-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa shaaciyay in ay wel-wel aad u weyn ka qabaan dib u dhaca doorashada iyo sidoo tafaraaruqa siyaasadeed ee ka jira dalka, waxaana sidoo kale ay carrabka ku dhufteen in dalku uu marayo xaalad hubanti la’aan ah oo dhanka doorashooyinka ah. Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in Goluhu uu ka xun yahay in jadwalkii doorashada ee horay la isugu raacay ay Seddex jeer dib uga dhacday dhammaan waqtiyadii loo asteeyay. Qoraalka Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay niyad jab iyo walaac ku abuurtay hubanti la’aanta dhanka doorashooyinka, waxaana yaraaday maalgashiyadii caalamiga ahaa ee dalka. Midowga Musharaxiinta ayaa hoosta ka xarriiqay in Golaha Wadatashiga Qaran uu qaadayo mas’uuliyadda dib u dhaca doorashooyinka dalka, iyagoo sida qoraalka lagu shegay ay yaraadeen maalgashigii ganacsi, heshiisyadii caalamiga ahaa, kaalmooyinkii dhaqaale, dayn cafinta, iyo mataaladdii Soomaaliya ee fagaarashayaasha caalamiga ah, taasi oo eedeynteeda ay dusha u saareen Golaha Wadatashiga Qaran. PUNTLAND POST The post Miwoga Musharrixiinta oo war ka soo saaray dib u dhaca doorashooyinka dalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhinaca deegaanka Gubadley ayaa sheegaya in goordhow dagaal u dhexeeyo ciidamo ka wada tirsan milatariga dowladda Soomaaliya uu ka qarxay halkaasi Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo ciidamada Korneyl Saney Cabdulle iyo kuwa kale oo taabacsan Cismaan Xaadoole oo isna ka mid ah saraakiisha milatariga Soomaaliya, kana howl-gali jiray gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu hadda ka socdo halka loo yaqaano Xaawo Casir iyo Suuqii hore xoolaha ee Xirgadheere, iyada oo haatan la soo warinayo in dagaalka uu usii durgayo dhinaca deegaanka Gubadley oo fariisin ciidan u ah Saneyl Cabdulle oo dhowaan loo xil-saaray amniga waddada dheer marta dhinaca xeebta. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dagaalka uu yahay mid la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale ma cadda waxa ay isku hayaan ciidamada dagaalamaya, balse waxaa muddooyinkii dambe taagnaa khilaaf culus oo u dhexeeyey Kornleyl Saney & Xaadoole. Dhinaca kale dadka deegaanka ee ku nool Gubadley iyo agagaarkeeda ayaa waxa soo food saartay cabsi xoogan, maadaama dagaalka uu sii xoogeysanyo marba marka ka dambeysa. Faafh faahinta kala soco: Caasimada.net The post DEG DEG: Dagaal culus oo ka socda duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in lagu guuleystay xalinta tabashada ciidankii daraawiishta ee dhowaan gadoodka ka sameeyey koonfurta Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Falagle ayaa sheegay in ciidamadaas ay ugu dambeyn dib ugu laabteen saldhigyadooda, kadib wada-hadal dheer oo lala galay saraakiisha hoggaamineysay, lana qanciyey. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay baneeyeen Kastamka Canshuuraha ee magaalada Gaalkacyo oo ay maalmo ka hor qabsadeen ciidamadaasi, wuxuuna ballan qaaday inay sidoo kale heli doonaan mushaaraadka ka maqan ee keenay inay gadoodka sameeyaan. Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay bulshada Galmudug inay is dajiyaan, wuxuuna ka digay in looga sii daro xaaladda maamulkaas oo culeys wajahaya. Arrintan ayaa qaboojineysa xaaladdii cakirneyd ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ka taagneyd Gaalkacyo, tan iyo markii ay ciidamadu la wareegeen Kastamka Canshuuraha oo ay heysteen saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, iyaga oo ka saaray Booliiskii heystay. Xilliga ay gadoodka sameeyeen ciidamadan ayaa ku soo aaday, markii uu iscasilay wasiirkii amniga ee Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan,waxayna dadka qaar ay shaki weyn ka muujiyeen waxa isku soo aadiyey iscasilaada iyo gadoodka. Si kastaba, Galmudug ayaa lugaha la hashay xiisad horleh, kadib markii Ahlu Sunna ay dib usoo rogaal celisay, isla-markaana ay qabsatay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. The post Maxaa lagu qanciyey ciidmadii gadooddka ku qabsaday Kastamka Gaalkacyo? appeared first on Caasimada Online.
-
Xoogagga Ahlusunna ayaa saaka isaga baxay degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan halkaas oo kamid ahayd magaalooyinka ay qabsadeen. Goob-joogayaal ayaa sheegay in Ciidamada Ahlusunna oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ay saaka isaga baxeen magaalada Matabaan ee Gobolkaas Hiiraan. Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Ahlusunna hadda ku sugan yihiin Tuulada Lebi-Hiiraan oo ku taalla xadka labada Gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud. Weli faahfaahin lagama helin sababta keentay in Ciidamada Ahlusunna ka baxaan degmada Matabaan xilli ay dhinaca Guriceel ka jirto xiisad u dhexaysa Galmudug iyo Ahlusunna. PUNTLAND POST The post Ciidamada Ahlusunna oo ka baxay degmada Matabaan appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug, oo ka gadoodsan mushahar la’aan, ayaa lagu qanciyay in ay ka baxaan kastamka Canshuuraha koonfurta Gaalkacyo. Ciidamadan ayaa mudda saddex maalmood ah haystay Kastamka Canshuuraha koonfurta Gaalkacyo, kadib markii ay halkaas ka saareen ciidankii Booliiska. Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sida wararku sheegayaan ku guulaystay in ay ciidamada ka qaadaan Kastamka Canshuuraha, islamarkaana dib ugu celiyaan saldhigyadoodii hore. Mas’uuliyiinta ayaa ciidamada u sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo xallinayo tabashada dhanka mushahaarka iydoo sidaas lagu qanciyay. PUNTLAND POST The post Ciidamo xoog ku haystay Kastamka Canshuuraha koonfurta Gaalkacyo oo dib saldhigyadoodii loogu celiyay appeared first on Puntland Post.
