-
Content Count
212,806 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Darren Anthony (bidix) iyo Axmed Mustaqiim (midig) Maxkamadda ciidamada ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta min 15 sano oo xasbi ah ku diray Darren Anthony Byrness oo u dhashay Ingiriiska iyo Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid oo u dhashay Malaysiya. Darren Anthony Byrness iyo Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid ayaa lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-shaabaab, Soomaaliyana soo galeen 2009 iyo 2010. Darren Anthony Byrness ayaa lagu eedeeyay in uu Al-shabaab ka caawin jiray barnaamijyada xogta lagu ilaaliyo ee Software-ka, uuna ka qeybgalay dagaalo ka dhacay Muqdisho, Galgaduud, Gedo iyo Shabeelooyinka. Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid ayaa isna lagu eedeeyay in uu Al-shabaab ka caawin jiray adeega gurmadka deg dega ah, uuna qayb ka ahaa dagaalo ka dhacay Muqdisho iyo Dhuusamareeb. 18-kii bishii April 2019 ayaa Puntland qabatay labadan nin, dhowr bilood kadibna waxay ku wareejisay dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyagoo tan iyo xiligaas ku xirnaa Muqdisho. Darren Anthony iyo Axmed Mustaqiim ayaa hadda waxaa u furan racfaan ay ka qaataan xukun ay ku riday maxkamadda ciidamada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post DFS oo xukun ku riday rag u dhashay Ingiriiska iyo Malaysiya oo Puntland qabatay 2019 appeared first on Puntland Post.
-
Doha (Caasimada Online) – Xoghayaha Golaha Wasiirada Kenya, Dr. Fred Okengo Matiang’i oo gaaray magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Khalid Bin Abdulaziz Al-Thani. Socdaalka Matiang’i ayaa waxay warbaahinta Kenya ku sheegtay in uu la xiriiro heshiis cusub oo dhanka amniga ah oo ay kala saxiixan doonaan Kenya iyo Qatar. Hase yeeshe, Matiang’i ayaa farriin uu ka sido Uhuru Kenyatta la wadaagay Amiirka Qatar, taasi oo aan si rasmi ah loo ogeyn, waxayna ku soo aadeysa xilli la filayo in bisha October 12-keeda ay maxkamadda ICJ ku dhawaaqdo xukunka dacwada muranka badda. Matiang’i ayaa qoraal kooban oo uu ka soo saaray heshiiska cusub ee lagu wado inay kala saxiixdaan Qatar iyo socdaalkiisa Qatar, ayaa waxa uu ku yiri “Waxay ii tahay sharaf weyn in aan farriin gaar ah oo ka socota Madaxweyne Kenyatta aan gaarsiiyo Sheikh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al Thani, Ra’iisul Wasaaraha Qatar.” “Labadayada dowladood (Kenya iyo Qatar) waxay ku socdaan inay saxiixaan heshiis amni oo dhameystiran oo ku xiran danaha labada dhinac.” Kulanka Matiang’i iyo Sheikh Khalid ayaa dib u soo nooleynaya tuhun cusub oo la xiriira in dowladda Qatar ay isku dayeyso in heshiis ku saabsan muranka badda kala dhex dhigto labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo ay hore ugu fashilmatay. Dowladda Qatar ayaa hore ugu guuleysatay inay demiso xiisadii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo dib u soo celisay xiriirkii labada dal oo saameyn ku yeeshay labada bulsho. Qatar ayaad u dooneysa heshiis dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya, oo laga gaaro muranka badda Soomaaliya, sababtoo ah, dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ayaa waxaa qandaraas shidaal baaris ah ku haysta shirkadda ENI ee Talyaaniga oo Qatar ay saami ku leedahay. The post Kenya iyo Qatar oo uu wada-hadal u billowday ka hor xukunka ICJ ee kiiska badda appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa goor dhawayd lagu kala cararay suuq wayn oo mall ah oo ku yaala xaafadda Islii, ee magaalada Nairobi, gaar ahaan Yare Tower, oo ku yaalla 12 Steeat. Warar horudhac ah, oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya, in meesha lagu arkay ama looga shakiyay walxaha qarxa, taasi oo keentay in dhammaan shacabka laga saaro. Waxaa hadda goobta soo gaaray oo ku sugan ciidamo aad u badan oo dadka ku war galiyay in laga dhaqaaqo aaggaas, si loo baaro qaraxa laga shakisan yahay. Ciidamada aagga soo gaaray ayaa ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee ka hortagga qaraxyada, kuwaas oo wata eeyaha wax u riya, waxaana jira shaki laga qabo in goobta qarax lagu xiray. Illaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka Kenya oo ku aaddan xaaladda. Xaalada xaafada islii ayaa haatan ah mid aad u kacsan xaaladeeda, waxaana jira in ay xiran yihiin waddooyinka soo gala aagaas. Inkasta oo marar badan ay qaraxyo ka dhaceen Nairobi, haddana badanaa ma dhacdo in la beegsado xaafadda Islii, oo ah meel ay aad ugu badan yihiin Soomaalida. Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe, Insha Allah Cabdixakiin Cilmi Xasan Nairobi, Kenya The post DEG DEG: Qeybo ka mid ah ISLII oo lagu kala cararay xilli ay jiraan warar sheegaya qarax… appeared first on Caasimada Online.
