Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taalibaan oo gabdhaha Suxufiyiinta ah ka eriday Warbaahinta Dawlada Ugu yaraan laba gabdhood oo suxufiyiin ah oo u shaqeeya idaacadda dowladda Afgaanistaan ayaa xaqiijiyay in Taalibaan aysan u oggolaan inay shaqeeyaan, kaddib markii ururkaas ay soo galeen magaalada Kabul, ayna la wareegeen hay’adaha dowladda oo ay ku jiraan warbaahinta Qaranka. Gabdhaha suxufiyiinta ah ayaa loo sheegay inaysan geli karin dhismaha Warbaahinta Qaranka ee Afgaanistaan ee (RTA) markii ay yimaadeen goobta shaqada. Muuqaal lagu baahiyay Internetka ayaa la arkay Shabnam Khan Dawran oo ah gabar war-akhriye ka aheyd Telefishinka Qaranka oo sheegeysa in rag ay shaqo-wadaag yihiin loo oggolaaday inay galaan dhismaha, laakiin iyada loo diiday. “La iima oggolaan gudaha Warhaabinta Qaranka inkasta oo aan heysto aqoonsiga shaqada. Ragga shaqaalaha ah ee heysta aqoonsiga shaqada waxay awoodeen inay galaan xaafiiska, waxaana la ii sheegay inaana sii wadi karin waajibaadkeyga, maadaama uu is-bedelay nidaamkii dowladda” ayay tiri Dawran oo warbaahinta ka shaqeyneysay muddo lix sano ah. Khadiija Amiin oo iyana ah suxufiyad kale oo ka tirsan Telefishinka Qaranka ayaa warbaahinta gaarka loo leeyahay ee TOLONews u sheegtay in loo diiday inay gasho xaafiiskeeda Talaadadii, isla markaana saaxiibbo kale oo ay isla shaqeynayeen sidaas oo kale shaqada loo diiday. Waxay sheegtay Khadiija, in arrinkan ay kala hadleen agaasimaha cusub ee Taalibaan u magacawday Warbaahinta Qaranka, kaasoo u sheegay in Taalibaan ay dhawaan go’aan ka gaari doonto inay shaqeyn karaan iyo in kale. Warbaainta Qaranka ee RTA waxaa hoosyimaada tobanaan idaacado iyo telefishinno ah, waxayna ka hawlgashaa magaalada Kabul iyo 32 gobol. Laakiin markii ay Taalibaan la wareegeen, waxay magacii warbaahinta qaranka u beddeleen Shariat Ghag (Codka Shareecada) – kaas oo ahaa magaca idaacadda keliya ee ku hoos imaan jirtay xukunkooda 1990-meeyadii. Wariye madaxbanaan oo ku sugan Helmand ayaa VOA u sheegay in Taalibaan ay Warbaahinta Qaranka u bixisay magaca cusub ee Codka Shaareecada Jimhcii, ay inta badan “tabiso wararka iyo dhaqdhaqaaqyada Taliban”. Qaran News
  2. 7 Qof oo lagu dilay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Kaabul Britain ayaa sheegtay in toddoba qof oo shacab Afghan ah lagu dilay qalalaase Sabtidii ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaaha Kabul, halkaas oo dad badan ay ku xoomeen ayaga oo isku dayaya inay gaaraan garoonka si looga qaado. Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa la xarbinayey inay la taacaalaan kumanaanka qof ee isugu jira ajaaniibta iyo shacabka Afghanistan ee ka cararaya dalkaas, kadib markii ay xukunka la wareegeen Taalibaan. “Waxaan maskaxda ku haynaa dhammaan qoyska toddobada ee ku dhintay Kabul,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Britain, isag aoo aan faah-faahin ka bixin sida ay wax u dhaceen. Taleefishinka Sky News ee Britain ayaa baahiyey muuqaallada saddex ka mid ah meydadka oo yaalla dibedda garoonka. “Xaaladda waa mid aad caqabad u leh, waxaanse isku dayeynaa wax kasta oo aan awoodno si aan u xakameyno, ugana dhigno mid amni ah oo sugan, sida ugu macquulsan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Britain. Dhinaca kale, kooxda Taalibaan ayaa ku eedeysay Mareykanka inay mas’uul ka yihiin qaska ka jira garoonka diyaaradaha Kabul. “Mareykanka, oo awoodda aan ognahay leh, waxay ku guul-darreysteen inay