-
Baraawe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta ciidamo Boolis ah geeyey gudaha magaalooyinka Baraawe iyo Dhuusamareeb oo xarumo u ah dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Galmudug, Soomaaliya. Ujeedka ciidamadan ayaa ah sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen amniga doorashooyinka ka dhacayaa magaalooyinkaasi. Baraawe iyo Dhuusamareeb ayaa qorshuhu yahay inay ka billowdaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka, iyada oo ay ka socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay. Booliska AMISOM ayaa si gaar ah loogu wareejin doonaa xarumaha doorashooyinka, si loo adkeeyo ammaanka inta ay socota doorashada xildhibaanada baarlamaanka 11-aad. Gen. Augustine Magnus Kailie oo ah taliyaha Booliiska AMISOM ayaa qorshahaan ku tilmaamay mid lagu xaqiijinayo xasiloonida meelaha loo qorsheeyey doorashooyinka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tababar dheeraad ah la siiyey ciidamadan, si ay gacan uga geystaan amniga doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka. Ciidamadan maanta la geeyey Baraawe ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay ka socotay doorashada golaha deegaanka ee degmadaasi, taas oo walaac laga muujiyey maadaama la bilaabayo doorashada aqalka hoose. Si kastaba, heshiiska doorashooyinka ee lagu gaaray Muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ahaa in ciidamada Booliska AMISOM ay qeyb ka noqdaan ilaalinta doorashooyinka dalka ee 2021ka. The post AMISOM oo ciidamo boolis ah geysay labo magaallo oo dalka ka mid ah + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisulwasaarada xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan dhanka fogaan aragga ah la yeeshay guddiga kiiska dacwadda Badda Soomaaliya. Wafdiga guddigaan oo uu hogaaminayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku sugan dalka Holland oo lagu wado in ICJ ay beri ku dhawaaqdo go’aanka kiiska badda. Ra’iiusl wasaaraha ayaa ku dhiirageliyay guddiga dadaalka ay ugu bixinayaan in ay soo dhiciyaan baddeenna ay muranka gelisay Kenya. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed xuseen Rooble ayaa kulan dhiirrigelin ah habka fogaan aragga kula yeeshay wefdiga DFS ee ka qeyb galaya ku dhawaaqista go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee dacwadda badda,isagoo guul u rajeeyay Ummadda Soomaaliyeed”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Ra’iisulwasaarada xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland ayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayay Amniga doorashooyinka dawladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho kuwaas oo dhawaan qabsoomaya. Shirka waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Gudiga Kumeel Gaarka ah ee Doorashooyinka (TPEC) iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland. Sidoo kale shirka waxaa qeyb ka ahaa saraakiil sare oo amni oo ay ka mid yihiin Lataliyaha Amniga Madaxweynaha, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland, Agaasimaha Waaxda Amniga, Hay’adda Sirdoonka Puntland iyo saraakiil kale oo amni. Shirka ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo go’aamo lagu sugayo amni doorashooyinka Dawladdaha Hoose ee soo foodaleh. PUNTLAND POST The post Shirka Amniga doorashooyinka dowladaha hoose oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo wareegto cusub soo saaray ayaa xilal ka qaadis ku sameeyey agaasimeyaal ka tirsan wasaaradaha maamulkaas, isaga oo sidoo kale magacaabay kuwa cusub oo kumeel gaar ah. Wareegto ka soo baxday xafiiska Cali Guudlaawe ayaa waxaa xilalkii looga qaaday agaasimeyaasha wasaaradaha amniga iyo qorsheynta ee maamulkaasi, kadib soo jeedin ka timid wasiirada labadaasi wasaaradood. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in xilka Agaasimihii Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Xiriirka Caalamiga Dowlad goboleedka Hirshabeelle loo magaabay Maxamed Muxumad Cabdulle, waxaana xilkaas horay u hayey oo laga qaaday Cabdulahi Maxamed Xasan. Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdi Raage oo ahaa agaasimihii wasaaradda Amniga ayaa shaqada laga eryey, waxaana xilkaas loo Magacaabay Mukhtaar Maxamed Cabdulle. “Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Wasaarada Amniga Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Raage waxa uuna xilkaas u Magacaabay Mudane Mukhtaar Maxamed Cabdulle” ayaa lagu yiri wareegtada Cali Guudlaawe ayaa faray in lala shaqeeyo mas’uuliyiinta cusub oo uu amray inay si deg deg ah ula wareegaan xilalkooda. Shalay ayey aheyd markii uu madaxweynaha HirShabelle oo xilal ka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii hay’adda qaxootiga maamulkaas iyo sidoo kale guddoomiyihii maxkamadda gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo u magacaabay mas’uuliyiin kale. The post Guudlaawe oo xilal ka qaadis & magacaabis sameeyey appeared first on Caasimada Online.
-
As the audience filed into the Great Hall Friday evening, the scene was reminiscent of a high fashion show. A sea of black ties, floor-length gowns and multi-colored hijabs filled the room — even a hot-pink bedazzled cowboy hat made its way through the crowd. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa goordhoweyd soo saartay amar si toos ah ugu socda dadka degan dhulka war-laliska Radio Muqdisho, kuwaasi oo muddo deganaa dhulkaas. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in dadka degan dhulkaas oo ku yaala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ay si dhaqso ah uga guuran. “Maamulka gobolka Banaadir iyo degmada Dayniile iyo taliska qaybta guud ee Booliska ayey wasaaradda ka codsatay in doorkooda ay ka qaataan sidii loo baneyn lahaa dhulka war-laliska Radiomuqdisho ee degmada Dayniile oo baahi degdeg ah u qabto wasaaradda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka laguma xusin waqti cayiman oo la siiyey dadkaas si ay uga guuraan dhulkaas, marka laga imaado in si dhaqso ah u faarujiyaan. Lama oga sababta rasmiga ah ee xiligan keentay in dhulkaas ay dalbato Wasaaradda, kaasi oo ku yaala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. The post DF oo amar kasoo saartay dhul dowladeed oo Muqdisho ku yaal oo la degan yahay appeared first on Caasimada Online.
