Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray xerada Bali-doogle ee gobolka Sh/ Hoose. Rooble iyo wafdigiisa ayaa waxaa Xeradaas ku soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka ee degan saldhiggaasi. Ra’iisul wasaaraha ayaa muddada uu joogo xerada u kuur-galayaa howl-gallada ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu kormeer ku sameyn doonaa qeybaha ay ka kooban tahay xerada Bali-doogle oo ah taliska ururka 16-aad ee Kumaandooska Danab. Booqashadan ayaa ku soo aadeysa, xilli dowladda Mareykanka ay haatan qorsheyneyso in dhammaan ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha Soomaaliya, waxaana go’aankaasi horey ugu dhowaaqay madaxweynaha laga guuleystay ee dalkaasi Donald Trump. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku wajahan musharaxiinta mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka kadib markii la joojiyay in hub lala galo gudaha garoonka diyaaradaha. Amarkaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay inaan hub lala gali karin gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu shaaciyay in go’aankan uusan saameyn doonin madaxda sarre ee dalka, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha. Go’aankan ayaa waxa uu u muuqda mid ka dhan ah musharaxiinta mucaaridka oo iyagu marka ay ka duuliyaan garoonka la gala ilaalo hubeysan, kuwaasi oo qeyb weyn ka qaata sugida amnigooda, waxeyna arinta kusoo aadeysaa xilli wali uu taagan yahay khilaafka doorashada. Wasaaraddu marnaba si guud uma mamnuucin hubka lala galayo garoonka, iyada oo go’aankan uusan hor istaageyn ilaalada hubeysan ee madaxda sarre ee dowladda la galaan gudaha garoonka. Musharaxiinta xilka madaxtinimada iyo madaxdii horaba waxaa soo dhaweynayay ciidamo u gaar ah ama sagootin jiray markii ay ka baxayaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, balse laga bilaabo maanta suuragal ma noqon doonto maadaama ay amar ka dhan ah soo saartay wasaaraddda Amniga. Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ah kan ugu mashquulka badan dalka, iyada oo amnigiisa ay gacanta ku hayaan ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan kuw dowladda iyo AMISOM. Go’aankan ayaa uga sii dari karta xiisada xoogan ee ka dhex taagan madaxda dowladda iyo mucaaridka, iyada oo kusoo aadeysa xili ay xaalad cakiran oo ka dhalatay hanaanka doorashada ay ka taagan tahay dalka. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay musharaxiinta mucaaridka oo hore dowlafda ugu eedeyay inay beegsi gaar ah ku hayso.
  3. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/01/Warka-Duhur-312021-ok.mp3 View the full article
  4. War-safaadeed kasoo baxay wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la joojiyey in gudaha garoonka Aadan Cadde lala galo hub, waxaana arrintaan lagu sheegay xaqiijinta amniga garoonka sida lagu xusay qoraalka wasaaradda ay maanta soo saartay. Halkaan Ka Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Labo Askari oo u dhashay dalka Faransiiska aya lagu dilay gudaha wadanka Mali, dilkaan aya ka dhacay waqooyi barri ee caasimada Bamako, kadib markii gaari ay lasocdeen uu la kulmay qarax la dhigay waddada. Tiradda dhimashada ayaa gaareysa ilaa 50 Askari ayaa lagu dilay waddankan dhaca galbeedka qaarada Afrika taniyo 2013-kii markii Ciidanka Faransiiska ay soo faragaliyen dhaq-dhaqaaqyada milatari ee looga soo horjeedo xoogagga dowladda kasoo horjeedo sida laga soo wariyay shaqaalaha ciidanka. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka tacsiyadeeyay dhimasha Askartiisa, waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay aad uga xun yihiin dilalka lagu haayo Askarta howlgalka ka haayo Maali. Ciidanka Faransiiska waxay tiradoodu gaaraysaa 5,100 askari oo ku baahsan gobolka Sahel, waxayna la dagaallamayaan kooxaha jihaad doonka ah oo ay weheliyaan askarta ka socota wadamada Mauritania, Chad, Mali, Burkina Faso iyo Niger. Source: goobjoog.com
  6. When the COVID-19 pandemic arrived in Minnesota in March, schools and families had little time to prepare a distance learning plan. Source: Hiiraan Online
