-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
War goordhow ay soo saareen guddiga doorashada Aqalka sare ee gobollada waqooyi ayaa lagu sheegay in ay bilaabatay diiwangelinta musharaxiinta Aqalka sare. Qoraal kasoo baxay ayaa u qornaa Diiwaan gelinta musharixiinta Aqalka sare ee Gobolada waqooyi Somaliland ayaa si habsamiya uga socota Xarunta Villa Rosa ee Magaalada Muqdisho. Mudane Siciid Cabdi Xuseen ayaa noqday musharixii ugu horeeyay ee is diiwan geliyay. Dhinaca kale xubno ka tirsan guddiga oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in diiwangelinta oo aheyd khamiistii ay dib u dhacday sababo la xiriira CID iyada oo maanta oo sabti ah iyo axadda laga dhammaan doonto diiwaan gelinta, kadibna Isniinnta la dhageysan doono khudbadaha. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Somaliland ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda u magacaabey Maxamed Cabdillaahi Ducaale, halka Agaasimihii hore ee Wasaaraddaasi Cabdirisaaq Jaamac Naakhuude loo baddalay Wasaaradda Waxbarashada. Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor u baddalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Jidadka. Waxaa xilkii laga qaadey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mubaarik Cabdillaahi Daljir, iyadoo aan cidna lagu baddalin. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hibaaq Abuukar Xasan oo ka tirsaneyd xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka mid noqotay dadkii ku geeriyooday qaraxii is-miidaaminta ee maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta. Geerida Hibaaq ayaa waxaa xaqiijiyey afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Ilaah ha u naxariisto Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka mid aheyd dadkii saaka ku dhintay weerar bahalnimo ah oo argagaxisadu ay ka sameeyeen bar koontorool oo ku taalla Isgoyska Ceel Gaab. Allaha u naxariisto dhamaan dadka aan waxba galabsan ee ku dhintay qaraxaasi fuleynimada ah.” “Hibaaq waxa ay aheyd gabar firfircoon oo ka mid aheyd tiirarka xafiiska gaar ahaan qeybta Arimaha Haweenka. Qoyska Ilaah Samir ha ka siiyo. Iyada iyo intii kale ee xaqdarada ku dhimtayna naxariisto janno Eebe ha siiyo,” ayuu yiri Macallimuu. Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay in la isku kaashado dagaalka ka dhan ah argagixisada. “Waxaan qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeynayaa dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argaxisadan hororka ah ee shacabkeenna xasuuqa joogtada ah ku haya,” ayuu yiri Rooble. Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan, oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha, ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu fuliyey nin isa soo miidaamiyey, watayna gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna sheegay inuu soo dhex-galay baabuur lagu baariyey koontaraalka laga galo madaxtooyada ee ku yaalla dhanka Beerta Nabadda. Sidoo kale waxa uu shaaciyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof oo uu mid ka mid ah ahaa askari ka tirsanaa ciidanka Taraafikada, halka 7 kale uu ku sheegay shacab. Dhaawaca ayuu sidoo kale sheegay inuu gaarayo illaa 9 qof, kuwaas oo la dhigay qaar ka mid ah isbitaallada caafimaadka ee ku yaalla magaalada caasimada ah ee Muqdisho. The post Gabar ka tirsaneyd xafiiska Rooble oo ka mid noqotay dadkii ku dhintay qaraxa iyo Rooble oo war soo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha S/land Oo Ka Qeyb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Maxamed Cabdi Arabey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qeyb-galay Aas qaran oo loogu sameeyey Xabaalaha Baqiic ee Caasimadda Hargeysa Alle how naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Arabay oo ka mid ahaa waayeelka, waxgaradka iyo halgamayaashii qaranka Somaliland. Madaxweynaha oo tacsi u diray qoyska iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Cabdi Arabey ayaa xusay inuu ahaa Halgamaa taariikh weyn ku leh qaranka Somaliland, waxaana uu yidhi Madaxweynuhu sidan“ Xaaji Maxamed Cabdi iyo inta kale ee maanta la aasayo Ilaahay how naxariisto qoyskiisii iyo qaranka Somaliland ilaahay Samir iyo Iimaan haka siiyo Maxamed intaa laga sheegay wuxuu ahaa oday xeer-beegtiya Sheekh, Halgamaa, talo-yaqaan intaba Ilaahay waa ku kulmiyey”. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii iyo qarabaadii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo booskii uu ka baxayna cawil khyer qaba ugu bedelo “Ilaahay waxaan uga rajaynaynaa dadkiisa uu ka tegay iyo da’adan danbe inay wadadii odayaashaasi mareen ay maraan oo sida ay wax u maamulayeen Diin ahaan, dad ahaan iyo dal ahaan aynu waddadoodii raacno oo ilaahay ina waafajiyo isaga uu Jannadii uu ka waraabiyo, qoyskiisiina cawil kheyr qaba Alle keeno innagana inooga daba naxaariisto”. Wa-bilaahi Tawfiiq Qaran News
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska ceelgaabta ee magaalada Muqdisho. Qaraxan oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyay goob lagu hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada dalka . Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda war ka soo saartay qaraxa barqanimadii maanta ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xammarw-weyne. Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 8 qof oo ay ku jirto hooyo laba carruur ah wadato ay ku dhinteen qaraxa. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray in ka badan 9 qof oo shacab iyo Askar isugu jira. Dadka qaraxa ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah Hibaaq Abuukar, oo ka mid ah shaqaalaha xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka . Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mocalimuu ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Hibaaq Abuukar. Qoraal uu soo dhigay mocalimuu ayuu ku yiri “Ilaah ha u naxariisto Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka mid aheyd dadkii saaka ku dhintay weerar bahalnimo ah oo argagaxisadu ay ka sameeyeen bar koontorool oo ku taalla Isgoyska Ceel Gaab, Allaha u naxariisto dhamaan dadka aan waxba galabsan ee ku dhintay qaraxaasi fuleynimada ah.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
M/weyne-Xigeenka S/land Cabdiraxmaani Saylici oo hoyga uu Abu Dubia ka deggan yahay ku booqday Madaxweynihii hore ee S/land Axmed Siilaanyo. Madaxweyne Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland iyo Xubno kale oo hoyga uu Abu Dubia ka deggan yahay ku booqday Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo. Shalay ayaa isna waxa booqday Guddoomiye Cirro. Qaran News
-
At least seven people, including soldiers and civilians, were killed on Saturday in Somalia's capital, after a suicide car bombing that targeted a security checkpoint near the presidential palace, police said. Source: Hiiraan Online
-
Horjoogahii ilaalada Xabsiyada ee Daaliban ayaa sheegay in ciqaab isugu dil iyo gacan goyn ay ka bilaaban doonaan Afghanistan. Ninkan oo lagu magacaabo Mullah Nooruddin Turabi, oo haddana ah nin kooxda u qaabilsan xabsiyada, ayaa AP News u sheegay in dadka oo gacmaha laga gooyo ay lagama maarmaan u tahay amniga iyo xasiloonida Afgahanistan. Wuxuu sheegay in ciqaabtan laga yaabo inaan lagu fulin meel fagaare ah, maaddaama dhaqaankaas uu ahaa mid ka jiray maamulkii hore ee Daalibaan 1990 -meeyadii. Tan iyo markii ay awoodda Afgaanistaan la wareegeen 15-kii Ogosto, Daalibaan waxay ballan qaadayeen xukun iyo aragtiyo lamid ah kuwii ay hore u haysteen. Hey’adaha u dooda Xadgudubyada ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayaa dhowr jeer ka digay in Afghanistan ay noqoto meesha ugu badan ee dadka Rayidka ah lagu waxyelleeyo. PUNTLAND POST The post Daalibaan oo ku dhawaaqay hirgelinta xukuno gacan-gayn iyo dilal isu’gu jira appeared first on Puntland Post.
