-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Diyaarad ka duushay Nairobi oo Soomaaliya shil ku gashay Diyaarad Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa sheegay in diyaarad rakaab ah oo ka duushya magaalada Nairobi, ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu caga dhigtaan (runway) xili ay dooneysay in garoonka degmadaasi ay ku degto. Inkasta oo aan si dhab ah loo hubin haddana tirada dadka rakaabka ah ee diyaaradda saarnaa ayaa tiradooda lagu sheegay 45 qof. Wararku waxay intaa ku darayaan in aanu jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa diyaaradda shilka gashay. Wixii faahfaahin ah la socda. Qaran News
-
Maxaa ka run ah in taliyaha Guud ee Militariga Itoobiya xanuunsanayo?+Sababta Fagaarayaasha looga waayey Taliyaha guud ee militariga dalka Itoobiya janaraal Berhanu Jula Taliyaha guud ee militariga dalka Itoobiya janaraal Berhanu Jula, ayaa beeniyay in xaaladiisa caafimaad ay xun tahay. Taliyaha ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay islamarkana wararka sheegaya in uu xanuunsanayo ay yihiin kuwa ay fidiyeen xoogagga ay dagaalka kula jiraan. Mr Jula, ayaa BBC u sheegay in sababta maalmihii u dambeeyay aah loogu arkin fagarayaasha ay tahay in uu aad u mashquulay. Labadii toddobaad ee u dambeeyay waxaa baraha bulshada la isla dhexmarayay in taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Berhanu Jula, xaalad caafimaad ay aad u liidato oo halis ah uu ku sugan yahay. “Boqolkiiba boqol xaaladeyda caafimaad way wanaagsan tahay,” waxaa uu janaraalka sidaasi u sheegay BBC. “Tani waa sidii ay jeclaan lahaayeen xoogagga nala dagaalamaya iyo saaxibadood, uma maleynayo in uu jiro qof iga xog-ogaalsan caafimaadkeyda. Taliyaha ayaa intaa ku daray in uusan xitaa dareemeyn “madax-xanuun).Ka dib markii uu muddo fagaarayaasha uu ka maqnaa ayaa janaraal Berhanu waxaa uu shalay la hadlay warbaahinta. Waxaa uu farta ku fiiqay sababtii uu fagarayaasha uga maqnaa in ay ahayd mashquulka shaqada oo badnaa. Taliyaha guud ee militariga Itoobiya ayaa dhanka kale sheegay in go’aankii looga soo baxay gobolka tigrey uu ahaa mid siyaasadeed. “Waxaa Tigray iyo Mekele uga soo baxnay waxay ahayd go’aan siyaasadeed oo ay dowladda gaartay” ayuu yiri. ” Waxaan rumeysanahay in go’aankani ahaa mid sax ah, waxaana rumeysanahay in uu ahaa mid loo huray dadka Tigrey,” ayuu intaa ku daray janaraal Berhanu. Saameynta uu dagaalka Itoobiya ku yeelan karo dalalka dariska Yaa iska leh Webiga Nile – muxuuse muhiim u yahay? Wax ka ogow awoodaha milateri ee Masar iyo Itoobiya janaraal Berhanu ayaa sidoo kale sheegay in bilooyiin ay dagaal ku jireen ka dib ay ciidamada nasanayaan oo ay dib u soo kabanayaan. “Waxaan socda tababarka iyo isku-dubaridka,” ayuu yir Janaraal Berhanu. Taliyaha guud ee militariga dalka Itoobiya janaraal Berhanu Jula, ayaa sheegay in haddii ay dagaalayahanada Tigrey sii wadaan dagaalka ay diyaar u yihin ayna militariga leeyihiin khibarad ka badan xoogagooda. “Haddii arrimaha ay xoog ku sii socdaan ciidamada difaaca qaranka ayaa kuwooda ka xoog badan oo, ka khibrad badan, waxaan joognaa bilowgii dagaalka waxaana sugaynaa amarka dowladda” ayuu yiri janaraal Berhanu. Dabayaaqadii bishii June ayay ahayd markii ay dowladda Itoobiya si lama filaan ah ugu dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ahayd, waxayna halkaasi kala soo baxday ciidamadeedii ku sugna gobolka Tigrey. Saraakiisha TPLF ayaa dhankooda shuruud ku xiray xabbad joojin ay la gaaraan dowladda dhexe ee toobiya. Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeeysay TPLF in ay ku duulayaan deegaano ka baxsan gobolka Tigrey sida gobolka Canfarta. Dagaalka gobolka Tigrey waxaa ka dhashay barakac ballaaran. Kumannaan qof oo ah dadka gobolkaasi ayaa u baahan gargaar degdeg ah sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka ee caalamiga. Qaran News
