Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,174
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ankara (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo diblomaasi oo Turkish ah ayaa Isniinta maanta ah ku gacan sayray warar sheegaya in Xamas ay xafiiskeeda siyaasadeed ay ka rartay dalka Qatar una guurtay Turkey, ayaga oo intaas ku daray in xubnaha kooxda reer Falastiin ay kaliya mar mar booqdaan dalkaas. Doha ayaa sheegtay toddobaadkii hore inay ku wargelisay Xamas iyo Israa’iil inay joojineyso dadaallada lagu dhex-dhexaadinayo xabbad joojin ka dhacda Gaza iyo heshiis lagu sii daynayo la-haystayaasha ilaa ay ka muujiyaan rabitaan iyo dhabnimo. Waxa ay sidoo kale sheegtay in wararka ay warbaahintu qortay ee ah in Xamas ay u sheegtay in ay dalka ka baxdo aysan ahayn mid sax ah. Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa si kulul ugu dhaleeceeyay Israa’iil weerarrada ay ku hayso Gaza iyo Lubnaan, islamarkaana uma aqoonsan Xamas urur argagixiso. Qaar ka mid ah saraakiisha siyaasadda Xamas ayaa si joogto ah u booqda Turkiga. “Xubnaha xafiiska siyaasadda ee Xamas ayaa mar mar booqda Turkey. Wararka tilmaamaya in Xafiiska Siyaasadda Xamas uu u guuray Turkey, kama tarjumayaan xaqiiqda,” ayuu yiri ilo-wareedka diblomaasi. Xamas ayaa markii hore xafiis ka sameysatay Qatar 2012-kii ayada oo Mareykanka iyo Israel ay raali ka yihiin, kuwaas oo doonayey in la helo hab lagula macaamilo kooxda reer Falastiin. Reuters The post Turkiga oo war kasoo saaray in xafiiska ururka Xamaas ee QATAR loo raray dalkaas appeared first on Caasimada Online.
  2. Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Britain ayaa codsaday in si degdeg ah loo kordhiyo gargaarka la siinayo rayidka Falastiiniyiinta ee ku sugan Gaza, iyagoo ka digay in xaaladda bini’aadantinimo ee halkaas ka jirta ay ka sii dareeyso. Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain David Lammy ayaa ku baaqay, in si weeyn kor loogu qaado gargaarka Gaza, halkaasoo inta badan 2.3 milyan oo deganaa ay barakaceen , taasoo ay uga sii dareen dhibaatooyinka bini’aadanimo. Dhanka kale, Mareykanka ayaa uga digay Turkiga Isniintii inuu martigeliyo hoggaanka ururka Hamas oo uu Mareykanku u aqoonsan yahay urur argagixiso. Warbixino dhoowr ah ayaa ay tabiyeen warbaahinta ayaa lagu sheegay, in xubno sare oo ka tirsan hoggaanka Hamas ee ka baxsan Gaza ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen Turkiga ka dib markii laga codsaday inay ka baxaan Qatar. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller, ayaa sheegay in aanu taagneeyn meel uu uga hadlo warbixinnadaasi, isaga oo u deeynaya in ay ka hadlaan dawladaha ay khuuseeyso. PUNTLAND POST The post Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ku baaqay in la kordhiyo Gargaarka Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
  3. Hargeisa (HOL) — Somaliland’s opposition candidate, Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro, has been elected as the breakaway region’s next President, the electoral commission announced Tuesday in preliminary results. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) — Somali Finance Minister Bihi Iman Egeh signed a debt relief agreement with Denmark's Ambassador to Somalia, Steen Sonne Aderson, in Mogadishu on Monday. Source: Hiiraan Online
  5. Ethiopia’s Defense Ministry on Monday denied reports of a military helicopter crash in the northern city of Bahir Dar. Source: Hiiraan Online
  6. An injury time penalty from substitute Bryan Zaragoza gave a much-changed Spain side a 3-2 win at home to Switzerland in its final UEFA Nations League qualifying match. Source: Hiiraan Online
  7. President Joe Biden's administration has allowed Ukraine to use U.S.-made weapons to strike deep into Russia, two U.S. officials and a source familiar with the decision said on Sunday, in a significant reversal of Washington's policy in the Ukraine-Russia conflict. Source: Hiiraan Online
