Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,906
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose aya sheegaya in saacadihii la soo dhaafay xeebaha gobolkaas ay ku dhufteen dabeylo xoogan oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho & burbur hantiyeed, sida ay shaacisay Jubbaland. Dadka dhintay ayaa ahaa kalluumeysato, waxana la qalibmay doomihii ay saarnaayeen, halka uu buurbur xoog leh soo gaaray guryo ku agdhowaa xeebta magaalada Kismaayo. Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Jubbaland, Mudane Cabaas Cali Ibraahin oo ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay dabeylahaasi ayaa sheegay inay qalibmeen 11 doomood, kuwaas oo sababay dhimashada illaa 5 qof oo kalluumeysato ah. Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in dabeyluhu ay burburiyeen guryo ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla xaafadda Calaley oo ku taalla dhinaca xeebta ee magaaladaasi. “Waxaa aad u kacsanaa badda, khasaarooyin lixaad leh ayaa ka dhashay guud ahaan waxaa ku rogmaday 11 doon oo ay bad-baadeen dadkii la socday, keliya waxaa ku dhintay 5-ruux, guryaha ku yaalla Calaley waxaa dumisay dabeysha” ayuu yiri Wasiir Cabaas. Ugu dambeyn wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Jubbaland, ayaa ugu baaqay kalluumeysatada iyo dadka degan hareeraha badda inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, ayna ka fogaadaan xeebta xilliyada dabeylaha, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha. Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in haatan uu wal-wal xoogan soo wajahay kalluumeysatada oo xilligan wajahaya khatar uga imaaneysa dabeylaha badda. Si kastaba, sanad marka la gaaro waqtiga Xagaayga oo haatan lagu jiro ayaa waxaa xeebaha Soomaaliya ka billowda dabeylo xoogan oo sababa khasaare kala duwan. The post Wararkii ugu dambeeyey khaaaraha dabeylihii maanta ku dhufay xeebaha Jubaland appeared first on Caasimada Online.
  2. Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Taalibaan ee sida buuxda ula wareegtay gacan ku heynta Afghanistan ayaa ku dhowaaqday cafis guud oo loo fidiyey mas’uuliyiintii dalkaasi. Bayaan kasoo baxay hoggaanka Taalibaan ayaa waxaa lagu sheegay in cafis loo fidiyey saraakiishii iyo mas’uuliyiintii la shaqeynayey madaxweynihii cararay ee Ashraf Ghani. Sidoo kale kooxda ayaa ku boorisay saraakiishaas inay dib ugu laabtaan shaqooyinkooda, iyaga oo qaba kalsooni buuxda, sida lagu sheegay bayaanka. “Cafis guud ayaa loo fidiyay dhammaan, marka waa inaad dib u bilowdaa nolol maal-meedkaaga si weliba ay kalsooni buuxda ku jirta,” ayey qortay wakaaladda caanka ee wararka AFP, iyada oo sidoo kale oo xiganaysa bayaanka kasoo baxay kooxda Taalibaan. Go’aankan ka soo baxay Taalibaan oo muddo 20 sano ah dagaal ka waday Afghanistan ayaa dad badan la yaab ku noqday, weliba sida ay u wada shaqeyn karaan mas’uuliyiintii iyo saraakiishii ciidamada dowladda ee ay dagaallamayeen muddadaasi aadka u fog. Sidoo kale Taalibaan ayaa waxaa lagu xasuustaa inay caan ku aheyd fulinta dilalka ciqaabta ee arxan darradaah, iyada oo horey loogu eedeeyay inay geysatay dambiyo dagaal. Si kastaba, tan iyo markii Taalibaan gudaha u gashay Kabul waxaa sii kordhayey cabsida dadkii la shaqeeynayey dowladdii dalkaas iyo ciidanka Mareykanka, waxaana jira boqolaal qof oo laga daad gureeyey garoonka diyaaradaha ee Hanid Karzai oo ku yaalla caasimada. The post Taalibaan oo cafis u fidisay saraakiisha AFGHANISTAN appeared first on Caasimada Online.
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu iska wareejiyay go’aanka kursiga Beesha Sacad ee Aqalka Sare, oo loolan xooggan uu ka taagan yahay. Kursigan ayaa waxaa u taagan Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waana mid ka mid ah kuraasta ugu loolanka adag Aqalka Sare. Wararka aan ka helayno Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf uu u sheegay Qoor Qoor in aan magaciisa laga reebi karin tartanka Aqalka Sare, waxayna taasi sababtay in Madaxweyne Qoor qQoor uu odayaasha beesha Sacad iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka dalbaday in lakala saaro labadaan masuul. “Waxaa jiri doono shir ay yeelan doonaan odoyaasha iyo siyaasiinta beesha Sacad, waxaana filaynaa in uu ka qeybgeli doono Rooble waxaana filaynaa in halkaas go’aan looga gaaro kursiga,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug. “Shaki kuma jiro in Qeybdiid heli doono kursigaan laakiin Xaaf waa lagu qasbanyahay in la qanciyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaankaan katirsan Baarlamaanka Galmudug islamarkaana la hadlay Caasimada Online. Qoor Qoor ayey si aad isugu dhow yihiin Qeybdiid, waxaana lagu warramaya inuu la doonayo kursiga, hase yeeshee sidoo kale uu ka walaacsan yahay rabashado ka dhaca Galmudug, haddii kursiga laga reebo Xaaf ayada oo aan la qancin. Laba kamid ah kuraasta Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug ku matalaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa harsan waxaana ku horgudban caqabado badan. Kuraasta harsan ayaa waxaa iskaleh beelaha Sacad Habar-gidir iyo Beesha Mareexaan waxayna labadaan kursi loo hakiyay khilaaf ka jira beelaha dhaxdooda. The post Xog: Madaxweyne Qoor Qoor oo iska wareejiyey bixinta kursiga Xaaf iyo Qeybdiid appeared first on Caasimada Online.