-
Hargeisa (PP News Desk) — Sheikh Adan Siiro, a prominent Sheikh in Hargeisa, yesterday used a part of the Eid sermon to take Somaliland President Muse Bihi Abdi to task for unemployment and depreciation of the Somaliland shilling reflected “in the inability of government employees to make ends meet with their salaries.” Sheikh Adan Siiro:”People have voted for a change.” “There are two classes of people in Hargeisa: a very rich class and a poor class. Not long ago such extreme income disparity did not exist” said Sheikh Adan Siiro. “As a result of [political] isolation Somaliland is experiencing high unemployment. Some people hoard dollars while others are not able to pay their children’s school fees. The cleaning campaign initiated in Hargeisa by the new Mayor deserves full support from all people” he added. Sheikh Adan called for Somaliland President not interfere in the process to elect the Speaker of Somaliland Parliament. “People voted for a change. That is why Barkhad Batuuni, who belongs to a minority community, has won a parliamentary seat” said Sheikh Adan Siiro. © Puntland Post, 2021 The post A Prominent Sheikh Criticises Somaliland President for Widespread Unemployment appeared first on Puntland Post.
-
Qomiyada Tigreega iyo Canfarta oo is bahaysataa waxay khatar ku tahay Somalida guud ahaan, gaar ahaana Qabiilka Ciisaha iyo dalka Jabouti. Xiligii uu Tigreegu xukunka hayey, wuxuu gacanta u geliyey ismaamulka Canfarta qaybo ka mid ah dhulka Ciisa ha si uu Canfarta ugu sahlo in ay gacanta ku dhigto dhabada xadiidka ee Jabuuti ka timaad Ciisa hana bara kiciso. Qorshaha Tigreeguna inaas waa ka fogaa. Colaad ku salaysan dhul balaadhsi oo Ciisaha iyo Canfarta Eithopia ku dhex martaa waxay bilow u ahay in dawlada jabuuti na siyaasad ahaan, nabadgelyo ahaan iyo dhaqaalahaanba ay wiiqanto. Xilgan aynu joogno, In Jabhada Tigreegu ay iska xidho ama khalkhal geliso marinka Jabouti waxay u tahay guulweyn oo ay kaga adkaan karto Abby Ahmed iyo Amxaaro ba, dhaqaalaha Ethiopiana ku naafayn karto. Canfarta iyana waxay u aragtaa in ay guul u tahay in ay Ciisaha wiiqdo dhanka Ethiopia iyo Jabouti ba. Dagaalka Tigreegu ka bilaabay ismaamulka Canfarta iyo soo dhawaynta Canfartu waxay gogol xaadh u tahay in laysla jiidho dhulka Ciisa, Jabouti na dabku gaadho. Haddii ay sidaa u dhacdo waxay noqonaysaa in Somalida wada jir ahaan uga falceliso soona celiso khariidadii dhul weynihii Somalida ee gumaysta ka hor, waayo waxaa la gaadhay xiligii burburka federaalka Ethiopia iyo kala baxii qowmiyadaha. Kala dhaqaaqaa qoomiyaduhu wuxuu raad ku yeelanaya ismaamulka Somalida Ethiopia iyo mustaqbal siday noqonto maamul ahaa. Waxaa kale oo iyana aan cago ku taagnaan doonin Dalka Jabouti oo laga yaabo in dhanka Somaliland ay miciin bididoonto. Maamulka kale ee Somalida arrinka Kililku saamayntiisa ayuu ku yeelandoona. Dhinaca Somaliland samayn togan ayaa arrinkaas ugu jira haddii ay sugida nabadgelyada, balaadhinta adeegyadda ay sifiican uga hawlgasho isla mar ahaantaana ay si xeeladaysan