Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidanka cirka ee Turkiga ayaa soo daad-gureeyey 104 qof oo ka mid ah muwaadiniinta Turkiga ee ka hawlgelayey dalka Afgaanistaan,sidoo kale 100 qof ayaa maalinimadii jimcaha laga soo daad-gureeyey deegaamo ka mid ah caasimadda dalka Afgaanistaan ee Kabul. Dadaallada lagu daad-gureynayo muwaadiniinta Turkiga ah ee ka socda dalka ay dagaalladu aafeeyeen ayaa weli ka socda garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Hamid Karzai, waxaana muwaadiniintan ay ciidammada ammaanka Turkiga ka soo badbaadiyeen deegaanad ku hareeraysan Kabul. Awoodda lama filaanka ah ee ay ku qabsadeen kooxda Taalibaan dalka Afgaanistaan ayaa waxay dhalisay in si degdeg ah dalalku ugala baxaan shaqaalahooda ka hawl gelayey Afgaanistaan badi dalalka reer galbeedka ayaa la baxay muwaadiniintooda. PUNTLAND POST The post Turkiga oo muwaadiniintiisa ka daad-guraynaya Afgaanistaan appeared first on Puntland Post.
  2. Nairobian are the verge of experiencing flying taxis after the national carrier and Brazilian aircraft manufacturer Embraer signed an agreement that would spearhead this innovation in the market. Source: Hiiraan Online
  3. JIGJIGA (HOL) - The leader of the Ogaden National Liberation Front (ONLF) Abdirahman Mahdi Maadey has urged Somalis to arm themselves in the wake of ongoing conflict in Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) -Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shirweynaha looga hadlayo arrimaha doorashooyinka 2021-ka ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo sidoo kale gobolka Banaadir Shirka ayaa waxaa daah-furay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana goob-joog ah shanta hoggaamiye goboleed ee dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Intiisa badan waxaa shirkani diiradda lagu saari doonaa dardar-gelina doorashooyinka dalka 2021-ka, iyada oo gaba-gabadana laga soo saari doono war-murtiyeed. Ra’iisul wasaaraha oo isugu ah mas’uulka ugu sarreeyo doorashada iyo hoggaamiyeyaasha kale ee ka qeyb-galaya shirka ayaa si gaar ah uga wada-hadalayo diyaar-garowga doorashooyinka golaha shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka iyo dhammeystirka doorashada Aqalka Sare. Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaadi arrimo ku aadan doorashooyinka Aqalka Sare ee billowday iyo casharka laga baran karo, maadaama ay dhaliilo xoogan ka yimaadeen. Shirkan oo uu dib u dhac ku yimid furitaankiisa ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo la guda-galay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Si kastaba doorashooyinka ka dhacaya dalka ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana is jiid jiid dheer, kadib heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho. The post Sawirro: Shirka golaha wada-tashiga qaran oo ka furmay Afisyoone appeared first on Caasimada Online.
  5. Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho shir uga furmay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka. Shirkan oo ka furmay xarunta tababarka ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisyooni, ayaa looga hadlaya xaaladihi ugu dambeyay ee doorashooyinka dalka. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ah dhamaan mas’uuliyiintii ku balan sanaa in ay shirka soo xaadiraan, horay ayey u aheyd markii shirkan oo lagu balansanaa uu baaqday khamiistii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow soo gaaray Muqdisho ee caasimada dalka, si uu uga qeyb-galo shirka golaha wada-tashiga qaranka. Saciid Deni ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, iyadoona ay horey caasimada ugu sugnaayeen madaxa kale ee maamulada. Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furmo shirka arrimaha doorashooyinka ee dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, waxaana guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble. Arrimaha sida gaarka ah shirkan loogu lafo-guri doono waxaa ka mid ah diyaar-garowga doorashooyinka golaha shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka iyo dhammeystirka doorashada Aqalka Sare Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana Afisyoone oo uu shirka ka dhacayo ku sugan ciidamo Boolis ah iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Shirkan oo uu dib u dhac ku yimid furitaankiisa ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo la guda-galay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. The post Sawirro: DENI oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho iyo shirka doorashooyinka oo furmayo appeared first on Caasimada Online.