-
Jidadka ku yaala Gudaha Magaalada Jigjiga oo la xidhay Saaka+Sababta Guud ahaan caasimada jigjiga saaka waxaa la xidhay jidkasta oo ku yaala gudaha magaalada waddo kastana waxaa taagan askar. Sababta loo xidhay wadooyinka ayaa lagu sheegay in musharriinta xisbiga Barwaaqo ee maamulka magaalada jigjiga ay samayanyaan ololahooda doorashada taasna loo xidhay jidkasta. Qaran News
-
Maxkamad Dil ku xukuntay Ex-madaxweyne Donald Trump & Amiir Maxamed Bin Salmaanka sacuudiga+Sababta Maxkamad fadhigeedu yahay dalka Yemen ayaa xukun dil ah ku ridday 10 qof oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan. Sidoo kale boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud ayaa ka dhex muuqda liiska dadka lagu xukumay dilka toogashada ah oo loo heysto inay “mas’uul ka ahaayeen” xassuuq labo sano ka hor loo geystay arday reer Yemen ah. Garsooraha ayaa sheegay in xukunkaas uu ku riday “saddexda eedeysane” iyagoo ka maqan maxkamadda, oo ku taalla gobolka Sacda ee dhaca dhinaca waqooyi-galbeed ee dalka Yemen. Warbaahinta caalamka, oo ay u badan yihiin kuwa Carabta ayaa si weyn u hadal hayay wararka ku saabsan xukunkaas oo lagu dhawaaqay maalintii Talaadada. Shakhsiyaadka xukunka lagu riday ayay garsoorka maxkamaddu sheegeen in lagu helay dambi la xiriira ku lug lahaamshaha duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha xulafada Sacuudiga oo sanadkii 2018-kii lagu beegsaday bas ay saarnaayeen carruur iskuuleey ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA. Baska ardayda waday ayaa gantaal lagu dhuftay isagoo dhex maraya suuq ku yaalla magaalada Dahyan ee gobolka Sacda. 50 qof oo rayid ahaa, oo u badnaa carrur arday ah ayaa ku dhintay halkaas, ku dhawaad 80 kalena waa ay ku dhaawacmeen. Marka laga soo tago Trump, Boqor Salmaan iyo Maxamed Bin Salmaan, dadka kale ee ku jira liiska shakhsiyaadka toogashada lagu xukumay waxaa ka mid ah madaxweynihii xukuumadda Riyaad taageerada ka heystay ee Yemen, Cabdi Rabu Mansuur Haadi, Amiir Turki bin Bandar bin Maxamed bin Cabdiraxmaan Aala Sacuud – oo ka tirsan amiirrada boqortooyada Sacuudiga – xoghayihii hore ee waaxda gaashaandhigga Mareykanka James Mattis iyo saraakiil hore oo ka tirsanaan jiray dowladaha Mareykanka iyo Yemen. Garsooraha xukunka ku dhawaaqay, oo lagu magacaabo Riyaad al-Ruzaami, ayaa sheegay in dhammaan dadka dilka lagu xukumay sidoo kale laga doonayo inay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 10 bilyan oo doolar, taasoo la siin doono ehelada dadkii ku dhintay duqeynta. Go’aanka kasoo baxay maxkamadda ayaa kusoo aaday xilli dhawaan sagaal qof lagu fuliyay xukun dil toogasho ah oo lagu riday. Qaramada Midoobay, Mareyknaka iyo Ingiriiska ayaa si kala gooni gooni ah u cambaareeyay dilal noocaas ah oo lagu fuliyay gudaha dalka Yemen. Mid ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa wiil isagoo aan qaan gaarin gacanta lagu dhigay. Sagaalka qof oo dilkooda uu ka dhacay fagaare ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Sanca ayaa la sheegay in lagu helay dambi ku saabsan inay qorsheeyeen fal sanadkii 2018-kii lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Xuutiyiinta. Ninkaas ayaa ku dhintay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga Carabiga. Xuutiyiinta ayaase aaminsan in ragga la xukumay ay “cadowga” u gudbiyeen xog muhiim ah oo horseedday in Salih al-Samad iyo lix qof oo kale lagu bartilmaameedsado duqeynta. Sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay Yemen oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in sagaalka qof lagu dilay goob ay xaadir ku ahaayeen dadweyne badan. Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xukunnadaas aan la waafajinin xeerarka caalamiga ah. Midowga Yurub ayaa ku baaqay in cunaqabateyn adag lagu soo rogo Xuutiyiinta. Yemen ayaa dagaal ku jirtay tan iyo sanadkii 2015-kii. Qalalaasaha ayaa billowday kaddib markii fallaagada Xuutiyiinta ay la wareegeen maamulka inta badan dalkaas. Kaddib markii ay kacdoonka sameeyeen Xuutiyiinta, ciidamo shisheeye oo ay horkacayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa weerar ku qaaday Yemen si ay dib ugu soo celiyaan dowladdii ka jirtay dalkaas, howlgalkoodana waxa uu sababay dhimashada kumannaan qof oo rayid ah. Dad tiradooda lagu qiyaasay 130,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalka uu Sacuudiga hoggaaminayo ee ka socda dalka Yemen. In ka badan shan milyan oo qof ayaa halis ugu jira inay gaajo daran u dhintaan. Meelaha qaar waxaa adag in la geeyo gargaarka bani’aadannimo ee isugu jira cunnada iyo biyaha iyo sidoo kale kaalmada caafimaad ee ay dadka ugu baahan yihiin sida ugu dhakhsiyaha badan. Wali lama gaarin ujeeddada gulufkii dagaal ee ay xulafada Sacuudiga ku qaadeen dalka Yemen, hase yeeshee waxaa dalkaas gaaray burbur aad u weyn. Colaadda waxaa ku burburay isbitaallo, iskuullo iyo warshado badan oo qayb ka ahaa kaabeyaasha dhaqaalaha. Qaramada Midoobay ayaa xaaladda ka taagan Yemen ku qeexday xasaradda ugu xun ee bani’aadannimo ee ka taagan caalamka, iyadoo in ka badan kalabar ka mid ah isbitaallada ay burbureen ama albaabbada la isugu dhuftay. Qaran News
-
