-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Melbourne)-Qareeno Soomaali ah oo fadhigooda yahay magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa sheegay in dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee dagaalka ICC ee xarunteeda tahay magaalada The Hague. Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dacwadan ay u gudbiyeen Maxkamadda ICC ay tahay afar kiis. Waxaa uu sheegay in afarta kiis ee ay Maxkamadda u gudbiyeen ay kala yihiin kiiskii dilkii Ikraan Tahliil, xasuuqii ka dhacay Baydhabo sanadkii December 2018, xayiraadii diyaaradaha Kismaayo iyo dhalinyarada loo qaaday Eritrea. Garyaqaanka ayaa sheegay in Maxkmadda ay ka qabatay gal dacwadeedka, isla markaana ay jawaab ka heleen inuu gaadhay dukumiintiga, balse ay ku xidhan tahay sida ay fursadooda tahay oo ay kiisaska u kala horumarin lahaayeen. Dowladda Soomaaliya ayaa waajaheysay eedeymo kala duwan afartii sano ee Maamulka Madaxweyne Farmaajo, waxaana eedda ugu weyn ee maalmahan hareeyay uu yahay kiiska dilkii Sarkaalad ka tirsaneyd NISA Ikraah Tahliil oo dhowaan Taliska NISA ay shaacisay inay Al-Shabaab dileen, halka Shabaab iska fogeeyeen dilkaas, waxaana kiiskaas uu khilaaf ka dhex dhaliyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo keenay in xilka laga qaado Taliyihii NISA Fahad Yaasiin. Source
-
Qaar ka mid ah Shirkadaha diyaaradaha ayaa baajiyey ilaa 30 duulimaad Jimcihii kuwaas oo ay ku tegi jireen jasiiradaha Spain ee La Palma iyo La Gomera sababo la xiriira daruuro dambas ah oo ka dhashay foolkaano qarxay. Shirkadaha Iberia, Binter, Canaryfly iyo Vueling ayaa ka mid ah shirkadaha duulimaadyada ee joojiyay duulimaadyada inkasta oo garoomada diyaaradaha lagu dhawaaqay inay shaqeynayaan,sida ay warisay wakaaladda wararka ee Efe. Fulkaanaha qarxay ayaa la shegayaa inuu burburiyay ku dhawaad 400 oo guri iyo 200 hektar (494 acres) oo dhul ah. PUNTLAND POST The post Foolkaano ka qarxay Jaziirad ku taal dalka Spain oo khasaare sababay appeared first on Puntland Post.
-
Hague (Caasimada Online) – Ururka ay ku mideysaniyiin qareennada Soomaaliyeed ee qurba-joogta ah, fadhigiisuna yahay magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa haatan dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyay maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC, taas oo ku taalla magaalada Hague ee wadanka Netherlands. Guddoomiyaha ururkan Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax, isla-markaana la hadlay VOA ayaa shaaca ka qaaday inay Hague u gudbiyeen illaa 4 kiis oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala ah kiiska Ikraan Tahliil, dadkii lagu dilay Baydhabo, xilligii doorashada ee Lafta Gareen, cunaqabateyntii la saaray Kismaayo iyo arinta dhalinyarada la geeyey Eritrea. “Kiisaska aan u gudbinay maxkamada dambiyada ee caalamiga ah ayaa kala ah afar kiis oo kala ah kiiska Ikraan Tahliil, xasuuqii ka dhacay Baydhabo, cunaqabateyntii Kismaayo lagu soo rogay oo dhibaato fara badan ay kasoo gaartay shacabka Jubbaland iyo dhalinyarada Soomaalida ah ee loo qaaday wadanka Eritrea,” ayuu yiri Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay maxkamaddu ka aqbashay dacwadda ay ka gudbiyeen dowladda federaalka ah, isla-markaana ay jawaab ka heleen, sida uu hadalka u dhigay. “Haa afarta kiis waa naga qabteen maxkamadda, jawaabna waan ka helnay in dukumintigaas uu gaaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Yuusuf Cabdi oo hoggaan u ah qareennada dacwadda gudbiyey ayaa intaasi ku daray in la guda-galo kiisaskan ay ku xiran tahay fursadda maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, isla-markaana ay iyada ka war dhowrayaan, maadaama ay gacanta ku heyso kiisas kale. “Waxay ku xiran tahay fursadooda, maadaama kiisas badan ay jiraan, iyaga ayaa garanaayo sidii ay kiisaska u kala hormarin lahaayeen,” ayuu markale yiri guddoomiyuhu. Si kastaba, Soomaaliya ayaan xubin ka aheyn maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, waxaana arrintan ay kusoo aadeysa xilli xasaasi ah oo dalka ay ka jirto xiisad xoogan. The post Maxay tahay dacwadda ka dhanka ah DF ee loo gudbiyay maxkamada ICC? appeared first on Caasimada Online.