  7. Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni. Deni ayaa Muqdisho kaga qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka oo caasimadda uga furmayo madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Ra’iisul wasaaraha. Wafdiga Deni ayaa sidoo kale inta ay magaalada ku sugan yihiin waxa ay kulama la qaadan doonaan mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda iyo Siyaasiyiin kale. Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Nairobi)-Maxkamadda Racfaanka Kenya ayaa diiday qorshe ay dowladda ku dooneysay inay isbeddel ku sameyso dastuurka, taasi oo dhabarjab weyn ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo billaabay hindisahan muranka badan dhaliyey. Guddi ka kooban toddoba garsoore ayaa ayiday go’aan horey oo ay gaartay maxkamad kale, oo sharci-darro ku tilmaamtay hindisaha, go’aankan oo beddeli doona saaxadda siyaasadda Kenya, wax ka yar hal sanno ka hor inta aan loo dareerin goobaha codbixinta. Kenyatta ayaa ku dooday in hindisahan uu siyaasadda dalka ka dhigi lahaa mid loo dhan yahay, uuna soo geba-gebeyn lahaa rabshadaha doorasho ee dalka kusoo noqnoqday. Madaxweynaha Maxkamadda Danile Musinga ayaa go’aankan soo saaray kadib kulan qaatay 10 saacadood oo toos looga daawanayey taleefishinka. “Isbeddel dastuuri ah waxaa billaabi kara kaliya baarlamanka, ama hindise cod dadweyne,” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray in Kenyatta maxkamada madani ah lagula kori karo billaabidda hindisaha. Hindisaha lasoo jeediyey ayaa yimid kadib heshiis ay galeen Kenyatta iyo mucaaradkiisa muddada fog Raila Odinga. Hindisahan oo loogu yeeray BBI, wuxuu dib u qaabeyn ku sameyn lahaa hanaanka doorasho ee iminka oo ah, in cidda ugu codadadka badan ay qaadato xilka uga sarreeya dalka, wuxuuna awoodda baarlamanka iyo tan fulinta ka dhigi lahaa mid siman. Wuxuu sidoo kale abuuri lahaa jagada ra’iisul wasaaraha. Dadka dhalleeceeya qorshahan ayaa ku macneeyey mid Kenyatta, oo aan u ordi karin doorashada madaxweyne ee dhaceysa 9-ka August 2022, maadaama uu dhameystay labadiisa muddo xileed, u ogolaaneysa inuu xilka sii hayo isaga oo abuuraya jagada ra’iisul wasaraaha. Go’aanka Jimcihii soo baxay ayaa ogolaanaya in hanaanka doorashada dalka uu ku socdo jadwalkii loo dejiyey, haddii aan kiiska loo qaadin maxkamadda Sare ee dalka. Hase yeeshee hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka ayey u badan tahay inay dib uga fakaraan hindisaha, si ay isbaheysiyo siyaasadeed u dhisaan kahor doorashada sanadka dambe, maadaama waqtigu gabaabsi yahay. Source
  9. Kabul (Caasimada Online) – Ciidamo daacad u ah dowladdii la riday ee Afghanistan ayaa Jimcihii Taaliban dib uga qabsaday saddex degmo oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi maalmo uun kadib markii ay kooxdu dib u aas-aastay maamulkeedii dalkaasi. Warbaahinta bulshada ee taabacsan Taalibaan ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu ay dib uga gurteen gobolka Baghlan. Waxa ay sheegeen in ugu yaraan 15 dagaallamayaasha Taliban ah ay ku dhinteen 15 kalana ay ku dhaawacmeen waxa ay ugu yeereen dhabarjebinta cafiskii ay kooxdu u fidisay xubnaha dowladdii hore ee Afghanistan. Abdul Hamid, oo ah taliye maxalli ah ee koox lagu tilmaamay kacdoonka ka dhanka ah Taalibaan ayaa ku sheegay farriin muuqaal ah oo uu ka soo diray degmada Andrab in ciidamadiisu ay qarka u saaran yihiin degmo kale, islamarkaana wacad ku maray in uu qabsan doonaan gobolka Baghlan oo dhan. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in Taalibaan ay dalbatay ciidamo dheeri ah oo ka dagaalamaya degmada Andrab. Weerarkan ayaa yimid maalmo kadib markii Amrullah Saleh oo Madaxweyne ku xigeen u soo noqday Madaxweynaha sida iskiis ah isku musaafuriyay ee Ashraf Ghani uu ku dhawaaqay inuu abaabulayo ciidan xoogan oo iska caaybiya Taalibaan oo uu ka wado gobolka uu ka soo jeedo ee Panjshir. VOA The post Taalibaan oo dagaal looga dilay 15 xubnood, lagana qabsaday saddex degmo appeared first on Caasimada Online.
