Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Naani (bidix) iyo Injineerka (midig) Xulka Nugaal ayaa u baxay kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, markii uu galabta kulankii afar dhamaadka 4-2 ugu awood sheegtay xulka Cayn. Xulka Nugaal waxaa goolasha saddex ka mid ah u dhaliyay weeraryahankooda Injineerka, halka Naani dhaliyay gool cajiib ahayd oo u gooyay difaacyada iyo gool-hayaha Cayn. Dhanka Xulka Cayn waxaa labada gool u dhaliyay ciyaaryahanka Khaalid Leo oo ka mid ah ciyaaryahana ugu gool-dhalinta badan tartanka. Waa markii saddexaad oo xiriir ah oo xulka Nugaal tiigsado kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, 2012 iyo 2014 ayuu ku guuleystay tartankan. Xulka Nugaal ayaa final-ka ku sugaya midkood xulalka Mudug iyo Haylaan oo berri ciyaari doona. PUNTLAND POST The post Tartanka Ciyaaraha Puntland: Nugaal oo u baxday Final-ka appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo looga hadlayo dhameystirka Doorashooyinka dalka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya, diyaarinta Habraaca Doorashada Golaha Shacabka iyo Qodobo kale. Kulankaan waxaa shir Guddoominaya Ra’iisul Wasaare Rooble, Siciid Deni, Axmed Madoobe, Axmed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe, Cabdicasiis Laftagareen iyo Cumar Filish. Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirka ayaa waxaa loo diiday inay ka qeyb galaan xubnaha Midowga Musharixiinta oo dhawaan codsaday in kaalin laga siiyo shirka, si ay kaalin ugu yeeshaan aayo ka tashiga doorashada dalka Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka gaabsaday codsigii Midowga Musharixiinta ee ahaa inay ka qeyb galaan shirka kadib markii ay ka hor-yimaadeen qaaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada dalka. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Caasimada Online in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay diideen in Midowga Musharixiinta kaalin laga siiyo shirka. Wararka ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay aad uga xumaadeen war-murtiyeedkii dhawaan ay midowga musharixiinta uga hor imaadeen doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday maamul Goboleedyada. Madaxda Maamul Goboleedyada HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo markii hore diidanaa in Midowga Musharixiinta laga qeyb-geliyo howlaha doorashada Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aanka cusub oo ay qaateen Axmed Madoobe iyo Deni oo markii horeba u ololeen jiray in Midowga Musharixiinta kaalin laga siiyo shirarka wada-tashiga. Axmed Madoobe, Saciid Deni iyo Midowga Musharixiinta ayaa horey u sameystay golaha Badbaado Qaran ka hor inta aysan doorashada bilaaban, waxaana hadda muuqata in labada dhinac ay kala tageen islamarkaana uu burburay golahaas. The post Xog: Yaa diiday in Midowga Musharaxiinta kaalin laga siiyo shirka ka furmay Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  3. Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Prof. Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa goordhaweyd ku geeriyooday dalka Mareykanka. Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa la sheegay in uu u geeriyooday Covid-19 oo maalmihii la soo dhaafay uu la xanuunsanayay. Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa wasiirka waxbarashada Puntland ahaa intii u dhaxaysay 2015-2018. PUNTLAND POST The post Wasiirkii hore waxbarashada Puntland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay warar maalmahaan la isla dhex marayey oo ku saabsan diyaarado laga joojiyey inay tagaan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland. Dowladda Soomaaliya ayaa wax kama jiraan ku tilmaamtay inay jiraan diyaarado laga celiyey inay ka dagaan Magaalada Hargeysa. War kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa lagu caddeeyey inaysan jirin haba yaraatee amar kasoo baxay wasaaradda oo lagu joojiyey duulimaadyada diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabiya ee Muqdisho iyo Hargeysa. “Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay Warbaahinta iyo Shacabka uga digeysaa faafinta wararka beenta ah ee ku saabsan in la joojiyey duulimaadyada diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabiya ee Muqdisho iyo Hargeysa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaradda. Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa kuso aadaya kadib markii maalmihii ugu dambeeyey la hada hayey in Dowladda Soomaaliya ay labadaas diyaaradood ka mamnuucday inay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha ee Hargeysa. Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa jiray khilaaf dhanka farsamada ah oo u dhaxeeyey shirkadaha labadaas diyaarayood ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta iyo maamulka Somaliland. The post DF oo war kasoo saartay diyaarado la sheegay in laga joojiyey inay tagaan Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
  5. Guled Jama: “The government needs to be proactive and vigilant to tackle homegrown extremism before it evolves into something unstoppable.” Hargeisa (PP News Desk) — Guled Jama, the former Director of the Hargeisa-based Human Rights Center, called on Somaliland government to take tougher measures against “Al-shabaab sympathizers. “It seems Al Shabaab sympathizers in Somaliland are emboldened these days. The government needs to be proactive and vigilant to tackle homegrown extremism before it evolves into something unstoppable” tweeted Guled. A major conference for religious educators is currently taking place in Hargeisa. Two days ago Somaliland authorities arrested Abdulmalik Oldon, a journalist, for criticising Mrs Joy Isa, the President of Barwaaqo University, for missionary activities alluded to in a now-deleted tweet of the Lagos-based the Elevation Church to which she belongs as a pastor. The Elevation Church had since apologised for the tweet that, according to a journalist in Hargeisa, makes Joy’s position untenable. © Puntland Post, 2021 The post Human Rights Activist Urges Somaliland Government to be Tough With “Al-shabaab Sympathizers” appeared first on Puntland Post.