-
Shir ku saabsan Amniga Gobolka Bari oo Boosaaso lagu qabtay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Shir looga hadlayay amniga gobolka bari ayaa lagu qabtay magaalada Boosaaso, kaas oo ay ka qeyb galeen saraakiisha ciidamada amniga qeybahooda kala duwan. Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddiga amniga Gobalka Bari madaxda ciidanka booliska iyo saraakiil kale. Kulanka oo ahaa wejigii labaad ee shir noociisa oo kale ah ayaa si weyn looga hadlay sugida amniga Gobalka Bari, madaama Bosaaso ay ka mid tahay meelaha lagu qaban doono Doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Saraakiisha ciidamada ee kulanka isugu yimid ayaa isku raacay in la adkeeyo amniga guud ee gobolka Bari, islamarkaana gacan bir ah lagu qabto dadka falalka ammaan dari geysta. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan Amniga Gobolka Bari oo Boosaaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii is-miidaaminta ee maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta. Cabdifitaax Aadan ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu fuliyey nin isa soo miidaamiyey, watayna gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna sheegay inuu soo dhex-galay baabuur lagu baariyey koontaraalka laga galo madaxtooyada ee ku yaalla dhanka Beerta Nabadda. Sidoo kale waxa uu shaaciyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof oo uu mid ka mid ah ahaa askari ka tirsanaa ciidanka Taraafikada, halka 7 kale uu ku sheegay shacab. Dhaawaca ayuu sidoo kale sheegay inuu gaarayo illaa 9 qof, kuwaas oo la dhigay qaar ka mid ah isbitaallada caafimaadka ee ku yaalla magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Afhayeenka Booliska ayaa sidoo kale xusay in dadka ku dhintay qaraxan ay ku jiraan hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo saarnaa gaari xilligaas marayey wadada. Waxa kale oo uu tilmaamay in khasaaraha uu intaasi ka badan karo, isla-markaana ay weli wadaan tira koob ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka qaraxa ah. Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana qoraal kooban oo ka soo baxay kooxda lagu sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey ay goobta ku sugnaayeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Si kastaba, waa qaraxii labaad oo muddo 24 saac gudaheed ka dhacaya Muqdisho waxaana shalay mid kale oo is-miidaamin ahaa uu ka dhacay xarunta Villa Baydhaba ee Muqdisho. The post Booliska Soomaaliya oo shaaciyey khasaaraha ka dhashay qaraxii Ceelgaabta appeared first on Caasimada Online.
-
Qarax culus ayaa maanta ka dhacay Isgooska Ceel-Gaabta ee magaalada Muqdisho, gaar haanna bar kontarool oo laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya. Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qaraxa, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacleh. Laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay, halkaas oo ay ka wadaan baaritaanno la xiriira qaraxyo kale oo laga cabsi qabo. Weli faahfaahin sugan lagama helin khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxaas, oo ay mas’uuliyaddiisha sheegatay Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - A heavy bomb explosion rocked a checkpoint near the Presidential Palace in Mogadishu Saturday morning amid fears of deaths. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Wadajir, Axmed Xuseen Cadow (Daaci) sidoo kalena ka mid ahaa musharixiinta Aqalka Sare ee sanadkan, balse laga guuleystay ayaa ka hadlay xiisada ka taagan magaalada Muqdisho. Axmed Daaci oo wareysi siiyey Radio Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday khilaafka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha uu saameyn ku yeeshay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka. Siyaasiga caanka ah ee Axmed Daaci oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay haddii ay sidaan kusii socota xaaladda in uu ka dhalan karo gacan ka hadal, ayna tahay in laga hortego. Sidoo kale guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ayaa ugu baaqay beesha caalamka in Farmaajo ay ka saarto Villa Soomaaliya, ayna dajiso Xalane, si loo qaboojiyo xiisadda. “Beesha caalamka iyo dowladaha Soomaaliya daneeyana waxaan leeyahay madaxtooyada madaxweynaha ha ka saaraano oo ha dajiyaan Xalane, sida ay hadda xaaladda kusii socoto hadii ay kusii socoto dhibaato ayaa dhaceysa oo gacan ka hadal ah,” ayuu yiri Daaci. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble inuu go’aan cad qaato, isla-markaana uu ka shaqeeyo dhammeystirka doorashada. Hadalka Axmed Daaci ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan ay hakad-galeen wada-hadalladii u dhexeeyey labada dhinac ee ka socday xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Si kastaba, khilaafka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha ayaa saameyn ku yeeshay xaaladda dalka ee dalka & doorashooyinka. The post Axmed Daaci oo soo jeediyey in FARMAAJO laga saaro madaxtooyada oo la dejiyo… appeared first on Caasimada Online.