-
Urur ay ku midaysan yihiin qareenno Soomaaliyeed, oo ka dhisan magaalada Melbourne ee waddanka Australia, ayaa sheegay in ay dacwad ku saabsan danbiyo dagaal ka gudbiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya. Dacwaddan oo loo gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada dagaalka (ICC) ee magaalada Hague, ayaa ka kooban afar kiis danbiyeed oo loo haysto madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu sheegay garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax oo ka tirsan ururka dacwaddaas gudbiyay. Kiiska gabadhii la waayay ee Ikraan Tahliil Faarax, dad lagu laayay magaalada Baydhabo, Cuna-qabatayntii la saaray Kismaayo iyo dhalinyaradii loo qaaday waddanka Eritria ayaa kamid ah dacwadda laga gudbiyay dowladda. Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax, ayaa warbaahinta VOA-da u sheegay in maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada dagaalka ICC ay ururkooda ka guddoontay gal-dacwadeedkaas ka dhanka ah dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo loo gudbiyay maxkamadda danbiyada dagaalka ee ICC appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa sii badanaya dadka ay soo wajaheyso caaladaha nolol xuma ee ku hoos jiro deeganada dagaalada ay ka socdaan ee gobalka Tigrayga. Sawiro laga soo qaaday Isbitaalka wayn ee magaalada Make’lle ee caasimadda u ah gobalka dhaca waqooyiga dalka Itoobiya ee Tigray ayaa muujinaya macluul aad u daran oo soo foodsartay dadka mudada sanadka ah ku hoosjira dhawaqa hubka ay isweydaarsanayaan labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeyo. Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegtay in inkabadan 400,000 qof oo ku sugan Tigrayga ay soo wajahday baahi daran, ayna u baahan yihiin gar gaar bini’aadanimo oo deg deg ah. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF, ayaa dhankeeda sheegtay in 100,000 ah ay baahi la soo deristay, kuwaas oo hadda la sheegay in ay qaarkood geeri afka u saaran yihiin. Qaramada Midoobay ayaa horay labada dhinac ugu eedeysay in ay galeen tacadiyo bini aadanimada ka dhan ah oo ka dhacay intii dagaalka uu socday ee 10 bil ah. Dadka ku nool Gobalka ayaa sidoo kale sheegay in ay sii xumaaneyso xaaladooda nololeed oo ay geeri ku dhaw yihiin. Kindu Fenta waa wiil dhalinyaro ah kaas oo sawira la qaaday ay muujinayaan xilli uu ku jiray fasalkii uu wax ku baran jiray ka hor dagaalka oo ay hadda la sheegay in ay iskuulka oo idil ay bililiqaysteen Kooxa taageersan TPLF, waxa uuna ku yaalla iskuulka magaalada Zarima. Kindu ayaa sheegay in ay soo wajahday dadkiisa baahi daran isagoo wargeysyada u sheegay in ay geeri ku dhaw yihiin. “Dadkeennu aad ayeey u gaajoonayaan” ayuu yiri Kindu Fenta, xilli uu ilmeynayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Distinguished Ladies and Gentlemen, Today, the 21st day of September, is International Peace Day. It presents us not only with a day of reflection regarding the imperative of living in a world devoid of threats to peace and security but also one in which we consider the realities of our societies with a view to highlight real challenges that threaten our peaceful co-existence. The shifting nature of threats to peace and security are reflective of the rise in intra-national conflicts over and above international conflicts with adverse impacts for nation-building and sustainable development. Both research and our wholesome realities as a continent has revealed that young women and men – the largest demographic in Africa – are impacted by these conflicts. However, empirical studies – backed by contemporary data – reflects the resilience and dedication of young African women and men to advance the course of peace, security, good governance and development towards the Africa we Want. Thus, it is with great pleasure that I, in recognition of the inherent value of African youth, am honored to provide opening remarks at this event to launch the ‘No Room for Hate Speech’ campaign. However, before I do so, permit me to recognise the collaboration of two of our foremost multilateral institutions – the UN and AU – that are dedicated to the similar purpose of advocating for peace within and between Member States. In this instance, the UN-Office of the High Commissioner for Human Rights -East Africa Regional Office (OHCHR-EARO) has been engaged in partnerships with the AU PAPS Youth, Peace and Security (YPS) Program. In this regard, I recognise amongst others, the support and collaboration that these entities have had to advance YPS in Africa including but not limited to the conduct of the study on the ‘Roles and Contributions of Youth to Peace and Security in Africa’; collaborative training on human rights-related topics; as well as dedicated resource support. Today, as we celebrate International Day of Peace, the theme of this event enables us to reflect on hate speech which is one of the biggest challenges we are facing as a community – whether within our countries, regions and/or continent. Hate Speech and the dangers this trend poses, especially to young people regarding their human rights and safety cannot be overstated. The ever-growing reliance on the internet as a contemporary mode of communication and source of information has great benefits as it