-
Ninkii ugu halista badnaa Adduunka Dr Abdul Qadeer Khan xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla Islamabad 2009 11-kii bishii December sanadkii 2003, koox ka socotay sirdoonka Mareykanka, CIA-da iyo kuwa Britain MI6 ayaa doonayay inay raacaan diyaarad aanan wax astaan ah laheyn oo ku wajahneyd Libya xilliggaas oo saraakiishan loo dhiibay darsan nus ahaa oo ay ku jiraan bashqado. Kooxda waxay qarka u saarnaayeen inay soo afjaraan howlgal qarsoodi ahaa oo ku saabsanaa wadahadallo lala yeelanayay saraakiisha Libya, markii ay fureen bashqadaha xilliggii ay diyaaradda raaceen waxay ogaadeen in la siiyay caddeymihii kama dambeysta ahaa ay u baahnaayeen: waxaana gudaha bashqadaha lagu arkay naqshadda hubka nukliyeerka. Naqshaddaas- waxaa ka muuqday waxyaabo qeexayo barnaamijka nukliyeerka- oo uu soo dhiibayay ninka maanta geeriyooday Dr Abdul Qadeer Khan. Khan wuxuu kamid ahaa dadkii ay ku daba jireen laamaha amniga adduunka nus qarnigii ugu dambeeyay, sheekadiisa waxay u udub dhexaad u aheyd teknooloojiyadda ugu halista badan adduunka oo ay ku loolamayaan dalalka heysta iyo kuwa aanan heysan. Agaasimihii hore ee CIA-da Mareykanka George Tenet ayaa Khan ku tilmaamay in ‘uu yahay nin halis ah oo ugu yaraan lamid ah Osama Bin Laden’ Sirdoonada reer galbeedka waxay Abdul Qadeer Khan ku timaameen in uu ahaa ninkii ugu halista badnaa adduunka balse dalkiisa hooyo ee Pakistan waxaa looga yaqaanaa halyeey, waxyaabaha ku gadamaan arrintani kama turjumeyso oo kaliya ah dhibaatada ninkan balse waa mid qeexeysa sida dunida ay u aragto hubka nukliyeerka. Abdul Qadeer Khan uma uusan imaanin Yurub in uu noqdo sirdoon dhanka nukliyeerka balse wuu kamid noqon lahaa, wuxuu ka shaqeynayay dalka Netherlands sanadihii 1970s xilli dalkiisa Pakistan uu bilaabay tallaabooyin uu ku cusbooneysiinayo hubka xilli looga adkaaday dagaalkii 1971 iyaga oo cabsi ka qabay horumarada Hindiya ay gaareysay hubka nukliyeerka. Khan wuxuu la shaqeynayay shirkad laga leeyahay Yurub oo ku howlaneyd horumarinta Uranium-ka, Uranium-ka waxaa loo adeegsadaa quwadda nukliyeerka ama sameynta hubka. Khan wuxuu fikrad ka qaatay qaabka iyo naqshadda lagu horumariyay maaddada Uranium-ka, wuxuu dib ugu soo laabtay dalkiisa, wuxuu sameeyay shabakad qarsoodi ah oo ay ku jiraan ganacsato reer Yurub ah kuwaas u keeni kara qalabka iyo maaddooyinka uu baahan yahay ee muhiimka ah. Waxaa inta badan loogu yeeri jiray. “Aabihii nukliyeerka” Pakistan, wuxuu kamid ahaa dadkii u udub dhexaadka u ahaa nukliyeerka Pakistan, waxaa lagu tilmaamay ‘halyeey qaran’ oo Pakistan ka badbaadiyay halistii uga imaaneysay dhinaca Hindiya. Wuxuu ku guuleystay in shabakaddii qarsoodiga aheyd inay ku howlanaato dhoofinta iyo soo dhoofinta agabyadii, waxay heshiis la gashay waddamo dhowr ah kuwaas oo intooda badan ay reer galbeedka ku tilmaameen ‘dalal aanan damiir laheyn’ Xarunta nukliyeerka Iran ee Natanz, halkaas oo sanadihii lasoo dhaafay uu caalamka isha ku hayay, ayaa waxaa la raacay markii la sameynayay naqshadda iyadoo la adeegsaday agab uu u keenay Abdul Qadeer Khan. xitaa waxaa jirtay mar koox mataleysay Khan ay la kulmeen saraakiil Iraaniyiin ah oo usoo bandhigay inay ka iibsadaan agab iyo naqshad ku saabsan sameynta nukliyeerka. Khan wuxuu dhowr safarro ku tegay Kuuriyada Waqooyi halkaas la rumeysan yahay in uu ku biiriyay talo ku saabsan teknooloojiyadda nukliyeerka gaar ahaan gantaallada. Markii uu galayay heshiisyadan, arrimaha aanan warka laga heynin waxaa kamid ah in kaligii uu ahaa ama uu fulinayay amaradda dowladda gaar ahaan marka la fiiriyo heshiiska uu la galay Kuuriyada Waqooyi, dhammaan astaamaha waxay sheegayaan in dowladda aysan ka war heynin basle ay si dhaw ugu lug laheyd. Mararka qaar waxaa la sheegay in Khan uu ahaa qof dhaqaale doon ah, nin sahlan ma aheyn, wuxuu si dhaw ula shaqeynayay hoggaanka dalkiisa, wuxuu doonayay in uu meesha ka saaro arrinta ku aadan waddamadii reer galbeedka inay xirteen howlaha hubka nukliyeerka. Wuxuu is weydiyay su’aasha ah, maxaa dalalka qaar loogu ogolaanayaa hubkan si amnigeedu ay u xoojiyaan halka dalalka kalena loogu diiday? wuxuu u arkay munaafiqadda