-
Urur ay ku mideysan yiiin Sharciyaaqanada Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool kaas oo uu fadhigoodu yahay Melbourne ee dalka Australia, ayaa sheegay in mackamadda Dambiyada adduunka ee ICC ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah dowladda uu hogaamiyo Farmaajo. Garyaqaanadaan ayaa seegay in ay arkeen tacadiyada dalka ay ka geysanayaan Farmaajo iyo xulafadiisa, iyagoo sheegay in ay dadka Soomaaliyeed u sheegaay in ay jiraan meelo lagu maxkamadeyn karo dadka Awoodda loo dhiibtay dadka ku dhibaateeya . Yuusuf Cabdi Faarax oo ah guddoomiyaha ururka Garqayaanada Soomaaliyeed ee Qurba joogta ah ayaa sheegay in Dacwadoodu ay qeyb ka tahay gabood faladii dhacay doorashadii Lafta gareen, Dilka Ikraan Tahliil iyo Cunaqabateynta la saaray maamulada qaar. ”Maxkamadda Dambiyada Caalamiga way naga aqbashay afarta kiis ee kala ah: Ikraan Tahliil, xasuuqii Baydhabo, Cunaqabateynta Jubbaland & Dhalinyaradii Eretareeya loo qaaday oo Mareykanka & Qaramada Midoobay qiran yihiin ay ka qaybgaleen dagaalka ka dhacay Ismaamulka Tigray, Waxaa baaris ku wadnaa Xasuuqii ka dhacay Dhuusamareeb, Bariire iyo kufsi ka dhacay Doolow & Buulo Xaawo” Ayuu yidhi Garyaqaan Yuusuf oo la hadlay VOA. Dacwaddaan ayaa noqoneysa middii ugu horeysay oo noocaan oo kale ah oo laga gudbiyo Madaxweynaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobalka banaadir qaarkood, Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,. Ugu horeyntii Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa xafiiska suuq-geynt shirkadda isgaarsiinta somtel Mudane Axmed Ciise xaaji Oo aad u bogaadiyaya Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid ay ubaahnaayeen bulshada soomaaliyeed macamiil walba oo sameeya ku shubasho Wuu u tartami karaa “Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada karaka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga Waxaan balan qaadeeynaa in todobaadka soo socdo loo tartami doono gaariga Hyundai Waliba nuuca shaqada iyadoo macaamiisheenuu furantahay fursadaan qaaliga Waxaan aad ugu farxay in gaariigii ugu horeeyay Hyundai ay ku guuleysatay Mamo beeraleey dan yar ah oo mudneyd in lagu abaalmariyo waxaan rajeeynayaa in gaariga Hyundai -ga cusub u uku guuleyso qof ka mid ah macaamiisheena Xmar ha joogo ama Gobolada Ha joogo ka Somtel ahaan macaamiisheenu wey inoo siman yihiin meel kasto ay joogaan” Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Xildhibaan idris Cabdi Dhakhtar oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood “Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda kucelisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo amaan & bogaadin-ba mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah u gudoonsiino macaamiisha guuleysatay todobaadkan Waxaan si gaar ah uga codsanayaa in shirkaddu xooga saarto deeqda waxbarasho taasoo waxtar u leh ardayda soomaaliyeed Waxaan si dhow ula socday Munaasabada daah-furka ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 hadiyadood Waa barnaamij taabagalay oo tadobaadkii 10aad aan xaadir u