Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Koox burcad ah ayaa jabsatay oo la wareegtay website-ka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ee moci.gov.so, sida ay ogaatay Caasimada Online. Illaa hadda si rasmi ah looma oga cida ka dambeysa arrintan, balse waxaa gebi ahaanba ka maqan hawada website-ka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, waxaana kooxda qabsatay ay isku magacaabeen Derakson. Kooxda qabsatay website-ka ayaa ku qoray luuqado isugu jira Tukish iyo English, iyo farriin ah “ma jiro system ammaan ah.” Ma jiraan illaa hadda wax dalabyo ah oo kooxda ay soo jeediyeen oo la xiriira arrintan, ayada oo lagu yaqaan inta badan kooxaha jabsaday website-yada inay dalbadaan lacago. Sanadihii ugu dambeeyey waxaa aad u kordhay kooxaha jabsada website-yada shirkadaha waa weyn ee caalamka, kadibna dalba lacag malaayiin dollar ah oo marar badan la siiyey. The post Koox burcad ah oo jabsatay website-ka mid ka mid ah wasaaradaha DF Somalia appeared first on Caasimada Online.
  2. Kulankii balaadhnaa ee ijtimaaca muslimiinta, ayaa ka furmay deegaanka Burcada yar oo ku taalla duleedka bari ee Magaalada Hargeysa. Boqolaal Muslimiin ah oo ka kala yimid deegaanno kala duwan ayaa kulan ka qayb galay. Daaciga weyn, Shekh Ismaaciil oo galabta wacdi qiimo badan ka jeediyey furitaanka ijtimaaca muslimiinta ayaa waxa hadalkiisa ka mid ahaa ” Qof kasta oo muslim ahi waa inuu awoodihiisa gaarka ah ee ilaahay siiyay uga faa’iideeyo sidii dhaqanka iyo diinteena wanaagsan ee islaamku dunida. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka digay shirqool uu sheegay in uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday u maleegayo Ra’iisul Wasaare Rooble. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in la rabo in Ra’iisul Wasaaraha waqtiga iyo dar-darta laga dilo, islamarkaana lagu furo mowjado kale oo dib u dhiga hanaanka geedi socodka doorashada iyo howlaha uu wado. Sidoo kale waxa uu ku eedeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu yahay shaqsiga bulshada Soomaaliyeed ku abuuray cabsi amni, doonayana in uu qori caaradii ku maamulo dalka. “Waxa uu aaminsan yahay (Farmaajo) waddada keli ah ee siyaasad lagu xaqiijiyo ay tahay qori caaradii iyo bambo gaajada ka furan, oo qofka ay ku qarxayso aan la aqoon. Anaga waxaa rabnaa in aan ka badbaadino oo asaga iyo anaga midna ku qarxin, laakiin asaga dan kama laha middaas,” ayuu yiri. “Ninkaad beri ku baran wayday, bil kuma baratid. Waa iga waaya aragsan yahay qofkii inta sheegay wax gedisan keena. Keliya waxaa la doonayo in RW waqtiga iyo dardarta laga dilo, la daaliyo, dadkiisana la niyad jebiyo, ka dibna la buurto.” Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hore uga digay Rooble in tanaasul iyo gorgortan uu ka galo caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil, gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in uu hoggaamiyo amniga iyo doorashooyinka dalka Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa wajahaya cadaadisyo hor leh oo uga imaanaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, oo asagu dhawaan soo saaray wareegto uu ku sheegay inuu ku dhimay awoodihiisi Dastuuriga ah The post Wada-hadallada Farmaajo: Shirqool miyaa loo dhigay Ra’iisul Wasaare ROOBLE? appeared first on Caasimada Online.
  4. A building in Eastleigh, Nairobi, was placed on lockdown on Thursday due to a bomb scare. Source: Hiiraan Online
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa goordhoweyd loo sii galbiyey dhinaca degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan, oo laga soo doorto. Socdaalka Wasiirka ayaa waxaa iska soo tarayay warar uu maamulka Puntland ku sheegay been abuur, kaasi oo ahaa in afaafka hore ee garoonka lagu celiyay dad soo dhaweynayay Jamaal. Warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa Saraakiisha Amniga garoonka diyaaradaha Garoowe ku eedeyeen in uu ka dambeeyo Wasiirka oo asagu doonaya in uu abuuro jawhareer bulsho. Waxay sheegen in Wasiirka Qorsheynta dowladda federaalka Soomaaliya uu ujeedo siyaasdeed ka lahaa arrintaas, maadama lagu tiriyo xubnaha sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee is-hayaan Saciid Deni. Soo dhowaynta Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa haatan ka socota magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan, halkaas oo dadweyne kala duwan ku sugan yihiin, wuxuuna isu diyaarinaya olole ku jihaysan in uu mar kale ku laabto kursiga uu hadda ku fadhiyo ee Aqalka hoose ee BFS. Jamaal Maxamed Xasan oo ah wasiirka qorsheynta Soomaaliya ayaa si weyn ay siyaasad ahaan isku hayaan maamulka Saciid Deni, iyagoo marar badan iska weeraray warbaahinta. Si kastaba, Puntland ayaa isku diyaarineysa qabashada doorashada golaha shacabka ee heer federaal, taasi oo loolan adag ay u gelin doonaan xubnaha u sharaxan golahaasi. The post Maxaa ka jira in Jamaal lagu xanibay garoonka Garoowe? appeared first on Caasimada Online.