uga qayb qaadato dhifaaca qoomiyada Somalida ee dhanka Eithiopia iyo Jabuuti. Sidaa daraadeed waa lama huraan in talo hoose laga sii yeesho, gaar ahaan maamuladani iyagoo dhinca nabad gelyada ka gelayaa xiligan gulufka colaadu oganyahay, waxna hoos iskugu ogaada. Dawlada Jabouti Dawlada Somaliland Ismamulka Somalida ee Ethiopia. Dawlad Goboleed ka Puntland iyo maamulada kale ee Kililka xadka laleh. Waxaase ugu muhiimsan seddexda hore wejiga hadda. Somalida Guud ahaan isbedel togan ayaa ku soo socda haddii loo sii weel samaysto illaa Babul Mandab ayeynu xidhan karaa si dhul ahaan iyo bad ahaanba aan laynoo soo gelin! Maxamuud Aw Xasan Caraale Source
-
Diyaarad rakaab oo ku dhacday Garoonka diyaaradaha Ceelwaaq
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in garoonka degmadaas ay maanta ku dhacday diyaarad rakaab sidday. Diyaaradda oo sidday 45 ruux oo rakaab ah ayaa ka soo kicitintay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya waxaana sida la sheegay ay u socotay magaalada Ceelwaaq ee Gobolkaas Gedo. Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Ceelwaaq ayaa laga soo xigtay in aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilka diyaaradeed, isla markaana dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda laga soo saaray iyaga oo bad qaba. Ma jirto faahfaahin kale oo laga bixiyay shilkaas diyaaradeed. PUNTLAND POST The post Diyaarad rakaab oo ku dhacday Garoonka diyaaradaha Ceelwaaq appeared first on Puntland Post. -
Wararka ay helayso shabakadda Somalilandtoday ayaa sheegaya in Afar qof ay ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay meel aan ka fogeyn tuullada Xamaas oo Hargeysa iyo Berbera u dhaxaysa, dhaawaca qaarkood ayaa la sheegay in uu culus yahay. Source
-
(SLT-Washington)-Xeer illaalinta Maraykanka ayaa dacwad kusoo oogtay Maalqabeenka u dhashay dalkaasi oo lagu magacaabo Tom Barrack kana mid ahaa saaxiibada Madaxweynihii hore Trump, ninkan ayaa lagu eedeeyey inuu si qarsoodi ah ugu ololeyn jiray dowlada Imaaraadka Carabta. Tom Barrack oo ah 74 jir ah bilyaneer kana mid ahaa xubnihii sida weyn ugu dhawaa Donald Trump ololihiisii doorashada, ayaa la sheegay inuu xidhiidh toos ah lalaha Dowlada Imaaraadka oo danahooda uga ololeyn jiray Washington. Sida uu qabo sharciga Maraykanka dadka u ololeeya danaha dowladaha Shisheeye ayaa laga doonayaa inay iska diiwaangeliyaan Wasaarada Caadalada ee wadankaas, arrintaasi oo aanu sameyn Mr.Barrack. Hore ayey xeer illaalinta Maraykanka xabsiga u dhigtay Lataliyihii hore ee Amniga ee Donald Trump kaasi oo lagu eedeeyey inuu isagana lacag ka qaadan jiray dowlada Turkiga si uu ugu ololeeyo dowladaasi. Source
-
(SLT-Paris)-Telefoonada Macron iyo qaar ka mid ah wasiirada Faransiiska oo bartilmaameedsanaya arinta Pegasus, sida ay qortay warbaahinta Faransiiska. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron taleefankiisa ayaa bartilmaameedsaday ilaalada suuro galka ah ee morooko ee kiiska basaasnimada ee mashruuca Pegasus, maalinlaha faransiiska Le Monde ayaa weriyay Talaadadii. Baadhitaan ay Axaddii daabaceen 17 urur warbaahineed oo ay hoggaaminaysay kooxda suxufiga ah ee Forbidden Stories oo fadhigeedu yahay Paris ayaa sheegtay in basaasnimada, oo ay abuurtay isla markaana shati siisay shirkadda Israa’iil ee NSO. Loo adeegsaday isku dayga jabsiga guul-darrada ah ee taleefannada saxafiyiinta. , saraakiisha dowladda iyo kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha. Wararka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale la bartilmaameedsaday taleefoonada raiisul wasaarihii hore Eduard Philippe iyo wasiiro kale. Source