ahay hadiyadaha la gudoonsiinayao macaamiisha guuleysatay waa talaabo ku dayasho mudan in bulshada soomaaliyeed waxa lagu celiyo waliba abaalmarino wax tar uleh bulshada soomaaliyeed la gudoonsiiyo Sida Dahab-ka Bajaajka, Gaariga Hyndai Kuwaasoo wax ka taraya shaqo abuurka dhalinta soomaaliyeed Kuwooda wax bartay & kuwa aan mutacalimiinta ah intaba” Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Madaxa waaxda ganacsiga somtel Mudane; C/laahi Cali Caamir oo aad u bogaadiyay kalinta shaqo abuurka shirkadda isgaarsiinta somtel “Waxaan bogaadinayaa somtel oo shaqo abuur u sameeysay dhalin yaro soomaaliyeed qaarkood iyagoo wax bartay xaafadaha iska fadhiya waxaan bixinay labaatan bajaaj todobaad kasta labo bajaaj ayey macaamiishu ku guuleystaan waxaan ku faraxsanahay inaan badbaadinay qoysas soomaaliyeed oo ay soo food saartay xaalado nololeed waliba macamiisheena ku guuleysatay qaaliga sida bajaajyada, gaariga Hyundai aan bishii hore macaamiilkii ku guuleystay ku abaalmarinay waa macaamiishii ugu habooneyd ee shirkaddu abaakmariso nasiibkooduna uu saacido marka ay sameeyeen ku shubasho ku hadal ama Data internet-ka Somtel” Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay daahir Mxamed Maxamuud oo ku guuleystay bajaaj todobaadkan ‘Ma filaneynin ijn somtel igu abaalmarineyso bajaaj waxaan uga faa’ideynayaa ehelkeyga waa shaqo abuur aan aad ugu baaahneyn xaqiiqdii marka somtel wey ku mahadsantahay inay macaamiisheeda dhiiragelin la taaban karo ay u sameeysay waa wax lagu faano” Waxaa erayo kooban munaasabada ka yiri Jibriil ibraahiim Cali oo ku guuleysatay 10gr oo dahab ah “Waxaan u heystay markii ugu horeysay ee leey soo wacay in prank leygu sameynayo waxaan galay page-ka shirkadda waxaan ogaaday in si sax ah aan u guuleystay somtel ay abaalmarineyso xaqiiqdii farxad darted ayaan la ilmeeyay Maanta waa leey gudoonsiiyay” Ugu danbeyntii waxaa Shucuurtiisa Cabiray Shariif xasan Maxamuud oo ku guuleystay Cooking Machine ‘Waxaan ahay ardayad wax ka barata mid ka mid ah jaamacadaha muqdisho aad ayaan ugu baahi qabay hadiyadaan qaaliga ah ma filaneyn in somtel igu abaalmarineyso waxan uga faa’ideysan doonaa qorida buuga qalin badalshada jaamacada oo aan dhawaan qoraayo” Si kastaba ha ahaatee macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaariga hyundai kaasoo todobaadka soo socda aan bixin doono gaarigii labad waxaan leenahay ka macaamiisheena ka faa’ideysta ilaa galabta inta laga xusayo macaamiilka guuleeystay waad u tartami kartaan fadlan samee ku shubashasho karaka hadalka ama data internt adigoo uga shuban kara adeegga eDahab *101# ama ku shubo scratch card-ka la xoqdodo, ugu dambeyntii uga shubo adeegga eDahab ama adeegga Easy load Waxaa xusid mudan in horay ugu guuleysatay Mamo beeraleey dan yar ah oo ku nool baadiyaha gobalka hiiraan Waxan rajeeynayaa in bishaan uu ku guuleysto macaamiil aad ugu baahi badan uguna haboon si shirkadda ajar fara badan ugu hesho” The post Sawirro: Shirkadda Somtel oo toddobaadkii 10-aad abaal-marisay 1000 macaamiil appeared first on Caasimada Online.
