-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cabdisalaan Dheemanka (bidix) iyo Cabdicasiis Diida (midig) Waxaa galabta la soo gabagabaynayaa tartanka ciyaaraha gobolada Puntlandd, waxaana ciyaarta kama-dambaysta (final-ka) dhexmari doontaa gobolada Nugaal iyo Haylaan. Waa ciyaar aad loo wada sugayo oo xiiso badan, gobolka Nugaal ayaa doonaya in uu markii saddexaad oo xiriiir ah qaado tartankan, halka gobolka Haylaan uu rabo in uu markii ugu horreysay ku guuleysto tartanka ciyaaraha gobolada Puntlandd. Labada gobolka ayaa horey isugu soo arkay heerkii bug-baxa ama guruubyada, waxaana markaas 2-0 ku adkaaday Nugaal, balse ciyaartan ayaa ka duwan tii hore, maadaam ay tahay kama-dambays. Waxyaabaha xiisaha leh ee laga xusi karo kalanka kama-dambaysta ciyaaraha gobolada Puntland, waxaa ka mid ah labo ciyaartooy oo walaalo ah oo u kala safan doona labada gobol. Cabdisalaan Cabdullaahi Salaad (Dheemanka) ayaa dhanka weerarka uga dheelaya gobolka Haylaan, halka walaalkii ka weyn Cabdicasiis Cabdullaahi Salaad (Diida) uu dhanka difaaca uga dheelayo gobolka Nugaal. Ciyaaryahanka Dheemanka oo ka mid ah ciyaartooyda ugu muhiisan Haylaan, ayaa markii hore kamid ahaa ciyaartooy loo soo xulay Nugaal, balse markii dambe laga reebay liiska ugu dambeeya. Dheemanka ayaa hadda ah ciyaartooyga ay ka cabsi qabto Nugaal in uu taabto shabaqeeda, maadaama uu yahay ciyaaryahan ciyaar yaqaana. PUNTLAND POST The post Labo ciyaartooy oo walaalo ah oo isaga hor imanaya kama-dambaysta ciyaaraha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga wadajir ah oo kala metalaya golaha wada-tashiga qaran iyo midowga musharixiinta ayaa lagu dhowaaqay, kadib markii xalay labada dhinac ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay doorashooyinka. Guddigan ayaa ka kooban illaa lix xubnood oo ka kala socda labada dhinaca, waxayna kala yihiin madaxweynayaasha Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), halka musharixiinta mucaaradka ay guddiga ku metalayaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Daahir Maxamuud Geelle. Ujeedka loo aas aasay guddigan ayaa ah sidii turxaan bixin loogu sameyn qodobada ay cabashada ka keeneen musharixiinta ee ku jira habraaca lasoo saaray ee doorashada. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday ayaa ka warbixiyey shaqada guddigan & kulankii u dhexeeyey labada dhinac ee qabsoomay. “Fariimo nooga yimid Golaha wadatashiga qaran ayaan ula fadhiisan Madaxda Dowlad-Goboleedyada, kaddib waxaa nagu soo biiray Ra’iisul Wasaaraha oo aan kawada hadalnay turxaan bixinta cabashooyinka aan ka qabnay habraaca doorashooyinka, ” ayuu yiri. Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa intaasi ku sii daray “Meelaha sida gaarka ah aan u tilmaamnay ee cabashadu ka taagan tahay waa qaabka xulista odayaasha dhaqanka, ergooyinka, lacagta diiwaangelinta, Bulshada rayidka kaalinta ay ka qaadanayaan, hubinta ergooyinka iyo qodobo kale oo culeys uu ka jiro”. Xubnaha labada dhinac ee guddiga ayaa isla maanta kulmaya, iyaga oo guda-galayo dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro tabashada midowga musharixiinta oo ka horjeestay qodobadkii kasoo baxay shirkii wada-tashiga ee magaalada Muqdisho. Si kastaba, is qab-qabsiga u dhexeeya mucaaradka iyo golaha wada-tashiga qaran ayaa ku soo beegmaya, xilli xasaasi ah oo la guda-galayo doorashada xubnaha golaha shacabka. The post Ujeedka iyo sida ay guddiga u kala qeybsadeen golaha wada-tashiga & mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkada DP World Iyo Maamulka Degmada Berbera ayaa mastaafuriyey Fasil Nasrudiin oo ahaa madaxa Nabadglayada ( Safetyga) ee shirkada Shafa alnahda uu dhisaysay Dekeda Cusub ee Berbera , faasil ayaa doonayey inuu si hoose ugu wareego dhinaca shirkada DP World kadib markii uu soo buuxiyey shaqada nabadlayada ( Safety) ee shirkada DP World . Ninkan oo u dhashay dalka hindiya ayaa mastaafurintiisa loo isticmaalay kadib markii ay cabasho ma muujiyeen dadka muwaadiniinta ah ee uu la shaqaynayey , waxaa lagu tilaamay inuu ahaa shakhsi xaalad abuur ah oo dhibi jiray shaqaalaha reer Somaliland ee ka hawlgalayey intii uu socday mashruuca dekeda cusub sidoo kale shirkada DP World ayaa balanqaaday inay fursad siinayso dhalinyarada aqoonta leh ee reer Somaliland. Source
-