  8. The State Minister of Foreign Affairs of Ethiopia, Ambassador Mesganu Arga, met with the U.S. Deputy Assistant Secretary of State for East Africa, Sudan, and South Sudan, Vincent D. Spera, at his office today. Source: Hiiraan Online
  9. Sudan's footballers have defied the nation's civil war to clinch a remarkable qualification for the 2025 Africa Cup of Nations after a tense last round of matches that also saw Benin progress to next year's finals. Source: Hiiraan Online
  10. Somalia officially joined Global Green Growth Institute (GGGI) as part of efforts to enhance the government's plan for green economic development, environmental protection, and adaptation to the impacts of climate change. Source: Hiiraan Online
  11. Islamabad (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi-galbeed ee Pakistan ayaa sheegay in mintidiin ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ciidan oo marayey meel u dhow xuduudka Afghanistan, ayna dileen ugu yaraan 8 askari. Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Khyber oo ah degmo xuduudeed ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa, waxaana lala beegsaday askar ku soo laabatay saldhigooda kadib howlgal ka dhan ah fallaagada. Weerarka gaadmada ah ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan saddex askari, oo mid ka mid ah xaaladdiisu ay aad u liidatay sida ay sheegeen qaar badan oo ka mid ah saraakiisha amaanka oo diiday in la maagcaabo kuwaas oo la hadlay VOA. Iska horimaad kaa xigay ayaa la sheegay in sidoo kale ay ku dhinteen dhowr qof oo weerarka soo qaaday. warbaahinta militariga Pakistan ayaan si degdeg ah uga hadlin weerarka dadku ku dhinten iyo khasaaraha la sheegay ee ka dhashay. The post 8 askari oo maanta weerar gaadmo ah loogu dilay… appeared first on Caasimada Online.
  12. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guryeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur & Madaxa Hay’adda UNOPS Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku saabsan Maaraynta daadka iyo Naqshadaynta Biyo-mareennada magaalada Baydhabo. Heshiiskan ayaa diiradda lagu saarayaa daraasadaha maaraynta daadka iyo Naqshadaynta biyo-mareennada magaalada Baydhabo, wuxuuna qeyb ka qaadanayaa yareynta halista fatahadaha roobka iyo daadka. Munaasabad kooban oo lagu qabtay magaalasda Muqdisho ayaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Cilmi waxa uu bogaadiyey qorshayaasha Maaraynta daadka iyo naqshadeynta biyo-mareennada ee hadda socda. Barnaamijkan oo socon doona muddo 15 bilood ah ayaa isugu jira qiimayn & qaabayn lagu samayn doona biyo-mareenno casri ah oo ay yeelan doonto magaalada Baydhabo. Source: goobjoog.com
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ka soo jawaabay hadalka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta ka sheegay wasaaradda gaashaandhigga ee khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland uu kaga hadlay, isla markaana ugu hanjabay Madaxweyne Axmed Madoobe. Xamsa Barre ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyey inuu ka baxay heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu saxiixay, kuwaas oo dhigayey in la mideeyo guddiga doorashada maamullada iyo dowladda federaalka, iyadoo dalka oo dhan laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah. Wasiirka Warfaafinta ee Jubaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in dastuurka Jubbaland uu qabo in ay iyagu qabsan karaan doorasho, isagoo aad u dhaliilay hadalkii maanta ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha. “Ra’iisulwasaaruhu waa in uu isagu dib iskugu noqdaa, waxaan xasuustaa xilli uu ku doodayey in Jubaland ay doorasheedada u madaxbanaan tahay, halka uu maanta ku doodayo doorashada Jubaland ma aha mid sharci ah,” ayuu yiri. Wasiir Cabdifitaax Mukhtaar ayaa waxaba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha ra’iisul wsaaraha, isagoo sheegay in dalku yahay federaal waxa laga wadahadlayana ay tahay in ay noqdaan wax loo wada dhanyahay. “Shirka Wadatashiga Qaranka ee aan ka qeybgalnay aragtida ay gadayeen xilligaas kuma aysan qanacsaneyn Jubaland, waana ay qaadacday shirkaas, marka waxaba kama jiraan hadalka Xamse oo sheegay in Jubbaland saxiixday heshiiskaas,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdifitaax. Wuxuu sheegay in aysan marna Jubbaland ogolaa doonin doorasho waqtigeeda dhaaftay, halka dowlada federaalka ay dooneyso in hal sano loo kordhiyo madaxda dowlad goboleedyada, si sanadka dambe loo qabto doorasho qof iuo cod ah. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u cadeysay doonisteeda ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse uma muuqato in go’aankaas uu ka hirgelayo Kismaayo, sida ay qabaan dadka ka faalooda siyaasadda gudaha, maadaama Axmed Madoobe uusan ogoleyn doorasho furan. Jubaland ayaa horay u caddeysay in doorasho qof iyo cod ah aysan suurtagal ahayn inay ka dhacdo dalka, iyadoo Madaxweyne Axmed Madoobe uu si cad uga baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee ugu dambeeyey, kaas oo hal sano loogu kordhiyey madaxda dowlad goboleedyada, waxaana soconeysa halkaas sano diyaarinta doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah. Jubbaland ayaa xiriirkii wadashaqaynta u jartay dowladda federaalka ee Soomaaliya intii uu jiray khilaafkaan, waxaana socda dadaalo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac in kastoo aan wax xog rasmi ah aysan wali ka soo bixin dadaalada socda oo siyaasiyiin ka soo jeeda Kenya ay wadaan. Guddiga doorashada Jubbaland ayaa habeen ka hor ku dhawaaqay in 25-ka bishaan ay qaban doonaan doorashada madaxweynaha, halka maalmaha ka horeeyana ay ka shaqey doonaan xulashada baarlamaanka, doorashooyinka guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, waxaana toos loo guda galay shaqada. The post Jubaland oo si adag uga jawaabtay weerarkii uu maanta ku qaaday R/W Xamza appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasho Cabdullahi Maxamed oo 14 sano ka tirsaneed Al-Shabaab ayaa maanta lasoo taagay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxay Shabaab u qaabilsaneed keydinta iyo kala gudbinta Qaraxyada. Sidoo kale ku dhowaad 10 gabdhood oo ahaa xaasaskii Al-Shabaab ayaa maanta Caasho lala keenay Maxkamadda, kuwaas oo guddoomiye Shuute uu toos u weydiiyey su’aalo lala yaabay sida ay uga jawaabeen. Gabdhahaan oo intooda badan ka yimid deegaanada Koonfur Galbeed ayaa laga qabtay busteejooyinka Muqdisho, waxayna u socdeen rag ka tirsan Al-Shabaab oo haasaawe ama shukaansi dheer kadib ku qanciyey inay ugu tagaan deegaanada ay ka joogaan Galmudug. Arrinta lala yaabay waa in gabdhahaani aysan garaneyn ragga ay u socdeen, balse ay ku dhiiradeen inay gaari raacaan oo duurka ugu tagaan, gabdhaha qaar waxaa bixiyey waalidkood, waana arrin murugo leh oo ka yaabisay dadka. Caasho oo aheyd haweeneyda ugu weyn hablihii maanta lasoo taagay maxkamadda ayaa sheegtay in Muqdisho ay joogi jirtay, isla markaana ay ka ganacsa jirtay Qudaarta, iyadoo shaqadeeda Shabaabnimada ku dhex wada jirtay. Lacag dhan $120 ayey Shabaab ugu shaqey jirtay Caasho, waxayna keydi jirtay oo kala gudbi jirtay qaraxyada, waxaana kiiskeeda ka sheekeeyey xeer ilaalinta. 14 sano oo Muqdisho ay isku dhex qarineysay kadib waxaa kashifay wiil ay Shabaab u qorsheeyeen inuu is qarxiyo, balse isku dhiibay ciidanka dowladda, kaas oo sheegay Caasho inay tahay keyd hayaha Al-Shabaab. Rag badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay qiratay inay soo guursatay oo caruur badan u dhashay, iyadoo sheegtay in caruurteedii ay jiraan gudaha Al-Shabaab oo aabahood oo Amiir ah uu heysto. Hoos ka daawo maxkamadeynta haweenkaas The post Daawo: Haweeney 14 sano oo Muqdisho ku keydi jirtay qaraxyada iyo gabdho badan oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlay go’aanka ra’iisul wasaare Xamsa uu ku wajahayo khilaafka ka dhashay doorashada Jubbaland iyo qorshaha meel ku dhegga ah ee Axmed Madoobe. Fahad Yaasiin ayaa horay u sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dhex yaalla Jubaland iyo Dowlada Federaalka uu yahay imtixaankii ugu halista