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka diyaarad sidday rakaab oo kasoo amba-baxday magaalada Nairobi ay shil ku gashay garoon diyaaradeed oo ku yaalla degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo. Diyaaraddan oo uu nooceedu yahay 5Y-GRS ayaa la sheegay inay ku sii jeeday dhanka degmada Elwak ee is-maamulka Mandera, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay sidday illaa 45 qof oo ay kasoo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, waxaana jira khasaare soo gaaray. Inta la xaqiijiyey waxaa shilkan ku dhaawacmay illaa 7 qof, halka ay waxyeelo soo gaartay diyaaradda, kadib markii ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in garoonka ay diyaaradda shilka ku gashay uu ahaa mid xirnaa sanadihii lasoo dhaafay, balse duuliyaha uu si deg deg ah uga dajiyey diyaaradda halkaasi, kadib markii ay soo wajahday cilad xoogan. Ma jiro weli wax faah faahin ah oo uu maamulka gobolka Gedo ka bixiyey shilkaasi diyaaradeed iyo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay intaba. Xaaladda ayaa hadda caadi kusoo noqotay, waxaana gurmad degdega loo fidiyey diyaaradda shilka gashay iyo dhammaan rakaabkii la socday ee laga soo qaaday Nairobi. The post Wararkii ugu dambeeyey diyaarad sidday rakaab oo ku dhacday Ceelwaaq appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaanada reer Awdal maanta ma u hiilin doonaan masiirka Awdal? Ali Hamud se ma noqon doonaa Hogaamiye hanta xildhibaanada tolkii? Ciid Mubaarik; Reer Awdal siyaasada laba goor oo horey ilduufeen .Marka kowaad waa shirkii Borama oo iyaga oo midida daabkeeda hayey ay goosan kari waayeen xaqoodii iyagoo Somaliland dhisaya.Marlabaadna waxay ahayd markii Dahir Riyaale isagoo Madaxweyne ah markii la isku qabtey tirade Baarlamaanka reer Awdal iyo Harti uu maxkamada kula cararey isagoo awoodi lahaa inu dadka isku jiid jiido oo tixgelin gaara loo sameeyo darifyada. Maanta waa markii sadexaad ee uu jaanis ay xaqooda ku helaan soo maro reer Awdal. Waxay gacantooda ku badali karaan saami qaybsigii aan u maara weyney oo waxay dhisi karaan hogaan baarlamaan oo cadaali ah oo ay Soomaliland iskugu midtahay. Cabdi razaaq Khalief haddii aad doorataan isaga iyo teamkiisa waxad doorateen gole ka xor ah reer gara oo somaaliland wada leedahay ama aanu madaxweyne jeebka ku sidan. Tartanku maaha Faratoon iyo Cabdirazaaq- waa Muse Biixi iyo Cabdirazaaq. Haddii uu Awdal Muuse wax u hayo eega Gabiley xataa waxad ka weyday hal gole deegaan ,eega shir gudoonka uu soo dhisay, eega dawladiisa iyo dhaqanka guud ee siyaasadiisa. Waxan hubaa hadaad maanta dhistaan Cabdirazaaq iyo kooxdiisa waxbaad tarteen Awdal iyo Soomaliland ba- ha ilduufina maanta. Saaxiibkey Cali Xaamudna waxan leehay nin firfircoon oo aragti leh baad ahayd .Maanta ayaa la tijaabinayaa awoodaada hogaamineed. Cabdi razaaq Khalief xataa reer abtigii buu keenay. Tolkaa reer Awdal waa inaanay midna kaa leexan .Reer Awdal wakhtiya hore oo badan baa dhaafay iyaan agtaada lagu jabin. Waa lagu daawanayaa Caliyow halkaad mariso 12kaa xildhibaan.Waxan sugayaa shirkiina jaraaid . Wa Billaahi Tawfiiq H Musa : h742@hotmail.com Qaran News