kala dmabeyn ka hirgeliyaan garoonka. Nabad iyo xasilooni ayaa ka jirta dhammaan dalka intiisa kale, hase yeeshee jahwareer ayaa ka taagan garoonka,” Waxaa sidaas yiri Amir Khan Mutaqi, oo ah sarkaal ka tirsan Taalibaan. Taalibaan ayaa hadda kala dambeyn kusoo rogtay banaanka garoonka, ayaga oo rasaas kor u ridaya, kuna qasbayaa shacabka inay safaf galaan. Qaar ka mid ah dad goobjoogeyaal ah ayaa laga soo xigtay in amarka Taalibaan uu shaqeeyey, dadkuna ay si nabdoon ugu jiraan safaf dhaadheer oo gala garoonka. Qaran News
  3. Kabul (Caasimada Online) – Britain ayaa sheegtay in toddoba qof oo shacab Afghan ah lagu dilay qalalaase Sabtidii ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaaha Kabul, halkaas oo dad badan ay ku xoomeen ayaga oo isku dayaya inay gaaraan garoonka si looga qaado. Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa la xarbinayey inay la taacaalaan kumanaanka qof ee isugu jira ajaaniibta iyo shacabka Afghanistan ee ka cararaya dalkaas, kadib markii ay xukunka la wareegeen Taalibaan. “Waxaan maskaxda ku haynaa dhammaan qoyska toddobada ee ku dhintay Kabul,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Britain, isag aoo aan faah-faahin ka bixin sida ay wax u dhaceen. Taleefishinka Sky News ee Britain ayaa baahiyey muuqaallada saddex ka mid ah meydadka oo yaalla dibedda garoonka. “Xaaladda waa mid aad caqabad u leh, waxaanse isku dayeynaa wax kasta oo aan awoodno si aan u xakameyno, ugana dhigno mid amni ah oo sugan, sida ugu macquulsan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Britain. Dhinaca kale, kooxda Taalibaan ayaa ku eedeysay Mareykanka inay mas’uul ka yihiin qaska ka jira garoonka diyaaradaha Kabul. “Mareykanka, oo awoodda aan ognahay leh, waxay ku guul-darreysteen inay kala dmabeyn ka hirgeliyaan garoonka. Nabad iyo xasilooni ayaa ka jirta dhammaan dalka intiisa kale, hase yeeshee jahwareer ayaa ka taagan garoonka,” Waxaa sidaas yiri Amir Khan Mutaqi, oo ah sarkaal ka tirsan Taalibaan. Taalibaan ayaa hadda kala dambeyn kusoo rogtay banaanka garoonka, ayaga oo rasaas kor u ridaya, kuna qasbayaa shacabka inay safaf galaan. Qaar ka mid ah dad goobjoogeyaal ah ayaa laga soo xigtay in amarka Taalibaan uu shaqeeyey, dadkuna ay si nabdoon ugu jiraan safaf dhaadheer oo gala garoonka. AFP, REUTERS, VOA The post Toddoba qof oo lagu dilay garoonka Kabul, Taalibaan oo sheegtay cidda mas’uulka ka ah, qaaday tallaabo appeared first on Caasimada Online.
  4. Mas’uuliyiinta waddanka Uganda, ayaa xaqiijiyay in ay maanta oo Axad ah qaabilayaan 145 qof oo ka mid ah Qaxootiga laga keenayo dalka Afghanistan. Dowladda Uganda ayaa dhowaan ogolaatay, in ay qaabisho Qaxootiga Reer Afghanistan ee laga soo daad-guraynayo dalkaas, kadib markii Daalibaan talada la wareegtay. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda U-diyaargarowga Musiibooyinka iyo Qaxootiga, Esther Anyakun ayaa sheegtay in hay’adda Laanqeybta Cas ee Caalamiga iyo hay’adaha kale ee iskaashiga la leh ay dowladda Mareykanka kala shaqeynayaan sidii Qaxootiga lagu gaarsiin lahaa Uganda. Horraantii toddobaadkan, ayay Anyakun sheegtay in Uganda ay aqbali doonto illaa 2,000 oo qaxooti Afghanistan ah, inkasta oo mas’uuliyiin kale ay sheegeen in arrintu weli tahay mid laga doodayo. PUNTLAND POST The post Dowladda Uganda oo maanta qaabilaysa Qaxootigii u horreeyay ee Afghanistan appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka golaha wada-tashiga qaran, kaas oo galay maalintiisii labaad, waxaana looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimo la xiriira doorashooyinka dalka. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa gudoominayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana sidoo kale goobjoog ah madax goboleedyada dalka iyo duqa magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in shirka ay soo wajaheen caqabado xoogan oo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka weli ka taagan qodobada qaar ee doorashooyinka 2021-ka. Sida ay ogaatay Caasimada Online caqabadaha taagan waxaa ka mid ah khilaafka weli ka dhex-jira guddiga doorashada ee Somaliland, xiisadda kasoo cusboonaatay Beledweyne oo saameyn ku yeelatay doorashada HirShabelle ee Golaha Aqalka Sare iyo sida lagu heli karo dhaqaalaha dhimmaan ee lagu qabanayo doorashooyinka ka dhacaya gudaha dalka. Sidoo kale xubnaha qaar ee shirka ayaa lagu soo warramayaa inay doonayaan in doorashada Golaha Shacabka lagu soo koobo hal magaallo iyo in la dhimmo tirada ergada, halka kuwa qaarna ay ka soo horjeedaan, taas oo la filayo in go’aan rasmi ah laga gaaro. Gabagabada shirweynahan ayaa la filayaa in go’aanno cusub oo la xiriira doorashooyinka billowday laga soo saaro, si loo sii amba-qaado doorashooyinka socda ee baarlamaaniga. Shirkan oo ka socda Teendhada Afisyoone ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo la guda-galay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Si kastaba doorashooyinka ka dhacaya dalka ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana is jiid jiid dheer, kadib heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho. The post Warkii ugu dambeeyey ee shirka Muqdisho oo maalintii labaad galay appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi. Saraakiisha horkaceysay howl-galkan ayaa sheegay inay ku baxeen kooxo burcad ah oo cabasho ay kasoo gudbeen dadka deegaanka, isla-markaana ay gacanta kusoo dhigeen. Ragga la soo qbatay oo labo ah ayaa waxa ay ku hubeysnaayeen mindi iyo bistoolad macmal ah, sida ay shaaca ka qaadeen saraakiil ka tirsan taliska ciidanka Booliska. Sidoo kale raggan oo lagu soo bandhigay xarunta maamulka degmada Heliwaa ayaa lagu qabtay moobeelo ay ka soo dhaceen dadka shacabka ah, sida uu talisku sheegay. Dhankiisa guddoomiyaha cusub ee degmada Heliwaa Mire Salaad Dhuxulow ayaa sheegay inay ka go’an tahay ka hortega kooxaha burcadda ah, isla-markaana ay sugayaan amniga. Habeen hore ayey aheyd markii sidan oo kale rag hubeysan oo amni darro waday lagu qabtay degmada Kaaraan, kadib howlgal ay ka sameeyeen ciidanka amnaaka Soomaaliya. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa saraakiisha laamaha ammaanka waxa ay xoojiyeen howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga caasimada, maadaama ay ka dhacayaan doorashooyin. The post Maxay ahaayeen ragga hubeysan ee xalay lagu qabtay degmada Heliwaa? appeared first on Caasimada Online.
  7. (SLT-Kapul)-Hoggaamiye Taalibaan ah oo ay baadi-goobayaan Mareykanka iyo Qaramada Midoobay isla markaasna madaxiisa la dul dhigay $5 Malyan oo Dollar ayaa si lama filaan ah looga arkay magaalada Kabul ee Caasimadda dalka Afghanistan. Hoggaamiyahaan oo lagu magacaabo Khalil Haqqani, isla markaasna ka tirsan kooxda Haqqani ayaa la sheegay inuu Magaalada Kabul u yimid inuu ka qeybgalo wada-hadallada lagu dhisayo dowlad cusub oo dalka Afgaanistaan uu yeesho. Khalil Haqqani ayaa la sawiray isagoo ku dhex jira dad badan oo ku sugnaa caasimada Afgaanistaan ​​Jimcihii, waxaana hareerihiisa taagnaa rag hubeysan oo ku labisan dirayska ciidamada Militariga. Hoggaamiyahaan ayaa marka sawirada laga qaadayey wuxuu ku sugnaa Masaajid, wuxuuna khudbad u jeedinayey ciidamo ka tirsan kuwa Taalibaan iyo dad shacab ah oo ku sugnaa Masjidka. Horraantii toddobaadkan, Abdullah Abdullah – oo ah madaxa Golaha Sare ee Dib -u -heshiisiinta Qaranka ee Afghanistan ayaa soo bandhigay sawirro kulan uu la yeeshay Haqqani iyo wafdigiisa Taliban, iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Afghanistan Xamiid Karzai. Kooxda Haqqani ayey khubarada qaar aaminsan yihiin inay tahay kooxdii dalka Afgaanistaan ka bilowday isqarxinta, waxaana lagu eedeeyay dhowr weerar oo waaweyn oo ka dhacay Afgaanistaan. Weerarada kooxdaan lagu eedeeyey waxaa kamid ah weerar lagu qaaday hotelkii ugu sarreeyey ee Kabul, isku day dil oo lala damacsanaa madaxweynihii xilligaas Xamiid Karzai iyo weerar is-miidaamin ah oo lagu qaaday Safaaradda Hindiya. Source
  8. Wararka naga soo gaarayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay kooxa burcad koonfur afrikaan ah ay dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada dalkaas. Muwaadinkan oo lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Farayare, ayaa waxaa lagu dilay Tuulada Nyanga oo ka tirsan Magaalada Cape Town. Dilka muwaadinka Soomaaliyeed ayaa yimid kadib markii koox burcad hubeysan ay ku soo weerareen afaafka hore ee goob ganacsi uu ku lahaa Nyanga oo uu ku sugna xilligii dilka uu dhacayay. Ciidamada ammaanka Cape Town oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa baritaano kooban ka sameyay kuwaas oo ay ku baadi goobayaan kooxa dilka ka dambeyay wallow aysan ku guuleysan in ay gacanta ku soo dhigaan burcaddi dilka geysatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacabka oo muddo xileedkiisu dhammaan, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Beledweyne. Goodax Barre oo wareyso gaar ah siiyey Soomaali Cable TV ayaa uga digay maamulka HirShabelle in la’is ku xiro safarka Cali Guudlaawe iyo arrimaha doorashooyinka. Xidlhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in safarka madaxweynaha HirShabelle ee Beledweyn uu xiisad horleh ka dhaliyey magaaladaas oo xarun u ah gobolka Hiiraan. “Waxaa soo kordhay in Maamulka Hir-Shabelle uu sameynayo isku day ah is dhexgelinta siyaasadda doorashada, cabashada taagneed iyo safarka Cali Guudlaawe, taasi waxa ay dhalisay xiisad cusub,” ayuu wareysigan ku yiri Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin sabab doorashada looga wareejiyo Beledweyn, maadaama ay gacanta ku hayaan ciidanka dowladda Soomaaliya. “Beledweyne amnigeeda waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda federalka, mana jirto sabab loo damco in doorashada laga wareejiyo balse dad ayaa isku xiraya doorashada iyo diidmada safarka Madaxweyne Guudlaawe” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Goodax Barre. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay fashilmeen wada-hadalladii xal raadinta ahaa ee maalmahan ka socday gudaha degmada Beledweyne kadib markii ay siyaasiyiintii iyo xildhibaannadii tegay magaaladaasi ay qorsho kale la yimaadeen, sida uu hadalka u dhigay. HirShabelle ayaa weli wajaheyso caqabado xoogan oo sababay in aysan weli guda-gelin doorashada Aqalka Sare ee ka bilaabatay xarumaha kale ee maamul goboleedyada dalka. The post Goodax Barre oo labo arrin uga digay HirShabelle appeared first on Caasimada Online.
