Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ceerigaabo (Caasimada Online) – Taliyaha laanta socdaalka gobolka Sanaag, Siciid Cige Maxammed oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa shaaciyey inay bilaabayaan musaafurinta dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Ceerigaabo. Amarka oo si toos ah uga soo baxay xukuumadda Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay Taliyaha in muddo 15 maalmood gudahood ah lagu fulin doono, ayaga oo bartilmaameedsan doona dadka deegaanadaas kasoo jeeda, oo ay ku jiraan ganacsato. “Waala saarayaa cid been u sheegi kartaana ma jirto, waxay kaga baxayaan muddo 15 cisho ah, xeerkaasi waa xeerka socdaalka, wuxuu dhigayaa in ajaanibka aan u dhalan dalka iyo muwaadiniinta la kala saaro, waxaanu u aqoonsanahay niman Soomaaliyeed oo koonfurta Soomaaliya ka yimid anaguna waxaanu nahay Somaliland,” ayuu yiri Taliye Siciid Cige. Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka uu hore u sii diiwaan-geliyay magacyada shakhsiyaadka la musaafurinayo, ayaga oo loo qabtay in 21-ka bisha ka horeysay ay ka baxaan gobolka Sanaag iyo guud ahaan deegaanada Somaliland. “Horay ayaanu u diwaan galinay dadkan, waa kuwaa sawiradoodi waad aragtaan, anaga waa naga diyaar, hadaanu socdaalka nahay, magacii qofkii iyo sawirkiisii, saacada loo qabtay ee 21 bisha waa in ay ku baxaan, amniga dalkana dowladu amar ayay bixisay.” Dhanka kale, Maxamed Khaliif Nuur waa guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag ahna sii hayaha Gudoomiyaha gobolka oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in dadka la musaafurinayo ay qeyb ka yihiin Itoobiyaanka ku sugan gobolkaas. Waxa uu sheegay in gobolka uu siiyey muddo ku filan dadkaas la musaafurinayo si ay ugu diyaar garooban ayna kusoo aruursadaan deyntooda iyo wixii u kala daadsan. “Waxaa aaminsanahay in muddadaas ay ku diyaar garoobi karaan ka xukuumad ahaan kuna gaari karaan deegaanadii ay hore ugu soo kicitameen, iyagu maaha dad deegaan ah oo waa dad baayac-mushtar ah oo alaab iibinaya ee maaha dad beero iyo guryo sameystay, waana amar kasoo baxay dowladda,” ayuu yiri. “Gobolada bariga waxaa ka dhacay dilal badan markaa iyada oo la doonayo in arrimaha amniga wax laga qabto ayaa keentay in la kala saaro dadka muwaadiniinta ee reer Somaliland iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee deriska la ah Somaliland, dariiqa nabad-galyada loo marayo ayaa keentay in dadkaas la saaro.” Amarka musaafurinta ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan magaalada Laascaanood laga saaray dad la sheegay in ay ka soo jeedaan Koonfurt Soomaaliya, kuwaasi oo aan hore loo sii ogeysiin in la raafayo, taasi oo si weyn loo cambaareeyay. The post Somaliland oo shaacisay magaalada labaad ee ay ka billaabeyso masaafurinta appeared first on Caasimada Online.
  2. Jigjiga (HOL) - The President of Ethiopia's Oromia region travelled to Jigjiga on Thursday to meet his Somali region counterpart. Source: Hiiraan Online
  3. Qatar & Imaaraadka oo isku soo dhowaadey+Waxa isbeddelay? Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa Arbacadii tegay Abu Dhabi, wuxuuna la kulmay dhaxal-sugaheeda, taasi oo ah astaantii ugu caddeyd ee muujineysa in xiriirka labada dal ee Khaliijka uu soo hagaagayo. Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa werisay in dhaxal-suge Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu xarunta al-Bahr ee Abu Dhabi ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani. Warbixinta oo koobneyd ayaa lagu sheegay in labada mas’uul “ay ka wada-hadleen xiriirka xooggan labada dal, iyo hababka sare loogu qaadi karo, si loogu faa’iideeyo danaha labada qaran.” Xiriirka labada dal, ayaa hase yeeshee, ahaa mid aad uga fog xooganaan tan iyo bartamihii 2007, markii Imaaraadka Carabta ay qeyb ka noqotay afar dal oo Carbeed oo qaadacay Qatar, si ay isugu dayaan inay ku qasbaan inay joojiso taageerada ay siiso ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo ururada ku xiran, oo Abu Dhabi ay u aragto inay halis ku yihiin xukunkeeda. Sacuudi Carabiya, Masar iyo Bahrain ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa dadaallada qadacaadda oo looga dan lahaa in sidoo kale Qatar lagu cadaadiyo inay xiriirka u jarto Iran. Ugu dambeyntii, kadib saddex sano iyo bar, Sacuudi Carabiya ayaa hormuud u noqotay dadaal lagu soo afjaray khilaafka, waxyar kahor intii aan Joe Biden loo dhaarin madaxweynaha Mareykanka. Xayiraadda la saaray Qatar, oo ay qeyb ka aheyd in duulimaadyada Qatar laga xanibay hawada dalalkan, sidoo kalena laga xiray xuduudaha dhulka, ayaa si kastaba ku guul-darreysatay in laga gaaro ujeedadii laga lahaa oo aheyd in Qatar lagu qasbo inay isbeddel sameyso. Inkasta oo xiriirka diblomaasi ee Qatar iyo Sacuudi Carabiya uu horumar sameeyey, haddana xiriirka Qatar iyo Imaaraadka ayaa weli liita, marka la eego heerka ay la ekeyd kala qeybsanaanta. Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ee Imaaraadka Carabta ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah loo qaaday qaboojinta xiriirka kacsan. Booqashada ayaa timdi wax ka badan bil kadib markii Abu Dhabi ay la-taliyaheeda amniga qaranka Tahnoun bin Zayed Al Nahyan u dirtay Qatar. Kahor Qatar, Sheikh Tahnoun ayaa u safray Turkey – oo ah dal si weyn u taageera Qatar. AP Qaran News
  4. Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta safaro wafdi Wasiiro ah ku tageen Gobollada Gardafuu iyo Karkaar iyo Ansixinta Xeerka Dalxiiska Puntland. Golaha ayaa dood dheer kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka Dalxiiska Puntland, oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixino ka dhegaystay Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda, wuxuuna boggaadiyay shaqada socota, isagoo faray Hay’addaha dowladda dhammaan in lasii dardargeliyo shaqooyinka xiligan oo Puntland ay kusoo wajahanyihiin labo Doorasho mida Goleyaasha deegaanka ee hal cod iyo hal qof iyo tan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland? appeared first on Puntland Post.