  10. (SLT-Hargeysa)- Horraantii 2018kii markii Xisbiga WADDANI duray Komishankii doorashada ee xilligaa, codsadayna in xilka laga qaado, iyadoo Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Goleyaasha Degaanku (Xeer Lr. 20/2001) uu si cad u waajibinayo in marka xaaladdaasi timaado uu Madaxweynuhu u magacaabo guddi baadhiseed oo madax-bannaan oo ka soo war-bixisa, war-bixinteedana uu ku go’aan-qaato, ayuu ku go’aan-qaatay aragtidiisii ahayd in Komishanku xafiisyadoodii dhisteen doorasho xor iyo xalaal ahna ay qabteen, uguna soo jawaabay Guddoomiyihii Xisbiga WADDANI in markuu intaa arkay aanay cabashada Xisbiga WADDANI sharciga waafaqsanayn. Hadda waxa suurto-gal ahayd in Guddida Baadhiseed war-bixinteeda ay sidaa Madaxweynuhu aaminsanaa ku keento, go’aankiisuna uu markaa noqodo isla kii uu qaatay, oo markaa ay khasab noqon lahayd in la aqbalo maadaama loo maray nidaamkii inoo yaalley. Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Goleyaasha Degaanka ee xilligaa (Xeer Lr. 20/2001) iyo ka haddana ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha (Xeer Lr. 91/2020) Qodobkiisa Xil-ka-Qaadista Komishanku wuxuu sidan qorayaa markaana sidan qorayey: “1. Xubnaha Komishanka waxa xilka lagaga qaadi karaa: a) Markuu jabiyo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay. b) Marka uu xilka gudan Kari waayo karti darro ama caafimaad darro awgeed. c) Marka uu ku kaco anshax-xumo, xatoyo, musuq-maasuq, eex IWM. 2. Marka arrimaha kor ku xusan yimaadaan waxa Madaxweynuhu u magacaabayaa guddi- baadhiseed madaxbanaan oo ka soo warbixisa si uu go’aan ugu qaato. 3. Xil ka qaadista Komishanka waxa awood u leh Madaxweynaha, waxase shardi ah in Golaha Wakiiladu ku ansixiyo xil ka qaadistaas cod hal-dheeri ah (simple majority).” Ku-dhaqmi-la’aanta qodobkaa xeer ee Madaxweynuhu ka doortay in uu markhaatiga uu ka ahaa sida Komishanku xilkiisa u gutey uu ku go’aan-qaataa dalka waxay gelisey muran dheeraaday oo wakhti badan ka lumiyey. Beryahan dambe Dugsiga Abaarso waxa lagu hadal-hayey in lagu soo marti-qaaday dad ku caan noqday ficillo diinteena iyo dhaqakeena khilaafsan, maalmahan dambena waxa soo raacay ka-hadalka jaamacad magaceeda lagu sheegay Barwaaqo University oo aan hore loo maqal, iyadoo jirtey muddo ay kaga qalin-jebiso dufcaddii ugu horeysey, laguna sheegay in ay ku xidhan tahay Dugsiga Abaarso oo labadooduba ku yaalla debedda magaalada Hargeysa qaybaha ay ka degaan Madaxweynuhu Beesha uu ka soo jeedaa. Jaamcaddaa Barwaaqo oo uu Madaxweynuhu kagala qayb-galay qalin-jebintii dufcaddeedii u horraysay, waxa lagaga war-helay in gabadha lagu sheegay in ay Jaamacadda ka madax tahay oo iyana joogtey munaasibaddaa qalin-jebintu ay tahay gabadh ku caan ah fidinta diinta Kiristaanka. Labadaa arrimoodba oo uu ummadda u soo ban-dhigay Cabdulmaalik Muuse Coldoon, dad kalena ka hadleen, halkii xukuumaddu la hubin lahayd ee ay baadhitaan kaga samayn lahayd, waxay go’aansatay in la xidho Cabdulmaalik oo hadda markii labaad arrimahaa u xidhan dhawr cisho. Madaxweynuhu wuxuu inoo sheegay in markii uu hadal-haynta lagu hayo Dugsiga Abaarso uu maqlay in uu halkaa tegey isagoo kelidii ah, oo uu ku soo arkay wax ummadda Somaliland iyo Islaamkaba u wanaagsan. Waxaan u arkaa in tegistiisa ay dhaami lahayd isagoo u dira guddi madax-bannaan oo arrintaa soo baadha dadka la hadal-hayana dib u raacda taariikh-nololeedkooda iyo dhaqankooda oo uu markaa war-bixintooda ku go’aan-qaato. Hadda Madaxweynaha oo isagu ah kii halkaa tegey ee warbixinta ka keenay iyo ka leh ka-go’aan-qaadashada arrintaasi waa iska Madaxweynaha; waana