  6. PRESS RELEASE Bahrain, Israel, UAE, Morocco lead joint statement at Human Rights Council on women, peace, diplomacy The “Joint Statement on Women, Peace and Diplomacy” reaffirmed women’s fundamental role in peace processes and conflict prevention ABU DHABI, United Arab Emirates, September 22, 2021/ — During the 48th session of the Human Rights Council on Wednesday, Ambassador Yusuf Abdulkarim Bucheeri of Bahrain delivered a Joint Statement on behalf of the Kingdom of Bahrain, the United Arab Emirates, Israel and the Kingdom of Morocco as well as the University of Peace and 50+ countries, on the role of Women in Peace and Diplomacy. The “Joint Statement on Women, Peace and Diplomacy” reaffirmed women’s fundamental role in peace processes and conflict prevention, and called on all states to strongly commit to ensuring the advancement of women in preventive diplomacy and peace building. Ambassador Yusuf Abdulkarim Bucheeri, Permanent Representative of Bahrain, commented, “This joint statement is consistent with the distinguished Bahraini experience in terms of empowering Bahraini women and enhancing their leading role in laying the foundation for international peace and security through their remarkable and renowned diplomatic presence in international fora. Moreover, it conveys an important message of peace stemming from the deep rooted values of the Bahraini society, the vision of its wise leadership, and its pioneering experience in the field of peaceful coexistence and religious tolerance.” Ambassador Meirav Eilon Shahar, Israel’s Permanent Representative to the United Nations in Geneva, said, “This Joint Statement is the first formal initiative in the multilateral arena between Israel, Bahrain, the UAE and Morocco. I am especially pleased that the important issue of women in peace processes is the focus of this statement and I believe that it is testament to the new dynamic we want to promote in our region and beyond.” Ambassador Omar Zniber, Permanent Representative of Morocco, stated, “The initiative is in line with the will and the need to work communally and actively to build peace and security, based on relationships between people and opportunities, by putting women at the heart of the action for peace building and conflict resolution. Very pleased as Moroccan Delegation to promote such action.” Ambassador Ahmed Aljarman, Permanent Representative of the UAE, noted, “In line with UAE’s national policy on women’s empowerment, we have made strong progress to advance the women, peace and security agenda including, the launch of the Sheikha Fatima Women, Peace and Security Initiative and the launch of the UAE First National Action Plan in response to UNSCR 1325 in March 2021. The UAE Mission to the UN continues to work with all the missions on this important agenda.” Ambassador David Fernandez Puyana, Permament Observer of University for Peace, commented, “Becoming part of this innovative cross-regional initiative, UPEACE fulfills its mandate ” with a clear determination to provide humanity with an international institution of higher education for peace and with the aim of promoting among all human beings the spirit of understanding, tolerance and peaceful coexistence, to stimulate cooperation among peoples and to help lessen obstacles and threats to world peace and progress, in keeping with the noble aspirations proclaimed in the Charter of the United Nations.” (Charter of UPEACE, Resolution 35/55 of the United Nations General Assembly, 5 December 1980) The Joint Statement was delivered under the General Debate of Item 3: Promotion and protection of all human rights, civil, political, economic, social and cultural rights, including the right to development, during the 48th Regular Session of the Human Rights Council. SOURCE United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation Qaran News
  7. PRESS RELEASE Africa needs seven-fold rise in COVID-19 vaccine shipments While Africa’s third wave continues to ease, 108 000 new cases were recorded, and more than 3000 lives lost in the week to 19 September BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), September 23, 2021/ — COVID-19 vaccine shipments to Africa must rise by over seven times from around 20 million per month to 150 million each month on average if the continent is to fully vaccinate 70% of its people by September 2022. The 70% target was agreed at the global COVID-19 summit hosted by the United States of America on the margins of the United Nations General Assembly this week. At the summit, the United States pledged to share 500 million more COVID-19 vaccines to low-income countries over the next year, bringing its total pledges to more than 1.1 billion doses. “The global COVID-19 summit was a dose of hope for Africa and we commend pledges to share more vaccines, save lives and build back better. It is the kind of international solidarity that will help to end the pandemic. This is about life and death for potentially millions of Africans so there is no time to waste in getting these shipments moving,” said Dr Matshidiso Moeti, World Health Organization (WHO) Regional Director for Africa. The COVAX Facility, the global platform to ensure equitable access to COVID-19 vaccines, has been forced to slash planned deliveries to Africa by 25% this year, due to global supply shortages and export bans. COVAX shipments are still coming into African countries – with 4 million doses received in the past week. However, only a third of the vaccines that wealthy countries pledged to share with Africa by the end of 2021 have been received. “Actions speak far louder than words and African countries need clear delivery dates so they can plan properly. We also need strong structures set up to ensure that all promises made are promises kept,” said Dr Moeti. WHO has assisted 18 African countries in conducting intra-action