Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Stockholm (Caasimada Online) – Dilka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Swedan ayaa sii kordhaya, ayada oo ugu dambeeyay wiil habeenimadii ay Isniintu soo galeysay lagu dilay degmada Hjulsta oo ku taalla Stockholm. Sheekh Xuseen Faarax Xaaji Warsame oo ah imaamka Masjidul Nuur oo Soomaalidu maamusho, kuna yaala xaafada Rinkybay ee Stockholm ayaa idaacada VOA-da u sheegay in wiilkaas oo da’diisu aheyd labaatameeyada dilkiisa loo qabtay dad ku dhow 8 qof. Sheekh Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in dilalka Soomaalida ee ka dhaca dalka Sweden ay u badan yihiin kuwa dhex-mara dhalinyarada Soomaaliyeed, oo ayagu u kala qeyb-qeybsan kooxo kooxo, sida uu sheegay. “Habeenkii ay Isniintu soo galeysay ayaa lagu dilay xaafad ay dadka Soomaalidu ku badan yihiin, Ilaahay waxaa uga baryaynaa isaga iyo intii hore ee dhimatayna unaxariisto,” ayuu yiri Sheekh Xuseen Faarax. Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku howlan yihiin sidii dowladda iyo ciidamada dalkaas wax ka qabtaan dilalkaas, isagoona xusay inay ka wacyi-geliyaan bulshada Soomaaliyeed sidii ay u xoojin lahaayeen midnimadooda. Horey waxaa dalka Sweden loogu diley dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dhow 30-meeyo laga soo billaabo 2015-kii, halka ay dhaawacyo kala duwan isku geysteen ku dhawaad Sagaal dhallinyaro. Si kastaba, waddamada galbeedka waxaa ka jira in dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, oo siyaabo kala duwan ayagu isugu dila ama loogu diley. The post Wiil kale oo Soomaali ah oo lagu dilay Sweden iyo tirada Soomaalida oo gaartay 30 appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Kate Foster oo Wareysi dhinacyo badan taabanaya siisay Idaacadda Goobjoog ayaa ka hadashay arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka ka socda Soomaaliya iyo walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay saameyn ku yeelato. Kate Foster oo wareysigaan lagu weydiiyey heerka cabsida laga qabo in ay ururka Al-Shabaab saameyn ku yeeshaan doorashooyinka ka socda Soomaaliya ayaa muujisay walaac weyn oo la qabo, iyadoo sheegtay in wax kasta ay macne u yeeli doonaan hanaanka ergooyinku wax u soo dooranayaan. “Waa walaac jira waxaanse isleeyahay waxa muhiimka ah waa geeddi socodka ergada wax dooraneysa oo sida wax loo dhigo ay macne u sameyneyn doonto, waxaan rajeynayaa inay dhici doonaan wadahadallo ay horkacayaan dadka Soomaaliyeed, si loo helo nidaam ay dadku ku codeeyaan, waana nidaam aan hadda ku jirin geedi socodka doorashooyinkaan socda,” ayey tiri. Waxay sheegtay in tan iyo markii la gaaray heshiisyadii doorashada 17 September sanadkii hore iyo midkii 27-kii May ee sanadkaan, ay dowladda UK oo taageero ka heleysa deeqbixiyayaal caalami ah ay Soomaaliya ku taageertay lacag gaareysa $7.2 Milyan. “UK kaalin kuma laha sida doorashada u dhaceyso waana arrin ay u madax bannaan yihiin dadka Soomaaliyeed, Waxaan isleeyahay annaga waxyaabana aan daneyno waa ilaalinta horumarka Soomaaliya ay sameysay 10-kii sano ee ugu dambeeyey, gaar ahaan guusha laga gaaray deyn cafinta iyo horumarka laga gaaray sidii loo heli lahaa dhaqaale ka yimaada caalamka, si gaar ah caafimaadka iyo waxbarashada, Soomaaliyana waxay ku taagan tahay waddadii ay u xaqiijin lahayd deyn cafintaas,” ayey tiri. Sidoo kale waxay sheegay in UK ay horay u garab taagneyd doorasho qof iyo cod ah, balse tan dabdan ee hadda la qaatay ay xiiso badan tahay doorashada heer degmo ee ka socota Puntland, taas oo hal qof iyo hal cod ah. “Reer Puntland waxay dareemeen inay si toos ah u dooran karaan musharaxa ay doorbidayaan, marka waxaan isleeyahay arrintaan waa wadahadal aad loogu baahan yahay in la yeesho, kadib markii ay dhammaato doorashadaan,” ayey tiri safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster. Mar Safiirka wax laga weydiiyay waxa ay kala socoto eedeymo la xiriira wax isdaba marin ka dhacay doorashooyinka Aqalka Sare ee deegaanada maamul goboleedyada ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan hanaanka ay ku billaabatay doorashada Aqalka Sare. “Waxaa billaabanaysa doorashada Aqalka Hoose, waana in geeddi-socodkaas uu u dhacaa si wanaagsan oo ergada loo soo xulaa qaab cad oo caddaalad ah, waxaana jira inta dootashadu socoto kormeereyaal indhaha ku haya waxa soconaya, waxaana ogahay in ra’iisul wasaaraha iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ay ka wadahadlayaan geeddi-socodka doorasho ee dalka, sababta deeqbixiyaashu ay qarashka ugu bixinayaan doorashooyinka waa in la xaqiijiyo sidii loogu heli lahaa amni la isku halleyn karo goobaha doorashooyinku ka dhacayaan, lagana hortago cabsi dib u dhigi karta,” ayey tiri Kate Foster. Danjiraha dowladda Ingiriiska u fadhisa dalka Soomaaliya sidoo kale waxay sheegtay in haddii ay Soomaaliya ka baxaan ciidamada AMISOM ay jiri karto cabsi laga qabo wixii ka dhacay Afghanistan. “Waxaan isleeyahay xaaladda ka jirta Afghanistaan waa mid ay hadal hayeen usbuucaan dadka Soomaaliyeed waxaana jira casharro ay tahay in laga barto iyo meelo ay xaaladdaas uga egtahay midda ka jirta Soomaaliya, waxaan u xaqiijinayaa dadka inuusan jirin qorshe dhow oo ay AMISOM ku baxayso, laakiin waxa uga deggan arrintaan Golaha Ammaanka ee QM waa in si nidaamsan oo horumarsan hoggaanka amniga looga wareejiyo AMISOM, loona wareejiyo dowladda Soomaaliyeed,”ayey tiri. Waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay wadahadallo ka leeyihiin meel marita qorshaaha ay AMISOM ku wareejineyso ammaanka Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyn ku aruuri doonta la-talinta iyo tababarridda ciidamada ammaanka Soomaaliyeed. The post Dowladda UK oo shaaca ka qaaday walaac ku saabsan Al-Shabaab iyo doorashada appeared first on Caasimada Online.