  4. Kabul (Caasimada Online) – Millateriga Mareykanka ayaa si deg deg ah u joojiyey daad-gureyntii ciidamada iyo diblumaasiyiintiisa ku sugan caasimada Afghanistan ee Kabul, kadib markii ay kumanaan qof oo rayid ah soo buux dhaafiyeen garoonka diyaaradaha ee caasimadda. Sida ay ku warameyso wakaalada Reuters, kumanaan qof oo rayid ah oo quus ka taagan inay ka qaxaan Afghanistan ayaa xiligaan hakad geliyay duulimaadyadii daad-gureynta ee ay wadeen millateriga Mareykanka. Rabshadaha ka dhashay arrintaas, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen shan qof, kadib markii ay dadka ku soo aruuray garoonka diyaaradaha ay si qasab ah u wada qabsadeen diyaarad kamid ah kuwa millateriga Mareykanka oo xiligaas ku socotay runway-ga ay diyaaradauhu ku ordaan. Ilaa hadda ma cadda sida ay shanta qof ugu dhinteen gegada diyaaradaha, hase yeeshe Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in ciidamadu ay cirka u rideen rasaas si ay uga hortagaan dadka isku dayay inay xoog ku galaan diyaarad militari oo diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradda Mareykanka ka saaraysay magaalada. Lama kala oga inay ku dhinteen rasaastas iyo inkale. Weriye ka tirsan Al-Jazeera oo ku sugan Kabul ayaa soo sheegaya in Taliban ay dadka qulqulaya ka hor istaageyso inay u gudbaan dhanka garoonka diyaaradaha, isla markaana ay ridayaan rasaas digniin ah, si looga fogaado aagga garoonka. Tan iyo markii ay ciidamada Taliban gudaha u soo galeen caasimada Kabul ayaa waxa Garoonka diyaaradaha maamulayey ciidamada Mareykanka, oo isku dayaya inay si nabdoon magaalada ugala soo baxaan muwaadiniintooda, shaqaalaha diblomaasiyadeed iyo Afgaaniyiinta la shaqeeynayeey intii ay ku suganaayeen dalkaas. Dagaalyahannada Taliban ee guuleystay ayaa Isniintii maanta roondo ku dhex-maraayey waddooyinka magaalada Kabul, shacabkuna waxay isku buurteen dhanka garoonka, si ay xukunka kooxdaan uga baxsadaan. Duulimaadyada daad-gureynta ee ay wadeen ciidamada Mareykanka ayaa gebi ahaanba xiligaan istaagtay, waxayna hakad sii ahaan doonaan illaa inta gudaha garoonka laga nadiifinayo dadka usoo gudbay, sida uu sheegay Sarkaal sare oo la hadlay wakaalada Reuters. Sida uu baahiyey Telefishinka dowladda Turkiga ee TRT waxaa maanta Kabul ka degtay diyaaradda Turkish Airlines, waxayna halkaas ka qaaday 324 qof oo sigu jira diblomaasiyiintii ka joogtay Afghanistan iyo dad u dhashay dalkaas oo rayid u badan. Waxaa hore u istaagay duulimaadyadii ganacsiga, waxaana magaalada xiliyada qaar laga maqlayaa rasaas goos goos ah. Shacab badan oo reer Afghanistan ah ayaa ka cararaya dalka, ayaga oo qaarkood ka cabsi qaba xukunka Taliban. Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson oo qadka Talefoonka kula xariiray madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u sheegay inuu damacsan yahay inuu martigeliyo maalmaha soo socda kulan heer sare ah oo hogaamiyaasha G7 ay ka yeeshaan xaaladda Afghanistan. Sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa khadka taleefanka kaga wadahadlay xaaladda Afghanistan waxayna ku heshiiyeen inay sii wadaan wadatashiyada ay xaalada dalkaas kala yeelanayaan Shiinaha, Pakistan iyo Qaramada Midoobey. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in deg deg dalkaas Afgaanistan loogu dhiso dowlad midaysan oo loo dhanyahay, goluhu wuxuu kaloo ku baaqay in la bilaabo wadaxaajood iyo in laga fogaado gabood fallo bini’aadanimo. Madaxweynihii Afghanistan Ashraf Ghani ayaa Axadii ka cararay dalkaas, wuxuuna sheegay inuu u baxsaday “si looga hortago dhiig daata,” ayada oo Taliban ay si rasmi ah u galeen madaxtooyada dalka ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kabul. Ghani ayaa sheegay inay la noqotay “in muwaadiniin badan ay shahiidi lahaayeen, islamarkaana Kabul la burburin lahaa,” haddii uu sii joogi lahaa. “Taliban waa ay guuleysteen, waxayna hadda mas’uul ka yihiin sharafta, hantida iyo dhowridda walaalahood,” ayuu Ghani ku yiri bayaan uu soo dhigay faecbook. “Waxay iminka wajahayaan tijaabo kale oo taariikhi ah. Ama waxay joogteyn doonaan magaca iyo sharafta Afghanistan, ama waxay ahmiyad siin doonaan meelo kale iyo shabakado,” ayuu yiri. Madaxweyne Ashraf Ghani ma uusan shaacin halka uu u cararay, hase yeeshee warbaahinta ugu weyn Afghanistan ee Tolo ayaa sheegtay inuu aaday dalka Tajikistan. The post Wararkii ugu dambeeyey ee Kabul iyo militariga Mareykanka oo qaaday tallaabo ay… appeared first on Caasimada Online.
  5. Qahira (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kadib markii uu saakay ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Qaahira International dhiggiisa dalkaas Mustafa Madbuuli iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Masar. Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa ayaa ku tagay dalka Masar booqasho rasmi ah oo ku saleysan xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labada dale e Masar iyo Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Masar Cabdulfitaax Al-sisi, waxayna labada dhinac yeelan doonaan kulammo ay uga wadaxaajoo doonaan arrimaha khuseeya xiriirka labada dal. Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa safarkaan ku wehlinaya wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq, wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan goleyaasha dowladda. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Masar ayaa qaadan doona mudo laba cisho ah, waxaana ka warbixiyay safiirka Masar ee Soomaaliya Ilyaas Cumar Abuukabar. Hoos ka daawo sida Qahira loogu soo dhaweeyey wafdiga Rooble The post Daawo: Rooble oo si weyn loogu soo dhoweeyey Qaahira iyo war laga soo saaray safarkiisa appeared first on Caasimada Online.