has attendant risks especially to young people. Particularly now, due to the COVID-19 pandemic, an increasing number of young people are using the internet to exchange ideas, interact, receive information, learn from each other and amplify their messages. While the vulnerability of young people makes it important that initiatives such as this are targeted at them, their ability to effectively mobilise – especially using the internet – makes it imperative to garner their efforts towards preventing, mitigating and countering hate speech and its consequences. Distinguished Ladies and Gentlemen, As I emphasize the essential role of young people in this campaign, let me restate that the issue of YPS remains a priority for us at the AU Commission. Through the Youth for Peace (Y4P) Africa Program, the African Union has recognised and is actively engaged – alongside regional institutions and other partners – in enhancing the capacities of youth to actively participate in the peace and security arena in line with AU policy decision. This, of course, includes the appointment of five African Youth Ambassadors for Peace (AYAP) – one representing each of the continent’s five regions – that are part of this campaign and an integral part of the AU YPS structure. Let me seize this opportunity to appreciate each and every one of them for their effort, dedication and sacrifice towards enhancing the YPS agenda in Africa. Emma, Hassan, Karabo, Moctar and Mohamed, let me assure you that I am personally aware of your numerous efforts including through your pet projects as well as your involvement in other PAPS activities geared towards ensuring enhanced active youth participation in Africa’s governance, peace and security. Indeed, youth roles in peace and security was aptly captured in the PSC-mandated Study Report on the Roles and Contribution of Youth to Peace and Security in Africa as ‘partners for peace’ and not simply as victims or perpetrators of violence. To further establish the role of youth in peace and security, the PSC adopted the Continental Framework on Youth Peace and Security (CFYPS) to recognize the needs, power and potential of young people. The CFYPS is based on the idea that African youths are important innovators and change agents who can effectively contribute to good governance, peace and security. The overall objective of the CFYPS is to facilitate the meaningful engagement and participation of African youth in all spectrums of peace and security at national, regional and continental levels, and facilitate the recognition and appreciation of efforts of young Africans in peace and security. It refers to conscious actions and processes to protect young people from violent conflicts and insecurity as well as to promote and support their contributions to peace efforts in conflict and post-conflict situations, some of which are underpinned by hate speech. Distinguished Ladies and Gentlemen, As we launch this ‘No Room for Hate Speech’ campaign, it is important to note that including young people at all levels of peace processes as partners and stakeholders, is an integral component of sustainable peace and security. To the young people who have been identified to carry the torch of awareness across the continent using your respective social media platforms, it is imperative that you recognize the power and influence you wield and the responsibility attached thereto. As we count on you to use your platforms to promote this ‘No Room for Hate Speech’ campaign, remain assured that we have unwavering trust in your capacity to advance the broader campaign to Silence the Guns in Africa. I hereby launch this ‘No Room for Hate Speech’ campaign. Source: African Union The post Political Affairs, Peace & Security Commissioner’s statement on ‘No Room for Hate Speech’ campaign appeared first on Puntland Post.
-
Cutubka la-dagaallanka Argagixisada u qaabilsan ciidanka PMPF ee Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay magaalada Boosaaso ku qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish. War qoraal ah oo ka soo baxay PMPF ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas qorshaysan lagu bar-tilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish inkastoo aan tiradooda la xusin. “Ciidamada Ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ayaa hawlgallo qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ka fuliyey magaalada Boosaaso.” PMPF ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada qorshaysan ee lagu beegsanayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish oo lagu qabtay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellada dhexe, ayaa sheegaya in halkaas qarax khasaare gaystay lagula beegsaday ciidamo ka tirsan AMISOM. Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la geliyo, ayaa la sheegay in lala beegsaday gaari nooca gaashaaman ah, xilli uu marayay nawaaxiga degmada Mahadaay ee Gobolkaas. Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada AMISOM, gaar ahaanna Burundi. Ha yeeshee, ma jiro war ku saabsan dhacdadaas oo ilaa iyo hadda ka soo baxay dhinaca ciidamada AMISOM. PUNTLAND POST The post Mahadaay: Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lagu laayay appeared first on Puntland Post.