  3. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay habka loo xulayo Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada labada Aqal Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu sheegay in Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Somaliland ay soo xulayaan Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Waxaa uu xusay Ra’iisul Wasaaraha in uu isaga ka hubinayo Liiska Musharaxiinta ay soo saaran Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, isla markaana Carabka ku dhuftay inuu diyaar u yahay la shaqeynta labada Mas’uul oo ay u siman yihiin. Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ka dalbaday inay ka shaqeyaan, horumarinta iyo Is-aaminaada, ayna doorashada labada Aqal ee Somaliland ku dhacdo si cadaalad ah. PUNTLAND POST The post Rooble oo codsi u jeediyay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi appeared first on Puntland Post.
  4. Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani. Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya , si la mid ah waxa ay fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa u soo jeediyay hindiso Dowladda Qatar oo xilligan shir-guddoon ka ah kaltanka caadiga ah ee 155aad ee Golaha Jaamacadda Carabta heer wasiir in ay soo hordhigto feylka Soomaaliya shirka soo aaddan ee wasiirrada si looga hadlo horumarka siyaasadeed iyo amni. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo dalab hordhigtay dowladda Qatar appeared first on Puntland Post.
  5. Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Senator Xasan Xuseen Xaaji, ayaa ka qeybgalay kulan fogaan arag ah ee AU PSC, oo ku saabsanaa mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxii ka dambeeya Sanadka 2021-ka. Kulanka waxa lagu bogaadiyay bayaankii wadajir ahaa ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ku saleysana 19-kii bishii Agoosto 2021 Muqdisho. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa soo jeediyey in laga gudbo warbixintii qiimeynta madaxa bannaan ee AU-da ee dhawaan ay DFS diiday. Waxa uu adkeeyey in goluhu ay ahmiyadda siiyaan rabitanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda marka ay go’aaminayaan arrimaha ku saabsan amniga iyo nabad galyadda dalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qayb-gashay kulan ku saabsan mustaqbalka Hawlgalka AMISOM appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweyne Muusow annaguna fartayadii eednay, adiguna afkaagii eeday ee calool adayg yeelo inaadeer. Waxay ila xog ogaal ahi innoo soo tebiyeen inuu Madaxweyne Muuse uu odayaashii xaafada, gaar ahaan kuwii Saaxil kasoo jeedey uu la kulmay todobaadkii inna soo dhaafay, dhowr habeen shirkaas kadibna, waxuu la kulmay odayaasha xaafada loogu yeedho bariga Burco. Madaxweynuhu waxuu ku tawaawacay inuu khalad sameeyey oo uu il-duufay, laakiin uu iminka diyaar u yahay inuu xafadaas beriga Burco uu ku wareejinayo xisbigii Kulmiye, iyaguna ay codkooda mar labaad ugu deeqaan. Allah inaadeerkay xariifsanaa, waxaan madaxweynaha kula talin lahaa ama xasuusin lahaa in laga soo gudbey waqtigii lagu shaqaysan jirey reer hebel baa Somaliya iyo Muqdisho innagu wada ama calankii buluuga ahaa baa Boorame iyo Laascaanood lala soo baxay ee aynu iska gaashaan buureysano (Jeegaan) cadowyadaas, sidoo kale mujaahidiin baanu nahay oo dalka hogaamintiisa annagoo keliya baa xaq u leh (Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali miyaan lagu duudsiyin oo kulmiye loogaga caydhin waa Daahir Rayaale inaadeerkii) ummada reer Somaliland way ka ilbaxday, sababtoo ah waxuu Ilaahay u kala danbeysiiyey labo mujaahid oo xukuumadahoodii la sixi kari waayey. Waxa soo if baxay oo la arkay dad soo xoogsi tegey, oo nidaam dawladnimo oo hufan aad uga fog, oo siyaasadana ka yaqaana uun sida dadka qabiil qabiil iyo Jees jees loogu kala qaybiyo, isla markaana xukuumadnimo iyo dawladnimoba la kufaa dhacaya. Xaqiiqdu waxay tahay, inta ay ardaydii macalinkii Afweyne xukuumadiisa ka soo aflaxdey ay hogaanka dalka hayaan, Jamhuuriyadaas barakaysan ee Somaliland waxay la mid noqotay sheekadii ay dacawadu tidhi, “wallee reer aan ogahay mana guuro mana nagaado”. Hadaba Madaxweyne Muusow, naftu markay kalxanyaha soo gaadho ee ay sii baxayso, tawbadaba lagama aqbalo, ee Madaxweyne kala quusanee aynu kala qoomamo la’aano. Abwaankii weynaa, Filoosoofarkii, Mujaahidkii, Janaraalkii Faarax Nuur Wacays waxuu yidhi: Qosol been ah, fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo, Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo, Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad, Qullaab iyo kullaab iyo laacib, laysu qarinaayo, Qiyaamada kobtaa daahira, aan qun uga soo jeedo, Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane, Maanaa mindiyo lay qarshaa laygu qali doona. Rahimulaah. W/Q Cali Kubad Source