Hey’adda cuntada adduunka FAO ayaa waxaa ay Cagaf-cagafyo, Gawaari iyo Mootooyin Siiyey Beeraleyda Soomaaliyeed, taasi oo lagu hormarinayo wax soo saarka beeraha iyo daad-gureynta dalagyada. Musharuucan oo uu maalgeliyey midowga Yurub ayaa la sheegayaa in wax looga qaban doono dhul beereedka aadka u weyn balse wax soosaarka yare e Soomaaliya. 4 Track, 12 Mooto iyo lix Cagaf-cagaf ayaa loogu talo-galay in beeraldeyga ay u isticmaalaan safar iyo agab ahaan intaba, si ay ugu qabsadaan hawlaha lagama maarmaanka ah. Mashaariicda midowga Yurub ayaa waxaa ay xoogga saaraan awoodsiinta beeraleyda, tababarkooda iyo arrimo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MA JIRO QOF SHARCIGA KA SAREEYAA Dugsiga Abaarso Tech qofka runta doonayow waa kan Dr Mujaahid Cabdisalaan oo hadii cidi ay xogogaal u tahay aanay jirin cid uga xogogaalsani. Ninka ka xishoon waayay in ceeb iyo fadeexad uu og yahay in isagu uu abuuray kula kaco dugsiga ugu heerka sareeya Somaliland ee aan xumaan waxba ula hadhin ardayda wax ka barata iyo macalimiintooda xaq baa loogu leeyahay in la dacweeyo oo maxkamad la hor geeyo. Hadii uu cadaymo u hayo wixii uu ka sheegay Dugsiga iyo ardayda wax ku barata iyo macalimiintoodaba xaq buu u leeyahay in uu isku difaaco. Hadii kale waa in sharciga la mariyo ciqaabta uu mutaystana uu helaa. Qofka ka soo hor jeeda Madaxwayne Muuse iyo xukuumadiisu golaloolooyinka maamul iyo siyaasadba xaq buu u leeyahay in uu ka hadlo iyo in uu ku cambaareeyo waayo xilalka ay hayaan ayuu ka mid yahay dadka ay u hayaan.Laakiin ta Coldoon maaha sidaa ee way ka duwan tahay wax loogu dulqaadan karana maaha xumaantiisu oo hadii aan wax laga qaban waxay gaadhi in qof waliba isagu sharciga gacanta ku qaato Waxa Qoray Cali Gurey Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka waxbarashada Somaliland Axmed Maxammed Diiriye (Toorno), ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay eedaha loo jeedinayo, macalimiinta Shabakada Abaarso, waxaanu sheegay in caddayn laga rabo cidii tidhi diin kale ayaa lagu dhigaa dugsiyada Abaarso. “Diinta, dalka iyo dad nimada midna iib ma galo, isku riix riix iyo isku ceebayna ma galo, isagay u taala ninkii mucaarad nimo iyo hebel ku xumee u isticmaalaya, ninka leh diin kale ayaa Somaliland lagu dhigaa isaga ayaa caddayn teedi laga rabaa” ayuu yidhi wasiir Toorno. Wasiirka ayaa wax lala yaabo ku tilmamay eedeeynta isdaba jooga ah ee uu Cabdimalik Muuse Coldoon sanadihii u danbeeyay u jeedinayay dugsiga Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo, wuxuna sheegay in dugsiyada Somaliland aan lagu dhigan diin aan ka ahayn ta Islaanka. “Waxan doonayaa in aan halkan bulshada uga caddeeyo dugsiyadeenu in ay yihiin meelo diinta Islaanka lagu barto, ee anay ahayn meelo diin kale lagu barto, waxa cajiiba inan kaliya ayaa 10 kii sano ee ugu danbeeyay dugsi qudha dusha ka saarnaa” ayuu yidhi wasiir Toorno. Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa marar kala duwan Shabakada Abaarso ku eedeeyay in maamulkoodu diinta Masiixiga ku dhex faafinayo ardayda wax ka barata dugsiga iyo jaamacadda shabakadu leedahay, taasi oo bulshadu ay ku kala qaybsantay xaqiiqnimada sheegashada Coldoon. Source
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo saaka aroortii hore dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Camaara ee gobolka koonfurta gobolka Mudug. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa daaraawiishta Galmudug ee ku sugnaa deegaanka la weeraray oo ah mid istaraatiiji ah. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay khasaaro lixaad leh gaarsiiyeen dagaalyanada kooxda Al-Shabaab ee soo weeraray, isla-markaana ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa iyana guullo ka sheegatay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana ay shaacisay inay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Camaara. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay ina qabsatay 14 gaari oo 12 ka mid ah ay yihiin Tikniko, halka labada kale ay yihiin BG xamuul ah iyo booyad, sida ay hadalka u dhigtay. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa koonfura gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxaa soo wajahay cabsi xoogan, maadaama lagu kor dagaalamayo, markastana ay suuragal tahay inay dib isugu rogaal celiyaan labada dhinac. Camaara ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee ay la wareegeen ciidamada huwanta ee howl-gallada ka wada deegaanada maamulka Galmudug. The post Al-Shabaab oo weerar ku bilowday is-miidaamin ku qaaday deegaanka Camaara appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Eritrea)-Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu cunaqabateyn ku soo rogay hoggaamiye sare oo ka tirsan millatariga Eritrea kadib markii uu ku kacay xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha intii uu socday dagaalka ka socda Tigray. Hanti-dhowrka Mareykanka ayaa ku eedeeyay ciidammada ka amar qaata General Filipos Woldeyohannes oo ah Taliyaha Ciidanka Difaaca Eritrea (EDF) inay geysteen xasuuq dhac iyo xadgudubyo galmo. “Cunaqabatayntaas awgeed, dhammaan hantida uu leeyahay Gen Woldeyohannes waa la xannibayaa, ganacsi kasta oo ay ku leeyihiin Mareykankana waa mamnuuc.