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in goordhaw garoonka diyaaradaha magaalada Ceelwaaq ay ku soo dhaacday diyaarad sidday dad rakaab ah , Diyaaraddaan ayaa la sheegay in ay ka soo baxday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay diyaaradda. Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in ay diyaaraddaan ay sidday dad gaaraya illaa iyo 45 qof oo rakaab ah. Wixii ku soo kordha warkaan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa ka hadlay dagaalka adag ee ay kula jiiraan dagaalyahanada Al-Shabaab iyo Daacish. Sanyare ayaa shaaca ka qaaday inay xidida u siibeen shabakadihii Al-Shabaab ee ku sugnaa Mudug, isla-markaana ay weli wadaan howl-gallo amniga lagu xaqiijinayo. Sidoo kale wuxuu hanjabaad u diray ganacsatada Mudug, gaar ahaan kuwa lacagaha baada ah siiya kooxaha argagixisada, isaga oo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in nabadu ay muhiim u tahay ganacsiga, loona baahan yahay in laga wada-shaqeeyo amniga guud ee deegaanka. “Walaal horta ganacsatadu dalka ayey wax ku leeyihiin waxa ay ku ganacsanayaana waa nabadda, haddii nabad la waayana ganacsan maayaan, nabadda waxa suganayana waa ciidanka dhiig-baa ku baxaya, dhaqaalahaa ku baxaya, dadaal-baa ku baxaya, inay ganacsatadu qeybtooda qaataan waa waajib Diini ah oo saaran,” ayuu yiri gudoomiyuhu. Dhinaca kale wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland inay qeyb ka qaataan dagaalkaka socda gobolka Mudug ee ka dhanka ah Al-Shabaab. “Halgankan lagula jiro kooxaha argagixisada waa inay qeybtooda ka qaataan, haddaa marka u cudur daareynay laakin argagixisadii halkan joogtay xididada ayaan u siibnay, lacagihii laga qaadi jiray iyo beentii loo sheegi jirayna aanu ku difaacnay hadda waxaa la rabaa inay is-gartaan oo ay fahmaan meesha loo socdo,” ayuu markale yiri Sanayare. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Meesha loo socdo waa in ganacsiga uu kordho, amnigu bato, argagixisadu yaraato,”. Puntland ayaa maalmihii u dambeeyey xoojisay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana bishii hore 18 ka tirsanaa ay ku toogatay magaalada Gaalkacyo. The post PUNTLAND oo hanjabaad u dirtay ganacsatada Mudug appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cali Xaashi Cabdinuur oo wareysi siiyey VOA ayaa ka hadlay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo saameynta ciidanka Soomaaliya ay ku yeelatay duqeyn la’aanta, kadib markii Mareykanka uu hakiyey weeraradii cirka. Xaashi ayaa sheegay in duqeymuhu ay qeyb weyn ka qaadanayeen dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna shaaciyey in lagu bartilmaameedsan jiray goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan xoogaga Al-Shabaab ee aysan geli karin Infantry-gu. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay jeclaan lahaayeen in markale dib loo bilaabo duqeymahaasi, si loogu wiiqo awooda kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. “Haddii ay suurtagal tahay ama ay billaabaaan duqeynta waa wax meesha ku jira, sababtoo ah meelo aan Infantry lagu geli karin ayey diyaaradahaasu ka qeyb qaadan lahaayeen, waana arrin loo baahan yahay,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Xoogga. Dhinaca kale wuxuu sharraxaad ka bixiyey howl-gallada milatari ee haatan ka socda dalka, wuxuuna sheegay in ciidamada kala duwan ay u baahan yihiin horin madaafiic ah oo askarta Infantry-ga ah ka taageera dagaalka lagu wajahayo kooxaha argagixisada. “Marka ciidan Infantry-yahay oo meel ka dagaallamaayo waxaa lagu kabaa horin madaafiic ah, marka waad garan