  7. Ciidamada kumaandooska xoogga dalka ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoos taga degmaga Buurhakaba gobolka Bay ay ku qabteen rag ka tirsan Alshabab, sidoo kale ay ku burburiyeen xarumo ay la haayeen. Deegaannada howlgalka ay ciidamadu ka sameeyeen ayaa waxaa ay kala yihiin, Buur-Heybe, Jiira-Koolow, durdurow, Saaxweyn iyo Yaq-Doomaar, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay. Sidoo kale saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ee guutada 16-aad Ee Danab waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku qabteen Rag ka tirsan Kooxda Nabaddiidka Al-Shabaab, Mootooyin ay isticmaali jireen iyo Agab Ciidan, Dhanka kale sakiisha howlgalka hoggaaminaysa waxaa ay xuseen in markii deegaannadaas ay ciidamadu gaareen ay Al-shabab ay isaga baxeen, taasna ay keentay in ay la wareegaan gadiidka mootooyinka ah sida ay sheegeen. Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maalinimadii shalay taliska 60-aad ee xoogga dalka ee Koonfur Galbeed looga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabab oo laga fulinayo deegaannada hoos taga maaulkaasi Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Kooxda Trump oo qaadaysa tallaabadii ugu dambeysay ee ay ku carqaladayaan madaxweynenimada Joe Biden,Yaase horgale u ah? Koox ka mid ah senetarrada Mareykanka ayaa sheegaya inay gaashaanka u daruuri doonaan inay caddeeyaan guusha uu doorashada ka gaadhay Joe Biden haddii aan guddi loo saarin baaritaanka musuqmaasuq ee la sheegay in lagu sameeyay doorashadii bishii Nofeembar ka dhacay Mareykanka. 11-ka xubnood oo ka tirsan senetarada xisbiga Jamhuuriga oo uu hogaaminayo Ted Cruz ayaa doonaya in 10 maalmood dib loo dhigo si caddeeyaan eedeymaha aan xaqiiqda loo hayn, inkastoo aan la fileyn in ay ku guuleysataan. Madaxweyne Donald Trump ayaa diiday inuu qiro guusha Biden, isagoo si isdaba joog ah u sheeganayay in looga shubtay doorashada isagoo aan bixin wax caddeyn ah. Dadaalkiisii sharci ee uu ku doonayay inuu ku rogo natiijooyinka ayaa waxaa si weyn u diiday maxkamadaha. Wuxuu heystaa kaliya hal guul, oo ku saabsan tiro yar oo waraaqaha boostada ah ee Pennsylvania, mid ka mid ah gobolada Mr Biden uu ku guuleystay tartankii sanadkii hore. Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ayaa joojiyay in uu ka dhawaajiyo eedaha Mr Trump ee musuqmaasuqa doorashada. Laakiin Sabtidii, ayuu madaxiisa shaqaalaha Marc Short wuxuu sheegay in Mr Pence “uu soo dhaweynayo” dadaalkan ugu dambeeyay ee ay sameeyeen xildhibaanada si ay “u diidaan shaacinta najiidaha ee 6-da Janaayo. Qaran News
  9. Golaha Midawga Musharixiinta xilka Madaxtinimo ee dalka doorashada 2021, ayaa sheegay in ay ka digayan Heshiisyada Baarista iyo Qodista shidaalka dalka ee ay dowladd la gaareyso shirkada Shidaal baarista , Qoraal ka soo baxay Midawga Musharixiinta ayaa waxaa loogu baaqay Hanti dhowrka guud ee dalka, Xeer ilaaliyaha laga fiirsado Heshiisyada shirkadaha Shidaal Baarista, kaasoo looga digayo Bixinta qandaraasyada shatiga shidaal oo ay wasaarada Bartoolka la gelayso shirkada Coastline oo horay loo oran jiray Som-Oil iyo shirkada Liberty. “Dowlada Federaalka Soumaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah waxa ay 5-tii bishii June 201 hkii magaalada Bcydhabo ku sixiixdeen Heshiiska Wadaaga kheyraadka dabiiciga »h, kaas oo dhigayay in heshiis walba oo la xiriira shidaal qodis, sahamin ama baaris uu noqdo mid daahfuran, laga dooday, la qiimeeyay, laguna heshiiyay, ugu danbeyna laga meelmariyay Golaha Shacabka ee DFS, kahor inta aan heshiiska la saxiixin” ayaa lagu yiri qoraalka . Sidoo kale qooraalka ka soo baxay Midawga Musharixiin ayaa lagu yiri ” Heshiisyada qarsoodiga ah ee aan xogta ku helnay inay saxiixi doonlo Wasaaradda Macdanta iyo Balroolka oo wakiil ka ah DFS, wuxuu toos uga hor imaanayaa, una baalmarsanyahay dhamaan Sharciyada iyo Xeerarka Kheyraadka dabiiciga ah ee DFS ee laga meelmariyay BFS, hcshiisyada ka dhaxecya DFS iyo Dowlad Gobolecdyada xubnaha ka ah iyo fahamka guud ee masuuliyadda ilaalinta kheyraadka dalkeena”. Hoos ka Akhriso Qoraalka Midawga Musharixiinta Source: goobjoog.com