markhaati iyo go’aan-qaatihii oo isku qof ah. Cid kale oo warbixin tiisaa khilaafsan uga keeni doonta oo warkiisa beenisaana way adkaanaysaa. Warbixinta Madaxweynuhu halkaa ka keenay iyo sida uu uga hadlay, run ahaantii may noqon mid aan ku qanco, dad badina way ila qabi karaan sida aanu Cabdulmaalikba ugu qancin. Sida Madaxweynuhu arrinta u maamulay iyo xadhigga Cabdulmaalik waxay u muuqanayaan in Madaxweynuhu wax jira dambabasayo. Hadalkii gabadha lagu sheegay in ay madax ka tahay Jaamacadda Barwaaqo ay ka jeedisey xafladdii qalin-jebinta ee Madaxweyne Muuse joogey, waxay ku sheegtay in ardayda qalin-jebisey ay noqonayaan macallimiin wax ka dhiga dalkan Somaliland. Waxa la is-weydiin karaa khataraha ay inagu keeni karaan carruurteenaa wax inoo baratay haddii loo soo xambaariyo fikrado iyo hab-dhaqanno aan diinteenu oggolayn. Waxa la yidhi “Khayr wax kuma yeelo e shar u toog-haye” walaacaa laga muujinayo goobahaasi in dhug loo yeesho oo daba-gal iyo baadhis lagu sameeyo ayay mudan yihiin ee may ahayn in kii soo gadal-qaaday xadhig lagula deg-dego. Weliba caddaymo badan oo la soo dhigayo baraha bulshada ilaa shalay waxay taageerayaan in ay wax ka jiraan waxyaabahaa laga walaacsan yahay. Dhaarta dastuuriga ah ee Madaxweynaha lagu dhaariyeyey waxa ugu horraysa in uu “u yahay daacad diinta Islaamka ……”, isagaana ah qofka ugu sarreeya ee u xil-saaran ilaalinta iyo horumarinta ku-dhaqanka diinta Islaamka, siduu isaguba yidhi, ummaddii xilka u dhiibateyna way ku ilaashanaysaa. Anigoo Cabdulmaalik ku khilaafsan siyaabo badan oo uu u dhaqmo ama aragtiyo aan ka aaminsanay in uu qabo, waxaan qabaa in hadalladiisan khuseeya Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo ee la sheegay in ay ku xidhan tahay dugsigaasi, ay ka mid yihiin uun ku-ilaaliska ummaddu ku ilaashanayso xukuumadda gudashada xilka ay ummaddu u dhiibatey. Waxa qoraalkan kooban saaka igu kellifey hab-dhaqanka Madaxwrynaheena ee ah in uu wixii la isku khilaafo ama laga soo cawdo uu isagu ka noqdo markhaatigii iyo go’aan-qaatihii labadaba, iyadoo go’asnkiisuna mar walba taageerayo marag-furkiisa ah in waxaa laga cawday aanu jirin. Waxaan Madaxweynaha kula talinayaa: 1) in uu si dhakhso ah u amro in Cabdulmaalik Muuse Coldoon xorriyaddiisa loogu soo celiyo, 2) in uu si dhakhso ah u magacaabo baadhiseed oo madax-bannaan oo ka kooban culimo iyo aqoonyahanno si rasmi ah u soo baadha waxaa lagu hadal-hayo Dugsigaa iyo Jaamacaddiisa ee khuseeya hab-dhaqanka maamulkooda iyo dadka ay ku soo marti-qaadaan iyo waxa loo gudbiyo ardayda, 3) in Madaxweynuhu, xisbi gaar ahna ma aha, qabiil gaar ahna ma aha e waa Madaxwynihii ummadda e, uu ka fogaado wixii xaglin iyo difaac indho-la’aan ah ugu muuqan kara ummadda oo uu xaaladaha inala soo dersa dhex-dhexaadnimo iyo niyad-wanaag ku abbaaro, una abbaaro hab waafaqsan shuruucda dalka oo daah-furan, loona dhan yahay. Wa Billaahi Tawfiiq Waxa qoray, Xuseen Axmed Caydiid, oo ka mid ah Hoggaanka sare Xisbiga Waddani. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Joy Isa oo ah madaxweynaha jaamacada Barwaaqo ee Hargaysa, waa gabadh reer Nigeria ah, waa macalimad aqoonta heer sare ka gaadhay oo shahaadada doctorate degree ka diyaarinaysa kulliyada waxbarashada, waa gabadh soo maamushay dugsiyo badan, waana wadaadad diinta Masiixiga ku xeel dheer. Isa ayay hadal haynteedu baraha bulshada la wareegtay kadib markii Cabdimalik Muuse Coldoon, uu soo bandhigay in ay tahay wadaadad tabliiqi ah oo diinta Masiixiga faafisa, taasi oo bulshada muran badan oo u jeedada Isa ay Somaliland u joogto laxidhiidha ka dhex