Xildhibaan shaaciyey Ogaadeen Dhaqaale Cusbitaalka Guud ee Hargeysa soo gala oo aan khansada Qaranka ku dhicin+Cida Maamusha Lacagtaa Xildhibaan Axmed-khaliif Jaamac Saalax oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, kana mid ah Guddida arrimaha bulshada, ayaa sheegay in Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, waxa badan oo wanaagsan laga qabtay, sidoo kalena ay jiraan dayac iyo waxyaabo ka badan awoodda maamulka dhakhtarka Guud. Xildhibaanka oo ka hadlaya waxyaabihi ay ku soo arkeen Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi “Runtii wax badan oo aanan ogayn ayaa noo soo baxay oo kala duwan, Wax badan oo wanaagsan Ayuu dhakhtarku qabtaa runtii ,Wax badan oo Dayacana Way jiraan oo shaqadooda ka xun ama habka ay umaamulan awgii kutimid, iyo Wax Badan oo awooda Maamul ka baxsan.” Xildhibaan Khaliif waxa uu intaasi raaciyey “Sidaasi awgeed weli, waxaa noo socda Baadhistayadii, Dhawaana Masuuliyinta ay khuseyso ee Wasaarada Caafimadka ayaan u yeedhi doonaa, Waxaa jira Dhaqaale Badan oo soo gala Dhakhtarka isla Markaan ay si toos ah u maamusho, Wasaarada Caafimaadka isla markaan aan Qasnada Dawladda ku dhicin Xogteeda oo dhamaystirana, Waxan ka sheegi doonaa Golaha shacabka . Shacabkana waa loo soo bandhigi doonaa isha allah. Wax kasta oo la Xumeeyey ama la Dayacayna Waan usoo Bandhigi doonaa, Waliba Cidii Masuuliyadaas Lahaydna Waan sheegi Doonaa si loola xisaabtamo Si Ciqaabta ay Mudato loogu Abaal Mariyo. Active Saleban Saxansaxo Qaran News
-
Wasiirrada, Guddoomiyayaasha iyo maareeyayaasha Hay’adaha kala duwan ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee ka soo jeeda Gobollada Bariga Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa ay ku mashquulsanaayeen kulamo hoose oo xidhiidh ah oo ay ka lahaayeen qorshaynta iyo abaabulka kaga aaddan safar Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dhawaan la filayo in uu ugu baxo Gobolladaasi Bari ee dalka. Masuuliyiinta sare ee xukuumadda ugu jira Gobollada Sanaag, Sool iyo Togdheer ayaa waxa ay maalmihii ugu dambeeyey ku hawlanaayeen sidii ay u dardar galin lahaayeen ulana iman lahaayeen qorshihii safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan ugu bixi lahaa Gobolladaasi iyaga oo hawshoodu tahay sidii ay Madaxweynaha ugu abuuri lahaayeen Jawi ama deegaan habboon oo uu safarkiisan ku soo guto kaasi oo wakhtigan loo aanaynayo in uu noqonayo safar siyaasadeed oo xodxodasho ah iyo in uu Madaxweynuhu mashkaxa ku soo galiyo dareenka iyo xaaladda siyaasadeed ee dadku qabaan marka laga hadlayo Gobollada Bari, gaar ahaan sida ay bulshadu u aragto wax-qabadka xukuumaddiisa iyo dareenka ay ka qabaan. Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo u dhuun daloola kulamadani waxa ay wargeyska Foore u xaqiijiyeen in Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Gudaha Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Wasaaradda Biyaha Cali Xasan Maxamed (Marreexaan), Dastuurka iyo xidhiidhka Golayaasha Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Warfaafinta Saleebaan Cali Koore, Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed iyo kuwo kale oo badani ay kulano gaar ah ka yeesheen sidii ay uga hawl gali lahaayeen habsami u qabsoomidda safarka Madaxweynaha ee la filayo in uu ku tago dhawaan Gobollada Sool, Sanaag yo Togdheer. Ilo-wareedyadan xog-ogaalka ahi waxa ay noo xaqiijiyeen in Saraakiishan xukuumadda ee kulamadan isugu yimid ay wax iska waydiiyeen arrimaha ku aaddan diyaarinta safarka Madaxweynaha ee dhinacyada Loojistikada, kharashaadka la iska sii horraysiiyo ee loo diyaariyo soo dhawaynta iyo arrimo kale kuwaasi oo ay intooda badan wax badan uga qabsoomeen marka laga tago kharashaadka ay u baahnaayeen oo aanay wali ka helin dhinaca Madaxtooyada iyada oo Wasiirka Wasaaradda Daakhiliga Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed loo qoondeeyey in uu isagu Madaxweynaha ka soo dhammeeyo kharashaadka ay kooxdani u baahan tahay si ay ugu gogol xaadhaan safarka Madaxweynaha. Ujeedada safarka Madaxweynaha ayay ilo-wareedyadani noo sheegeen in ay ku aaddan tahay sidii Madaxweynuhu uga soo cabbir qaadan lahaa u kuur galidda bal taageerada uu deegaamadaasi ku haysto iyada oo hadal hayn badani la xidhiidho in waxa uga soo baxa safarka Madaxweynaha la filayo in uu ku go’aan qaato haddiiba uu sannadka soo socda golayaasha qaranka marsado muddo korodhsi laba sano ah iyo haddiiba uu wakhtigeeda doorashada ku qabanayo oo uu ku calool adaygayo. Isku soo wada duuboo bal waxa laga dhur-sugi doonaa wakhtiga uu Madaxweynuhu safarkan ugu baxo Gobolladan saddexda ah iyada oo dad badani saadaal ka bixinayaan in uu kala kulmi doono dareen taban oo dadku badanaa ka qabaan xukuumaddiisa iyo wax-qabadka uu la yimid muddodii afarta sano ahayd ee uu dalka ka talinayay oo dhawaan u buuxsami doonta. Source
-
Masuuliyiin badan oo isugu jira Wasiirradii xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, Siyaasiyiin ka tirsanaa xisbiga KULMIYE iyo kuwo siyaalo kala duwan uga baxay xisbul muxaafidka oo in muddo ahba dibad joog ka ahaa xarumaha dawladda iyo xisbiga ayaa waxa ay maalmihii ugu dambeeyey kulamo ballaadhan oo saxaafaddu dibad joog ka ahayd uga socdeen magaalada Hargeysa. Xubno badan oo miisaan weyn ku lahaa xisbiga KULMIYE horena xilal kala duwan oo Wasiirro, Safiirro, Maareeyayaal, Guddoomiyayaal iyo siyaasiyiin KULMIYE ahaaba ku jiraan ayaa waxa ay toddobaadkii ugu dambeeyey kulamo xidhiidh ah ku lahaayeen huteello ku yaalla caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kulamadaasi oo aan loo ogolayn saxaafadda ayaa waxa wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhayaa tibaaxayaan in ay iskula meel dhigeen qorshayaal siyaasadeed oo ay gabi ahaanba si rasmi ah ugu xuub siibanayaan sidii ay guluf ama dagaal siyaasadeed oo culus ugu qaadi lahaayeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa. Xogaha