reviews, which analyse all aspects of their vaccination campaigns and offer recommendations. The reviews have shown that vaccine supply security and uncertainty around deliveries have been a major impediment for many African countries. Also, the longer the delay in rolling out the vaccines, the greater the risk of additional challenges emerging such as variants, hesitancy, operational gaps or other threats. While Africa’s third wave continues to ease, 108 000 new cases were recorded, and more than 3000 lives lost in the week to 19 September. There have now been nearly 8.2 million COVID-19 cases recorded on the continent. The Delta variant has been found in 38 African countries. The Alpha variant has been detected in 45 countries and the Beta in 40. “Health workers, services and communities can and should use this time to regroup and prepare for the next wave. With end-of-year travel and festive celebrations fast approaching, fresh increases in cases should be expected in the coming months. Without widespread vaccination and other preventive measures, the continent’s fourth wave is likely to be the most brutal yet,” said Dr Moeti. The WHO Regional Office for Africa held a virtual press conference today facilitated by APO Group. During the briefing Dr Benido Impouma, Programme Director for Universal Health Coverage/Communicable and Noncommunicable Disease, WHO Regional Office for Africa, was joined by Professor Jean-Jacques Muyembe, Director-General, National Institute for Biomedical Research (INRB), Democratic Republic of the Congo and Technical Secretary of the Multisectoral Committee for the Response to COVID-19 in DRC, and Dr Githinji Gitahi, Group Chief Executive Officer, AMREF Health Africa. Also on hand to respond to questions were Dr Richard Mihigo, Coordinator, Immunization and Vaccines Development Programme, WHO Regional Office for Africa, and Dr Thierno Balde, Regional COVID-19 Deputy Incident Manager, WHO Regional Office for Africa. Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
  8. Heshiis Cusub oo ay kala saxeexan doonaan Kenya & Qatar ka hor xukunka Maxkamada ICJ ee kiiska badda Somalia/Kenya It is was my humbling privilege to deliver a special message from H.E. President Kenyatta to H.E Sheikh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al Thani, the Prime Minister of Qatar. Our governments are on course to sign a comprehensive security agreement anchored on mutual interests. pic.twitter.com/uOUajPk6FY — Dr. Fred Matiang'i (@FredMatiangi) September 22, 2021 Qaran News
  9. Darren Anthony (bidix) iyo Axmed Mustaqiim (midig) Maxkamadda ciidamada ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta min 15 sano oo xasbi ah ku diray Darren Anthony Byrness oo u dhashay Ingiriiska iyo Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid oo u dhashay Malaysiya. Darren Anthony Byrness iyo Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid ayaa lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-shaabaab, Soomaaliyana soo galeen 2009 iyo 2010. Darren Anthony Byrness ayaa lagu eedeeyay in uu Al-shabaab ka caawin jiray barnaamijyada xogta lagu ilaaliyo ee Software-ka, uuna ka qeybgalay dagaalo ka dhacay Muqdisho, Galgaduud, Gedo iyo Shabeelooyinka. Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid ayaa isna lagu eedeeyay in uu Al-shabaab ka caawin jiray adeega gurmadka deg dega ah, uuna qayb ka ahaa dagaalo ka dhacay Muqdisho iyo Dhuusamareeb. 18-kii bishii April 2019 ayaa Puntland qabatay labadan nin, dhowr bilood kadibna waxay ku wareejisay dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyagoo tan iyo xiligaas ku xirnaa Muqdisho. Darren Anthony iyo Axmed Mustaqiim ayaa hadda waxaa u furan racfaan ay ka qaataan xukun ay ku riday maxkamadda ciidamada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post DFS oo xukun ku riday rag u dhashay Ingiriiska iyo Malaysiya oo Puntland qabatay 2019 appeared first on Puntland Post.
  10. Doha (Caasimada Online) – Xoghayaha Golaha Wasiirada Kenya, Dr. Fred Okengo Matiang’i oo gaaray magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Khalid Bin Abdulaziz Al-Thani. Socdaalka Matiang’i ayaa waxay warbaahinta Kenya ku sheegtay in uu la xiriiro heshiis cusub oo dhanka amniga ah oo ay kala saxiixan doonaan Kenya iyo Qatar. Hase yeeshe, Matiang’i ayaa farriin uu ka sido Uhuru Kenyatta la wadaagay Amiirka Qatar, taasi oo aan si rasmi ah loo ogeyn, waxayna ku soo aadeysa xilli la filayo in bisha October 12-keeda ay maxkamadda ICJ ku dhawaaqdo xukunka dacwada muranka badda. Matiang’i ayaa qoraal kooban oo uu ka soo saaray heshiiska cusub ee lagu wado inay kala saxiixdaan Qatar iyo socdaalkiisa Qatar, ayaa waxa uu ku yiri “Waxay ii tahay sharaf weyn in aan farriin gaar ah oo ka socota Madaxweyne Kenyatta aan gaarsiiyo Sheikh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al Thani, Ra’iisul Wasaaraha Qatar.” “Labadayada dowladood (Kenya iyo Qatar) waxay ku socdaan inay saxiixaan heshiis amni oo dhameystiran oo ku xiran danaha labada dhinac.” Kulanka Matiang’i iyo Sheikh Khalid ayaa dib u soo nooleynaya tuhun cusub oo la xiriira in dowladda Qatar ay isku dayeyso in heshiis ku saabsan muranka badda kala dhex dhigto labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo ay hore ugu fashilmatay. Dowladda Qatar ayaa hore ugu guuleysatay inay demiso xiisadii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo dib u soo celisay xiriirkii labada dal oo saameyn ku yeeshay labada bulsho. Qatar ayaad u dooneysa heshiis dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya, oo laga gaaro muranka badda Soomaaliya, sababtoo ah, dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ayaa waxaa qandaraas shidaal baaris ah ku haysta shirkadda ENI ee Talyaaniga oo Qatar ay saami ku leedahay. The post Kenya iyo Qatar oo uu wada-hadal u billowday ka hor xukunka ICJ ee kiiska badda appeared first on Caasimada Online.