reer galbeedka, wuxuu dhihi jiray, “aniga qof waalan ma ihi, aniga ima jeclo ,waxay i jeedinayaan eedeymo aan sal iyo raad toona laheyn sababta oo ah waxaan carqalad ku noqday qorshahooda” Ciidamo siday meydka seynisyahanka xilliggii la aasayay Sirdoonada Britain iyo Mareykanka ayaa bilaabay inay dabagalaan Khan, waxay dusha kala socon jireen safarradiisa, waxay la socon jireen wicitaanadiisa, waxay dabbin u dhigeen shabakaddiisa qarsoodiga aheyd xitaa waxay malaayiin doolar u ballan qaadeen kooxdiisa si ay u helaan xubno u noqdo wakiilo isla markaana sirta usoo gudbiya. “Waxaan ku suganahay gurigiisa gaar ahaan qolkiisa” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha CIA-da, kadib weerarkii 11-kii September 2001 lagu qaaday Mareykanka waxaa jirtay cabsi ah in kooxaha argagixisada ah in uu gacanta u galo hub khasaare badan dhalin kara, marka dowladda Pakistan waxay ka dhaadhiciyeen in tallaabo ay ka qaadaan Khan. Bishii March sanadkii 2003, Mareykanka iyo UK waxay Ciraaq ugu duuleen arrinta ku saabsan inay leedahay hub halis ah oo khasaare badan dhalin kara kaas oo markii dambe la ogaaday in aanay heysan. Khan waxaa la geliyay xabsi guri xitaa waxaa lagu khasbay in uu jeediyo khudbad uu ku qiranayo waxa uu sameeyay, Pakistan waxaa looga aqoonsan yahay halyeeyay qaran maadama uu ka caawiyay inay hesho hubka balse waxaa laga hor istaagay in uu safro ama wax xiriir ah uu la yeesho caalamka. Qaran News
-
Tehran (Caasimada Online) – Dagaal afka ah iyo dhoolatus milateri oo ay ku lug leeyihiin Azerbaijan, Turkey, Pakistan iyo Iran ayaa dhaliyey cabsi laga qabo inay sii kororto xiisadda ka taagan koonfurta Caucasus Xiisadda u dhaxaysa labada dal ee Muslimka ah ee Iran iyo Azerbaijan oo wadaaga xuduud 700-kilometer (430-mayl) ah, ayaa cirka isku sii shareeraysay toddobaadyadii lasoo dhaafay. Tehran ayaa dhoolatus ciidan oo ballaaran ka samaysay xadka ay la wadaagto dalka ay dariska yihiin bilowgii bishanOctober, toddobaadyo uun kadib markii Azerbaijan iyo xulafadeeda Turkiga iyo Pakistan ay dhoolatus milatari oo wada jir ah ku qabteen Baku. Dhoolatuska ayaa dhacay iyada oo ay Iran sheeganeyso in milatariga Israel la geeyay dhulka xuduuda ay la leedahay Azerbaijan. Dagaalkii sannadkii hore ka dhacay Nagorno-Karabakh, Azerbaijan ayaa goobta dagaalka ku soo daad-gureysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee “Kamikaze” ee Israel, halka Turkigu uu sidoo kale kaalmo hub iyo farsamo siiyay Azerbaijan, taas oo gacan ka geysatay guushii milateri ee dalku ka gaaray Armenia. Inkasta oo xiisadaha hadda ka dhexeeya Azerbaijan iyo Iran ay illaa hadda ku koobnaayeen dagaal afka ah iyo dhoolatus milateri oo ka socda xuduudahooda, haddana waxaa jira cabsi laga qabo in tani ay isu beddesho isku dhac dhan walba ah. Waqooyiga Iran, oo ah xuduudda koonfureed ee Azerbaijan, waxay martigelisaa dad badan oo Azeri ah, oo loo arko inay yihiin qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Iran, taasoo la micno ah in kororku dadkaas uu yeelan karo cawaaqib xun. Xiisadda labada dal ayaa waxay ka dhalatay arrimaha soo socda: 1 – Nagorno-Karabakh Dhibaatada inteeda badan ee u dhaxaysa Iran iyo Azerbaijan waxay salka ku haysaa dagaalkii Nagorno-Karabakh ee sanadkii hore dhex maray Azerbaijan iyo Armenia. Nagorno-Karabakh waa dhul buuraley ah oo lagu muransan yahay oo ay haysteen ciidamada Armenia ku dhawaad soddon sano kahor dagaalkii 2020. Sanadihii sagaashameeyadii, gobolku wuxuu sheegtay inuu ka go’ay Azerbaijan, laakiin weli ma uusan aqoonsi ka helin dal ka mid ah adduunka. Dadka gooni u goosadka ah ee Armenia oo ay taageerto xukuumadda Yerevan ayaa muddo dheer doonayay inay ka go’aan Azerbaijan oo ay ka mid noqdaan Armenia, inkasta oo ay ku guulaysan waayeen. Ka dib dagaalkii 44 maalmood socday ee sanadkii hore, kaas oo soo afjaray xabbad-joojin uu Ruushku dhex-dhexaadinayey, Azerbaijan waxay sheegtay inay dib ula wareegtay dhul badan oo ku yaal Nagorno-Karabakh iyo agagaarkeedii oo ay ku waayeen dagaalkii 1991-94 oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 30,000 oo qof. Iran, oo xuduud la leh labada dal, ayaa inta badan aamusnayd intii ay dagaalladu socdeen, laakiin waxay qiratay aakhirkii in gobolka lagu muransan yahay uu yahay dhulka Azerbaijan, inkasta oo dhaqan ahaan ay xulafo la ahaayeen Armenia. 