kartaa horinta madaafiicda ah, haddii lagu kabo ururkaas oo macal kunbud u ah madaafiicdiisa waxaan u maleynayaa Shabaab iska daayee xittaa wax kale oo celin karo in aynan jirin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Ugu dambeyn waxa uu afhayeenka ciidamada Xoogga Soomaaliya xusay haddii la xoojiyo taageerada caalamiga ah ee ay helaan ciidamada inay la wareegi karaan amniga dalka oo dhan, maadaama la qorsheynayo inay Somalia ka baxaan ciidamada AMISOM. “Haddii dowladaha kaalmeeya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, haddii ma aragtay taakuleyntaas noo dhammeustiraan waxaa waaye wadanka amnigiisa sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa ciidamada Soomaaliya ula wareegi karaan,” ayuu markale yiri. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli dowladda dhexe ee Soomaaliya ay kordhisay dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka, kuwaas oo suura-geliyey in ciidamada Xoogga ay kooxda Al-Shabaab kala wareegaan deegaano horleh. The post Sidee ayey duqeyn la’aanta u saameysay howl-gallada ciidamada Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in markii u horraysay mudda lix bilood ah kadib ay duqayn ka fulisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna Gobolka Mudug. Duqayntan oo lala beegsaday Al-shabaab ayaa Talaadadii ka dhacday degaanka Qaycad oo u dhexeeya degmooyinka Cammaara iyo Bacaadweyne ee koonfurta Gobolka Mudug. Waaxda Difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in duqayntan ahayd mid lagu caawinayay Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo weeraro kala kulmay Al-shabaab. Dowladda Maraykanku faahfaahin kama bixin khasaaraha ka dhashay weerarkan, balse dowladda Soomaaliya oo dhankeeda ka hadashay duqaynta ayaa sheegtay in lagu dilay ilaa 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Dowladda Maraykanka oo ka hadashay duqayn ka dhacday Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Xuseen Guudlaawe wefdi uu hogaaminayo oo uu qeyb ka yahay Madaxweyne Kuxigeenka Yuusuf Dabageed ayaa malinta berri ah ku wajahan magaalada Cadale ee Gobolka shabeelaha dhexe. Sidoo kale wefdiga waxaa qeyb ka ah Musharaxiin madaxweyne horena usoo noqday Madaxweynayaal kuwaas oo kala ah Xasan sheekh Maxamuud, Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, Xildhibaano iyo Wasiiro kaTirsan Xukuumadda federaalka Soomaaliya. Ujeedka Wafdiga safarkooda ayaa lagu sheegay in ay Mashaariic kala duwan ka dhigaxdhigi doona Magaalada Cadalle ee Gobolka shabeelaha dhexe. Ciidamada amaanka ayaa wado dhaq dhaqaaqyo ku aadan howlgalo ay ka wadaan Magaalada Cadalle iyo deegaanada hoosyimaada ee Gobolkaas. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku wajahan magaalada Cadalle appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka mid noqday dhowr hoggaamiye oo la bar-tilmaameedsaday xogta Taleefanadooda. Software-ka oo loo yaqaan Pegasus, wuxuu u dhacaa taleefannada wuxuuna fursad u siinayaa dadka adeegsanaya inay ogaadaan xogaha taleefoonkaasi ku jira. Waxaa jirta warbixin cusub oo lasoo dusiyey, taasoo bidhaamineysa in la basaasay uggu yaraan 50,000 oo qof oo caana, kuwaasoo ku kala nool dunida dacaladeeda. Shirkadan lagu magacaabo NSO ayaa beenisay wararka sheegaya in barnaamijkeeda loo adeegsaday si qaldan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Faransiiska iyo hogaamiyaal kale oo la bartil-maameedsaday Taleefanadooda appeared first on Puntland Post.