badnaa ee taabanaya mustaqbalka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. “Ra’iisul Wasaare 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 wuxuu doortay inuu muujiyo awooddiisa, siyaasad ahaan iyo degaan ahaan labadaba, uuna caddeeyo in 𝐉𝐮𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝 aysan ahayn xarun siyaasadeed oo 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐚𝐝𝐨𝐨𝐛𝐞 kaligiis u furan,” ayuu yiri Fahad Yaasiin. Fahad Yaasiin iyo Farmaajo ayaa horay dagaal siyaasadeed ugu qaaday Axmed Madoobe, balse waxaba waa ka qaadi waayeen, wuxuuna hadda muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in mar kale ay Axmed Madoobe iyo Xamsa Barre ay galaan loopan siyaasadeed, si Axmed Madoobe looga saaro saaxada. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa maanta si cad u sheegay in Axmed Madoobe aan laga aqbali doonin in dadka Soomaaliyeed uu dhaafiyo fursadda dib loogu celinayo awoodooda doorashada madaxdooda. Xamsa ayaa maanta tusaale u soo qaatay sida madaxda kale ee dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ay xilalka sugu wareejiyeen, intii Axmed Madoobe uu heystay Jubbaland, isagoo si murtiyeysan u yiri “Hadii gugii kuu kordhaa uusan garaad kugu kordhin, maxaad geedka dhaantaa?” Axmed Madoobe oo madaxda dowladda federaalka ka diiday in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ayaa hadda guda galay qabashada doorasho dadban, si mar kale uu ugu soo noqdo xukunka. Dowladda Federaalka ayaa mowqif adag ka istaagtay doorashada Axmed Madoobe ku qabanayo Kismaayo, waxayna isugu dartay hanjabaad, waano iyo cagajugleyn, balse ma jirto cid dheg jalaq u siineysa oo Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ka shaqeynayaa sidii xukunka uu u sharciyeysan lahaa 25-ka bishaan oo doorashada maamulkaas la soo gabagabey doono sida ku cad jadwal uu soo saaray guddiga doorashada Jubaland. The post FAHAD Yaasiin oo ka hadlay dagaalka siyaasadeed ee Xamza iyo Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa si weyn u bogaadiyay doorashadii 13-kii bishaan ka dhacday Somaliland, taas oo aheyd mid qof iyo cod ah oo si xor ah uga dhacday deegaanada maamulkaasi. Xamza ayaa waxa uu sheegay in shacabka Somaliland ay ku ciqaabeen doorashadii dhacday xukunkii Biixi, oo uu sheegay inuu isku-dayey inuu dooriyo isirkooda Soomaalinimo, isagoo doorashadaas ugu soo hal qabsaday qorshaha doorasho qof iyo cod ee damcsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh. “Waxaan hambalyeenayaa oo aan bogaadinayaa doorashada xorta ah ee ka dhacay Somaliland, shacabka Somaliland waa shacab leh biseyl iyo wacyi sare oo ay ku codkoodi ku ciqabeen madaxdooda,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Waxa uu intaas kusii daray “Waxay ciqaabeen kuwii isku dayay inay beddelaan abtirka iyo isirkooda Soomaaliyeed, kuwii isku dayay in ay baddooda iyo barrigooda laaluush ku bixiyaan, kuwii aloosay colaadda iyo dagaalada sokeeye oo boqolaal qof ay ku dhinteen, hambalyo ayaan leeyahay shacabkaas.” Sidoo kale wuxuu sheegay in waxa ugu yar ay sameyn karaan ay tahay wixii ka dhacay deegaanada Somaliland oo kale inay ka qabtaan guud ahaan Soomaaliya, si shacabka ay u doortaan hoggaankooda. “Waxa ugu yar ee aan idinku abaal-gudi karno waa in aan waxa quruxda badan ee aad sameyseen u ogolaano shacabka Soomaaliyeed intiisa kale inay sameeyaan, islamarkaana ay ku ciil baxaan codkooda si xor iyo xalaal ah.” Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ka shaqeynaysay nidaamka doorasho qof iyo cod ah oo uu ku dhagan yahay Xasan Sheekh, iyadoo uu baarlamaanka meel-mariyay hindise sharciyeedka dhismaha guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha. Nidaamka doorasho ee ay rabto Villa Somalia ayaa wajahaya diidmo xooggan, iyadoo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaridka ay ku tilmaameen mid dhabaha loogu xaarayo “muddo kororsi sharci darro ah”. The post Xamza oo kusoo hal-qabsaday Somaliland si u dhaqaaqo qorshaha Xasan appeared first on Caasimada Online.