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Hantidhowraha Maraykanka. Bayaan uu soo saaray agaasimaha xafiiska xakamaynta hantida shisheeye Andrea Gacki, ayaa ugu baaqay Eritrea inay ciidamadeeda kala baxdo Itoobiya, wuxuuna ku boorriyay dhammaan dadka ku lugta leh colaadda inay bilaabaan wadahadallo nabadeed. “Waaxda Maaliyaddu waxay sii wadi doontaa inay tallaabo ka qaaddo kuwa ku lugta leh xadgudubyada halista ah ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee adduunka oo dhan, oo ay ku jirto gobolka Tigray ee Itoobiya,” ayay tidhi Andrea Gacki, oo ah agaasimaha Xafiiska Waaxda Hantida Dibadda ee waaxda. Hase yeeshee Dowlada Eritrea ayaa si carro leh u diiday go’aanka iyo eedeymaha loo soo jeediyay. “Dowladda Eritrea waxay diidday, warqad ahaan iyo ruux ahaanba, eedeymaha gabi ahaanba aan sal iyo raad -lahayn ee loo soo jeediyay,” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea. “Marka la eego eedeymaha soo noqnoqda ee aan loo meel dayin, Eritrea ma aamusin karto. Xaaladaha jira, Eritrea waxay ugu baaqaysaa Maamulka Mareykanka inay kiiska u keenaan garsoore madaxbannaan haddii ay dhab ahaantii hayso xaqiiqo ay ku caddeynayso eedeymaha beenta ah.”ayaa lagu yidhi qoraalka. Dowlada Eritrea oo saaxib la ah dowlada Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay ciidamo geysey gobolka Tigrey halkaas oo ay gabood falo ka geysteen. Source
-
Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Ra’iisul wasaaraha dalka, Madaxda dowlad gobaleedyada iyo Xubnaha midawga Musharixiinta. Kulankan oo ahaa mid casho sharaf ah oo uu sameeyay madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Qoorqoor ayaa looga wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin Habraacyadii dhawaan ay soo saareen golaha wadatashiga Qaranka, kuwaas oo midawga musharixiinta ay ka soo horjeysteen. Madaxda oo saacado badan is hor fadhisay ayaa aan la shaacin weli waxa ka soo baxay kulankooda, wararka qaar ayaa sheegay in sidoo kale saaka lagu wado xubnaha xalay kulmay qaar ka mid ah ay kulama yeeshaan. Kulanka xalay ayaa sidoo kale la isku raacay in la joogteeyo kulama looga arin sanayo doorashooyinka si loo xaliyo dhamaan Tabashooyinka jira. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Eritrea, kaas oo ay ku eedeysay in uu qeyb ka ahaa gabood faladii ka dhacay Gobalka Tigrayga intii lagu guda jiray dagaaladii qaraara ee ciidamada Dowladda iyo Xisbiga TPLF u dhaxeeyay. Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in Jeneral Filipos Woldeyohannes, oo ah madaxa shaqaalaha ciidamada Eritrea, ayaa la sheegay in uu mas’uul ka ahaa kufsi, dhac iyo dilal ka dhacay gobalka. Generalka ayaa sidoo kale lagu eedeyay in uu amray dad dilka dad shacab ah oo lagu dilay Tigrayga ee dalka Itoobiya. “Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay hoggaamiye ka tirsan Ciidamada Difaaca Eritrea oo la xiriira xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay Itoobiya. Waxaan ku boorinaynaa Eritrea inay ciidamadeeda kala baxdo Itoobiya iyo in dhammaan dhinacyada isku haya ay u hoggaansamaan xabbad -joojin wada xaajood ah oo ay joojiyaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha”, ayuu yiri Xoghayaha guud ee arimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(ERGO) – Desperate for water for his family and ailing livestock, Ahmed Abdi moved from the rural areas of Dollow Bay district in Afder zone to the village of Bohol Arus, after losing 73 of his 105 goats and sheep due to lack of pasture and water. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's military chief, General Odawa Yusuf Rage, met with his Ethiopian counterpart, General Berhanu Jula, in Addis Ababa on Monday to discuss security cooperation between the two East African neighbours. Source: Hiiraan Online
-
Wararka naga soo gaarayo deegaanka Camaara ee hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in waaberigi hore ee saaka xubna ka tirsan Ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka. Deegaanka Camaara oo maalmo ka hor ciidamada Dowladda ururka Al-shabaab kala wareegen ayaa la sheegay in ciidamadi halkaas ku sugna ay iska caabiyeen Shabaabki weerarka soo qaaday. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale sheegay in ay xaaladda deegaanka hadda ay tahay mid tagan, kadib saacado koobaan oo dagaal uu labada dhinac saaka ku dhaxmaray. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Ciidamada dowladda iyo Ururka Al-shabab ku dhax maray deegaanka Camaara. Sikastaba Camaara ayaa ka mid ah deegaanada Muhiimka ah ee gobalka Mudug kuwaas oo ay inta badan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda isku dagaalaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirkii ay Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho, 21-kii iyo 22-kii bishan, waxa ay ku heshiiyeen hab raaca doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee soo aaddan. Shirkaas ayey madaxda ku sheegeen in ay ku dhammaystirayaan go’aannadii midkii ay yeesheen 29-kii bishii June. Waxay sheegeen in kullankan ugu dambeeyay uu yahay mid ay si gaar ah ugu dhammaystirayaan habraacyada doorashada. Arrimaha ay madaxdii shirtay ka wadahadleen waxaa ka mid ahaa, habraacyada dhiirrigelinta daahfurnaanta, maamulka maaliyadda, xulista ergada, amniga doorashada iyo habraaca ilaalinta qoondada haweenka. Sidoo kale waxay madaxda isla soo qaadeen in habraaca doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland xal laga gaaro. Haddaba qodobadii ay madaxda ku heshiiyeen waxaa ka mid ah dhowr arrimood oo guux badan ka dhex abuuray qaar ka mid ah musharraxiinta xilka madaxtinimada Soomaaliya u loolamaya, kuwa u tartamaya Golaha Shacabka iyo odayaashii soo xuli lahaa ergada xildhibaannada cusub soo dooranaysa. 1 – Xulista ergooyinka doorashada iyo kooramka Madaxda Golaha Wadatashiga waxa ay isku raaceen in ergada doorashada ee 101-da ah ee dooranaya xildhibaannad Golaha Shacabka, ay soo xuli doonaan odayaasha dhaqanka ee ka diiwan gashan dowlad-goboleedyada iyo bulshada rayidka ah, iyadoo ugu dambayntana ay hubin doonaan Guddiga Doorashada ee heer dowlad goboleed. Arrintaas waxay meesha ka saaraysa dowrka odayaashii 135-ta ahaa ee ka diiwaangashanaa heer federaal kuwaas oo udub dhexaad u ahaa doorashadii Soomaaliya ee middan ka horraysay. Qodobka kale ee doodda dhaliyay waa in xubnaha bulshada rayidka ee ka mid noqonaya ergada ay soo xuli doonaan Guddiga Doorashada ee heer maamul goboleed, arrintaas oo dadka heshiiska naqdinaya ay ku doodayaan in maamul goboleedyada ay ku takri fali karaan awooddaas. Haweenka ayaa loo asteeyay in ugu yaraan 30% ay ka noqdaan ergada, halka ergada Banaadiriga iyo Somaliland ee ka codeynaya Muqdisho ay soo xulayaan odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee la isla ogolyahay. Ergadaas waxaa ugu dambeyn hubinaya guddiga maamulka doorashada Somaliland iyo Banaadiriga, halka xafiiska Ra’iisal Wasaaraha uu kor joogtaynayo qodobkaas. Qodobka kale ee doodda dhaliyay waxaa midka la xiriira kooramka codbixinta ergada oo ay madaxda ku sheegeen inuu ansax ku noqonayo marka ay joogaan ugu yaraan saddex meelood labo meel (2/3) ka mid ah ergada. Arrintaas waxaa dood ka muujiyay qaar ka mid ah jifooyinka wadaaga kuraasta, iyagoo sheegay in “ciddii aanan hannaanka ku qanacsanayn si fudud loogaga tegi karo.” 2 – Amniga doorashada iyo kaalinta sirdoonka maamul goboleedyada Sida ku cad heshiiska ka soo baxay shirkii labada maalmood u socday madaxda maamul goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Rooble; waxay ku isla qaateen in la diyaariyo ciidan u gaar ah amniga doorashada ee dhammaan goobaha ay ka dhacayso, iyadoo guddiga amniga doorashada ay tahay in uu diyaariyo qorshaha hawlgalka lyo miisaaniyadda amniga doorashada. Guddigu wuxuu qaadayaa khidmada warqada dambi la’aanta ee musharaxiinta iyo ergada, iyadoo musharrax kasta ay tahay inuu bixiyo $750, halka musharixiinta dumarka ah ay bixin doonaan kala bar kharashkaasi. Sidoo kale, khidmada warqada dambi la’aanta ee ergada waxaa looga qaadayaa $30 qof kasta. Ciidammada maamul goboleedyada ayaa baari doono musharraxiinta iyo ergada, halkaas oo ciddii ay u gartaan in aanay dambi lahayn ay siin doonaan shahaado caddeyneysa, halka ciddii ay u arkaan in ay dambi gashayna ay awood u leeyihiin in ay liiska ka reebaan doorashada ama ergada ka reebaan. Arrintaas waxaa walaac ka muujiyay qaar ka mid ah musharraxiinta xilalka kala duwan u orday. Waxa ay ku doodayaan in aanay caddayn sida lagu xaqiijin karo in qofkan uu dambi galay iyo inkale, halka dadka qaar ay ku doodayaan in dadka qaar loo bartilmaameedsan doono arragtiyihii ay madaxda maamulka gobolka ka qabeen. 