-
Boliska waddanka Jarmalka ayaa shaaciyay in nin Soomaaali ah oo bishii June dhowrka qof ku dilay magaaladda WUERZBURG haatan loo wareejiyey Isbitaalka lagu daaweeeyo Cuddurka Dhimirka. Hadal ka soo baxay Boliska BAVARIA iyo Baarayaasha ayaa lagu muujiyey in uusan Ninkaasi wax xiriir ah la lahayn Kooxda Daacish ama Ururo kale, isla markaana aysan jirin cid ku wehlisay weerarkii Tooreyda ee uu ku dilay 3 Haween, kuna dhaawacay 5 kale. Boliska waxaa kaloo baareen Telefoonkii uu lahaa Ninka Soomaaliga ee weerarka geystay, iyagoo ka waayey xiriir uu la sameeyey Shaqsiyaad ka tirsan Kooxda Daacish ama kooxo kale. Ninka Soomaaliga ee weerarka geystay oo 25 jir ah waxa horey looga daaweeyey Xanuunka Dhimirka, sida ay xaqiijiyeen Baarayaasha iyo Dhakhaatiirta Jarmalka. PUNTLAND POST The post Booliiska Jarmalka oo war ka soo saaray nin Soomaali ah oo hore dad ugu dilay magaalada WUERZBURG appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU: Somalia’s Al-Shabab extremists have warned politicians against taking part in elections due to kick off this month after months of deadlock and delays. Source: Hiiraan Online
-
Ramla Ali will be making her debut at the Tokyo 2020 Olympics. On the Gemili & Poz podcast she also speaks about her drive to inspire the next generation and reveals the details behind a phone call from Meghan Markle. There is talk of the cardboard beds that are causing such a stir in the athletes’ village, her love of athletics and how Covid-19 has impacted behaviours in Tokyo. Source: Hiiraan Online
-
Waa kuwee Madaxwaynayaasha lagu jabsaday Telefoonadooda Barnaamijka Pegasus ee Israel Samayso? Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka mid noqday dhowr hoggaamiye oo caalamka ah oo la rumeysan yahay in la taleefoonadooda la bartilmaameedsaday oo la isku dayay in la jabsado iyadoo la adeegsanayo barnaamij wax lagu basaaso, sida ay ku warramayso warbaahinta. Software-ka oo loo yaqaan Pegasus, wuxuu u dhacaa taleefannada wuxuuna fursad u siinayaa dadka adeegsanaya inay ogaadaan xogaha taleefoonkaasi ku jira. Waxaa jirta warbixin cusub oo lasoo dusiyey, taasoo bidhaamineysa in la basaasay uggu yaraan 50,000 oo qof oo caana, kuwaasoo ku kala nool dunida dacaladeeda. Shirkadan lagu magacaabo NSO ayaa beenisay wararka sheegaya in barnaamijkeeda loo adeegsaday si qaldan. Waxay shirkadu sheegtay in barnaamijkan ay dowladaha badan ka iibisay uu yahay mid loogu talagalay in lagu dabagalo dambiilayaasha iyo kooxaha argagixisa Warbixinnada ayaa qeyb ka ahayd qoraalo is xig-xigay oo muujinayay in Software-ka oo loo yaqaan Pegasus lagu bartilmaameedsaday kumanaan qof oo caan ah. Software-kan ayaa waxaa iska leh shirkad laga leeyahay Israa’iil islamarkana waxaa laga iibiyay wadamo badan. Wargeyska Le Monde ee ka soo baxa Faransiiska ayaa ku warramay in sirdoonka Marooko ay ogaadeen taleefoonka uu Mr Macron isticmaalayay tan iyo 2017-kii. Morocco ayaa beenisay inay macmiil u ahayd ama ay ka mid tahay dadka adeegsada barnaamijka Pegasus. In aad ku jirtid liiska micnaheedu maahan in softiweerka la adeegsaday laakiin waxay ka dhigan tahay in qofku ahaa bartilmaameed suuragal ah. Ma cadda ilaa iyo imika in barnaamijkaas waligiis lagu shubay taleefonka madaxweynaha Faransiiska Lambarada ku jira liiska sirta ah ayaa sidoo kale la sheegay inay ku jiraan kuwa madaxweyaasha dalalka Ciraaq Baram Salih iyo madaxwaynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, iyo sidoo kale ra’iisul wasaarayaasha dalalka Pakistan, Masar, iyo Boqorka dalka Morocco. In ka badan 600 oo saraakiil dowladeed iyo siyaasiyiin ka kala socda 34 dal ayaa ku jira liiska dadka taleefoonadood la bartilmaameedsay. Madaxtooyada Faransiiska ayaa sheegtay in haddii waxa la shaaciyay ay run yihiin ay tahay arrin aad u culus. Qaran News