  10. Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta soo saartay Amar ku aadan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Wasaaradda Amniga Xukuumadda ayaa shaacisay in la joojiyay hubka lala galayo gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, xiliyada ay Garoonka kasoo degayaan Mas’uuliyiinta iyo Madaxdii hore ee dalka. Amarka kasoo baxay Wasaaradda Amniga waxaa lagu sheegay in hubka Garoonka ay la geli karaa oo kaliya Ilaalada la socota Madaxda sare ee dowladda Federaalka. Si kastaba Amarkaan lasoo saaray ayaa kusoo aadaya, iyadoo Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo Musharaxiinta Madaxweynaha ay Garoonka galaan Ilaalada la socota, xiliyada ay Garoonka Aadan Cadde kasoo degayaan ama ka dhoofayaan. PUNTLAND POST The post Dowladda oo joojisay in Hubka lala galo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  11. As richer countries race to distribute COVID-19 vaccines, Somalia remains the rare place where much of the population hasn’t taken the coronavirus seriously. Some fear that’s proven to be deadlier than anyone knows. Source: Hiiraan Online
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe gudaha magaaladaasi uu ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah, xilli uu ciyaarayey kubad, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yaxye Maxamed, waxaana da’diisa ay aheyd 14 sano jir, sida ay sheegeen ehelladiisa oo meydka ka qaaday halkaasi. Wararka ayaa sheegay in uu marxuum Yaxye Maxamed u dhintay wadno xanuun deg deg ah oo ku soo booday, intii ay socotay ciyaarta kubadda cagta ah. Sidoo kale dhalinyarada ay banooniga wada ciyaarayeen Yaxye ayaa aad uga naxay geerida deg-dega ah ee ku timid marxuumka. Dhacdadan ayaa si aad ah looga hadal hayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, iyada oo isla saaka marxuumka lagu aasay Qabuuro ku yaalla magaaladaasi.
  13. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray xerada Balli-doogle ee Gobolka Shabeellada Hoose. Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Xerada Bali-doogle ku soo dhoweeyay Saraakiil ciidan, wuxuuna mudada uu joogo u kuurgalayaa howlgalada ciidanka dowladda ee ka dhanka ah Al-shabaab. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale kormeer ku sameyn doona dhamaan qeybaha ay ka koobantahay xerada Balli-doogle oo ah Taliska Ciidanka Kumaandooska DANAB islamarkaana laga qaado Hawlgallada lagu beegsado Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray Taliska Balli-doogle ee Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
  14. Veteran talk show host Larry King, 87, is being treated at a Los Angeles hospital for Covid-19, according to multiple US reports. CNN, his employer for many years, said he had been in hospital for a week. Source: Hiiraan Online
  15. Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa madaxda Soomaaliya ugu baaqay inay isugu yimaadaan shir ay uga arrinsanayaan xaaladda dalka uu haatan marayo. Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlayay magaalada Garowe ayaa sheegay inay tahay in madaxdu ay arrinta doorashada wax iska yiraahdaan, mucaaradkana wixii halkaas ka soo baxa ay la qaataan. Hadalka madaxweyne Deni ayaa waxa uu imanayaa xilli aanan weli la fulin heshiiskii madaxda Soomaaliya ay Muqdisho ku gaareen 17-kii bishii Sibteembar ee sanadkii tegay. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhow booqasho ku gaaray xerada ciidanka Mareykanka ee ku taalla deegaanka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Rooble oo ay wehlinayaan wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa iyo saraakiil ciidan ayaa u kuur galaya howl-gallada ciidamada Danab iyo kuwa Mareykanka ee saldhigoodu yahay halkaasi. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay xerada waxa uu la kulmo doonaa saraakiisha ciidanka Mareykanka ee ku sugan halkaasi iyo kuwa Danab, isaga oo kala hadli doono dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta dalka Soomaaliya. Waxa kale oo uu qiimeyn doonaa Rooble xerada Balidoogle oo tababaro gaar ah lagu siiyo ciidamada kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed. Si kastaba ha’ahaatee booqashadan ayaa ku soo aadeysa, xilli dowladda Mareykanka ay qorsheyneyso in dhowaan ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha Soomaaliya, waxaana go’aankaasi horey ugu dhowaaqay madaxweynaha laga guuleystay ee Donald Trump.