wargeyska Foore kulamadan ka helay waxa ay tibaaxayaan in kulamadaasi maalmihii ugu dambeeyey ka soconayeen Hargeysa iyada oo ujeedadoodu tahay sidii ay marka hore isku xaal waraysan lahaayeen marka xigana uga tashan lahaayeen bal tallaabooyinka siyaasadeed ee ay si wada jir ah u qaadi karaan iyaga oo isku duubban oo si wada jir ah u wajahaya xaaladda siyaasadeed ee ku gedaaman maadaama ay dalka ku soo wajahan tahay doorashadii Madaxtooyada Somaliland oo wakhtigeedu ku aaddan yahay dhammaadka sannadka soo socda ee 2022. Inkasta oo aanay noo suurto galin in aanu wada helno magacyada kulamadan ka qayb galay ama ay ay fikraddani midaysay ee isku mabda’a, haddana waxa si weyn loo hadal hayaa saamaynta ay kulamadan iyo abaabulkooda ku leeyihiin xubno ay ka mid yihiin wasiirradii hore Maxamuud Xaashi Cabdi, Maxamed Aadan Qabo, Cabdillaahi Ibraahim Habane (Cabdillaahi Dheere), Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar, Jaamac Shabeel iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Maareeyayaal, Badhasaabo hore iyo xubno xilal sare ka soo qabtay xisbiga KULMIYE kuwaasi oo dhammaantood ay midaysay ujeeddo kali ah oo ah sidii ay dagaal siyaasadeed ula gali lahaayeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, doorashada soo socotana ay uga ololayn lahaayeen. Wargeyska Foore oo u kuur galay kulamadan waxa ay ilaha aanu ka helnay tibaaxeen in kulamada u socda masuuliyiintani ay sii socon doonaan in muddo ah iyaga oo diiradda ku haya safarka Madaxweynaha ee la filayo in uu gobollada Bari ee dalka ugu baxo dhawaan wixii intaa ka dambeeyana la filayo in ay shaaca ka qaadaan mawaaqiftooda siyaasi ee ay qaadanayaan iyo halka ay isugu biyo shubanayaan Source
-
Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan isku dayay inuu boodhka ka jafo Waxgaradka iyo Ganacsatada kasoo jeeda Deegaamadiisa si uu mar kale horgale uga dhigto tartanka uu maagan yahay inuu isku soo taago Kursiga Madaxtinimada Dalka, isagoo sameeyay Gudi ka kooban Beelaha Gabiley Clan kuwaasi oo ay ugu war dambaysay habeenkii ay kulmeen. Wararka Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi quus ka taagan yahay xataa deegaamada uu kasoo jeedo kadib markii uu ku guuldaraystay abaabul uu isku dayay inuu mar kale taageero uga helo damaca uu ka qabo inuu mar kale u tartamo Kursiga uu hadda ku fadhiyo ee Madaxtinimada Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa bishii aynu soo dhaafnay waxa uu dhaq dhaqaaq aan xooganayn ka dhex sameeyay Wax garadka deegaamada uu kasoo jeedo isagoo kulan la qaatay Wax garadka iyo ganacsatada ugu miisaanka Culus Deegaanka uu kasoo jeedo, gudi hor dhac ahna ka dhex sameeyay. Madaxweyne Biixi ayaa sida warkani nagu soo gaadhay waxa uu sameeyay Gudi ka kooban Beelaha Gabiley Clan oo tiro ahaan markan hore koobnaa kuwaasi oo uu u xil saaray sidii ay kaambayn olole ah uga dhex bilaabi lahaayeen Deegaamada uu kasoo jeedo Madaxweyne Biixi, gudidaasi oo uu ka mid ahaa Ganacsade Maxamud Qaalib Cali oo kasoo jeeda Beesha Sacad Muuse iyo Ganacsade Muuse Dalab oo isna kasoo jeeda Beesha Ciise Muuse, waxa uu odayaashan ka dhigtay Musdambeedka Ololihiisa mar kale isagoo u diray sidii ay u soo qiimayn lahaayeen aragtida deegaankiisa ee ku saabsan inuu Mar kale isasoo sharaxo. Wararka Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in odayaashaasi ay waji gabax kala kulmeen kulamo ay la qaateen waxgarad kala duwan oo deegaamadan kasoo jeeda kadib markii ay u bandhigeen fariinta iyo hawsha ay wadaan, waxaannu dhaq dhaqaaqaasi socday muddo laba todobaad ah kaasi oo aan illaa hadda la ogayn halka uu ku dambeeyay, balse waxa la aaminsan yahay inay ka niyad jabeen qorshahaasi, lamana oga inay Madaxweynaha ku war celiyeen iyo in kale. Waxay u muuqataa inuu Madaxweyne Biixi waji gabax kala kulmayo xiita deegamada uu kasoo jeedo hadii uu mar kale isasoo sharaxo, iyadoo uu ku hawlan yahay inuu Doorashada Madaxtinimada wakhtigeeda ku qabto. Sikasta ha noqotee, waxa dhinaca kale socda abaabul xoogan oo siyaasiyiinta iyo Waxgaradka deegaamadiisa kasoo jeedaa ay wadaan taasi oo ay gorgortan siyaasi ah kula jiraan Xisbiyada Mucaaridka. Source
-
(SLT-Laascaanood)-Agaasimaha Cisbitaalka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool Marwo Faahiima Jaamac ayaa daaha ka fayday dhacdo musuq maasuq oo in badan ay sheegtay inay qarinaysay taasi oo si gaar ah loo lunsado lacagta kabka ah ee Cisbitaalka Weyn ee Dawladda magaalada Laascaanood. Marwadan ayaa muuqaal cod ah oo laga duubay uga warbixisay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Xergeeye oo booqday, taasi oo ay u sheegtay in Cisbitaalka Laascaanood aanu soo gaadhin lacagta kabka ah islamarkaana cid gaar ahi jeedka ku shubato iyadoo farta ku fiiqday isuduwaha Wasaaradda ee Gobolkaasi oo ay sheegtay inuu ku lug leeyahay, waxay Shaacisay in Cisbitaalkaasi qarka u saaran yahay inuu xidhmo islamarkaana aanu sii jiri Karin haddii wax laga qaban waayo musuq maasuqaasi. Codka Marwada ayaa waxa ka mid ahaa “Waxay Soomaalidu ku maah maahdaa, haddii ay Fooli timaado, Gudo Qarsiin majirto, waxaan in badan qarinayay ayaan maanta qarin waayay, marka hore waxaan su’aal waydiisanayaa Isku duwayaasha iyo agaasimayaasha Goboladda, bal sida kabka Cisbitaalka doorka ay ku kala leeyihiin, kaasi waa haddii la iiga jawaabay”. Waxa kale oo ay tidhi “Kalabaad, anigu waxaan ahay Agaasimaha Cisbitaalka Laascaanood, kabka Cisbitaalka Dhib badan ayaan ku qabaa, Cisbitaalkuna la’aantii ma