2- Dhoolatus Militari 12-kii Sebtember, Azerbaijan waxay martigelisay dhoolatus milatari oo ay si wada jir ah u sameeyeen Turkiga iyo Pakistan taas oo u muuqatay in Tehran ay sii kicisay. Dhoolatuskaas oo loogu magac daray “Saddex Walaalo ah 2021” ayey Iran ku sheegtay inuu ahaa mid ka dhan ah qodobbada Heshiiska Xaaladda Sharciga ee Badda Caspian, kaas oo qeexaya in xoogagga hubaysan oo aan ka tirsanayn Azerbaijan, Iran, Kazakhstan, Federation of Russia iyo Turkmenistan laga mamnuucay joogitaanka Badda Caspian. 3- Amniga Ganacsiga Dhowr maalmood ka dib markii ay dhaceen dhoolatusyada, ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Azerbaijan ay xayiraad ku soo rogtay gawaarida Iran ee isticmaalaya waddo hore isku xiri jirtay Armenia iyo Iran – oo ay Azerbaijan qabsatay dagaalkii 2020 kadib. Iran ayaa hore u isticmaali jirtay waddadaas si ay u gaarto Ruushka iyo Galbeedka Aasiya iyada oo aan wax xannibaad ah lahayn. Xayiraadaha cusub waxaa ka mid ahaa isbaarooyinka iyo canshuurta waddooyinka ee laga qaado darawalada Iran, iyo xiritaanka laba darawal, taas oo sida muuqata ka hor imaanaysa qodobbada heshiiska xabbad-joojinta ee uu Ruushka garwadeenka ka ahaa ee ilaalinayey socodka xorta ah ee aagga. Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa arrintan ku soo qaaday wareysi uu dhowaan siiyay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu, isaga oo ku andacoonaya in gawaarida Iran ay “si sharci darro ah” ku soo galeen Karabakh tan iyo dagaalkii 2020. Wuxuu sheegay in ilaa 60 baabuur oo Iran ah ay soo galeen gobolka Karabakh ee Azerbaijan iyaga oo aan haysan wax ruqsad ah intii u dhexeysay 11 August iyo 11-ka September. “Kadib waxaan bilownay inaan xakameyno waddada dhex marta dhulka Azerbaijan, baabuurtii Iran ee mari jiray Karabakh ayaa istaagay,” ayuu yiri, isagoo raaciyay in laga rabo inay bixiyaan canshuurta marka ay soo galayaan dhulka Azerbaijan. 4- Joogitaanka ciidamada Israel ee Azerbaijan Israel oo ah cadowga gobolka ee Iran, ayaa ka mid ahaa taageerayaashii Azerbaijan ee dagaalkii Nagorno-Karabakh. Sidoo kale Israel ayaa ah wadanka labaad ee ugu badan ee hubka keena dalkaas marka laga reebo Ruushka. Sida laga soo xigtay Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm, Israel ayaa ahaa dalka ugu badan ee hubka siiya Azerbaijan dhowrkii sano ee la soo dhaafay, iyadoo lagu qiyaasay $ 825m oo hub lagu iibiyey intii u dhexeysay 2006 iyo 2019. 6-dii October, diblumaasi sare oo u dhashay Iran ayaa muujiyay “walaac daran” oo ku saabsan joogitaanka Israel ee la sheegay in ay ku sugan tahay Caucasus. “Dhab ahaantii uma dulqaadan doonno isbedelka juqraafiyeed iyo isbeddelka khariidadda ee Caucasus,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Hossein Amir-Abdollahian oo warbaahinta kula hadlay Moscow. “Waxaan welwel weyn ka qabnaa joogitaanka argagixisada iyo Sahyuuniyadda ee gobolkan,” ayuu sii raaciyey Si kastaba ha ahaatee, Azerbaijan ayaa beenisay sheegashada joogitaanka millatariga Israel ee meel u ku dhow xudduudda Iran waxayna ku tilmaamtay inay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn. The post Afar arrin oo xuddun u ah xiisadda labada dal ee Muslim-ka ah ee Iran iyo Azerbaijan appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Agaasimayashii wasaaradaha amniga gudaha iyo Wasaarada Qorsheynta, isagoo u magacaabay Agaasimayaal cusub . Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa xilka loogaga qaaday Agaasimihii Wasaarada Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiraxmaan Cabdi Raage waxa uuna xilkaas u magacaabay Mukhtaar Maxamed Cabdulle. Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Xiriirka Caalamiga Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cabdulahi Maxamed Xasan isagoo xilkaas u magacaabay Maxamed Muxumad Cabdulle. PUNTLAND POST The post Cali Guudlaawe oo shaqada ka eryay agaasimiyaashii wasaaradaha amniga iyo qorshaynta Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.