-
Somalia’s volatile internal politics make reconciliation with Kenya in the immediate future unlikely. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku adkeysanaya inay weli socdaan wada-hadallada ra’iisul wasaare Rooble. Caasimada Online ayaa og in wada-hadalladaas ay burbureen kadib markii Farmaajo uu ku adkeystay in shaqsi isaga ku xiran loo magacaabo taliyaha NISA, sidoo kalena la beddelo wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur. Hase yeeshee, mas’uul ka tirsan Villa Somalia oo codsaday inaan la magacaabin ayaa BBC-da u sheegay in wada-hadallada ay wali socdaan, islamarkaana uu filayo inay guul ku soo dhammaadaan. “Waxaan bogaadineynaa dedaallada ay wadaan guddoomiye Maxamed Mursal iyo madaxweyne Axmed Qoor Qoor. Waxaan ku kalsoonahay dedaalka socda in uu guul ku dhammaanayo,” ayuu yiri sarkaalaasi oo ka gaabsaday in magaciisa. Xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaan illaa hadda ka hadlay burburka ku yimid wada-hadallada. Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa xalay sheegay in Galmudug ay waqti badan ku bixisay u kala dabqaadida Farmaajo iyo Rooble, isla markaana ay mudadaas ka dayacmeen howlo badan oo maamulka hor yaallay. Wasiirka ayaa cadeeyey in hadda Galmudug ay faraha kala baxday dhexdhaxaadintii labada masuul, waxuuna garabka madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in dhankiisa ay waxba ka socon waayeen. “Socodsiinta wadahadallada waxaa laf-dhabar u ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Guddoomiye Maxamed Mursal, isku dayo qaatay in ka badan waqtigii loogu tala galay ayaa lagu bixiyey xal u helidda khilaafkaas, laakiin albaabkaas xalay ayuu soo xirmay, shirarkii iyo dadaaladii socdana xalay ayaa albaabada loo laabay,” ayuu yiri wasiir Falagle. Sadoo kale wasiirka warfaafinta Galmudug waxa uu sheegay in hadda madaxweynaha Galmudug uu ka dhex-baxay dhinacyada, isagoo sheegay in maamul goboleedyada kale ay fursad siiyeen hadii ay xalin karaan khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. The post Xog: Xafiiska Farmaajo oo ku adkeysanaya inay socdaan wada-hadallada ROOBLE appeared first on Caasimada Online.
-
Khilaaf xooggan ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhex qarxay madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa, Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed). Khilaafka ayaa ka dhashay, kadib markii madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Daba-geed, uu dalbaday in kursi kamid ah Aqalka sare loo xiro shakhsi isagu wato, taas oo uu si adag u diiday Cali guudlaawe. Wararku waxay sheegayaan, in Yuusuf Daba-geed ku hanjabay in wax doorasho la yiraahdo aysan ka dhici doonin Hirshabeelle, haddii aan loo fulin dalabkiis, islamarkaana khilaafkaas uu dhaliyay xiisad siyaasadeed. Arrintan ayaa saamayn ku yeelatay dhammaystirka doorashada Aqalka sare ee maamulka Hirshabeelle, taas oo la filayay in la geba-gabeeyo kuraasta aan weli la dooran ee xubnaha ka imaanaya Hirshabeelle. PUNTLAND POST The post Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay madaxda Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.
-
Africa' s money transfer company, Dahabshiil through its subsidiary MicroDahab micro finance institution, has partnered with the Africa Enterprise Challenge Fund (AECF) to support SMEs in Somalia regions. Source: Hiiraan Online
-
Kenya is on high alert ahead of next month's judgment on the Indian Ocean boundary dispute with Somalia, which is expected within government circles to be adverse. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan aqbali doonin haddii si ka dhan ah ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) u xukmiso kiiska badda Soomaaliya, taasi oo ay qirtay inay u muuqato inay dhici doonto. Maxkamadda ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saartay ku xaqiijisay inay ku dhowaaqi doonta xukunka kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, 12-ka October 2021. Hase yeeshee, Kenya ayaa wacad ku martay inaysan aqbali doonin wax ay ugu yeertay “hanaan sharci-darro ah,” oo maxkamadda ay u martay kiiskan. “Waxaan ku soconaa malo ah in xukunka uu noqon doono mid naga soo horjeeda. Habka ay maxkamadda u dhaqantay markii ay la macaamileysay Kenya, oo ay ku jirto inay diiday codsiyo dhowr ah oo qiil lahaa, waa waxa noo tilmaamaya,” waxaa sidaas wargeyska Daily Nation u sheegay sarkaal Kenyan ah. Sarkaalka ayaa intaas ku daray “Tallaabooyin dhowr ah ayaa la qaaday amni ahaan. Arrintan waa mid leh cawaaqib amniga qaranka ah. Dalka waa inuu xaqiijiyaa amniga iyo badqabka shacabkiisa.” Sarkaalkan ayaa sheegay, in xitaa Kenya ay aysan aqbali doonin haddii Maxkamadda ay go’aamiso in dhulka la isku hayo loo kala qeybiyo labada dhinac, sababtoo ah buu yiri “waxay ka dhigan tahay in dhul ka mid ah Kenya la dhiibay.” Kenya ayaa ku doodeysa in maxkamadda ay ula dhaqantay si cadaalad darro, oo ay ku jiraan codsiyo badan oo laga diiday, sida in garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Soomaali ah uu iska casilo maxkamadda. Cabdulqawi ayaa ahaa madaxweynaha maxkamadda tan iyo 2018, waxaana bishii Febraayo beddelay garsoore Joan Donoghue oo Mareykan ah. Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay Kenya isku dayday inay wada-xaajood ku qaadato qeyb ka mid ah baddeena. Kiiska muranka baddeena ayaa dhowr jeer dib loo dhigay dhageysigeeda, ayada oo markii dambe ay maxkamadda dhageysigiisa guda gashay, ayada oo ka maqan tahay Kenya, oo la fahamsan-yahay in sheegashadeeda ay tahay mid aan sharci ku dhisneyn. Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda soo geba-gebeysay 18-ka March 2021. Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda ugu dambeeyey15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sidoo kale 17-kii March 2021 ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya. The post KENYA oo u muuqata inay guuldarro qiratay war cusub-na kasoo saartay kiiska badda appeared first on Caasimada Online.