shaqaynayo, sidaas awgeed waxa jira meheraddo aan kasoo qaado kolba waxa loo baahan yahay, marka Quarter-ku dhamaadana waan bixinaa, waxaan waayay kabkii aan ku bixin lahaa, aniga oo agaasime ah saxeex kuma lihi, Admin finance-yadayuna saxeex kuma laha, wakhtiga uu yimaadana ma ogaano, sidaa awgeed waxaan aadaa Maaliyadda iyo bankiga halkaasi ayaan waraysi u tagaa, waana dhibta i haysata iyo caqabada i haysata”. Ugu dambayn waxa ay soo jeedisay “Sidaas awgeed, sanadkan waxa soo dhacay laba Quarter, hal kuwaatar ayaa helay, Quatarkii labaad 25-kii June ayaa lala baxay, markaan isu duwaha u tagayna, ee aan ku idhi , isuduwe lacagtii ayaan doonayaana waxa uu igu yidhi, xafiiska iiga bax, agaasime hawshaas haddaanad wax ka qaban, Cisbitaalkani ma shaqayn karayo, anakana dhib ayaa na haysata”. Dhawaan ayuunbay hayd markii la shaaciyay in Mashiinkii Oxygine-ta Ceerigaabo la xaday islamarkaana laga iibiyay Maamulka Puntland, taasi oo uu Markii dambe qiray jiritaanka Warkaasi Wasiirkii dhawaan laga badelay Wasaaradda Mr Cumar. Dhacdooyinkan ayaa muujinaya heerka uu musuq maasuqo ka marayo Hay’addaha dawladda iyo sida loogu talax tagay hantida dawladda iyadoo aanay wax dabagal ahi ka dhex jirin Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hore ugu ololayn jiray inuu musuqa dabar jarayo Source
-
(SLT-Washington)-Sarkaal ka tirsan CIA-da oo u safrayay Hindiya bishan isaga iyo agaasimaha hay’adda ayaa laga soo sheegay astaamo la xiriira xanuunka Havana syndrome, oo maskaxda saameeya, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka. Saddex ilo wareed oo aan la magacaabin ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in sarkaalka uu helay daryeel caafimaad oo ku saabsan cudurka qarsoon. CIA -da kama aysan jawaabin codsiyada cidsi ay u dirtay BBC-da ay uga hadlaan arrintan. Waa kiiskii labaad ee la soo sheego muddo bil gudaheed ah, iyadoo mas’uuliyiinta Mareykanka ay sii wadaan baaritaanka sababta keentay. Bishii Ogosto, duulimaadkii Madaxweyne Ku -xigeenka Kamala Harris oo ka yimid Singapore kuna sii jeeday caasimadda Vietnam ee Hanoi ayaa muddo kooban dib loo dhigay kadib markii sarkaal Mareykan ah uu soo sheegay astaamo muujinaya cudurka Havana syndrome. Xanuunkan ayaa markii ugu horeysay saameeyay shaqaalaha safaaradaha Maraykanka iyo Kanada ee Havana, Cuba, sannadihii 2016 iyo 2017. Dhacdooyin kale oo dhowr ah ayaa tan iyo markaasi laga soo sheegay saraakiisha Maraykanka ee ku sugan waddamada Shiinaha, Ruushka, Jarmalka iyo Austria. Diblomaasiyiinta waddamada Mareykanka iyo Canada ee ku sugan magaalada Havana ayaa horay uga cawday xanuunkaas oo calaamadihiisa qaar ka mid ah lagu sheegay madax wareer, dhac dhac, maqalka oo luma iyo cabsi xad dhaaf ah. Mareykanka ayaa xilligaasi Cuba ku eedeeyay inay diblomaasiyiintooda “ku weerareen waxyaabaha dhaliyay xanuunka”, walow ay mas’uuliyiinta dalkaas beeniyeen eedeyntaas. Dhacdooyinkaas ayaa sii xumeeyay xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Cuba. Sanadkii 2019-kii, khubaro Maraykan ah ayaa daraasad ku ogaaday in “uu dhaawac maskaxda ka gaaray” diblomaasiyiintii la xanuunsatay cudurkaas, laakiin Cuba ayaa ku gacan sayrtay natiijadaas. Dadka ay saamaysay waxay sheegaan inay si lama filaan ah u dareemeen cadaadis dhanka maskaxda, iyo inay maqleen dhawaaqyo yaab leh oo ka imanaya meel aysan garanayn. Qaar kale waxay dareemeen dawakh, lallabbo iyo daal, iyo calaamado kale. Daraasad cilmiyeysan oo lagu sameeyay dadkii uu xanuunka ku saameysay Cuba, oo la daabacay 2018, ayaa lagu ogaaday in diblomaasiyiinta ay soo mareen qaab dhaawac maskaxeed. Sababta si rasmi ah looma ogaanin, laakiin cilmi -baarayaashu waxay sheegeen inay u badan tahay natiijada shucaaca microwave ee tooska ah. Daraasado kale ayaa soo jeediyay in ultrasound, sunta cayayaanka ama walxaha kale ee waxyeellada leh ay sabab u noqon karaan. Ilo wareedyo ayaa CNN iyo New York Times u sheegay in agaasimaha CIA William J. Burns uu ka carooday dhacdadii ugu dambeysay ee India. Qaar ka mid ah saraakiisha CIA-da ayaa rumeysan in dhacdadan ay geysatay awood ka soo horjeeda Mareykanka, iyagoo farriin u diray agaasimaha una sheegay inuusan jirin qof badqabkiisa la xaqiijin karo, CNN ayaa werisay. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka walaac ka muujiyay sida ay u suurtogal tahay in dembiilaha bartilmaameedaaday sarkaalka hore u ogaaday booqashada agaasimaha, oo ahayd sir si dhow loo ilaaliyo, warbaahinta ayaa intaas ku dartay. Bishii Juun, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay in dib u eegis lagu sameeyo sababaha xanuunka. Ilo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in guddi hawleed gaar ah oo uu hoggaaminayo sarkaal ka tirsan CIA -da oo mar hogaaminyay raadintii Osama Bin Laden ay baaritaan wadaan. Baaritaanka ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo ka hor dhammaadka sannadkan, balse waxaa laga yaabaa inuu muddo intaa ka dheer qaato, mana jirto qorshe dadweynaha loogu so bandhigayo natiijada xanuunkan, CNN ayaa sidaasi werisay. Source
-