  11. MOGADISHU (HOL) - Prime Minister Mohamed Roble held talks with Federal Member State leaders Wednesday night amid fears of cracks in the National Consultative Council in the wake of a simmering row between him and president Mohamed Farmaajo. Source: Hiiraan Online
  12. Garowe, Puntland (HOL) - Puntland security forces reportedly under instructions from State President Abdullahi Deni barred a delegation which was to received Federal Planning Minister Jamal Hassan at Garowe Airport Thursday morning. Source: Hiiraan Online
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa goor dhawayd lagu kala cararay suuq wayn oo mall ah oo ku yaala xaafadda Islii, ee magaalada Nairobi, gaar ahaan Yare Tower, oo ku yaalla 12 Steeat. Warar horudhac ah, oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya, in meesha lagu arkay ama looga shakiyay walxaha qarxa, taasi oo keentay in dhammaan shacabka laga saaro. Waxaa hadda goobta soo gaaray oo ku sugan ciidamo aad u badan oo dadka ku war galiyay in laga dhaqaaqo aaggaas, si loo baaro qaraxa laga shakisan yahay. Ciidamada aagga soo gaaray ayaa ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee ka hortagga qaraxyada, kuwaas oo wata eeyaha wax u riya, waxaana jira shaki laga qabo in goobta qarax lagu xiray. Illaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka Kenya oo ku aaddan xaaladda. Xaalada xaafada islii ayaa haatan ah mid aad u kacsan xaaladeeda, waxaana jira in ay xiran yihiin waddooyinka soo gala aagaas. Inkasta oo marar badan ay qaraxyo ka dhaceen Nairobi, haddana badanaa ma dhacdo in la beegsado xaafadda Islii, oo ah meel ay aad ugu badan yihiin Soomaalida. Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe, Insha Allah Cabdixakiin Cilmi Xasan Nairobi, Kenya The post DEG DEG: Qeybo ka mid ah ISLII oo lagu kala cararay xilli ay jiraan warar sheegaya qarax… appeared first on Caasimada Online.
  14. Jidadka ku yaala Gudaha Magaalada Jigjiga oo la xidhay Saaka+Sababta Guud ahaan caasimada jigjiga saaka waxaa la xidhay jidkasta oo ku yaala gudaha magaalada waddo kastana waxaa taagan askar. Sababta loo xidhay wadooyinka ayaa lagu sheegay in musharriinta xisbiga Barwaaqo ee maamulka magaalada jigjiga ay samayanyaan ololahooda doorashada taasna loo xidhay jidkasta. Qaran News
  15. Maxkamad Dil ku xukuntay Ex-madaxweyne Donald Trump & Amiir Maxamed Bin Salmaanka sacuudiga+Sababta Maxkamad fadhigeedu yahay dalka Yemen ayaa xukun dil ah ku ridday 10 qof oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan. Sidoo kale boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud ayaa ka dhex muuqda liiska dadka lagu xukumay dilka toogashada ah oo loo heysto inay “mas’uul ka ahaayeen” xassuuq labo sano ka hor loo geystay arday reer Yemen ah. Garsooraha ayaa sheegay in xukunkaas uu ku riday “saddexda eedeysane” iyagoo ka maqan maxkamadda, oo ku taalla gobolka Sacda ee dhaca dhinaca waqooyi-galbeed ee dalka Yemen. Warbaahinta caalamka, oo ay u badan yihiin kuwa Carabta ayaa si weyn u hadal hayay wararka ku saabsan xukunkaas oo lagu dhawaaqay maalintii Talaadada. Shakhsiyaadka xukunka lagu riday ayay garsoorka maxkamaddu sheegeen in lagu helay dambi la xiriira ku lug lahaamshaha duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha xulafada Sacuudiga oo sanadkii 2018-kii lagu beegsaday bas ay saarnaayeen carruur iskuuleey ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA. Baska ardayda waday ayaa gantaal lagu dhuftay isagoo dhex maraya suuq ku yaalla magaalada Dahyan ee gobolka Sacda. 