-
Delighted to have met #Somaliland’s new Minister of Religious Affairs. Look forward to working with Sh. Abdirisak on shared interests like protecting the rights of women and children, tackling extremism in all its forms and promoting peaceful coexistence. pic.twitter.com/87qD5JJUhN — Stuart Brown (@StuartBrownFCDO) September 23, 2021 Qaran News
-
Wasiir Shaaciyey in Farmaajo quustay Kursigna Rahmaad ku fadhiyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay mid ka quustay soo laabasho sidaas darteedna doonaya in uu rahmad ku fadhiyo kursiga Villa Somalia. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo diiday xallinta khilaafka taagan kadib markii Ra’iisul wasaare Rooble ogolaaday waan-waantii loo soo bandhigay labada dhinac. Wasiirka ayaa sidoo kale ku baaqay in aan wakhti danbe lagu khasaarin dhex-dhexaadinta Farmaajo iyo Rooble islamarkaana Ra’iisul wasaaruhu sii wado Arrimaha doorashada dalka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegay xubno ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ,Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in la joojiyo baahinta muuqaal uu duubay Wasiirka Warfaafinta Somaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe, kaasoo jawaab u ahaa maamulka Somaliland. Wasiir Dubbe ayaa duubay muuqaal jawaab u ah warqad ay dhowaan Somaliland u dirtay xubnaha beesha caalamanka iyo ururada caalamiga, warqadaas oo ay ku sheegtay in aysan Somaliland wax shaqo ah ku laheyn doorashada ka socoto Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay in uu ka jiro maamul fadhiid ah. Muuqaalka Wasiir Dubbe ee la joojiyay ayaa ahaa mid u badan hadalo durid ah una badan suugaan si dadban loogu weeraryo Somaliland oo uu wasiirka ka soo jeedo. “Hadalkiisa waxaa ku jiray in Somaliland ay tahay maamul gobaleed ka tirsan Soomaaliya, 30 sano oo baadi goob madaxbanaani ay tahay maaweelo lagu seexiyo dadka reer waqooyiga ah oo badankood diyaar u aheyn gooni isu taagga balse ay wataan dad gaar ah ayuu ahaa hadalka Wasiirka,” ayuu yiri qof kamid ah xubnaha maamulka Telefishinka Qaranka oo daawaday muuqaalka. “Badanaa wararka xanafta leh maalmahaan waa lala socodsiiyaa xafiiska Rooble, waxaana aad ula socda wararka Telefishinka Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta iyo dad gaar ah oo katirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maadaama ay jirto xiisad siyaasadeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay masuulka aan la hadalnay oo aan ka gaabsanay baahinta magaciisa. Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad ee waqtiga dhamaaday ayaa hadda ka mid Murashaxiinta Aqalka Sare ee lasoo saaray liiskooda doorashada, toosoo todobaadkaan ka qabsoomi doonto Muqdisho sida ku cad jadwalka Guddiga. Sababta uu u joojiyay Rooble ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in hadalkaan ay dhibsadaan maamulka iyo bulshada Somaliland oo dhibaatooyin badan ka tabanayey Farmaajo ee 4-tii sano ee uu madaxweynaha ahaa. The post Rooble oo joojiyay baahinta muuqaal laga duubay wasiir Dubbe + Qorshaha laga lahaa appeared first on Caasimada Online.