3 – Maamulka dhaqaalaha doorashada Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in ay dhisaan guddiga maamul dhaqaalaha doorashada oo ka kooban heer federaal, heer maamul goboleed iyo xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. Heshiiska waxa uu dhigayaa in la furo hal xisbaab bangiyeed oo guddigaas uu leeyahay, iyagoo dejin doono qoondada kharashaadka doorashada ee heer maamul goboleed. Arrintaas oo qaar ka mid ah dadka naqdiyada siyaasadda Soomaaliya ay ka digayaan in kharashka doorashada loo adeegsado si aan habboonayn amaba lagu takri falo. 4 – Kaalinta guddiga doorashada heer Federaal Sida ku cad heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, Guddiga doorashada ee heer federaal ayaa u muuqdo in dhinaca lagaliyay. Heshiiska soo baxay xalay kuma cadda dowrka guddiga heer qaran, waxaana lagu koobay kor joogtayn iyo bixinta shahaadada heer federaal ee xildhibaanka la soo doorto oo keli ah, iyadoon meelnaba aanan looga sheegin kaalinta ay ka qaadanayaan xulista ergada iyo doorashada xildhibaannada. Dhawaan ayey aheyd markii guddigaasi uu soo saaray habraaca doorashada Golaha Shacabka, taas oo ay ku caddayd in odayaasha dhaqanka ee 135-ta ah ay leeyihiin awoodda soo xulista ergada doorashada, middaas oo ay ka hor yimaadeen qaar ka mid ah isla guddigaasi. Golaha Wadatashiga Qaran ee ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxda maamullada iyo Gobolka banaadir, waxay u muuqdaan in ay habraacaasi iska indha tireen, ayna mid hor leh oo u gaar ah keeneen. Illaa haddana wax war ah kama soo bixin gudoonka guddiga doorashada ee heer qaran. 5 – Awoodda la siiyay madaxda maamul goboleedyada Markii si dhaw loo darso heshiiska ay magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, waxaa soo baxaysa in inta badan qodobadda heshiiskaasi uu awoodda doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka, gacanta u galiyay madaxda maamul goboleedyada. Qodobbada sida wayn loo soo qaadayo waxaa ka mid ah in madaxda maamul goboleedyada ay leeyihiin awoodda soo xulista bulshada rayidka ah, iyo in odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada kale ay yihiin kuwa u diiwaangashan maamul goboleedyada, arrintaas oo ay saamayn badan ku yeelan karaan. Ammaanka doorashada iyo baaritaanka ergada iyo musharraxiinta ayaa ah qodob kale oo madaxda maamul goboleedyada ay awood u leeyihiin gacan ku hayntiisa. Waxaa kale oo qeyb ay ka yihiin maamulka miisaaniyadda doorasshada ay awood ku leeyihiin. 6 – Aragtida Midowga Musharrixiinta Midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay heshiiska ay Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ku gaareen magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed ka soo baxay golaha Midowga Musharrixiinta oo Muqdisho ku shiray waxay sheegeen in ay diidayaan habraaca la soo saaray ee shirkii Muqdisho uga socday madaxda ay kaga heshiiyeen. Qoraalka waxaa lagu yiri: “Goluhu wuxuu si adag u diidayaa habraacii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ku aaddan doorashooyinka mudanayaasha Golaha Shacabka, gaar ahaan qodobbada la xariira Oday dhaqameedka, magacaabista bulshada rayadka ah, xulista, xaqiijinta, dabagalka iyo diiwan gelinta ergooyinka oo dhamaantood gacanta loo geliyey madaxda dawlad Goboleedyada.” “Goluhu wuxuu u arkaa habraaca doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka soo baxay Golaha Watashiga in uu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo oo dhigaya in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad ah, xor iyo xalaalna ah.” Isha: BBC Somali The post Waa kuwan shanta qodob ee lagu inqilaabay doorashada dalka ee carada dhaliyey appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho keentay saraakiiahii hogaamineysay ciidamada Cabdrashiid Xasan Cabdinuur Janan. Saraakiisha Muqdisho la keenay ayaa waxaa kamid ah Rashiid Bool, Cali Xasan Deer iyo saraakiil kale, waxaana tiradooda lagu sheegay 16 Sarkaal oo muhiim u ahaa howlgalka Cabdirashiid Janan. Saraakiishaan oo laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ayaa lagu xareeyay xero Nac-Nac, waxaana la sheegay in dhowaan u bilaaban doono tababaro Sarkaalnimo, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya. Saraakiishaan laga soo dejiyay Muqdisho ayaa la sheegay in ay ku soo baxaan ammar uu Muqdisho ka bixiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhacay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana sidoo kale la filayaa in ay la kulmaan dhowaan. Wasiirkii hore ee amniga ee maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa hore heshiis ula galay dowladda Soomaaliya inkastoo uu maalmo ka hor uu ka soo muuqday dhinaca mucaaradka, isagoo sheegay in uu yahay Murashax Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in khilaaf soo kala dhex-galay Villa Somalia iyo wasiir Janan uu sabab u ahaa in uu ka baxsado Villa Somalia oo ku heysay cadaadis badan. Khilaafka ayaa la sheegay inuu ka dhashay ballamo dhowr ah oo looga baxay Janan, kuwaas oo loo sameeyey markii uu kasoo goostay dhanka Jubaland, ayada oo ay sii dheer tahay in cadaadis iyo xanibaado badan uu la kulmay. The post Xog: DF oo XAMAR keentay SARAAKIISHA hoggaamisa ciidanka Janan + Qorshaha appeared first on Caasimada Online.