  5. GALKAYO (HOL) - At least one person who was among hundreds of people evicted from Somaliland has died in Puntland of COVID-19, authorities have said. Source: Hiiraan Online
  6. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa Arbacadii tegay Abu Dhabi, wuxuuna la kulmay dhaxal-sugaheeda, taasi oo ah astaantii ugu caddeyd ee muujineysa in xiriirka labada dal ee Khaliijka uu soo hagaagayo. Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa werisay in dhaxal-suge Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu xarunta al-Bahr ee Abu Dhabi ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani. Warbixinta oo koobneyd ayaa lagu sheegay in labada mas’uul “ay ka wada-hadleen xiriirka xooggan labada dal, iyo hababka sare loogu qaadi karo, si loogu faa’iideeyo danaha labada qaran.” Xiriirka labada dal, ayaa hase yeeshee, ahaa mid aad uga fog xooganaan tan iyo bartamihii 2007, markii Imaaraadka Carabta ay qeyb ka noqotay afar dal oo Carbeed oo qaadacay Qatar, si ay isugu dayaan inay ku qasbaan inay joojiso taageerada ay siiso ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo ururada ku xiran, oo Abu Dhabi ay u aragto inay halis ku yihiin xukunkeeda. Sacuudi Carabiya, Masar iyo Bahrain ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa dadaallada qadacaadda oo looga dan lahaa in sidoo kale Qatar lagu cadaadiyo inay xiriirka u jarto Iran. Ugu dambeyntii, kadib saddex sano iyo bar, Sacuudi Carabiya ayaa hormuud u noqotay dadaal lagu soo afjaray khilaafka, waxyar kahor intii aan Joe Biden loo dhaarin madaxweynaha Mareykanka. Xayiraadda la saaray Qatar, oo ay qeyb ka aheyd in duulimaadyada Qatar laga xanibay hawada dalalkan, sidoo kalena laga xiray xuduudaha dhulka, ayaa si kastaba ku guul-darreysatay in laga gaaro ujeedadii laga lahaa oo aheyd in Qatar lagu qasbo inay isbeddel sameyso. Inkasta oo xiriirka diblomaasi ee Qatar iyo Sacuudi Carabiya uu horumar sameeyey, haddana xiriirka Qatar iyo Imaaraadka ayaa weli liita, marka la eego heerka ay la ekeyd kala qeybsanaanta. Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ee Imaaraadka Carabta ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah loo qaaday qaboojinta xiriirka kacsan. Booqashada ayaa timdi wax ka badan bil kadib markii Abu Dhabi ay la-taliyaheeda amniga qaranka Tahnoun bin Zayed Al Nahyan u dirtay Qatar. Kahor Qatar, Sheikh Tahnoun ayaa u safray Turkey – oo ah dal si weyn u taageera Qatar. AP + VOA The post Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo isku soo dhowaanaya – Maxaa shalay dhacay? appeared first on Caasimada Online.
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan xubnaha golaha wakiilada ee Somaliland, ayaa isna ka jawaabay hadalkii dhowaan kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ugu baaqay reer Laascaanood inay ka dhiidhiyaan tallaabadii lagu soo masaafuriyey dadkii Soomaaliyeed ee ka soo jeeday dhanka koonfurta. Batuun oo u jawaabayey Rooble ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay amniga dalka Somaliland, isla-markaana uu dhiigoodu kala qaalisan yahay dheeman. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xukuumadda Soomaaliya looga baahan-yahay inay wax ka qabato dhiiga shacabka magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay. “Rooble wax aan leeyahay haddii dhiiga dadka Muqdisho micno aanu kula laheyn Adiga Anaga dhiiga dadka Somaliland dheeman nagala qaalisan,” ayuu ku yiri Barkhad Batuun. Waxa kale oo intaasi ku sii daray “Rooble Ummadda malaha waxa ay u heysatay in ra’iisul wasaare Soomaliyeed yahay horta waa ra’iisul wasaare reereed” Dhinaca kale wuxuu Barkhad tilmaamay in ka xisbi Wadani ahaan ay aad uga xun yihiin masaafurinta dadkii laga soo saaray Laascaanood, gaar ahaan kuwa danta yar & dumarka. “Dadka danyarta ah ee dumarka iyo caruurta ah ee dawladdu saartay marnaba Xisbi ahaan ma taageersanin wax dhaqanka, diinta iyo dawladnimada ku fiicanna may aheyn” ayuu sii raaciyey. Dhanka kale dad badan ayaa ka falceliyey jawaabta uu bixiyey xildhibaanka, waxaana qaarkood ay ku dhaliileen inuu wax ka sheego reer Muqdisho, maadaama si weyn looga taageeray guushiisii doorashooyunkii dhowaan ka dhacday gudaha magaalada Hargeysa. Somaliland aoo horey jawaab rasmi ah uga bixisay hadalkii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku tilmaamtay arrin nasiib darro ah, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda lagu yiri “Iyada oo ay ugu wacan tahay hadallo nasiib-darro ah oo dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka sheegay arrimo ku saabsan mas’uuliyadaha madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, xukuumadda Somaliland waxay dareensan tahay inay ku khasban tahay inay sharaxaad bixiso,”. Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ra’isul wasaare Rooble uu xog aan sal iyo raad toona laheyn ka bixiyey dadkii laga soo masaafuriyey magaalada Laascaanood. Si kastaba, Somaliland ayaa bilowday in deegaanadeed ay kasoo masaafuriso dadka kasoo jeeda koonfurta, waxaana go’aankan uu sameeyey qoysas ku noolaa maamulkaasi. The post Muxuu Barkhad Jaamac Batuun ka yiri hadalkii Rooble? appeared first on Caasimada Online.