50 qof oo rayid ahaa, oo u badnaa carrur arday ah ayaa ku dhintay halkaas, ku dhawaad 80 kalena waa ay ku dhaawacmeen. Marka laga soo tago Trump, Boqor Salmaan iyo Maxamed Bin Salmaan, dadka kale ee ku jira liiska shakhsiyaadka toogashada lagu xukumay waxaa ka mid ah madaxweynihii xukuumadda Riyaad taageerada ka heystay ee Yemen, Cabdi Rabu Mansuur Haadi, Amiir Turki bin Bandar bin Maxamed bin Cabdiraxmaan Aala Sacuud – oo ka tirsan amiirrada boqortooyada Sacuudiga – xoghayihii hore ee waaxda gaashaandhigga Mareykanka James Mattis iyo saraakiil hore oo ka tirsanaan jiray dowladaha Mareykanka iyo Yemen. Garsooraha xukunka ku dhawaaqay, oo lagu magacaabo Riyaad al-Ruzaami, ayaa sheegay in dhammaan dadka dilka lagu xukumay sidoo kale laga doonayo inay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 10 bilyan oo doolar, taasoo la siin doono ehelada dadkii ku dhintay duqeynta. Go’aanka kasoo baxay maxkamadda ayaa kusoo aaday xilli dhawaan sagaal qof lagu fuliyay xukun dil toogasho ah oo lagu riday. Qaramada Midoobay, Mareyknaka iyo Ingiriiska ayaa si kala gooni gooni ah u cambaareeyay dilal noocaas ah oo lagu fuliyay gudaha dalka Yemen. Mid ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa wiil isagoo aan qaan gaarin gacanta lagu dhigay. Sagaalka qof oo dilkooda uu ka dhacay fagaare ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Sanca ayaa la sheegay in lagu helay dambi ku saabsan inay qorsheeyeen fal sanadkii 2018-kii lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Xuutiyiinta. Ninkaas ayaa ku dhintay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga Carabiga. Xuutiyiinta ayaase aaminsan in ragga la xukumay ay “cadowga” u gudbiyeen xog muhiim ah oo horseedday in Salih al-Samad iyo lix qof oo kale lagu bartilmaameedsado duqeynta. Sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay Yemen oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in sagaalka qof lagu dilay goob ay xaadir ku ahaayeen dadweyne badan. Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xukunnadaas aan la waafajinin xeerarka caalamiga ah. Midowga Yurub ayaa ku baaqay in cunaqabateyn adag lagu soo rogo Xuutiyiinta. Yemen ayaa dagaal ku jirtay tan iyo sanadkii 2015-kii. Qalalaasaha ayaa billowday kaddib markii fallaagada Xuutiyiinta ay la wareegeen maamulka inta badan dalkaas. Kaddib markii ay kacdoonka sameeyeen Xuutiyiinta, ciidamo shisheeye oo ay horkacayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa weerar ku qaaday Yemen si ay dib ugu soo celiyaan dowladdii ka jirtay dalkaas, howlgalkoodana waxa uu sababay dhimashada kumannaan qof oo rayid ah. Dad tiradooda lagu qiyaasay 130,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalka uu Sacuudiga hoggaaminayo ee ka socda dalka Yemen. In ka badan shan milyan oo qof ayaa halis ugu jira inay gaajo daran u dhintaan. Meelaha qaar waxaa adag in la geeyo gargaarka bani’aadannimo ee isugu jira cunnada iyo biyaha iyo sidoo kale kaalmada caafimaad ee ay dadka ugu baahan yihiin sida ugu dhakhsiyaha badan. Wali lama gaarin ujeeddada gulufkii dagaal ee ay xulafada Sacuudiga ku qaadeen dalka Yemen, hase yeeshee waxaa dalkaas gaaray burbur aad u weyn. Colaadda waxaa ku burburay isbitaallo, iskuullo iyo warshado badan oo qayb ka ahaa kaabeyaasha dhaqaalaha. Qaramada Midoobay ayaa xaaladda ka taagan Yemen ku qeexday xasaradda ugu xun ee bani’aadannimo ee ka taagan caalamka, iyadoo in ka badan kalabar ka mid ah isbitaallada ay burbureen ama albaabbada la isugu dhuftay. Qaran News
  16. Xildhibaan shaaciyey Ogaadeen Dhaqaale Cusbitaalka Guud ee Hargeysa soo gala oo aan khansada Qaranka ku dhicin+Cida Maamusha Lacagtaa Xildhibaan Axmed-khaliif Jaamac Saalax oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, kana mid ah Guddida arrimaha bulshada, ayaa sheegay in Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, waxa badan oo wanaagsan laga qabtay, sidoo kalena ay jiraan dayac iyo waxyaabo ka badan awoodda maamulka dhakhtarka Guud. Xildhibaanka oo ka hadlaya waxyaabihi ay ku soo arkeen Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi “Runtii wax badan oo aanan ogayn ayaa noo soo baxay oo kala duwan, Wax badan oo wanaagsan Ayuu dhakhtarku qabtaa runtii ,Wax badan oo Dayacana Way jiraan oo shaqadooda ka xun ama habka ay umaamulan awgii kutimid, iyo Wax Badan oo awooda Maamul ka baxsan.” Xildhibaan Khaliif waxa