Wasiirka Qorshaynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo maanta soo gaaray magaalada Garoowe ayaa u sii gudbay dhinaca degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan. Saraakiisha Amniga Garoowe diyaaradaha Caalamig ah ee caasimadda Garoowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku saabsan in xiisad ka dhalatay imaatinka Wasiir Jamaal. Saraakiisha ayaa sheegay in Faafinta wararkaas uu ka dambeeyo Wasiirka oo doonaya in uu kiciyo jaah-wareer bulsho islamarkaana dano siyaasadeed ka leh arrintaas. Soo dhowaynta Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa haatan ka socota magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan halkaas oo dadweyne kala duwan ku sugan yihiin. Jamaal Maxamed Xasan ayaa isu-diyaarinaya olole ku jihaysan in uu mar kale ku laabto kursiga Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya lagu xannibay Garoowe? appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (Commentary) — Homogeneity has been the most striking description about the Somali polity. Armed Somali clans that carved up Somalia into clan fiefdoms are now taking one further step to validate the proposition that, since Somalis belong to one ethnicity, they cannot co-exist peacefully under a mono-ethnic state. They will have to merge with neighbouring countries not by force but voluntarily, the argument goes. PM Roble’s hasty decisions remind people of General Aidid who had a desire to replace Siad Barre as a new military leader. The point is to worry less about breaking up Somalia into two countries, but the Somali nation state disappearing into neighbouring countries. This might sound far-fetched but the behaviour of political elites gives clues as to the plausibility of the proposition. The clan identity protects politicians who committed treason by authorising and signing Memorandum of Understanding with Kenya over Somalia maritime territory. National interest is absent in the rudimentary, political system of Somalia. Take a look at the capital of Somalia, Mogadishu: it’s where, in 1991, leaders of the United Somali Congress turned the capital into militia strongholds and oversaw widespread looting and massacres. The capital city is still divided into militia strongholds paid in the name of security forces, a trend that the Union of Islamic Courts temporarily ended following the defeat of warlords funded by the United States under the banner of the Alliance for Counterterrorism fifteen years ago. History may be repeating itself. In 1991 General Aidid went to Radio Mogadishu to try to proclaim that he “is the President of Somalia”. Colonel Donyale challenged him, but the damage that precipitated the collapse of state was done. The takeover of Radio Mogadishu by PM Mohamed Hussein Roble, a distant relative of General Aidid’s, hints at where Somalia might heading — a second state collapse. The End of Somalia as a nation state might be nigh if United Somali Congress sentiments are still dominant among Mogadishu’s warlord-inspired political elites. Politicians who betrayed Somalia are seeking the highest office of the country. Does such a nation state deserve to remain a member of community of nations if a large part of its capital are still indirectly controlled by militias, if the Security Minister holds a portfolio illegally because his militias are within a stone’s throw away from Villa Somalia? Answers on a postcard, please. By Adan M. Dawad The post History Might Be Repeating Itself in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ka socdo wada-hadallo xasaasi ah oo lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo sidoo kale ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Wada-hadallada ayaan weli laga gaarin natiijo rasmi ah, balse waxaa haatan socda kulamo iyo dadaallo ay wadaan guddiga ku howlan dhex-dhexaadinta labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in guddiga uu kalan gaar ah la yeeshay Farmaajo, isla-markaana ay kala hadleen xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya. Qodobada laga wada-hadlay ayaa waxaa ka mid ah:- In kiiska Ikraan Tahliil loo daayo Maxkamadda awoodda dastuuriga ah ee kiiska dacwadu hor yaallo, hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo waxa uu doonayaa in marka hore Guddigi uu magacaabay uu shaqeeyo. NISA: Guddigu waxaa uu soo jeediyay in Gen. Bashiir si KMG ah u sii hayo xilka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha kasoo heshiiyaan taliyaha rasmiga noqon doono muddo kooban, balse Farmaajo ayaa diiday wuxuuna ku adkeystay in Yaasiin Farey sii hayo xilka hey’adda. Wasiirka Amniga: Guddigu waxaa uu soo jeediyay in Ra’iisul Wasaare Rooble u bedelo wasaarad kasta oo ka mid ah 25 wasaaradood, marka laga reebo, sidoo kale Farmaajo waxaa uu soo jeediyay 2 wasaaradood kaliya mid ka mid ah in loo wareejiyo Cabdullaahi Maxamed Nuur. Sidoo kale qodobadaan iyo waxyaabaha kale oo uu guddiga dhex-dhexaadinta kala soo kulmay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa loo gudbin doonaan dhanka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo aysan cadeyn waxa ka imaan doono dhinaca Rooble. Si kastaba, arrintan ayaa muujineyso in weli labada dhinac ay kala joogaan meelo aad u kala fog, iyada oo xiisadooda ay saameysay geeddii socodkii doorashooyinka 2021-ka. The post Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadallada u socda Farmaajo iyo R/W Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Daa’uud Shire Maxamed oo ka hadlay xaflada ay magaalada Muqdisho ku qabsadeen kooxda Halgan ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin horomarinta Kubadcag yaraha Soomaaliya iyo guulaha uu gaaray. “Waan u mahadcelinaynaa maaamulka, macallimiinta iyo ciyaartooyda kooxda Halgan , runtii waxay muujiyeen da’daal wanaagsan waxayna maanta ka mid yihiin kooxaha heerka ee Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu sheegay Mudane Daa’uud Shire