  8. Ethiopian Airlines has denied the findings of an investigation by CNN alleging it used its planes to transport weapons to and from Eritrea during the Tigray conflict. Source: Hiiraan Online
  9. Senior officials across the military, police, and civilian components of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), are attending a five-day training programme curated on Monitoring Evaluation and Learning for Peace Support Operations in Africa (MELPAC) by trainers from the Kofi Annan International Peacekeeping Training Centre (KAIPTC), from Ghana. Source: Hiiraan Online
  10. Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa ka dhashay, kadib weerar ay Al-Shabaab saaka ku qaadeen saldhig ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana xigay dagaal toos ah. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka u dhexeeyey labada dhinac uu qaatay dhowr saacadood, isla-markaana uu ka dhashay khasaare isugu jiro dhimash & dhaawac. Saraakiil ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka, ayna khasaare gaarsiiyeen raggii soo qaaday. Sidoo kale saraakiisha ayaa xaqiijiyey inay dagaalka ku dileen labo xubnood, isla-markaana ay ka qaateen hubkii ay wateen oo ahaa laba qoray oo AK47 ah, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka ka horreeyey ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda. Goobihii lagu dagaallamay waxaa ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada nawaaxiga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post AL-SHABAAB oo khasaare lagu gaarsiiyey DAGAAL ka dhacay magaalada JANAALE appeared first on Caasimada Online.
  11. Xilli Abiy Axmed uu wajahayo eedeymo xusuuq oo dhan ah Tigeyga ayaa warbaahinta afka dheer ee CNN waxaa ay baahisay in diyaaradda Itoobiya ay hub u kala gooshisay Adis Ababa, Asmara iyo xataa Massawasi loogu isticmaalo dagaalka ka dhanka ah Tigeyga. Sida lagu sheegay warbixinta, diyaaraddan oo ah mid ka mid ah diyaaradaha ugu faa’ido sameynta badan Afrika waxay hub u kala qaaday labada dal todobaadka ugu horeeyey ee November 2020. Arrintan ayaa kusoo aaday xilli Abiy Axmed, ra’isul wasaaraha Itoobiya uu markii 2-aad isu caleemo saaray hoggaanka dalkaasi. Sida ay warbixinta sheegeyso, diyaaradda waxaa ay u kala qaaday Addis Ababa iyo Asmara November 9, daad-gureyntan oo ay wadday ilaa November 28, waa shan maalin kadib markii uu Abiy Axmed amray dagaal ka dhan ah Tigray. Fadeexaddan cusub ee kusoo baxday diyaaradda Itoobiya ayaa saameyn ku yeelan doonta magaca shirkadda iyo ganacsigeeda caalamiga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Waxa fashil ku dhammaaday waan-waan saacadihii la soo dhaafay xildhibaanno ka tirsan Galmudug ka dhex wadeen xukuumadda Galmudug iyo Culimada Ahlusunna. Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in waan-waantu fashilantay kadib markii xukuumadda Galmudug shardi ka dhigtay in marka hore xoogagga Ahlusunna laga saaro magaalada Guriceel kadibna wada-hadalka la bilaabo. Xildhibaanno ku hawllanaa waan-waantaas ayaa laga soo xigtay in ay dadaal badan ku bixiyeen sidii loo xallin lahaa xiisadda balse gebi ahaanba lagu fashilmay dhex-dhexaadintii socotay . Labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna ayaa maalmihii u dambeeyay ku jiray abaabul ciidan iyo hub urursi iyadoo mar kasta laga cabsi qabo in dagaal ka dhex qarxo. PUNTLAND POST The post Waan-waantii u dambaysay ee laga dhex waday Galmudug iyo Ahlusuna oo fashilantay appeared first on Puntland Post.
  13. Taliy ku xigeenkii hore ee hay’adda Sirdoonka dowladda Federaalka ee NISA Gen. Cabdalla Cabdalla ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay mas’uul ka yihiin khilaafka iyo xiisadda u dhexaysa Galmudug iyo Ahlsunna. Gen. Cabdalla ayaa sheegay in Fahad iyo Farmaajo hurinayaan xiisadda colaadeed ee Galmudug ka aloosan si ay carqalad u geliyaan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. “Dagaalka Galmudug waa qorshe Fahad iyo Farmaajo ay ku doonayaan inay doorashooyinka ku carqaladeeyaan” ayuu yiri Cabdalla. Sidoo kale, wuxu ku baaqay in xoogagga Ahlusunna laga daayo hor istaagga islamarkaana loo fasaxo in ay Al-shabaab ka saaraan dhulka Galmudug. “ASWJ waxay u socdaan inay Al-Shabaab la dagaalamaan ee haloo fasaxo, doorashooyinkana ha socdaan.” PUNTLAND POST The post Gen. Cabdalla: Fahad iyo Farmaajo ayaa hurinaya colaadda Galmudug appeared first on Puntland Post.