  17. Waxaa magaalada Hargeysa maanta aas qaran loogu sameeyay, Allah u naxariistee madaxweyinihii hore ee Somaliland Axmed Maxmed Maxamuud (Siilanyo) oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Source
  18. Hargeisa (HOL) — Somaliland political leaders and thousands of mourners gathered in Hargeisa on Monday to attend the funeral prayer of former Somaliland President Ahmed Mohamed Mohamud Silanyo, a towering figure in the region's history. Source: Hiiraan Online
  19. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen ayaa si wadajir ah ugu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis Dowaldda Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee dalkaasi uu Soomaaliya ku lahaa. Heshiiskaan ayaa yimid ka dib wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu la lahaa dhammaan xubnaha dalalka Paris Club oo horay u go’aamiyay Bishii Maarso 2024, in ay cafiyeen daymihii Soomaaliya ay ku lahaayeen, go’aankaas oo sidoo kale waajibinayay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah ula macaamisho dalalka deymaha kulahaa. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray heshiiska kadib ku yiri “Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”. Source: goobjoog.com
  20. Kismaayo (Caasimada Online) — Guddiga doorashada iyo xuduudaha Jubbaland ayaa bilaabay hirgelinta habraaca soo xulista xildhibaannada baarlamaanka Jubbaland. Guddiga ayaa shalay la kulmay odayaasha dhaqanka ee doorka ku leh soo xulidda xildhibaannada, iyagoo ka wada-hadlay hannaanka lagu soo xulayo xildhibaannada cusub, si waafaqsan qaabka awood qaybsiga ee beel walba u soo xulato xildhibaannada matalaya. Habraacan cusub ayaa ka duwan kii sanadkii 2019-kii oo ahaa mid saddex xubnood kasta xubin laga xulayay beelaha, waxaana oday dhaqameed kasta uu soo gudbinayaa hal xubin oo Bbesha metela. Guddiga doorashada Jubbaland ayaa dhawaan soo saaray jadwalka doorashada guddoonka baarlamaanka, madaxweynaha iyo goorta la shaacinayo xubnaha baarlamaanka Jubbaland, iyagoo u muddeeyay doorashada madaxweynaha maamulka inay qabsoomto 25-ka bishaan November. 18 ilaa 19 bishaan ayaa lasoo saarayaa liiska xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka Jubbaland, sida uu shaaciyey guddiga doorashada Jubbaland. 20-ka bisha ayaa guddiga qorsheeyay in la qabto codsiyada musharaxiinta guddoonka baarlamaanka, iyadoo 21-ka bishaan la qorsheeyey inay khudbadahooda jeediyaan, islamarkaana la gudagalo doorashada. Sidok kale, 21-ka ilaa 23-ka ayaa la qorsheeyey in la qabto araajida musharaxiinta madaxweynaha, iyagoo khudbadahooda jeedin doona 24-ka bishaan. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la aaminsan yahay in doorashadaan uu ka shaqeynayo sidii uu ugu soo laaban lahaa kursiga, waxaana taas ka dagaalamaysa dowladda federaalka, oo ka hortimid qorshahaan. The post Guddiga doorashada Jubbaland oo bilaabay habraaca xulista xildhibaanada appeared first on Caasimada Online.