  6. Kabul (Caasimada Online) – Taliban ayaa magaalada Kabul kula dagaalamaysay dowladda Afghanistan oo reer galbeedku taageeraan tan iyo markii xukunka laga tuuray sanadkii 2001-dii. Inta badan xubnaha Taliban ayaa asal ahaan ka tirsanaa dagaalyahannada loogu yeero “mujaahidiin” kuwaas oo taageero ka helayey Mareykanka si ay isaga caabiyaan ciidamadii Midowgii Soofiyeeti ee sanadkii 1980. Kooxda ayaa waxay soo ifbaxday sanadkii 1994 iyagoo ka mid ahaa kooxihii dagaalladii sokeeye ku jiray, waxayna gacanta ku dhigeen inta badan dalkaas sannadkii 1996 markaas oo ay ku soo rogeen ku dhaqanka shareecada Islaamka. Daalibaan ayaa mar kale si militari ah u qabsatay xukunka dalka Afghanistan tan iyo markii ciidamada shisheeye bilaabeen inay ka baxaan, iyagoo qabsaday inta badan dhulka dalkaas. Aasaasihii iyo hoggaamiyihii asalka ahaa ee ururkaan, Mullah Mohammad Omar ayaa la waayey meel uu galay kadib markii ay dowladdii Taliban afgambiyeen ciidamadii maxalliga ahaa oo ay taageerayeen Mareykanka wixii ka dambeeyey weerradii 11-kii September 2001 lagu qaaday dalka Mareykanka. Aad ayey u qarsooneyd in la ogaado halka uu Cumar ku sugnaa, waxaana geeridiisa sanadkii 2013 xaqiijiyey wiilkiisa markaas oo dhimashadiisa laga joogay 2 sano, wuxuuna ku dhintay duqeyn ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen halkii uu ku dhuumanayey. Waxaa jiro hoggaamiyeyaal muhiim ah oo ururkaan ka tirsan, waxaana warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa qaar kamid ah xubnaha ugu muhiimsan ururkaan. Haibatullah Akhunzada Waxaa loo yaqaan “Hoggaamiyaha Mu’miniinta”, waa nin aad u bartay Diinta Islaamka, waana hoggaamiyaha ugu sarreeya Taliban, wuxuuna hayaa awoodda ugu dambeysa ee arrimaha siyaasadda, diinta iyo milatariga kooxda. Akhunzada ayaa xilka la wareegay kadib markii hoggaamiyihii ka sareeyey ee Akhtar Mansuur lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ku qaadeen meel u dhow xadka Afghanistan iyo Pakistan sannadkii 2016-kii. Muddo 15 sano ah oo la weysanaa ayuu si lama filaan ah usoo muuqday bishii Maajo ee sanadkii 2016, Akhunzada wuxuu wax ku bari jiray oo uu ku wacdi jiray masaajid ku yaal Kuchlak, oo ah magaalo ku taal koonfur-galbeed ee Pakistan, sida ay Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegeyn saaxiibadiis iyo ardaydii uu macalinka u ahaa. Akhundzada uma muuqdo inuu raacayo raadka madaxdii uga horreysay ee hoggaanka Taalibaan, gaar ahaan Mullah Mansoor iyo Mullah Cumar, kuwaas oo aaminsanaa in wax walba lagu helo qori caaraddiis. Fikradda uu aaminsan yahay awgeed, markii hore waxaa loo arkayay nin qalalaasaha jecel oo aan oggolaan doonin wax wada xaajood ah oo ku qotama aragtida Taalibaan, hase yeeshee xaaladdaas wax badan ayuu ka badallay, diyaar ayuuna u ahaa inuu la fariisto dhinacyada ka soo horjeeda. Inkasta oo uu leeyahay mayal-adeyg dhinaca diinta ah, haddana waxaa la sheegay in uu aaminsan yahay in siyaabo kale wax lagu xalliyo inta aan dagaal la gaarin. Mid ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee uu Akhundzada aaminsanaa in khilaafka lagu xalliyo “wada-hadal siyaasadeed”, taasi oo si weyn u soo muuqatay bilihii la soo dhaafay. Bishii July, 2021, kooxda Taalibaan waxay miiska wadahadalka la fariisteen madaxda dowladda Afghanistan oo ay ku kulmeen magaalada Dooxa, tallaabadaas oo muhiim u ahayd hannaanka nabadda ee dalka Afghanistan. Waxaa la sheegaa in Akhundzada uu la dagaallamay ciidammadii Midowga Soofiyeet iyo ciidammada isbahaysiga ee uu Mareykanka horkacayay ee ku sugan Afgaanistaan, waxa uuna madax ka soo noqday maxkamadda militariga ee Kabul, intii dalkaas uu xukumayay ninka Taalibaan aasaasay ee Mulla Cumar. Inta uu hoggaaminayay ururka Taalibaan, Akhundzada waxa uu ururkaasi heshiis nabadeed Mareykanka kula galay waddanka Qatar 29-kii bishii Febraayo ee 2020-ka, iyadoo Akhundzada uu heshiiskaasi ku tilmaamay “guul wayn” oo ururka u soo hooyatay. Tan iyo kowdii May 2021, Taalibaan waxa ay sare u qaadday howlgalladeeda militari ee ka dhanka ah xukuumadda, waxayna qabsadeen deegaanno ballaaran oo ka tirsan Afgaanistaan. Hebatullah waxa uu dhashay 19-kii Oktoobar sannadkii 1961, sida lagu sheegay taariikhdiisa lagu shaaciyay barta internet-ka ee rasmiga ah ee ururka Taalibaan. Waxa uu ku dhashay degmada Bajway ee gobolka Gandahaar, wuxuuna ka soo jeedaa qowmiyadda Bashtuuga. Ma jirto cid sheegi karta halka uu sida rasmiga ah ugu sugan yahay hoggamiyahaan. Mullah Mohammad Yaqoob Waa wiilka uu dhalay aasaasaha Daalibaan Mullah Cumar, wuxuuna dusha kala socda hawlgalada milateri ee kooxda, waxayna warbaahinta maxalliga ahi sheegtay in uu ku sugan yahay gudaha Afghanistan. Waxaa loo soo jeediyay inuu noqdo hogaamiyaha guud ee dhaqdhaqaaqa, laakiin wuxuu soo jeediyey in xilkaas loo dhiibo Akhunzada sanadkii 2016, isagoo dareensanaa inuusan laheyn khibrad dhanka dagaalka ah, maadaama uu ahaa wiil yar sida uu sheegay taliye ka tirsana Taliban oo ku sugnaa goobta lagu doortay Akhunzada . Mullah Yaqoob ayaa la rumeysan yahay inuu jiro da’da 30-meeyada. Sirajuddin Haqqani Waa wiilka taliyaha caanka ah ee Taliban Jalaluddin Haqqani, wuxuuna hadda hoggaamiya Shabakadda Haqqani, oo ah koox kormeerta hantida maaliyadeed iyo milatari ee Taalibaan ee xuduudda Pakistan iyo Afghanistan. Kooxda Haqqani ayey khubarada qaar aaminsan yihiin inay tahay kooxdii dalka Afgaanistaan ka bilowday isqarxinta, waxaana lagu eedeeyay dhowr weerar oo waaweyn oo ka dhacay Afgaanistaan, oo ay ka mid yihiin weerar lagu qaaday hotelkii ugu sarreeyey ee Kabul, isku day dil oo lala damacsanaa madaxweynihii xilligaas Xamiid Karzai iyo weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Safaaradda Hindiya. Haqqani waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhow yahay da’da 40 ama inuu galay da’da 50-meeyada. Lama oga halka uu ku sugan yahay. Mullah Abdul Ghani Baradar Baradar oo ka mid ah aasaasayaashii Daalibaan, ayaa hadda madax ka ah xafiiska siyaasadda ee Daalibaan, wuxuuna qayb ka yahay kooxda wada-xaajoodka ee Doha si ay isugu dayaan una galaan heshiis siyaasadeed u gogol xaari kara xabbad-joojin iyo nabad waarta oo ka dhalata Afgaanistaan. Wada-hadalada siyaasadeed oo ay kooxdaan ka shaqeeneysay ayaa u muuqda inuu fashil kusoo dhammaaday bishaan, kadib markii ay kooxda si xoog ah kula wareegtay awoodda iyo xukunka dalka Afgaanistaan. Baradar oo la sheegay inuu ka mid ahaa taliyayaashii uu aadka ugu kalsoonaa Mullah Cumar ayaa waxay ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen sanadkii 2010 xilli uu ku sugnaa magaalada Karachi ee koonfurta Pakistan, waxaana la sii daayay sanadkii 2018. Sher Mohammad Abbas Stanikzai Wuxuu soo noqday wasiir ku xigeen xilligii dowladdii Daalibaan ka hor intii aan la afgambin, wuxuuna ku noolaa Doha ku dhawaad toban sano, waxa uu madax ka noqday xafiiska siyaasadda kooxda sanadkii 2015. Sidoo kale waxa uu ka qeyb qaatay wada xaajoodyadii lala galay dowladda Afgaanistaan, wuxuuna wakiil uga ahaa Taalibaan safaro diblomaasiyadeed oo uu ku tagay dalal dhowr ah. Abdul Hakim Haqqani Waa madaxa kooxda wada xaajoodka Taliban, wuxuuna madax u ahaa golaha awoodda badan ee culumada diinta ee kooxdaan, waxaa si weyn loo rumeysan yahay inuu yahay qofka uu aadka u aaminsan yahay hoggaamiyaha kooxdaan ee Akhunzada. The post Waa kuwee lixda hogaamiye ee ugu muhiimsan Taliban? appeared first on Caasimada Online.