  7. PRESS RELEASE Wari partners with TBLDC to ease visa processes for the United Arab Emirates The platform will enable clients in Africa to conveniently manage the visa application process and pay in their local currency Access Multimedia Content DAKAR, Senegal, August 31, 2021/ — Wari (www.Wari.com/), a global platform offering digital financial services, has announced a partnership with TBLDC to provide a more effective visa process for African travellers intending to visit the United Arab Emirates (UAE). TBLDC clients in Africa will benefit from Wari’s highly secure network to access low-cost visa process payment online via WhatsApp Messenger and the myWari mobile app. “We are excited about this partnership and are proud that TBLDC has chosen Wari as its payment platform of choice for the UAE visa process. This partnership will provide TBLDC clients in Africa with a hassle-free visa process by providing low-cost, secure payments via Visa or MasterCard completely remotely. By joining forces with TBLDC, Wari has contributed to simplifying UAE visa processes, providing a stress-free visa completion process for TBLDC. Clients can follow quick steps using the myWari either on a mobile phone or PC to complete their transactions. Further, clients will be rewarded for referring contacts through the Wari Ambassador program. It’s truly a win-win for everyone!” says Wari, Head of Marketing and Communications, Pape Diene. Vice President of TBLDC, William Opili, says: “TBLDC is harnessing the power of financial technology to ease people’s travel from Africa to UAE. Currently, the process required for African travellers to secure a UAE visa is complicated and tedious. We will simplify this process by partnering with Wari, enabling clients to start and complete the entire visa acquisition procedure online without ever physically visiting an embassy. We want to harness the over 62% internet connectivity in Africa to ease a traditionally tiresome process. It’s a simple solution to a huge problem.” The partnership between Wari and TBLDC was birthed from the two companies shared determination to move Africa forward. The platform will enable clients in Africa to conveniently manage the visa application process and pay in their local currency. With over 18 million unique business and tourist visitors every year, the UAE is the second most frequented country in the Middle East. While the UAE is the first destination this platform is being piloted, TBDLC has plans to expand to other territories. Wari and TBLDC’s partnership will relieve millions of travellers from Africa from the stressful visa processes, providing an efficient and secure platform for payments and visa finali SOURCE Wari Group Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa maanta shaaciyey inuu u taagan yahay kursiga Aqalka Sare ee uu xiligan ku fadhiyo Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, ayada oo la filayo in madaxweyne Guudlaawe uu dhowaan soo saaro liiska musharaxiinta. Cabdullaahi oo shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar ayaa ka dalbaday xildhibaanada maamulka HirShabelle iinay u codeeyan, uguna shaqeyn doono kursigaas, islamarkaana uusan u adeegsan doonin dano gaar ah, sida uu sheegay. “Jowhar waxaan u imid inaan u tartamo Kursi kamid ah doorashada Aqalka Sare, waxaa rabaa in aan ka gudbo kursi jufo keli ah u xiran. Waxaan codsi u dirsanayaa saaxiibadeey xildhibaanada HirShabelle in ay codkooda i siiyaan, anigoo u ballan-qaadaya in aan maamulka ugu shaqeyn doono,” ayuu yiri. Musharaxnimada Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa imanaysa xili uu madaxweynaha maamulka HirShabelle iska diiday inuu ka reebo liiska musharaxiinta Aqalka Sare Muuse Suudi, taasi oo ay ku cadaadinaysay Villa Somalia, sida ay Caasimada Online u sheegen ilo xogogaal ah. Sida la sheegayo qorshaha Villa Somalia ee kursigaas ayaa hadda ah in loolan adag lala galo Muuse Suudi, maadama ay ku guul-dareysatay in Guudlaawe uu ka reebo liiska, waxaana ay soo sharaxday oo ay gadaal ka riixeysa Cabdullaahi Sheekh Xasan. Sidoo kale, Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, halkaasi oo dhowaan la filayo inay ka dhacdo doorashada Aqalka Sare. Muuse Suudi ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Jowhar, waxaana ka qeyb qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Maamulka degmada, qeybaha bulshada iyo barbaarta gaashaaman. Caasimada Online ayaa og in Cabdullaahi Sheekh Xasan uusan wax taageero ah ka haysan beesha Wacbuudhan ee kursigan leh, waxaana looga dhex arkaa adeege ay leedahay Villa Somalia, oo aan sharaf iyo qiyam ku dhex laheyn beesha. The post Villa Somalia oo kursiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow u sharaxday siyaasi caan ah appeared first on Caasimada Online.