Maxamed Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha. Xoghaye Daa’uud Shire Maxamed wuxuu soo dhaweeyay ganacstada iminka bilaaway dhiiirginta kooxaha Kubadcag yaraha, wuxuuna arintaas ku tilmaamay guulo weyn ay gaareyn madaxda Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya iyo kooxaha kala duwan ee kubacag yaraha dalka. “Waxaan ganacastada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah horomarinta iyo dhiirigelinta kooxaha Minifootboolka u balanqaadayaa in aan waxqabadkooda tusin doono Caalamka, waxaana sidoo kale ka rabnaa in ay door wanaagsan ka qaataan guulaha Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu xoghayaha Xiriirka Kubadcag yaraha Da’uud Shire Maxamed u sheegay Ganacastada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah horomarinta Minifootbolka dalka. Xoghaye Daa’uud Shire Maxamed wuxuu amaanay da’daalka wanaagsan ay wadaan madaxda kooxaha kala duwan ee Kubadcag yaraha Soomaaliya, isagoo u rajeeyay guul iyo horomar. “Waan u hambalyaynaa is badalka wanaagsan ay wadaan mas’uuliyeenta naadiyada Kubadcag yaraha ,runtii waa wax lagu farxo waana sababta loo aas aasay kooxaha ay yihiin in la helo xidigo tayo wanaagsan oo matala Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Xoghayaha guud ee Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Daa’uud Shire Maxamed. Daawo Fariinta Uu Diray Xoghaye Daa’uud Shire Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Kooxda Halgan Oo Dhiirigelisay Ciyaartooyda Iyo macallimiinteeda W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Pakistan Shah Maxamuud Qureshi ayaa sheegay in dunida looga baahan yahay in ay u dul qaadato Taliban isla markaana xiriir lala sameeyo xukunkooda cusub. Wareysi ay la yeelatay wakaalada wararka The Associated Press ee AP ayuu wasiirku ku sheegay in Pakistan macaal la yeelanayso maamulka curdunka ah ee Afghanistan ka jira. Pakistan ayaa caalamka u soo jeedisay in la sameeyo qorshe waddada u xaaraya in Taliban hesho aqoonsi diblomaasiyadeed haddii ay ka soo baxdo shuruudaha loo dhigay ama laga doonayo. Wasiirka oo ka qeybgalay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa balan qaaday in dalkiisa uu cayaari doono door muhiim ah oo ku aadan xaaladda Afghanistan. Waxaa uu xusay in xukuumadda Afghanistan u baahan tahay dhiirigelin sida horumarinta dhaqaalaha, dib u dhiska iyo ka soo kabashada dagaaladii todobaanka sano ka socday dalkaas. PUNTLAND POST The post Pakistan oo xusul duub ugu jirta sidii caalamku u aqoonsan lahaa Taliban appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo khamiis ah ku dhawaaqday xukunka eedeysanayaal Ajaanib ah oo ka tirsan ururka Al-shabaab. Raggaan oo muddo dheer ka barbar dagaalamayay Al-shabaab Dereyn Antonio Perez oo 44 jir ah, una dhashay Britain iyo Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo 34 jir Malaysian ah. Eedeysanayaasha oo muddo dheer a socotay dhageysiga gal dacwadeedkooda ayaa waxaa la sheegay in ay Shabaab ku biireen sanadihii 2009-kii iyo 2010. Inta ay socotay dhageysiga gal dacwadeedka ayaa lag soo bandhigay in eedeysanaha koowaad ee Dereyn in uu ka qeyb galay dagaallo ka dhacay Muqdisho, Galgaduud,Gedo iyo Shabeelooyinka. Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda darajada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in labada Eedeysane lagu xukumay 15 sano oo xabsi ciidan ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo uu xalay saraakiisha ammaanka isugu yeeray la-taliyaha amniga qaranka, Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay saraakiil sar-sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranla, sida Yaasiin Farey oo uu dhowaan si KMG ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ugu magacaabay agaasimaha hay’addaasi. Sidoo kale waxaa kulanka oo uu albaabada u xirnaa qeyb ka ahaa taliyaha ciidamada Xoogga dalka, taliyaha ciidamada Booliska, taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir, Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish iyo sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ka qeyb-galay kulankaasi oo ah mid xasaasi ah dhamaan laga reebay taleefanada, maadaama shirku ahaa mid uu dalbaday Fahad Yaasiin. Sida ay ogaatay Caasimada Online kulankani waxaa intiisa badan diirada lagu saaray arrimaha ammaanka ee dalka, iyada oo la-taliyaha amniga qaranka uu faray taliyeyaasha ciidamada inay gutaan waajibaadka saaran, isaga oo sidoo kale ku war-geliyey in haatan wixii ka dambeeya ay si toos ah ula shaqeyn doonaan. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in Fahad Yaasiin uu xbunaha ka qeyb-galay kulanka u xaqiijiyey in xalka khilaafka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha uu dhow-yahay, sidoo kalena ruux aan aheyn Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey loo magacaabi doono taliska hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya. Waxa kale oo lagu ballamay in kulamada ay sii socdaan, si loogu kala warqaado xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan xiisadda taagan ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Kulankan ayaa u muuqdo mid uu awaddiisa ku muujinayo la-taliyaha amniga qaranka oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Si kastaba, wuxuu kulankani ku soo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay socdaan wada-hadallo lagu dhex-dhexaadinayo madaxda ugu sarreysa ee dowladda Soomaaliya. The post XOG: Maxaa kasoo baxay kulanka Fahad Yaasiin iyo taliyeyaasha ciidamada? appeared first on Caasimada Online.