  7. This short piece attempts to shed lights on the similarities and differences between the two groups: Taliban (TB) and A-Shabaab (AS) in the lenses of TB’s current military gains in Afghanistan. Source: Hiiraan Online
  8. PRESS RELEASE UAE, Egypt conclude ‘Zayed 3’ military exercise The exercise highlighted the professionalism of UAE and Egyptian air forces, as well as their high level of coordination ABU DHABI, United Arab Emirates, August 16, 2021/ — The joint military exercise between the UAE and Egypt, entitled ‘Zayed 3’, concluded on Saturday, 14th August. The multi-day exercise, which took place in the UAE with the participation of Emirati and Egyptian Air Forces, involved lectures and practical training aimed at enhancing their abilities and coordination in operating joint air missions, training for air combat strategies and exchange expertise. It also included joint flights by multi-purpose fighter aircraft, as well as several missions involving attacking enemy targets and defending vital locations. The exercise highlighted the professionalism of UAE and Egyptian air forces, as well as their high level of coordination, which enhances their excellence in conducting successful joint missions. The exercise is part of the UAE’s efforts to enhance military cooperation between the UAE and Egyptian Armed Forces, enabling them to leverage one another’s capabilities, and deal with threats to the region’s security and stability. Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation. SOURCE United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation Qaran News
  9. RED SEA TRADE ROUTE AND THE ROLE OF BERBERA PORT. Red Sea is the third important business and busiest route all over the world, and the bridge that connects Africa, Europe and Asia. This channel is one of the main sea corridors for oil trade between Europe and Asia , especially the oil export of Arab countries through other world. The Role of Berbera is the strategic position the port is allocated and business role the port taking part the trade channels through the three continents Africa, Asia and Europe. The world is expecting as predictions shows Berbera will be the trade Hub between Africa and other world according geostrategic position and the interest of the other world powers want to get a position it’s freezone market. Freezone market will simplify the African businesses and some Arab countries get what ever goods they want , how they travel before to the far east countries like Taiwan , China , Singapore , India , Japan , and other countries produce most products . Another geostrategic importance of Berbera when we see the edge of international is the best suitable security position to guard the business trade that are across readsea route , so some countries want to get Somaliland a military bases as rumours said like ; UK , USA , OMAN , SAUDI ARABIA , ISRAEL , RUSSIA , EGYPT , CHINA , FRANCE and others how to secure the trade and their own businesses across this route. All in All Somaliland is facing the road towards prosperity and the Era of trade centre ,business hub of horn of Africa , Dp world made first extention of 400meters since the government of somaliland allowed the investment contract of thirty years , and this extention upgraded the capacity of the port from 1,500 k Tues to 5000 K Tues. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil dhimbiil@live.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  10. Doolow (Caasimada Online) – Waxa maanta xal kama dambeys ah laga gaaray xiisadii dagaal ee maalmihii u dambeeyay ka taagneyd degmada Doolow ee gobolka Gedo, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegen Caasimada Online. Xiisada dagaal oo u dhaxeysay Ciidamada dowladda Soomaaliya ay hore u geysay degmada Doolow iyo ciidamadii uu kal hore dowladda ku wareejiyay wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan, kuwaasi oo gadood xoogan ka sameeyay degmada. Odayaasha dhaqanka degmada oo dhex-dhexaadin ka dhex bilaabay ciidamada kuwa sugan Doolow iyo dowladda federaalka ayaa ugu dambeyntii lagu dhameeyay in xerooyinkoodii ku laabtan, islamarkaana la siiyo xuquuqdoodii sida; mushaarka iyo gunnooyinkii ka maqnaa. Sidoo kale waxa lagu soo waramayaa in ciidamada gadoodsanaa ee Janan laga qaaday gaadiidka dagaalka ee ay haysteen, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay ay soo dhoobeen gudaha degmada Doolow ee gobolka Gedo. Korneyl Warfaa Sheekh Aadan Faroole, Taliyaha Guutada 10-aad Qeybta 43-aad ee gobolka Gedo ayaa dhankiisa ballan-qaaday inay xalinayaan tabashooyinka ay qabaan ciidamada, ayna ku laabteen xeryahoodii. Waxa uu si weyn ugu mahad celiyay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada Doolow, oo qeyb ka yihiin maamulka iyo saraakiisha ciidamada, kuwaasi oo uu sheegay inay kaalin muhiim ah ka ciyaareen xal ka gaarista xiisada taagneyd. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Doolow ee gobolka Gedo ka taagnaa xiisad u dhaxeeysay Ciidamada dowladda iyo kuwii uu dowladda ku wareejiyay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, kuwaasi oo ka gadoodsanaa inaysan helin xuquuqdii iyo mushaarkii ay xaqa u lahaayeen. Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa xili ay maalmihii u dambeeyay soo baxayeen warar sheegaya in khilaaf xoogan uu ka dhex qarxay Cabdirashiid Janan iyo Farmaajo, inkasta oo arrinta khilaafka uu ka gaabsaday Janan oo shalay musharaxnimadiisa uga dhawaaqay magaalada Muqdisho. The post Ciidamada Janan oo laga qaaday gaadiidka dagaal iyo wararkii ugu dambeeyey xiisadda Doolow appeared first on Caasimada Online.