uu intaasi raaciyey “Sidaasi awgeed weli, waxaa noo socda Baadhistayadii, Dhawaana Masuuliyinta ay khuseyso ee Wasaarada Caafimadka ayaan u yeedhi doonaa, Waxaa jira Dhaqaale Badan oo soo gala Dhakhtarka isla Markaan ay si toos ah u maamusho, Wasaarada Caafimaadka isla markaan aan Qasnada Dawladda ku dhicin Xogteeda oo dhamaystirana, Waxan ka sheegi doonaa Golaha shacabka . Shacabkana waa loo soo bandhigi doonaa isha allah. Wax kasta oo la Xumeeyey ama la Dayacayna Waan usoo Bandhigi doonaa, Waliba Cidii Masuuliyadaas Lahaydna Waan sheegi Doonaa si loola xisaabtamo Si Ciqaabta ay Mudato loogu Abaal Mariyo. Active Saleban Saxansaxo Qaran News
  17. Wasiirrada, Guddoomiyayaasha iyo maareeyayaasha Hay’adaha kala duwan ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee ka soo jeeda Gobollada Bariga Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa ay ku mashquulsanaayeen kulamo hoose oo xidhiidh ah oo ay ka lahaayeen qorshaynta iyo abaabulka kaga aaddan safar Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dhawaan la filayo in uu ugu baxo Gobolladaasi Bari ee dalka. Masuuliyiinta sare ee xukuumadda ugu jira Gobollada Sanaag, Sool iyo Togdheer ayaa waxa ay maalmihii ugu dambeeyey ku hawlanaayeen sidii ay u dardar galin lahaayeen ulana iman lahaayeen qorshihii safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan ugu bixi lahaa Gobolladaasi iyaga oo hawshoodu tahay sidii ay Madaxweynaha ugu abuuri lahaayeen Jawi ama deegaan habboon oo uu safarkiisan ku soo guto kaasi oo wakhtigan loo aanaynayo in uu noqonayo safar siyaasadeed oo xodxodasho ah iyo in uu Madaxweynuhu mashkaxa ku soo galiyo dareenka iyo xaaladda siyaasadeed ee dadku qabaan marka laga hadlayo Gobollada Bari, gaar ahaan sida ay bulshadu u aragto wax-qabadka xukuumaddiisa iyo dareenka ay ka qabaan. Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo u dhuun daloola kulamadani waxa ay wargeyska Foore u xaqiijiyeen in Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Gudaha Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Wasaaradda Biyaha Cali Xasan Maxamed (Marreexaan), Dastuurka iyo xidhiidhka Golayaasha Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Warfaafinta Saleebaan Cali Koore, Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed iyo kuwo kale oo badani ay kulano gaar ah ka yeesheen sidii ay uga hawl gali lahaayeen habsami u qabsoomidda safarka Madaxweynaha ee la filayo in uu ku tago dhawaan Gobollada Sool, Sanaag yo Togdheer. Ilo-wareedyadan xog-ogaalka ahi waxa ay noo xaqiijiyeen in Saraakiishan xukuumadda ee kulamadan isugu yimid ay wax iska waydiiyeen arrimaha ku aaddan diyaarinta safarka Madaxweynaha ee dhinacyada Loojistikada, kharashaadka la iska sii horraysiiyo ee loo diyaariyo soo dhawaynta iyo arrimo kale kuwaasi oo ay intooda badan wax badan uga qabsoomeen marka laga tago kharashaadka ay u baahnaayeen oo aanay wali ka helin dhinaca Madaxtooyada iyada oo Wasiirka Wasaaradda Daakhiliga Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed loo qoondeeyey in uu isagu Madaxweynaha ka soo dhammeeyo kharashaadka ay kooxdani u baahan tahay si ay ugu gogol xaadhaan safarka Madaxweynaha. Ujeedada safarka Madaxweynaha ayay ilo-wareedyadani noo sheegeen in ay ku aaddan tahay sidii Madaxweynuhu uga soo cabbir qaadan lahaa u kuur galidda bal taageerada uu deegaamadaasi ku haysto iyada oo hadal hayn badani la xidhiidho in waxa uga soo baxa safarka Madaxweynaha la filayo in uu ku go’aan qaato haddiiba uu sannadka soo socda golayaasha qaranka marsado muddo korodhsi laba sano ah iyo haddiiba uu wakhtigeeda doorashada ku qabanayo oo uu ku calool adaygayo. Isku soo wada duuboo bal waxa laga dhur-sugi doonaa wakhtiga uu Madaxweynuhu safarkan ugu baxo Gobolladan saddexda ah iyada oo dad badani saadaal ka bixinayaan in uu kala kulmi doono dareen taban oo dadku badanaa ka qabaan xukuumaddiisa iyo wax-qabadka uu la yimid muddodii afarta sano ahayd ee uu dalka ka talinayay oo dhawaan u buuxsami doonta. Source