-
Ururka naafada somaliland ee (SSDHO) ayaa cabasho ka dhan ah wasaarada shaqo-galinta, arimaha bulshada iyo qoyska somaliland u gudbiyey gudi-hoosaadka arimaha bulshada ee golaha wakiilada somaliland. Ururka naafada ayaa wasiirka shaqo-galinka ku eedeeyey in aanu ku darin ururada dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ay dawladu dhaqaalaha (miisaaniyada) ku kabto. Gudoomiyaha gudi-hoosaadka arimaha bulshada ee golaha wakiilada maxamed xuseen maydhane oo qaabilay madaxda ururka naafada ayaa u balanqaaday in ay wax ka qabanayaan cabashadooda sidoo kalena ay maalmaha soo socda u yeedhi doonaan wasiirka shaqo-galinta iyo arimaha bulshada Mustafe Godane si ay su,aalo uga waydiiyaan cabashada ururka naafada. Source
-
Caasimadda Gobolka Sool waa Magaalada Laascaanood. Maamulka Soomaaliland wuxuu gacan ku haynta Magaalada la wareegay October/ 2007, saddex sanno ka dib xilligaas oo ahayd 2010 waxaa magaalada ka bilaabmay waxa la dhaho Madax jebis amase dilal qorshaysan oo loo gaysano Indheergaradka Magaalada. Ku dhawaad dad gaadhaya haddii aysan ka badnay 84 qof in ka badan ayaa lagu dilay gudaha Magaalada; caawa cidna looma hayo loomana soo qaban. Dadka degan Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolada SSC dhex dooda waxaa ka dhici jirtay Aanooyin qabiil salka ku haya oo qofkii habeen madow wax dilla amase la dilo waa la ogaan jiray, iyakoo ay sheegayaa qoyska amase qabiilka dilkaas gaystay iyakoo ugu aaraya mid kale oo uga maqan jifidan kale ee ay wax ka dishay. Laakiin sidii ay Soomaaliland u timi saddex sanno ka dib Magaalada dhaqan ka duwan ayaa yimi oo ah; qof in badhtamaha suuqa lagu dilo haddana la odhanayo LAMA GARANAYO cida dishay. Dadka u badan ee Laascaanood lagu dilay waxay yihiin dhammaan indheergaradkii Gobolka, kuwo Maamulka meesha ka jira u shaqeeya, Ganacsatada, Suxufiyiin, Haldoorka Magaalada iyo qof kasta oo ka dhaqdhaqaaqaya Magaalada iyo dadka halkaas degan ba’. Dhamaan Magaalooyinka kale ee uu ka taliyo Maamulka Soomaaliland sida Burco, Hargeysa, Ceerigaabo iyo Boorama ba kama jirto wax la dhaho Madax duub dadka laaya oo aan la garanayn. Maxaa ku koobay oo keliya Magaalada Laascaanood ?. Anigu waxaan soo jeedinayaa qoddo badan soo socda, si xal waara loogu helo Magaalada Laascaanood. 1) Qofkasta oo lagu dilay Magaalada Laascaanood waxaa masuul ka ah Maamulka meesha ka jira, sababtoo ah haddii uusan jiri lahayn Maamul meesha jooga qofna inta layska dilo lama garan waayeen habeen iyo maalin ba. 2) Maamulka Soomaaliland ee gacanta ku haya Magaalada Laascaanood waxaa waajib ku ah in meel la saaro Indheergaradkii Gobolka ee la laayey, haddii aysan awoodin waa in ay masuuliyada Amni ku wareejiyaan dadka degan Magaalada iyakuna iskaga baxaan Caasimadda. 3) Ciidanka u badan ee Military ah, Boolis ah, Nabadsuggida ayaa jooga Laascaanood. Haddana in la garan waayo waxa dadka xasuuqaya maaha wax caqliga iyo garaadkuba yeelayo Jaalle-yaal. 4) Dadka Eebbe ku abuuray deegaanka waxaa waajib ku ah sida ay u sheegeen culimadu in ay iyaku Amnigood sugtaan, qofkasta uu dhegto sudho A47; maadaama aysan jirin Maamul u damqanaya oo amnigooda lagu aammini karo. Fg: Horta xaggee ayey ku danbaysay Gudidii uu soo dhisayey Garaadka Guud ee Gobolka Sool Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ?!. W/Q: Muxammad Sugaal Baaruud Xoogsade. Source