  14. In a decrepit Bossasi camp where 108,000 internally displaced people live, Hijar Ali saves youth from falling prey to human trafficking and gives hope to his children and fellow migrants that one day they will all return home. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Daahir Maxamed Geelle ayaa markii u horeysay ka hadlay inay dhici karto in Golaha Midowga Musharaxiinta ay ku midoobaan hal musharax, si ay ugu soo baxaan xilka madaxtinimada. Musharax Daahir ayaa sheegay in marnaba aysan dhici doonin in Golaha uu iska soo hormariyo musharax ay ku mideysan yihiin, islamarkaana waxa kali ah ee hadda isku hayo uu yahay in doorasho uu aado dalka. “Waxaa ka mideysanahay doorasho hufan oo dhibaato ka dhicin, barnaamij doorasho oo nin midka kale la wadaagay majiro, kursiga madaxtinimada in loo tartamo ayaa ku midownay mooye majiro nin aan wadano oo soo hormarineyno,” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle. “Marka waqtiga soo dhawaada laga yaaba in dadka qaar (musharaxiinta) ay is kaashadaan laakiin barnaamijdeena doorashada waa kala gedisan yahay oo tartan ayaa dhexdeena ka jira.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha ay ku midoobeen Musharaxiinta Mucaaridka uu ujeedkooda ugu weyn yahay in dalka ka dhacdo doorasho daahfuran oo cadaalad ah, loona dhan yahay. “Midkasta oo anaga naga mid ah waxa uu rabaa in uu barnaamijkiisa idiin sharaxo oo idinka (dadka Soomaaliyeed) ay go’aan ka gaaran qofka hogaamin doona dowladnimada.” Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa inta badan ka mideysan mucaaradnimada dowladda iyo mowqfiyada xaaladaha siyaasadeed, hase yeeshe arrintaan ayaa sii xoojineysa in dhexdooda uu ka jiro xifaaltan siyaasadeed oo adag. The post Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ma waxay ku midoobayaan hal musharax? appeared first on Caasimada Online.
  16. Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas laga dareemayo xiisad dagaal kadib markii xoog lagu qabsaday xaruntii maamulka degmadaas. Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) iyo ciidamo uu wato ayaa xoog ku qabsaday xaruntii maamulka degmada sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Tallaabadaas ayaa sida la sheegayo waxa ka dhashay xiisad dagaal iyadoo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka degmadaas laga soo xigtay in ay wada-hadal ugu tagayaan mas’uulka xoogga ku qabsaday xarunta. PUNTLAND POST The post Xaruntii degmada Garbahaarrey oo xoog lagu qabsaday iyo xiisad ka taagan appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaarey waxaa ka taagan xaalad ka dhalatay, kadib markii ciidan uu wato Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) ay xoog ku galeen Xarunta Degmada, taas oo aad mooddo inay ku kala qayb samayn Saraakiisha Ciidamada qaarkood. Macalimuu oo Isniintii shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Degmada ayaa sheegay inaanu Gobolka Gedo lahayn wax Gudoomiye ah, isagoona Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ugu baaqay inuu isaga usoo magacaabo Gudoomiyaha Gobolka, si shaqadii gobolka uu u dardargeliyo. Axmed Buule Gareed, Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa muddooyinkii ugu dambeysay deegaan ka sameystay Degmada Doolow, qaybta Itoobiya, waana taa midda keentay in Gudoomiyihii hore uu sheego inaanu gobolku lahayn Gudoomiye. Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inaanay waxba ku kala duwanayn Gudoomiyihii hore iyo kan maanta xilka ku magacaaban. “Qoom haddii Ilaahay masiibo la damco, masuuliyiin xun xun baa la daba dhigaa, waa niman ah xamaaliyiintii dowladaha deriska laga soo bilaabo 1997-2020. Niman Addis Ababa iyo Nairobi laga soo carbistay bay nimankaasi ahaayeen. Niman caan ku ah xumaanta baa gobolka looga dhigay Gudoomiye, dadkuna waxay is weydiinayaan Macalimuu iyo Canjeer Buulle Gareed kee baa fiican,” ayuu yiri Korneyl Aadan Axmed Xirsi oo Warbaahinta gudaha la hadlay. Aadan Rufle oo dhaliilay Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa yiri “Saddex nin baa Calanka xorta ee buluugga ah inay qaataan idin u qabto oo guriga iyo gaarigaba ay ku xirato, waa Madaxweynaha, Danjire iyo Gudoomiye Gobol. Calankii Wakiilka Madaxweynaha ee Gobolka Gedo wuxuu u hoydaa Dolow Addow. Marka ma Gudoomiyihii Gobolkaa baxsaday oo dal kale isku dhiibay mise dalkayagii baa dal kale loogu daneeyaa? Dadka reer Gedo