  6. The deputy Inspector General of Police, Maj. Gen. Paul Lokech ‘the Lion of Mogadishu’ is dead. Source: Hiiraan Online
  7. (SLT-Muqdisho)-Wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada dowladda Soomaaliya, waxay ay beenisay in ay jiraan amar ka soo baxay Wasaaradda kaas oo Somaliland lagaga joojiyay shirkadaha diyaaradaha ee Fly Dubai iyo Air Arabia. Wasaaradda waxay ugu digtay warbaahinta wararkaas ay been abuurka ku sheegtay faafinaya inay joojiyaan, si aan bulshada Soomaaliyeed loo maran habaabin. Warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabia ku xidhay ilaa inta ay ogolaansho rasmi ah ay ka helayaan Hay’adda duulista Soomaaliya, in aanay wax duulimaad ah ka sameyn karin Somaliland. Go’aanka dowladda kasoo saartay shirkaddahan ayaa soo baxay 31dii july ee sannadkan, inkasta oo dowladdu beenisay warkaan. Labadan shirkaddood ayaa duulimaadyo rasmi ah hore ugu iman jiray magaalada Hargeysa ee Somaliland, waxaana la filayaa inay dhawaan dib u bilaabaan ka dib markii ay xayiraad ay hore u saartay ay ka qaaday xukuumadda Somaliland. Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ahna qofka mas’uulka ka ah maamulka doorashooyinka Soomaaliya ayaa mar kale muujiyey heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka kala dhaxeeya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaaajo. Ra’isul Wasaare Rooble ayaan fiidnimadii Khamiistii ka baaqday oo aan qeyb galin casho sharaf uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday u sameeyey mas’uuliyiinta Turkishka ee ku sugan Muqdisho, xilli loo dabaal-degayey sannad-guuradii 10-aad ee kasoo wareegtay iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga. Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa lahaa xiriir wanaagsan kaasoo la hirgeliyey sanadkii 2011 markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu markii ugu horeysay booqday Soomaaliya isagoo Ra’iisul Wasaare ahaa. Wixii markaas ka dambeeyay, Ankara iyo Muqdisho waxay u dabaaldegayeen maalintan si ay u xoojiyaan xiriirka labada dal. Rooble oo safar uu ku aaday dalka Masar kasoo noqday subaxnimadii Khamiista ayaa, sida aan xogta ku helnay, iska diiday inuu ka qeybgalo xafladda sababo loo maleenayo inay xiriir la leedahay khilaafkii soo kala dhex galay labada mas’uul. Khilaafka labada mas’uul ayaa kasoo billowday markii madaxweynaha Soomaaliya uu ka hor yimid wada-hadallada uu Rooble la furay dowladda Kenya, kuwaasi oo lagu soo celiyey xiriirka labada wadan in kastoo Rooble uu sheegay inay heshiiyeen. Dhacdadaan ayaa muujineysa xiriirka sii xumaanaya ee Farmaajo iyo Rooble, xitaa iyadoo dalku isku diyaarinayo qabashada cod-bixinta baarlamaanka, waxayna tani saameyn ku yeelan kartaa rajada dib u doorasho ee Farmaajo. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa loo doortay inuu hoggaamiyo doorashooyinka dalka markii tiro daneenayaal ah ay ka biyo diideen sida Farmaajo iyo kooxdiisa u maamulayaan doorashada dalka. Doorashada Soomaaliya ayaa la qaban doonaa 10-ka October kadib heshiis ay Muqdisho ku saxiixdeen madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo Ra’iisul Wwasaare Rooble, inkastoo laga cabsi qabo inay dib uga dhacdo waqtigaas. The post Rooble oo qaaday tallaabo muujineysa heerka khilaafka kala dhaxeeya FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Siyaasiyiinta Somaliland (Somali Political Council) ee uu hogaamiyo Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa baaq u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo madax goboleedyada oo uu maanta shir uga furmay Muqdisho. Golaha ayaa Madasha Wadatashiga Qaran ka codsaday inay gacan ka gaystaan xal u helidda khilaafka weli ka taagan guddiga doorashooyinka xildhibaanada gobollada waqooyi, oo laba garab kala ah, islamarkaana kala doortay laba hoggaan oo kala raacsan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed. Golaha ayaa soo jeediyey afar qodob oo xal u noqon kara khilaafkan, balse ma cadda haddii ay jirto cid dhageysaneysay, kadib markii ra’iisul wasaare Rooble uu si cad ula saftay garabka Mahdi Guuleed, sheegayna in khilaafkan lasoo xiray. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland Golaha Siyaasiyiinta Somaliland (Somali Political Council) ee uu hogaamiyo Gudoomiye Cabdi Xaashi wuxuu 11-kii bilood ee la soo dhaafay u halgamayey ama ku hadlayey codka iyo rabitaanka Bulshada, Siyaasiyiinta iyo Musharaxiinta Reer Waqooyi ee doonaya in ay maamushaan oo u madaxbananadaan doorashadooda, hase ahaatee nasiib daro qadiyadda iyo rabitaanka ummadda Reer Waqooyi waxaa la geliyey muran iyo khilaaf siyaasadeysan oo aan dhamaad lahayn oo ay gadaal ka riixayaan Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday iyo dad adeegayaal ah. Madasha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo markeedii horeba aanu ka tirsanaynay in ay ku dhisantay si cadaalad daro ah oo aanay dadka midnimada u taagani ku lahayn wax metelaad ah, waxay keentay in uu jiitamo khilaafka ka jira maamulka iyo madaxbanaanida doorashada reer waqooyi oo ilaa maanta oo meelo badan la soo saaray Senators-kii Barlamaanka 11-aad naloo diidan yahay in aanu aayahayaga ka tashano oo si madaxbanaan u maamulano doorashadayada. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda dawlad goboleedyada dalka ee maanta shirku uga furmayo Muqdisho, waxaanu ugu baaqaynaa in si niyad wanaag iyo Soomaalinimo ku jirto ay noola galaan xal u helida khilaafka ka taagan maamulka iyo madaxbanaanida doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada waqooyi (Somaliland) oo sidii aanu marar badan qoraal iyo afba ku gudbinay qodobo la kala doorto (options), kuwasoo noqon karay xal kama dambeys ah laakiin nalaga diiday. haddana waxaanu soo jeedinaynaa si doorashadu u qabsoonto in la qaado talooyinkan hoos ku qoran 1. In la dhiso guddoon Reer Waqooyi ah (Steering Committee) doorashada maamusha oo noogu jirta halka maamul goboleedyada oo kale, gaar ahaan tan aqalka sare. 2. In si cadaalad ku jirto loo mideeyo labada dhinac ee Gudiga SEIT Somaliland ee la kala jebiyey, loona sameeyo gudoon mideysan. 3. In habraacyada la sameynayo lagu tixgeliyo duruufaha gaarka u ah doorashada xildhibaanada ka soojeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) oo mudnaanta iyo miisaanka ay leeyihiin la siiyo odayaasha dhaqanka ee ku jira 135ta, maadaama ay yihiin madam keliya ee aanu haysano. 4. In goobta doorashada iyo amnigeedu noqdaan kuwo laysku haleyn karo oo u siman Odayaasha dhaqanka, ergooyinka iyo musharaxiinta, si furana ay u imaan karaan warbaahinta iyo goobjoogyaasha kale. The post Cabdi Xaashi oo qoraal ka kooban afar qodob u diray Rooble & madax goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
  10. Taaliban oo laga dilay 15 Mujaahid lagana qabsaday Saddex Magaalo oo muhiim ah Ciidamo daacad u ah dowladdii la riday ee Afghanistan ayaa Jimcihii Taaliban dib uga qabsaday saddex degmo oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi maalmo uun kadib markii ay kooxdu dib u aas-aastay maamulkeedii dalkaasi. Warbaahinta bulshada ee taabacsan Taalibaan ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu ay dib uga gurteen gobolka Baghlan. Waxa ay sheegeen in ugu yaraan 15 dagaallamayaasha Taliban ah ay ku dhinteen 15 kalana ay ku dhaawacmeen waxa ay ugu yeereen dhabarjebinta cafiskii ay kooxdu u fidisay xubnaha dowladdii hore ee Afghanistan. Abdul Hamid, oo ah taliye maxalli ah ee koox lagu tilmaamay kacdoonka ka dhanka ah Taalibaan ayaa ku sheegay farriin muuqaal ah oo uu ka soo diray degmada Andrab in ciidamadiisu ay qarka u saaran yihiin degmo kale, islamarkaana wacad ku maray in uu qabsan doonaan gobolka Baghlan oo dhan. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in Taalibaan ay dalbatay ciidamo dheeri ah oo ka dagaalamaya degmada Andrab. Weerarkan ayaa yimid maalmo kadib markii Amrullah Saleh oo Madaxweyne ku xigeen u soo noqday Madaxweynaha sida iskiis ah isku musaafuriyay ee Ashraf Ghani uu ku dhawaaqay inuu abaabulayo ciidan xoogan oo iska caaybiya Taalibaan oo uu ka wado gobolka uu ka soo jeedo ee Panjshir. Qaran News
  11. Asaasihii Taliban oo maanta Kabul ka degay+Xaaladii ugu danbaysay ee Afganistaan Baradar & Mike Pompeo oo kulmay September 2020 Aasaasaha kooxda Taliban ahna hogaamiye ku xigeenka Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa gaaray caasimada Afghanistan ee Kabul. Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Baradar uu la kulmi doono “hoggaamiyeyaasha jihaadka iyo siyaasiyiinta si loo dhiso dowlad loo dhan yahay”. Baradar, oo sidoo kale ah madaxa xafiiska siyaasadda kooxda ee Doha, ayaa Talaadadii gaaray Afghanistan isagoo ka degay magaalada Kandahar. Waa hogaamiyaha ugu sareeya ee Taalibaan ee hadda dalka ka jira waxaana loo badinayaa inuu noqon doono hogaamiyahadowlad ay soo dhisi donaan Taliban. Wararkii ugu dambeeyay ee Afqaanistaan Dadka reer Afqaanistaan ee doonaya in ay dalka ka baxaan Duulimaadyadii uu Mareykanka muwaadinintiisa ku daad -gureynayay ayaa dib uga bilowday Afgaanistaan ​​kadib markii la hakiyay ku dhawaad ​​7 saacadood Jimcihii. Saldhigga Mareykanka ee Qatar ayaa noqday mid buux dhaafay oo aan qaabili Karin dad dambe, taasoo kuqasbeysa Washington inay ku dadaasho inay hesho dalal kale oo qaabila dadka imanaya. Waxaa wali garoonka diyaaradaha ee Kabul ka taagan jahwareer ka dhashay dadka badan ee doonaya inay garoonka ka dhoofaan. Qaran News
  12. Hogaamiye Maraykanku Madaxiisa Dul-dhigay 5 Malyuun oo Dollar oo maanta lagu arkay Caasimada Afganistan-Kaabul Waa mid ka mid ah ragga ay Mareykanka sida wayn u baadigoobayeen muddo dheer Hoggaamiye Taalibaan ah oo ay baadi -goobayaan Mareykanka iyo QM ayaa ka soo dhex muuqday caasimadda Afghanistan ee Kabul, ka hor wada -hadallada lagu dhisayo dowlad cusub. Khalil Haqqani, oo qayb ka ah shabakada Xaqaani ee mayalka adag, ayaa lagu sawiray isaga oo ku dhex jira dad badan oo ku sugnaa caasimada Afgaanistaan ​​jimcihii, isga oo ay hareerihiisa taagnaayeen rag hubaysan oo ku labisan dareeska milatariga. Sawirrada ayaa muujinayay Haqqani oo masaajid ku jira oo khudbad u jeedinaya dad misaajidka ku sugnaa. Horraantii toddobaadkan, Abdullah Abdullah – oo ah madaxa Golaha Sare ee Dib -u -heshiisiinta Qaranka ee Afghanistan – ayaa soo bandhigay sawirro kulan uu la yeeshay Haqqani iyo wafdigiisa Taliban, iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Afghanistan Xamiid Karzai. Haqqani wuxuu ka mid yahay ragga sida weyn uu u baadi -goobayo Mareykanka, waxaana madaxiisa la dul dhigay $ 5 milyan. Qaran News