  10. Aroos Dad badan ka yaabiyay “Ina Madaxweyne & Ina Boqor”oo ka dhacay Dal Afrikaan Muslima Yusuf Buhari iyo Zahra Nasir Bayero Wiilka madaxweyne Buhari ayaa guursaday gabadh uu dhalay hoggaamiye diimeed reer Nigeria. Diyaarado khaas ah ayaa buuxiyay dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Kano ee woqooyiga Nigeria iyadoo xubno ka tirsan madaxda dalka Nigeria iyo kuwa Galbeedka Afrika ay u duuleen arooska wiilka madaxweynaha iyo gabadha hoggaamiye diineed iyo dhaqan caan ah. arooskaYusuf Buhari iyo Zahra Nasir Bayero ayaa noqday mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waawayn ee sanadkan ka dhacay Nigeria. Mid ka mid ah taariikhyahannada ayaa BBC -da u sheegay in aroos u dhexeeya qoyka madaxweynaha iyo qoysaska boqortooyada uu ahaa mid aan horay uga dhicin Nigeria. Lamaanahan ayaa markii ugu horeysay ku kulmay Jaamacadda Surrey ee UK. Damaashaadka ayaa sii socday ilaa Sabtidii, markii aabaha dhalay gabadha Nasir Ado Bayero si rasmi ah loogu caleemo saaray Amiirka Bichi. Walaalkiis waa Amiirka Kano, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Islaamka ee ugu caansan Nigeria. Amiirka Bichi Lamaanaha is -guursaday ayaan ka soo qeybgalin xafladdaas. Yusuf Buhari Qoyska Caruuska ayaa bixiyay lacag gabaati ah oo dhan 500,000 naira oo u dhiganta ($ 1,200, taasi oo ah ​​10 jibaar ah celceliska lacagta caadiyan la bixiyo waqooyiga Nigeria. Weriyaha BBC ee Nigeria Isxaaq Khaalid ayaa sheegaya in sawirrada arooska ka hor ay buuq ka dhex dhaliyeen baraha bulshada, iyadoo qaarkood ay dharkeeda ku tilmaameen mid anshax darro ah, maxaa yeelay garbiheeda oo qaawanaa, halka kuwo kalena ay difaaceen. In kasta oo ay jiraan warar sheegaya in 100 diyaaradood oo gaar ah ah ay dadka u daabulayeen munaasabadda, ayaa hadana sarkaal ka tirsan garoonka waxaa uu BBC -da u sheegay in dhab ahaantii ay ka yaraayeen 50. Si kastaba haahaatee, dadka ka qeyb galaya xafladaha ayaa tiradooda hoos loo dhigay sababo la xiriira feyriska Corona. Madaxwayne Muhammadu Buhari iyo wiilkiisa Yusuf Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka goobta ay ka dhaceysay xafladda arooska, iyadoo boolis iyo askar milateri ah ay ilaalinayeen qasriga . Qasriga qowmiyadda Bichi Amiirka Bichi iyo madaxwayne Buhari Dad badan oo u gacan haadinaya Madaxweyne Buhari Siyaasiyiin sarsare iyo salaadiin dhaqameed ka kala yimid dalka oo dhan ayaa u soo duulay goobtii uu arooska ka dhacayay. Waxaa ka mid ahaa madaxweyne Muhammadu Buhari, iyo madaxwaynihii hore Goodluck Jonathan. Marwada koowaad ee Gambia Fatoumata Bah Barrow iyo madaxweynihii hore ee dalka deriska la ah Niger, Muhammadu Issoufu, ayaa ka mid ahaa martida ajnabiga ah. Aisha Buhari (dhexda midig) ayaa soo dhaweysay dhigeeda Gambia Fatoumata Bah Barrow (bidix dhexe) Qaran News
  11. Kenya oo ka caawinaysa Somaliland tayeynta waxbarashada Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye Toorno, iyo wasiirka waxbarashad Kenya George Magoha, , ayaa kulan ay qaateen kaga wada hadley sidii loo kordhin lahaa, iskaashiga ka dhaxeeya labadda dhinac. Wasiir Toorno, ayaa tilmaamey in safarkiisa ujeedooyin kala duwan xambaarsan yahay, isagoo sheegay tan koowaad iney tahay wada xaajood ay la yeelanayaan hey’adaha deeqda waxbarasho siiya. Toorno, ayaa dhanka kale carabka ku dhuftey iney doonayaan in xiriirka waxbarasho ee Kenya ay la leeyihiin iney doonayaan iney balaariyaan. Wasiir Toorno, ayaa intaa raaciyey iney si gaar ah u daneynayaan in laga kaalmo jaamacadaha Somaliland dhanka tayeynta waxbarashada, cilmi baarista iyo farsamada gacanta. Qaran News