intaasaa weydiinayaa.” Aadan Rufle oo sii dhaliilaya Gudoomiyaha Gobolka ayaa yiri “Saddex qodob buu ku sifoobay, lagu ababiyay, ku qaangaaray, shaqadiisana ay tahay, waana madiidin cadowga u adeeggo, musuq-maasuq iyo masuuliyad xumo. Militariga Itoobiya baa sanadkii 2000 ka dhigay Gudoomiyaha Degmada Luuq. 2000 illaa 2020 shan jeer buu noqday Gudoomiyaha Degmada Luuq, laba jeer buuna noqday Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo markii labaad ay dowladda hadda Macalimuu ku bedeshay. Intaaba ababintiisu waxay ahayd canshuurta Degmooyinka Gobolka Gedo laga qaado iyo mucaawinada caalamka uu keeno ama ay dowladda ku deeqdo inuu u geeyo Saraakiil Sirdoon dal kale ah, habeenkiina lagula hoydo dal kale.” Korneyl Rufle oo ka jawaabayay hadal uu Macalimuu ka sheegay shirkiisii jaraa’id ayaa yiri “Macalimuu wuxuu sheegay xoogaa mashaariic ah inay ku murmayn Axmed Madoobe iyo dadka reer Gedo, ee wax xumaana iyo wax dhibaato ah oo Axmed Madoobe iyo dadkaa u dhaxeeyay aanay jirin. Markaan dadka reer Gedo ama aan heyb kaga hadlo Jubbooyinka waxaa weeye marsadii Kismaayo iyo Kudhaa, meeraqyada Waamo halka cadowga muushka u degay iyo marinka Nairobi, marwo iyo wixii mudaneyaal meyd is garab yaalay oo magaca reer Sade ah oo cadowgu maansheeyay, mag iyo aar midaan uga gam’o ima soo marin. Dadkaas dadkii laga laayay, hooyooyinkii oo ilmada shubaayo iyo hablihii oo aseey leh baa Garbaharey jooggo.” Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaa ayaan-darro ah inuu wiil xamaali u ah cadowgu uu ka dhex yiraahdo Garbahaarey ereygaas, wax la qaadan karo maaha, mana aqbali doono.” Rufle ayaa dadka reer Garbahaarey iyo Saraakiisha Ciidamada ugu baaqay inaanay la kala safan Macalimuu iyo Gudoomiye Gareed, haddii labaduba aanay ka shaqaynayn sida uu yiri danta dalka iyo dadka. The post Xiisad ka taagan gobolka Gedo kadib markii ay ciidanka Macallimuu xoog ku galeen… appeared first on Caasimada Online.
  18. His Highness the Amir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani met Tuesday at his Amiri Diwan office with Somalia's Prime Minister Mohamed Hussein Roble, and his accompanying delegation, on the occasion of their visit to the country. Source: Hiiraan Online
  19. Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa amar culus dul-dhigay maamullada iskuullada ka howlgala deegaanada maamulkaas, iyadoo laga dalbaday inay canshuurta bixiyaan, waxaana maamulayaasha iskuullada loogu goodiyey in sharci adag la marsiin doono, hadii aysan bixin canshuurta dowladda. Abgaal oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa macalimiinta iskuullada ka dalbaday inay canshuurta dowladda iska dhiibaan, isagoo hadii ay bixin waayaan ku sifeeyey inay Al-shabaab lamid yihiin. “Waxaan leenahay maamulayaasha iskuullada qofkii canshuur-diide noqda, waxa uu noola mid yahay Al-Shabaab, ninka canshuurta sharciga ah diida iyo ninka Shabaabka ah ee dadka masaajidka ku dilaya waa isku mid, sababtoo ah askariga difaaca ku jira hadii canshuurta la diido mushaar ayuu weynayaa, sababteedana waxaa yeelanaya ninka canshuurta diiday, marka muxuu ninkaas Shabaab uga duwan yahay?” ayuu yiri Wasiir Shire. Wasiirka ayaa sheegay inay sharciga la tiigsan doonan maamulkiisa iskuulkii isagoo ku doodaya canshuurbaa nala weydiiyey ardaydiisa kala dira, “Waxaan heynaa magacyada maamulayaasha sidaas ku goodinaya, sharciga ayaana la tiigsa doonaa, hadii ay qaadaan tallaabadaas,” ayuu yiri. Wasiir Xasan Shire ayaa carabka ku adkeeyey in qofkii canshuurta diida oo bixin waaya uusan dowladnimo rabin, taas oo sida uu sheegay lamid dhigeysa Al-Shabaab oo aan dowladnimo rabin. “Ninkii canshuurta diida waa nin Al-Shabaab garab siinaya, anagu sidaas ayaan u aqoonsaneynaa,” ayuu hadlkiisa ku sii daray wasiirka maaliyadda maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal. The post ABGAAL oo soo rogay amar culus oo cidii fulin weysa lagu calaameynayo Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  20. Photo-news:Qadarintii Abiy Axmed u hayey Farmaajo oo liicday+Meeqaam Hoose oo lagu sagootiyey & Sidii Madaxweynaasha kale loo sagootiyey. Qaran News