-
Cadho ka dhalatay hadallo ku saabsan Dumarka oo ka soo dulduulay Haweenayda Madaxweynaha ka ah Dalka Tanzania Madaxweyne Samia Suluhu Hassan waxay xilka la wareegtay bishii March Madaxweynaha dalka Tanzania ayaa lagu canbaareeyay hadal ay ku sheegtay in dumarka kubadda ciyaarada ee waddankaas ay leeyihiin “xabad fidsan” iyo in aysan lahayn qurux lagu guursan karo. Samia Suluhu Hassan ayaa hadalkan carada weyn dhaliyay jeedisay xilli ay martigalineysay kooxda kubadda cagta ee ragga ee ay da’dooda ka hooseyso 23-ka sano. Waxay ciyaartoyda ku qaabishay xarunta madaxtooyada ee magaalada Dar Es Salaam. Samia oo 61 jir ah waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee abid madaxweyne ka noqota Tanzania. Dhawaan waxay BBC-da u sheegtay in ay jiraan dad ka shaki qaba inay madaxweyne noqon karto, maadaama ay dumar tahay. “Xitaa shaqaalaha dowladdeyda ayaa markii ugu horreysay igu diiday haweennimo, balse durbadiiba way aqbaleen hoggaankeyga,” ayay tiri Ms Samia. Samia waxay markii hore ahayd madaxweyne ku xigeenka Tanzania Hase yeeshee hadalkeeda ugu dambeeyay ayaa aad loogu dhaleeceeyay. “Hadalka ay madaxweyne @SuluhuSamia ka sheegtay dumarka kubadda cagta ciyaara waa mid bahdil ku ah dhammaan haweenka,” ayay tiri Catherine Ruge, oo ah madaxa garabka dumarka ee xisbiga mucaaradka, Chadema, horayna usoo noqotay xildhibaan. Haweeneyda sameysa cilmi baarista jinsiga iyo caafimaadka maskaxda, @Sajokm, ayaa iyaduna sheegtay in ay aad “uga naxday” hadalkaas. Dad kale oo aad u badan ayaa sidaas si la mid ah baraha bulshada ugu canbaareeyay madaxweyne Samia. BBC-da ayaa isku dayday in ay la xiriirto mas’uuliyiinta xiriirka kubadda cagta ee Tanzania, si ay arrintan uga jawaabaan. So all those cheering a female presidency who don’t understand Swahili, @SuluhuSamia is denigrating female football players for having “flat chests” and thus lacking attractive features necessary to get married You must be proud @AWLNetwork #Tanzania pic.twitter.com/FEYCdqqQmB — Maria Sarungi Tsehai (@MariaSTsehai) August 22, 2021 Maxay tiri Samia? Madaxweynaha Tanzania ayaa sheegtay in dumarka kubadda cagta ciyaara ay farxad badan iyo magac usoo jiidaan dalalka Bariga Afrika, koobab badanna kusoo guuleystaan, balse qaarkood aysan heli karin fursadda guurka qaabka ay u ekaadeen dartiis. “Haddii aan halkan isugu keenno oo aan saf gelinno, kuwa xabadkooda uu masaxan yahay waxaad moodeysaa inayba rag yihiin – dumar ma moodeysid,” ayay tiri. Waxay sheegtay in dumarka ciyaaraha qaarkood la guursaday, laakiin intooda badan aysan helin wax aroosa, “sida uu muuqaalkooda u ekaaday awgiisna, nolosha guurka ay u tahay riyo oo kaliya”. Meel kale oo khudbaddeeda ka mid ah ayay ku sheegtay in dadka ciyaaraha ay ku nool yihiin nolol adag marka ay xirfaddooda howlgab ka noqdaan, waxayna wasaaradaha ku shaqada leh ka codsatay in la xannaaneeyo marka ay howl gabaan. Waxay hoosta ka xariiqday in dumarka ay si gaar ah nolosha ugu dhibaatoodaan “iyagoo lugahooda ay ku daaleen ciyaaraha, da’duna ay ka daba timid”. Madaxweyne Samia waxay xilka qabatay bishii March, iyadoo badashay madaxweynihii hore, John Magufuli, oo u geeriyooday wadne xanuun. Waxaa madaxweynahaas si weyn loogu xasuustaa inuu iskuulka ka mamnuuci jiray haweenka uurka leh iyo hooyooyinka. Qaran News
-
Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sii kala fogaanaya laba toddobaad kadib markii uu si rasmi ah usoo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya. Khilaafkan ayaa billowday kadib markii Farmaajo uu soo saaray wareegto u muuqata in lagu beegsaday Rooble oo lagu sheegay “in laga reebay xukuumadda iyo hay’adaha dowladda inay galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalka, iyo ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.” Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Farmaajo ugu jawaabay una sheegay in awoodaha fulinta dalka ay leedahay xukuumadda, ayna la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye. Rooble ayaa kadib markii uu tegay Kenya muujiyey in khilaafka laga heshiiyey, isaga oo kulan uu la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ku yiri “Doqontu halkii laga dagaal un bey ogeyd.” Si kastaba, waxaa hadda muuqata in khilaafkaas aan weli xal laga gaarin, islamarkaana ay suurta-gal tahay inuu kasii daray, kadib markii tallaabooyin uu qaaday Rooble ay muujiyeen heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka kala dhaxeeya Farmaajo. Ra’isul Wasaare Rooble ayaa fiidnimadii Khamiistii ka baaqday oo aan qeyb galin casho sharaf uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday u sameeyey mas’uuliyiinta Turkishka ee ku sugan Muqdisho, xilli loo dabaal-degayey sannad-guuradii 10-aad ee kasoo wareegtay iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga. Rooble oo safar uu ku aaday dalka Masar kasoo noqday subaxnimadii Khamiista ayaa, sida aan xogta ku helnay, iska diiday inuu ka qeybgalo xafladda sababo loo maleenayo inay xiriir la leedahay khilaafkii soo kala dhex galay labada mas’uul. Sidoo kale, ra’iisul wasaare Rooble ayaa ogolaaday habraac doorasho oo gadaal ay ka riixayaan madaxda mamaul goboleedyada oo la laga soo saaray shirka Muqdisho. Habraacan oo la xiriira doorashada xildhibaanada golaha shacabka, ayey madax goboleedyada ay isku siiyeen awoodda maamulka doorashada, kalana wareegaan guddiga doorashada heer federal. Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa lagu warramay inuu dagaalka uu Farmaajo kula jiro dartiis uu u ogolaaday habraacan, si loo beegsado awoodaha fulineed ee guddiga doorashada heer federaal. Rooble ayaa mar horeba awood tiray guddiga doorashada markii uu sameeyey guddi kale oo xafiiskiisa ka dhisan oo qaabilsan raadinta dhaqaalaha doorashada, taasi oo aheyd shaqadii guddiga doorashad heer federal. Madax goboleedyada qaarkood ayaa ku dooday in guddiga heer federal badankiis ay yihiin kuwa ku xiran madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna ay tahay sababta ay u doonayaan in maamul goboleedya la siiyo awood dheeri ah, si looga hortago in Villa Somalia ay musuq-maasuqdo doorashada Golaha Shacabka. Sidaas darteed, si uu Farmaajo u beegsado ayuu Rooble ogolaaday habraacan, taasi oo dhabarjab ku noqon doonta qorshaha doorasho ee Farmaajo. Dhacdooyinkan ayaa muujinaya xiriirka sii xumaanaya ee Farmaajo iyo Rooble, xitaa iyadoo dalku isku diyaarinayo qabashada cod-bixinta baarlamaanka, waxayna tani saameyn ku yeelan kartaa rajada dib u doorasho ee Farmaajo. The post Xog: Xiisadda Farmaajo iyo ROOBLE oo kasii dareysa appeared first on Caasimada Online.
-
Maraykanka oo Cunoqabatayn ku soo rogay Taliyaha Ciidamada Eritrea Maraykanka ayaa sheegay in uu cunoqabatayn ku soo rogay taliye sare oo ka tirsan ciidamada Eritrea oo lagu eedeeyey “gabood fallo ba’an oo xuquuqda aadanaha ah” oo dhacay inta ay socotay colaadda ka oogan Tigray. Wasaaradda maaliyadda ayaa ku eedaysay ciidamada hoos taga taliyaha guud ee ciidadama dalka Eritrea, Jeneraal Filipos Woldeyohannes, in ay faleen xasuuq, fadhataysi iyo kufsi. Cunoqabataynaas wax aka mid ah in la xayiro dhamaan hantida u leeyahay Jen Woldeyohannes iyo sidoo kale in Maraykanka laga mamnuuco shirkadaha xidhiidhka ganacsi la leh. Warbixin uu soo saaray agaasimaha xafiiska dabogalka hantida shisheeyaha ayaa Eritrea ugu baaqday in ay ciidamadeda kala baxdo Itoobiya waxaanay ku booriday dhinacyada colaadaas ku lugta leh in ay bilaabaan wadahadallo nabadeed. Article share tools Qaran News
-