  12. (SLT-Hargeysa)-Shabakada dugsiyada Abaarso (Abaarso Network), oo ka jawaabtay eedaha loo jeedinayo macalimad Joy Isa, ayaa sheegay in Joy Isa ay heshiis kula shaqaynaysay, isla markaana aan loo ogolayn in ay ka hadasho arrimo diimeed, waxayna sheegeen in ay diyaar u yihiin baadhitan kasta. Waxay sheegen in Shabakada Abaarso, ay muddo 12 sano ah ardayda reer Somaliland ka caawisay in ay helaan waxbarasho u dhiganta ta caalamka horumaray isla markaana ay ardayda reer Somaliland ka caawiyeen in ay helaan deeqo waxbarasho oo qiimo ahaan jooga $37 milyan, isla markaana ay shaqaalaysiyeen macalimiin ixtiraama dhaqanka iyo diinta reer Somaliland. Waxay sheegeen in macalinkasta oo ay shaqaalaysiinayaan, ay la galaan heeshiis ah in anay ka hadli karin diimaha ay aaminsanyihiin iyo fikiradahooda shakhsiga ah, isla markaana macalinkii heshiiska jabiya laga qaado talaabo deg deg ah. Waxay yidhaahdeen waxaanu adduunka ka raadsana macalimiin aqoon sare leh oo caawin kara dadka reer Somaliland ee hibooyinka leh, waxa kale oo warbixinta Shabakadu ku sheegtay in Isa ay tahay macalimad leh khibrad maamule-nimo oo dheer, isla markaana ay heshiis kala galeen ka hadalka arrimaha diinta. “Joy Isa waxay leedahay 27 sano oo khibarad maamule-nimo ah, sida shaqaalaha yaga kale Isa waxa laga rajaynayaa in ay raacdo xeerarkayaga mamnuucaya ka hadalka diimaha, hadii ay khilaafi lahaydna barri hore ayaa la eryi lahaa” ayay tidhi warbixintu. “Waxaanu dhawaan aragnay muuqaalo baraha bulshada lasoo galiyay oo muujinaya Isa oo ka qayb qadanaysa adeegyo diimeed gudaha Nigeria, muuqaaladaasi waa wakhti dheer kahor intii anaan shaqaalaysiin.., waxaanu kalsooni ku qabnaa in marwo Isa anay jabinin heshiiskii aanu la galnay iyo sharciga noo yaala” ayay warbixintu ku dartay. Shabakada ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin baadhiskasta oo ay dugsiyadooda ku sameeyaan hay’adaha ku shaqada lihi. Bulshada Somaliland ayaa ka dareen celiyay macalimad Joy Isa oo hore uga shaqayn jirtay arrimaha diinta Masiixiga, isla markaana hada Shabakada Abaarso maamule uga dhigtay jaamacadda Barwaaqo oo ka tirsan shabakada. Source
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay ay sii xoogeysanayeen eedeymaha loo jeedinayo shabakadda dugsiyada ee Abaarso Network iyo Jaamacadda Barwaaqo ayaa waxaa arrintaas ka jawaabay shabakaddan oo ka hadashay doodaha ka dhashay arrintaas, isla-markaana la’isla dhex-marayey baraha bulshada. Shabakadda dugsiyada Abaarso ayaa marka hore soo hadal qaaday eedeymaha culus ee loo jeediyey macalimad Joy Isa, waxayna shaacisay in muuqaallada la baahiyey ay yihiin kuwa hore, isla-markaana ay aheyd xilli ay ka qeyb-qadaneysay adeegyo diimeed gudaha dalka Nigeria. Sidoo kale shabakadda ay ku mideysan dugsiyada Abaarso ee ku yaalla Somaliland ayaa xusay in Joy Isa ay heshiis kula shaqayneysay, isla markaana aan loo ogolayn in ay ka hadasho arrimo diimeed, sida lagu sheegay warbixinta. “Waxaanu dhawaan aragnay muuqaalo baraha bulshada la soo galiyay oo muujinaya Isa oo ka qayb qadanaysa adeegyo diimeed gudaha Nigeria, muuqaaladaasi waa wakhti dheer kahor intii anaan shaqaalaysiin.., waxaanu kalsooni ku qabnaa in marwo Isa anay jabinin heshiiskii aanu la galnay iyo sharciga noo yaala” ayaa lagu yiri warbixinta. Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Joy Isa ay tahay macalimad khibrad fog leh, isla-markaana ku wanaagsan dhinaca maamulka, sidaasina lagu soo xushay. “Joy Isa waxay leedahay 27 sano oo khibarad maamule-nimo ah, sida shaqaalaha yaga kale Isa waxa laga rajaynayaa in ay raacdo xeerarkayaga mamnuucaya ka hadalka diimaha, hadii ay khilaafi lahaydna barri hore ayaa la eryi lahaa” ayey raacisay warbixinta. Ugu dambeyn shabakadda dugsiyada ee Abaarso ayaa hoosta ka xariiqday in adduunka ay ka raadsadaan macalimiin aqoon sare leh, balse ay la galaan heeshiis ah in aanay ka hadli karin diimaha ay aaminsanyihiin iyo sidoo kale fikiradahooda gaarka ah. Si kastaba arrintan ayaa sababtay in la xiro Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo isagu bannaanka keenay kiiska macalimad Joy Isa oo ka howl-gasha Jaamacadda gabdhaha ee Barwaaqo oo ku taallo gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland. The post Maxay shabakada Abaarso ka tiri eedeymaha loo jeediyey & arinta Joy Isa? appeared first on Caasimada Online.