  9. Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa Isniinta Berri oo ku beegan 30-ka bisha August, 2021 dib u bilaabaysa bixinta fiisooyinka Dadka Dalalka kale ku nool ee doonaya inay Imaaraadka u safraan ama u dalxiis tagaan. Wakaaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ee magaceeda loo soo Gaabiyo WAM, ayaa baahisay in 30-ka bishan dib loo bilaabayo qabashada Codsiyada Fiiseyaasha Dadka Imaaraadka tagaya ee ka imanaya dalalka kale ee Adduunka guud ahaantood. Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta oo soo xiganaysa Hay’adda Federaalka Imaaraadka ee Maamulka Jinsiyadaha (ICA) iyo Hay’adda Maareynta Dhibaatooyinka Degdegga ah iyo Musiibooyinka ee (NCEMA), ayaa baahisay Liiska Waddamada Dadkooda loo ogolaaday inay u safraan Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Somaliland, Soomaaliya iyo Dalal kale oo aad u badan. Shuruudaha laga rabo Dadka u safraya Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ka mid ah inay hore u qaateen Tallaalka difaaca u ah Xanuunka Covid_19 ee ay aqoonsan tahay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, isla-markaana sitaan Waraaqaha caddaynaya inay qaateen talaalkaasi, iyagoo iska diwaangelin doona garoomada diyaaradaha Imaaraadka Carabta si loo hubiyo Xaaladdooda Caafimaad iyo Waqaaraha aqoonsiga ee sheegaya inay Tallaalan yihiin. War Qoraal ah oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee WAM, ayaa lagu yidhi “Hay’adda Federaalka Imaaraadka ee Maamulka Jinsiyadaha (ICA) iyo Hay’adda Maareynta Dhibaatooyinka Degdegga ah iyo Musiibooyinka (NCEMA) waxay si wada jir ah ugu dhawaaqeen in laga bilaabo 30ka August, codsiyada fiisooyinka dalxiiska uu u furan yahay dadka ka socda dhammaan waddamada Dunida, haddii si buuxda loogu Tallaalay Talaallada Covid_19 ee ay aqoonsan tahay WHO..” Warka ayaa intaa ku daray in go’aankani qayb ka yahay qorshaha Dawladda Imaaraadku ku doonayso isku-dheeli-tirka Caafimaad-qabka dadweynaha iyo hirgelinta qorsheyaasha soo kabashada Imaaraadka Carabta “Tani waxay qayb ka tahay Istaraatiijitadda Dalka Imaaraadka Carabta ee ah in la abuuro Dheelli-tirka Caafimaadka dadweynaha iyo taageerrada dedaallada Qaran ee lagu gaadhayo soo kabasho waarta iyo koboc dhaqaale..” ayaa lagu sheegay Warka ay daabacday Wakaaladda WAM. Ugu dambayn, arrinta xiisaha leh ee Warka ku saabsan ayaa ah, in Dawladda Imaaraadku liiska ay soo saartay ay Somaliland ka soo hor-marisay Soomaaliya, taasi oo tilmaan u ah siyaasadda rasmiga ah ee Dawladda Imaaraadka ee ku aaddan Somaliland, taasi oo ah inuu ula dhaqmayo sida Dawlad uu aqoonsan yahay oo kale, inkasta oo aanay ahayn markii koowaad ee uu sidaa yeelo. Source
  10. International day of the Victims of Enforced Disappearances Again, on the International Day of the Disappeared we remember and mourn all those who have intentionally and deliberately made to disappear in the island of Sri Lanka, primarily by the government and its agents, and also by other paramilitary groups. We sadly note that the Families of the Disappeared still have got no answers to their pleas for information regarding the fate of their loved ones. We urge all those interested in justice and a peaceful society to work with us towards finding answers to what happened to the tens of thousands of Tamils made to disappear. We stand united with the families of the disappeared to work together for justice and firmly believe that there is only strength in unity. We are saddened and note with concern of a recent statement by a member of the current government in Sri Lanka that “most of those supposedly disappeared are actually overseas under other names”. This, we believe, is a brazen attempt to deflect attention of the guilty parties and shift the blame on the victims. It is a known fact that Sri Lanka has the ignominious record of having the second highest recorded cases of enforced disappearances in the world. While we support attempts to enumerate the dead through gross numbers, we firmly believe a collective effort should be made to count the actual number of those who have disappeared and to compile their names and details for the purposes of judicial process, historical records and memorialization. Enforced disappearances in Sri Lanka has been intensified with the introduction of the notorious Prevention of Terrorism Act (PTA) in 1979. As part of the many facets of the on-going structural genocide, arbitrary arrests, torture, sexual abuse, detention without trial for decades, removal of the dead without judicial process, silencing political dissent and enforced disappearances all thrived under the cloak of PTA. We urge the international community to initiate the International criminal justice mechanism required for the whole range of crimes committed against Tamils for decades. Our organizations once again express our total solidarity with all the victims organizations campaigning for answers to their loved ones forcibly disappeared, and pledge to work for their cause. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo galabta la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka ayaa sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay guddiyadaan, in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan. Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Guddiyada ayaa ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: • Qaabka soo xulista ergooyinka iyo doorka odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah • Xaqiijinta Qoondada haweenka ee 30% • Dhaqaalaha ku baxaya doorashada • Wadashaqeynta guddiyada doorashada iyo xallinta khilaafaadka iyo arrimo kale oo khuseeya doorashada iyo hufnaanteeda. Waxa uu sheegay in doorashadaan ay ka casrisan tahay tii 2016-kii oo awooda ugu badan ay siineyso qabaa’ilka iska leh go’aan ka gaaridda kuraasta xildhibaanada golaha shacabka, isagoo kala dhigdhigay qaabka ay ergooyinku uga kala imaanayaan beelaha iyo bulshada rayidka. “Waxaa laga saxay habraacii u dambeeyey cida soo xulaysa odayaasha dhaqanka, duubabka iyo bulshada rayidka, yaa hubinaaya? Waxaa loo baahday in la ogaado cidda hubineysa, waxaana la isku raacay in hubinta aan loo dhiibin dowlad goboleedka ama Rooble, balse loo daayo guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed,” ayuu yiri R/Wasaare Rooble. Sidoo kale waxuu sheegay in dhaqaalaha doorashada ay hadda ku wareejiyeen guddiga doorashooyinka heer federaalka, isla markaana wixii