  13. Sababta madaxweynihii Afqaanistaan uu ugu qaxay Imaaraatka Carabta? Madaxweyne Ashraf Ghani Imaaraatka Carabta ayaa magangalyo bani’aadannimo siiyay Madaxweyne Ashraf Ghani, oo ka baxsaday Afghanistan. Taariikhdu marka ahayd 15 August, markaas oo dagaal yahannada Taliban ay qabsadeen caasimadda Kabul, Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa si degdeg ah uga qaxay dalkaas. Xilligaas lama ogeyn halka uu aaday iyadoo dad badan ay u maleynayeen inuu u qaxay Uzbekistan ama Tajikistan. Kaddib Ashraf Ghani qudhiisa ayaa caddeeyay inuu ku sugan yahay Imaaraatka Carabta. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegeyso in Ghani ay siisay magangalyo bani’aadannimo, halka Ghani uu soo duubay muuqaal uu ku sheegayo inuusan dalka ka qixin balse uu ka baxsaday musiibo weyn. “Waxaan hadda joogaa Imaaraatka si loo joojiyo dhiigga daadanaya iyo qaska,” Ghani ayaa sidaas yiri. Ghani ayaa sidoo kale sheegay inuu ku jiro wadahadallo ku saabsan sidii uu dib ugu laaban lahaa Afghanistan. Siyaasadaha Afghanistan Ma aha markii ugu horreysay ee Imaaraatka uu magangalyo siiyo hoggaamiye ka soo jeeda dunida Islaamka. Sanadihii 90-meeyadii, Ra’iisul Wasaarihii Pakistan Benazir Bhutto ayaa sidoo kale magangalyo u doontay Imaaraatka. Madaxweynihii hore ee Pakistan Pervez Musharraf ayaa sidoo kale ku laabtay Imaaraatka kaddib markii xukunka laga tuuray. Balse weli dadku waxay is weydiinayaan su’aasha ah sababta uu Ghani u doortay Imaaraatka Carabta iyo sababta uu Imaaraatku u siiyay magangalyada. Si kastaba, markan Imaaraatku kama doonayo Ashraf Ghani in dhulkiisa uu u adeegsado saaxad siyaasadeed. Weriyaha BBC-da ee arrimaha ammaanka Frank Gardner ayaa sheegay inay jiraan tiro badan oo dad ah oo u dhashay Afghanistan iyo Pakistan oo ku sugan Imaaraatka Carabta, sidaas darteed Imaaraatku ma doonayo in dhulkiisa uu noqdo saaxadda siyaasadda Afghanistan. Isla mar ahaantaas, falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya inaysan la yaab ku ahayn imaanshaha Ghani ee Imaaraatka. Kabir Tanreja, oo ka tirsan Observer Research Foundation, ayaa yiri, “Xiriirka Imaaraatka uu la leeyahay Taliban iyo Afghanistan waa mid xiiso leh. Ashraf Ghani waxaa magangalyo siiyay Imaaraatka. Tallaabada Imaaraatku ma aha mid aan la fileyn.” Waa maxay xiriirka Imaaraatka kala dhaxeeya Taliban? Sanadkii 1996, markii Taliban ay la wareegtay xukunka Afghanistan ayna dhistay dowlad, keliya Pakistan, Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa aqoonsaday dowladdaas. Wixii intaas ka dambeeyay wax badan ayaa iska beddelay xiriirka dalalkan. Tanreja ayaa yiri, “Kaddib weerarradii 9/11 ee ka dhacay Mareykanka, waxaa jiray cadaadis saarnaa dalalka Carabta oo lagu doonayay inay hagaajiyaan sumcaddooda. Inta badan dadkii ku lugta lahaa weerarka waxay ka soo jeedeen dalalka Gacanka. Isbeddello xiriir ah ayaa ka bilowday dalalka Carabta markaasna Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa bilaabay inay iska fogeeyaan Taliban. Dalalkan ayaa si cad isaga fogeeyay Taliban.” Markii ciidamada uu horkacayo Mareykanka ee NATO ay weerareen Afghanistan sanadkii 2001 ayna cagta mariyeen Taliban, Imaaraatka ayaa sidoo kale taageeray weerarkan. Saraakiil ka soo jeedda Imaaraatka ayaa sidoo kale ku sugnaa Afghanistan, inkastoo aysan badneyn. Ciidamo yar oo Imaaraatka ka socda ayaa howlgallo nabadgelyo iyo banii’aadannimo loo geeyay Afghanistan oo sidoo kale ciidamadaas u aragta kuwo saaxiibbo Muslimiin ah. Qaaciddada Sunninimada Wahaabiga ah ayaa aad uga jirtay Sacuudiga iyo Imaaraatka. Dalalkan ayaa sidoo kale howlo horumarin ah ka sameeyay Afghanistan iyagoo adeegsanaya magaca samafal una maraya madaaris iyo masaajiddo. Feker ahaan, waxaa jiray isu dhowaansho ka dhaxaysay Imaaraatka iyo Taliban. Balse Imaaraatka, oo aqoonsan Taliban, ayaa sanadkii 2001 aad isaga fogeysay ururka, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed u jartay, kaddibna xiriir la sameysatay dowladihii Hamid Karzai iyo Ashraf Ghani. Sanadkii 2017, koox diblomaasiyiin ah oo ka soo jeeda Imaaraatka ayaa lagu weeraray Kandahar. Dad badan, oo ay diblomaasiyiin ku jiraan ayaa naftooda ku waayay weerarkaas. Wixii intaas ka dambeeyay, Imaaraatka ayaa toos u jartay Taliban. Waa maxay doorka ay Pakistan ka qaadan karto xiriirka Taliban iyo Imaaraatka? Dagaal yahannada Taliban iyo ciidamada Pakistan oo ilaalinaya xadka laga tallaabo ee Torkham Isla mar ahaantaas, Pakistan ayaa door muhiim ah ka qaadan karta xiriirka Taliban iyo Imaaraatka. Turkiga, Qadar, iyo Pakistan ayaa haysta Afghanistan, Imaaraatka iyo Sacuudigana waxay u arki karaan in saameyntoodu aysan is dhimin. Waxaa jirtay xiisad u dhaxeysa Pakistan iyo Imaaraatka taas oo la xiriirta arrimo dhaqaale. Imaaraatka wuxuu xoogga saaray ka soo kabashada deymihii la siiyay Pakistan. Sida uu qabo Tanreja, xiriirka Pakistan iyo Imaaraatka ayaa sidoo kale saameyn kara xiriirka uu dalkaasi la leeyahay Taliban. Pakistan ma dooneyso inuu xumaado xiriirka Imaaraatka iyo Taliban. Pakistan waxaa muhiim u ah xiriirka ay la leedahay Dunida Carabta, haddii xiriirkaas uu xumaadana waxaa meesha ka faa’iideysanaya Shiinaha oo saameyn ku yeelanaya Pakistan. Muddo intee ah ayuu Ghani joogi doonaa Imaaraatka? Ghani ayaa sheegay inuu keliya sitay dhar iyo kabo Si kastaba, wlei ma cadda muddada uu Ghani joogi doono Imaaraatka. Waxaa laga yaabaa inuu muddo kaddib Mareykanka aado, balse falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in xilligan uusan Mareykanku albaabbada u furi doonin. Tanreja ayaa yiri, “Imaaraatku