dhalisay bulshada, waxana la rumaysanyahay in sababta darteed Coldoon loo xidhay. Isa hada waa madaxweynaha jaamacadda Barwaaqo ee hablaha u gaar ka ah oo ah farac kamid ah dugsiga Abaarso, waxayna soo maamushay dugsiyo laga leeyahay Maraykanka iyo Ingiriiska oo ku yaala dalka Nigeria, dhanaca kale, waxay wakhtiyo kala duwan dadka ka wacdiyi jirtay kaniisada Elevation Church oo xarunteeda guud ku taalo magaalada Charlotte ee dalka maraykanka. Hadaba shakiga laga qabo u jeedada Isa ay Somaliland u joogto, ayaa cirka isku shareertay kadib markii qoraal lagu qoray barta Twitterka ee kaniisada Elevation Church xiligii ay Somaliland imanaysay lagu sheegay in Isa ay Somaliland u timid si ay dadka ku dhaqan u gaadhsiiso diinta Masiixiga. “Waxaanu u ducaynayna pastor Tunji oo ka shaqayn doonta qayb cusub oo kaniisadu ku yeelanayso dalka Ingriiska, iyo Joy Isa oo Somaliland u tagaysa howlo tabliiq (diin faafin). Allow hadee oo u fududee kuna xooji magaca Jesus (Ciisa)” ayaa lagu yidhi qoraalka kaniisada. Kadib markii qayla-dhanta Isa ka dhan ka ahi baraha bulshada buuxisay, ayay maanta markale kaniisadu qoraal ay soo saartay ku sheegtay in qoraal kii hore ee ahaa in Isa howlo diin faafin ah u imanayso Somaliland, uu ahaa qoraal si qalad ah kusoo baxay isla markaana Isa anay kaniisada ka shaqayn waligeed. Qaar kamid ah ardayda jaamacadda Barwaaqo, ayaa sheegay in anay arag Isa oo ka hadlysa arrimo la xadhiidha diinta ama diinta Masiixiga, lakiin inta badan ay kala hadasho in ay xor noqdaan, shaqaystaan iyo in ay raadsadaan xuquuqaha ka maqan. Shakiga ay bulshadu ka qabto shaqada Isa ayaa baraha bulshada laga dareemayaa, inskasta oo madaxweynaha Somaliland difaacay guud ahaan dugsiga Abaarso sheegayna in dad u jeedo kale lihi ka faafinayaan ku-turi-ku-teen. Isa ayaa shalay galabta ka dhooftay madaarka Cigaal sida lagu baahiyay Eryal TV. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaaraddeeda waxbarashada ayaa shaacisay in diyaarisay nidaam gaar ah oo loogu tala-galay in la marsiiyo jaamacadaha ku yaalla gudaha dalka, si loo hubiyo xagga tayadooda. Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) oo ka hadlayey arrimaha waxbarashada ayaa sheegay in nidaamka ay diyaariyeen ka wasaarad ahaan ay dhowaan gaarsiin doonaan jaamacadaha, ka hor doorashooyinka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay xirmi jaamacadaha qaar, gaar ahaan kuwa aan buuxin nidaamkaas iyo shuruudaha ay dajisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. “Waan wadnaa howsha jaamacadaha, ayaan dhaweed waxa aan sameynay ma dhisan yihiin nidaam ahaan waad aragteen waxa qaylo ka daba-dhacayay, kahor doorashada waxa aan qaybineynaa nidaam aan u diyaarinay Jaamacadaha oo jaamacaddii buuxin weysay waan xireynaa oo ma sii shaqeyn doonaan” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya. Cabdullaahi Carab ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in muhiimaddu ay tahay in ardayda Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho heer sare ah, isla-markaana tayo leh. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda jaamacadaha dalka inay ku dadaallaan tayada casharada iyo horumarinta maadooyinka ay dhigaan, si ay ardayda uga faa’iideystaan. Horey dowladda Soomaaliya ayaa u shaacisay jaamacadaha ku yaalla gudaha dalka ee aqoonsan tahay, waxaana ay soo saartay liiska jaamacadaasi oo ay ku qiimeyso nidaam ahaan xagga dhismaha, haatana waxa ay ka fakireyso dhanka tayada ee waxbarashada. The post Wasaaradda waxbarashada oo qaadeyso tallaabo culus iyo jaamacado la xirayo appeared first on Caasimada Online.