  11. M/weyne Muuse Biixi oo Ka Qeyb-galay Xaflada Qalin-jebinta Dufcadii 1aad Ee Jaamacada Hablaha Barwaaqo University madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta ka qaybgalay qalin jebinta Jaamacadda Barwaaqo University Oo Ku Taalla Deegaanka Baliga-cas Oo Jihadda Waqooyi Ka Xigta Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo Lagu qabtey munaasibad ballaadhan oo ay ku qalinjebiyeen 16 Hablood Oo Ka ah dufcadii koowaad ee Jaamacada Barwaaqo ka baxda. Waxaana madashaa madaxweynaha ku wehelinayay xubno ka mid ah golaha wasiiradda, taliyaha ciidanka booliska, agaasimaha shaqo qaran gudoomiyaha guddida tamarta, maareeyaha wakaalada biyaha, madaxda iyo macalimaiinta jaamacada barwaaqo iyo waalidiinta ardayda qalin jabisay. Ugu horayna waxa halkaasi ka hadashay maamulaha cusub ee dugsigaasi loo soo magacaabay marwo Joy Isa, waxa iyana halkaa ka hadashay Nimco Axmed Ismaaciil oo ah ardaydii ugu horaysay ee waxbarasho dibedeed uu dugsiga abaarso ugu diro dalka maraykankanka wakhtigana ka mid ah masuuliyiinta jaamacada barwaaqo, waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Rob Kaofman oo ku hadlayey afka agaasimaha abaarso network oo ku sugan dalka maraykanka iyo Xayaad Carte oo ah aas-aasaha barnaamijka sahamiye oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimada jaamacadan iyo dugsiga abaarso ay u leeyihiin bulshada Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka jeediyey khudbad muhiima ayaa yidhi “Maanta waxay ka mid tahay Maalmaha aan aad u faraxsanahay, Xafladda aynu nimi farxada aan ku faraxsanahay waxay ka turjumaysaa, waa markii ugu horaysay ee hablo macalimiin loo tababaray oo loo soo diyaariyey inay dadka wax baraan iyagoo gaara iyo Jaamacad u gaara oo ay leeyihiin waa markii ugu horaysay ee aan kasoo qeyb galo taariikhdayda, waana arrin guul u ah inta Af-Somaaliga ku hadasha iyo gaar ahaan Somaliland qarankeeda rag iyo dumarba, waana mustaqbal ifaaya oo dalkeena maanta u bilowday inaynu helnay qeyb ka mida dalkeena dadka ku nool ay yeeshaan Jamaacad u gaar ah”. Madaxweynaha oo khudbadiisa sii wata ayaa yidhi “Somaliland haddaynu nahay waxaynu u baanahay in mashaakilka ina haysta qaarkood isla fahano, waxaa had iyo jeer lagu murmaa Iskuulka Abaarso iyo Jaamacadiisa Barwaaqo, dad badan oo aan fahamsanayn ama aan Jibbadooda dersin waxa ka socda ama u cadow ah Islaamka ayaa waxay ka fidiyaan warar aanay hubin waxa ay yihiin, taasi waxay igu keliftay inaan taggo Dugsiga Abaarso oo shaqaynaya annigoo keligay ah oo aan ciddina ila socon oo gaadhi yar wata si aan u oggaado waxa ka socda, waxaanan soo taabtay in iskuulkaasi ay ka socdaan wax qarankeenu u baahan yahay Islaamku u baahan yahay”. Sidoo kale madaxweynaha uu yidhi “Waxaynu u baahanahay inaynu aqoonta qaadano, waxaynu u baahanahay inaynaan noqon dad fuleyaal ah oo haddii ay cidd murmaanba iyaga laga adkaanayo inaynaan baqqe ka dhigin caruurteena ninka ay murmaanba inuu duufsanaay, Soomaaliduna waa ku adagtahay diinteeda”. Madaxweynaha oo ugu danbayntiina shahaadooyin gudoonsiiyey hablihii ka baxay jaamacada Barwaaqo ayaa ku dhiirigeliyey waalidiinta inay ka faa’iidaysataan waxbarashada loogu keenay dalkooda oo aanay dhegeysan kuwa dacaayada la daba-jooga dugsiga abaarso iyo jaamacadiisa barwaaqo. Qaran News
  12. Golaha midawga musharixiinta ayaa goordhaw war ka soo saaray xaaladda doorashooyinka dalka. Midawga oo shir seddax maalin uga socday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in doorashooyinka Golaha Shacabka ay ku bilaawday si hufan. Hoos ka akhriso qoraalka Midawga Musharixiinta Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharixiinta ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shirkii seddexda maalin uga socday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ee looga hadlayey xaaladda siyaasadeed ee dalka. “Kulan saddex maalmood socday (August 14-16, 2021) ayaa maanta ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho. Kulamadaas oo ay ka soo qeybgaleen musharaxiinta ku bahoobay Golaha MIdowga MusharaxiInta Madaxweyne. Waxaa kulanka diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda dalku marayo, gaar ahaanna arrimaha doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay. Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in golaha uu wadatashi la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada “Goluhu wuxuu kulamo Ia yeeshay Guddiga Doorashooyinka Heer-Qaran ee (FEIT), ururrada bulshada rayldka lyo beesha caalamka. Wuxuu kaloo Goluhu wadahadal Ia yeeshay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Goluhu wuxuu Ia qabaa fIlashada shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ee ahayd In doorashooyinkan ay ka fiicnaadaan kuwii dhacay 2012k11 lyo 2016k11.” War-Saxaafadeedka Midowga Musharixiinta oo ka kooban laba Bog ayaa waxaa walaac looga muuijiyay sida ay ku bilowdeen Doorashooyinka Dalka, sidoo kalena ay u tagan yihiin xaqiijinta sidii ay dalka uga qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda habraac heshiis lagu yahay si dalka looga badbaadiyo xasilooni siyaasadeed oo horleh. “Goluhu wuxuu walaac ka muujinayaa sida ay ku billowdeen doorashooyinka dalka. Goluhu wuxuu u taagan yahay xaqiijinta sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda habraac heshiis lagu yahay, si dalka looga badbaadiyo xasillooni darro slyaasadeed oo hor leh,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay musharixiinta. Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday in habraaca doorashooyinka aqalka hoose ay noqdaan kuwa daah furan oo loo dhan yahay isla markaasna la ballaariyo shirka golaha wadatashiga qaran, wuxuuna golaha soo jeediyey qodobada soo socda: 1- In 135-kii oday dhaqameed ee loo aqoonsanaa hoggaanka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada aqalka hoose. 2- In doorashada ay ka dhacdo goob amnigeeda sugan yahay booliska federaalka, dawlad-goboleedka iyo AMISOM ka wada qaybqaataan. 3- In kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami- u-qabashada doorashooyinka. 4- In bulshada rayidka ah, ururrada caalamiga iyo xubnaha beesha caalamka ay goobjoog ama korjoog ka ahaadaan habsami u socodka doorashooyinka. Ugu dambeynti war murtiyeedka kasoo baxay midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu yiri “Haddaba si taas loo xaqiijiyo Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Ra’isulwasaare Rooble in uu ballaariyo kulanka ay ku ballansan yihiin madaxda madasha watashiga qaran si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda si nabad ah, dalkana u horseedda xasilooni siyaasadeed.” Halkaan hoose ka akhriso war-murtiyeedka oo dhameystiran The post Midowga Musharaxiinta oo dalbaday 4 qodob kadib shirkii Muqdisho (War-murtiyeed) appeared first on Caasimada Online.