dhaqaale kale ah oo loo baahdo la isaga imaan doono. “Bajadka doorashada waan qoondeynay, guddiga FEIT ayaan hadda ku wareejinay, miisaaniyadda doorashada hadda kadib FEIT ayaa masuul ka ah, waxii caqabad ah anaga ayuu noo soo gudbinayaa, waa ognahay kharashku kuma filaanayo, hadda waxaan qorsheynay 26 Milyan, laakiin baahiyo ka badan waa soo bixi karaan,” ayuu yiri Raiisul wasaaruhu. Waxa uu sheegay in mar kasta ay wadahadlaan isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada, isagoo guddiga kula dardaarmay inay kula soo noqdaan wixii ay xali waayaan, si golaha uu ula wadaago. “Ishaan idinku hayaa wadashaqeyn xumo uma dul waadan doono, hala kala dambeeyo oo halaga gudbo wax kasta oo horay u dhacay, habraacii u dambeeyey waxaba kama bedelin heshiiskii doorashada ee 17-September, kala dambeyntaa iigu muhiimsan aniga,” ayuu yiri mar uu aad ula dardaarmaayey guddiyada uu la kulmay. Waxa uu sheegay in Khamiista soo socota uu gudbin doono jadwalka ugu dambeeya ee doorashada, isla markaana Sabtiga soo socda uu doonayo inuu bilaawdo wajiga labaad ee doorashada. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka hadlay baaritaanka la marayo ee CID-da, isagoo sheegay inay waajib tahay in la maro baaritaan, maadaama uu dalku ku jiro xaalad amni. “Musharaxiintu waa igala hadleen arrinta baaritaanka, tuhuney ka muujiyeen, waa igala dardaarmeen, waxay iga codsadeen inaan caqabad looga dhigin, ishaan ku heyneynaa, ka guddi ahaana waa inaad isha ku heysaan arrintaas, cid baaritaanka caqabad looga dhigi karo ma jirto,” ayuu yiri. Rooble ayaa cadeeyey in doorashada loo haki doono qofkii ay ku dhegto hey’adda dembi barista, “Idinka laakiin waxaan idinka rabaa nadiif inaad ahaataan, mas’uuliyadaa iga saaray inaan isha idinku haayo oo dhaqdhaqaaqiina aan la socdo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray RW Rooble. Mar uu soo hadal qaaday doorashada Somaliland waxa uu sheegay in habraacii u dambeeyey uu dhigayo in liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland ay soo xulayaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, isla markaana uu isagu ka hubinayo, uusana ogolaa doonin in garab uu garabka kale ku dulmiyo doorashada. Hoos ka daawo RW Rooble The post Daawo: Rooble oo war cusub kasoo saaray habraaca doorashada ee muranka dhaliyey appeared first on Caasimada Online.
  12. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay guddiyada doorashada heer federaal iyo heer dowlad gobaleed. Rooble ayaa guddiyada kala hadlay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka iyo xaaladihii ugu dambeyay. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale kulanka intii uu socday ku booriyay ra’iisul wasaaraha in guddiyada ay howlaha doorashada ay dardar geliyaan. Kulanka Rooble iyo Guddiyada doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad gobaleed ayaa sidoo kale waxaa Goobioog ahaa Guddiga xalinta khilaafaadka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Wararka naga soo gaarayo deegaanka Garbe ciise ayaa sheegaya in saacadihi la soo dhaafay deegaanka ay dagaallo ku dhax mareen Qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta. Dagaaladaan oo muddooyinkii la soo dhaafay ku soo noqnoqday deegaanka ayaa la sheegay in ay salka ku hayaan dhul deegaanka ku yaallo oo ay isku heystaan Soomaalida iyo Canfarta. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalada, xilli labadii maalin ee la soo dhaafay ay deegaanka lagu dilay in ka badan 30-qof oo labada dhinac. Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda waddo dadaallo ay xal ugu raadineyso dagaalada ka socda dhulka xadka u ah labada qowmiyadood. Xiisadda deegaanka Garbo Ciise ayaa caawa ah mid deggan iyadoo weli laga cabsi qabo in markale ay dib u soo noqdaan dagaalada Labada qoowmiyadood. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo magacabo liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabeelle ku matali doonta. Guudlaawe ayaa muddooyinkii u dambeyay dib u dhigay magacaabista xubnaha Aqalka sare ee Hirshabeelle. Madaxweynaha ayaa maanta kulan la qaatay xubnaha guddiga doorashooyinka Heer dowlad gobaleed ee Hirshabeelle. Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay guddiga ugu diyaar garoobeen doorashooyinka lagu wado in deeganada Hirshabeelle. Inta badan xildhibaanada baarlamaanka Dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa labadii maalin ee la soo dhafay ku sii qul qulayay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle oo hadda laga dareemayo diyaar garowga doorashada. Musharixiinta Aqalka sare ayaa dhankooda gaaray magaalada, xilli wafdi uu hogaaminayo Senator Muuse Suudi Yalaxoow maanta magaalada Jowhar lagu soo dhaweeyay. Guud ahaan deeganada dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa laga dareemaya dhaq dhaqaaqa doorashada Aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay albaabada isugu dhufatay xarun dadka jirkooda lagu qurxiyo oo dhawaan laga furay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya taasoo dood badan ka dhex dhalisay baraha Bulshada. Ciidamo ka socda booliska ayaa xoog ku galay xaruntaas oo ku taalay agagaarka Isgoyska Dabka ee Muqdisho, waxayna amar ku bixiyeen in xarunta la xiro. Xiritaanka xarunta ayaa timid kadib markii baraha bulshada lagu faafiyey muuqaal muujinayo shaqada xarunta ay qabato oo ah qallimo dadka jirkooda wax looga badalayo, sida dumarka faruuryaha loo weyneynayo iyo qeybaha kale ee jirka. Xarunta la xiray ayaa lagu eedeeyey inay magaalada kusoo kordhisay waxyaabo ka baxsan Diinta Islaamka, Dhaqanka Soomaalida isla markaasna halis ku ah caafimaadka, iyadoo la sheegay in kiimikada dadka lagu durayo ay dhibaato ku tahay bini’aadamka. Dhawaan ayey aheyd markii xafiiska Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan ogolaan doonin in dumarka Soomaaliyeed lagu sameeyo qalliino aysan ogayn natiijadooda waxay noqon karto. Laamaha Amniga ayaa lagu wargeliyey inay gacanta kusoo dhigaan milkiilaha xarunta isla markaasna la horkeeno cadaaladda, inkastoo aan weli la ogeyn in la xiray milkiilaha xarunta oo ku sugan Muqdisho. Maalmihii ugu dambeeyey waxaa baraha bulshada, gaar ahaan kuwa Soomaalida qabsaday muuqaalada gabdho ku faanayo in faruuryaha loo weynayey iyo qeybaha dambe taasoo ay shari ahaanteeda dood ka dhex dhalisay bulshada. The post Daawo: Ciidamada DF oo xiray xaruntii muranka badan dhalisay ee Muqdisho laga furay appeared first on Caasimada Online.