  13. Ciidamo daacad u ah xukuumaddii xilka wareejisay ee Afghanistan ayaa Jimcihii kooxda argagixisada ah ee Daalibaan dib uga qabsaday saddex degmo oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi maalmo uun kadib markii ay kooxdu dib u aas-aastay maamulkeedii. Warbaahinta bulshada ee taabacsan Maleeshiyada Daalibaan ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu ay dib uga gurteen gobolka Baghlan. Waxayna sheegeen in ugu yaraan 15 dagaallamayaasha Daalibaan ah ay ku dhinteen 15 kalana ay ku dhaawacmeen, iyaga oo intaa ku daray in arrinkan ay dhabarjebin ku tahay cafiskii ay kooxdu u fidisay xubnaha dowladdii hore ee Afghanistan. Sargaal lagu magacaabo Cabdul Xamiid, oo kamid ah Sarakiisha hogaamineeyso koox lamagacbaxday kacdoonka ka dhanka ah Daalibaan ayaa ku sheegay farriin muuqaal ah oo uu ka soo diray degmada Andrab in ciidamadooda ay qarka u saaran yihiin in ay gacanta ku dhigaan degmo kale, iyaga oo wacad ku maray in ay qabsan doonaan gobolka Baghlan oo dhan. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in maleeshiyada Daalibaan ay dalbatay ciidamo dheeri ah oo ka dagaalamaya degmada Andrab. PUNTLAND POST The post Daalibaan oo laga saaray saddex magaalo appeared first on Puntland Post.
  14. Waxaa saacadaha soo socda ee Maanta lagu wada in magaalada Muqdisho uu shir uga furmo madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada Dalka. Madaxda dowlad gobaleedyada dalka, Maamulka gobalka Banaadir iyo Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa shirka uga hadlayo sidii horay loogu sii wadi lahaa doorashooyinka dalka ka socda. Shirka oo ka dhacayo xarunta tababarka ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisyooni ayaa looga hadli doona Ajendayaal dhowr ah. Ajendayaasha shirka maanta ayaa waxaa ka mid ah : 1: Dhameystirka Doorashooyinka Aqalka Sare. 2: Raadinta qarashaadka doorashooyinka. 3: Diyaar garowga doorashada Golaha Shacabka 4: Diyaarinta Habraacyada doorashada. Si kastaba shirkan ayaa diiradda lagu saari doona dhameystirka dhamaan doorashooyinka Golayaasha Dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Waxaa magaalada Muqdisho ku soo qul qulaya wafuud ee horkacayaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka, kuwaas oo maanta lagu wado in uu shir uga furmo magaalada Muqdisho. Hadda ayaa waxaa magaalada ku sugan madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Galmudug, Jubbaland iyo koonfur galbeed, xilli saacadaha soo socda la filayo in ay soo gaaraan caasimadda Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Hirshabeelle iyo Puntland. Qoor-qoor, Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe oo labadi maalin ee la soo dhaafay Muqdisho soo kala gaaray ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho. Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta ku wada balansan in shir uga furmo xarunta tababarka ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisyooni halkaas oo ay kaga wada hadli doonaan Arrimaha doorashooyinka Dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmayo shirka golaha wada-tashiga qaran ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo sidoo kale gobolka Banaadir. Qaban-qaabadii ugu dambeysay ayaa haatan ka socota Muqdisho, gaar ahaan Teendhada Afisyoone, iyadoo caasimada ay haatan ku sugan yihiin inta badan hoggaamiyeyaasha maamullada, waxaana kaliya la sugayaa Saciid Deni oo ku soo wajahan Muqdisho. Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, waxaana guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxda ayaa si gaar ah shirkooda maanta ku lafo-guri doona Afar qoddob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah:- 1. Diyaar garowga doorashooyinka golaha shacabka 2. Diyaarinta habraacyada doorashooyinka 3. Raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka 4. Dhameystirka doorashada Aqalka Sare Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana nawaaxiga hoolka uu shirka ka dhacaya ku sugan ciidamo Boolis ah iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Shirkan oo uu dib u dhac ku yimid furitaankiisa ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo la guda-galay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Doorashooyinka ka dhacaya dalka ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana is jiid jiid dheer, kadib heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. The post Wararkii ugu dambeeyey ee furitaanka shirka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Muqdisho ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madax maamul goboleedyada, waxaa