  18. Masuuliyiin badan oo isugu jira Wasiirradii xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, Siyaasiyiin ka tirsanaa xisbiga KULMIYE iyo kuwo siyaalo kala duwan uga baxay xisbul muxaafidka oo in muddo ahba dibad joog ka ahaa xarumaha dawladda iyo xisbiga ayaa waxa ay maalmihii ugu dambeeyey kulamo ballaadhan oo saxaafaddu dibad joog ka ahayd uga socdeen magaalada Hargeysa. Xubno badan oo miisaan weyn ku lahaa xisbiga KULMIYE horena xilal kala duwan oo Wasiirro, Safiirro, Maareeyayaal, Guddoomiyayaal iyo siyaasiyiin KULMIYE ahaaba ku jiraan ayaa waxa ay toddobaadkii ugu dambeeyey kulamo xidhiidh ah ku lahaayeen huteello ku yaalla caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kulamadaasi oo aan loo ogolayn saxaafadda ayaa waxa wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhayaa tibaaxayaan in ay iskula meel dhigeen qorshayaal siyaasadeed oo ay gabi ahaanba si rasmi ah ugu xuub siibanayaan sidii ay guluf ama dagaal siyaasadeed oo culus ugu qaadi lahaayeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa. Xogaha wargeyska Foore kulamadan ka helay waxa ay tibaaxayaan in kulamadaasi maalmihii ugu dambeeyey ka soconayeen Hargeysa iyada oo ujeedadoodu tahay sidii ay marka hore isku xaal waraysan lahaayeen marka xigana uga tashan lahaayeen bal tallaabooyinka siyaasadeed ee ay si wada jir ah u qaadi karaan iyaga oo isku duubban oo si wada jir ah u wajahaya xaaladda siyaasadeed ee ku gedaaman maadaama ay dalka ku soo wajahan tahay doorashadii Madaxtooyada Somaliland oo wakhtigeedu ku aaddan yahay dhammaadka sannadka soo socda ee 2022. Inkasta oo aanay noo suurto galin in aanu wada helno magacyada kulamadan ka qayb galay ama ay ay fikraddani midaysay ee isku mabda’a, haddana waxa si weyn loo hadal hayaa saamaynta ay kulamadan iyo abaabulkooda ku leeyihiin xubno ay ka mid yihiin wasiirradii hore Maxamuud Xaashi Cabdi, Maxamed Aadan Qabo, Cabdillaahi Ibraahim Habane (Cabdillaahi Dheere), Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar, Jaamac Shabeel iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Maareeyayaal, Badhasaabo hore iyo xubno xilal sare ka soo qabtay xisbiga KULMIYE kuwaasi oo dhammaantood ay midaysay ujeeddo kali ah oo ah sidii ay dagaal siyaasadeed ula gali lahaayeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, doorashada soo socotana ay uga ololayn lahaayeen. Wargeyska Foore oo u kuur galay kulamadan waxa ay ilaha aanu ka helnay tibaaxeen in kulamada u socda masuuliyiintani ay sii socon doonaan in muddo ah iyaga oo diiradda ku haya safarka Madaxweynaha ee la filayo in uu gobollada Bari ee dalka ugu baxo dhawaan wixii intaa ka dambeeyana la filayo in ay shaaca ka qaadaan mawaaqiftooda siyaasi ee ay qaadanayaan iyo halka ay isugu biyo shubanayaan Source
  19. Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan isku dayay inuu boodhka ka jafo Waxgaradka iyo Ganacsatada kasoo jeeda Deegaamadiisa si uu mar kale horgale uga dhigto tartanka uu maagan yahay inuu isku soo taago Kursiga Madaxtinimada Dalka, isagoo sameeyay Gudi ka kooban Beelaha Gabiley Clan kuwaasi oo ay ugu war dambaysay habeenkii ay kulmeen. Wararka Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi quus ka taagan yahay xataa deegaamada uu kasoo jeedo kadib markii uu ku guuldaraystay abaabul uu isku dayay inuu mar kale taageero uga helo damaca uu ka qabo inuu mar kale u tartamo Kursiga uu hadda ku fadhiyo ee Madaxtinimada Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa bishii aynu soo dhaafnay waxa uu dhaq dhaqaaq aan xooganayn ka dhex sameeyay Wax garadka deegaamada uu kasoo jeedo isagoo kulan la qaatay Wax garadka iyo ganacsatada ugu miisaanka Culus Deegaanka uu kasoo jeedo, gudi hor dhac ahna ka dhex sameeyay. Madaxweyne Biixi ayaa sida warkani nagu soo gaadhay waxa uu sameeyay Gudi ka kooban Beelaha Gabiley Clan oo tiro ahaan markan hore koobnaa kuwaasi oo uu u xil saaray sidii ay