  16. The Canada-Africa Chamber of Business PRESS RELEASE The Canada-Africa Chamber of Business announces collaboration with McGill University McGill University, a global leader at the forefront of academic research and scholarship in Canada, has begun work with The Canada-Africa Chamber of Business to advance sustainable development across African markets and Canada TORONTO, Canada, August 31, 2021/ — Following the jointly hosted Forum on the African Continent Free Trade Agreement (AfCFTA) (https://bit.ly/3kDxT9g) on August 25, held with representatives of the governments of Ghana and Senegal, the Canada-Africa Chamber of Business (www.CanadaAfrica.ca) and McGill University have announced a new partnership. The announcement sees McGill University collaborating with The Canada-Africa Chamber of Business (CACB) in training, research, advisory and consultancy activities, mentorship, networking and information sharing. All toward contributing to sustainable development efforts across multiple countries in Africa and globally. ‘The role of policy research and scholarship on Canada-Africa affairs is vital to delivering our information-sharing mandate, through world-class events and programs,’ says Garreth Bloor, President of The Canada-Africa Chamber of Business. ‘From early-stage entrepreneurs to established corporations, our members are set to benefit to immensely from a new initiative to which we are proud partners with McGill University.’ Professor Fabrice Labeau, McGill’s Deputy Provost, Student Life and Learning notes, ‘The long-term engagement of McGill with Africa is exemplified by our African Studies program. Established in 1969, it is the first of its kind in Canada. Additionally, with 200 years of McGill history, our very extensive network of alumni continues to make an impact in Africa and globally. An example of McGill’s current Africa partnerships is the Mastercard Foundation (MCF) Scholars Program (https://bit.ly/3gMBOj4) that has invested in over 100 African Scholars since 2013, and since 2020 includes a Transitions Project (https://bit.ly/3zxr1R3), with a focus on facilitating Scholars’ transitions to entrepreneurship or employment for impact in Africa.’ ‘As part of the Transitions Project, there is an opportunity for businesses, governments and NGOs, including Canada-Africa Chamber members, to work with McGill on internships for MCF Scholars and recent graduates seeking experiences back home, or in African countries other than their own country of origin, contributing to greater mobility in line with AfCFTA. Also, through a pilot McGill MCF Transitions Fund (MCF-TF), partners can provide matching contributions for co-creating or scaling entrepreneurship and employment-creation projects with funded Scholars and recent graduates,’ highlights Dr. Nii Addy, McGill’s Associate Director, Africa Outreach. Sebastian Spio-Garbrah, Chair of The Canada-Africa Chamber of Business and its Special Envoy to the AfCFTA Secretariat in Ghana, says ‘Canada is Africa’s trusted third party and an honest broker’. ‘The role of academia and think tanks is thus vital in not only working with the private sector directly, but extends to creating an enabling environment for trade and investment in partnership with Canadian and African leaders. The foresight and vision of McGill and Dr. Nii Addy in particular is applauded – as we ensure an exciting era in Canada-Africa trade and investment is upon us’. Distributed by APO Group on behalf of The Canada-Africa Chamber of Business.frica.ca SOURCE The Canada-Africa Chamber of Business Qaran News
  17. Jowhar (Caasimada Online) – Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, halkaasi oo dhowaan la filayo inay ka dhacdo doorashada Aqalka Sare. Muuse Suudi ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Jowhar, waxaana ka qeyb qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Maamulka degmada, qeybaha bulshada iyo barbaarta gaashaaman. Waxaa sidoo kale isugu soo baxay soo dhoweynta boqolaal shacab ah oo aad u qiireysan, taasi oo muujineysa heerka ay gaarsiisan tahay taageerada ay Muuse Suudi u hayaan shacabka beeshiisa. Kursiga uu ku fadhiyo Senatar Muuse Suudi oo hadda loo tartami doono ayaa ah kan ugu culus siddeeda kursi ee la qorsheynayo in dhawaan lagu tartamo, ayada oo la filayo in Guudlaawe uu dhowaan soo saaro liiska musharaxiinta Aqalka Sare. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa la filayaa inuu liiska musharaxiinta Aqalka Sare kusoo daro Senator Muuse Suudi Yalaxow, kadib markii uu iska caabiyey cadaadisyo xooggan, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Guudlaawe ayaa ku gacan seeray dalab kaga yimid Villa Somalia, oo ku aadana in liiska laga saaro Xaaji Muuse, oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda madaxweyne Farmaajo, islamarkaana ka mid ah hoggaamiyeyaashii hagayey ciidankii Badbaado Qaran ee soo galay Muqdisho. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in liiska lagu soo dari doono Senator Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, oo ka mid ah Senatorada beesha Mudulood. Hoos ka daawo soo dhoweynta Muuse Suudi The post Daawo: Muuse Suudi oo si aan horey loo arag loogu soo dhoweeyey Jowhar appeared first on Caasimada Online.