  21. Gabadh iska soo tuurtay Fooq Magaalada Muqdisho+Sababta Dhacdo naxdin leh ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan degmada Waaberi kadib markii gabadh ay iska soo tuurtay dabaq. Gabadhaan oo aan weli la helin magaceeda ayaa da’deeda lagu sheegay illaa 20 jir, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan sababta ay gabadhaan isku soo tuurtay. Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in gabadhaan ay aheyd shaqaale ka shaqeeneysay guri dabaq ah oo ku yaalla degmada Waaberi. Gabadha oo uu soo gaadhay dhaawac halis ah ayaa waxaa hadda lagu daweenayaa mid kamid ah Cisbitaalada Magaalada Muqdisho, waxaana xaaladeeda caafimaad lagu sheegay mid halis ah. Sababta ay isku soo tuurtay ayey dadka deegaanka ku sheegeen inay tahay arrimo la xidhiidha jacayl ay u qabtay wiil ay saaxiibo ahaayeen, balse warkaas lama xaqiijin karo illaa gabadha la wareysto. Sidoo kale, warar kale ayaa sheegaya inay gabadhaan isku soo tuurtay culeys ka heystay dhanka qoyskeeda inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. Ma ahan markii ugu horeysay oo falal noocaan ah ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho, waxaana bilahan danbe dhisme dhawr ah dabaq laga soo tuuray gabadh isla degmada Waaberi. Qaran News
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Ururka saxafiyiinta caalamiga ah ee daba-galka oo magaciisa loo soo gaabiyo ICIJ, fadhigiisuna yahay magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka, ayaa Axadii todobaadkaan shaaciyey dokumentiyo maaliyadeed oo muujinaya sida ay madaxda caalamka hantida ugu qarsadeen dibadaha. Dukumentiyada uu ururku soo bandhigay, oo laga helay magacyada dad u kala dhashay 91-dal, ayaa waxay kashifayaan musuqa illaa 35 hoggaamiye oo isugu jira kuwo hadda xilal haya iyo kuwo horey xilal u soo qabtay. Qiyaastii 11.9 milyan oo document oo la dusiyey, isla markaana uu helay ururka suxufiyiinta caalamiga ah ee daba-galka ee ICIJ, ayaa la daabacay Axadii, waxaana warqadahaas oo loogu magac daray “Pandora Papers” ay shaaca ka qaadeen hantida ay dibadaha ku qarsadeen boqolaal siyaasiyiin iyo bilyaneero ah. Hoggaamiyaasha liiskaan kasoo muuqday waxaa ku jira madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Madaxweyne Uhuru oo 59-sano jir ah, waxuu muddooyinkii la soo dhaafay isu muujiyey inuu xooga saarayey la dagaallanka musuq maasuqa. Si kastaba ha ahaatee, warqadahaas loogu magac daray “Pandora Papers” waxay muujiyeen in xubnaha qoyska Uhuru ay sannado badan qarinayaan hantidooda gaarka ah oo lagu qiyaasay 30 milyan oo dollar. Dadka Kenyaanka ah ee taageerada u ahaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa si weyn uga carooday khiyaanada lagu helay qoyska Madaxweynaha, waxayna ku tilmaameyn wax aan la aqbali karin in madaxweyne la’aaminay uu sidaas u dhaqmo. “Waxaan u maleynay in marka aan u codeyno Uhuru Kenyatta uu dalka u horseedi doono isbadal, hase yeeshee wuuna khiyaameeyey, sababtoo ah waxay naga dhacayaan lacago badan, iyagoo u qaadaya dalal shisheeye, ma naqaan waxaan sameyno,” ayuu yiri Daniel Mwangi, oo ah 51-sano jir deggan magaalada Nairobi. “Waxaan ka xaynnaa dhallinyaradeenna iskuulka. Waxaan aadnaa iskuulka, waan helnaa waraaqaha, laakiin markaan imaanno waddooyinka oo aan dooneyno inaan raadino fursado shaqo, waxaan ogaannaa in hantidii dalka oo dhan lagu maalgashaday wadamo shisheeye, runtii waxaan jeclaan lahaa in lacagaha lagu maalgashado gudaha dalka, si dadka u helaan fursado shaqo,” ayuu isna yiri Robert Ongera, oo ah 30-sano jir ku nool caasimadda Kenya. “Marka madaxweyne dal uu lacag ku qariyo waddan kale oo shisheeye, taasi waa khiyaano qaran, wuxuu khiyaameeyay kalsoonidii 50 milyan oo Kenyaan ah, waxaana ka rajaynaynaa inuu is-casilo, sababtoo ah wuxuu ceeb ku yahay qarankeena,” ayuu yiri Boniface Mwangi oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo siyaasadda Kenya. Wuxuu intaas ku sii daray, “Maadaama uu ka soo jeeday qoyska ugu qanisan dalkeenna, Kenyaanku waxay u maleeyeen in uusan xadin ama uusan ku lugyeelan heshiisyo hoose. Uhuru wuxuu lamid yahay kuwa ka ganacsada maandooriyaha, kuwa lacagta xada, kuwa canshuurta ka baaxsada, khiyaamada canshuurta iyo dhammaan noocyada dambiilayaasha.” Inkasta oo hanti la dhigto dibadaha iyo adeegsiga shirkado qarsoon aysan sharci-darro ka aheyn dalalka badankood, hadana warbixintaan shaaca laga qaaday waxay ceebeysay hoggaamiyayaal u ololeynayey miisaaniyad dhimista dowladda ama qaaday dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa. The post Sidee dadka Kenya uga fal-celiyeen fadeexadda kusoo baxday qoyska Kenyatta? appeared first on Caasimada Online.