  21. Duqeyn naadir ah oo ay Israa’iil Axaddii shalay ku garaacday bartamaha Beyruut ayay ku dishay afhayeenkii guud ee Xizbullah Maxamed Cafiif Al Naabulsi. Sarkaalkan ayaa lagu weerar lagu qaaday xafiiska xisbiga hantiwadaaga Carabta ee Bacas ee magaalada Beirut, sidaasi waxaa lagu xaqiijiyay bayaan kasoo baxay Xizbullah. Maxamed Cafiif ayaa si weyn u muuqday wixi ka danbeeyay billowga dagaalka culus ee hadda u dhaxeeya Isra’il iyo Xizbullah kaas oo xoogeysay bishi September. Bayaan kasoo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in Al Naabulsi uu saamayn weyn ku lahaa hawlgallada milatari ee Xizbullah isla markaana uu dhiirrigelin jiray weerarrada ka dhanka ah Israa’iil. Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sidoo kale sheegtay in duqeyn kale oo xalay ay Israa’iil ku duqeysay dukaan lagu garo kambuyuutarrada lagu dilay 2 qof laguna dhaawacay 22 kale. Dhanka Gaza, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay ciidamada Israa’iil ka geysteen deegaanka Beyt Laxiya ay ku dileen ugu yaraan 30 qof. Agaasimaha Isbitaalka Kamal Adwan ee Beyt Laaxiya, Hosam Abu Safiya ayaa sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen weerarka ciidanka Israa’iil. Goor sii horeysay oo Axaddii shalay aheyd, 10 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay deegaannada Nuseyrat iyo Bureyj ee Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah xerooyinka qaxooti ee ugu waaweyn Gaza. Source
  22. Hargeysa (Caasimada Online) — Allaha u naxariistee waxaa maanta xabaalaha Baqiic ee duleedka Waqooyi ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey aas qaran madaxweynihii Afraad ee Somaliland, marxuum Axmed Siilaanyo oo dhawaan geeriyooday. Aaska Qaran ee loo sameeyey madaxweyne hore ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, shir-guddoonka goleyaasha wakiillada iyo guurtida, xildhibaanno, wasiirro iyo wufuud ka socotay Itoobiya iyo dalalka deriska. Sidoo kale waxaa ka qeyb-galay aaska madaxda axsaabta Somaliland, siyaasiyiin, haldoor, culimo iyo dadweyne aad u tiro badan oo isaga kala yimi daafaha dunida iyo dalka gudihiisa, iyada oo halkaas laga jeediyey hadallo loogu ducaynayo marxuumka, laguna sharraxayo sifooyinkii wanaagsanaa ee uu lahaa iyo waxqabadkii ballaadhnaa ee Somaliland ka hirgeliyey muddadii uu hoggaaminayey. Madax kala duwan oo halkaas ka hadashay ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum Axmed Siilaanyo. Waxay dhamaantood ka marag kaceen dedaalkii iyo naf-hurkii uu horumarka Somaliland ka geystay muddadii uu hoggaanka hayay Axmed Siilaanyo. Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federalka Ethiopia Aadan Faarax, xubinna uu ka yahay madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida, Mustafe Cagjar ayaa ka qabgalay aska qaran ee madaxweyne hore ee Somaliland, waxana ay ku sifeeyey siyaasi iyo cabqari weyn oo geeska Afrika ka baxay. Madaxweynihii Afraad ee Somaliland ayaa kamid ahaa tiirarkii ugu waaweynaa ee hoggaaminayey Somaliland, waxaana uu muddo ka badan toddoba sannadood ahaa madaxweynaha maamulka. Siilaanyo ayaa intii uu talada hayay fuliyey waxqabad ballaaran oo gobollada iyo degmooyinka Somaliland, kuwaas oo kamid ah waxyaabaha ugu mudan taariikhdiisa muddadaas uu hoggaaminayey. The post Sawirro: Wafdi sare oo ka socda Itoobiya oo maanta Hargeysa uga qeyb-galay… appeared first on Caasimada Online.
  23. AQOAq1UhXep-5bk3msHlpU0uYsCtCO8D-swgXtG-AHc3HlmNKTGkSG7s1_g63irtMByP_7R0WZf_I9x4iQvrQ3Cv Qaran News