kaambayn olole ah uga dhex bilaabi lahaayeen Deegaamada uu kasoo jeedo Madaxweyne Biixi, gudidaasi oo uu ka mid ahaa Ganacsade Maxamud Qaalib Cali oo kasoo jeeda Beesha Sacad Muuse iyo Ganacsade Muuse Dalab oo isna kasoo jeeda Beesha Ciise Muuse, waxa uu odayaashan ka dhigtay Musdambeedka Ololihiisa mar kale isagoo u diray sidii ay u soo qiimayn lahaayeen aragtida deegaankiisa ee ku saabsan inuu Mar kale isasoo sharaxo. Wararka Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in odayaashaasi ay waji gabax kala kulmeen kulamo ay la qaateen waxgarad kala duwan oo deegaamadan kasoo jeeda kadib markii ay u bandhigeen fariinta iyo hawsha ay wadaan, waxaannu dhaq dhaqaaqaasi socday muddo laba todobaad ah kaasi oo aan illaa hadda la ogayn halka uu ku dambeeyay, balse waxa la aaminsan yahay inay ka niyad jabeen qorshahaasi, lamana oga inay Madaxweynaha ku war celiyeen iyo in kale. Waxay u muuqataa inuu Madaxweyne Biixi waji gabax kala kulmayo xiita deegamada uu kasoo jeedo hadii uu mar kale isasoo sharaxo, iyadoo uu ku hawlan yahay inuu Doorashada Madaxtinimada wakhtigeeda ku qabto. Sikasta ha noqotee, waxa dhinaca kale socda abaabul xoogan oo siyaasiyiinta iyo Waxgaradka deegaamadiisa kasoo jeedaa ay wadaan taasi oo ay gorgortan siyaasi ah kula jiraan Xisbiyada Mucaaridka. Source
  20. (SLT-Laascaanood)-Agaasimaha Cisbitaalka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool Marwo Faahiima Jaamac ayaa daaha ka fayday dhacdo musuq maasuq oo in badan ay sheegtay inay qarinaysay taasi oo si gaar ah loo lunsado lacagta kabka ah ee Cisbitaalka Weyn ee Dawladda magaalada Laascaanood. Marwadan ayaa muuqaal cod ah oo laga duubay uga warbixisay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Xergeeye oo booqday, taasi oo ay u sheegtay in Cisbitaalka Laascaanood aanu soo gaadhin lacagta kabka ah islamarkaana cid gaar ahi jeedka ku shubato iyadoo farta ku fiiqday isuduwaha Wasaaradda ee Gobolkaasi oo ay sheegtay inuu ku lug leeyahay, waxay Shaacisay in Cisbitaalkaasi qarka u saaran yahay inuu xidhmo islamarkaana aanu sii jiri Karin haddii wax laga qaban waayo musuq maasuqaasi. Codka Marwada ayaa waxa ka mid ahaa “Waxay Soomaalidu ku maah maahdaa, haddii ay Fooli timaado, Gudo Qarsiin majirto, waxaan in badan qarinayay ayaan maanta qarin waayay, marka hore waxaan su’aal waydiisanayaa Isku duwayaasha iyo agaasimayaasha Goboladda, bal sida kabka Cisbitaalka doorka ay ku kala leeyihiin, kaasi waa haddii la iiga jawaabay”. Waxa kale oo ay tidhi “Kalabaad, anigu waxaan ahay Agaasimaha Cisbitaalka Laascaanood, kabka Cisbitaalka Dhib badan ayaan ku qabaa, Cisbitaalkuna la’aantii ma shaqaynayo, sidaas awgeed waxa jira meheraddo aan kasoo qaado kolba waxa loo baahan yahay, marka Quarter-ku dhamaadana waan bixinaa, waxaan waayay kabkii aan ku bixin lahaa, aniga oo agaasime ah saxeex kuma lihi, Admin finance-yadayuna saxeex kuma laha, wakhtiga uu yimaadana ma ogaano, sidaa awgeed waxaan aadaa Maaliyadda iyo bankiga halkaasi ayaan waraysi u tagaa, waana dhibta i haysata iyo caqabada i haysata”. Ugu dambayn waxa ay soo jeedisay “Sidaas awgeed, sanadkan waxa soo dhacay laba Quarter, hal kuwaatar ayaa helay, Quatarkii labaad 25-kii June ayaa lala baxay, markaan isu duwaha u tagayna, ee aan ku idhi , isuduwe lacagtii ayaan doonayaana waxa uu igu yidhi, xafiiska iiga bax, agaasime hawshaas haddaanad wax ka qaban, Cisbitaalkani ma shaqayn karayo, anakana dhib ayaa na haysata”. Dhawaan ayuunbay hayd markii la shaaciyay in Mashiinkii Oxygine-ta Ceerigaabo la xaday islamarkaana laga iibiyay Maamulka Puntland, taasi oo uu Markii dambe qiray jiritaanka Warkaasi Wasiirkii dhawaan laga badelay Wasaaradda Mr Cumar. Dhacdooyinkan ayaa muujinaya heerka uu musuq maasuqo ka marayo Hay’addaha dawladda iyo sida loogu talax tagay hantida dawladda iyadoo aanay wax dabagal ahi ka dhex jirin Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hore ugu ololayn jiray inuu musuqa dabar jarayo Source