wuxuu hore magangalyo u siiyay dad ka soo jeeda Dunida Islaamka wuxuuna u fidiyay gogol lagu wada hadlo. Xaaladahaas oo kale marka la eego, tegitaanka Ghani ee Imaaraatka ma aha mid la yaab leh.” Balse in lagu noolaado Imaaraatka iyana ma fududa. Nolosha halkaas waa qaali. Wararka qaar ayaa sheegaya in Ghani uu la soo qaxay lacag aad u badan, balse Ghani wuu beeniyay arrintaas. Ghani ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Afghanistan uu ka soo tagay isagoo xiran dhar iyo kabo isla markaana uusan waxba heysan. Maxay tahay ujeeddada uu Ghani u aaday Imaaraatka? Falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan in mid ka mid ah sababaha loo tagayo Imaaraatka ay tahay in dalkaasi uu bixiyo damaanad qaad amni iyo xogtaada oo kuu qarsoonaata. Waxaa jira fursado badan iyo meelo aad lacagtaada ku maalgashan karto. Imaaraatka ammaankiisu aad ayuu u fiican yahay. Waxaa sidoo kale ka jirta dowlad adag oo boqortooyo ah. Sidaas darteed, dadka halkaas taga waxay dareemaan ammaan. Taasina waa sababta ay siyaasiyiin badan oo dunida daafaheeda ka socda ay u tagaan Imaaraatka si magangalyo loo siiyo. Ra’iisul Wasaareyaashii Thailand Thaksin Shinawatra iyo Yingluck Shinawatra, oo afgembi militari xukunka looga tuuray ayaa tagay Imaaraatka. Marka taas laga soo tago, Boqorkii hore ee Spain Hwan Carlos, hoggaamiyihii Falastiiniyiinta Mohamed Dahlan iyo Ahmed Ali Abdullah Saleh, oo ah wiilka ugu weyn madaxweynihii geeriyooday ee Yemen Ali Abdullah Saleh, ayaa sidoo kale magangalyo u jooga Imaaraatka Qaran News
  14. Haddii ay gacanta igu dhigaan way i khaarijin doonaan Kumanaan qof ayaa ku sugan dibedda garoonka diyaraadaha kaabul Qabsashada degdegga ah ee Daalibaan ee Afgaanistaan ayaa keentay in dadka qaar ay u baqaan naftooda oo ay raadiyaan inay dalka ka baxsadaan. Kooxda Islaamiyiinta ah ayaa la sheegay inay guri guri u baadhayaan halka muuqaalo rabshado wata laga soo sheegayo qaar ka mid ah isbaarooyinka ay maamusho Taliban. Maleeshiyaddan ayaa la wareegtay gacan ku haynta magaalooyin waaweyn todobaadkii hore taas oo qayb ka ah guluf ba’an oo ka ay naxeen goobjoogayaashii caalamiga ahaa. Kaas oo ku danbeeyey qabsashadoodii caasimadda Kabul, horseeddayna burburkii dawladda Afgaanistaan. Hadda, kuwa u soo shaqeeyay dowladda ama quwadaha kale ee shisheeye, iyo sidoo kale suxufiyiinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka, ayaa sheegaya inay ka baqayaan aargudasho waxayna u baahan yihiin in la daadgureeyo. Waxay la hadleen BBC, laakiin magacyadooda waa la beddelay si loo ilaaliyo ammaankooda. Usman, oo turjumaan u ahaa ciidammada qalabka sida ee Ingiriiska, ayaa la degganaa u ahaa xaaskiisa iyo qaar ka mid ah deriskiisa markii Taaliban timid. Waxaa la toosay aroortii hore ee subaxdii waxaana loo sheegay in kooxdu ay ka dhowdahay in ay baadhaan halkii ay degganayeen. “Waxay baadhayeen guri kasta,” ayuu u sheegay barnaamijka BBC ee World at One. “Qof walba wuu argagaxay – markaa warku wuxuu ku faafay guri kasta.” “Qof deris la ah ayaa sheegay inay baadi goobayaan hub, dokumentiyo iyo gaadiid dowladeed. Waxay isku dayayeen inay ogaadaan cid u shaqeysay NATO ama dowladda.” “Waxaan gashaday dharkaygii oo waxaan ku booday darbi oo waan cararay,” ayuu yiri Usman. “Waan ogahay in la i dili doono. Ma jirto waddo kale.” Usman ayaa loo sheegay inuu xaq u leeyahay u guurista UK bisha December, laakiin kadib markii la diyaariyay dhammaan warqadihiisii wuxuu helay warqad diidmo ah Jimcihii. “Ma dareemeyno nabadgelyo,” ayuu yiri. “Runtii aad ayaan u quus -joogaa.” Taalibaan ayaa gacanta ku dhigtay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi Hashem, oo ah turjumaan, ayaa hoy ka dhigtay guri ku yaal mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalka markii uu la hadlayey BBC -da. “Waxaan la shaqeynayay xoogag dhexdhexaadin ah waxaana u malaynayay in dowladaha Mareykanka iyo Jarmalka ay i caawin doonaan,” ayuu yidhi. “Waa inaan baabbiiyaa dhammaan dukumiintiyadaydii.” “Waxaan lahaa geesinimo aan ku tago garoonka diyaaradaha ee Kabul, qof ka tirsan Daalibaan ayaa ii sheegay inay jireen warar been abuur ah oo faafinayay in Mareykanku dadka bannaanka u soo saarayo.” “Wuxuu ii sheegay inaan u sheego dadka kale inaysan aadin garoonka diyaaradaha. Waxaan ka wada hadleynaa qorshayaasha ku saabsan waxa aan sameyn karno si aan ugu qaxno dal kale.” Ma aha oo kaliya kuwa u shaqeeya dawladaha caalamka ee cabsanaya. Laba haween ah oo u shaqaynayay warbaahin ayaa dhuumanaya waxayna sheegeen in Taalibaan ay baadi goobayaan. Si kastaba ha ahaatee, fiise la’aan, waxay yidhaahdeen u safrida gegida dayuuradaha ayaa ah mid aan waxba tarayn. “Labo jeer ayay gurigeyga soo waceen … aniga iyo ninkeyga ayay raadinayaan,” ayay tiri mid ka mid ah haweenka, Aida. “Waxay weyddiinayaan xubnaha kale ee qoyskeyga halka aan joogno sidoo kale waxay ii soo diri jireen qoraalo hanjabaad ah.” “Waxay dhaheen markii ay i helaan way i dili doonaan.” “Runtii waxaan dareemayaa quus iyo walaac ku saabsan waxa igu dhici doona aniga iyo qoyskeyga,” ayay tidhi. “Taalibaanku waxay isku dayayaan inay helaan [shaqaalaha] dawladda, saxafiyiinta, iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka. Runtii waan ka walaacsanahay – ka warran haddii ay gurigeenna yimaadaan? Ka warran haddii ay garaacaan albaabkayaga?” “Garoonka diyaardaha inaan aaadno suurtogal ma ahan sababtoo ah ma haysanno [fiise]” ayay tidhi. “Ma aanan helin lacag ama wax taageero ah, markaa macquul ma ahan.” Dhanka kale, tobannaan macallimiin luuqadda Ingiriiska oo u shaqeynayay golaha Ingiriiska oo tababarayay macallimiinta dugsiyada Afgaanistaan ayaa aad u doonaya inay baxaan laakiin waxaa loo diiday dal kugalkii ay ku tagi lahaayeen UK. Qaran News