  14. Waxaa maalinta 2-aad galaya shirka Afisyooni uga socda madaxda dowlad goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble. Shirkan, oo ajendaha looga hadlayo ay ka mid yihiin: Dhameystirka aqalka sare, hab-raacyada iyo bilaabidda doorashada golaha shacabka, arrimaha miisaaniyadda doorashada iyo qaar kale. Waxaa xusid mudan in aqalka sare ay kasoo dhamaadeen Koonfur galbeed iyo Puntland halka Jubbaland u hartay 4 mudane iyo Galmudug oo labo mudane ah, waxaase aan weli bilaabin Hirshabelle. Waxaa kale oo uu khilaaf ka jiraa habraaca xulista ergada ee golaha shacabka, iyada oo habraaca ay soo saareen guddiga doorashada dadban ay laaleen maamul goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaa waxaa markale looga hadlay dhacdadii lagu laayey todobadii qof ee rayidka ahaa ee dhowaan ka dhacday deegaanka Golweyn oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. AMISOM ayaa marka hore sameysay qirasho, waxaana qoraalkan ay ku shaacisay in dadka ay dileen ciidamadeeda ay ahaayeen rayid, isla-markaana ay ku ogaatay hordhaca baaritaan la sameeyey oo la xiriira, sida uu u dhacay falkaasi shacabka lagu xasuuqay. Sidoo kale AMISOM ayaa tilmaamtay in kadib dhacdadaasi ay kulamo la yeelatay cuqaal, xubno ka tirsan bulshada iyo mas’uuliyiinta dowladda, isla-markaana ay u caddeeyeen in aan marnaba la aqbali karin falal dambiyeedyada ay ciidamadu u geystaan dadka rayidka. Warka kasoo baxay AMISOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in baaritaanka iyo dabagalka dhacdadaasi loo saaray guddi ka kooban 7 xubnood oo durbaba billaabay baaritaankooga, waxaana horkacaya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada AMISOM iyo laba xubnood oo kale oo ka tirsan guddiga Midowga Afrika ee fadhigiisu yahay magaalada Addis Ababa. Guddigaasi ayaa sidoo kale waxaa xubin ka ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saddex sarkaal oo sar sare oo ka kala tirsan milatariga, booliska iyo xarunta hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, sida lagu caddeeyey warsaxaafadeedka. Waxa kale oo uu guddigu soo jeedin doonaan marka uu u soo dhammaado baaritaankooda in magdhow la siiyo ehellada dadkooda la-laayey, haddii askartaasi dambiga lagu helo. “ AMISOM waxay u qaadaysaa hab sharci ah eedeymahan halista ah si waafaqsan hab- dhaqanka ugu wanaagsan ee caalamiga ah, waxaana ka go’an inay sida ugu dhaqsaha badan u sameyso baaritaan dhab ah, la xisaabtamo cidkasta oo mas’uul ah una hoggaansanto dhammaan wixii ka soo baxa iyo talooyinka baaritaanka,” ayaa lagu yiri. Sida uu qurshuhu yahay baaritaanka ayaa waxaa la soo afjari doono 6-da bisha soo socota Sebteembar, iyada oo la shaacin doono magacyada askartii dilkaasi geysatay, isla markaana la ciqaabi doono, haddii baaritaanka socdo lagu xaqiijiyo inay dilkaasi geysteen. Si kastaba AMISOM ayaa horey u baahisay war ka duwan midka hadda soo baxay oo ahaa in dadka la dilay ay ahaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, walow haatan ay AMISOM qiratay inay shacab ahaayeen dadkaas, kadib markii eheladooda ay wacad ku mareen in meydadka aysan aaseyn ilaa ay ka helayaan cadaalad & xuquuqda dadkooda. The post AMISOM oo war cusub kasoo saartay dadkii ay ‘ku leysay’ Golweyn – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
  16. Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Fadraalka ah ee Soomaaliya Drs Fawziya Abikar Nur ayaa Isbitaalka Martini ku qaabishay Wafdi ka socda Hay’ada WHO. Wasiiradda iyo wafdiga ayaa booqasho ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Isbitaalka, sida Goobaha Talaalka lagu qaadanayo, dhismayaal Cusub ee Isbitaalka loo dhisayo iyo goobaha kale ee Bukaanada lagula tacaalo. Wasiiradda ayaa wafdigaan ku wargalisay inay muhiim tahay in Isbitaalka laga taageero adeegyada Caafimaadka ee Muhiimka ah si loo laba jibaaro shaqada adag ee Isbitaalku sida lacag la’aanta iyo hagar la’aanta ah Bulshada ugu hayo. Wasiirka iyo wafdigaan ayaa sidoo kale u kuur galay sida ay u socdaan dhismaha iyo Rakibaada warshada Oxygeen oo laga hirgalinaayo isbitaalka Martiini gudahiisa. PUNTLAND POST The post Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo la kulantay madax ka socotay hay’adda WHO appeared first on Puntland Post.