  17. Dowladda Armenia ayaa waxa ay soo tabisay in dagaalkii lixda todobaad socday ee ay sanadkii hore la gashay Azerbaijan ay uga dhinteen dad ka badian kuwii markii hore ay qiratay. Wasaaradda caafimaadka ee Armenia ayaa sheegtay inay baaritaan caafimaad ku samaysay in ka badan 3300 oo mayd oo laga keenay jiidda ay ka socotay colaadda gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh. Qaar ka mid dadkaas ayaa la rumaysan yahay inay yihiin dad rayid ah. Colaaddii dhex martay waddamada Armeeniya iyo Azerbaijan ee ku saabsanayd lahaanshaha gobolka uu muranka inta badan ka taagnaa ee Nagorno – Karabakh ayaa soo billowday dhammaadkii bishii September ee sanadkiitagay. Colaaddaasi oo bishii Nofeembar lagu soo af-jaray heshiis uu garwadeen ka ahaa dalka Ruushka ayaa Armeeniya dhul badan looga qabsaday, waxaana jirtay in labada dhinacba ay ciidamo badan oo kumannaan gaaraya ay kaga dhinteen colaaddaasi. Balse ilaa haatan tirada rasmiga ah ee ciidamada Armeeniya kaga dhintay colaaddaasi lama ogayn. Wasaarada caafimaadka Armeeniya ayaa sheegtay in baaritaan ay ku sameysay meydadka in kabadan 3,300 oo qof oo ku dhintay colaaddaasi . Ilaa iyo haatan ma kala cadda in meydadkaas ay yihiin ciidan ama dad rayid ah. Balse hadalkan wasaaradda ayaa ka dhigan in dowladdu ay qiratay jabkii ka soo gaaray dagaalkaasi oo dad badan oo reer Armeeniya ah ay waji-gabax kala kulmeen. Dagaalka ka dib, waxaa dalkaasi Armeeniya ka dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda, gaar ahaanna ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Nikol Pashinyan, kaas oo markii dambe iska-dhega-triay wakhti kama dambays ah oo ay dibadbaxayaasha u qabteen in uu xilka uga dego. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha ay aheyd inuu dadka latashto ka hor inta uusan ogolaan heshiiska nabadeed, iyagoo ku eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka. sida uu ku soo warramaya weriyaha BBCda uga soo warrama magaalada Yerevan. Mr Pahinyan ayaa waxa uu xilka la wareegay kaddib markii uu 2018-kii hogaamiyay kacaankii ugu horreeyay ee dalkaas ka dhashay kaddib dowladdii xigtay nidaamkii Soofiyeetka. Heshiiska uu Ruushka garwadeenka ka ahaa ayaa waxa uu dhigay in Azerbaijan ay haysato deegaannada ay qabsatay. Boqollaal ciidammada Ruushka ee nabad ilaalinta ayaa la geeyay aagga lagu muransan yahay. Raysl wasaaraha Armenia oo sheegay inuu qaatay go’aan “xanuun badan” kaddib markii uu “si qoto dheer uu u darsay xaaladda milateri” markaasna uu ogolaaday heshiiska, iyadoo uu sidaa ku wareejiyay saddex deegaan oo Karabakh daris la ah. Dagaalka u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia ayaa ka dhashay muranka ku aadan gacan ku heynta gobolka Nagorno-Karabakh kaas oo bilowday horraantii sagaashamaadkii. Labada dhinac waxay isku jeedinayaan eedeynta ah in dagaalka mid-ba midka kale uu ku soo qaaday. Nagorno-Karabakh waa gobol dhaca dalka Azerbaijan, waxaana inta badan ku nool shacab kasoo jeedo Armenia oo taageera ka hela dhinaca Armenia. Source
  18. Waxaa guuldarraystay iskudaygii ugu dambeeyay ee ay wadeen xulafada Madaxweyne Donald Trump ee ay doonayeen in lagu laalo natiijada doorashadii Mareykanka ee la qabtay bishii Nofeembar. Xaakim ku sugan gobolka Texas ayaa waxa uu diiday kiiskaasi uu maxkamadda horkeenay Louie Gohmert oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kaas oo doonayay in Madaxweyne ku xigeen Mike Pence uu joojiyo inuu meelmariyo natiijada kama dambaysta ah. Qareennada Mr Pence ayaa waxa ay Khamiistii codsadeen in kiiskaasi meesha laga saaro. Madaxweynaha la doortay, Joe Biden, ayaa lagu wadaa inuu xilka la wareego 20-ka bishan Janaayo. Mr Trump ayaanan weli qirin in laga adkaaday. Mr Gohmert oo ah Jamhuuri ka tisan Kongareeska Mareykanka ayaa waxa uu Newsmax TV u sheegay inuu qorshaynayo inuu racfaan ka qaato go’aankaasi. Source