  14. Dr. Cabdiraxmaan Xamuud Al-Sumayd wuxuu ku dhashay dalka Kuweyt sanadkii 1947dii. Carruurnimadiisii wuxuu jeclaa akhriska iyo samafalka. Sida lagu xusay maqaal uu daabacay Al-Jazeera TV, isaga oo iskuul dhiganaya ayuu ardayda ka aruuriyay lacag ay ku iibiyeen gaari ay subixii goobaha shaqada ku geyn jireen shaqaalaha danyarta ah, galabkiina waxay ku celin jireen guryahooda. Markii uu Dugsiga Sare uga baxay dalka Kuweyt ayuu jaamacad u aaday dalka Ciraaq. Shahaadada koobaad wuxuu ka qaatay Jaamacadda Baqdaad oo uu ka bartay Cilmiga Caafimaadka iyo Qalliinka Guud. Kaddibna wuxuu Jaamacaddda McGill ee dalka Canada uga takhasusay cudurrada uur-ku-jirka iyo dheefshiidka. Dr. Cabdiraxmaan wuxuu ka soo shaqeeyay isbitaallo ku yaalla Kuweyt, Canada iyo Ingiriiska. Safarkiisii Malaawi iyo billawgiisii samafalka Afrika Safar uu 1980kii ku tegay dalka Malaawi oo dhaca koofur-bari qaaradda Afrika ayuu ku soo arkay malaayiin fuqaro ah oo la daalaadhacaya faqri, cudurro iyo jahli. Sababtaas ayayna ugu dhalatay in uu ka fikiro sidii uu dadkaas farqiga iyo jahliga uga badbaadin lahaa. Sanadkii 1981dii wuxuu Dr. Cabdiraxmaan aasaasay hey’adda Africa Muslims Agency (Lajnatu Muslimii Ifriiqiya) oo waagii dambe magaceeda loo beddelay Direct Aid (Al-Cownul Mubaashir) oo ah Hey’ad samafal ah oo gargaarka, waxbarashada iyo faafinta dacwada ka fuliso 31 dal oo Afrika ah iyo Yaman. “Dr. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa hoggaamiye aragti-fog oo madaale ah. Wuxuu ahaa qof dhiirran oo hadafka uu rabo in uu ka miradhaliyo uu kala weyn yahay waxa ku dhici kara iyo khataraha ku xeeran. Dr. Sumeyd wuxuu ahaa nin aan adduunyo baahi badan u qabin oo ay ku weyn tahay in uu dhaxal ka tago. Wuuna ka tegay,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Sh. Cabdulqaadir oo aqoon dheer u leh Dr Al-Sumeyd. Dhaxalkii uu ka tegay Dr. Al-Sumeyd Sida lagu xusay maqaal lagu daabacay bogga Jaamacadda SIMAD, 30kii sano ee uu Afrika ka shaqeynayay waxaa sababtiisa ku soo muslimay dad gaaraya 11 milyan. Dr. Al- Sumeyd waxa uu Afrika ka dhisay 5,700 Masjid, wuxuu qoday 9,500 ceel. Wuxuuna aasaasay 102 xarumood oo lagu barto Diinta Islaamka, 860 iskuul iyo 4 jaamacadood. Wuxuuna waxbarashada ka bixiyay arday ka badan 95,000 oo Afrikaan ah. “Aniga oo harqaanle ka ah Johannesburg ayaan isbarannay haweeney Hindi ah oo bare jaamacadeed ah. Waxay i waydiisay sababta aan jaamacad u dhigan waayay, waxaana u sheegay in aan duruuf uga haray. Waxay iga ballanqaadday in ay iga bixinayso qarashka jaamcadda. Markii aan dhammaystay semestarkii koobaad ayay haweeneydii dhimatay. Aniga oo ka walwalsan sida aan yeeli doono ayaan magaalada Johannesburg ku dhex arkay derbi uu ku qoran yahay magaca ‘Lajnatu Muslimii Ifriiqiya’, waxaana soo xusuustay in uu magacaan ku qornaan jiray iskuulkii Axmed Gurey ee aan ka soo baxay. Waan galay, waxaana codsaday in ay i caawiyaan, sidaas ayayna iiga dhiibeen qarashkii jaamacadda. Markii aan qalinjebiyayna shaqo ayaan ka helay.” Sidaas waxaa BBC u sheegay Xasan Cabdullaahi Caalin oo ka shaqeeya xafiiska mashaariicda hey’adda Direct Aid ee South Africa Xafiiska hey’adda ee Soomaaliya Heshiis ay galeen Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo hey’adda Direct Aid ayay hay’addu xarun uga furtay Muqdisho 1986dii, balse burburkii dowladda iyo dagaalkii 1991dii dhexmaray Kuweyt iyo Ciraaq ayaa sababay in uu xafiiskaasi xirmo 1991dii. Waxaana dib loo furay Sep 1992dii. Xildhibaan Faarax Sh. Cabdulqaadir waa Agaasimihii ugu horreeyay ee xafiiskaas burburkii kaddib. Wuxuu yiri “Aniga oo Master Degree ka diyaarinaya jaamacad ku taalla Pakistan ayaan dalka fasax ku imid Jun 1992. Waxaan maray Baydhabo, Beledweyne iyo Muqdisho oo ay ka jirtay abaartii Cagababar. Markii aan laabanayay ayaan Nairobi isku aragnay Dr. Cabdiraxmaan Al-Sumeyd, waxaana uga warramay xaalidihii aan dalka ku soo arkay. Wuxuu i waydiiyay: maxaa jeclaan laheyd in aan ka qabto? Waxaana u soo jeediyay in uu gargaar u fidiyo dadkaas dhibaateysan. Wuu iga aqbalay, wuxuuna iga codsaday in aan arrintaas kala shaqeeyo.” Dr. Cabdiraxmaan wuxuu tobaneeye jeer yimid Soomaaliya, wuxuuna gacan weyn ka gaystay gurmadkii abaaraha. “Jan 1993 aniga iyo Dr. Cabdiraxmaan oo joogno xafiiska hey’adda ee Muqdisho ayuu diktoorku istaagga ka dhacay, miirka ayaana ka tegay. Waxaan geeyay xaruntii ciidanka Kuweyt oo ka mid ahaa hawlgalkii UNITAF. Markii uu soo miirsaday ayaa loo qaaday Sacuudiga. Isbitaal ayuu 4 bil ku jiray, waxaana lagu sameeyay 4 qalliin oo wadnaha ah. Dhakhaatiirtii waxay kula taliyeen in uusan tegin meel aan laheyn isbitaal lagu daweeyo wadnaha. Isaga oo sidaas ah ayuuna noogu iman jiray Soomaaliya oo aan waxba loogu qaban karin” Faarax Cabdulqaadir Marka laga tago gurmadkii abaaraha, xafiisku wuxuu xoogga saaray waxbarashada, daryeelka agoonta iyo hirgelinta mashaariic horumarineed. “Jan 1993 ayaan Muqdisho iskuullo ka furnay. Xilligaas oo uu dalku ku jiray xaalad adag waxaa adkeyd in waxbarasho lagu fikiro, taasna waxay keentay in aysan waalidiin badan iskuullada u soo dirsan carruurtooda. Si aan waalidiinta ugu dhiirrigelinno waxbarashada carruurta ayaan billawnay in aan raashin siinno qoys kasta oo arday keensado.” Xasan Badawi, Guddoomiyaha xafiiska Direct Aid ee Soomaaliya Dr. Siciid Xuseen Geeddi waa dhakhtar ku takhasusay indhaha oo ka hawlgala Muqdisho, wuxuuna bare ka yahay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Dr. Siciid