-
Qarax xooggan ayaa la sheegayaa in goordhow uu ka dhacay agagaarka Ceel-gaabta ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho. Qaraxan oo ahaa mid gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay xarun baaris oo ciidamada amniga ku lahaayeen agagaarka iskuulka Raage Ugaas. Ma jirto warar rasmi ah oo kasoo baxay hey’adaha amniga, laakin werarka ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in goobta uu qaraxu ka dhacay mashquul aheyd, uuna jiro khasaare naf iyo hanti leh. Wixii warar ah oo kasoo baxa, kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee gudaha magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah loola bartilmaameedsaday bar- koontarool oo laga galo dhimshaa xarunta madaxtooyada, kuna ku taalla halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay. Sidoo kale waxaa qaraxa ku burburay gaadiid u badan kuwa raaxada iyo mootooyin nooca bajaajta oo xilligaas marayey isgoyska Ceelgaabta oo ah meesha uu qaraxu ka dhacay. Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya oo faah faahin horudhac ah ka bixiyey qaraxa ayaa xaqiijiyey in loo adeegsaday gaari, wuxuuna intaasi ku daray inay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan inta uu gaariisanyahay khasaaraha ka dhashay is-miidaamintaasi. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana qoraal kooban oo ka soo baxay kooxda lagu sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey ay goobta ku sugnaayeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Waa qaraxii labaad oo muddo 24 saac gudaheed ka dhacaya caasimada, waxaana shalay mid kale oo is-miidaamin ahaa uu ka dhacay xarunta Villa Baydhaba ee Muqdisho. The post Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa isgoyska Ceelgaabta appeared first on Caasimada Online.
-
Akhriso : Doorashada Abiy Uu Isla Galay Bilaw Illaa Dhaamad
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muran badan ayaa illa iyo hadda sii hareynaya doorashooyinka Xisbiga Barwaaqo iyo hogaamiyahooda Abiy ay qabanayaan. Waxaa soo gaba gaboobaya ololaha doorashada, iyadoo dhamaan xisbiyada Mucaaradka ay isaga harayaan doorashada, Abiy iyo xulafadiisa ayaa ku keli noqday sanaadiiqda cod bixinta. Gobalada dalka oo dhan ayaa la soo wariyay in ay ka dhacday caburin dhanka codbixinta ah taas oo ay wada qoomeen siyaasiyiinta Mucaaradka. Doorashada oo hadda ay isugu soo hareen Xisbiga Abiy iyo xildhibaano Maqaar saar ah ayaa la soo gaba gabeynayaa hadda. Tan iyo bilawgii doorashada gobalada ayaa warar aan la mahdin oo doorashooyinka ah ay ka soo baxayeen, kuwaas oo ay bulshada ku sii kala fogaaneysay. Gobalka Soomalida: Maanta oo sabti ah ayaa lagu soo gaba gabeynaya dowlad deegaanka Soomaalida ololaha doorashada heer gobal iyo heer federaal. Doorashada aya lagu wadaa sidoo kale in ay qabsoomto 30-ka bishaan September waxaana kuwada tartami doono Xisbiga Barwaaqo iyo musharixiin madaxbanaan. Dhamaan xisbiyabada Mucaaradka ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa isaga haray doorashada kadib markii ay sheegen in ay xisbiga talada hayo uu hoosaasin dhanka codbixinta ah uu