  19. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayey gaba gabada madasha aragti wadaagga machadka Heritage oo Garoowe sanadkan lagu qabtay ayaa sheegay in dawladdu ay ahmiyad wayn siinayso sidii doorashada soo socota ay dalka uga dhici lahayd si nabadgelyo ah oo xasiloon. Waxa uu sheegay in geedi socodka dawlad dhisidda Soomaaliya uu soo socday 20-kii sano ee ugu dambeeyey, soona maray marxalado kala duwan oo horu socod leh, haatana loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii dawladnimadu horu ugu soco lahayd. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dowladda ay u qabsoomeen waxyaabo badan oo ay ugu horeyso, arrimaha dhaqaalaha, Waxbarashada, caafimaadka iyo kuwa kale. “Fawdo ayaanu ka nimid, meel dheer baanu ka nimid, fawdana doooni mayno, in doorashadaasi nabad inoogu dhacdo, si nabad ahna loogu dareero faa’iidey u tahay qof kasta oo Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka. Mudane Mahdi ayaa Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixinayaan sidii la isugu soo dhawaan lahaa, hannanka doorashaduna uu u noqon lahaa mid lagu wada kalsoonyahay, iyadoo la xalinayo tabashooyinka dhinacyada doorashada danaynaya qaarkood ay qabaan. View the full article
  20. Taliska Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB, ayaa war ka soo saaray hawlgal qorshaysan oo ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen degaanno ka tirsan Gobolka Baay. Saraakiil ka tirsan DANAB ayaa sheegay in xarumo kala duwan oo Al-shabaab leeyihiin lagu burburiyay hawlgalka oo ka dhacay Buur Heybe, jiira Koolow, Durdurow, Saaxweyn iyo Yaaq-doomaar oo dhammaantood ka tirsan degmada Buurhakaba. Sidoo kale Saraakiishu waxay asheegeen in howlgalkaas ku qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab, mootooyin ay isticmaali jireen iyo agab ciidan, kaddib markii ay isaga baxeen degaanada howlgalka laga sameeyay. Waxaa xusid mudan, in Taliska DANAB aysan soo bandhigin wax caddayn ah, oo muujinaya xarumaha Al-shabaab laga dumiyay iyo xubnaha la qabtay midna. PUNTLAND POST The post Taliska DANAB oo war ka soo saaray hawlgal ay ku burburiyeen xarumo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  21. Koox looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Islaamiyiinta galbeedka Afrika ayaa la sheegayaa in ay dad rayid ah ku dileen dalka Niger. Sida ay qortay Reuter’s , ugu yaraan 49 qof ayaa dhimatay halka 17 kale ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday deegaanka Tchombangou halka 30 kale lagu dilay Zaroumdareye, labada deegaan waxaa ay dhacaan galbeedka Niger oo ah xadka Mali. Kooxo xiriir la leh Al-qaa’ida ayaa waxaa ay weeraro ka fuliyaan Saaxil iyo guud ahaan dalalka galbeedka Afrika. Dhanka kale, dalal ay ka mid tahay Faransiiska ayaa sheegay in askar looga dilay dalka Maali. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada howlwadeennadii ka shaqeynayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee Al-habaab shalay qaraxa la beegsadeen. Ra’isulwasaaraha ayaa wareystay dhaawacyada oo uu mid kasta ku booqday sariirtiisa wuxuuna ilaah uga baryay caafimaad. Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay dowlada iyo shacabka soomaaliyeed ay ka go,antahay horumarinta dalka iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay kana tacsiyeysay falkii Al-Shabaab ku beegsadeen muwaadiniin Soomaali & Turki ah oo ka shaqeynayay View the full article
  23. Wiil dhalinyaro ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ku geeriyooday magaalada Dhusameeb ee caasimadda maamulka Galmudug , xili uu ciyaarayey kubadda cagta sida ay sheegayaan warark aaan ka helayno magaalada. Marxuum Yaxye Maxamed oo da’diisa lagu sheegay 14 sano jir ayaa geeriyooday shalay galinkii dambe xili uu ku gudajiray ayaa geeriyooday ciyaarta, dhallintii garoonka kula jiray ayaana ka naxay geerida kadiska ah ee Yaxye. Ehelada marxuumka oo goobta soo gaaray ayaa qaaday meydka wiilka dhallinyarada ah, waxaana geeridiisa loo sababaynayaa inuu si kadis ah u istaagay wadnaha, da’yartii la ciyaareysay ayeyna ku keentay cabsi geeridiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com