-
Shiinuhu ma weerari karaa Taiwan?+Xiisada ka dhex aloosan oo Cirka isku shareertay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping. Xiisadda ka dhex taagan Shiinaha iyo Taiwan ayaa mar kale meel adag gaartay, xilli xukuumadda Taipei ay ka walaacsan tahay daandaansiga uga imanaya dhanka Beijing. Hogaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa sheegay inay qasab tahay in dalkiisa uu dhamaystiro yoolka midnimada iyo soo celinta Taiwan. Wuxuu tilmaamay in yoolkaas ay doonayaan inay ku gaaraan si nabad ah, balse shacabka Shiinaha ay can ku yihiin diidmada “kala qeybinta”. Taiwan oo ka jawaabaysa hadalkaas ayaa sheegtay in mustaqbalka jasiiraddaas uu gacanta ugu jiro shacabkeeda. Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ayaa ku nuux nuuxsatay inay sii xoojin doonaan ciidamada dalkeeda, si aanay loogu digan jasiiraddaas. “Waxaan sii xoojin doonnaa amnigeena, si aanay u jirin cid nagu qasbi karta waxa ay doonayaan,” ayay sheegtay Tsai Ing-wen “Sababta aan tallaabadaas u qaadanay ayaa ah in qorshaha Shiinaha aanu ahayn mid madax bannaani ama dimuqraadiyad toona u wada shacabka 23-ka milyan ah ee Taiwan,” ayay hadalkeeda raacisay. Taiwan ayaa isu aragta dal ka madax bannaan Shiinaha, halka xukuumadda Beijing ay ku doodayso inay tahay gobol ka tirsan dalkeeda. Waxa ay ku kala go’een dagaalkii sokeeye ee Shiinaha ka dhacay 1940. Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen Inkastoo ay Taiwan leedahay dastuur, calan, madax la doortay iyo ciidan joogta ah, haddana dalal kooban oo caalamka ah ayaa u aqoonsan waddan madax bannaan. Shiinaha ayaa todobaadyadii dambe sare u qaaday cadaadiska milateri ee u uku hayo Taiwan, waxaana markii ugu horreysay hawada jasiiraddaas galay in ka badan 40 diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha oo ay kamid yihiin kuwa xambaara qumbuladaha nukliyeerka. Maxaa dhici kara? Khubarada ka faalloota ammaanka ayaa sheegaya in xiisadda u dhexaysa Shiinaha iyo Taiwan ay ka sii dari karto bilaha iyo sanadaha soo socda, ayna horseedi karto dagaal dhexmara labada dhinac. Qaar kale ayaa tilmaamaya in labada dhinacba aanay ku degdegin doonin dagaal toos ah, sababo dhaqaale iyo siyaasadeed awgood. Wargeyska the Bloomberg ayaa faallo uu ka qoray xiisadda ku sheegay in Shiinaha uu ka baaqsan karo dagaal toos ah, taa bedalkeedana uu hab dibloomaasi, dhaqaale iyo go’doomin isugu jirta u uku muquunin karo Taiwan. Khubarada qaar ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xi uu doonayo inuu soo bandhiggo awooddiisa oo uu shacabkiisa ku qanciyo inuu soo celin rabo dhul ka maqnaa muddo badan. Ian Easton, oo kamid ah agaasimayaasha mashruuca 2049 Institute, ayaa Bloomberg u sheegay inay u muuqato in xiisadda ay ka sii dari karto. “Waxaa suuragal ah in dagaal ka dhex qarxa Shiinaha iyo Taiwan uu caalamka ka dhigi karo mid khatar ah oo ay ku loolamaan dalalka awoodda badan. Shanta ilaa tobanka sano ee soo socda waxa ay noqon karaan kuwo halistooda wata,” ayuu yiri Easton. Awood ahaan, Shiinaha ayaa Taiwan kaga sarreeya dhinac kasta, balse waxaa jira dalal awood badan sida Maraykanka oo la safan xukuumadda Taipie. Muxuu yahay yoolka Shiinaha? Xi Jinping oo ka hadlayay sanad guuradii 110-aad ee ka soo wareegtay markii la afgembiyay boqortooyaddii u dambeysay Shiinaha, ayaa sheegay in la midoobidda Taiwan ay noqon doonto mid si nabad ah ku dhacda, ayna dan u tahay shacabka labada dhinac. “Hawsha taariikhiga ah ee lagu soo gebagabeynayo dib u mideynta dhulkeena ayaa u baahan in la dhamaystiro,” ayuu yiri Madaxweyne Xi. Khubarada ayaa rumaysan in xukuumadda Beijing ay dhinacyo badan ka beegsan karto Taiwan, gaar ahaan nidaamka dhaqaalaha iyo kaabayaasheeda. Sidoo kale maraakiibta Shiinaha ayaa go’doomin dhinaca badda ah ku sameyn kara Taiwan, taasoo dhalin karta in jasiiradda ay wajahdo cunno iyo shidaal la’aan. Waxaa se laga siman yahay aragtida ah in weerar toos ah oo uu Shiinaha ku qaado Taiwan ay ka dhalan karto musiibbo ballaaran, maadaama labada dhinacba ay si weyn u hubaysan yihiin. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa sugeysa natiijo wax ku ool ah oo ka timaado Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ) taasoo la filayo inay xaqiijiso in Soomaaliya ay leedahay xad badeedka lagu muransanaa waqtiga dheer. Dowladda Kenya ayaa ka baxday dacwaddii kala dhaxeysay Soomaaliya ee taalay Maxkamadda, iyadoo sheegtay inay maxkamadda hal dhinac u janjeerto iyo inaysan ixtiraami doonin wax walba oo go’aan ah oo kasoo baxa Maxkamadda. 