Ninkii Mareykanka u leyn jiray Taliban oo hadda u shaqeynaya Taliban 20-kii sano ee lasoo dhaafay dalka Afghanistan iyo meelo kale oo ka tirsan caalamka waxaa caan ka ahaa nin lagu naaneysay “Baldoosarka reer Afghanistan”. Mareykanka ayaa ninkaas la kaashanayay dagaalka ka dhanka ah ururka Taalibaan, waxaana uu ka mid ahaa shaqkhiyaadkii ugu horreeyay ee gacan saarka la sameystay Washington. Isla ninkaas hadda waxa uu noqday “Baldoosarka Taliban” waxaana uu u adeegi doonaa danahooda. Gul Agha Sherzai waxa uu horay u ahaan jiray xubin ka tirsan laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Sidoo kale waxa uu ahaan jiray hoggaamiye kooxeed dagaal ooge ah. Horay waxaa kale oo uu usoo noqday barasaabka gobollada Qandahaar iyo Nangarhar ee waddanka Afghanistan. 20-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa lagu tilmaami jiray “ninka Mareyknaka u leyn jiray xubnaha Taliban”. Laakiin maalintii Axadda ayuu u dhaartay Taalibaan lafteeda, waxaana uu ballan qaaday in uu iyaga daacad u ahaan doono. Mas’uuliyiinta Taalibaan waxa ay sheegeen in Gul Agha Sherzai uu qayb ka noqon doono dowladda ay soo dhisayaan. “Dilaagii leyn jiray Taalibaan” Gul Agha Sherzai Sanadkii 2001-dii, markii ay ciidamada uu Mareykanka hoggaaminayay ee NATO weerareen Afghanistan si ay halkaas uga saaraan Taalibaan, Gul Agha Sherzai waxa uu noqday hoggaamiye kooxeedkii ugu horreeyay ee taageeray Mareykanka. Waxa uu ku biiray CIA-da ka howl galeysay gobolka dhinaca koonfureed xiga ee Qandahaar, waxa uuna qayb ka ahaa dagaalka ka dhanka ah Taalibaan. Inta aysan Taalibaan xukunka qabsanin markii ugu horreysay waxa uu ahaa barasaabka gobolka Qandahaar, bannaanka gobolkaas ayuuna joogay ilaa markii Taalibaanka laga adkaaday sanadkii 2001-dii. Islamarkii xukunka laga tuuray Taalibaan ayuu dib ugu soo laabtay gobolka si maamulkiisa qabto. Waxa uu aad ugu dhawaa saraakiisha CIA-da iyo madaxweynihii hore ee Afghanistan, Xamiid Karzai. Xilka guddoomiyaha gobolka Qandahaar waxa uu hayay ilaa sanadkii 2003-dii, markaas kaddibna waxa uu noqday Barasaabka gobolka Nangarhar. Maxay tahay sababta Gul Agha Sherzai loogu bixiyay “Baldoosar”? Sida laga soo xigtay dad saaxiibbadiis ah iyo guddoomiye gobol oo hore, Gul Agha Sherzai waxaa naaseysta baldoosarka loo bixiyay intii uu barasaabka ka ahaa gobolka Nangarhar, muddadii u dhaxeysay 2005 ilaa 2013. Dadka ku dhawaa waxay sheegeen in Gul uu booqan jiray dhulka miyiga ah waqtigii uu guddoomiyaha ahaa, waxa ugu weyn ee ay dadka ka caban jireenna ay ahayd in aysan heysanin waddooyin dhisan. Mar walba oo uu shacabka la kulmo waxa ay u sharrixi jireen sida ay dhib ugu qabaan wadooyinka xiran iyo jidadka aan la dayac tirin. Sidaas awgeed, Sherzai wuu aqbalay dalabka dadka si deg deg ah ayuuna ku billaabay in waddooyinka la dhiso. Barasaabku waxa uu inta badan lacag u qeybin jiray dadka tuulooyinka daggan marka uu booqdo, islamarkiina waxay billaabi jireen inay waddooyin dhistaan iyagoo adeegsanaya baldoosaro iyo qalabka kaleba. Ghul Agha Sherzai waxa uu sidoo kale lahaan jiray shirkad isaga u gaar ah oo ka shaqeysa dhismaha, taasoo baldoosaradeeda uu u adeegsan jiray inuu ku dhiso waddooyinka. Waa taas sababta ninkan loogu naaneysay baldoosarka Afghanistan. ‘Baldoosarkii Afghanistan hadda waa Baldoosarka Taalibaan’ Taageerayaasha kooxda Taalibaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada ku faafinayay muuqaallo laga arki karo Gul Agha Sherzai oo ku dhaaranaya inuu daacad u noqon doono hoggaamiyaha Taalibaan Khalilur Rahman Haqqani. Dhawaan markii ay Taliban la wareegeen Kabul, Gul Sherzai waxa uu shaaciyay muuqaal uu ku hambalyeynayo kuna soo dhaweynayo Taalibaan. Muuqaal ay sii daayeen Taalibaan ayaa muujinaya Mufti Zakir oo takbiirsanaya kaddib markii uu ballan qaaday daacadnimadiisa, waxa uuna sheegay in Mr Sherzai uu ku dhawaaqay inuu yahay baldoosarka Afghanistan. Sherzai oo ka jawaabaya ayaa madaxa ruxay, isagoo dhahaya haa, aad iyo aad. Mufti Zakir ayaa mar kale yiri, “Hadda raggan waxay noqdeen baldoosaradeenna”. Gul, Khalilur Rahman Haqqani iyo dhammaan hoggaamiyeyaasha kale ayaa la arkayay iyagoo dhahaya Insha Allah. Madaxda Taalibaan waxa ay sheegeen in aysan cadaawad u qabin hal siyaasi oo reer Afghanistan ah, waxayna ku dhawaaqeen in ay “cafis u fidiyeen” dhammaan siyaasiyiinta reer Afghanistan. Hase yeeshee, Taalibaan waxaa dhanka kale lagu eedeeyay inay dileen dad badan oo ka mid ah kuwii kasoo horjeeday, iyagoo xitaa isu soo dhiibay. Balse waxay eedeymahaas ku tilmaameen kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Qaran News