sameeyay. Doorashadaan oo horay uga qabsoontay goabalada kale ee Itoobiya ayaa waxaa dib loo dhigay gobalka Soomaalida kadib muran hareeyay doorashada. Baarlamaanka doorashadiisa ay hadda socoto ayaa waxaa kalfadhigiisa ugu horeeyo waxa uu yeelanaya 4 bisha October . Xisbiyada Mucaaradka ayaa waxa ay sidoo kale ku eedeyeen in guddiga doorashooyinka Madaxa banaan ay ku guul dareysteen in ay ka madaxbanaanadaan xisbiga talada haya, taas oo markii dambe keentay in ay isaga baxaan doorashada. Gobalka Gambella: Hogaamiyayaasha xisbiga GPDM ee ka dhisan gobalka ayaa dhankooda cadaalad daro ka muujiyay doorashada. GPDM ayaa Abiy iyo Xisbigiisa ku eedeyay in ay gacan bidixeynayaan doorashada dalka ka socota, xilli la marin habaabiyay olalaha gobalka oo aan si sax ah loo qeybsan. 2018 Abiy ayaa Gambeella ku tagay safar markaas oo uu la kulmay hogaamiyayaasha Mucaaradka , xilligaas oo Abiy uu xulufeysi iyo galaan-gal siyaasadeed gobalka ka waday. Ololaha gobalka ka dhacay ayaa la sheegay intii ay doorashada socotay in xisbiga PP ee Abiy ay xisbiyada kale dhabar jabiyeen. Gobalka ayaa sidoo kale ay ka soo baxeen musharixiin madaxbanaan oo la sheegay in ay yihiin kuwa dahsoon oo Abiy iyo xulafadiisa ay maqaar saar u yihiin. Gobalka Amhara: Gobalkaan oo ah kan labaad ee ugu dadka badan dalka Itoobiya ayaa sawirada laga qaaday intii ay socotay doorashada bishii June waxa ay muujinayeen kuwa si aad ah dadka ay safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta. Dhaqdhaqaaqa Qaranka Amxaarada ee magacooda loosoo gaabiyo NaMA ayaa dhankooda PP ku eedeyay in ay diideen tartan furan oo loo wada dhan yahay. Gobalka oo dhan ayaa ay soo wajahday Amni daro kadib markii ay qalalaaso ka bilaabmeen goobaha doorashada intii ay codbixinta socotay. Si kastaba ha ahaatee, A-PP waxay qaaday tallaabooyin muhiim ah si ay u muujiso in garabka gobolka ee xisbiga uu ku jiro si uu u guuleysto. 138-kii murashax ee A-PP, dhamaantood musharixiintaan ayaana ahaa kuwa cusub marka laga reebo hal musharax oo ka mid ahaa . Gobalkaan ayaan xisbiga Abiy aya soo xaabsadeen cododkiisa oo dhami kaas oo aanay jirin cid lala babac dhigo dhamaan natiijada garabyada gobalka. Gobalka Sidema: Gobalkaan ayaa sidoo kale intii ay doorashada socotay laga soo wariyay tacadiyo iyo gabood fallo taagerayaal aan la aqoon ay geeysanayaan. Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Sidama (SLM) , ayaa la sheegay in musharixiintooda ay la kulmeen Hanjabaado iyagoo sidoo kale qoysaskooda loogu baaqay in ay la kulmayaan dilal. Doorashada gobalka ayaana weli lagu muran san yahay xilli 30-ka bishaan dhamaan la soo afmeerayo doorashooyinka dalka. Gobalka Afar: Gobalka canfarta ayaa dhibaatoyinka doorashada kala mid ah gobalada kale, iyadoo gobalka u sii dheertahay saameynta dagaalada TPLF iyo xukuumadda afduubka doorashada waddo. Canfarta ayaa dagaallo laba dhinac ah iyo doorasho ku jirtay muddooyinkii dambe, dagaallo ayaa canfarta ay la gashay Soomaalida, halka dhinaca kale ay dagaal kula jirtay TPLF oo weeraro ku soo qadeysay mar marka qaar. Garabka Abiy ayaa soo wariyay in gobalka ay doorashada