12-ka bishaan 4-ta galabnimo xilliga geeska Africa ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo natiijada maxkamadda. Soomaaliya ayaa wafdi u dirtay kulanka maxkamadda halka Kenya ay u dhaqaaqday jiho ay kaga baxeyso heshiiska dalalkii saxiixay aqoonsiga maxkamadda cadaaladda Adduunka. Guul weyn ayaa ummadda Soomaaliyeed uso hoyaneysa asbuucaan. Hase yeeshee dood weyn ayaa ka taagan sida siyaasiyiinta Soomaalida uga farcelin lahaayeen guusha laga filayo Maxkamadda Cadaaladda Adduunka 12-ka bishaan. Waa munaasabad weyn, sidoo kalana waxay ku aadan tahay maalinta Calanka Soomaaliya. Madaxda Soomaalida muddo ayey isku ugaarsanyeen qadiyadaan oo si gaar ah loogu dhaawacay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu qaban qaabinayo xaflad weyn oo lagu soo dhaweenayo guusha Soomaaliya marka maxkamadda 12-ka bishaan sii deyso natiijada, isaga oo doonayo inuu uga faa’iideysto inuu sumcaddiisa sare ugu qaado. Waxaa la sheegay inuu Farmaajo rabo inuu damaashaadka noqdo mid loo dhan yahay oo xitaa mucaaradka kasoo qeyb galaan, laakiin waxaa jiro warar sheegaya in xubnaha mucaaradka isku khilaafeen inay ka qeyb galaan xafladda uu Farmaajo qaban qaabinayo. Midowga Musharaxiinta mucaaradka ayaa la xaqiijiyey inay iyaga go’aansadeen inay habeenka Talaadada ah ee 12-ka bishaan qabsadaan kulan gaar ah oo ay ugu dabaal dagayaan guusha Soomaaliya kasoo gaartay dacwadda Maxkamadda Cadaaladda Adduunka. Waxaa la aamisan yahay inay arrintaan ku fiicneyd in si qaranimo leh oo wada jir ah loogu farxo looguna dabaaldago. Fikirka madaxweyne Farmaajo ee ah inuu kulanka wadajir noqdo oo hal meel habeenkaas madaxda ku dabaaldagto ayaa u muuqda mid macno weyn oo wanaagsan ku fadhiya, laakiin ujeedka dhabta ah ee Farmaajo ayaa mucaaradku rumeysan yihiin inay tahay inuu guusha sheegto, inkasta oo dowladdiisa aysan aheyn midda furtay dacwadda Maadaama dalka uu xilli doorasho ku jiro waxaa musharixiinta qaar walaac ku heysa in hab maamulkaas xafladdaasi uu noqdo mid koox gooni ah u sahla inay sheegato guusha badda, oo haddii qof sheegan karo uu yahay madaxweyne Xasan Sheekh, oo kiiskan Maxkamada geeyey. Intii u taagnaa kiiska Badda, madaxda Soomaalida waxay ku guul-dareysteen inay si qaranimo leh oo siyaasadesneyn u wajahaan kiiskaan, waxaana badnaa is ugaarsigooda, haddana waxaa muuqata in mar kale lagu guul-dareysan doono in si wadajir ah loogu dabaaldago guusha oo halkaas habeen madaxda muujiyaan midnimo qaran. The post Xog: Mucaaradka oo diiday qorshe uu Farmaajo usoo jeediyey Talaadada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa soo saaray qoraal uu ugu jawaabayo wasiirkii is-casilay ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi, waxuuna qoraalka Mahad Salaad ku soo aadayaa, iyadoo Axmed Macalin Fiqi uu galabta qabtay shir jaraa’id, kaas oo uu ku weeraray siyaasiyiin uu ka mid yahay Mahad Salaad. Fiqi ayaa sheegay in dadkii shalay hor taagaanaa mudo kororsiga ay hadda Dhuusamareeb ka dheheen nidaamkii dowladda Galmudug ayaa lagu cayaarayaa, “Wax ka jira maleh , laguma cayaarayo nabad geliyada Galmudug ee faa’iidaa ugu jirta Ahlu-Sunna inay joogto, 10-kii maalmood oo ay joogeena waa laga dareemay deegaanka oo Al-Shabaab waa carareen,” ayuu yiri Fiqi. Waxa uu sheegay in dadkii shalay Farmaajo ka diiiday mudo kororsiga ay maanta u muuqdaan kuwo kala wareegay, oo dhahaya Ahlu-Sunna dagaal halagu qaado, “Soo u ekaa maayaan niman shalay diidanaa nidaamkii iyo madaxweynihii jiray? Laakiin shalay waan ku raacsanaa go’aankaas, balse kan kuma raacsani,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Sidoo kale Fiqi oo u muuqday inuu si gaar ah u weerarayo Mahad Salaad ayaa yiri, “Waxaan aragnaa musharax xil ku raba in dadka reer Gurceel la barakiciyo, aniga waan fahmi waayey kursiga Gurceel yaalla ee dadka loo weerarayo oo nin musharax ah inta meel soo istaago uu leeyahay dadkaas waa in la weeraro, janadii Al-Shabaab naga raadinayey ayuu noola mid yahay kursigaas, musharaxiinta waxaan leeyahay ka fiirsada fidnada socota qeyb haka noqanina.” Mahad Salaad oo u soo jawaabay Axmed Macalin Fiqi ayaa qeyb ka mid ah qoraalkiisa ku yiri, “Abtigey Fiqi waxaan leeyahay durbaanka aad tumeyso waan fahamsanahay Abtiyow ee Ilaahey haku soo nabad aruursho!.” Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad oo dhameystiran Abtigey Fiqi waxaan leeyahay! Waxa jiray nin oday ah oo mingiska ka tumi jiray deegaanada Galmudug, lana dhihi jiray Dalays oo Cayr ahaa. Waxa xarun u ahaan jirtay meel LACASO la yiraahdo oo Gadoon agteeda ah. Lacoso-na habeenka marka la gaaro nalal ayaa ka shidma, durbaan cid garaacaysa aan la aqoona waa ka yeeraa. Marka waxa la yiraahdaa jinka ayay hoy ama guri u tahay. Dalays meeshii ayuu ku shiiday marka wuxuu go’aansaday in uu ka guuro, farsamadiisana ku shaqaysto. Baanankana inuu u baxo ma rabo ee inuu Cayrka ka dhex qaraabto ayuu rabaa. Marka qolodii Cabsiiye ayuu inta ka soo tagay, ayuu soo dhex degay kuwa kale oo Ayaanle ah! Wuxuu rabaa marka inuu sheego in Jinkii soo guuray isagana soo raacay. Berrin ayuu inta xaarxaartay oo durbaankiisii la soo baxay ayuu ku dhuftay hees uu rabo dadka inuu ku hogga tusaaleeyo in jinigii soo guuray hadana safar ku marayo dhulka Ayaanluhu deganyahay. Marka wuxu yiri: Jinigu Lacasow ka yimid cabsiiyow labo ka dilay, hadana laanlow maraa lag iyo bariyow rabaa ayaanlowna lurahayaa! Abtigey Fiqi waxaan leeyahay durbaanka aad tumeyso waan fahamsanahay Abtiyow ee Ilaahey haku soo nabad aruursho! The post MAHAD SALAAD oo si xun ugu jawaabay AXMED FIQI appeared first on Caasimada Online.