-
Majaajiliste Ajikis & Dad kale oo Soomaaliya Caanka ah oo la sheegay geeridooda iyaga oo nool! Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo xalay warbaahinta Universal ay xalay baahisay inuu xanuunsanaya ayaa baraha bulshada maanta lagu baahiyay inuu geeriyooday inkastoo markii damble la xaqiijiyay in geerida Ajakis ay tahay waxba kama jiraa. TV-ga Universal ayaa xaqiijiyay in warkaasi baraha bulshada la isla dhexmarayay uu yahay been abuur. “Majaajiliiste Ajakis, waa nool yahay, weeyna soo hagaageysaa xaaladiisa Cafimaad . Waa been abuur wararka sheegaya in uu geeriyooday,” ayay booggeeda ku qortay Universal TV. Xanuunka Ajakis waxaa xalay baahiyay TV-ga Unversal oo uu ka mid yahay howl-wadeenadeeda. “Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo kamid ah howl-wadeenada TV-ga Unversal ayaa Muqdisho ku xanuunsanaya caawa.” “Ajakis, waxaa ku soo booday xanuun,wuxuuna hadda ku jiraa mid kamid ah isbitaalada Muqdisho, dhaqaatiirta ayaana latacaalaya xaaladdiisa caafimaad.” Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ee Soomaalida ayaa waxaa marar badan lagu baahiyaa warar been abuur ah geerida dad caan ah, waxaa horay u dhacday in geerida dad caan ah lagu baahiyo baraha bulshada balse markii been noqotay. Waxaana dadkaasi ma mid ah: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Xasan sheekh Maxamuud Bishii Febaraayo ee sannadkii 2014-kii ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ku baahday hadal heyn ku aadan war soo baxay oo sheegayay in uu madaxweyne Xasan sheekh Geeriyooday. Warkaasi sheegayay in madaxweynahii xilligaas ee dowlada federaalka Soomaaliya uu geeriyooday ayaa gil gilay magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya. Hase yeeshee markiiba waxaa soo baxday in warkaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin oo been ah. Afhayeenkii Madaxweynaha Dowlada federaalka Somaaliya ee markaasi Abdirahman Omar Osman Yariisoow AUN ayaa shaaciyay in madaxweynaha aanu qabin wax dhib ah oo daran caafimadkiisuna uu wanaagsanyahay. Fannaanad luul Jeylaani Luul Jeylaani Luul Jeylaani, oo ku nool magaalada Minneapolis ayaa waxaa dabayaqaadii bishii April ee sannadkan la baahiyay warar sheegaya in Fanaanad Luul Jeylaani ay geeriyootay. Warkaan ayaa aad baraha bulshada iyo xitaa warbaahinta qaar ee Soomaalida lagu baahiyay inkastoo markii dambe ay la sheegay inay nooshahay oo warkaasi been yahay. Marka laga soo tago baraha bulshada, warbaahinada caanka ah ee Soomaalida ee baahiyay geerida Luul ayaa markii dambe raalli gelin ka bixiyay. Fanaanadda Luul Jeylaani Cali (Luula) ayaa markiiba beenisay wararka been abuurka ah ee laga faafiyay. Wareysi muuqaal ah oo ay siisay ay Radio Muqdisho ayay ku sheegtay: “Qofkasta waa uu dhimanaya geeridana waa xaq, balse Soomaalida dhammaan waxaan u sheegaya inaan nolahay” Waxay sheegtay in saameyn weyn uu warkaasi been abuurka ku yeeshay dhammaan eheladeeda iyo asxaabteeda ee ku kala nool dunida dacalladeeda. Qaran News
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Jowhar ayaa ku warramaya inuu ka sii darayo khilaafka soo kala dhex-galay madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa, kaas oo ka dhashay kuraas ka mida doorashada Aqalka Sare ee maamulkaasi. Muranka oo haatan cirka isku sii shareerayo ayaa ka dhashay labada kursi ee ka harsan doorashada Aqalka Sare, taas oo ay isku qabteen Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in is-faham waa uu ku soo dhammaaday kulan ay yeesheen labada mas’uul, kaas oo looga hadlayey xalinta khilaafka dhexdooda ah. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa inoo sheegay in Cali Guudlaawe & Dabageed ay kala wataan laba musharax oo u wada tartamaya kursiga beesha Xawaadle, wuxuuna mid kasta uu doonayaa inuu soo saarto musharixiisa, taas oo dhalisay khilaafka haatan hareeyey doorashada Aqalka Sare, oo hakad-gashay sababo la xiriira xiisadda soo korortay. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay xalinta khilaafka ku baxeen guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle iyo ku xigeenadiisa oo waan-waan ka dhex bilaabay labada mas’uul. Khilaafkan ayaa waxaa uga sii daray, kadib markii ay musharixiinta qaar cabasho ka keeneen hab maamulka loo wajahayo kursiga ay damacsan yihiin in ay u tartamaan. Doorashada HirShabelle ayaa si habsame leh ku bilaabatay, iyada oo si furan loogu tartamay 6 kursi ee doorashadooda lagu qabtay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe. The post Wararkii ugu dambeeyey khilaafka Guudlaawe iyo Dabageed oo kasii daraya appeared first on Caasimada Online.