Rooble ku hortaalla su’aal weyn oo ah; ma xakameyn doonaa damaca siyaasadeed ee madax goboleedyada mise qeyb ayuu ka noqon doonaa? Shirkan ayaa waxaa horyaalla afar qodob oo weyn, hase yeeshee qodobka ugu muhiimsan, uguna cawaaqibka badan, ayaa ah midka la xiriira habraaca doorashada xildhibaanada golaha shacabka, oo madax goboleedyada ay isku dayayaan inay awoodda maamulka doorashada ugala wareegaan guddiga doorashada heer federal. Guddiga Doorashada heer Federaal, oo ka war-helay in madax gobleedyada ay damacsan yihiin inay soo saaraan habraac doorasho, ayaa ka hordhacay, waxayna 19-kii August soo saareen habraac doorashada golaha shacabka. Habraacan ayaa si weyn loogu xadiday awoodda madax goboleedyada, balse madax-goboleedyada ayaa hadda doonayaa in taas waxa laga beddelo, ayaga oo doonaya inay soo saaraan habraac doorasho oo awood badan siinaya iyaga. Qorshaha madax-goboleedyada ayaa ah inay doorashada golaha shacabka ka dhigaan mid la mid ah tii Aqalka Sare, oo si buuxda ay u lahaayeen go’aanka cidda noqoneysa senator iyo cidda aan noqoneyn. Ma jiraan awoodo madaxda maamul goboleedyada u siinaya inay soo saaraan habraac doorasho, haddii ay sidaas sameyn karaanna, waxay su’aashu tahay maxaa looga baahan yahay oo loo dhisay guddiyada doorashada? Ra’iisul Wasaare Rooble naftiisa ayaa mar horeba awood tiray guddiga doorashada markii uu sameeyey guddi kale oo xafiiskiisa ka dhisan oo qaabilsan raadinta dhaqaalaha doorashada, taasi oo aheyd shaqadii guddiga doorashad heer federal. Guddigaas ayaa durba gacanta kusoo dhigay 7.2 milyan oo ka mid ah dhaqaalaha doorashada, kadib heshiis ay la galeen beesha caalamka. Ayada oo la fahmi karo xasaasiyadda ay lacagta u leedahay siyaasiyiinta Soomaalida, ayey guddiga doorashada ka tanaasuleen qodobkan, balse waxaa weli socda dadaallada looga rifayo baalasho, laguna awood tirayo. Waxa ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah; cidda leh awoodda soo xulista ergada dooraneysa xildhibaanka. Madax goboleedyada ayaa doonaya inay kaalin ku yeeshaan xulista ergada, halka odayaasha qabaa’ilka, guddiga doorashada, midowga musharaxiinta iyo madaxweyne Farmaajo ay doonayaan in qabaa’ilka loo madax baneeyo. Madax goboleedyada qaarkood ayaa ku doodaya in guddiga heer federal badankiis ay yihiin kuwa ku xiran madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna ay tahay sababta ay u doonayaan in maamul goboleedya la siiyo awood dheeri ah, si looga hortago in Villa Somalia ay musuq-maasuqdo doorashada Golaha Shacabka. Ra’iisul Wasaare Rooble, oo maalmahan ay xiisad kala dhaxeysay madaxweyne Farmaajo, ayaa lagu warramay in madax goboleedyada qaarkood ay ka dhaadhicinayaan inay soo saaraan habraac doorasho oo ka duwan midka guddiga doorashada, taasi oo haddii ay dhacdo sababi karta xiisad siyaasadeed hor leh. Qodobka habraaca doorashada ayaa sidoo kale u muuqada inuu kala geeyey Midowga Musharaxiinta iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada oo horey xulufo u ahaa, ayada oo musharaxiinta ay aad uga soo horjeedaan in doorashada Aqalka Sare ay noqoto mid la mid ah tan Aqalka Hoose. Qoraal kasoo baxay shirkoodii Muqdisho ee toddobaadkii tegay ayey Musharaxiinta walaac xooggan uga muujiyeen sida ay ku bilowdeen Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan Aqalka Sare. Waxay sidoo kale toos fariin ugu direen madax goboleedyada ayaga oo dalbaday, in kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami-u-qabashada doorashooyinka. Rooble oo tan iyo markii uu hoggaanka doorashada la wareegay sumcad ku kasbaday dhex-dhexaadnimo iyo sida habsamida leh ee uu u maareeyey, ayaa qodobkan wuxuu u noqon doonaa mid sumcaddiisa kusii taagnato, ama lugaha u geliye fadeexad iyo musuq-maasuq siyaasadeed oo sanado badan laga sheekeeyo. The post Rooble qeyb ma ka noqon doonaa shirqoolka madax goboleedyada ay wadaan? appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online xog rasmi ah ku heshay, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar ayaa amar ku bixiyay in awood ciidan lagu joojiyo dhismaha dhul danguud ah oo ay Naafada Qaranka lahaayeen oo ku yaala nawaaxiga Dekadda Muqdisho, dhulkaas oo guddoomiye Cumar Filish ka dhisay baakinka gaadiidka ka shaqeeya dekadda Muqdisho. Taliye Xijaar ayaa guddoomiyaha ku amray joojinta dhismaha iyo xarig ka jarka, waxaana la sheegay in diidamada gobalka kadib taliye Xijaar ku amray in awood ciidan lagu joojiyo howsha halkaas ka socotay. Taliyaha qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir Farxaan Qaroole, oo guddoomiye Cumar Filish kula kulmay xaflad xil-wareejin ah oo ka dhacday degmada Heliwaa, aya u sheegay in la soo siiyay amar joojin ah balse uu diiday fulintiisa. “Waxaa ammar laygu siiyay inaa joojiyo shaqadii aad halkaas ka waday guddoomiye, anna waxaan dalbaday in warqada lagu cadeeyo inaa awood ciidan duqa Muqdisho oo ciidan wata uga joojiyo dhismaha socda waana ku dhiiran waayay taliyahayga,” ayaa laga soo xigtay Farxoon Qaroole, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa hadda bilaabay in uu lacag ku bixiyo in warbaahinta ka hadlaan Naafada Qaranka oo ay maamulka gobalka Banaadir ku eedeeyaan in uu dhulkaas boobay. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa dhowaan ammar ku bixiyay laba dhinaca ee Bari iyo Galbeed ee Dekadda Muqdisho barxado ku yaala lagu wareejiyo darbi lagana dhigo baakinka gaadiidka gala Dekadda Muqdisho oo jaam badan ka sameeyay waddooyinka Gobalka Banaadir. Ma cadda halka ay arrintan ku dhammaan doonto, balse sida muuqato ma huri doonto inuu soo farao-geliyo madaxweyne Farmaajo. The post Xog: Dagaal dhexmari rabay ciidamada Filish iyo Xijaar oo laga baajiyay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  19. PORTLAND, Ore. (KOIN) — A local nonprofit that serves African immigrants and refugees in Portland is bringing back their annual basketball tournament after taking a hiatus last year due to the pandemic. Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU (Xinhua) -- The Somali National Army (SNA) said Friday that its forces foiled two attacks by Shabab militants on its two bases in southern Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. (ERGO) – Najmo Abdullahi Qanso, a final year veterinary student at Benadir university in Mogadishu, took the bold step of setting up her own poultry farm earlier this year on the outskirts of the Somali capital’s Deynile district. Source: Hiiraan Online
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka Kenya ayaa diiday qorshe ay dowladda ku dooneysay inay isbeddel ku sameyso dastuurka, taasi oo dhabarjab weyn ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo billaabay hindisahan muranka badan dhaliyey. Guddi ka kooban toddoba garsoore ayaa ayiday go’aan horey oo ay gaartay maxkamad kale, oo sharci-darro ku tilmaamtay hindisaha, go’aankan oo beddeli doona saaxadda siyaasadda Kenya, wax kayar hal sano kahor inta aan loo dareerin goobaha codbixinta. Kenyatta ayaa ku dooday in hindisahan uu siyaasadda dalka ka dhigi lahaa mid loo dhan yahay, uuna soo geba-gebeyn lahaa rabshadaha doorasho ee dalka kusoo noqnoqday. Madaxweynaha Maxkamadda Danile Musinga ayaa go’aankan soo saaray kadib kulan qaatay 10 saac oo toos looga daawanayey taleefishinka. “Isbeddel dastuuri ah waxaa billaabi kara kaliya baarlamanka, ama hindise cod dadweyne,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in Kenyatta maxkamada madani ah lagula kori karo billaabidda hindisaha. Hindisaha lasoo jeediyey ayaa yimid kadib heshiis ay galeen Kenyatta iyo mucaaradkiisa muddada fog Raila Odinga. Hindisahan oo loogu yeeray BBI, wuxuu dib u qaabeyn ku sameyn lahaa hanaanka doorasho ee iminka oo ah, in cidda ugu codadadka badan ay qaadato xilka uga sarreeya dalka, wuxuuna awoodda baarlamanka iyo tan fulinta ka dhigi lahaa mid siman. Wuxuu sidoo kale abuuri lahaa jagada ra’iisul wasaaraha. Dadka dhalleeceeya qorshahan ayaa ku macneeyey mid Kenyatta, oo aan u ordi karin doorashada madaxweyne ee dhaceysa 9-ka August 2022, maadaama uu dhameystay labadiisa muddo xileed, u ogolaaneysa inuu xilka sii hayo isaga oo abuuraya jagada ra’iisul wasaraaha. Go’aanka Jimcihii soo baxay ayaa ogolaanaya in hanaanka doorashada dalka uu ku socdo jadwalkii loo dejiyey, haddii aan kiiska loo qaadin maxkamadda Sare ee dalka. Hase yeeshee hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka ayey u badan tahay inay dib uga fakaraan hindisaha, si ay isbaheysiyo siyaasadeed u dhisaan kahor doorashada sanadka dambe, maadaama waqtigu gabaabsi yahay. The post Qorshihii uu Uhuru Kenyatta ku noqon lahaa ra’iisul wasaare oo fashil la kulmay appeared first on Caasimada Online.
  23. The Ethiopian government on Friday denied claims by US aid chief Samantha Power that it was blocking aid into the war-torn region of Tigray. Source: Hiiraan Online
  24. A three-day public outreach meeting to drum up support for the adoption of a new, permanent Constitution of Somalia has concluded in Mogadishu, with a call to ensure that the views of youth, women, elders and persons with disabilities are taken into consideration when finalizing the document. Source: Hiiraan Online