  18. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada waxa uu kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo safiirrada cusub ee dalalka Tansaaniya John S. Simbachawene iyo Angoola Sianga Kivuila Samuel Abilio. Danjiraha Tansaaniya John S. Simbachawene ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Marwo Samia Hassan, taas oo ku aaddan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Danjire John S. Simbachawene in uu ku guulaysto gudashada waajibaadka loo igmaday iyo doorka uu ka qaadan karo xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Tansaaniya. Dhankiisa, Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Angoola Mudane Sianga Samuel Abilio ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkaynta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dalkiisa, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo isu-socodka, isaga oo uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub ee dalka Angoola sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku saleysan iskaashiga, dan-wadaagga iyo saaxiibtinnimada ee ay la leedahay dalalka kale ee qaaradda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha ka aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub appeared first on Puntland Post.
  19. The International Committee of the Red Cross (ICRC) and the Somali Red Crescent Society (SRCS) have condemned on an SRCS clinic in southwestern Somali town of Bardere in Gedo Region of Jubbaland state administration. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta kulan ka yeeshay dib u eegista howl-galka Qaramada ee taageerada Soomaaliya, ayaa go’aan ku gaaray in muddo kordhin loo sameeyo howl-galkaas. Xubnaha golaha amaanka ayaa isku raacay in UNSOM loo kordhiyo muddo 9 bilood ah xili howleedkeeda oo ku eeka maanta oo ay taariikhdu tahay 31-ka August ee 2021-ka. Qaraarkaan ayaa tirsigiisu ahaa 2592, wuxuuna dhaqan-gelkiisu ka dhigaya in howl-galka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya uu markale soo idlaan doono 31-ka bisha May ee sanadka soo socda ee 2022-ka. Sidoo kale waxaa qaraarkaan lagu xusay in howl-galka UNSOM uu sii wado xiriirinta dadaalada Qaramada Midoobay iyo inay Iskaashi buuxda la yeeshaan dowladda federalka iyo dowlad-gobaleedyada xubnaha ka ah. Waxaa si gaar ah loogu sheegay qeyb kamid ah qaraarkaas in howl-galka QM ee Soomaaliya ay qeyb ka tahay dhamaystirka heshiiskii laga gaaray nidaamka doorashada ee Soomaaliya, oo gaabis badan ku yimid. The post Go’aan cusub oo laga gaaray howlgalka QM ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  21. JIGJIGA (HOL) - Somali State president Mustafa Omer has expressed concerns over rising inflation rates in the state noting the ongoing conflict in the Tigray region had escalated the situation. Source: Hiiraan Online
  22. Natiijo taban oo ka soo baxday Daraasad lagu sameeyay Tayada Biyaha Mooya-Sixada S/land oo la soo bandhigay Daraasad lagu eegayey Tayada biyaha Mooya-sixada ayaa maanta Shirkaddaha soo saara Biyaha mooya-sixada, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka , Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Hay’adda Dhawrista Tayada Qaranka iyo maamulka Wakaaladda Biyihu kaga arinsadeen xarunta Wakaaladda ee Hargeysa. Daraasaddan oo dulucda waxyaabaha kasoo baxay ay noqotay in biyaha mooya-sixada dalku ay guud ahaan yihiin kuwo ku haboon cabitaanka marka loo eegayo heerka ay u udejisay Hay’adda Caafimaadka aduunku (WHO) iyo heer-tayeedyada ay dejiyeen Waddamada Bariga Africa ayaa sidoo kale iftiimisay qodobo ay ka midyihiin: in 1) in macdanaha aasaasiga ah ee biyaha dabiiciga ah ku jira ay aad hoos ugu dhacaan marka la sifeeyo biyaha loona baahanyahay in kor loo qaado, 2) in noocyada biyaha ee waaweyn(18 litre) maadaama oo dib loo buuxiyo ay keento in ay ku dhalato il-maqabatiga bakteeriyada ah waxa ka mid ah (E.coli iyo Total Coliform), loona baahanyahay in xal loo helo 3. In la is waafajiyo qoraalka weheliya caagadaha mooya-sixada(Label) iyo macdanaha ku jira biyahaas. Ugu damabayntii, waxa si wadir-jir ah la iskula qaatay in guddi farsamo oo ka kooban Shirkaddaha biyaha mooya-sixada iyo Hay’addaha Dawladda ee ku shaqada leh loo saaro, si loo hirgaliyo talo-soo-jeedintii kasoo baxday cilmibaadhistan oo ahayd wajiga labaad ee daraasaddii lasoo bandhigay horaantii bisha July,2021, (Assessment of water Quality and Safety of commercial sources supplying water to Hargeisa). Waxa fuliyey daraasaddan Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa ee Wakaaladda Biyaha. Qaran News
  23. White House press secretary Jen Psaki falsely claimed the United States does not have any troops in Yemen or Somalia while defending the full U.S. military withdrawal in Afghanistan. Psaki argued the U.S. would be able to conduct counterterrorism operations in Afghanistan without troops there, based on the examples of Yemen and Somalia. This comes after the U.S. military announced Monday it had completed its Afghanistan withdrawal, with CENTCOM Commander Gen. Frank McKenzie estimating the number of U.S. citizens left behind was “in the very low hundreds” while Secretary of State Antony Blinken said there are “still a small number of Americans” — estimated as under 200 and “likely closer to 100” — who remain. Psaki was asked Monday if Americans worldwide were now at more risk because of the massive amount of U.S.