wuxuu ka mid ahaa dufcadii ugu horreysay ee laga qoray iskuulkii Al-Falaax ee markii dambe loo raray Maxamuud Xarbi. Wuxuu yiri “Maalin aniga oo banooni ku ciyaaraya xaafadda Xararyaalle ayaa waxaa ii timid haweeney aan deris aheyn. Iskuulka ayay i gaysay, waxayna ku tiri “Wiilkaan ii qora” iyadiina cunto ayaa la siisay. Sidaas ayaan waxbarashada ku soo billaabay.” Xafiiska wuxuu Muqdisho ka furay iskuullada Tadaamun, Abuu Xaniifa, Maxamud Xarbi iyo Axmed Gurey. Beledweyne wuxuu ka furay iskuullada Sh. Maxamed Macallin iyo Al-Aqsa. Buulamareer wuxuu ka hirgeliyay iskuulka Al-Faaruuq. Kismaayo wuuu ka furay iskuulka Faanoole. Halka Hargeysa uu ka hirgeliyay iskuullada Al-Irshaad. Magaalada Gabileyna wuxuu ka furay iskuulka Gabiley. Iskuulladaas waxaa ka qalinjebiyay 11,705; waxaana hadda dhigto 15,388 arday. 5 ka mid ah iskuulladaas waxay leeyihiin koleejyo agoonta lagu xannaaneeyo oo ay hadda ku nool yihiin 792 agoon, waxayna hey’addu guryahooda biil ku siisaa 1,113 agoon. Dr. Cabdifitaax Shariif Maxamed waa dakhtar ka hawlgala isbitaalka Hackensack ee dalka Mareykanka. Wuxuu yiri “Aniga oo 3 sano jir ah ayaa aabbahey dhintay. Kaddibna hooyo ayaa i gaysay xarunta agoonta Salaam ee iskuulka Maxamuud Xarbi. Iskuul, Bachelor ilaa takhasuska waxaa iga bixisay hey’adda Direct Aid. Waana ku mahdinayaa.” Xafiisku wuxuu deeq waxbarasho oo jaamacaddeed siiyay 440 arday oo Bachelor ah iyo 197 arday Master iyo PhD kala ah. Sanadkii 1999kii hey’addu waxay Muqdisho ka furtay machadkii SIMAD oo 2011kii Jaamacad laga dhigay. Jaamacadda waxaa ka qalinjebiyay 6,818; waxaana hadda dhigto 3,306 arday. SIMAD waxay 2019kii hirgelisay isbitaalka Dr. Sumait Hospital oo loogu magacdaray Dr. Cabdiraxmaan Al-Sumeyd. “Fursad uma helin in aan la kulmo Dr. Al-Sumeyd, waxaanse isku hawlay in aan wax ka barto ninka cajiibka ah ee uu ahaa.” Bill Gates 30 sano oo uu u adeegayay fuqarada Afrika kaddib, wuxuu isag oo 66 jir ah 8 sano ka hor maanta oo kale (Aug 15, 2013) ku geeriyooday dalka Kuweyt. Dr. Al-Sumeyd wuxuu qoray 13 buug, wuxuuna ifka uga tegay 3 gabdhood iyo labo wiil. Dhaxal aan duugoobeyn ayuu ka tegay. Weligiisna wuxuu ku dhex noolaan doonaa qalbiyada fuqarada Afrika iyo Musliminta Caalamka. Eebbe ha u naxariisto Cabdiraxmaan Al-Sumayd. The post Samafalihii AFRIKA ee ay sababtiisa kusoo muslimeen 11 milyan, Soomaaliyana ka dhisay 12 iskuul iyo jaamacad appeared first on Caasimada Online.
  15. Urur siyaasadeedka lagu magacaabo Run iyo Caddaalad oo ka dhisan Puntland ayaa sheegay in ay ku biireen 23 xubnood oo ka baxay urur siyaasadeedka Mideeye. Qoraal wargelin ah oo ka soo baxay xafiiska Xoghayaha urur siyaasadeedka Run&Caddaalad, Maxamuud Maxamed Ciise ayaa lagu xaqiijiyay in ururka ay ku biireen 23 as’aase oo ka yimid Mideeye. Sidoo kale, dhammaan mas’uuliyiinta iyo taageerayaasha Run iyo Caddaalad ayaa lagu wargeliyay in ay u diyaar-garoobaan shir ballaaran oo ururku qabsanayo 23 Agoosto 2021. PUNTLAND POST The post Puntland: Xubno ka baxay Urur siyaasadeedka Mideeye oo ku biiray urur kale appeared first on Puntland Post.
  16. · Qaab dhismeedka Ururka Talibaan Ururka Daalibaan wuxuu leeyahay qaab dhismeed ka kooban saddex waaxood oo kala ah 1-Qaybta Fulinta: waxaa hogaamiya Habitullah Akhundzada oo ku magacaaban Amiiru Almuuminiin waana ninka ugu awooda badan, wuxuu leeyahay saddex ku xigeen oo kala ah a- Kuxigeenka dhanka siyaasada oo uu maamulo Abdulghani Baradar xafiiskiisuna yahay Doha Qadar b- Kuxigeenka arimaha ciidamada oo uu haysto Mohammed Yaqoob oo uu dhalay aasaasihii ururka Daalibaan Mulah Mohamed Omar. Waana hogaanka ugu sareeya ciidamada Daalibaan. c- Kuxigeenka shabakada gaarka ah ee loo yaqaan Haqqani Network. Waa ciidan gaar ah oo loogu magac daray hogaamiyihii caanka ahaa ee la dagaalamay ciidankii Soviet ka ee lagu magacaabi jiray Jalaluddin Haqqani. Ciidankan gaarka ah waxaa hogamiya Siraj Haqqani oo ah wiil uu dhalay Jalaluddin. Waxaa kale oo fulinta hoosyimaada 17 waaxood oo u dhigma Golaha wasiirada oo kale isla markaana qabta hawlaha maalinlaha ah ee Ururka. 2- Qaybta Garsoorka: waxaa Hogaamiya Mullah Abdul Hakeem waana waaxdii u qaabilsanayd ururka wadahadaladii Doha. 3- Qaybta Shuurada: waxay ka kooban yihiin 26 xubnood waana halka laga go’aamiyo arimaha masiiriga ah ee ururka Daalibaan. Qaran News
  17. Midowga Murashixiinta Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay hannaanka ay ku bilowdeen doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaanna Doorashada aqalka sare. War ka soo baxay shir mudda saddex maalmood ah Muqdisho uga socda Golaha Midowga Murashixiinta ayaa lagu sheegay in Goluhu walaac ka muujinayo sida ay ku bilowdeen doorashooyinka dalka gaar ahaanna doorashada Aqalka sare. Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in habraaca doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamanka dalka uu noqdo mid daah-furan oo wadar-ogol ah. PUNTLAND POST The post Midowga Murashixiinta oo war ka soo saaray Arrimaha doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  18. Xildhibaanadu In Ay Sida Shacabka Cawdaan Maaha, Waxaynu U Doorannay Ee Dastuurku U Siiyay….” Xisbiga WADDANI Ciidanka Bileyska yaan laysu adeegsan ! Xildhibaanadu in ay sida shacabka cawdaan maaha, waxa aanu u doorannay ee Dastuurku u siiyay dhawrsananaanta waa in ay cod shacab ku joogaan, qodobka 49 aad ee Dastuurka ayaa si cad u sheegaya dhawrsananaanta xubinta golaha wakiillada Somaliland. waa gef sharci in Boolisku ula dhaqmaan sidaa karaamada darrada ah Xildhibaanada iyo muwaadiniinta aan waxba galabsan. Mudanayaal waxaad tihiin haayad sharci dejineed waa in aad la Xisaabtantaan hoggaanka Bileyska oo golaha looga yeedhaa waxna laga weydiiyaa foolxumada xalay Hayat Hotel ka dhacday, idinka oo adeegsanaaya qodobka 53 aad ee Dastuurka oo awood iyo waajibaad idiin siiyay in aad la xisaabtantaan oo wax layska weydiiyo kelitalisnimada soo noqnoqtay ee lagu cabudhinaayo shacabka. Ciidanka Boolisku waa haayad nabad gelyo waxay dhex u yihiin dhammaan asxaabta qaranka, si aanay u lumin kalsoonida bulshada yaan si gaara loo adeegsan, waxa ay karaamo leeyihiin inta ay dhawrayaan shuruucda iyo dastuurka haddi ay dhawri waayaan ahaan maayaan Boolis haybad leh waxbana kama duwaanan doonaan suuq joog. Fadlan Ha fadaraynina haybadda Bileyska. Qaran News
  19. M/weyne-xigeenka Somaliland oo daahfuray Tababar Cusub Wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland iyo machadka dawladdaha hoose ee Somaliland, oo kaashanaya Hay’addaha ka shaqeeya mashruuca JPLG, ayaa maanta daah-furay tababar la siinayey xubnaha goleyaasha deegaanka dalka ee dhawaan la doortay, kaas oo ka furmay Magaalada Hargeysa. Furitaankii Kulankan, ayaa waxa ka hadlay oo furay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, Wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiin kale. Ujeedada Tababarka:- Tababarka Xildhibaanada Cusub ee Golayaasha Deegaanka 16th August – 3rd September 2021 Tababarkan oo si rasmi ah uga furmay magaalada Hargeisa oo socon doona mudo afar cisho ah 16ka August – 3da September 2021 waxa kasoo qayb galay dhamaan xildhibaanada Cusub ee loo doortay golayaasha deegaanka dalka. Shirkan oo ujeedadiisu tahay: 1.Fahanka guud ee xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka dib u habeynta lagu sameeyey xeer no. 23/2019. 2.Falanqanta fikirka maamul daadajinta iyo maamul wanaaga iyo xidhiidhka wadaaga ee kala dhaxeeya dawladaha hoose. 3.Qeexida nidaamka ay u shaqeeyaan dawladaha hoose, sida sharciyada iyo xidhiidhka kala dhaxeeya heerarka kala duwan ee dawlada. 4.Soo bandhigida doorka iyo masuuliyadaha golayaasha deegaanka, iyo maamulada degmooyinka oo ay ku jiraan gudiyada fulinta, shaqaalaha iyo waaxyaha. 5.Soo bandhigida ujeedada iyo hal-abuurka gudi hoosaadyada degmooyinka iyo arrimaha ay tahay inay qabtaan. 6.Hawlaha maaraynta maaliyadda, iyo sidoo kale qorshaynta, hawlaha maamulka iyo sharci dejinta. 7.Helista iyo La socoshada awoodaha dastuuriga ah ee Degmooyinku bixiyaan. 8.Fahanka guud ee maamul daadajinta qaranka iyo xulashada habka ay qaadatay dawlada somaliand. 9.Fahanka guud hawlaha u gaarka ka ah qaybaha maamul daadajinta degmooyinka iyadoo loo eegayo, qaab dhismeedka siyaasadaha iyo sharciyada jira. 10.Xusida baahida loo qabo isku xidhka iyo isku duwida shaqooyinka heerarka wasaaradaha degmooyinka iyo xafiisyada gobolada. 11.Qorshaynta hababka korjoogaynta, si loola socdo adeegyada ay bixiyaan degmooyinku. Qaran News
  20. Kabul (Caasimada Online) – Toddobaadyo un kahor inta aanay dowladda Mareykanka soo geba-gebeyn kasoo saarista militarigeeda ee dalka Afghanistan, ayaa taliyayaasha waxay boqolaal askari oo cusub u direen magaalada Kabul. Waxay shegeeen in hadafka uu yahay in diblomaasiyiinta Mareykanka iyo xulufadooda reer Afghanistan laga soo daad-gureeyo halkaas, kadib markii ay si rasmi ah ula wareegtay kooxda Taliban. Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa goor dambe oo Axaddii ah VOA u xaqiijiyey in Mareykanka uu 1,000 askari oo kale oo ka tirsan guutada 82-aad ee qeybta Airborne Brigade Combat u diray garoonka diyaardaaha Hamid Karzai ee Kabul, halkaasi oo saraakiisha iyo muwaadiniinta Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeya ay gabbaad ka dhigteen. Tegitaanka ciidankan cusub ayaa tirada guud ee ciidamada Mareykanka ee Afghanistan ka dhigeysa 6,000, taasi oo saddex jeer ka badan tirada ciidankii Mareykanka halkaas uga sugnaa markii ay billaabeen ka bixitaankooda, bishii May. Markii hore, sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin ayaa VOA u sheegay inay gacanta ku hayaan maamulka safaaradda iyo garoonka diyaaradaha. Hase yeeshee saacado gudahood ayaa waxaa rasaas ay kusoo dhaceysay garoonka. Pentagon-ka ayaa goor dambe oo Axaddii ah sheegay inay la wareegeen maamulka hawada garoonka, ayaga oo gacan ka helaya ciidamada Afghanistan. “Duulimaadyada ganacsi waa ay socdaan, inkasta oo mararka qaar uu hakad ku imanayo,” waxaa sidaas yiri afhayeneka Pentagon-ka John Kirby. “Boqolaal muwaadiniin ah oo ay ku jiraan shaqaale Mareykan ah iyo rayid kale ayaa illaa hadda lasoo qaaday,” ayuu yiri Kirby. “Waxaan sii dhisi doonnaa awood aan ku dedejineyno soo qaadista muwaadiniinta Afghanistan ee halista ku jira.” Kirby ayaa ka digay in “halis kasta oo lagu soo rogo howlgalka Mareykanka loo qaadan doono si dhab ah, loogana jawaabi doono awood xooggan.” VOA The post Boqolaal ciidamo Mareykan ah oo ku wajahan Kabul iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray Wadada NECSOM oo isku xirta Jidka 30-ka iyo Laamiga weyn ee Garoowe ku xira magaalooyinka kale ee Puntland. Wadadan cusub ee laamiga ah ayaa kharashka ku baxay waxaa dhammaantiis bixisay dowladda Puntland, waxayna ka mid aheyd 4 Waddo oo madaxweyne Deni dhaggax dhigay 7-June 2021. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray waddo laga hirgeliyay Garoowe appeared first on Puntland Post.