  15. Waxaa maanta xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdiaho ka furmay, shir ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Shirka waxa ka qayb-galaya Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, dhammaan madaxda dowlad goboleed iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoominaya kulankan, waxaana inta uu socdo diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashada xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Qodobada Shirka looga hadlayo waxa kamid ah diyaarinta habraacyada doorashada Aqalka hoose ee Baarlamanka iyo raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada. PUNTLAND POST The post Shirka Arrimaha doorashooyinka oo ka furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  16. Elbridge Colby is leading a conservative effort to prepare Americans for a military conflict in Taiwan. A successful Chinese invasion of Taiwan, Colby argues, would send a message to other Asian countries about who the dominant power in the region is and who gets to write the rules of the economic order. The images from Afghanistan circulating in Washington this week have been of collapse and evacuation: the interior of a military cargo plane, filled with more than six hundred Afghan evacuees sitting on the floor and grasping straps; a little girl with a pink backpack being handed over a wall, with hopes of escaping; hundreds of Afghans chasing a departing cargo plane on the runway at Hamid Karzai International Airport, as if they might grab hold of it and be lifted away. “Please don’t leave us behind,” an Afghan Air Force pilot pleaded, via the news network the Bulwark, speaking on behalf of many who were undeniably being left behind. “We will be great Americans.” In the U.S., some of the deepest lamentations came from people who had poured themselves into this project. “We were overly optimistic and largely made things up as we went along,” Mike Jason, a retired Army colonel who trained Afghan police, wrote in The Atlantic last week. “We didn’t like oversight or tough questions from Washington, and no one really bothered to hold us accountable anyway.” The U.S. Department of Veterans Affairs, anticipating that the lamentations might grow even deeper and more catastrophic, sent out a suicide-prevention blast: “Veterans may question the meaning of their service or whether it was worth the sacrifices they made. They may feel more moral distress.” These feelings, the V.A. noted, were normal. “You are not alone. ”That so many in Washington were seeing the same images, and reacting in many of the same ways, had a strange-bedfellows effect on politics this week. This past Sunday, on MSNBC, Representative Barbara Lee, of Oakland, the only member of Congress who voted against the Authorization for Use of Military Force, in September, 2001, explained what this week’s events proved to her. “There is no military solution, unfortunately, in Afghanistan,” she said. “We have been there twenty years. We have spent over a trillion dollars. And we have trained over three hundred thousand of the Afghan forces.” On Twitter, you could find a very similar sentiment coming from a former senior Trump defense official, Elbridge Colby, who wrote, “We Americans are just not good at imperialism. Many of the same pathologies characterized our effort in Vietnam. ”Colby, a fortysomething graduate of Yale Law School, was the Deputy Assistant Secretary of Defense for Strategy and Force Development in the Trump Administration. Amid many people saying roughly the same thing about the now-ending generational conflict over Islamic extremism, Colby is distinguished by a vision of the generational conflict to come. In his view, idealism and Afghanistan are both sideshows to the real military, economic, and diplomatic action—all of which concerns China. I spoke to Colby by Zoom last week, as the Taliban captured Kandahar and Herat. He was in Brazil, where, it turned out, his family has spent the pandemic. “Get out of the Middle East,” he said, when I asked how the U.S. should reprioritize its resources. “More significantly, I think we’re going to have to reduce in Europe. Basically, my view is, if you’re in the U.S. military and you’re not working on China”—he paused for a moment to acknowledge a couple of lesser but still worthy projects, nuclear deterrence and “a cost-effective” approach to counterterrorism—“get yourself a new job. ”Elbridge Colby goes by Bridge. To his patrician name, add a patrician face (long nose, side-parted sandy hair) and a patrician legacy: his grandfather, William Colby, was Nixon’s C.I.A. director, and his father, Jonathan Colby, is a senior adviser in the Carlyle Group, the defense-friendly private-equity giant. Bridge nearly overlapped at Harvard College with Tom Cotton, and at Yale Law School with Josh Hawley. He was considered for a role as a foreign-policy adviser to Jeb Bush in 2015; according to the Wall Street Journal, campaign operatives torpedoed his chance to be Bush’s foreign-policy director by raising concerns that he was insufficiently hawkish about Iran. Colby arrived at Trump’s Pentagon as an aide to the President’s first Secretary of Defense, General Jim Mattis. Mattis aside, the Administration’s skepticism of neoconservative idealism suited him (as Colby put it, “a nice version of ‘What’s in it for us?’ ”), as did Trump’s emphasis on China-baiting. Following Trump’s lead, many elected Republicans of Colby’s generation, Cotton and Hawley among them, have increasingly described China as an omni-villain, a prime source of economic competition and a national-security threat for a generation to come. In this context, Colby has found his star on the rise. This fall, he will publish his first book, “The Strategy of Denial,” which offers a military strategy for how to deal with China. As advance copies circulated this summer, Rich Lowry, the editor of National Review, pronounced it “brilliant” and said that it would be “constantly referred to as we grapple with this challenge”—a suggestion, if one were needed, that many conservatives believe that this conflict is here to stay. Colby’s book is clinical and ominous. He wants the American people prepared to go to war with China over Taiwan, both because that might deter China from invading the island and because, if deterrence fails, he thinks that American military intervention will be the only way to keep Taiwan free. He notes the Chinese leadership’s decades-long insistence that Taiwan is part of China, and documents the steady Chinese military buildup: around ten-per-cent annual increases in its budget for a quarter century; he also pointed out that China has a Navy that exceeds America’s in the number of boats, if not yet tonnage, as well as missiles that can reach U.S. bases around Asia and as far as Honolulu. All of this is pointing, Colby argues, to an invasion of Taiwan, an event he sees as likely and whose consequences he believes could be disastrous. His concerns in the book do not include human rights; they are instead almost entirely strategic—a successful invasion would send an unmistakable message to all other countries in Asia about who is the dominant power in the region and who gets to write the rules of the economic order. Military strategists come with all kinds of personalities—Colby is a worrier. He argues that Chinese aspirations and military buildup suggest a specific danger: a series of focussed, regional wars, likely to begin with Taiwan, and he sketches out scenarios for how the U.S. would need to defend or retake the island. As Afghanistan fell to the Taliban this week, the Global Times, a state-affiliated Chinese media outlet, published an editorial arguing, “From what happened in Afghanistan, those in Taiwan should perceive that once a war breaks out in the Straits, the island’s defense will collapse in hours and U.S. military won’t come to help.” Colby told me, “My gut says, ‘Bridge, maybe you’re exaggerating,’ but my mind says, ‘Holy shit!’ ” He added, “Excuse my language.” His book, which takes something of a chess-game view of grand strategy in the Far East, argues that, if China loses a military campaign for Taiwan, it will be forced to confront the “burden of escalation”—of broadening a conflict that it’s losing—and will likely retreat, but that if Taiwan’s allies lose a limited war they will either have to retake the country from China or concede Chinese supremacy in the Far East. Colby said, “The situation’s already bad now, and it’s going to get worse—to the point where they could win a fight over Taiwan and they might pull the trigger. And Taiwan’s not going to be the end. When Colby and I spoke, he seemed anxious to emphasize that his warning is not intended for a conservative audience but for a broad one. He worries that Americans have been too persuaded by post-Cold War propaganda to understand that, in any conflict with China, Washington will need to partner with Asian nations (Vietnam, perhaps, or Malaysia, or Indonesia) whose modes of governance we may not love. And he is troubled by whether most Americans will see Taiwan as of sufficient interest to them. Colby said that he wrote his book largely to make a “brass tacks” case to ordinary Americans about why they should care enough to defend Taiwan and “other exposed Asian partners.” “Great powers create market areas,” he said. “And that’s what China’s trying to do. And, if the Chinese have a trade area over which they’re ascendant that comprises fifty per cent of global G.D.P. or more, you can bet that Americans are going to suffer.” Last November, he pointed out, the Chinese government had sent Australia a list of fourteen grievances, ranging from the Australian government’s regulation of Chinese companies to criticisms of the Chinese government made by Australian M.P.s. Chinese strength has been building for a quarter century, he said. “The problem is coming due in this decade.” I asked Colby how well he thought Americans had been prepped for this potential conflict by their leaders. “Great question,” Colby said. “The state is terrible.” A smart liberal’s reply to Colby might be: Is this for real? Americans have spent much of the past two decades trying to find some way through the disastrous