  17. MOGADISHU, Aug. 21 (Xinhua) -- Somali Prime Minister Mohamed Roble on Saturday ordered investigations into the deaths of seven civilians reportedly killed by the African Union troops during a counter-offensive in Golweyn, the southern part of the country. Source: Hiiraan Online
  18. A crooked, leafless acacia tree stands tall in the middle of the house of Cantar Hussein in the small village of Qaamqaam, near the southern port city of Kismayo. Source: Hiiraan Online
  19. Siyaasiga Cabdijamaal Cismaan Maxamed, ayaa xalay laga sii daayay xabsiga magaalada Hargeysa, halkaas oo maalmo ka hor lagu xiray. Xukuumadda Somaliland kama hadlin sababta keentay xarriga, Cabdijamaal Cismaan oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag, islamarkaana xilal heer wasiiro ah iyo xildhibaan ka soo noqday Puntland. Qaar kamid ah siyaasiiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sanaag, ayaa cambaareeyay xarigga Cabdijamaal Cismaan, ka hor intaan xalay xabsiga laga sii dayn. Siyaasi Cabdiraxmaan Dhoorre oo si adag u cambaareeyay arrintaas, ayaa sheegay in xarigga siyaasi Cabdijamaal ay ka dambaysay hay’adda Sirdoonka Puntland oo kaashanaysa Somaliland. Waxa xusid mudan, in mas’uuliyiinta Puntland aysan marna ka hadlin xarigga Ex.xildhibaan Cabdijamaal Cismaan oo xilal sare ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee Puntland. PUNTLAND POST The post Siyaasi Cabdijamaal Cismaan oo laga sii daayay xabsiga Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  20. Somalia on Saturday launched the COVID-19 vaccination exercise for its civil servants. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Midowga Musharaxiinta Soomaaliya iyo madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo mar xulufo siyaasadeed ku ahaa la-dagaalanka madaxweyne Farmaajo. Khilaafkan ayaa ka dhashay sida madax goboleedyada ay u maareeyeen doorashada Aqalka Sare, si gaar ahna Amxed Madoobe iyo Saciid Deni, ayada oo Midowga Musharaxiinta iyo xubno ay taageerayeen lagu soo dari waayey liiska musharaxiinta. Kadib musharaxiinta ayaa soo saaray qoraal ay ku dhalleeceeyen sida ay ku bilowdeen Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan Aqalka Sare, waxayna toos fariin u direen madax goboleedyada ayaga oo dalbaday, in kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami-u-qabashada doorashooyinka. Waxaa xigay, in shirka Muqdisho ka furmay loo diiday inay ka qeyb galaan xubnaha Midowga Musharixiinta oo dhawaan codsaday in kaalin laga siiyo shirka, si ay kaalin ugu yeeshaan aayo ka tashiga doorashada dalka Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Caasimada Online in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay diideen in Midowga Musharixiinta kaalin laga siiyo shirka. Wararka ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay aad uga xumaadeen war-murtiyeedkii dhawaan ay midowga musharixiinta uga hor imaadeen doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday maamul Goboleedyada. Xiisaddan gunteeda ayaa la rumeysan yahay inay sabab u tahay ayada oo Saciid Deni la rumeysan yahay inuu isku sharxayo madaxweyne, taasi oo si toos ah loolan uga dhex abuureysa isaga iyo Midowga Musharaxiinta. Xildhibaanada laga soo dooranayo Jubaland iyo Puntland ayaa la rumeysan yahay inay aad isugu haleynayeen Midowga Musharaxiinta, maadaama mamaullada kale ay ku xiran yihiin ama ku dhow yihiin Farmaajo. Si kastaba, musharaxnimada Deni ayaa albaabka ka xirtay Midowga Musharaxiinta, taasi oo keentay in labada dhinac ay si toos ah isku arkaan, maadaama danahooda siyaasadeed ay isku hor-imaadeen. The post Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka Axmed Madoobe iyo Deni iyo Musharaxiinta? appeared first on Caasimada Online.