug, ayaa maanta si buuxda ula wareegay degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug. Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, ayaa weerar xooggan ku qaaday degaanka, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo ururka Al-shabaab. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalkaas, inkastoo aan weli si rasmiya loo xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray dhinacyada dagaallamay. Dagaallamayaasha Al-shabaab oo laga qabsaday degaanka , ayaa u jihaystay dhinaca degmada Xarardheere oo ku taalla koonfurta Gobolka Mudug, islamarkaana saaran xeebta badweynya Hindiya. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug oo Al-shabaab ka qabsaday degaanka Camaara appeared first on Puntland Post.
  16. Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug, ayaa saaka weerar culus oo dhawr jiho ah ku qaaday tuulooyin ku dhow degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug. Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada iyo dagaallamayaasha Al-shabaab, ayaa sida wararku sheegayaan haatan ka socda nawaaxiga degaankaas Camaara oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab. Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in ay ku wajahan yihiin degaanka Camaara, si ay halkaas uga saaraan ururka Al-shabaab oo gacanta ku haya. Khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac ayaan weli faahfaahin laga helin waxaana lagu soo warramayaa in dagaalku ku sii fidayo degaanno horleh. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ka qarxay degaanno ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inay dhul ay dad- danyar ah kala warreegtay oo ku yaalla dhinaca barri ee Magaalada Hargeysa gaar ahaana dulleedka tuullada Hallaya ay hadda u addeegsanayo arrimo siyaasadeed iyo danaha Xisbiga KULMIYE. Dhulkan oo la sheegay in cahdigii Dawladii siyaad Barre uu ahaa Saaro oo markii dalka la soo gallay ay qabsadeen dadka degaankaas,haseyeeshee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inay ka qaaday dhulkaas. Dhanka kalene Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa ayaa la sheegay inay dhulkaas saarihii karaashka Hallay ay hadda u addeegsanayso danno siyaasadeed oo la xidhiidha damaceeda shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana ay baloogyo siinayso shaqsiyaad,kuwaas oo lagu sheegay dilaaliin iyo Xildhibaannada ay soo gacan gelinayaan. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog) oo kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-“Waxaan maqlay in Madaxweynuhu halkii karaash boorigaraamka ee Hallaya kantaroolka Berbera looga baxa mara in yar la dhaafo meel la odhan jiray oo berrigi hor seeraha ahayd karaash Borigaraamka joogay oo markii dambe dadkii degaanku iska qabsadeen ,ayaa laga qaaday iminka meeshaa waa la qaybsaday ,haddii ay noqon lahayd nimanka Xukuumadda tageera ,haddii ay noqon lahayd Xukuumadda laftigeeda iyo Xildhibaannadan hadda la mustafaynayo ee la leeyahay taageera faratoon waxaas oo dhamba Baloogyo ayaa laga siinayaa ayaan maqlay .” ayuu yidhi Source
  18. (SLT-Laascaanood)-Wararka aan ka heleyno deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu qafaashay dad shacab ah, kuwaasi oo ku safraayay gaadhi. Koox hubeysan oo aan heytooda la aqoon ayaa dadkaas afduubtay, xilli ay kala dageen gaadhi nooca dadweynaha oo ay saarnaayeen, iyagoona kusii jeeday degaano ka tirsan Gobolka Sool. Afduubta loo geystay dadkaas ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay, ka dib markii Somaliland xidhay Nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur, sida ay ku warrameen dadka deegaanka Tukaraq. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Cabdikariin Cali Nuur lagu xidhay Magaalada Laasaacaanood ee Xarunta Gobolka Sool, isagoona lagu eedeeyay inuu taageero u muujiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Weli lama oga dableyda hubeysan halka ay la tageen dadkii saarnaa gaadhiga ee afduubka ugu geysteen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, mana jiro wax war hal ah oo kasoo baxay Maamulka degaanka kuna aadan falkaas. Source