-
Ka Ganacsiga Mucaamooyinka Hay’adaha Caalamku ugu deeqaan Bulshada Saboolka ah+Doorkay ku leedahay Wasaarada Caafimaadka S/land war inaguma seegana dhibaatada iyo duruufaha nololeed ee haysta badi dadkeena meelkasta oo ay ku filiqsan yihiin, sidoo kale waxaa iyana aan caad inaga saarnayn xaalada adag ee ay habeen iyo maalin gaadhka ugu jiraan ciidamada kala duwan difaaca dalka. Inagoo ka warqabna arrimahaasi haddana waxaa barbar socda falal aan indhaha laga qarsan karin. Dawladaha shisheeye ayaa inta badan mucaawinooyin kala duwan soo gaadhsiiya dalalka dhaqaale ahaan aad u liita iyo meelaha ay ka jiraan macluusha iyo gaajada ay sababaan abaaruhu, Dalka Somaliland oo kamida wadamada mucaawinooyinka ka hela dawladaha shisheeye ayaa waxaa sanadihii ugu danbeeyey kusoo badanaya marba marka ka danbeysa ka ganacsiga mucaawinooyinkaasi, iyadoo ay wax caadi loo kala iibsado ka noqodeen suuqyada iyo magaalooyinka dalka. Hay’ada unicef ayaa soo gaadhsiisa sanad kasta mucaawinooyin kala gadisan Wasaarada horumarinta caafimaadka jsl oo uu ugu horeeyo nafaqada loo yaqaan RUTF oo ah buskud ka kooban cuntooyin fiitamiino waxtar u leh caruurta yaryar iyo dadka ay soo waajahaan abaaraha iyo duruufaha nololeed ee dhaxalsiiya nafoqo darada iyo dhimashada, nasiib darose waxaa hadda laga dhigay mid laga ganacsado oo dhaqaale badani uu kasoo galo dadkii loogu talo galay inay gaadhsiiyaan bulshada tabaalaysan iyo cidii u baahan iyadoo lagu xidhaynin lacag. Suuqyada magaalooyinka somaliland gobol iyo degmo kasta waxaa ugu tagaysaa Dukaamada iyo meheradaha ganacsiga iyagoo lagu gadayo ama lagu iibinayo raashin iyo nafaqooyinkan mucaawinooyin ah oo ay mabnuuc ka tahay in laga ganacsado ama lasii iibiyo. Buskudkan oo dadkeenu u yaqaanaan Buskud dhiiq ayaa ah mid loogu talo galay in la gaadhsiiyo xanaanooyinka iyo goobaha waxbarasho ee ka baxsan magaalooyinka sida tuulooyin iyo goobaha ay ka jiraan baahiyaha kala duwani. Wasaarada caafimaadka oo ay hay’ada unicef soo gaadhsiiso mucaawinadan ayaa iyaduna ku wareejisa una qaybisa xanaanooyinka kala duwan ee dalka si loo gaadhsiiyo dadka loogu talo galay. Danbiyada lagu talaabsaday ayaa ah in mucaawinooyinkii bulshada u baahan loogu deeqay lagu soo daayo suuqyada iyadoo laga iibinayo bakhaarada iyo meherada yaryar oo kasii gada dadka. Waxay ahayd dhawaan markii aan is kadis ah ugula kulmay magaalada hargeisa meherad ku taalo nin sita karaatoon uu ku jirto buskud dhiiqani oo ay ku murmayaan qofkii meherada haystay qiimaha ay ku kala iibsanayan halkii kartoon waxaanu u sheegay ninka iibinayey inuu ka siinayo kartoonkiiba $35 dollar halka qofkii meherada lahaana uu taagnaa inuu kagaga gado $30 dollar, waxaana ay sidaa ku kala iibsadeen ilaa shan kartoon oo uu midkiiba kagaga iibiyey $30. kadib baadhitaan qaatay maalmo badan oo la xidhiidha dabagalka arrinta xaqiijinteeda ayaanu ku ogaanay in sanadihii ugu danbeeyey ay wax iska caadiya ka noqotay somaliland ka ganacsiga mucaawinooyinka laga musuqmaasuqay dadkii loogu talo galay. Wasaarada Horumarinta Caafimaadka somaliland marka laga bilaabo agaasimaha guud ee wasaarada iyo shaqaalaha ka hooseeya ee ku shaqada leh arrintan ayaa dadka qaar ku tilmaameen in ay wax ka ogyihiin islamarkaana ay jirto shabakad xidhiidhsan oo ilaa xanaanooyinka degmooyinka iyo istoodhada la dhigo raashinkaasi ay yihiin kuwo ay qayb ka yihiin masuuliyiin iyo shaqaale hoosaad kamid ah wasaaradaasi. Waxaana arrintan ku sifeeyeen bulshadu haddii ay masuuliyiinta wasaaradu wax ka qabanayaan arrintan in ay wakhti hore wax ka qaban lahaayeen, taas bedelkeedana ay wasaarada lafteedu ogoshahay falalkaasi ka baxsan nidaamka dawliga iyo dadnimada. Hore waxaa wasaarada caafimaadka somaliland loogu eedeeyey in suuqa lagu iibinayey bilowgii xanuunka covid19 agab iyo facemaska ama afgashiga laga xidho xanuunkaasi oo hore ay ganacsatada reer somaliland ugu deeqeen boqolaal kun oo lagu wareejiyey wasaarada caafimaadka somaliland. Waxaana arrintani lamid noqonaysaa uun ka ganacsigaa ay wasaaradu ogoshahay in suuqa lagu gado mucaawinooyinkii loogu talo galay bulshada. marka hoos loogu daadago waxaan war inagu seeganeyn xaaladaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan ciidamada somaliland ee habeen iyo maalin u taagan sugida amniga kuwaas oo haddii mucaawinooyinka la musuqmaasuqayo lagu wareejiyo ciidamada somaliland waxweyn ka tari lahaa. Qaran News
-