si nabdoon uga dhacday, xilli ay jireen rabshado iyo qalalaaso ka dhacay goobaha codbixinta intii ay socotay doorashada. Markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada, xisbiga gobalkaan ka dhisan ayaa qaadacay natiijada, iyagoo shegay in xisbiga talada hayo uu ku shubtay codadka doorashada. Gobalka Dire Dawa: Intii ay doorashada socotay ayaa laga soo wariyay in qowmiyadaha daga gobalkaan ay dagaallo dhex mareen. Marka laga reebo musharixiinta PP, sagaal xisbi siyaasadeed iyo hal musharrax oo madax -bannaan ayaa isu diiwaangeliyay inay u tartamaan kuraasta baarlamaanka ee Diridhaba. Waxaa ka maqan dhinaca mucaaradka waa xisbiyada ugu shacbiyadda badan magaalada Diridhaba, oo ay ku jiraan Jabhadda Xoreynta Oromada ee Oromada iyo Oromo Federalist Congress, kuwaas oo lagu qasbay inay ka baxaan tartanka sababo la xiriira inaysan awoodin inay si cadaalad ah u tartamaan. Xisbiga caanka ah ee mucaaradka Soomaalida, Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (ONLF), oo hoggaamiyeyaashoodu Abiy ku casuumay dib uga soo noqoshada, ayaan sidoo kale isa soo sharixin, iyagoo sheegay in saraakiisha xisbiga talada haya ay caqabad ku noqdeen awooddii ay ku lahaayeen diiwaangelinta musharraxiinta. Gobalka SNNP: Gobolka Shucuubta Koonfureed, Qowmiyadaha Itoobiya, ayaa isna waxaa ku soo baxay xisbiga PP. 85 ka mid ah 104 degmo ayaa u codeeyay 21kii Juun PP -na wuxuu ku guuleystay 75 ka mid ah, taas oo keentay in inta badan ay Mucaaradka laalaan natiijada. Gobalka Benishangul-gumuz: Gobolka Benishangul-Gumuz (BGRS) wuxuu lahaa tirada ugu yar ee cod-bixinta doorashooyinki dhacay June. Sidoo kale gobalka ayaa rabshado ka dhaceen inti ay socotay doorashada Abiy iyo xulafadiisa ay qabsanayaan oo inta badna gobalada dalka Xisbiyada mucaaradka ay ka diideen. 21kii Juun, codbixintu waxay ka dhacday kaliya Aagga Assosa, marka laga reebo Oda Buldiglu Wereda, iyo Mao Komo Special Wereda. PP wuxuu ku guulaystay 22 kursi golaha gobolka iyo saddex ka mid ah sagaal kursi ee baarlamaanka. Gobalka Oromia: Doorashada ka dhacday gobalka ayaa waxaa xisbiga PP uu ka helay 96%, taas oo keentay in xisbiyada kale ay isaga hareen doorashada. Deegaannada waaweyn ee koonfurta iyo galbeedka Oromiya ayaa ammaankoodu aad u liitay si ay uga qaybgalaan codbixintii Juun. Codbixinta deegaannadan ayaa dib loo dhigay 30 -ka Sebtembar, in kasta oo rabshadaha socda iyo iska -horimaadka sii kordhaya ee Ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) ay shaki gelinayaan in geedi -socod lagu qanci karo uu dhici karo. Gaba gabo: 21kii Juun, doorashooyin ayaa lagu qabtay 425 ka mid ah 547 goobood. Musharrixiin dhan 9,505, oo ay ku jiraan 9,357 xubnood oo loo magacaabay xisbiyo siyaasadeed oo matalayay 20 xisbi qaran iyo 33 xisbi goboleed, iyo 148 murashax oo madax bannaan. Wareeggan koowaad, xisbiga hadda talada haya ee PP ayaa ku guuleystay 410 kursi oo ka mid ah 425 -ta baarlamaanka. Doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo magaalada, PP ayaa ku guulaysatay ku dhawaad 98% kuraastii la isku haystay (1,625 ka mid ah 1,664). Goobjoog News Source: goobjoog.com