  23. Golaha wasiirrada Abiy Axmed iyo Qowmiyadaha ay ka soo kala jeedaan Ra’isul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed golahiisa wasiirrada oo 22-ka ka kooban wuxuu maanta horgeeyey baarlamaanka dalkaasi, baarlamaankana waa uu ansixiyey haddaba qowmiyadaha iyo deegaannada ay ka soo kala jeedaan wasiirradaasi halkan kaga bogo. 1. Dhamaqe Makonnin:- Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibadda (Amxaar) 2. Axmed Shide:- Wasiirka Maaliyada (Soomaali) 3. Balate Moolla:- Wasiirka Curinta Iyo Teknoolojiyada (Amxaar) 4. Binnaalfi Andualem:- Wasiirka Nabadda (Axmaar) 5. Chaaltuu Saani:- Wasiirka Magaalooyinka Iyo Horumarinta Aasaasiga (Oromo) 6. Cumar Xuseen:- Wasiirka Beeraha (Oromo) 7. Daagmaawiit Mogas: Wasiirka Gaadiidka Iyo Saadka (Axmaar) 8. Dr Abraham Baley:- Wasiirka Gaashaandhiga (Tigree) 9. Dr Birhaanu Negga:- Wasiirka Waxbarashada (Guraag/Uraaga) 10. Dr Ergoge Tasfaye:- Wasiirka Arimaha Haweenka Iyo Bulshada (Hadiya) 11. Dr Fitsum Asafa:- Wasiirka Qorshaynta Iyo Horumarinta (Sidaama) 12. Dr Gedhiyon Dimatiyos:- Wasiirka Cadaalada (Sidaama) 13. Dr Liya Taadhase:- Wasiirka Caafimaadka (Tigree) 14. Enjineer Ca’sha Maxamed:- Wasiirka Waraabka Iyo Xoola dhaqatada (Cafar) 15. Enjineer Habtaamu Atifa:- Wasiirka Biyaha Iyo Tamarta (Oromo) 16. Gabra-masqal Chala:- Wasiirka Ganacsiga Iyo Isku Xidhka Manadaqadda (Walayta) 17. Laaqe Ayaalew:- Wasiirka Dakhliga (Axmaar) 18. Malaaku Allebal:- Wasiirka Warshadaha (Axmaar) 19. Mufarriyaat Kaamil:- Wasiirka Shaqada Iyo Xirfadaha (Silte) 20. Nasise Chali:- Wasiirka Dalxiiska (Oromo) 21. Qajeela Margaasa:- Wasiirka Dhaqanka Iyo Ciyaaraha (Oromo) 22. Takele Umma: Wasiirka Macdanta (Oromo) Deegaan ahaanna marka loo soo koobana: 1. Deegaanka Axmaarada…6 wasiir uu ra’isl wasaare ku xigeen ku jiro 2. Deegaanka Oromada…6 wasiir 3. Deegaanka Shucuubta Koonfureed…4 wasiir 4. Deegaanka Tigraay…2 Wasiir 5. Deegaanka Sidaama…2 Wasiir 6. Deegaanka Soomlida…1 Wasiir 7. Deegaanka Canfarta…1 Wasiir Qaran News
  24. Xeeladihii ay Carabta u adeegsadeen dagaalkii ay la galeen Israa’iil oo la shaaciyay Masaarida waxay ka gudbaan kanaalka Oktoobar 6, Ramadaan 10 bishii Ramadan 1973. Dukumiintiyada Britain ayaa shaaca ka qaaday in midowgii Soofiyeeti “ay kula taliyeen madaxweynihii geeriyooday ee Masar, Anwar Sadat, inuu doorto oo uu duullaanka qaado 6 Oktoobar 1973” si uu uga gudbo Kanaalka Suweys una bilaabo weerarka ciidanka Israa’iil ee qabsaday Sinai. In la qaato go’aanka ah in weerarka uu dhaco maalin Sabti ah oo ku beeganayd maalinta ay dabaaldagaan Yuhuudda ee loo yaqaano Yom Kippur. Weerarkii lagu beegay maalintan oo sidoo kale ahayd 10-ka bisha Ramadaan, waxay ka mid ahayd waxyaabaha la yaabka leh ee naafeeyey Israa’iil, maalmihii hore ee dagaalka. Dhowr bilood ka dib dhammaadkii dagaalka, Ururka gaashaanbuurta “NATO” wuxuu sameeyay daraasad ku saabsan dagaalka, waxayna ujeeddada ahayd si “casharro looga barto” waxaana loo arkayay in dagaalkaas uu u dhaxeeyo Nato iyo gaashaanbuurtii kale ee, oo uu hoggaaminayey Midowgii Soofiyeeti. Daraasaddan waxaa u xilsaartay Taliska Bartamaha Yurub ee NATO oo uu madax ka ahaa Britain, saldhiggiisuna yahay Jarmalka iyo waaxda sirdoonka ee isla gobolkaas. Sida laga soo xigtay natiijadii daraasadda, Soofiyeedka waxay door wayn ka qaateen saamaynta lagu caawiyay qorsheeyayaashii Masaarida inay si adag u hirgeliyaan iyo qorshaha khiyaanada ahaa, kaas oo yimid ka dib markii si taxaddar leh loo darsay khibradda guuldarrada ka dhanka ahayd Israa’iil ee Dagaalkii 6 Maalmood ee bishii Juun 1967. “Weerarkii lama filaanka ahaa” Natiijooyinka, oo loo gudbiyay taliska NATO bishii Maarso 1, 1974 islamarkana ahaa mid ka mid ah dukumiintiyada sida aadka ah loo qariyay ee isbahaysiga, ayaa leh: “Falanqaynta Carabta, oo ay hagayeen la-taliyeyaashii Ruushka, dagaalkii Juun 1967 waxay muujisay in Carabta ay doonayeen inay gaaraan nooc kasta oo guul ah oo ka dhan ah Israa’iiliyiinta. Waxaa weerarka xilligaasi laga lahaa dhowr u jeedo. Midda hore: In la qariyo ujeedooyinkii qarsoonaa iyada oo la abuurayo xaalad siyaasadeed iyo mid militari oo aan u horseedaynin in weerar ay soo qaado Israa’iil oo horudhac ah. Ta labaad: in ay weerarkooda qaadaan kahor inta aysan dhammaystirmin abaabulkii Israa’iil. Macluumaadka sirdoonka NATO, wakhtigaas, waxay tilmaamayaan in “intii lagu guda jiray daraasaddii Masaarida ee dagaalkii Juun, la-taliyaha sare ee Ruushka, General Vasiliovich, uu ku taliyay in xilliga Yom Kippur uu yahay waqtiga ugu wanaagsan ee la weerari karo