Somaliland, the self-declared independent region of Somalia, has rejected plans to have Senate representatives elected to represent it the federal parliament, even as officials said the vote will go on. On Wednesday, the region said it was not interested in having representatives in Somalia parliament and warned Somalia politicians to stop spreading “misleading information”. “The Republic of Somaliland is advising the politicians against the false and unrealistic pronouncements that mislead the international community,” read the statement by Somaliland’s Ministry of Foreign Affairs. Though it declared independence in 1993, Somaliland has had no formal recognition by any independent state. It runs its currency, central bank, military and the three branches of government and routinely organises its elections. Earlier this year, it conducted local elections in which no woman was elected, raising questions on gender parity even though the vote was largely seen as credible. Since 2016, the region’s politicians who favour unity with all of Somalia have been allowed to organise elections in which representatives are elected to join the Upper House (Senate) and the Lower House (House of the People). On Wednesday, Somaliland protested to the United Nations, European Union, African Union and some countries, saying the northwestern region will have anything to do with the elections conducted by the authority in Somalia. Somaliland, which comprises of northern parts of Somalia, was reacting to an announced schedule to have representatives elected in Mogadishu, for the northern regions. The State Electoral Implementation Team (SEIT), the body assigned to conduct the parliamentary election of the candidates vying for the 11 Senate seats of Somaliland in the Somalia parliament, issued a schedule on Wednesday. The Team stated that the registration of the candidates will start on September 23 while training will be held on September 26 for the delegates to vote for the Senate candidates. The timeline included that the candidates will address the delegates on 27th of September while the actual voting will last between 28th and 30th of September. Though not internationally recognised, the authority in Hargeisa city, the capital, insists that it had regained its independence from the rest of Somalia in 1991, following the collapse of the dictatorial regime of the late General Mohamed Siad Barre. “Somaliland, which is one of the few states in Africa that fully practice democracy, will never accept being included in the election taking place in Somalia that does not concern Somaliland,” the statement concluded. Source: The East African The post Somaliland protests election of representatives to Somalia Senate appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in dhex-dhexaadintii Farmaajo iyo Rooble ay faraha kala baxday, kadib markii ay wadahadalladu ka socon waayeen garabka madaxweyne Farmaajo, waxaana hadda gabi ahaanba burburay rajadii laga qabay in dhinacyadu ay heshiis ka gaaraan khilaafkooda. Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in Galmudug ay waqti badan ku bixisay u kala dabqaadida Farmaajo iyo Rooble, isla markaana ay mudadaas ka dayacmeen howlo badan oo maamulka hor yaallay. Wasiirka ayaa cadeeyey in hadda Galmudug ay faraha kala baxday dhexdhaxaadintii labada masuul, waxuuna garabka madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in dhankiisa ay waxba ka socon waayeen. “Socodsiinta wadahadallada waxaa laf-dhabar u ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Guddoomiye Maxamed Mursal, isku dayo qaatay in ka badan waqtigii loogu tala galay ayaa lagu bixiyey xal u helidda khilaafkaas, laakiin albaabkaas xalay ayuu soo xirmay, shirarkii iyo dadaaladii socdana xalay ayaa albaabada loo laabay,” ayuu yiri wasiir Falagle. Waxuu sheegay in sababta keentay in laga quusto sii socoshaad wadahadallada ay tahay in la waayey haba yaraatee wax isku soo dhawaansho ah, “Si walba oo la isugu dayey waxay isugu soo aruurtay in wax tanasul ah la waayey, xaaladuna waxay aheed mid marba marka ka dambeysa ka sii dareysa,” ayuu yiri. Sadoo kale wasiirka warfaafinta Galmudug waxa uu sheegay in hadda madaxweynaha Galmudug uu ka dhex-baxay dhinacyada, isagoo sheegay in maamul goboleedyada kale ay fursad siiyeen hadii ay xalin karaan khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. “Waqtigii aan ugu tala galnay iyo juhdigii aan ku binay wadahadalaas waxaa socon waayeen, waxaana cadeyneynaa in ay guul dareysteen dadaaladii aan wadnay,” ayuu yiri. Waxuu intaas ku sii daray, “Howlo badan oo hor yaallay maamulkeena Galmudug waxay u dayacmeen in qaranka Soomaaliya uusan jilbaha dhigan, balse hadda waa naga soo afjarantay howshaas, xalkeedana waan keeni weynay.” Hoos ka dhageyso wareysiga The post “Faraha ayaan kala baxnay dhex-dhexaadinta Farmaajo iyo Rooble,” Waxaa sidaas yiri… appeared first on Caasimada Online.