-sourced weaponry the Taliban gained possession of. Leaving an enemy without weaponry isn’t always possible during a withdrawal, she said before making inaccurate claims about U.S. troops abroad. “Our capacities — our over-the-horizon capacities, by the way, killed to ISIS terrorists just last week, continue to be utilized by our men and women on the ground — remain in place and remain in place in the region,” Psaki said. “There are other parts of the world — Somalia, Libya, Yemen — where we don’t have a presence on the ground and we still prevent terrorist attacks or threats to U.S. citizens.” Jake Sullivan, Biden’s national security adviser, told CBS’s Face the Nation on Sunday, “What we have proven over time in other countries … is that we’re capable of suppressing the terrorism threat, including external plotting capabilities, without a large permanent presence on the ground. We have done that in places like Libya and Somalia, places like Yemen, and we will do that in Afghanistan as well as we go forward.” Although the U.S. does not have an announced presence in Libya, President Joe Biden sent a letter to Congress in June making it clear U.S. troops remained in Yemen and Somalia. Biden wrote, “A small number of United States military personnel are deployed to Yemen to conduct operations against al-Qaeda in the Arabian Peninsula and ISIS.” The president also wrote, “At the direction of the prior administration, the majority of United States forces in Somalia redeployed or repositioned to neighboring countries prior to my inauguration.” He said that “United States military personnel conduct periodic engagements in Somalia to train, advise, and assist regional forces, including Somali and African Union Mission in Somalia forces, during counterterrorism operations.” He added that U.S. forces “based outside Somalia continue to counter the terrorist threat posed by ISIS and al-Shabaab, an associated force of al-Qaeda, in Somalia.” AFRICOM commander Gen. Stephen J. Townsend said in late June the U.S. might consider adding more troops in Africa. “I’ve been communicating back and forth with my civilian leaders in the Department of Defense, the Secretary of Defense, giving him options,” Townsend said, according to Air Force Mag. Townsend said it is best to work “side by side, face to face, shoulder to shoulder” with U.S. partners in Africa. Townsend quipped in April that many U.S. troops had been “commuting to work” on planes from neighboring countries into Somalia to help train Somali troops on counterterrorism, noting a “limited footprint” of less than 100 troops remaining. It was reported by the New York Times in June that “a small number of Americans — well under 100, military officials say — remained in Somalia to help coordinate information from surveillance aircraft that help track Shabab and other militant threats.” Voice of America reported in August that “AFRICOM has been trying to make do, sending troops into Somalia for periodic training missions to supplement about 100 troops now working mostly out of the U.S. Embassy.” Biden misled about U.S. troop presence in Syria during his interview with George Stephanopoulos on ABC News a few days after the fall of Kabul. “Al Qaeda, ISIS, they metastasize. There’s a significantly greater threat to the United States from Syria. There’s a significantly greater threat from East Africa. There’s significant greater threat to other places in the world than it is from the mountains of Afghanistan,” Biden said. “And we have maintained the ability to have an over-the-horizon capability to take them out. We’re — we don’t have military in Syria to make sure that we’re gonna be protected.“ CNN reported an anonymous administration official told them that Biden “was speaking about the al Qaeda presence in northwest Syria, which remains a threat to the United States and is being addressed without American troops on the ground” and that “there are a small number of U.S. and coalition forces on the ground in eastern Syria in areas that had been the ISIS caliphate.” That is not what he said in the interview. Biden’s summer letter to Congress added the U.S. had troops in Jordan, Lebanon, Turkey, the Philippines, the Lake Chad Basin and Sahel Region in Africa, and Guantanamo Bay. “We have not assessed that any group on the ground, whether it’s ISIS-K or the Taliban, has the ability to attack the United States,” Psaki said Monday. “There’s a difference between the threat that is posed to U.S. men and women serving or people who are gathered outside the gates in Kabul and whether these individuals can attack the United States.” The Taliban, the Haqqani network, and al Qaeda are deeply intertwined in Afghanistan, and the Taliban have integrated Haqqani network leaders and fighters with al Qaeda links into their command structure. The local Islamic State affiliate, ISIS-K, has long clashed with the Taliban and al Qaeda in Afghanistan, claiming Taliban rule is illegitimate. Thirteen U.S. service members and more than 170 Afghan civilians and others were killed in a suicide bombing outside the airport Thursday, and many more were injured. The U.S. military says the Islamic State’s affiliate in Afghanistan was behind the deadly suicide bombing attack , and ISIS-K took responsibility for it. Washington Examiner The post US does have troops in Somalia and Yemen, contrary to Psaki and Sullivan appeared first on Caasimada Online.
  24. Ku simaha madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Ciid ayaa Shir Guddomiyay Shirki Amniga Galmudug oo ka dhacay Xarunta madaxtooyada Galmudug. Shirka waxa ka so qayb galay qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida Iyo Amisom, Booliska, iyo Nabad sudiga,waxaana awood lagu saaray sugida Amniga Galmudug iyo sidii howlgalo rogaal celin ah oo lagu qaado kooxda argagixisada Al shabaab. Madaxweynaha ayaa sido kale u mahadceliyay Madaxweynaha Puntland Siciid Dani oo xili loo bahna garab istaagtay Galmudug waxana u intaasi ku daray in Galmudug iyo Puntland iska kaashan doonan la dagaalanka Argagixisada Al Shabaab. Ugu danbeyn Madaxweyne kuxigeen ayaa u mahaceliyay Shacabka Gobolka Mudug sida ay isku garab istaagen Ciidamada Qalabka sida sido kale waxa uu ugu baqay Shacabka Gobolka Galgaduud iyo Guud ahaan Galmudug in Ciidamada la Garab is taago PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirka Amniga Galmudug? appeared first on Puntland Post.