interventions in Iraq and Afghanistan that political hawks urged on them. Now that the full depth of the latter debacle has become so impossible to deny that the V.A. is issuing suicide-awareness bulletins for former soldiers suffering from “moral distress,” the hawks want to urge another generation-defining conflict on Americans? Colby’s response is to try to sever the transformational vision of the forever wars from his own hawkishness—to argue that those were neoconservative adventures, intent on democratizing foreign countries, and that his own realist camp does not envision regime change and does not aspire to remake China. “What really makes me angry, frankly, is the aggressive kind of neoconservatives and liberal hawks. They are the ones that used up that gas tank of will,” Colby told me. “Now the American people are tired. They are skeptical. And they”—the neoconservatives—“said, ‘Oh, we’re going to fight Islamofascism because otherwise we’re going to turn into the Caliphate,’ or whatever. And it’s like, no, that’s not what’s going to happen.” But the Afghanistan experience, recounted in the news this week, suggests that the original ideological design of a national-security encounter—whether “realist” or “idealist”—doesn’t matter for very long: any conflict is quickly defined by the decisions made in its midst. What matters most of all is whether that conflict is brought into existence. Among Republicans, it hasn’t been hard to detect warlike notes against China: Hawley has denounced Big Tech for its alleged willingness to sell out to the Chinese government, Marco Rubio has focussed on China’s persecution of the Uyghur Muslims, and Cotton has promoted a “targeted decoupling” from China’s economy, insisting that the two great powers will find themselves in a “protracted twilight struggle that will determine the fate of the world.” As the Chinese government’s persecution of Uyghur Muslims has worsened and its pressure on Hong Kong has mounted, plenty of liberals have been alarmed, too, for reasons that are sometimes the same and sometimes different. “The two nations represent systems of governance that are diametrically opposed,” George Soros wrote last week, in a Wall Street Journal op-ed. “Relations between China and the U.S. are rapidly deteriorating and may lead to war. ”Bill Kristol, the founding editor of the Weekly Standard and a conservative foreign-policy eminence, told me that with the exception of the onset of the Cold War he could not recall such a “quick kind of pivot” across the whole foreign-policy establishment, both Democratic and Republican, as the one now taking place to a focus on China—one which struck him as often aggressive. “Look, I am a hawk,” Kristol said. But “even I get a little bit nervous by the bellicosity on Taiwan. And this is where things can get out of hand. You can either encourage people in Taiwan to do things that are a little foolish, or you can encourage the hawks in Beijing to say, ‘Let’s act now because it will get worse in five years.’ There’s not a lot of subtlety in the discourse.” This week, one line coming out of the Afghanistan crisis was that the American era was over, that the U.S. was a chastened and exposed power. To listen to the China hawks was to hear an opposite contention: that the patterns of American intervention ran deep, and were politically various, and were not likely to be so simply dislodged. When I asked Colby what he thought united the changing Republican Party with the China cause, he said that to him it was a story of disempowerment. The Republican story post-Trump, he told me, was “ ‘We’ve been deindustrialized, we have economic insecurity, there’s these élites’—there’s a disempowering function going on.” Colby said he detected in these politics an “anti-hegemonic” tone that echoed the fear of China. Like a lot of what Colby said, that assertion struck me as smart and interesting but a little overelaborate. The real situation seemed more basic. As U.S. involvement in Afghanistan ends, a hawkishness on China is emerging, in some expected places and some unexpected ones, and we might soon find ourselves managing claims about the necessity of war all over again. Benjamin Wallace-Wells began contributing to The New Yorker in 2006 and joined the magazine as a staff writer in 2015. He writes about American politics and society. Source: The New Yorker The post Will the Next American War Be with China? appeared first on Puntland Post.
  17. Itoobiya ayaa gashaanka u daruurtay eedeyn kaga timid Mareykanka oo aheyd in markale ay ishortaagtay gargaar bani’aadanimo oo loogu talagalay dadka tabaaleysan ee ay colaaddu ku saameysay gobolka Tigray. Hay’adda horumarinta Mareykanka ayaa Dowladda Itoobiya ku eedeysay inay sabab u tahay gargaar la’aanta ka jirta gobolka Tigray. Waxay ka digtay in cunnada gargaarka ay ka go’i doonto gobolkaasi dhammaadka Todobaadka soo socda. Boqolaal kun oo qof ayaa halis ugu jira macaluul, xilli uu dagaal qaraar dhex marayo ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF. Balse dowladda Itoobiya ayaa beenisay in si ulakac ah loo hor istaagay gargaarka bani’aadannimo ee loogu talagalay dadka ku tabaaleysan gobolkaasi. PUNTLAND POST The post Itoobiya oo beenisay eedeymo uu markale Maraykanka u soo jeediyay appeared first on Puntland Post.