Israa’iil si ay kadis ugu noqoto”. Madaxwayne Anwar Saadaat oo la taagan saraakiisha Masar Talada waxay ku salaysnayd xaqiiqada ah in maalinta (Yankabur) noloshu gebi ahaanba istaagto marka loo eego hab-dhaqanka dadka Israa’iil. Waxaa warbixinta sirdoonka lagu yiri, “Maalintaas, dadka deggan Israa’il waxay joogaan guriga iyagoo fikiraya, sooman, idaacadduna waa la xiraa.” Natiijooyinka daraasadda NATO ayaa lagu yiri “iyadoo la dooranayay 2 duhurnimo ee maalinta Yom Kippur, waxay in maalintaas iyo waqtigaas lagu aadiyay ay la yaab ku noqotay Israa’iil. Cunsurka yaabka leh waa ka sii badan yahay. Haddii weerar uusan dhicin waaberiga, waxaa jiro arrimo u janjeero dhanka nasashada. Dhinaca kale, weerarka fiidkii wuxuu bixiyaa iftiin yar, taas oo aan wax ka taraynin ka faa’iidaysiga guulaha hore. Weerarkan ayaa Israa’iil ku noqday mid la yaab leh islamarkana waxay ku qaadatay in ay ka jawaab bixiyaan maalmo. Waxyaabaha ay sida gaarka ah u xiisaynayeen khubarada NATO waa suurtagalnimada ah in Midowgii Soofiyeetka uu aad uga warqabay qorshayaasha madaxwaynihii Masar ee xilligaasi Anwar Sadaat. Daraasadda waxay daaha ka qaadday in dayax-gacmeedyada sirdoonka Soofiyeetka “ay la socdeen xaaladda”. Maraykanka wuxuu adeegsaday dayax-gacmeedyadiisii, sida uu markii dambe shaaca ka qaaday Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee xilligaas Henry Kissinger, isagoo ku hagayay Israa’iiliyiinta halka ay ku wajahan yihiin weerarada ugu waaweyn ee Masar. Daraasadda NATO waxay daaha ka qaadaysaa in dayaxgacmeedyadii Soofiyeetka “ay u suurta-gelisay Carabta, dagaalka ka hor, inay hubiyaan dhaqdhaqaaqyada Israa’iil ee lama degaanka Siinaay, iyo inay mar dambe arkaan, ayna markii dambe arkeen Israa’iiliyiinta oo billaabay inay u dhaqaaqaan galbeedka, taasi oo halis ku ahayd Qaahira.” Waa maxay muhiimadda dukumiintiyadan sirta ah? . Jimcihii 12 October, lix maalmood ka dib bilawgii dagaalka iyo ku guuldaraysiga ciidanka Israa’iil in ay difaacaan goobihii ay kaga hortageen ciidamadii Carabta, Maraykanka wuxuu bilaabay in uu dajiyo qorsho uu hub casri ah ugu geeynayo Israa’iil, intii uu dagaalka socday, si looga fogaado Waxa Kissinger ku tilmaamay musiibo. Daraasadda NATO waxaa ku jiray falanqayn sirdoon oo ku saabsan waqtiga iyo qaababka taageerada Mareykanka ee Israel, iyo Soofiyeedka Masar iyo Suuriya. Waxay daaha ka qaadaysaa daraasadda in mugga taageerada Soofiyeetka ee Carabta ay aad uga weyn tahay kana muhiimsan tahay waxa laga ogyahay, dagaalkaas oo afar sano ka dib Sadat uu albaabada u furay heshiis u dhexeeya Carabta iyo Israa’iil, ka dib booqashadiisii taariikhiga ahayd ee Qudus ee November 1977. Madaxweyne Anwar Sadat wuxuu go’aansaday, July 17, 1972, inuu “soo afjaro hawlgalka” khubarada militariga Soofiyeet ee Masar, kuwaas oo dalka Masar keenay Jamal Cabdi Naasir si ay gacan uga geystaan dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Masar ka dib guuldaradii dagaalkii ee 1967 ee ka dhanka ahaa Israa’iil. Sadaat, sida ku cad dukumiintiyada Britain ee hore loo saaray, wuxuu si rasmi ah ugu sheegay in UK ay ka dhab tahay in uu dib u eego xiriirkii uu la lahaa Midowgii Soofiyeet. Khubarada NATO ayaa isbarbar dhig ku sameeyay taageerada Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti – labada dhinac ee iska soo horjeeday – taas oo muujineysa xaqiiqada ku saabsan taageerada Moscow ee Carabta, in kastoo Sadat uu mowqifkiisa ku dhawaaqay. Marka la eego taageerada Mareykanka, uu u fidiyay Israa’iil waxay ahayd mid ballaaran. “Waxay fuliyeen 570 hawlgal militari iyo in ka badan 13,000 oo saacadood oo duulimaad ah, kuwaas oo 22,000 tan oo hub casri ah u qaaday Israa’iil.” Wasiirkii gaashaandhiga Israa’iil ee xilligii dagaalka iyo saraakiil kale Xogta NATO ayaa tilmaamtay in “Diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Maraykanka ay bilaabeen in ay kaalintooda ka qaataan dagaalka, laga bilaabo October 16 iyo wixii ka dambeeya, iyagoo qaadayay ilaa 1,000 tan maalintii, kuna safraya 10,400 kiiloomitir badweynta Atlantic iyo Galbeedka Yurub”. Waxay ku soo gunaanaday “xaqiiqda dhabta ah ee ah in dhinaca Carabta ay lahayd cutubyo badan oo qaran waxay muujisay baahida loo qabay iskaashi wanaagsan.” Waxay daaha ka qaadday in tirada badan ee ciidammada Carabta ee ka qaybgalay dagaalka ay saamayn taban ku yeelatay guulaha ay gaareen ciidamada Masar iyo Suuriya maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka. Macluumaadka NATO ayaa sheegay in heerka iskaashiga iyo isku-duwidda ciidamada Carabta uu hooseeyo. Qaran News