-
Axmed Macallin Fiqi, wasiirkii hore ee amniga Galmudug ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor in uu abaabulayo dagaal ka dhan ah shacabka Guriceel. Fiqi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Qoorqoor diiday wadahadal laga galo Ahlusunna, isla markaana uu dowladda federaalka ka dalbaday ciidamo uusan u dalban jitin Al-shabaab. Axmed Fiqi ayaa taageero u muujiyay Ahlusunna, wuxuuna tilmaamay in mudadii yarayd ee ay ku sugnaayeen qaar kamid ah degaannada Galmudug ay nabad soo kor dhiyeen. Sidoo kale Fiqi ayaa eedeyn u jeediyay dowladda federaalka iyo siyaasiyiintii taageeray Galmdudug, wuxuuna sheegay in madaxda Ahlusunna aysan ka duwanayn Saadiq Joon iyo Xasan Sheekh oo Badbaado Qaran ku difaacaysay xaafado kamid ah Muqdisho. Ugu dambeyn Axmed Fiqi ayaa ugu baaqay shacabka Guriceel in ay difaacdaan Shiikhooda. Daawo Fiqi oo arrimahaas iyo kuwo kale ka hadlaya PUNTLAND POST The post Fiqi oo eedeyn u jeediyay Qoorqoor, taageerana u muujiyay Ahlusunna appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Caafimaadka Jubbaland, Cali Xaaji Nuur Cali ayaa ka warbixiyey shirar maalmihii u dambeeyay u socday Golaha isku magacaabay Aayo ka tashiga iyo dib u dhiska Jubbaland. Cali Xaaji ayaa sheegay in golaha uu xooga saarayo sidii loo heli lahaa maamul cusub oo loo wada dhan yahay, maadama uu ku doodayo in labadii sano ee sharciga aheyd u dhamaatay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. “Golaha waxa ku mideysan dhamaan aqoon-yahanka, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo dhamaan waxgaradka kasoo jeeda Jubbaland, waxaana la aas-aasay 2019-kii, una taagan yahay Jubbaland la wada leeyahay,” ayuu yiri Cali Xaaji. “Maamulka Jubbaland asalkiisaba kuma imaan rabitaanka dadka, qaabkii loogu qabtay doorashada Kismaayo waxay aheyd mid laga soo abaabulay Kenya oo dowlado shisheeye gadaal ka riixayeen, kumana shaqeeyo siyaasadda dadka deegaanka.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha uusan aqoonsaneyn maamulka Jubbaland ee hadda uu hogaamiyo Axmed Madoobe, islamarkaana ay dhisi doonaan maamul loo wada dhan yahay marka ay kulamadaas soo dhamaadaan, lana dhisi doono guddi ka shaqeeya, sida uu sheegay. “Maamul goboleed waxaa noqon kara labo gobol wixii ka badan. Gedo gacan kuma jirto oo waa cadeysteen warkooga in maamulka Axmed Madoobe u hogaansaneyn markii ay cadaalad ka waayeen, Jubbada Dhexe-na awal gacan kuma jirin, meesha kali ah ee Axmed Madoobe joogo waa Kismaayo, labo degmana ma noqon karto maamul.” Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday dowladda in doorashada la dadajiyo si Jubbaland loogu dhiso maamul loo dhan yahay, isagoona ka dalbaday shacabka reer Jubbaland inay qeyb ka noqdaan Golaha lagu dhisayo maamulkaas. The post Halkee marayaa dhismaha maamulka cusub ee Jubaland? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo goordhoweyd qabtay shir jaraa’id ayaa waxa uu si faah-faahsan ujeedka uu madaxweyne Axmed Qoor Qoor uu ka leeyahay dagaalka Ahlu-Sunna Waljamaaca. Fiqi ayaa ugu horeyntii sheegay in hogaanka Ahlu-Sunna ay diyaar u yihiin wada-hadal, islamarkaana ay la soo xiriireen, oo uu albaabka ka xirtay Qoor Qoor oo asagu raba in dagaal xoogan uu ku qaado. Waxa uu sheegay in sababta uu madaxweynaha Galmudug u qaatay wadada dagaalka ay tahay mid lagu doonayo inay colaad iyo dagaal Galmudug lagu abuuro, sidaasina doorashadii lagu qaban waayo oo muddo kororsi uga shaqeyso. “Wuu ka diiday (Qoor Qoor) wax wada-hadal ah in uu la galo (hogaanka Ahlu-Sunna), madaxdooda ayaa wada-hadalnay wuxuuna ii dhiibay furaha, waxay rabaan in si nabad-galyo ah ku noolaadan oo maamulka Guriceel dib loogu soo celiyo maamulka, laakiin meel uma socdaan” ayuu yiri. “Madaxweynaha waxa uu yiri nimankaas wax aan dagal aheyn oo anfacaya ma jirto wey nagu soo noolaanayaan oo nagu dhex korayaan oo kobcayaan, taasi waxay noqotay Galmudugtii badhaadheheeda aan ka shaqeynayay la yiraahdo madaxweynaheedii ayaa dadka barakicinaya.” Wuxuu ku eedeeyay Axmed Qoor Qoor inuu dagaalka A-Sshabaab ku fiirsaday dadka Galmudug, siiba Ahlu suna. “Waxaa isku dayey inaan ku qanciyey inuu ka baaqsado dagaal uu ku qaado Ahlu Suna, laakiin wuxuu ku adkeysay inuu la dirirro oo uu sheegay inay uga darran yihiin Alshabaab, kadibna isagoo ila tashan ayuu ku daabulay ciidamo gorgor iyo Haramcad isugu jira, iyadoo Farxaan Qaroole uu Dhuusamareeb u tegay inuu weerar ku qaado Ahlu Suna,” ayuu yiri Axmed Fiqi. Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in hogaanka Ahlu-Sunna uu xiligan diyaar u aheyn dagaal dhex-mara maamulka, hase yeeshe ay rabaan in la iska kaashado la dagaalanka argagixisada. Wuxuu sheegay inay Madaxweyne Qoor Qoor kula ballameen maamul fadhiid ah oo mar kasta daba taagan Villa Somalia, laakiin arrintaasi ay ka fuli weysay dhinaca Madaxweynaha, wuxuuna ku dooday inay waxqabad muuqda gaareen oo ay ka mid tahay dagaalka Al-Shabaab. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xilka uu iska casilay kadib markii soo jeedintiisa iyo in laga baaqdo dagaal uu iska dhago tiray madaxweynaha Galmudug, islamarkaana uu markasta ku taagan yahay wadada wada-hadalka. The post Daawo: FIQI oo shaaciyey ujeedka dhabta ah ee Qoor Qoor ka leeyahay dagaalka Ahlu-Sunna appeared first on Caasimada Online.
